-
Content Count
207,626 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Cutubyo ka tirsan ciidamada militariga Somaliland oo ka soo baxay dhinaca degmada Ceerigaabo ayaa ku soo wajahan koonfurta gobolka Sanaag sida ay sheegeen dadka degaanka. Taliska ciidamada Somaliland ee gobolka Sanaag ayaa ciidanka ku amray in ay tegaan degaanno ay kamid yihiin Yubbe Fiqi-fuliye iyo Jiidali oo dhammaantood ka tirsan koonfurta gobolka Sanaag si looga hortago Gen Caarre oo hoggaamiya jabhadda la dagaallanta Somaliland ee fadhigeedu yahay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Gen Siciid Cawil Jaamac (Caarre) ayaa maalmo ka hor socdaal ku tegay degmooyin ku yaalla koonfurta gobolka Sanaag isagoo dadka halkaasi ku nool ugu baaqay in ay ku garab siiyan dagaalka uu kula jiro maamulka Somaliland. Dhinaca kale saraakiisha ciidamada Somaliland ee gobolka Sanaag oo saxaafadda la hadlay ayaa Puntland ku eedeeyay in ay soo hubanayso jabhadda Caarre ee saldhiga ku leh magaalada Qardho. Somaliland waxay ku hanjabtay in ay Caarre kula dagaallami doonto gudaha Puntland haddii uusan ka joojin waxay ku tilmaameen “dagaal uu ka abaabulayo dhulka nabdoon ee gobolka Sanaag“. PUNTLAND POST The post Somaliland oo ciidamo u dirtay koonfurta gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Abu Dhabi)-Dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa si diiran u soo dhawaysay Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi oo socdaal rasmi ah oo shaqo ku jooga dalkaas. Madaxweyne Biixi iyo weftigiisa ayaa lagu soo dhaweeyay madaarka Abu Dhabi, waxaana madaarka la sudhay labada calan ee Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo ay Madaxweyne Biixi oo ku socda roogga cas ee madaxda loo dhigo ay salaan siiyeen qaar ka mid ah ciidamada qalabka sida ee UAE. Wasiirka Caddaaladda ee Imaaraadka, Sultan bin Saeed Al Badi Al Dhaheri iyo Masuliyiin ka tirsan dawladda Imaaraadka, ayaa madaxweyne Biixi ku soo dhaweeyay madaarka Abu Dhabi. Waxaanay wararka soo baxayaa sheegayaan inay maanta wada hadalo rasmi ahi u bilaabmayaan Madaxweyne Biixi iyo madaxda dawladda Imaaraadka Carabta. Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in dawladda Imaaraadka Carabtu Madaxweyne Biixi u soo dirtay martiqaad rasmi ah, waxaana weftigiisa ka mid ah Wasiirada macndata iyo tamarta Jaamac Maxamuud Cigaal, ganacsiga Maxamed Xasan Sacad iyo diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed. Laakiin weftiga Madaxweyne Biixi waxaan la socon oo aanay Madaxtooyadu soo hadal qaadin inuu gadaal weftiga kaga soo biiri doono Wasiirka khaarajiga Yaasiin Xaaji Faratoon oo la sheegay inuu dalka dibadiisa ku maqanyahay. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Waxa weli taagan xaaladda caafimaad ee Sheekh Cabdiraxmaan Aadan Warsame (Aadan-sune), oo ay dhakhaatiirtu ku taliyeen in lagu sameeyo qaliin deg deg ah si loo dabiibo bog dilaaca ku dhacay. Laakiin dhawr maalmood ka dib wuxuu weli Sheekh Aadan ku jiraa xabsiga Hargeysa oo markii baadhista la sameeyay dib loogu celiyay, lamana garan karo goorta ay dawladda Somaliland u ogolaan doonto in lagu sameeyo qaliin caafimaad. Garyaqaan Guuleed Dafac, ayaa dawladda ugu baaqay inay gudato waajibaad ka saaran in Sheekhu helo adeega caafimaad ee uu u baahanyahay. “Qof kasta oo xidhan oo daryeel caafimaad u baahdaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo. Haddii Shiikh Aadan Sunne u baahan yahay daawayn caafimaad, dawladda waa ku waajib inay siiso. Waa xuquuq aasaasi ah. Caafimaadka qofka iyo ilaalinta noloshiisa ayaa mudnaanta koowaad leh. Taas waxa dheer in dawladda looga baahan yahay inay ogolaato in baadhis madax banaan lagu sameeyo cabashooyinka la xidhiidha sida loola dhaqmay.” Sidaas ayuu yidhi Garyaqaan Guuleed Dafac. Qoyska Sheekh Aadan, ayaa ku celcelinaya baaq ay ku dalbanayaan in Sheekha loo ogolaado inuu helo adeega caafimaad ee uu u baahanyahay, mana jiro wax war ah oo ay xukuumadu ka soo saartay wararka ku saabsan xaaladda Caafimaad ee Sheekh Aadan-sune, laakiin waxa socda dedaalo lagu doonayo in dawlada lagu qanciyo inay ogolaato in Sheekhu helo adeega caafimaad. Dhawr goor ayay dhallinyaro iyo bulsho kaleba Madaxweyne Biixi ugu baaqday inuu cafis Madaxweyne ku sii daayo Sheekha oo ay maxkamadda gobalka Maroodi-jeex ku xukuntay 5 sannadood oo xadhig ah. Waxa kale oo ay maxkamadu xukuno kala duwan ku riday dhallinyaro tiradoodu gaadhayso 18 oo lala xidhay Sheekh Aadan-sune. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Cabdi Haybe Maxamed, oo ka mid ah hoggaanka sare ee xisbiga mucaaradka ee Waddani, isla markaana ah xoghayaha hawlaha guud ee xisbigan, ayaa eeddo u jeediyay wasiirada caafimaadka iyo hawlaha guud. Cabdi Haybe Maxamed, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa wasiirada caafimaadka iyo hawlaha guud ku eedeeyay inay ku haystaan dhul uu ku leeyahay Baligubadle, isagoo ugu horeyn ka hadlaya arintan yidhi “Waxa jira qolooyin isku mashquuliyey (Health Post), duntay oo ku taalay Balgibudle, oo markii aan anigu Wasiirka ahaa aan mid cusub u dhisay, tii hore duntayna aniga bedel ahaan la ii siiyey, markii aan anigu mid cusub dhisay, ayaa aniga dhul ahaan la ii siiyey, oo waliba bedel ahaan baa la ii siiyay, la iskama kay siine,anigaana dib u dhistay, markaas qolooyinkii Hawlaha guud iyo Caafimaadka ayaa waxay ku leeyihiin Cabdi Haybe ayaa Health Post qaatay, anigaaba si gaar ah oo ugu dhisay xarun intan ka weyn, oo waliba haddii la kordhinayo oo MCH, laga dhigayaba aan dhul weyn u ooday, Wasiiradda Hawlaha Guud iyo Caafimaadka oo aan hore ugu sheegay siday wax u dhaceen ayaa imika buuq abuuray, waxaan leeyahay Wasiiradda Hawlaha Guud iyo Caafimadka, aniguba sharci baan haystaa, ee Dugsigii Haweenka Dumarku mee, Shirkadii Laydhka ee Hargeysi halkay ku dambaysay, waxay Wasiiradda Caafimaadka iyo Hawlaha guud isku mashquulinayaan 10x4m oo Cabdi Haybe leeyahay, ee hantidii umadda ka dhexeeysay ha la doono, Health Post, imika maaha ee waa aqal aan anigu leeyahay, oo aan sharcigiisina u haysto, ee anigu waaban u celin karaa,marka la I siiyo wax kasta oo iga baxay, laakiin waa in dhaqan xumada la joojiyaa, yaan dadka nadiifta ah lagu mashquulin, boobkii dhacay, iyo hantidii umadda ee lagu takrifalay, wax qarsoon maaha ee waa in dib loo soo celiyaa, oo gacanta dawladda dib ha loogu soo wada celiyo.” Source
-
