Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,644
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Addis-ababa) Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa goordhaw waxaa uu booqday degmadda Bishoftu oo 47-Km dhanka Koonfur bari kaga beegan magaalada Adis Ababa ee caasimada Ethiopia, halkaasi oo uu maanta ka dhacay shilka diyaaradeed. Abiy Ahmed ayaa sheegay in uu muruga la qeybsanayo ehalada dadkooda ku wayay burburka diyaarada Ethiopian Airlines, isagoo amar ku bixiyay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo sababta keenta shilkan diyaaradeed. Diyaarad rakaab ah oo ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlins ayaa nooceedu ahaa Boeing 737, waxaana ay siday149 ruux iyo sideed kamid ah shaqaalaha diyaaradda, iyadoo la xaqiijiyay inay dhammaantood geeriyoodeen rakaabkii. Sidoo kale war ka soo baxay Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa lagu sheegay inay wada geeriyoodeen 149-kii rakaabka ahaa iyo 8 shaqaalahi diyaarada ah, rakaabka ayaa la sheegay in ay ka soo kala jeedaan ilaa iyo 33 dal, kuwaasi oo kala ah 32-Kenyan ah,18-Qof oo u dhashay dalka Kanada,9-Ethiopian ah,8-dalka Shiinaha u dhashay,8-Mareynkanka u dhashay iyo 7-ruux oo muwaadiniin Britain ah. Source
  2. (SLT-Washington)Hay’adda dmabi Baadhista Mareykanka ee FBI-da ayaa su’aalo weydiinaysa labo ka mid ah saraakiisa Wasaaradda amniga gudaha Mareykanka. Labada qof ayaa lagu soo helay in ay farriimo ku daabaceen baraha bulshada, iyaga oo Ilhaan Cumar, oo ka tirsan aqalka Wakiilada Mareykanka, ku eedeynaya in ay soo qaadatay casharro argagixisanimo, sidoo kalena soo fariisatay dugsiyada argagixisada. Mid ka mid ah saraakiisha su’aalaha la weydiinayo waxaa lagu magacaabaa Leslie Derewonko, waxaana uu bartiisa baraha bulshada ku qoray “Kaliya may qaadan casharro argagixiso ee waxaa ay la fadhiisatay argagixisada waxna way la baratay waliba”. Qofka labaad ayaa farriinta uu soo dhiibay sarkaalkii hore ee faafiyay, waxaana labaduba beddeleen akoonnadii barta LinkedIn ee ay farriimaha ka soo geliyeen, si aysan u daba gelin hay’adaha dambi baarista. Hay’adda ICE ayaa sidoo kale sheegtay in ay baadhayso haddii farriimaha noocan ah ee dadka hay’adda u shaqeeya ay jebinayaan siyaasadda haya’ddooda. Todobaadyadii la soo dhaafay Ilhaan ayaa bartimaameed u ahayd Yuhuudda Mareykanka, xubnaha Xisbiga Jamhuuriga iyo qaar ka mid ah taageerayaasha Xisbiga ay ka tirsan tahay ee Dimuqraadiga oo ku weeraray hadal ay ka sheegtay Brack Obama. Source
  3. (SLT-Ankara)Wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka ayaa kasoo horjeestay go’aanka uu Turkigu dalkiisa uga eryay Saddex saxafi oo Jarmalka u dhashay. Heiko Maas ayaa sheegay in go’aankaasi uu ahaa “mid aan la aqbali Karin” uuna samaynayo ol’ ole kadhan ah arrintaas. Wariyeyaashaas ayaa la siiyey muddo 10 cisho ah oo dalka ay uga baxaan. Waxaana la rumaysan yahay in ay tahay markii ugu horraysay oo Turkigu uu diido in uu qaabilo saxafiyiinta ajaanibta ah. Arrintaas waxay dib usoo celisay walaaca laga qabo cabburinta uu Turkigu ku hayo saxaafadda xorta ah. Tobonaan saxafiyiin ah oo Turkiga u dhashay ayay dawladdu xabsiga dhigtay kuwaas oo lagu eedeeyey in ay xiriir la lahaayeen koox ay dawladdu la xiriirinayso afgambigii dhicisoobay ee dhacay bishii July ee 2016-kii. In kabadan 107,000 oo qof ayaa laga rukhseeyey shaqooyinka dawladda kuwaas oo lagu tuhunsan yahay in ay gacan saar la lahaayeen Fetullah Gülen, oo ah wadaad lagu eedeeyey in uu ka dambeeyey afgambigii dhicisoobay. Nin la taliye sare u ah madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa beeniyey in xukuumaddu ay cabburin ku hayso