Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,652
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ka dalbatay inuu Maxkamada horkeeno Guddoomiyaha Degmada Hodan C/xakiin Dhagajuun maalinta Sabtida taariikhduna ay ku beegan tahay 16-03-2019. Guddoomiye Dhagajuun ayaa lagu heystaa inuu fara gelin toos ah ku sameeyay kiisas yaallay Maxkamada Degmada Hodan, sida lagu qeexay warqad ka soo baxday Maxkamadda Racfaanka. Waxaa kaloo lagu heystaa Guddoomiyaha Degmada Hodan inuu ku xad gudbay sharafta Garsoorka dalka, islamarkaana uu isticmaalay awood aan loo idman. Warqadan ayaa waxaa la ogeysiiyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed. C/xakiin Dhagajuun ayaa maalinta Sabtida ah marka uu hortago Maxkamadda waxaa su’aalo laga weydiinayaa eedeymaha loo heysto. Halkan hoose ka akhriso warqada ka soo baxday Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir.
  2. Marka (Caasimada Online) – C/llaahi Axmed Waafow ayaa shalay loo magacaabay Guddoomiyaha degmada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose, waxaana durba magaalada ka bilaawday walaac dhinaca amniga. Waafow waxaa la sheegaa inuu yahay mid kamid ah Saraakiishii hormuudka u ahaa dagaal beeleedyadii ka dhacay Sh/Hoose, kaas oo ay ku dhamaadeyn boqolaal shacab ah oo aan waxba galabsan. C/llaahi Axmed Waafow waxa uu hogaamin jiray maleeshiyo u dhashay mid kamid ah beelaha ku dagaalamay Gobalka Sh/Hoose, waxaa uuna hogaamiyay dagaalo badan oo ka dhacay Marka, No.50 No.60 iyo meelo kale. Sidoo kale waxa uu ka qayb qaatay in Ciidamada AMISOM ay duqayn ka fuliyaan goobo ay daganayeen dad shacab ah kadib markii uu sheegay in aagaasi ay ku sugnaayeen Al-Shabaab. Carruur, Dumar iyo waayeelo ayaa ka mid ahaa dadkii ay dileen maleeshiyadii uu hogaamin jiray Waafow oo ahaa madaxii howlgalada Maleshiyada Beesha Biyamaal. Magaalada Muqdisho ayaa la sheegaa in uu ka qaaday sanadihii ugu dambeeyay hub tiro badan kuwaas oo la geeyay Gobalka waxaana hubkaasi laga qaaday AMISOM iyo dad u dhashay degaanka. Carruur la dilay, Hooyo 80 jir ah iyo Carruurteeda oo guri lagu gubay, toogasho wadareed ka dhacday Sh/Hoose, Nabadoono iyo Culumo wadajir la dilay, Kufsi iyo falal kale ayaa lagu xasuustaa Waafow oo mar soo noqday hogaamiyaha Maleeshiyo ka dagaalanta Sh/Hoose. Nabadoon Cali Baashi Axmed oo kamid ah odayaasha magaalada Marka ayaa Caasimada Online u sheegay in magacaabista Waafow ay muujineyso in aysan daganaansho la’aantii Gobalka dib loo soo celinayo waxa uuna cambaareeyay go’aanka Wasaaradda Arimaha Gudaha Koonfur Galbeed. “Waxaa ii muuqato in hogaamiyihii dagaaladii Sh/Hoose la magacaabay, waxay tani muujineysaa in ay dadkaan dhibayso nabada Marka iyo Sh/Hoose”, ayuu yiri Nabadoon Cali Baashi oo katirsan Waxgaradka Marka. Lama oga sida ay ugu suurta geli doontaan C/llaahi Axmed Waafow inuu hogaamiyo dadkii uu sanado ka hor kula dagaalamay degmooyin ay kamid tahay Marka. Caasimada Online Xafiiska Marka Caasimada@live.com
