Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,657
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Kalluumeysiga Somaliland, Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi, ayaa xaalad caafimaad loo dhigay cusbitaal ku yaalla magaalada Hageysa. Wasiir Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa waxa uu noqonayaa wasiirkii saddeexaad ee xaalad caafimaad loo dhigo cisbitaalada ku yaalla magaalada Hargeysa, waxaana hore xaalado caafimaad loogu dhigay cisbitaalka wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf iyo Wasiirka hawlaha Wasiirka wasaaradda hawlaha guud Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi. Warar Aanu hadda ka helayno xaaladda Wasiir Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa waxa ay sheegayaan in fiican yahay, Alle ha caafiyo. Source
  2. (SL-T Burco) Tabar Muddo Sedex Maal-mood Ah Usocday Maamulayaasha Dugsiyada Gobolka Togdheer Ayaa Habeenkii Xalay Ahaa Lagusoo Gebo Gabeeyey Hotel New Burco Ee Magaalada Burco. Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Shirkad Magaceedu yahay Salternas LTD ayaa sheegtay in ay Somaliland siisay Mashruuc ah milix ka samaynta uumi baxa biyaha badda Somaliland. Heshiiska oo ah muddo 25 sannadood ah lana kordhin karo ayaa ah in shirkaddu mashruuca ka fuliso dhul ku teedsan badda oo dhanka galbeed ka xiga Berbera cabbirkiisuna yahay 150KM2 haddii loo baahdana la gaadhsiin karo 200KM2. Telefishanka Codka Bariga Afrika ayaa sheegay in aanay Shirkadda Qandaraaska la siiyay haysan lacagta ku baxaysa hirgelinta mashruuca oo ay ku qiyaastay Boqol iyo toban Milyan oo dollar ilaa Boqol iyo sagaashan Milyan oo dollar, sidaas awgeedna ay shirkaddu raadinayso maalgashadeyaal caalami ah oo fuliya mashruuca. Shirkadda Salternas waxa aasaasay shakhsiyaad ay ka mid yihiin wasiirkii hore ee ciyaaraha Soomaaliya Maxamuud Jirde Xuseen, Mr John Balfe oo madaxda shirkadda ka mid ah horena la taliye ugu soo noqday wasaarado dhawr ah oo xukuumadda Federaalka Soomaaliya ah waxaana guddoomiye ka ah Prof Colin Roberts oo la sheegay in uu yahay khabiir khayraadka dabiiciga ah. Shakhsiyaadkan ayaan wali sheegin xilliga ay bilaabayaan hirgelinta shirkaddan, wakhtiga ay u bilaamayso kirada laga qaadayo iyo in ay ilaa hadda hayaan cid fikraddooda lacag ku maalgaliso si loo rumeeyo. Sida ka muuqatay Hindise qoraaleedka mashruucan oo ay shirkaddu boggeeda ku faafisay iyo qoraal kooban oo uu guddoomiyaha shirkaddu soo saaray waxa ay shakhsiyaadkani hayaan fikrad ah in uumi baxa ay cadceeddu ku samayso biyaha badda laga sameeyo milix laga samayn karo dhaqaale fara badan iyo faa’iidooyin kale oo dhanka horumarinta bulshada ah. Waxay sheegeen in hammigoodu yahay in kadib daraasadda lagu samaynayo mashruuca ay rajaynayaan ilaa 18 ay qaadato dhismaha mashruuca ee wajiga 1-aad, islamarkaana muddo 18 bilood ah lagu soo saaro milix dhan 5 milyan oo tan iyada oo hiigsigu yahay in toban milyan oo tan sanadkiiba la soo saaro. Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Mudane Khadar Xuseen Cabdi (Looge) ayaa sheegay in maamul xumada Xukuumadda Kulmiye ay ka muuqdaan astaamaha ay leeyihiin dalalka ama ummadaha burburaya. Waxa uu sheegay in madaxweyne Biixi iyo siyaasiyiinta la fikirka ahi yihiin kuwo cadhaysan oo ciil u qaba qaybo ka mid ah bulshada Somaliland. Xoghaye Khadar oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta guud ee xisbiga WADDANI ayaa ka warramay xaaladda Macallin Cabdiqaadir Nuur Maxamed iyo Abwaan Baashe Xasan