saxafiyiinta. Labo kamid ah saxafiyiintaas ayaa dalkaas ka baxay maanta oo Axad ah, halka midka kalena uu goor horeba tagay dalka Jarmalka. Saddexda wariye ayaa kala ah: Thomas Seibert, oo u shaqeeya wargayskaTagesspiegel. Jörg Brase, oo agaasime ka ah ZDF Halil Gülbeyaz, oo katirsan TV-ga NDR Mr Maas ayaa wargayska Tagesspiegel u sheegay “Haddii aanay jirin saxaafad war dhaliisha ma jirto dimuquraadiyad xor ah” “Waan sii wadi doonaa dadaalka ku aaddan in saxafiyiintu ay ka shaqeeyaan Turkiga ayagoon wax xayiraad ah la saarin.” Waxa uu sheegay in wasiirka arrimaha dibadda ee Turkigu uu ogyahay waxa Jarmalku uu doonayo. Dhanka kale, Mr Brase ayaa Radio lugo badan u sheegay in uu Iran ka shaqayn karo, balse aanu ka shaqayn Karin Turkiga oo xubin ka ah ururka Nato. Source
  4. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-10032019.mp3 View the full article
  5. OpWaxa Imaaraatka ku sugan Madaxweyneheenna mudane Muuse Biixi oo martiqaad rasmi ah ka helay madaxda dalkaas xukuma. Waxa xusid mudan in si heer sare ah loogu soo dhaweeyay dalka Imaaraatka. Sababtuna waxa ay noqonaysaa labada dal oo xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo; dhawaanna wada galay heshiisyo waawayn oo ay ka mid yihiin dekedda iyo madaarka Berbera; heshiiskaas oo lacag ahaan, wakhti ahaan iyo qaddiyad ahaanba muhiim u ahaa labada dal. Inkasta oo maalgashi caalami ahi uu yahay waxyaabaha u horseedi kara Somaliland koboc dhaqaale iyo ictiraaf caalami ah, haddana marka aad eegto madmadowga badan ee ku gedaaman heshiiskan; isbeddallada iyo iska-horimaadka madaxda Somaliland ee qodobbada heshiiska; fulin la’aanta iyo bilow la’aanta waxqabad muuqda ee DP World ee dekedda; waxa ay abuurayaan tuhunno iyo shakiyo ku aaddan sida ay heshiisyadaasi dalka horumar ugu soo kordhin karaan. Iyada oo la kala fikir duwanaan karo, haddana aragtidayda waxa aan ka filayay heshiisyadaas Imaaraatka arrimahan hoos ku qoran: Maadaama oo laba heshiis oo waaweyn aynnu galnay waxa ay ahayd in dalka dhaqaalihiisa iyo miisaaniyadda dawladdaba sare u kac ku yimaaddo, kaas oo si toos ah iyo si dadbanba looga dareemo dakhliga heshiisyadaasi dalka soo galinayaan. Tan iyo intii heshiisyadaas la galay oo dhawr sanno ah ma jirto dhaqaale toos uga soo gala miisaaniyadda iyo korodh dhaqaale oo laga dareemay dalka midnaba. Heshiisyadaasi waxa ay ahayd in ay ugu yaraan inoo jaraan in Imaaraatku xafiis diblomaasiyadeed ka furto Hargeysa, xafiiskaas oo inoo fududeeya dalkugalka Imaaraatka oo baasabboorkeenna lagu qaadanayo. Tani waxa ay fududayn lahayd in ganacsatadeenna, ardaydeenna, dadka xanuunsanaya iyo cid kasta oo hawl ka yeelata Imaaraatku ay si fudud u tagi kari lahaayeen. Tusaale ahaan, qof kasta oo baasabboor Jabuutiyaan ah sita dalkugal lagama rabo marka uu galayo Itoobiya, waayo heshiiska ay ku wada jiraan labada dal ee ay Itoobiya dekadda Jabuuti ku isticmaasho ayuu ka mid ahaa. Heshiisyadani waxa ay innagu kallifeen in aynnu khilaafaadka iyo dagaallada bariga dhexe si toos ah ula safanno Imaaraatka iyo xulafadiisa, marka laga hadalayo dagaalka Yeman iyo khilaafka kala dhexeeya Qadar labadaba. Laakiin taa beddelkeeda ma aynaan helin taageero diblomaasiyadeed, mid dhaqaale iyo mid xulufaysiba. Tusaale ahaan qaddiyaddeenna innagama ay taageerin; dhaqaale toos xulafadu inoo siisay ma jiro; xataa adhigeennii oo dhaqaalaheennu ku xidhnaa Imaaraatku suuqna inoo muu samayn, Sucuudiga inagalamuu hadlin, Suuq kalana inalama doonin. Xataa Xulafadaasi waxa ay inoo jari weyday in Xajka baasabboorkeenna lagu tago. Dekedda waxa loo ballaadhinayay suuqa Itoobiya oo xataa saami ayaa laga siiyay heshiiska. Laakiin