Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,657
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Kampala)-Maanta oo Arbaca ah ayaa la filayaa In magaalada Kampala Lagu Soo gabagabeeyo shir madaxeedka madaxda Afrika Shirkan oo shalay ka furmay magaaladaasi ayaa waxaa ka qeybgalaya qaar ka mid ah madaxda wadamada Africa, wakiillo ka socda hay’adaha iyo Bangiyada caalamiga ah, ganacsato iyo xubno kale. Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa la filayaa in maanta shirkaasi uu Khudbad ka jeediyo. Ulajeedka shirkan ayaa ah sidii loo xoojin lahaa xiriirka dalalka Africa ee dhanka dhaqaalaha, amniga iyo sidoo kale horumarka. Source
  2. (SLT-Washington)-Dowladda MNareykanka sheegay in aysan shaqada ka joojinayn diyaaradda nooca Boeing 737 Max 8 inkastoo xildhibaanada aqalka sare iyo ururada shaqaalaha ee dalkaasi oo dowladda cadaadis ku saarayo in diyaaraddaasi laga mamnuuco duulimaadyada ilaa iyo inta laga xaqiijinayo badqabkeeda. Maamulka Duulimaadyada ee Maraykanka ee magaciisa loo soo gaabiyo FAA ayaa sheegay in ilaa iyo haatan aysan muuqan cillad lagu mamnuuci karo diyaaraddaasi. Diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya oo ka soo duushay garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa ayaa axaddii la soo dhaafay burburtay lix daqiiqo oo kaliya markii ay hawada ku jirtay, waxaana shilkaasi ku dhintay 157 qof oo saarnayd. Shilkaasi waxaa ka sii horreeyay shil kale oo ay ku dhinteen 189 qof oo rakaab ahayd oo saarnaa diyaaradda Lion Air 737 Max 8 oo burburtay bishii Oktoobar ee sanadkii hore. Qaar ka mid ah dalalka reer Galbeedka ayaa soo saaray amar ay hawada dalalkooda uga mamnuucayaan inay ku duusho diyaaradda ay soo saarto shirkadda Boeing ee nooceedu yahay 737 MAX 8. Waddamada Shiinaha, Faransiiska, Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay in aysan hawadooda soo galin karin diyaaraddan. Ted Cruz, oo ah xildhibaan ka tirsan aqalka Senedka ee Mareykanka ayaa sheegay in uu rumeysan yahay in ay muhiim tahay in Mareykanka uu hakiyo duulimaadyada diyaaraddani ilaa iyo inta laga xaqiijinayo in ay tahay badqab oo la isticmali karayo. Edward Markey iyo Richard Blumenthal oo iyaguna ka tirsan xisbiga Dimuquraadiga ayaa maamulka duulimaadyada ee Mareykanka ka codsaday in la hakiyo duulimaadyada diyaaraddan Boeing 737 Max ilaa iyo amar dambe. Shirkadda Boeing ayaa ku adkeysanaysa in diyaaraddani tahay mid badqab ah oo aan la hayn wax cillad ah. Shaqaalaha shirkadaha diyaaradaha ee Mareykanka ayaa doonaya in diyaaraddani laga mamnuuco duulimaadyada ilaa ammaankeeda laga xaqiijinayo. Waxyaabaha shakiga keenay waxaa ka mid ah in labada diyaadoodba ay ahaayeen kuwa cusub, waxaana jiray isku mid ahaansho sida uu shilka u dhacay, labaduba waxa ay soo dhaceen daqiiqado kadib markii ay haadeen, taas oo muujin karta cilad ay diyaaradu leedahay. Boeing oo kaliya ma ahan waxa saameynta uu shilka ku yeeshay, ee sidoo kale shirkadda Safran ee Faransiiska ee iyadu samaysa matoorka diyaaradan ayuu hoos u dhacay saamiyadeeda Dowladda Hindiya ayaa iyadu sheegtay in wada hadal kula jirto laamaha qaabilsan badqabka duulista hawada sare, go’aana ka gaari doonto sida laga yeelayo diyaaradan. Shirkadda duulimaadka ee dalka Koonfur Afrika ayaa dhankeeda shaacisay in ay joojin doonto isticmaalka diyaaradda Boeing 737 illaa intii muddo ah. Illaa 16 shirkadood oo kuwa duulimaadka ah ayaa isticmaala diyaaradda Boeing 737 Max 8. Tusaale shirkadda TUI waxa ay leedahay 15 ka mid ah noocan , waxayna sheegtay in ay xiriir dhow la waddo shirkadda Boeing , balse waxa ay intaas ku dartay in aysan jirin wax qorshe dhow oo ay ku joojineyso isticmaalka diyaaradan. Shirkadda Duulimaadka Norway oo haysata 18 ka mid ah diyaaradahan ayaa iyaduna sii wadda isticmaalka 737. Shirkadda Southwest Airline waxa ay leedahay 34 noocan ah, halka Maraykanka iyo Canada ay isticmaalaan 24 xabbo oo kuwan ah midkiiba. Source
