-
Content Count
207,652 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowladda Puntland ayaa tacsi u dirtay dhammaan dalalka muwaadiniintoodu ku dhinteen shilkii diyaaradeed ee maanta ka dhacay waddanka Ethiopia. Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed ayaa tacsi loogu diray dhammaan dalalka muwaadiniintoodu ku dhinteen shilka gaar ahaanna ehelada muwaadiniinta Soonaaliyeed ee halkaasi ku dhintay. Sidoo kale madaxweynaha ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka Ethiopia iyo shirkadda Ethiopian Airlines khasaaraha naf iyo maalba leh ee ka soo gaaray shilka diyaaradeed. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo ka tacsiyeysay shilkii diyaaradeed ee ka dhacay Ethiopia appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Gabiley)-Ciidamada Booliska Gabilay ayaa galabta xabsiga u taxaabay Siciid Nuux Kibaar, Maxamed Watiin iyo Jacfar Cawil, oo maalintii shalay Askari Booliska ah gacan ka hadal dhexmaray. Saddexdan saxafi ayaa kala ah kii muuqaalka Askariga ka duubayay iyo labada kale oo doonayay in ay Askariga khasab ku dhaafaan. Taliska Booliska Gabilay ayaa maanta sheegay in sharciga ay la tiigsanayaan saddexdaasi saxafi. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku simaha madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray dawladda Federaalka Itoobiya iyo shacbi weynaha dalkaasi Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa dawladda Federaalka Itoobiya iyo shacbi weynaha dalkaasi oo uu ka tacsiyadaynaayo shilka diyaaradeed ee maanta ka dhacay dalkaasi oo ay ku burburtay diyaarad nooceedu ahaa Boeing 737 ahna nooca rakaabka qaada xilli ay u kala socdaalaysay magaalooyinka Addis Ababa iyo Nairobi saarnaayeena 149 rakaab ahi iyo sideed ka mida shaqaalihii diyaaradaasi, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta sharkadda Ethiopian Airlines. Source
-
Washington DC (Caasimada Online) – Hay’adda dmabi baarista Mareykanka ee FBI-da ayaa su’aalo weydiinaysa labo ka mid ah saraakiisa Wasaaradda amniga gudaha Mareykanka. Labada qof ayaa lagu soo helay in ay farriimo ku daabaceen baraha bulshada, iyaga oo Ilhaan Cumar, oo ka tirsan aqalka Wakiilada Mareykanka, ku eedeynaya in ay soo qaadatay casharro argagixisanimo, sidoo kalena soo fariisatay dugsiyada argagixisada. Mid ka mid ah saraakiisha su’aalaha la weydiinayo waxaa lagu magacaabaa Leslie Derewonko, waxaana uu bartiisa baraha bulshada ku qoray “Kaliya ma qaadan casharro argagixiso ee waxaa ay la fariisatay argagixisada waxna la baratay waliba”. Qofka labaad ayaa farriinta uu soo dhiibay sarkaalkii hore ee faafiyay, waxaana labaduba beddeleen akoonnadii barta LinkedIn ee ay farriimaha ka soo geliyeen, si aysan u daba gelin hay’adaha dambi baarista. Hay’adda ICE ayaa sidoo kale sheegtay in ay baareyso haddii farriimaha noocan ah ee dadka hay’adda u shaqeeya ay jebinayaan siyaasadda haya’ddooda. Todobaadyadii la soo dhaafay Ilhaan ayaa bartimaameed u ahayd Yuhuudda Mareykanka, xubnaha Xisbiga Jamhuuriga iyo qaar ka mid ah taageerayaasha Xisbiga ay ka tirsan tahay ee Dimuqraadiga oo ku weeraray hadal ay ka sheegtay Brack Obama. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xogo ay warbaahintu heshay ayaa waxaa ay sheegayaan in xukuumada Somaliland ay heshiis aan wali soo shaac bixin la gashay shirkad ka diwaan gashan dalka Australia , isla markaana uu hogaankeeda ku jiro wasiirkii hore ee ciyaaraha Soomaaliya. Shirkadan ayaa qandarkaas la siiyey waxaa uu yahay mid 25 sanno ah isla markaana waxaa ay ka shaqeyn doonta mashruuca milix ka sameynta uumi baxa biyaha badda Somaliland Sidoo kale shirkadan ayaa sidoo kale waxaa dhul baaxad leh laga siiyey meel dhinaca galbeed kaga beegan dekada magaalada Berbera Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan Source
-
A state funeral was held for the late constitutional affairs minister, Abdirahman Hosh Jibril on Sunday. The plane carrying the coffin of the late minister touched down at Aden Abdulle International Airport in Mogadishu on Sunday Morning. Senior Somali government officials led by the Prime Minister, Hassan Ali Kheyre received the body of the late minister. The government sent condolences to the bereaved family. After short Janaza prayers, the deceased was buried at Madina hospital graves. Somali Premier praised the late minister’s role in the constitutional making process of the country. He said the late minister was characterized by patriotism and service to his country and people. Abdirahman Hosh who served twice as constitutional minister succumbed to short illness in Dubai on Friday. He was born in Jowhar in 1956, and he was a lawyer educated in Canada. Scroll down for pictures: View the full article
-
