-
Content Count
207,640 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The US military has escalated a battle against al-Shabab, an extremist group affiliated with al-Qaida, in Somalia even as president Donald Trump seeks to scale back operations against similar Islamist insurgencies elsewhere in the world, from Syria and Afghanistan to West Africa. A surge in US airstrikes over the past four months of 2018 pushed the annual death toll of suspected al-Shabab fighters in Somalia to the third record high in as many years. Last year, the strikes killed 326 people in 47 disclosed attacks, defence department data show. And this year, the intensity is on pace to eclipse the 2018 record. During January and February alone, the US Africa Command reported killing 225 people in 24 strikes in Somalia. Double-digit death tolls are becoming routine, including a bloody five-day stretch in late February in which the military disclosed that it had killed 35, 20 and 26 people in three attacks. Africa Command maintains that its death toll includes only al-Shabab militants, even though the extremist group claims regularly that civilians are also killed. The Times could not independently verify the number of civilians killed. The rise in airstrikes has also exacerbated a humanitarian crisis in the country, according to UN agencies and nongovernmental organisations working in the region, as civilians are displaced by ongoing conflict and extreme weather. “People need to pay attention to the fact that there is this massive war going on,” said Brittany Brown, who worked on Somalia policy at the National Security Council in the Obama and Trump administrations and is now chief of staff of the International Crisis Group. The war in Somalia appears to be “on autopilot”, she added, and one that is drawing the United States significantly deeper into an armed conflict without much public debate. The intensifying bombing campaign undercuts the Trump administration’s intended pivot to confront threats from great powers like China and Russia, and away from long counterinsurgency and counterterrorism campaigns that have been the Pentagon’s focus since 2001. Gen Thomas D. Waldhauser, head of Africa Command, said planned cutbacks elsewhere would not affect what the military was doing in Somalia. “We’ll maintain our capability and capacity there,” Waldhauser told the House Armed Services Committee on Thursday. – New York Times News Service View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-11032019.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa dejisay dhammaan diyaaradaheeda nooca Boeing 737-Max 8 kadib markii mid ka mid ah oo shalay dhacday ay ku dhinteen 157 qof. Madaxda shirkadda, Tewolde GebreMariam ayaa sheegay in wax kasta ay sababi karaan in diyaaraddaas ay soo dhacdo. Waxa uu sheegay in shirkadda diyaraadaha Ethiopian Airlines ay ka mid tahay shirkadaha diyaaradaha ee ugu ammaanka badan caalamka. Shiinaha ayaa sidoo kale amray shirkadaha diyaaradaha dalkaas inay dejiyaan dhammaan diyaaradaha Boeing 737-Max 8. Sidoo kale shirkadda diyaaradaha Cayman Airways, oo ka shaqeysa dalalka Kareebiyaanka ayaa dejisay dhammaan diyaaradaheeda nooca 737-Max 8. Diyaaradda Boeing 737-MAX 8 ayaa sidoo kale ah nooca diyaarad badda Java ee dalka Indonesia ku dhacday bishii October ee 2018, markii ay ka kacday magaalada Jakarta, waxaana ku dhintay 189 qof. Source
-
Axmed Cabdilaahi Aadan waa Aabe haysta 10 Caruur ah oo ku nool kaamka Barakacayaasha ee SYL ee magaalada Gaalkacyo. Waraysi uu siiyay warsidaha Puntlandi.com ayuu [...] Source
-
