Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,644
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu goor-dhawayd safar ugu baxay dalka Imaaraadka Carabta, waxaanu ka warbixiyay ujeedada safarka Madaxweynaha afhayeenka Madaxweynaha Maxamuud Warsame Jaamac, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Laascaanood (SMN) – Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka duulista hawada iyo garoomadda maamulka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor (Gabiley) ayaa maanta gaaray deegano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya Socdaalka wasiirkan oo ku qotoma u kuurgalida xaaladaha ka jira halkaasi ayaa waxaa ku wehlinaya xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland. Xubnahan ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyay boqolaal Qoys oo ka barakacay deegaanka Tukaraq ee gobolkaasi, iyagoona ballan qaadyo u sameeyay dadkaasi. Muddooyinkii dambe waxaa Sool ka jiray colaado wajiyo kala gadisan leh, kuwaas oo saameyn ku yeeshay dadka rayidka ah ee ku dhaqan gobolkaasi. View the full article
  3. Cadaado (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay shil gaari oo saaka ka dhacay deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud. Shilkan ayaa yimid, kadib markii uu rogmaday gaari Deyno ah oo siday Qudaar, kaas oo la sheegay in uu ambaxabay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Ugu yaraan 1 Qof ayaa ku dhintay shilkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 4 kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogaal ah. Inta badan shilalka gaari ee ka dhaca Mudug iyo Galgaduud ayaa loo sababeeyaa burburka waddooyinka gobolladaasi oo aan in muddo ah helin wax dayactir ah. View the full article
  4. (SLT-Hargeysa)-Golaha Guurtida Oo Raali-Gelin Ka Bixiyay Hadal Fadeexad Ah Oo Ka Soo Yeedhay Safiirka Somaliland U Fadhiya Dalka Itoobiya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Kismaayo (SMN) – Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ballaaran waxa ay ka sameeyeen deegaano ku teedsan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay saraakiishu sheegeen in ay yihiin kuwa lagu xaqiijinayo amniga Kismaayo, maadaama la filayo in dhawaan uu booqdo ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre. Xubno hor dhac u ah wafdiga ra’iisul wasaare Khayre ayaa haatan ku sugan magaaladaasi oo laga dareemayo diyaar garow xoogan. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, iyadoona ciidamo dheeraad ah lagu arkayo halkaasi. View the full article
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay Caasimada Online ka heshay qaar kamid ah madaxda warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saraakiil ka tirsan Safaaradda Itoobiya ee magaalada Muqdisho ay iminka kulan la qadanayaan madaxda warbaahinta Muqdisho. Sida aan xogta ku helnay kulanka ayaa ka dhashay dalab ka yimid Itoobiya. Kulanka oo ay Itoobiya dalbatay in aan warbaahinta laga sheegin, aysan Itoobiya sheegin waxa uu ku saabsan yahay, balse dadkii la marti qaaday waxaa loo sheegay in ay ka soo qayb galaan shir safaaradda Itoobiya iyo madaxda warbaahinta Soomaaliya ku dhaxmaraya garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho. Warar aan helnay ayaa sheegaya in qorshaha Itoobiya uu yahay in warbaahinta ay wax uga sheegto xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, isbadalka Geeska Afrika iyo dalab ah in la badalo sawirka ah in Soomaaliya iyo Itoobiya yihiin laba dal oo waligood colaad u dhaxeysay. Waxaa sidoo kale qorshaha qeyb ka ah in buun buuniyo, islamarkaana si wanaagsan loo muujijo muhiimadda isbadal dhaqaale iyo isdhaxgal bulsho oo labada dal ay yeeshaan. Kulanka oo bilaawday maanta 2-dii duhurnimo ayaa wali socda waxaana telefanda laga reebay mas’uuliyiinta ka qayb galay shirkaas. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo arintaan ku aadan. Sidoo kale waxaan la ogeyn in wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ay ka warhayso kulanka maanta dhaxmaraya warbaahinta magaalada Muqdisho iyo Saraakiil ka tirsan Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. Boosaaso (SMN) – Ciidmada badda maamulka Puntland ee magacooda loo soo gaabiyo PMPF ayaa maanta gacanta ku soo dhigay illaa 8 Doonyood oo lagu Tahriibinayay dad ku sii jeeday dalka Yemen. Doonyahan ayaa la sheegay in ay qaab Sharci darro ah uga Tahriibinayeen Xeebaha maamulkaasi dad isugu jiray Soomaali iyo Oromo. Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Muxyadiin Axmed Muuse oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in talaabadani ay qeyb ka tahay dagaalka uu maamulkiisu kula jiro Tahriibka. Horay dowlad goboleedka Puntland ayaa uga digtay in laga tariibo deegaanadeeda, sababo la xariira dhanka amniga. Hakan hoose ka daawo Sawirro:- View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-09032019.mp3 View the full article
  9. Kismaayo (Caasimada Online) – Musharaxiinta xilka madaxweynaha maamulka Jubaland ee la tartamaya Axmed Madoobe ayaa sameystay gole ay ku mideysan yihiin oo loogu magac daray “GOLAHA ISBADAL DOONKA MUSHARAXIINTA JUBALAND”, waxayna soo saareen qodobo ku saabsan doorashada Jubaland. Hoos ka aqriso Warmurtiyeed: Hab raaca Doorashada heer Baarlamaan iyo Tan Madaxweynaha Jubaland 2019: Murashaxiintu Waxay si wadajir ah u sameeyeen Golaha Musharixiinta isbaddel doonka Jubbaland 2019 kaas oo ay ku mideysan yihiin musharixiinta u taagan kursiga Madaxweynaha Jubbaland ee 2019. Si loo helo matalaad rasmi ah Golahu wuxuu isku raacay in habraaca Doorashadu noqdo mid Daah furan xor iyo xalaal ah kana madax banaan faragelin ka timaada murashaxiinta ku tartamaya kuraasta madaxweynenimada, Tan Baarlamaanka iyo faragelin kale meel kasta oo ay ka timaado: Goluhu wuxu si wadajir ah u soo jeedinayaa in Dhamaan Murashaxiinta oo uu ku jiro Madaxweynaha hada talada haya ay wada tashi iyo isla Ogol ka gaaraan Qodobada iyo Habraaca Doorashada: 1: Wada tashiga dhamaan murashaxiinta Kadib waa in si degdeg ah loo Magacaabo Gudiga Doorashada iyo Xuduudaha ugu danbeyn bishan march 2019: 2: Shaqada iyo Awooda Gudiga Doorashada ayaa noqoneysa secretariat ( Xoghayn) lagu soo ururiyo liiska Xildhibaanada odayaasha dhaqanka ee rasmiga ahi soo xulen oo kaliya: 3: Gudiga Doorashada iyo xududuhu malaha Awood wax ka bedel Diidmo iyo ku daris liiska odoyaasha Dhaqanka ee rasmiga ahi usoo gudbiyaan: 4: Shaqada Gudiga Doorashada iyo Xuduudahu waxay ku egtahay marka ay dhaariyaan dhamaan 75ta xildhibaan ama 2/3 xubnaha Baarlamaanka Jubaland oo lamid ah 56 xildhibaan: 6: Marka la dhaariyo Xubnaha Baarlamaanka Dhamaan habraaca Doorashada waxaa la wareegaya Golaha Baarlamaanka