-
Content Count
207,644 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Addis Ababa)-Mudaharaadyo hor leh oo ay qowmiyadda Oromada kaga soo horjeeddo dowladda Itoobiya ayaa maalintiisa afraad ka socda dalkaasi. Mudaharaadkan oo Arbacdi billaawday ayaa wuxuu ku billaawday magaalada Addis Ababa wuxuu ku sii fiday dalka intiisa kale. Gaar ahaanna waxay mudaharaadyadu ka socdaan magaalooyinka waaweyn ee deegaanka Oromada oo ah deegaanka ay ku nool ku nool yihiin qowmiyadda ugu badan. Magaalooyinka ay ka socdaan Mudaharaadada xooggan waxaa ka mid ah Amb, Naqamte, Adaama, Asala, Gobba, Shaashamane, Roobee iyo magaalooyin kale. Warbixintan oo aan ka soo xiganna wargeyska Addis Standard oo ka soo baxa magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya iney mudaharaadyadu ka billaawdeen 51,000 oo guri oo ay dowladda ka dhistay gudaha iyo hareeraha magaalada Addis Ababa oo Axadda bakhtiyaa nasiib looga wareejiyey dadki nasiibka u yeeshay. Qowmiyadda Oromadana waxay ka cabaneysaa in guriyaha laga dhisay dhul beereed ay qowmiyadda Oromada leedahay iney xaq u lahyn dadka kale ee Itoobiyaanka ah ee ku nool caasimadda iney la wadaagaan guriyahaasi. Duqa maamulka magaalada Addis Ababa Injineer Taakele Kuma oo ka jawaabaya cabashada dadka mudaharaadaya ayaa sheegay “in guriyaha laga dhisay dhul uu maamulo maamulka magaalada Addis Ababa shucuubta Itoobiya ee ku nool magaalada oo dhan ay xaq u leeyihiin iney ka wada faa’ideystaan”. “Wuixi cabasho intaa ka baxsanna uu maamulkiisa diyaar u yahay inuu qaabilo cid kasta oo cabasha sharci qabta”. Maalinta barri ahna mudaharaadayaashu waxay u ballansan yihiin iney mudaharaad kuwi hore ka ballaadhan ay ka sameeyaan fagaaraha weyn ee Abiyoot oo ku yaalla bartamaha magaalada Addis Ababa. Telefishiinka FANA oo soo xiganaya xafiiska Ra’isal wasaaraha Itoobiya ayaa baahiyey iney golaha wasiirrada dalkaasi ay shir degdeg ah ka yeesheen mudaharaadyadana cusub ee dalka ka socda sidi xal ooga heli lahaa isla-markaana la dhisay guddi heer qaran ah oo xalliyo khilaafka dhulka ee u dhaxeeya maamulka Addis Ababa iyo Deegaanka Oromada. Qowmiyadda Oromada oo aaminsaneeyd marka uu hoggaaminta dalka uu qabto nin u dhashay qowmiyadda Oromada in la xallin doono dhibaatooyinka ay qowmiyadda ka cabaneyso ay xaaladdu wax iska beddelin taasoo keentay iney mudaharaadayaasha magaalooyinka qaarkood ayba ku dhawaaqaan ha is casilo ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed iyo xukumaddiisaba. Source
-
Source
-
(SLT-Hargeysa)-Ayub Xasan oo 17 jir asalkiisu yahay Soomaali ayaa noqday qofkii 26-aad ee dilkiisa loo adeegsado mindi caasimada kala Ingiriiska ee London. Dilka Ayub ayaa la sheegay in loo soo qabqabtay dhalinyarro lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen iyadoo lagu wado in la soo taago maxkamad. Ayub Xasan ayaa hore ugaga badbaaday dilal ay dhalinyarada ku nool xaafada qoyskoodu ka degen yahay London ay isku dayeen in ay dilaan. Siraad Aden oo ah hooyada Ayuub ayaa suuxday markii ay maqashay in wiilkeeda la diley, Hase yeeshee markii ay soo naaxday ayay Siraad sheegtay in ay aad u jecleyd wiilkeeda uuna doonayay marka uu waxbarashada dhameeyo inuu noqdo qareen. Tirada dadka dilkooda loo adeegsanayo mindiyaha ayaa ku soo badanaya magaalada London iyadoo toddobaakan kaliya toddobo ruux lagu diley mindi, halka tirada guud ee sanadkan oo kaliya ay sii marayso 26 ruux. Source
