Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,644
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Khartoum)-Sagaal haween ah oo ka qeyb qaatay dibedbaxyadii ka dhacay Sudan ayaa lagu xukumay min bil xabsi ah iyo labaatan karbaash middiiba. Waxaa lagu helay dembi ah inay qeyb ka ahaayeen rabshadaha dhacay. Xukunka ayaa ku soo beegmaya maalin uun ka dib markii uu madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir amray in la sii daayo dhammaan haweenka loo xiray dibedbaxyada ka dhanka ah dowladda ee bilowday bartamihii Disembar. Sagaalka dumarka ah ayaa la horgeeyay mid ka mid ah maxkamadaha xaaladda degdega ah ee dhawaan loo sameeyay in lagu xukumo dibedbaxayaasha. Gabar qareen ah oo u doodaysay haweenka ayaa sheegtay inay racfaan ka qaadan doonto xabsiga iyo karbaashka lagu xukumay. Xukunka lagu riday dumarka ayaa ku soo beegmay maalin uun ka dib markii uu madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir oo xusayay maalinta caalamiga ah ee haweenka uu sheegay inuu ku amray taliyaha hay’adda sirdoonka iyo ammaanka, Saalax Ghosh, inuu sii daayo dhammaan haweenka u xiran dibedbaxyada. Xukunka maxkamadda ayaa sii kordhin doona shakiga ah inuu khilaaf dhex yaallo madaxweyne Al-Bashir iyo ninka u qaabilsan ammaanka. Bishii hore, Mr Ghosh ayaa sheegay in madaxweynaha uu shaacin doono inaanu isu sharrixi doonin doorashada dhacaysa sanadka soo socda. Madaxweynaha ayaa markaa ka dib jeediyay khudbad uu ku shaaciyay in dalka uu galiyay xaalad degdeg ah. Source
  2. Wararka ka imaanayaa gobolka Bari ayaa sheegaya in malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay go’doomiyeen degaanno ku yaalla buuraleyda degmada Qandala oo ay ku sugan yihiin kooxda taabacsan Daacish. Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa la sheegaya in gooyeen waddooyin yar yar oo soo gala degaannada buuraleyda ah ee ay ku jiraan Afgaraar iyo Miiraale halkaasi oo bilihii u dambeeyay dagaallo qaraar ku dhex mareen labada dhinac. Dadka ku sugan degaanno ka durugsan dhulka labada kooxoood isku haystan ayaa soo sheegaya in dhawaqa rasaas culus maalmaha qaar laga maqlayo halkaasi. Hase yeeshee waxa adag in faahfaahin laga helo iyadoo isgaarsiinta tuulooyinkaasi ay go’yeen dhinacyada dagaallamaya ee kala taabacsan Daacish iyo Al-shabaab. Sidoo kale malayshiyaad ka tirsan Al-Qaacida ayaa dhanka Koonfureed ee dalka Yemen uga soo gurmanayan kooxda Al-shabaab sida ay warbaahinta Puntland Post u sheegeen ilo’ wareedyo kala duwan. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo go’doomiyay tuulooyin ku yaalla gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  3. (SLT-Tunisia)-Wasiirka caafimaadka Tunisia, Cabdirauf Sharif ayaa iscasilay ka dib markii 11 ilma markaa uun dhashay ah ay ku dhinteen cisbital ku yaal caasimadda Tunis. Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in baaritaanno la sameeyay ay muujinayaan in ilmahaasi ay u dhinteen caabuq ka dhashay oksijiin la’aan mudadii u dhexeysay todobada ilaa sideedda bishan Maarso. Ra’iisal wasaaraha dalkaasi Yuusuf Shahiid ayaa sheegay in baadhitaan lagu hayo cisbitalkaasi ay dowladdu maamusho gaar ahaan farmashiyaha iyo habka faya-dhowrkiisa. Wasiirka iscasilay ayaa xilkaasi loo magacaabay afar bilood ka hor. Ururka ay leeyihiin dhakhaatiirta carruurta ee Tunisia ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay inay suuragal tahay in caabuqa ilmaha dilay uu ka dhashay waxyaabaha lagu duray. Ururka ayaa sidoo kale dhaliilay “xaaladaha adag ee ay ku shaqeeyaan hawlwadeennada caafimaadka”. Adeegga caafimaadka Tunisia ayaa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay kuwa ugu wanaagsan Waqooyiga Afrika, waxaana dakhli wanaagsan uu dalkaasi ka helaa dadka caafimaadka uga soo doonta dibedda. Balse tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweyne Zayn al-Caabidiin Bin Cali sanadkii 2011, daryeelka caafimaad ee Tunisia ayaa waxaa ragaadiyay dhibaatooyinka dhanka maamulka iyo dhaqaalaha ah oo ay uga sii dartay dawo yaraan soo noq-noqotay. Source
  4. Muqdisho (PP) ─ Inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa la xiray, iyadoo lagu wado in saacadaha soo socda caasimadda dalka la keeno madydka wasiirkii hore ee arrimaha dastuurka Somalia, Marxuum C/raxmaan Xoosh Jabriil oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Dubai ee dalak Isu-tagga Imaaraadka Carabta. Wadooyinka qaarkood ayaa la diiday inay maraan shacabka, taaasoo xubno ka tirsan saraakiisha ciidamada Somalia ku sheegeen inay tahay sababo la xiriira dhanka ammaanka. Aaska marxuumka ayaa lagu wadaa inay ka qayb-galaan mas’uuliyiinta sare ee dowladda federaalka Somaila, waxaana la sheegay in lagu aasi doono gudaha isbitaalka Madiina ee Muqdisho, inkastoo ay dhici karto in goob kale lagu aaso. Marxuumka ayaa u geeriyooday xanuun lama filaan ah oo kula soo booday dalka Imaaraadka Carabta, halkaasoo ay ku sugnaayeen inta badan xubnaha qoyskiisa, isla markaana la doonayay in lagu mehriyo gabdhiisa. Sidoo kale, Marxuumka ayaa waxaa maydkiisa kasoo raacay Dubia wasiirka caafimaadka Somalia, Cabadullaahi Goodax Barre oo ay Muqdisho iska raaceen markii ay ku socdeen Dubai iyo kale oo ay ehel yihiin. Dhanka kale, Lama oga in Madaxweyne Farmaajo uu aaska ka qayb-galayo in kale, inkastoo madaxweynuhu uu si murugo leh uga tacsiyeeyay geerida marxuumka oo uu ku tilmaamay mas’uul aqoontiisa geliyay Somalia si loo helo dastuur la isku raacsan yahay. Ugu dambeyn, Marxuumka ayaa Muqdisho ka dhoofay toddobadkii hore isagoo caafimaad qaba, balse waxaa maanta lagu soo celinayaa Xamar isagoo mayd ah oo aan noolayn. PUNTLAND POST The post Waddooyinka Muqdisho oo xiran iyo Maydka Wasiir Xoosh oo kusoo Wajahan Caasimadda appeared first on Puntland Post.