cusub, Xubinta ugu dada wayn Golaha Baarlamaanka Cusub ayaa shir gudoon kmg ah noqonaya inta laga dooranayo Gudoomiyaha rasmiga iyo labadiisa ku xigeen: 7: Gudoomiyaha ku meelgaarka ee Baarlamaanka ayaa golaha Baarlamaanka ka dhex magacaabaya Gudiga Doorashada ee Gudoomiyaha rasmiga ee Baarlamaanka iyo Ku xigeenadiisa Isagoo ka ansixinaya golaha Baarlamaanka: 8: Marka la doorto Gudoomiyaha Golaha iyo ku xigeenadiisa waxaa hogaanka Doorashada la Wareegaya Gudoomiyaha rasmiga ee Golaha Baarlamaanka , wuxuuna markale golaha ka ansixinayaa Gudiga Doorashada Madaxweynaha oo ahaan kara gudigii hore ee Baarlamaanka laga magacaabay ama kuwo cusub mar kale ayaana golaha laga Ansixinaya 9: Gudiga Doorashada ee Baarlamaanku ansixiyay waxay dejinayaan shuruudaha iyo dhamaan Hab raaca Doorashada Madaxweynaha ilaa Codeynta iyo ku dhawaaqida natiijada doorasha: 10: Iyadoo la raacayo habraacii loo maray Dhismoha Gudiga Doorashada iyo Xuduudaha ayaa la dhisayaa gudiga xalinta khilaafaadka: 11: Shaqada iyo awooda gudigu waa inay xaliyaan wixi khilaaf dacwo ama is daba Marin ah ee Doorashada ku saabsan: 12: Waxayna ilaalinayan sixiixa iyo go,aanka Oday dhaqaneedka saxda ah Kaas oo noqonaya halka loo noqonayo hadii khilaaf yimaado, Gudigu malaha awood wax lagaga bedeli karo sixiixa iyo go,aanka Oday dhaqameedka rasmiga ah: 13: Si looga fogaado Abuuritaanka Odoyaal dhaqameed aan rasmi ahayn, awoodna u lahayn soo xulitaanka Baarlamaanka Dhamaan murashaxiinta oo uu ku jiro Madaxweynaha hada talada haya waxay si wada ogol ah u hubinayaan liiska Odoyaal dhaqameedka rasmiga ee Beel kasta usoo xulaya xubnaha Baarlamaanka ee Beeshiisa: 14: Odoyaal dhaqameedyada ku jira liiska 135ta oday dhaqameed ee Layaqaano oo kaliya ayaa Beelahooda usoo xulaya Baarlamaanka: 15: Beelaha aan 135ta oday dhaqameed matalaad ku lahayn waxaa usoo xulaya Oday dhaqameedka beeshaas u matala deegaanada Jubaland ee laysla yaqaano waana in si wada ogol ah murashaxiintu isula ogolaadan: 16: Odoy dhaqameed kasta isagoo la tashanaya Nabadoonada beeshiisa wuxu gudiga doorasha iyo xuduudaha usoo gudbinayaa Magacyada xubnaha Beeshiisa u matalaya Baarlamaanka Jubbaland: 17: Oday dhaqameed kasta wuxu gudiga Doorashada iyo Xuduudaha usoo gudbinayaa Hal Magac/ halkii Kursi: 18: Gudiga waxaa ka reeban inay qabtaan magacyo dheeri ka ah kuraasta Beel waliba ku leedahay Baarlamaanka: (Tusaale beeshii Hal xubin ku leh Baarlamaanka waxay gudiga u gudbineysaa Hal magac oo kaliya) 19: Gudiga Doorashadu kama qaban karo Oday dhaqameedkii u soo gudbiya magacyo ka badan tirada kuraasta beeshiisa: 20: Oday dhaqameed kasta liiska magacyada ee beeshiisu usoo xulatay Baarlamaanka wuxu ka sameynayaa 6 Nuqul/copy oo lakala siinayo A: Gudiga Doorashada iyo Xuduudaha B: Wasaarada arrimaha Gudaha Dowlada federalka: C: urur goboleedka IGAD: D: International Communitiga: E: Golaha murashaxiinta Jubaland: F: iyo midka Odaygu la hadhayo: 21: Amniga iyo Dhaqdhaqaaqyada Murashaxiinta heer Baarlamaan iyo Madaxtooyo murashaxiintu iyagoo ilaaliyaan Amniga, Xasiloonida iyo midnimada bulshada Jubbaland waa inay lahaadaan dhaqdhaqaaq xor ah oo ay ololahooda si nabad ah ugaga sameystaan Dhamaan deegaanada Jubaland iyo meeshii kalee ay rabaan waxaana ka reeban is hortaag iyo cabudhin: 22: Murashaxintu Waxay xaq u leeyihiin inay la kulmaan qeybaha