-
Content Count
207,626 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud oo kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay kulamadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Nairobi ee seddex geesoodka ahaa. Xildhibaan Sakariye Xaaji, ayaa isaga oo la hadlay saxaafadda wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay guulo ka heysatay arrimaha dibadda Soomaaliya, balse ay meel xun gaareyso haddii ay dhab tahay in madaxweyne Farmaajo uu ka tanaasulay dacwadii dhanka badda ee ICJ taalay. Wuxuu sheegay in guddoonka baarlamaanka “Aqalka sare iyo golaha shacabka” inay kulan deg deg ah isugu yeeraan xildhibaanada baarlamaanka ee fasaxa hadda ku maqan, si madaxweynaha Soomaaliya wax looga weydiiyo heshiiskii uu kusoo galay magaalada Nairobi. Wuxuu sidoo kale sheegay in madaxweynaha laga sugayo inuu faahfaahin ka bixiyo kulamadii ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, maadaama shacabka iyo siyaasiyiinta ay walaac badan ka muujinayaan waxyaabaha lagu heshiiyay. Sidoo kale wuxuu cadeeyay in madaxweynaha aysan habooneyn inuu tago magaalada Nairobi maadaama loo baahnaa in wasaaradda arrimaha dibadda ka bilaabato wada xaajoodka dowladaha Kenya iyo Soomaaliya. “Mowduuca loo tagay meesha waan og nahay badda ayaa loo tagay, madaxtooyadana wax jawaab ah kama heyno oo ku aadan waxa kasoo baxay, anagu xildhibaano ahaan waajib ayaa inaga saaran, hadda fasax ayaa lagu jiraa, labada guddoomiye waa inay u yeeraan xildhibaanada oo la iskugu yimaadaa kulan deg deg ah” “Madaxweynaha waa inuu keenaa heshiiska uu soo galay waxa uu yahay, si ay meesha kaga baxdo hadalada la hadal hayo, haddii ay run tahay waxyaabaha ay hadal hayaan warbaahinta Kenya iyo Ethiopia waa arin qatar teeda leh”ayuu yiri Xildhibaan Sakariye. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ayaa gacan ka gaysatay xukun ay maxkamadda rafcaanka ee gobalka Maroodi-jeex ku riday dhallinyaro lagu eedeeyay inay dhaawacyo gaadhsiiyeen xadhiga shirkadda Somcable ee dhulka hoostiisa mara. Akhri Eedda Wasiirka: Sida ku cad xukunka maxkamadda qodobka 4-aad, wasiirka boosaha iyo Isgaadhsiinta Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi, ayaa maxkamadda u qiimeeyay xadiga lacageed ee dhaawaca ay maxkamadu sheegtay inuu soo gaadhay xadhiga shirkadda Somcable, kaas oo uu isagu xadiday lacagta aadka u badan ee lagu xukumay kooxdan ku eedaysnayd inay waxyeelo u gaysteen xadhiga shirkada Somcabel. Lacagtaas ayaa dhan $ 652,120 oo dollar. Waxaana la sheegay in xadhkanhan laga waxyeeleeyay Diinqal,Badarwanaag,Waraabaley iyo Harasheekh. Hadaba qodobka 4-aad ee ay maxkmadu cuskanaysay ayaa uu ka soo muuqday doorka ay wasaarada Boosaha iyo isgaadhsiintu ka ciyaartay xukunka lacagtan aadka u badan ee hadal haynteedu ay qabsatay suuqa, waxaanu xukunka maxkamadu yidhi sidan “ Iyada oo eedaysanaha 1-aad uu u diray eedaysanaha 2-aad googoynta xadhkahaas, eedaysanaha 2-aadna uu googooyay eedaysanaha 3-aad iyo 4-aadna ay ahaayeen abaabulayaashii iyo qorsheeyayaashii fulinta falkaas googaynta xadhkaha, eedaysanaha 5-aadna uu yahay isku xidhaha 1-aad iyo 2-aad, si ay uga wada shaqeeyaan jarjarida xadhkahaas Cable-ka ee dhulka hoostiisa mara khasaarahaas oo dhan 652,120 ( lix boqol iyo laba iyo kontan kun boqol iyo labaatan doolar) sida ku cad warqada wasiirka wasaarada isgaadhsiinta iyo tignoolajiyada ee sumadeedu tahay WIT/XW-01/18/2018 ee 04/06/2018.” Eedaysanayaashan xukunku uu ku dhacay ayaa kala ah 1- Maxamuud Cismaan Khayare , 2- Cumar Xuseen Cabdi, 3-Cabdiqaadir Nuur Maxamed, 4-Baashe Xasan Maxamed, 5-Cabdilaahi Cali Muxumed oo isagu maqane ah. Qaran News