An Ethiopian Airlines plane that crashed on Sunday was carrying passengers from more than 30 countries, the airline’s CEO told journalists. He said they included 32 Kenyans, 18 Canadians, nine Ethiopians, eight Italians, eight Chinese citizens, eight Americans, seven British citizens, seven French citizens, six Egyptians, five Dutch citizens, four Indians, four people from Slovakia, three Austrians, three Swedes, three Russians, two Moroccans, two Spaniards, two Poles and two Israelis. Belgium, Indonesia, Somalia, Norway, Serbia, Togo, Mozambique, Rwanda, Sudan, Uganda and Yemen each had one citizen onboard. Four of those on board were listed as using United Nations passports and their nationalities were not immediately clear View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxaya magaalada Bishoftu oo 60km u jirta caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegaya in aysan jirin cid ka badbaaday shilkii diyaaradda ee saakay halkaas ka dhacay. Gaadiidka gurmadka degdega ah ayaa goobta kusii wajahan, iyada oo dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in ay maqleen qarax aad u weyn, meeshana uu ka dhashay holac la damin la’yahay. Dadka diyaaradda saaran ayaa u kala dhashay 33 jinsiyadood, balse weli lama hayo diiwaanka magacyada, inta lab ah iyo inta dhedeg ah, iyo waliba carruur. Diyaarada ayaa waxaa ku dhintay dad gaadhaya 157 ruux, oo 8 kamid ah ahaayeen shaqaalaha diyaaradda. War ka soo baxay shirkadda Eithiopian Airlines ayaa lagu xaqiijiyay in aysan jirin qof ka badbaadey shilka diyaaradeed, islamarkaana ay dhinteen dhamaan dadki saarnaa oo kasoo kala jeeda 33 dal. Diyaaradda oo nooceedu ahaa Boeing 737 ayaa ku dhacday meel u dhaw magaalada Bishoftu oo 60-KM u jira magaaladda Addis Ababa saacaddu markii ay ahayd 8:44 daqiiqo waqtiga Geeska Africa . Diyaaradda ayaa kasoo duushay Garoonka diyaaradaha Bole International Airport 8:38 subaxnimo, iyadoo lumisay xidhiidhka Isgaadhsiinta kahor inta aysan burburin 6 daqiiqadood kadib markii ay hawada gashay. Ra’iisul Wasaaraha Eithiopia Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka hadlay shilka diyaaradeed, iyagoo tacsi u diray eheladda ay dadkooda ku dhintay musiibadda. Illaa hadda lama shaacin sababta ka dambeysa burburka diyaaradda, balse Shirkadda Eithiopian Airlines ayaa sheegtay inuu socdo baadhitaan, islamarkaana ay u dirtay goobta Koox khubarro ah. Halkan hoose riix Abiy Axmed oo…………. Office of the Prime Minister – EthiopiaVerified account @PMEthiopia FollowFollow @PMEthiopia More The Office of the PM, on behalf of the Government and people of Ethiopia, would like to express it’s deepest condolences to the families of those that have lost their loved ones on Ethiopian Airlines Boeing 737 on regular scheduled flight to Nairobi, Kenya this morning .Liiska Jinsiyadaha Dalalkay ka soo jeedaan dadka ku dhintay. Liiska ay daabacday sharikadda diyaaradaha ee Ethiopian airlines ayaa ahaa sida hoos ku qoran. 32 Kenyan 18 Reer Canada 9 Itoobiyaan 8 Shiinees 8 Talyaani 8 Ameerikaan 7 Faransiis 7 Ingiriis 6 Masaari 5 Jarmal ah 1 baasaboor Qaramada Midoobay watay 4 Hindi 4 Slovakia 3 Australia 3 Ruush 3 Sweden 2 Spain 2 Poland 1 Indonesia 1 Ireland 1 Rwanda 1 Sucuudiga 1 Soomaali 1 Serbia 1 Nepal 1 Nigeria 2 Morokaan 2 Israaiiliyiin 1 Biljim 1 Ugandhiis 1 Yemeni 1 Sudaniis 1 Togo 1 Muzambiik 1 Norway Source
-
Kampala (PP) ─ Madaxweynaha Uganda, Yuweri Musaveni ayaa mar kale ku goodiyay in ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya uu la baxayo haddii Midowga Afrika ay isku dayaan inay yareeyaan ciidamada Uganda ee xilligan ku sugan Soomaaliya. Yoweri Museveni ayaa sheegay inuu ku war-geliyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in dhammaan ciidamada ka jooga Soomaaliya oo ka badan 6,400 oo askari uu la baxayo haddii la isku dayo in la ciidamada Uganda la dhimo. Tallaabadn ayaa timid kaddib markii madaxweynaha Burundi uu ku hanjabay inuu ciidamada ka joogo Somalia la baxayo kulligood haddii aan la joojin tirada ciidamada Burundi ee ka baxaya Soomaaliya. “Waxay noo soo jeediyeen Golaha Ammaanka ee QM in tirada ciidankeenna aan dhinno, balse waxaan u sheegay inaan dhimayo, balse aan Soomaaliya kala baxayo dhammaan ciidamadeyda,” ayuu yiri Museveni. Sidoo kale, Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya uga sugan ay sii wada joogi doonaan Soomaaliya ama ay ka wada bixi doonaan oo aysan jiri doonin in qaarkood laga saaro Soomaaliya. Dhanka kale, Museveni ayaa xusy in Muqdisho iyo meelaha kale ee ay kaga sugan yihiin Somalia ay amnigooda sugaan ciidamadiisa iyo kuwa kale ee ka soda Midowga Afrika, ayna danta ugu weyn ugu jirto Soomaaliya, balse aysan dani ugu jirin dalalka ay ciidamadu ka socdaan. “Ciidamada ku sugan Soomaaliya waxay sugaan amniga, waayo dowladda ka jirta Soomaaliya ma ahan mid awoodi karta inay amnigeeda sugto, taasina waa mid caddeynaysa inaan laga maarmnin ciidamadeenna,” ayuu hadalkiisa ku daray Museveni. Xukuumadda Uganda ayaa ahayd dowladdii ugu horreysay oo ciidammo ka socda dalkeeda keenta Muqdisho si ay uga qayb-qaataan sugidda amniga xilligaas oo ay dalka ka jireen colaado ragaadiyay dhismaha dowladnimada Soomaaliya. Ugu dambeyn, Xukuumadda Burundi ayaa awxay horay ugu hanjabtay inay la bixi doonto dhammaan ciidamadeeda ka tirsan AMISOM, haddii iyaga oo keliya lagu khasbo inay 1,000 askari la baxaan. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Uganda oo ku hanjabay inuu la baxayo Ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, ahana Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha, Axmed Cilmi Cismaan ayaa maanta oo Axada daah-furay shir looga hadlay abaaraha ka jira degaannada Puntland. Shirkan waxa madaxweyne ku xigeenka ku wehelinayey guddiga abaaraha oo ka kooban wasiirada wasaaradaha, Deegaanka, Beeraha iyo Is badalka Cimilada, Arimaha Gudadaha, Faderaalka iyo Dimuqraadiyadda, Xanaanada Xoolaha, Caafimaadka, Qorshaynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Tamarta Biyaha iyo Macdanta iyo Hay’adda HADMA, waxaa sidoo kale goob joog ahaa shirka mas’uuliyiin ka socday hay’addaha caalamiga ah. Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shirka ka sheegay in degaannada Puntland ay ka jirto abaar baahsan oo soo laa-laabatay waxaana ki dhawaaqay qeyla-dhaantii ugi dheereyd in hadda loo isu taago sidii dhulka abaartu ka jirto wax loogu qaban lahaa. “Waxaan halkaan kaga dhawaaqayaa in abaar ay ka jirto Puntland, qaylo dhaantii ugu dheerayd baan maanta dirayaa, hay’addaha maxalliga iyo kuwa caalamiga ah, ganacsatada, cidkasta oo ka qayb qaadan karta, ilaahay waan baryaynaa, waxaan rajayn in shaqadu sidii hore ka duwanaato iyo dedaalku” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland. Ugu dambayntii madaxweyne Ku-xigeenka Puntland wuxuu sheegay in dowladda Puntland doorkeeda ka qaadanayso, loona baahan yahay inaan loo kala harin gurmad la gaarsiiyo shacabka Puntland ee abaaruhu saameeyeen. PUNTLAND POST The post Puntland oo ku dhawaaqday qayla-dhaan abaareed appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka qayb-galay AaS Qaran oo Muqdisho loogu sameeyay wasiirkii dastuurka DF C/raxmaan Xoosh Jabriil. Marxuumka oo maalin ka hor ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa maanta maydkiisa la keenay Muqdisho, iyadoo gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho lagula tukaday salaaddii Janaasada, taasoo goobjoog ay ka ahaayeen qaar ka mid ah culummada Soomaaliyeed, kuwaasoo uu ka mid ahaa Sheekh Maxamed Ibraahim Keynyaawi oo Soomaaliya ku sugnaa xilliyadii ugu dambeeyay. Ra’iisul Wasaare Khayre oo aaska ka hadlay ayaa sheegay in marxuumka uu tusaale u ahaa la dagaalanka musuqmaasuqa iyo sidoo kale inuu u ahaa hormuud in dalkan uu ka baxo colaadaha uuna u gudbo dowladnimo loo dhan yahay. “Wuxuu marxuumku tusaale u ahaa sidii wadanku uu ku gaari lahaa heerka dowladnimada, waxaana uu ahaa shaqsiyaadka sida weyn uga soo horjeeda musuq-maasuqa, runtiina waa mid aan ku ammaanayo,” ayuu yiri Khayre. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in wasiirka uu hadda ka hor u soo diray khudbad madaxweyne Mareykan ah oo hadalaya, taasoo erayadii ku jiray ka mid ahaa buu yiri in meel walba oo aad tagto aadan noqonayn dadka ku nool, balse uu waddankaagu ku huran yahay marka ugu dambeysa. Dhanka kale, Aaska marxuumka ayaa waxaa hadallo kala duwan ka jeediyay xubno ka tirsan baarlamaanka iyo culummada, waxaana ay sheegeen wixii ay ka yaqaaneen marxuumka geeriyooday oo ay sheegeen inuu dadaal weyn uug jiray sidii loo dhameystiri lahaa dastuurka dalka. Ugu dambeyn, Marxuumka ayaa waxaa aaskiisa ka qayb-galay xubno ka mid ah ehelladiisa, kuwaasoo isugu jiray rag iyo dumar, waxaana marxuumka uu ka mid ahaa wasiirradii ugu firfircoonaan xukuumadda hadda jirta. PUNTLAND POST The post Wasiirkii Arrimaha Dastuurka DF oo Aas Qaran loogu sameeyay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
بسم الله الرحمن الرحىم الحمد لله و الصلاة و السلام علي رسول الله الي السيد الرئس لجمهورية صومالاند الديمقراطية. السلام عليكم و رحمة الله و بركاته و بعد: قال الله تعالي ” يايها الذين أمنوا كونوا قوامين لله شهداء بالقسط و لا يجرمنكم شنئان قوم علي ألاتعدلوا أعدلوا هو أقرب للتقوي و أتقوا الله ان الله خبير بما تعملون” صدق الله العظيم” علي كل رئيس مسلم ألأمتثال الكامل بهذه ألأوامر ألألهية لئلا تكون عاقبته و خيمة. هل العلاقات الثنائة بين جمهورية أرض الصومال و دولة ألأمارات تدخل في نفق مظلم؟ فى فبراىرسنة 2017 تمت ألأتفاقية بين جمهورية أرض ألصومال و دولة ألأمارات المتحدة تعطى دولة ألأمارات حق ألأمتياز فى: 1.أنشاء قاعدة عسكرية في بربرا 2.تكليف مواني دبى العالمية بتشغيل ميناء بربرا تمويل مشروع بربرا كوردور 4.تقديم مساعدة لبلورة البنية التحتية لجمهورية أرض الصومال بما فيها التنمىة في مجالات الزراعية و الصحة والمياه. أعطيت دولة ألأمارات حق التميىز مقابل دفع رسوم سنوية لجمهورية أرض الصومال و التي , مع ألأسف, لم تطهر في ميزانيتي 2018 و 2019 يبدوا ان دولة ألأمارات لم تسدد الرسوم السنوىة لسبب تأثرها بمحاولات وادعاءات مقدشو الفاشلة بأن جمهورية أرض الصومال جزؤ لا يتجرأ عن جمهورية الصومال. أم ان التصالح ألأثيوبي ألأرتري قد شغف دولة ألأمارات حبا لتبديل تشغيل ميناء بربرا الي تشغيل ميناء عصب ألأرترية لتجنب من ادعايات مقدشو الغرامية الجنونية حسب ما يتردد في الاوساط ألأعلامية. فان كانت تلك هي الحقيقة فمادا يكون مصير القاعدة و بربرا كوردور والمساعدات ألأخري كون ألأتفاقية من منظور الشعب هي عبارة عن حزمة و احدة لا تتجزأ عن بعضها البعض. سيد الرئيس , ما مدي معرفة دولة ألأمارات عن جمهورية أرض الصومال تاريخا و بشريا؟ 1.