bulshada, Xubnaha Baarlamaanka iyo Ciidi kale ay rabaan: 23: Murashaxiintu Waxay xor u yihiin inay qabsadaan kulamo goortay rabaan kuna qabsadaan goobtay rabaan: 24: Dhamaan murashaxiinta oo uu ku jiro Madaxweynaha hada xilka haya waa inay u sinaadaan Xuquuqda, Awooda, Talada iyo Tasiilaadka : 25: Saxaafada madaxa banaan iyo Televisionka Jubaland waa inay si loo siman yahay ugu adeego dhamaan murashaxiinta oo uu ku jiro Madaxweynaha hada xilka haya: 26: Amniga Habraaca Ololaha Doorashada codeynta iyo hoolka Doorashadu ka dhacayso waa inay sugaan ciidamo ka kooban Jubaland,SNA iyo ciidamo isku jir ah oo ka socda Wadamada kala duwan ee Qeybaha Amisom: 27: Si looga fogaado wax is daba marin, is hortaag iyo cabudhin loona helo daahfurnaan lagu wada kalsoonaan karo Habraaca Doorashada bilow ilaa dhamaad waa inay goob joog iyo kor joogto ka ahaadaan Xubno kakala socda A:Dowlada Federaalka wasarada arrimaha Gudaha iyo Federaalka B: IGAD C: international community D: Iyo Amisom 28: jidwalka habraaca Doorashada: A: maadaama Gudiga Doorashada iyo Xuduuduhu aad uga Dib dhacay xiligii la magacaabi lahaa waa In degdeg loo magacaabaa bishan March 2019: B: xildhibaanada Jubaland waa In la soo xulaa ugu danbeyn 15/4/2019 C: Gudoonka Golaha Baarlamaanka Jubaland waa In la doorto ugu danbeyn 15/6/2019 D: Doorashada Madaxweynaha waa inay dhacdaa ugu danbeyn bisha August 15th 2019: 29: Canbaareyn: Golaha Isbedel Doonka Jubaland 2019 wuxuu canbaareynayaa falkii 27/2/2019 lagu hor istaagay taageerayaasha murashax ahna xildhibaan laga soo doorto Gobolada Jubaland, Taasoo sababtay In Murashaxu lugeeyo Airporka kismaayo ilaa magaalada Kismayo oo isu jira 15km, Waxaan ka digeynaa inay dhacdo iskuday kasta oo lagu cabudhinaayo ololaha Murashaxiinta Doorashada Jubaland iyo taageerayaashooda: 30: Golaha Isbedel doonka Jubaland wuxuu bogaadinayaa sidii degenaanta lahayd ee Murashaxa iyo taageerayaashiisu uga fal celiyeen sidii guracneyd ee loola dhaqmay: 31: Dhamaan shacabka Jubaland waxan ugu baaqeynaa ilaalinta Amniga iyo inay ka fogaadaan fal kasta oo wax u dhimi kara Amniga iyo habsami u socodka xulitaanka Baarlamaanka iyo Doorashada Madaxweynaha Cc: Dowlada Federaalka Cc: Dowlad Goboledka jubaland Cc: Odoyaasha Dhaqanka Jubaland Cc: Dhamaan Beelaha Jubaland Cc: Urur Goboleedka IGAD Cc: International Communitiga Cc: Dhamaan murashaxiinta Heer Baarlamaan iyo Madaxweynaha:
  10. Askari ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta deegaanka Ceel-macaan ee gobolka Sh/dhexe ku dilay haweeney la sheegay iney ka shaqeynaysa Maqaayad Halkaasi ku taalla. Naciimo Axmed Cali oo ah eedada gabadhan la dilay ayaa u sheegtay Goobjoog in askarigii wax dilay uu baxsaday, iyadoo dhanka kale shacabka ku dhaqan deegaankaasi ay dibadbaxyo dhigeen. Sidoo kale, Naciimo ayaa sheegtay in markii uu askarigan wax dilay uu tagay saldhig ku yaalla Ceel-macaan oo uu isaga ka tirsanaa una sheegay ciidankii halkaasi joogay inuu gabar dilay, goobtana isaga dhaqaajiyey iyadoo aan la qaban. Shacabka ku dhaqan deegaanka Ceel-macaan ayaa dalbaday in degdeg lagu soo qabto gacan ku dhiiglaha lana saaro maxkamad. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/NACIIMO-AXMED-CALI-CEEL-MACAAN.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Tariikh nololeedkii Suldaan Bashiir Muuse Koonte. Allaha u naxariistee 1966dii wuxuu ku dhashay degmada Ufeyn ee gobolka Bari. Dugsiga hoose/dhexe wuxuu ku dhameeyey iskuulka hoose [...] Source