  3. Jowhar (SMN) – Ciidamada ammaanka HirShabelle ayaa saaka howlgallo qorsheysan ka sameeyay xaafado ka tirsan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/ Dhexe. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa saraakiisha hoggaamineysay waxa ay sheegeen in lagu xaqiijinayay amniga magaaladaasi. Inta ay socdeen baaritaanadan ayaa la sheegay in lagu soo qab qabtay mootooyinka nuuca loo yaqaano Fekon-ta, kuwaas oo aan sharciyeysneyn. Illaa iyo hadda ma jiro warar faah faahan oo ay saraakiisha dhanka amnigu ka bixiyeen howlgalladaani. Muddooyinkii dambe xaaladda Jowhar ayaa aheyd mid dagan, iyadoona aad loo adkeeyay amniga magaaladaasi. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida lagu baahiyay wargeyska The Telegraph ee kasoo baxaya dalka Ingiriiska Ruux u dhashay dalka Qatar ayaa aflagaadeeyay darawalkiisa oo Soomaali ah, kuna tilmaamay Ey, Daanyeer iyo Addoon Madow ah. Wargeyska ayaa daabacay in Diblumaasiga oo ah madaxa Caafimaadka ee Safaaradda Qatar ku leedahay dalka UK ayaa darawalkiisa oo Soomaaliya ah u muujiyay naceyb iyo Midab Takoor, waxaana la sheegay inuu ku tilmaamay inuu yahay Adduun Madow. Darawalka oo ah Soomaali British laguna magacaabo Maxamuud Axmed ayaa dacweeyay diblomaasiga, waxaana la sheegay in kadib dacwadiisa Diblomaasiga uu ka codsaday in uu qaato £50,000 oo laaluush ah dacwaddana uu ka laabto. Diblomaasiga u dhashay Qatar ayaa lagu magacaabaa Abdullah Ali Al-Ansari, waxaana ay is qabteen Maxamuud oo ahaa darawalkiisa, taasi oo xiisad dhalisay, waxaana Muwaadinka Soomaaliga ah shaqada laga joojiyay sanadkii 2013. Maxamuud ayaa dhowr jeer isku dayay kiiskan in uu Maxkmadda geeyo, hayeeshee dhowr jeer ay ku celiyeen Maxkamadaha London ilaa maxkamadda racfaanka ay 2015kii amartay in kiiska la gali karo. Darawalka ayaa ku dooday in intii u dhaxeysay 2007dii ilaa 2013kii uu dhowr jeer waxyeello jirka ah u geystay diblomaasigan markii dambana caay iyo shaqo ka eryid isugu daray. Sheekada Axmed iyo Maxamuud ayaa hadda uun soo shaac baxday,waxaana Maxkamadaha Ingiriiska ay ku howllanyihiin sidii Maxamuud xaqiisa loogu dhicin lahaa. Diblimaasiga u dhashay Qatar ayaa adeegsanaya qareenno sare, waxaana uu isku dayay in kiiskan uusan gaarin maxkamadda si hoosana loo dhameeyo. Diblomaasiga ayaa darawal kale u soo dhiibay lacagta, Maxamuudna u oggolaaday in uu shaqada ku laabto, laakiin Maxamuud ayaa sheegay in uusan shaqada ku laabaneyn lacagtana qaadaneyn ilaa uu caddaalad ka helayo. Diblomaasiga iyo safaaradda Qadar ee London ayaa diiday dhamaan eedahaas,waxaana ay Maxkamadda amartay in kiiskan uu sii socdo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. (SLT-Addis Ababa)-Madaxweynaha Faransiiska, Emanwal Makron iyo Ra’isul-wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa kala saxeexday Heshiiskii ugu horreeyey ee Iskaashiga Milliteriga, sida uu baahiyey Telefishinka Ethiopia. Ra’iisul-wasaraha Ethiopia iyo Madaxweyne Emanwal Makron oo Shir Jaraa’id ku qabtay Addis Abeba waxay sheegeen inay isku afgarteen Iskaashi dhanka Difaaca iyo inay Faransiiska taageero ka geystaan dhismaha Ciiddanka Badda ee Ethiopia, iyadoo la og yahay in aanay Ethiopia lahayn bad u gaar ah. Source
  6. Nairobi (SMN) – Safiirka dowladda Mareykanka ay u soo magacawday dalka Kenya Kyle Mac Carter ayaa sheegay in ay dadaal badan ku bixin doonaan sidii dowladda fadhigeedu yahay Nairobi uga guuleysan laheyd dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab. Safiirka ayaa xusay in xukuumadda Washington ay Kenya kala safaneyso sidii loo wiiqi lahaa dhaqdhaqaaqa Al Shabaab ay ka sameeyaan dalkaasi. Sidoo kale waxa uu tilmaamay safiirku in ammaanka iyo nabadda Kenya ay faa’ido badan ugu jirto dalalka gobolka. Kyle Mac Carter ayaa intaasi ku daray in uu wax waliba u sameyn doono sidii Kenya ay uga hortagi laheyd weerarada lagu soo qaado dalkeeda. Dalkan dhaca geeska Africa ayaa waxaa horay uga dhacay weeraro Al Shabaab ay ka fuiyeen gudaha Kenya,waxaana ugu dambeeyay weerar bishii Janaayo ee la soo dhaafay lagu qaaday hotel ku yaalla galbeedka magaalada Nairobi ee xarunta dalkaasi. View the full article
