Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,652
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garowe (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Mudane Cabdi Aadan Hoosow ayaa Shir gudoomiyey Shirka Kaabayaasha dhaqaalaha Dalka gaar ahaan dhismaha Wadooyinka iskuxira Gobolada Dalka (Regional Corridors) oo socondoona muddo saddex Maalmood ah. Waxaa kasooqayb galay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Mudane Jamaal Xasan Ismaaciil, Wasiirada Hawlaha Guud ee Maamul Goboleedyada, Agaasimaha Guud, Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, Madax kasocotay Bangiga Horumarinta Afrika & Midowga Yurub. Shirkan ayaa looga wada hadli doonaa inta uu socdo dib u dhiska wadooyinka iskuxira Gobolada Dalka ee bur buray & Dhismaha Wadooyin cusub oo hor leh taasoo faa’iido wayn u leh koboca dhaqaalaha dalka & Isku socodka Bulshada. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Cabdi Aadan Hoosow ayaa furay Shirka waxa uuna soodhoweeyey Wasiirada maamul goboleedyada, Bangiga Horumarinta Afrika & Dhammaan Madaxdii kasooqayb gashay shirka waxa uuna xusay in shirkan uu muhiimad gaar ah u leeyahay Wasaaradda Hawlaha Guud. Wasiirada Hawlaha Guud ee Maamul Goboleedyada Dalka ee shirka kasooqayb galay ayaa Dhankooda soodhoweeyey shirkan waxa ayna ammaneen dadaalka ay waddo Wasaaradda Hawlaha Guud ee Dib u dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka. View the full article
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka u gu dambeeyo ee ka imaanayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubaland ayaa xaqiijinayo inay halkaas ka dhaceyn kulamo Alabaabada u xiran oo ay yeesheen Madaxweynaha Jubblanad Axmed Madoobe iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Sida Xubno ku dhow dhow Axmed Madoobe ay u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimadda Online kulamada ayaa loo diiday inay ka qeyb galaan Saxaafadda iyo Mas’uuliyiinta kale ee ka kala socday labada dhinac, waxaana si gaar ah u wada hadlay Ra’isulwasaaraha iyo Axmed Madoobe. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in kulankan uu ahaa mid labada dhinac ay uga hadleen sidii loo xalin lahaa khilaafka u dhexeeya Dowlada Federalka iyo Maamulka Jubbaland. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa u gudbiyay Ra’iisul Wasaare Kheyre tabashooyin ay ka qabto dowlada Federalka, waxana uu sheegay ra’iisul Wasaare Kheyre in la xalin doono dhammaan tabashooyinka Maamulka Jubbaland. Booqashada Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo sida loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo ayaa dhalisay shaki ah in Kheyre uu bilaabay olole uu ku doonayo in uu uga qeybgalo doorashada madaxtinimada dalka ee la rajeynayo in ay ka dhacdo dalka Soomaaliya. Arrimaha shakiga ugu weyn abuuray ayaa waxaa ka mid ah ayada oo horey ay u jireen warar sheegaya in Kheyre uu ku jiro hami madaxweynenimo, islamarkaana safarkan uu qeyb ka yahay isbaheysi uu sameysanayo ka hor doorashada 2020. Xubnaha madaxweynaha ku dhow ayaa walaac ka qaba in Kheyre uu awood baaxad weyn oo siyaasadeed yeelanayo xilli uu weli qeyb ka yahay dowladda. Sidoo kale xildhibaanada ku beesha ah madaxweynaha oo beesha Axmed Madoobe ay xurguf siyaasadeed kala dhaxeyso ayaa safarkan u arka mid Axmed Madoobe isbahaysi ka dhan ah madaxweynaha iyo beeshiisa uu ku sameysanayo. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  3. Goobjoog ayaa wareysi gaar ah oo dhinacyo badan taabanaya waxa ay la yeelatay Ben Fender oo ah safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya. Wareysigan ayaan wax badan kaga weydiinnay arrimaha ku aaddan taageerada UK ee Soomaaliya, ammaanka, iyo mashaariicda dib u dhiska. Sidoo kale, waxaan wax ka weydiinnay Mr. Ben Fender qorsheyaashooda soo socda ee garab istaagidda Soomaaliya iyo arrimo kale oo muhiim ah. Halkaan hoose ka daawo wareysiga: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleeban Maxamuud Aadan ayaa waxaa uu ka deyriyey xaaladda uu dalku wakhtigan maraayo waxaana uu sheegay in aaney jirin meel inoo nooli oo meel walba dagaal iyo abaari ay inagaga socoto, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Dowladda Puntland ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo maalmahan ay Somaliland ka waddo degaanno ka tirsan gobolka Sanaag. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu sheegay in Somaliland ay duullaan ku soo qaadday degaanno ka tirsan gobolka Sanaag ee Puntland si ay u curyaamiso dagaalka ay Puntland argagixisada kaga sifeynayso buuraleyda gobolada Bari iyo Sanaag. Sidoo kale war-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Puntland ay marwalba ay dulqaad muujinayso iyadoo xeerinaysa xasiloonida gobolka iyo deris wanaaga kana hortegaysa daadinta dhiigga dadka walaalaha balse mar dambe aysan u dulqaadan doonin daan-daansiga qayaxan iyo weerarrada joogtada ah ee kaga imaanaya dhinaca Sonaliland. Ugu dambeyntii Puntland waxay sheegtay in ay u diyaarsantahay difaaca dalkeeda iyo dadkeeda waxaana ay shacabka ugu baaqday in ay u midooban difaaca dalka iyadoo dhinaca kale daneeyaasha arrimaha Soonaaliya ku wargelisay in Somaliland ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto wixii halkaas ka dhaca. PUNTLAND POST The post Puntland oo war-saxaafadeed ka soo saartay duullanka Somaliland ee gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
  6. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid C/laahi Dani ayaa Somaliland uga digay daan-daansi uu sheegay iney ka waddo deegaanno ka mid ah gobolka Sanaag. Waxa uu sheegay madaxweyne Dani in ciidanka Somaliland ay maalmahan dhan ka wadeen dhaq-dhaqaaqyo deegaanno ka mid ah Sool, islamarkaana ay rabaan in mar kale soo weeraraan dhulka Puntland waa sida uu hadalka u dhigaye. Sidoo kale, Dani ayaa sheegay in marar badan ay nabadda ka shaqeynayeen, islamarkaana ay diidanaayeen in colaad iyo dagaallo kale ay dhacaan. Waxa uu tilmaamay madaxweyne Dani in ay difaacan doonaan deegaannadooda, islamarkaana cid walbo oo kusoo xad-gudubta jawaab ay ka heleyso. Deegaanno ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag waxaa maalmahan dambe ka jiray xiisad u dhaxeya Puntland iyo Somaliland oo marar badan ku dagaallamay gobolladaasi. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/Madaxweynaha-Puntland.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Garoowe (Caasimadda Online) – Taliyaha ciidanka Daraawiishta Maamulka Puntland Sarreeye Gaas Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen ayaa la sheegay in warqad is-casilaad ah uu u gudbiyay madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Warar hoose aan heleyno ayaa sheegaya in sababta uu isku casilay Genaraal Cabdishakuur Cabdullaahi Xuseen oo ahaa Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland tahay in Madaxwayne Deni ay isku fahmi waayeen sidii Puntland ay uga falcelin lahayd dhaqdhaaqyada Soomaliland ay ka wado deegaano ka tirsan Puntland. Wali Ma jirto faahfaahin rasmi ah uu ka bixiyay Taliyaha sababaha keenay inuu iska casilo xilkaasi. Balse warar qaar ayaa sheegaya inuu dhaliilsan yahay habkii looga falceliyey xiisadaha colaadeed ee ka taagan Gobolka Sanaag. Sidoo kale waxaa la sheegay in Taliyaha uu doonayey in Puntland Jawaab cad ka bixiso dhaq dhaqaadyada Somaliland ay ka wado halkaasi,hayeeshee Madaxtooyadda arrinkaasi ay ka gaabsatay. Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa inuu madaxweyne Deni jawaab ka bixiyo is casilaadda uu u gudbiyey Taliyaha ciidanka Daraawiishta Maamulka Puntland. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  8. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha madaxweynaha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sagootiyey saddex dhallinyaro ah oo magaca dalka Jamhuuriyadda Somaliland kaga qaybgelaya tartan dhinaca orodka ah oo lagu qabanayo dalka Jabuuti, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda. Madaxweynaha ayaa ku biiraya Madaxda dalalka Uganda, Koonfur Afrika, Tanzania iyo Kenya, wakiillo ka socda hay’adaha iyo bangiyada caalamiga ah, ganacsato iyo ergooyin kor u dhaafaysa ilaa kun oo ka qeyb galaya shir-madaxeed looga hadlayo sidii loo heli lahaa Afrika nabdoon, isdhexgalkeedu sarreeyo, isla markaana dhaqaaleheedu kobcayo, kaas oo maanta ka furmaya Magaalada Kampala. Madaxweyne Farmaajo oo sidoo kale kulamo gaar ah la yeelan doona qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb gashay shirka ayaa waxa uu kala hadli doonaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalkaas, iyo sidii Soomaaliya loogu gacan siin lahaa geeddi socodka dowlad-dhisidda iyo dadaallada lagu la cirib tirayo argagaxisada. Safarkan shaqo waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi). Source: goobjoog.com
  10. Taliyahii ciidanka daraawiishta Puntland Jeneraal Cabdi Shukri C/laahi Xuseen ayaa warqad uu isku casilayo waxa uu maanta u gudbiyey madaxweynaha maamulkaasi. Wararka ay heshay Goobjoog ayaa waxay sheegeyaan in sababta uu isku casilay taliyaha ay tahay kadib markii ay madaxweyne Dani isku fahmi waayeen arrimo la xiriira xiisadda kala dhaxeysa Somaliland. Taliyahan ayaa la tilmaamay inuu bixiyey ammar ah in jawaab la siiyo Somailland oo deegaanno hor leh kusoo duruqtay dhanka Puntland. Balse madaxda sare ee maamulka Puntland ayaa ka horyimid go’aankaasi, taana waxay keentay inuu is casilo taliyaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. (SLT-Hargeysa)-5 Qodob Oo Laga Soo Saaray Shir Wadatashi Ah Oo Ka Socday Deegaanka Gedoy Ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. Nairobi (SMN) – Dowladda Jaban ayaa Soomaaliya ugu deeqeysa $1 milyan oo lagu tala galay in looga hortago halista walxaha qarxa, sida miinooyinka dhulka lagu aaso. Japan ayaa lacagtaasi ku wareejineysa hay’adda ka hortagist miinooyinka QM UNMAS, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan safaarada Japan ee dalka Kenya. Shantii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa Japan ay Soomaaliya ugu deeqday $7.3 milyan oo dhamaan wax looga qabanayay soo saarida waxyaabaha qarxa. Sidoo kale dowladda Japan ayaa sheegtay in ay tababaro siineyso ciidamada Booliska Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo amniga dalka. Qurat-ul-Ain oo ah sarkaal ka tirsan hay’adda miinooyinka Qaramada Midoobay UNMIS ayaa si weyn u soo dhaweysay deeqda ay ka heleen Japan, taas oo ay sheegtay in ay wax tar u leedahay dhinaca badqabka dadka shacabka ah. View the full article
  13. Awdheegle (SMN) – Al Shabaab ayaa guulo sheegtay dagaal xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Daaru-Salaam ee gobolka Shabeelaha Hoose. War ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa ciidanka Mareykanka, kuna dhaawaceen 2 askari oo kale. Al Shabaab ayaa ku baahiyay bogagooda Internet-ka in ay la wareegeen hub iyo qalab milatari oo uu watay sarkaalka ay dileen. Sidoo kale Al Shabaab ayaa sheegtay in dagaalkani ay ku dileen illaa 6 Askari oo ka tirsanaa ciidamada Bangaraafta Soomaaliya oo xalay weerar ka fuliyay Daaru-Salaam oo todobo kiilo Mitir u jirta degmada Awdheegle ee gobolka Sh/ Hoose. Dhanka kale DFS ayaa sheegtay in howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ay ku dishay illaa 8 xubnood oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab. Dowladda ayaa sidoo kale tilmaamtay in wax khasaare ah uusan ka soo gaarin shacabka howlgalkaasi, kuna soo dhamaaday guul. Maalimihii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday dhaq dhaqaaqyada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda koonfurta Soomaaliya. View the full article
