Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,652
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismaayo (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaana soo dhaweeyay shacab fara badan, iyadoo madaxweyne Madoobe iyo xubno kale oo dowladdiisa ka tirsan ay soo dhaweeyeen RW Khayre iyo wafidiisa. Axmed Maxamed Islaam ayaa shaaca ka qaaday sababta rasmiga ah ee ka dambeysa socdaalka Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo xubno la socday ay ku tageen maanta magaalada Kismaayo. Socdaalka waxay kusoo aadeysaa xilli la saluugsanaa xiriirka ay madaxda Jubbaland la leeyahiin dowladda Federaalka, hadana Axmed Madoobe wuxuu sheegay iney ku faraxsan yahiin imaatinka mas’uuliyiintii timid. Madaxweynaha wuxuu shaaca ka qaaday iney wadahadalo dhici doonaan isla markaana uu maamulkiisa la yeelan doono masuuliyiinta ugu sarreysa dowladda ee booqashada ku jooga magaalada Kismaayo. Xubnaha booqday Kismaayo iyo maamulka Jubbaland ayaa dadweynaha kula hadlay bartamaha magaalada Kismaayo, wuxuuna madaxweynaha Jubbaland sheegay iney tahay guul weyn oo muujineysa nabadgalyada iyo dowladnimada iney dad sidaas u badan isugu soo baxaan soo dhaweynta madaxdooda isla markaana si dhaga nuglaan ah ku dhageystaan. Ugu dambeyn, Ra’iisul Was aare Kheyre wuxuu sifo wanaagsan u yahay xiriirka siyaasadeed ee ka dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka la saluugsanaa ee Jubbaland. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubbaland oo ka War-bixiyay Socdaalka RW Khayre uu ku tagay Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yarisow) ayaa soo saaray wareegto ku aaddan xaruntii ciidamada Badda Somaila ee degmada CabdulCasiis ee Muqdisho iyo gurigii taliyaha ciidamada badda Inj. Yariisow ayaa markii uu arkay dastuurka Somalia, shariciga maamulka gobollada iyo degmooyinka, Sharciga maamulka dhulka iyo dhismaha ee Gobolka Banaadir, isla markaaba uu hubsaday inay lagama maarmaan ay tahay in Dib u hagaajin lagu sameeyo Qorshaha Guud (Master Plan) ee caasimadda, arkayna baahida deg-dega ah ee loo qabo in safaaradaha loo asteeyo goob ku habboon. Waxuu soo saaray Xeerkan: Waxaa cid allaale iyo ciddii ay khuseyso lagu wargelinayaa in Xaruntii Ciidamada Badda iyo Gurigii Taliyaha Ciidamada Badda iyo dhulka dhanka danbe uga beegan illaa Xeebta Badda loo asteeyey goob ama deegaan diblomaasi ah, dhulkaas oo ahaa Dhul Dowladeed oo Dan Guud loogu talo galay. Qorshahan ayaa ujeedadiisu tahay in Safaaradaha iyo Hay’adaha Caalamiga ee dalka ka howlgala loo helo goobo ku habboon iyo in dib loo soo celiyo bilicdii Caasimada Muqdisho oo ah xarunta ay diblomaasiyiinta uga howlgalaan Dalka. Waxaa Xeerkan lagula wareegay ama dib loogala noqday dadka dokumentiyada u heysta dhulkan, maadaama dhulkaas uu ahaa dhul Dan Guud ah; Sidoo kale waxaan Hay’adaha Dowladda Federaalka ku wargelinayaa inay joojiyaan dhulalka ay bixiyaan ama siiyaan fasax dhismo, maadaama cidda kaliya ee maamul ahaan ay Dowladdu u wakiilatay ay tahay Dowladda Hoose ee Xamar. Waxaan ognahay in Taliyeyaashii Ciidamada Qalabka sida qaarkood ay goobtaas ka dhisteen guryo dabaqyo ah oo ay dantooda kaliya ka fikireen, halkii ay danta shacabka ka fikiri lahaayeen, waana inay u hoggaansamaan go’aankan si danguud ahaan loogu isticmaalo goobtaas. Yaa u maqan shacabka haddii ay mas’uuliyiintu ka fikiraan danahooda gaarka ah. Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho Inj. C/raxmaan Yarisow ayaa ciddii amarkan jabisa ama u hoggaansami weysa sheegay in laga qaadi dona tallaabo sharci ah. PUNTLAND POST The post Xaruntii Ciidamada Badda iyo gurigii Taliyaha Badda oo dib ugu soo laabtay gacanta DFS appeared first on Puntland Post.