  7. Afgooye (SMN) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Bare oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle ayaa soo dhaweeyay howlgallada milatari ee ka socda gobolkaasi. Guddoomiye Bare ayaa uga mahadceliyay DFS, sida ay uga go’antahay in Al Shabaab laga saaro gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in howlgalladan ay dib u soo celinayaan nabadda iyo xasiloonida gobolkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/cod-cabdiqani-sh-hoose.mp3 View the full article
  8. (SLT-London)-Xildhibaannada Britain ayaa ka soo horjeedsaday qorshihii u dambeeyay ee dawladdu ay ku doonaysay in looga baxo Midawga Yurub. Ra’iisulwasaare Theresa May ayaa xaqiijisay in Baarlamaanku ay Arbacada u codayn doonaan in dalka uu Midawga Yurub ka boxo isagoon wax heshiis ah la galin Midawga Yurub. Haddii ay qorshahaas diidaanna ay xildhibaannadu Khamiista u codayn doonaan in dib loo dhigo qorshaha ka bixitaanka Midawga Yurub. Maalin si wanaagsan ugu soo bilaabatay ra’iisalwasaare Theresa May ayaa ku dhamaatay guul darro iyo niyad jab. Mss May oo khubad ka hor jeedinaysay baarlamaanka ayaa sheegtay in ay aad uga carootay natiijadaasi. Tirada xildhibaanadii codeeyay bishii Janaayo ayaa ka badnayd tan haatan,inkastoo ay weli badanyihiin sabatoo ah waxaa heshiiska May ka bixtaanka Britain ee Midawga Yurub ka codeeyay ilaa 149 xildhibaan. Dhanka kale hogaamiyeyaasha Yurub ayaa sheegay in ay ka xun yihiin natiijada ka so baxday baarlamaanka Britain waxa ayna sheegeen in taasi sii kordhinayso cabsida laga qabo in Britain ay Midawga Yurub ka baxdo heshiis la’aan. Terry Reintke oo ka tirsan baarlaanka Yurub ayaa sheegtay arrinta ka bixtanka Britain ee Midawga Yurub ay jah wareer badan keentay. Source
  9. (SLT-Washington)-Ergayga gaarka ah ee Dowladma Mareykanka ugu qaabilsan arrimaha siyaasadda ee dalka Venezuela, Elliott Abrams, ayaa sheegay in maamulka madaxweyne uu todobaadkan ku dhawaaqi doono cunaqabateeno cusub oo lagu soo rogo doono Venezuela. Diblamasaaigani wax faah-faahin ah kama uusan bixinin cunaqabateynta cusub ee la saarayo dowladda Venezueal, balse wuxuu sheegay in si gaar ah loo beegsan doono hey’adaha maaliyadda maaliyadda iyo sharkhsiyaad lagu soo rogi dooni xayiraad dhinaca dalkugalka Mareykanka ah. Mareykanka wuxuu horay cunaqabateyn u saaray saraakiil dhanka amaanka ah, shirkadda soo saarta shidaalka ee ay dowladda Venezuela maamusho iyo bankiga ay isla leeyihiin Ruushka iyo Venezuela. Xayiraaddan cusub ee uu Mareykanka saarayo Venezuela ayaa kusoo beegmeysa xilli uu xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ku dhawaaqay in maamulka madaxweynha Trump uu xirayo safaaradda uu Mareykanka ku leeyahay magaalada Caracas. Source
  10. Maanta oo Arbaco ah ayaa la filayaa In magaalada Kampala Lagu Soo gabagabeeyo shir madaxeedka madaxda Afrika Shirkan oo shalay ka furmay magaaladaasi ayaa waxaa ka qeybgalaya qaar ka mid ah madaxda wadamada Africa, wakiillo ka socda hay’adaha iyo Bangiyada caalamiga ah, ganacsato iyo xubno kale. Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa la filayaa in maanta shirkaasi uu Khudbad ka jeediyo. Ulajeedka shirkan ayaa ah sidii loo xoojin lahaa xiriirka dalalka Africa ee dhanka dhaqaalaha, amniga iyo sidoo kale horumarka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Nairobi (SMN) – Laamaha amMaanka ee dalka Kenya ayaa baadi goob ugu jira laba nin oo loo heysto in ay ka tirsanyihiin Al Shabaab, kuwaas oo ka baxsaday laanta la dagaalanka Argagixisada ee dalkaasi. Taliyaha Booliska deegaanka Kwale Tom Odero ayaa sheegay in labada nin ee baxsaday ay ka soo jeedaan dalka Kenya, laguna kala magacaabo Juma Mwengo iyo Salim Mohamed. Warbaahinta gudaha Kenya ayaa laga soo xigtay in labadaasi nin loo xiray eedeymo la xiriira Argagixisanimo, iyagoo jooga magaalada Mombasa ,balse xilligaasi lagu sii daayay. Sidoo kale Tom Odero ayaa xusay in labada nin ee baxsaday ay dalka Kenya ka soo galeen dhinaca Soomaaliya, iyagoo soo maray deegaanka Lamu ee woqooyi bari dalkaasi Kenya. Labada ruux ee loo heysto in ay ka tirsanyihiin Al Shabaab ayey sheegtay laanta la dagaalnka Argagixisada Kenya in ay wax ku soo barteen dalka Turkiga,islamarkaana ay tababar milatari ku soo qaateen dalka Siiriya. View the full article