  14. French President Emmanuel Macron is offering support for Djibouti to boost its economy and pursue further peace in the Horn of Africa region. Macron met with Djibouti’s President Omar Guelleh, who encouraged French companies to invest in local infrastructure. Macron heads later Tuesday to Ethiopia as part of an African trip aimed at shoring up military and economic ties. Macron praised Djibouti as “a historic partner and strategically.” He called for further economic cooperation and intensifying the fight against piracy. French CEOs joined him on the trip to Djibouti, home to a key French naval base. Djibouti is seen as relatively stable within a volatile region, and its strategic location on one of the world’s busiest shipping lanes has attracted interest from other world powers. View the full article
  15. (SLT-Iiraan)-Qoyska Qareen caan ah oo u dhaqdhaqaaqda arrimaha xuquuqda aadanaha ee dalka Iiraan ayaa sheegay in gabadhooda xabsi dheer loo diray. Haweeneydan oo lagu macaabo Nasrin Sotoudeh waxaa lagu soo eedeeyey iney gashay dambiyo wax u dhimayo ammaanka dalka Iiraan. Koox ay siyaasaddoodu tahay garabka midig ayaa si weyn u cambaareeyey xukunka lagu riday Ms Nasrin. Ms Sotoudeh ayaa waxay mataleysay dumarka ka soo horjeestay dumarka iney timaha qarsadaan. Xukumadda Tehraan waxay haweeneydan xukunkaasi ugu ridday howlihi ay ka qabaneysay arrimaha xuquuqda aadanaha ee ay dalkaasi ka wadday. Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay La Taliyaha Badbaadada Badda ee UNSOM Mr Jeff Sims. (Security/Maritime Advisor of UNSOM) kaas oo UNSOM u qaabilsan Somaliland. Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed ayaa Qaabilaada Kadib Mr Jeff Sims La Qaatay shir kooban kaasi oo ay wasiirka ku wehelinayey Agaasimaha guud ee Amniga Mukhtaar Maxamed Cali Iyo Agaasimaha maamulka Gobolada Iyo Degmooyinka Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Gurey) Waxaana shirkaasi lagu lafa guray sidii loo xoojin lahaa arrimaha amniga iyo kaalmada ciidamada badda oo UNSOM ay Somaliland ka taageer Source
  17. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-12032019.mp3 View the full article
  18. Taliyaha ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland Sarreeye Gaas Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen iyo abbaan-duulaha Daraawiishta Gen Siciid Maxamed Salaad (Goraya-cawl) ayaa labaduba warqadaha is-casilaadda u gudbiyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed. Ilo’ xog-ogaal ah ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in labada Generaal ay xalay iscasileen kadib isfaham la’aan iyo khilaaf soo kala dhex galay iyaga madaxweynaha Puntland oo ku aaddan jawaabta dowladdu ka bixinayso dullaanka Somaliland ku soo qaadday degaanno kamid ah koonfurta bari ee gobolka Sanaag. Hase yeeshee weli lama xaqiijin in madaxweynuhu aqbalay waraaqaha iscasilaadda ee ay u gudbiyeen taliyaasha iyo in kale waxaana xiriir aan la samaynay dhinaca madaxtooyada ilaa iyo haatan noo suura-gelin in aan xog dheeriya ka helno xafiiska madaxweynaha Siciid Cabdullaahi Deni. Ciidamada Somaliland ayaa shalay saldhig ciidan ka samaystay degmada Yubbe ee koonfur bari gobolka Sanaag halkaas oo ay hadda ku sugan yihiin in ka badan 30 gaadiidka teknikada Somaliland oo ka soo ruqaansaday dhinaca magaalada Ceerigaabo. Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in ay u sii gudbayan degaannada ku yaalla bariga gobolka Sanaag oo ay ku jiraan Xiingalool Damalla-xagarre iyo Badhan iyagoo sheegay in ay ka hortagayan weerarro Somaliland uga yimaada Gen Caarre oo hoggaamiya jabhad fadhigeedu yahay aga’gaarka magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. PUNTLAND POST The post Saraakiishi u sarraysay ciidamada Daraawiishta Puntland oo iscasilay appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Al-Shabaab ayaa lagu faah faahiyay dagaal culus oo xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaan katirsan Sh/Hoose. Al-Shabaab waxay xaqiijisay inay dagaalkii xalay ka dhacay deegaanka Daaru Salaam ku dishay Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Mareykanka ee jooga dalka Soomaaliya islamarkaana ay dhaawacday 2 askari. ” Dagaal culus oo xalay ka dhacay deegaanka Daarusalaam ee Shabeelaha Hoos waxay Al-Shabaab