Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,626
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciidamada Badda ee Puntland ee loo yaqaan (PMPF) ayaa howlgal ay ka sameeyeen xeebaha bari ee Puntland waxa ay ku soo qab qabteen ilaa iyo [...] Source
  2. Garowe (Punlandi) Wasiirka cadaalada iyo arrimaha diinta ee dowladda Puntland Cawil Sheikh Xaamid, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe, ayaa ka dalbaday dowladda [...] Source
  3. Ciidamada PMPF oo ku jira howgal tahriib Ciidamada Badda Puntland (PMPF) ayaa howlgalo ay maalmihii la soo dhaafay ka sameeyeen xeebaha ku dhow magaalada Boosaaso ku soo qaqtay qalab ay sheegeen in loo adeegsan Jiray tahriibka dadka. Ciidmada Badda Puntland (PMPF) ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay howgal ay wadeen ka gaareen guulo waaweyn, ayna ku soo qabteen qalab badan oo isugu jira saxiimado iyo matooro dadka lagu tahriibiyo, balse ciidamadu ma aysan sheegin cid ay ku soo qabteen qalabkan. Dhanka kale Taliyaha ciidmada Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse oo goob-joog ka ahaa goobtii lagu soo bandhigayay saxiimadaha iyo matoorada la qabtay ayaa sheegay in arrintan ay qeyb ka tahay qorshe la doonayo in lagu la dagaalamo tahriibinta dadka. Sidoo kale Gen. Muxiyadiin ayaa balan qaaday in la xoojin doono howlgalada lagu la dagaalamo dadka si sharci darada ah uga ganacsada tahriibka dadka, waxuuna ammaan u jeediyay ciidamada Badda Puntland (PMPF). Xeebaha gobolka Bari ee Puntland waxaa ka dhoofa tahriibayaal u badan Itoobiyaan, kuwaas oo kusii jeeda dalalka Khaliijka. PUNTLAND POST The post Ciidamada Badda Puntland oo qabtay qalabka wax lagu tahriibiyo appeared first on Puntland Post.
  4. Heavily armed militants were reported to have launched a daring attack on Somali army base in Lower Shabelle region on Saturday, residents said. The ambush raid which occurred in Bula-Mareer area has sparked hours-long gunfight between Somali military and the Al-Shabaab fighters that inflicted casualties on both sides. Sources said Somali soldiers fought off the attackers and pushed them back from the area during the heavy exchange of gunfire. Somali military is yet to comment on the attack. Al-Shabaab has stepped up attacks in the country, targeting Somali government buildings, military bases belonging to the SNA and African Union peacekeepers, known as AMISOM. View the full article
  5. Workeneh Gebeyehu oo ka tirsanaa Wasaarada Arimaha Dibada Itoobiya ayna aad sxiib u yihiin Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa loo magacaabay Madaxa ugu sareeya UN Headquarters [...] Source
  6. Wararka naga soo gaaraya degmada Ceel-buh ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in laba gabdhood oo midi da,deeda lagu sheegay 6 sano jir lagu kufsaday degmada [...] Source
  7. Hargeysa (Somalilandtoday)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qayb-galay xuska maalinta caalamiga ah ee haween-weynaha 8March oo lagu qabtay magaaladda Hargeysa. Waxaana munaasibadaasi ka soo qaybgalay masuuliyiin kala duwan, oo ay ka mid ahaayeen wasiirada wasaaraddaha dhalinyarada Boos Mire Maxamed iyo ciyaaraha, Shaqo gelinta arrimaha bulshada iyo qoyska, Hinda Jaamac Xirsi oo iyadu halkaasi ka jeedisay hadal ayaa sheegtay in haweenka Somaliland ay ku talaabsadeen horumar muuqda islamarkaana waxa ay door-weyn ka ciyaaraan ilaalinta iyo wadajirka bulshada reer Somaliland. Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isagu soo xidhay munaasibada xuska 8march ayaa haween weynaha reer Somaliland ku hambalyeeyay munaasibadda 8 March, waxaanu ugu baaqay Haweenku inay ka qayb qaataan sidii meel looga soo wada jeesan lahaa ilaalinta qarannimada Somaliland. Source
