-
Content Count
207,626 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Abu Dhabi (Caasimada Online) – Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa India la saftay kadib loolan siyaasadeed xooggan oo shirkii Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ee magaalada Abu Dhab ku dhex maray India iyo Pakistan. Labada dal ee Carbeed ayaa ka hor-istaagay Ururka Iskaashiga Islaamiga inuu soo saaro qaraar loogu hiilin lahaa Kashmir, laguna cambaareyn lahaa dowladda India, oo si aad ah ay dooneysay Pakistan, waxaa sidaas weriyey Middle East Monitor. Arrinta yaabka lahayd ee taas ka horreysay ayaa ahayd in India lagu casuumay kulankii Abu Dhabi ka dhacay ee dalalka Islaamka, inkasta oo ay diidaneyd Pakistan. India waxaa ku nool 172 milyan oo muslimiin ah. Ka qeyb-galka India ee kulankaas ayaa waxay ka faa’iiday in war-murtiyeedkii shirka laga reebo qoraal lagu camaabreyn lahaa dhibaatada ay ka waddo Kashmir, kadib markii ay kala shaqeeyeen Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta. War-murtiyeedka shirka ayaa waxaa arrinta Kashmir uu kusoo koobay oo kaliya “muran u dhaxeeya India iyo Pakistan”, waxaana laga reebay qeyb lagu cambaareynm lahaa laguna ceebeyn lahaa xasuuqa India ay ka waddo gobolka, kadib markii Pakistan ay sidaas dalbatay. Si gaar ah, Imaaraadka Carabta ayaa xaqiijiyey ka qeyb-galka India ee kulankan, oo Pakistan ay aad u diidaneyn, waxayna kadib ka hor-tageen dadaal ay Pakistan u gashay in war-murtiyeedka lagu daro cambaareyn ka dhan ah India. Ilo-wareedyo diblomaasiyeed ayaa sidoo kale sheegay in waftiga India ay dadaal u galeen in muranka Kashmir laga reebo gebi ahaan ajendaha shirka, ayaga oo aragtida ururka OIC ee xiisadda u qaabeeyey habkii ay jaclaayeen, kadib markii ay taageero ka heleen Sacuudiga iyo Imaaraadka. India ayaa hadda ku rajo weyn inay xubin buuxda ka noqoto ururkan ayada oo taageero ka heleysa Sacuudiga iyo Imaaraadka, halka Pakistan ayaa ad uga soo horjeedo. Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad sida Meydka Marxuum C/raxmaan Xoosh Jibiil ayaa maanta ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana aas Qaran oo lagu maamuusayo marxuumka loogu sameeyay magaalada Muqdisho. Salaadda Janaasada ayaa lagula tukaday marxuumka garoonka Aadan Cadde, waxaana ka qayb galay Guddoomiya Aqalka Sare Guddoomiayaha ku-xeegnka labadaad ee Golaha Shacabka, Ra’iisul wasaaraha XFS,guddigii loo xilsaaray Qaban-qaabada aaska qaran ee marxuum Xoosh oo kala ah Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Amniga Gudaha, waxbarashada, Warfaafinta, Kalluumeysiga iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha Dastuurka, Mas’uuliyiin kale qaar kamid ah Culumaa’diinka Soomaaliyeed, ehelada marxuumka iyo dadwayne farabadan. Waxaa maydka marxuumka lagu aasay qabuura ku yaalla dhabarka dambe Isbitaal Madiina.Marxuum C/raxmaan Xoosh wuxuu ahaa shaqsi karti badan kuna sifoobay dal jacayl,isagoo aqoontii uu bartay uga faa’ideeyay dalkiisa iyo dadkiisa. Taariikh nololleedkaMarxuum EX. Wasiir C/raxmaan Xoosh Jibriil Marxuum Cabdiraxmaan XooshJabriil wuxuu ku dhashay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe, 25-kii bishii Juun ee sannadkii 1956-dii Waxbarashadiisii dugsiyada hoose, dhexe iyo sareba wuxuu ku soo qaatay magaalada Jowhar ,kadibna wuxuu magaalada si uu u guto tababarkii Xalane iyo Shaqadii Qaranka,Bartamihii todobaatameeyadii wuxuu aaday dalka Boqortooyada Sacuudi Careebiya halkaasi oo uu dhowr sano ka shaqaynayay, wuxuuna uga sii gudbay dalka Kanada, Marxuum Xoosh wuxuu shahaahada heerka koowaad ee cilmiga bulshada ka qaatay Jaamacad ku taalla Kanada, kadibna wuxuu shahaadadiisa masterka ka diyaariyay Culuumta sharciga, wabarashadiisii kadib isla dalka Kanada ayuu ka bilaabay Shaqooyin la xiriira dhinaca sharciga isago can ku ahaa gacan qabashada dadka Soomaaliyeed ee dalkaasi qaxootinimada ku taga. Sannadkii 2011-kii ayuu dalka dib ugu soo laabtay,isla sanandkaas waxaa loo magacaabay Wasiirkii Dastuurka iyo Dib u Heshiisiinta ee Dowladdii KMG ahayd, xilkaas waxa uu hayay ilaa sannadkii 2012-kii wuxuuna gacan libaax ka qaatay ka gudbidda Axdi Qarameedkii lagu shaqeynayay, waxaana wasaaraddii Dastuurka ee uu madaxda ka ahaa marxuum wasiir Xoosh ku guuleystay in la sameeyo Dastuurka KMG ee hadda ka shaqeeya.dalka. Marxuum Xoosh Sannadkii 2012-kii waxa uu noqday xildhibaan ka tirsan Barlamaankii 9-aad ee Soomaaliya, horaantii sannadkii 2017-ka ayaa marke Ra’iisul wasaare Khayre u magacaabay wasiirka Arrimaha Dastuurka, wuxuuna labadii sanno ee la soo dhaafay Dastuurka dalka uu soo gaarsiiyey heer gabogabo ah, si mustaqbalka dhow afti dadweyne loogu qaado. 