-
Baydhabo (SMN) – Madaxwaynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed [Lafta Gareen] ayaa magacaabay masuuliyiin cusub. Xubnaha uu magacaabay magacaabay Lafta Gareen ayaa kala ah; Gudoomiyaha gobolka Shabellaha Hoose iyo Gudoomiyaha Gudiga shalaha Rayidka. Ibraahim Aadan Najax ayaa laga dhigay gudoomiyaha cusub ee gobolka Shabeellaha Hoose, halka Ibrahim Macalin Ali loo magacaabay Gudoomiyaha Gudigaasi. Hoos ka akhriso wareegtooyinka View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-09032019.mp3 View the full article
-
Afrika waa qaaradda labaad ee dunida ugu wayn, sidoo kalena waa isla qaaradda labaad ee ugu dadka badan. Afrika waa qaarad leh aqoonyahan tiro badan balse nasiib darro hadana waa qaaradda jahliga dunida ugu badani uu yaallo, sababta oo ah dadkeedii aqoonta lahaa waxay ka shaqaysteen waddamada horumaray. Afrika waa qaarad leh xadi roobaad ku haboon beerashada, carro ku habboon qodaalka, sidoo kalena hesha 12-ka biloodba qorrax, balse hada waa qaaradda ugu wax soosaarka yar. Afrika waa qaaradda ugu macdanaha iyo khayraadka badan haddana waa qaarad in ka badan kala badh dadkeedu ay ku nool yihiin faqiirtinimo kuwaas oo ku nool wax ka yar 2$ maalintii, Afrika waa qaaradda laga helo dhammaan noocyada daawooyinka kala duwan balse hadana waa qaaradda ay ka jiraan dhammaan noocyada cudurada la yaqaano, hadaba marka xogahaas aan kasoo gudubno, waxa uu qofkastaaba is waydiinayaa su’aalo badan. Waxaana kamid ah su’aalahaas sidee qaarad leh wax kasta oo horumar lagu gaadho hadana ay u noqotay qaarad sidan oo dhan u ah faqiir una dib dhacdey? Hadaba shakhsi ahaan waxaan halkan kaga hadli doonaa qodobo dhawr ah oo aan u arkay in ay yihiin kuwa sababay dhibaatadan afrika udiidan inay horumarto. Isla qodobadaas ayaan mid-mid si cilmiyaysan ugu hadli doonaa aniga oo ku dabaqaya cilmigii aan bartay iyo waliba aqoonyahanadda ka hadla arimahani waxa ay ka yidhaahdeen. Qodobka kowaad ee aan ka hadli doonaa waa mucaawinooyinka dibadda. Mucaawinooyinka dibadda( Foreign Aid) Maadaama afrika ay tahay qaarad aad uu faqri u saameeyey isla markaasna ay ka jiraan dhibaatooyin aad ufara badani, waxa ku adkaata maamulada markaas xilka haya inay la tacaalaan ama ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka faraha badan ee wadamadooda kajira kuwaas oo ay ka mid yihiin faqri, macluul, cudurro, sicir-barar, jahli iyo waliba xaalado degdeg ah oo mararka qaar soo wajaha sida dabaylo, duufaanno, dhulgariiro iyo sunaami. Marka indhaha binu aadantinimo lagu eego way haboon tahay in caawimaad kasta oo xaaladaas ka saari karta loo sameeyo, laakiin marka aad baadho xogo badan oo tibaaxaya mucaawinooyinka la bixiyay iyo horumarka wadamadii la siiyay waxa kuu soo baxaysa arin aan ahayn sidii la filaayay. Waxa jira daraasado laga sameeyey saamaynta ay