هل تعلم ان جمهورية أرض الصومال أول بلد نال أستغلاله و أنضم الي الصومال بمحض أرادته بدون شرط و لا قيد لتكون المثل ألاعلي لوحدة البلدان الصومالية الخمسة. و هل تعلم دولة ألأمارات كم كلفت ارض الصومال لأستعادة سيادته من احدى اشرس و اقوى جيش فى القارة السمراء. و ربما لا يصدقون ان فيضانات الموسمية تسبب أخراج أموات مكبلة بعد ثلاثين سنة من أنتهاء حرب التحرىر. 3.و هل تعلم دولة ألأمارات أن جمهورية أرض الصومال تدخل عامها الثلاثين حيث قامت بتنظيم خمسة انتخابات عامة ( قارن بقدشو ألتي لا محل لها من ألأعراب) و هل تعلم دولة ألأمارات ان جمهورية أرض الصومال قد ساهمت علي تأسيس دولة ألأمارات العربية المتحدة علي يد أبنها عمر عرته غالب عندما كان رئسا للوزراء. 5.و هل تعلم دولة ألأمارات أن شعب أرض الصومال كان يساعد المملكة العربية السعودية بارسال لهم زكات اموالهم ( شحنات من المواشي الحية) قبل أن تم الله بنعمته عليهم و حولهم من أفقر بشر الي أغني بشر ولله الحمد و المنة. أضف الي ذالك أن التجارة بين البدين تفوق البلاين من الدولرات ألأمريكية سنويا و مند زمن بعيد. لمذا أختار الله الشعب الخليجي بدون أستثناء من أغني ألأمم علي وجه ألأرض؟؟ كما ان الله أختار ان تكون مكة المكرمة مهبط الوحى وقبلة المسلمين. أليس قول الحق تبارك و تعالي(..….وأن خفتم عيلة فسوف يغنيكم الله من فضله ان شاء ان الله عليم جكيم) دالا علي ما ألت اليه ألأمة ألأسلامية اليوم من التمزق و التشتت واتباع المشركين بغض النظر عما أنعم عليهم من النعم . فهذه الثروات الهائلة التي يستفيد منها المشركون لا بد ان يستفيدها المسلم الفقير بدرجة ألأولي لأستثمارها علي تطوير البنية التحتية لبلدان ألمسلمين حفاظا علي انماء و تقوة عقيدتهم وتماسكهم و ترابطهم كما جاء في الحديث ( مثل المؤمنين في توادهم و تراحمهم وتعاطفهم كمثل جسد واحد اذا اشتكي منه عضو تداعي له سائر الجسد بالسهر و الحمي) . كأن هذا الحديث مزروع في قلوب المشركين أكثر مما هومزروع في قلوب المسلمين. المشركون تعودوا علي توزيع الصدقات علي جميع البلدان المسلمين بشكل هيئات تساعد القروين علنا و تبشيرية ملفوفة من تحت الطاولة. فلو كلن المسلمون صفا واحدا كما جاء في الحديث النبوي لم تتمكن تسلل التبشيرية الي قلوب المسلمين. سيد الرئس , مما كلف جمهورية جيبوتي بألغاء معاهدة دورالي يشمل(1) بمساس دولة ألأمارات بسيادة جمهورية جيبوتي (2) التباطؤ ألأماراتي في تسديد ألتزاماتهم تجاه جمهورية جيبوتى خلال 14 سنة. نرجوا ان لا يكون مثل هذا الخلاف بيننا. ألخلاصة: سيد الرئس , نرجوا من أخواننا دولة ألأمارات ألمتحدة التمعن و التعمق في مستوي هذا الشعب وتاريخه الحضاري و شهامته و بطولاته النضاليه و حبه للمسلمين مع قلة أمكانياته كما نرجوهم أن يفهموا فهما غير متردد لا يساوره أدني شك أن سيادة واستغلال هذا البلد غير قابل لنقاش حتي و لو طلعت الشمس من مغربها. و بدون اي مبالغة فنحن شعب اكرمهم الله بعقيدة راسخة وأتباع سنة خلافائه الراشدين معتمدا علي الله في رخائه و شدته و بهذا ربما نكون أفضل من غيرنا و لله الحمد والشكر. و مهما تكون المحادثات بين أ رض صوملاند و الصومال, التي لا تزال علي سفينة عائمة بل ربما غارقة, والتي تبدل اقصي مجهوداتها بتجويع شعبنا (شعب أرض الصومال) فلا احد يستطيع ان يمس هذه الأتفاقية ( بيننا و بين ألأمارات) باأقل أذي. سيد الرئس , فلتكن لذي دولة ألأمارات العربية ألمتحدة الثقة الكاملة بالشعب صومالاند وبسياساته العرفية الحكيمة وبحضاراته العريقة وببطولاته النضالية وان لا يتاثروا علي الاطلاق كلام حكام مقدشوالذى لا يقدم ولا يأخر. يريد الشعب (شعب صومالاند) ألأعتراف الداخلي قبل ان يأتي ألأعتراف الدولي و ذالك ببذ ل جميع المجهودات على بنية التحتة بأعتماد أنفسنا أولا وبمساعدات ألأماراتية المعلنة ثانيا. و في النهلية فلا شك ان ألأتفاقية ربط يلزم كل الطرفين بألتزام تنفيد نصوصه. و بالله التوفيق. اللهم اجعل بلدنا هذا بلدا أمنا مطمئنا رخاء و سائر بلاد المسلمين. حسين أسماعيل يوسف ( نائب برلماني) 252634224409 Husseiniy.ismail@gmail.com Qaran News
-
British teenagers are being sent by their parents to Somalia, itself recovering from a series of terror attacks, because of concern that the police cannot protect them from knife crime. Representatives from north London’s Somali community say hundreds of children have been flown to Somalia, Somaliland and Kenya because of rising concerns over drug gangs and county lines, the criminal networks that use children to transport drugs from cities to the provinces. In a series of interviews, Somali mothers who arrived in London after fleeing their country during its 1990s civil war told the Observer that many of their sons had asked to leave the UK because of drug gangs and the threat of violence. Rakhia Ismail, Islington deputy mayor, said: “Sending them away has become the only way they can be safer. This issue of safety has been repeatedly raised by the community but nobody has listened. So many children have gone abroad. Two weeks ago, there was a stabbing and a child was taken back home two days later.” The revelations follow a week of heated debate over the causes of and potential solutions to Britain’s knife crime epidemic. Seventeen people have died after attacks in London alone since the start of 2019. On Saturday, there were reports that three people were in hospital after an attack at a nightclub in Birmingham, a city reeling from three knife fatalities within days last month. And a 15-year-old boy was charged with murder after the stabbing of 17-year-old Ayub Hassan, in west London, on Thursday afternoon. The supermarket Asda made a surprise intervention on Saturday into the