Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,644
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines ayaa maanta burburtay, Lix daqiiqo kadib markii ay ka kacday garoon ku yaalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Afhayeen u hadlay Ethiopian Airlines ayaa sheegay in diyaaraddan ay ku wajahneyd magaalada nairobi ee dalka Kenya, waxaana saarnaa 157 qof oo 8 ka mid ah ahaayeen shaqaalaha diyaaradda. Lama oga waxa keenay in diyaaraddan ay burburto, waxaana warbaahinta qaar ay sheegayaan in dhammaan dadkii saarnaa diyaaradda ay dhinteen. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. The Prime Minister of Somalia, Hassan Ali Khaire is expected to pay his first visit to Kismayo, a port city in Southern Somalia in the coming few hours. Jubbaland State is in final preparation for the welcoming of the country’s PM, who is currently in Mogadishu the state funeral of the late constitution minister, Abdi Hosh Jibril. The security of Kismayo has been extremely tightened ahead of the PM’s arrival, with state troops deployed across the main streets. The relations between Jubbaland and the central government has been at a low point in the past years following a fall out over the resources sharing and other national issues. View the full article
  3. Baladweyne (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya arday barqanimadii maanta lagu dhex dilay iskuul ku yaalla xaafadda Kooshin magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Marxuumka geeriyooday oo magaciisa lagu soo koobay Cumar ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyay Arday kale oo ay wada dhiganayeen iskuulka hoose dhexe iyo sare ee Mujamac Baladweyne. Dilkan oo loo adeegsaday Toorey ayaa ka dhacay gudaha Iskuulka, kadib markii ay wada murmeen labada Arday, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo. Sidoo kale waxa uu dhaawac soo gaaray Shuceyb Xasan oo ahaa Ardaygii falka dilka ah geystay, kaas oo haatan lagu dabiibayo isbitaalka guud ee M/Baladweyne. Illaa iyo hadda ma jiro warar faah faahsan oo uu maamulka Dugsiga iyo kan degmada Baladweyne ay ka bixiyeen dhacdadaasi. Arrintan ayaa walaac iyo wal-wal xoogan ku reebtay waalidiinta, Ardayda, macalimiinta iyo maamulka Mujamac, maadaama fal dil ah uu ka dhacay Iskuulkaasi. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-10032019.mp3 View the full article
  5. Allaha unaxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho Aas qaran loogu sameeyay wasiirkii dastuurka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriill . Aaska wasiirka ayaa waxaa ka soo qayb [...] Source
  6. A joint team from the United Nations and the African Union (AU) is in Somalia to review progress made in implementing the transition plan whose key objective is the transfer of security responsibility from the AU peacekeeping mission to security forces, the AU mission said on Friday. The delegation led by Francis Okello, chief of plans and operations Unit in the AU’s Peace Operations Support Division, will evaluate steps taken by AMISOM in implementing tasks under the transition plan as mandated by the UN and AU councils. “There were some mandates issued by the two councils (UN and AU) to be undertaken by this Mission. The joint review will definitely be looking at those mandates and also focus on the Somalia Transition Plan,” Okello said in a statement issued by the AU mission. A UN Resolution authorized the reduction of uniformed AMISOM personnel by 1,000 by end of February. The resolution also mandated AMISOM to maintain a minimum of 1,040 police personnel including five formed police units. During the week-long visit, the delegation will meet with the AMISOM senior leadership, officials from