  8. Garaad Cabdilaahi Gaaraad Maxamuud oo kamid ah wax garadka Puntland ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay dilka Isimada Puntland oo ah wax aan [...] Source
  9. Haweenka Islaamku waxa ay kumannaan sano kahor uga tageen bulshadooda raadad togan oo muujinaya doorkoodii horumarineed ee nolosha bulshadooda. Haddaba Xadaaradihii Muslimiintu ay gaadheen qarniyadii hore waxa qeyb weyn ka ahaa haween kartidoodu ay dhaaftay inta caadiga ah kuna guulaystay in ay horumariyaan bulshadooda iyaga oo ragga la shaqaynaya. waxaana ka mid ahaa haween noqday hormuudka ummaddooda dhinacyada maamulka, Dhaqanka,Caafimaadka, Beeraha Falasafadda,Xiddigiska iyo Farshaxanka. Shalay oo ku beegnayd 8-da Maarso waxaa oo asteeyay maalinta haweenka adduunka ma aha maalin kufilan haweenka waana ay ka ballaadhanyihiin maalin loo asteeyo oo la xuso balse qoraalkeennan kooban waxa aynu kusoo qaadan doonnaa qaar kamid ah haldoorkii haweenka Islaamka soo maray ee taariikhda dunidan aynu joogno raadka kaga tagay si loogu daydo:- LABANA OF CORDOBA: Waxa ay noolayd qarnigii 10aad waxaana ay kufiicnayd Xisaabta iyada oo xallin jrtay masalooyinkii ugu adkaa xilligaas ee xisaabaadka Joometeriga iyo Aljebrada Waxaana ay qarnigii 10aad noqotay xoghayihii gaarka ahaa ee dawladdii Ummaawiyiinta u fadhiyay dalka Isbaanishka , xilkaas weynna waxa u igmaday Khaliifkii xilligaas maamulayay dawladdii Islaamiga ahayd ee Ummaawiyiinta kaasi oo ahaa Khaliif Al-Xakam-kiilabaad. FATIMA AL-FIHRI: Waxa ay qarnigii 8aad ku dhalatay Magaalada Qeyrawan ee dalka Tunisia waxa aanay ku takhasustay Shareecada Islaamka gaar ahaan Culuumta Fiqiga iyo Axaadiista, Fatima waxa ay bulshadeeda u dhistay Masjid taariikhdu markay ahayd 859-kii, waana mid shaqeeya illaa maanta loona aqoonsanyahay in uu yahay goobtii ugu horraysay adduunka ee laga qaato shahaado Degree ah oo waafaqsan habka caalamiga ah ee maanta la raaco sida ay u aqoonsatay hay’adda caalamiga ee waxbarashada,Sayniska iyo dhaqanka ee (UNESCO) waana Jaamacadda hadda lagu magacaabo (The University of Al Quaraouiyine) oo kutaalla magaalada Fez ee dalka Morocco, waxaana ay ku jirtaa Buugga lagu qoro dhacdooyinka dunida ee (Guinness world record). MARIAM AL-IJLIYA AL-ASTRULABI: Waxa ay noolayd qarnigii 10-aad, iyada oo ku takhasustay culuumta xiddigiska waana gabadha hindistay ama ikhtiraacday waxa loo yaqaanno (Astrolabes) kaasi oo ah qalab si weyn ay u isticmaalaan dadka Badmareenka ah ama xiddigiyayaasha ah kaasi oo ay ku kala gartaan wakhtiga iyo Jihada , Mariam ayaa xilliga ay ikhtiraacday qalabkan Astrolabes-ka waxa ay ku sugnayd Magaalada Aleppo ee dalka Syria taasi oo hadda ku taalla waqooyiga dalkaas, Mariam waxa ay sidoo kale la shaqaysay Amiirkii Magaalada Aleppo oo lagu magacaabi jiray Sayf al-Dawla, cilmigana waxa ay ka dhaxashay Aabbaheed oo ahaa xiddigiye caan ah laguna magacaabi jiray al-ʻIjliyy al-Asturlabi. AMINA ZARA: Waxa ay ahayd boqorad awood badan oo maamuli jirtay Boqortooyadii dhul ka mid ah waqooyi galbeed Afrika intii u dhaxaysay sannadihii 1588 illaa 1589, Amina waxa ay ahayd inantii ugu weynayd ee uu dhalay Bakwa Turuku