8-dii Maarso 2019-ka ayuu ku geeriyooday waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta,sabab la xiriirta ka qaybgalka arooska Gabadhiisa oo halkaasi ka dhacayay, waxaana habeennimadii Jimcaha ku soo booday xanuun deg deg ah kaasi oo isbitaalka ugu geeriyooday.isla 8-da Maarso R’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa guddi heer Qaran ah u magacaabay qabanqaabada aaska qaran ee Wasiirkii hore ee Dastuurka XFS Marxuum Cabdiraxmaan Xoosha Jabriil.(INAA LILLAAHI WA INNAA ILLEYHI RAAJUCUUN). Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan gaar ahaa oo looga hadlayay sidii xal loogu heli lahaa gaadiidka xamuulka qaada ee mashquulka daran ku keena waddooyinka magaalada ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho. Kulanka waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda gaadiidka, maamulka gobolka Banaadir, taliska ciidamada booliska iyo hogaanka sare ee maareeyaha dekadda magaalada Muqdisho. Kulankaasi ayaa waxaa kaso baxay go’aano lamid ah kuwo horey loosoo saaray oo dhaqan gali waayay, waxaana kamid ah in gaadiidka xamuulka qaada ay shaqeeyaan habeenkii, si maalintii aysan mashquul kale ugu keenin waddooyinka. Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay wanaagsan tahay in xal waara laga gaari dhibaatooyinka waddooyinka ay ku hayaan gaadiidka waaweyn isagoo u mahad celiyay wasaaradda gaadiidka iyo taliska booliska. Arrintaan ayaa qeyb ka ah xaqiijinta ammaanka iyo in laga daba tago dadka falalka amni darada ka geysta magaalada Muqdisho, kuwaasi oo mararka qaarkii baxsan kara marka mashquul badan uu jiro. Taliyaha ciidamada booliska oo saxaafadda la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay in la xoojin doono sidii loo dhaqan gelin lahaa in gaadiidka waaweyn ay dekadda ka shaqeeyaan xiliga habeenkii ah. Wuxuu sheegay in arintaasi ay kaalin weyn ka qaadan doonto sii loo yareyn lahaa gaadiidka tirada badan ee mararka qaar mashquulka xad dhaafka ah u keena waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho. Hoos ka dhageyso codka guddoomiye Yariisow https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/Cod-.mp3Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Abu Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta. Wafdiga Muuse Biixi ayaa maagaalada Abu Dubai loogu soo dhaweeyay si aan horey loogu soo dhaweyn isaga iyo madaxdii ka horeysay, waxaana garoonka diyaaradaha Al-Bateen loo dhigay Rooga cas, halka calanka Somaliland la barbar suray dhan Imaaraadka. Wasiirka Cadaaladda Imaaraadka Suldaan Saciid Al-Badi ayaa soo dhaweeyay wafdiga Muuse Biixi ee tagay dalka Imaaraadka. Muuse Biixi iyo wafdigiisa oo booqasho saddex cisho ah ku joogi doona dalka Imaaraadka ayaa kulamo la qaadan doona madax ka tirsan dalkaas iyo kuwa shirkadda WP World. Waa markii labaad oo Muuse Biixi uu tago Imaaraadka tan iyo intii uu ahaa Madaxweynaha Somaliland, booqadii hore ayaa ahayd 13-dii March 2018. Safarka Muuse Biixi ku tagay Imaaraadka, ayaa yimid markii dhawaan Somaliland iyo DP World soo kala dhex galay Khilaaf la xiriiray heshiiskii dekedda Berbera, oo Muuse Biixi uusan hayn nuqulkii tooska ahaa ee heshiiskaas. Waxaa dhawaan arrintaas Abu Dubai u tagay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Seylici, kaas oo codsaday in dibu eegis lagu sameeyo heshiiskaas oo sidii horey loo sheegay aan labada dhinac midna fulin, balse DP World ayaa ku adkeysatay in waxba laga bedelin. Dhanka kale Muuse Biixi ayaa dhawaan tagay dalka Itoobiya oo saami ku la hayd heshiiska dekedda Berbera, waxaana Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi isku soo afagarteen sida la sheegay heshiiskii dekedda Berbera ee shirkadda DP World. Ugu dambeyn Muuse Biixi ayaa tagay Imaaraadka si loo dhameeyo khilaaf heshiiska dekedda Berbera ee horay u wada galeen Somaliland, DP World iyo Itoobiya, waxayna soo dhaweyntii loo sameeyay ahay mid lagu sasabanayo. PUNTLAND POST The post Maxaa Muuse Biixi sidii hore si ka duwan loogu soo dhaweeyay Imaaraadka? appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Washington)Haweeneey udhalatay Dalka Japan ayaa udabaal degtay Sabtida Maanta ah Da’deeda 116 Sano jirka iyadoo Bogga La yaabka lagu diin waan geliyo Dunida Guinness World Record lasoo geliyey Warbixin looga hadlayey Haweeneydani. Waxay ku nooshahay Koonfur Galbeed Dalka Japan,waxaana lagu magacaabaa Kane Tanaka,iyadoo Dhoolacadeyn sameeneysay ayaana la arkayey. Waxay deggan tahay magaalada Fukuoka,xaflada dhalashada ay dhigatay ayaa waxaa kala soo qeyb galay Madax uu ku jiro Duqa Magaaladaasi Ee Dalka Japan yo Qoyskeeda dad ubadnaa. Mrs Tanaka ayaa dhalatay 2 Janaayo Sanadkii 1903-kii kaas oo la leeyahay waxay noqotay Haweeneyda ugu da’da weyn Dunida xilligaan. Tanaka ayaa dhashay 8 Carruur ah,sanadkii 1922 ayey guursatay waxaana ay gaartay Darajada Ayeeyanimada. Source
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararaka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___Qubanaha-09032019.mp3 View the full article
