Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,626
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Qatar Airways is set to start direct flights from Doha to Mogadishu in July to rejuvenate the already growing international carrier market in Somalia. Akbar Al Baker, the CEO of Qatar Airways has announced that the move will boost trade with Somalia and also caters for the demand of the route. He said six other destinations are upcoming in additions to its rapidly-growing global network, at the ITB Berlin, the world’s largest international travel and tourism trade show. At a press conference attended by nearly 200 members of the media, Mr. Al Baker revealed an array of forthcoming global destinations the airline will launch in 2019, including Lisbon, Portugal; Malta; Rabat, Morocco; Langkawi, Malaysia; Davao, Philippines; Izmir, Turkey; and Mogadishu, Somalia. “We are very pleased to reveal our new Economy Class experience here at ITB, proving that our commitment to providing the very finest experience extends to all of our passengers, not only those in Premium class. Our new Economy Class seat, with its redesigned recline system and additional leg room, will ensure that our passengers in Economy Class arrive at their destinations feeling rested and refreshed. We invite all visitors to ITB to visit our stand so that they can experience this unique product for themselves,” Al Baker said. “We are also tremendously excited to be adding seven new destinations to our rapidly expanding global route network later this year, and to be able to connect our passengers to anywhere in the world they wish to go.” The move comes a time when Ethiopian and Kenyan national carriers took same decision to restart directs to Somalia. After more than three decades, Ethiopian Airlines plane landed in Mogadishu last year. Somalia and Ethiopia halted all flights halted in the 1970s after the two countries engaged in a deadly war over a border dispute. Kenya Airways has also restarted its direct Nairobi – Mogadishu flights. The airlines postponed the launch of its direct flight earlier over clearance issue. View the full article
  2. Muqdisho (SMN)- Faahfaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax barqanimadii maanta ka dhacay bar koontarool oo ku talla agagaarka isgoyska Xaawa Taako. Goob joogayaal la hadlay Shabelle ayaa xaqiijiyay in qaraxa ay afar ruux ku geeriyoodeen tira intaasi ka badana uu dhaawac ka soo gaaray. Qaraxa ayaa ka dhacay meel dhowr talaabo u jirta bar koontarool oo ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya kau leeyihiin afaafka hore ee isgoyska xaawa taako ee magaalada Muqdisho. Al-shabab ayaa barahooda internet-ka ku sheegay in ay ka danbeeyeen weerarkaasi,isla markaana ay ku dileen askar ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya View the full article
  3. The government of Somalia and Ethiopia have launched a US $400m road project that will link Ethiopia’s border town of Togochale to Berbera Port in Somalia. Speaking during the launch ceremony, Somaliland’s President Muse Bihi Abdi said the road will provide access for landlocked Ethiopia to an additional seaport and significantly boost trade between the two countries. It is estimated Somaliland imports to Ethiopia is worth over the US $800m annually. The 72 kilometer-road is an ambitious and strategic road project that will also enable Somaliland to benefit greatly from the winds of change blowing across the Horn of Africa. The agreement calls for infrastructure investment to upgrade the existing Berbera Port and to build a new adjacent Container Port. It is projected to take 18 months to be complete. For his part, Mustafa Mohammed Omar, the regional deputy President