Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,626
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Af daboolan ma dahab baa? Aamusku marar badan buu ka fiican yahay hadalka badan iyo in arrin walba, gaar ahaan hawlaha iyo sirta dawladda fadhi-ku-dirir kasta looga hadlo, laakiin mararka qaarkoodna waa muhiim in madaxda dawladdu dadwaynaha la socodsiiso qaraarada ay ka qaadato heshiisyada reebaya mahadhooyin fog isla markaana laga qanciyo wixii tuhun ah oo soo kala dhex gala shacabka iyo dawladda. Si kastaba ha ahaatee dawladda Farmaajo loogma baran inay dadwaynaha ama Golaha Shacabka la wadaagto nuxurka wixii looga wada hadlo kulamada ay la qaataan madaxda shisheeyaha, is afgardka dhex mara Farmaajo iyo madaxda kale, iyo qaraarada aan la shaacin ee dawladdu kula heshiiyo madaxda waddamada kale. Hab dhaqanka noocaan ah wuxuu khatar ku noqon karaa jiritaanka Soomaaliya iyo mustaqbalka dhallaankeena waayo waxaa dhaci in dawladdu gasho heshiisyo aan laga fiirsan si buuxdana khubaro aqoon u leh usoo daraasadayn. Miyaysan ogayn dawladdu in isla marka ay heshiis galaanba la ogaan karo wixii ay ka wada hadleen oo kula heshiiyeen dawladaha kale, waayo Soomaaliya hadda ma leh career public servants or diplomats oo ilaalin kara sirta dawladda. Laakiin xataa haddiiba ay suurowdo inay wax qariyaan sow xukunka mar uun ka dagi mayaan oo dawlad kale ma baddali doonto tooda? Markaasna sow wax walba lama ogaan doono? Ma aha ujeeddadu in baraha bulshada looga sheekaysto sirta dawladda laakiin waa muhiim in dadwaynaha lala socod siiyo wax qabadka dawladda, caqabadaha jira iyo meesha la hiigsanayo Siyaasad arrimo dibad oo aragti dheer leh Waxaa habboon in siyaasaddeena arrimaha dibaddu ay noqoto mid leh hadaf dheer oo aan aad isu bad-baddalin mar kasta oo dawlad cusub la doorto. Ka fakar siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya. Cid kasta oo Itoobiya xukunka u qabatay mar walba wuxuu hadafkooda kowaad ahaa inay Soomaaliya aysan midoobin, ciidan xoog lehna yeelan, gacantana ku dhigaan badda Soomaaliya, taasna waxaad mooddaa in Farmaajo hadda u fududeeyay Itoobiya. Akhri qoraalkaan dhaxal galka ah (Which way to the sea, please? by Nuraddin Farah ) ee qoraaga caanka ah ee Soomaaliyeed, Nuuraddiin Faarax, ka qoray damaca soo jireenka ah ee madaxda Itoobiya waligood ka lahaayeen badda Soomaaliya. Sidoo kale, tusaale ahaan, ka fakar siyaasadda arrimaha dibaddaee Maraykanka oo ku aaddan bariga dhexe. Miyay isla beddashaa mar kasta oo dawlad cusub la doorto? Waa maya. Sidoo kale siyaasadda arrimaha dibadda ee dawladaha reer galbeedku kula dhaqmaan Soomaaliya waligeed isma baddalin. Ilaa iyo maantii Soomaaliya xornimada qaadatay marna reer galbeedku may oggolayn in Soomaaliya ciidan Military oo xoog leh yeelato. Taas ayayha ahayd sababtii ku kalliftay Soomaaliya inay Soviet Union waydiisto inu Military-ga u dhiso. Nasiib darro, markii dambana Soviet Union iyo Maraykan labaduba waxay u hiiliyeen walaalahooda Itoobiyaanka ee ay diinta wadagaan, halka Liibiya iyo Yeman uu Ruushku u soo adeegsaday inay la saftaan Itoobiya oo la dagaalaan Soomaaliya. Waxaa marka muhiim ah insiyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya ay yeelato tiigsi fikir oo dheer oo la mid ah kuwa waddmada kale, una danaynaya jiilasha dambe. Mar walba inaan u yeelno rabitaanka Itoobiya miyaa? Waa la wada ogyahay in Dawladda Soomaaliya wali lahayn itaal ciidan iyo mid siyaasadeen oo ay isaga caabbin karto cadaadiska iyo fara-galinta shisheeyaha laakiin ma inaan mar walba aamusnaa oo xataa aanaan muujin dareenkeena. Si kastaba ha ahaatee, fara-falinta Itoobiya waagii hore waxay u badnayd ka dhex faa’idaysiga maamul goboleedyada iyo dawladda dhexe, laakiin hadda waxay si muuqata u gaartay waddamada deriska ah. Waxaana taas daliil u ah Abiy Axmed miyuu u raaci lahayn Farmaajo Nairobi haddii uusan jirin heshiis diyaar ah oo ay wada gaareen isaga iyo Kenyatta, ka dibna Farmaajo loo bandhigay. Uhuru Kenyatta Addis buu joogay maalin ka hor intuusan Farmaajo tagin Addis. Muxuu Kenyatta u sugi waayay Farmaajo oo ugula kulmi waayay Addis oo uu dib ugu laabtay Nairobi, maalin ka dibna Abiy Axmed iyo Farmaajo isu soo raaceen oo Nairobi u yimaadeen si Farmaajo loola kulansiiyo Uhuru Kenyatta? Sababtu waxay tahay, dawkadda Kenya fashil siyaasadeed oo wayn baa ka soo gaaray xiisaddii ay abuurtay iyo eryiddii safiirkii Soomaaliya, waxayna ku fashilantay qorshihii ay wadatay oo ahaa in Soomaaliya lagu cadaadiyo inay waan-waan ka gasho dhul-badeedka Kenya rabtay inay ka dhacdo Soomaaliya. Fashilkaas ka dib dawaladda Kenya waxay isugu yeertay khubaro daraasad ku sameeya sababaha xiisadda dhaliyay iyo sidii arrintaan waji wanaagsan loogu yeeli lahaa oo dawladda Kenya uga bixi lahayd fashilka siyaasadeed, danaheedana u gaari lahayd. Iyadoo taas laga duulayo baa madaxwayne Uhuru Kenyatta iyo wasaaradda arrimaha dibadda Kenya waxay qaadeen olole wayn oo ay waddamada deriska uga dhaa-dhicnayeen inay taageeraan fikirka Kenya, Soomaaliyana ka dhameeyaan in ay soo celiso dacwadda badda ee taal maxkamaada caalamiga ah ee cadaaladda. Shaxdaas ballaaran ee Kenya dhigtay ayaa Farmaajo dhexda uga dhacay. Tusaale ahaan, Uhuru Kenyatta wuxuu tagay Asmara oo kula kulmay madaxwaynaha Eritariya, Isias Afawerki, ka dibna Addis ayuu tagay maalin ka hor intuusan Farmaajo imaan. Kulamada Uhuru la qaatay Abiy Axmed iyo Afawerki, waxaa la isla meel dhigay in Farmaajo loogu yeero Addis oo laga dhaa-dhiciyo in madaxda gobolku galaaan xal u helidda xiisadda u dhexaysa Somaaliya iyo Kenya. Markuu Farmaajo tagay Addis oo laga dhaa-dhicayay qorshii Kenay, markiiba waxaa isa soo raaceen Abiy Axmed oo Uhuru Kenyatta oo dawladdiisu lahayd bilowga khilaafka ugu keenay Nairobi. Miyaysan habboonayn in Soomaaliya dhahdo Kenya iyadaa xiisaddaan bilowday, anaguna diyaar baan u nahay inaan martiqaad baan u fidino Mr. Kenyatta oo aan ku wada hadalno Muqdisho si loo soo afjaro xiisaddaan. Taasi ma dhicin oo eedaysanihii baa gurigiisii loogu tagay oo marti loo noqday. Wixii ka soo baxay wada hadalkaasna wali ma cadda. Taasina waxay daliil cad u tahay bisayl la’aanta iyo hab maamuus raaca xumada haysata dawladda Soomaaliya. Dadkii wax ka garanayay hanaanka dawladnimo waxay noqdeen wax waddanka ka qaxay, wax duqoobay, wax dhintay, iyo qaar lagu shaabadeeyay dawladdii Siyaad Barre. Kenya waxay ku jirtay meel adag laakin Farmaajaa si dhib yar uga bixiyay Wax lala yaabo ma aha in xiriirka laba dawladood xumaado oo uu gaaro heer safaaradaha la kala qaato. Laakiin markii arrintaas oo kale dhacdo, waxaa had iyo jeer jira xiriir dadban (back channel communications) oo dawladuhu ku lafo guraan sababihii dhaliyay arrimaha taagan iyo qaabkii xal loogu heli lahaa. Badanaana waxaa la gaaraa is faham buuxa (mutual understanding). Laakiin waxaa jira hab raac (protocol) ay tahay in had iyo jeer la hubiyo in la maro. Waxaa ka mid ah heerarka wafdiyada, meelaha lagu kulmayo, cidda goob joog ahaanaysa, waxa lagu qorayo war-murtiyeedka sida wada jirka u soo baxa, iwm. Waxaad moodaa in hab raacyadaan oo dhan dawladda Soomaaliya ka boodday oo xalkii khilaafka loo maray sidii laba dhallin yaro ah oo ciyaar kubadeed ku dagaalamay