-
7-dii bishan Maarso, ayaan warqad u diray Xafiiska Waaxda Macluumaadka ee Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda (International Court of Justice ICJ) oo deggan magaalada Hague, Netherland. Waxay ahayd maalin kaddib markii Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ay ku kulmeen magaalada Nairobi, iyagoo ka wada hadlayey arrinta khilaafka soohdin badeedka labada dal. MAXAAN ULA XIRIIRAY? Waxaan ahay muwaadin Soomaaliyeed, shaqadeyduna waa saxafi. Labadaas arrimood waxay i siinayaan xuquuq aan ku raadin karo xogta iyo macluumaadka aan u baahanahay, dadka Soomaaliyeedna u baahan yihiin. Meesha ugu horreysa ee xogta laga heli lahaa, waxay ahayd Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya iyo laamaha kale ee Dowladda. Nasiib darro, Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu inkiray in arrinta badda laga wada hadlay— oo taa beddelkeeda waxay bulshada ku sameeyeen marin habaabin. Dowladda Kenya way ka aamustay (run iyo been) inay ka hadasho nuxurka wada hadalkii Nairobi, halka Xafiiska Ra’isul wasaaraha Ethiopia uu bixiyay macluumaad aan dhameys ahayn, hase ahaatee caddeyn u ahaa in arrimaha badda Kenya iyo Soomaaliya laga hadlay. MAXKAMADDA MALALA XIRIIRI KARAA? Maxkamaddu ma lahan afhayeen. Laakiin waa lala xiriiri karaa. Waxay leedahay waax u gaar ah macluumaad bixinta (Information Department) iyo Waaxda keydinta xogta (Library Department). Suxufiyiinta waxay xaq u leeyihiin inay la xiriiraan Maxkamadda oo ay macluumaad weydiiyaan, weliba marka arrinta wariyuhu raadinayo arrin khuseysa waddankiisa iyo dadkiisa, waxay Waaxda Macluumaadka ee Maxkamadda siisaa muhimad gaar ah oo ah inay waqti habboon oo dhakhso leh ugu jawaabto. Waxaadna ka garan kartaa waqtiga aan diray su’aalaha iyo muddada ay iigu soo jawaabeen! (FIIRI TAARIIKHDA LABADA DUKUMINTI). SU’AALIHII AAN WEYDIIYAY IYO JAWAABIHII ICJ: 1) Maxkamadda ICJ ma sii wadeysaa dhageysiga la filayo inay ka yeelato arrinta soohdinta Badweynta Hindiya ee Soomaaliya iyo Kenya u dhexeysa sannadkan? 2) Ma jiraan wax muujin kara inay Soomaaliya ay ka bexeyso kiiska Maxkamadda duruuf kasta ha keentee illaa hadda? 3) Wax kasta oo kale oo ah macluumaad dheeraad oo la xiriira kiiskan oo ay bulshadu aad u daneyneyso? (FG: Fadlan tixraax warqadda su’aalahayga ee rasmiga ee ku jirta lifaaqan 1 & 2)). Su’aasha koowaad waxaan tixraacay go’aankii Maxkamadda ay gaartay Febraayo 2, 2017. Go;aanka halkan ayuu ku jiraa https://www.icj-cij.org/…/case-related/161/161-20170202-JUD… JAWAABIHII MAXKAMADDA: JAWAAB 1: Marka ay Maxkamadda jadwaleyso dhegeysi guud, taariikhda waxaa lagu soo gudbiyaa war saxaafadeed, waxaana lagu muujiyaa jadwalka Maxkamadda. Maadaama Maxkamaddu aysan jadwaleyn wax dhageysi ah oo ku saabsan kiiska Soomaaliya iyo Kenya, ma heyno jawaab aan kaa siino su’aashaada koowaad. (TIXRAAC JUMLADDA 2AAD EE JAWAABTA KOOWAAD WARQADDA 3 EE LIFAAQA) JAWAAB 2: Arrinta ku saabsan su’aashada labaad, Dowladuhu kama bixi karaan kiisas horyalla Maxkamadda. Maxkamadda kaliya ayaa go’aan ka gaarta haddii kiis ku jira galka guud ee Maxkamadda laga saarayo iyo haddii kale (kaddib marka lala gaaro heshiis Dhinacyada). Haddiise ay taasi dhacdo, Maxkamadda waxay soo saareysaa war saxaafadeed ay dadweynaha ugu sheegeyso in kiiskaasi laga saaray Galka Guud, taasoo illaa hadda aan ku dhicin kiiska Soomaaliya iyo Kenya. Maxkamaddu ma lahan Afhayeen. Waxaanse aad kuugu mahadnaqeynaa haddii aad macluumaadkan u adeegsato xog dadban ahaan (Background Information) oo aadan xiganin si toos ah Qeybta Macluumaadka. Waxaanu rajeynaynaa inay tani ku filan tahay weydiimahaaga, waxaana markale kaaga mahadcelinaynaa daneynta aad daneyneyso Maxkamadda. AFEEF: Sida ku cad jawaabta 2aad, waxaa xogtan loo adeegsan karaa si guud (Maxkamadda) ee loomaa deegsan karo xigasho toos ah oo xafiiska xogta bixiyay muujineysa. HAGE: Labada warqadood ee hore waa kuwii aan anigu diray. Labada dambena waa jawaabaha. Labada dukuminti waxaan ka jaray, ama tirtiray aqoonsiga emailada iyo telefoonada. W/Q: Cabdalle Axmed Muusmin
-