the government, the UN, representatives of international partners, diplomats from AMISOM troop contributing countries and the European Union. The delegation will also hold discussions and analyze Somalia’s political and security situation as the country prepares for one-person, one-vote elections in 2020-2021 period. Vincent Pasquini, Team Leader of the UN delegates said the review would look into issues of transition planning, electoral preparations and the operating environment in Somalia. During the joint review meeting held in May 2018 Somalia reiterated its commitment to assume security responsibility as stipulated in the transition plan. It urged the review team not to judge the country by its past but by achievements so far made in stabilizing the country. View the full article
  7. A court in Kuwait has sentenced a Somali woman to four years imprisonment after she was convicted of a murder case. The woman whose name was publicly mentioned was said to have stabbed her brother to death. According to Al-Anba daily, the prosecutors submitted their evidence against the woman. The woman killed the victim in September last year after a dispute sparked between the two. The prosecution said the man was rushed to the hospital and later was declared dead upon. The defence lawyers said their client had pleaded that she did kill the victim deliberately and was in defence position during sprawl. The court declared the verdict on Saturday and the convict was offered a chance to appeal. View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Diyaarad sida Meydka Marxuum C/raxmaan Xoosh Jibiil ayaa ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, aas Qaran oo lagu maamuusayo marxuumka ayaa hadda ka socoto magaalada Muqdisho. Salaadda Janaasada ayaa lagula tukaday marxuumka garoonka Aadan Cadde, waxaana ka qayb galay Guddoomiya Aqalka Sare Guddoomiayaha ku-xeegnka labadaad ee Golaha Shacabka, Ra’iisul wasaaraha XFS,guddigii loo xilsaaray Qaban-qaabada aaska qaran ee marxuum Xoosh oo kala ah Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Amniga Gudaha, waxbarashada, Warfaafinta, Kalluumeysiga iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha Dastuurka, Mas’uuliyiin kale qaar kamid ah Culumaa’diinka Soomaaliyeed, ehelada marxuumka iyo dadwayne farabadan. Waxaa maydka marxuumka lagu aasayaa qabuuraha ku yaalla dhabarka dambe Isbitaal Madiina.Marxuum C/raxmaan Xoosh wuxuu ahaa shaqsi karti badan kuna sifoobay dal jacayl,isagoo aqoontii uu bartay uga faa’ideeyay dalkiisa iyo dadkiisa. Taariikh nololleedkaMarxuum EX. Wasiir C/raxmaan Xoosh Jibriil Marxuum Cabdiraxmaan XooshJabriil wuxuu ku dhashay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe, 25-kii bishii Juun ee sannadkii 1956-dii Waxbarashadiisii dugsiyada hoose, dhexe iyo sareba wuxuu ku soo qaatay magaalada Jowhar ,kadibna wuxuu magaalada si uu u guto tababarkii Xalane iyo Shaqadii Qaranka,Bartamihii todobaatameeyadii wuxuu aaday dalka Boqortooyada Sacuudi Careebiya halkaasi oo uu dhowr sano ka shaqaynayay, wuxuuna uga sii gudbay dalka Kanada, Marxuum Xoosh wuxuu shahaahada heerka koowaad ee cilmiga bulshada ka qaatay Jaamacad ku taalla Kanada, kadibna wuxuu shahaadadiisa masterka ka diyaariyay Culuumta sharciga, wabarashadiisii kadib isla dalka Kanada ayuu ka bilaabay Shaqooyin la xiriira dhinaca sharciga isago can ku ahaa gacan qabashada dadka Soomaaliyeed ee dalkaasi qaxootinimada ku taga. Sannadkii 2011-kii ayuu dalka dib ugu soo laabtay,isla sanandkaas waxaa loo magacaabay Wasiirkii Dastuurka iyo Dib u Heshiisiinta ee Dowladdii KMG ahayd, xilkaas waxa uu hayay ilaa sannadkii 2012-kii wuxuuna gacan libaax ka qaatay ka gudbidda Axdi Qarameedkii lagu shaqeynayay, waxaana wasaaraddii Dastuurka ee uu madaxda ka ahaa marxuum wasiir Xoosh ku guuleystay in la sameeyo Dastuurka KMG ee hadda ka shaqeeya.dalka. Marxuum Xoosh Sannadkii 2012-kii waxa uu noqday xildhibaan ka tirsan Barlamaankii 9-aad ee Soomaaliya, horaantii sannadkii 2017-ka ayaa marke Ra’iisul wasaare Khayre u magacaabay wasiirka Arrimaha Dastuurka, wuxuuna labadii sanno ee la soo dhaafay Dastuurka dalka uu soo gaarsiiyey heer gabogabo ah, si mustaqbalka dhow afti dadweyne loogu qaado. 