-
Content Count
207,654 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baydhabo (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo afar gaaraya oo barqanimadii maanta ka dhacay deegaanka Koof-Gauud Buurey oo 30 KM galbeed ka xiga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaraxyada oo ahaa kuwa miinooyin ah ayaa waxaa la sheegay in lagu Aasay suuq Xoolaha Nool lagu iibiyo oo ku yaalla deegaankaasi. Wararkaqaar ayaa sheegaya in marka ay qaraxyadu dhacayeen suuqu uu ahaa mid mashquul badan, islamarkaana ay ku sugnaayeen dad badan oo shacab ah. Afhayeenka maamalka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Abuukar Gacma ayaa Shabelle u xaqiijiyay in qaraxyadani ay ku dhinteen illaa shan Qof, kuna dhaawacmeen 40 kale, kuwaas oo dhammaan ahaa dad rayid ah. Sidoo kale Afhayeenka ayaa xusay in dadka dhaawacmay loo soo qaaday magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka K/ Galbeed Soomaaliya. Dhinaca kale Nuuradiin Gacma ayaa ka warbixiyay socdaal uu madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta Gareen maanta ku tagay degmada Diinsoor ee gobolka Baay. Socdaalkan ayaa waxa uu sheegay in madaxweynuhu ay ku wehlinayaan Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan DFS, kuwaas oo u kuur galaya xaaladaha degmadaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/COd.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-13032019.mp3 View the full article
-
(SLT-Ankara)-Ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa maanta madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ugu yeeray “Kaligii taliye” iyo “khiyaali” ayada oo mar kale labada hoggaamiyo ay aflgaado is-dhaafsadeen. Turkey ayaa talaadadii ku cambaareysay Netanyahu “Cunsurinimo cad” kadib markii Israel uu gu yeeray dal ay leeyihii “Dadka Yahuudda ah” oo kaliya, oo aysan muwaadiniinta kale waxba ku lahayn. “Sida ku cad xeerka muwaadinnimada dalka ee aan ansixinay Israel waa dal Yahuudeed oo kaliya” ayuu Netanyahu ku yidhi qoraal uu soo dhigay barta Instagram. Afhayeenka Erdogan, Ibrahim Kalin ayaa hadalkaas ka jawaabay, wuxuuna qoraal uu soo dhigay Twitter ku yiri “Waxaan cambaareynayaa cunsurinimadan cad iyo midab sooca” Netanyahu ayaa u jawaabay Kalin isaga oo yiri “Kaligii taliyaha Turkiga ee Erdogan, wuxuu weeraraa dimoqraadiyadda Israel, halka suxufiyiin iyo garsooreyaal ay ka buxaan maxaabiistiisa” ayuu yidhi Netanyahu. Labada hoogaamiye ayaa hore dhowr jeer sidan oo kale isku dhaafsaday hadallo kulul, ayada oo Erdogan uu yahay mid ka mid ah hoggaamiyayaasha fara ku tiriska ah ee dalalka Islaamka ee inta badan cambeereeya Israel. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng: Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in lagala noqday dukumintiyo loo sameeystay dhul ay ciidamadii Badda ku lahaayeen degmada Cabdulcasiis ee magaalada Muqdisho. Xeer uu soo saaray guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in dhulkaasi hore u ahaa dan guud haatana la doonayo in caasimada laga dhigo mid la tartanto caalamka. Eng Yariisow ayaa hay’adaha dowlada Federaalka waxa uu ku wargeliyay in ay joojiyaan dhulalka ay bixiyaan,kadib markii ay dowlada u wakiilatay maamulka Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho in uu Mas’uul ka yahay dhul bixinta iyo fasaxyada. Waxaa Xarunta la amray in laga baxo dagan Taliyaal Ciidan, Senateero, Wasiiro hore, iyo Cali Maxamed Geedi oo soo noqday Ra’isulwasaare. Sidoo kale waxaa dagan Siyaasiyiin, Ganacsato, Diplomaasiyiin iyo Dad Mas’uuliyiin ah, waxaana la filayaa inay dhammaan isaga baxaan halkaas. Haddaba halkaan hoose ka akhriso Liiska Madaxda dagan Ex-Marino 1 – Taliyihii hore ee Ciiddanka Badda, Admiral Madey Sheekh