Kenya is reaching out to neighbors and international community to find an amicable solution to the maritime dispute with Somalia. Diplomatic sources said Kenya is now trying to persuade Somalia to withdraw the case at the International Court of Justice in favour of an out-of-court settlement, which could include shared development of the oil and gas resources. Other sources said Nairobi is also pushing Somalia to withdraw the maps it allegedly put out in London to auction the oil and gas blocks. Mogadishu has, however, denied sharing maps of the contested area. Kenya is also under pressure to restore diplomatic relations, after it sent the Somali ambassador home and recalled its own from Mogadishu. The visit to Nairobi on Tuesday by Somali President Mohamed Farmajo and Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed for talks with President Uhuru Kenyatta marked the beginning of of normalisation of diplomatic relations, but the settlement of the dispute over the maritime border remains elusive. Dr Abiy has offered to mediate as fears abound that the diplomatic tiff could affect proposed economic projects affecting the three countries. A statement from the Prime Minister’s Office said that “Through the leadership of PM Abiy Ahmed, presidents Kenyatta and Farmajo met to discuss extensively the source of the two countries dispute. Both agreed to work towards peace and to take measures in addressing particular issues that escalated the tensions.” This comes as some marine experts said Kenya and Somalia are better partnering in the exploitation of natural resources in the disputed maritime border as they continue to negotiate over the boundary. A good example is Nigeria and Sao Tome & Principe that established Joint Development Zones (JDZ) in 2003 after it became clear they could not agree on the maritime borders and could not individually exploit the resources. JDZs are normally established when the parties find it difficult to agree on a single boundary between them or because the resources straddling the maritime border cannot be effectively exploited by the states acting alone. Dr Hassan Khannenje, the director, Horn International Institute for Strategic Studies, told The EastAfrican that Kenya having lost the preliminary objections to the admissibility of the case and the court’s jurisdiction, is worried that going ahead with the case could be risky and an out-of-court settlement was Kenya’s most preferred mechanism. “Judicial processes are adversarial, time and resource consuming, and the court’s compulsory jurisdiction and binding decision may be viewed as an imposition of some sort if it goes against the spirit of such a party’s dispute resolution preference,” said Dr Khannenje. He suggests that Kenya and Somalia adjust their claims to create a Grey Zone for purposes of joint development or they can as well limit their continental shelf beyond 200 nautical miles to a distance that leaves a zone to be exploited for joint development. Kenya’s decision to reach out to the United Nations and the African Union Security Councils has raised concerns within the Somali diplomatic circles whereby Nairobi is said to have launched a diplomatic pressure to force Somalia into accepting an out-of-court settlement. Open to negotiation Kenyan Cabinet Secretary for Foreign Affairs, Dr Monica Juma, announced in late February that Kenya has drawn the attention of the UN and African Union Security Councils to the unfolding maritime border dispute with Somalia. Dr Juma, who also reached out to UK High Commissioner, Nic Hailey and France’s Aline Kuster-Menager, said Kenya was open to negotiations to towards an amicable solution to the dispute, a position Kenya had always maintained. However, the Principal Secretary in the Ministry of Foreign Affairs, Macharia Kamau termed the allegations that Kenya is putting diplomatic pressure on Somalia as “pure speculation.” He instead said that Kenya, besides the maritime dispute, is working on multiple matters related to counter-terrorism and advancing the security and well-being of Kenyans. President Farmajo’s office tweeted that that objective of the Somalia leader was to restore and strengthen diplomatic relations with Kenya. But President Farmajo’s talks with President Kenyatta have not gone down well with Somalia MPs. Former Minister of National Resources, Abdirazak Mohamed, said it is a national issue that President Farmajo cannot unilaterally decide. “Somali MPs following the case will question President Farmajo when parliament resumes,” Mr Mohamed said. Filing of submissions Negotiations over the maritime border dragged on for six years without much success, before Somalia filed a suit at the ICJ in 2014, accusing Kenya of encroaching on 100,000 square km of marine territory with potential oil and gas deposits in the Indian Ocean. Hearing of the case is yet to begin, but the ICJ required Somalia to file its submissions by June 18, 2018 while Kenya was to file a rejoinder by December 18, 2018. Somalia has anchored its case on Article 15 of the Convention of the Law of the Sea adopted in 1982, but Kenya maintains that the disputed area was in fact under its jurisdiction before the convention was enacted. The ICJ can either give a ruling that is binding and has no option for appeal or issue an advisory opinion on legal questions, meaning it could direct for negotiations. The UN Charter grants the General Assembly or the Security Council power to request the court to issue an advisory opinion on any legal question, especially when it could have serious socio-economic repercussions. The diplomatic row started on February 16 when Kenya sent away the Somalia ambassador and recalled its own for consultations on grounds that a section of the oil blocks Somalia had exhibited to potential buyers in London on February 7, were within its 200 nautical miles Exclusive Economic Zone. Somalia denies any wrongdoing. Source: The East African Standard