8-dii Maarso 2019-ka ayuu ku geeriyooday waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta,sabab la xiriirta ka qaybgalka arooska Gabadhiisa oo halkaasi ka dhacayay, waxaana habeennimadii Jimcaha ku soo booday xanuun deg deg ah kaasi oo isbitaalka ugu geeriyooday.isla 8-da Maarso R’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa guddi heer Qaran ah u magacaabay qabanqaabada aaska qaran ee Wasiirkii hore ee Dastuurka XFS Marxuum Cabdiraxmaan Xoosha Jabriil.(INAA LILLAAHI WA INNAA ILLEYHI RAAJUCUUN). View the full article
  9. Egypt and Somalia are strengthening security coordination because of what they deem are common threats. The two countries signed on March 1 a memorandum of understanding on security cooperation, a document that allows for concentrated security coordination between Cairo and Mogadishu. During a meeting in Cairo with Somali Internal Security Minister Abukar Islow Duale, Egyptian Interior Minister Mahmoud Tawfiq said increased intelligence cooperation between the two countries would weaken terrorist groups in both territories. Egypt also said it would share counterterrorism expertise with Somalia, train security personnel and exchange intelligence with Somali officials. There is concern that unrest in the Horn of Africa could threaten navigation in the southern entrance of the Red Sea, possibly affecting access to Egypt’s Suez Canal. “Somalia is a very important state in the Horn of Africa’s strategic security equation,” said Khaled Okasha, a member of the Supreme Anti-Terrorism Council, which advises the Egyptian presidency. “This is why security coordination with it is a matter of utmost importance.” Despite efforts by the government in Mogadishu, African Union troops deployed in the country and occasional air strikes by the United States, al-Qaeda-aligned al-Shabab remains a major terrorist threat in Somalia and its environs. Attacks by al-Shabab, including one March 1 near a hotel in Mogadishu, signal the need for improved counterterrorism actions in the country. Apart from threatening Somalia, al-Shabab is also a concern for neighbouring countries, especially Kenya. Egypt is fighting both the Islamic State (ISIS) and al-Qaeda-aligned groups in its territory, with many fearing that battle-hardened jihadists fleeing Syria could move into Africa. Egypt’s concern, security analysts say, is that terrorist groups in other African countries, including Somalia and Nigeria, will join militants in North Africa, particularly Libya, in a broad strategy to foment unrest in Africa. “Al-Shabab has already started staging attacks in Somalia’s neighbouring countries,” Okasha said. “Egyptian authorities are closely monitoring these developments.” Egypt, which holds the rotating presidency of the African Union, has pledged to lead the continent into greater security and an effective counterterrorism strategy. Apart from establishing a command centre for counterterrorism operations in its new administrative capital on the outskirts of Cairo, Egypt is organising joint training with other African militaries to share counterterrorism tactics. Some terrorist groups active in Africa, including ISIS-affiliated Boko Haram in Nigeria, have been providing others active in Libya