Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,644
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Washington: Dowladda Mareykanka ayaa xoojisay dagaalka ka dhanka ah Xarrakada Alshabaab ee xiriirka dhaw la leh ururka Al-Qaeda xilli madaxweyne Donald Trump uu raadinayo qorshe lagu yareynayo hawl-gallada lagu beegsanayo kooxaha Islaamiyiinta ah ee ku sugan waddamada Syria, Afghanistan iyo Galbeedka Africa. Duqeymo xooggan oo dowladda Mareykanku ku qaadday Alshabaab afartii bilood ee ugu dambeysay sannadkii 2018kii ayey uga dishay dagaalyahannadii ugu badnaa, Sannadkii tagey duqeymaha dhanka cirka ah waxaa lagu dilay 326 oo dagaalyahan waana illaa 47 weerar sida lagu sheegay xog ay shaacisay wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Mareykanka. Sannadkan cusub ee 2019 kama awood yara weerarrada Alshabaab lagu beegsado. Bilihii Jannaayo iyo Febraayo oo kaliya talista Mareykanka ee Africa wuxuu sheegay in lagu dilay 225 dagaalyahan 24 duqeymo ah oo Soomaaliya laga fuliyey. Waxaa Iyana jirtay in duqeymo goos-goos ah oo la fuliyey daba-yaaqadii bishii Febraayo lagu dilay dagaalyahanno kale waana illaa 3 weerar oo lagu qaaday goobo bartilmaameed ahaa. Taliska Mareykanka ee Africa waxay sheegeen in dhimashada la shaaciyey ay tahay oo kaliya mid Alshabaab loo geystay inkastoo kooxdani ay si joogto ah u sheegto in dadka la dilay ay yihiin Shacab iyadoo aan si madax bannaan loo xaqiijin karin tirada rasmiga ah ee waxyeellada soo gaarta shacabka Kororka duqeymaha dhanka cirka ah waxay sababeen xaalad bini’aadannimo oo soo wajahda dalka sida ay sheegeen hay’adaha Qaramada Midoobay iyo hay’adaha aan dowliga ahayn ee dalka ka shaqeeya waxaana jirta in shacabku ay ka cararayaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo cimillada oo aan u saamaxeyn inay deegaannadooda joogaan. “Dadku waxay u baahan yihiin inay ka feejignaadaan dagaallada socda,” Sidaan waxaa tiri Brittany Brown, oo ah mas’uul ka shaqeysa siyaasadda Soomaaliya ee golaha ammaanka qaranka waxaana ay hawshan ku jiray illaa dowladdii Obama iyo tan hadda jirta oo ay madax ka tahay ICG oo ah koox xal u raadisa xasaradaha inta badanna diiradda saarta goobaha colaaddu ka aloosan tahay. Dagaalka ka socda Soomaalia wuxuu u muuqdaa mid aan aad looga fikirin, ayey sii raacisay iyadoo sida ay sheegtay uu sii xoogeysan karo haddii ayey tiri aan dood badan laga yeelan sida laga yeelayo dagaallada iyo duqeymaha ka jiro gobollada dalka qaarkood. Source: goobjoog.com
  2. Baardheere (SMN) – Taliska milatariga Soomaaliya ee Gedo ayaa ka warbixiyay shaqaaqo lagu dilay dad shacab ah oo ka dhacday degmada Baardheere ee gobolkaasi. Korneyl Cali Maxamed oo ka mid ah saraakiisha milatariga DFS ayaa Shabelle u sheegay in kooxo hubeysan ay rasaaseeyeen dadkaasi oo ku sugnaa gudaha magaaladaasi. Waxaana uu tilmaamay in falkaasi uu ku dhintay hal Qof , kuna dhaawacmeen labo kale oo dhammaan ahaa dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray sarkaalkani in ay gacanta ku soo dhigeen qaar ka mid ah raggii ka dambeeyay dhacdadaasi. Arrintan ayuu xusay in ay salka ku heyso xiisad la xariirta dhinaca maamulka oo weli ka taagan degmada Baardheere oo ku taalla koonfurta Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/cod-cabdiqani-.mp3 View the full article
  3. (SLT-Afghanistan)-Waxaa soo baxaya xog cusub oo sheegeysa in hoggaamiyihii hore ee ururka Taalibaan Mullah Cumar oo muddo sanado ah ku noolaa guri u dhow saldhig militariga Mareykanka ku lahaa dalka Afqaanistaan. Mullah iyo Cusama Bin Laaden ayuu muddo dheer aad u doondoonayay Mareykanka. Iyadoo wada hadallo ay dalka Qadar ku dhex marayaan wakiillo ka kala socda Mareykanka iyo ururka Taalibaan ee dalka Afqaanistaan ayaa hadda waxaa soo baxay buug cusub oo qeexaya sida Mullah Cumar uu u ahaa nin go’doonsan ka hor inta uusan xanuun u dhiman. Buugaasi oo ay qoaray Bett Dam oo ah suxufi u dhalatay dalka Netherlands ayaa lagu sheegay in Mullah Cumar uu muddo sano ah ku dhuumaaleysanayay guri ku yaal dalkaasi Afqaanistaan oo dhawr kiiloo mitir u jira saldhig weyn oo uu Mareykanka ku lahaa dalkaasi. Sirdoonka Mareykanka ayaa la sheegay in uu ku guul dareystay in oo ogaado in Mullah oo 10 milyan oo doolar uu madaxiisa dul dhigay ka dib weerarkii 11-kii September ee sanadkii 2001-dii uu ku dhuumaaleysanayay halkaasi. Mullah ayaa ahaaa ninka labaad ee Mareykanka aadka u doon-doonayay marka laga soo tago Cusama Bin Laden oo sanadkii 2011-kii lagu dilay dalka Pakistan. Inta badan waxaa la saadaalinayay in hoggaamiyahaasi Taalibaanka uu ku dhuumanayay dalka Pakistan. Buugan ay haatan qoray gabadhan lagu magacaabo Bette Dam ayaa lagu cadeeyay in Mullah uu muddo sanado ah ku dhuumaaleysanayay gurigaasi oo ciidamada Mareykanka ay mar baareen balse aysan ka helin. Baaritaanka ay sameysay gabadhan weriyaha ahi ayaa ku saleysan wareysiyo ay la yeelatay dad badan oo uu ku jiro ninkii aadka u ilaaleyn jiray Mullah tan. Weriyahan ayaa loo sheegay in hoggaamiyahasi Taalibaanku uu dhageysan jiray BBC-da oo uu wararka halkaasi kjala socon jiray. Sida la sheegay ma uusan awoodin in uu si dhab ah u maamulo ururukaasi balse waxaa had iyo jeer la adeegsan jiray magaciisa oo Taalibaanku ay warbixinno ku soo saari jireen. Balse waxaa la sheegayaa in uu bixiyay amarka ah in xafiis uu Taalibaanku ka furto dalka Qadar oo haatan ay ka socdaan wada hadallada la doonayo in lagu dhex dhexaadiyo mareykanka iyo Taalibaan. Bette Dam ayaa BBC-da u sheegtay in mukhaabaraadka dalkaasi Afqaanistaan ee ku sugnaa gobolka Zabuul oo ah halka uu ku dhashay Mullah ay in muddo ah ka shakisanaayeen in Mullah uu ku dhuumaaleysanayo gudaha dalkaasi Afqaanistaan. Balse mar kastaa waxaa la hadal hayay in uu ku dhuumaaleysanayo waddanka deriska ah ee Pakistaan, waxaana dhawr jeer militariga Mareykanka uu isku dayay in uu halkaasi ka raadiyo. Hoggaamiyaha Al-Qaacidda Cusama Bin Laden oo isagana malaayiin doolar uu madixiisa dul dhigay Mareykanka ayaa sanadkii 2011-kii ay ciidamada Mareykanku ku dileen dalka Afqaanistaan. Waxaase bishan gudaheeda uu Mareykanka malaayiin doolar dul dhigay wiilkiisa Xamza oo wali la baadi goobayo. Source