issue, announcing that it will stop selling single kitchen knives. The high levels of violence facing parts of British society are evident in the testimony of Islington’s sizeable Somali community. Representatives say 50-70% have been directly affected by county lines and knife crime. Sadia Ali, treasurer of Islington Somalia Forum and founder of Minority Matters, said: “Hundreds of youngsters have been taken to Somalia, Somaliland and Kenya, some taken all the way to the rural areas. Parents feel they have no choice if they want their son to be safe.” Ali, a mother of seven, sent her 15-year-old son to Somalia to protect him from gangs and said many of her friends now have children on two continents. Another 15-year-old son was recently sent to Somalia after his friend was stabbed to death in Islington and he was told “you next”. Recently, Somalia has suffered a number of terror attacks. A car bomb in the capital, Mogadishu, killed seven people and wounded several others on Thursday, following. It followed another the week before which killed 29 people. On Friday, a north London Somali mother flew to Mombasa, Kenya, to dissuade her 19-year-old son from returning to the UK after gangs asked him to return: “I am very scared what the gangs will do if he comes home.” A man appeared in court on Saturday charged with the murder of Jodie Chesney, 17, who was knifed in the back near a children’s playground in Harold Hill, Romford, east London, on 1 March. Manuel Petrovic, 20, was remanded in custody after appearing at Barkingside magistrates court. Source: The Guardian
-
President Yoweri Museveni has threatened to withdraw his country’s forces from the peacekeeping mission in Somalia if the United Nations insists on reducing the number of troops on the mission. Due to declining and irregular funding, the UN Security Council, in Resolution 2372 of 2017, proposed a phased drawdown of peacekeepers in Somalia with a full pullout by 2020. The Ugandan president, who has recently become critical of the UN, said he had personally informed the Security Council that Uganda would withdraw its 6,400 contingent from Somalia if it is forced to scale down. This comes after Burundi’s Pierre Nkurunziza threatened to pull out of Amisom if the funders of the mission insist that Bujumbura recall its 1,000 soldiers. Mr Museveni, while addressing a high-level meeting of ministers in charge of refugees in the Great Lakes Region in Kampala on Thursday, said the Security Council’s move was a “total lack of seriousness” to the task of flushing Al Shabaab out. “They recommended I should reduce the number of soldiers but I will not reduce even a single one, unless I take all of them out of Somalia,” Mr Museveni said. Uganda is the largest troop-contributing country to Amisom, with more than 6,400, of the total 21,626 soldiers. The troop-contributing countries have said that this number is smaller than what is required to fully pacify Somalia and have been advocating a troop surge instead. Mr Museveni told the High Level Ministerial Meeting of Ministers in charge of Refugees in the Great Lakes region at Munyonyo in Kampala that his efforts to convince UN secretaries general Ban Ki-Moon and his successor António Guterres were rebuffed. Change of heart? “Because the numbers are small, we are only in urban centres and streets while Al Shabaab is taking over the countryside,” he said. Mr Museveni becomes the second leader of a troop contributing country to threaten a full withdrawal instead of a scale-down after Mr Nkurunziza, who believes that his country is being targeted by the EU. Burundi insists that withdrawal should be done uniformly by all troop-contributing countries. Burundi’s Defence Minister Emmanuel Ntahomvukiye said last month that his country would withdraw all its soldiers from Amisom if the AU does not reconsider an order to withdraw 1,000 troops from the Shabelle region. Burundi’s threat was triggered by an announcement by the AU that it would cut 1,000 troops by February 28, 2019, in line with the new Amisom operations blueprint known as the Concept of Operations (ConOps). Under ConOps, some operating bases are to be reconfigured and others closed as troop numbers fall. It is not yet clear whether both the UN and AU will have a change of heart in scaling down the Amisom after the threats by these two countries. But there are fears that it could give Al Shabaab an added advantage to rebuild, recruit and restructure. The insurgents have on many occasions regained control over areas that have been vacated by Amisom and it is from here that they launch attacks on the capital Mogadishu and neighbouring countries. Some analysts, however, say that the money the troop-contributing countries receive could be the reason for their resistance to the drawdown. According to President Museveni, pulling the peacekeeping force out of Somalia should be done after the host country has built a strong enough army to defend itself. The challenge here is that Mogadishu has no money to build a large army but Mr Museveni, himself a former rebel, thinks payments can wait if the government considers recruiting volunteer patriotic nationals willing to liberate their country. View the full article