with recruits through Libya’s southern border with Chad and Sudan. This has become an increasing threat for Egypt, whose border with Libya has become a hotspot for smuggling of arms and militants into Egypt’s Western Desert. This also makes security cooperation with those countries a priority for Cairo, security analysts said. “Egypt has a lot to offer to help these countries modernise their security agencies,” said MP Kamal Amer, chairman of the Egyptian parliament’s Defence and National Security Committee. “Apart from having valuable counterterrorism expertise to share, Egypt can increase economic cooperation with those countries to help them towards stability.” This was at the heart of talks between Egyptian Foreign Minister Sameh Shoukry and Somali Minister for Foreign Affairs Ahmed Isse Awad in Cairo four days after Egypt and Somalia signed the memorandum of understanding on security cooperation. Egypt, Shoukry said, would continue to back the Somali economy and push development in the Horn of Africa country. “Somalia’s security is an essential part of Egypt’s national security,” he said. A meeting of Egyptian and Somali businessmen is being planned to bolster trade and investment cooperation between Egypt and Somalia. Security conditions in Somalia, analysts said, have a direct bearing on the situation in the southern entrance of the Suez Canal, a vital international maritime passageway and an important source of revenue for Egypt. Egypt has a naval presence near the Bab el Mandeb Strait and has agreed with Sudan to increase maritime cooperation to improve security in the Red Sea region. Nevertheless, stronger cooperation with Somalia will be in the country’s best interests and a step aimed at protecting the Suez Canal from unrest in the Horn of Africa. “Sorry to say, Somalia has become a fertile soil for terrorists and pirates,” said retired Egyptian diplomat Mohamed al-Shazly. “The Suez Canal is a national security issue for Egypt.” View the full article
  10. Shirkadda duullimaadyada Ethiopian Airlines ayaa sheegtay in ay burburtay diyaarad ay leedahay Axaddii saaka kadib markii ay duushay Addis Ababa iyadoo socotay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Diyaaradda oo nooceedu ahaa Boeing 737 ayaa sidday 149 rakaab ah iyo 8 shaqaala waxaana ay ku burburtay nawaaxiga degmada Bishoftu oo qiyaastii 62 km koonfur bari ka xigta magaalada Addis Ababa sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay shirkadda Ethiopian Airlines. Diyaarada ayaa burburtay saaka markii saacadu ahayd 8: 38 AM, waxayna markaas hawada ku jirtay 6 daqiido oo kaliya. Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa isna qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka u tacsiyeeyay dadkii eheladoodu ku dhinteen shilkaasi. The Office of the PM, on behalf of the Government and people of Ethiopia, would like to express it’s deepest condolences to the families of those that have lost their loved ones on Ethiopian Airlines Boeing 737 on regular scheduled flight to Nairobi, Kenya this morning. — Office of the Prime Minister – Ethiopia (@PMEthiopia) March 10, 2019 PUNTLAND POST The post Diyaarad ay leedahay Ethiopian Airlines oo burburtay appeared first on Puntland Post.
  11. Saaka 8.00 subaxnimo saacada Itoobiya ayaa Diyaarad nooceedu yahay 737 flight ET 302 oo siday 149 Qof oo 8 kamida shaqaalaha Diyarada ahaayeen waxay ku [...] Source