mucaawinooyinka dibaddu ku leeyihiin koboca dhaqaale ee wadamadda afrika waliba kuwa saxaraha ka hooseeya waxaana la ogaadey in xaddiga mucaawinada oo aad u badani uu waxba ku kordhin waayey koboca dhaqaalaha wadamadaas. Qiyaas ahaan afrika sannad walba waxa ay heshaa mucaawino ka badan 50 Billion oo doolar, hadana dadyawga afrika 600 million oo qof ay ku nool faqiirtinimo gaadhsiisan inay maalintii ku noolaadaan wax ka yar 2$. Waxa kale oo gebogabooyinka daraasadahaasi ay sheegayaan in wadamadii faqiirka ahaa ay sii ahaanayaan fuqaro, wadamadii hodanka ahaana ay hodantinimadoodu sii kordhayso, marka aad daraasayso kobaca dhaqaalaha qaarada Asia oo hadda aan mucaawinaad aad ubadani aanay ka jirin amaba xaddiga mucaawinada la siiyo wadamada ku yaala qaaradda Asia ay ka yar tahay kuwa wadamada Afrika waxa la arkay in dhaqaaalaha wadamadaas uu yahay mid kobcaya. Waxa jira warbixino uu soo saaray baanka adduunku( world bank), kuwaas oo lagu sheegay in sannadihii udhexeeyay 1981-kii ilaa 2010-kii in dadka macluusha ku noolaa ay ahaayeen 700 million dunida oo dhan, halkaas oo 627 million oo kamid ahi ay ku noolaayeen waddanka shiinaha, dunida kale oo dhanna marka la isku daro ay ahayd 73 million oo qof, hadii qiyaasahan loo rogo xisaabta boqolayda waxa ay noqonaysaa in 89.6% ay ahaayeen shiinays. Taasi waxa ay ku tusinaysaa inaan mucaawimo lagu gaadhi Karin horumar, maadaama maantaba waddanka shiinaha oo ah quwadda labaad ee dhaqaalaha dunida ugu wayni aanu horumarkiisa ku gaadhin mucaawimo, wakhtigan hada la joogana iyadoo mucaawinooyinku ay sii badanayaan hadana waxaad aragtaa in macluusha iyo dhaqaale-daraduna ay la kordhayso, aragtidan ah in mucaawinooyinku aanay horumar keeni karina waxa la ogaadhey markay soo baxday aragtida “big push” ( big push theory). image.png Sawirka: world development Indicators Online. Sawirkani waxa uu ku tusinayaa kobaca wax soo saar iyo mucaawinooyinka afrika. Wadamada mucaawinooyinka bixiyaa waxay sii mariyaan hay’ado, halka ay qaarkoodna dawladaha si toos ah usiiyaan. Mucaawinooyinku waxa ay noqon karaan kuwo ah cunto amaba maaliyad( lacag). Qaybta xigta waxa aynu ku eegi doono si toos ah xidhiidhka mucaawinada iyo koboc la’aanta dhaqaalaha wadamada Afrika. Source
-
Waxaan jecelahay in aan maqaalkan ku iftiimiyo kagana jawaabo su’aalsha kor ku xusan ee aan u doortay inaan ku cabiro miisaanna ku saaro bal inuu Madaxwayne Biixi leeyahay karti iyo ragganimo uu si hufan ugu qaban doono Doorashooyinka is-barkan ee Wakiiladda iyo Deegaanka. Waxay mar kale ka baaqdeen xiligoodii labadan doorasho taasi oo ku beegnayd bishan March. Sidii caadada iska ahayd marka uu madaxwayne gudan kari wayo xilkiidsa qaran ayuu Muuse na maciin ka reaadiyay Golaha Guurtida oo iyaguba dhaxal iyo wax la mida ku fadhiya aqalka Guurtida. Goorma ayaa inoogu danbaysay guurti xula? Maye ragii magaca la baxay ee Sh.Ibraahim hormoodka ka haa Cabdillahi Sh. Cali Jawhar ka daba gee waxaan la hilmaami karin Sh.Axmed Furre iyo Goodaad iyo intii la midka ahayd intooda dhimatay naxariis ayaanu eebbe ugu baryayaa intooda noolna cisso iyo sharaf inay ku