-
Hargeysa (SMN) – Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta u ambabaxay dalka Isu Taga Imaaaraadka Carabta. Safarkan oo ahaa mid deg-deg ah ayaa waxaa madaxweyne Muuse Biixi ku wehlinaya xubno ka mid ah maamulkiisa. Waxaana la filayaa in Abu Dubai kulan gaar ah uu kula qaato madaxda shirkadda Dp World ee maamusha dekedda Berbera ee Somaliland. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweynuhu shirar gaar gaar ah uu la qaadan doono madaxda Imaaraadka, kuwaas oo looga hadlayo arrimo ku aadan saldhig ay dowladda dalkaasi dooneyso in ay ka dhisato magaalo xeebeedka Berbera. Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay safarkan, waxaana uu tilmaamay in casuumaad rasmi ah ay ka heleen madaxda dalka Imaaraadka Carabta. Somaliland ayaa horay heshiisyo kala duwan ula saxiixatay Imaaraadka oo la wareegay dekedda Berbera, isagoona haatan doonaya in uu saldhig weyn ka dhisto gudaha magaaladaasi oo ku taalla waqooiyga Soomaaliya. View the full article
-
Badhan (Caasimada Online) – Wararka ka imaanayo Gobalka Sanaag ayaa sheegaya in gabar 5 sano jir ah lagu kufsaday magaalada Badhan ee Gobalka Sanaag, waana kufsigii 2aad oo ka dhacay Gobalkaasi sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka. Saraakiisha amaanka ee Maamulka Puntland ayaa sheegay in kufsiga gabadha 5 jirka ah uu geestay nin da’diisa lagu qiyaasay 20 ilaa 25 jir, sida ay xaqiijiyeen Taliska Booliiska ee Puntland. Sidoo kale Tuulo ku taala Gobalka Sanaag ayaa sidaan oo kale waxaa loogu kufsaday gabar 15 sano jir ah, waxaana kufsigaasi la sheegay in ay fuliyeen ilaa dhowr nin. Waxaa isa soo taraya walaaca ay qabaan dadka degaanka. C/llaahi Cumar Canshuur oo ah Sarkaal katirsan Ciidamada Booliiska Puntland, gaar ahaan Gobalka Sanaag ayaa sheegay in raga kufsiga geestay mid kamid ah uu baxsaday Ciidamadana ay ku raad joogaan. Taliyaha ayaa digniin u jeediyay rag kufsiga ka bilaabay gobalka Sanaag. Waxa uu sheegay in tilaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono hadii ay ku cadaadan dembiyada ay galaan. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMM) – Guddiga Qaban-qaabada aaska Qaran ee Allaha u naxariistee wasiirkii hore ee arrimaha Dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, ayaa ka war bixiyay kulamo ay yeesheen oo ay ugu arrinsanayeen diyaar garoowga keenidda Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh iyo aaska loogu samaynayo Muqdisho. Wasiirka Arrimaha dibedda xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Axmed Ciise Cawad, oo ka war bixiyay kulamada ay yeesheen guddigu oo uu guddoominayay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka, ahna guddoomiyaha guddiga Qaban-qaabada, ayaa sheegay in si wanaagsan ay u diyaariyeen aaska qaran ee loo samaynayo Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khaye ayaa shalay magacaabay guddiga Qaban-qaabada aaska qaran ee marxuum Xoosh oo ka kooban Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Amniga Gudaha, waxbarashada, Warfaafinta, Kalluumeysiga iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha Dastuurka. Wasiirkii arrimaha dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, oo shalay ay ku timid geeri naxdin leh ayaa dawladdu u qorshaysay in loo sameeyo aas Qaran. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Laascaanood (SMN) – Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka duulista hawada iyo garoomadda maamulka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor (Gabiley) ayaa maanta gaaray deegano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya Socdaalka wasiirkan oo ku qotoma u kuurgalida xaaladaha ka jira halkaasi ayaa waxaa ku wehlinaya xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland. Xubnahan ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyay boqolaal Qoys oo ka barakacay deegaanka Tukaraq ee gobolkaasi, iyagoona ballan qaadyo u sameeyay dadkaasi. Muddooyinkii dambe waxaa Sool ka jiray colaado wajiyo kala gadisan leh, kuwaas oo saameyn ku yeeshay dadka rayidka ah ee ku dhaqan gobolkaasi. View the full article
-
Click here Qaran News
-
Cadaado (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay shil gaari oo saaka ka dhacay deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud. Shilkan ayaa yimid, kadib markii uu rogmaday gaari Deyno ah oo siday Qudaar, kaas oo la sheegay in uu ambaxabay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Ugu yaraan 1 Qof ayaa ku dhintay shilkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 4 kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogaal ah. Inta badan shilalka gaari ee ka dhaca Mudug iyo Galgaduud ayaa loo sababeeyaa burburka waddooyinka gobolladaasi oo aan in muddo ah helin wax dayactir ah. View the full article
-
Kismaayo (SMN) – Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ballaaran waxa ay ka sameeyeen deegaano ku teedsan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay saraakiishu sheegeen in ay yihiin kuwa lagu xaqiijinayo amniga Kismaayo, maadaama la filayo in dhawaan uu booqdo ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre. Xubno hor dhac u ah wafdiga ra’iisul wasaare Khayre ayaa haatan ku sugan magaaladaasi oo laga dareemayo diyaar garow xoogan. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, iyadoona ciidamo dheeraad ah lagu arkayo halkaasi. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay Caasimada Online ka heshay qaar kamid ah madaxda warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saraakiil ka tirsan Safaaradda Itoobiya ee magaalada Muqdisho ay iminka kulan la qadanayaan madaxda warbaahinta Muqdisho. Sida aan xogta ku helnay kulanka ayaa ka dhashay dalab ka yimid Itoobiya. Kulanka oo ay Itoobiya dalbatay in aan warbaahinta laga sheegin, aysan Itoobiya sheegin waxa uu ku saabsan yahay, balse dadkii la marti qaaday waxaa loo sheegay in ay ka soo qayb galaan shir safaaradda Itoobiya iyo madaxda warbaahinta Soomaaliya ku dhaxmaraya garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho. Warar aan helnay ayaa sheegaya in qorshaha Itoobiya uu yahay in warbaahinta ay wax uga sheegto xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, isbadalka Geeska Afrika iyo dalab ah in la badalo sawirka ah in Soomaaliya iyo Itoobiya yihiin laba dal oo waligood colaad u dhaxeysay. Waxaa sidoo kale qorshaha qeyb ka ah in buun buuniyo, islamarkaana si wanaagsan loo muujijo muhiimadda isbadal dhaqaale iyo isdhaxgal bulsho oo labada dal ay yeeshaan. Kulanka oo bilaawday maanta 2-dii duhurnimo ayaa wali socda waxaana telefanda laga reebay mas’uuliyiinta ka qayb galay shirkaas. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo arintaan ku aadan. Sidoo kale waxaan la ogeyn in wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ay ka warhayso kulanka maanta dhaxmaraya warbaahinta magaalada Muqdisho iyo Saraakiil ka tirsan Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Boosaaso (SMN) – Ciidmada badda maamulka Puntland ee magacooda loo soo gaabiyo PMPF ayaa maanta gacanta ku soo dhigay illaa 8 Doonyood oo lagu Tahriibinayay dad ku sii jeeday dalka Yemen. Doonyahan ayaa la sheegay in ay qaab Sharci darro ah uga Tahriibinayeen Xeebaha maamulkaasi dad isugu jiray Soomaali iyo Oromo. Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Muxyadiin Axmed Muuse oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in talaabadani ay qeyb ka tahay dagaalka uu maamulkiisu kula jiro Tahriibka. Horay dowlad goboleedka Puntland ayaa uga digtay in laga tariibo deegaanadeeda, sababo la xariira dhanka amniga. Hakan hoose ka daawo Sawirro:- View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-09032019.mp3 View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Musharaxiinta xilka madaxweynaha maamulka Jubaland ee la tartamaya Axmed Madoobe ayaa sameystay gole ay ku mideysan yihiin oo loogu magac daray “GOLAHA ISBADAL DOONKA MUSHARAXIINTA JUBALAND”, waxayna soo saareen qodobo ku saabsan doorashada Jubaland. Hoos ka aqriso Warmurtiyeed: Hab raaca Doorashada heer Baarlamaan iyo Tan Madaxweynaha Jubaland 2019: Murashaxiintu Waxay si wadajir ah u sameeyeen Golaha Musharixiinta isbaddel doonka Jubbaland 2019 kaas oo ay ku mideysan yihiin musharixiinta u taagan kursiga Madaxweynaha Jubbaland ee 2019. Si loo helo matalaad rasmi ah Golahu wuxuu isku raacay in habraaca Doorashadu noqdo mid Daah furan xor iyo xalaal ah kana madax banaan faragelin ka timaada murashaxiinta ku tartamaya kuraasta madaxweynenimada, Tan Baarlamaanka iyo faragelin kale meel kasta oo ay ka timaado: Goluhu wuxu si wadajir ah u soo jeedinayaa in Dhamaan Murashaxiinta oo uu ku jiro Madaxweynaha hada talada haya ay wada tashi iyo isla Ogol ka gaaraan Qodobada iyo Habraaca Doorashada: 1: Wada tashiga dhamaan murashaxiinta Kadib waa in si degdeg ah loo Magacaabo Gudiga Doorashada iyo Xuduudaha ugu danbeyn bishan march 2019: 2: Shaqada iyo Awooda Gudiga Doorashada ayaa noqoneysa secretariat ( Xoghayn) lagu soo ururiyo liiska Xildhibaanada odayaasha dhaqanka ee rasmiga ahi soo xulen oo kaliya: 3: Gudiga Doorashada iyo xududuhu malaha Awood wax ka bedel Diidmo iyo ku daris liiska odoyaasha Dhaqanka ee rasmiga ahi usoo gudbiyaan: 4: Shaqada Gudiga Doorashada iyo Xuduudahu waxay ku egtahay marka ay dhaariyaan dhamaan 75ta xildhibaan ama 2/3 xubnaha Baarlamaanka Jubaland oo lamid ah 56 xildhibaan: 6: Marka la dhaariyo Xubnaha Baarlamaanka Dhamaan habraaca Doorashada waxaa la wareegaya Golaha Baarlamaanka cusub, Xubinta ugu dada wayn Golaha Baarlamaanka Cusub ayaa shir gudoon kmg ah noqonaya inta laga dooranayo Gudoomiyaha rasmiga iyo labadiisa ku xigeen: 7: Gudoomiyaha ku meelgaarka ee Baarlamaanka ayaa golaha Baarlamaanka ka dhex magacaabaya Gudiga Doorashada ee Gudoomiyaha rasmiga ee Baarlamaanka iyo Ku xigeenadiisa Isagoo ka ansixinaya golaha Baarlamaanka: 8: Marka la doorto Gudoomiyaha Golaha iyo ku xigeenadiisa waxaa hogaanka Doorashada la Wareegaya Gudoomiyaha rasmiga ee Golaha Baarlamaanka , wuxuuna markale golaha ka ansixinayaa Gudiga Doorashada Madaxweynaha oo ahaan kara gudigii hore ee Baarlamaanka laga magacaabay ama kuwo cusub mar kale ayaana golaha laga Ansixinaya 9: Gudiga Doorashada ee Baarlamaanku ansixiyay waxay dejinayaan shuruudaha iyo dhamaan Hab raaca Doorashada Madaxweynaha ilaa Codeynta iyo ku dhawaaqida natiijada doorasha: 10: Iyadoo la raacayo habraacii loo maray Dhismoha Gudiga Doorashada iyo Xuduudaha ayaa la dhisayaa gudiga xalinta khilaafaadka: 11: Shaqada iyo awooda gudigu waa inay xaliyaan wixi khilaaf dacwo ama is daba Marin ah ee Doorashada ku saabsan: 12: Waxayna ilaalinayan