Nuurey Ufurow 2 – Senator Muse Suudi Yalaxow 3 – Wasiirki hore ee Gaashaandhigga, Jenral C/qaadir Diini 4 – Ra’iisul wasaarihi hore, Prof. Cali Maxamed Geeddi 5 – Taliyihii hore ee Ciiddanka Badda, Admiral Faarax Axmed Cumar “Faraax Qare” 6 – Taliye xigeenkii hore ee Ciiddanka NISA, C/qaadir Maxamed Nuur “Jaamac” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Somalia is seeking the services of a Nairobi-based currency expert seconded by the International Monetary Fund (IMF) as it looks to issue a new currency to replace its widely counterfeited shilling. The Horn of Africa state has not issued official currency notes since 1991 and is banking on a Sh4.1 billion ($41 million) donor-funded currency reform plan to phase out the counterfeit notes that account for more than 90 percent of the money in circulation in the country. The lack of a genuine currency and payments system has made it difficult for Kenya’s eastern neighbour to do business. The country has been facing civil strife since the collapse of its central government in January 1991 but is now beginning to reform its governance under the federal government. Mogadishu told an IMF review team in a meeting last month in Nairobi that its central bank had endorsed the framework for the issuance of new currency and identified committee members who will support the process. “As soon as the administrative framework for the project fund is set up and the project funding is fully covered, we expect the IMF to assist us with a currency expert based in Nairobi to provide direct support to the Central Bank of Somalia and the currency reform project manager,” the government told the IMF. “We have stepped up efforts to reach out to donors to raise the needed funds ($41 million) for this project and also reached out the World Bank for assistance on the project fund’s administration.” The first phase of the reform plan will see the Somalia government print 752.5 million new notes — starting with small denominations — which it will then exchange for the counterfeit Somali shilling notes currently in circulation. The new currency will also allow the Central Bank of Somalia to build up a reserve buffer in its own currency as it looks to set up a central payment system and strengthen regulation of the country’s banking sector. In the second phase of the currency reforms, Somalia will print larger denomination notes and development of independent monetary policy instruments and reserve management guidelines. Source: Business Daily Africa
-
(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka ayaa waxa ay soo saartay Wareegto uu ku saxeexan yahay wasiirka wasaaradda Cabdillaahi Abokor Cismaan, taasi oo lagu sheegayo in qiimo dhimis lagu sameeyay sumada gaadiidka ee la bedelay. Haddaba aqoonyahan Yaasiin Calase oo ka mid dadka aqoonta durugsan u leh dhaqaalaha waxna ka dhiga Jaamacadaha dalka ayaa si cilmiyaysan u naqdiyay warqadaa uu soo saaray wasiirku, waxaanu si cad u baayaamiyay in aan wasiirku xaq u lahayn tallaabadaa uu qaaday. Aqoonyahan Yaasiin Calase ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka waxa uu ku yidhi “Lacagta khidmada ah ee ay dawladu qaada sida lacagta samaynta baasaboradda, liisamadda, sumada gadiidka iyo waxii lamidka ah miyaa qiimo dhimis lagu samayn karaa? (Discount) Hadiise cashuurta ama khidmada/fee wax laga daynaayo yay tahay in ay samayso ma Wasaaradda Maaliyadda? mise wasaaradda lacagta lagu qabanaayo? Sida lacagta sumadda gadiidka oo lagu qabanaayo wasaaradda gadiidka laakiin ay qaadayso oo uruursanay Wasaaradda Maaliyadu gaar ahaan waaxda cashuuraha barigu. Mise labadooda midna wax ka badal ah oo kor dhin iyo dhimis toona