  4. (SLT-Ankara)-Diyaarad rakaab ah oo ay leedahay Shirkadda Turkish Airlines oo nooceedu ahaa Boeing 777 oo ku sii jeeday dalka Maraykanka ayaa waxaa ku yimid khalkhal dhinaca hawada, xilli ay maraysay Badweynta Atlantik. Diyaaradaasi oo ay la socdeen in ka badan 300 oo Rakaab ayaa la sheegay inay cadaadis dabaylo la kulantay, taasi oo sababtay inay dhawaacmaan 30 qof oo ka mid ah rakaabkii saarnaa. Mid ka mid ah shaqaalaha Diyaaradda ayaa la sheegay inuu lugta ka jabay, halka rakaabka kalena uu soo garaay dhaawacyo. Diyaaradaasi oo ku jirtay Duullimaad ay isaga kala gooshaysay Istanbuul iyo New York ayaa la sheegay inay si nabad ah ku degtay Garoonka Diyaaradaha ee John F. Kennedy International Airport ee magaalladda New York. Tobanaan gaadiidka gurmadka ayaa la safay Garoonkaasi, iyadoo dadka dhaawacmay la dhigay Isbitaallo ku yaallo New York. Source
  5. Kismaayo (Caasimada Online)-Waddooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo ayaa xiray, iyadoo maanta lagu wado inuu tago magaalada Kismaayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Safarka ra’iisul wasaaraha oo dib u dhacay labadii maalin ee lasoo dhaafay, ayaa maanta la filayaa inuu ku tago magaalada Kismaayo, iyadoo magaalada ay kaga sii horeeyeen xubno ka tirsan xafiiskiisa. Masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa sharaxaad dheeri ah ka bixiyay kulanka magaalada Kismaayo ku dhex maraya raiisul wasaaraha dalka iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Xersi Jaamac Gaani Wasiiru dowlaha madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegay in Jubbaland kamid tahay dowlad goboleedyada caadiga ah ee ka dhisan gobolada dalka, islamarkaana waxyaabo badan ay ka wada hadli doonaan labada dhinac. Waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan ayaa waxaa lagu sheegay xal ka gaarista mad madowga ka dhex jira Jubbaland iyo dowladda Soomaaliya iyo in Axmed Madoobe lagu qanciyo inuu ka qeyb galo shirka ka dhacaya magaalada Garowe. “Muddo ayaa waxaa taagnaa khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, tii ayaa loo meel dayayaa in xal loo helo, sidaa ayuuna kulanka daba socdaa” “In xal loo helo dhibaatada jirta kaasi oo noqon kara mid anfaca Soomaalida uu anfacayo, wax walbaa oo sahlaya in wadahadalada guuleystaan gundhig ayay u noqonayaan kulanka ka dhacaya Kismaayo,ayuu yiri Xer Jaamac. Amaanka magaalada Kismaayo ayaa maanta aad loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyin badan oo ku yaala magaalada Kismaayo. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  6. Ciidamada Jubbaland ayaa maanta waxa ay xireen dhammaan waddooyinka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, iyadoo dhanka kalena aad loo adkeeyey amniga magaaladaasi. Sababta loo xiray waddooyinkan ayaa lagu sheegay in Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre la filayo saacadaha soo aaddan in uu safar ku tago magaaladaasi. Waxaa la arkaya shacabka Kismaayo oo lugeynayana waddooyinka waaweyn maadaama la diiday iney shaqeeyaan gaadiidka dadweynaha. Dhanka kale, waddooyinka Kismaayo ayaa lagu dhejiyey sawirrada Ra’iisul wasaare Kheyre iyo sidoo kale hal ku dhigyo lagu soo dhoweynayo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. (SLT-Nairobi)-In ka badan 4,700 oo isugu jira madaxweyneyaal, wasiiro, ganacsato waaweyn, saraakiil sarsare oo ka tirsan Qaramada Midooobay iyo dad matalaya ururada bulashada ayaa maanta isugu imanaya shir ka dhacaya magaalada Nairobi oo lagu lafa-guri doono deegaanka. Shirkaan ayaa ah kii afaraad oo socon doono 11ka ilaa iyo 15ka bishan Maarso, waxaana diiradda lagu saari doonaa sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha deegaanka iyo wax soo saarka. Shirkaan dadka ka soo qeeyb galayo waxa ay ku laba jibaarmayaan kuwii ka so qeeeyb galay kulankii kan ka horeeyay ee dhacay bisihii Decembar ee sannadkii 2017-kii. Waxaana ka soo qeeyb galayo hogaamiyaal caan ah oo ay ka mid yihiin madaxweyneyaasha Faransiiska iyo Kenya, Emmanuel Macron iyo Uhuru Kenyatta, iyo maareeyaasha shirkadaha waaweyn. Waxaa la filayaa in ay ka soo baxaan natiijoyin wax ku ool ah, marka uu soo gabagoowo shirkaan shanta maalmod socon doona. Agendayaasha miiska saaranna waxaa ka mid ah sidii deeganka badda looga difaaci lahaa wasaqeeynta, gaar ahaanna caagagga, sidiii loo yaren lahaa qashinka iyo sidii loo casriyeen lahaa tignoologiyadda, taas oo gacan ga geeysan karto Isbedlka Cimilada. Go’aamada ka soo baxa shirkaan ayaa waxa ay waddada u xaarayaan heshiiskii Isbedelka Cilmilada ee magaalada Paris, sidoo kale waxaa uu shirkan waddada u xaarayaa shirka Isbedelka Cimilda ee Qaramada Midoobay ee sannadkan 2019-ka. Joyce Msuya oo ah sarkaal Qaramada Midoobay u qaabilsan degaanka ayaa dalaka caalamka ugu baaqday, in ay u istaagaan oo ay ka dhabeeyaan dadaallada lagu doonayo in looga hortago Isbedelka Cimilada. Hay’adda Qaramada Middobay u qaabilsan Deeganka ayaa sheegeysa in intii u dhaxeeysay sannaddadii 1995-tii ilaa iyo 2011-kii ay arrimaha deeganka ku kharash gareeyeen lacag gaareeysa 20 tiriyan oo doolar. Shirkaan ayaa waxaa sido kale lagu soo bandhigi doonaa cilmi baaris ay sameyeen khuburda deegeenka ee Qaramada Midoobay, waxaana ka mid ah cilmi baaristii ugu dambeeysay oo loogu magac daray ”Qaab muuqaalka Deegaannada Caalamka” oo ay ka qeeyb qaateen 252 seeynisyahano iyo khubro ka kala yimid 70 dal. Source
  8. Kismaayo (SMN) – Xasan Cali Khayre ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka ku wajahan M/Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Qaban-qaabadii ugu dambaysay ee lagu soo dhoweynayo ra’iisul wasaare Khayre ayaa haatan si weyn uga socota gudaha magaaaladaasi. Boorar waawayn oo lagu daabacay sawirrada ra’iisul wasaaraha iyo madaxwaynaha Jubbaland oo lagu muujinayo soo dhoweyn heerkeedu sarreeyo ayaa lagu dhajiyay qeybaha ay ka koobantahay magaala xeebeedka Kismaayo. Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kahyre ayaa la filayaa marka uu gaaro halkaasi in uu la kulamo madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, ayna ka wada hadlaan arrima badan oo ay kamid tahay adkaynta amniga, gaar ahaan sida Al Shabaab looga saari karo gobollada Jubbooyinka ee K/ Soomaaliya. Ammaanka ayaa loo adkeeyay, iyadoona saaka Ciidamo dheeraad ah lagu arkayo magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee dowlad goboleedka Jubbaland. View the full article