khasaara lixaad leh ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda Mareykanka, waxaan muslimiinta ugu bishaaraynaynaa in dagaalkii xalay lagu dilay sarkaal American ah oo ahaa taliyihii hoggaaminayay ciidamada weerarka soo qaaday halka ay dhaawacmeen 2 askari oo kale” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab. Al-Shabaab ayaa intaas ku dartay inay dagaalkii xalay ku dileen 6 kamid ah Ciidamada Bangaraafta loo yaqaan. Sidoo kale waxay Xarakada Sheegtay inay gacanta ku dhigtay hubkii iyo qalabkii Melleteri ee uu watay sarkaalka Mareykanka ee lagu dilay dagaalka iyagoo intaas kusii daray inay ciidamada huwanta ah u suurtgashay in ay goobta dagaalka si dirqi ah uga qaataan Meydadkii iyo dhaawacyadii gaaray sida lagu baahiiyey warbaahinada Al-Shabaab. Sanaddii 2017 weerar sidaan oo kale uga dhacay deegaanka Daarusalaam ayay Al Shabaab ku dishay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Mareykanka kaas oo kamid ahaa ciidamadii ka qeyb qaatay howlgalkii lagu dilay Sheekh Osama Bin Laden Hoggaamiyihii Ururka Al Qaacidda sida ay Xarakada sheegatay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. A delegation led by Somali president, Mohamed Abdullahi Farmajo is in the Ugandan capital, Kampala, to take part in the conference to discuss economic development and cooperation between the African countries. Somali president will join other African leaders from Rwanda, Ethiopia, South Africa, Tanzania, Kenya, Egypt, Morocco and delegates from other parts of the continent. The meeting which is also to attended by officials from United Nations, World Bank and representatives from the leading African financial institutions will also deliberate on economic integration that will pave the way for the creation of job opportunities for young African generation. Somali head of state is also scheduled to meet Ugandan president, Yoweri Museveni to discuss the bilateral diplomatic relations between the two IGAD member states. President Farmajo will similarly hold sideline meetings with the head of African governments attending the significant summit to discuss issues of mutual interest between the respective countries. View the full article
  21. (SLT-Garoowe)-Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni, ayaa sheegay in aanay u dul-qaadan doonin duullaan uu sheegay in ay kusoo qaaddey Somaliland, Shacabka ayuu ugu baaqey in ay sharaftooda difaacaan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  22. sida caadiga warbhaainta Goobjoog waxa ay marwalbo idin soo gudbisaa dhacdooyinka kala duwan ee wadanka gaar ahaan isboortiga Soomaaliya,bishii lasoo dhaafay Febraayo 2019 waxaa dhacay dhacdooyinka kala gedisan waxaana warbixinta soo aruuriyay wariyaha ciyaaraha Goobjoog Maxamed Xuseen Qalinle. 01-Febraayo 2019-Tartanka isreeb reebka horyalka kooxaha Jubbaland ayaa waxaa ciyaaray kooxaha Heegan iyo Guulwade waxaana kulankaa 3-2 ku adkaaday xidigaha kooxda Heegan,iyagoo sidaas uga soo gudbay horyaalka heerka 1-aad ee kooxaha Jubaland. 02-02-2019-Akram Cafiif ayaa xulka kubadda cagta dalka Qatar kula guulaystay Koobka Qaramada Asia Akram ayaa ahaa laacibka ugu wanaagsan xulka qaranka Qatar, isaga oo baasay 11 ka mid ah 19-ka gool ee xulkaas ay ka dhaliyeen koobka oo ka dhacay wadanka Imaaraadka Carabta laacib Akram waxaa dhalay Xasan Cafif Yaxya oo ka mid ahaa ciyaartooydii xulka Qaranka Soomaaliya inta u dhaxeysay 1972-ki ilaa 1980-ki. 02-Febraayo 2019-Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa ka qayb galay daawashada ciyaar ka tirsaneyd tartanka dugsiyada sare ee Galkacyo madaxweye Xaaf ayaa sheegay in maamulkiisa uu gacan weyn ka geesandoono horomarinta ciyaaraha iyo dhimsaha garoomada deegaanka. 03-Febraayo 2019–Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo ka mid ah garsoorayaasha heerka caalami ee kubbadda cagta Soomaaliya ahna guddoomiyaha ciyaaraha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in mustaqbalka adeega Var laga isticmaalidoono Soomaaliya faa’idana uu u yahay kooxaha kubbadda cagta ee ka dhisan dalka. 