masamayn karaan ee intii golaha wakiiladu ansixiyeena ayaa la qaadaya ama golaha ayaa dib looga ansixinaya? Dawladii Tukaan nin leeyahay oo marna qiimaha uu kordhinaayo marna qiimo dhimis samaynaayo ayay inaga noqotay. “Ma macdaar nin qudhii leeyahay mandhow qarankeenu? Abees.” Halkan hoose ka akhriso warqada uu soo saaray wasiirku Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka Arbacoow oo ay Saldhig ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in jugta qaraxa lag maqlay deegaanka Ceelasha Biyaha iyo deegaanada ku dhow, isla markaana lala eegtay kolonyo ay la socdeeen Ciidamo ka tirsan AMISOM oo ka yimid dhinaca deegaanka Arbacow. Qaraxa kadib ayaa Ciidamadu waxa ay fureen, waxaana weli la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxa lala eegtay Ciidamada AMISOM iyo rasaasta ay fureen intaba. Waxaa hakad galay isku socodka dadka iyo Gaadiidka, iyada oo Ciidamada AMISOM ay xireen wadada soo gasha iyo tan ka baxda goobta uu qaraxa ka dhacay. Deegaanada lu yaalla Duleedka Magalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan qaraxyo lagula eegtaa Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM xilliyada ay ku socdaalayaan,waxaana khasaaro kasoo gaartaa Ciidamada iyo dadka Shacabka ah ee maraya halka ay qaraxyada ka dhacaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
For women like Halima Farah, a 56-year-old mother of six, returning to Somalia isn’t an option. “It’s a suicide mission,” she told The Washington Post. That’s because the country, which lies on the Horn of Africa between Kenya and Ethiopia, has been the site of a three-decade war — and it’s only getting worse. She fled to a refugee camp in Kenya years ago to get away from conflict. According to an article in The New York Times, the U.S. military has escalated a war against the Shabab, described as an extremist group with ties to Al Qaeda. The in-depth report by the Times reveals that the death toll resulting from unmanned drone strikes executed by the U.S. military in Somalia have reached a third record high in as many years. According to Defense Department data obtained by the Times, the air strikes pushed last year’s death toll to 326 people in 47 disclosed attacks. And this year, the war is reportedly on track to surpass those numbers, with 225 people killed during 24 disclosed strikes between January and February alone. Human rights groups like the ACLU say civilians — including children — have been killed during the strikes over the years, including during Obama’s tenure. But the Post reported that it’s hard to quantify those claims since “so much of Somalia is inaccessible amid the fighting.” Brittany Brown, chief of staff of the International Crisis Group, a nonprofit that focuses on decreasing deadly conflicts, described the war in Somalia as “on autopilot” to the Times. Brown also worked on Somalia policy at the National Security Council during both the Obama and Trump administrations. “People need to pay attention to the fact that there is this massive war going on,” she told the Times. In 2017, the White House approved a fighting expansion against the militants in Somalia. That approval removed the high-level vetting that was once required to approve strikes on the Shabab, according to the BBC. “It’s very important and very helpful for us to have little more flexibility, a little bit more timeliness, in terms of decision-making process,” General Thomas D. Waldhauser said during a news conference. “It allows us to prosecute targets in a more rapid fashion.” Another change under the Trump administration meant the number of civilian deaths would go underreported. As noted by the BBC, Trump revoked