ilaa iminka Itoobiya lagama hayo war cad oo ku aaddan sida ay u kordhinayaan isticmaalkooda dekadda, waxaana ay u muuqataa in aan qorshaheeda mustaqbal ugu jirin in ay si buuxda u isticmaasho dekadda Berbera. Markaa miyaanay noqonayn dekedda Berbera in ay kala soo degto uun wixii saanad ciidan ah ama alaabta dawladdu leedahay ee aan loo baahnayn in la baadho iyo wixii deeqaha caalamka ah? Marka Itoobiya oo aynnu dekadda u ballaadhsanaynay ay Casab, Jabbuuti iyo dekado kale mudnaanta siiso, miyaan arrinkeennu noqonayn quud aan jirin qoryo u guro! Imaaraatka iyo shirkadihiisu waxa ay ahayd in heshiisyadooda; shaqadooda iyo mawqifkooduba uu mid cad ahaado. Waxa aan rejaynayay in maadaama DP World ay tahay shirkad caalami ah in xisaabtooda iyo shaqadooduba ay ahaadaan qaar daahfuran oo cid kasta oo u baahan ay heli karaan, arkina karaan. Laakiin taasi waxa ay noqotay mid aan muuqan. Tusaale ahaan, waxa ceeb ah in muddo labo sanno iyo dheeraad ah oo ay DP World dekadda gacanta ku haysay laga waayo wax xisaabxidh ah iyo weliba in xukuumaddu si cad u sheegto in lacagtii ay miisaaniyadda ku daraysay DP World la sii amaahday. Waxa aan filayay Imaaraatku in ay mashaariic horumarineed dalka ka fulin doonaan, waliba sannadaha ugu horreeya ee maalgalintooda – si dadka iyo dalkaba looga aamino. Sidoo kale, waxa aan filayay in Imaaraadku deeqo waxbarasho siin doonaan ardayda dhammaysatay heerarka kala duwan ee waxbarashada iyo in ay shaqaalaha dawladda siiyaan tababarro iyo aqoon-korodhsi ku saabsan dawladnimada iyo maamulkeeda. Waxa aan sidoo kale ka filayay in ay ina siin doonaan taageero la mid ah taakulada aan gabbashada lahayn ee Turkiga iyo Qadar la garabtaagan yihiin walaaladeenna Soomaaliya. Mise tolow innaga Carabkeennuna waa Saalax Baaxuur! Guntii iyo gebagebadii, waxa aan rejaynayaa in socdaalka madaxweynaha ee Imaaraatku uu qodobbadaas aan soo sheegay wax ka qaban doono, filashada shacabkana ka jawaabi doono. Haddii kale, waxba kama duwanaanayo socdaalladii hore ee lagala iman jiray ‘si meeqaam sare ah ayaa la noo soo dhoweeyay iyo socdaalkayagii is-afgarasho ayuu ku soo dhammaaday’. Horumarka dhabta ahi waa ka ay bulshadu dareento. Cabdifataax Rashiid Maxamed Email: crm661@gmail.com Twitter:@Abdifatah2R Hargeysa, Somaliland. Qaran News
  6. (SLT-Nairobi)Kenya ayaa garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ka samaysay xarun gaar ah oo ay ka maamusho xogta ku saabsan shilka diyaaradda Ethopian Airlines ee saacado ka hor ku burburtay dalka Itoobiya xilli ay kusoo jeeday magaalada Nairobi. Wasiirka gaadiidkaa ee Kenya James Macharia ayaa sheegay in qaraabada, ehelada iyo saaxiibada dadkii saarnaa diyaaradda ay u sameeyeen xarun gaar ah oo qofka uu ka heli karo xogta rasmiga ah ee ku saabsan shilka iyo qofkii uu raadinayay. Wasiirka ayaa xaqiijiyay shilka dhacay, balse waa uu ka gaabsaday faahfaahin dheeraad ah, balse wuxuu sheegay in heegan la galiyay dhammaan agabyada gargaarka caafimaadka si durba loo maamulo haddii dhaawacyo la keeno. Dadkii saarnaa diyaraada Itoobiya ayaa u kala dhashay 33 jinsiyadood Source
  7. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Cabdishakuur Shadaad. Marxuumka oo kamid ahaa howlwadeenada xafiiska Khayre ayaa ku dhintay shilkii diyaaradeed ee ka dhacday Itoobiya. Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo dhammaan bahda xafiiskiisa waxay tacsi u dirayaan eheladii uu ka baxay marxuum Cabdishakuur Maxamed Shahaad oo kamid ahaa howlwadeennada xafiiska RW. Marxuumku waxa uu kamid ahaa dadkii ku geeriyooday diyaaradda @flyethiopian ee maanta dhacday — SomaliPM (@SomaliPM) March 10, 2019 Inta la xaqiijiyay 157 ruux oo gabigooda ahaa rakaabkii saarnaa diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa ku dhintay shilka oo dhacay saaka. View the full article