of Ethiopia’s Somali Region said the Berbera-Togochale corridor was instrumental in facilitating import-export trade for Ethiopia’s growing economy. The road projects is being funded by the Abu Dhabi Fund for Development. The two countries had earlier in 2018 signed a joint venture agreement for the Berbera seaport while Dubai held 51% of shares. The Dubai Ports World launched the construction work of the Berbera port and signed a 30-year concession agreement to administer the port which is located on the southern coast of the Gulf of Aden. The expansion will lead to the capacity of the port increase by 50%. Meanwhile, Ethiopia has been playing a unique role in the realization of infrastructural driven economic integration and deploying peace enforcing missions in various hot spots of the continent. The country took a wise step to end hostilities and pursue an economic and political partnership that is heralding a new era of good neighborliness in the Horn of Africa and beyond. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa sheegay in wasaaradaha iyo hay’adaha federaaliga laga doonayo in ay ka shaqeysiiyaan barahooda internetka, isla markaana ay adeegsadaan emailo laga sameeyay xafiisyada ay maamulaan oo leh astaanta .gov.so ee u gaarka ah isticmaalka hay’addaha dowlada ee federaalka ah. Wasiir Cabdi Cashuur Xasan oo arrimahan ka hadlayay ayaa sheegay in Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ay ka caawineyso wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee federaaliga ah sidii ay u sameysan lahaayeen baro internet oo ay dadweynaha ugu soo bandhigaan howlaha dowladda iyo wacyigelinta. Isaga oo ka hadlayay arrimaha emailada, wuxuu wasiirku ku adkeeyay wasaaradaha iyo hay’adaha kale in ay adeegsadaan astaanta (.gov.so) si loo muujiyo muuqaalka iyo haybadda dawladnimo, looga hortago xiriirrada been-abuurka ah, isla markaana xafiisyada looga tago dhaxal, halkii mas’uulku cinwaankiisa gaarka ah kula tagi lahaa xiriirrada shaqo, taas oo dib-u-dhac u keeni karta howlaha xafiisyada. “Dhammaan wasiirrada, wasiiru-dawlayaasha, ku-xigeennada, agaasimeyaasha guud iyo agaasime waaxeedyada waxaa loo sameeyay emailo ku saleysan xafiisyadooda, sidaas darted waxaa laga codsanayaa inay hawlahooda u adeegsadaan emailadaas, oo aan la isticmaalin email gaar ah, cinwaannadaasna lagu wareejin doono cidda xafiiska ay ku wareejinayaan,” ayuu yiri wasiirku. Marka laga reebo isticmaalka, wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda waxaa laga doonayaa in cinwaannada loo isticmaalo warqadaha sumadeysan (letterheads), war saxaafadeedyada, boorarka xayeysiinta, ogeysiisyada warbaahinta, xayeysiinta shaqooyinka, kaarka business Card-ka, iyo dhammaan howlaha rasmiga ah ee dowladda in lagu isticmaalo emailada leh astaanta dawladda. Ra’iisul wasaaraha dalka, Md. Xasan Cali Kheyre, oo kulanka ka hadlay ayaa ku adkeeyay wasaaradaha in ay isticmaalaan cinwaannada dawladda, lana joojiyo isticmaalka kuwa gaarka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Qarax xooggan ayaa maanta waxa uu ka dhacay nawaaxiga Taallada Xaawa Taako ee magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan. Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa ku qarxay meel ku dhow Koontarool ay ciidamada dowladda ku baaraan gaadiidka oo halkaasi ku yaallay. Afar qof ayaa la xaqiijiyey in qaraxaasi ku dhinteen iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay sida ay Goobjoog u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah. Dadka waxyeellada soo gaartay ayaa u badan shacab halkaasi ku sugnaa, waxaana halka qaraxa uu ka dhacay ku yaallay maqaayado iyo sidoo kale goobo kale oo shacabka tagaan. Xaaladda guud hadda waa ay deggan tahay, waxaana dadkii dhaawacmay loo qaaday isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dambe noqday mid faraha kasii baxay, waxaana magaalada kusoo batay qaraxyada iyo dilalka qorsheysan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Magaalada Muqdisho waxaa goor dhawayd ka dhacay qarax Isiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyay wax yaabaha qarxa. Qaraxa [...] Source