kaasi oo ahaa aas aasihii Boqortooyada Zazzau sannadkii 1536-kii waxaana ay talada boqortooyadaas ay gacanta ku haysay muddo 11 sano ah una dhaxaysay 1588-kii illaa 1589-kii, inkasta oo taariikh yahannadu ay isku khilaafsanyihiin qaabkii xukunkeeda oo qaarkood ay leeyihiin waxa ay ahayd gabadh gabadh arxan daran oo dagaal badan haddana waxa la isku raacsanyahay in ay lahayd xukun dhab ah iyo hibooyin badan oo ay ka mid ahaayeen xirfadda Injineernimada iyo xeeladaha ciidamada (military strategy) waxaana ay adeegsan jirtay awood ciidan. Ugu dambayntii waxa habboon in haweenka Islaamku ay ku daydaan haweenkii Islaamka ee bulshadooda,diintooda iyo naftoodaba wax taray sida kuwa aynu kasoo hadalnay iskana dhaafaan khiyaaliga reer galbeedka ee hanka gabadhaba kusoo koobay inay u noolaato sida ninka oo kale. W/Q: Muxiyadin Maxmamud Xusen The post Qaar kamida Haweenkii Islaamka ee Taariikhda Dunida wax kusoo kordhiyay appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay goorta aaska qaran loo sameynayo wasiirkii hore Dastuurka xukuumada Soomaaliya C.raxmaan Xoosh Jabriil. Wasiir ku xigeenka wasaaradda Dastuurka Xuseen Cabdi Cilmi oo saxaafada kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in masuuliyiinta ugu sareyso dalka ay ka qeyb gali doonaan aaska Wasiirka. C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa ku geeriyooday magaalada magaalada Dubai ee Isku taga Imaaraatka Carabta, waxaana uu noqonayaa wasiirkii labaad ee geeriyooda inta xilka uu hayo Xasan Cali Kheyre. Guddi ka kooban wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa loo xil saaray qaban qaabada aaska C/raxmaan Xoosh Jabriil, waxaana qorshaha uu yahay in maalinta beri ah aas loo sameeyo Marxuumka. Maanta ayaa la filayay in aaska la sameeyo, balse wasiir ku xigeenka Dastuurka ayaa sheegay in meydka la filayay inuu maanta yimaado balse aysan dhicin, sida uu hadalka u dhigay. Xasan Cali Kheyre ayaa aaska wasiirka dartii dib u dhigay safar uu ku tagi lahaa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose halkaasi ay kaga horeeyaan xubno hordhac u ah safarka uu ku tagayo magaalada Kismaayo. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiiradda, Warfaafinta, Waxbarashadda, Kalluumeysiga, Amniga iyo Arrimaha dibadda ayaa qeyb ka ah guddiga ka shaqeynayo qaban qaabada aaska Marxuum Xoosh. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Tan iyo markii ay dhacday dowladii dhexe ee dalka Soomaaliya waxaa jiray dad badan oo laxaad kooda ku waayay dagaaladii sookeeye ee dalka ka dhacay [...] Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Wakiilka Somaliland u fadhiya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Axmed Xasan Cigaal ayaa faro-gelin ku sameeyay arrimaha dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Halkan Hoose ka DAAWO Source
  13. Hargyasa (Somalilandtoday)-Kulan wadatashi ah oo ay si wada jira u qaban-qaabiyeen Xafiiska Madaxweyneku-xigeenka Somaliland u qaabilsan nafaqaynta hooyada iyo dhalaanka ee qaran iyo hay’adda UNICEF ayaa lagu qabtay magaaladda hargaysa. Kulankan oo lagag wada hadlayay sidii kor loogu qaadi lahaa nafaqaynta hooyadda iyo dhalaanka ayaa waxa kasoo qayb galay xubno ka kala socday wasaaradaha ay hawshani qusayso, xubno ka socday bulshada rayidka ah ,ganacsatada , masuuliyiin ka socday hay’adda UNICEF iyo Guddomiyaha barnaamijka nafaqaynta hooyada iyo dhalaanka ee xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Dr.Sakariye Daahir Cige. Barnaamijkan ayaa diirada lagu saarayay qiimaynta raashinka nafaqaysan ee laga heli karo Somaliland iyo sidii looga wacyi gelin lahaa laamaha hay’addaha kala duwan ee ay khusayso iyo shacaka Somaliland. Kulan oo hal maalin qaatay ayaa loo balamay kulamo badan oo kor loogu qaadayo barnaamijka nafaqaynta caruurta iyada oo lala kaashanaayo wasaaradaha ay hawshani qusayso. Source