  8. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Wakiillada JSL Ka Dhiidhiyey Xadhkaga Internerka Ee Kootada Loogu Xidhay Shirkadda Somcable, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. (SLT-Ankara)-Wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka ayaa kasoo horjeestay go’aanka uu Turkigu dalkiisa kaga eryay Saddex saxafi oo Jarmalka u dhashay. Heiko Maas ayaa sheegay in go’aankaasi uu ahaa mid aan la aqbali Karin aanu samaynayo olole kadhan ah arrintaas. Wariyeyaashaas ayaa la siiyey muddo 10 cisho ah oo dalka ay uga baxaan. Waxaana la rumaysan yahay in ay tahay markii ugu horraysay oo Turkigu uu diido in uu qaabilo saxafiyiinta ajaanibta ah. Arrintaas waxay dib usoo celisay walaaca laga qabo cabburinta uu Turkigu ku hayo saxaafadda xorta ah. Tobonaan saxafiyiin ah oo Turkiga u dhashay ayay dawladdu xabsiga dhigtay kuwaas oo lagu eedeeyey in ay xiriir la lahaayeen koox ay dawladdu la xiriirinayso afgambigii dhicisoobay ee dhacay bishii July ee 2016-kii. In kabadan 107,000 oo qof ayaa laga rukhseeyey shaqooyinka dawladda kuwaas oo lagu tuhunsan yahay in ay gacan saar la lahaayeen Fetullah Gülen, oo ah wadaad lagu eedeeyey in uu ka dambeeyey afgambigii dhicisoobay. Nin la taliye sare u ah madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa beeniyey in xukuumaddu ay cabburin ku hayso saxafiyiinta. Labo kamid ah saxafiyiintaas ayaa dalkaas ka baxay maanta oo Axad ah, halka midka kalena uu goor horeba tagay dalka Jarmalka. Saddexda wariye ayaa kala ah: Thomas Seibert, oo u shaqeeya wargayskaTagesspiegel. Jörg Brase, oo agaasime ka ah ZDF Halil Gülbeyaz, oo katirsan TV-ga NDR Source
  10. Muqdisho (SMN) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyeysay shilkii diyaaradeed ee ka dhacay dalkaasi Itoobiya, kaasi oo saameyn ku yeeshay dad rakaab ah oo ka soo kala jeeda dalal kala duwan oo uu ku jiro muwaadin Soomaaliyeed. “Waxa aan dareenka la qeybsanaynaa qoysaska iyo shaqsiyaadka ay saameysay dhacdadan masiibadada ah,“ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si hagar la’aan ah u garab taagan tahay Shacabka iyo Dowladda Itoobiya oo ku jira xaaladan adag Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa galabta booqday goobta uu ka dhacay shilka diyaaradeed ee nawaaxiga Degmadda Bishoftu oo 47-Km dhanka K/bari kaga toosan magaalladda Addis Abeba. Wuxuuna murugada la qeybsaday Ehalada dadkooda ku waayay Bur burka diyaaradda Ethiopian Airlines,wuxuuna kula dardaarmay Samir iyo dulqaad iney muujiyaan. View the full article
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka qeyb galayay aaska alle ha u naxariistee Wasiirkii hore ee Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa ka sheekeeyay hadaladii ugu dambeeyay ee dhex maray isaga iyo Xoosh. Xasan Cali Kheyre, ayaa sheegay in Wasiirka qoraalkii u dambeeyay ee uu usoo diray uu ahaa khudbad uu jeediyay madaxweyne Mareykanka ah oo uusan magaciisa sheegin, kaasi oo ka hadlayay ruux kastaa in wadankiisa uu wax weyn ku yahay. Wuxuu sheegay Kheyre in Khudbadda uu la wadaagay Wasiir Xoosh inay ka hadlaysay ruuxa taga dalalka caalamka in ugu dambeyn uu qiimo ku yeelanayo dalka uu asal ahaan kasoo jeedo. “Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed u sheego, qoraalkii ugu dambeeyay ee C/raxmaan Xoosh iisoo diro wuxuu ahaa khudbad uu jeediyay madaxweyne Mareykanka ahaa oo dhahayay, Haddii aad Faransiis ku nooshahay Faransiis noqon meysid” “Haddii Talyaani aad ku nooshahay Talyaani noqon meysid, Marka ugu