04-Febraayo 2019-DR.Yuusuf Muxidiin Axmed oo ah aqoonyahan dhalinyaro ah ayaa loo magacaabay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta wuxuun booskaas ka badalay Xasan Maxamuud Xasan (Xasan Farey) DR.Yuusuf ayaa madaxda xiriirka kubbadda cagta uga mahad celiyay halka ay soo gaarsiiyeen kubbadda cagta Soomaaliya. 5-Febraayo 2019-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa balan qaaday in la horomarindoono isboortiga Jubaland wuxuuna hadalkan ka sheegay mar uu u soo daawasho tagay ciyaar ka socday garoonka kubbadda cagta Waamo ee magaalada Kismaayo. 06-Febraayo 2019-Macalimiinta xulka qaranka Soomaaliya ayaa Xassan Maxamed Aadan (Xasan Santos) oo ka tirsan kooxda dowaladda hoose ee Muqdisho City Club uga wacay in uu ciyaaro xulka qaranka waxayna u aheyd markii horeesay oo looga yeeray waajibaadka Xulka Ocean Stars. 07-Febraayo 2019- Xiriirka kubbadda cagta Jubaland ayaa soo soo saaray kooxaha u soo gudbay horyaalka heerka 1aad & 2aad waxaana heerka 1-aad usoo gudbay kooxaha kala ah Dowladda Hoose, JBC,Himilo,Heegan iyo Dekedda, halka horyaalka heerka 2-aad ay iyagana usoo gudbeen naadiyada kala ah Majaango, Guulwade, Gaadiidka, Koban iyo kooxda Kaneefa. 08-Febraayo 2019-Tartanka orodka dheer ee Somaliland ayaa sannadkii labaad lagu qabtay magaalada Hargeysa waxaana oradka 42km ku guulaystay oradyahan Cusmaan Cilmi Sheekh oo ka socday gobolka Owdal tiro ahaan waxaana ka qeyb gashay ilaa 200 oo oradyahan. 08-02-2019-Xasan Aadan Yabarow Wiish ayaa loo magacaabay guddomiyaha guddiga Garsoorayaasha Soomaaliya,isagoo sidoo kale ah guddomiyaha ciyaaraha Gobolka Banaadir. 09-02-2019-Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Wiish ayaa furay garoonka kubadda cagta degmada Deyniile Guddoomiye Wiish ayaa mamulka degmada uga mahad celiyay dadaalka ay ku bixinayaan horumarinta ciyaaraha,iyagoo sidoo kale dhistay garoonka kubadda kolaga . 10-02-2019-Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Puntland u magacaabay Jaamac Faarax Muuse bahda isboortiga Puntland ayaa heegay in wasiirkooda ka sugayaan horomarinta iyo kor u qaadida isboortiga deeganaada Puntland. 11-02-2019-Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Maamul Goboleedka Hirshabeele Cabdiqani Cabdullahi Hilowle (Cabdiqani Jeenyo) ayaa ka qeyb galay dhagax dhig loo soo maynay degmada buula burde ee gobolka Hiraan waxaana mashruucaas qeyb ka ahaa dhismaha garoonka kubbadda cagta degmada. 13-02-2019-Madaxweynaha dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) ayaa wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed u magacaabay Cali Dhuux Maxamed saaxiibada iyo bahda isboortiga ayaa aad u soo dhaweeyay xilka loo magacaabay Cali Dhuux,iyagoo kula dardaarmay in uu la yimaado qorshayaal cad oo lagu horomarinayo isboortiga Koonfur Galbeed. 14-Febraayo 2019-DR.Yuusuf Muxidiin ayaa xilka xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda kala wareegay Xasan Maxamuud Xasan (Xasan Farey) oo 30-kii sano lasoo dhaafay ku soo jiray ka shaqeynta kubbadda cagta saaxiibada DR Yuusuf ayaa soo dhaweeyay xilka loo magacaabay,iyagoo u rajeeyay in uu la yimaado wax qabad wanaagsan. 15-Febraayo -2019- Maxamed Yusuuf oo ka mid ahaa ciyaartooydii ciyaartay xulka qaranka kubbadda kolayga ayaa dhameysatay jamaacada heerka labaad ee Master Degree. 16-Febraayo 2018- Tartanka Dugsiyada Sare ee Gaalkacyo ayaa la soo gabagabeeyay wuxuuna u jeedka tartankaas ahaa sidii dhaqaalaha kasoo xarooda loogu dari lahaa dhismaha garoonka Cabdulaahi Ciise ee Magaalada Gaalkacyo. 16-Febraayo 2019-Sayid Cali Kuukay oo u soo dheelay xulka qaranka kubbadda cagta,kolayga iyo gacanta ayaa ku guulaystay abaal marinta shaqsigii ugu wanaagsanaa isboortiga Soomaaliya wuxuuna aaal marinta gudoonsiiyay ururka Somali Youth Award. 