oo la isu soo caro celiyay. Shaxda ciyaartana Soomaaliya lagama qayb galin laakiin waxaa soo maleegay Mr. Kenyatta, iyo Abiy Axmed. Kadib markii labadaan waddan fahamkoodii siyaasadeed mideeyeen baa Abiy Axmed soo kaxeeyay Farmaajo oo yiri na keen aan Uhuru Kenyatta u tagnoo arriinta soo xallinee. May ahayn in Kenyatta loo tago oo la soo raalli galiyo, waxay ahayd in Kenya raalli galin ka bixiso gafafkeedii, iyaduna codsato in la wada hadlo, oo waliba Muqdisho lagu wada hadlo. Xogta heshiiyada Soomaaliya la gasho Kenya iyo Itoobiya ma Television-ka Itoobiyaan ka qaadanaa? Aamuska dawladda Soomaaliya, waxaa ka sii daran in dadwaynuhu xogta heshiisyadaas ka helaan idaacadda Itoobiya, iyo twitter-ka Ra’isul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed. Markii Abiy Axmed shaaciyo war ka duwan kan dawladda Soomaalidu ka soo saarto heshiisyada madaxwaynuhu soo galo, markaas ka dib hadal ama qoraal aan faah-faahsanayn soo tuurtaa. Taasna waxaa loo qaadan karaa in dawalddu wax qarinayso. Dawladdu ha xusuusato maah-maahda oranaysa: Wax la qariyo ama qubte ama qurme! War jiraabana cakaaruhuu iman! W/Q: Axmed Bashir Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  2. Go’aanki 18 May, 1991 lagaga dhawaaqey magalada Burco goni isu taaga Somaliland mu aheyn mid si hawl yari ku yimid ama cid gaar ah ku dhawaaqdey ee qeybaha kala duwan ee mujtamaca Somaliland wey u wada dhamaa’een sida madax dhaqmeedka, hormoodka siyaasiyinta, wax garadka, culimaa’u diinka Somaliland. Waxa ku xigtey aftidi dastuurka Somaliland ee shacabka laga qaadey, 2001 oo 97% u codeyeen goni isu taaga Somaliland. Somaliland waxey soo martey marxalado badan oo kala du duwan, sida dib u heshisiinta beelaaha walaalaha ‘ah ee reer Somaliland( Reconciliation of the conflicted tribes of Somaliland ), hub ka dhigista ( Disarmament )waxey sameeysatey dawlad ku dhisan seddexda dhadhaar ee golaha fulinta, golaha sharci dejinta iyo golaha cadaaladda, hanaanka xisbiyada badan, xoriyat al qawlka iyo doorashooyin hal qof hal cod oo si nabad gelyo iyo hufnaan u dhaca, beesha caalamkuna goob joog ka ahaayeen, mandaqadda geeska afrikana ku cusub ( kenya oo qudha aya nidaamka hal qof hal cod ku wahelisa Somaliland ) . Waxay xukuumadihi kala dambeyey ( Shan madaxwene aya si nabad gelya’ ah isu bedeley ) ka hawl galeen Ictiraaf raadinta Somaliland, iyago ku guuleystey iney ka furaan xafiisyo metala danaha Somaliland caasimadaha dawladaha qaar, sida Djibouti, Ethopia, Kenya, UAE, Ingiriiska, Mareykanka, iwm. Ictiraaf raadintu wa qodobka labaad ee ahamiyadda weyn u leh Somaliland ee ku xiga AMNIGA IYO NABAD GALYADA Somaliland. Haddaba markaan ku soo noqdo dulucda maqaalkegan, marka cilmiga siyaasadda la baranaayo, dariska kowaad waxu othanaya, siyaasaddu waxey le dahey dano joogta ah ee ma leh saaxib joogta’ah ( Xigasho, PM Churchill ). Ethiopia waxa innaga dhexeeya dano badan, sida tu amni, dhaqaale, shacab ( dadka Somaliland ka soo jeeda labada dawladood wey degaan ), shaqo abuur, daaqsimo, waraab iwm. Haddaba caqliga saliimka ee sida wax u arkaya mar walba innu xoojiyo arrimaha mooye kama suurtoodo innu wax yeleeyo. Madaxdi EPRDF ee ka horeysey prime minister Abiy Ahmed ee May, 1991 talada dalka Ethiopia la wareegey sida cadceedda ayey u arkayeen danaha labada dal ka dhexeeya ee Somaliland iyo Ethiopia laakiin mudane Prime minister Abiy Ahmed waxaad mooda innu la yimid han siyaasadeed oo dulucdeedu tahey midnimada geeska Afrika, gaar ahaan Somalia, Ethiopia iyo Eritrea. Siyasadaaso’ aanu soo bandhigin qorshe cad oo tafaatiran qaab ka loo fulinaayo, balse laga ogaadey hadalo iyo wareysiyo uu saxaafadda siiyo marku la kulmaayo madaxda kale ee labada dal ee Somalia iyo Eritrea oo iyagu marnaba laga maqal midnimada uu sheegayo mudane Abiy Ahmed. Siyaasadda cusub ee mudane Abiy Ahmed waxey keentey faa’iido iyo khasaare labadaba. Faa’iidooyinku waxa weyaan: In colaadihi ka dhexeeyey dawladaha geeska Afrika sida Ethiopia iyo Eritrea oo dagaal boqolaal kun ku dhinteen qaar na ku naf waayeen innu soo afjaro, dhulki Badme ee muranku ka taagnana uu Eritrea u celiyo.Ganacsiga ka dhexeeyey labada dal oo dib u bilaabmey In Somalia iyo Eritrea dib u heeshisiyo. In colaaddi ka dhexeeysey Djibouti iyo Eritrea ee muranka dhulka (Ras Dumeira ) ee Eritrea ka qabsatey Djibouti u wada hadal u socdo laakiin ilaa hadda wax xal midha dhal ah lama gaadhin. Khasaaraha waxa ka mid ah : In siyaasadan cusub ee midnimada geeska Afrika aanu mudane Ahmed Abiy si cad oo qayaxan u soo bandhigin taaso geeska Afrika ka abuurtey shaki iyo jaha wareer siyaasadeed, dhaqaale. bulsho, amini, iyado marar qaarkood ka soo baxayaan mudane Ahmed Abiy iyo Generalada ciidamadisa hadalo nuxuurkisu iftiminaya baahida ay ciidankooda badda u qabaan xeebaha balaadhan ee Somalia ee cidna ka manaafacaadsan. Diblumaasiga caanka ‘ah ee Ethiopia Birhanemeskel Abebe wuxu yidhi’’ waxaanu midnimada geeska Afrika’ u dooneyna inaanu u helno ciidanka badda saldhig military’’ ( xigasho BBC News 14 June. 2018 ) Waxa xawaarahoodu hoos u dhacey xawligi’ iyo dar darti ay hore ugu socdeen qaar ka mid aha heeshisyadi mashaaricdi ay saxeexeen madaxdi EPRDF ee ka horeysey mudane prime minister Abiy Ahmed sida saamigi 19% ee ay Ethiopia ku la heyd dekedda Berbera, waxa kalo ka maqna labada xafladood ee dhegax dhigga balaadhinta dekedda Berbera iyo waddada Berbera Corridor mas’uulinta heer federal oo mas’uuliyadoodu tahey mashaaricda noocan ihi. Mashruuci balaadhna ee $ 24 bilion ( Lamu South Sudan Ethiopia Transport ‘’ lapsset’’ ) ee Ethiopia la gashey Kenya 2012 oo sidi u xaniban Dagaalada qawmiyadaha Ethiopia dhexdeeda ka socda iyo cabsi laga qabo innu saameeyo nabad gelyada dawladaha jaarka ah. Eng. Bashe Cabdi Gaboobe Email : gaboobe _3@ hotmail.com Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhamaan Wariyaasha Idaacadda Ciidamada Qalbka sida ee Radio SNA ayaan qaadan mushaar mudo ka badan 4 bil siday ay ii xaqiijiyeen inta shaqaalaha Idaacadda, waxaana laga cabsi qabaa in Maamul xumi iyo Mushaar la’aan ay u danto Idaacadda Ciidamada Qalabka sida ee DFS. Wariyaashaan oo la hadlay Caasimad Online ayaa xaqiijiyay in aysan helin mushaarkii ay lahaayeen afartii bil la soo dhaafay. Waxay sidoo kale sheegeen in ay jirto dhibaatooyin badan oo ka jira Gudaha Idaacadaasi. “Muddo afar bil ah ma qaadan mushaar, sidoo kale waxaa nagala goostay gunadii iyo garaamkii aan laheyn, wariyaasha waxay mushaarka ka qaadan jireen Taliska Milateriga waana ku yaabanahay halkaan”, sidaasi waxaa Caasimada Online u sheegay Wariye kamid ah Wariyaasha Radio SNA. “Gunadii iyo garaamkii aan lahayn mudo ku dhaw sanad ma helin hada mushaarkii ayaa lagu darsaday”, ayuu yiri wariyaha aan la hadalnay. Sidoo kale waxaa haleysan qaar ka mid ah qalabkii Idaacadda oo aan laga maqlin meelaha sida ay sheegeen dad xog ogaal ah oo aan la hadalnay. Qalabka Idaacadda ayaa la aamisan yahay in la qaatay waxaana idaacadda ay u shaqeyn la’dahay sidii la rabay. “Maamul xumo iyo mushaar la’aan ayaa lay sugu daray wariyaasha, Idaacada meelna lagama maqlo, waa halaysan tahay, ma jirto cid wax ka qabata”, ayuu yiri Wariye kale oo aan la hadalnay islamarkaana ka tirsan Idaacadda Ciidamada