(SLT-Nairobi)-Wargeyska The East African ee ka soo baxa Nairobi ayaa isweydiiyey in laga yaabo inay Dowladda Kenya ka baxdo Dacwadda Muranka Xuduud-baddeedka kala dhexeeya Soomaaliya ee hor taalla Maxkamadda Caalamiga ee ICJ ee ku taalla magaalada The Hague ee dalka Holland. Wargeyska waxa uu qoray inay Kenya ku guul-daraysatay inay dalalka deriska iyo Beesha Caalamka helaan Xal Saaxiibtinimo oo lagu xalinayo Khilaafka Xuduud-baddeedkaasi. Ilo Diplomaasiyadeed ayaa sheegaya inay Dowladda Kenya haatan isku tijaabinayso inay Soomaaliya dib uga laabato Dacwadda taalla Maxkamadda ICJ, si ay ugu qanciso xal ay labada dal ku wadaagayaan Horumarinta kheyraadka Shidaalka iyo Gaaska. Ilo kale ayaa sheegay inay Dowladda Kenya ku cadaadinayso Somalia inay dib uga laabato Khariidadii ama Maabkii lagu soo bandhigay magaalladda London ee lagu xaraashayey Xirmooyinka Shidaalka iyo Gaaska. Si kastaba, Soomaaliya wey diiday inay la wadaagaan Khariidada Xuduud-baddeedka lagu dagaalsan yahay. Dhinaca kale, Dowladda Kenya waxaa lagu hayaa cadaadis si ay u soo celiso Xidhiidhka Diplomaasiyadeed ee Soomaaliya, kadib, markii ay caydhiyeen Safiirkii Soomaaliya, isla markaana ay u yeedheen Safiirkii ka joogay Muqdisho. Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya waxay keliya oo ay ku heshiiyeen ayaa ahaa in laga wada shaqeeyo Nabadda iyo in la dejiyo xiisadda. Xigasho: The East African, NBI. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa shaaciyay inay heshiis la galeen 40 oday dhaqameed Soomaaliyeed oo matalaya beelaha kala duwan ee Soomaalida, kadib kulan ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose. Qoraal lagu baahiyay baraha Al Shabaab ayaa lagu sheegay in odayaasha muddooyinkii u dambeeyay ay siminaar kaga qeyb galayeen goob aan la sheegin oo ku taala Shabeelaha Hoose. Waxaa sidoo kale la sheegay in odayaasha lagala heshiiyay inay Al Shabaab kagala qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah ciidamada ajaaniibta ee ku sugan Soomaaliya iyo dowladda Soomaaliya. Sheikh Xuseen Cali Fiidow oo ka wakiil ahaa hogaamiyaha Al Shabaab Abuu Cubeyda ayaa la sheegay in odayaasha oo gaaraya 40 oday dhaqameed uu heshiis la galay, kadib munaasabad ka dhacday Shabeelaha Hoose. Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka oo dhankooda munaasabada ka hadlay ayaa sheegay inay Al Shabaab ka taageeri doonaan dagaalka ka dhanka ah dowladda iyo ciidamada ajaaniibta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Khartoum)-Sagaal haween ah oo ka qeyb qaatay dibedbaxyadii ka dhacay Sudan ayaa lagu xukumay min bil xabsi ah iyo labaatan karbaash middiiba. Waxaa lagu helay dembi ah inay qeyb ka ahaayeen rabshadaha dhacay. Xukunka ayaa ku soo beegmaya maalin uun ka dib markii uu madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir amray in la sii daayo dhammaan haweenka loo xiray dibedbaxyada ka dhanka ah dowladda ee bilowday bartamihii Disembar. Sagaalka dumarka ah ayaa la horgeeyay mid ka mid ah maxkamadaha xaaladda degdega ah ee dhawaan loo sameeyay in lagu xukumo dibedbaxayaasha. Gabar qareen ah oo u doodaysay haweenka ayaa sheegtay inay racfaan ka qaadan doonto xabsiga iyo karbaashka lagu xukumay. Xukunka lagu riday dumarka ayaa ku soo beegmay maalin uun ka dib markii uu madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir oo xusayay maalinta caalamiga ah ee haweenka uu sheegay inuu ku amray taliyaha hay’adda sirdoonka iyo ammaanka, Saalax Ghosh, inuu sii daayo dhammaan haweenka u xiran dibedbaxyada. Xukunka maxkamadda ayaa sii kordhin doona shakiga ah inuu khilaaf dhex yaallo madaxweyne Al-Bashir iyo ninka u qaabilsan ammaanka. Bishii hore, Mr Ghosh ayaa sheegay in madaxweynaha uu shaacin doono inaanu isu sharrixi doonin doorashada dhacaysa sanadka soo socda. Madaxweynaha ayaa markaa ka dib jeediyay khudbad uu ku shaaciyay in dalka uu galiyay xaalad degdeg ah. Source
