Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,626
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mandera (SMN) – Booliska magaalada Mandera ee gobolka woqooyi Bari dalka Kenya ayaa sheegay in ay xabsiga u taxaabeen nin qorsheenayay in uu gudaha u galo Soomaaliya,si uu ugu biiro Al Shabaab. Ninkan oo 53 jir ah ayaa magaciisa lagu sheegay Backstone Agaro waxayna tilmaameen Booliska Mandera in xabsiga lagu heyn doono muddo todobaad ah,si baaritaano dheeraada loogu sameeyo dacwaddiisa. Dadka deegaanka ayuu Mr Agaro weydiiyay sida ugu fudud ee lagu gali karo gudaha Soomaaliya, laakiin durba dadkii uu la hadlay ayaa wargaliyay laanta la dagaalanka Argagixisada dalka Kenya, iyagoo sheegay in ninkaasi ay uga shakiyeen in uu basaas u yahay Al Shabaab. Sarkaal ka tirsan Booliska Kenya ayaa xaqiijiyay in ninkani uusan wadan wax taleefan ah, si laamaha ammaanka aysan ula socon dhaqdhaqaaqa safarada uu galayo. Sidoo kale sarkaalkani ayaa in ninka ay qabteen uu watay Buug ay ku qoran yihiin ku dhawaad 30 magaalo oo dalka Kenya ka tirsan oo uu booqday,balse uusan sharaxaad ka bixin sababta ka dambeysa safarada uu ku tagay magaalooyinkaasi. Ha’aydaha ammaanka ee dalka Kenya ayaa wada howgallo lagu xaqiijinayo amniga,si ay uga hortagaan weerarada Al Shabaab ay ka fuliyaan gudaha dalkaasi. View the full article
  2. (SLT-Uganda)-Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa mar kale tusaale la yaab leh u soo qaatay dalka Soomaaliya oo uu ku tilmaamay meel laga jecel yahay dhaqan xumadda iyo gardarada. Mar uu ka hadlay Askari Uganda u dhashay oo dhawaan la sheegay in uu dharbaxaay haweeney ka tirsaneyd isla ciidammada Uganda in loo masaafurin doono Soomaaliya oo sida uu hadalka u dhigay ah halka laga jeceli yahay dhaqan xumada noocaa oo kale ah. “Askari in uu dumar dharbaaxo ama ku qeyliyo qof reer Uganda ah waa wax aan laga aqbalikarin, waana gafweyn oo Bulshadda ceeb ku ah, Askarta aan la heyn Asluubta wanaagsan oo aan bulshadda la dhaqmikarin, waxaana u direynaa Soomaaliya oo ah meesha dhaqan xumadda siddaan oo kale ah looga baahan yahay,’’ ayuu yidhi madaxweyne Museveni. Madaxweynaha Uganda ayaa horey ugu tilmaamay Soomaaliya meel aysan ka jirin dowlad maamusha, taa oo ka careysiisay dad badan oo Soomaaliyeed, waxaana hadalkaa jawaab ka bixisay dowladda Soomaaliya oo ku tilmaamtay Museveni ‘’ Qof iska Hadlay’’ Laakiin waxaa muuqata in mar kale madaxweynuhu tusaale u soo qaatay Soomaaliya oo uu ku tilaamay meel Askarteedu aysan aqlaaq laheyn, isaga oo ugu goodiyay Askariga Uganda u dhaqashay ee ku kaca fal anshaxa ka baxsan loo diri doono Soomaaliya. Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya meydka ruux dhalinyaro ah oo lagu arkay wadada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn sida xaalkiisa uu ku dhacay. Wararka qaar ee soo baxaya waxay sheegayaan in ruuxaasi loo badinayo inuu kamid ahaa dadki waxyeelada ay kasoo gaartay qaraxyadii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho. Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in ruuxaasi uu doonayay inuu mid kamid ah baalayaasha korontada uu qalab ka furto balse ay korontada qabatay, halkaasina uu ku geeriyooday. Waxaa dadka qaar ee bar gartay ay sheegeen inuu ahaa dadka cuna haraadiga Khaadka islamarkaana loo malaynayo inay korontada dishay. Lama hayo faahfaahin dheeraad ah waxaana sidoo kale jirin masuuliyiin ka tirsan dowladda oo arintaan ka hadlay.