Maxamed oo dhawaan Maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodijeex ku xukuntay midkiiba 8 sannadood oo xadhig ah iyo lacag dhan 625,000 doollar oo ay saaka xabsiga ku bookhdeen masuuliyiinta xisbiga WADDANI “Saaka waxaan xabsiga ugu tagay Abwaan Baashe iyo Macallin Cabdiqaadir oo labadoodaba xukun caddaalad darro ah oo arxan darro ah oo garaadka, mandaqa iyo caqliga qof kasta oo wax garad ah oo reer Somaliland ah, mushtamaca muslimiinta iyo qof kasta oo kale oo wax garanayaba ka baxsan lagu xukumay oo cadawtinimo runtii ka muuqato. Waxaanu ku faraxsanahay in ay noo sheegeen in askarta jeelka joogta si fiican ula macaamilaan oo dad wanaagsan ay yihiin anaguna bookhashadii aanu ugu tagnay askarta waan uga mahad naqayna sidii wanaagsanayd ee ay noo qaabileen ee ay noo soo dhaweeyeen. Waxa kale oo aan saaka la kulmay qoysaskoodii; Baashe wuxuu ahaa Aabbe toban carruur ah haysta. Isaga ayaa u shaqayn jiray oo masuul carruurtiisa u ahaa oo nin xoogsada oo wastaad ah ahaa oo guryaha la dhisayo ka shaqaysta, macallinkuna iskuul ayuu bare ka ahaa. Waxa aynu ognahay oo aynu naqaana macallinku in uu qaato wax boqol dollar ka yar, caqliga dhigaya qof shaqaale dawladeed ah oo 100 doollar wax ka yar qaata in lagu xukumo in uu bixiyo ganaax ah lix boqol oo kun oo dollar lacag ka badan in uu bixiyo oo aan ahayn cadawtinimo iyo arrin gun dheer oo ujeedo kale laga leeyahay anigu ma garanayo,” Sidaas ayuu yidhi Xoghaye Khadar oo intaasi raaciyay in haddii la qiyaaso noloshiisa inta uu shaqaynayo marka loo eego shaqaale dawladeed aanay bixinayn lacagta lagu ganaaxay taasna ay muujinayso sida ay u kala fog yihiin waaqica dalka yaalla iyo dadka wax xukumaya. Xoghayaha WADDANI waxa uu sheegay in ay jiraan muwaadiniin badan oo sharci darro ku xidhan waxaanu si gaar ah ugu baaqay in xukuumaddu dawayn u ogolaato sheikh Aadan Sunne lana baadho in jidh dil ay u gaysteen ilaalada xabsiga uu ku jiro. Waxa uu xoghayuhu sheegay in Somaliland oo muddo dheer dawladnimo haysatay wali muwaadiniinta lagu xukumo xeerkii Siyaad Barre oo xataa la tahli kari waayay in jaldiga oo ay Jamhuuriyadda Soomaaliya ku qoran tahay laga bedelo “Dulmigu magacyo ma kala laha; qofka muwaadinka ah haddii la dulmo yaa ku dulmay ma laha ee waa wuxu dulmi ma yahay? Shalay haddii Siyaad Barre lagu diidana in uu dulmi samaynayo, haddii lagu diidana in uu eex samaynayo, haddii lagu diidana in uu qabyaalad samaynayo, haddii lagu diidana in uu dad gaar ah si gaar ah u eeganayo maanta intiiba Waddankeena ayay ka jirta. Taas ayaa muujinaysa gunta waxa lagu haysto Abwaan Baashe oo ah in uu nin WADDANI ah ahaa, in uu tiriyay gabayo uu WADDANI ku taageerayo xilligii ololaha doorashada,” Sidaas ayuu yidhi Xoghaye Khadar. “Taariikhda in aynu wax ka barano ayaa wanaagsan Adduunka iyo hareeraheena waxa ka dhacayana in aan wax ka ogaano ayaa fiican. Maanta haddii qof xanuunsado oo xanuunka hayaa Kaneeco yahay waxaynu naqaana astaamaha xanuunka ka muuqda xumad ha noqoto ama dhaxan iyo qandho ha noqotee, dawladaha dumaya ee baaba’ayana astaamo ayay leeyihiin la daraaseeyay oo la yaqaanno maantana waddankeena si fiican uga muuqda haddii aan waxaa la joojina ay dawladnimadeenu dumi doonto. Waxa arrimaha wax ka qoray nin Jaamacadda Maraykanka ee Harvard macallin ka ahaa qaybta maamulka waxaanu ka hadlaya umaddaha dumaya astaamaha ay leeyihiin oo aan 3 ama 4 qodob idinla wadaagi doono; Astaamaha waxa kow ka ah haddii aad aragto ummad dad gaar ah si gaar ah waxyaabihii waddanku lahaa