noolaadaan iyadoo aanan iloobi karin inay iyagu bud dhig u ahaayeen nabadda aynu ku naaloonayno maanta oo ah ta kaliya ee la inagu majeerto. taasi oo aan wax badan aanay ku darin kuwa inoo sheegta Siyaasiyiintu marka laga reebo Madaxwayne Cigaal oo isna bud dhig u ahaa Astaamaha Qaran ee ay manta sarsariigayaan kuwii ka danbeeyay sida Madaxwane Siilaanyo oo ku kashifmay inuu qabto u qabto Doorashooyinkii Dawladaha Hoose si hufan oo dhiig ku daatay. Hadaba madaxweynaha maanta ee Biixi waxa uu ku guuldaraystay inuu ku qabto doorashooyinka Wakiiladda iyo Dawladaha hoose ee u qoondaysnaa march sanadkan ka dibna u qaylo dhaan u dirsaday Golaha Guurtida oo aan kor ku soo xusay kuwa ay yihiin, waxa kaliya ee ay ka adagyihiin waa kordhin, iska fadhi iyo magacii iyo haybaddii uu golahaasi lahaa oo ay meesha ka saareen kalsoonida Shacabku ku qabaana ay aad u yartahay. Aan soo ururiyo hadalka ee Madaxwayne Biixi oo aad moodo inuu wakhtigii kaga lumay xidhida dad wax tiriyay sida Ina Abees iyo Wargays loo laabo albaabada sida Foore oo aan ku raacsanahay ra`yigoodii ahaa inaan loo baahnayn Maanta Madaxtooyo cusub ee haddii uu karti iyo dadaal isku hubo Madaxwayne Biixi in looga baahan yahay wax qabad ka balaadhan Guri Madaxtooyo oo laga yagleelo albeedka Hargaysa sida: shaqo abuur taasi oo ay 75% dhalinyarada Somaaliland aanay wax camala haysan, caafimaadka oo la kobciyo, biyo nadiifa oo dalka loo soo saaro iyo dabcan aqoonsi buuxa oo ay Somaliland hanato.. Haddaba waxaan is waydiinayaa Madaxwayne Biixi oo ku guuldaraystay inuu ku qabto Doorashooyinka Wakiiladda iyo Deegaanka muddo dhan 15 bilood laga soo bilaabo bishii December ee 2017 oo uu Kursiga halabsady ilaa March 2018 oo isku gayn noqonaysa 15 Bilood. Mudo intaa ka yar oo ku siman ilaa 10 Bilood ma ku suurto galinkaraa arinkan. Waxa kaliya ee ilaa hadda la maqlay waa inay isku soo dhamaadeen Guddidii Komishinka oo qaar ka midi ahi kaga maqnaayeen dalka dibaddiisa iyadoo uu jid dheeri sugayo. Aan ku soo noqdo inaan ka jawaabo Su’aasha udub dhexaadka u ahayd Maqaal oo ahayd madaxwayne Biixi ma leeyahay karti uu ku qabto Doorashooyinka Wakiiladda iyo Deegaanka 2019? taasinoo jawaabtaydu tahay maya, sababaha aan kor ku xusay ayaana keenaya. Haddaba iswaydiinta xiisaha lihi waxay tahay dalku xaalad caynkee ah ayuu gali haddii ay noqoto in ay markale baaqdaan doorashooyinku, Ma Golaha Dhaxaltooyadda waa Guurtida e` ayaa sidoodii ugu dhufan doona Shaanbadda Caagga ah ee Kordhinta mise si kale ayaa loo maarayn. Allow si kastoo ay noqotaba waxaan kaa baryayaa inaanad nagu ciqaabin oo aanay dalkayaga Somaliland ka soo gaadhin waxyeelo ay sababeen siyaasiyiin ku sheeg Xilkooddii gudan waayay, ha noqdeen kuwa Kuraasta ku fadhiya ee ah Dawlad ama mid muraacid ah oo aan wax talo ah ku dhaamin oo ay kaga dhagtay uun waa in doorashadda xilligeeddii la qabtaa taasi oo uu u arko inay tahay halka kaliya ee uu ka halabsan karo fuulitaanksa Kuraasta. Qore:Cabdi Muhumed Cabdimuhumed60@gmail.com Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka mid ah Golaha aqalka hoose ee Mareykanka ayaa mar kale wajaheysa