  12. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay howlgallo ballaaran ka sameeyeen degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose, iyo sidoo kale deegaanno ku dhow degmadaasi. Sida lagu daabacay warbaahinta dowladda, waxay ciidanka xoogga dalka Al-shabaab ka qabsadeen hub badan, kadib 9-kii bishan ay ciidanka weerar ku qaadeen xaafad ka tirsan degmada Qoryooley. Hubkan ayaa la sheegay in Al-shabaab ay dhigteen guri ku yaalla xaafaddaasi, islamarkaana uu dhowr nuuc isugu jiro. Sidoo kale, lama sheegin in howlgalkan ay ciidanka DFS ku qabsadeen hubka sidoo kale ay dad kusoo qabteen iyo in kale. Al-shabaab dhankooda kama aanay hadal wararkan sheegaya in hub ay lahaayeen lagu qabtay degmada Qoryooley ee Sh/hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Adis Ababa (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya burburka diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopia Airline oo ku wajahneyd magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Diyaaradda ayaa ka duushay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, waxaana la sheegayaa inay dhinteen rakaab badan oo diyaaradaasi saarnaa. Nooca diyaaradda Ethiopian Airline ee burburtay ayaa la sheegay inay aheyd Boeing 737 , waxaana saarnaa rakaab gaaraya 157 qof, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Ethiopia. Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Ethiopia , ayaa qoral laga soo saaray waxaa loogu tacsiyeey ehelada ku waayay kuwii ay jeclaayeen. Lix daqiiqo kadib markii diyaaradda ay ka duushay garoonka Bole International ee magaalada Addis Ababa ayaa la sheegay inay burburtay. Caasimada Online Xafiiska Ethiopia Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (SMN) – Wafdi isku dhaf ah oo ka socday Qaramada Midoobay Midoobay iyo Midowga Africa ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho,si ay u hubiyaan qaabka uu u socdo qorshaha kala guurka AMISOM ee Soomaaliya oo hadafka laga leeyahay uu yahay in ammaanka dalka guud ahaan ay la wareegaan ciidanka dowladda Soomaaliya. Wafdiga soo gaaray Muqdisho ayaa qiimeyn doona tallaabooyinka ay qaadeen AMISOM ee ku aadan qorshaha kala guurka,sida lagu cadeeyay qaraar sanadkii la soo dhaafay uu soo saaray golaha ammaanka ee QM iyo golaha nabadda iyo amdaanka ee Ururka Midowga Africa. General Francis Okello oo hoggaaminayay socdaalka wafdiga ayaa sheegay in xubanaha ka socday labada gole ee QM iyo Midowga Africa u jeedadooda ay tahay in dib u eegis ku sameeyaan, sida ugu dhaqsiyaha badan uu ku hirgali karo qorshaha kala guurka AMISOM iyo sida ciidamada dowladda ay ugu diyaar garoobeen hanashada ammaanka dalka. Wafdigan ayaa booqashadooda Soomaaliya waxay qaadan doontaa muddo todobaad ah,waxayna inta ay joogaan ay la kulmi doonaan hoggaanka AMISOM ee oo ay ka wada hadli doonaan arrimo badan oo ay kamid tahay caqabadaha uu xilligan wajahayo howgalka Midowga Africa ee Soomaaliya. QM ayaa bishii December ee sanadkii tagay soo saartay qaraar qeexaya in sanad weliba kun askari laga dhimo howgalka AMISOM, iyadoona bishii la soo dhaafay 1000 askari oo u dhashay Burundi oo qeyb ka ahaa howlgalka AMISOM ay dib ugu laabteen dalkooda. View the full article
  15. Kampala (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni ayaa markale ku goodiyay in dhamaan ciidamada kaga sugan Soomaaliya uu la baxayo haddii midowga Africa isku dayaan inay yareeyaan ciidamada Uganda ee Somalia jooga. Madaxeynaha Uganda wuxuu sheegay in isaga uu ku wargeliyay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay in dhamaan ciidamada ka jooga Soomaaliya oo ka badan 6,400 oo askari uu la baxayo haddii la isku dayo in la dhimo ciidamada Uganda. Arinta ayaa ka dambeysay kadib markii madaxweynaha Burundi uu ku hanjabay in ciidamada ka joogo Soomaaliya uu guud ahaan la baxayo haddii aan la joojin tirada ciidamada Burundi kaliya ee ka baxaya Soomaaliya. Museveni ayaa yiri: “waxaa ay noo soo jeediyeen Golaha amaanka in tirada ciidankeenna aan dhinno, laakiin waxaan u sheegay in aan dhimayo, laakiin aan