  9. Qarax miino oo dhulka lagu aasay ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay deegaanka Taabto ee gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo khasaare geystay. Deegaankan waxaa marayey ciidamo la sheegay iney yihiin Kenya oo gaadiid watay, hase ahaatee Miinada ayaa haleeshay Gaaro Hoomey ah oo waday qudaar, islamarkaana ka horreeyey gaadiidka ciidanka Kenya la socdeen. Labo qof ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen qaraxan, kuwaasi oo ka mid ahaa dadkii la socday gaariga Hoomeyda ah. Qaraxa kadib, ciidanka Kenya ee iyaguna halkaasi marayey ayaa rasaas kor u riday, islamarkaana xiray nawaaxiga halka qaraxan uu ka dhacay. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, hase ahaatee qaraxyada sidan oo kale ayaa looga bartay iney fuliyaan Xarakada Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-11032019.mp3 View the full article
  11. Beledweyne (Caasimada Online)-Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxaa aad looga hadal hayaa kufsi ka dhacay magaalada oo loo geystay gabar sagaal sano jir ah, sida ay xaqiijiyeen dhaqaatiirta caafimaadka ee isbitaalka Beledweyne. Dhacdadaan ayaa lagu waramayaa inay soo ifbaxday kadib markii la waayay gabadhii dhibaatada loo geystay, iyadoo markii la helay iyada oo dhiig baxeysa, waxaana la dhigay isbitaalka magaalada Beledweyne. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in macalin Dugsi Quraan uu ahaa ruuxa ka dambeeyay falka kufsiga ee loo geystay Gabadha sagaal jirka ah, waxaana la sheegay inuu ka baxsaday magaalada Beledweyne. Guddoomiyaha degmada Beledweyne Maxamed Ibraahim Foodcadde oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay ku raad joogaan ruuxa falka kufsiga geystay. Wuxuu sidoo kale sheegay inay ku raad joogaan dhalinyaro caadeysatay inay toorey ku qalqal geliyaan amaanka magaalada Beledweyne xiliyada habeenkii. “Waxaan ka warheynaa in kufsi uu ka dhacay xaafadda howlwadaag, ciidamada amaanka ayaa ku howlan ruuxii ka dambeeyay haddii lasoo qabtaana maxkamad ayaa lasoo saarayaa”ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Hiiraan. Caasimada Online Xafiiska Hiiraan Caasimada@live.com
  12. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Shacabka iyo Dowladda Federaalka Itoobiya uga tacsiyadeysay shilkii diyaaradeed ee ka dhacay dalkaasi Itoobiya,kaasi oo saameyn ku yeeshay dad rakaab ah oo ka soo kala jeeda dalal kala duwan oo uu ku jiro muwaadin Soomaaliyeed. “Waxa aan dareenka la qeybsanaynaa qoysaska iyo shaqsiyaadka ay saameysay dhacdadan masiibadada ah,“ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si hagar la’aan ah u garab taagan tahay Shacabka iyo Dowladda Itoobiya oo ku jira xaaladan adag Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa booqday goobta uu ka dhacay shilka diyaaradeed ee nawaaxiga Degmadda Bishoftu oo 47-Km dhanka K/bari kaga toosan magaalladda Addis Abeba. Source: goobjoog.com
  13. Nairobi (Caasimada Online) – Aqoonyahan Kenyan ah ayaa shaaca ka qaaday in rajada Kenya ay ka qabto inay ku guuleysato kiiska badda Soomaaliya ee hor-yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ay aad u liidato, taasina ay tahay sababta ay xal kale u raadineyso. Kenya ayaa isku dayeysa in Soomaaliya ay ka dhaadhicso inay ka laabto kiiska maxkamadda, islamarkaana wada-hadal diblomaasiyeed lagu dhameeyo muranka. Dr Hassan Khannenje, oo ah agaasimaha machadka Istaraatiijiyadda iyo daraasaadka caalamiga ah ee Horn ayaa sheegay in guul-darradii Kenya ka gaartay diidmadii horu-dhaca ahayd ee kiiska ay walaac ku hayso. Waxa uu sheegay in Kenya ay aamisan tahay in sii wadista dacwada ay tahay halis xooggan oo ay ku weyn karto dhul-badeedka ay sheeganeyso, sidaas darteedna xal ka baxsan maxkamadda uu yahay waxa ay raadineyso. “Hanaanka maxkamadeed waa mid dhib badan oo waqti iyo qarash badan u baahan, islamarkaana go’aanka ay maxkamadda ku diiday codsigii Kenya ee ahaa inaysan qaadin dacwadda ayaa loo arki karaa astaan muujineysa waxa soo socda” ayuu yiri Dr Khannenje. Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa inay door bideyso in laga war sugo go’aanka maxkamadda, islamarkaana aysan marnaba wada-hadal ka geli doonin. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxay kusoo qabteen ruux la sheegay inuu xirnaa dharka Dumarka. Ka hor inta ruuxaasi aysan qaban ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa booliska waxaa dadka deegaanka ay ka shakiyeen ruuxa la qabtay oo ku sugnaa agagaarka iskuulka Godey ee degmada Kaaraan, kadibna ciidamada ay ku wargeliyeen. Saraakiil ka tirsan ciidamada amaanka ayaa sheegay in ruuxa la qabtay ay ku sameeyeen baaritaan, iyaga oo ka raadiyay inuu hub watay, balse markii laga waayay lagu wareejiyay hay’adaha amaanka si ay baaritaan dheeri ah ugu sameeyaan. Saraakiisha ciidamada booliska ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada intaasi ka dib baaritaano dheeri ah ay ka sameeyeen xaafadaha kala duwan ee degmada Kaaraan, ayna ku qabteen dhalinyaro la tuhmayo. Howlgalkaan xalay laga sameeyey xaafada ka tirsan degmada Kaaraan laguna soo qabtay Nin soo xirtay dharka Dumarka ayaa kusoo aadaya xilli todobaadyadii la soo dhaafay Magalada Muqdisho ay ka dhacayeen dilal qorsheysan iyo qaraxyo Ciidamada baaritaanka ka sameeyay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo cusub oo dhawaan lagu wareejiyay amaanka degmada, iyaga oo fariin ka dhigtay saldhiga degmada Kaaraan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimadad@live.com
  15. Socdaalkii madaxweyne Farmaajo ma weerar diblomaasiyadeed buu ahaa mise is-dhiibid? Inta aanan jawaabta u gelin, ugu horreyn dal Soomaaliya oo kale ah xarbi noocee ah ayuu geli karaa maanta, tabarteennu se maxay noo gooysaa? Marka hore waxaa xusid mudan in dagaalka Kenya iyo Soomaaliya uu hadda marayo marxalad dagaal-diblomaasiyadeed oo lagu tartamayo sidii garab siyaasadeed looga heli lahaa Caalamka. Markay halkaas joogto, 1. Sawir noocee ah ayuu caalamka ka haystaa Soomaaliya? 2. Sawir noocee ah ayaa sidoo kale laga haystaa xiriirka Kenya iyo Soomaaliya? 