Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,652
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Awdheegle (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo diyaaradeed oo xalay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Soomaaliya. Duqeymaha oo ahaa kuwa xoogan ayaa waxaa laga fuliyay deegaanada Mubaarak iyo Daaru-Salaam oo 7 KM galbeed ka xiga degmada Awdheegle ee gobolkaasi. Ilo deegaanka ayaa Shabelle u xaqiijiyay in gantaalada qaar ay ku dhaceen meelo ay daganaayeen dad shacab ah, sida guryo iyo goobo ganacsi oo u yaallay halkaasi. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymahani, iyadoona la sheegay in ay ku dhaawacmeen Hooyo iyo ilmo yar oo ay dhashay. Sidoo kale waxaa duqeyntan la sheegay in uu barbar socday dagaal toos ah oo ciidamada Bangarafta Soomaaliya ay ku qaadeen deegaanadaasi. Al Shabaab oo ka hadlay weerarkan waxa ay sheegeen in ay ka hortageen, islamarkaana ay khasaaro gaarsiyeen ciidankii soo qaaday. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka oo ku aadan dhacdadan. Muddooyinkii la soo dhaafay waxaa Sh/ Hoose ka dhacayay weeraro iyo duqeymo ka dhan ah Al Shabaab oo ku xoogan gobokaasi. View the full article
  2. Jowhar (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay dagaal uu dhexmaray kooxda Macaawiisleey iyo ururka Al Shabaab. Dagaalka ayaa ka dhacay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, sida dadka deegaanka ay sheegeen, waxaana lagu waramayaa inay khasaaro kala gaartay dhinacyada dagaalamay. Dagaalka xoogiisa ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee duleedka degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana lagu waramayaa in khasaaro uu ka dhashay dagaalka. Kooxda Macaawiishleey ayaa saqdii dhexe ee xalay weerar ku qaaday saldhigyo ciidamada Al Shabaab ku leeyihiin deegaano hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana dagaalka uu socday ku dhawaad 30 daqiiqo, sida dadka deegaanka ay sheegeen. Labada dhinac wax faahfaahin ah kama aysan bixin, laakiin dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalka uu sababay dhimasho iyo dhaawac gaaray dhinacyada dagaalamay. Sidoo kale mid kamid ah xubnaha kooxda Macaawiisleey ayaa sheegay inay Al Shabaab ka dileen xubno saraakiil ahaa, kuwaasi oo ku sugnaa saldhiga la weeraray. Cabsi xoogan ayaa ka taagan deegaanka Masaajid Cali Gaduud iyo deegaano kale oo hoostaga degmada Cadale ee gobolka, waxaana dadka deegaanka ay ka baqayaan in markale lagu dul dagaalamo. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-12032019.mp3 View the full article
  4. Afgooye (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya deegaanka Daarusalaam ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe dagaal xoogan uu ka dhacay deegaanka Daarusalaam ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamada DANAB oo taageera ka helaya ciidamada Mareykanka ay weerar ku qaadeen saldhiga Al Shabaab ku leeyihiin deegaanka Daarusalaam. Deegaanka Weerarka uu ka dhacay ayaa qiyaas ahaan 7 KM u jira degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ciidamada oo wata diyaaradaha dagaalka ay u degteen dhulka, iyaga oo kadib ay halkaasi kula dagaalameen Al Shabaab. Ma jiro war kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya iyo taliska ciidamada Mareykanka, balse Al Shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaalka ka dhacay deegaanka Daarusalaam ee gobolka SHabeelaha Hoose. Al Shabaab ayaa sheegay in ciidamadooda ay fashiliyeen weerarka ciidamada ay damacsanaayeen, waxaana ay sheegeen in weerar dhabogal ah iyo qaraxyo ay la eegteen ciidamada isbaheysanayay. Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa weerarka ka dib duqeymo ka fuliyay deegaanka Daarusalaam ee duleedka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, sida Al Shabaab ay sheegeen, waxaa duqeynta ku dhaawacmay 2 ruux. Sanadkii 2017 sidan oo kale ciidamada isbaheysanaya ayaa weeraray deegaanka Daarusalaam ee gobolka Shabeelaha Hoose. La soco waxii kasoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Sh/Hoose Caasimada@live.com