soo saareyn hal Askari ilaa aan dhamaantood soo saaro”. Musaveni ayaa sheegay in ciidamada ku sugan Soomaaliya ay dalkooda ku xiran tahay inay sii wada joogaan ama inay ka wada baxaan ciidamada AMISOM ee Howlgalka ka wada Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007. Waxaa uu Madaxweyne Museveni intaas raaciyay in Muqdisho looga baahanyahay lacag Ciidan lagu qorto laakiin aysan taas muhiim ahayn, maaddaama sida uu sheegay lacagta dib laga heli karo. Uganda waxaa hanjabaada kaga horeyay Burundi, waxaana la og yahay in dhamaan dalalka AMISOM dhaqaalo badan uu kasoo galo howlgalka ay u joogaan Soomaaliya, taasi oo keeneysa inaysan ka bixin dalka, islamarkaana aysan qaban shaqo la taaban karo. Caasimada Online Xafiiska Uganda Caasimada@live.com
  16. Beledweyne (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in arday wada dhigta iskuul ku yaala magaalada ay isku dhex dileen iskuul ku yaala magaalada Beledweyne. Ardayda ayaa la sheegay inay dhiganayeen iskuulka Mujamac ee magaalada Beledweyne, waxaana geriyooday mid kamid ah ardayda halka ruuxa kale la sheegay inuu dhaawac soo gaaray. Ardayda ayaa isku adeegsaday Aalada Tooreyda, waxaana isbitaalka magaalada Beledweyne la dhigay ruuxa dhaawaca uu soo gaaray, sida maamulka iskuulka ay xaqiijiyeen. Ilaa iyo hadda lama sababta keentay inay labadaan arday isku weeraraan Toorey iyagoona waxkabaran jiray Iskuulka lagu magacaabo Mujamac ee ku yaalla Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Maamulka Iskuulka ayaa sheegay in labada arkay ay muddo badan murmayeen, waxaana loo malaynayaa inay horey xurguf u dhex taalay, taasi oo keentay inay Toorey isku adeegsadaan. Waxaa socda baaritaanka dhacdadaan, waxaana ciidamada amaanka la sheegay inay gaareen iskuulka ay dhacdada ka dhacday, waxaana aad loo hadal hayaa dhacdada ka dhacday Iskuulka Mujamac. Caasimada Online Xafiiska Hiiraan Caasimada@live.com
  17. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa sheegay in amni darada ka jirta magaalada Bosaaso ay qayb ka yihiin dumarka . Waxa uu sheegay madaxweynaha in [...] Source
  18. Cutubyo ka tirsan ciidamada militariga Somaliland oo ka soo baxay dhinaca degmada Ceerigaabo ayaa ku soo wajahan koonfurta gobolka Sanaag sida ay sheegeen dadka degaanka. Taliska ciidamada Somaliland ee gobolka Sanaag ayaa ciidanka ku amray in ay tegaan degaanno ay kamid yihiin Yubbe Fiqi-fuliye iyo Jiidali oo dhammaantood ka tirsan koonfurta gobolka Sanaag si looga hortago Gen Caarre oo hoggaamiya jabhadda la dagaallanta Somaliland ee fadhigeedu yahay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Gen Siciid Cawil Jaamac (Caarre) ayaa maalmo ka hor socdaal ku tegay degmooyin ku yaalla koonfurta gobolka Sanaag isagoo dadka halkaasi ku nool ugu baaqay in ay ku garab siiyan dagaalka uu kula jiro maamulka Somaliland. Dhinaca kale saraakiisha ciidamada Somaliland ee gobolka Sanaag oo saxaafadda la hadlay ayaa Puntland ku eedeeyay in ay soo hubanayso jabhadda Caarre ee saldhiga ku leh magaalada Qardho. Somaliland waxay ku hanjabtay in ay Caarre kula dagaallami doonto gudaha Puntland haddii uusan ka joojin waxay ku tilmaameen “dagaal uu ka abaabulayo dhulka nabdoon ee gobolka Sanaag“. PUNTLAND POST The post Somaliland oo ciidamo u dirtay koonfurta gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
  19. Wararka uu warsidaha Puntlandi.com uu ka helayo gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Malayshiyaad ka tirsan mamaulka Jeegaanka ee uu hogaamiyo Muuse Biixi Axmed ay saaka [...] Source
  20. Kooxo Burcad-baddeed ah ayaa weerar ku qaaday Markab waday shidaal oo marayay Gacanka Cadmeed ee udhexeeyay dalalka Yaman iyo Iiraan. Burcad-baddeeda ayaa wadatay ku [...] Source