3. Kenya dagaal noocee ah ayey Soomaaliya kula jirtaa? Suaasha 1-aad ee ah sawir noocee ah ayuu Caalamka naga haystaa, jawaabteedu waa maahmaahdii ahayd “wixii xunba Xaawaa leh” Dal 30 dagaal ka socdey oo dadkiisii dagaallo, abaaro iyo tahriib dhameeyey, dal argagaxisadu hoy u ah, dal musuqmaasuqu hareeyey, dal aan caalamka la jaanqaadi karin oo ku fashilmay wada noolaanshaha iyo dowladnimada iwn Suaasha 2-aad, Sawir noocee ah ayaa laga aaminsanyahay xiriirka Kenya iyo Soomaaliya? Caalamku wuxuu aaminsanyahay Kenyana ku faaneysaa inay Soomaaliya caawinayeen 30 sano, inay martigaliyeen shiraweynihii dib loogu soo dhisay diwladnimada Soomaaliya, inay martigalinayeen 30 sano qaxooti boqolaal kun ah, inay ciidamo nabad ilaaalin ah u direen Soomaaliya, inay mar kasta u dulqaataan weerarada argagixisada ah ee kaga yimaado Somaliya. Kenya waxay dunida ka dhaadhicineysaa dalkii sidaas ahaa ayaa maanta badeydii igu haysta oo hadana diidan inaan arrimaheenna hoos u dhammeysanno! Hadaba muxuu yahay dagaalka ugu haboon oo ay Soomaaliya geli karto? Waxaa loo baahanyahay in marka hore dunida la tusaa waji cusub oo ah nabadoonimo. Waa in la matalaa siyaasadda loo yaqaano (Public diplomacy) taasoo ah in Caalamka arko Soomaaliya inay leedahay maanta biseyl iyo iyo deganaab. Ugu danbeys markey cadaato 1 inaad tahay nabadoon dulqaad badan, kana soo daaley dagaal iyo isqab-qabsi. 2. Inay Soomaaliya u qirsantahay Kenya abaalkey noo gashey. 3. Inay Soomaaliya Dowladaha dariska aad u ixtiraameyso sida Ethiopia iyo Kenya. 4. In Soomaaliya iyadoo badeedii lagu haysto hadana ay dagaal ku deg degeynin. 5. Inay Soomaaliya ku kalsoontahay ixtiraameysana Caalamka, muranka baddana uga danbeyneyso Maxkamada aduunka. Caalamka markaas ayuu dareemi karaa sympathy, Kenyana ku sifoobeysaa kiis iska waal iyo bililiqo waxay wado. Ugu danbeys: Madaxweyne Farmaajo isma dhiibin, balse wuxuu galay dagaal adag, waayo wuxuu dunida tusay Soomaaliya inay bisishahay oo aysan cidna khatar ku ahayn. Sidaa awgeed mucaaradku yaysan horboodin dowladooda oo aysan shacabka jebin col hortiis. W/Q: Cabdiweli Qaasim abdiwali@hotmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  16. Waxaa la helay magacyada qaar ka mid ah dad Soomaaliyeed oo ku dhintay diyaaraddii ay lahayd Ethiopia Airlines ee shalay dhacday. Magacyada dadka la shaaciyey ayaa waxaa ka mid ah: 1- C/shakuur Maxamed Shahaad 2- Siraaji Xuseen Cabdi 3- Sahro Saciid Xasan 4- Nasrudiin C/qaadir 5- Aamina Ibraahim Odowaa 6- Axmed Nuur Maxamuud Dadkan ayaa ku safrayey diyaaradda Ethiopia Airlines oo shalay dhacday daqiiqado kadib markii ay ka duushay magaalada Addis Ababa, waxaana ay ku wajahneyd magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Tirada iyo magacyada Soomaalida ku geeriyootay Diyaaradii Ethiopian Airlines ee Burburtay oo la shaaciyey+Jinsiyadaha Dalalkay wateen Waxaa sii kordhaya tiradda dadka Soomaaliyeed ee ku dhintay Shilkii diyaaradda Ethiopian Airlines ee maanta ka dhacay dalka Itoobiya. Qaar ka mid ah Eheladda dadkii Soomaalida ahaa ee diyaaradda Saarnaa ayaa xaqiijiyay Geeridda shan qof oo Soomaali ah, kuwaasoo heystay Baasabooradda dalalka Canada iyo Mareykanka. Cabdishakuur Maxamed Shahaad, oo labadii sano ee lasoo dhaafaya ka tirsanaa xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale ku jiray dadka naftooda Ku waayay shilka. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo fariin soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumka. Shahaad oo kamid ahaa kooxda hab-maamuska xafiiska Khayre ayaa kusoo jeeday magaaladda Muqdisho, isaga oo [transit] kusoo ahaa Addis Ababa. Dhinaca kale, Aamina Ibraahim Odowaa iyo iyo gabar ay dhashay oo lix sano jir ahayd taasoo lagu magacaabayey Safiya Faysal Cumar ayaa qayb ka ahaa dadkii ku baxay shilka diyaaradeed. Labada marxuum ayaa haystay dhalashada Canada, balse waxay asal ahaan kasoo jeedeen Soomaaliya. Maxamed Xasan Cali, wiil la dhashay marxuumad Aamina, ayaa u sheegay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da in walashiisa ay Sabtidii kasoo duushay Canada ayna kusoo wajahneyd Nairobi. Cabdishakuur ShahaadCabdishakuur ayaa ka imaaday Sweden, wuxuuna Transit ku ahaa dalka Itoobiya oo uu doonayey inuu kaga sii gudbo Magaalada Nairobi oo ay ku wajahneyd diyaaradda Burburtay. Haddaba halkaan hoose ka akhriso Liiska Wadamada dadkii Dhintay Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Faarax Xasan oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ee aadka ugu dhow ayaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre siiyey digniino iyo talooyin la xiriira socdaalka la filayo inuu ku tago magaalada Kismaayo, kulana kulmo Axmed Madoobe. Hoos ka aqriso fariintiisa. RW Safar Salaama marka hore, Marka xiga waxaan ku xasuusinayaa arrimaha hoose: RW waxaad u socotaa deegaan dadka Soomaaliyeed ee joogaa ka kooban yihiin dhammaan beelaha Soomaaliyeed oo dhan, isla markaasna ay ka jirto cabburin iyo cabsi gelin xoog leh oo dadka in badan oo ka mid ahi dareemeen xorriyad la’aan. Dad Soomaaliyeed oo aan loo aabo yeelin loona turin sharaftooda iyo Maalkooda toona, farahooda laga bixiyey hanti badan oo ay lahaayeen, qofkii hadla oo sheegta culeys looga daro laguna kordhiyo dhibaatada, kufsi aan lagu kala soocin marwo iyo marrey, gabar iyo hooyo loo geystay, wiilashooda aan dambiilayaal aheyn hortooda lagu laayey ama meydkooda laga soo aruuriyey xeebaha Calanley iyo Kibora, in badan oo ka mid ah la uusduugay oo aan geeri iyo nolol midnaa ogeyn. Dad Soomaaliyeed oo dareensan in farihii kululaa ee Shabaab lagula joogay ama Raaskiyambooni lagu ahaa lagu maamulay, loo ciqaabay Soomaali cidday ka yihiin oo aysan sababteeda laheyn, loo ciqaabay waxay aaminsan yihiin, loo ciqaabay maxaad u dareentay waxa dhacaya, loo ciqaabay xiriiro kale oo ay la lahaayeen dad la kala aragti ama siyaasad duwanaa. Dad Soomaaliyeed oo shaki lagu kala riday laakiin xaqiiqdu tahay in isku si loo cadaabay, lagu abuuray shaki qabiil, iyadoo qabiil Soomaaliyeed oo ku nabad galay meeshaas uusan jirin. Dadku aad uma dareemaan laakiin dhibka ugu badan waxaa kala kulmay qabiilka ay dadka kale aaminsan yahay inay haystaan maamulkaas. Oo qaarna dekeno qoorta loo geliyey qaarna iyagii gacantooda lagu dulmay. Dad Soomaaliyeed oo waxgaradkii laga qaxiyey oo in badan oo ka mid ahi qaxooti iyo barakacayaal noqdeen, intii soo hartayna lagu kallifay inay gabadaan oo aysan hadli karin. Dad Soomaaliyeed oo xanfaley laga adeejiyey, la tusay iyo wiilal Soomaali ah oo afduuban isla markaasna fara fudud ka adeegan doonaan hadday dareemaan waxa socda, Dad Soomaaliyeed oo laga adeejiyey shisheeye dano kala duwan ka leh dalka oo qaar dhul doon yahay, qaarna nacfi doon yahay sababayna ciddii soo eegta inay cadaabaan. Dad Soomaaliyeed oo ay ku adkaan doonto inay kuu yimaadaan iyagoo xasuusan taarikhihii soo maray, hadday kuu yimaadaanna farriimaha ay keenayaan yihiin kuwa aad uga duwan dareenkooda iyagoo ka baqaya in looga daro marka laba beri ka dib ka soo tagto, ama