  5. Ceerigaabo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Sanaag ayaa ku warramayaa in saaka ciidanka S/land ay dhaq dhaqaaqyo milatari ka wadaan deegaano ka tirsan gobolkaasi. Ciidamadan oo wata gaadiidka gaashaman ayaa la sheegay in ay ka hortagayaan jabhad oo uu hoggaamiyo Korneyl Caare oo horay uga tirsanaa maamulkaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay cabsi xoogan ka qabaan in dagaal uu ka qarxo halkaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo qeybo ka mid ah gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. View the full article
  6. Kismaayo (SMN) – Ra’iisul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre ayaa lagu wadaa in Aaska wasiir Xoosh kadib maanta uu gaaro M/Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Qaban-qaabadii ugu dambaysay ee lagu soo dhoweynayo ra’iisul wasaare Khayre ayaa haatan si weyn uga socota gudaha magaaaladaasi. Boorar waawayn oo lagu daabacay sawirrada ra’iisul wasaaraha iyo madaxwaynaha Jubbaland oo lagu muujinayo soo dhoweyn heerkeedu sarreeyo ayaa lagu dhejiyay qeybaha ay ka koobantahay magaala xeebeedka Kismaayo. Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kahyre ayaa la filayaa marka uu gaaro halkaasi in uu la kulamo madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, ayna ka wada hadlaan arrima badan oo ay kamid tahay adkaynta amniga, gaar ahaan sida Al Shabaab looga saari karo gobollada Jubbooyinka ee K/ Soomaaliya. Ammaanka ayaa loo adkeeyay, iyadoona saaka Ciidamo dheeraad ah lagu arkayo magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee dowlad goboleedka Jubbaland. View the full article
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay hub badan ka furteen xubno ka tirsan Al Shabaab kadib howlgal qorsheysan oo ciidamada ay ka sameeyeen degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose. Sida lagu baahiyay wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ciidamada amaanka ayaa howgalka qorsheysan ka sameeyay xaafadda Howlwadaag ee degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose. Hubka ciidamada amaanka ay soo furteen ayaa ka dambeeyay kadib markii sida la sheegay ciidamada Al Shabaab ay isaga carareen halka weerarka uu ka dhacay, taasi oo keentay inay soo furtaan hubkaasi. Sidoo kale ciidamada amaanka iyo kuwa huwanta ayaa la sheegay in Al Shabaab ka dileen afar sarkaal ka tirsanaa Al Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Gamboole ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Wakaalada Wararka SONNA ayaa shaacisay in ciidamada amaanka aysan waxyeelo kasoo gaarin weerarka oo ahaa mid qorsheysan oo ka dhacay degmada Qoryooleey. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al Shabaab, waxaana dhawaan ay soo bandhigeen sawiro muujinayay weerarka ciidamada isbaheysanaya ay ku qaadeen deegaanka Gamboole. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (SMN) – Waxaa saacadaha soo socda ee maanta la filayaa in garoonka Aadan Cadde ee M/Muqdisho laga soo dajiyo Allaha unaxariistee Meydka wasiirkii Dastuurka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil oo jimcihii la soo dhaafay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Abu Dubai ee dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta. Qaban qaabo xoogan ayaa ka socota Muqdisho, taas oo ay dowladdu ugu diyaar garoobeyso Aas Qaran oo loo sameynayo Marxuumkaasi. Madaxda ugu sarreysa dalka, sida ra’iisul wasaaraha, madaxweynaha iyo golayaasha dowladda ayaa ka qeyb gali doona Aaska wasiir Xoosh. Dhanka kale waxaa saaka xiran Waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoona aad loo xadiday dhaq dhaqaaqa gaadiidka iyo dadweynaha. Ciidamo Boolis ah ayaa la soo dhoobay qaarka mid ah Isgoysyada caasimadda, kuwaas oo gabi ahaan xiray waddooyin muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed. Arrintan ayaa lala xariirinayaa diyaargarowga ay dowldau ugu jirto soo dejinta iyo Aaska wasiir C/raxmaan Xoosh Jibriil. View the full article