Qalabka sida ee Somali National Army (SNA). Agaasimaha Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida C/llaahi Iimaan oo sidoo kale ah Af-hayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga oo aan la xariirnay ma helin si aan wax uga weydiino dhibaatada ka jirta Radio SNA ee Ciidamada Soomaaliya. “Wariyaasha kale ee Wasaaradda Warfaafinta, oo aan hal meel ku naalno waa qaataan mushaarkooda, cunto waa la siiyaa laakiin annaga ma helno intaas oo dhan, ma aqaan waxaan kaga duwanahay”, ayuu noo sheegay Wariye katirsan Radio SNA ee Soomaaliya. “qaar keen waxaa laga soo saaray guryihii kirada oo aan daganeen, carruurtayna waxay wajahaan dhib badan, waan shaxaatanaa”, ayuu hadalkiisa raaciyay wariyahaan katirsan Idaacadda Ciidamada qalabka sida ee SNA radio. Arintaan ayaa dhabar jab wayn ku ah Dowladda Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ballan qaaday in uu bixin doono xuquuqda shaqaalaha dowladda iyo Ciidamada Soomaaliya. Dad badan ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dhalinyaro isku shaqo ah ooh al meel wada jooga in qaar kamid ah bil walba la siiyo cunto iyo mushaar qaarka kalane intuba aan la siinin. Dowladda Soomaaliya ayaa loogu baaqay in ay arintaan wax ka qabato. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. FAALLO: Madaxweyne Geelle Oo Kala Dhawaysatay Xisbiyadda, Xilli Lagu Xaman Jiray Inuu Fara-gelin Ku Lahaa Doorashaddii Somaliland Toddobaadkan gudahiisa waxa dalka Jabuuti ka qabsoomay shir-weyne looggu dabbaal-degaayey 40-sanno guuradii ka soo wareegtay Xisbiga talada haya ee dalkaasi ee loo yaqaano RPP kaas oo ah Xisbiga ay ka dhisan tahay Xukumadda uu ka arrimiyo Madaxweynaha keligii taliska ah ee dalkaasi Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Xisbiga RPP ee ka arrimiya dalka Jabuuti ayaa looggu dabbaal-degay in 40-sanno uu ka arriminaayey dalka Jabuuti halka Madaxweyne Geelle na uu xilka dalkaasi hayey muddo 20-sanno ah, waxaana soo baxaysay in mar walba xisbiyada kale ee ka dhisan dalkaasi ay sheegaan in awood loo adeegsado wakhtiyada doorashada isla mar ahaantaana ay adag tahay in ay ku guuleystaan talada dalka iyo kuraasta kale ee muhiimka ka ah dalkaasi. Sida baraha bulshada iyo warbaahinta ba lagu baahiyey, waxa soo baxday in mar kaliya ay shirkaas ka soo dhex-muuqdaan xubnaha ugu sar-sarreeya Xisbiga KULMIYE oo uu hoggaaminaayey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ahna guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbigaasi Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo sida la sheegay uu Madaxweyne Geelle iyo Xukuumaddiisu ba ay ku soo marti-qaadeen ka soo qeyb-galka shirkaasi. Xisbiyada WADDANI iyo UCID, ayaa gebi ahaan ba aan lagu soo casuumin shirkaasi, waxaana arrintani ay u muuqataa mid Xukuumadda Geelle ay ku soo kala dhaweysanayso Xisbiyada ka jira gudaha Somaliland isla mar ahaantaaan ay keliya saaxiib dhow la tahay Xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE. Xisbiga Kulmiye ayaa sidoo kale xisbiga talada Jabuuti haya ku casuumay shirkiisii Golaha Dhexe ee Boorama ka qabsoomay dhawaan waxaana la xasuusta in madaxweyne Biixi xafladdii caleemo saarkiisa ka sheegay in si weyn la isu weydiiyay sida balaadhan ee Jabuuti uga soo qayb gashay caleemo saarkiisa taas oo uu kaga jawaabay kaftan uu ku ku yidhi ‘ Waa huuno huuno loo doortay’. Arrintan ayaa tuhunno badan ka dhex abuurtay gudaha Somaliland maaddaama oo weli ay dalka ka taagan yihiin siyaasado lagu kala qeyb-san yahay iyo xanaf ka dhalatay Doorashooyinkii dalka ka qabsoomay daba-yaaqaddii 2017. Dowladda Jabuuti ee uu ka taliyo Madaxweyne Geelle, ayaa ka mid ahayd wadamo hore loo la xidhiidhiyey tuhunno sheegayey in faro-gelin toos ah ay ku sameeyeen Doorashaddii ka dhacday dalka isla mar ahaantaana ay la safnaayeen Madaxweyne Biixi wakhtigii Doorashada 2017. Hadda ba, casuumadda khaaska ah ee Madaxweyne Geelle u sameeyey Xisbiga KULMIYE ma noqon kartaa mid caddeyn u ah tuhunada ay qabaan qeybo ka mid ah shacabku ee la xidhiidha in ay dowladda Jabuuti ay hore uga soo qeyb-qaadatay tuhunada la la xidhiidhinaayo ee ah in ay soo faro-gelisay Doorashadii ka dhacday Somaliland. Marar kala duwan oo hore oo Xukuumadda Jabuuti lagu eedeyey in ay soo faro-gelisay Doorashadii dalka ka dhacday, waxaana wakhtiyadii Doorashada ay Warbaahinta Somaliland qortay in Marwada Madaxweynaha Jabuuti ay muddo toddobaad ah olole siyaasaddeed oo ay ugu daneynaysay Xisbiga KULMIYE ay ka waday magaalada Boorama ee gobalka Awdal, Waxaana wararkaasi ay sheegeen in Marwo Khadra iyo guddoomiyaha shirkadda Internet ka ee Somcable Ganacsade Maxamed Aw-Siciid ba ay lacago tiro badan ku qeybinaayeen magaalada Boorama. Illaa hadda ma cadda sababta Madaxweyne Geelle uu u kala xigsanaayo Xisbiyada ka jira Somaliland balse waxa inta badan loo aaneeyaa in Marwada Madaxweynaha Jabuuti iyo Madaxweynaha Somaliland ay ka soo wada jeedaan isku qoys ka. Balse faro-gelinta siyaasadda Somaliland ee Xukuumadda Madaxweyne Geelle ayaa sababi karta in ay saameyn ku yeelato siyaasadda mustaqbal ee dowladda Jabuuti maadaama kolba uu Xisbi gaar ah ka arrimiyo Somaliland Qaran News
  5. Jabuuti (Caasimada Online) – Toddobaadkan gudahiisa waxa dalka Jabuuti ka qabsoomay shir-weyne looggu dabbaal-degaayey 40-sanno guuradii ka soo wareegtay Xisbiga talada haya ee dalkaasi ee loo yaqaano RPP kaas oo ah Xisbiga ay ka dhisan tahay Xukumadda uu ka arrimiyo Madaxweynaha keligii taliska ah ee dalkaasi Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Xisbiga RPP ee ka arrimiya dalka Jabuuti ayaa looggu dabbaal-degay in 40-sanno uu ka arriminaayey dalka Jabuuti halka Madaxweyne Geelle na uu xilka dalkaasi hayey muddo 20-sanno ah, waxaana soo baxaysay in mar walba xisbiyada kale ee ka dhisan dalkaasi ay sheegaan in awood loo adeegsado wakhtiyada doorashada isla mar ahaantaana ay adag tahay in ay ku guuleystaan talada dalka iyo kuraasta kale ee muhiimka ka ah dalkaasi. Sida baraha bulshada iyo warbaahinta ba lagu baahiyey, waxa soo baxday in mar kaliya ay shirkaas ka soo dhex-muuqdaan xubnaha ugu sar-sarreeya Xisbiga KULMIYE oo uu hoggaaminaayey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ahna guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbigaasi Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo sida la sheegay uu Madaxweyne Geelle iyo Xukuumaddiisu ba ay ku soo marti-qaadeen ka soo qeyb-galka shirkaasi. Xisbiyada WADDANI iyo UCID, ayaa gebi ahaan ba aan lagu soo casuumin shirkaasi, waxaana arrintani ay u muuqataa mid Xukuumadda Geelle ay ku soo kala dhaweysanayso Xisbiyada ka jira gudaha Somaliland isla mar ahaantaaan ay keliya saaxiib dhow la tahay Xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE. Xisbiga Kulmiye ayaa sidoo kale xisbiga talada Jabuuti haya ku casuumay shirkiisii Golaha Dhexe ee Boorama ka qabsoomay dhawaan waxaana la xasuusta in madaxweyne Biixi xafladdii caleemo saarkiisa ka sheegay in si weyn la isu weydiiyay sida balaadhan ee Jabuuti uga soo qayb gashay caleemo saarkiisa taas oo uu kaga jawaabay kaftan uu ku ku yidhi ‘ Waa huuno huuno loo doortay’. Arrintan ayaa tuhunno badan ka dhex abuurtay gudaha Somaliland maaddaama oo weli ay dalka ka taagan yihiin