(GSL-T Burco)- Xisaabiyihii Xafiiska Maamulka Gobolka Togdheer Mustafe Macalin Oo La Goostay Lacag Gaadhaysa Ku Dhowaad 32000,000 Milyan Oo Shilinka Somaliland, Taas Oo Ahayd Mushaharkii Cuqaasha Iyo Shaqaalaha Xafiiska Badhasaabka Gobolka Togdheer Ayaa Ku Biiray Jabhada Kornayl Caare.MasuulkaniOo Maqan Mudo Ku Dhowaad Ah 5 Cisho Ayaa La Sheegay Inuu Ku Biiray Jabhada Kornayl Caare Islamarkaana Wakhtigan Ku Sugan Yahay Xarunta Jabhadaasi Ee Qardho.Khilaaf In Mudo Ah U Dhexeeyay Badhaasabka Gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi Iyo Xisaabiyihii Xarunta Maamulka Gobolka Togdheer Mustafe Macalin Ayaa Sababay Inuu Masuulkani Ku Biiro Jabhada Kornayl Caare .Masuulkani Ayaa Waxay Isu Beel Yihiin Badhasaabka Gobalka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi Iyo Kornayl Caare Oo Ah Horjooga Jabhadaasi Uu Ku Biiray. WWW.SomalilandToday.com Office Burco Source
-
Somali Prime Minister, Hassan Ali Khaire and a high-level delegation he was leading have arrived in the southern port city of Kismayo on Monday. The PM received a warm welcome from Jubbaland state president, lawmakers officials and cheering flag-waving crowd upon his arrival at the city’s airport. The premier’s trip was delayed twice this week due to the demise of the country’s constitution minister, Abdi Hosh Jibril who passed away last Friday in UAE’s Dubai city. During his stay, Somali PM is expected to hold talks with Jubbaland state president Ahmed Madobe and other state officials to discuss the current issues in the country and way to restore cooperation between the regional administration and the Federal government. View the full article
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Safarka uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre maanta ku tegay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ayaa shaki siyaasadeed abuuray xilli taageerayaasha madaxweynaha ay aad u dhaliileen. Kheyre ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ku soo dhoweeyay madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, oo la filayo in wada-hadallo ay yeeshaan. Siyaasiyiin ku dhow madaxweynaha iyo taageerayaashiisa ayaa su’aalo ka keenay sida maamulka Jubbaland uu sare ugu qaaday soo dhoweynta Ra’iisal wasaaraha oo aan horey loo arag. Magaalada ayaa waxaa lagu wada dhejiyey sawirrada Kheyre iyo Axmed Madoobe, waxaanse ka muuqan sawirrada madaxweynaha Soomaaliya, taasi oo taageerayaasha madaxweynaha ay dhibsadeen. Arrimaha shakiga ugu weyn abuuray ayaa waxaa ka mid ah ayada oo horey ay u jireen warar sheegaya in Kheyre uu ku jiro hami madaxweynenimo, islamarkaana safarkan uu qeyb ka yahay isbaheysi uu sameysanayo ka hor doorashada 2020. Xubnaha madaxweynaha ku dhow ayaa walaac ka qaba in Kheyre uu awood baaxad weyn oo siyaasadeed yeelanayo xilli uu weli qeyb ka yahay dowladda. Sidoo kale xildhibaanada ku beesha ah madaxweynaha oo beesha Axmed Madoobe ay xurguf siyaasadeed kala dhaxeyso ayaa safarkan u arka mid Axmed Madoobe isbahaysi ka dhan ah madaxweynaha iyo beeshiisa uu ku sameysanayo. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
The commander of the Somali military in Gedo province has disclosed further details about the shooting of civilians by unidentified assailants in Bardhere town, south of the country. Colonel Ali Mohamed, of the top army commanders in the region, told Radio Shabelle that at least one resident was killed and two others wounded in the incident. He added that some of the attackers were detained and are now in police custody while the others are at large. The incident is attributed to a power struggle in the city that has been ongoing in the past few months. View the full article
-