-
Adis Ababa (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxaya magaalada Bishoftu oo 60km u jirta caasimadda Itoobiya ee Adddis Ababa ayaa sheegaya in aysan jirin cid ka badbaaday shilkii diyaaradda ee saakay halkaas ka dhacay. Gaadiidka gurmadka degdega ah ayaa goobta kusii wajahan, iyada oo dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in ay maqleen qarax aad u weyn, meeshana uu ka dhashay holac la damin la’yahay. Dadka diyaaradda saaran ayaa u kala dhashay 33 jinsiyadood, balse weli lama hayo diiwaanka magacyada, inta lab ah iyo inta dhedeg ah, iyo waliba carruur. Diyaaradda oo ah Boeing 737 ahna nooca rakaabka qaada ayaa burburtay xilli ay u kala gooshaysay magaalooyinka Addis Ababa iyo Nairobi. Dadka Dhintay ayaa waxaa ku jiro sarkaal ka tirsanaa Xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Cabdishakuur Maxamed Shahaad oo ka tirsanaa Hab Maamuuska Xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa ku geeriyooday Diyaaradda. Cabdishakuur ayaa ka imaaday Sweden, wuxuuna Transit ku ahaa dalka Itoobiya oo uu doonayey inuu kaga sii gudbo Magaalada Nairobi oo ay ku wajahneyd diyaaradda Burburtay. Wuxuu doonayey inuu Xamar kusoo laabto marka uu soo dhameysto howlo shaqo oo uu u adaayey Dalka kenya. Sida ay Xaqiijisay Itoobiya Liiska waxaa Soomaaliya kaga jiro illaa halkaan qof oo ka tirsanaa Xafiiska Ra’isul wasaaraha inkastoo ay macquul tahay inay ku jiraan Soomaali kale oo heysato dhalashada wadamo kale. Qoyska Cabdishakuur ayaa sheegay in wiilkooda uu raacay Diyaaradaas balse mar aan la xiriirnay Xafiiska Ra’isulwasaaraha ayaa sheegay inaysan hadda ka hadli karin dhimashada Cabdishakuur illaa ay si rasmi ah Ethiopian Airlines kaga soo bandhigeyso magacyada dadkii saarnaa Diyaaradda. Haddaba halkaan hoose ka akhriso Liiska Wadamada dadkii Dhintay 32 Kenyans 18 Canadians 9 Ethiopians 8 Italians 8 Chinese 8 Americans 7 British 7 France 6 Egyptians 5 Holland 4 Indians 4 Slovakia. 3 Austrians 3 Swedes 3 Russians 2 Moroccans 2 Spain 2 Poland 2 Israel 1 Belgium 1 Indonesia 1 Somalia 1 Norway 1 Serbia 1 Togo 1 Mozambique 1 Rwanda 1 Sudan 1 Uganda 1 Yemen Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa caasimada@live.com
-
Xoggo & Wararkii u dambeeyay ee diyaarada Ethiopian Airlines ee burburtay Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxaya magaalada Bishoftu oo 60km u jirta caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegaya in aysan jirin cid ka badbaaday shilkii diyaaradda ee saakay halkaas ka dhacay. Gaadiidka gurmadka degdega ah ayaa goobta kusii wajahan, iyada oo dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in ay maqleen qarax aad u weyn, meeshana uu ka dhashay holac la damin la’yahay. Dadka diyaaradda saaran ayaa u kala dhashay 33 jinsiyadood, balse weli lama hayo diiwaanka magacyada, inta lab ah iyo inta dhedeg ah, iyo waliba carruur. Diyaarada ayaa waxaa ku dhintay dad gaadhaya 157 ruux, oo 8 kamid ah ahaayeen shaqaalaha diyaaradda. War ka soo baxay shirkadda Eithiopian Airlines ayaa lagu xaqiijiyay in aysan jirin qof ka badbaadey shilka diyaaradeed, islamarkaana ay dhinteen dhamaan dadki saarnaa oo kasoo kala jeeda 33 dal. Diyaaradda oo nooceedu ahaa Boeing 737 ayaa ku dhacday meel u dhaw magaalada Bishoftu oo 60-KM u jira magaaladda Addis Ababa saacaddu markii ay ahayd 8:44 daqiiqo waqtiga Geeska Africa . Diyaaradda ayaa kasoo duushay Garoonka diyaaradaha Bole International Airport 8:38 subaxnimo, iyadoo lumisay xidhiidhka Isgaadhsiinta kahor inta aysan burburin 6 daqiiqadood kadib markii ay hawada gashay. Ra’iisul Wasaaraha Eithiopia Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka hadlay shilka diyaaradeed, iyagoo tacsi u diray eheladda ay dadkooda ku dhintay musiibadda. Illaa hadda lama shaacin sababta ka dambeysa burburka diyaaradda, balse Shirkadda Eithiopian Airlines ayaa sheegtay inuu socdo baadhitaan, islamarkaana ay u dirtay goobta Koox khubarro ah. Halkan hoose riix Abiy Axmed oo…………. Office of the Prime Minister – EthiopiaVerified account @PMEthiopia FollowFollow @PMEthiopia More The Office of the PM, on behalf of the Government and people of Ethiopia, would like to express it’s deepest condolences to the families of those that have lost their loved ones on Ethiopian Airlines Boeing 737 on regular scheduled flight to Nairobi, Kenya this morning .Liiska Jinsiyadaha Dalalkay ka soo jeedaan dadka ku dhintay. Liiska ay daabacday sharikadda diyaaradaha ee Ethiopian airlines ayaa ahaa sida hoos ku qoran. 32 Kenyan 18 Reer Canada 9 Itoobiyaan 8 Shiinees 8 Talyaani 8 Ameerikaan 7 Faransiis 7 Ingiriis 6 Masaari 5 Jarmal ah 1 baasaboor Qaramada Midoobay watay 4 Hindi 4 Slovakia 3 Australia 3 Ruush 3 Sweden 2 Spain 2 Poland 1 Indonesia 1 Ireland 1 Rwanda 1 Sucuudiga 1 Soomaali 1 Serbia 1 Nepal 1 Nigeria 2 Morokaan 2 Israaiiliyiin 1 Biljim 1 Ugandhiis 1 Yemeni 1 Sudaniis 1 Togo 1 Muzambiik 1 Norway Qaran News