  12. Maamulka deegaanka Garasbaaley ee magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in loo soo gurmado qoysas hor leh oo ku barakacay deegaankaasi. Maxamuud Xaashi Cali, guddoomiyaha waaxda Koowaad ee Garasbaaley oo la hadlay Goobjoog wuxuu sheegay in ku dhowaad 300 qoys ay soo gaareen halkaa, kuwaasi oo ka yimid degmooyin kale oo Muqdisho ah. Waxa uu sheegay guddoomiyaha in dadkan ay u baahan yihiin gurmad dhan walbo ah, ayna ka muuqato xaalad adag oo dhanka nolosha ah. Sidoo kale, Xaashi ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir in wax loo qabto dadkan barakacayaasha ah. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/WAREYSI-GARASBAALEY-MAXAMUUD-CALI.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay maanta howlgal ballaaran ka wadaan deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabellaha Hoose. Ciidanka ayaa ku faafay qaar ka mid ah xaafadaha deegaankan, balse lama sheegin cid ay kusoo qabteen howlgalkan. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ayaa u sheegay Goobjoog in ay ku raad-joogaan rag ka mid ah Al-shabaab oo xalay weerar ka geystay deegaanka Buulo-mareer. Dagaalkii xalay dhacay waxa uu ahaa mid xooggan oo la isku adeegsaday rasaas culus, inkastoo aan la sheegin khasaaraha ka dhashay inta uu la egyahay. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Muuse-Cabaas-Cusmaan-Howlgalka-Buula-mareere.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. (SLT-Hargeysa)-Kal-fadhigii Golaha Wakiillada Somaliland Oo Si Rasmi Ah Furmay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. Ciidamada Badda ee Puntland ee loo yaqaan (PMPF) ayaa howlgal ay ka sameeyeen xeebaha bari ee Puntland waxa ay ku soo qab qabteen ilaa iyo [...] Source
  16. Garowe (Punlandi) Wasiirka cadaalada iyo arrimaha diinta ee dowladda Puntland Cawil Sheikh Xaamid, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe, ayaa ka dalbaday dowladda [...] Source
  17. Ciidamada PMPF oo ku jira howgal tahriib Ciidamada Badda Puntland (PMPF) ayaa howlgalo ay maalmihii la soo dhaafay ka sameeyeen xeebaha ku dhow magaalada Boosaaso ku soo qaqtay qalab ay sheegeen in loo adeegsan Jiray tahriibka dadka. Ciidmada Badda Puntland (PMPF) ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay howgal ay wadeen ka gaareen guulo waaweyn, ayna ku soo qabteen qalab badan oo isugu jira saxiimado iyo matooro dadka lagu tahriibiyo, balse ciidamadu ma aysan sheegin cid ay ku soo qabteen qalabkan. Dhanka kale Taliyaha ciidmada Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse oo goob-joog ka ahaa goobtii lagu soo bandhigayay saxiimadaha iyo matoorada la qabtay ayaa sheegay in arrintan ay qeyb ka tahay qorshe la doonayo in lagu la dagaalamo tahriibinta dadka. Sidoo kale Gen. Muxiyadiin ayaa balan qaaday in la xoojin doono howlgalada lagu la dagaalamo dadka si sharci darada ah uga ganacsada tahriibka dadka, waxuuna ammaan u jeediyay ciidamada Badda Puntland (PMPF). Xeebaha gobolka Bari ee Puntland waxaa ka dhoofa tahriibayaal u badan Itoobiyaan, kuwaas oo kusii jeeda dalalka Khaliijka. PUNTLAND POST The post Ciidamada Badda Puntland oo qabtay qalabka wax lagu tahriibiyo appeared first on Puntland Post.