Somaliland: President Muse Bihi Abdi On Official Visit To UAE The Somaliland President Muse Bihi Abdi and a high ranking delegation are currently on an official visit to the United Arab Emirates. The delegation arrived on Saturday morning in Abu Dhabi and were received with the protocol of the highest level. The Somaliland delegation are expected to discuss with their UAE counterparts areas of mutual interest, including the concluding agreements on the United Arab Emirates Military base near Berbera, the proposed renovations of the Berbera airport into a civil and and military sectors and the on-going work on the Berbera port by the UAE’s DP World Group. President Muse Bihi’s delegation includes the Somaliland Ministers for Energy & Natural Resources, Jama Mohamud Egal, Religion & Endowments, Sheikh Khalil Abdillahi Ahmed, Trade & Industry, Mohamud Hassan Sa’ad. The delegation is also accompanied by the President’s press secretary, Mohamud Warsame Jama. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dhaqaaqa Al-shabaab ayaa shaaciyay wareysi laga qaaday Raggii weeraray Hotelka Maka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho.Al-shabaab ayaa mid mid u sharraxay Magaca saddexan, da’diisa ,Qabiilkiisa iyo degaanka uu ku dhashay,waxaana ka mid ahaa; 1-Siidoow Shariif Cabdulle, 30 jir,waxa uu ahaa qofka waday Gaariga 1aad ee Qaraxa sameeyay, waxaa uu ka dagaallami jiray gudaha Kenya kaddibna waxaa uu ku biiray qolada is qarxisa ee AL-shabab, waxaa uu ka dhashay Beesha Dabarre,waxaana uu ku dhashay Muddul Baraawe. 2-Cabdullahi Mukhtaar Mucallim, hoggaamiyaha kooxdii Hotelka weerartay, 24 jir ka dhashay Beesha Hadame,waxaa uu ku dhashay degaanka Rabdhuurre. 3-Aadan Macallin Caddoow. 30 jir, waxaa uu ahaa qofkii ugu dambeeyay ee dagaalka ku dhinta waxaana Al-shabaab ay sheegeen in markii la dili waayay lagu dumiyay Gurigii uu ku jiray, lama sheegin beeshiisa iyo meesha uu ku dhashay. 4-Nuur Maxamuud Cismaan, 18 jir,waxaa uu ka dhashay Beesha Eelaay,waxaa uu ka soo dagaallamay Mudug,waxaana kaddib uu ku biiray qolada is qarxisa ee Al-shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ra’isilwasaaraha xuukumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray goordhow magaalada Kismaayo. Xubno katirsan wasiirada Ra’isilwasaare Kheyre ayaa ku wehlinaya socdaalkaan uu ku tagay Kismaayo. Wafdiga Ra’isilwasaaraha ayaa si balaaran loogu soo dhoweeyay Kismaayo. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayqq kaga hortagay wafdigaan garoonka Kismaayo. Amaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana llaxiray inta badan wadooyinka Kismaayo. Sawiro iyo faah faahin intaan ka badan dib kala soco insha allah . Puntland Post The post Ra’isilwasaare Kheyre oo gaaray Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Jubbaland. Wafdiga Mudane Xasan Cali Khayre waxaa garoonka Kismaayo si-weyn ugu soo dhaweeyay Madaxda Dowlad Goboleed Jubbalnd iyo dadweyne kala duwan oo ka yimid xaafadaha magaalo xeebeedka Kismaayo. Qaar kamid bulshada magaalada oo ka hadlay socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in uu soo booqdo Ra’iisul wasaaraha qaranku, iyaga oo sheegay in socdaalku muujinayo sida dawladda federaalka iyo dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah ay uga go’antahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la filayaa in uu la kulamo la qaato madaxwaynaha Jubaland, mudane Axmed Maxamed Islaam iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. View the full article
-