17-Febraayo 2019-Daafaca Kooxda Jeenyo Cabdiraxmaan Tahliil Cali ayaa qaliin loogu sameeyay caasimada Muqdisho waxaana qaliinka sameeyay dhaqaatiir kasoo jeeda wadanka Hindiya Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in dhawaan kusoo laabandoono kooxdiisa. 18-Febraayo 2019-Wasiirka Wasaarada ciyaaraha Hirshabelle Cabdi Qani Cabdulahi Hilowle ayaa ka qeybgalay howl lagu nadiifinayay garoonka kubbada koleyga ee magaalada Jowhar kaas oo sanadihii la soo dhaafay aan lagu ciyaarin tartamada kubbada kolayga. 19-Febraayo 2019-Kooxda Gaadiidka ayaa warhaainta u soo bandhigtay ciyaaryahan Amiin Axmed Saalax oo kasoo jeeda dalka Yemen,isagoo noqonaya xidigihiiugu horeeyay oo carab ah ka dheela horyaalka Soomaaliya. 20-Febraayo 2019-Tababaraha Kooxda Dekedda Yuusuf Cali (Yuu-Cali) ayaa sheegay in Sanadkii Saddexaad ay kooxdiisa Dekedda ku rajo hami weyntahay hanashada horyaalka Soomaaliya. 21-Febraayo 2019-Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Aadan Yabarow Wiish ayaa daah furayay garoonka kubadda kolayga degmada Yaaqshiid wuxuuna shacabka iyo maamulka ugu mahad celiyay isku tashiga ay sameeyeen. 23-Febraayo 2019- Degmada Shibis ayaa ku guulaysatay koobka lagu maamusayay waxqabadka sanad guuradii ee ka soo wareegtay markii oo xafiiska la wareegay guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yariisow). 24-Febraayo 2018- Cabdi Wali Colaad Gaatamow oo ka mid ah macalimiinta farsamada goolhayaasha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa ku soo laabtay caasimada Muqdisho,isagoo Kismaayo mudo todobaad ku bixinayo cashar ku aadan ko u qaadida goolhayaasha kooxaha kubbadda cagta Jubaland. 25-Febraayo 2019-Guddomiyaha xiriirka kubbadda cagta dalka Cabdiqani Saciid Carab oo kormeeray dhismo ka socda garoonka Jamaacadaha ee degmada Hodan ayaa waxa uu sheegay markii ay dhamaato howshan ay xiriirka garoonka waamo ee Kismaayo ay isagana ay ku sameyndoonaan dib dhismo weyn wuxuuna intaa ku daray in xiriirka uu sanadaha soo aadan xooga saaridoono horomarinta gobolada oo idil. 26-Febraayo 2019- Maamulka Gobolka Banaadir ayaa agab Isboorti gaarsiiyay xarunta barbaarinta caruurta ciidan Booliska Soomaaliyeed waxayna sheegeyn in gacan weyn ka geesandoonaa horomarintooda. 27-Febraayo 2019-Guddomiye kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club Abuukar Maxamed Sheekh qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada facebook waxa uu ku sheegay in ay is dajiyaan taageerayaasha kooxda wax walbano ay kusoo laabandoonaan sidii horay loogu bartay xirfadlayaasha Muqdisho City Club. 28-Febraayo 2019-Madaxweynaha Dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo howlo shaqo u joogay Magaalada Dox ee dalka qadar waxa uu kula kulmay Ciyaartooydii Soomaaliya ee Bashiir Fox iyo Xasan Cafiif,Madaxweyne Farmaahi waxa uu Xasan Cafif waxa uu isaga wiilkiisa Akram Cafiif uga Mahad celiyay sharfta ay u soo hoyeen magac Soomaaliya maadam Akram horantii Febraayo xulka Qatar kula guulaystay koobka qaramada Aasia. Halkan Ka Daawo Muuqaal Soo Koobaya Dhacdooyinkii Ugu Waaweynaa Bisha Febraayo 2019 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Email-qalinle39@gmail.com Source: goobjoog.com
  23. The government of Japan has donated $1 million to the United Nations to combat improvised explosive devices and remnants in Somalia. Explosive hazards continue to have a detrimental impact on peacebuilding and state-building in Somalia. In a statement, Japan said it renewed its commitment to promoting human security and stability in Somalia. “The government of Japan contributed $1 million to the United Nations Voluntary Trust Fund for Assistance in Mine Action,” the statement reads in part. According to a spokesperson at the Embassy of Japan in Kenya said Japan has always supported the Somali people through mine action activities in partnership with United Nations Mine Action Service (UNMAS). “The assistance demonstrates our unwavering and robust commitment to contribute to the social stabilisation and security of Somalia,” said