sixiixa iyo go,aanka Oday dhaqaneedka saxda ah Kaas oo noqonaya halka loo noqonayo hadii khilaaf yimaado, Gudigu malaha awood wax lagaga bedeli karo sixiixa iyo go,aanka Oday dhaqameedka rasmiga ah: 13: Si looga fogaado Abuuritaanka Odoyaal dhaqameed aan rasmi ahayn, awoodna u lahayn soo xulitaanka Baarlamaanka Dhamaan murashaxiinta oo uu ku jiro Madaxweynaha hada talada haya waxay si wada ogol ah u hubinayaan liiska Odoyaal dhaqameedka rasmiga ee Beel kasta usoo xulaya xubnaha Baarlamaanka ee Beeshiisa: 14: Odoyaal dhaqameedyada ku jira liiska 135ta oday dhaqameed ee Layaqaano oo kaliya ayaa Beelahooda usoo xulaya Baarlamaanka: 15: Beelaha aan 135ta oday dhaqameed matalaad ku lahayn waxaa usoo xulaya Oday dhaqameedka beeshaas u matala deegaanada Jubaland ee laysla yaqaano waana in si wada ogol ah murashaxiintu isula ogolaadan: 16: Odoy dhaqameed kasta isagoo la tashanaya Nabadoonada beeshiisa wuxu gudiga doorasha iyo xuduudaha usoo gudbinayaa Magacyada xubnaha Beeshiisa u matalaya Baarlamaanka Jubbaland: 17: Oday dhaqameed kasta wuxu gudiga Doorashada iyo Xuduudaha usoo gudbinayaa Hal Magac/ halkii Kursi: 18: Gudiga waxaa ka reeban inay qabtaan magacyo dheeri ka ah kuraasta Beel waliba ku leedahay Baarlamaanka: (Tusaale beeshii Hal xubin ku leh Baarlamaanka waxay gudiga u gudbineysaa Hal magac oo kaliya) 19: Gudiga Doorashadu kama qaban karo Oday dhaqameedkii u soo gudbiya magacyo ka badan tirada kuraasta beeshiisa: 20: Oday dhaqameed kasta liiska magacyada ee beeshiisu usoo xulatay Baarlamaanka wuxu ka sameynayaa 6 Nuqul/copy oo lakala siinayo A: Gudiga Doorashada iyo Xuduudaha B: Wasaarada arrimaha Gudaha Dowlada federalka: C: urur goboleedka IGAD: D: International Communitiga: E: Golaha murashaxiinta Jubaland: F: iyo midka Odaygu la hadhayo: 21: Amniga iyo Dhaqdhaqaaqyada Murashaxiinta heer Baarlamaan iyo Madaxtooyo murashaxiintu iyagoo ilaaliyaan Amniga, Xasiloonida iyo midnimada bulshada Jubbaland waa inay lahaadaan dhaqdhaqaaq xor ah oo ay ololahooda si nabad ah ugaga sameystaan Dhamaan deegaanada Jubaland iyo meeshii kalee ay rabaan waxaana ka reeban is hortaag iyo cabudhin: 22: Murashaxintu Waxay xaq u leeyihiin inay la kulmaan qeybaha bulshada, Xubnaha Baarlamaanka iyo Ciidi kale ay rabaan: 23: Murashaxiintu Waxay xor u yihiin inay qabsadaan kulamo goortay rabaan kuna qabsadaan goobtay rabaan: 24: Dhamaan murashaxiinta oo uu ku jiro Madaxweynaha hada xilka haya waa inay u sinaadaan Xuquuqda, Awooda, Talada iyo Tasiilaadka : 25: Saxaafada madaxa banaan iyo Televisionka Jubaland waa inay si loo siman yahay ugu adeego dhamaan murashaxiinta oo uu ku jiro Madaxweynaha hada xilka haya: 26: Amniga Habraaca Ololaha Doorashada codeynta iyo hoolka Doorashadu ka dhacayso waa inay sugaan ciidamo ka kooban Jubaland,SNA iyo ciidamo isku jir ah oo ka socda Wadamada kala duwan ee Qeybaha Amisom: 27: Si looga fogaado wax is daba marin, is hortaag iyo cabudhin loona helo daahfurnaan lagu wada kalsoonaan karo Habraaca Doorashada bilow ilaa dhamaad waa inay goob joog iyo kor joogto ka ahaadaan Xubno kakala socda A:Dowlada Federaalka wasarada arrimaha Gudaha iyo Federaalka B: IGAD C: international community D: Iyo Amisom 28: jidwalka habraaca Doorashada: A: maadaama Gudiga Doorashada iyo Xuduuduhu aad uga Dib dhacay xiligii la magacaabi lahaa waa In degdeg loo magacaabaa bishan March 2019: B: xildhibaanada Jubaland waa In la soo xulaa ugu danbeyn 15/4/2019 C: Gudoonka Golaha Baarlamaanka Jubaland waa In la doorto ugu danbeyn 15/6/2019 D: Doorashada Madaxweynaha waa inay dhacdaa ugu