Ma jirto cid ka badbaaday diyaaradda Ethopia Air line oo shalay ku dhacday magaalada Bishoftu oo 60km u jirta caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa. Diyaaradda oo ah Boeing 737 ahna nooca rakaabka qaada ayaa burburtay xilli ay u kala gooshaysay magaalooyinka Addis Ababa iyo Nairobi. Sida ay sheegen masuuliyiinta sharikadda Ethiopian Airlines,diyaaraddan ayaa la rumaysan yahay in ay saarnaayeen 149 rakaab ah iyo sideed kamid ah shaqaalaha diyaaradda. Dadka diyaaradda saaran ayaa u kala dhashay 33 jinsiyadood, oo Soomaaliya ay ku jirto. Waxaa la helay magacyada qaar ka mid ah dad Soomaaliyeed oo ku dhintay diyaaraddii ay lahayd Ethiopia Airlines,waxayna kala yihiin 1- C/shakuur Maxamed Shahaad 2- Siraaji Xuseen Cabdi 3- Sahro Saciid Xasan 4- Nasrudiin C/qaadir 5– Aamina Ibraahim Odowaa 6- Axmed Nuur Maxamuud PUNTLAND POST The post AKHRISO: Magacyada muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku dhintay bur burkii Ethiopian Airline appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Sidoo kalena ah Xildhibaan Ka tirsan golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ahaa wasiirkii Dastuurka Soomaaliya oo dhawaan ku geeriyooday Cisbitaal ku yaala Dalka isu taga imaaraadka Carabta, islamarkaana aas qaran shalay loogu sameeyay Magaaladda Muqdisho. “Innaa lillaah wa innaa illeyhi raajicuun, marxuumka rabi naxariistiisa haka waraabiyo,kitaabkiisa gacanta midig Allaha haka siiyo ehelkii iyo qaraabadii iyo sidoo kale guud ahaan umadda Soomaaliyeed oo uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan Allaha haka wada siiyo, anagana gadaashiisa Illaahey nama fidneeyo” Ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyihii hore ee Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliiya ayaa sheegay in Allaha ha u naxriistee Wasiir Xoosh Jibriil uu kaalin wanaagsan kasoo qaatay Dowladnimada Soomaaliya, islamarkaana dowr muuqda ku lahaa sidii Soomaaliya ay u yeelan laheyn dastuur ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed. “Allaha u naxriistee marxuumka waxa uu ahaa muwaadin ay quluubtiisa ku weyn tahay in dalkeenna uu horumar gaaro, islamarkaana aan gaarno horumar dowladnimo,isagoo inta uusan geeriyoon ka shaqeynayay howlaha dib u eegista iyo dhammeystirka Dastuurka KMG ah ee dalka” ayuu hadalkiisa kusii daray Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Allaha ha u naxriistee Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo dhawaan Magaaladda Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta ku geeriyooday, islamarkaana Aas qaran loogu sameeyay Magaaladda Muqdisho ayaa waxa uu ka tirsanaa Baarlamaankii 9-aad ee Soomaaliya,isagoo Sidoo kale xilal kala duwan soo qabtay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa amar deg deg ah kasoo saaray dhulkii ciidamadii Badda Soomaaliya iyo gurigii taliyaha ciidamada Badda ee degmada C/casiis ee gobolka Banaadir. Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa aqriyay wareegto kasoo baxday xafiiskiisa, oo lagu amrayo dhamaan dadka degen dhismaha xaruntii ciidamada Badda Soomaaliya. Wuxuu sheegay inuu ku amrayo dhamaan dadka degen inay sida ugu dhaqsiyaha badan kaga baxaan dhismahaasi, isaga oo sheegay in loo badalay dhul Diblumaasiyadeed, maadaama uu ahaa dhul dan guud ah. Ma cadeyn waxa uu kaga jeeday Dhul Diblumaasiyadeed, balse wuxuu amray in dhamaan dadka degen ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga guuraan, isaga oo sheegay in arintaan qeyb ka tahay in safaaradaha loo asteeyo meelo qurxoon. Sidoo kale wuxuu nasiib daro ku tilmaamay in saraakiil ka tirsan ciidamada amaanka inay dabaqyo dhaadheer ka dhisteen xaruntii ciidamada Badda, isaga oo sheegay inaan la aqbali doonin. Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in dhulkaasi ay la wareegeyso dowladda Soomaaliya. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/aa.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimad@live.com
-