  18. Heavily armed militants were reported to have launched a daring attack on Somali army base in Lower Shabelle region on Saturday, residents said. The ambush raid which occurred in Bula-Mareer area has sparked hours-long gunfight between Somali military and the Al-Shabaab fighters that inflicted casualties on both sides. Sources said Somali soldiers fought off the attackers and pushed them back from the area during the heavy exchange of gunfire. Somali military is yet to comment on the attack. Al-Shabaab has stepped up attacks in the country, targeting Somali government buildings, military bases belonging to the SNA and African Union peacekeepers, known as AMISOM. View the full article
  19. Workeneh Gebeyehu oo ka tirsanaa Wasaarada Arimaha Dibada Itoobiya ayna aad sxiib u yihiin Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa loo magacaabay Madaxa ugu sareeya UN Headquarters [...] Source
  20. Wararka naga soo gaaraya degmada Ceel-buh ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in laba gabdhood oo midi da,deeda lagu sheegay 6 sano jir lagu kufsaday degmada [...] Source
  21. Hargeysa (Somalilandtoday)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qayb-galay xuska maalinta caalamiga ah ee haween-weynaha 8March oo lagu qabtay magaaladda Hargeysa. Waxaana munaasibadaasi ka soo qaybgalay masuuliyiin kala duwan, oo ay ka mid ahaayeen wasiirada wasaaraddaha dhalinyarada Boos Mire Maxamed iyo ciyaaraha, Shaqo gelinta arrimaha bulshada iyo qoyska, Hinda Jaamac Xirsi oo iyadu halkaasi ka jeedisay hadal ayaa sheegtay in haweenka Somaliland ay ku talaabsadeen horumar muuqda islamarkaana waxa ay door-weyn ka ciyaaraan ilaalinta iyo wadajirka bulshada reer Somaliland. Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isagu soo xidhay munaasibada xuska 8march ayaa haween weynaha reer Somaliland ku hambalyeeyay munaasibadda 8 March, waxaanu ugu baaqay Haweenku inay ka qayb qaataan sidii meel looga soo wada jeesan lahaa ilaalinta qarannimada Somaliland. Source
  22. Garaad Cabdilaahi Gaaraad Maxamuud oo kamid ah wax garadka Puntland ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay dilka Isimada Puntland oo ah wax aan [...] Source
  23. Haweenka Islaamku waxa ay kumannaan sano kahor uga tageen bulshadooda raadad togan oo muujinaya doorkoodii horumarineed ee nolosha bulshadooda. Haddaba Xadaaradihii Muslimiintu ay gaadheen qarniyadii hore waxa qeyb weyn ka ahaa haween kartidoodu ay dhaaftay inta caadiga ah kuna guulaystay in ay horumariyaan bulshadooda iyaga oo ragga la shaqaynaya. waxaana ka mid ahaa haween noqday hormuudka ummaddooda dhinacyada maamulka, Dhaqanka,Caafimaadka, Beeraha Falasafadda,Xiddigiska iyo Farshaxanka. Shalay oo ku beegnayd 8-da Maarso waxaa oo asteeyay maalinta haweenka adduunka ma aha maalin kufilan haweenka waana ay ka ballaadhanyihiin maalin loo asteeyo oo la xuso balse qoraalkeennan kooban waxa aynu kusoo qaadan doonnaa qaar kamid ah haldoorkii haweenka Islaamka soo maray ee taariikhda dunidan aynu joogno raadka kaga tagay si loogu daydo:- LABANA