dagaal dhinaca afka ah oo ay kala kulmeyso xisbiga Dimuqraadiga ah ee ay ka tirsan tahay. Ilhaan ayaa ad u cambaareysay Madaxweynihii hore ee Mareykanka BracK Obama oo ay ku sheegtay in uu ahaa dilaa dhoolla-caddeeya. Hadalkaas oo ay ka faa’ideysteen Warbaahinta u janjeerta dhinaca Yahuudda ayaa mar kale abuuray buuq Xisbig Dimuqraadiga dhexdiisa ah. Qaar ka mid ah taageerayaasa Xisbiga ayaa Ilhaan ku tilmaamay mid shaqadeedii illowsan oo u doodda dad aan Mareykan ahayn. Taageerayaasha qaar ayaa sidoo kale difaacay hadalka Ilhaan Cumar oo ay u arkeen in ay sax tahay. Todobaadkii la soo dhaafay Ilhaan waxaa ay dhexda ka gashay dood ka dhalatay hadal ay ka sheegtay hay’ad u doodda danaha Dadka Yuhuudda ah ee Mareykanka,waxaana hadalkaas uu gaaray madaxweynaha Mareykanka oo sheegay in ay mudan tahay in xilka laga qaado. Arbacadii ayaa waxaa xafiiskeeda ugu tagay Wadaaddo ka socda Yuhuudda Mareykanka oo iyada taageersanaa una sheegay in Ilhaan aysan wax ka sheegin diinta Yuhuudda ee ay wax ka sheegtay Waddaniyadda xagjirka ah ee Xukuumadda Natenyahu iyo ficillada khaldan ee ka socda Falastiin. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
-
(SLT-Kuuriya) Sawirro uu qaaday dayax gacmeed dulmaray xarun ku taal meel u dhow caasimadda Pyongyang ayaa muujinaya in Kuuriyada Waqooyi ay isu diyaarinayso inay tijaabiso gantaal ama ay hawada sare u dirto satellite. Warkan ayaa ku soo beegmaya maalma uun ka dib markii ay laba xarumood oo cilmi baarista ah oo Maraykanka ku yaal ay sheegeen in dalkaasi uu dib u dhisay goob gantaallada laga riddo. Kuuriyada Waqooyi ayaa u muuqata inay samaysanayso gantaal ay mustaqbalka dhaw tijaabin doonto, sida ay tilmaamayaan khubarada hubka ee Maraykanka. Dhaq-dhaqaaq ballaaran ayaa ka socda xarunta gantaallada lagu diyaariyo ee Sanumdong oo ku taal meel u dhaw caasimadda Pyongyang. Gawaari xamuul ah ayaa la arkay iyagoo galaya ama ka baxaya xaruntaasi, taasoo sida horay looga bartay ka dhigan in Kuuriyada Waqooyi ay goobtaasi geyneyso gantaal si ay uga ganto. Sida ku cad sawiradda la baahiyay, xukuumadda Pyongyang ayaa dib u dhistay goobta ay ka ridi jirtay gantaallada, waxaana suuragal ah in hadda ay si buuxda u shaqeyso. Khubarada qaar ayaa ku doodaya in Kuuriyada Waqooyi ay hawada sare u diri rabto dayax gacmeed oo aanay tijaabin rabin gantaal, balse taa xitaa waxa ay meel ka dhac ku noqonaysaa ballanqaadkii uu Kim Jong-un u sameeyay Donald Trump. Dayax gacmeed ay hawada u dirto Kuuriyada Waqooyi ayaa sidoo kale caqabad ku noqon kara wadahadallada u dhexeeya Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi, sida horay u dhacdayba. Source
-
Click here Qaran News
-