  14. Boosaaso (Caasimada Online)-Ciidamada amaanka ee maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay doonyo iyo hub sharci daro ahaa, kadib markii baaritaan ay ka sameeyeen xeebaha ku teedsan magaalada Boosaaso. Saraakiisha ciidamada amaanka ee Puntland ayaa sheegay inay qabteen ku dhawaad 10 doonyood oo qaarkood loo adeegsan jiray tahriibinta dadka doonaya inay gaaraan Yemen si ay Sacuudiga kaga sii gudbaan. Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Gen Muxidiin Axmed Muuse ayaa isaga oo saxaafadda la hadlayay wuxuu sheegay in sidoo kale la qabtay hub sharci daro ahaa oo dadka wax tahriibaya ay adeegsan jireen. Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in ciidamada amaanka ee Puntland ay howlgalkaasi ku jireen muddo saacado ah, iyadoo ciidamada ay ka hor tageen dadka wax tahriibiya iyo hubka sida sharci darada loo adeegsado. Magaalada Boosaaso ayaa ah halka ay inta badan ka baxaan doonyaha ay raacaan dadka u tahriibaya dalka Yaman oo u badan dad Itoobiyaan ah, doonyahan ayaana mararka qaar dadka ay wadaan ku daadiya badda halka mararka qaarna ay qalibmaan.
  15. Somali Police are interrogating three people arrested after an IED went off in a house in northern Mogadishu. According to sources, a homemade bomb exploded while being assembled on Friday evening. The explosion which occurred in Deynile district has caused damage to the house but no one reportedly injured by the blast. Police say owners of the house and a man who rented a room are being questioned. The move comes barely two days after Vehicle Borne Improvised explosive devices (VBIED) hit a checkpoint near the country’s national theatre. The blast caused the death of five people and injured nine others. Al-Shabaab which once controlled the city has claimed the responsibility for the attack. The group carries out deadly attacks in major towns including Mogadishu and armed raids on military bases manned by Somali army and troops from the African Union. Somali forces backed by continental forces dislodged the group from Mogadishu in 2011. View the full article
  16. A man who was asking for directions to Somalia has been arrested in Mandera on suspicion that he was on his way to join Al-Shabaab militants. Backstone Agaro, 53, will remain in police custody for seven days as investigations on whether he is linked to terror cells are conducted. Mandera Resident Magistrate Dancun Mtai allowed the Anti-Terror Police Unit (ATPU) to investigate the suspect as they requested in a sworn affidavit. Elijah Nakeel, an officer attached to ATPU, in a sworn affidavit said they suspect Mr Agaro to be a Shabaab spy. The suspect was arrested on March 6 after alighting from a bus in Mandera town at about 10pm. “The suspect came into Mandera from Garissa aboard a Tawakal company bus and immediately after alighting he inquired for directions to Somalia,” reads the affidavit. The officer told the court that the suspect was found in possession of a note book in which more than a