-
Abu Dhabi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayay ayaa maanta gaaray dalka Imaaraadka Carabta ka dib marti-qaadkii rasmiga ahaa ee uu ka helay dalkaas. Muuse Biixi ayaa waxaa si heer sare leh loogu soo dhoweeyey madaarka Albateen Airport ee magaalada Abu dhabi ee caasimada dalka Imaaraadka. Waxaa weftiga madaxweynaha Somaliland halkaasi ku soo dhaweeyey wasiirka Caddaaladda ee Imaaraadka, Sultan bin Saeed Al Badi Al Dhaheri iyo mas’uliyiin ka tirsan dawladda Imaaraadka. Madaxweynaha iyo weftigiisu waxa ay maalmaha soo socda guda gali-doonaan kulamaddii rasmiga ahaa ee ay la qaadanayeen masuuliyiinta sar sare ee dawladda Imaraadka Carabta. Hoos ka daawo sawirrada
-
(SLT-Addis Ababa)-Mudaharaadyo hor leh oo ay qowmiyadda Oromada kaga soo horjeeddo dowladda Itoobiya ayaa maalintiisa afraad ka socda dalkaasi. Mudaharaadkan oo Arbacdi billaawday ayaa wuxuu ku billaawday magaalada Addis Ababa wuxuu ku sii fiday dalka intiisa kale. Gaar ahaanna waxay mudaharaadyadu ka socdaan magaalooyinka waaweyn ee deegaanka Oromada oo ah deegaanka ay ku nool ku nool yihiin qowmiyadda ugu badan. Magaalooyinka ay ka socdaan Mudaharaadada xooggan waxaa ka mid ah Amb, Naqamte, Adaama, Asala, Gobba, Shaashamane, Roobee iyo magaalooyin kale. Warbixintan oo aan ka soo xiganna wargeyska Addis Standard oo ka soo baxa magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya iney mudaharaadyadu ka billaawdeen 51,000 oo guri oo ay dowladda ka dhistay gudaha iyo hareeraha magaalada Addis Ababa oo Axadda bakhtiyaa nasiib looga wareejiyey dadki nasiibka u yeeshay. Qowmiyadda Oromadana waxay ka cabaneysaa in guriyaha laga dhisay dhul beereed ay qowmiyadda Oromada leedahay iney xaq u lahyn dadka kale ee Itoobiyaanka ah ee ku nool caasimadda iney la wadaagaan guriyahaasi. Duqa maamulka magaalada Addis Ababa Injineer Taakele Kuma oo ka jawaabaya cabashada dadka mudaharaadaya ayaa sheegay “in guriyaha laga dhisay dhul uu maamulo maamulka magaalada Addis Ababa shucuubta Itoobiya ee ku nool magaalada oo dhan ay xaq u leeyihiin iney ka wada faa’ideystaan”. “Wuixi cabasho intaa ka baxsanna uu maamulkiisa diyaar u yahay inuu qaabilo cid kasta oo cabasha sharci qabta”. Maalinta barri ahna mudaharaadayaashu waxay u ballansan yihiin iney mudaharaad kuwi hore ka ballaadhan ay ka sameeyaan fagaaraha weyn ee Abiyoot oo ku yaalla bartamaha magaalada Addis Ababa. Telefishiinka FANA oo soo xiganaya xafiiska Ra’isal wasaaraha Itoobiya ayaa baahiyey iney golaha wasiirrada dalkaasi ay shir degdeg ah ka yeesheen mudaharaadyadana cusub ee dalka ka socda sidi xal ooga heli lahaa isla-markaana la dhisay guddi heer qaran ah oo xalliyo khilaafka dhulka ee u dhaxeeya maamulka Addis Ababa iyo Deegaanka Oromada. Qowmiyadda Oromada oo aaminsaneeyd marka uu hoggaaminta dalka uu qabto nin u dhashay qowmiyadda Oromada in la xallin doono dhibaatooyinka ay qowmiyadda ka cabaneyso ay xaaladdu wax iska beddelin taasoo keentay iney mudaharaadayaasha magaalooyinka qaarkood ayba ku dhawaaqaan ha is casilo ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed iyo xukumaddiisaba. Source
-
Source
-
(SLT-Hargeysa)-Ayub Xasan oo 17 jir asalkiisu yahay Soomaali ayaa noqday qofkii 26-aad ee dilkiisa loo adeegsado mindi caasimada kala Ingiriiska ee London. Dilka Ayub ayaa la sheegay in loo soo qabqabtay dhalinyarro lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen iyadoo lagu wado in la soo taago maxkamad. Ayub Xasan ayaa hore ugaga badbaaday dilal ay dhalinyarada ku nool xaafada qoyskoodu ka degen yahay London ay isku dayeen in ay dilaan. Siraad Aden oo ah hooyada Ayuub ayaa suuxday markii ay maqashay in wiilkeeda la diley, Hase yeeshee markii ay soo naaxday ayay Siraad sheegtay in ay aad u jecleyd wiilkeeda uuna doonayay marka uu waxbarashada dhameeyo inuu noqdo qareen. Tirada dadka dilkooda loo adeegsanayo mindiyaha ayaa ku soo badanaya magaalada London iyadoo toddobaakan kaliya toddobo ruux lagu diley mindi, halka tirada guud ee sanadkan oo kaliya ay sii marayso 26 ruux. Source
-