  4. (SLT-Washington)-Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey António Guterres ayaa xil sareu magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Workneh Gebeyehu, kaasoo isaga tagaya xilka uu ka hayo Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiye Axmed. Qoraal uu soo saaray Guterre ayaa lagu sheegay in Workneh Gebeyehu loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Xafiiska Qaramada Midoobey ee Nairobi (UNON), iyadoo uu madax ka noqonayo dhamaan xafiisyada UN-ka ee ku yaalla Nairobi. Hanna S. Tetteh oo horay u heysay xilka Agaasimaha Guud ee Xafiiska Nairobi ayaa loo magacaabay Ergeyga u qaabilsan Qaramada Midoobey Midowga Afrika iyo Madaxda Xafiiska Midowga Afrika. Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Workneh Gebeyehu ayaa sii wadanaya shaqada uu u hayo qaranka dalkiisa inta Abiye Axmed uu ka soo magacaabayo Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda Itoobiya, iyadoo Xafiiska Abiye Axmed ay ugu hanbalyeeyeen Workneh Gebeyehu xilka cusub ee loo magacaabay. Wasiirkan ayaa shaqooyin kala duwan ka soo qabtay gudaha Itoobiya, waxaa uu heystaa shahaadooyinka xiriirka Caalamiga ah iyo kuwo Arts ka ah. Qaramada Midoobey ayaa mudooyinkii u dambeeyay waxaa xilal sare ka qabanayay mas’uuliyiin xilal ka hayay dowladda Itoobiya, iyadoo sanadkii 2017 Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedros Adhanom loo magacaabay Agaasimaha Guud ee hay’ada Caafimaadka Aduunka WHO. Source
  5. (SLT-Canada)-Wasiirka Socdaalka, Jinsiyadaha iyo Qaxootiga dalka Canada Axmed Xuseen ayaa meesha ka saaray wararka la xidhiidha inuu is casilaad sameynayo, isagoo sheegay inuu si buuxda ugu Kalsoonyahay Ra’iisul Wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau. Hadal uu suxufiyiinta ku siisay xafiiskiisa, ayuu ku sheegay inuu shaqada sii heynayo uuna aaminsan yahay in Justin Trudeau uu sii wado maamulka dalkiisa, xili uu wajahayo fadeexad dhinaca Siyaasada ah, taasoo Xisbi ahaan u heysata. “In la sameeyo iscasilaad waxba soo kordhin meyso, ma doonayo inaan ka tago shaqadeyda waayo kalsooni buuxda ayaan ku qabaa ra’iisul Wasaare Justin Trudeau” ayuu yiri Wasiir Axmed Xuseen Warbaahinta Dalka Canada ayaa aad u raadinaya Wasiirro ka goosta ama iska casila Xukuumadda Trudeau, iyaga oo xafiiskiisa ku booqday Wasiirka Socdaalka, Jinsiyadaha iyo Qaxootiga Canada Axmed Xuseen, inkastoo aysan ka helin waxa ay ka filanayeen. Inta la ogyahay ilaa hada waxaa is casilaad sameeyay labo wasiir oo ka tirsan dowladda Canada, kuwaas oo lagu kala magacaabo Jody Wilson-Raybould iyo Dr. Jane Philpott, waxaana saacad kasta dhici karta shaqa ka tagis ay sameeyaan qaar ka mid ah Wasiirada. Source
  6. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre ayaa baajiyay safar lagu waday in uu ku tago M/Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland. Ujeedada uu safarkaasi kaga baqday ra’iisul wasaare Khayre ayaa lagu sheegay in ay tahay ka qeyb galka Aaska Marxuum Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo shalay ku geeriyooday dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta. Wafdi Wasiiro ah oo loo xil saaray Aaska Wasiirka ayaa ku howlan diyaargarowga iyo soo qaadista meydka Wasiirka. Xubnaha Guddigan ayaa kala ah. 1-Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Fuuleed 2-Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Ciise Cawad 3-Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abuukar Islow 4-Wasiirka waxbarashada Mudane Cabdullaahi Goodax Barre 5-Wasiirka Warfaafinta Mudane Daahir Maxamuud Geelle 6-Wasiirka Kalluumeysiga Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame 7-Wasiir ku xigeenka Dastuurka Mudane Xuseen Cabdi Cilmi Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Cod-cabdiqani-.mp3 View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Waxaa saaka meydka wiil dhalinyaro ahaa lagu arkay qeybo ka mid ah waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho. Meydka marxuumka ayey dadka deegaanku ku soo waabariisteen isaga oo oo yaalla luuq ku dhegan hotel Kuwiat Place ee waddada Maka Al-mukarama. Shabelle oo booqatay goobta uu yaallo Meydka ayaa waxa ay dadka deegaanku u xaqiijiyeen in koronto ay dishay ninkaasi oo da’diisa lagu qiyaasay 25 illaa 30 jir. Saraakiil ka tirsan kuwa laamaha amniga iyo shaqaale ka socday shirkad dhinaca korontada ayaa gaaray halkaasi, balse weli lama garan waxa uu yahay shaqsigaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  8. Maxamed Xaashi Carabey, madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug ayaa sheegay in aanu xilligan jirin khilaaf ka dhaxeeya maamulka Galmudug gaar ahaan garabkooda iyo sidoo kale dowladda federaalka Soomaaliya. Waxa uu sheegay in ay sax tahay khilaafka maamulkooda u dhaxeeya islamarkaana keenay iney ku kala shaqeeyaan Cadaado iyo Dhuusamareeb, balse aanay jirin wax ay dhankooda dowladda isku qabteen. Carabey ayaa sheegay in ay is khilaafsan yihiin DFS iyo garabka madaxweyne Xaaf waa sida uu hadalka u dhigaye. Dhanka kale, Carabey ayaa sheegay in sababaha khilaafka aan uga dhex dhammaan Galmudug ay tahay waxgaradkii iyo siyaasiyiin kasoo jeedday deegaannada maamulkaasi oo si dhab ah ugu istaagin xallinta khilaafyada jira. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/WAREYSI-Madaxweyne-ku-xigeenka-maamulka-Galmudug-Maxamed-Xaashi-Cabdi-Carabey-08-03-2019.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Korneel Shariif Roobow oo ah qabiir dhanka ammaanka ah ayaa ku eedeeyey dowladda federaalka Soomaaliya iney dayacday amniga guud ee magaalada Muqdisho. Waxa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Muqdishi ay Todobaad gudahiisa ka dhacaan qaraxyo waxyeello u geystay dadka shacabka ah. Waxa uu tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya iska indho tirtay wadada saxda ah ee wax looga qaban karo ammaanka Muqdisho. Sidoo kale, Shariif Roobow ayaa sheegay in ay jirto isla-xisaabtan la’aan oo aanay madaxda dowladda la xisaabtameyn mas’uuliyiinta dhanka amniga ah. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/ROOBOW-SAX-AH-09.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Dadka ku dhaqan degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ayaa saakay kusoo kacay meydka wiil dhallinyaro ah oo ku jiray luuq aad u ciriir ah oo ku yaalla wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho. Halka uu ku jiray Meydka wiilkan ayaa ahayd Luuqa (jiirada) u dhaxeysa Hotelkii Kuwait ee kasoo horjeedka Hoteelka Makka Al-mukarrama iyo sidoo kale dhisme halkaasi ku yaalla. Sida ay sheegeen dad ku dhow wiilkan, waxaa dishay Koronto halkaasi taallay, taasi oo ku jarantay qaraxii dhowaan ka dhacay Wadada Makka Al-mukarrama, sidaasina uu ku dhintay. Ciidamada Booliiska oo halkaa tagay ayaa Meydka halkaa kasoo saaray, waxaana la sheegay in baaritaanno dheeraad ah lagu sameyn doono. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (SMN ) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir. Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha M/ Muqdisho ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Guri ku yaalla xaafadda Nasrudiin ee degmadaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxan lagu diyaarinayay Gurigaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Ciidamo ka tirsan kuwa amniga ayaa gaaray halkaasi, kuwaas oo gabi ahaan la wareegay hoyga uu qaraxu ka dhacay. Sidoo kale ciidamada dowladda ayaa gacanta ku dhigay tiro dad ah oo looga shakisan yahay qaraxaasi. Xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa kormeer ku tagay meesha ay wax ka dhaceen, balse kama aysan hadlin qaraxaasi. Xaaladda ayaa saaka dagan, iyadoona ciidamada ammaanku weli baaritaano dheeraad ah ay ka wadaan halkaasi. View the full article
  12. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku dhawaaqay guddi heer wasiirro ah oo Aas Qaran u diyaariya wasiir C/raxmaan Xoosh Jibriil oo shalay ku geeriyooday Dubai. Xubnaha Guddiga ayaa kala ah. 1-Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Fuuleed 2-Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Ciise Cawad 3-Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abuukar Islow 4-Wasiirka waxbarashada Mudane Cabdullaahi Goodax Barre 5-Wasiirka Warfaafinta Mudane Daahir Maxamuud Geelle 6-Wasiirka Kalluumeysiga Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame 7-Wasiir ku xigeenka Dastuurka Mudane Xuseen Cabdi Cilmi Ra’iisul wasaaraha ayaa ummadda Soomaaliyeed iyo Qoyskii uu ka baxay uga tacsiyeeyey geeridii ku timid wasiirkii Dastuurka Soomaaliya Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Onlijne)-Taliyihii hore ee ciidamada NISA Cabdulaahi Maxamed Cali Sambaloolshe oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Dalsan TV ayaa si adag u weeraray dowladda madaxweyne Farmaajo. Sambaloolshe ayaa ugu horeyn ka hadlay arimaha badda Soomaaliya iyo safarkii madaxweyne Farmaao uu ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isaga oo safarkaasi ku tilmaamay mid madaxweynaha la hogaaminayay. Wuxuu sheegay in Safarkaasi uu ahaa mid aysan fileyn dhamaan shacabka Soomaaliyeed in laga qarin doono waxyaabaha kasoo baxay kulankii gaarka ahaa ee ka dhacay magaalada Nairobi. Wuxuu soo hadal qaaday xaaladaha dhanka amaanka ee dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in markuu xilka hayay uu wax badan ka shaqeeyay, balse markii xilka laga qaaday lagu wargeliyay xil gudasho la’aan haddana aysan jirin cid la xisaabtanta dadka hay’adaha amaanka ka shaqeeya. Mar uu ka hadlayay siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya wuxuu sheegay in guulo badan oo la gaaray aysan jirin, islamarkaana wadamo badan oo saaxiibo la ahaa Soomaaliya hadda la lumiyay. Sambaloolshe ayaa isaga oo isbarbardhig ku sameynaya dowladda Farmaajo iyo maamulkii Xasan Sheikh, wuxuu sheegay in dowladii Xasan Sheikh dhamaan waxyaabihii ay wanaajisay in lasii dumiyay, sida uu hadalka u dhigay. Hoos ka daawo Wareysiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Qarax Miino ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhabarka dambe guri ay deganaayeen dad rayid ah oo ku yaalla xaafadda warshadda taraqa iyo sigaarka ee wadada Warshadaha, magaalada Muqdisho. Ma jirto wax khasaare nafeed ah oo uu geystay qaraxan, hase ahaatee waxa uu dumiyey oo kaliya qeyb ka mid ah gurigii uu ka ag dhacay. Ciidamada ammaanka oo halkaasi gaaray ayaa wada baaritaanno qaraxan, waxaana la sheegayaa in la xiray dad halkaasi ka dhow. Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-090319.mp3 View the full article
  16. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku dhawaaqay guddi heer wasiirro ah oo Aas Qaran u sameeynaya allaha u naxariistee wasiir Cabdi xoosh. Xubnaha Guddiga ayaa kala ah. 1-Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Fuuleed 2-Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Ciise Cawad 3-Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abuukar Islow 4-Wasiirka waxbarashada Mudane Cabdullaahi Goodax Barre 5-Wasiirka Warfaafinta Mudane Daahir Maxamuud Geelle 6-Wasiirka Kalluumeysiga Mudane C/raxmaan Cabdi Xaashi 7-Wasiir ku xigeenka Dastuurka Mudane Xuseen Cabdi Cilmi Ra’iisul wasaaraha ayaa ummadda Soomaaliyeed iyo Qoyskii uu ka baxay uga tacsiyeeyey geeridii ku timid wasiirkii Dastuurka Soomaaliya. Puntland Post The post Ra’isilwasaare Kheyre oo guddi u magaacay aaska wasiirkii dastuurka appeared first on Puntland Post.