OF CORDOBA: Waxa ay noolayd qarnigii 10aad waxaana ay kufiicnayd Xisaabta iyada oo xallin jrtay masalooyinkii ugu adkaa xilligaas ee xisaabaadka Joometeriga iyo Aljebrada Waxaana ay qarnigii 10aad noqotay xoghayihii gaarka ahaa ee dawladdii Ummaawiyiinta u fadhiyay dalka Isbaanishka , xilkaas weynna waxa u igmaday Khaliifkii xilligaas maamulayay dawladdii Islaamiga ahayd ee Ummaawiyiinta kaasi oo ahaa Khaliif Al-Xakam-kiilabaad. FATIMA AL-FIHRI: Waxa ay qarnigii 8aad ku dhalatay Magaalada Qeyrawan ee dalka Tunisia waxa aanay ku takhasustay Shareecada Islaamka gaar ahaan Culuumta Fiqiga iyo Axaadiista, Fatima waxa ay bulshadeeda u dhistay Masjid taariikhdu markay ahayd 859-kii, waana mid shaqeeya illaa maanta loona aqoonsanyahay in uu yahay goobtii ugu horraysay adduunka ee laga qaato shahaado Degree ah oo waafaqsan habka caalamiga ah ee maanta la raaco sida ay u aqoonsatay hay’adda caalamiga ee waxbarashada,Sayniska iyo dhaqanka ee (UNESCO) waana Jaamacadda hadda lagu magacaabo (The University of Al Quaraouiyine) oo kutaalla magaalada Fez ee dalka Morocco, waxaana ay ku jirtaa Buugga lagu qoro dhacdooyinka dunida ee (Guinness world record). MARIAM AL-IJLIYA AL-ASTRULABI: Waxa ay noolayd qarnigii 10-aad, iyada oo ku takhasustay culuumta xiddigiska waana gabadha hindistay ama ikhtiraacday waxa loo yaqaanno (Astrolabes) kaasi oo ah qalab si weyn ay u isticmaalaan dadka Badmareenka ah ama xiddigiyayaasha ah kaasi oo ay ku kala gartaan wakhtiga iyo Jihada , Mariam ayaa xilliga ay ikhtiraacday qalabkan Astrolabes-ka waxa ay ku sugnayd Magaalada Aleppo ee dalka Syria taasi oo hadda ku taalla waqooyiga dalkaas, Mariam waxa ay sidoo kale la shaqaysay Amiirkii Magaalada Aleppo oo lagu magacaabi jiray Sayf al-Dawla, cilmigana waxa ay ka dhaxashay Aabbaheed oo ahaa xiddigiye caan ah laguna magacaabi jiray al-ʻIjliyy al-Asturlabi. AMINA ZARA: Waxa ay ahayd boqorad awood badan oo maamuli jirtay Boqortooyadii dhul ka mid ah waqooyi galbeed Afrika intii u dhaxaysay sannadihii 1588 illaa 1589, Amina waxa ay ahayd inantii ugu weynayd ee uu dhalay Bakwa Turuku kaasi oo ahaa aas aasihii Boqortooyada Zazzau sannadkii 1536-kii waxaana ay talada boqortooyadaas ay gacanta ku haysay muddo 11 sano ah una dhaxaysay 1588-kii illaa 1589-kii, inkasta oo taariikh yahannadu ay isku khilaafsanyihiin qaabkii xukunkeeda oo qaarkood ay leeyihiin waxa ay ahayd gabadh gabadh arxan daran oo dagaal badan haddana waxa la isku raacsanyahay in ay lahayd xukun dhab ah iyo hibooyin badan oo ay ka mid ahaayeen xirfadda Injineernimada iyo xeeladaha ciidamada (military strategy) waxaana ay adeegsan jirtay awood ciidan. Ugu dambayntii waxa habboon in haweenka Islaamku ay ku daydaan haweenkii Islaamka ee bulshadooda,diintooda iyo naftoodaba wax taray sida kuwa aynu kasoo hadalnay iskana dhaafaan khiyaaliga reer galbeedka ee hanka gabadhaba kusoo koobay inay u noolaato sida ninka oo kale. W/Q: Muxiyadin Maxmamud Xusen The post Qaar kamida Haweenkii Islaamka ee Taariikhda Dunida wax kusoo kordhiyay appeared first on Puntland Post.