Baydhabo (SMN) – Madaxwaynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed [Lafta Gareen] ayaa magacaabay masuuliyiin cusub. Xubnaha uu magacaabay magacaabay Lafta Gareen ayaa kala ah; Gudoomiyaha gobolka Shabellaha Hoose iyo Gudoomiyaha Gudiga shalaha Rayidka. Ibraahim Aadan Najax ayaa laga dhigay gudoomiyaha cusub ee gobolka Shabeellaha Hoose, halka Ibrahim Macalin Ali loo magacaabay Gudoomiyaha Gudigaasi. Hoos ka akhriso wareegtooyinka View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-09032019.mp3 View the full article
-
Afrika waa qaaradda labaad ee dunida ugu wayn, sidoo kalena waa isla qaaradda labaad ee ugu dadka badan. Afrika waa qaarad leh aqoonyahan tiro badan balse nasiib darro hadana waa qaaradda jahliga dunida ugu badani uu yaallo, sababta oo ah dadkeedii aqoonta lahaa waxay ka shaqaysteen waddamada horumaray. Afrika waa qaarad leh xadi roobaad ku haboon beerashada, carro ku habboon qodaalka, sidoo kalena hesha 12-ka biloodba qorrax, balse hada waa qaaradda ugu wax soosaarka yar. Afrika waa qaaradda ugu macdanaha iyo khayraadka badan haddana waa qaarad in ka badan kala badh dadkeedu ay ku nool yihiin faqiirtinimo kuwaas oo ku nool wax ka yar 2$ maalintii, Afrika waa qaaradda laga helo dhammaan noocyada daawooyinka kala duwan balse hadana waa qaaradda ay ka jiraan dhammaan noocyada cudurada la yaqaano, hadaba marka xogahaas aan kasoo gudubno, waxa uu qofkastaaba is waydiinayaa su’aalo badan. Waxaana kamid ah su’aalahaas sidee qaarad leh wax kasta oo horumar lagu gaadho hadana ay u noqotay qaarad sidan oo dhan u ah faqiir una dib dhacdey? Hadaba shakhsi ahaan waxaan halkan kaga hadli doonaa qodobo dhawr ah oo aan u arkay in ay yihiin kuwa sababay dhibaatadan afrika udiidan inay horumarto. Isla qodobadaas ayaan mid-mid si cilmiyaysan ugu hadli doonaa aniga oo ku dabaqaya cilmigii aan bartay iyo waliba aqoonyahanadda ka hadla arimahani waxa ay ka yidhaahdeen. Qodobka kowaad ee aan ka hadli doonaa waa mucaawinooyinka dibadda. Mucaawinooyinka dibadda( Foreign Aid) Maadaama afrika ay tahay qaarad aad uu faqri u saameeyey isla markaasna ay ka jiraan dhibaatooyin aad ufara badani, waxa ku adkaata maamulada markaas xilka haya inay la tacaalaan ama ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka faraha badan ee wadamadooda kajira kuwaas oo ay ka mid yihiin faqri, macluul, cudurro, sicir-barar, jahli iyo waliba xaalado degdeg ah oo mararka qaar soo wajaha sida dabaylo, duufaanno, dhulgariiro iyo sunaami. Marka indhaha binu aadantinimo lagu eego way haboon tahay in caawimaad kasta oo xaaladaas ka saari karta loo sameeyo, laakiin marka aad baadho xogo badan oo tibaaxaya mucaawinooyinka la bixiyay iyo horumarka wadamadii la siiyay waxa kuu soo baxaysa arin aan ahayn sidii la filaayay. Waxa jira daraasado laga sameeyey saamaynta ay mucaawinooyinka dibaddu ku leeyihiin koboca dhaqaale ee wadamadda afrika waliba kuwa saxaraha ka hooseeya waxaana la ogaadey in xaddiga mucaawinada oo aad u badani uu waxba ku kordhin waayey koboca dhaqaalaha wadamadaas. Qiyaas ahaan afrika sannad walba waxa ay heshaa mucaawino ka badan 50 Billion oo doolar, hadana dadyawga afrika 600 million oo qof ay ku nool faqiirtinimo gaadhsiisan inay maalintii ku noolaadaan wax ka yar 2$. Waxa kale oo gebogabooyinka daraasadahaasi ay sheegayaan in wadamadii faqiirka ahaa ay sii ahaanayaan fuqaro, wadamadii hodanka ahaana ay hodantinimadoodu sii kordhayso, marka aad daraasayso kobaca dhaqaalaha qaarada Asia oo hadda aan mucaawinaad aad ubadani aanay ka jirin amaba xaddiga mucaawinada la siiyo wadamada ku yaala qaaradda Asia ay ka yar tahay kuwa wadamada Afrika waxa la arkay in dhaqaaalaha wadamadaas uu yahay mid kobcaya. Waxa jira warbixino uu soo saaray baanka adduunku( world bank), kuwaas oo lagu sheegay in sannadihii udhexeeyay 1981-kii ilaa 2010-kii in dadka macluusha ku noolaa ay ahaayeen 700 million dunida oo dhan, halkaas oo 627 million oo kamid ahi ay ku noolaayeen waddanka shiinaha, dunida kale oo dhanna marka la isku daro ay ahayd 73 million oo qof, hadii qiyaasahan loo rogo xisaabta boqolayda waxa ay noqonaysaa in 89.6% ay ahaayeen shiinays. Taasi waxa ay ku tusinaysaa inaan mucaawimo lagu gaadhi Karin horumar, maadaama maantaba waddanka shiinaha oo ah quwadda labaad ee dhaqaalaha dunida ugu wayni aanu horumarkiisa ku gaadhin mucaawimo, wakhtigan hada la joogana iyadoo mucaawinooyinku ay sii badanayaan hadana waxaad aragtaa in macluusha iyo dhaqaale-daraduna ay la kordhayso, aragtidan ah in mucaawinooyinku aanay horumar keeni karina waxa la ogaadhey markay soo baxday aragtida “big push” ( big push theory). image.png Sawirka: world development Indicators Online. Sawirkani waxa uu ku tusinayaa kobaca wax soo saar iyo mucaawinooyinka afrika. Wadamada mucaawinooyinka bixiyaa waxay sii mariyaan hay’ado, halka ay qaarkoodna dawladaha si toos ah usiiyaan. Mucaawinooyinku waxa ay noqon karaan kuwo ah cunto amaba maaliyad( lacag). Qaybta xigta waxa aynu ku eegi doono si toos ah xidhiidhka mucaawinada iyo koboc la’aanta dhaqaalaha wadamada Afrika. Source