The US warned of “grave consequences” Friday if Turkey purchases the Russian S-400 missile defense system because it could affect the deal for F-35 fighter jets and the Patriot missile system,Anadolu Agency reports. Pentagon spokesman Charles Summers told reporters Turkey’s decision to accept the Russian defense system “would mean that they would not have access to the Patriots and the F-35s. “If Turkey takes the S400s there will be grave consequences in terms of our military relationship with them and with the Patriots and the F-35s,” Summers said. He did not provide any additional consequences. Earlier this week, Gen. Curtis Scaparrotti told a Senate committee he hopes Turkey would reconsider its decision to purchase the S-400 system. Scaparrotti, who also serves as NATO’s top commander, pointed to several problems the Russian system poses, including lack of interoperability with NATO systems and said the S-400 is “a problem to all of our aircraft, but specifically the F-35, I believe.” After protracted efforts to purchase air defense systems from the US with no success, Ankara decided in 2017 to buy Russian S-400 air defense systems. The move was criticized by the Pentagon, which warned that purchasing the S-400 would hurt Turkish-US relations and Turkey’s role in NATO. Washington has cautioned the S-400 system might covertly obtain critical information on the advanced fighter jets, including their detection range, which could then be relayed to Russia. But Turkish officials said Ankara would not go back on its agreement with Russia, even if it were to also buy the Patriot system. Turkish Defense Minister Hulusi Akar stressed Ankara purchasing the S-400s from Russia is “not a choice but a necessity.” Turkey’s Foreign Minister Mevlut Cavusoglu said last week Ankara and Washington have begun negotiating the potential purchase of Patriot missile defense systems from the US. The State Department approved in December a possible $3.5 billion sale of Patriot systems to Turkey that includes advanced radar systems, control centers, launching systems and guided missiles. Ankara is planning to purchase 100 F-35 fighter jets from the US pending congressional approval, and its pilots are currently training on the weapons platform at Luke Air Force Base in Arizona. Turkish firms also supply the F-35 program with key components, including airframe structures and assemblies, and the center fuselages. On Wednesday, Turkish President Recep Tayyip Erdogan said Ankara finalized a deal on purchasing the S-400 missile system from Russia, and that in the future “we may work with S-500s,” the next-generation Russian missile system. Akar added starting this October, the S-400 systems will be installed in Turkey, adding that the Turkish Air Force is working on where to deploy the missiles. Source: Middle East Monitor
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud oo kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay kulamadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Nairobi ee seddex geesoodka ahaa. Xildhibaan Sakariye Xaaji, ayaa isaga oo la hadlay saxaafadda wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay guulo ka heysatay arrimaha dibadda Soomaaliya, balse ay meel xun gaareyso haddii ay dhab tahay in madaxweyne Farmaajo uu ka tanaasulay dacwadii dhanka badda ee ICJ taalay. Wuxuu sheegay in guddoonka baarlamaanka “Aqalka sare iyo golaha shacabka” inay kulan deg deg ah isugu yeeraan xildhibaanada baarlamaanka ee fasaxa hadda ku maqan, si madaxweynaha Soomaaliya wax