(SLT-Washington)-Dawladda Maraykanka ayaa Maalintii Khamiistii soo saartay Digniin ay 10-March Oo Shalay ku beegnayd ay Muwaadiniinteeda uga digtay Khataro kusoo fool leh Itoobiya sida mudaharaado iyo arimo kale, waxa kale oo ay gabi ahaanba ka mamnuucday Muwaadiniinteeda inay wax safar ah galaan, Gudaha iyo dibadda Dalka. Dawladda Maraykan ayaa Digniintan ugu sheegtay Muwaadiniiteeda inaanay iman, kana dhoofin Garoonka Diyaaraduhu ka haadaan ee Bole International ee Adisababa 10-March oo Shalay ahayd oo diyaaraddii Shalay ka duushay garoonkani ay burburtay, iyadoo si gaar ah arintan loogu xusay Shaqaalahood safaaradda Maraykanka iyo danjirayaasha dalkaasi ka joogaba. Waxay ku xuseen arintani cabsi laga qabo mudaharaado dhaco, iyadoo bishan illaa 6-deedii ay mudaharaado badani ka dhaceen deegaamo badan oo ka tirsan Dhulka Oromadu degto. Source
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Qaban qaabadii ugu dambeeysay ayaa ka socota magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, taasi oo lagu soo dhaweynayo ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre. Amaanka magaalada ayaa la adkeeyay, waxaana xiran waddooyinka gala madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, iyadoo la dhigay ciidamadii ugu badnaa si amaanka ay u xaqiijiyaan. Wafdiga ra’iisul wasaaraha kaga horeeyay magaalada Kismaayo ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha, waxaana waddooyinka ku sugan arday iyo haween badan oo laga keenay xaafadaha magaalada Kismaayo. Madaxtooyada Jubbaland ayaa shaacisay in Kheyre iyo Axmed Madoobe ay ka wada hadli doonaan dardar gelinta howlaa horyaala dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada iyo xalinta Khilaafka u dhaxeeya labada dhinac. La soco waxii kasoo kordhaa Safarka Xasan Cali Kheyre ee magaalada Kismaayo. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Ciidamada ammaanka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa saacadihii la soo dhaafay gacanta ku soo dhigay Nin xirnaa Xijaab iyo Indho-Shareer. Ninkan ayaa la sheegay in laga soo qabtay xaafadda Iskuul Goday, kadib markii ay ka shakiyeen ciidanka amniga ee degmadaasi. Taliska Booliska Kaaraan oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in wax hub ah uusan wadan ninkaasi, balse ay weli ku hayaan baaritaano dheeraad ah. Ma’ahan markii ugu horreysay oo ay laamaha amnigu soo qabtaan nin xiran dharka Haweenka, iyadoona marar badan rag xirnaa lagu soo bandhigay M/Muqdisho. View the full article
-
(SLT-Addis Ababa)-War ka soo baxay Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in 19 ka mid ah shaqaalaheeda ay ku dhinteen burburka diyaaradii Ethiopian Airlines ee bur burtay maalintii shalay. Hay’adda cunada aduunka ee WFP ayaa waxaa shilka diyaaradeed uga dhintay 7 ka mid ah shaqaalaheeda, xafiiska qaxootiga UNHCR Labo shaqaale ah ayaa uga dhitay shilka, halka Ururka caalamiga ah ee Isgaarsiinta dunida ITU burburka diyaarada ay uga dhinteen tiro la mid ah. Hay’addaha FAO, IOM iyo waliba xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobey waxaa burburka diyaarada Ethiopian Airlines uga geeriyooday min hal shaqaale ah. Lix shaqaalaha xafiiska Qaramada ee Nairobi (UNON) ayaa ka mid ahaa dadka ku dhintay burburka diyaarada sida lagu sheegay warka ka soo baxay Qaramada Midoobey. Dad ka kala socda ilaa 35 dowladdood ayaa la sheegay in ay ku dhinteen burburka diyaarada, iyadoo tirada ugu badan dadka dhintay ay u dhasheen Kenya oo ka geeriyoodeen 32 ruux. Waxaa sidoo kale dadka dhintay ka mid ahaa 18 u dhashay dalka Canada, Sagaal Itoobiyaan ah iyo waliba Siddeed Ameerica ka soo jeeday. Soomaaliya waxaa waxaa la sheegay in uu hal qof oo kaliya kaga dhintay burburka diyaarada sida ku cad liiska Jinsiyadaha ay ka soo jeedeen dadka ku dhintay diyaarada. Source
-