-
Waxaan jecelahay in aan maqaalkan ku iftiimiyo kagana jawaabo su’aalsha kor ku xusan ee aan u doortay inaan ku cabiro miisaanna ku saaro bal inuu Madaxwayne Biixi leeyahay karti iyo ragganimo uu si hufan ugu qaban doono Doorashooyinka is-barkan ee Wakiiladda iyo Deegaanka. Waxay mar kale ka baaqdeen xiligoodii labadan doorasho taasi oo ku beegnayd bishan March. Sidii caadada iska ahayd marka uu madaxwayne gudan kari wayo xilkiidsa qaran ayuu Muuse na maciin ka reaadiyay Golaha Guurtida oo iyaguba dhaxal iyo wax la mida ku fadhiya aqalka Guurtida. Goorma ayaa inoogu danbaysay guurti xula? Maye ragii magaca la baxay ee Sh.Ibraahim hormoodka ka haa Cabdillahi Sh. Cali Jawhar ka daba gee waxaan la hilmaami karin Sh.Axmed Furre iyo Goodaad iyo intii la midka ahayd intooda dhimatay naxariis ayaanu eebbe ugu baryayaa intooda noolna cisso iyo sharaf inay ku noolaadaan iyadoo aanan iloobi karin inay iyagu bud dhig u ahaayeen nabadda aynu ku naaloonayno maanta oo ah ta kaliya ee la inagu majeerto. taasi oo aan wax badan aanay ku darin kuwa inoo sheegta Siyaasiyiintu marka laga reebo Madaxwayne Cigaal oo isna bud dhig u ahaa Astaamaha Qaran ee ay manta sarsariigayaan kuwii ka danbeeyay sida Madaxwane Siilaanyo oo ku kashifmay inuu qabto u qabto Doorashooyinkii Dawladaha Hoose si hufan oo dhiig ku daatay. Hadaba madaxweynaha maanta ee Biixi waxa uu ku guuldaraystay inuu ku qabto doorashooyinka Wakiiladda iyo Dawladaha hoose ee u qoondaysnaa march sanadkan ka dibna u qaylo dhaan u dirsaday Golaha Guurtida oo aan kor ku soo xusay kuwa ay yihiin, waxa kaliya ee ay ka adagyihiin waa kordhin, iska fadhi iyo magacii iyo haybaddii uu golahaasi lahaa oo ay meesha ka saareen kalsoonida Shacabku ku qabaana ay aad u yartahay. Aan soo ururiyo hadalka ee Madaxwayne Biixi oo aad moodo inuu wakhtigii kaga lumay xidhida dad wax tiriyay sida Ina Abees iyo Wargays loo laabo albaabada sida Foore oo aan ku raacsanahay ra`yigoodii ahaa inaan loo baahnayn Maanta Madaxtooyo cusub ee haddii uu karti iyo dadaal isku hubo Madaxwayne Biixi in looga baahan yahay wax qabad ka balaadhan Guri Madaxtooyo oo laga yagleelo albeedka Hargaysa sida: shaqo abuur taasi oo ay 75% dhalinyarada Somaaliland aanay wax camala haysan, caafimaadka oo la kobciyo, biyo nadiifa oo dalka loo soo saaro iyo dabcan aqoonsi buuxa oo ay Somaliland hanato.. Haddaba waxaan is waydiinayaa Madaxwayne Biixi oo ku guuldaraystay inuu ku qabto Doorashooyinka Wakiiladda iyo Deegaanka muddo dhan 15 bilood laga soo bilaabo bishii December ee 2017 oo uu Kursiga halabsady ilaa March 2018 oo isku gayn noqonaysa 15 Bilood. Mudo intaa ka yar oo ku siman ilaa 10 Bilood ma ku suurto galinkaraa arinkan. Waxa kaliya ee ilaa hadda la maqlay waa inay isku soo dhamaadeen Guddidii Komishinka oo qaar ka midi ahi kaga maqnaayeen dalka dibaddiisa iyadoo uu jid dheeri sugayo. Aan ku soo noqdo inaan ka jawaabo Su’aasha udub dhexaadka u ahayd Maqaal oo ahayd madaxwayne Biixi ma leeyahay karti uu ku qabto Doorashooyinka Wakiiladda iyo Deegaanka 2019? taasinoo jawaabtaydu tahay maya, sababaha aan kor ku xusay ayaana keenaya. Haddaba iswaydiinta xiisaha lihi waxay tahay dalku xaalad caynkee ah ayuu gali haddii ay noqoto in ay markale baaqdaan doorashooyinku, Ma Golaha Dhaxaltooyadda waa Guurtida e` ayaa sidoodii ugu dhufan doona Shaanbadda Caagga ah ee Kordhinta mise si kale ayaa loo maarayn. Allow si kastoo ay noqotaba waxaan kaa baryayaa inaanad nagu ciqaabin oo aanay dalkayaga Somaliland ka soo gaadhin waxyeelo ay sababeen siyaasiyiin ku sheeg Xilkooddii gudan waayay, ha noqdeen kuwa Kuraasta ku fadhiya ee ah Dawlad ama mid muraacid ah oo aan wax talo ah ku dhaamin oo ay kaga dhagtay uun waa in doorashadda xilligeeddii la qabtaa taasi oo uu u arko inay tahay halka kaliya ee uu ka halabsan karo fuulitaanksa Kuraasta. Qore:Cabdi Muhumed Cabdimuhumed60@gmail.com Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka mid ah Golaha aqalka hoose ee Mareykanka ayaa mar kale wajaheysa dagaal dhinaca afka ah oo ay kala kulmeyso xisbiga Dimuqraadiga ah ee ay ka tirsan tahay. Ilhaan ayaa ad u cambaareysay Madaxweynihii hore ee Mareykanka BracK Obama oo ay ku sheegtay in uu ahaa dilaa dhoolla-caddeeya. Hadalkaas oo ay ka faa’ideysteen Warbaahinta u janjeerta dhinaca Yahuudda ayaa mar kale abuuray buuq Xisbig Dimuqraadiga dhexdiisa ah. Qaar ka mid ah taageerayaasa Xisbiga ayaa Ilhaan ku tilmaamay mid shaqadeedii illowsan oo u doodda dad aan Mareykan ahayn. Taageerayaasha qaar ayaa sidoo kale difaacay hadalka Ilhaan Cumar oo ay u arkeen in ay sax tahay. Todobaadkii la soo dhaafay Ilhaan waxaa ay dhexda ka gashay dood ka dhalatay hadal ay ka sheegtay hay’ad u doodda danaha Dadka Yuhuudda ah ee Mareykanka,waxaana hadalkaas uu gaaray madaxweynaha Mareykanka oo sheegay in ay mudan tahay in xilka laga qaado. Arbacadii ayaa waxaa xafiiskeeda ugu tagay Wadaaddo ka socda Yuhuudda Mareykanka oo iyada taageersanaa una sheegay in Ilhaan aysan wax ka sheegin diinta Yuhuudda ee ay wax ka sheegtay Waddaniyadda xagjirka ah ee Xukuumadda Natenyahu iyo ficillada khaldan ee ka socda Falastiin. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