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida qorshaha uu ahaa waxaa maanta lagu waday in magaalada Muqdisho uu ka furmo Kalfadhiga Shanaad ee golaha shacabka, si xildhibaanada ay u amba qaadaan shaqooyinka horyaala. Dib u dhac ayaa ku yimid qorshaha dib loogu furi lahaa kulamada xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo ku maqnaa fasax labo bilooyin ah, tan iyo dhamaadka sanadkii hore. Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaana yaa sheegay markii uu soo xirayay kalfadhigii afaraad in 10 Maarso shirkaasi dib u furmo doono, balse maanta ma aysan dhicin. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka oo dalka ka maqan dartii uu u baaqday furitaanka kalfadhiga Shanaad ee baarlamaanka, waxaana la ogeyn goorta uu dalka imaan doono. Qaar kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in lix maalin kadib la filayo in kalfadhiga dib loo furo, iyadoo qorshaha uu yahay inuu yimaado guddoomiyaha baarlamaanka. Xubnaha baarlamaanka ayaa maalmo kahor dalbaday in deg deg kulamo ay isugu yimaadaan xubnaha baarlamaanka , kadib kulankii madaxweyne Farrmaao iyo Uhurru Kenyatta oo ka dhacay magaalada Nairobi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-10032019.mp3 View the full article
  11. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay xireen qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo dhanka kalena aad loo adkeeyey ammaanka magaalada. Waxaa xiran guud ahaan wadada dheer ee Makka Al-mukarrama iyo sidoo kale guud ahaan waddooyinka yar-yar ee soo gala wadadaasi. Dadweynaha ayaa ah kuwo cagtooda maalaya, iyadoo dadka lugeynayana u badan yihiin shaqaale iyo sidoo kale ardayda Iskuullada iyo Jaamacadaha. Sababta loo xiray waddooyinkan ayaa ah maadaama maanta la filayo in wasiirkii Datsuurka lagu aaso magaalada Muqdisho, ayna aaskaasi ka qeybgali doonaan madaxda ugu sarreysa ee DFS. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in garoonka diyaaradaha Aadan Cadde laga soo dejiyo Meydka Marxuum C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ahaa wasiirka wasaaradda Dastuurka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya. Allaha u naxariistee wasiir Xoosh ayaa Jimcihii ku dhintay dalka Isku tagga imaaraadka carabta, kadib xanuun soo wajahay. Madaxda ugu sarreysa ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan aaska wasiirkii Dastuurka. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Nairobi (Caasimada Online) – Walaaca dowladda Kenya ay ka qabto in looga adkaado kiiska dacwada badda Soomaaliya ee hor-yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ayaa sii kordhaya, waxayna soo jeedineysa xal kheyraad wadaag ah, sida uu qoray wargeyska The East African ee Naiorbi. Wargeyska ayaa sheegay in Kenya ay hadda wadda dadaal xooggan oo dalalka deriska la ah iyo beesha caalamka uga codsaneyso inay xal u helaan muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya. Ilo-wareedyo la hadlay The East African ayaa sheegay in Kenya ay isku dayeyso in Soomaaliya ay ka laabto kiiska maxkamadda, islamarkaana xal ka baxsan maxkamadda la gaaro. Xalka Kenya ay soo jeedineyso ayaa waxaa ka mid ah in ayada iyo Somalia ay gaaraan heshiis ay ku wadaagayaan kheyraadka u badan shidaalka ee la rumeysan yahay inuu ku jiro dhul-badeedka lagu muransan yahay. Dhinaca kale, Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Kenya ay diyaar u tahay heshiis dhigaya in Somalia ay qaadato 55% dakhliga kasoo xarooda shidaalka dhulka la isku haysto, halka Kenya ay heleyso 45%. Dowladda Kenya ayaa xilligii dowladda Xasan Sheekh usoo jeedisay Soomaaliya inay qaadato 25% kheyraadka, halka ayada ay heleyso 75%, taasi oo madaxweyne Xasan uu ka diiday, waxaana hadda muuqata in Kenya ay dabac xooggan sameysay. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan 31-kii Janaayo, 2019 ka dhacay Villa Somalia ayaa ayaa dowladda Federaalka looga dalbaday in ay soo gudbiso qorshaha kala guurka 2020-ka, sida ay xubnaha goobjoog ahaa u sheegeen Caasimada Online. Sida aan xogta ku helnay, kaaliyaha xoghayaha guud ee QM ee arrimaha siyaasadda Rosemary DiCarlo ayaa ku boorrisay dowladda inay soo gudbiso habka ugu macquulsan suurta galna ka ah gudaha dalka Soomaaliya ee doorashada loo qaban karo. Rosemary DiCarlo ayaa ka dalbatay dowladda qorshe labaadka ku xiga haddii aysan macquul ahayn doorashada qof iyo codka ee la filayo 2020-ka, usoo gudbiyaan Golaha Ammaanka QM, si loogu diyaar garoobo maadaama ay suurto gal tahay in ay qabsoomi wayso doorasho qof iyo cod ah. Dowladda Federaalka ah ayaa lagu dhiiri galiyay in la dedejiyo horkeenidda qorshahan miiska Golaha Amniga UN-ka. Dowladda federaalka oo ka jawaabaysa hadalka Rosemary DiCarlo, ayaa soo jeedisay in aysan qabsoomi karin doorasho qof iyo cod ah, balse ay ka fekertay qorshaha labaad xiga ee kala guurka inuu noqdo hanaankii lagu ansixiyay dastuurka sanaddii 2012-ka, in loo maro xilliga kala guurka. Dowladda ayaa ku doodday in ay sharci noqon karto in ergada 825-ta ay dooran karaa hoggaan cusub muddo labo sanno ah. Hadaba maxay tahay caqabadaha ka hortaaggan in dowladda qabato doorasho qof iyo cod ah? Baahida loo qabo dhaqan galinta shuruucda kala guurka ah 2020-ka ee lagu taamayay waxaa harreeyay cawaaqib ka mug weyn baaxadda awoodda dhaqan galin ee Dowladda Federaalka ah ee hadda shaqaysa, waxaana jirta talo soo jeedin dhinacyo badan ee ku saabsan qaabka ugu haboon uu noqon karo marka lagaaro xilliga kala guurka siyaasada 2020-ka. Taxanaha kala guuryadii siyaasadeed ee lasoo maray, waxaan marag ka ahayn in loo cudur-daaray dowladihii hore gaar ahaan dowladdii tan ka horreysay in aysan fulin hiigsigii loo asteeyay xilliga kala guurka ah ee qabashada doorasho qof iyo cod ah, waxaa kaloo xusid mudan dowladihii lasoo dhisay, 2000, 2004, 2009, 2012, iyo 2016 in lagu dhisay heshiis siyaasadeed ku habboon duruufta waqtiqaas jirtay, waxaa markale dowladda hadda dhisan aysan ka marnayn duruufihii qabsaday maamulladii iyada ka horreeyay, kuwaas oo kala ah, AMNI, SHARCI, DHAQAALE iyo WAQTI. Waa maxay sharciyadda ay haystaan ergadi 825-ta aheyd ee 2012-kii ansixisay Dastuuska ? Sharciyadda asalka ah oo ay haystaan dhammaan goleyaasha hadda dhisan waxaa lagu askumay dastuurkii ay ansixiyeen ergadii 825-ta aheyd oo matalaysay dhammaan beelaha Soomaaliyed, Dastuurka KMG ah waa midka kaliya ee loo daliishado dhaqan-galka qorshaha dowladda federaalka iyo xalinta kala aragti-duwanaanshaha siyaasadeed ee yimaada, waxaana cad in dowladda hadda jirta uu marjic u yahay Dastuurka sanadkii 2012-ka ay ansixiyeen 825 ergo, waxaana hubaal ah in marjican ergo 825-ta ah ay haystaan sharciyad ay ku samata bixin karaan mushkiladda Dastuuriga ah ee kala guurka ah 2020-ka. Ergadan 2012-ki ansixisay Dastuurka waxay sharci u leeyihiin in ay doortaan madaxweyne muddo labo sanno ah, maadaama ay yihiin marjic Dastuuri ah, si dalka loo gaarsiiyo qof iyo cod mudada uu xilka hayo madaxweynaha ay doortaan, waxaana muuqata in laga maarmo bahida loo qabo Golayaasha sharci dejinta ee xilligan jira, si aan loo hakin habsami u socodka howlaha laga dhowrayo madaxweynaha mudada labada sano ee uu xilka hayo. Madaxweynaha cusub iyo golihiisa wasiirada ayaa buuxin doonna baahida sharci ee timaada inta laga soo dooranayo Baarlamaan si toos loo soo doortay, haddii si kale loo dhigo Xukuumadda Madaxweynaha cusub ayaa dalka u samaynaysa shuruucda xilligaas looga gudbayo marxladda taaggan. Howlaha ugu horeeya ee uu qabanayo waxaa ugu weyn in dalka loo diyaariyo doorasho qof iyo cod ah, oo ay wada galaan dhamaan maamulada dalka kajira, doorashada xildhibaannada Federaalka, doorashada, xildhibaannada maamul Goboleedyada, doorashada guddoomiyeyasha Degmo iyo midka Gobollada, si wakiilo sharci ku yimid ee ku hadla afka dadka ay matalaan loo helo. Gunaanad Qorshahan kala guurka ah ee lafilayo 2020-ka ee ah in ergadii 825-ta ah ay doortaan madaxweyne laba sanno ah islamarkaan uu soo dhiso xukuumad ka shaqaysa qabashada doorashada qof iyo cod ayaa ah habka ugu sharciyadda badan marka loo eego dhammaan hannaankii kala guuryadii dalka soo maray. Waxaa xusid mudan in dhaqangalka habkan ka fudud yahay qabashada doorashada qof iyo cod. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa India la saftay kadib loolan siyaasadeed xooggan oo shirkii Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ee magaalada Abu Dhab ku dhex maray India iyo Pakistan. Labada dal ee Carbeed ayaa ka hor-istaagay Ururka Iskaashiga Islaamiga inuu soo saaro qaraar loogu hiilin lahaa Kashmir, laguna cambaareyn lahaa dowladda India, oo si aad ah ay dooneysay Pakistan, waxaa sidaas weriyey Middle East Monitor. Arrinta yaabka lahayd ee taas ka horreysay ayaa ahayd in India lagu casuumay kulankii Abu Dhabi ka dhacay ee dalalka Islaamka, inkasta oo ay diidaneyd Pakistan. India waxaa ku nool 172 milyan oo muslimiin ah. Ka qeyb-galka India ee kulankaas ayaa waxay ka faa’iiday in war-murtiyeedkii shirka laga reebo qoraal lagu camaabreyn lahaa dhibaatada ay ka waddo Kashmir, kadib markii ay kala shaqeeyeen Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta. War-murtiyeedka shirka ayaa waxaa arrinta Kashmir uu kusoo koobay oo kaliya “muran u dhaxeeya India iyo Pakistan”, waxaana laga reebay qeyb lagu cambaareynm lahaa laguna ceebeyn lahaa xasuuqa India ay ka waddo gobolka, kadib markii Pakistan ay sidaas dalbatay. Si gaar ah, Imaaraadka Carabta ayaa xaqiijiyey ka qeyb-galka India ee kulankan, oo Pakistan ay aad u diidaneyn, waxayna kadib ka hor-tageen dadaal ay Pakistan u gashay in war-murtiyeedka lagu daro cambaareyn ka dhan ah India. Ilo-wareedyo diblomaasiyeed ayaa sidoo kale sheegay in waftiga India ay dadaal u galeen in muranka Kashmir laga reebo gebi ahaan ajendaha shirka, ayaga oo aragtida ururka OIC ee xiisadda u qaabeeyey habkii ay jaclaayeen, kadib markii ay taageero ka heleen Sacuudiga iyo Imaaraadka. India ayaa hadda ku rajo weyn inay xubin buuxda ka noqoto ururkan ayada oo taageero ka heleysa Sacuudiga iyo Imaaraadka, halka Pakistan ayaa ad uga soo horjeedo. Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad sida Meydka Marxuum C/raxmaan Xoosh Jibiil ayaa maanta ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana aas Qaran oo lagu maamuusayo marxuumka loogu sameeyay magaalada Muqdisho. Salaadda Janaasada ayaa lagula tukaday marxuumka garoonka Aadan Cadde, waxaana ka qayb galay Guddoomiya Aqalka Sare Guddoomiayaha ku-xeegnka labadaad ee Golaha Shacabka, Ra’iisul wasaaraha XFS,guddigii loo xilsaaray Qaban-qaabada aaska qaran ee marxuum Xoosh oo kala ah Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Amniga Gudaha, waxbarashada, Warfaafinta, Kalluumeysiga iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha Dastuurka, Mas’uuliyiin kale qaar kamid ah Culumaa’diinka Soomaaliyeed, ehelada marxuumka iyo dadwayne farabadan. Waxaa maydka marxuumka lagu aasay qabuura ku yaalla dhabarka dambe Isbitaal Madiina.Marxuum C/raxmaan Xoosh wuxuu ahaa shaqsi karti badan kuna sifoobay dal jacayl,isagoo aqoontii uu bartay uga faa’ideeyay dalkiisa iyo dadkiisa. Taariikh nololleedkaMarxuum EX. Wasiir C/raxmaan Xoosh Jibriil Marxuum Cabdiraxmaan XooshJabriil wuxuu ku dhashay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe, 25-kii bishii Juun ee sannadkii 1956-dii Waxbarashadiisii dugsiyada hoose, dhexe iyo sareba wuxuu ku soo qaatay magaalada Jowhar ,kadibna wuxuu magaalada si uu u guto tababarkii Xalane iyo Shaqadii Qaranka,Bartamihii todobaatameeyadii wuxuu aaday dalka Boqortooyada Sacuudi Careebiya halkaasi oo uu dhowr sano ka shaqaynayay, wuxuuna uga sii gudbay dalka Kanada, Marxuum Xoosh wuxuu shahaahada heerka koowaad ee cilmiga bulshada ka qaatay Jaamacad ku taalla Kanada, kadibna wuxuu shahaadadiisa masterka ka diyaariyay Culuumta sharciga, wabarashadiisii kadib isla dalka Kanada ayuu ka bilaabay Shaqooyin la xiriira dhinaca sharciga isago can ku ahaa gacan qabashada dadka Soomaaliyeed ee dalkaasi qaxootinimada ku taga. Sannadkii 2011-kii ayuu dalka dib ugu soo laabtay,isla sanandkaas waxaa loo magacaabay Wasiirkii Dastuurka iyo Dib u Heshiisiinta ee Dowladdii KMG ahayd, xilkaas waxa uu hayay ilaa sannadkii 2012-kii wuxuuna gacan libaax ka qaatay ka gudbidda Axdi Qarameedkii lagu shaqeynayay, waxaana wasaaraddii Dastuurka ee uu madaxda ka ahaa marxuum wasiir Xoosh ku guuleystay in la sameeyo Dastuurka KMG ee hadda ka shaqeeya.dalka. Marxuum Xoosh Sannadkii 2012-kii waxa uu noqday xildhibaan ka tirsan Barlamaankii 9-aad ee Soomaaliya, horaantii sannadkii 2017-ka ayaa marke Ra’iisul wasaare Khayre u magacaabay wasiirka Arrimaha Dastuurka, wuxuuna labadii sanno ee la soo dhaafay Dastuurka dalka uu soo gaarsiiyey heer gabogabo ah, si mustaqbalka dhow afti dadweyne loogu qaado. 