-
image.png Sida ku qoran bogga 3aad ee buugga “The last Sorcerers from Alchemy to periodic table” ee la daabacay sannadkii 2003-dii, inkasta oo ay khaldanayd aragtida ah in walxaha dunida yaallaa ay idil ahaan ka samaysan yihiin afar curiye – Dab, Biyo, Camuud iyo Hawo – haddana reer Yurub waxa ay aragtidan aaminsanaayeen in ka badan labaatan qarni iyo badh (2500 oo sannadood). Waa aragtidii ugu wakhtiga dheerayd ee iyada oo khalad ah haddana lagu sii dhegganaa, iyada oo ku dhegganaanta aragtida khaldan looga dhaadhacay gefaf ka waaweyn sida in ay Reer Yurub u hoggaamisay in ay raadiyaan “Dhagaxa Faylasuufka” iyo “Biyaha nolosha” oo labaduba ahaayeen been ay raadinteeda wakhti badan ku lumiyeen, dedaal xooganna ku khasaariyeen. Yeelko e aragtida afarta curiye waxa halkeeda lagaga dhaqaaqay qarnigii 18aad kolkii la helay qaar badan oo ka mid ah curiyayaasha aynu maanta naqaanno oo uu ugu horreeyey curiyaha Fosforos (Phosphorus). Inkasta oo curiyahan la helay qarnigii 17aad, haddana waxa uu ahaa curiyihii koowaad ee lagu helay dariiqo aqoonaysan (Experimental Procedure), xadhiggana ka jaray jidka lagu soo helay idil ahaan curiyayaasha kale oo dhan. Sidaas si la mid ah ayaa aragtiyo badan oo khaldanaa inta ay doontaba ha ku qaadato in lagu ogaado khaldanaantooda e uu Saynisku uga guuray, illaa welina kama ay dhammaan Sayniska gudihiisa aragtiyo weli khalad ah in la aaminsanaado oo iyagana mar uun salkooda la soo taaban doono. Guud ahaan sayniska waxa aan u kala jabin karnaa laba qaybood oo waaweyn, innaga oo ku salaynayna illaa xadka jiritaankiisa la hubo shayga: 1. Qayb run la taabtay ah: waa qaybta sayniska ah ee laboratory-ga lagu hubiyey jiritaankeeda sida unugga (cell), atamka, Bakteeriyada, Fayraska, iwm. Kuwani waa xaqiiqooyin uu saynisku taabtay oo aanu jiritaankoodu muran lahayn. 2. Qayb aragti ah oo aan weli la xaqiijin: qaybtan waxa ka mid ah aragtidii Daarwin ee horumarka noolaha (Evolution), aragtida nolosha iyo sida ay u bilaabmatay, aragtida qarixii weynaa iwm. Qaybtan marka xaqiiqadeeda uu Saynisku soo taabto laba midkood ayaa ay noqon doontaa; in ay rumowdo oo ay ku biirto qaybta hore ee xaqiiqooyinka sayniska ah iyo in ay beenowdo oo halkaas lagaga dhaqaaqo sida aragtidii afarta curiye ee aan kor ku soo sheegay oo kale. Sida aad arkayso, Qaraxa Weyni waxa uu ku jiraa qaybta Sayniska ah ee aragtida uun ku kooban ee aan weli la xaqiijin, khaladka koowaad ee durba soo muuqda ayaa ah in Qur’aanka oo ah kitaabka kali ah ee 100% ah run biyo-kama-dhibcaan ah lagu macneeyo shay aan weli la hubsan xaqiiqnimadiisa oo laga yaabo in uu hadhow beenoobo! Haddaba sidee ayaa uu Saynisku innoogu sheegay in uu qaraxani u dhacay? Maxaa sababay inuu dhaco? Sidee ayaa qaraxan dhiciddiisu ay u abuurtay dunidan? Bal saynisku ha innooga jawaabo, aniga oo ka soo xiganaya buugga caanka ah ee “Chemistry of the Elements” daabacaaddiisaa 2aad ee soo baxday sannadkii 2005-tii ee ay wada qoreen “N. N. Greenwood iyo A. Earnshow” bogga 1aad illaa 5aad. Nuxurkiisa aniga oo soo koobaya waxa uu yidhi buuggu: “Aragtida sida ballaadhan la iskugu raacsan yahay ee samaysanka dunida laga soo bilaabo aasaaskeedii illaa iyo maanta waa aragtida “Qaraxa weyn ee kulul”. Waxa laga soo qaaday in maatarka (the Matter) dunida yaalla oo dhani uu mar isku wada ahaa hal bu’ oo aad u culus oo aasaas u ahayd idil ahaan maatarka oo dhan (One primeval nucleus of immense dense) taasi oo cufkeedu ahaa qiyaastii 1096g/cm3, heer-kulkeeduna ahaa qiyaastii 1032K. Kulaylkaas aadka u sarreeyaa waxa uu sababay in uu qarxo maatarkii kali ahaa ee markaas jiray, waa qaraxii weynaa e, kaasi oo si siman dunida ugu qaybiyey maatarka maanta yaalla. Mar kasta oo uu wakhtigii qaraxa laga sii fogaado, waxa hoos u dhacayey heer-kulka maatarkan qarxay oo sababayey inuu qaboobo maatarkani. Markaas ayaa waxa aasaasmay afarta xoog ee dunida sameeyey – Xoogga cuf-is-jiidadka, xoogga birlab-danabeedka (electromagnetic force), xoogga awoodda badan ee bu’da (strong nuclear force) iyo xoogga itaalka yar ee bu’da (weak nuclear force) – afartan xoog oo midiba shaqo gaar ah qabtay, isu geynta shaqooyinkooda waxa ka aasaasmay bilowgii dunida maanta aynu joogno”. Intaas haddii aan buugga nuxurkiisa ku soo koobo, Saynisku waxa uu sheegay in Qaraxani dhacay 13.8 bilyan oo gu’ hortood, iyada oo uu saynisku male-awaalay in ay dunidu soo unkantay wakhtigaas. Sida kaaga muuqata, waxa jirta su’aalo badan oo aanay aragtidani ka jawaabin: Maxaa ka horreeyey Qaraxan Weyn? Halkee ayuu ka yimid maatarkan qarxay qudhiisu? Duni aanay jirin il ay tamari ka timaaddaa, halkee ayaa uu kulku ka yimid oo dabcan tamar ah? Si haddaba su’aalahan iyo boqollaal su’aalood oo kale jawaab loogu helo, waxa la sameeyey mishiin loogu magac-daray “Large Hadron Collider” oo ujeeddadiisa ugu weyni ay tahay in lagu tijaabiyo isla aragtidan Qaraxa Weyn runnimadeeda. Shabakadda Wikipedia sida lagu daabacay, mishiinkan oo noqonaya ka dunida ugu weyni waxa uu dhereran yahay 27-km, waxa laga