  3. (SLT-Muqdisho)-Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in hawada iyo garoomada dalka laga mamnuucday diyaaradaha duugga ah ee lagu farsameeyay wadankii la oran jiray Midowga Soofiyeeti. Diyaaradaha ay Hay’adda Duulimaadka Soomaaliya mamnuucday ayaa waxaa ay kala yihiin: Antanov 24, Antanov 26, Antanov 32 iyo Antanov 12. Diyaaradaha ay dowladda Soomaaliya mamnuucday ayaa ah kuwa xamuulka qaada oo ah diyaarad duug ah oo Midowgii Soofiyeeti. Go’aanka Hay’adda Duulista Rayidka ee dowladda Soomaaliya ku mamnuucday Diyaaradihii hore ee Midowga Soofiyeeti ayaa soo baxay 7 February, waxayna shaqadooda ku ekeyd 28 February 2019. balse waxaa loo kordhiyay in dalka laga saaro ilaa 15-ka March. Hay’adda duulista hawada ayaa sheegtay in dayuuradahan ay yihiin kuwo halis ah oo duugoobay. ayna qaarada afrika ku laheyn xarumo lagu dayactiro. Source
  4. Muqdisho (SMN) – Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb-galay furitaanka Shir Madaxeedka Africa Now oo maanta ka bilowday magaalada Kampala. Shirkan oo labo maalmood soconaya ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha nabadgelyada, isdhexgalka iyo koboca dhaqaalaha ee Qaaradda Afrika. Safarkan shaqo waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Arrimaha Dibedda, Axmed Ciise Cawad iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali [Baqdaadi]. View the full article
  5. Muqdisho (SMN) – Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa ka hadlay howlgalkii ka dhacay tuulada Daaru Salaam ee gobolka Shabeellaha Hoose, habeenkii Isniinta. AFRICOM ayaa shaacisay in gulufkaasi ay ku dishay 8 kamid ahaa xoogaga Al-Shabaab, inkasta ay meesha ka saartay in dad shacab ah ay ku wax noqdeen. Xarakada Al-Shabaab ayaa tilmaamtay in weerarkaasi ay iska caabisay isla markaana Askari Ameerikaan ay ku dishay mid kalena ay ku dhaawacday. Hasayeeshee, AFRICOM ayaa tilmaamtay in aanu jirin Askari Mareykan ah oo wax ku noqday howlgalkaasi. Bishii hore ayay markii Mareykanka uu sidaan oo kale u beeniyay in weerar lagu qaaday saldhiga Beladoogle looga dilay saddex askari markii ay Shabaab sheegatay. View the full article
  6. (SLT-Hargeysa)-Guddida Beelaha Garxaajis ayaa waxaa ay si adag uga hadashey laba muwaadin oo dhawaan maxkamada Racfaanku xukuntey waxaana ay ku hanjabey in aaney xukunkaas aqbali doonin jeelka lagu xidhay na ay ugu badheedhi doonan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-12032019.mp3 View the full article
  8. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Gaashaan-dhiga Axmed Ciise Xawar ayaa sheegay in ay weerarayaan goob kasta oo uu ku sugan yahay cadawga Somaliland waxaanu sheegay in Putland ay marti galisay Sarkaalka dibad-meerka ah ee Kornayl Caarre, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. Waxaan mudooyinkan arkaayey dad siyaabo kala duwan uga fal celiyeen Ciidamo JS oo tegay Degmada #Yubbe ee Sanaag, Dadkaasi haba ugu badnaadeen dadkii ku gafanayaasha ahaa ee ku naaxay dhiiga dadka degan gobolkaas Gobolka sanag. Hadaba waxaynu wada ogsoonahay dadkaa aan soo sheegay ee aan Aqoontoda iyo kartidooda midna aan meel ku tagi karin inay 30kaa sano ay ku qaraadhaaban jireen koofiya marna #Garowe u dirta marna #hargeisa u dirta mana #Xamar u dirta oo wasiro iyo xildhibaano ka dhigta aanay karti u lahayn sidaas ku noqon jireen. Waxan leeyahay dadkaasi way is yaqaanaan e yubbe waa degmo somaliland. Waxayna ka mid tahay degmooyinka gobolka sanag iyo degmooyinka jamhuuriyada somaliland. Waxaan kaloo xasuusinayaa inaan Yubbe maanta cidanka somaliland