dambeeya wadankaada ayaa ahaana wadanka lagaa rabo inaad wadan ka dhigato, wuxuuna ii sheegay in loo baahan fursadda aan heysan inaan kusoo celino sharaftii iyo karaamadii Soomaaliya” “Hadalkii iigu dambeeyay ee uu igu yiri waxay aheyd aan ka shaqeyno mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed ee soo koreyso si aan ugu sameyno dal ay ku noolaadaan, waa inaan ka gudubnaa Qabyaaladda iyo dhibaatada jirta”ayuu yiri Xasan Cali Kheyre. Wasiir C/raxmaan Xoosh ayaa aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasha ku xiran website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato] https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-10032019.mp3 View the full article
  13. (SLT-Hargeysa)-Golaha Wakiillada Oo Si Adag U Naqdiyay Shir Ay Sheegeen In Lagu Kala Qaybinayo Dadka Reer Somaliland Oo Lagu Qabtay Addis Ababa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa magacaabay agaasimaha cusub ee maamulka iyo maaliyadda madaxtooyada Puntland. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud (Geeddi) loogu magacaabay agaasimaha maamulka iyo maamliyadda ee madaxtooyada Puntland. Mas’uulka la magacaabay ayaa ka tirsanaa xubnihii xafiiska ol’olaha doorashada ee xilligii uu tartanka ku jiray madaxweyne Siciid Deni. PUNTLAND POST The post Puntland: Madaxweynaha oo magacaabay agaasimaha maaliyadda madaxtooyada appeared first on Puntland Post.
  15. President Yoweri Museveni has threatened to withdraw his country’s forces from the peacekeeping mission in Somalia if the United Nations insists on reducing the number of troops on the mission. Due to declining and irregular funding, the UN Security Council, in Resolution 2372 of 2017, proposed a phased drawdown of peacekeepers in Somalia with a full pullout by 2020. The Ugandan president, who has recently become critical of the UN, said he had personally informed the Security Council that Uganda would withdraw its 6,400 contingent from Somalia if it is forced to scale down. This comes after Burundi’s Pierre Nkurunziza threatened to pull out of Amisom if the funders of the mission insist that Bujumbura recall its 1,000 soldiers. Mr Museveni, while addressing a high-level meeting of ministers in charge of refugees in the Great Lakes Region in Kampala on Thursday, said the Security Council’s move was a “total lack of seriousness” to the task of flushing Al Shabaab out. “They recommended I should reduce the number of soldiers but I will not reduce even a single one, unless I take all of them out of Somalia,” Mr Museveni said. Uganda is the largest troop-contributing country to Amisom, with more than 6,400, of the total 21,626 soldiers. The troop-contributing countries have said that this number is smaller than what is required to fully pacify Somalia and have been advocating a troop surge instead. Mr Museveni told the High Level Ministerial Meeting of Ministers in charge of Refugees in the Great Lakes region at Munyonyo in Kampala that his efforts to convince UN secretaries general Ban Ki-Moon and his successor António Guterres were rebuffed. Change of heart? “Because the numbers are small, we are only in urban centres and streets while Al Shabaab is taking over the countryside,” he said. Mr Museveni becomes the second leader of a troop contributing country to threaten a full withdrawal instead of a scale-down after Mr Nkurunziza, who believes that his country is being targeted by the EU. Burundi insists that withdrawal should be done uniformly by all troop-contributing countries. Burundi’s Defence Minister Emmanuel Ntahomvukiye said last month that his country would withdraw all its soldiers