  7. Wasiirka wasaarada arimaha gudaha iyo dimuqraadiyeenta Puntland ayaa degmada Burtinle waxa uu ka dhegax dhigay waddada laamiga ah ee dhexmarta magaalada Burtinle. Waddadn ayaa dhererkeeda [...] Source
  8. Dowladda Sacuudiga ayaa balan qaaday in magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ay ka hir galinyaso xarun caafimaad oo kalyaha lagu sifeeyo. Wafdigan ayaa xarunta madaxtooyada [...] Source
  9. A huge car bomb explosion has rocked the Somali capital, Mogadishu on Thursday, causing an unspecified number of casualties. A witness confirmed to Radio Shabelle that a vehicle packed with explosives was detonated at a security checkpoint located few meters away from the presidential palace. A source said the blast has resulted from an explosives-laden car parked outside the National Theatre, where Somali military protects the presidential palace. Ambulances and emergency responders rushed to the scene and taken the wounded victims to hospitals in the capital. No group has claimed credit for the explosion, but, the militant group al-Shabab has waged an insurgency for more than 10 years, targeting government and AU troops. Somali security officials are yet to comment on the incident which was the latest in a series of attacks in the seaside city, which houses the UN-backed Federal government. View the full article
  10. Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada dowladda federaalka Soomaaliya Cabdishashuur Xasan ayaa sheegay in wasaaradaha iyo hay’adaha federaaliga laga doonayo in ay ka shaqeysiiyaan barahooda internetka, isla markaana ay adeegsadaan emailo laga sameeyay xafiisyada ay maamulaan oo leh astaanta .gov.so ee u gaarka ah isticmaalka hay’addaha dowlada ee federaalka ah. Wasiir Cabdishashuur Xasan oo arrimahan ka hadlayay ayaa sheegay in Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ay ka caawineyso wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee federaaliga ah sidii ay u sameysan lahaayeen baro internet oo ay dadweynaha ugu soo bandhigaan howlaha dowladda iyo wacyigelinta. Isaga oo ka hadlayay arrimaha emailada, wuxuu wasiirku ku adkeeyay wasaaradaha iyo hay’adaha kale in ay adeegsadaan astaanta (.gov.so) si loo muujiyo muuqaalka iyo haybadda dawladnimo, looga hortago xiriirrada been-abuurka ah, isla markaana xafiisyada looga tago dhaxal, halkii mas’uulku cinwaankiisa gaarka ah kula tagi lahaa xiriirrada shaqo, taas oo dib-u-dhac u keeni karta howlaha xafiisyada. “Dhammaan wasiirrada, wasiiru-dawlayaasha, ku-xigeennada, agaasimeyaasha guud iyo agaasime waaxeedyada waxaa loo sameeyay emailo ku saleysan xafiisyadooda, sidaas darted waxaa laga codsanayaa inay hawlahooda u adeegsadaan emailadaas, oo aan la isticmaalin email gaar ah, cinwaannadaasna lagu wareejin doono cidda xafiiska ay ku wareejinayaan,” ayuu yiri wasiirku. “Marka laga reebo isticmaalka, wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda waxaa laga doonayaa in cinwaannada loo isticmaalo warqadaha sumadeysan (letterheads), war saxaafadeedyada, boorarka xayeysiinta, ogeysiisyada warbaahinta, xayeysiinta shaqooyinka, kaarka business Card-ka, iyo dhammaan howlaha rasmiga ah ee dowladda in lagu isticmaalo emailada leh astaanta dawladda” ayaa sidoo kale lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada . Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ku adkeeyay wasaaradaha in ay isticmaalaan cinwaannada dawladda, lana joojiyo isticmaalka kuwa gaarka ah. PUNTLAND POST The post Wasaaradaha iyo hay’adaha federaaliga ah oo amar la faray appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdish (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa ka hadlay qarax ka dhacay agagaarka Tiyaatarka qaraxa ee magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Qoraal kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa iyaga ay ka dambeeyeen islamarkaana ay la eegteen goob ciidamada amaanka ay ku baaraan gaadiidka aada wadada dhanka madaxtooyada Soomaaliya. Al Shabaab ayaa sheegay in qaraxaasi ay la eegteen goobta ciidamada ay joogeen islamarkaana ay dileen askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya. Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana jugtiisa ay aheyd mid xoogan oo laga maqlay xaafadaha magaalada Muqdisho. Ku dhawaad 5 ruux ayaa lagu waramayaa inay ku dhinteen qaraxa ka dhacay agagaarka tiyaatarka qaranka, balse Al Shabaab ayaa sheegay in ku dhawaad 10 kamid ah ciidamada dowladda ay ku dileen. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya oo looga hadlayo khasaaraha ka dhashay qaraxa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay agagaarka Tiyaatarka qaranka, kaasi oo laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho. Waxaa jirto cabsi kale oo laga qabo in goobta qarax kale uu ka dhacay, maadaama sida la sheegay in gaari laga shakisan uu yaalo goobta qaraxa koowaad uu ka dhacay. Lama hayo ilaa iyo hadda Khasaaraha ka dhashay qaraxa, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in lala eegtay gaadiid ku dhawaa agagaarka Maqaayadda Dalsan oo ku dhow goob ciidamada ay gaadiidka aada madaxtooyada ku baaraan. 22 December sanadkii 2018 ayay aheyd markii isla goobtaasi uu ka dhacay qarax xoogan oo sababay dhimashada dad badan oo ay ku jireen Shaqaale ka tirsan TV-Ga Universal, waxaana kamid ahaa Alle Ha u naxariistee Cawil Daahir Salaad. Waxyeelada ugu badan ayaa qaraxa maanta wuxuu u geystay dad ku sugnaa maqaayadda Dalsan iyo agagaarkeeda. Ku dhawaad Shan ruux ayaa lagu waramayaa inay ku dhinteen qaraxa ka dhacay maanta agagaarka diyaatarka Qaranka, waxaana jiro dhaawac intaasi ka badan. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (SMN)- Sida ay ku soo waramayaan goob joogayaal waxaa qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu ka dhacay inta u dhexeysa isgoyada xaawa taako iyo daljirka dahsoon. Qaar kamid ah wariyayaasha Shabelle oo ku sugan agagaagrka uu qaraxa ka dhacay ayaa soo sheegaya in qaraxa ay ka dhasheen qasaarooyin u badan dhaawacyo,islamarkaana uu saameeyay goobo maqaaxiyo ah oo u dhaw meesha ay wax ka dheceen. Qaraxa ayaa ka dhacay meel dhowr talaabo u jirta bar koontarool oo ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya kau leeyihiin afaafka hore ee isgoyska xaawa taako ee magaalada Muqdisho. Ciidamada ayaa xiraya dhamaan wadooyinka soo gala halka ay wax ka dhaceen,iyagoo baaritaano xoogan ka wada halkaasi. Gaadiidka gargaarka degdega ee ambalaasta ayaa lagu arkayaa meesha ay wax ka dhaceen,iyagoo soo daad gureenaya dhaawacyada ka dhashay qaraxaasi. Wariyayaasha ayaan loo ogoleen in ay tagaan barta uu qaraxa ka dhacay Wixii ku soo kordha halkan Radioshabelle.com kala soco. View the full article