ugu horayn e ay ciidanka somaliland hore u fadhiisin ugu lahaayeen. YUBBE na ma ah degmo xuduudku taala e waa degmo ka mid ah degmooyinka somaliland ee gobolka Sanag. Waxay wada og soonahay in yubbe lagu qabtay shirarkii nabadaynta Gobolada bariga SL oo ay ka dheceen shirarkii Yubbe 1, yubbe 2 iyo yubbe 3 taas oo salka u ahayd nabad gelyada gobolka sanag iyo magalada ceerigaabo in nabad lagu wada noolaado. Ugu danbayntii waxaan u sheegayaaa dadka weli la nool Taariikhda tagtay iyo waxbaan ahaan jiray inay dhamaatay aduunkuna casri ma raayo. HA TILMAAMIN AAKHIRO WAXAA TACBTAY BAA YAAL E HAYAANKUNA WAA MEEL!!! HORAA LOO SOCONAYAA!!!! SAID MOHAMED SAID Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, Cismaan Jaamac Aadan, ayaa laamaha kala duwan ee dawladda ka codsaday in ay si dhakhso ah u joojiyaan dhisme ka dhex socda iskuulka Sheekh Bashiir ee magaalada Hargeysa, kaasi oo uu ku tilmaamay sharci darro. Source
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada milatariga Maraykanka ayaa sheegay inay u gurmadeen ciidamo ka tirsan ku dowladda Soomaaliya oo ay soo weerareen maleeshiyada kooxda Al-Shabaab, degaanka Daarusalaam ee gobolka Sh/Hoose. Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in markii ay ciidamada Soomaaliya la kulmeen weerarkan xalay, ay ciidamada duqyan la beegsadeen maleeshiyadii Al-Shabaab ee weerarka soo qaadday. Maraykanku faah-faahin kama bixin khasaaraha ay duqayntaasi gaysatay iyo dagaal la sheegay inuu halkaas ka dhacay. Si kastaba waxay sheegeen in dhammaan askartii Maraykanka ee taageerayey kuwa Soomaalida ay soo wada laabteen iyaga oo bad qaba. Al-Shabaab ayaa sheegatay inay dishay askari Maraykan ah, isla markaana ay iska caabisay weerar uga yimid ciidamo Soomaali ah iyo kuwo Maraykan ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Somali special forces killed eight al-Shabaab militants overnight in the country’s Lower Shabelle region, state media said Tuesday. “Somali security forces conducted an overnight operation in Daru Salam village in Lower Shabelle and killed eight members of the Al-Shabaab terrorist group,” the Somali National News Agency reported. Adow Mohamed, a Somali National Army captain in Lower Shabelle, confirmed the operation to Anadolu Agency by phone. “Our special forces alongside our international partners conducted an operation against al-Shabaab in Daru Salam in the Lower Shabelle region after we received intelligence and killed eight al-Shabaab fighters,” Mohamed said. Meanwhile, al-Shabaab claimed it had killed one U.S. serviceman and wounded two others. U.S. Africa Command (AFRICOM), which is targeting al-Shabaab in Somalia, has not commented on the incident so far. View the full article
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo 24 saac oo kaliya ayaa ka soo wareegatay markii Madaxweynaha Soomaaliya hanjabaad iyo amarro uu dul-dhigay taliyaasha Saldhigyada Booliska Gobalka Banaadir iyo Guddoomiyaasha, taas oo aheyd in xilkooda ay ku wayn doonaan amni darrada ka dhacda degmooyinkooda ayaa go’aankaasi uu dhaqan galay maanta. Taliyaha Saldhigga Booliiska Deyniile oo muddo 24 saac la siiyay in uu ku keeno ragii ka dambeeyay duqayntii lagu weeraray Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta xilkii laga qaaday kadib markii laga waayay warbixintii iyo waxyaabihii kale ee looga baahnaa. Macalin Faarax oo ahaa taliyihii Saldhigga Booliiska degmada Deyniile ayaa habeen hore waxa lagu wargeliyay in looga baahan yahay Shabaabkii maalin cad madaafiicda ku ku garaacay Madaxtooyada kuwaas oo la sheegay in laga soo riday degmadaasi. Cabsi badan iyo walaac xoog leh ayaa soo wajahay Taliyaasha kale ee Saldhigyada Booliiska ee degmooyinka Gobalka Banaadir kuwaas oo ka walaacsan sidii ay ka yeeli lahaayeen falalka amni darro ee ka dhaca degmooyinka ay joogaan. Sidoo kale Guddoomiyaasha degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa la siiyay amar ah in aysan degmooyinkooda ka imaanin amni darro ama ay is casilaan waxayna taasi abuurtay baqdin walaac soo food-saaray xilalkooda. “Madaxweynaha markaan meel xun ayey ka gaartay, maxaa yeelay Madaxtooyadii ayaa halis gashay, sidaas ayaa sababtay la xisaabtankaan adag”, sidaasi waxaa Caasimada Online u sheegay mid ka mid ah mas’uuliyiinta degmooyinka Gobalka Banaadir oo magaciisa qariyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Garowe (SMN) – War saxaafadeed ka soo baxay maamulka Puntland ayaa digniin culus loogu jeediyay Somaliland. Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Puntland ee Garowe ayaa lagu sheegay in S/land ay daandaansi dagaal ka wado gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dalka ka mamnuucday diyaaradaha loo yaqaan Antanov ee lagu sameeyey dalkii Midowga Soviet, sida uu shaaca ka qaaday barnaamija Galka Baarista ee Idaacadda VOA. Diyaaradahan oo kala ah afarta nooc ee loo kala yaqaan Atanov 12, Atanov 24, Atanov 26, Atanov 32, ayaa loo sheegay inaan loo cusbooneysiin doonin ruqsadda ay uga shaqeeyaan Soomaaliya, islamarkaana ay dalka ka baxaan. Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya ayaa shirkadaha isticmaala diyaaradahan u qabatay inay dalka ugu dambeyn ka saaraan 28-ka Febraayo ee 2019, hase yeeshee waxaa loogu daray laba toddobaad, waxaana loo qaabtay 15-ka March 2019. Diyaaradahan ayaa ah kuwa xamuul oo xilligan aan qaadin shacab, waxaana badankood isticmaala Amisom iyo shirkdaha alaabta xamuulka u qaada dadweynaha. Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya ayaa go’aanka lagu mamnuucay diyaaradahan sabab uga dhigtay inay halis ku yihiin dadka, islamarkaana aysan Afrika ku lahayn goobo lagu dayactiro, taasi oo qasabta in gudaha garoonka diyaaradaha lagu dayactiro. Jaamac Axmed Muuse oo ah ku-xigeenka maareeyaha Haya’dda Duulista Hawada Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegay inay aad u qeylo badan yihiin oo dadka ay ku sababaan madax xanuun. Diyaardaahan ayaan sidoo kale lahayn aaladda ka hor-tagta ama uga digta diyaaradaha kale marka ay kusoo dhowaadaan, ee loo yaqaan Traffic Collision Avoidance System, taasi oo dhalin karta shil-diyaaradeed. Hoos ka dhageyso Galka Baarista https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/07ddf15f-6796-484a-8ae1-30e8e3fde9d6_48k.