hundred towns he had visited were listed. “He did not have a mobile phone which we suspected he hid or [in order to hide his] movements from security agencies,” Mr Nakeel said in the affidavit. ATPU maintained the man is suspected to be a Shabaab spy doing surveillance in the region and the country at large to aid the terror cell in carrying out attacks. In response, Mr Agaro said he was a carpenter who had been invited into Mandera by friends to join them at construction sites. “I was asking for a place to sleep and not the direction to Somalia because we arrived in town at night and I was new here,” he said. Mr Agaro, who is from Vihiga County, said his family lives in Nairobi’s Mbotela estate and that he travelled first to Garissa before going to Mandera. But he could not explain why he had a note book with names of Kenyan towns and places he has visited. View the full article
  17. Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa General Thomas D Waldhauser ayaa sheegay in qorshaha Mareykanku ku doonayo inuu dhimo ciidankiisa qaaradda jooga aysan saameyn ku yeelan doonin hawl-gallada lagula dagaallamayo argagixisada ku sugan waddamada Soomaaliya iyo Liibiya halkaasoo duqeymaha Mareykanku ku beegsado kooxahaas. General Thomas D Waldhauser, oo sidoo kale ah madaxa taliska Mareykanka ee Africa ayaa ka dhawaajiyey in 300 oo askari la dhimi doono bisha June ee sannadka 2020 oo ah wajiga 1aad ee ciidan dhimista isagoo intaas ku daray inuusan hubin wajiga 2aad ee ciidan dhimista. Wasaaradda Gashaandhigga ee Pentagonka ayaa ku baaqday dhimista ciidanka Mareykanka ee Africa qeybna ka ah qorsheyaasha dib diiradda loogu saarayo tartanka quwadaha waaweyn ee Ruusha iyo China lagula jiro. Laakiin dhimista ciidamada ayaa dhalisay walaac ay ka muujiyeen xubnaha congresska Mareykanka kuwaasoo su’aal ka keenay inay arrintani keeni karto koror argagixiso oo qaaradda kasoo if-baxa. Waldhauser ayaa u sheegay sharci-dejiyaasha in saraakiisha Mareykanku ay si hoose u eegayaan saameyn kasta oo suurtagal ah ee isbeddelkani keeni karo, isagoo ku celceliyey in dib loo dhigayo ciidan dhimis mustaqbalka ah haddii ay dhibaato noqoto wejigaan 1aad. Qiyaastii ciidanka Mareykanka ee jooga qaaradda Africa ayaa lagu sheegay 6,000 oo askari iyadoo ciidankaas 4,000 oo ka mid ah ay ku sugan yihiin saldhigga Mareykanku ku leeyahay dalka Djibouti. Qiyaas ahaan ciidanka Mareykan ee jooga Soomaaliya waa 500 oo askari halkaasoo ciidanka Mareykanku ay kordhiyeen duqeynta xagga cirka ah ee lagu beegsanayo xarrakada Alshabaab oo xiriirka la leh ururka Alqaeda waana ururka hadda ka geysta gobolka qasaaraha ugu ba’an. Horraantii sannadkan, Mareykanku waxay ku qaadeen Alshabaab 24 weerar oo xagga cirka ah—horey waxay Mareykanku u fuliyeen in ka badan kala bar weerarro xagga cirka ah sannadkii hore. Taliska Mareykanka ee Africa waxay sheegeen in duqeymaha Mareykanka ay ku qaadeen Alshabaab ay uga dileen 236 dagaalyahan. Waxaa Iyana jirta ku dhawaad 338 dagaalyahan oo la dilay 2018. Source: goobjoog.com