ee khayraadka iyo ilihii gacanta loogu gelinayo umadda dadka maamula sidaas ku dhaqmaan waa umad dumaysa; Haddii aad aragto umad garsoorkeedii iyo caddaaladdeedii waaxda fulinta ama xukuumadda u shaqaynayaan oo xukuumaddu waxay tidhaahdo sameeya ay samaynayaan oo aanay ka madax bannaanayn waa umad iyaduna jabaysa, waxa iyaduna ka mid ah in aan sharciga la ixtiraamin,” Sidaas ayuu yidhi xoghaye Khadar oo intaasi raaciyay in ay arrimaha burburka keena ka mid yihiin in ila dhaqaalaha dad gaar ah loo xidho sida hadda muuqatana Tamarta iyo xadhkaha Internetka dad gaar ah loo xidhay sidoo kalena astaamaha ay ka mid yihiin in dawladnimada iyo talada ay dad gaar ahi isa siiyaan. Waxa uu sheegay in dhammaan astaamahaasi hadda muuqdaan oo dadka lagu xidhxidhayo aragtiyahooda lana kormeerayo baraha bulshadu waxyaabaha ay dadku ku qorayaan. Waxa uu tilmaamay in sharci jabinta dalka ay markhaati ka tahay in masuuliyiin aanu sharcigu u ogolayn madaxweynaha kala qayb galeen shirkii golaha dhexe ee Kulmiye, islamarkaana aanu ilaa hadda madaxweynuhu waxba ka qaban. “Illaahay ayaa Qu’aankiisa inagu leh cadhada iyo xumaha aad cid u qabtaan yaanay idinka kaxaynin caddaaladda laakiin, maanta waxa muuqata in madaxweynuhu cadhaysan yahay, cadhadaas uu cadhaysan yahayna ay ka kaxaysay in uu caddaaladda eego oo dadkiisa uu madaxweynuhu u yahay u caddaalad sameeyo in ay ka kaxaysay, dulmigaasna uu yahay mid isaga ku soo noqonaya oo berrito la waydiin doono. Ilmaha uu Baashe dhalay ee ooyaya ee habeen walba aabbihii tebaya ee gaajada ku seexanaya masuuliyaddiisu madaxweynaha ayay saaran tahay haddii aanu dareensanayna maalin kale ayuu ogaan doona,” Sidaas ayuu yidhi Xoghayaha WADDANI. Waxa uu intaasi raaciyay xoghayaha xisbiga WADDANI in Soomaalidu waayo aragnimo fiican u leedahay dawlad Dunta maaddaama ay u soo joogtay burburkii Soomaaliya oo dalalka ugu awoodda badan Afrika ka mid ahayd. Waxa uu sheegay in habdhaqankii Siyaad Barre ee ahaa in cid kasta oo ka aragti duwan cadawgiisa tahay ay maanta ka muuqato xukuumadda Somaliland. “Shirkii Kulmiye Cabdicasiis Samaale ayaa khudbad dheer oo quraan badan ku jiro ka akhriyay. Waxa uu intaas oo jeer ku celiyay cadawgeena cadawgeena iyada oo cidda uu toos ula hadlaya tahay xisbiga WADDANI iyo inta taageerta. Cadawgeenu wax buu inaga sheega, cadawgeenu sidaas buu yidhaahda_ marka ninkii dawladnimada iyo maamulka dalka hayay u arko dadkiika fikradda duwana in ay cadaw u yihiin qofka kuu cadawga ah sida aad ula macaamilayso waad taqaan, macaamilaadka socda ee taageerayaasha WADDANI lagu bartilmaameedsanayo ee dhibaatada loogu gaysanayo ee qaarkood lagu xidhxidhayo ee qaarkood ganacsigooda lagu dhibaataynayo waa cadaawaddaa uu sheegay Cabdicasiis Samaale. Cadaw bay u arkaan laakiin, anagu uma aragno; Kulmiye cadawg uma aragno, xukuumadda cadaw uma aragno dad walaalo ah oo dan iyo siyaasadi ka dhexeyso kala aragti duwan laakiin, ay tahay in ay bariista meel ku wada cunaan ayaanu u aragna laakiin, nasiib darro ‘Geela duqdiisii durdurisay aarankiisana maxaad u malaynaysa’ marka Sheekhoodii sidaas yahay Jabhaddoodiina maxaad u malanaysa? Idinka ayaa runtii ka jawaabi doona..” Source