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Xukuumadda Somaliland Oo Shirkad Aan Lacag Haysan Qandaraas 25 Sano Ah Ku Siisay In Ay Biyaha Badda Berbera Milix Ka Samayso. Shakhsiyaadka Sheegay In La Siiyay Dhul Cambirkiisu Yahay 150KM2 Waxa Ka Mid Ah Wasiirkii Hore Ee Ciyaaraha Soomaaliya iyo Nin La Taliye U Ahaa Wasaaradaha Somalia Shirkad Magaceedu yahay Salternas LTD ayaa sheegtay in ay Somaliland siisay Mashruuc ah milix ka samaynta uumi baxa biyaha badda Somaliland. Heshiiska oo ah muddo 25 sannadood ah lana kordhin karo ayaa ah in shirkaddu mashruuca ka fuliso dhul ku teedsan badda oo dhanka galbeed ka xiga Berbera cabbirkiisuna yahay 150KM2 haddii loo baahdana la gaadhsiin karo 200KM2. Telefishanka Codka Bariga Afrika ayaa sheegay in aanay Shirkadda Qandaraaska la siiyay haysan lacagta ku baxaysa hirgelinta mashruuca oo ay ku qiyaastay Boqol iyo toban Milyan oo dollar ilaa Boqol iyo sagaashan Milyan oo dollar, sidaas awgeedna ay shirkaddu raadinayso maalgashadeyaal caalami ah oo fuliya mashruuca. Shirkadda Salternas waxa aasaasay shakhsiyaad ay ka mid yihiin wasiirkii hore ee ciyaaraha Soomaaliya Maxamuud Jirde Xuseen, Mr John Balfe oo madaxda shirkadda ka mid ah horena la taliye ugu soo noqday wasaarado dhawr ah oo xukuumadda Federaalka Soomaaliya ah waxaana guddoomiye ka ah Prof Colin Roberts oo la sheegay in uu yahay khabiir khayraadka dabiiciga ah. Shakhsiyaadkan ayaan wali sheegin xilliga ay bilaabayaan hirgelinta shirkaddan, wakhtiga ay u bilaamayso kirada laga qaadayo iyo in ay ilaa hadda hayaan cid fikraddooda lacag ku maalgaliso si loo rumeeyo. Sida ka muuqatay Hindise qoraaleedka mashruucan oo ay shirkaddu boggeeda ku faafisay iyo qoraal kooban oo uu guddoomiyaha shirkaddu soo saaray waxa ay shakhsiyaadkani hayaan fikrad ah in uumi baxa ay cadceeddu ku samayso biyaha badda laga sameeyo milix laga samayn karo dhaqaale fara badan iyo faa’iidooyin kale oo dhanka horumarinta bulshada ah. Waxay sheegeen in hammigoodu yahay in kadib daraasadda lagu samaynayo mashruuca ay rajaynayaan ilaa 18 ay qaadato dhismaha mashruuca ee wajiga 1-aad, islamarkaana muddo 18 bilood ah lagu soo saaro milix dhan 5 milyan oo tan iyada oo hiigsigu yahay in toban milyan oo tan sanadkiiba la soo saaro. Qaran News
  17. (SLT-Burco) DAAWO Mid Kamida Beelaha Gobolka Togdheer Oo Go,aamo Kasoo Saaray Shir Ay Qabsadeen. Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Kalluumeysiga Somaliland, Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi, ayaa xaalad caafimaad loo dhigay cusbitaal ku yaalla magaalada Hageysa. Wasiir Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa waxa uu noqonayaa wasiirkii saddeexaad ee xaalad caafimaad loo dhigo cisbitaalada ku yaalla magaalada Hargeysa, waxaana hore xaalado caafimaad loogu dhigay cisbitaalka wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf iyo Wasiirka hawlaha Wasiirka wasaaradda hawlaha guud Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi. Warar Aanu hadda ka helayno xaaladda Wasiir Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa waxa ay sheegayaan in fiican yahay, Alle ha caafiyo. Source