(SLT-Kuwait)-Wargeyska maalinlaha ee Al-anbaa ee ka soo baxa caasimadda dalkaasi ee Kuwait City ayaa qoray in Haweeney Soomaali ah la soo taagay Maxkamadda Dembiyadda ee dalkaasi. Haweeneydaasi oo aan magaceeda la shaacinin ayaa la sheegay inay walaalkeeda mindi ku dishay bishii September 18-dii ee sannadkii hore. Maxkamaddu waxay ku xukuntay Haweeneydaas xabsi 4 sanno iyo shaqo adag, kadib markii ay ku caddaatay inay tooreey la dhacday walaalkeeda ilaa uu ka naf baxo. Dhinaca kale, ilo dhanka Ammaanka ayaa u sheegay Wargeyska Al-anbaa in dhegeysiga dacwadaasi timid, kadib markii Xafiiska Dacwad-oogaha dalkaasi u soo gudbiyey Maxkamadda Gal-dacwadeedka dilkaasi, Haweeneyda dilka geysatay ayaa sheegtay inaysan doonaynin inay walaalkeeda disho, balse uu xanaaqu ka tan badiyey. Wargeyska Alanbaa wax faahfaahin ah kama bixinin waxa ay isku qoonsadeen Haweeneydaasi iyo Walaalkeeda ay gacanteeda ku dishay. Source
-
Washington: Dowladda Mareykanka ayaa xoojisay dagaalka ka dhanka ah Xarrakada Alshabaab ee xiriirka dhaw la leh ururka Al-Qaeda xilli madaxweyne Donald Trump uu raadinayo qorshe lagu yareynayo hawl-gallada lagu beegsanayo kooxaha Islaamiyiinta ah ee ku sugan waddamada Syria, Afghanistan iyo Galbeedka Africa. Duqeymo xooggan oo dowladda Mareykanku ku qaadday Alshabaab afartii bilood ee ugu dambeysay sannadkii 2018kii ayey uga dishay dagaalyahannadii ugu badnaa, Sannadkii tagey duqeymaha dhanka cirka ah waxaa lagu dilay 326 oo dagaalyahan waana illaa 47 weerar sida lagu sheegay xog ay shaacisay wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Mareykanka. Sannadkan cusub ee 2019 kama awood yara weerarrada Alshabaab lagu beegsado. Bilihii Jannaayo iyo Febraayo oo kaliya talista Mareykanka ee Africa wuxuu sheegay in lagu dilay 225 dagaalyahan 24 duqeymo ah oo Soomaaliya laga fuliyey. Waxaa Iyana jirtay in duqeymo goos-goos ah oo la fuliyey daba-yaaqadii bishii Febraayo lagu dilay dagaalyahanno kale waana illaa 3 weerar oo lagu qaaday goobo bartilmaameed ahaa. Taliska Mareykanka ee Africa waxay sheegeen in dhimashada la shaaciyey ay tahay oo kaliya mid Alshabaab loo geystay inkastoo kooxdani ay si joogto ah u sheegto in dadka la dilay ay yihiin Shacab iyadoo aan si madax bannaan loo xaqiijin karin tirada rasmiga ah ee waxyeellada soo gaarta shacabka Kororka duqeymaha dhanka cirka ah waxay sababeen xaalad bini’aadannimo oo soo wajahda dalka sida ay sheegeen hay’adaha Qaramada Midoobay iyo hay’adaha aan dowliga ahayn ee dalka ka shaqeeya waxaana jirta in shacabku ay ka cararayaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo cimillada oo aan u saamaxeyn inay deegaannadooda joogaan. “Dadku waxay u baahan yihiin inay ka feejignaadaan dagaallada socda,” Sidaan waxaa tiri Brittany Brown, oo ah mas’uul ka shaqeysa siyaasadda Soomaaliya ee golaha ammaanka qaranka waxaana ay hawshan ku jiray illaa dowladdii Obama iyo tan hadda jirta oo ay madax ka tahay ICG oo ah koox xal u raadisa xasaradaha inta badanna diiradda saarta goobaha colaaddu ka aloosan tahay. Dagaalka ka socda Soomaalia wuxuu u muuqdaa mid aan aad looga fikirin, ayey sii raacisay iyadoo sida ay sheegtay uu sii xoogeysan karo haddii ayey tiri aan dood badan laga yeelan sida laga yeelayo dagaallada iyo duqeymaha ka jiro gobollada dalka qaarkood. Source: goobjoog.com
-
Baardheere (SMN) – Taliska milatariga Soomaaliya ee Gedo ayaa ka warbixiyay shaqaaqo lagu dilay dad shacab ah oo ka dhacday degmada Baardheere ee gobolkaasi. Korneyl Cali Maxamed oo ka mid ah saraakiisha milatariga DFS ayaa Shabelle u sheegay in kooxo hubeysan ay rasaaseeyeen dadkaasi oo ku sugnaa gudaha magaaladaasi. Waxaana uu tilmaamay in falkaasi uu ku dhintay hal Qof , kuna dhaawacmeen labo kale oo dhammaan ahaa dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray sarkaalkani in ay gacanta ku soo dhigeen qaar ka mid ah raggii ka dambeeyay dhacdadaasi. Arrintan ayuu xusay in ay salka ku heyso xiisad la xariirta dhinaca maamulka oo weli ka taagan degmada Baardheere oo ku taalla koonfurta Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/cod-cabdiqani-.mp3 View the full article