siyaasado lagu kala qeyb-san yahay iyo xanaf ka dhalatay Doorashooyinkii dalka ka qabsoomay daba-yaaqaddii 2017. Dowladda Jabuuti ee uu ka taliyo Madaxweyne Geelle, ayaa ka mid ahayd wadamo hore loo la xidhiidhiyey tuhunno sheegayey in faro-gelin toos ah ay ku sameeyeen Doorashaddii ka dhacday dalka isla mar ahaantaana ay la safnaayeen Madaxweyne Biixi wakhtigii Doorashada 2017. Hadda ba, casuumadda khaaska ah ee Madaxweyne Geelle u sameeyey Xisbiga KULMIYE ma noqon kartaa mid caddeyn u ah tuhunada ay qabaan qeybo ka mid ah shacabku ee la xidhiidha in ay dowladda Jabuuti ay hore uga soo qeyb-qaadatay tuhunada la la xidhiidhinaayo ee ah in ay soo faro-gelisay Doorashadii ka dhacday Somaliland. Marar kala duwan oo hore oo Xukuumadda Jabuuti lagu eedeyey in ay soo faro-gelisay Doorashadii dalka ka dhacday, waxaana wakhtiyadii Doorashada ay Warbaahinta Somaliland qortay in Marwada Madaxweynaha Jabuuti ay muddo toddobaad ah olole siyaasaddeed oo ay ugu daneynaysay Xisbiga KULMIYE ay ka waday magaalada Boorama ee gobalka Awdal, Waxaana wararkaasi ay sheegeen in Marwo Khadra iyo guddoomiyaha shirkadda Internet ka ee Somcable Ganacsade Maxamed Aw-Siciid ba ay lacago tiro badan ku qeybinaayeen magaalada Boorama. Illaa hadda ma cadda sababta Madaxweyne Geelle uu u kala xigsanaayo Xisbiyada ka jira Somaliland balse waxa inta badan loo aaneeyaa in Marwada Madaxweynaha Jabuuti iyo Madaxweynaha Somaliland ay ka soo wada jeedaan isku qoys ka. Balse faro-gelinta siyaasadda Somaliland ee Xukuumadda Madaxweyne Geelle ayaa sababi karta in ay saameyn ku yeelato siyaasadda mustaqbal ee dowladda Jabuuti maadaama kolba uu Xisbi gaar ah ka arrimiyo Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  6. Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska ee magaalada Jowhar ayaa xiray wiil dhalinyaro ah oo dhowaan Ruwaayad ka sameeyay qaabka ku dhisan musuq maasuqa ee lagu shaqaalaysiiyo dhalinyarada ku nool Gobalka Shabeelaha dhexe ee Soomaaliya. Wiilkaan la xiray ayaa lagu magacaabaa Maxamed Axmed Cabdulle waxa uuna sameeyay Ruwaayad uu ugu magac daray “Anaa magaalo ku dhashay”, waxana ka soo muuqday Ruwaayadaasi xaaladda dhabta ah ee ka jirta HirShabeelle markii shaqaalo cusub loo qorayo maamulka Gobalka iyo kan HirShabeelle. Meelaha uu xoogga saaray waxaa kamid ah in maamulka HirShabeelle markii uu shaqaale qaadanayo ay ku xushaan qaraabo kiilnimo, sidoo kalane badankooda laga keeno baadiayaha Shabeelaha dhexe. Wiilkaan ayaa sheegay in dhalinyarada waxbaratay ee ku nool Jowhar iyo magaalooyinka kale aysan helin wax shaqo ah taasina ay ugu wacantahay in qabiil iyo eex lagu shaqaaleysiiyo dhalinyarada si gaar ahna loo xusho dadka baadiyaha ka yimaada oo aan rabin lacag badan, waxbarasho iyo fasax midna sida uu ku sheegay Ruwaayadiisa. Xafiiska ugu badan ee shaqaalaha qaata, sidoo kalane shaqaalaysiiyo ayaa la sheegay in uu yahay Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Cali C/llaahi Xuseen “Cali Guudlaawe” waana sababta la sheegay in uu u bixiyay amarka lagu xiray wiilkaasi dhalinyarada ah, sida ay sheegeen ehelleada wiilka. Ehelada wiilka la xiray ayaa Caasimada Online u sheegay in ay socdaan dadaalo lagu sii daynayo waxa wiilkooda loo xirayna ay tahay oo kaliya Ruwaayadda uu sameeyay. Hogaanka HirShabeelle ayey ka dalbadayn in loo sii daayo wiilka ka xiran ee soo bandhigay dareenkiisa ku aadan shaqa la’aanta heysata. Caasimada Online Xafiiska Jowhar caasimada@live.com
  7. Washington DC (Caasimada Online) – Koox wadaaddo ah oo ka socday Yuhuudda deggan Mareykanka ayaa booqday Xafiiska Xildhibaanad Ilhaan Cumar ku leedahay magaalada Washington. Wadaaddadan ayaa waxaa ay ka socdaan Mad-habka Orthodox ee ay heystaan Dadka ka soo jeeda Israel, kuwaas oo todobaadyadan weerar dhinaca afka ah ku haya Ilhaan Cumar. Rabbi Dovid Feldman, oo ah Wadaadka u hadlay kooxda u tagtay Ilhaan Cumar ayaa sheegay in dadka ay isku qaldayaan waddaniyadda xagjirka ah iyo Diinta. Waxaa uu sheegay in Ilhaan ay wax ka sheegtay waddaniyadda fogaatay ee Xukuumadda Israel hadda dhaqan gelineyso ee aysan wax ka sheegin Diinta Dadka Yuhuudda ah. Rabbi Dovid Feldman, ayaa intaas ku daray in ay taageero u muujinayaan Ilhaan Cumar sidaasna ugu tageen xafiiskeeda si meesha looga saaro waxa lagu sheegay isir naceybka la sheegay in ay faafisay. Wadaadkan ayaa xusay in Mareykanka uu ku dhisanyahay kala argti duwanaan, Hay’adda matasha Yuhuudda Mareykanka ee AIPAC-na wax laga sheegi karo maaddaama aysan hay’adda ahayn diinta dadka Yuhuudda ah. Caasimada Online Xafiiska Columbus caasimada@live.com
  8. In kastoo siyasadda geeska Afrika ay noqotay mid ku salaysan is marxabbayn iyo is cafin, haddana waxaad moddaa in natiijadaas inteeda badan ay soo bilowdeen muddo yar uun ka hor qiyaastiina ah saddexdii sano ee la soo dhaafay Saddexdan sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa inta badan hoggaamada dhowr waddan oo afrika ah qabtay oo la wereegay siyaasiyiin aan ahayn kuwii muddada soo fadhiya iyo weliba Madax aad mooddo in ay ka simanyihiin midaynta shacbiyaddooda iyo danaha Afrika. Siyaasadda geeska afrika ayaa inta badan waxaa ka taagnaa xiisad Collaado iyo nacayb sal-dhigtay, tan oo timi kolkii waddamadaas ay soo mareen dagaallo derisnimo. Hayaanka nabaddeed ee geeska waxaa inta badan guntiga u xidhtay madaxdii cusbayd, kuwaas oo in badan miiska keenay hishiisyo loo malaynaayay cid kasta oo ku hammidaa in ay tahay cid wakhtiga uun iska luminaysa, balse uugu dambayn waxaa meesha ka baxay collaado iyo nacayb qaan-gaadh ahaa ku waas oo ay adkayd xal u helistoodu. Go’aankii la yaabka ahaa ayaa ahaa kii heshiiska iyo wallaaltinimada beeray ee dhex maray “Ethiopia iyo Eritrea” kuwaas oo halmar fingillada loo siibay cadaawaddii rukumaysatay ee gaadhsiisnayd heer aaysan ciidamada habeen kala qaadin, xaalladduuna ay ahayd wadnaha farta ku hay uun. Waxa intaas wixii ka dambeeyay tusbax furmay noqday is cafintii iyo midowgii waddamada geeska iyada oo maalinba meesha laga saaraayo dhibic kasta oo nacayb ah oo soo kala dhex gasha geeska Afrika Hurmuudka bilowga sahanka khayraysan ee qaradda waxaad mooddaa in inta badan ay haggaanka hayaan labada masuul ee ugu sarreeya Soomaaliya iyo Ethiopia, inta kalena ay noqdeen kuwo ku tageera dhammaan hishiisyadii maslaxaddeed ee ay soo jeediyeen Farmaajo iyo Abiy. Aan dib is u jalleecnee bilowgii hoshiiska Ethiopia iyo Eritrea ayaa ahaa kii noqday lama filaan kaas oo hal mar sida fallaadhaha cadcedda ka muuqday Geeska Afrika ee xudduudkiisu ahaa lama galaan xabbadi ka yeedhto uun, Dr. Abiy oo hore u ballan qaaday in uu is beddel ku sameeyo siyaasadda xidhxidhan ee waddankiisa ayaa jaanta la helay Farmaajo oo isna markaas ahaa hoggaan ku soo biiray geeska oo aad mooddo in uu beddelaayo magaci soomalida dagaalka qabatintay uun, uuna beddelaayo samaalidii nabadda hoggaanka u ahayd. Sahankii nabadda ee farmaajo waxa uu suurto-geliyay in uu gacanta isu qabto hagoomiyaayaasha Ethiopia iyo Eritrea, waxaa xusid mudan in Abiy uu hore uugu diyaarsanaa wada hadallada nabadda taas oo uu hore u ballan-qaaday, farmaajo oo arrintan gacan ka geystay ayaa miiska maslaxadda dib uugu soo celiyay madaxweyanaha Eritrea Afwarki. Heshiiskii gacanta