  14. Aqoonyahan Maxamed Maxamuud Caalim oo u warammay Goobjoog, wuxuu sheegay in madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya uu ku fududaaday safarkii uu ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Waxa uu sheegay in safarkaasi uu caalamka u muujiyey in Kenya ay gar lahayd oo Soomaaliya ka qaldaneed maadaama madaxweyna dalka uu Kenya u tagay. Caalim ayaa sidoo kale sheegay in suurtagal tahay waxa laga wadahadlay iney ku jiraan arrinta dacwadda badda ee Labada dal u dhaxeysa. Sidoo kale, Caalim ayaa sheegay in loo baahnaa madaxweynaha inuu la tashi sameeyo oo aanu qaadan go’aan isaga u gaar ah, heshiiskii uu la gaaray Uhuru Kenyatta laga yaabo inuu wax ka bedalo dacwaddii dhanka badda. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/WAREEYSI-AQOONYAHAN-CAALIM-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Qarax aad u xooggan ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay nawaaxiga Xaawo Taako ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ahaa gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa. Dhawaqa qaraxan ayaa waxaa laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kale halkaasi laga maqlayo rasaas la sheegay in ay ridayaan ciidanka DFS. Qaraxa halka uu ka dhacay waxaa gaaray gaadiidka gurmadka degdegga ah si ay usoo qaadaan haddii ay jiraan dad waxyeello kasoo gaartay. Lama oga illaa iyo haatan khasaaraha rasmiaga ah ee qaraxan ka dhashay, waxaana adag in hadda warbixin laga helo goobta ay wax ka dhaceen. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Kooxda horyaalka xafidanaysa horyaalka Somalia Premier League ee Dekedda ayaa kulankii afaraad horyaalka wajahaysa dhigeeda Elman oo oalahan soo bandhigtay qaab ciyaareedkii lagu yaqaanay. -Dekedda ciyaartii u dambeesay horyaalka waxa ay 2-0 kaga badiyeen xidigaha fasal ciyaareedka u soo gudbay horyaalka Somalia Premier League ee Midnino,kooxda Tababare Yuu-Cali waxa ay xaadir ku yihiin kaalinta 1-aad,iyagoo leh 10-dhibcood. -Kooxda Elman kulankoodii u danbeeyay horyaalka waxa ay guul daro 1-0 ka soo gaartay xidigaha naadiga wasaarada warfaafinta ee Madbacada Qaranka,Elman waxa ay fadhisaa kaalinta 3-aad ee kala sareynta horyaalka waxayna lee dahay 8-dhibcood. -Dekedda waxaa kulanka caalamada jaalaha ama (Yellow Card) kaga maqan weeraryahankooda Zakariye Towfiiq sidoo kale Dekedda waxaa macquul ah in uu san kulanka kasoo muuqan laacibka reer Kenya Reymond Mongi. -Kooxda Elman ma jiraan waxa Ciyaartooyda oo kulanka kaga maqan dhaawac ama sabab kale taasi rajo wanaagsan u ah taageerayaasha kooxda. –Cabdiqaadir Siidow Cali (Seyga Ruushka) waxaa ka mid ahaa xidigihii labadii sano lasoo dhaafay kooxda Dekedda kula soo guulaystay horyaalka,isagoo sidoo kale soo noqday kabtanka kooxdii Gobolka Banaadir tartanka Maamul-Goboleedyada 2016,balse iminka isaga uu xeran maaliyada Elman ayuu ka hortagayaa kooxdiisii hore ee Dekedda. Is Aragii U Danbeeyay Labada Koox 05/02/2018 Dekedda SC 1:0 Elman FC 05/04/2018 Elman FC 3:0 Dekedda SC 03/03/2017 Dekedda SC 0:0 Elman FC 01/02/2016 Elman FC 0:1 Dekedda SC 26/04/2016 Dekedda SC 3:0 Elman FC 29/12/2014 Elman FC 1:1 Dekedda SC 27/03/2015 Dekedda SC 2:0 Elman FC 18/06/2012 Elman FC 4: 0 Dekedda SC 08/10/2012 Dekedda SC 2:3 Elman FC Ogeysiiska Kulanka Tartanka:-Horyaalka Soomaliya 2016-2017 Kooxaha:-Dekedda VS Elman Taariikhda:-07-03-2019 Maalinta:-Khamiis Saacada:-3:45pm Cimiladda Xiliga Ciyaarta: -31°-26°C W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo laga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa ka dhacay agagaara tiyaatarka qaranka, waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxaasi. Qaraxa kadib rasaas xoogan ayaa laga maqlay goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana la ogeyn ilaa iyo hadda waxyeelada. Qaraxa ayaa ka dhacay Goob ciidamada amaanka ay ku baaraan gaadiidka aada dhanka madaxtooyada, waana meel ku dhow taalada Xaawo Taako. Ciidamada amaanka ayaa goobta isku gadaamay iyaga oo durba dadka ka celinaya halka uu qaraxa ka dhacay. Shacabka iyo wariyaasha ayaa loo diiday goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana soo baxaya warar sheegaya in qarax kale uu yaalo goobta ay wax ka dhaceen. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa walaac xoogan ka muujinayo safarkii madaxweyne Farmaajo uu ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo uu xumaa xiriirka Kenya iyo Soomaaliya. Xildhibaano kala duwan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujiyay safarkii Farmaajo uu ku tagay Nairobi, iyaga oo sheegay in Ra’iisul wasaaraha Ethiopia uu ku guuleystay in arimaha jiro wadahadal lagu dhameeyo. Siyaasi Jaamac Xasan Khaliif oo kamid ah siyaasiyiin marar badan Musharax soo noqday ayaa sheegay in walaac ay ka qabaan safarka Nairobi, haddii ay dhab tahay in la ogolaatay in Kiiskii badda Somalia wadahadal lagu dhameeyo. Jaamac Khaliif, ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay qaadan doonaan go’aan cad haddii ay dhab tahay in Kiiskii badda la ogolaaday in qaab wadahadal ah lagu dhameeyo, sida uu hadalka u dhigay. Dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyay in marnaba wax gorgortan ay aysan ka gali doonin dacwadda Badda ee Kenya iyo Somalia u dhaxeysa, taasi oo hadda taala maxkamadda Cadaalada Aduunka ee ICJ. Sidoo kale xisbiga Wadajir ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay ku muujinayaan walaaca ay ka qabaan wadahadalkii ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana qoraalka lagu sheegay in shacabka Soomaaliyeed u baahan yihiin in loo cadeeyo waxyaabaha laga wada hadlay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (SMN)- Siyaasiga Cabdi Ruauuf oo la hadlayay istuudiyaha Shabelle ee Muqdisho ayaa madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ku amaanay go’aankii geesinimada lahaa ee uu ku tagay dalka Kenya. Siyaasiga ayaa sheegay in soo celinta xiriirka Kenya iyo heshiiyada uu madaxweyne Farmaajo la galay dhigiisa Kenya ay horseedeyso nabad ay kuwada noolaadaan dalalka dariska ee geeska Africa. Xiriirka diblomaasiyadeed ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa xumaaday bartamihii bishii February ee la soo dhaafay,markaas oo dowladda fadhigeedu yahay Nairobi ay soosartay waraaqad ay ku sheeganeyso badda ay leedahay Soomaaliya. Ugu danbeyn madaxweyne Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay,kadib safarro uu ka tagay dalalka Kenya iyo Itoobiya. Dhageyso Codka Siyaasiga:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/cod-siyaasi.mp3 View the full article
  20. Washington (SMN)- Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa soo saaray qoraal sida ay shaaciyeen saraakiil katirsan sirdoonka Mareykanka taas oo lagu sheegay in aysan daabicin Islamarkana aysan baahinin Tiradda Dhimashadda dadka shacabka kasoo gaarta duqeymaha ay fuliyaan. Wr kasoo baxay aqalka cad ayaa lagu sheegay in u jeedka go,aankoodu uusan ahayn in ay ku dedaalayaan sidii dabooli lahayn qasaaraha ka dhasha duqeymaha ay geystaan balse qorshahani ayaa hor imaanayan wax qabadka madaxweynihii hore Mareykanka Barack Obama ee ku aadanaa in sirdoonkoodu ay soogudbiyaan macluumad faahfaahsan oo ku aadan duqeymaha ay gaystaan iyo qasaaraha rayidka kasoo gaara. Wasaaradda gaashaandhiga Mareykanka ayaa sanadkii 2017 duqeymhii ay fuliyeen shaaciyay bishii June halka qasaarihii sanadkii tagay ee 2018 la soo bandhigay bishii January. Mareykanka ayaa duqeymaha ugu badan kagaysta dalakal Iraq, Syria, Afghanistan, Somalia iyo Libya waxaana dhawaan taliska Mareykanka ee AFRICOM ay sheegeen in ay joojiyeen baahinta wararkoda ku aadan duqeymaha ay la beegsadaan A-l shabab qsaaraha kadhasha walow goor dambe ay ka laabteen go,ankaasi. View the full article