8-dii Maarso 2019-ka ayuu ku geeriyooday waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta,sabab la xiriirta ka qaybgalka arooska Gabadhiisa oo halkaasi ka dhacayay, waxaana habeennimadii Jimcaha ku soo booday xanuun deg deg ah kaasi oo isbitaalka ugu geeriyooday.isla 8-da Maarso R’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa guddi heer Qaran ah u magacaabay qabanqaabada aaska qaran ee Wasiirkii hore ee Dastuurka XFS Marxuum Cabdiraxmaan Xoosha Jabriil.(INAA LILLAAHI WA INNAA ILLEYHI RAAJUCUUN). Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan gaar ahaa oo looga hadlayay sidii xal loogu heli lahaa gaadiidka xamuulka qaada ee mashquulka daran ku keena waddooyinka magaalada ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho. Kulanka waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda gaadiidka, maamulka gobolka Banaadir, taliska ciidamada booliska iyo hogaanka sare ee maareeyaha dekadda magaalada Muqdisho. Kulankaasi ayaa waxaa kaso baxay go’aano lamid ah kuwo horey loosoo saaray oo dhaqan gali waayay, waxaana kamid ah in gaadiidka xamuulka qaada ay shaqeeyaan habeenkii, si maalintii aysan mashquul kale ugu keenin waddooyinka. Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay wanaagsan tahay in xal waara laga gaari dhibaatooyinka waddooyinka ay ku hayaan gaadiidka waaweyn isagoo u mahad celiyay wasaaradda gaadiidka iyo taliska booliska. Arrintaan ayaa qeyb ka ah xaqiijinta ammaanka iyo in laga daba tago dadka falalka amni darada ka geysta magaalada Muqdisho, kuwaasi oo mararka qaarkii baxsan kara marka mashquul badan uu jiro. Taliyaha ciidamada booliska oo saxaafadda la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay in la xoojin doono sidii loo dhaqan gelin lahaa in gaadiidka waaweyn ay dekadda ka shaqeeyaan xiliga habeenkii ah. Wuxuu sheegay in arintaasi ay kaalin weyn ka qaadan doonto sii loo yareyn lahaa gaadiidka tirada badan ee mararka qaar mashquulka xad dhaafka ah u keena waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho. Hoos ka dhageyso codka guddoomiye Yariisow https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/Cod-.mp3Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Abu Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta. Wafdiga Muuse Biixi ayaa maagaalada Abu Dubai loogu soo dhaweeyay si aan horey loogu soo dhaweyn isaga iyo madaxdii ka horeysay, waxaana garoonka diyaaradaha Al-Bateen loo dhigay Rooga cas, halka calanka Somaliland la barbar suray dhan Imaaraadka. Wasiirka Cadaaladda Imaaraadka Suldaan Saciid Al-Badi ayaa soo dhaweeyay wafdiga Muuse Biixi ee tagay dalka Imaaraadka. Muuse Biixi iyo wafdigiisa oo booqasho saddex cisho ah ku joogi doona dalka Imaaraadka ayaa kulamo la qaadan doona madax ka tirsan dalkaas iyo kuwa shirkadda WP World. Waa markii labaad oo Muuse Biixi uu tago Imaaraadka tan iyo intii uu ahaa Madaxweynaha Somaliland, booqadii hore ayaa ahayd 13-dii March 2018. Safarka Muuse Biixi ku tagay Imaaraadka, ayaa yimid markii dhawaan Somaliland iyo DP World soo kala dhex galay Khilaaf la xiriiray heshiiskii dekedda Berbera, oo Muuse Biixi uusan hayn nuqulkii tooska ahaa ee heshiiskaas. Waxaa dhawaan arrintaas Abu Dubai u tagay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Seylici, kaas oo codsaday in dibu eegis lagu sameeyo heshiiskaas oo sidii horey loo sheegay aan labada dhinac midna fulin, balse DP World ayaa ku adkeysatay in waxba laga bedelin. Dhanka kale Muuse Biixi ayaa dhawaan tagay dalka Itoobiya oo saami ku la hayd heshiiska dekedda Berbera, waxaana Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi isku soo afagarteen sida la sheegay heshiiskii dekedda Berbera ee shirkadda DP World. Ugu dambeyn Muuse Biixi ayaa tagay Imaaraadka si loo dhameeyo khilaaf heshiiska dekedda Berbera ee horay u wada galeen Somaliland, DP World iyo Itoobiya, waxayna soo dhaweyntii loo sameeyay ahay mid lagu sasabanayo. PUNTLAND POST The post Maxaa Muuse Biixi sidii hore si ka duwan loogu soo dhaweeyay Imaaraadka? appeared first on Puntland Post.