-
Wararka ka imaanayaa gobolka Bari ayaa sheegaya in malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay go’doomiyeen degaanno ku yaalla buuraleyda degmada Qandala oo ay ku sugan yihiin kooxda taabacsan Daacish. Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa la sheegaya in gooyeen waddooyin yar yar oo soo gala degaannada buuraleyda ah ee ay ku jiraan Afgaraar iyo Miiraale halkaasi oo bilihii u dambeeyay dagaallo qaraar ku dhex mareen labada dhinac. Dadka ku sugan degaanno ka durugsan dhulka labada kooxoood isku haystan ayaa soo sheegaya in dhawaqa rasaas culus maalmaha qaar laga maqlayo halkaasi. Hase yeeshee waxa adag in faahfaahin laga helo iyadoo isgaarsiinta tuulooyinkaasi ay go’yeen dhinacyada dagaallamaya ee kala taabacsan Daacish iyo Al-shabaab. Sidoo kale malayshiyaad ka tirsan Al-Qaacida ayaa dhanka Koonfureed ee dalka Yemen uga soo gurmanayan kooxda Al-shabaab sida ay warbaahinta Puntland Post u sheegeen ilo’ wareedyo kala duwan. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo go’doomiyay tuulooyin ku yaalla gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Tunisia)-Wasiirka caafimaadka Tunisia, Cabdirauf Sharif ayaa iscasilay ka dib markii 11 ilma markaa uun dhashay ah ay ku dhinteen cisbital ku yaal caasimadda Tunis. Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in baaritaanno la sameeyay ay muujinayaan in ilmahaasi ay u dhinteen caabuq ka dhashay oksijiin la’aan mudadii u dhexeysay todobada ilaa sideedda bishan Maarso. Ra’iisal wasaaraha dalkaasi Yuusuf Shahiid ayaa sheegay in baadhitaan lagu hayo cisbitalkaasi ay dowladdu maamusho gaar ahaan farmashiyaha iyo habka faya-dhowrkiisa. Wasiirka iscasilay ayaa xilkaasi loo magacaabay afar bilood ka hor. Ururka ay leeyihiin dhakhaatiirta carruurta ee Tunisia ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay inay suuragal tahay in caabuqa ilmaha dilay uu ka dhashay waxyaabaha lagu duray. Ururka ayaa sidoo kale dhaliilay “xaaladaha adag ee ay ku shaqeeyaan hawlwadeennada caafimaadka”. Adeegga caafimaadka Tunisia ayaa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay kuwa ugu wanaagsan Waqooyiga Afrika, waxaana dakhli wanaagsan uu dalkaasi ka helaa dadka caafimaadka uga soo doonta dibedda. Balse tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweyne Zayn al-Caabidiin Bin Cali sanadkii 2011, daryeelka caafimaad ee Tunisia ayaa waxaa ragaadiyay dhibaatooyinka dhanka maamulka iyo dhaqaalaha ah oo ay uga sii dartay dawo yaraan soo noq-noqotay. Source
-
Muqdisho (PP) ─ Inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa la xiray, iyadoo lagu wado in saacadaha soo socda caasimadda dalka la keeno madydka wasiirkii hore ee arrimaha dastuurka Somalia, Marxuum C/raxmaan Xoosh Jabriil oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Dubai ee dalak Isu-tagga Imaaraadka Carabta. Wadooyinka qaarkood ayaa la diiday inay maraan shacabka, taaasoo xubno ka tirsan saraakiisha ciidamada Somalia ku sheegeen inay tahay sababo la xiriira dhanka ammaanka. Aaska marxuumka ayaa lagu wadaa inay