  17. Hargeisa-(Qaran-news)-Sida ilo wareedyo u dhuundaloola Qasriga iyo Qoyska Madaxtooyada Somaliland u xaqiijiyeen warfidiyeenka Qarannews, Muuse Biixi iyo wefti uu hogaaminaayo ayaa maanta u baqooli doona Dalka UAE. Xoggaha Warfidiyeenka Qarannews helay waxay kaloo tibaaxayaan in ujeedada safarkiisa Muuse Biicixi daaran tahay inuu soo saxeexo Heshiiska Saldhiga ciidamada Berbera DalkaUAE ka dhisanaayo oo gebogebo ah,lana filaayo inuu ku dhamaado muddo Sadex bilood gudahooda. Muuse Biixi Ayaan waxba kala socon Qodobada Heshiiska Saldhiga Milateri ee UAE ka dhisanayso Berbera oo Xukumadii Siilanyo gashay,Ku darsoo Golayaasha Qaranka iyo Shacabka ayaa laga qariyey Mucda Heshiiska ama wixii lays dhaafsaday. Geesta kalena waxaa jira xoggo isa soo taraya oo warfidiyeenka Qarannews ku soo shubmaaya oo sheegaya in Muuse Biixi UAE Kula yeelan doono Farmaajo Kulan xasaasiya oo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed gadhwadeen ka yahay. Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska warbixinada sirdoonka qora ee Africa Intelligence ayaa qoray in madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Kheyre ay isku khilaafeen go’aankii Farmaajo ku tagay magaalada Nairobi ee uu kula kulmay Uhuru Kenyatta. Wargeyska ayaa sheegay in Kheyre uu madaxweynaha u caddeeyey fikirkiisa ah inuu kasoo horjeedo kulankan oo ujeedkiisu ahaa in lagu qaboojiyo xiisadda diblomaasiyeed ee Kenya iyo Soomaaliya. Warbixintan ayaa sheegtay in Xasan Cali Kheyre uu doonayey in Kenya aan loo muujin wax dabac ah, oo Soomaaliya ay muujiso inaan la handadi karin. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale la sheegay inuu ka walaacsanaa dhex-dhexaadinta ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo in xiisadda labada dal lagu dhammeeyo hanaan diblomaasiyeed. Sida warbixinbta ay tiri, Farmaajo ayaa waxaa taageeerayey oo cadaadis kaga imanayey siyaasitiinta beesha Daarood ee ku jira dowladda Kenya, oo uu ka mid yahay guddoomiyaha aqlabiyadda baarlamanka Kenya Aadan Barre Ducaale, kuwaas oo doonaya inu xiisadda labada dal wada-hadal lagu dhamneeyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Nation ee Nairobi ayaa qoray warbixin muujineysa in ra’iisul wasaaraha, Itoobiya Abiy Ahmed uu u muuqday inuu ku mowqif ahaa Soomaaliya, marka ay noqoto habka loo xalinayo xiisadda Soomaaliya iyo Kenya. Warbixinta wargeyska ayaa sheegtay in intii ay socdeen wada-hadallada madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, uu Abiy, oo goobjoog ka ahaa soo jeediyey in labada dal ay si madax banaan uga hadlaan arirnta badda, balse ay ka heshiiyaan arrimaha kale ee diblomaasiyeed. Sida warbixinta ay tiri, Abiy Ahmed ayaa rumeysnaa in haddii muranka badda dartiis ay u istaagto wada-shaqeyntii labada dhinac, taasi ay saameyn aan wanaagsaneyn ku yeelan karto amniga Soomaaliya, oo aanay dan ugu jirin saddex dalba. Wuxuu qabay in labada dal soo celiyaan xiriirkooda, kadibna si madax banaan uga wada-hadalaan muranka badda. Mowqifka ayaan sidoo kale waafaqsanaa kan Farmaajo, oo ahaa in arrinta badda loo daayo maxkamadda caalamiga ah, labada dalna ay ka wada-hadlaan arrimaha kale. Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in dhul-badeedka lagu muransan yahay ay go’aan ka gaarto maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, halka Kenya ay dalbatay in meel ka baxsan maxkamadda xal lagu gaaro, labada dalna ay isku raacaan xuduud cusub oo ay ka wada-hadleen. Arrintan ayaa hoggaamisay inaan wax heshiis ah lagu gaarin kulankii Nairobi, xiriirka labada dalna weli uu sidiisa u xun yahay, inkasta oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in safiiradii la kala qaatay dib loo soo celinayo, taasi oo Kenya weli aysan xaqiijin. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika, Jeneral Thomas Waldhauser ayaa ku dhowaaqay in dhimista ciidamada Mareykanka ee Afrika aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin Soomaaliya. Jeneral Waldhauser oo la hadlayey congress-ka ayaa sheegay in howl-gallada Soomaaliya iyo Libya ee ka hor-tagga argagixisanimada ay muhiim u yihiin Mareykanka, islamarkaana ahaayeen kuwa miro dhal ah. “Waan ka fogaan doonnaa inaan wax dhimis ah ku sameyno ciidamada Soomaaliya iyo Libya, sababtoo ah dagaal ka hor-tagga argagixisanimada ee halkaas waa mid aad wax ku ool u ah” ayuu yiri madaxa AFRICOM. Mareykanka ayaa sanadkan oo kaliya Soomaaliya ka fuliyey 24 weerar oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana lagu dilay 236 ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab. Sanadii 2018 waxaa duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya lagu dilay 338 mintidiin ah. Mareykanka ayaa la rumeysan yahay in Soomaaliya ay ka joogaan ku dhowaan 500 oo askari, oo isugu jira ciidamada howl-gallada gaarka ah fuliya iyo saraakiil tababarka ka caawiya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom. Inta badan ciidamada Mareykanka ayaa waxa saldhigoodu yahay xarunta Xalane, iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo garoonka Balli-Doogle ee gobolka Shabeellada Hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Madaxweyne Farmaajo wuxuu siyaasadda Soomaaliya kusoobiiray dhamaadkii Sanadkii 2010, Isagoo xilligaas noqday Raiisul Wasaarihii 14aad ee Dalkeena. Intuu Farmaajo ahaa RW wuxuu dalka kusoo siyaadiyey Firfircooni, karti iyo dal jacayl aanan horay looga baran siyaasiyiinta Soomaaliyeed. Laakiin Madaxweyne Farmaajo asbuucaan wuxuu sameeyey siyaasad qar iska tuurid ah, taasoo dad badan kutilmaameen in ay tahay mid dhaawacidoonta maqaamkii uu ku dhex lahaa bulshadda Soomaaliyeed, sidoo kalena dhib u keenidoonta hankiinsa iyo mustaqbalkiisa siyaasadeeda. Habdhaqanka Kenya Kenya waxay Soomaaliya ula dhaqantay si qadarin la’aan iyo yasid ay kujirto, waxay soocayrisay danjirihii Soomaaliya, waxayna sidoo kale Soomaaliya ugu hanjabtay cunaqabatayn. Ujeedada ay kenya ka lahayd Arimahaas waxay ahaayeen in ay Soomaaliya ku cadaadiso in ay soofariisato Miiska wada hadalka si muranka badda loogu xaliyo wada hadal dibloomaasiyeed, sababta kenya u doonayso wada hadalka waxa weeye in kenya ay aad uga baqsan tahay in ay ku guuldaraysato dacwadda horteeda Maxkamadda Aduunka. Maxkamaddaan horay waxay u qabatay dacwado lamid ah tan Soomaaliya iyo Kenya, markastana waxaa dacwadda kuguulaystay kooxda la imaaday dooda Soomaaliya oo kale. Habdhaqanka Kenya maahan mid cusub, waa mid ay horay u tijaabisay taasoo ay wax kaga dheeftay: Madaxweynaha Kenya ee Uhurru kenyatta ee hadda xilka haya waxaa sanadkii 2008 lagu eedeeyey in uu kaqaybqaatay Xasuuq ka dhacay dalka Kenya. Balse, sidda la xasuusto Kenya waxay lasoobaxday kaarkaan ah in dalkeeda cadow lagu yahay, waxay eedayn iyo handadaad isagu dartay cidkasta oo kiiska Uhurru dabada ka riixaysey, waxayna Maxkamadda Aduunka ku eedaysey in ay beegsanayso oo keliya Madaxweynayaasha qaaradda Afrika, sidoo kalena waxay ka codsatay dalalka qaaradda Afrika in ay caawiyaan, kuwaasoo ajiibay codsigaas. Taasi waxay keentay in Kiiskii Uhurru ee horyaalay Maxkamadda Aduunka uu burburo. Kenya waxay dib ula soobaxday kaarkaas si ay Soomaaliya ugu cadaadiso in kiiska Maxkamadda lagala laabto, si arinka wada hadal loogu dhameeyo. Liidashadii Dawladda Soomaaliya Waa run in siyaasadda u baahan tahay taxadar iyo hab masuuliyad kudhisan, Balse Xukuumadda Farmaajo waxay u dhaqantay si ka hoosaysa maqaamka dawladeed. Xitaa jawaabaheeda ee ku aadana eedaymaha iyo cajuglaynta Dawladda Kenya ma ahayn kuwo lagu qanco, waxaa ka muuqatay isliidid badan. Madaxweynayaashii ka horeeyey Farmaajo ee Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed waxay ahaayeen kuwo si adag ula dhaqma dawladda Kenya. Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed, oo dawladiisa ahayd mid ka tabardaran tan Farmaajo uu hadda hogaamiyo, wuxuu si adag ula hadli jirey Kenya markay Soomaaliya ku xadgudubto, Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlin markay Kenya ciidameeda soogelisay dalka Soomaaliya ayaa wuxuu dhahay: “Ciidamada Kenya in ay Soomaaliya iska soogalaan raali kama nihin”. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu kenya u dhigay cashar wanaagsan. Isagoo kadiiday wadahadalkasta ee kusaabsan Muranka Badda ee ay doonaysey, wuxuuna la tiigsaday Maxkamadda Aduunka. waxaana xusid mudan in xitaa Madaxweyne Xasan Sheekh kuqasbay Kenya in ay raaligelin kabixiso khalad ay Soomaaliya ka gashay: Xiligii Madaxweyne Xasan Sheekh la doortay ee uu sugayey caleema saarida waxaa dhacday in Qarax ka dhacday meel u dhow guri uu deganaa Madaxweyne Xasan sheekh oo xiligaas la kulmayey wafdi ay kamid ahaayeen Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arimaha dibadda ee Kenya. Waxaa dhacday in Masuuliyiinta Kenya qaarkood ay eeda qaraxa dusha ka saaraan Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, balse Dawladda Soomaaliya arinkaas waa ay ka carootay, taasna waxay keentay in Kenya raaligelin arinkaas ka bixiso. Markiii Madaxeyne Farmaajo kusoobiiray Siyaasadda wuxuu ahaa mid dadku ay jeclaayeen dal jacaylkiisa iyo hadaladdiisa aanan ka leexleexashadda lahayn, balse Dad badan baa la yaaban sababta ay Xukuumadda Farmaajo u aamusan tahay oo aysan xitaa u oranin dhowr erey oo caradeeda muujin lahaa. Si qaldan oo Khilaafka loo xaliyey Inkastoo ay wanaagsan tahay in khilaaf la dhameeyo, balse qaabka Madaxewyne Farmaajo u maray si khilaafka looxaliyo ma uusan ahayn mid wanaagsan. Waxaana ka buuxay dhowr qaladaad: Libin inadhaaftay: Madaxweyne Farmaajo ma ahayn in uu Raiisul Wasaaraha Itoobiya u raaco kenya: Mida aanan la qarinkarin waxa weeye in libinta Xalinta khilaafkaan uu qaatay Rasiil Wasaaraha Itoobiya, kaasoo hadda u sharaxan Abaalmarin Nabada (Nopel peace Prize) ee Aduunka. Madaxweyne Farmaajo waxay ahayd in uu libintaas qaato, taasna wuxuu kugaari karay iyadoo wadahadalka laga bilaabo Muqdisho. Sida aan kor kusoo sheegay Wasiiradda Arimaha dibada ee Kenya waxay rabtay, diyaarna u ahayd in ay Muqdisho booqato si Soomaaliya wadahadal loola furo. waxayna ahayd in Xukuumadda Farmaajo, Wasiiradaas si wanaagsan ula dhaqanto kana dhigato barobogaando dibloomaasiyeed si Caalamka u tusiso in inkastoo Kenya ay u dhaqantay si caruurnimo oo Safiirkeena soocayrisay, hadana Soomaaliya aysan xumaan xumaan kugudayn oo oo ay tahay mid Nabad u taagan. Khalad bay ahayd in Madaxweynaha Farmaajo booqdo Kenya: maadama ay kenya soo cayrisay Safiirka Soomaaliya ma aysan ahayn in Madaxweyne Soomaaliya uu booqdo kenya. Waxay ahayd in Markii uu la kulmay Raiisul Wasaaraha itoobiya u sheego in Wasiiradda Arimaha dibadda ee labadda dal ee Kenya iyo Soomaaliya ay kulmaan si ay uga hadlaan arimaha khilaafka dhaliyey, hadhowna Madaxweynayaashu u kulmaan kadib markii ay wasiiraddu wax isla gartaan. Khalad bay ahayd in Khilaafka si degdeg loo xalliyo: Maadama ay kenya ahayd midda wadahalka doonaysey, siddoo kalena qaabka xun u dhaqantay, Dawladda Soomaaliya waxay ahayd in ay caradeeda muujiso oo Kenya wadahadalka ku adkayso si Kenya khaladkeeda u dareento. Taasna Dawladda Soomaaliya si fudud bay kusamayn kartay: waxa keliya oo looga baahnaa waxay ahayd in ay Kenya u aamusto ilaa waqti oo aysan ku degdegin wada hadal. Mana aysan ahayn in Soomaaliya muujiso in ay baahi u qabto in xiriirka si fudud lagu sooceliyo. Mugdiga kuxeeran wada-hadaladda Soomaaliya iyo Kenya Inkastoo ay Dawladda Soomaaliya sheegtay in aanan laga wadahadlin wax kusaabsan Arimaha badda, balse warar ka soobaxay Xafiiska Raiisul Wasaaraha Itoobiya baa ina tusinaya in ay macquul tahay in arimaha badda laga wadahadlay. Dad badan oo Soomaaliyeed bay tani walwal iyo walbahaar kuriday. Sida lawada ogsoonyahay Muranka badda waxaa keenay Siyaasiyiinta Soomaaliyeed kuwaasoo saxiisay Heshiis aysan aqoon u lahayn: kenya haddii aanan Sanadkii 2009 loo saxiixeen heshiiskii is-afgaradka ahaa, marna aysan haysateen dood ay muran kubilowdo. Sidaas awgeed, shacabka Soomaaliyeed waxay ka walwelayaan in Siyaasiyiinta ay mar labaad kudhacaan khalad labaad oo ay sidaas khatar kugeliyaan qayb kamid ah Soomaaliya. Hadaba, Xukuumadda Farmaajo waxaa habboon in ay ka fiirsato Talaabooyinka ay qaadidoonto, waxaana habboon in ay shacabka ka saarto mugdiga kaga jira wadda hadalkii Soomaaliya iyo Kenya. Shuayb Xaaji Ciise hornpost.net Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  22. Dhowr bilood waqti hadda laga joogo ayaan qoray qormo ‘kooban’ oo aan ku muujinayey sida Dowladda Soomaaliya (tii Xasan Sheekh Maxamuud iyo tan hadda ee Farmaajo) ay lacago laaluush ah u siiyaan diblomaasiyiin iyo saraakiil ajnabi ah. Hase yeeshee qaar badan oo ah Soomaalida kuwa