looga weydiiyo heshiiskii uu kusoo galay magaalada Nairobi. Wuxuu sidoo kale sheegay in madaxweynaha laga sugayo inuu faahfaahin ka bixiyo kulamadii ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, maadaama shacabka iyo siyaasiyiinta ay walaac badan ka muujinayaan waxyaabaha lagu heshiiyay. Sidoo kale wuxuu cadeeyay in madaxweynaha aysan habooneyn inuu tago magaalada Nairobi maadaama loo baahnaa in wasaaradda arrimaha dibadda ka bilaabato wada xaajoodka dowladaha Kenya iyo Soomaaliya. “Mowduuca loo tagay meesha waan og nahay badda ayaa loo tagay, madaxtooyadana wax jawaab ah kama heyno oo ku aadan waxa kasoo baxay, anagu xildhibaano ahaan waajib ayaa inaga saaran, hadda fasax ayaa lagu jiraa, labada guddoomiye waa inay u yeeraan xildhibaanada oo la iskugu yimaadaa kulan deg deg ah” “Madaxweynaha waa inuu keenaa heshiiska uu soo galay waxa uu yahay, si ay meesha kaga baxdo hadalada la hadal hayo, haddii ay run tahay waxyaabaha ay hadal hayaan warbaahinta Kenya iyo Ethiopia waa arin qatar teeda leh”ayuu yiri Xildhibaan Sakariye. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ayaa gacan ka gaysatay xukun ay maxkamadda rafcaanka ee gobalka Maroodi-jeex ku riday dhallinyaro lagu eedeeyay inay dhaawacyo gaadhsiiyeen xadhiga shirkadda Somcable ee dhulka hoostiisa mara. Akhri Eedda Wasiirka: Sida ku cad xukunka maxkamadda qodobka 4-aad, wasiirka boosaha iyo Isgaadhsiinta Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi, ayaa maxkamadda u qiimeeyay xadiga lacageed ee dhaawaca ay maxkamadu sheegtay inuu soo gaadhay xadhiga shirkadda Somcable, kaas oo uu isagu xadiday lacagta aadka u badan ee lagu xukumay kooxdan ku eedaysnayd inay waxyeelo u gaysteen xadhiga shirkada Somcabel. Lacagtaas ayaa dhan $ 652,120 oo dollar. Waxaana la sheegay in xadhkanhan laga waxyeeleeyay Diinqal,Badarwanaag,Waraabaley iyo Harasheekh. Hadaba qodobka 4-aad ee ay maxkmadu cuskanaysay ayaa uu ka soo muuqday doorka ay wasaarada Boosaha iyo isgaadhsiintu ka ciyaartay xukunka lacagtan aadka u badan ee hadal haynteedu ay qabsatay suuqa, waxaanu xukunka maxkamadu yidhi sidan “ Iyada oo eedaysanaha 1-aad uu u diray eedaysanaha 2-aad googoynta xadhkahaas, eedaysanaha 2-aadna uu googooyay eedaysanaha 3-aad iyo 4-aadna ay ahaayeen abaabulayaashii iyo qorsheeyayaashii fulinta falkaas googaynta xadhkaha, eedaysanaha 5-aadna uu yahay isku xidhaha 1-aad iyo 2-aad, si ay uga wada shaqeeyaan jarjarida xadhkahaas Cable-ka ee dhulka hoostiisa mara khasaarahaas oo dhan 652,120 ( lix boqol iyo laba iyo kontan kun boqol iyo labaatan doolar) sida ku cad warqada wasiirka wasaarada isgaadhsiinta iyo tignoolajiyada ee sumadeedu tahay WIT/XW-01/18/2018 ee 04/06/2018.” Eedaysanayaashan xukunku uu ku dhacay ayaa kala ah 1- Maxamuud Cismaan Khayare , 2- Cumar Xuseen Cabdi, 3-Cabdiqaadir Nuur Maxamed, 4-Baashe Xasan Maxamed, 5-Cabdilaahi Cali Muxumed oo isagu maqane ah. Qaran News
-