  12. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Kismaayo kulan xog-waysi ah kula yeeshay dhallinyarada ku nool magaalada. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo dhallinyarada u sheegay in hoggaanka dalku uu muhiimmad gaar ah siinayo arrimaha dhallinyarada ayaa uga jawaabay su’aalo ay ka waydiiyeen xiriirka dawladda dhexe iyo dawlad gobaleedyada, qorshaha amniga, waxbarashada, caafimaadka, doorashooyinka, Shaqo abuurka dhallinyarada, Kobcinta dhaqaalaha, maal-gashiga, iyo barnaamijka Cafinta daynta lagu leeyahay dalka. Dhammaan mas’uuliyiinta dawladda federaalka iyo dawlad gobaleedyada ayuu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in laga doonayo wada shaqayn buuxda ayna mas’uuliyadi ka saarantahay u adeegidda bulshada Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan, isaga oo intaa raaciyay in ummadda Soomaaliyeed kula xisaabtamayaan inta ay xilka hayaan waxa ay dhisaan iyo waxa ay qaldaan. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in Sugidda amniga ay ku xirantahay hagaajinta dhaqaalaha, siyaasadda, arrimaha bulshada, isaga oo intaa raaciyay in shaqo la’aanta dhalinyarada, musuqa, qabyaaladda, nin jeclaysiga ay qayb ka qaadanayaan amni darrada, loona baahanyahay in laga wada shaqeeyo hannaankii wax looga qaban lahaa. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhallinyarada uu kulanka la yeeshay u sheegay in dawladdu ay dib-u-habayn ballaaran ku wado dhaqaalaha, ciidanka qaranka, siyaasadda iyo horuamrinta arrimaha bulshada si loogu guulayso himilada ummadda Soomaaliyeed, loona jeexo waddadii horumarka dalka. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhallinyarada u cadeeyay in hagaajinta mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed ay ku xirantahay sida waxbarasho tayo leh dalka looga hir-geliyo, arrintaasna ay dawladdu dadaal badan gelinayso. Source: goobjoog.com
  13. Kismaayo (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Kismaayo kulan xog-waysi ah kula yeeshay dhallinyarada ku nool magaalada. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo dhallinyarada u sheegay in hoggaanka dalku uu muhiimmad gaar ah siinayo arrimaha dhallinyarada ayaa uga jawaabay su’aalo ay ka waydiiyeen xiriirka dawladda dhexe iyo dawlad gobaleedyada, qorshaha amniga, waxbarashada, caafimaadka, doorashooyinka, Shaqo abuurka dhallinyarada, Kobcinta dhaqaalaha, maal-gashiga, iyo barnaamijka Cafinta daynta lagu leeyahay dalka. Dhammaan mas’uuliyiinta dawladda federaalka iyo dawlad gobaleedyada ayuu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in laga doonayo wada shaqayn buuxda ayna mas’uuliyadi ka saarantahay u adeegidda bulshada Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan, isaga oo intaa raaciyay in ummadda Soomaaliyeed kula xisaabtamayaan inta ay xilka hayaan waxa ay dhisaan iyo waxa ay qaldaan. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in Sugidda amniga ay ku xirantahay hagaajinta dhaqaalaha, siyaasadda, arrimaha bulshada, isaga oo intaa raaciyay in shaqo la’aanta dhalinyarada, musuqa, qabyaaladda, nin jeclaysiga ay qayb ka qaadanayaan amni darrada, loona baahanyahay in laga wada shaqeeyo hannaankii wax looga qaban lahaa. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhallinyarada uu kulanka la yeeshay u sheegay in dawladdu ay dib-u-habayn ballaaran ku wado dhaqaalaha, ciidanka qaranka, siyaasadda iyo horuamrinta arrimaha bulshada si loogu guulayso himilada ummadda Soomaaliyeed, loona jeexo waddadii horumarka dalka. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhallinyarada u cadeeyay in hagaajinta mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed ay ku xirantahay sida waxbarasho tayo leh dalka looga hir-geliyo, arrintaasna ay dawladdu dadaal badan gelinayso. View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-13032019.mp3 View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Al Shabaab ayaa soo bandhigay sawiro muujinaya hub, dhaqaale iyo agab kale oo ay sheegeen inay ka furteen ciidamada Mareykanka iyo kuwa DANAB oo habeen ka hor weerar ku qaaday deegaanka Daarusalaam. Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka ka dhacay deegaanka Daarusalaam sidoo kale ay ku dileen askari u dhashay dalka Mareykanka, iyadoo dowladda Mareykanka ay ka hadashay askarigaasi Al Shabaab ay sheegeen inay dileen. Mareykanka ayaa sheegay in howgalkaasi uu ahaa mid qorsheysan islamarkaana lagu dilay siddeed kamid ah ciidamada Al Shabaab ee ku sugnaa saldhiga deegaanka Daarusalaam ee gobolka Shabeelaha Hoose. Mareykanka ayaa sheegay in markii howlgalka uu dhamaaday ay tira koobeen Askarta Mareykanka ah wax khasaare ahna uusan ka soo gaaray howlgalka oo ay ku faaneen in ay ku dileen siddeed xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Al Shabaab ayaa sheegay in hal askari uu kaga dhintay weerarka islamarkaana labo kale ay ku dhaawaceen, sidoo kalana askar ay ka dileen ciidamada DANAB ee dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Sifooyinka Siyaasiga iyo Saameynta Siyaadda Wasiir Seed? Waan idiin salaamay dhamaan Akhristayaasha sharafta badan maanta waxaan dul istaagi doonaa Sifooyinka Siyaasiga iyo Saameynta Siyaasadda Wasiir Ahmed Moumin Seed kaas oo ah masuul ku fashilmay dhamaan shaqooyinkii qaranka ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u igmadey. Maxay tahay sifooyinka wanaagsan ee uu leeyahay hogaamiyaha ama siyaasiga dhabta ahi? Waxaan iftiimineynaa sifooyinka wanagsan ee uu leeyahay shaqsiga siyaasiga ahi Waa in uu yahay nin dad iyo dal mideyn kara isaga oo u maraya wadada ugu saxsan ee uu ku gaadhi karo hanka iyo himalada siyaasada dalka. In uu yahay shaqsi ka madax banaan ama xor ka ah qaraabo kiil, cunfi iyo qabyaalad intaba. In uu yahay shaqsi leh karti iyo awood uu ku hago qaran JSL isaga ku haya siyaad hufan. Dib u dhiska iyo heshiisiinta qaranka JSL dhamaan inta gobol iyo inta dagmo ee dalku ka kooban yahay. Cadaalad iyo sinaan uu ku hago kuna ilaaliyo xuquuqda dadka uu ka soo jeedo iyo dhamaan qaran JSL. Hadaba wax ka baro sifooyinka iyo Siyaasada Wasiir Seed? Wasiir Seed waa nin dagan balse caadifad iyo cuqdad gaamurtey leh. Waa shakhsi ku wanagsan xaga diinta islaamka, sidoo kale afgaaban. Seed waa siyaasi aan kalsooni u lahayn hanka iyo himilada siyaasada dalka. Wasiir Seed wuxuu ku fashilmey xisbigii Waddani isaga oo dharar cad lagaga xoogbatey ka dib ka cararey maalinkaas wixii ka dambeeyey sumcadii iyo karamaadii u bulshada ku lahaa hoos u dhac ayaa ku yimid. Waa nin aan ka xor ahayn shaqsi dan gaar ah leh iyo qabiil hoose oo uu gacanta u galiyey xuquqdii iyo xaqii Beelaha Habar Cafaan. Wasiir Seed waa wasiirka ugu tamarta iyo taagta yar dhamaan golaha Wasiirada xukuumada Muuse Biixi Cabdi. Waa shakhsiga ama Wasiirka ugu eexda iyo qabyaalada badan intii ay Habar Cafaan wasiir soo noqdey isaga oo hayb gaar ah u xagliya oo aan tixgalin qayb ka mid Beelaha Habar Cafaan. Waxaa ku fog uuna ku sifoobey Cunfi, Qabyaalad iyo kala qeybin uu ku hayo Beelaha Habar Cafaan. Waa wasiirka ugu Taariikhda xun marka loo eego Shakhsiyaadkii isaga ka horeeyey ee soo qabtey jagada wasiirnimo ee Beelaha Habar Cafaan. Wasiir Seed waa shakhsi aan aqoon ama tixgalin qofka wax u tarey iyo ka waxyeeleeyey wakhtigii uu ku fashilmey musharaxa Xisbiga Waddani. Waxaan dhamaan ku soo xusney qeyb ka mid ah sifooyinka iyo siyaasada Wasiir Ahmed Moumin Seed waxaanan si taxane ah u soo gudbin doonaa Taariikhdiisa iyo saameyntiisa siyaasadeed maalinkii uu ku soo biirey siyaasada ilaa maanta wixii u hirgaley guulihii uu ka gaadhey iyo guuldaradii sidoo kale uu kula kulmey siyaasada mudada uu ku soo dhex jirey. Qalinkii: Abdirashiid Yoonis Hagar Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ben Fender oo ah safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa bixiyey wareysi xasaasi ah oo ku saabsan Xaaladihii ugu dambeeyey ee siyaasadda Soomaaliya. Wareysigaan oo idaacadda Goobjoog uusiiyey, ayaa wax badan lagu waydiiyey