dareemaya kuwa kula jooga markaad kulmaysaan inay yihiin kuwii cadaabi jiray ama kuwa u adeega oo xogta waxay ka hadleen la heli doono loona ciqaabi doono. Dad Soomaaliyeed oo dad aan matelin laga soo hormarin doono laguuna sheegi doono inay yihiin kuwii matalayey iyadoo laga fogaanayo inaad xog rasmi ah heshid. Dad Soomaaliyeed oo ku nool cadaab aan hadda dunida ka jirin iyo cabburin dad aan u naxeyn danna ka laheyn in xisaabi ka dambeyn karto. Hadaba RW adigoo dareensan intaas iyo in ka badan, waxaa xil kaa saaran yahay inaad soo aragtid dadka Soomaaliyeed adigoo ka taxadaraya arrimaha hoose: -Madaxbanaanidooda dad ahaan iyo aragti ahaanba. -Nabadgelyadooda markay kuu imaanayaan iyo markaad ka soo tagtidba. -Inaad ogaatid xaaladda dadku ku nool yahay, iyo duruufaha ku hareeraysan. -Inaad si hoose u xog-ogaalsatid dadka ku dhibaateysan Xabsiyada qarsoodiga ah ee ku yaal magaalada. -Inaad si dhab ah u ogaatid dareenka Isbaddel ee ay doonayaan iyo nooca uu yahay, RW waa xil ku saaran inaan dadkaas Soomaaliyeed ku niyad jabin safarkaaga, kuna dhibtoon intaad joogtid iyo markaad ka soo noqotidba. Ogow waxaad RW u tahay shacabka Jubbaland ee dhibaateysan iyo kuwa ay dhibka ka tabanayaanba. Waxa ugu xun ee dhici karaa waa in farriin hal dhinac ah ku soo gaarto iyadoo dhinaca kale awoodi waayaan inay ku gaarsiiyaan dareenkooda, adigoo dalkaan ka ah mas’uul sare. Ilaahay talo saaro kuna dhiirro la kulanka qeybaha kala duwan ee bulshada iyadoo aysan diyaarinteeda mas’uul ka aheyn gacantana ku heyn maamulka hadda joogaa. Adiga iyo dadkuba inaad xorriyad dareentaan waa muhiim intaad wada joogtaan iyo ka dibba. Ugu dambeyn waa kugula talinayaa inaad soo marto magaalooyin kale oo aadan Kismaayo ekaan. Waxaad tegi kartaa dhamman degmooyinka gobolka gedo iyo Degmada Afmadow. Guuleyso W/Q: Xildhibaan Faarax Xasan
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Lacag la’aan, maamul xumo, iyo wal walka xoog leh oo ku aadan mustaqbalka Soomaaliya ayaa ka taagan magaalada Muqdisho, kaas oo ay dareemayaan dadka xog ogaalka ah iyo kuwa ay saameysay mushaar la’aanta ee shaqaalaha dowladda iyo ciidamada qaranka. Xafiisyada dowladda qaarkood ee lacag la’aanta ah iyo shaqaalaha iyo ciidamada aan qaadan mushaar ayaa lugta geliyay bishii 6-aad, taas oo saameyn ballaaran ku yeelatay shaqooyinka qaranka inkastoo aysan wali banaanka u soo bixin. Ugu yaraan 10 wasaaradood oo ka tirsan Xukuumadda Reysal Wasaare Kheyre, xafiisyada taliyaasha Ciidamada iyo xafiisyada Maxkamadaha dalka ayaa laga goostay lacagtii ay qaadan jireen ee socodsiinta shaqada qaranka (running coast). Sidoo kale waxaan mushaar joogta qaadan muddo 6 bil ah qaar ka mid ah ciidamada Milateriga Soomaaliya, sida Guutada 14 oct iyo Wariyaasha Idaacadda Ciidamada Qalabka Side ee Soomaaliya (Radio SNA) iyo Xafiisyo kale. “Xafiiska Taliyaha Ciidamada Difaaca, Wasiirka Gaashaandhigga iyo Xafiiska Agaasimaha Wasaaradda Difaaca, bilooyinkaan ma qaadan lacagtii socodsiinta shaqada waana xaqiiqo aan dul tagay”, Waxaa sidaasi Caasimada Online u sheegay qof ka mid ah shaqaalaha wasaaardda difaaca. Wasaaradaha qaar ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa la sheegay in la dejiyay hal dhismo si ay ugu wada-shaqeeyaan korontada iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah shaqada. Sidoo kale shaqaalaha KMG ah ee wasaaradaha iyo xafiisyada dowladda ayaa kuu sheegaya in bishaan wixii ka dambeeya aysan sugeynin gunadii ay qaadan jireen maadaama aysan ku jirin liiska shaqaalaha Rayidka ah ee Soomaaliya. Mushaarka ama gunnada shaqaalaha KMG ah ayaa bishaan lag bixiyay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ,balse lama oga halka ay ku dambeyn doonto bilooyinka kale waxaana la sheegay in waqti dambe ay heleen bishaan halka markii hore ay isku wati qaadan jireen shaqaalaha dhan. Sababta mushaakilkaan lacagta ah ee taagan ayaa lagu sheegay in World Bank uu joojiyay lacagtii caddaanka aheyd ee la siin jiray Dowladda Soomaaliya kadib amar ka yimid QM oo khilaaf culus kala dhaxeeyo Soomaaliya. Sidoo kale, qaar ka mid ah dalalka reer galbeedka, iyo Midowga Yurub ayaa lacagtoodii hakiyey. Madaxweynaha Soomaaliya oo ka duulay dhibaatada soo wajahday dowladiisa ayaa dhowaan u safray wadanka Qatar si loo caawiyo dowladiisa basle waxaa la sheegay in la soo siiyay lacag dhan 20 milyan, taas oo la sheegayo in aysan waxba ka galin Soomaaliya markii loo eego caqabadaha ku hor gudban DF. Dowladda Soomaaliya ayaa hore lacagta uga joojisay Warbaahintii qaadan jirtay laa-luushka, taageerayaasheeda Facebook iyo xafsiiyadii Dowladda waxaana hada lays waydiinayaa waxa xiga ee dhici kara. Shaqsiyaadkii qaadan jiray lacagta ee dowladda taageera ayaa durba bilaabay in ay raali gelin ka bixiyaan waxyaabihii ay sameeyeen, halka qaar kalane ay bilaabeen in ay dacaayadeeyaan Xukuumadda balse waxaa jira 8 qof oo la sheegay in ay wali u soo dhacdo lacagta kuwaas oo wada dacaayadii ay ka fidin jireen siyaasiinta Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta Soomaaliya iyo baraha bulshada todobaadyadii ugu dambeeyay waxaa qabsaday warar sheegaya in kufsi loo geesto gabdho aad u da’yar kuwaas oo walaac ku abuuray waalidiin badna oo Soomaaliyeed. Inkastoo ay xaqiiqo tahay meelaha qaar sidii falkii lagu dilay Alle ha u naxariistee Caashi Ilyaas oo 12 jir aheyd iyo dhacdooyin kale, hadane waxaa soo baxaya hay’adao iyo qandaraasleyaal abuuraya falal badan oo kufsi ah, kuwaas oo markii dambe beenoobay. Saraakiil katirsan Booliiska Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamul gobaleedyada ayaa Caasimad Online u sheegay in ay jiraan shirkado isku xiran iyo hey’ado lacago ku qaata baahinta wararka been abuurka ah, islamarkaana laga leeyahay laba ujeedo oo aysan dad badan ku baraarugsaneen. Hay’adaha iyo dadka ka faa’iideysanaya dhacdooyinka kufsiga ee ku xiran hay’adaha ajnabiga ah, ayaa beentooda waxay halis ku tahay dhibanayaasha saxda ah sidii Caa’isha Ilyaas oo kale, sababtoo ah marka ay beentu badato waxaa dadku beensanayaan xaqiiqda. “Waxaa soo baxay kooxo iyo shirkado isku xiran oo buun buuniya kufsi aan jirin, si ay ugu soo qaataan qandaraas ka hortagaya kusfisa, sababtoo ah mashuurcyo badan ayaa soo xirnay”, ayuu Caasimada Online u sheegay Sarkaal katirsan Booliiska Soomaaliya. “Waxaan dul tagay oo aan xaqiijiyay ugu yaraan 5 kiis oo kufsi ah warbaahintana laga sii daayay waxayna noqdeen been iyo cabsi gelin”, ayuu yiri Sarkaal la hadlay Caasimada Online. Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in aysan aheyn wax dhici kara in maalin walba la sheego “waxaa la kufsaday gabar 5 jir ah” sababtuna waxay ku sheegayn in ay tahay been abuur socda oo aysan warbaahinta kawar qabin. “Maalin walba waxaan maqalnaa afar jir iyo shan jir ayaa la kufsaday, markii aan baarno been ayey ku soo dhamaataa”, ayuu yiri Sarkaalkaan aan la hadalnay oo katirsan Booliiska Soomaaliya. Soomaaliya ayaa aad looga hadal haayaa falalka kufsiga la xariira iyo afduubka gabdhaha waxa ayna arintaasi ay saameysay shacabka Soomaaliya. Xeer Ilaaliyaha Qaranka ee Soomaaliya ayaa dhowaan magaalada Muqdisho ka sheegay in nin 40 jir ah loo soo xiray kufsi uu u geestay gabar 5 sano jir ah sida uu hadalka u dhigay. Shacabka Soomaaliyeed ayaa is weydiinayaan arimahaan ku saabsan kufsiga, waxayna qaarkood ay ku tilmaamayaan dacaayad iyo cabsi gelin, halka qaar kalane ay ku micneeyeen shirkado isku xiran oo magaalada soo galay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Weydiinta nuucan ah marka aan arar ka dhiganayo tabasho ayaan qabaa, maxaa yeelay, wax la ii gaystay baan gocanayaa oo muwaaddin gef tirsanaya baan ahay, taana waxay igu kallifeysaa, inaan maanta, si dhab ah u manna sheegto afkaygana isku amaano, aniga oo cuskanayaa maanso uu haray u tiriyay, Alla ha u naxariistee abwaan C/qaadir Xirsi Yam-yam oo ahayd:- Nin amaanti meershaa Ri’ ismaashay weeyaan, Mid kalaa ka daba tiri Haddii ay ku moosaan Kartaa leysku muujaa Taasaa macquul u eg. Intaa ka dib, ereyada yasmada iyo ceebayntu ay ka muuqato ee sida xishood la’aanta ah uga soo fatahaya afka uu hadalkiisu anshaxa ka tagsan yahay ee uu madaxweynaha Yugaandha Yuweri Museveni sida bareerka ah mar walba ugu weerarayo qaranka Soomaaliyeed, oo aan kow iyo laba ahayn, markii ay maankayga iyo maskaxdayduba gubeen aadna ii xanuunjiyeen, isla markaana aan meesha ka waayay madax i matasha oo ka fal celisa quursiga joogtada noqday, ayaan qalinkayga caawinaad wediistay, aniga oo ka dhiganaya hub iyo gantaalaha wax duqeeya, si aan ugu difaaco heybadda iyo karaamada ay leeyihiin dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee abaallaawaha caaytamaya dalkiisa horay u soo badbaadiyay. Mudane maba mudnide, bal taariikhda dib u eeg, oo xusuus u yeelo xiriirkii hiil iyo hooba lahaa ee ay hoggaaminaysay dibloomaasiyadda wanaagga leh . Ma xusuusan kartaa mise waad iska indha tireysaa, markii ay Tanzania dhulkaaga barkiis qabsatay, inaad Soomaaliya ku soo oydeen oo tira yar oo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ah inta garoonka Entebi laga dejiyay ay ciidankii Tanzania ee idin qabsaday ay dib idinkaga riixeen, ka dibna madaxweynihii umadda Soomaaliyeed oo markaa ahaa guddmiyihii ururkii midowga afrika uu Muqdisho idin kaga yeeray halkaana aad heshiis nabadeed ku wada saxiixateen, sidaana aad dhulkiinnii ku hanateen, iyada oo halkaasi ay ku badbaadeen kumayaal nafood oo dhiman lahaa, idinkuna aad ku dhul waayi lahaydeen waana tii uu suugaanyahanka Soomaaliyeed lahaa:- Ugaandhiyo Tanzania eeddii kala gaadhay Ayaanbay malyuun dhiman lahayd, amase dheeraade Ereyada shanta ahe aad tiraa, leysku aaminaye. Mudane maba mudnide, ma waxaad garowsan weyday, in adiga oo jabhad ah aad gargaar weydiisan jirtay qaranka Soomaaliyeed oo waddamo badan oo xorriyad u dirir ahaa hortaa soo garab qabtay adna aad kuwaas uun ka mid ahayd, adiga oo weliba ammaanta ummadda Soomaaliyeed meel walba la taagnaan jiray, taasi oo aan hadda kaa muuqan, is weydiintuse waxa ay tahay “Maanta maxaa is beddelay, haddii la kufo in la soo kici karo sow ma ogid? Haddab, haddii waxaa soo abaal ah laguu soo galay oo qarash, tamar iyo dhiigba laguu soo huray, inaad garashadeeda yeelato, ayey ahayd, haddiise adiga oo aan ka abaal celin aad manta is tiri “Waa ay taag daran yihiine ku tiigso” hankoodu is ma dhimo dhaqsana wey u soo hanaqaadi doonaan ee middaa ogsonow, mana mudna Soomaaliya oo uu calankeedu xaruunta qaramada midoobay uu ka dul babbanayo, adiga oo aan waxba ka goyn karin, inaad maanta tiraahdo “Soomaaliya wax dowlad ah ka ma jirto” oo haddana iyada oo aan taa hore lagaaga jawaabin aad mar labaad tiraahdo “Askarigii anshax xumo raba ha i soo weydiisto Soomaaliya ayaan u dirayaa halkaas, ayey edeb darrada iyo dilkuba caadi ka yihiin oo aan waxba leyska weydiinayne”. Mudane maba mudnide, hadal xumada nuucaas ah, waxa ay caddeyn u tahay, in lixda kun iyo afarta boqol 6.400 askari ee Soomaaliya kaa joogta ay dhammaantood wada yihiin kuwo anshax daran oo aad noo soo dirtay, sida adiguba aad afkaada ku sheegayso, sidaasi darteed waxba ciidan baan la baxayaa ha noogu caga juglaynin, maxaa wacay in ay nala joogaan, inaad naga kaxaysato ayaaba noo dhaanta, waayo askari aad anshaxiisa durtay inuu wax noo dhimo mooyee waxba noo ma tarayo, waxaana adiga kuu wanaagsan in aad lahaato anshax madaxeed, isla markaana ogaatid Soomaalidu waxa ay tahay. Soomaali waa qoom adag Haddey dhaxani qabtoo Inyar ay qarqaryootay Qabkeedii weli ma jabin Qunyr baanay soo kici Hoggaan afrikey qaban Quusna waad ku qaadan. Ugu danbaystii madaxdayda Soomaaliyeed, waxaan leeyahay “Ma yeeraannimadu waa fulaynimo ee wadnaha gufaysta qaranka Soomaaliyeed ee aad mas’uuliyaddiisa nagu matashaanna af iyo addinba ku difaaca, haddii kale aamusnaantiinnu, waxa ay noo sheegeysaa khaladaadka dhacaaya iyo quursiga Museveni, inaad raalli ka tihiin”. W/Q: Barbaariye:- Bashiir Cali Xuseen