-
(SLT-Kuuriya) Sawirro uu qaaday dayax gacmeed dulmaray xarun ku taal meel u dhow caasimadda Pyongyang ayaa muujinaya in Kuuriyada Waqooyi ay isu diyaarinayso inay tijaabiso gantaal ama ay hawada sare u dirto satellite. Warkan ayaa ku soo beegmaya maalma uun ka dib markii ay laba xarumood oo cilmi baarista ah oo Maraykanka ku yaal ay sheegeen in dalkaasi uu dib u dhisay goob gantaallada laga riddo. Kuuriyada Waqooyi ayaa u muuqata inay samaysanayso gantaal ay mustaqbalka dhaw tijaabin doonto, sida ay tilmaamayaan khubarada hubka ee Maraykanka. Dhaq-dhaqaaq ballaaran ayaa ka socda xarunta gantaallada lagu diyaariyo ee Sanumdong oo ku taal meel u dhaw caasimadda Pyongyang. Gawaari xamuul ah ayaa la arkay iyagoo galaya ama ka baxaya xaruntaasi, taasoo sida horay looga bartay ka dhigan in Kuuriyada Waqooyi ay goobtaasi geyneyso gantaal si ay uga ganto. Sida ku cad sawiradda la baahiyay, xukuumadda Pyongyang ayaa dib u dhistay goobta ay ka ridi jirtay gantaallada, waxaana suuragal ah in hadda ay si buuxda u shaqeyso. Khubarada qaar ayaa ku doodaya in Kuuriyada Waqooyi ay hawada sare u diri rabto dayax gacmeed oo aanay tijaabin rabin gantaal, balse taa xitaa waxa ay meel ka dhac ku noqonaysaa ballanqaadkii uu Kim Jong-un u sameeyay Donald Trump. Dayax gacmeed ay hawada u dirto Kuuriyada Waqooyi ayaa sidoo kale caqabad ku noqon kara wadahadallada u dhexeeya Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi, sida horay u dhacdayba. Source
-
Click here Qaran News
-
The US warned of “grave consequences” Friday if Turkey purchases the Russian S-400 missile defense system because it could affect the deal for F-35 fighter jets and the Patriot missile system,Anadolu Agency reports. Pentagon spokesman Charles Summers told reporters Turkey’s decision to accept the Russian defense system “would mean that they would not have access to the Patriots and the F-35s. “If Turkey takes the S400s there will be grave consequences in terms of our military relationship with them and with the Patriots and the F-35s,” Summers said. He did not provide any additional consequences. Earlier this week, Gen. Curtis Scaparrotti told a Senate committee he hopes Turkey would reconsider its decision to purchase the S-400 system. Scaparrotti, who also serves as NATO’s top commander, pointed to several problems the Russian system poses, including lack of interoperability with NATO systems and said the S-400 is “a problem to all of our aircraft, but specifically the F-35, I believe.” After protracted efforts to purchase air defense systems from the US with no success, Ankara decided in 2017 to buy Russian S-400 air defense systems. The move was criticized by the Pentagon, which warned that purchasing the S-400 would hurt Turkish-US relations and Turkey’s role in NATO. Washington has cautioned the S-400 system might covertly obtain critical information on the advanced fighter jets, including their detection range, which could then be relayed to Russia. But Turkish officials said Ankara would not go back on its agreement with Russia, even if it were to also buy the Patriot system. Turkish Defense Minister Hulusi Akar stressed Ankara purchasing the S-400s from Russia is “not a choice but a necessity.” Turkey’s Foreign Minister Mevlut Cavusoglu said last week Ankara and Washington have begun negotiating the potential purchase of Patriot missile defense systems from the US. The State Department approved in December a possible $3.5 billion sale of Patriot systems to Turkey that includes advanced radar systems, control centers, launching systems and guided missiles. Ankara is planning to purchase 100 F-35 fighter jets from the US pending congressional approval, and its pilots are currently training on the weapons platform at Luke Air Force Base in Arizona. Turkish firms also supply the F-35 program with key components, including airframe structures and assemblies, and the center fuselages. On Wednesday, Turkish President Recep Tayyip Erdogan said Ankara finalized a deal on purchasing the S-400 missile system from Russia, and that in the future “we may work with S-500s,” the next-generation Russian missile system. Akar added starting this October, the S-400 systems will be installed in Turkey, adding that the Turkish Air Force is working on where to deploy the missiles. Source: Middle East Monitor