  18. (SLT-Hargeysa)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Raysalwasaaraha Itoobiya uu baajiyay socdaal la filayay inuu Arbacadii la soo dhaafay ku iman lahaa caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo lagu xaqiijiyay imaanshaha Hargeysa ee Raysalwasaaraha Itoobiya, haddana wararka uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Raysalwasaare Abiy Axmed uu habeenimadii Arbacadu soo galaysay xidhiidh Telefoon la soo sameeyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu ku wargeliyay inuu Arbacada imanayo magaalada Hargeysa. Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay inay samaysay diyaar garowgii ugu heer sareeyay, waxaana la xoojiyay oo ciidamo dheeraad ah la geeyay madaarka Cigaal. Madaxweyne Biixi ayaa kulan wada tashi ah ugu yeedhay madaxda xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Waddani. Hase yeeshee Raysalwasaare Abiy ayaa subaxnimadii Arbacadii wuxuu madaxtooyada Somaliland ku soo wargeliyay inuu weheliyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo ay markaas ku wada sugnaayeen magaalada Nayrobi oo uu Abiy ku dhexdhexaadiyay Soomaaliya iyo Kenya. Balse Madaxweyne Biixi ayaa Raysalwasaare Abiy Axmed ku wargeliyay inaanay suurtogal ahayn in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo uu yimaado dalka Somaliland, isaga oo weli ku doodaya inay Somaliland ka mid tahay Soomaaliya, waxaanu Madaxweyne Biixi Raysalwasaaraha Itoobiya uu ku wargeliyay in isaga [Dr. Abiy] lagu soo dhawaynayo caasimadda Somaliland ee Hargeysa, laakiin aanay suurtogal ahayn inuu Hargeysa yimaado Madaxweyne Farmaajo, oo weli ku doodaya inay Somaliland tahay qayb ka mid ah Soomaaliya. Raysalwasaarha Itoobiya ayaa la sheegay inuu Madaxweyne Biixi ka aqbalay inuu baajiyo socdaalkaas uu doonayay inuu Mr. Farmaajo ku keeno Hargeysa, waxaana la sheegay inuu Dr. Abiy balan qaaday inuu socdaal gaar ah ku iman doono Somaliland, laakiin lama sheegin wakhtiga uu iman doono. Haddii uu Raysalwasaare Abiy isagoo keli ah socdaal ku iman lahaa Somaliland wuxuu noqon lahaa hoggaamiyihii u horeeyay ee soo booqda Somaliland, haddii uu Farmaajo wehelin lahaana wuxuu noqon lahaa Madaxweynihii u horeeyay ee Soomaaliya ee Somaliland booqasho ku yimaada intii ay xorriyadeeda kala soo noqotay Soomaaliya sanadkii 1991. Sidaas darted, dad badan ayaa go’aanka uu Madaxweyne Biixi qaatay ee uu Abiy Axmed kaga diiday inuu Hargeysa keeno Madaxweyne Farmaajo u arka inuu ahaa go’aan adag oo geesinimo leh. Source
  19. Nairobi (Caasimada Online)-Ciidamada amaanka ee dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay ruux da’ ahaa oo la sheegay inuu sirdoon u ahaa Al Shabaab, kaasi oo u dhashay Dalka Kenya. Backstone Agaro, oo 53 sano jir ah ayaa sheegay inuu sirdoon u ahaa Al Shabaab islamarkaana tagay ku dhawaad 100 magaalo oo ciidamada Al Shabaab ay qaarkood weeraro kala duwan ay ka geysteen. Ruuxaan ciidamada amaanka ay qabteen ayaa la sheegay inuu ka haray bas ka dhex shaqeeya magaalooyinka Nairobi iyo Mandheere ee dalka Kenya, waxaana xiligaasi kadib ruuxa la sheegay inuu dadka weydiinayay jihada Soomaaliya loosoo galo. Sarkaal ka tirsan ciidamada amaanka ee la dagaalanka Argagixisada oo lagu magacaabo Elijah Nakeel ayaa sheegay in ruuxaasi xabsiga lagu heyn doono muddo 7 maalin ah si baaritaan dheeri ah loogu sameeyo. Buugyar oo uu watay ayuu sarkaalkaasi sheegay in lagu arkay magacyada 100 Magaalo oo ku yaalla Kenya oo uu booqday, sidoo kale ma wadan Taleefan taas oo iyana shakiga sii xoojisay. Elijah Nakeel, ayaa sheegay in inkasta oo Ninkan ay baaris ku wadaan haddana rumeysanyihiin in uu yahay sirdoon u shaqeeya AL-shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ayaa gacan ka gaysatay xukun ay maxkamadda rafcaanka ee gobalka Maroodi-jeex ku riday dhallinyaro lagu eedeeyay inay dhaawacyo gaadhsiiyeen