  3. ANKARA (Reuters) – Turkish President Tayyip Erdogan on Sunday accused a women’s march in central Istanbul on Friday of disrespecting Islam by booing the Islamic call to prayer. Several thousand women had gathered in central Istanbul on Friday evening for a march to celebrate International Women’s Day but police fired tear gas to disperse them. In an election rally broadcast on television on Sunday, Erdogan showed a video taken during the protest, showing women chanting while a nearby mosque was reciting the call to prayer. “They disrepected the Azan (call to prayer) by slogans, booing and whistling,” Erdogan told the crowd. Women who took part in the march said on Twitter the chanting and whistling was part of the demonstration and was not aimed at the call to prayer, which began during their protest. Turkish police regularly prevent protests in central Istanbul and elsewhere. Ankara tightened restrictions after the imposition of emergency rule following an attempted coup in 2016. The state of emergency was lifted last July. Erdogan’s rally was ahead of local elections on March 31 for mayors and municipal boards. Reporting by Ece Toksabay, Editing by Jane Merriman Source: Reuters
  4. (SLT-Muqdisho)-Wafti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa galabta u ambabaxay magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda. Madaxweyne Farmaajo oo bishan oo kaliya safarkii saddexaad uga baxay dalka ayaa lagu wadaa inuu ka qeybgalo shir ay ka soo qeybgali doonaan qaar ka mid ah madaxda dalal ka mid ah qaarada Afrika. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu la kulmi doono Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni iyo weliba madaxda kale ee ka qeybgalaysa shirka. Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa waxaa ay ku soo beegantay xilli uu dhowr jeer Madaxweynaha Uganda uu hadalo qadaf ah ku tilmaamay dowlada Soomaaliya. Sidoo kale waxaa uu dhowaan ku dhowaaqay Madaxweynaha Uganda in uu kala bixi doono dhammaan ciidamadiisa jooga dalka Soomaaliya haddii laga dalbado in uu dhimo tirada ciidamada Uganda ee jooga dalka Soomaaliya. Source
  5. Muqdisho (SMN) – Madaxwaynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa galabta u ambabaxay dalka Uganda. Farmaajo ayaa waxaa socdaalka ku wehliya masuuliyiin ka tirsan madaxtooyadda iyo xukuumada federaalka ah. Ujeedka safarka madaxwaynaha ayaa lagu sheegay in uu Uganda uga qeybgalayo “Shirka Afrikada Hadda” kaasoo berri furmaya. Shirkaas oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa la rajeynayaa in looga hadlo arrimo badan oo qaaradda quseeya. View the full article
  6. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaannada Golaha Wakiillada Oo Dood Adag Ka Yeeshay Arrimo Xasaasi Ah, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Wasiir Ka Tirsanaa Xukumadii Siilanyo Oo Si Adag U Duray Shirka Direed Ee Adis-Ababa, Ragga Ka Qayb-galay-na Dagaal Oogeyaal Ku Sheegay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa madaxweynaha iyo shacabka Jubaland ku ammaanay inay si wanaagsan usoo dhoweeyeen ra’iisul wasaare Kheyre in kasta oo xukuumaddiisa ay aad u xumeysay. “Reer Jubbaland iyo hogaamiyahoodu gobonimo ayey muujiyeen halka ay