  5. Kismaayo (SMN) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta si wadajir ah shir uga furay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/Hoose. Shirkan oo looga hadlayo arrimaha dhaqaalaha ayaa waxaa uu yahay mid u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo Jubbaland. Wasiir Jamaal oo ka hadlay furitaanka shirkani ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay dowlad goboleedka Jubbaland ka caawineyso kaabayaasha dhaqaalaha iyo sidii loo hormarin lahaa daqliga maamulkaasi. Kulanka ka furmay Kismaayo ayaa ku soo aadaya, xilli shalay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu gaaray magaaladaasi. Wafdiga uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo si ballaaran loo soo dhaweeyay ayaana xalay ku hoyday qasriga madaxtooyada Jubbaland. View the full article
  6. Garowe (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Mudane Cabdi Aadan Hoosow ayaa Shir gudoomiyey Shirka Kaabayaasha dhaqaalaha Dalka gaar ahaan dhismaha Wadooyinka iskuxira Gobolada Dalka (Regional Corridors) oo socondoona muddo saddex Maalmood ah. Waxaa kasooqayb galay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Mudane Jamaal Xasan Ismaaciil, Wasiirada Hawlaha Guud ee Maamul Goboleedyada, Agaasimaha Guud, Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, Madax kasocotay Bangiga Horumarinta Afrika & Midowga Yurub. Shirkan ayaa looga wada hadli doonaa inta uu socdo dib u dhiska wadooyinka iskuxira Gobolada Dalka ee bur buray & Dhismaha Wadooyin cusub oo hor leh taasoo faa’iido wayn u leh koboca dhaqaalaha dalka & Isku socodka Bulshada. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Cabdi Aadan Hoosow ayaa furay Shirka waxa uuna soodhoweeyey Wasiirada maamul goboleedyada, Bangiga Horumarinta Afrika & Dhammaan Madaxdii kasooqayb gashay shirka waxa uuna xusay in shirkan uu muhiimad gaar ah u leeyahay Wasaaradda Hawlaha Guud. Wasiirada Hawlaha Guud ee Maamul Goboleedyada Dalka ee shirka kasooqayb galay ayaa Dhankooda soodhoweeyey shirkan waxa ayna ammaneen dadaalka ay waddo Wasaaradda Hawlaha Guud ee Dib u dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka. View the full article
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka u gu dambeeyo ee ka imaanayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubaland ayaa xaqiijinayo inay halkaas ka dhaceyn kulamo Alabaabada u xiran oo ay yeesheen Madaxweynaha Jubblanad Axmed Madoobe iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Sida Xubno ku dhow dhow Axmed Madoobe ay u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimadda Online kulamada ayaa loo diiday inay ka qeyb galaan Saxaafadda iyo Mas’uuliyiinta kale ee ka kala socday labada dhinac, waxaana si gaar ah u wada hadlay Ra’isulwasaaraha iyo Axmed Madoobe. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in kulankan uu ahaa mid labada dhinac ay uga hadleen sidii loo xalin lahaa khilaafka u dhexeeya Dowlada Federalka iyo Maamulka Jubbaland. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa u gudbiyay Ra’iisul Wasaare Kheyre tabashooyin ay ka qabto dowlada Federalka, waxana uu sheegay ra’iisul Wasaare Kheyre in la xalin doono dhammaan tabashooyinka Maamulka Jubbaland. Booqashada Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo sida loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo ayaa dhalisay shaki ah in Kheyre uu bilaabay olole uu ku doonayo in uu uga qeybgalo doorashada madaxtinimada dalka ee la rajeynayo in ay ka dhacdo dalka Soomaaliya. Arrimaha shakiga ugu weyn abuuray ayaa waxaa ka mid ah ayada oo horey ay u jireen warar sheegaya in Kheyre uu ku jiro hami madaxweynenimo, islamarkaana safarkan uu qeyb ka yahay isbaheysi uu sameysanayo ka hor doorashada 2020. Xubnaha madaxweynaha ku dhow ayaa walaac ka qaba in Kheyre uu awood baaxad weyn oo siyaasadeed yeelanayo xilli uu weli qeyb ka yahay dowladda. Sidoo kale xildhibaanada ku beesha ah madaxweynaha oo beesha Axmed Madoobe ay xurguf siyaasadeed kala dhaxeyso ayaa safarkan u arka mid Axmed Madoobe isbahaysi ka dhan ah madaxweynaha iyo beeshiisa uu ku sameysanayo. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  8. Goobjoog ayaa wareysi gaar ah oo dhinacyo badan taabanaya waxa ay la yeelatay Ben Fender oo ah safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya. Wareysigan ayaan wax badan kaga weydiinnay arrimaha ku aaddan taageerada UK ee Soomaaliya, ammaanka, iyo mashaariicda dib u dhiska. Sidoo kale, waxaan wax ka weydiinnay Mr. Ben Fender qorsheyaashooda soo socda ee garab istaagidda Soomaaliya iyo arrimo kale oo muhiim ah. Halkaan hoose ka daawo wareysiga: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleeban Maxamuud Aadan ayaa waxaa uu ka deyriyey xaaladda uu dalku wakhtigan maraayo waxaana uu sheegay in aaney jirin meel inoo nooli oo meel walba dagaal iyo abaari ay inagaga socoto, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Dowladda Puntland ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo maalmahan ay Somaliland ka waddo degaanno ka tirsan gobolka Sanaag. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu sheegay in Somaliland ay duullaan ku soo qaadday degaanno ka tirsan gobolka Sanaag ee Puntland si ay u curyaamiso dagaalka ay Puntland argagixisada kaga sifeynayso buuraleyda gobolada Bari iyo Sanaag. Sidoo kale war-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Puntland ay marwalba ay dulqaad muujinayso iyadoo xeerinaysa xasiloonida gobolka iyo deris wanaaga kana hortegaysa daadinta dhiigga dadka walaalaha balse mar dambe aysan u dulqaadan doonin daan-daansiga qayaxan iyo weerarrada joogtada ah ee kaga imaanaya dhinaca Sonaliland. Ugu dambeyntii Puntland waxay sheegtay in ay u diyaarsantahay difaaca dalkeeda iyo dadkeeda waxaana ay shacabka ugu baaqday in ay u midooban difaaca dalka iyadoo dhinaca kale daneeyaasha arrimaha Soonaaliya ku wargelisay in Somaliland ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto wixii halkaas ka dhaca. PUNTLAND POST The post Puntland oo war-saxaafadeed ka soo saartay duullanka Somaliland ee gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
  11. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid C/laahi Dani ayaa Somaliland uga digay daan-daansi uu sheegay iney ka waddo deegaanno ka mid ah gobolka Sanaag. Waxa uu sheegay madaxweyne Dani in ciidanka Somaliland ay maalmahan dhan ka wadeen dhaq-dhaqaaqyo deegaanno ka mid ah Sool, islamarkaana ay rabaan in mar kale soo weeraraan dhulka Puntland waa sida uu hadalka u dhigaye. Sidoo kale, Dani ayaa sheegay in marar badan ay nabadda ka shaqeynayeen, islamarkaana ay diidanaayeen in colaad iyo dagaallo kale ay dhacaan. Waxa uu tilmaamay madaxweyne Dani in ay difaacan doonaan deegaannadooda, islamarkaana cid walbo oo kusoo xad-gudubta jawaab ay ka heleyso. Deegaanno ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag waxaa maalmahan dambe ka jiray xiisad u dhaxeya Puntland iyo Somaliland oo marar badan ku dagaallamay gobolladaasi. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/Madaxweynaha-Puntland.