Safiirka Arrimo ku aadan taageerada UK ee Soomaaliya, Ammaanka, iyo Mashaariicda dib u dhiska. Sidoo kale, waxaan wax laga weydiiyey Mr. Ben Fender qorsheyaashooda soo socda ee garab istaagidda Soomaaliya iyo arrimo kale oo muhiim ah. Arrinta ugu muhiimsan ee Safiirka la waydiiyey ayaa aheyd Khilaafka xagga Badda ee u dhaxeeyo Dowladaha Soomaaliya iyo UK. Ben Fender ayaa sheegay in Dowladiisa ay dhex dhexaad ka tahay Khilaafka u dhaxeeyo wadamada Dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya. “Britain boos ugama banaana xiisadda labada dal,” ayuu yiri Ben Fender Safiirka ayaa si toos ah meesha uga saaray in shirkii London lagu xaraashay shidaalka Soomaaliya, sida ay dowladda Kenya ku dooday markii ay soo cayrisay safiirka Soomaaliya, ayada oo sheegtay in xirmooyin shidaal oo ku yaalla dhul lagu muransan yahay ay xaraashtay Soomaaliya. “Shirkii London ma uusan aheyn mid wax lagu xaraashayey sida ay sheegeen qaban qaabiyaasha Shirkaas, Dowladda Ingiriiskana kama aysan qeyb aheyn”. Muranka dalalkaan ayaa salka ku haaya sohdin badeedka, gaar ahaan goob la sheegay in ay qanni ku tahay shidaal iyo Gaas, waxayna dowladda Kenya ku doodeysaa inay dhulkaas leedahay balse waxaa la ogsoon yahay inaysan iyada laheyn sida laga dareemayo qalqalka siyaasadeed ee ka muuqdo iyo caddeymihii ay dowladda Soomaaliya hor geysay Maxkamadda Adduunka. Sanadka 2020-ka ayaa la filayaa inay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka go’aan kama dambeys ah ka qaadato murankaan dacwadiisa ay soo bilaabatay sanadkii 2014. Dowladda Soomaaliya ayaa meesha ka saartay eedeynta ay soo jeedisay Dowladda Kenya, iyadoo si cad u sheegtay inaysan marnaba gorgorton ka geli doonin dacwadda taalo Maxkamadda Adduunka. Dowladda Ingiriiska ayaa go’aankaan ku dhawaaqday maalmo kadib markii labada Madaxweyne ee Kenya iyo Soomaaliya ay ku kulmeyn Magaalada Nairobi kulan uu garwadeyn ka ahaa Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Khilaaf Markale ka dhex-qarxay Wasiirka Jidadka iyo Maareeyaha Wadooyinka & Fadeexadaha Ciil-qabanimo ee dulhoganaya Wasiir Cabdilahi Abokor…? . Khilaaf sadex geesood ah oo curyaamiyey hab-sami u socodkii hawlaha shaqo ee wasaaradda Gaadiidka Somaliland, ayaa dib uga dhex curtay Wasiir Cabdilahi Abokor iyo Maareeyaha Hayadda Wadooyinka, iyo sidoo kale agaasimaha Wasaarada Jidadka. Ilo-wareedyo xog-ogaal u ah Wasaaradda, ayaa sheegay in khilaafkani salka ku hayo, kadib markii uu Wasiirka Wasaarada Jidadku ixtiraami waayey hanaanka shaqo ee Hayadda Wadooyinka, isla markaana uu ku sameeyey faro-gelin iyo xadgudub shaqo oo tiro beelay. Wararku waxay sheegeen in todobaadyadii u dambeeyey fiintu dhex-miranayso Wasiirka iyo Maareeyaha Wadooyinka, kaddib markii Wasiirku inqilaab ku sameyey hawlihii Hayadaasi u igmanayd. Wasiir Abokor, ayaa siffooyin Kala duwan qandaraasyo la xidhiidha Wadaada Berbera Corridor siiyey xubno qoyskiisa ah iyo sidoo kale kuwo ay isku hayb yihiin. Qandaraasyadaas oo aanay haba-yaraatee aanu Wasiirku waxba Kala socodsiin Maareeyaha Hayada Wadooyinka oo ahayd in ay si toosa oo Madaxbanaan u maamusho mashruuca dhismaha Wadaada Corridorka iyo kuwa lamidka ah. Khilaafka labadan masuul oo dhowr jeer oo hore soo noqnoqday, ayaa hadda waxa uu kusoo beegmay xilli Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi safar dalka dibadiisa ugu maqan yahay. Si kastaba ha ahaatee, Wasiir Cabdilahi Abokor oo dadka dhaliila ku tilmaaman shaqsi aan lahayn aqoon Maadi Iyo mid maamul, ayaa waxa uu dheer Macan-gagnimo ku salaysan ciil-qabnimo Iyo ku xadgudub farogelineed oo u caadeystay inuu ku sameeyo Hayadaha madaxabanan ee dalka, waxa kaloo u ku goodiyaa Wasiirkani in ay dalka maanta ka taliyaan, isagoo ujeedkiisu yahay Waxanu nahay Beesha Madaxweynaha, taasoo hadii aanu degdeg Madaxweynuhuu wax uga qaban keenaysa ceeb maaro loo waayo Qaran News