gaarsiiyeen soo dhoweynayta Kheyre, waxey liqeen wax kasta oo ay u qabeen xukuumadiisa colka la ahayd maamulkooda” ayuu Fiqi ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiis facebook. Waxa uu sidoo kale sheegeen in “Tusiyeen In magaalo nabad iyo xasilooni harsanaysa ay ku nool yihiin taasoo ah nabaddii ay xukuumaddiisu ku fashilantay In ay ka hirgaliso MUQDISHO” “Waxaan rajaynayaa In Soo dhoweyntaas iyo niyadsamida Jubbaland ay idinku Soo dhowaysay aydnaan dhabarka ka toogan doonin sidii caadadu ay aheyd, kuraasta aad ku fadhidaana aad iimaansataan, qarankana aad ugu shaqaysaan oo aydaan u Soo hanqal taagin kuraasta gobolada dalka.” Ayuu yiri Fiqi “Waxaan ku rajaweynahay in Jubbaland ay fure u noqon doonto isfaham, wada shaqeyn ku salaysan dastuurka iyo is-tixgelin dhexmarta dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyada, taasoo u adeegaysa midnimada dalka iyo danta qaranka.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.vom
  9. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasha ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/warka-Habeen-11032019.mp3 View the full article
  10. Wasaaradda hawlaha guud, gaadiidka iyo guryeynta dowladda Puntland ayaa Isniinta maanta Garoowe ku qabatay shir ku saabsan xeerka Qandaraasyada Puntland. Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxda wasaaradda oo uu ugu horreeyo wasiirka, mas’uuliyiinta wasaaradda ee gobolada, xubno ka socday Qandaraasleeyda Puntland, sharci-yaqaanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana loo soo bandhigay xeerka si ay ugu biiriyaan afkaarta iyo talooyinka ay ka qabaan islamarkaana dib u-habayn lagu sameeyo meelaha la’dhaliinsanyahay. Agaasimaha wasaaradda hawlaha guud ee Puntland, Cabdulqaadir Sheikh Maxamuud ayaa shirka ka sheegay in xeerkan cusub markii uu soo baxo kala nidaamin doono dhammaan heerarka kala duwan ee shirkadaha qaabilsan dhismayaasha,wuxuuna ka-qeyb galayaasha codsaday in ay soo gudbiyaan ra’yigooda ku aaddan qodoba uu ka koobanyahay xeerka. Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, gaadiidka iyo guryeynta Puntland Axmed Bashiir Muuse oo shirka furay ayaa dhankiisa ka qeyb galayaasha ku boorriyay in ay si wanaagsan u akhriyaan xeerka oo ka doodan qodobada ay dhaliilsanyihiin si loo saxo ka hor inta uusan soo bixin. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xeerkan markii uu soo baxo golaha wasiirada la horgeyn doono kadibna Baarlamanka loo gudbin doono si ay u meel-mariyaan. PUNTLAND POST The post Wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka Puntland oo qabatay shir ku saabsan xeerka qandaraasyada Puntland appeared first on Puntland Post.
  11. Kismaayo (Caasimada Online) – Iyadoo ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre uu maanta gaaray magaalada Kismaayo, ayey hadana dad badan is weydiinayaan ujeedka uu masuulkaan ka mid ah kuwa ugu sarreeya ku tagay dowlad goboleedka Jubbaland. Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ah Madxweynaha dowlad goboleedka martida loo yahay ayaa shaaca ka qaaday sababta rasmiga ah ee ka dambeysa booqashada Kheyre iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Federaalka. Booqashadaan waxey kusoo aadeysaa xilli la saluugsanaa xiriirka ay madaxda Jubbaland la leeyahiin dowladda Federaalka, hadana Axmed Madoobe wuxuu sheegay iney ku faraxsan yahiin imaatinka mas’uuliyiintii timid. Madaxweynaha wuxuu shaaca ka qaaday iney wadahadalo dhici doonaan isla markaana uu maamulkiisa la yeelan doono masuuliyiinta ugu sarreysa dowladda ee booqashada ku jooga magaalada Kismaayo. Xubnaha booqday Kismaayo iyo maamulka Jubbaland ayaa dadweynaha kula hadlay bartamaha magaalada Kismaayo, wuxuuna madaxweynaha Jubbaland sheegay iney tahay guul weyn oo muujineysa nabadgalyada iyo dowladnimada iney dad sidaas u badan isugu soo baxaan soo dhaweynta madaxdooda isla markaana si dhaga nuglaan ah ku dhageystaan. Si kastaba safarka Ra’iisul Was aare Kheyre wuxuu sifo wanaagsan u yahay xiriirka siyaasadeed ee ka dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka la saluugsanaa ee Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  12. (SLT-Hargeysa)-Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi kana mida odayaasha dhaqanka ee reer Somaliland ayaa ku dhawaaqay inuu yahay boqorka beelaha Direed. Boqorku waxaa uu sidan ka sheegay wareysi gaara oo uu siinayay muuq baahiyaha Bulsho. “Beelaha Direed gudoomiyahooduna waa aniga, Dirka aniga ahaa gudoomiyahoodii aniga ah, markaa in laga been abuurto arrin aad u khaldan ayaan u arkaa” Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi ayaa waxa uu sheegay in Lala’yahay xisaabiyihii guud ee gobolka Togdheer, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, oo ay wehliyaan xubna kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno iyo taliyaasha ciidanka Booliiska iyo meteriga ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo ee dawlad gobaleedka Jubland. Madaxwaynaha dawlad gobaleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam oo ay wehliyaan ku-xigeennadiisa, guddoonka baarlamaanka, golaha wasiirrada, xildhibaanda Jubaland iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa garoonka diyaarada Kismaayo kusoo dhaweeyay wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Ra’iisul Wasaaraha Khayre oo Aargada Kismaayo kula hadlay kumannaan dadwayne ah oo isugu soo baxay soo dhawaynta wafdiga uu hoggaaminayo ayaa sheegay, “Madxwayne Axmed Waa mahadsantahay, Dhammaan adiga iyo madaxda kale ee Jubaland waa idinkaga mahadcelinayaa soo dahwaynta. Guud ahaanna Shacabka reer Jubaland waan u mahadcelinaayaa. Halkaan waxaa ka muuqata Faraxad iyo rayn rayn. Waa ogahay in aad qoradaxa taagneedeen waa ogahay in aad na sugayseen laakiin waxaan rabaa sida aad noo sugaynseen in aan idiinkugu sheego Sidaas iyo si ka badan inaan raalli idinkaga nahay” Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Socdaalkiisu waxa uu salka ku haya xoojinta wada shaqaynta dawlad gobaleedka Jubaland iyo dawladda dhexe, arrintaas oo muhiim u ah geedi socodka soo kabashada, dib-u-dhiska Soomaaliya iyo soo celinta sharafta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxa ay u tahay markii labaad ee uu yimaado Jubaland, sannadakii 2017-adii ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sidaan oo kale u yimid Kismaayo, xilligaas oo lagu qabtay shirkii ugu horreeyay ee golaha wasiirradu ay ku yeeshaan meel ka baxsan magaalada Muqdisho.