  19. (SL-T Burco) Tabar Muddo Sedex Maal-mood Ah Usocday Maamulayaasha Dugsiyada Gobolka Togdheer Ayaa Habeenkii Xalay Ahaa Lagusoo Gebo Gabeeyey Hotel New Burco Ee Magaalada Burco. Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Shirkad Magaceedu yahay Salternas LTD ayaa sheegtay in ay Somaliland siisay Mashruuc ah milix ka samaynta uumi baxa biyaha badda Somaliland. Heshiiska oo ah muddo 25 sannadood ah lana kordhin karo ayaa ah in shirkaddu mashruuca ka fuliso dhul ku teedsan badda oo dhanka galbeed ka xiga Berbera cabbirkiisuna yahay 150KM2 haddii loo baahdana la gaadhsiin karo 200KM2. Telefishanka Codka Bariga Afrika ayaa sheegay in aanay Shirkadda Qandaraaska la siiyay haysan lacagta ku baxaysa hirgelinta mashruuca oo ay ku qiyaastay Boqol iyo toban Milyan oo dollar ilaa Boqol iyo sagaashan Milyan oo dollar, sidaas awgeedna ay shirkaddu raadinayso maalgashadeyaal caalami ah oo fuliya mashruuca. Shirkadda Salternas waxa aasaasay shakhsiyaad ay ka mid yihiin wasiirkii hore ee ciyaaraha Soomaaliya Maxamuud Jirde Xuseen, Mr John Balfe oo madaxda shirkadda ka mid ah horena la taliye ugu soo noqday wasaarado dhawr ah oo xukuumadda Federaalka Soomaaliya ah waxaana guddoomiye ka ah Prof Colin Roberts oo la sheegay in uu yahay khabiir khayraadka dabiiciga ah. Shakhsiyaadkan ayaan wali sheegin xilliga ay bilaabayaan hirgelinta shirkaddan, wakhtiga ay u bilaamayso kirada laga qaadayo iyo in ay ilaa hadda hayaan cid fikraddooda lacag ku maalgaliso si loo rumeeyo. Sida ka muuqatay Hindise qoraaleedka mashruucan oo ay shirkaddu boggeeda ku faafisay iyo qoraal kooban oo uu guddoomiyaha shirkaddu soo saaray waxa ay shakhsiyaadkani hayaan fikrad ah in uumi baxa ay cadceeddu ku samayso biyaha badda laga sameeyo milix laga samayn karo dhaqaale fara badan iyo faa’iidooyin kale oo dhanka horumarinta bulshada ah. Waxay sheegeen in hammigoodu yahay in kadib daraasadda lagu samaynayo mashruuca ay rajaynayaan ilaa 18 ay qaadato dhismaha mashruuca ee wajiga 1-aad, islamarkaana muddo 18 bilood ah lagu soo saaro milix dhan 5 milyan oo tan iyada oo hiigsigu yahay in toban milyan oo tan sanadkiiba la soo saaro. Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Mudane Khadar Xuseen Cabdi (Looge) ayaa sheegay in maamul xumada Xukuumadda Kulmiye ay ka muuqdaan astaamaha ay leeyihiin dalalka ama ummadaha burburaya. Waxa uu sheegay in madaxweyne Biixi iyo siyaasiyiinta la fikirka ahi yihiin kuwo cadhaysan oo ciil u qaba qaybo ka mid ah bulshada Somaliland. Xoghaye Khadar oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta guud ee xisbiga WADDANI ayaa ka warramay xaaladda Macallin Cabdiqaadir Nuur Maxamed iyo Abwaan Baashe Xasan Maxamed oo dhawaan Maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodijeex ku xukuntay midkiiba 8 sannadood oo xadhig ah iyo lacag dhan 625,000 doollar oo ay saaka xabsiga ku bookhdeen masuuliyiinta xisbiga WADDANI “Saaka waxaan xabsiga ugu tagay Abwaan Baashe iyo Macallin Cabdiqaadir oo labadoodaba xukun caddaalad darro ah oo arxan darro ah oo garaadka, mandaqa iyo caqliga qof kasta oo wax garad ah oo reer Somaliland ah, mushtamaca muslimiinta iyo qof kasta oo kale oo wax garanayaba ka baxsan lagu xukumay oo cadawtinimo runtii ka muuqato. Waxaanu ku faraxsanahay in ay noo sheegeen in askarta jeelka joogta si fiican ula macaamilaan oo dad wanaagsan ay yihiin anaguna bookhashadii aanu ugu tagnay askarta waan uga mahad naqayna sidii wanaagsanayd ee ay noo qaabileen ee ay noo soo dhaweeyeen. Waxa kale oo aan saaka la kulmay qoysaskoodii; Baashe wuxuu ahaa Aabbe toban carruur ah haysta. Isaga ayaa u shaqayn jiray oo masuul carruurtiisa u ahaa oo nin xoogsada oo