  5. Mid ka mida Madaxda Ciidamada AIMSOM oo la shaaciyey inuu ku geeriyooday Diyaaradii Burburtay ee Ethiopia Airlines Xukuumadda Uganda ayaa xaqiijisay maanta dhimashada taliye ku xigeenkii booliska AMISOM ee k a hawlgala Somalia, Christine Alalo taasoo ka mid ahayd rakaabkii la socday diyaaradda Ethiopian Airlines ee ku bur-burtay gudaha dalka Itoobiya. Inkstoo Taliska booliiska Uganda uu xalay beeniyay warkan oo markii ugu horreysay lagu shaaciyay baraha bulshadu ay ku xidhiidho, ayaa haddana mar dambe waxaa taliska booliiska Uganda uu xaqiijiyay geerida Christine Alalo. Sidoo kale, Christine Alalo ayaa waxay ahayd taliye ku xigeenka ciidammada booliiska AMISOM ee ka socda dalal dhawr ah, kuwaasoo ciidamada booliiska Somalia gacan ka siiya dhanka tababarrada iyo qalabeynta. Dhanka kale, Afhayeenka booliiska Uganda, Fred Enanga ayaa wuxuu xalay beeniyay geerida gabadhaas, balse wuxuu xaqiijiyay mar danbe inay ku geeriyootay shilka diyaaradeed. Rakaabkii la socday diyaaradda Itoobiya laga leeyahay oo safarkeedu ahaa Addis Ababa iyo Nairobi oo ah xarumaha Kenya iyo Itoobiya ayaa dhamaan la sheegay inay ku geeriyoodeen, kuwaasoo tiradoodu ahayd 149 qof oo ah rakaab iyo sideed shaqaalihii diyaaradda ahaa. Soomaalidii ku dhintay shilkan diyaaradeed ayaa tiradooda lagu sheegay in ay dhan tahay sagaal qof oo dhammaantood watay baasaboorro ajnabi ah marka laga reebo mid ka mid ah shaqaalaha xafiiska RW Khayre oo isagu watay baasaboorka Soomaaliga. Ugu dambeyn, Shilkan diyaaradeed ayaa waxaa kaloo ku geeriyooday qaar ka mid ah hay’adaha QM ee fadhigeedo yahay Nairobi, kuwaasoo qaarkood ay u dhasheen dalka Kenya oo ahaa dalkii ay tiradii ugu baydn ku waayay shilkaas diyaaradeed. Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli socda dagaalka ay taageerayaasha iyo dadka ku beesha ah madaxweyne Farmaajo ka wadaan baraha bulshada ee ka dhanka ah ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, oo ay ku eedeynayaan inuu madaxweynaha qiyaamay. Weerarkii ugu dambeeyey ayaa shalay galab dib u billowday kadib hadal afka kasoo dafay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo Kheyre ugu yeeray madaxweyne, intuu uu ka oran lahaa ra’iisul wasaare. Hoos ka dhageyso codka Axmed Madoobe. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/54499200_297354177612580_5752560410351894528_n.mp3Taageerayaasha madaxweynaha ee weerarka ku haya Kheyre ayaa hadalkaas ku macneeyey inuu caddeyn u yahay in Kheyre uu yahay musharax madaxweyne, islamarkaana hadalka Axmed Madoobe uusan ahayn wax afka uu ka dafay, balse ah qeyb ka mid ah qorshaha Kheyre uu ku tagay Kismaayo. Taageerayaashan oo u badan dad ay hagayaan shaqsiyaad danahooda ka waayey Kheyre, iyo kuwa qabyaalad darteed u cabsanaya in Farmaajo kursiga uu waayo, ayaa Kheyre ka dalbaday inuu is-casilo, maadaama uusan daacad u ahayn madaxweynaha, sida ay hadalka u dhigeen. Ra’iisul wasaare Kheyre oo ay inta badan u arkaan nin ka fir-fircoon madaxweynaha kana awood badan, ayay sidoo kale ku eedeeyeen in isbahaysi uu la samaysanayo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. Kabul (Caasimada Online) – Aas-aasaha ururka Taliban Mullah Cumar ayaa sanado badan ku noolaa meel masaafo kooban oo socod ah un u jirta saldhigyada ciidamada Mareykanka, sida lagu sheegay buug cusub, taasi oo soo jeedeineysa guul-darro ceeb ah oo asiibtay sirdoonka Mareykanka. Hogaamiyayaasha Mareykanka iyo Afghanistan ayaa rumeysnaa in Mullah oo la’aa hal il uu u cararay dalka Pakistan ugu dmabeynna ku dhintay. Si kastaba, buug cusub oo taariikhdiisa laga qoray ayaa shaaca ka qaaday inuu ku noolaa meel saddex mile un u jirta saldhigga