  22. Qeex Yoolkaaga Oo Noqo Mid Nolosha Ujeedo Ka Leh W/Q: Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare) Yoolka ama haddafka waa bartilmaameed loo maro hiigsi iyo himilo dheer, dedaal iyo wakhti badana lugu bixiyo sidii looga midho dhalinlahaa, waana ujeedada qofkastaa uu ka leeyahay nolosha. Igu horayn inta aanan gudo gelin mawduucan aynu isla qaadano wax ay tahay Cibaaddo, “Cibaado waa wax kasta oo allah jecelyahay oo raali kayahay ayaa cibaado layidhaahdaa In aynu kasoo baxno ayaa waajib ah”. Hadafka aad u nooshahay ee aan u noolahay waa “ ilahay in aynu barano” isagaa iskaga keen warmay oo sifadiisa, awoodiisa, makhluuqaadkiisa inoo sheegay, ee in aynu ku xidhnaano kitaabka quraanka iyo sunaha nabi muxamed csw si aynu u fahano oo ugu dhaqano hadafka aynu nolosha ka leenahay. Qormadeenan ciwaankeedu yahay Qeex Yoolkaaga Oo Noqo Mid Nolosha Ujeedo Ka Leh, waxaan kusoo qaadan doonaa Saddex ujeedo oo dadka dunida joogaa ay u noolyihiin kuwii hore u soo marayna ay u noolaan jireen waxayna kala yihiin. 1. Ujeedo Macno faro badan aan lahayn: Ujeedadda noocan ahi waa mida qofka bini-aadamka ahi uu ku noolyahay nolol aanu muhiimad iska saarin, tusaale ahaan, qofka dhalinyarta ah ee kunool ama kunoolaan jiray nolosha noocan ahi waa mid aanu noloshiisa ku xidhin wax masuul iyo xil isisaarid ah, seexo, cuno, cab, sootoos, raaxayso, sheekee, nolosha noocan ahi malaha macno buuran oo la taaban karo qofka ku jiraana wuxuu u dhexeeyaa intaas aan tilmaamay oo keli ah, mana jiro wax kale oo uu ku fikiraayo. 2. Ujeedada Aduunka wax kanoqosho ah: Ujeedada noocan ahi waa mid ku yar inta badan dhalinyarta Somaliyeed, kuna badan inta badan dhalinyarta wadamada reer-galbeedka, nolosha noocan ah waxaa lugu tartamayaa magaca iyo muuqasho, qofka dhalinyarta ah ee ku dhexjiraana wuxuu xooga saarayaa ka dhex muuqashadda dhalinyaradda lodkiisa ah (da’adiisa ah) ee dunida kale si uu uga dhex muuqdo ayaanu aqoon, cilmi, saynis, Tiknooloji iyo xisaabaad uu u baranayaa. 3. Hadaf Hiigsasho dheer leh(Waara): Ujeedada noocan ah waa mid guud ahaan ku yar dhalinyarada aduunka guudkeeda joogta wakhtigan hadda la joogo, inta la ogyahana waxaa ku tegay ujeedada noocan ah dad faro ku tirisa ah, aan idhaahdo waxaa ku tegay asxaabtii rasuulka csw, waa mid leh hiigsi dheer oo waara, kaas oo ah ka fikirka Aakhiro. Aynu soo qaadano qaar ka mid ah Asxaabtii rasuulka Csw oo tusaale inoogu filan sida ay maskaxda ugu hayeen Hadaf hiigsasho dheer leh Cumar Binu-Abdal Casiis:- “Waxaa igu jirta, Naf wax hiigsanaysa, Anigoo yar baan hiigsaday in aan carabiga iyo luuqadda gabayga ku takhasuso waan u dadaala, inyar kadibna gabadh faadumo layidhaah oo khaliifadii muslimiintu dhalay ayaan ku hamiyey, waan guursadday, Haddana Inaan waadi(Badhasaab) kanoqodo madiinadii rasuulka tiina waan gaadhey, Miyaad muslimiinta u talisid ayaan hiigsaddey tiina waan gaadhay”. Wuxuuna halku dhiga ka dhigan jiray “Waar Hooy Aduun La isma siiyo” Maxamed faatix:- “Maxamed faatix oo madarasad dhigta oo da’a yar waa inan yar wuxuu maqlay macalinkisii oo leh nabi Maxamed baan ka maqlay waxaa la furan doonaa istanbuul, 600 sano kadib ayuu maqlayaa xadiiskan, yarkaas yar waxaa laabtiisa gashay waa aniga ninka furanaya qusdandiiniya, Qiimo badanaa ninka hogaminya ciidanka furandoon,oo qiimo badanaa ciidamada furanayaa, sidii baanu kaga dhabeeyey hamigiisii ” Maxamed Ibnu Ismaciil (Bukhaari):- “Isagoo 14 jir ah oo deris (Cashar) dhiganaya ayuu maqlay laba sheekh oo culimadiisii kamid ah oo ka cawday axaadiis aad iyo aad ugu dhex qasan axadiista rasuulka(Axaadiis aan saxeex ahayn oo daciif ah), Maalintaas ayuu go’aansadday Bukhaari In uu kala saaro Axadiista”. Kuwaasi waa tusaalaha dadkii fiicnaa ee nolosha ujeedada ka lahaa, isla markaana ka sal gaadhay ujeedo kasta oo ay qorshaysteen rabi idankii ,hadaba adiga iyo naftaydaba aan su’aal weydiiyee Maxaa sababay in inta badan ujeedooyinka aynu leenahay aanay inoogu suurto gelin? Lasoco Qaybta 2aad Ee Qormaddan Wa-bilaahi Tawfiiq Saxafi /Qoraa Madax banaan. Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare) E-mail: Xamse18@gmail.com Www.facebook.com/wiyeeer Www.wiyeeryare.blogspot.com Hargeysa/Somaliland Qaran News
  23. By Eric Schmitt and Charlie Savage WASHINGTON — The American military has escalated a battle against the Shabab, an extremist group affiliated with Al Qaeda, in Somalia even as President Trump seeks to scale back operations against similar Islamist insurgencies elsewhere in the world, from Syria and Afghanistan to West Africa. A surge in American airstrikes over the last four months of 2018 pushed the annual death toll of suspected Shabab fighters in Somalia to the third record high in as many years. Last year, the strikes killed 326 people in 47 disclosed attacks, Defense Department data show. And so far this year, the intensity is on pace to eclipse the 2018 record. During January and February alone, the United States Africa Command reported killing 225 people in 24 strikes in Somalia. Double-digit death tolls are becoming routine, including a bloody five-day stretch in late February in which the military disclosed that it had killed 35, 20 and 26 people in three separate attacks. Africa Command maintains that its death toll only includes Shabab militants, even though the extremist group claims regularly that civilians are also killed. The Times could not independently verify the number of civilians killed. The rise in airstrikes has also exacerbated a humanitarian crisis in the country, according to United Nations agencies and nongovernmental organizations working in the region, as civilians are displaced by ongoing conflict and extreme weather. “People need to pay attention to the fact that there is this massive war going on,” said Brittany Brown, who worked on Somalia policy at the National Security Council in the Obama and Trump administrations and is now the chief of staff of the International Crisis Group, a nonprofit organization focused on deadly conflicts. The war in Somalia appears to be “on autopilot,” she added, and one that is drawing the United States significantly deeper into an armed conflict without much public debate. Somalia, a country that occupies a key strategic location in the Horn of Africa, has faced civil war, droughts and an influx of Islamist extremists over the years. The growing United States military engagement stands in stark contrast to the near-abandonment not long after the “Black Hawk Down” battle in 1993, which left 18 Americans and hundreds of militia fighters dead. The intensifying bombing campaign undercuts the Trump administration’s intended pivot to confront threats from great powers like China and Russia, and away from long counterinsurgency and counterterrorism campaigns that have been the Pentagon’s focus since 2001. Analysts suggested that the increase in American strikes may also reflect an unspoken effort by American commanders to inflict as much punishment on the Shabab while they can. “Many of our commanders probably see a renewed urgency to degrade the enemy quickly and forcefully,” said Luke Hartig, a former senior director for counterterrorism at the National Security Council during the Obama administration. Gen. Thomas D. Waldhauser, the head of Africa Command, said planned cutbacks