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Garoowe (Caasimadda Online) – Taliyaha ciidanka Daraawiishta Maamulka Puntland Sarreeye Gaas Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen ayaa la sheegay in warqad is-casilaad ah uu u gudbiyay madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Warar hoose aan heleyno ayaa sheegaya in sababta uu isku casilay Genaraal Cabdishakuur Cabdullaahi Xuseen oo ahaa Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland tahay in Madaxwayne Deni ay isku fahmi waayeen sidii Puntland ay uga falcelin lahayd dhaqdhaaqyada Soomaliland ay ka wado deegaano ka tirsan Puntland. Wali Ma jirto faahfaahin rasmi ah uu ka bixiyay Taliyaha sababaha keenay inuu iska casilo xilkaasi. Balse warar qaar ayaa sheegaya inuu dhaliilsan yahay habkii looga falceliyey xiisadaha colaadeed ee ka taagan Gobolka Sanaag. Sidoo kale waxaa la sheegay in Taliyaha uu doonayey in Puntland Jawaab cad ka bixiso dhaq dhaqaadyada Somaliland ay ka wado halkaasi,hayeeshee Madaxtooyadda arrinkaasi ay ka gaabsatay. Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa inuu madaxweyne Deni jawaab ka bixiyo is casilaadda uu u gudbiyey Taliyaha ciidanka Daraawiishta Maamulka Puntland. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  13. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha madaxweynaha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sagootiyey saddex dhallinyaro ah oo magaca dalka Jamhuuriyadda Somaliland kaga qaybgelaya tartan dhinaca orodka ah oo lagu qabanayo dalka Jabuuti, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda. Madaxweynaha ayaa ku biiraya Madaxda dalalka Uganda, Koonfur Afrika, Tanzania iyo Kenya, wakiillo ka socda hay’adaha iyo bangiyada caalamiga ah, ganacsato iyo ergooyin kor u dhaafaysa ilaa kun oo ka qeyb galaya shir-madaxeed looga hadlayo sidii loo heli lahaa Afrika nabdoon, isdhexgalkeedu sarreeyo, isla markaana dhaqaaleheedu kobcayo, kaas oo maanta ka furmaya Magaalada Kampala. Madaxweyne Farmaajo oo sidoo kale kulamo gaar ah la yeelan doona qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb gashay shirka ayaa waxa uu kala hadli doonaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalkaas, iyo sidii Soomaaliya loogu gacan siin lahaa geeddi socodka dowlad-dhisidda iyo dadaallada lagu la cirib tirayo argagaxisada. Safarkan shaqo waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi). Source: goobjoog.com
  15. Taliyahii ciidanka daraawiishta Puntland Jeneraal Cabdi Shukri C/laahi Xuseen ayaa warqad uu isku casilayo waxa uu maanta u gudbiyey madaxweynaha maamulkaasi. Wararka ay heshay Goobjoog ayaa waxay sheegeyaan in sababta uu isku casilay taliyaha ay tahay kadib markii ay madaxweyne Dani isku fahmi waayeen arrimo la xiriira xiisadda kala dhaxeysa Somaliland. Taliyahan ayaa la tilmaamay inuu bixiyey ammar ah in jawaab la siiyo Somailland oo deegaanno hor leh kusoo duruqtay dhanka Puntland. Balse madaxda sare ee maamulka Puntland ayaa ka horyimid go’aankaasi, taana waxay keentay inuu is casilo taliyaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. (SLT-Hargeysa)-5 Qodob Oo Laga Soo Saaray Shir Wadatashi Ah Oo Ka Socday Deegaanka Gedoy Ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Nairobi (SMN) – Dowladda Jaban ayaa Soomaaliya ugu deeqeysa $1 milyan oo lagu tala galay in looga hortago halista walxaha qarxa, sida miinooyinka dhulka lagu aaso. Japan ayaa lacagtaasi ku wareejineysa hay’adda ka hortagist miinooyinka QM UNMAS, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan safaarada Japan ee dalka Kenya. Shantii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa Japan ay Soomaaliya ugu deeqday $7.3 milyan oo dhamaan wax looga qabanayay soo saarida waxyaabaha qarxa. Sidoo kale dowladda Japan ayaa sheegtay in ay tababaro siineyso ciidamada Booliska Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo amniga dalka. Qurat-ul-Ain oo ah sarkaal ka tirsan hay’adda miinooyinka Qaramada Midoobay UNMIS ayaa si weyn u soo dhaweysay deeqda ay ka heleen Japan, taas oo ay sheegtay in ay wax tar u leedahay dhinaca badqabka dadka shacabka ah. View the full article