ciidamada Mareykanka ee gobolka Zabul, halkaasi oo uu ku dhintay sanadii 2013. Buugga “Raadinta Cadowga” oo uu qoray suxufiga reer Holland ee Bette Dam ayaa sheegay in Mullah uu u noolaa sida wadaad suufi oo kali ah oo kale, uuna diidi jiray in lasoo booqdo. Dam ayaa shan sano diyaarinayey buuugga, wuxuuna wareystay Jabbari Omari oo ah ilaaliyihii shaqsiga ee Mullah, kaasi oo qariyey islamarkaana ilaalinayey kadib markii Taliban xukunka laga tuuray. Kadib weerarkii 9/11 oo horseedeay in ciidamada Mareykanka ay xukunka ka tuuraan Taliban, Mullah ayaa la sheegay in la geeyey islamarkaana uu ku noolaa dhisme ku yaalla magaalada Qalat ee gobolka Zabul, isaga oo marti u ahaa qoys halkaas degan, balse aan aqoon cidda uu ahaa. Ciidamada Mareykanka ayaa la sheegay in laba mar ay baaritaan ku sameeyeen xaafadda uu deganaa hase yeeshee aysan u suurta-gelin inay gacanta ku dhigaan. Isha: VOA/AFP
  8. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Kampala halkaas oo uu maanta ka furmayo shir looga hadlayo isu soo dhawaanshaha dalalka qaaradda ee kobcinta dhaqaalaha, isdhexgalka, shaqo abuurka dhallinyarada iyo nabadda. Madaxweynaha ayaa ku biiraya Madaxweynayaasha dalalka Uganda iyo Koonfur Afrika Mudane Mudane Yoweri Museveni iyo Mudane Cyril Ramaphosa, Madaxweyne K/Xigeennada Kenya iyo Tanzania Mudane William Ruto, Marwo Saamiya Xasan Suluhu, Wasiirro ka socda dalalka Masar iyo Marooko, wakiillo ka socda Qaramada Midoobay, Bangiyada Qaaradda, ganacsato iyo ergo kor u dhaafaysa kun qof. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo gaarat Kampala appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha mareykanka Donald Trump ayaa raadinaya qorshe yareynayo hawl-gallada ka dhanka ah kooxaha Islaamiyiinta ah ee ku sugan dalal badan oo ay ka mid yahiin Siiriya, Afghanistaan iyo Galbeedka Africa, balse taas badalkeeda waxey dowladiisa xoojineysaa dagaalka ka dhanka ah xarakada Al-Shabaab ee ka hawlgasha Somalia xiriir dhawna la leh ururka Al-Qaeda. Waxaa lasoo warinayaa in dowladda Mareykanka ay tiro badan oo dagaalyahanada Al Shabaab ku dishay weeraro iyo duqeymo xoogan oo ay ka geysatay Soomaaliya afartii bilood ee ugu dambeysay sanadkii 2018, 326 dagaal yahan ayaa lagu dilay duqeymo cirka ah 47 weerar oo la qaaday sida ay shaaca ka qaaday wasaaradda Gaashaandhigga dalka Mareykanka. Taliska Africa ee mareykanka wuxuu ka dhawaajiyay in labadii bilood ee lasoo dhaafay sanadka cusub lagu dilay 225 dagaal yahan, waxaana Soomaaliya laga fuliyay 24 duqeymo oo aan ka liidan kuwii sanadkii hore. Goobo bartilmaameed ahaa ayey duqeymo goos-goos ah ku beegsadeen dabayaaqadii bishii Febaraayo, waana kaliya saddex weerar, dhimashada la shaaciyay waxey Taliska Mareykanka ee Africa ku sheegeen iney kaliya yahiin kuwa dagaalyahanada Alshabaab, inkastoo aysan jirin xaqiijin rasmi ee ku aadan waxyaalada shacabka hadana mar walba kooxdaan waxey sheegaan in weeraradooda lagu dilo shacab. Sida ay sheegeen hay’adaha Qaramada Midoobay iyo hay’adaha aan dowliga aheyn waxaa ka dhashay duqeymaha cirka ee taliska Mareykanka Africa ka geystaan Soomaaliya xaalado xun oo dhanka beni’aadanimada ah, waxaana lasoo wariyay in shacabka ay mar walba ka cararaan dagaalada ka dhanka Ah Alshabaab iyo sidoo kale cimilada. “Waa iney dadka mar walba ka feejignaadaan dagaallada socda” ayey tiri Brittany Brown, oo ah xubin ka tirsan golaha amaanka qaranka ee ku shaqada leh siyaasadda Soomaaliya, sidoo kalana waa shaqsi shaqada ku jiray ilaa dowladii Obama. Sidoo kalana waxey haweeneydaan xubin muuqata ka tahaykooxda ICG oo ah mid mar walba ku hawlan xal u helista goobaha ay xasaradaha ka jiraan isla markaana colaadda ka jirto. Sidoo kale iyadoo hadalkeeda sii wadata waxey cadeysay in dagaalka ka dhanka ah kooxahan ay yahiin kuwa aan aad looga fakarin, sidoo kalana waxey ka digtay iney sii xoogeysan doonaan hadii aan laga fariisan duqeymaha iyo dagalada lagula jiro kooxdaan ee gobolada dalka qaarkood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Ceerigaabo (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya Gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in deegaano ka tirsan Gobolkaas ay fariisin cusub ka sameysteen Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliland. Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa waxaa ay shalay fariisin ka sameysteen deegaanka Yube ee gobolka Sanaag, waxaana dad halkaasi ku sugan ay sheegeen in ciidankaas ay wataan ku dhowaad 40 Gaadiidka dagaalka ah. Degaanka ay ciidamada Soomaaliland fariisinka ka sameysteen ayaa waxaa Sabtidiii todobaadkaan booqasho ku tagay Taliyaha Saddexaad ee Ciidanka Somaliland, isla markaana shalay Ciidamo cusub la geeyey. Deegaano ka tirsan gobolka Sanaag ayaa waxaa horay uga taagneyd xiisad u dhaxeysay maamulka Puntland iyo Soomaaliland oo dhowr mar ku dagaalamay Gobolka Sool, waxaana ciidamadan cusub ee fariisinka ka sameysatay deegaano ka tirsan gobolka Sanaag walaac ka muujiyey dadka deegaanka. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  11. Kampala (Caasimada Online) – Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ugu qaabilsan arrimaha Afrika, Tibor Nagey ayaa ka hadlay khilaafka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada. Nagey oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kampala ee dalka Uganada, ayaa waxaa wax laga weydiiyey qorshaha maamulka Madaxweyne Trump ee ku aadan dagaalka Al-Shabaab, waxa uu tilmaamay markii uu ka degay xilka Danjirihii Maraykanka ee Ethiopia sanandkii 2002-dii inay Somalia ka jirtay amni-xumo, isla marrkaana ay Koox Xag-jir ah ku sugnaayeen Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu intaasi ku daray in 20-sanno kadib uu ku soo laabtay Diplomaasiyadda Afrika inay weli xaalladda Somalia tahay mid xun , isla markaana ay Alshabaab soo caan baxeen, waa sida uu hadalka u dhigay. Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Afrika, Tibor Nagey waxa uu u mahad celiyey dalalka Uganda, Jabuuti, Kenya iyo Burundi oo uu sheegay inay taageero ka geysteen sidii ay u faragelin lahaayeen Xaalladda Somalia. “Waxaan xiriir aad u shaqeynaya la leenahay Dowladda Muqdisho, si loo dedejiyo dhismaha Ciiddan Soomaaliyeed, oo awood u yeelan kara inay ka guuleystaan Alshabaab” ayuu yiri Tibor Nagey. Waxa uu intaasi ku daray in dhamaadka maalinta ay tahay inay Dadka Soomaalida soo gebagebeeyaan Dagaalka, isagoo rajo buuxda ka bixiyey inuusan jiri doonin qof Maraykan oo halkan u soo fariista inuu ka hadlo Arrimaha Somalia marka la gaaro 20-sanno kadib. Dhinaca kale, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Afrika, Tibor Nagey mar wax laga weydiiyey sida ay Dowladda Maraykanka u heshiisiin doonto Kala-duwanaanshaha Soomaalida si loo gaaro hadafka Guud ee Deganaanshaha Somalia waxa uu sheegay inay tahay su’aal adag iyo nasiib-xumo inuusan bixin karin jawaabta, balse, waxa ugu wanaagsan ee shaqaynaya ayaa ah in laga guuleysto Alshabaab iyo Dib-u-dhiska Somalia. Waxa uu intaasi ku daray in su’aasha had iyo jeer taagan tahay caqabadaha Nidaamka lagu saleeyey Beelaha iyo in loo qeybiyo Dowlado xubno ka ah Federalka, wuxuuna Diplomaasigaasi isweydiiyey Siyaasadda ugu wanaagsan ee ay Dowladda Dhexe uga wada shaqeyn karto guud ahaan Somalia ama waxa ay Siyaasadda aad ugu wanaagsan tahay in loo shaqeeyo Dowlad Federal ah? Caasimada Online Xafiiska Kampala caasimada@live.com
  12. Diyaaradii Ethopian airline ee axadii ku burburtay meelaan ka fogayn Adis ababa iyadoo kusii jeeda Nairobi ayaa hada la xaqiijiyey in la helay Sanduuqii madoobaa [...] Source
  13. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasha ku xiran website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___Qubanaha-11032019.mp3 View the full article