xadhiga shirkadda Somcable ee dhulka hoostiisa mara. Sida ku cad xukunka maxkamadda qodobka 4-aad, wasiirka boosaha iyo Isgaadhsiinta Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi, ayaa maxkamadda u qiimeeyay xadiga lacageed ee dhaawaca ay maxkamadu sheegtay inuu soo gaadhay xadhiga shirkadda Somcable, kaas oo uu isagu xadiday lacagta aadka u badan ee lagu xukumay kooxdan ku eedaysnayd inay waxyeelo u gaysteen xadhiga shirkada Somcabel. Lacagtaas ayaa dhan $ 652,120 oo dollar. Waxaana la sheegay in xadhkanhan laga waxyeeleeyay Diinqal,Badarwanaag,Waraabaley iyo Harasheekh. Hadaba qodobka 4-aad ee ay maxkmadu cuskanaysay ayaa uu ka soo muuqday doorka ay wasaarada Boosaha iyo isgaadhsiintu ka ciyaartay xukunka lacagtan aadka u badan ee hadal haynteedu ay qabsatay suuqa, waxaanu xukunka maxkamadu yidhi sidan “ Iyada oo eedaysanaha 1-aad uu u diray eedaysanaha 2-aad googoynta xadhkahaas, eedaysanaha 2-aadna uu googooyay eedaysanaha 3-aad iyo 4-aadna ay ahaayeen abaabulayaashii iyo qorsheeyayaashii fulinta falkaas googaynta xadhkaha, eedaysanaha 5-aadna uu yahay isku xidhaha 1-aad iyo 2-aad, si ay uga wada shaqeeyaan jarjarida xadhkahaas Cable-ka ee dhulka hoostiisa mara khasaarahaas oo dhan 652,120 ( lix boqol iyo laba iyo kontan kun boqol iyo labaatan doolar) sida ku cad warqada wasiirka wasaarada isgaadhsiinta iyo tignoolajiyada ee sumadeedu tahay WIT/XW-01/18/2018 ee 04/06/2018.” Eedaysanayaashan xukunku uu ku dhacay ayaa kala ah 1- Maxamuud Cismaan Khayare , 2- Cumar Xuseen Cabdi, 3-Cabdiqaadir Nuur Maxamed, 4-Baashe Xasan Maxamed, 5-Cabdilaahi Cali Muxumed oo isagu maqane ah. Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Sida ay warar xog-ogaal ahi y xaqiijiyeen Somalilandtoday Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminaayo ayaa maanta u baqooli doona Dalka Imaaraadka Carabta. Xoggaha ayaa waxa kale tibaaxayaan in ujeedada safarkiisa Muuse Biixi daaran tahay inuu soo saxeexo Heshiiska Saldhiga ciidammada Berbera Dalka UAE ka dhisanaayo oo gebogebo ah, lana filaayo inuu ku dhamaado muddo Saddex bilood gudahooda. Madaxweyne Muuse Biixi ayaan waxba kala socon Qodobada Heshiiska Saldhiga Milateri ee UAE ka dhisanayso Berbera oo Xukumadii Siilanyo gashay, ku darsoo Golayaasha Qaranka iyo Shacabka ayaa laga qariyey Mucda Heshiiska ama wixii lays dhaafsaday. Geesta kalena waxaa jira warar xogg ogaal ah isa soo taraya oo sheegaya in Muuse Biixi Cabdi uu Imaaraadka Carabta Kulan kula yeelan doono Farmaajo raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed gadhwadeen ka yahay. Source
  22. Muqdisho (SMN) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda Dastuurka ee XFS Dr Xuseen Cabdi Cilmi ayaa ku dhawaaqay in maalinta beri ah la keenayo dalka Meydka Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ahaa wasiirkii Dastuurka Soomaaliya. Dr Xuseen Cabdi Cilmi ayaa sheegay in Aas Qaran oo ay ka qeyb gali doonaan madaxda ugu sarreysa dalka Marxuumka loogu sameyn doono magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in wasiirku uu ahaa halyey Qaran oo ka baxay dhammaan Ummadda Soomaaliyeed. Allaha u naxariistee C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa shalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Imaaraadka Carabta , kadib markii uu ku soo booday xanuun deg-deg ah. View the full article