ka qayb-galaan mas’uuliyiinta sare ee dowladda federaalka Somaila, waxaana la sheegay in lagu aasi doono gudaha isbitaalka Madiina ee Muqdisho, inkastoo ay dhici karto in goob kale lagu aaso. Marxuumka ayaa u geeriyooday xanuun lama filaan ah oo kula soo booday dalka Imaaraadka Carabta, halkaasoo ay ku sugnaayeen inta badan xubnaha qoyskiisa, isla markaana la doonayay in lagu mehriyo gabdhiisa. Sidoo kale, Marxuumka ayaa waxaa maydkiisa kasoo raacay Dubia wasiirka caafimaadka Somalia, Cabadullaahi Goodax Barre oo ay Muqdisho iska raaceen markii ay ku socdeen Dubai iyo kale oo ay ehel yihiin. Dhanka kale, Lama oga in Madaxweyne Farmaajo uu aaska ka qayb-galayo in kale, inkastoo madaxweynuhu uu si murugo leh uga tacsiyeeyay geerida marxuumka oo uu ku tilmaamay mas’uul aqoontiisa geliyay Somalia si loo helo dastuur la isku raacsan yahay. Ugu dambeyn, Marxuumka ayaa Muqdisho ka dhoofay toddobadkii hore isagoo caafimaad qaba, balse waxaa maanta lagu soo celinayaa Xamar isagoo mayd ah oo aan noolayn. PUNTLAND POST The post Waddooyinka Muqdisho oo xiran iyo Maydka Wasiir Xoosh oo kusoo Wajahan Caasimadda appeared first on Puntland Post.
-
Ceerigaabo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Sanaag ayaa ku warramayaa in saaka ciidanka S/land ay dhaq dhaqaaqyo milatari ka wadaan deegaano ka tirsan gobolkaasi. Ciidamadan oo wata gaadiidka gaashaman ayaa la sheegay in ay ka hortagayaan jabhad oo uu hoggaamiyo Korneyl Caare oo horay uga tirsanaa maamulkaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay cabsi xoogan ka qabaan in dagaal uu ka qarxo halkaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo qeybo ka mid ah gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. View the full article
-
Kismaayo (SMN) – Ra’iisul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre ayaa lagu wadaa in Aaska wasiir Xoosh kadib maanta uu gaaro M/Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Qaban-qaabadii ugu dambaysay ee lagu soo dhoweynayo ra’iisul wasaare Khayre ayaa haatan si weyn uga socota gudaha magaaaladaasi. Boorar waawayn oo lagu daabacay sawirrada ra’iisul wasaaraha iyo madaxwaynaha Jubbaland oo lagu muujinayo soo dhoweyn heerkeedu sarreeyo ayaa lagu dhejiyay qeybaha ay ka koobantahay magaala xeebeedka Kismaayo. Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kahyre ayaa la filayaa marka uu gaaro halkaasi in uu la kulamo madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, ayna ka wada hadlaan arrima badan oo ay kamid tahay adkaynta amniga, gaar ahaan sida Al Shabaab looga saari karo gobollada Jubbooyinka ee K/ Soomaaliya. Ammaanka ayaa loo adkeeyay, iyadoona saaka Ciidamo dheeraad ah lagu arkayo magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee dowlad goboleedka Jubbaland. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay hub badan ka furteen xubno ka tirsan Al Shabaab kadib howlgal qorsheysan oo ciidamada ay ka sameeyeen degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose. Sida lagu baahiyay wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ciidamada amaanka ayaa howgalka qorsheysan ka sameeyay xaafadda Howlwadaag ee degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose. Hubka ciidamada amaanka ay soo furteen ayaa ka dambeeyay kadib markii sida la sheegay ciidamada Al Shabaab ay isaga carareen halka weerarka uu ka dhacay, taasi oo keentay inay soo furtaan hubkaasi. Sidoo kale ciidamada amaanka iyo kuwa huwanta ayaa la sheegay in Al Shabaab ka dileen afar sarkaal ka tirsanaa Al Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Gamboole ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Wakaalada Wararka SONNA ayaa shaacisay in ciidamada amaanka aysan waxyeelo kasoo gaarin weerarka oo ahaa mid qorsheysan oo ka dhacay degmada Qoryooleey. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al Shabaab, waxaana dhawaan ay soo bandhigeen sawiro muujinayay weerarka ciidamada isbaheysanaya ay ku qaadeen deegaanka Gamboole. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Waxaa saacadaha soo socda ee maanta la filayaa in garoonka Aadan Cadde ee M/Muqdisho laga soo dajiyo Allaha unaxariistee Meydka wasiirkii Dastuurka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil oo jimcihii la soo dhaafay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Abu Dubai ee dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta. Qaban qaabo xoogan ayaa ka socota Muqdisho, taas oo ay dowladdu ugu diyaar garoobeyso Aas Qaran oo loo sameynayo Marxuumkaasi. Madaxda ugu sarreysa dalka, sida ra’iisul wasaaraha, madaxweynaha iyo golayaasha dowladda ayaa ka qeyb gali doona Aaska wasiir Xoosh. Dhanka kale waxaa saaka xiran Waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoona aad loo xadiday dhaq dhaqaaqa gaadiidka iyo dadweynaha. Ciidamo Boolis ah ayaa la soo dhoobay qaarka mid ah Isgoysyada caasimadda, kuwaas oo gabi ahaan xiray waddooyin muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed. Arrintan ayaa lala xariirinayaa diyaargarowga ay dowldau ugu jirto soo dejinta iyo Aaska wasiir C/raxmaan Xoosh Jibriil. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sida qorshaha uu ahaa waxaa maanta lagu waday in magaalada Muqdisho uu ka furmo Kalfadhiga Shanaad ee golaha shacabka, si xildhibaanada ay u amba qaadaan shaqooyinka horyaala. Dib u dhac ayaa ku yimid qorshaha dib loogu furi lahaa kulamada xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo ku maqnaa fasax labo bilooyin ah, tan iyo dhamaadka sanadkii hore. Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaana yaa sheegay markii uu soo xirayay kalfadhigii afaraad in 10 Maarso shirkaasi dib u furmo doono, balse maanta ma aysan dhicin. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka oo dalka ka maqan dartii uu u baaqday furitaanka kalfadhiga Shanaad ee baarlamaanka, waxaana la ogeyn goorta uu dalka imaan doono. Qaar kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in lix maalin kadib la filayo in kalfadhiga dib loo furo, iyadoo qorshaha uu yahay inuu yimaado guddoomiyaha baarlamaanka. Xubnaha baarlamaanka ayaa maalmo kahor dalbaday in deg deg kulamo ay isugu yimaadaan xubnaha baarlamaanka , kadib kulankii madaxweyne Farrmaao iyo Uhurru Kenyatta oo ka dhacay magaalada Nairobi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-10032019.mp3 View the full article
-