  21. Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ciidankooda ay la wareegi doonaan deegaannada gobolka Gedo ee ciidanka Kenya isaga baxeen. Maxamuud Sayid Aadan, madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland ayaa sheegay in ciidanka Kenya isaga baxeen deegaanka Faafax-dhuun, sidoo kalena ay doonayaan iney isaga baxaan Buusaar. Shacabkii ku dhaqnaa deegaannadaasi ayuu sheegay in walwal xooggan uu soo wajahan, islamarkaana qaarkood ay barakac bilaabeen iyaga oo ka baqaya in Al-shabaab ay deegaannadaasi la wareegaan. Wuxuu tilmaamay in ciidankooda uu wado abaabul xooggan oo ay ku xaqiijin doonaan ammaanka deegaannadan. “Ciidamadeenna waxay wadaan diyaar garow, waxayna doonayaan iney la wareegaan deegaannada ay ciidanka Kenya ka baxeen…shacabkii ayaa ka baqaya in nimanka nabad diidka ah ay la wareegaan deegaannadaasi” Ciidamada Kenya ayaa maalmihii ugu dambeeyey waday dhaq-dhaqaaqyo ay ku doonayaan iney kaga baxaan deegaanno ka mid ah gobolka Gedo sababo aan la shaacin awgeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xalay lala eegtay gaari dagaal oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa lala eegtay gaarigan oo marayey nawaxiga xaafadda Galmudug ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan. Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen Hal askari, Labo kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana burbur uu soo gaaray gaarigii ay askartan la socdeen. Ciidamo ka tirsan DFS oo gaaray halka qaraxa uu ka dhacay ayaa waxay ay sameeyeen howlgallo aan cidna lagu qaban. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Maamulka Puntland ayaa sheegay iney xalliyeen tabashadii ay qabeen kallumeysatada ku dhaqan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland Faarax Cawaash ayaa sheegay in markii hore Kalluumeysatada loo sheegay been ah in aan Kawaan kale la siineyn. Kawaanka cusub ee lasiiyey Kalluumeysatada ayuu sheegay inuu yahay mid ka casrisan kawaankii hore, walibana aad uga nadaafad badan. Labo maalin oo xiriir ah, Kalluumeysatada ku dhaqan magaalada Boosaaso ayaa dhigay banaanbaxyo ay kaga cabanayeen wasaaradda Kallumeysiga, kadib markii la faray iney isaga guuraan kawaankii ku dhexyaallay dekadda Boosaaso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Garoowe (SMN)- Wasiirka wasaaradda kaluumeysiga Puntland Faarax Cawaash ayaa beeniyay in la dayacay kaluumeysatada ku dhaqan deegaanada maamulka Puntland. Wasiir Cawaash ayaa tilmaamay in ay jiraan goobo loo cayimay in ay ka kaluumeystaan kaluumeysatada maamulka Puntland,balse aan wali loo dayac tiring meelahaasi sababo jira awgood. Isagoo hadalkiisa sii watay wasiirka kaluumeysiga Puntland ayaa sheegay in dhawaan la dayac tiring doono xarumo ay ku shaqeystaen kaluumeystada maamulkaasi,balse loo baahanyahay in arintaasi uga danbeeyaan wasaaradda iyo maamulka Puntland. Shalay ayey aheyd markii qaar kamid ah kaluumeysatada maamulka Puntland ay dhigeen dibax ay uga cabanayeen dayac ay sheegeen in lagu sameeyay howlaheeda kaluumeysi,dibad baxaasi oo ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. View the full article
  25. Jubada Hoose (SMN)- Wararka aan ka heleyno degmada Dhoobleey ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ajaanibtii degmadaasi ka howl galayay ay bilaabeen in ay isaga baxaan halkaasi. Dadkan ajaanibta ayaa la sheegay sababta ugu weyn ay uga baxayaan degmada Dhoobleey ay tahay dhibtooyin dhanka amaanka ah oo soo food saaray. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ajaanibtaasi ay gudaha degmada Dhoobleey ay ka qaban jireen howlaha dhismaha,balse xiligan ay wajahayaan walwal ku aadan amaankooda. Dhawaan ayaa guri ay daganaayeen dad ajaanib ah oo ku yaalla degmada Dhoobleey waxaa lagu tuuray bamboo gacmeed qasaaro dhalisay,waxaana xigtay weerar toos ah oo lagu qaaday goob ay ceel biyood ka qoodayeen oo ku taalla duleedka degmada Dhoobleey ee gobolka Jubada Hoose. View the full article