  14. Taageerayaasha madaxweyne Farmaajo ayaa su’aalo ka keenay, walaacna ka muujiyey safarka ra’iisul wasaare Kheyre uu ku tegay magaalada Kismaayo, ayaga oo dareemay isbaheysi siyaasadeed cusub oo abuurmaya. Walaacooda ayaa salka ku haya laba qodob 1 – Kheyre oo isbahaysi la sameysanaya Axmed Madoobe, isaga oo wada olole siyaasadeed oo uu madaxweynenimo ku doonayo, taasi oo ay dareemayaan inaysan sax ahayn maadaama uu la shaqeeyo madaxweynaha. 2 – Inuu sharciyad siinayo Axmed Madoobe oo waqtiga kasii dhammaanayo, xilli ay jiraan warar sheegaya in xukuumadda ogolaatay in laba sano oo kale uu sii joogo. Waxaa xusid mudan in loolan uu ka dhexeeyo beesha Axmed Madoobe iyo tan madaxweynaha, kaasi oo ku salaysan maamula Jubaland, islamarkaana taageerayaasha madaxweynaha ee walaacsan ee u badan yihiin xildhibaanada, siyaasiyiinta iyo shacabka ku beesha ah. Inkasta oo labada tuhunba aan caddeyn loo hayan, haddana isbahaysi dhex-maray Kheyre iyo Axmed Madoobe, waa mid macno badan u samaynaya labadaba, ayna aad suurta-gal u tahay. Muxuu yahay ujeedka guud ee labada nin? Kheyre waxa uu doonayaa inuu dalka madaxweyne ka noqdo, sidaas darteedna wuxuu u baahan yahay taageerada maamul goboleeyada, si gaar ahna maamulka Jubaland oo marka laga soo tago Puntland, ah kan labaad ee ugu saameynta badan. Axmed Madoobe waxa uu doonayaa inuusan dagaal siyaasadeed kaga iman dowladda federaalka ah, uuna kursiga iska sii haysto waqtigii ay doontaba ha la ekaatee. Axmed Madoobe sidoo kale wax rajo ah kama qabo, kumana jiro hami ah inuu dalka madaxweyne ka noqdo. Waxaa u daran oo kaliya Jubaland Sidee isku fahmi karaan? Kheyre, wuxuu Axmed Madoobe siin karaa taageerada dowladda iyo inaan kursigiisa lagu qabsan. Wuxuu sidoo kale u ballan-qaadi karaa in qof isaga ka socda uu siiyo ra’iisul wasaare haddii madaxweyne la doorto ama xilal wasiiro iyo safiiro muhiim ah, haddii ra’iisul wasaaraha uu ku qanciyo maamul goboleed kale sida Puntland, maadaama ay ka saameyn badan tahay Puntland. Axmed Madoobe, wuxuu xaqiijin karaa in xildhibaanada baarlamanka federaalka ee lagu soo dooranayo Jubaland, ay noqdaan kuwa isaga dacaad u ah oo codadkooda siiya qofka isaga uu amro. Sidaas darteed, wuxuu kaalin wanaagsan ka qaadan karaa in Kheyre ay u rumowdo riyadiisa madaxweyne. Qorshahaas ma socdaa? Anigu ma lihi, Axmed Madoobe iyo Kheyre ayaa qorshahaas wada, waxaanse cabirayaa sida ay macquul u tahay inay is-fahmaan iyo in walaaca ay qabaan taageerayaasha madaxweynaha uu noqon karo mid loo qiil dayi karo. Marka aan eego xaaladda siyaasadda ee hadda dalka ka taagan Axmed Madoobe iyo Kheyre waa labada nin ee sida ugu dhow u bahoobi kara, sabbatoo ah danahooda siyaasadeed iskama hor-imanayaan halisna iskuma ahan. W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ka hadlay safarka madaxweyne Farmaajo uu ku tagay magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaasi oo uu caawa marti ugu yahay madaxweynaha dalkaas Yoweri Museveni. Qoraal uu Mahad Salaad soo dhigay facebook, hoos ka aqriso. Madaxweyne Farmaajo oo caawa marti u ah Madaxweyne labo jeer u gafay dalka iyo dadka Soomaaliyeed! Warbaahinta dalka Uganda, gaar ahaan Baraha Bulshada ayaa lagu faafiyay maalmihii lasoo dhaafay askari u dhashay dalkaasi oo dharbaaxaya haweenay da’ah oo Ugandees ah, isagoo ka hadlaya arinkaas ayuuna yiri Madaxweynaha dalkaasi Yoweri Museveni: “Askari in uu dumar dharbaaxo ama ku qayliyo qof reer Uganda ah waa wax aan laga aqbali karin, waana gaf weyn oo bulshadda ceeb ku ah, askarta aan laheyn asluubta wanaagsan oo aan bulshadda la dhaqmi karin, waxaan u direynaa Soomaaliya oo ah meesha dhaqan xumadda siddaan oo kale ah looga baahan yahay. Haddii aad careysan tahay waxaad i weydiisan kartaa dal ku galka (fiisaha) Soomaaliya, maxaa yeelay halkaasi ayaa looga baahan yahay gardarada” ayuu yiri Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni. Waa markii labaad oo Madaxweynaha Uganda usoo qaato Soomaaliya tusaaleyn xun, iyadoo la wada xusuusto bil ka hor in uu ku tilmaamay Soomaaliya dal aan laheyn dowlad! Waxaan ugu baaqaynaa Madaxweyne Farmaajo, in Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu raali gelin buuxda ka bixiyo hadalada gafka iyo tusaalaha xun ah ee uu ku tilmaamay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee ka baxsan anshaxa diblomaasiyadda iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab. Mahadsanidiin. Hon. Mahad Salad