  15. Laba qof oo Rakaab ah ayaa ka badbaaday shilkii diyaaraddii Burburtay ee Ethiopian Airlines shalay+Siday uga badbadeen Diyaaradda oo ka tagtay ayuu ilaahey geeri uga badbaadiyey Nin u dhashay dalka Giriigga oo lagu magacaabo Antonis Mavropoulos ayaa sheegay iney diyaaraddu kaga tagtay 2 daqiiqo wax ka yar oo uu ka soo dib dhacay xilligii uu xaroon lahaa. Wuxuuna sheegay xilliga ay diyaaradda ka tageysay oo ay shaqaalaha airboorka celiyeen inuu aad u carooday oo uu weliba shaqaalaha la dagaallamay. Wuxuuna boggiisa facebook uu ku soo qoray maalinti noolshiisa ugu nasiibka badneyd. Ninka labaad oo aan magaciisa la shaacinna waxaa laga celiyey albaabka kore ee baaritaanka isaga oo loo sheegay inuu diyaaraddan ka soo dib dhacay tan xigtana uu raaci doono. Wuxuuna tacsi uu u diray dhammaan dadki ay eheladooda ku geeriyoodeen shilkaasi diyaaradeed. Khariidad muujinayso diyaaradda halka ay ku socotay iyo halka au ku burburtay Qaran News
  16. Wararka ka imaanaya degmada Yubbe ee koonfurta gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaasi ay Isniinta maanta ah saldhig ka samaysteen cutubyo ka tirsan ciidamada militariga Somaliland. Qaar kamid ah bulshada ku dhaqan degmada Yubbe ayaa soo sheegaya in dooxa Nayla-laaye ee naxaawiga degmada Yubbe ay soo gaareen cutubyo ka tirsan ciidamada Somaliland oo wata ilaa 30 tekniko ah islamarkaana ay halkaasi saldhig ciidan ka samaysteen. Ciidamada oo Axaddii shalay ka soo baxay dhinaca magaalada Ceerigaabo ayaa doonaya in ay isku fidiyaan dhammaanba degaannada ku yaalla koonfurta iyo bariga gobolka Sanaag si ay uga hortagaan weerarro Somaliland uga yimaada dhanka Jabhadda Caarre ee ku sugan aga’gaarka magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar sida laga soo xigtay saraakiisha hoggaaminaysa ciidamadaasi. Dowladda Puntland ayaan dhankeeda weli jawaab ka bixin saldhiga ciidamada Somaliland ay ka samaysteen degmada Yubbe oo 15-kii November 2018 ay Puntland u magacowday degmo ahaan. PUNTLAND POST The post Ciidamada Somaliland oo saldhig ka samaystay degmada Yubbe ee gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
  17. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta tacsi ugu tegay safaaradda Itoobiya ku leedahay Somaliland isagoo ka tacsiyadeeyey safiirka dalka Itoobiya u fadhiya Somaliland oo ay wehelinayaan hawl-wadeenadiisu, waxaanu guddoomiye Faysal Cali Waraabe saxeexay buugga tacsida ee la dhigay safaaraddaasi. Qoraal lagu baahiyay facebook guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa waxa lagu yidhi” Waxa aan Maanta Tacsi ugu tagay Xarunta Safaarada Dalka Ethopia ee Magaalada Hargeisa aniga oo uga Tacsiyadeeyay Shilkii Diyaaradeed ee Naxdinta lahaa ee shalay ka dhacay dalka Ethiopia Sidoo kalena waxa aan Sexeexay Buugga Tacsid ee la dhigay Xarunta Safaarada” Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta tacsi ugu tegay safaaradda Itoobiya ku leedahay Somaliland isagoo ka tacsiyadeeyey safiirka dalka Itoobiya u fadhiya Somaliland oo ay wehelinayaan hawl-wadeenadiisu, waxaanu madaxweyne ku xigeenku saxeexay buugga tacsida ee la dhigay safaaraddaasi. Waxaana ku simaha madaxweynaha Somaliland ku wehelinaayey tacsida agaasimeyaasha guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Barnaamijka shaqo qaran, Mudane Maxamed Cali bile iyo Mudane Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka). Source