  23. (SLT-Washington)-Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congresska Mareykanka ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka BracK Obama oo ay iskala tirsan yihiin xisbiga Dimuqraadiga. Ilhaan ayaa Obama ku sifeysay ruux ay kala duwan tahay ficiladiisa iyo muuqaalka aad ka dheehan karto wajigiisa, iyadoo ku tilmaamtay nin dilaa ah, hadana dhoola Caddeeya. Hadalkan waxa ay ku sheegtay wareysi ay siisay Wargeyska Politico magazine, iyadoo isbarbar dhig ku sameyneysa maamulada Obama iyo Trump. Xubnaha Xisbiga Dimuqraadiga ayaa ku kala qeybsamay hadalka Xildhibaanada, iyadoo qaar ka mid ah ay ku sifeeyeen inuu yahay mid sax ah, halka kuwo kalena ay ku sheegeen in Gabadha asalkeeda Soomaaliga yahay ku sheegay mid u dooda dad aan Mareykan aheyn oo aysan shaqadeeda garaneynin. Hadalka Ilhaan Cumar, waxaa ka faa’ideystay Warbaahinta u janjeedha dhinaca Yuhuuda, waxeyna buuq durba ka dhex abuureen gudaha Xisbiga Dimuqraadiga ah ee dalka Mareykanka. Todobaadyadii u danbeeyay ayey qabsatay Warbaahinta gudaha Mareykanka iyo tan Caalamka, iyadoo mar weerar ku qaaday Trump, mar kale oo ay weerartay hay’ad taageerta Yuhuuda iyo haatan oo ay saaran tahay madaxweynihii 44-aad ee Mareykanka Barack Obama. Ilhan Omar oo xisbi ahaa katirsan Dimuqraadiga ayaa laga soo doortay degmada 5aad ee gobolka ay Soomaalidu ku badan tahay ee Minnesota, iyadoo noqotay qofkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo Congress-ka Mareykanka xubin ka noqday. Source
  24. Buulo-Mareer (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Al Shabaab iyo ciidanka DFS ku dhexmaray deegaanka Buulo-Mareer ee gobolka Sh/Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab ay weerar culus ay ku qaadeen fariisin ciidamada milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaankaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u xaqiijiyay in dagaal xoogan oo la’isku adeegsaday hubka nuuacyadiisa kala duwan uu ka dhacay halkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac. Inta badan Al Shababa ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaqaaq ah ka fuliya gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
  25. (SLT-London)-Hooyo 37 jir ah ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee waddanka Ingiriiska xabsi ku mutaysta gudniinka fircooniga ah. Haweeneyda oo u dhalatay dalka Uganda ayaa sanadkii 2017 gurigeeda oo ku yaal bariga London ku gudday gabar ay dhashay oo saddex jir ah. Waxaa lagu xukumay 11 sano oo xabsi ah gudniinka awgii iyo laba sano oo dheeraad ah oo ay ku mutaysatay sawirro anshax xummo ah oo ay haysatay. Garsooraha xukunka ridday ayaa gudniinka fircooniga ah ku tilmaamtay “dembi arxan darro ah oo meel ka dhac ku ah carruurta”. Haweeneyda ayaa ku dhalatay Uganda, balse sanado badan ku noolayd UK. Gudniinka fircooniga ah ayaa mamnuuc ka ah labadaasi dal. Hooyadan ayaa maxkamadda u sheegtay in gabadheeda ay meel sare ka soo dhacday, sidaana uu dhaawac uga gaaray xubinta taranka. Hawlwadeennada caafimaadka ayaa booliska ku wargeliyay dhaawaca soo gaaray gabadha yar, waxaana ay sheegeen “inuu dhiig badan ka baxay”. Nin ay wadajoogeen haweeneydan oo u dhashay dalka Ghana ayaa lagu waayay dembi ah inuu ku lug lahaa gudniinka gabadha, balse waxaa lagu helay inuu haystay sawirro anshax darro ah, sidaana waxaa loogu xukumay 11 bilood oo xabsi ah. Kiiskan ayaa noqonaya kii afaraad ee ka dhan ah gudniinka fircooniga oo ay dhagaystaan maxkamadaha UK, balse dhammaan kuwii hore ayaan wax xukun ah lagu ridin. Source