la wada geliyay ayaa sababay in ay si buuxda u midoobaan waddamada geeska oo muddo loo arkaayay in ay yihiin kuwo siyaasaddoodu boqno-gooys ahayd. Iyada oo ay jaanta isla heleen saddexda dal ee Soomaliya, Ethiopia iyo Eritrea Lagana dareemay xulafaysi xoogleh ayaa waxaa soo baxay xurguf siyasaddeed oo ka qaraxday kenya iyo soomaliya, murankeeduna uu ahaa mid salka ku haya dhul-baddeed. Xurguftan siyasadded ayaa gaadhtay heer kenya ay dhammaan wiiqdo xidhiidhkii siyaasaddeed ee kala dhexeeyay soomaliya, heerna ay gaadhtay in ay saarto safiirkii soomaliya ee fadhiyay Nairobi una yeedhato keedii fadhiyay muqdisho. Xisaddan oo marnama aysan dani uugu jirin hayaanka nabadda geeska ayaa noqotay mid saamayn ku yeelata safarkii geeddiga is beddelka horumarka ee ka furmay geeska. Isu jawaabid iyo haddallo adag ee hawada la isu mariyay inta badanna aad mooddo in ay kenya gaadhtay heer aysan waxba tixgelin, ugu dambayn waxaa hawshan gacanta soo geliyay sida aynu ognahay Dr. Abiy oo horay isna miiska wada hadalka uu Farmaajo u soo fadhiisiyay Afwerki Haddaba “Nin ku qabta yaa adna qabtaa e” Abiy waxa uu si buuxda madaxweyne Farmaajo uuga dalbaday in xidhiidhka labada waddan dib loo mideeyo, walow ay Soomaliya markasta arrintan diyaar u ahayd, meelna saartay kiiska badda oo faraha ay uuga qadday maxkamadda aduunka sidii ay hore u sheegtay iyo weliba sida ay qoreen war-sidayaasha gudaha waddanka kenya. Waxaa guul ku dhammaaday la islana meel-dhigay xal u helista khilaafkii xidhiidh ee labada dal, tanna waxay sii xaadhtay jidkii loo hayay hayaanka geeddiga is beddelka geeska. Hayaanka ka curtay geeska waa mid ay hormuud u yihiin Abiy iyo Farmaajo oo aad mooddo in laabduba ay gacmaha isu haystaan sidii ay waddamadooda uuga beddelilahayeen magacyada iyo weliba sidii ay iyagu ku kasbanlahaayeen magacyo ma-guurto ah, weliba waxaa macquul ah in ay abaal marinno ku mutaystaan hayaanka geeska ee ay hurmuud ka u yihiin. Isbeddelka geesku waa mid soconaaya, malinba maalinta ka dambaysana helayaa niyad wanaag cusub. Geeska Africa ayaa noqonaya meesha saxda ah ee laga hago qaaraddan cagaaran, Ugu yaraan Abi iyo farmaajona waxay hannaan doonnaan magacyo iyo qaddarin qiimo badan. Adduunkani waa kii wanaagga iyo nabadda, Afrikadanina waa tii u baahnayd nabadayntan iyo is-kaashiga. W/Q: Cumar Rodol Cumarrodol@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  9. HARGEISA, SOMALILAND—On February 7, 2019, Gen. Thomas Waldhauser, AFRICOM commander, told the Senate Armed Services Committee that U.S. airstrikes alone would not defeat al-Shabaab, the Al Qaeda-affiliated militant group with deep roots in Somalia. Instead, he said, local forces need to “step up.” He is right, so it is especially unfortunate that when local forces step up to rebuff al-Shabaab, AFRICOM ignores them. Consider Somaliland, a breakaway region of Somalia which borders Djibouti and controls 460-miles of coastland along the Gulf of Aden. While Somalia descended into chaos in 1991, the northern clans in Somaliland restored peace throughout the region which accounts for about 30 percent of Somalia’s territory. That peace has not come cheap: While the region has very few natural resources—livestock is its major export—it continues to spend one-third of its $350 million budget on security and defense. Recruits to its 15,000-man army or small coast guard must purchase their own weapons. Such figures—almost entirely generated locally through customs and taxation—are a pittance compared to the foreign and military aid offered Somalia. In addition, the U.S. spends $70 million annually to rent facilities in Camp Lemonnier, the headquarters of Combined Joint Task Force – Horn of Africa (CJTF-HOA) and is spending many times that amount to upgrade its facilities. Somaliland police militia take part in an indepdence day parade Policemen take part in a parade to mark the 24th self-declared independence day for the breakaway Somaliland nation from Somalia in capital Hargeysa, May 18, 2015. Reuters Somaliland’s security priorities correspond with those of the United States: It seeks to deny its territory to Al-Shabaab and other terrorist groups and, to date, have been successful, despite the hostility of terrain along their border with Somalia. Sweden recently donated three boats for Somaliland coast guard, which they now use to patrol the coast to deter weapons smuggling from Yemen. Local officials brag there has not been a single instance of piracy launched from Somaliland’s territory, even though Puntland, the Somali region adjacent to Somaliland, became its epicenter. While both Somaliland political and military authorities told me over the course of a week’s visit that they would welcome any U.S. assistance, their top priority is merely a liaison to help coordinate anti-Shabaab, anti-weapons smuggling, and anti-piracy efforts. U.S. policy, however, has been to shun Somaliland to augment the fiction of Somali unity. “The U.S. response to the challenges in Somalia has been to work with the Federal Government and the Federal Member state administrations, in coordination with the African Union, the United Nations, and other partners working toward a common goal: to support Somali-led efforts to stabilize and rebuild their country along democratic and federal lines,” a November 2017 AFRICOM public affairs article states. The problem is that while Somaliland is a federal Somali state, in theory, it is not one in practice. Authorities in Mogadishu appointed a parliament in 2012, seven years after Somaliland elected theirs. Those appointed to represent Somaliland do not live in the region, nor do they have popular legitimacy or the ability to influence events on the ground. The State Department and UN defer to the African Union which is loath to draw new borders in Africa. That diplomatic debate might be valid (though Somalilanders note their borders are well defined by treaties dating back more than a century when the British established a protectorate and confirmed in 1960 when more than 30 countries recognized Somaliland’s independence), but there is no reason why that debate must come at the expense of vital U.S. national interests. Turkey, Ethiopia, Djibouti, and Kenya maintain consulates in Hargeisa, Somaliland’s capital. Denmark has an office, and Kenya will soon open theirs. The Spanish navy has conducted exercises with Somaliland’s coast guard, and the United Arab Emirates has leased a base in Berbera, where U.S. forces once operated during the Cold War. None of these countries nor the African Union interpret their involvement as undermining broader diplomatic policies or bestowing formal recognition of its independence. Nor is the U.S. refusal to liaise with Somaliland consistent with other corollary trouble spots. The United States no longer recognizes Taiwan, but it maintains ties to the strategic island through the American Institute in Taiwan. Prior to Operation Iraqi Freedom, the CIA and U.S. Special Forces established links to Iraqi Kurds, even though Washington did not formally recognize their government. Both the CIA and U.S. military also have trained and conducted liaison functions with Palestinian security services despite the lack of formal recognition of Palestinian statehood. Most recently, U.S. forces partnered with Syrian Kurds to combat a common enemy. Arguably, Somalia—rather than Afghanistan—is America’s longest war. While National Security Advisor John Bolton on December 13, 2018 said that “countering the threat from Radical Islamic Terrorism and violent conflict” remains a vital pillar of the Trump administration’s Africa policy, the failure even to coordinate with those controlling key territory most successful again Al-Shaabab, pirates, and weapons smugglers suggests that, while the Pentagon is willing to spend money, AFRICOM is not prepared to win. AEI Qaran News