wastaad ah ahaa oo guryaha la dhisayo ka shaqaysta, macallinkuna iskuul ayuu bare ka ahaa. Waxa aynu ognahay oo aynu naqaana macallinku in uu qaato wax boqol dollar ka yar, caqliga dhigaya qof shaqaale dawladeed ah oo 100 doollar wax ka yar qaata in lagu xukumo in uu bixiyo ganaax ah lix boqol oo kun oo dollar lacag ka badan in uu bixiyo oo aan ahayn cadawtinimo iyo arrin gun dheer oo ujeedo kale laga leeyahay anigu ma garanayo,” Sidaas ayuu yidhi Xoghaye Khadar oo intaasi raaciyay in haddii la qiyaaso noloshiisa inta uu shaqaynayo marka loo eego shaqaale dawladeed aanay bixinayn lacagta lagu ganaaxay taasna ay muujinayso sida ay u kala fog yihiin waaqica dalka yaalla iyo dadka wax xukumaya. Xoghayaha WADDANI waxa uu sheegay in ay jiraan muwaadiniin badan oo sharci darro ku xidhan waxaanu si gaar ah ugu baaqay in xukuumaddu dawayn u ogolaato sheikh Aadan Sunne lana baadho in jidh dil ay u gaysteen ilaalada xabsiga uu ku jiro. Waxa uu xoghayuhu sheegay in Somaliland oo muddo dheer dawladnimo haysatay wali muwaadiniinta lagu xukumo xeerkii Siyaad Barre oo xataa la tahli kari waayay in jaldiga oo ay Jamhuuriyadda Soomaaliya ku qoran tahay laga bedelo “Dulmigu magacyo ma kala laha; qofka muwaadinka ah haddii la dulmo yaa ku dulmay ma laha ee waa wuxu dulmi ma yahay? Shalay haddii Siyaad Barre lagu diidana in uu dulmi samaynayo, haddii lagu diidana in uu eex samaynayo, haddii lagu diidana in uu qabyaalad samaynayo, haddii lagu diidana in uu dad gaar ah si gaar ah u eeganayo maanta intiiba Waddankeena ayay ka jirta. Taas ayaa muujinaysa gunta waxa lagu haysto Abwaan Baashe oo ah in uu nin WADDANI ah ahaa, in uu tiriyay gabayo uu WADDANI ku taageerayo xilligii ololaha doorashada,” Sidaas ayuu yidhi Xoghaye Khadar. “Taariikhda in aynu wax ka barano ayaa wanaagsan Adduunka iyo hareeraheena waxa ka dhacayana in aan wax ka ogaano ayaa fiican. Maanta haddii qof xanuunsado oo xanuunka hayaa Kaneeco yahay waxaynu naqaana astaamaha xanuunka ka muuqda xumad ha noqoto ama dhaxan iyo qandho ha noqotee, dawladaha dumaya ee baaba’ayana astaamo ayay leeyihiin la daraaseeyay oo la yaqaanno maantana waddankeena si fiican uga muuqda haddii aan waxaa la joojina ay dawladnimadeenu dumi doonto. Waxa arrimaha wax ka qoray nin Jaamacadda Maraykanka ee Harvard macallin ka ahaa qaybta maamulka waxaanu ka hadlaya umaddaha dumaya astaamaha ay leeyihiin oo aan 3 ama 4 qodob idinla wadaagi doono; Astaamaha waxa kow ka ah haddii aad aragto ummad dad gaar ah si gaar ah waxyaabihii waddanku lahaa ee khayraadka iyo ilihii gacanta loogu gelinayo umadda dadka maamula sidaas ku dhaqmaan waa umad dumaysa; Haddii aad aragto umad garsoorkeedii iyo caddaaladdeedii waaxda fulinta ama xukuumadda u shaqaynayaan oo xukuumaddu waxay tidhaahdo sameeya ay samaynayaan oo aanay ka madax bannaanayn waa umad iyaduna jabaysa, waxa iyaduna ka mid ah in aan sharciga la ixtiraamin,” Sidaas ayuu yidhi xoghaye Khadar oo intaasi raaciyay in ay arrimaha burburka keena ka mid yihiin in ila dhaqaalaha dad gaar ah loo xidho sida hadda muuqatana Tamarta iyo xadhkaha Internetka dad gaar ah loo xidhay sidoo kalena astaamaha ay ka mid yihiin in dawladnimada iyo talada ay dad gaar ahi isa siiyaan. Waxa uu sheegay in dhammaan astaamahaasi hadda muuqdaan