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa mar kale Maantga u baxay Safar dibadeed. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa u dhoofay dalka Uganda oo ah dal ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya. Safarka Madaxweynaha ayaa imaaday kadib markii uu casuumaad ka helay Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Muvesani sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online. Sida ay Caasimadda Online ogaatay labada Mas’uul ayaa ka wada hadli doono Amaanka, Dhaqaalaha iyo Horumarka labada dal . Labada Madaxweyne ayaa si gaar ah uga wada hadli doono Ciidamada Uganda ee ku sugan dalka Soomaaliya iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan Madaxtooyada. Safarkaan ayaa kusoo aadayo xilli Madaxweynaha Uganda uu ku dhawaaqay inuu ciidamadiisa kala soo bixi doono dhammaan inta uu qeyb kamid ah kala soo bixi lahaa. Uganda ayaa Soomaliya waxaa ka jooga ciidamo fara badan, kuwaasi oo ku howgalla Magaca AMISOM, iyagoo dowladda Federaalka Soomaaliya ka caawiya dhanka amniga iyo dagaalka ay kula jirto dagaalamyaasha Al-Shabaab. Ciidamada Uganda ayaa fursad fiican u aragto ciidamada ka joogo Soomaaliya, maadaama ay ciidamadooda ka helaan mushaar aad u badan marka loo fiiriyo mushaarka ay qaataan ciidamadooda ka howlgalo Uganda. Wixii kusoo kordha safarka Madaxweynaha kala soco Caasimadda Online Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. (SLT-Addis Ababa)-Antonis Mavropoulos oo ah Muwaadin u dhashay Dalka Gariiga ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu ka mid ahaa Dadkii ku Qornaa Diyaaraddii Bur burtay ee Ethiopian Airline. Antonis Mavropoulos Ayaa sheegay inuu Mudo laba Daqiiqo ah uu ka soo habsaamay xilliga loogu talagalay inuu Airporta yimaado balse ay diyaaradda ka tagtay, “Waxaa la i geeyay saldhigga booliska ee ku dhex yaal garoonka diyaaradaha balse Booliska waxa ay ii sheegeen inaan duceysto sababtoo ah waxaan ahaa rakaabka kaliya ee aan raacin duulimaadkii ET 302.”ayuu yidhi Mavropoulos. Diyaarada Boeing 737 ayaa burburtay daqiiqado yar kadib markii ay ka duushay aroornimadii hore ee shalay garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa. Source
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa canaan xoog leh usoo jeediyey Taliyaasha Ciidamada Gobolka Banaadir kadib weerarkii xooggaanaa ee lagu qaaday Hotel Makka Al-Mukarama oo ku yaal wadamada ay sida weyn u isticmaasho Dowladda Federaalka Soomaaiya. Madaxweynaha yaa ku canaantay amni darida Guddoomiyaasha degmooyinka, taliyaasha saldhigyada gobolka Banaadir, taliyaha qaybta G/Banaadir, Guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo afarta taliye ciidan ee Soomaaliya kadib kulan ka dhacay xalay madaxtooyada Soomaaliya. Kulankan oo qaatay muddo saacado ah ayaa loogaga hadlay ammaanka magaalada Muqdisho iyo sababaha keena in ciidamada ammaanka ay ka hortagi waayaan qaraxyada iyo dilalka ka dhaca caasimada dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in kulankan uu canaan xoog leh u soo jeediyay taliyaasha degmooyinka, Guddoomiyaasha, iyo mas’uuliyiinta kale ee amniga waxana uu ugu baaqay inay is casilaan haddii aysan ammaanka waxba ka qaban karin. “Fadlan dadkii iyo hantidooda waa isku dhamaadeen, maxaa idinka qaldan, Haddii aadan waxba ka qaban karin amniga fadlan ka hor wareega shacabka”, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo wajigiisa ay ka muuqatay carro xoog leh. “Uma dulqaadan karo waxa socda, macquul maahan, hadii ay caqabad jirto maxaa idinka hortaagan inaa soo gudbisaan”, ayuu sii raaciyay Madaxweyne Farmaajo. Kulankan uu la qaatay Madaxweynaha taliyaasha ciidamada ayaa ahaa mid ka duwan kulamadii hore waxaana kulanka laga dareemayay in Madaxweynaha uu aad uga xun yahay hab dhaqanka ciidamada oo sugi la’ amaanka caasimada dalka. Ururka Al-Shabaab ayaa sii laba jibaaray weerarada ay ka geystaan Magaalada Muqdisho, waxayna taas sababtay inay madaxda Dowladda la kulmaan dhalaceyn xooggan oo kaga imaaneyso Shacabka iyo Hoggaamiyaasha Mucaaradka. Weerarkii Hotelka Makka Al-Mukarama ayaa noqday midkii waqtiga ugu badan Ciidamada Dowladda ay ku qaadatay inay kooxdii weerarka soo qaadaan ay soo af jaraan, wuxuuna howlgalkaas socday ku dhawaad 24 saac oo xiriir ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Riix halkaan si aad qoraalka u akhrisato Source: goobjoog.com