  19. Waa maalin Axad ah, inta badan shaqaalaha dowladdu waa fasax, magaaladana mashquul badan ma jiro maalmahaas. Laakiin Axaddaan way ka duwan tahay. Gawaarida ayaa meel ay maraan la’, waddada boolis ayaa buux dhaafiyay, waxay u muuqataa xaalad deg deg ah in lagu jiro, jawiguna wuu kacsan yahay. Ganacsade gaari wata oo muddo waddada ku xayirnaa ayaa wuxuu u wacay askari boolis ah si uu u weydiiyo is beddelka jira. “Kooxo burcad ah ayaa la wareegay aqalka baarlamaanka, waxay sheegeen in haddii aan dhaqsi la siin lacag $100 milyan ah ay gaas iyo basiin ku shubi doonnaan baarlamaanka, ayna gubi doonnaan dhammaan xildhibaanada ay qabsadeen iyo aqalkaba” ayuu yiri askarigii. Ganacsadihii oo naxsan ayaa su’aalay, “shacabkaan safka dheer ku jira ee gawaarida ka soo degayna maxay sameynayaan?”. “Qaaraan ayay iska uruurinayaan” ayuu askarigii ku jawaabay. “Min meeqa ayaa la iska qaadayaa anigana aan dhiibee?” Ayuu yiri ganacsadihii. “Min laba liitar oo shidaal ah, oo xildhibaanada iyo aqalkaba lagu gubo ayay burcadda ugu deeqayaan”. Ayaamahaan taageerayaasha madaxweyne Farmaajo ee RW-ha u shaqeynayay ku kacsan maxaa ka qaldan? Raggu isma dagaalsanee, taageerayaal tabaruca joojiya mucaaradka waa isku filan yahay’e! W/Q: Hassan Adam Hosow Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  20. Kaddib diyaar-garow qaatay muddo toddobaad ah oo loogu jiray soo dhaweynta R,W Kheyre, maalintii shalay ayuu si rasmi ah uga degay magaalo-xeebeedka Kismaayo ee Dowlad-goboleedka Jubbaland. Booqashadiisa oo ahayd mid si weyn loogu qaadaa-dhigay baraha bulshada, waxay sidatay farriin ugub ah oo laga fahmi karay sida hab-maamuuska leh ee loogu soo dhaweeyey gudaha mid kamid ah maamul-goboleedyada ugu awoodda badan dalka. Isaga oo ka hadlayay qaabilaadda R/W Kheyre, Madaxweynaha Jubbaland wuxuu booqashadiisa ku tilmaamay mid lama huraan ah oo albaab cusub u furaysa wada-shaqeyn qotodheer oo dhex marta dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada. Balse gef ma ahan in la yiraahdo booqashada Kheyre way ka gudo-ballaaran tahay kaliya in lagu koobo isku soo dhawaanshiyo iyo wada-shaqeyn?! Waxay sidoo kale iftiimin kartaa dun hoose oo isku xiraysa laba is-bahaysi oo mid kasta uu leeyahay ahdaaftiisa gaarka ah. Waana mid, sida dad badani qabaan, go’aaminaysa nuuca musharrax ee ugu cadcadaan kara doorashada soo aadan. Haddana su’aasha aan wali helin saadaashii lagu yiqiin in lagu hubaal celiyo, waxay tahay kumuu noqonayaa ka-faa’iidaha ‘beneficiary-ga’ ugu weyn ee ka macaasha booqashadan? In laga jawabo su’aashani waxay ka dhigan tahay in la fahmo hannaanka siyaasadeed ee madaxweyne Farmaajo ku wajahayo arrinta Jubbaland. Walow la fahmi karo in xaalka Jubbaland aad uga duwan yahay maamullada kale – oo taniyo markii la aas’aasay uusan ka dhicin nidaam doorasho oo suura-geliya in Axmed Madoobe looga adkaado loolanka – haddana booqashada Kheyre waxay liifadda u gaabisay hankii siyaasadeed ee ku jiray siyaasiyiin ku heyb ah Hoggaamiyaha Dalka kuwaas oo laga fahmi karay inay quudda-reynayaan qabashada xilka madaxtinimada Jubbaland. Hayeeshe, taasi ma ahan sabab kamid ah asbaabaha lagu saadaalin karo is-beddelka dhici kara. Waa sida MD Farmaajo uu kaga fal-celiyo dilemada ‘kala-doorashada’ in Madoobe sii ahaado madaxtinimada Jubbaland – isaga oo u danaynaya doorashada soo aadan ee Xisbigiisa – ama inay ka qaalib noqdaan doonista adag oo heybta uu ka dhashay ugu haliilayaan hoggaaminta Jubbaland. Madoobe wuxuu u muuqdaa hoggaamiye u diyaarsan inuu si qunyar socodnimo ah kula jaan-qaado dabeysha is-beddelka ee NabadIyoNolol. Dhowr jeer wuxuu jeediyay hadallo dabacsan oo u muuqday inay dajin u yihiin xasaradda taagan. Wuxuuna si diblomaasinimo leh uga soo dhalaalay dadaallo dhaafsiiyay ilaa xuduud-beenaadka dalku la wadaago Kenya. Waxaa warar hoose oo warbaahinta qaar ay ku tilmaameen kulan habar-wacasho ah uu Garissa kula qaatay odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta Absame. “Qeyb kamid ah dadaalkiisa wada-xaajoodka,” ayuu yiri Baari Sheikh Yuusuf, oo ah helaha Machadka Daraasadda Soomaalida. “Waxaa ka dhigan inuu fool-ka-fool ula fadhiisan karo hadda kaddib madaxda dalka. Booqashadan ayaana suura-gelinaysa.” Arrinta kale ee u baahan fiiro gaar ah waxay