  16. Dubai (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa magaalada Dubai ee dalka isku taga Imaaraatka Carabta kula kulmay masuuliyiin ka tirsan Imaaraatka, iyaga oo ka wada hadlay arimo dhowr ah. Muuse Biixi Cabdi ayaa magaalada Dubai kula kulmay amiirka Imaaraadka Carabta, iyaga oo ka wada hadlay arimo dhowr ah, oo ugu dambeyn la yeeshay inay heshiis ka wada gaareen qodobada qaar. Kulanka kadib waxaa labada masuul ay kala saxiixdeen Heshiis dhowr ka koobnaa, kaasi oo lagu balamay in labada dhinac ay ka dhabeeyaan dhaqan gelinta qodobada lagu heshiiyay oo kala ahaa :- 1- Xoojinta xiriirkaka Soomaaliland iyo Imaaraadka. 2- Dardargelinta mashaariicda 3- Horumarinta kaabayaasha dhaqaale 4- Furitaanka Suuqa Xoolaha iyo kalluunka 5- Jaaliyadda Somaliland ee imaaraadka in si mug leh looga qaybgeliyo shaqooyinka iyo helitaanka sharci. Wakiilka Somaliland ee Imaaraatka Carabta ayaa sheegay in kulankaasi kadib, sidoo kale lagu balamay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhaqan geliyo dhamaan qodobada lagu heshiiyay. Maamulka Somailand ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ayaa dhawaan dhaliilsanaa heshiiskii Imaaraatka kula wareegay dekada Berbera waxaana taasi ay dhalisay in la bilaabo qodobada qaar ee lagu heshiiyay, iyadoo isagana looga yeeray Imaaraatka. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. (SLT-Washington)Aasaasaha shirkadda Amazon Jeff Bezos ayaa hadda ah qofka ugu taajirsan adduunka, sida lagu qeexay liiska bilyaneerrada sannadka 2019-ka ee ay isbuucan shaacisay hay’adda Forbes. Hantidiisa qiimaheeda waxaa lagu qiyaasay $131bilyan oo doolar, oo u dhiganta 99bilyan oo gini. Laakiin Jeff wuxuu noqonayaa qof lacag yar heysta marka la barbar dhigo ninkii ugu taajirsanaa ee abid soo maray dunida. Ninkaasi wuxuu ahaa Mansa Musa, waana boqorkii qarnigii 14-aad maamuli jiray Galbeedka Afrika. Hantidiisu aad bay u badneyd waxaana ku tiirsanaa guud ahaan dhaqaalaha uu dalka ku taagnaa. “Dhaqaalaha uu Musa heystay aad buu u ballaarnaa, lacagihiisuna waxay yaalleen meel walba, taasina waxay xitaa sababtay in aan la xisaabin karin inta ay tiro ahaan dhanneyd lacagtiisa”, waxaa sidaas Radio lugo badan yidhi Rudolph Butch Ware oo cilmiga taariikhda ka dhiga jaamacadda California. Sidoo kale qoraa lagu magacaabo Jacob Davidson ayaa buug uu sannadkii 2015-kii ka qoray taariikhda boqorkaas reer Afrika ahaa ku yidhi “Mansa Musa wuxuu ka taajirsanaa qof walba oo niyada kusoo dhici kara”. Sannadkii 2012-kii, Website laga leeyahay Mareykanka oo looga sheekeeyo dadka taajiriinta ah ayaa hantidii uu Musa heystay ku qiyaasay $400bilyan oo doolar, balse dadka ku xeel dheer taariikhda dhaqaalaha waxay intooda badan isku raaceen in boqorkaas hantidiisa aan tiro sax ah lagu jaan goyn karin. Boqorkii dahabiga ahaa Mansa Musa waxa uu qoys boqorro ah ka dhashay sannadkii 1280-kii. Walaalkiis oo lagu magacaabi jiray Mansa Abu-Bakr, waxa uu boqortooyada maamulayay ilaa sannadkii 1312-kii. Abu-Bakr wuxuu boqortooyada maamulkeeda uga dagay si uu u aado safar uu go’aan ku gaaray. Sida laga soo xigtay taariikhyahankii qarnigii 14-aad ee lagu magacaabi jiray Shibab al-Umari, oo u dhashay Suuriya, Abu-Bakr wuxuu jecleystay inuu soo ogaado waxa ka dambeeya badweynta Atlantic. Safarkiisa waxa uu ka koobnaa 2,000 