  10. Somaliland: Trade Delegation In Malaysia To Discuss Commercial Links A high level trade delegation led by the Somaliland Minister of Trade and Industry, Hassan Mohamed Sa’ad, which includes the Governor of the Somaliland Central Bank, Ali Ibrahim Jama, the Deputy Minister for Foreign Affairs, Liban Yusuf Gahnug and the Chair of the Somaliland Chamber of Commerce, Jamal Aidid Ibrahim, are currently on a working visit to Malaysia to discuss strengthening the trade and commercial links between Somaliland and Malaysia. The delegation which has met with both Malaysian government officials and members of the business community have been engaged in talks about the exportation of Somaliland livestock to the Malaysian market. Malaysia is a centre for the Halal meat industry, and a private Malaysian meat processing factory currently operates in Somaliland. The Somaliland delegation have been on a diplomatic offensive to restore the image of the “Somali” peoples in the region which has suffered from the negative images of piracy, smuggling, terrorism and other malfeasance. The delegation stressed the difference between Somaliland and it’s neighbour in the region. The democratic and business orientated credo of Somaliland had been greatly stressed to the Malaysian officials. The Governor of the Somaliland Central Bank is also expected to meet with his Malaysian counterparts in the coming days. Qaran News
  11. Isbeddel Keen:- W/Q Rakad Mxd Sultan Haddii aad Nolosha Isbeddel ka doonneysid Waxaan dadku Raadin raadi, waxaan laga fikirayn ka fikir, waxaan la aqoon ka fikir, wax caqligal ah se la awoodi karo ka fikir, ka dibna Qiimee, Dhinacyo badan ka rogrog, qorshee wakhti kama dambays ahna u sammee, ka dibna ku dhaqaaq. Waxkastoo Adduunka Yaalla rag baa u fikiray adigu i fikir siday u fikireen ka dibna Gaadh oo dhaaf halkay Gaadheen. Waxa loo ordayaa waa wax cusub soo kordhi iyo wax la qalday Toosi taasna waxa waxa maanta lagu kala horreeyo. Haddii hankaagu yahay Heer iyo Horumar Markasta Yeelo wax aad jeceshay oo aad rabtid innaad ka guul gaadhid, waxaasina ha noqdaan wax Baahi loo qabo, waxna ka taraya nolosha caadiga ee socota ee casriga ah. Halganka Noloshu qofba Meel buu saaraa, qofna wuu sarraysiiysa qofna waa Hooseysiiyaa Haddii Alle meel fiican ku gaadhsiiyay Hoos u eeg kuwa Nolosha Hoose haysta, Caawi, wacyi gali, Nolosha ugu saxsanna u Tilmaan si ay kuugu daydaan una hoga tusaalee. Haddii Aad naftaada un ka fikirtid Heerkaad gaadhid maaha mid dhammaystiran si uu u dhammaystirmo Dadka Hareerahaaga Daadsan ka fikir sidii aad Nolosha uga caawin lahayd ee aad intay kaa dareemayaan ugu caawin lahayd. Nolosha Khayrkeeda iyo wanaageeda Wehel ka dhigo, xaggeeda xuna Albaab adag ku tiiri kuna Quful. Markasta iyo Meelkasta Alle Talo Saaro kuna Kalsoonow Natiijadda Alle dhehna Alxamdullilaah si Alle kuugu farxo. Mahadsanid. Rakad Mxd Sultan. Dhiirrigaliye Nololeed. Qaran News
  12. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-07032019.mp3 View the full article
  13. Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska ugu caansan dalka Kenya ee Daily Nation ayaa maanta warbixin ka qoray waxyaabihii dhex-maray madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Uhuru Kenyatta oo shalay ku kulmay magaalada Nairobi. Daily Nation waxa uu qoray in wax heshiis ah aan lagu gaarin kulankii labada dhinac ee uu dhex-dhexaadiyey ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Warbixinta Daily Nation ayaa sidoo kale lagu sheegay inaysan waxba ka jirin warka kasoo baxay Villa Somalia ee ah in la isku raacay in dib loo soo celiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, lana soo celiyo safiirada la kala qaatay “Inkasta oo Muqdisho ay sheegeyso in safiirada labada dal ay howlahooda dib u billaabi doonaan dhowaan kadib markii wada-tashihorey loogu kala diray, Kenya iyo Somalia weli waxay isku khilaafsan yihiin habka loo xalinayo muranka” ayaa lagu yiri warbiixnta wargeyska. Waxaa taas caddeyn u ah, ayuu qoray wargeyska, xaqiiqda ah in Kenya aysan wax war ah kasoo saarin kulanka, islamarkaana uusan jirin war-murtiyeed si wadajir ah loo soo saaray. Warbixinta ayaa sheegtay in kulanka uu ku dhammaaday is-marin waa, ayada oo labada madaxweyne mid walba uu ku adkeystay mowqifkiisa. Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in dhul-badeedka lagu muransan yahay ay go’aan ka gaarto maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, halka Kenya ay dalbatay in meel ka baxsan maxkamadda xal lagu gaaro, labada dalna ay isku raacaan xuduud cusub oo ay ka wada-hadleen. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  14. Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay, sagaal kalena waxaa kasoo gaaray dhaawacyo kala duwan, kaddib qarax gaari oo maanta ka dhacay meel ku dhaw mid ka mid ah koontaroollada laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho. Goobjoogayaal iyo saraakiil amni ayaa laga soo xigtay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay isugu jireen shacab iyo ciidammo, waxaana gaariga qarxay la dhigay meel dibadda ka ah maqaayad ku taalla meel ku dhaw Tiyaatartkii Muqdisho. “Shan qof ayaa dhintay, sagaal kalena way dhaawacmeen, khasaare culus ayaana ka dhalatay qaraxa,” ayuu yiri milkiilaha maqaayadda uu horteeda ka dhacay Qaraxa oo ahaa mid dhawaqiisa laga maqlay inta badan gobolka Banaadir. Dhanka kale, Maamulka Gaadiidka Gurmadka deg-degga ah ee Muqdisho ka shaqeeya ayaa sheegay inay qaadeen dhaawacyada sagaal qof oo qaarkood ay xaaladoodu aad u daran tahay, sidoo kalena ay qaadeen maydadka dhawr qof oo ka mid ah dadkii ay ku naf-waayay qaraxan. Kooxda Al-shabaab ayaa war ay baahisay ku sheegtay inay weerarkaan ka ahayd mas’uuul, iyagoo sheegay inay lix sarkaal oo ciidamada dowladda ku dileen weerarkaan, kuwo kalena ay dhaawacyo ugu geysteen. Dadkii ka badbaaday weerarkan ayaa sheegay in gaariga qarxay goobta la soo dhigay, isla markaana ruuxii waday aan la ogeyn halka uu aaday, ayna mar qura xaaladdu isbedeshay markii uu qaraxu dhacay. Ugu dambeyn, Qaraxan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Toddobaadkii hore ay Al-shabaab ka geysatay Muqdisho Qarax gaari iyo weerar toos ah oo ay la beegsatay Hoteello ku yaalla waddada Maka Al-Mukarama, kuwasoo ay ku naf-waayeen in ka badan 30-qof ayna ku dhaawacmeen 140-qof oo kale. PUNTLAND POST The post FAAHFAAHIN: Qarax ka dhacay Muqdisho iyo Al-shabaab oo Mas’uuliyaddiisa sheegatay appeared first on Puntland Post.