  21. (SLT-Abu Dhabi)-Dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa si diiran u soo dhawaysay Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi oo socdaal rasmi ah oo shaqo ku jooga dalkaas. Madaxweyne Biixi iyo weftigiisa ayaa lagu soo dhaweeyay madaarka Abu Dhabi, waxaana madaarka la sudhay labada calan ee Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo ay Madaxweyne Biixi oo ku socda roogga cas ee madaxda loo dhigo ay salaan siiyeen qaar ka mid ah ciidamada qalabka sida ee UAE. Wasiirka Caddaaladda ee Imaaraadka, Sultan bin Saeed Al Badi Al Dhaheri iyo Masuliyiin ka tirsan dawladda Imaaraadka, ayaa madaxweyne Biixi ku soo dhaweeyay madaarka Abu Dhabi. Waxaanay wararka soo baxayaa sheegayaan inay maanta wada hadalo rasmi ahi u bilaabmayaan Madaxweyne Biixi iyo madaxda dawladda Imaaraadka Carabta. Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in dawladda Imaaraadka Carabtu Madaxweyne Biixi u soo dirtay martiqaad rasmi ah, waxaana weftigiisa ka mid ah Wasiirada macndata iyo tamarta Jaamac Maxamuud Cigaal, ganacsiga Maxamed Xasan Sacad iyo diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed. Laakiin weftiga Madaxweyne Biixi waxaan la socon oo aanay Madaxtooyadu soo hadal qaadin inuu gadaal weftiga kaga soo biiri doono Wasiirka khaarajiga Yaasiin Xaaji Faratoon oo la sheegay inuu dalka dibadiisa ku maqanyahay. Source
  22. (SLT-Hargeysa)-Waxa weli taagan xaaladda caafimaad ee Sheekh Cabdiraxmaan Aadan Warsame (Aadan-sune), oo ay dhakhaatiirtu ku taliyeen in lagu sameeyo qaliin deg deg ah si loo dabiibo bog dilaaca ku dhacay. Laakiin dhawr maalmood ka dib wuxuu weli Sheekh Aadan ku jiraa xabsiga Hargeysa oo markii baadhista la sameeyay dib loogu celiyay, lamana garan karo goorta ay dawladda Somaliland u ogolaan doonto in lagu sameeyo qaliin caafimaad. Garyaqaan Guuleed Dafac, ayaa dawladda ugu baaqay inay gudato waajibaad ka saaran in Sheekhu helo adeega caafimaad ee uu u baahanyahay. “Qof kasta oo xidhan oo daryeel caafimaad u baahdaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo. Haddii Shiikh Aadan Sunne u baahan yahay daawayn caafimaad, dawladda waa ku waajib inay siiso. Waa xuquuq aasaasi ah. Caafimaadka qofka iyo ilaalinta noloshiisa ayaa mudnaanta koowaad leh. Taas waxa dheer in dawladda looga baahan yahay inay ogolaato in baadhis madax banaan lagu sameeyo cabashooyinka la xidhiidha sida loola dhaqmay.” Sidaas ayuu yidhi Garyaqaan Guuleed Dafac. Qoyska Sheekh Aadan, ayaa ku celcelinaya baaq ay ku dalbanayaan in Sheekha loo ogolaado inuu helo adeega caafimaad ee uu u baahanyahay, mana jiro wax war ah oo ay xukuumadu ka soo saartay wararka ku saabsan xaaladda Caafimaad ee Sheekh Aadan-sune, laakiin waxa socda dedaalo lagu doonayo in dawlada lagu qanciyo inay ogolaato in Sheekhu helo adeega caafimaad. Dhawr goor ayay dhallinyaro iyo bulsho kaleba Madaxweyne Biixi ugu baaqday inuu cafis Madaxweyne ku sii daayo Sheekha oo ay maxkamadda gobalka Maroodi-jeex ku xukuntay 5 sannadood oo xadhig ah. Waxa kale oo ay maxkamadu xukuno kala duwan ku riday dhallinyaro tiradoodu gaadhayso 18 oo lala xidhay Sheekh Aadan-sune. Source
  23. (SLT-Hargeysa)-Cabdi Haybe Maxamed, oo ka mid ah hoggaanka sare ee xisbiga mucaaradka ee Waddani, isla markaana ah xoghayaha hawlaha guud ee xisbigan, ayaa eeddo u jeediyay wasiirada caafimaadka iyo hawlaha guud. Cabdi Haybe Maxamed, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa wasiirada caafimaadka iyo hawlaha guud ku eedeeyay inay ku haystaan dhul uu ku leeyahay Baligubadle, isagoo ugu horeyn ka hadlaya arintan yidhi “Waxa jira qolooyin isku mashquuliyey (Health Post), duntay oo ku taalay Balgibudle, oo markii aan anigu Wasiirka ahaa aan mid cusub u dhisay, tii hore duntayna aniga bedel ahaan la ii