aan wax badan la socon iyo kuwo taageero qabyaaladeysan ku duula, ayaa dood ka keenay, iyagoo wax raadraac iyo baaris sameyn. HADDA waxaa war fiican ah inay soo baxday cilmi-baaris lagu daabacay Jaamacadda Macalester ee dalka Mareykanka, taasoo uu qoray Brendon J. Cannon, laguna daabacay Joornaalka arrimaa caalamiga ee Bildhaan, cinwaankeeduna yahay “Saameynta Dowladaha Shisheete iyo Doorashadii Madaxtinimada Soomaaliya: Falanqeyn” “Foreign State Influence and Somalia’s 2017 Presidential Election: An Analysis” LINK: https://digitalcommons.macalester.edu/bildhaan/ DOWLADAHA LA SHEEGAY: Ethiopia, Qadar, Turkey, UK, Italy, UAE, USA. XASAN SHEEKH IYO FURSADDII UU HEYSTAY: Daraasaddan waxay xustay 6 sababood oo Xasan Sheekh Maxamuud u sahli kartay inuu markale kursiga ku soo laabto, balse aan laga faa’ideysan: 1- Mucaarad muuqda oo la hubo oo aan jirin berigaas. 2- Ololaha iyo diyaargarowga doorashada ee Xasan Sheekh oo aad u xoogganaa. 3- Adeegsiga awood xad dhaaf ah oo loo adeegsaday awoodda Dowladda oo ay ku jirtay cabsigelin iyo qasab (jujuub). 4- Taageerada dhaqaale ee Turkey siisay Xasan Sheekh; Taageero siyaasad iyo lacagba oo UK siisay Xasan Sheekh; Ethiopia oo rabtay in Xasan Sheekh soo laabto. 5- Isku dhex qasnaanta siyaasadaha dowlado badan (oo kaalin ku leh Soomaaliya) iyo awoodis la’aantooda inay keensadaan hal musharrax oo ay ku raacsan yihiin. 6- Mareykanka oo ama dhex-dhexaad ka ahaa ama aan daneyn badan u heyn arrinta Soomaaliya. SABABIHII GUUSHA FARMAAJO EE 8-DII FEBRAAYO Daraasaddan oo ka kooban 30-bog ayaa xustay qaabkii laaluushka loo siiyay xildhibaannada. Musharrax kasta oo madaxtinimmada u tartamayey wuxuu u baahnaa in ugu horrey uu helo saxiixa 20 xildhibaan, kahor intaan la aqbalin musharraxnimadiisa. Halkii xildhibaan waxaa la siiyey lacag u dhexeysa $500 illaa $1000. Markii ay soo dhowaatay doorashada waxaa codka halkii xildhibaan uu gaaray lacag u dhexeysa $50,000 – $100,000 (hadba sida ay xildhibaannada u kala saameyn badan yihiin). Xildhibaannada, inkastoo lacag fiican ay ka heleen Xasan Sheekh, haddana waxay ku dhaqmayeen siyaasad “furan” iyagoo sii raajicinayey musharixiinta kale ee lacagta badan ka heli kareen. Waana taas midda fursadda siisay Farmaajo, ayey tiri daraasadda. XASAN, FARMAAJO, FAHAD IYO QADAR Markii ugu horreysay, waxay qormadu daboolka ka qaaday isku dhicii Xasan Sheekh iyo Dowladda Qadar ee soo bilawday doorashadii 2012 ka bacdi. Xasan Sheekh wuxuu diiday soo jeedin ay wadatay Qadar, taasoo loo soo dhiibay Fahad Yaasiin, oo ahayd in Farmaajo (oo Qadar looga dhigay saaxiibkood) loo magacaabo Ra’isul wasaare Dowladdii Xasan Sheekh. Laakiin markuu Xasan Sheekh diiday inuu Farmaajo ka dhigo Ra’isul wasaarihiisa (uuna magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon) waxay Qadar goosatay inay taageerada ka jarto Xasan Sheekh. Tani waxay keentay in Fahad la siiyo maal badan, uuna ka shaqeeyo sidii Dowladdii Xasan Sheekh loogu kicin lahaa mucaarad. Fahad ayaa qortay rag kasoo carooday Xasan Sheekh, oo ay qaarkoodna isku soo dheceen sida: Xasan Cali Kheyre, Thabit Maxamed, Jamal Maxamed Xasan iyo Mustaf Dhuxulow. Fadad wuxuu ka duulayey saldhiggiisa oo ahaa Hotelka Jasiira, halkaasoo xubnaha mucaaradka uu ku quudin jiray xogta xasaasiga ah. Waxaa kaloo Jasiira ahayd goobtii laga waday ol’olaha cod iibinta ee ol’olaha Farmaajo…..Way socotaa…. Qore: Brendon J. Cannon Tarjume: Abdalle Ahmed Mumin Daabacadda oo dhan halkan u doono: https://digitalcommons.macalester.edu/bildhaan/vol18/iss1/6
  23. Farmaajo Oo Abiy Axmed Weydiistay Inuu Hargeysa U Kaxeeyo Cajiib. Arrin Cajiib ah, waxaa la yidhi in uu Raisal Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Axmed, oo beryahan daa’dihinayey, Maxamed Cabdillahi Farmaajo, oo marna Nairobi u kaxee, marna Qaahira u kaxee, ku jiray, ayuu Farmaajo ka dalbaday in Hargeysa loo kaxeeyo! Cajiib. Farmaajo hadduu doonayo in uu Hargeysa yimaado, yaanu ku soo dabo dhuuman Dr. Abiy. Waa inuu aqbalo jiritaanka Somaliland, waa inuu aqoonsado Somaliland, waa inuu caddeeyo wuxuu ka yidhi xasuuqii ka dhacay Somaliland, ee ay geysatay dawladda adeerkii horboodi jiray. Waa inuu sida ragga, markuu intaas oo dhan ka soo baxo, uu