  19. (SLT-Washington)Haweeneey udhalatay Dalka Japan ayaa udabaal degtay Sabtida Maanta ah Da’deeda 116 Sano jirka iyadoo Bogga La yaabka lagu diin waan geliyo Dunida Guinness World Record lasoo geliyey Warbixin looga hadlayey Haweeneydani. Waxay ku nooshahay Koonfur Galbeed Dalka Japan,waxaana lagu magacaabaa Kane Tanaka,iyadoo Dhoolacadeyn sameeneysay ayaana la arkayey. Waxay deggan tahay magaalada Fukuoka,xaflada dhalashada ay dhigatay ayaa waxaa kala soo qeyb galay Madax uu ku jiro Duqa Magaaladaasi Ee Dalka Japan yo Qoyskeeda dad ubadnaa. Mrs Tanaka ayaa dhalatay 2 Janaayo Sanadkii 1903-kii kaas oo la leeyahay waxay noqotay Haweeneyda ugu da’da weyn Dunida xilligaan. Tanaka ayaa dhashay 8 Carruur ah,sanadkii 1922 ayey guursatay waxaana ay gaartay Darajada Ayeeyanimada. Source
  20. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararaka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___Qubanaha-09032019.mp3 View the full article
  21. 7-dii bishan Maarso, ayaan warqad u diray Xafiiska Waaxda Macluumaadka ee Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda (International Court of Justice ICJ) oo deggan magaalada Hague, Netherland. Waxay ahayd maalin kaddib markii Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ay ku kulmeen magaalada Nairobi, iyagoo ka wada hadlayey arrinta khilaafka soohdin badeedka labada dal. MAXAAN ULA XIRIIRAY? Waxaan ahay muwaadin Soomaaliyeed, shaqadeyduna waa saxafi. Labadaas arrimood waxay i siinayaan xuquuq aan ku raadin karo xogta iyo macluumaadka aan u baahanahay, dadka Soomaaliyeedna u baahan yihiin. Meesha ugu horreysa ee xogta laga heli lahaa, waxay ahayd Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya iyo laamaha kale ee Dowladda. Nasiib darro, Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu inkiray in arrinta badda laga wada hadlay— oo taa beddelkeeda waxay bulshada ku sameeyeen marin habaabin. Dowladda Kenya way ka aamustay (run iyo been) inay ka hadasho nuxurka wada hadalkii Nairobi, halka Xafiiska Ra’isul wasaaraha Ethiopia uu bixiyay macluumaad aan dhameys ahayn, hase ahaatee caddeyn u ahaa in arrimaha badda Kenya iyo Soomaaliya laga hadlay. MAXKAMADDA MALALA XIRIIRI KARAA? Maxkamaddu ma lahan afhayeen. Laakiin waa lala xiriiri karaa. Waxay leedahay waax u gaar ah macluumaad bixinta (Information Department) iyo Waaxda keydinta xogta (Library Department). Suxufiyiinta waxay xaq u leeyihiin inay la xiriiraan Maxkamadda oo ay macluumaad weydiiyaan, weliba marka arrinta wariyuhu raadinayo arrin khuseysa waddankiisa iyo dadkiisa, waxay Waaxda Macluumaadka ee Maxkamadda siisaa muhimad gaar ah oo ah inay waqti habboon oo dhakhso leh ugu jawaabto. Waxaadna ka garan kartaa waqtiga aan diray su’aalaha iyo muddada ay iigu soo jawaabeen! (FIIRI TAARIIKHDA LABADA DUKUMINTI). SU’AALIHII AAN WEYDIIYAY IYO JAWAABIHII ICJ: 1) Maxkamadda ICJ ma sii wadeysaa dhageysiga la filayo inay ka yeelato arrinta soohdinta Badweynta Hindiya ee Soomaaliya iyo Kenya u dhexeysa sannadkan? 2) Ma jiraan wax muujin kara inay Soomaaliya ay ka bexeyso kiiska Maxkamadda duruuf kasta ha keentee illaa hadda? 3) Wax kasta oo kale oo ah macluumaad dheeraad oo la xiriira kiiskan oo ay bulshadu aad u daneyneyso? (FG: Fadlan tixraax warqadda su’aalahayga ee rasmiga ee ku jirta lifaaqan 1 & 2)). Su’aasha koowaad waxaan tixraacay go’aankii Maxkamadda ay gaartay Febraayo 2, 2017. Go;aanka halkan ayuu ku jiraa https://www.icj-cij.org/…/case-related/161/161-20170202-JUD… JAWAABIHII MAXKAMADDA: JAWAAB 1: Marka ay Maxkamadda jadwaleyso dhegeysi guud, taariikhda waxaa lagu soo gudbiyaa war saxaafadeed, waxaana lagu muujiyaa jadwalka Maxkamadda. Maadaama Maxkamaddu aysan jadwaleyn wax dhageysi ah oo ku saabsan kiiska Soomaaliya iyo Kenya, ma heyno jawaab aan kaa siino su’aashaada koowaad. (TIXRAAC JUMLADDA 2AAD EE JAWAABTA KOOWAAD WARQADDA 3 EE LIFAAQA) JAWAAB 2: Arrinta ku saabsan su’aashada labaad, Dowladuhu kama bixi karaan kiisas horyalla Maxkamadda. Maxkamadda kaliya ayaa go’aan ka gaarta haddii kiis ku jira galka guud ee Maxkamadda laga saarayo iyo haddii kale (kaddib marka lala gaaro heshiis Dhinacyada). Haddiise ay taasi dhacdo, Maxkamadda waxay soo saareysaa war saxaafadeed ay dadweynaha ugu sheegeyso in kiiskaasi laga saaray Galka Guud, taasoo illaa hadda aan ku dhicin kiiska Soomaaliya iyo Kenya. Maxkamaddu ma lahan Afhayeen. Waxaanse aad kuugu mahadnaqeynaa haddii aad macluumaadkan u adeegsato xog dadban ahaan (Background Information) oo aadan xiganin si toos ah Qeybta Macluumaadka. Waxaanu rajeynaynaa inay tani ku filan tahay weydiimahaaga, waxaana markale kaaga mahadcelinaynaa daneynta aad daneyneyso Maxkamadda. AFEEF: Sida ku cad jawaabta 2aad, waxaa xogtan loo adeegsan karaa si guud (Maxkamadda) ee loomaa deegsan karo xigasho toos ah oo xafiiska xogta bixiyay muujineysa. HAGE: Labada warqadood ee hore waa kuwii aan anigu diray. Labada dambena waa jawaabaha. Labada dukuminti waxaan ka jaray, ama tirtiray aqoonsiga emailada iyo telefoonada. W/Q: Cabdalle Axmed Muusmin