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay xireen qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo dhanka kalena aad loo adkeeyey ammaanka magaalada. Waxaa xiran guud ahaan wadada dheer ee Makka Al-mukarrama iyo sidoo kale guud ahaan waddooyinka yar-yar ee soo gala wadadaasi. Dadweynaha ayaa ah kuwo cagtooda maalaya, iyadoo dadka lugeynayana u badan yihiin shaqaale iyo sidoo kale ardayda Iskuullada iyo Jaamacadaha. Sababta loo xiray waddooyinkan ayaa ah maadaama maanta la filayo in wasiirkii Datsuurka lagu aaso magaalada Muqdisho, ayna aaskaasi ka qeybgali doonaan madaxda ugu sarreysa ee DFS. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in garoonka diyaaradaha Aadan Cadde laga soo dejiyo Meydka Marxuum C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ahaa wasiirka wasaaradda Dastuurka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya. Allaha u naxariistee wasiir Xoosh ayaa Jimcihii ku dhintay dalka Isku tagga imaaraadka carabta, kadib xanuun soo wajahay. Madaxda ugu sarreysa ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan aaska wasiirkii Dastuurka. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Walaaca dowladda Kenya ay ka qabto in looga adkaado kiiska dacwada badda Soomaaliya ee hor-yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ayaa sii kordhaya, waxayna soo jeedineysa xal kheyraad wadaag ah, sida uu qoray wargeyska The East African ee Naiorbi. Wargeyska ayaa sheegay in Kenya ay hadda wadda dadaal xooggan oo dalalka deriska la ah iyo beesha caalamka uga codsaneyso inay xal u helaan muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya. Ilo-wareedyo la hadlay The East African ayaa sheegay in Kenya ay isku dayeyso in Soomaaliya ay ka laabto kiiska maxkamadda, islamarkaana xal ka baxsan maxkamadda la gaaro. Xalka Kenya ay soo jeedineyso ayaa waxaa ka mid ah in ayada iyo Somalia ay gaaraan heshiis ay ku wadaagayaan kheyraadka u badan shidaalka ee la rumeysan yahay inuu ku jiro dhul-badeedka lagu muransan yahay. Dhinaca kale, Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Kenya ay diyaar u tahay heshiis dhigaya in Somalia ay qaadato 55% dakhliga kasoo xarooda shidaalka dhulka la isku haysto, halka Kenya ay heleyso 45%. Dowladda Kenya ayaa xilligii dowladda Xasan Sheekh usoo jeedisay Soomaaliya inay qaadato 25% kheyraadka, halka ayada ay heleyso 75%, taasi oo madaxweyne Xasan uu ka diiday, waxaana hadda muuqata in Kenya ay dabac xooggan sameysay. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan 31-kii Janaayo, 2019 ka dhacay Villa Somalia ayaa ayaa dowladda Federaalka looga dalbaday in ay soo gudbiso qorshaha kala guurka 2020-ka, sida ay xubnaha goobjoog ahaa u sheegeen Caasimada Online. Sida aan xogta ku helnay, kaaliyaha xoghayaha guud ee QM ee arrimaha siyaasadda Rosemary DiCarlo ayaa ku boorrisay dowladda inay soo gudbiso habka ugu macquulsan suurta galna ka ah gudaha dalka Soomaaliya ee doorashada loo qaban karo. Rosemary DiCarlo ayaa ka dalbatay dowladda qorshe labaadka ku xiga haddii aysan macquul ahayn doorashada qof iyo codka ee la filayo 2020-ka, usoo gudbiyaan Golaha Ammaanka QM, si loogu diyaar garoobo maadaama ay suurto gal tahay in ay qabsoomi wayso doorasho qof iyo cod ah. Dowladda Federaalka ah ayaa lagu dhiiri galiyay in la dedejiyo horkeenidda qorshahan miiska Golaha Amniga UN-ka. Dowladda federaalka oo ka jawaabaysa hadalka Rosemary DiCarlo, ayaa soo jeedisay in aysan qabsoomi karin doorasho qof iyo cod ah, balse ay ka fekertay qorshaha labaad xiga ee kala guurka inuu noqdo hanaankii lagu ansixiyay dastuurka sanaddii 2012-ka, in loo maro xilliga