  18. Awdheegle (SMN) – Al Shabaab ayaa guulo sheegtay dagaal xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Daaru-Salaam ee gobolka Shabeelaha Hoose. War ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa ciidanka Mareykanka, kuna dhaawaceen 2 askari oo kale. Al Shabaab ayaa ku baahiyay bogagooda Internet-ka in ay la wareegeen hub iyo qalab milatari oo uu watay sarkaalka ay dileen. Sidoo kale Al Shabaab ayaa sheegtay in dagaalkani ay ku dileen illaa 6 Askari oo ka tirsanaa ciidamada Bangaraafta Soomaaliya oo xalay weerar ka fuliyay Daaru-Salaam oo todobo kiilo Mitir u jirta degmada Awdheegle ee gobolka Sh/ Hoose. Dhanka kale DFS ayaa sheegtay in howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ay ku dishay illaa 8 xubnood oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab. Dowladda ayaa sidoo kale tilmaamtay in wax khasaare ah uusan ka soo gaarin shacabka howlgalkaasi, kuna soo dhamaaday guul. Maalimihii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday dhaq dhaqaaqyada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda koonfurta Soomaaliya. View the full article
  19. French President Emmanuel Macron is offering support for Djibouti to boost its economy and pursue further peace in the Horn of Africa region. Macron met with Djibouti’s President Omar Guelleh, who encouraged French companies to invest in local infrastructure. Macron heads later Tuesday to Ethiopia as part of an African trip aimed at shoring up military and economic ties. Macron praised Djibouti as “a historic partner and strategically.” He called for further economic cooperation and intensifying the fight against piracy. French CEOs joined him on the trip to Djibouti, home to a key French naval base. Djibouti is seen as relatively stable within a volatile region, and its strategic location on one of the world’s busiest shipping lanes has attracted interest from other world powers. View the full article
  20. (SLT-Iiraan)-Qoyska Qareen caan ah oo u dhaqdhaqaaqda arrimaha xuquuqda aadanaha ee dalka Iiraan ayaa sheegay in gabadhooda xabsi dheer loo diray. Haweeneydan oo lagu macaabo Nasrin Sotoudeh waxaa lagu soo eedeeyey iney gashay dambiyo wax u dhimayo ammaanka dalka Iiraan. Koox ay siyaasaddoodu tahay garabka midig ayaa si weyn u cambaareeyey xukunka lagu riday Ms Nasrin. Ms Sotoudeh ayaa waxay mataleysay dumarka ka soo horjeestay dumarka iney timaha qarsadaan. Xukumadda Tehraan waxay haweeneydan xukunkaasi ugu ridday howlihi ay ka qabaneysay arrimaha xuquuqda aadanaha ee ay dalkaasi ka wadday. Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay La Taliyaha Badbaadada Badda ee UNSOM Mr Jeff Sims. (Security/Maritime Advisor of UNSOM) kaas oo UNSOM u qaabilsan Somaliland. Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed ayaa Qaabilaada Kadib Mr Jeff Sims La Qaatay shir kooban kaasi oo ay wasiirka ku wehelinayey Agaasimaha guud ee Amniga Mukhtaar Maxamed Cali Iyo Agaasimaha maamulka Gobolada Iyo Degmooyinka Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Gurey) Waxaana shirkaasi lagu lafa guray sidii loo xoojin lahaa arrimaha amniga iyo kaalmada ciidamada badda oo UNSOM ay Somaliland ka taageer Source