oo maraakiib ah iyo kumannaan ruux oo isugu jiray rag, dumar iyo addoomo. Way shiraacdeen laakiin waligood dib uma soo laabanin.. Taariikhyahannada qaar, sida Ivan Van Sertima, oo u dhashay Mareykanka waxay sheegeen in safarkaas uu gaaray koonfurta Amerika, laakiin taas wax caddeyn ah looma hayo. Si kastaba ha ahaatee, Mansa Musa ayaa dhaxlay boqortooyadii uu ka tagay walaalkiis. Markii uu xukunka la wareegay waxaa si weyn u ballaartay xukunkii boqortooyada waxaana la helay kheyraad faro badan oo dahab ah. Safarkiisii Maka Inkastoo boqortooyadii Mali ay saldhig u ahayd dahab faro badan, haddana boqortooyada laf ahaanteeda aad caan uma ahayn. Safarkii Maka wuxuu caan ka dhigay Mali iyo boqortooyadii Musa Laakiin arrintan waxay isbaddashay markii uu Mansa Musa, oo muslim ahaa go’aansaday inuu soo xajiyo, isagoo sii maraya lama degaanka Sahara Desert iyo Masar. Waxaa lagu soo warramay in Boqorku uu Mali kala tagay wafdi ay tiradoodu gaareysay 60,000 oo rag ah. Waxaa raacay dhammaan saraakiishii boqortooyadiisa, askartiisii, majaajileystayaashiisii, ganacsatadiisii, wadeyaashiisii gaadiidka geela iyo 12,000 oo addoomo ah. Waxaa sidoo kale raacay ari aad u faro badan oo isugu jiray riyo iyo ido. Marka taariikhda looga sheekeynayo waxaa lagu tilmaamaa in safarka boqorku uu ahaa magaalo guureysay oo dhex mareysay Saxaraha. 10-kii ruux ee ugu taajirsanaa dunida Mansa Musa oo ahaa boqorkii Mali, kaasoo noolaa intii u dhaxeysay (1280-1337) – hantidiisa lama qiyaasi karo. Augustus Caesar oo ahaa boqorkii Roomaanka, kaasoo noolaa intii u dhaxeysay (63 BC-14 AD) – hantidiisa waxaa lagu qiyaasay $4.6tirilyan oo doolar. Zhao Xu oo ahaa boqorkii Shiinaha, kaasoo noolaa intii u dhaxeysay (1048-1085)- hantidiisa lama qiyaasi karo. Akbar I oo ahaa boqorkii maamulka Mughal dynasty ee Hindiya, kaasoo noolaa intii u dhaxeysay (1542-1605)- hantidiisa lama qiyaasi karo. Andrew Carnegie oo ahaa ganacsade kasoo jeeday Scotland iyo Mareykanka, kaasoo noolaa intii u dhaxeysay (1835-1919)- hantidiisa waxaa lagu qiyaasay $372bilyan oo doolar. John D Rockefeller oo ahaa ganacsade Mareykan ah, kaasoo noolaa intii u dhaxeysay (1839-1937) – hantidiisa waxaa lagu qiyaasay $341bilyan oo doolar. Nikolai Alexandrovich Romanov oo ahaa boqorkii Ruushka, kaasoo noolaa intii u dhaxeysay (1868-1918) – hantidiisa waxaa lagu qiyaasay $300bilyan oo doolar. Mir Osman Ali Khan oo ahaa bioqorkii Hindiya, kaasoo noolaa intii u dhaxeysay ( 1886-1967) – hantidiisa waxaa lagu qiyaasay 230bilyan oo doolar William The Conqueror oo noolaa intii u dhaxeysay (1028-1087)n – hantidiisa waxaa lagu qiyaasay $229.5bilyan oo doolar. Muammar Gaddafi oo ahaa hoggaamiyihii muddada dheer xukumayay dalka Liibiya, kaasoo noolaa intii u dhaxeysay (1942-2011) – hantidiisa waxaa lagu qiyaasay $200bilyan oo doolar. Source
  18. (SLT-London)Waxa xalay ka qabsoontay galbeedka London xaflad balaadhan oo qaadhaan urrin ah iskuulka Maxamuud Axmed Cali Hargaysa S/Land.Xaflada waxa daadihinay Suldaan Mubarik Cumar Ibrahin .xafladaas oo ay soo qaban qaabiyeen ardaydii iskuulka dhigan jirtay wakhtii dagaalda ka hor (1988) ardaydaas oo isku xilsaartay dib u dhiska Iskuulkaas oo dayac badani ka muuqday horana wax badan uga qabtay qalab badan geeyay .Xafladaas oo ay isugu yimaadeen dhamaan bulshada kala duwan ee ku dhaqan UK ee reer Soomaliland oo aan si kala hadh lahayn madasha u soo buux dhaafiyay .xaflada waxa furay Guddomiye Xuseen Askar oo ka warbixiyay waxqabadki gudigiisa & halka wax u marayaan si baaldhana ugu mahad celiyay dadkii madasha soo ajiibay dadakana ka codsaday in ay kaalin laxaadleh ka qaatan dib u dhiska iskuulka Maxauud Axmed Cali Hargaysa Somaliland. Intaa ka dib waxa hadalka lagu wareejiya Safiirka Somaliland u fadhida Wadankan UK Marwo Ayaan Cashuur warbixin koobana ka jeedisay madasha kana hadashay qiimaha ay waxbarshadu leedahay kuna