dhisay xuduudka u dhexeeya Iswiisarlaan iyo Faransiiska, waxaana dhismihiisa ka qayb-qaatay in ka badan 10,000 oo ka mid ah saynisyahannada casrigeennan, iyo boqol waddan iyo boqollaal jaamacadood o caalamka ah. Dhismaha qalabkani waxa uu socday laga soo bilaabo 1998-kii illaa 2008-dii, iyada oo tijaabadii koowaadna la bilaabay sannadkii 2010-kii. Inkasta oo aan weli wax natiijo ah laga hayn tijaabadaas, haddana aragtida Qaraxa Weyni waa mid weli aragti uun ku kooban oo aan xaqiiq ahayn ama weli saynisku xaqiijin. Aayadda 30aad ee Suuradda Anbiyaa’ ayaa ah aayadda kali ah ee ay daliishadaan dadka ku dooda in Qur’aanka lagu sheegay Qaraxii Weynaa. Aayaddan kolka la macneeyo sida ku qoran kitaabka Ibnu Kasiir ee Tafsiirka, majallada 9aad waxa ay noqonaysaa: “Kuwa gaaloobay miyaanay arkayn in dhulka iyo cirku ay isku dhegganaan jireen oo aanu kala goynay”, qaybta hore ee aayadda waa intaas macnaheedu, waana inta loo daliishado Qaraxa Weyn. Maxaa ay ku kala duwan yihiin Aayaddani waxa ay sheegtay iyo Qaraxa weyn ee saynisku sheegay? Qur’aanku waxa uu sheegay in koonka qaybo ka mid ahi abuurnaayeen, kaliyana ay cirka iyo dhulku isku dhegganaayeen oo la kala furay, halka saynisku ka sheegay in Qaraxa Weyn hortii koonkuba aanu jirin oo kaliya xabbad maatar ah oo weyn ahaa, markii uu maatarkii qarxayna uu koonka aasaasankiisu halkaas ka bilaabmay. Waa kala duwanaanshaha koowaad, waana kala duwanaansho aad u weyn oo aan cidna ka qorsoonayn. Sida axaadiisi caddaysay kuna qoran buugga Alkamilu fi taariikh ee uu Ibnu Asiir qoray, biyaha ayaa ahaa waxyaabihii ugu horreeyey ee uu Ilaahay abuuray intii aanu dhulka iyo cirkaba abuurin. Biyuhu waxa ay ka samaysan yihiin labada curiye ee Haydarojiin iyo Ogsajiin, abuurkooduna waxa uu ka horreeyey ka hor intii aan cirka iyo dhulkaba Ilaahay abuurin oo ah in ay ka horreeyeen kala furankii cirka iyo dhulka. Halka uu saynisku sheegayo in curiyayaasha dunida yaallaaba ay samaysmeen Qaraxa Weyn kadib. Haddiiba uu kala furanka cirka iyo dhulka ay Aayaddu sheegaysaa ahaan lahaa Qaraxa Weyn ee saynisku sheego, waxa ay isku raaci lahaayeen in curiyayaashu aasaasmeen Qaraxa kadib laakiin immika halkaasna si aad ah ayey ugu kala duwan yihiin. Waana kala duwanaanshaha labaad oo aad u weyn. Saynisku waxa uu rumaysan yahay in afarta xoog ee aan kor ku soo xusay ay dunida abuureen, isaga oo mar walba diidaya in uu yidhaahdo Ilaahay ayaa dunida abuuray. Si kale, aragtida Qaraxa Weyn haddii aynu qaadanno, waxa ay dafiraysaa in Ilaahay koonkan abuuray iyada oo abuurka koonka siinaysa xoogag afar ah! Ka warran qofka yidhaahda aragti diiddan Ilaahay abuuriddiisa iyo jiritaankiisaba ayaa Qur’aanka lagu sheegay? Waa kala duwanaanshaha saddexaad, waana ka ugu weyn ee aan sinaba loo qaadan karin, sinaba aan suuragal uga dhigayn in Qur’aanka lagu sheego aragti sidan ah. Gebgabadii, Qaraxa Weyn Qur’aanka laguma sheegin, meelna kagama jiro, Aayadda loo daliishadaana waa aayad illaa xad ka duwan Qaraxa uu Saynisku sheego sida aan halkan ku caddeeyey. Qof wal oo Muslim ah oo ku khaldamay aragtidan Qaraxa Weyn oo meel khudbad kaga jeediyey in Qur’aanka lagu sheegay, ama buug ku qoray ama si kaleba u qiray ha ka toobad keeno, gefkaas waxa loogu cudur-daari karaa aqoon la’aantiisa, wixii dambe oo dhanna ha iska hubsado inta aanu Qur’aanka iyo Muqaddasaadka Islaamka la doonan. Haddii aynu Qur’aanka u afduubno Sayniska, Qur’aanku waa uu khaldamayaa oo hadba aragti aan la hubin ayaa aynu ku khasbi doonnaa in Qur’aanka lagu sheegay, hadhaw marka ay beenowdana uu weynidii Qur’aanka iyo xaqiiqanimadiisa shaki la gelin doonaa, haddii se aragtiyaha Sayniska ah lagu hubiyo Qur’aanka, Saynisku waa uu saxmi doonaa. Qore: Maxamed Sharma’arke Email: Sharmaake91@gmail.com Facebook.com/Maxamed Sharma’arke Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan DFS ayaa maanta ka qayb galay janaasada iyo aaska Qaran ee Muqdisho loogu sameeyay Allaha u naxariistii wasiirkii arrimaha dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, jimcihii geeriyooday. Allaha u naxariistii wasiirkii arrimaha dastuurka xukuumadda federaalka Soomaalya, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa lagu aasay Qabuuraha Isbitaal madiina Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Marxuumka Allaha uga baryay in uu u naxariisto, ayaa caddeeyay in uu xukuumaddiisa uu ka baxay mid kamid ah wasiirradii ugu kartida badnaa isaga oo ku sifeeyay Wasiir Cabdiraxaan Xoosh in uu ahaa halyaay qaran oo ay ku wayntahay Soomaalinimada, daacad ah, howl kar ah, ka maran musuq-maasuq, shaqo badannada geliyay qabya-tirka dastuurka iyo qoriddii dastuurka KMG ee hadda lagu shaqeeyo. Marxuum Xoosh oo dhashay 1956, ayaa waxbarashadiisa heer jaamaadeedna ku qaatay dalka Canada, ayaa xubin kasoo noqday baarlamaankii 9-aad, waxa uuna sidoo kale laba jeer noqday wasiirka Arrimaha Dastuurka, isaga oo hogaaminayay qoristii iyo dhameystirka Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ee la ansixiyay August 2012-kii. Halkan hoose ka Daawo Sawirrada:- View the full article