from Amisom if the AU does not reconsider an order to withdraw 1,000 troops from the Shabelle region. Burundi’s threat was triggered by an announcement by the AU that it would cut 1,000 troops by February 28, 2019, in line with the new Amisom operations blueprint known as the Concept of Operations (ConOps). Under ConOps, some operating bases are to be reconfigured and others closed as troop numbers fall. It is not yet clear whether both the UN and AU will have a change of heart in scaling down the Amisom after the threats by these two countries. But there are fears that it could give Al Shabaab an added advantage to rebuild, recruit and restructure. The insurgents have on many occasions regained control over areas that have been vacated by Amisom and it is from here that they launch attacks on the capital Mogadishu and neighbouring countries. Some analysts, however, say that the money the troop-contributing countries receive could be the reason for their resistance to the drawdown. According to President Museveni, pulling the peacekeeping force out of Somalia should be done after the host country has built a strong enough army to defend itself. The challenge here is that Mogadishu has no money to build a large army but Mr Museveni, himself a former rebel, thinks payments can wait if the government considers recruiting volunteer patriotic nationals willing to liberate their country. Source: The East African
  16. (SLT-Uganda)-Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay inuu Ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya uu ka saarayo, haddii Ururka Midowga Afrika uu isku dayo inuu dhimo ciidamadiisa ka tirsan howlgalka AMISOM. Museveni ayaa soo bandhigay warar ay isweydaarsadeen isaga iyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey, taasoo la xidhiidha qorshaha la dejiyay ee lagu dhimayo kumanaanka askari ee ka socda dalalka Afrika ee mudada ka badan 10-ka sano ku sugnaa dalkan. Waxaa uu ku hanjabay inuu Ciidankiisa la baxayo ee gaadhaya 6,400, haddii la isku dayo in xitaa hal askari oo kamid ah la saaro. “Golaha Amaanka waxey noo soo jeediyeen inaan dhinno Ciidankeena, waxaanse u sheegay in xitaa hal askari aan la saareynin oo ay wada joogayaan ama dhamaantood ay baxayaan” ayuu yidhi madaxweyne Museveni. Madaxweynaha Uganda ayaa dhinaca kale sheegay iney diyaar u yihiin iney dalkan isaga baxaan, balse ay ka horeyso helitaanka Ciidamo Soomalai ah oo ku filan amniga guud ee dalkan, kuwaasoo aan xiligan saansaanteeda muuqan. Yoweri Museveni ayaa noqonaya madaxweynihii 2-aad ee iska diiday inuu saaro Ciidankiisa Amisom, iyadoo hore Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza uu sidan oo kale ka hor yimid qorshaha looga saarayo Ciidanka Burundi. 400 oo askari oo u dhashay Burundi ayaa dhowaan laga saaray Soomaaliya, waxaana harsan 600 oo kale oo ka mid ah kunka askari ee la qorsheeyay in dalka laga saaro, si Ciidamada Soomaalida amniga ay hataan. Source
  17. Dowladda Puntland ayaa tacsi u dirtay dhammaan dalalka muwaadiniintoodu ku dhinteen shilkii diyaaradeed ee maanta ka dhacay waddanka Ethiopia. Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed ayaa tacsi loogu diray dhammaan dalalka muwaadiniintoodu ku dhinteen shilka gaar ahaanna ehelada muwaadiniinta Soonaaliyeed ee halkaasi ku dhintay. Sidoo kale madaxweynaha ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka Ethiopia iyo shirkadda Ethiopian Airlines khasaaraha naf iyo maalba leh ee ka soo gaaray shilka diyaaradeed. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo ka tacsiyeysay shilkii diyaaradeed ee ka dhacay Ethiopia appeared first on Puntland Post.