-
(SLT-Afghanistan)-Waxaa soo baxaya xog cusub oo sheegeysa in hoggaamiyihii hore ee ururka Taalibaan Mullah Cumar oo muddo sanado ah ku noolaa guri u dhow saldhig militariga Mareykanka ku lahaa dalka Afqaanistaan. Mullah iyo Cusama Bin Laaden ayuu muddo dheer aad u doondoonayay Mareykanka. Iyadoo wada hadallo ay dalka Qadar ku dhex marayaan wakiillo ka kala socda Mareykanka iyo ururka Taalibaan ee dalka Afqaanistaan ayaa hadda waxaa soo baxay buug cusub oo qeexaya sida Mullah Cumar uu u ahaa nin go’doonsan ka hor inta uusan xanuun u dhiman. Buugaasi oo ay qoaray Bett Dam oo ah suxufi u dhalatay dalka Netherlands ayaa lagu sheegay in Mullah Cumar uu muddo sano ah ku dhuumaaleysanayay guri ku yaal dalkaasi Afqaanistaan oo dhawr kiiloo mitir u jira saldhig weyn oo uu Mareykanka ku lahaa dalkaasi. Sirdoonka Mareykanka ayaa la sheegay in uu ku guul dareystay in oo ogaado in Mullah oo 10 milyan oo doolar uu madaxiisa dul dhigay ka dib weerarkii 11-kii September ee sanadkii 2001-dii uu ku dhuumaaleysanayay halkaasi. Mullah ayaa ahaaa ninka labaad ee Mareykanka aadka u doon-doonayay marka laga soo tago Cusama Bin Laden oo sanadkii 2011-kii lagu dilay dalka Pakistan. Inta badan waxaa la saadaalinayay in hoggaamiyahaasi Taalibaanka uu ku dhuumanayay dalka Pakistan. Buugan ay haatan qoray gabadhan lagu magacaabo Bette Dam ayaa lagu cadeeyay in Mullah uu muddo sanado ah ku dhuumaaleysanayay gurigaasi oo ciidamada Mareykanka ay mar baareen balse aysan ka helin. Baaritaanka ay sameysay gabadhan weriyaha ahi ayaa ku saleysan wareysiyo ay la yeelatay dad badan oo uu ku jiro ninkii aadka u ilaaleyn jiray Mullah tan. Weriyahan ayaa loo sheegay in hoggaamiyahasi Taalibaanku uu dhageysan jiray BBC-da oo uu wararka halkaasi kjala socon jiray. Sida la sheegay ma uusan awoodin in uu si dhab ah u maamulo ururukaasi balse waxaa had iyo jeer la adeegsan jiray magaciisa oo Taalibaanku ay warbixinno ku soo saari jireen. Balse waxaa la sheegayaa in uu bixiyay amarka ah in xafiis uu Taalibaanku ka furto dalka Qadar oo haatan ay ka socdaan wada hadallada la doonayo in lagu dhex dhexaadiyo mareykanka iyo Taalibaan. Bette Dam ayaa BBC-da u sheegtay in mukhaabaraadka dalkaasi Afqaanistaan ee ku sugnaa gobolka Zabuul oo ah halka uu ku dhashay Mullah ay in muddo ah ka shakisanaayeen in Mullah uu ku dhuumaaleysanayo gudaha dalkaasi Afqaanistaan. Balse mar kastaa waxaa la hadal hayay in uu ku dhuumaaleysanayo waddanka deriska ah ee Pakistaan, waxaana dhawr jeer militariga Mareykanka uu isku dayay in uu halkaasi ka raadiyo. Hoggaamiyaha Al-Qaacidda Cusama Bin Laden oo isagana malaayiin doolar uu madixiisa dul dhigay Mareykanka ayaa sanadkii 2011-kii ay ciidamada Mareykanku ku dileen dalka Afqaanistaan. Waxaase bishan gudaheeda uu Mareykanka malaayiin doolar dul dhigay wiilkiisa Xamza oo wali la baadi goobayo. Source
-
(SLT-Ankara)-Diyaarad rakaab ah oo ay leedahay Shirkadda Turkish Airlines oo nooceedu ahaa Boeing 777 oo ku sii jeeday dalka Maraykanka ayaa waxaa ku yimid khalkhal dhinaca hawada, xilli ay maraysay Badweynta Atlantik. Diyaaradaasi oo ay la socdeen in ka badan 300 oo Rakaab ayaa la sheegay inay cadaadis dabaylo la kulantay, taasi oo sababtay inay dhawaacmaan 30 qof oo ka mid ah rakaabkii saarnaa. Mid ka mid ah shaqaalaha Diyaaradda ayaa la sheegay inuu lugta ka jabay, halka rakaabka kalena uu soo garaay dhaawacyo. Diyaaradaasi oo ku jirtay Duullimaad ay isaga kala gooshaysay Istanbuul iyo New York ayaa la sheegay inay si nabad ah ku degtay Garoonka Diyaaradaha ee John F. Kennedy International Airport ee magaalladda New York. Tobanaan gaadiidka gurmadka ayaa la safay Garoonkaasi, iyadoo dadka dhaawacmay la dhigay Isbitaallo ku yaallo New York. Source