spokesperson. UNMAS was also indebted to the people of Japan for such contribution to Somali society. “We are very grateful to the People of Japan for their on-going support to our work in Somalia”, explained Ms Qurat-ul-Ain Sadozai, the UNMAS Programme Manager in the country. “UNMAS appreciates Japan’s continuous commitment to support humanitarian mine action in Somalia. The contribution will certainly help reduce the explosive hazard threat in the country”. Over the past years, al-Shabaab and ISIS groups have used improvised explosive devices (IED) as their preferred weapon against the Federal Government of Somalia and the African Union Mission to Somalia (AMISOM). This vital contribution will enable the UNMAS to reduce the threat posed by explosive hazards and support the establishment of a safe, secure and peaceful Somalia. The government of Japan pledged it would strengthen its humanitarian mine action by supporting risk education programmes and by providing additional training to the Somali Police Force to clear and manage explosive devices. View the full article
  24. Shirkadda DP World Oo Dhaqangelisay Isbedel Ay Ku Samaysay Qiimaha Sarrifka Iyo Culayska Dhaqaale Ee Uu Shacabka Ku Keenayo Shirkadda DP world ee gacanta ku haysa maamulka dekedda Berbera ayaa ku dhawaaqday inay 12 March hirgelin doonto isbedel ay ku samaysay qiimaha sarrifka ee ay wakhtigan shirkadu isticmaasho. Warqad wargelin ah oo uu shalay ganacsatada macaamiisha u ah DP world ee dekedda Berbera shixnadaha kala soo degta uu u gudbiyay madaxda maaliyadda ee DP world Raghu Pillai, ayaa wuxuu ku sheegay in DP world fulinayso wareegto ay hore u soo saartay 3 January oo ku saabsanayd is waafajina qiimaha sarrifka. Warqadda DP World oo uu Geeska Afrika nuqul ka mid ah helay ayaa u dhignayd sidan: “Annaga oo daba socona wareegtadii hore ee taariikhaysnayd 3 January 2019 ee khusaysay is waafajinta qiimaha sarifka, shirkadda DP world Berbera waxay go’aamisay inay fuliso wejiyada nidaamka is waafajinta qiimaha sarifka iyo inay iyadu isu qabto khasaaraha ka soo gaadha qiime dhaca sarifka ilaa inta la gaadhayo goorta lagu heshiiyay ku dhaqanka qiimaha sarifka. Shirkadda DP world waxay u qaadatay go’aankaasi isaga ah si ay ugu fududayso ama uga gacan siiso ganacsatada Somaliland sidii ay isugu diyaariyaan oo ayna uga gaashaantaan isbedelada la filayo inay ka dhashaan dhaqan gelinta is waafajinta qiimaha sarrifka oo ay muddo dhaaftay mudadii ay ahayd inuu dhaqan galo. Qiimeyaasha sarrifka ee xilli xaadirkan la isticmaalo waxay isbedeli doonaan 12 March 2019 waxaanay noqon doonaan sidan hoos ku xusan: 1USD = 8,500 SLSH. Dib u dhigida fulinta ku dhaqanka is waafajinta qiimaha sarrifku wuxuu ina tusayaa lexejeclada shirkadda DP world u hayso bulshada deegaanka iyo guud ahaanba bulshada Somaliland. Mar labaad waxaanu dhammaantiin idiinka mahadcelinaynaa taageeradii iyo dhiirigelinta sida qalbiga furan aad noo siiseen. Aangana waxa naga go’an oo aan sii wadaynaa maalgelinta dekedda Berbera si aan u xaqiijino in dekedda Berbera noqoto dekedda ugu casriyaysan dekedaha Geeska Afrika. Waxaan mar kasta heegan u nahay wada shaqaynteena.” Isbedelka ay DP world ku samaynayso sarrifka ayaa wuxuu saamayn ku yeelanayaa lacagaha ay DP world ka qaado shixnadaha ay ganacsatadu kala soo degaan dekedda Berbera, waxaanay talaabadani saamayn ku yeelanaysaa suuqyada Somaliland, iyadoo ay ganacsatadu lacagtaas ku kordhay dulsaari doonaan shacabka. Tusaale ahaan halka Koontiinar ee ah 20ft waxa hore looga qaadi jiray laba milyan iyo lix boqol iyo sideed iyo tobaatan lacagta Somaliland ah, haddaase isbedelkani wuxuu ka dhigayaa in laga qaado saddex milyan iyo sagaal boqol. Koontiinarka 40ft ah waxa isna hore looga qaadi jiray 4 milyan iyo lix iyo sideetan lacagta Somaliland ah, imikana wuxuu noqonayaa 5 milyan iyo lix boqol oo kun. Ganacsatada Somaliland ayaa talaabadan DP world waxay u arkaan culays aanu dalku iska xejin Karin. Qaran News