siiyey, markii aan anigu mid cusub dhisay, ayaa aniga dhul ahaan la ii siiyey, oo waliba bedel ahaan baa la ii siiyay, la iskama kay siine,anigaana dib u dhistay, markaas qolooyinkii Hawlaha guud iyo Caafimaadka ayaa waxay ku leeyihiin Cabdi Haybe ayaa Health Post qaatay, anigaaba si gaar ah oo ugu dhisay xarun intan ka weyn, oo waliba haddii la kordhinayo oo MCH, laga dhigayaba aan dhul weyn u ooday, Wasiiradda Hawlaha Guud iyo Caafimaadka oo aan hore ugu sheegay siday wax u dhaceen ayaa imika buuq abuuray, waxaan leeyahay Wasiiradda Hawlaha Guud iyo Caafimadka, aniguba sharci baan haystaa, ee Dugsigii Haweenka Dumarku mee, Shirkadii Laydhka ee Hargeysi halkay ku dambaysay, waxay Wasiiradda Caafimaadka iyo Hawlaha guud isku mashquulinayaan 10x4m oo Cabdi Haybe leeyahay, ee hantidii umadda ka dhexeeysay ha la doono, Health Post, imika maaha ee waa aqal aan anigu leeyahay, oo aan sharcigiisina u haysto, ee anigu waaban u celin karaa,marka la I siiyo wax kasta oo iga baxay, laakiin waa in dhaqan xumada la joojiyaa, yaan dadka nadiifta ah lagu mashquulin, boobkii dhacay, iyo hantidii umadda ee lagu takrifalay, wax qarsoon maaha ee waa in dib loo soo celiyaa, oo gacanta dawladda dib ha loogu soo wada celiyo.” Source
  24. (SLT-Nairobi)-Wargeyska The East African ee ka soo baxa Nairobi ayaa isweydiiyey in laga yaabo inay Dowladda Kenya ka baxdo Dacwadda Muranka Xuduud-baddeedka kala dhexeeya Soomaaliya ee hor taalla Maxkamadda Caalamiga ee ICJ ee ku taalla magaalada The Hague ee dalka Holland. Wargeyska waxa uu qoray inay Kenya ku guul-daraysatay inay dalalka deriska iyo Beesha Caalamka helaan Xal Saaxiibtinimo oo lagu xalinayo Khilaafka Xuduud-baddeedkaasi. Ilo Diplomaasiyadeed ayaa sheegaya inay Dowladda Kenya haatan isku tijaabinayso inay Soomaaliya dib uga laabato Dacwadda taalla Maxkamadda ICJ, si ay ugu qanciso xal ay labada dal ku wadaagayaan Horumarinta kheyraadka Shidaalka iyo Gaaska. Ilo kale ayaa sheegay inay Dowladda Kenya ku cadaadinayso Somalia inay dib uga laabato Khariidadii ama Maabkii lagu soo bandhigay magaalladda London ee lagu xaraashayey Xirmooyinka Shidaalka iyo Gaaska. Si kastaba, Soomaaliya wey diiday inay la wadaagaan Khariidada Xuduud-baddeedka lagu dagaalsan yahay. Dhinaca kale, Dowladda Kenya waxaa lagu hayaa cadaadis si ay u soo celiso Xidhiidhka Diplomaasiyadeed ee Soomaaliya, kadib, markii ay caydhiyeen Safiirkii Soomaaliya, isla markaana ay u yeedheen Safiirkii ka joogay Muqdisho. Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya waxay keliya oo ay ku heshiiyeen ayaa ahaa in laga wada shaqeeyo Nabadda iyo in la dejiyo xiisadda. Xigasho: The East African, NBI. Source
  25. Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa shaaciyay inay heshiis la galeen 40 oday dhaqameed Soomaaliyeed oo matalaya beelaha kala duwan ee Soomaalida, kadib kulan ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose. Qoraal lagu baahiyay baraha Al Shabaab ayaa lagu sheegay in odayaasha muddooyinkii u dambeeyay ay siminaar kaga qeyb galayeen goob aan la sheegin oo ku taala Shabeelaha Hoose. Waxaa sidoo kale la sheegay in odayaasha lagala heshiiyay inay Al Shabaab kagala qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah ciidamada ajaaniibta ee ku sugan Soomaaliya iyo dowladda Soomaaliya. Sheikh Xuseen Cali Fiidow oo ka wakiil ahaa hogaamiyaha Al Shabaab Abuu Cubeyda ayaa la sheegay in odayaasha oo gaaraya 40 oday dhaqameed uu heshiis la galay, kadib munaasabad ka dhacday Shabeelaha Hoose. Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka oo dhankooda munaasabada ka hadlay ayaa sheegay inay Al Shabaab ka taageeri doonaan dagaalka ka dhanka ah dowladda iyo ciidamada ajaaniibta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com