codsi u diro shacabka iyo dawladda Somaliland. Waxaad moodaa in uu “abwaankii” ku mirqaamay, Garoowe, ee yidh ” Sadaatba Tel-Aviv buu ka degay” Saaqid. Masar iyo dalka Yuhuudu haysato waxaa yihiin laba dal oo madaxbanaan. Markaa runtuu sheegay, oo Somaliand iyo Soomaaliya, waa laba dal oo jaar ah oo madaxbanaan. Intuu dollarkii la siiyey la tagay buu “abwaanku” yidhi ” Ama tiirka ee geeya, ama taajka i saara”. Saxiib, cidna taaj kuma saaraso, tiirkana raggii u qalmay, aakhiraa lagula xisaabtamayaa, ee waxba ha soo lug go’in. Waxaad moodaa in uu Farmaajo midhidhkaa run mooday. Saaxiib, marka hore sida Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi dadka cod ka hel. Doorasho xor iyo xalaal gal. Dawlad ku sheegu ha dhaafto Villa Soomaaliya, askartan ajnabi ee aad ku dabo dhuumanasaan iska eri, been abuuraka Somaliland iska daa. Weligaa ma gaadhi gaashaaman iyo askarta AMISON baad ku dabo dhuuman, mise, Ra’iisal Wasaare dal kale baa sida carruurta ku daa’dihin. Cajiib. Markay Somaliland leedahay wax allaale wax aan wadahadal la galno Soomaaliya ma joggaan, hadduu Farmaajo tusaale ka yahay, waxbaa ka jira. Waa Bilaahi Towfiiq Qaran News
  24. The Ministry of Foreign Affairs strongly condemns the terrorist explosion which occurred in the vicinity of the Presidential Palace in capital Mogadishu of the Federal Republic Somali killing and injuring a number of people. The Ministry expressed its heartfelt condolences to the families of the victims and wishes the injured in this terrorist act speedy recovery. It also affirmed the solidarity of the Kingdom of Bahrain with the Federal Republic of Somalia against violence, extremism and terrorism of all forms. Four people were killed and nine wounded when a car bomb exploded near a restaurant in central Mogadishu yesterday, police said, as the Al-Shabaab jihadist group claimed responsibility. The blast “was caused by a car loaded with explosives, we perceive that it was parked near a restaurant along the road,” Somali police official Ibrahim Mohamed said. The restaurant was near a security checkpoint in the Somali capital, not far from the presidential palace. The road in which the blast occurred houses eateries and tea shops. “The explosion was very heavy, and we could see the smoke and dust overwhelmed the whole area, it was a car bomb,” said witness Ibrahim Farey. Another, Aisha Hassan, said several vehicles were destroyed and buildings damaged. Al-Shabaab said it had planted the bomb, claiming in a statement that its “fighters targeted one of the checkpoints of the palace apostates.” The nationalist, Islamist group, linked to Al-Qaeda, is fighting an armed insurrection in Somalia against what it sees as heretic and foreign influence. The Shabaab were chased out of Mogadishu in 2011 by the 22,000-strong African Union mission AMISOM, and have had to abandon most of their strongholds. But they still control vast rural areas and remain the key threat to peace in Somalia. President Mohamed Abdullahi Mohamed, elected in February 2017, has declared a state of war against the group. View the full article
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa goor dhaw oo caawa ah waxa uu ka dhacay Degmada Hawlwadaag, gaar ahaan guri ku yaalla meel ku dhaw wadada Warshadaha halka loo yaqaano EVECO. Qaraxan oo aad u xooganaa ayaa sababay inay argagax dareemaan shacabka reer Muqdisho oo isku diyaarinayay xilliga hurdada. Saraakiil ammaanka qaabilsan ayaa sheegay in qaraxan uu ka dhex dhacay guri lagu diyaarinayay. Ciidamada ammaanka oo durba ku baxay falkan ayaa u suuragashay inay gacanta ku dhigaan laba nin oo la sheegay inay ka mid ahaayeen dadka guriga degan. Gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Ambalaasta ayaa tagay halkaasi, si ay u soo qaadaan hadii ay jiraan dad ku waxyeeloobay Qaraxan. Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxan oo laga maqlay Degmooyinka Gobolka Banaadir. Khamiistii ina dhaaftay oo ugu dambeysay Mintidiinta Al Shabaab ayaa gaari qarax lagu soo raray ku weeraray mid ka mid ah baraha Kontorool ee Madaxtooyada Somaliya, kaasi oo geystay khasaare kala duwan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com