bogaadisay gudigan is xilqaantay ee wax qabadka muujiyay qof kasta oo madasha fadhiyana ka codsatay in uu ka qayb qaato qaadhanka iskuulka wax loogu qabanayo gaar ahaan Xisbiyada Qaranka oo goobta joogay waxaany halkii kaga dhwaaqday $1000 . waxa isna hadalkii qaatay Ambasidor Diinaari oo ka yimi waddanka Denmark oo ka mid ah madaxda Xisbiga Waddani mahadcelin balaadhan ka dib waxaan ku faraxsanahy in aan idinkala soo qayb galo xafladan quruxda badan oo sida bilan loo soo agaasimay hadaanu Xisbiga Waddani nahayna waxaanu qaadhaanka kaga qayb qaadanayna $1000 isla goobtiina lacagti wuu ku wareejiyay.Gudoomiye ku xigeenka 2aad UK, goobta mahadcelin ka dib goobta kaga dhawaaqay $1000,sidoo kale Xasan Macalin oo matalayay Xisbiga Ucid ayaa goobta ka jeediyay taariikhdii Maxamuud Cali waxaanu qaadhanka ku dhawaqay $1000 ,Xildhibaan Kaltuun baanday oo ka soo baqooshay Sheffield oo goobta hadal kooban ka jeedisay taariikhdi Aabihii waxbarashada Soomaaliland/Soomaaliya Maxamuud Axmed kuna tlmaantay wax laga xumaado in maanta qaadhaan loo ururinayo iskuul huwan magaci Aabihii waxbarashada Dadkana ku boorisasy in si mug & miisaanleh looga qayb qaato qaad  hanka iskuulan loo ururinayo.Bahda Isboortiga Mohamed Badhsab & Basalo oo hadal kooban goobta ka jeediyay waxay ku yabooheen £2000 .Gudoomiya jaaliyada SSUK oo goobta ka hadlay aadna ugu farxsanaa waxqabadka jaaliyada uk wax qabdkooda wuxu goobta ka cadeeyay in ay £1500 bixin doinaan hadii ilaahay.Gudoomiyihii Jaaliyada Bariga London oo xaflada bogaadiyay ayaan isna goobta ka sheegay in bixinyaayaan $2500 hadi ilaaha yidhhahdo .intaa ka dib dadkii xaflada ka soo qayb galay ayaa iyaguna si aan hagrasho lahayn gacanta u boobay iyagoo isku qoray lacagayow kala duwan $500,300,200,100 .Gabagabdii waxa xaflada lagu gudoonsiiyay shahaado sharaf fanaantii qaranka & xubno kale oo muhiim kaalin xoogan ka gaystay taburaca iskuula. Waxa kale oo madasha ka hadlay Ambasodar C/risaq Afqaraf, Xusen Asad, Deeqa,Asma,sahra,Mushtaaq. Xafladiina waxay ku dhamaatay Guul. Soomaalind allow dhawr!. Sent from Yahoo Mail on Android Source
  19. Kampala (PP) ─ XukuumaddaUganda ayaa xaqiijisay maanta dhimashada taliye ku xigeenkii booliska AMISOM eek a hawlgala Somalia, Christine Alalo taasoo ka mid ahayd rakaabkii la socday diyaaradda Ethiopian Airlines ee ku bur-burtay gudaha dalka Itoobiya. Inkstoo Taliska booliiska Uganda uu xalay beeniyay warkan oo markii ugu horreysay lagu shaaciyay baraha bulshadu ay ku xiriirto, ayaa haddana mar dambe waxaa taliska booliiska Uganda uu xaqiijiyay geerida Christine Alalo. Sidoo kale, Christine Alalo ayaa waxay ahayd taliye ku xigeenka ciidammada booliiska AMISOM ee ka socda dalal dhawr ah, kuwaasoo ciidamada booliiska Somalia gacan ka siiya dhanka tababarrad iyo qalabeynta. Dhanka kale, Afhayeenka booliiska Uganda, Fred Enanga ayaa wuxuu xalay beeniyay geerida gabadhaas, balse wuxuu xaqiijiyay Isniinta maanta ah inay ku geeriyootay shlka diyaaradeed. Rakaabkii la socday diyaaradda Itoobiya laga leeyahay oo safarkeedu ahaa Addis Ababa iyo Nairobi oo ah xarumaha Kenya iyo Itoobiya ayaa dhamaan la sheegay inay ku geeriyoodeen, kuwaasoo tiradoodu ahayd 149 qof oo ah rakaab iyo sideed shaqaalihii diyaaradda ahaa. Soomaalidii ku dhintay shilkan diyaaradeed ayaa tiradooda lagu sheegay in ay dhan tahay sagaal qof oo dhammaantood watay baasaboorro ajnabi ah marka laga reebo mid ka mid ah shaqaalaha xafiiska RW Khayre oo isagu watay baasaboorka Soomaaliga. Ugu dambeyn, Shilkan diyaaradeed ayaa waxaa kaloo ku geeriyooday qaar ka mid ah hay’adaha QM ee fadhigeedo yahay Nairobi, kuwaasoo qaarkood ay u dhasheen dalka Kenya oo ahaa dalkii ay tiradii ugu baydn ku waayay shilkaas diyaaradeed. PUNTLAND POST The post Mid ka mid ah Madaxda Ciidamada AMISOM oo ku geeriyooday shilkii Diyaaradeed ee Itoobiya appeared first on Puntland Post.