tahay Puntland oo dhawaan lagu doortay madaxweyne Siciid Deni kaas oo dad badan ay qabaan inuu tarabuunka ka daawanayo loolanka siyaasadeed ee ka dhex jira mucaaradka iyo dowladda dhexe, waxay dowladdu ku eegeysaa il tuhun maadaama aysan u caddeyn hanashadiisa. Sidaas darteed, booqashadani waxay dharbaaxo kulul wejiga uga dhifanaysaa xisbiyada ugu cadcad doorashada soo aadan inay kula loolamaan midka talada haya. Waayo waxay suura-gelin kartaa in dowladda oo ay feer-socdaan 60% taageerada maamul-goboleedyada inay si sahlan ugu guuleysan karto doorashada soo socta. Si kastaba, marka si guud heegada looga eego, saadaasha ah inta ay la’eg tahay iskaashi dhab ah ayaa ku jirta hubaal la’aan. Dhaliisha ugu weyn oo uu Axmed Madoobe u jeediyay dowladda ayuu ku sheegay inay tahay balan-furyo. Dad badan waxay qabaan in Axmed ciyaarayo ciyaartii Goroyada ay ka tiri; ‘haddii dheeshu fiican tahay lugbaa iigu jirta, hadday xumaatana lugtii waan kala baxay.’ Balse, inta laga gaarayo xilli-kala-guurka hore ee doorashada soo aadan, qoraallada caadifadaysan iyo sheekooyinka ku qoran baraha bulshada ma saadaalin karaan nuuca mustaqbal siyaasadeed oo labbadan dhinac ay wajihi doonaan. Qore: Zakariya Xasan Maxamed. Kala xiriir: hiraal86@gmail.com
  21. Abu Dubai (Caasimada Online) – Saldigga Militari ee Imaraadka Carabta ee la filayo in xadhiga laga jaro bisha June ee sanadkan, ayaa lagu rakibi doonaa qalab taageeraya ilaalinta biyaha Somaliland, sida Imaaraadka Carabta ay sheegeen. Waxaa sidaas lagu sheegay war-bixin dheer oo lagu daabacay majadalada lagu magacaabo East African Business Week. Warka ah in Imaaraadka ilaalinayo xeebaha Somaliland ayaa imanaya ayada oo Somaliland ay uga digtay shirkado kalluumeysi oo ay shatiyo siisay dowladda Soomaaliya inaysan usoo dhowaan xeebaheeda. Warbixinta waxaa lagu sheegay in Saldhigga millatari ee Imaaraadka Carabtu ka dhisanayey Somaliland lagu wado inuu bilaabo shaqadiisa bisha June, kaasi oo uu wehelin doono nidaam lagu ilaalinayo xeebaha Somaliland, oo aan sharaxaad laga bixin. Dhanka kale war-bixinta ayaa lagu soo xigtay hadal uu hore u sheegay wakiilkii hore ee Somaliland u joogay Imaaraadka Carabta Baashe Cawil, kaasi oo ahaa mid uu ku sheegay in aanay Somaliland haysan awood dhaqaale oo ay ku ilaaliso xeebaheeda, ayna raadsan doonto taageero caalami ah. “Saldhiga militariga Imaraadka Carabta ayaa ka caawin doona gobolka oo dhan – Budhcad-badeednimada, kalluumeysiga sharci-darrada ah, daadguraynta sunta, mana haysanno ilo dhaqaale oo lagu ilaaliyo xeebahayaga, “ayuu Amb Baashe Cawil ku sheegay wareysi hore oo lala yeeshay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa wada qorshihii ugu dambeeyay ee isbadal loogu sameynayo laamaha amaanka dowladda Soomaaliya, waxaana la filayaa in xil ka qaadis kale lagu sameeyo saraakiisha qaarkood. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dowladda laga yaabo inay xilalka kaqaado xubno ka tirsan Hay’adaha amaanka dowladda Soomaaliya, waxaana la filayaa in magacaabis kale la sameeyo. Xubnaha laga yaabo inay saameyso isbadalka cusub ee la hadal hayaa, waxaa kamid ah Wasiirka amniga xukuumada Soomaalliya, taliyaha ciidamada booliska iyo xubno kale oo ka tirsan laamaha amaanka. Sidoo kale wararka soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo in la magacaabo taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka, maadaama xilkaasi uu banaan yahay muddo badan. Kulan habeen ka hor dhex maray madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo laamaha amaanka ayaa lagu gorfeeyay in labo sano kadib aan loo dulqaadan karin in dowladda Soomaaliya ku fashilanto amaanka magalada Muqdisho. Waxaa kulankaasi lagu canaantay saraakiishii ka qeyb gashay, iyadoo laga dalbaday inay isbadal dhab ah la yimaadaan. Lama hayo waqtiga isbadalka dhabta ah la sameyn doono, balse waxaa dowladda Soomaaliya ay cadaadis xoogan saareysaa saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya si isbadal loogu sameeyo xaqiijinta amaanka Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com