elsewhere will not affect what the military is doing in Somalia. “We’ll maintain our capability and capacity there,” General Waldhauser told the House Armed Services Committee last Thursday. Africa Command is scaling back American forces nearly everywhere else on the continent in a move that poses a particular threat for West Africa, which is grappling with a range of extremist groups. The Shabab formally pledged its allegiance to Al Qaeda in 2012. But long before that, it fought Western-backed governments in Mogadishu as the group sought to impose its extremist interpretation of Islam across Somalia. In defending the fragile government, the United States has largely relied on proxy forces, including about 20,000 African Union peacekeepers from Uganda, Kenya and other East African nations. The United States estimates that the Shabab has about 5,000 to 7,000 fighters in Somalia, but the group’s ranks are fluid. A State Department official, citing interviews from Shabab deserters, said that the number of hard-core ideologues may be as few as 500. There are also now roughly 500 American troops in Somalia. Most are Special Operations forces stationed at a small number of bases spread across the country. Their missions include training and advising Somali army and counterterrorism troops and conducting kill-or-capture raids of their own. The Shabab has proved resilient against the American airstrikes, and continues to carry out regular bombings in East Africa. A range of current and former American officials said no seismic strategic shift explains the increased airstrikes and higher body count; the mission remains providing security so the fledgling Somali government will have time and space to develop its own effective military and security services. But they noted a range of contributing factors for the rise in tempo and lethality of the military campaign. Taking a page from counterinsurgency tactics developed in Afghanistan, American forces have helped Somali soldiers build several outposts across Somalia, about 20 percent of which is still controlled by the Shabab. One is named for Staff Sgt. Alexander W. Conrad, of Chandler, Ariz., who was killed in a mortar attack last year while he helped to build it. The Shabab views the outposts “as an irritant, and masses to go after it,” Maj. Gen. Gregg Olson, the Africa Command’s director of operations, said in an interview. In turn, that has put attacking Shabab fighters in the cross hairs of American airstrikes to defend the Somali forces. Several officials said intelligence operations — including aerial surveillance, electronic intercepts and informant networks — have improved over the past year. American troops with the secretive Joint Special Operations Command have built up informant networks that lead to raids and strikes, after which they collect cellphones, laptops and documents to generate information for more. The drawdown of American military operations elsewhere in the world — including in Syria and, to a lesser immediate extent, Afghanistan — also has likely freed up more drones and other gunships for use over Somalia, several former United States officials said. “We were geared up for counterterrorism efforts in Somalia, and now there are more resources to do it, so we’re doing more of it,” suggested Stephen Schwartz, who served as the United States ambassador to Somalia from 2016 to 2017, although he cautioned that he had no current insider knowledge. “It could be there is some well-thought-out strategy behind all of this,” Mr. Schwartz added, “but I really doubt it.” The loosening of Obama-era constraints on using force in Somalia, as approved by President Trump in 2017, has also contributed. Shortly after taking office, Mr. Trump declared Somalia to be an “area of active hostilities” subject to war-zone rules. That freed the United States military to carry out offensive operations whenever Shabab militants presented themselves — including against foot soldiers without special skills or roles. Mr. Trump also delegated authority to commanders to carry out strikes without high-level interagency vetting. But Africa Command was initially slow to embrace it, waiting months before it carried out its first strike in 2017 under the new rules. Now, however, it has opened the throttle, according to military data compiled by Bill Roggio, a senior fellow at the Foundation for the Defense of Democracies, who has tracked counterterrorism airstrikes for more than a decade on his Long War Journal. Many of the recent airstrikes have targeted large groups of suspected fighters, killing more than 10 people in a single fierce swoop. Africa Command has disclosed strikes and estimated death tolls in a series of terse news releases, earning scant attention from Congress or the news media. Along with the European Union and the United Nations, the United States also has continued to invest in so-called soft power assistance to Somalia, providing humanitarian aid such as food to drought victims, and development programs on education and training. Officials cited signs of recent incremental progress in efforts to help the Somali government build a functional national army. And in December, the United States re-established a permanent diplomatic presence in Somalia for the first time since 1991. The current United States ambassador to Somalia, Donald Yamamoto, lives in Mogadishu, although the mission consists of a windowless bunker at the well-guarded airport. There is good reason for caution. In 2013, Shabab militants carried out a deadly attack at the Westgate mall in the Kenyan capital of Nairobi. In January, they attacked a luxury hotel and office complex in Nairobi, killing 21 people. And in late February, the Shabab claimed a double bombing and the siege of a hotel in Mogadishu that killed at least 25 people. General Olson said the military would continue to go after the Shabab as long as that is its mission. “We go after the network when the network presents itself, whether a single node or a concentration,” he said. “We’ve developed intelligence and are sussing out the relationship between the leadership and those being led; between those being led and those being trained or recruited or massed for an attack. “We understand the network better than we have in years past,” General Olson said. Source: New York Times