kala guurka. Dowladda ayaa ku doodday in ay sharci noqon karto in ergada 825-ta ay dooran karaa hoggaan cusub muddo labo sanno ah. Hadaba maxay tahay caqabadaha ka hortaaggan in dowladda qabato doorasho qof iyo cod ah? Baahida loo qabo dhaqan galinta shuruucda kala guurka ah 2020-ka ee lagu taamayay waxaa harreeyay cawaaqib ka mug weyn baaxadda awoodda dhaqan galin ee Dowladda Federaalka ah ee hadda shaqaysa, waxaana jirta talo soo jeedin dhinacyo badan ee ku saabsan qaabka ugu haboon uu noqon karo marka lagaaro xilliga kala guurka siyaasada 2020-ka. Taxanaha kala guuryadii siyaasadeed ee lasoo maray, waxaan marag ka ahayn in loo cudur-daaray dowladihii hore gaar ahaan dowladdii tan ka horreysay in aysan fulin hiigsigii loo asteeyay xilliga kala guurka ah ee qabashada doorasho qof iyo cod ah, waxaa kaloo xusid mudan dowladihii lasoo dhisay, 2000, 2004, 2009, 2012, iyo 2016 in lagu dhisay heshiis siyaasadeed ku habboon duruufta waqtiqaas jirtay, waxaa markale dowladda hadda dhisan aysan ka marnayn duruufihii qabsaday maamulladii iyada ka horreeyay, kuwaas oo kala ah, AMNI, SHARCI, DHAQAALE iyo WAQTI. Waa maxay sharciyadda ay haystaan ergadi 825-ta aheyd ee 2012-kii ansixisay Dastuuska ? Sharciyadda asalka ah oo ay haystaan dhammaan goleyaasha hadda dhisan waxaa lagu askumay dastuurkii ay ansixiyeen ergadii 825-ta aheyd oo matalaysay dhammaan beelaha Soomaaliyed, Dastuurka KMG ah waa midka kaliya ee loo daliishado dhaqan-galka qorshaha dowladda federaalka iyo xalinta kala aragti-duwanaanshaha siyaasadeed ee yimaada, waxaana cad in dowladda hadda jirta uu marjic u yahay Dastuurka sanadkii 2012-ka ay ansixiyeen 825 ergo, waxaana hubaal ah in marjican ergo 825-ta ah ay haystaan sharciyad ay ku samata bixin karaan mushkiladda Dastuuriga ah ee kala guurka ah 2020-ka. Ergadan 2012-ki ansixisay Dastuurka waxay sharci u leeyihiin in ay doortaan madaxweyne muddo labo sanno ah, maadaama ay yihiin marjic Dastuuri ah, si dalka loo gaarsiiyo qof iyo cod mudada uu xilka hayo madaxweynaha ay doortaan, waxaana muuqata in laga maarmo bahida loo qabo Golayaasha sharci dejinta ee xilligan jira, si aan loo hakin habsami u socodka howlaha laga dhowrayo madaxweynaha mudada labada sano ee uu xilka hayo. Madaxweynaha cusub iyo golihiisa wasiirada ayaa buuxin doonna baahida sharci ee timaada inta laga soo dooranayo Baarlamaan si toos loo soo doortay, haddii si kale loo dhigo Xukuumadda Madaxweynaha cusub ayaa dalka u samaynaysa shuruucda xilligaas looga gudbayo marxladda taaggan. Howlaha ugu horeeya ee uu qabanayo waxaa ugu weyn in dalka loo diyaariyo doorasho qof iyo cod ah, oo ay wada galaan dhamaan maamulada dalka kajira, doorashada xildhibaannada Federaalka, doorashada, xildhibaannada maamul Goboleedyada, doorashada guddoomiyeyasha Degmo iyo midka Gobollada, si wakiilo sharci ku yimid ee ku hadla afka dadka ay matalaan loo helo. Gunaanad Qorshahan kala guurka ah ee lafilayo 2020-ka ee ah in ergadii 825-ta ah ay doortaan madaxweyne laba sanno ah islamarkaan uu soo dhiso xukuumad ka shaqaysa qabashada doorashada qof iyo cod ayaa ah habka ugu sharciyadda badan marka loo eego dhammaan hannaankii kala guuryadii dalka soo maray. Waxaa xusid mudan in dhaqangalka habkan ka fudud yahay qabashada doorashada qof iyo cod. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com