  22. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-12032019.mp3 View the full article
  23. Taliyaha ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland Sarreeye Gaas Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen iyo abbaan-duulaha Daraawiishta Gen Siciid Maxamed Salaad (Goraya-cawl) ayaa labaduba warqadaha is-casilaadda u gudbiyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed. Ilo’ xog-ogaal ah ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in labada Generaal ay xalay iscasileen kadib isfaham la’aan iyo khilaaf soo kala dhex galay iyaga madaxweynaha Puntland oo ku aaddan jawaabta dowladdu ka bixinayso dullaanka Somaliland ku soo qaadday degaanno kamid ah koonfurta bari ee gobolka Sanaag. Hase yeeshee weli lama xaqiijin in madaxweynuhu aqbalay waraaqaha iscasilaadda ee ay u gudbiyeen taliyaasha iyo in kale waxaana xiriir aan la samaynay dhinaca madaxtooyada ilaa iyo haatan noo suura-gelin in aan xog dheeriya ka helno xafiiska madaxweynaha Siciid Cabdullaahi Deni. Ciidamada Somaliland ayaa shalay saldhig ciidan ka samaystay degmada Yubbe ee koonfur bari gobolka Sanaag halkaas oo ay hadda ku sugan yihiin in ka badan 30 gaadiidka teknikada Somaliland oo ka soo ruqaansaday dhinaca magaalada Ceerigaabo. Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in ay u sii gudbayan degaannada ku yaalla bariga gobolka Sanaag oo ay ku jiraan Xiingalool Damalla-xagarre iyo Badhan iyagoo sheegay in ay ka hortagayan weerarro Somaliland uga yimaada Gen Caarre oo hoggaamiya jabhad fadhigeedu yahay aga’gaarka magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. PUNTLAND POST The post Saraakiishi u sarraysay ciidamada Daraawiishta Puntland oo iscasilay appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (Caasimadda Online) – War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Al-Shabaab ayaa lagu faah faahiyay dagaal culus oo xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaan katirsan Sh/Hoose. Al-Shabaab waxay xaqiijisay inay dagaalkii xalay ka dhacay deegaanka Daaru Salaam ku dishay Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Mareykanka ee jooga dalka Soomaaliya islamarkaana ay dhaawacday 2 askari. ” Dagaal culus oo xalay ka dhacay deegaanka Daarusalaam ee Shabeelaha Hoos waxay Al-Shabaab khasaara lixaad leh ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda Mareykanka, waxaan muslimiinta ugu bishaaraynaynaa in dagaalkii xalay lagu dilay sarkaal American ah oo ahaa taliyihii hoggaaminayay ciidamada weerarka soo qaaday halka ay dhaawacmeen 2 askari oo kale” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab. Al-Shabaab ayaa intaas ku dartay inay dagaalkii xalay ku dileen 6 kamid ah Ciidamada Bangaraafta loo yaqaan. Sidoo kale waxay Xarakada Sheegtay inay gacanta ku dhigtay hubkii iyo qalabkii Melleteri ee uu watay sarkaalka Mareykanka ee lagu dilay dagaalka iyagoo intaas kusii daray inay ciidamada huwanta ah u suurtgashay in ay goobta dagaalka si dirqi ah uga qaataan Meydadkii iyo dhaawacyadii gaaray sida lagu baahiiyey warbaahinada Al-Shabaab. Sanaddii 2017 weerar sidaan oo kale uga dhacay deegaanka Daarusalaam ayay Al Shabaab ku dishay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Mareykanka kaas oo kamid ahaa ciidamadii ka qeyb qaatay howlgalkii lagu dilay Sheekh Osama Bin Laden Hoggaamiyihii Ururka Al Qaacidda sida ay Xarakada sheegatay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com