  15. (SLT-Oslmted)-Booliska magaalada Olmsted ee ka tirsabn Gobalka Minnesota ee dalkaasi ayaa sheegay inay heleen maydka Nin Soomaali ah oo ay dhaawacyo rasaaseed ka muuqdeen. Booliska ma sheegin magaca Marxuumka, balse waxay tilmaameen inuu da’da Labaataanka ku jiray. Maamulayaasha Deegaanka waxay sheegeen inay ka war sugayaan inay xaqiijin ka helaan Waaxda Dembi-baarista Gobalka Minnesotaiyo Xafiiska Minnesota ugu qaabilsan Baaritaanka Daawada si ay u caddeeyaan qaabka loo dilay Marxuumkaasi. Boliska waxay sheegeen in maydka Marxuumka laga helay gaari dhexdiisa, mana jirin dad kale ama gaadiid kale oo ku sugnaa Deegaanka laga helay Marxuumka. Kevin Torgerson oo ka tirsan Mas’uuliyiinta Olmested ayaa wax laga weydiiyey inuu dilkaasi ahaa fal is-dilid ah waxa uu ka gaabsaday arrintaasi , isago oshaki buuxa ka muujiyey geerida Marxuumkaasi. Si kastaba ha ahaatee, haddii geerida Marxuumkaasi la sheegay inu u ahaa Fal Is-dil ah, waxa uu noqon doonaa dilkii ugu horreeyey ee ka dhacay sannadkan. Source
  16. (SLT-Washington)-Xildhibaanada Taageersan Xukuumadda Benjamin Netanyahu ee ka tirsan Xisbiga Dimuquraadiga Maraykanka oo ay Ilhaan Cumar kamid tahay ayaa waday olole ay doonayeen in Golaha Wakiilada cod u qaado qaraar lagu cambaareenayo Xildhibaanada asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen Yahuud-naceyb. Weerarkan cusub oo bilowday horaantii asbuucan ayaa waxaa soo abaabulay qaar kamid ah hogaanka Xisbiga Dimuquraadiga oo ay ku jirto Guddoomiyahooda Ms.Nancy Pelosi iyo koox Xildhibaano Yahuud ah oo ku tilmaamay hadalada Xildhibaanada Ilhan kuwo salka ku haya yahuud-naceyb, kooxdan xildhibaanada ah ee cadaadiska saaray Ilhan markii 2aad ayaa ah kuwa daacada u ah kooxda u ololeysa Israel ee loo yaqaan AIPAC oo ay horey u cambaareysay Ilhan Omar. Qaraarka ay soo diyaariyeen Xildhibaanadan oo ay doonayeen in codka loo qaado Arbacadii shalay ayaa fashilay kadib markii uu buuq weyn ka dhex dhashay isla xisbiga Dimuquraadiga oo ay xildhibaano badan la safteen Ilhan iyadoo shirkii xisbigaasii keenay in lagu kala kaco. Ilhan Omar oo diiday in siyaasiyan-la-aamusiyo ayaa Sabtidii lasoo dhaafay shir ay ka qeyb gashay ku sheegtay in ay khalad tahay in Xildhibaanada Maraykanka ay daacad u ahaadaan labo wadan hadii ay doonayaan inay kamid ahaadaan guddiyada Baarlamaanka ee awoodaleh, hadalkaasi oo loo micneeyey inay ulla jeeday wadanka labaad Israel oo ay daacad u yihiin Xildhibaano badan oo Maraykan ah. Xildhibaanada u badan dhalinyarada ee ku cusub Baarlamaanka oo iyagu hada taageero xoogan ku dhexleh shacabka Maraykanka ayaa la saftay Ilhan Omar, arrintaasi oo keentay in dib loo dhigo qaraarkii taageerayaasha Israel horkeeni lahaayeen Baarlamaanka. Murashaxiin Madaxweyne iyo Siyaasiyiin Taageeray Ilhan Omar Waxaa sidoo kale si buuxda u taageeray Ilhan Omar qaar badan oo kamid ah Yahuuda Maraykanka oo sheegay in Ilhan aysan necbeen Yahuuda balse ay xaq tahay inay cambaareyso xukuumada xagjirka ah ee Israel ee uu hogaamiyo Benjamin Netanyahu oo ay sheegeen inuusan metelin Yahuuda. Senator Bernie Sanders Senator Bernie Sanders oo ah murashaxa Madaxweyne ee xisbiga Dimuquraadiga ka dhex tartamaya ahna siyaasiga xiligan ugu taageerada badan Maraykanka ayaa sheegay inuu garab taagan yahay isla markaana uu difaaci doono Ilhan Omar. Senator Sanders ayaa qudhiisa ah nin Yahuud ah. Kooxda Kudlada xildhibaanada Madowga Maraykanka ee kamid ah Dimuquraadiga ayaa taageero la garab istaagay Ilhan Omar. Senatorada Kamala Harris oo ah haweenaydii ugu horeysay ee Madowga Maraykanka oo u tartameysa Xilka Madaxweynaha ayaa iyaduna sheegtay inay taageersan tahay Ilhan. Murashaxiinta Madaxweynaha ee taageeray Ilhan ayaa waxaa sidoo kale kamid ah Elizabeth Warren iyo Tulsi Gabbard oo ka tirsan Golaha Wakiilada & Senate-ka. Waji-gabaxii Nancy Pelosi Kooxda ay hogaamineysay Nancy Pelosi oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ayey lama filaan ku noqotay taageerada Ilhan Omar ku dhexleedahay Dimuquraadiga ayaa sheegay inay wax ka bedali doonaan qaraarkii ay doonayeen in loo codeeyo isla markaana sheegay inay ka saareen qoraalkaasi cambaareynta Ilhan Omar, waxayna sheegeen in qaraarkaasi kusoo koobi doonaan cambaareynta hadala Muslim & Yahuud-Naceybka ah. Ololaha Xagjirka, Trump & Israel Ilhan Omar ayey horey weerar ugu hayeen xisbi xaakimka oo uu hogaaminayo Donald Trump oo si toos ah marar badan u sheegay in Ilhan laga saaro guddiga Golaha Wakiilada u qaabilsan Siyaasada Arrimaha Dibada, dhinaca kale Ilhan ayaa weeraradan siyaasadeed ku heshay taageerayaal badan oo ah shacabka Maraykanka oo qaarkood cadaadis saaray xildhibaanada gobaladooda laga soo doorto inay garab istaagaan Xildhibaanada Soomaaliga ah. Jariirada New York Times ayaa iyaduna qortay warbixin dheer oo muujineysa in kooxda Israel u ololeysa ee AIPAC asbuucyadii lasoo dhaafay olole xoogan ugu jireen inay ku cadaadiyaan hogaanka xisbiga Dimuquraadiga iyo waliba kuwa Jamhuuriga inay weeraraan Ilhan Omar. Xildhibaanada ku xiran Israel oo horey awood badan ugu lahaan jiray Baarlamaanka Maraykanka ayaa si weyn uga cabsi qaba Xildhibaanada cusub ee Dimuquraadiga iyo ololaha Ilhan ee ka dhanka ah xukuumada Israel maadaama xildhibaanadaasi ay hada kamid tahay Guddiga Kongareeska ee Siyaasada Arrimaha Dibada. Hay’ada danbi-baarista Maraykanka ee FBI ayaa hada wada baaritaano ku aadan kooxo iyo shaqsiyaad la sheegay inay Ilhan Omar ugu hanjabeen dil kuwaasi oo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin taageerayaasha Trump. Source
  17. Wasaaradda horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska Dowladda Puntland ayaa maanta Garoowe Ku qabatay kulan wada tashi ah oo looga hadlayey caqabadaha haweenka haysta islamarkaana loogu Gogol xaarayey xuska maalinta caalamiga ah ee haweenka adduunka ee ku beegan 8-da Maarso sannad walba. Kulankan ay soo agaasintay wasaaradda haweenka Puntland oo kaashanaysa mashruuca TIS PLUS ee ay maal-gelisay hay’adda USAID ayaa waxa ka soo qeyb galay mas’uuliyiinta wasaaradda ee dhammaan sagaalka gobol ee Puntland, xubno ka socday ururweynaha haweenka Puntland ee sagaalka gobol qaar kamid ah gabdhaha ku jira golayaasha degaanka degmooyinka Puntland iyo marti sharaf kale. Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska Dowladda Puntland Maxamed Cabdirisaaq oo sharraxaad ka bixiyay kulanka ayaa sheegay in ujeedka u weyn ee shirkan loo aabtay yahay in laga wada-tashado caqabadaha hor-taagan haween weynaha Puntland. Guddoomiyaha ururka haweenka Puntland ee gobola Nugaal Faadumo Axmed Nuur Beergaal ayaa dhankeeda kulanka ka sheegtay in shirkan muhiin u yahay soo bandhigidda xogta rasmiga ah ee cagabadaha haysta haweenka Puntland iyo xal u helistooda maadaama si qoto dheer looga wada-tashanayo. Dhammaan mas’uuliyiintii iyo haweenkii kala duwanaa ee ka hadlay shirka ayaa cod midaysan ku soo dhoweeyay in laga wada-tashado caqabadaha haweenka iyagoo wasaaradda ku bogaadiyay dadaalka ay ugu jirto u qareemidda iyo ilaalinta xuquuqda haweenka Puntland. Wasaaradda horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska Dowladda Puntland marwo Aamina Cismaan Xaaji Jaamac eoo kulanka soo xirtay ayaa sheegtay in ay wasaaradda ka go’antahay in ay codkooda dhegaysto haweenka Puntland ee ku nool degaannada kala duwan si loo ogaado cid kasta iyo caqabadaha u gaarka. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegtay in shirka looga golleeyahay in haweenka Puntland lagala tashado caqabadaha ka haysta dhinacyada kala duwan habka looga gudbi karo si loogu daro qorshaha horumarinta 5-ta sano ee xukuumadda Puntland ay haatan dejinayso. PUNTLAND POST The post Garoowe: Wasaaradda haweenka Puntland oo qabatay kulan loogu gogol xaarayo 8-da Maarso appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (SMN) – Maxkamada ciidamada qalabka sidda e Soomaaliya ayaa waxaa maanta lasoo taagay labo eedaysane. Eedaysanayaasha ayaa kala ah; Canshuur Cusmaan Abuukar iyo Maxamed Cali Barrow Aadaan. Canshuur iyo Maxamed ayaa lagu eedeeyay in ay wax ka ogaaayeen weeraro iyo qaraxyo ka dhacay Muqdisho. Weerarada la sheegay in ay ku lug lahaayeen ayaa ka kala dhacay; Tiyaartaka qaranka, Hotel Saxafi, Daljirka Daahsoon iyo xarunta degmada Howlwadaag. Sidoo kale, labada eedaysane ayaa wajahaya dacwad ku aadan dilal qorsheysan oo ka dhacay magaaladda caasimada ah. Xasan Cali Nuu [Shuute], gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka ayaa ka dalbaday xeer-ilaalinta in ay keento caddeymaha ay u haysto kiisaskaan. Ugu dambeyntii, Shuute oo soo xiray fadhigii lagu dhageystay eedaymaha ka dhanka ah raggaan ayaa sheegay in fadhiga labaad dib laga soo sheegi doono. View the full article
  19. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-07032019.mp3 View the full article
  20. (SLT-Hargeysa)-Ehelada laba nin oo maxkamadda nacfaanka gobolka Maroodi-jeex ku xukuntay muddo 8 sanno ah iyo ganaax lacageed oo badan ayaa si dareen leh uga hadlay xukunkaas, waxaanay farta ku fiiqeen cidda ay u xidhan yihiin, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. New York (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dalalka xubnaha ka ah QM u gudbisay warbixin ku saabsan xiisadda Soomaaliya iyo Kenya ee badda, islamarkaana jawaab u ah beenta ay Kenya faafineyso. Qoraalka Ergada Joogtada ah ee Soomaaliya ee QM, oo ay heshay Caasimada Online, ayaa dalalka caalamka loogu sheegay in Kenya ay dalalka caalamka u gubineyso been ku saabsan hab-dhaqanka Soomaaliya ee dhul-badeedka lagu muransan yahay. Qoraalka Soomaaliya ayaa jawaab u ah wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, oo warbixin ku saabsan “muranka badda” ee kala dhaxeeysa Soomaaliya, kuna xoojineyso dooddeeda u gudbisay qaar ka mid ah dalalka xubnaha QM iyo Golaha Ammaanka Midowga Afrika. “Kenya waxa ay si aan sax ahayn u sheegtay in Soomaaliya ay iibineyso xirmooyin shidaal oo ku yaalla dhul-badeedka lagu muransan yahay. Kenya waxa ay sheegashadan aan saxda ahayn dalalka iyo ururada caalamiga ah u gudbisay 22-kii febraayo” ayaa lagu yiiri qoraalka. “Soomaaliya waxay Kenya u gudbisay 25-kii febraayo waraaq ay ugu xaqiijineyso inaysan iibin islamarkaana iibin doonin wax xirmooyin shidaal ah oo ku yaalla dhul-badeedka lagu muransan yahay” ayaa lagu yiri qoraalka. “Kiiska Soomaaliya iyo Kenya ee muranka badda wuxuu hor-yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, waxaana mar kale la dhageysan doonaa September 2019, ayada oo go’aankana la filayo sanadda 2020 gudaheed. Soomaaliya waxay Kenya u xaqiijisay inay u hoggaansami doonto go’aanka maxkamadda” Hoos ka arag qoraalka
  22. BELWEYNTA West Burco Clan UK OO BAAQ CAMBAREYN AH DIRAY Waxaa shalay ka BELWEYNTA West Burco Clan UK OO BAAQ CAMBAREYN AH DIRAY garsoorka Somaliland xaajo ugub ah oo sharciyada Islaamka iyo ta Gaaladaba ku cusub. Taas oo lagu xukumay dulmi laba nin oo isku reer ah oo wax dambi ah oo ay gaysteen jirin. Labadaa nin oo la kala yidhaa; Abwaan Bashe Hassan iyo Macalin Abdilqadir Nour, wuxuu cadeeyay qareenkii u hadlaayay in maxkamaddu hore dambi ugu wayday oo la sii daayay. Hadana mar labaad la soo qabtay oo la xidhay. Waxay hore u xidhnaayeen muddo sagaal bilood ah. Shalayna maxkamaddu waxay ku xukuntay midkiiba 8 sannadood oo xadhig ciqaabeed ah iyo $625,000.00. Waa xaajo dadkii ka fajicisay oo aan hore loo arag. Xukuumadii Kali taliska ahayd ee Mohamed Siyaad Barre ee xadhiga, cagajuglaynta, iyo xoritul qawlka la dagaalamaysay oo kale ayay maanta xukuumadeenii cagta saartay. Waxay is leeyihiin dadka ku cabsi galiya, laakiin dadka way kicinayaan. Mar haday dadku kacaana cid joojin doonta la arki maayo. In badan ayaanu ka dignay in sharci darrada iyo cagajuglaynta laga daayo dadka oo aan cid gaar ah la bar tilmaameedsan. War ragow kibirka waa lagu kufaa taa ha la ogaado. Kumanaan Caare ayaa soo bixi doona hadii la joojin waayo sharci darrada. Ma waydiisan doono in la soo daayo, laakiin Muse diiriyow dadka diiri oo kici. Waxaanu cambaaraynaynaa annaga oo ah Garxajiska degan dalka Ingiriiska, xadhigaa sharci darada iyo kibirka ah ee lagu xukumay Abwaan Bashe iyo Macalin Abdilqadir. Eng. Abdillahi Hassan Amay Ali Hassan Dualeh Abdirahman Jama Ahmed (Shotaley) Abdilqadir Iidan Abdirashid Magaalo Eng. AbdiAziz Ali Adagude Abdirahman Ali AbdiQani Mohamed Jama Abdirahman Muse (Cirro) Abdi Yusuf Adam AbdiKarim Yasin Sh. Dalmar Abdillahi Osman Abdillahi Abdi Jama AbdiQani Saeed Adam Abdirahman Yusuf Awale Abdirahman Adam (Hadana) Abdirahman Mohamed Ahmed Abdisalam Suulcayn AbdiWali Yalas Abshir Moalin Muj. Adam Mohamoud Farah (Sikawi) Ahmed Yusuf Bilqasab Ahmed Harir Ahmed Hashi Gulaid Ahmed Abdi Indhagamun Ahmed Yusuf Jama Ahmed-Nasir Ahmed Qalax Ahmed Sh. Omer Hussein Ahmed Sheel Ahmed Ismail Ali Bihi Ali Farah Dheere Aniis Mohamed Ismail Asad Dahir Awale Bacaw Awil Muse Ali Suudi Barre Bile Jama Barre Dayax Abdillahi Bashe Abdillahi Qulumbe Caawiye Jama Abdirashid Darwish Deeq Abdillahi Haabiil Deeq Mohamoud Prof. Essa Hussein Faisal Mohamed Farah Egal Farhan Muhumed Fuad Shibin Abdikarim Jama Dagaal Hamze Jibril Botan Hamze Ahmed-Salaan Eng. Hassan Hussein Jama Hassan Baroud Hassan Haroun Hassan Ahmed Hussein H. Jama (Hussein Ithnin) Ibrahim H. Deria Ibrahim Jalafe Mohamed Yusuf Diirqadhaadh Nasir Hassan Farah Jamal Muse Ismail Ismail Ali Ismail Cambashe Jacfar Ismail Botan Khadar Abdi Khadar Elmi Dalamiye Khadar Adam Koodbuur Khadar Soofe Hirad Mohamed Ali Bashe Mohamed Aw Yusuf Mohamed Carab Mohamed Abdillahi Essa (Mohamed Dheere) Mohamed Dheeg Mohamed-Nageeb Ibrahim Mohamed Abdillahi Egeh (Sunni) Mohamed Sulaiman Mohamed Yusuf Amay Mohamoud Casayr Mohamoud Dheere Mohamoud Awil (Hamle) Mohamoud Sh. Abdillahi Mubarik Omer Ibrahim Muj. Ahmed Ali Abdi (Oday) Mustafa Abdillahi Ismail Mustafa Ismail Ahmed (Kenadi) Mustafa Qorane Omer Ali Wais Omer Salaan Rashid Haibe Rashid Aw Nour Hassan Rashid Ibrahim Hersi Sa’ad Qawdhan Saeed Ali Adam Saeed Suldan Abdilqadir Sulaiman Sanyare Yoolac Mohamed Yusuf Shire 100)Taysiir Askar 101) Yasin Sulaiman Mohamed Qaran News