danbeyn bisha August 15th 2019: 29: Canbaareyn: Golaha Isbedel Doonka Jubaland 2019 wuxuu canbaareynayaa falkii 27/2/2019 lagu hor istaagay taageerayaasha murashax ahna xildhibaan laga soo doorto Gobolada Jubaland, Taasoo sababtay In Murashaxu lugeeyo Airporka kismaayo ilaa magaalada Kismayo oo isu jira 15km, Waxaan ka digeynaa inay dhacdo iskuday kasta oo lagu cabudhinaayo ololaha Murashaxiinta Doorashada Jubaland iyo taageerayaashooda: 30: Golaha Isbedel doonka Jubaland wuxuu bogaadinayaa sidii degenaanta lahayd ee Murashaxa iyo taageerayaashiisu uga fal celiyeen sidii guracneyd ee loola dhaqmay: 31: Dhamaan shacabka Jubaland waxan ugu baaqeynaa ilaalinta Amniga iyo inay ka fogaadaan fal kasta oo wax u dhimi kara Amniga iyo habsami u socodka xulitaanka Baarlamaanka iyo Doorashada Madaxweynaha Cc: Dowlada Federaalka Cc: Dowlad Goboledka jubaland Cc: Odoyaasha Dhaqanka Jubaland Cc: Dhamaan Beelaha Jubaland Cc: Urur Goboleedka IGAD Cc: International Communitiga Cc: Dhamaan murashaxiinta Heer Baarlamaan iyo Madaxweynaha:
-
Askari ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta deegaanka Ceel-macaan ee gobolka Sh/dhexe ku dilay haweeney la sheegay iney ka shaqeynaysa Maqaayad Halkaasi ku taalla. Naciimo Axmed Cali oo ah eedada gabadhan la dilay ayaa u sheegtay Goobjoog in askarigii wax dilay uu baxsaday, iyadoo dhanka kale shacabka ku dhaqan deegaankaasi ay dibadbaxyo dhigeen. Sidoo kale, Naciimo ayaa sheegtay in markii uu askarigan wax dilay uu tagay saldhig ku yaalla Ceel-macaan oo uu isaga ka tirsanaa una sheegay ciidankii halkaasi joogay inuu gabar dilay, goobtana isaga dhaqaajiyey iyadoo aan la qaban. Shacabka ku dhaqan deegaanka Ceel-macaan ayaa dalbaday in degdeg lagu soo qabto gacan ku dhiiglaha lana saaro maxkamad. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/NACIIMO-AXMED-CALI-CEEL-MACAAN.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Tariikh nololeedkii Suldaan Bashiir Muuse Koonte. Allaha u naxariistee 1966dii wuxuu ku dhashay degmada Ufeyn ee gobolka Bari. Dugsiga hoose/dhexe wuxuu ku dhameeyey iskuulka hoose [...] Source
-
Maamulka deegaanka Garasbaaley ee magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in loo soo gurmado qoysas hor leh oo ku barakacay deegaankaasi. Maxamuud Xaashi Cali, guddoomiyaha waaxda Koowaad ee Garasbaaley oo la hadlay Goobjoog wuxuu sheegay in ku dhowaad 300 qoys ay soo gaareen halkaa, kuwaasi oo ka yimid degmooyin kale oo Muqdisho ah. Waxa uu sheegay guddoomiyaha in dadkan ay u baahan yihiin gurmad dhan walbo ah, ayna ka muuqato xaalad adag oo dhanka nolosha ah. Sidoo kale, Xaashi ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir in wax loo qabto dadkan barakacayaasha ah. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/WAREYSI-GARASBAALEY-MAXAMUUD-CALI.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay maanta howlgal ballaaran ka wadaan deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabellaha Hoose. Ciidanka ayaa ku faafay qaar ka mid ah xaafadaha deegaankan, balse lama sheegin cid ay kusoo qabteen howlgalkan. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ayaa u sheegay Goobjoog in ay ku raad-joogaan rag ka mid ah Al-shabaab oo xalay weerar ka geystay deegaanka Buulo-mareer. Dagaalkii xalay dhacay waxa uu ahaa mid xooggan oo la isku adeegsaday rasaas culus, inkastoo aan la sheegin khasaaraha ka dhashay inta uu la egyahay. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Muuse-Cabaas-Cusmaan-Howlgalka-Buula-mareere.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com