  22. Kenya is reaching out to neighbors and international community to find an amicable solution to the maritime dispute with Somalia. Diplomatic sources said Kenya is now trying to persuade Somalia to withdraw the case at the International Court of Justice in favour of an out-of-court settlement, which could include shared development of the oil and gas resources. Other sources said Nairobi is also pushing Somalia to withdraw the maps it allegedly put out in London to auction the oil and gas blocks. Mogadishu has, however, denied sharing maps of the contested area. Kenya is also under pressure to restore diplomatic relations, after it sent the Somali ambassador home and recalled its own from Mogadishu. The visit to Nairobi on Tuesday by Somali President Mohamed Farmajo and Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed for talks with President Uhuru Kenyatta marked the beginning of of normalisation of diplomatic relations, but the settlement of the dispute over the maritime border remains elusive. Dr Abiy has offered to mediate as fears abound that the diplomatic tiff could affect proposed economic projects affecting the three countries. A statement from the Prime Minister’s Office said that “Through the leadership of PM Abiy Ahmed, presidents Kenyatta and Farmajo met to discuss extensively the source of the two countries dispute. Both agreed to work towards peace and to take measures in addressing particular issues that escalated the tensions.” This comes as some marine experts said Kenya and Somalia are better partnering in the exploitation of natural resources in the disputed maritime border as they continue to negotiate over the boundary. A good example is Nigeria and Sao Tome & Principe that established Joint Development Zones (JDZ) in 2003 after it became clear they could not agree on the maritime borders and could not individually exploit the resources. JDZs are normally established when the parties find it difficult to agree on a single boundary between them or because the resources straddling the maritime border cannot be effectively exploited by the states acting alone. Dr Hassan Khannenje, the director, Horn International Institute for Strategic Studies, told The EastAfrican that Kenya having lost the preliminary objections to the admissibility of the case and the court’s jurisdiction, is worried that going ahead with the case could be risky and an out-of-court settlement was Kenya’s most preferred mechanism. “Judicial processes are adversarial, time and resource consuming, and the court’s compulsory jurisdiction and binding decision may be viewed as an imposition of some sort if it goes against the spirit of such a party’s dispute resolution preference,” said Dr Khannenje. He suggests that Kenya and Somalia adjust their claims to create a Grey Zone for purposes of joint development or they can as well limit their continental shelf beyond 200 nautical miles to a distance that leaves a zone to be exploited for joint development. Kenya’s decision to reach out to the United Nations and the African Union Security Councils has raised concerns within the Somali diplomatic circles whereby Nairobi is said to have launched a diplomatic pressure to force Somalia into accepting an out-of-court settlement. Open to negotiation Kenyan Cabinet Secretary for Foreign Affairs, Dr Monica Juma, announced in late February that Kenya has drawn the attention of the UN and African Union Security Councils to the unfolding maritime border dispute with Somalia. Dr Juma, who also reached out to UK High Commissioner, Nic Hailey and France’s Aline Kuster-Menager, said Kenya was open to negotiations to towards an amicable solution to the dispute, a position Kenya had always maintained. However, the Principal Secretary in the Ministry of Foreign Affairs, Macharia Kamau termed the allegations that Kenya is putting diplomatic pressure on Somalia as “pure speculation.” He instead said that Kenya, besides the maritime dispute, is working on multiple matters related to counter-terrorism and advancing the security and well-being of Kenyans. President Farmajo’s office tweeted that that objective of the Somalia leader was to restore and strengthen diplomatic relations with Kenya. But President Farmajo’s talks with President Kenyatta have not gone down well with Somalia MPs. Former Minister of National Resources, Abdirazak Mohamed, said it is a national issue that President Farmajo cannot unilaterally decide. “Somali MPs following the case will question President Farmajo when parliament resumes,” Mr Mohamed said. Filing of submissions Negotiations over the maritime border dragged on for six years without much success, before Somalia filed a suit at the ICJ in 2014, accusing Kenya of encroaching on 100,000 square km of marine territory with potential oil and gas deposits in the Indian Ocean. Hearing of the case is yet to begin, but the ICJ required Somalia to file its submissions by June 18, 2018 while Kenya was to file a rejoinder by December 18, 2018. Somalia has anchored its case on Article 15 of the Convention of the Law of the Sea adopted in 1982, but Kenya maintains that the disputed area was in fact under its jurisdiction before the convention was enacted. The ICJ can either give a ruling that is binding and has no option for appeal or issue an advisory opinion on legal questions, meaning it could direct for negotiations. The UN Charter grants the General Assembly or the Security Council power to request the court to issue an advisory opinion on any legal question, especially when it could have serious socio-economic repercussions. The diplomatic row started on February 16 when Kenya sent away the Somalia ambassador and recalled its own for consultations on grounds that a section of the oil blocks Somalia had exhibited to potential buyers in London on February 7, were within its 200 nautical miles Exclusive Economic Zone. Somalia denies any wrongdoing. Source: The East African Standard
  23. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayay ayaa maanta gaaray dalka Imaaraadka Carabta ka dib marti-qaadkii rasmiga ahaa ee uu ka helay dalkaas. Muuse Biixi ayaa waxaa si heer sare leh loogu soo dhoweeyey madaarka Albateen Airport ee magaalada Abu dhabi ee caasimada dalka Imaaraadka. Waxaa weftiga madaxweynaha Somaliland halkaasi ku soo dhaweeyey wasiirka Caddaaladda ee Imaaraadka, Sultan bin Saeed Al Badi Al Dhaheri iyo mas’uliyiin ka tirsan dawladda Imaaraadka. Madaxweynaha iyo weftigiisu waxa ay maalmaha soo socda guda gali-doonaan kulamaddii rasmiga ahaa ee ay la qaadanayeen masuuliyiinta sar sare ee dawladda Imaraadka Carabta. Hoos ka daawo sawirrada