  18. (SLT-Hargeysa)-Taliska Millatariga Somaliland Hawl-Galo Ka Sameeyay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sanaag Oo Dhawaan Safar Ku Maray Kornayl Caarre, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. (SLT-Gabiley)-Ciidamada Booliska Gabilay ayaa galabta xabsiga u taxaabay Siciid Nuux Kibaar, Maxamed Watiin iyo Jacfar Cawil, oo maalintii shalay Askari Booliska ah gacan ka hadal dhexmaray. Saddexdan saxafi ayaa kala ah kii muuqaalka Askariga ka duubayay iyo labada kale oo doonayay in ay Askariga khasab ku dhaafaan. Taliska Booliska Gabilay ayaa maanta sheegay in sharciga ay la tiigsanayaan saddexdaasi saxafi. Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku simaha madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray dawladda Federaalka Itoobiya iyo shacbi weynaha dalkaasi Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa dawladda Federaalka Itoobiya iyo shacbi weynaha dalkaasi oo uu ka tacsiyadaynaayo shilka diyaaradeed ee maanta ka dhacay dalkaasi oo ay ku burburtay diyaarad nooceedu ahaa Boeing 737 ahna nooca rakaabka qaada xilli ay u kala socdaalaysay magaalooyinka Addis Ababa iyo Nairobi saarnaayeena 149 rakaab ahi iyo sideed ka mida shaqaalihii diyaaradaasi, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta sharkadda Ethiopian Airlines. Source
  21. Washington DC (Caasimada Online) – Hay’adda dmabi baarista Mareykanka ee FBI-da ayaa su’aalo weydiinaysa labo ka mid ah saraakiisa Wasaaradda amniga gudaha Mareykanka. Labada qof ayaa lagu soo helay in ay farriimo ku daabaceen baraha bulshada, iyaga oo Ilhaan Cumar, oo ka tirsan aqalka Wakiilada Mareykanka, ku eedeynaya in ay soo qaadatay casharro argagixisanimo, sidoo kalena soo fariisatay dugsiyada argagixisada. Mid ka mid ah saraakiisha su’aalaha la weydiinayo waxaa lagu magacaabaa Leslie Derewonko, waxaana uu bartiisa baraha bulshada ku qoray “Kaliya ma qaadan casharro argagixiso ee waxaa ay la fariisatay argagixisada waxna la baratay waliba”. Qofka labaad ayaa farriinta uu soo dhiibay sarkaalkii hore ee faafiyay, waxaana labaduba beddeleen akoonnadii barta LinkedIn ee ay farriimaha ka soo geliyeen, si aysan u daba gelin hay’adaha dambi baarista. Hay’adda ICE ayaa sidoo kale sheegtay in ay baareyso haddii farriimaha noocan ah ee dadka hay’adda u shaqeeya ay jebinayaan siyaasadda haya’ddooda. Todobaadyadii la soo dhaafay Ilhaan ayaa bartimaameed u ahayd Yuhuudda Mareykanka, xubnaha Xisbiga Jamhuuriga iyo qaar ka mid ah taageerayaasha Xisbiga ay ka tirsan tahay ee Dimuqraadiga oo ku weeraray hadal ay ka sheegtay Brack Obama. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  22. (SLT-Hargeysa)-Badhasaabka gobalka Gabilay ayaa waxaa uu ka hadley dhacdo shalay ka dhacday magaalada Gabilay oo dhex martey Askari iyo Saxafi gobalkaas ka hawl-gala, Halkan hoose ka DAAWO Source
  23. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga WADDANI Oo War-Murtiyeed Ka Soo Saaray Diyaaradii Itoobiya Ee Burburtay, Halkan hoose ka akhriso: Source
  24. (SLT-Hargeysa)-Xogo ay warbaahintu heshay ayaa waxaa ay sheegayaan in xukuumada Somaliland ay heshiis aan wali soo shaac bixin la gashay shirkad ka diwaan gashan dalka Australia , isla markaana uu hogaankeeda ku jiro wasiirkii hore ee ciyaaraha Soomaaliya. Shirkadan ayaa qandarkaas la siiyey waxaa uu yahay mid 25 sanno ah isla markaana waxaa ay ka shaqeyn doonta mashruuca milix ka sameynta uumi baxa biyaha badda Somaliland Sidoo kale shirkadan ayaa sidoo kale waxaa dhul baaxad leh laga siiyey meel dhinaca galbeed kaga beegan dekada magaalada Berbera Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan Source