Hargeysa (SMN) – Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta u ambabaxay dalka Isu Taga Imaaaraadka Carabta. Safarkan oo ahaa mid deg-deg ah ayaa waxaa madaxweyne Muuse Biixi ku wehlinaya xubno ka mid ah maamulkiisa. Waxaana la filayaa in Abu Dubai kulan gaar ah uu kula qaato madaxda shirkadda Dp World ee maamusha dekedda Berbera ee Somaliland. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweynuhu shirar gaar gaar ah uu la qaadan doono madaxda Imaaraadka, kuwaas oo looga hadlayo arrimo ku aadan saldhig ay dowladda dalkaasi dooneyso in ay ka dhisato magaalo xeebeedka Berbera. Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay safarkan, waxaana uu tilmaamay in casuumaad rasmi ah ay ka heleen madaxda dalka Imaaraadka Carabta. Somaliland ayaa horay heshiisyo kala duwan ula saxiixatay Imaaraadka oo la wareegay dekedda Berbera, isagoona haatan doonaya in uu saldhig weyn ka dhisto gudaha magaaladaasi oo ku taalla waqooiyga Soomaaliya. View the full article
-
Badhan (Caasimada Online) – Wararka ka imaanayo Gobalka Sanaag ayaa sheegaya in gabar 5 sano jir ah lagu kufsaday magaalada Badhan ee Gobalka Sanaag, waana kufsigii 2aad oo ka dhacay Gobalkaasi sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka. Saraakiisha amaanka ee Maamulka Puntland ayaa sheegay in kufsiga gabadha 5 jirka ah uu geestay nin da’diisa lagu qiyaasay 20 ilaa 25 jir, sida ay xaqiijiyeen Taliska Booliiska ee Puntland. Sidoo kale Tuulo ku taala Gobalka Sanaag ayaa sidaan oo kale waxaa loogu kufsaday gabar 15 sano jir ah, waxaana kufsigaasi la sheegay in ay fuliyeen ilaa dhowr nin. Waxaa isa soo taraya walaaca ay qabaan dadka degaanka. C/llaahi Cumar Canshuur oo ah Sarkaal katirsan Ciidamada Booliiska Puntland, gaar ahaan Gobalka Sanaag ayaa sheegay in raga kufsiga geestay mid kamid ah uu baxsaday Ciidamadana ay ku raad joogaan. Taliyaha ayaa digniin u jeediyay rag kufsiga ka bilaabay gobalka Sanaag. Waxa uu sheegay in tilaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono hadii ay ku cadaadan dembiyada ay galaan. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMM) – Guddiga Qaban-qaabada aaska Qaran ee Allaha u naxariistee wasiirkii hore ee arrimaha Dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, ayaa ka war bixiyay kulamo ay yeesheen oo ay ugu arrinsanayeen diyaar garoowga keenidda Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh iyo aaska loogu samaynayo Muqdisho. Wasiirka Arrimaha dibedda xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Axmed Ciise Cawad, oo ka war bixiyay kulamada ay yeesheen guddigu oo uu guddoominayay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka, ahna guddoomiyaha guddiga Qaban-qaabada, ayaa sheegay in si wanaagsan ay u diyaariyeen aaska qaran ee loo samaynayo Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khaye ayaa shalay magacaabay guddiga Qaban-qaabada aaska qaran ee marxuum Xoosh oo ka kooban Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Amniga Gudaha, waxbarashada, Warfaafinta, Kalluumeysiga iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha Dastuurka. Wasiirkii arrimaha dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, oo shalay ay ku timid geeri naxdin leh ayaa dawladdu u qorshaysay in loo sameeyo aas Qaran. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article