oo dadka lagu xidhxidhayo aragtiyahooda lana kormeerayo baraha bulshadu waxyaabaha ay dadku ku qorayaan. Waxa uu tilmaamay in sharci jabinta dalka ay markhaati ka tahay in masuuliyiin aanu sharcigu u ogolayn madaxweynaha kala qayb galeen shirkii golaha dhexe ee Kulmiye, islamarkaana aanu ilaa hadda madaxweynuhu waxba ka qaban. “Illaahay ayaa Qu’aankiisa inagu leh cadhada iyo xumaha aad cid u qabtaan yaanay idinka kaxaynin caddaaladda laakiin, maanta waxa muuqata in madaxweynuhu cadhaysan yahay, cadhadaas uu cadhaysan yahayna ay ka kaxaysay in uu caddaaladda eego oo dadkiisa uu madaxweynuhu u yahay u caddaalad sameeyo in ay ka kaxaysay, dulmigaasna uu yahay mid isaga ku soo noqonaya oo berrito la waydiin doono. Ilmaha uu Baashe dhalay ee ooyaya ee habeen walba aabbihii tebaya ee gaajada ku seexanaya masuuliyaddiisu madaxweynaha ayay saaran tahay haddii aanu dareensanayna maalin kale ayuu ogaan doona,” Sidaas ayuu yidhi Xoghayaha WADDANI. Waxa uu intaasi raaciyay xoghayaha xisbiga WADDANI in Soomaalidu waayo aragnimo fiican u leedahay dawlad Dunta maaddaama ay u soo joogtay burburkii Soomaaliya oo dalalka ugu awoodda badan Afrika ka mid ahayd. Waxa uu sheegay in habdhaqankii Siyaad Barre ee ahaa in cid kasta oo ka aragti duwan cadawgiisa tahay ay maanta ka muuqato xukuumadda Somaliland. “Shirkii Kulmiye Cabdicasiis Samaale ayaa khudbad dheer oo quraan badan ku jiro ka akhriyay. Waxa uu intaas oo jeer ku celiyay cadawgeena cadawgeena iyada oo cidda uu toos ula hadlaya tahay xisbiga WADDANI iyo inta taageerta. Cadawgeenu wax buu inaga sheega, cadawgeenu sidaas buu yidhaahda_ marka ninkii dawladnimada iyo maamulka dalka hayay u arko dadkiika fikradda duwana in ay cadaw u yihiin qofka kuu cadawga ah sida aad ula macaamilayso waad taqaan, macaamilaadka socda ee taageerayaasha WADDANI lagu bartilmaameedsanayo ee dhibaatada loogu gaysanayo ee qaarkood lagu xidhxidhayo ee qaarkood ganacsigooda lagu dhibaataynayo waa cadaawaddaa uu sheegay Cabdicasiis Samaale. Cadaw bay u arkaan laakiin, anagu uma aragno; Kulmiye cadawg uma aragno, xukuumadda cadaw uma aragno dad walaalo ah oo dan iyo siyaasadi ka dhexeyso kala aragti duwan laakiin, ay tahay in ay bariista meel ku wada cunaan ayaanu u aragna laakiin, nasiib darro ‘Geela duqdiisii durdurisay aarankiisana maxaad u malaynaysa’ marka Sheekhoodii sidaas yahay Jabhaddoodiina maxaad u malanaysa? Idinka ayaa runtii ka jawaabi doona..” Source
  22. Kismaayo (SMN) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta si wadajir ah shir uga furay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/Hoose. Shirkan oo looga hadlayo arrimaha dhaqaalaha ayaa waxaa uu yahay mid u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo Jubbaland. Wasiir Jamaal oo ka hadlay furitaanka shirkani ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay dowlad goboleedka Jubbaland ka caawineyso kaabayaasha dhaqaalaha iyo sidii loo hormarin lahaa daqliga maamulkaasi. Kulanka ka furmay Kismaayo ayaa ku soo aadaya, xilli shalay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu gaaray magaaladaasi. Wafdiga uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo si ballaaran loo soo dhaweeyay ayaana xalay ku hoyday qasriga madaxtooyada Jubbaland. View the full article