a policy put in place by Barack Obama via a 2016 executive order that required the CIA, which has carried out drone strikes in countries including Afghanistan, Pakistan, and Somalia, to publish the number of civilians killed via the strikes outside war zones. The news outlet also noted that the order “does not overturn reporting requirements on civilian deaths set for the military by Congress.” The Trump administration reportedly called the Obama executive order “superfluous” and distracting. This by no means is the first U.S. presidential administration to carry out drone strikes. It’s not even the first administration to catch public heat for it. As BBC News White House reporter Tara McKelvey noted, the Obama administration was also criticized for civilian deaths during strikes. But she says the problem has been exacerbated as the numbers are going up at an unprecedented pace. “During Mr. Obama’s eight years in office, 1,878 drone strikes were carried out, according to researchers,” McKelvey wrote. “Since Mr. Trump was elected in 2016, there have been 2,243 drone strikes. The Republican president has also made some of the operations, the ones outside of war zones, more secretive. As a result, things [are] different today: Under Mr. Trump, there are more drone strikes — and less transparency.” CNN reported earlier this month that the administration is seeking $165 billion for “Overseas Contingency Operations” in places like Afghanistan, Iraq, and Syria in a 2020 military budget; that’s a huge increase of the $69 billion it sought in 2019. “We were geared up for counterterrorism efforts in Somalia, and now there are more resources to do it, so we’re doing more of it,” Stephen Schwartz, a former U.S. ambassador to Somalia, suggested to the Times, though he said he had no current insider knowledge. “It could be there is some well-thought-out strategy behind all of this,” Schwartz added, “but I really doubt it.” Source: Teen Vogue
-
Wararka ka imaanaya deegaanka Goof-gaduud Buurey ee gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in suuq ku yaalla deegaankaasi oo ay ku sugnaayeen dad badan lagu tuuray Bam nooca gacanta laga gano ah. Arbaco walba waxa ay dadka ku dhaqan deegaankaasi iyo Tuulooyinka ku dhow isugu yimaadaan suuqan si ay u kala ganacsadaan, waxaana xilliga Bamka halkaasi lagu tuurayey la sheegay in mashquul badan uu ka jiray. Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo Bamkan ka dhashay, hase ahaatee weli si rasmi ah looma hayo tirada dadka waxyeellada ay soo gaartay. Ku dhowaad 10 qof oo dhaawacyo xooggan qaba ayaa loo soo qaaday isbitaalka magaalada Baydhabo halkaasi oo lagu daweynayo. Wariyaheenna C/qaadir War-cadde ayaa sheegaya in ciidanka DFS ay howlgallo ka wadaan deegaanka Goof-gaduud Buureey ee gobolka Baay. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/WARIYAHA-BAYDHABO.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku simaha madaxweynaha Somaliland ayaa soo eegay xaaladda caafimaad ee Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaaji Cabdi Waraabe), oo maalmihii u damebeeyay xaalad caafimaad u jiifay. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo dawladda hoose ee Hargeysa ayaa booqday Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo xaalad caafimaad la soo daristay. Nabadda Somaliland ka jirta ayaa waxaa inta badan loo sababeeyaa odayaasheeda dhaqanka, oo door muhiim ah ka qaata dib u heshiisiinta beelaha iyo dhex dhexaadinta siyaasiyiinta iyo xisbiyadda is khilaafa. Xaaji Cabdi Waraabe oo 125 sano jir ah, ayaa ka mid ah odayaasha ugu caansan Somaliland, waana odayga kaliya ee aan dabadii la hadlin. Source
-
Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ka dhacay maleeshiyaad ku sugnaa waqooyiga magaaladaasi. Maleeshiyaadkan ayaa isku qabsaday dhul ku yaalla halkaasi, waxaana dagaalkan uu socday in ka badan Laba saacadood. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintey Labo qof, iyadoo dhaawacana intaasi ka badan yahay. Ciidamada xasilinta ee DFS ayaa la sheegay in markii dambe ay kala dhexgaleen maleeshiyaadkii ku dagaallamay magaalada Gaalkacyo. Xaaladda guud ee halkii lagu dagaallamay waa mid aad u deggan, waxaana socota dedaallo kale oo ay wadaan waxgaradka si wadahadal loogu dhammeeyo waxa ay maleeshiyadan isku haysato. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/WARIYAHA-GAALKACYO.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kooxda Mogadishu City Club ayaa kulan xiiso badan oo ka tirsan horyaalka Somalia Premier League 2018-2019 la leh xidigaha Gaadiidka waana kulamadoodii shanaad olalahan. Naadiga Mogadishu City Club Kulankii u danbeeyay horyaalka waxa ay 1-0 kaga adkaatay kooxda Heegan Sports Club waxayna kulankaa wada dheeleyn 06/03/2019. Kooxda Gadiidka ciyaartii u danbeesay horyaalka waxa ay guul daro 1-0 kasoo gaartay xidigaha Jazeera Sports Club oo horay loo yaqeenay Muqdisho United. -Shantii kulan u dambeesay ay labada koox wada ciyaaraan horyaalka waxaa wada guulaystay xidigaha kooxda Mogadishu City Club,balse waxa ay magacaan kaga adkaan jireyn magacii hore ee Banaadir Sports CLUB. -Gaadiidka oo Kulankii 1-aad ka hortaygsa kooxda Mogadisho City Club tan iyo markii ay la wareegeyn maamulka Gobolka Benaadir 25-November 2018. –Cumar Caruus ayaa ka hor Imaanaya kooxdiisii hore ee Muqdisho City Club wuxuuna ka mid yahay tababarayaasha kooxda M.C.C kula guulaystay horyaalka Somalia Premier League,isagoo aan qasaarin xitaa hal kulan (Unbeaten). Is Aragii U Danbeeyay Labada Koox 15/03/2018 Mogadishu 3:0 Gaadiidka FC 26/04/2018 Gaadiidka 1:2 Mogadishu City Club 28/02/2017 M.C.C 2:1Gaadiidka FC 16/02/2016 Gaadiidka 0:2Mogadishu City Club 07/05/2016 M.C.C 2:1Gaadiidka FC 23/03/2015 Gaadiidka 2:1Mogadishu City Club 23/12/2014 M.C.C 1:1Gaadiidka FC Ogeysiiska Kulanka Tartanka:-Horyaalka Soomaliya 2018-2019 Kooxaha:-M.C.C VS Gaadiidka Maalinta:-Arbaco Taariikhda:-13 -03-2019 Saacada:-3:45pm Cimiladda Xiliga Ciyaarta: -31°/26°C Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Maamulka gobolka Mudug ee Puntland oo kaashanaya waxgaradka iyo nabaddoonada waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa kala dhex galay malayshiyaad hubaysan oo saaka ku dagaallamay aga’gaarka xabsiga weyn ee Gaalkacyo. Malayshiyaadka oo hab-beeleed u abaabulan ayaa ku dagaallamay bogcado la isku’ khilaafay oo ku yaalla dhul-bannaan oo dhanka waqooyi galbeed kaga beegan xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo. Taliye ku xigeenka Booliiska dowladda Puntland Col. Cismaan Xassan Cowke (Afdalow) oo la hadlay warbaahinta Puntland Post ayaa sheegay in maamulka gobolka Mudug ee Puntland iyo laamaha amniga oo kaashanaya waxgaradka iyo nabaddoonada Gaalkacyo ay ku guulaysteen in la joojiyo dagaalka kadib markii ay kala dhex galeen malayshiyaaadkii dagaallamay. Sidoo kale taliyaha ayaa xaqiijiyay in dagaalka ay ku dhinteen ilaa 3 ruux oo ka kala tirsan dhinacyadii dagaallamay halka 5 ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen isagoo ka afeeftay in khasaaruhu intaa ka badan karo maadaama sida uu sheegay laga yaabo in ay jiraan dad isbitaallada loola cararay ka hor intaan mas’uuliyiintu halkaaasi gaarin. Sawirrada mas’uuliyiin iyo waxgarad gaaray halkii lagu dagaallamay PUNTLAND POST The post Faahfaahin: Dagaal ka dhacay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Dooxa (SMN) – Hay’adda Bisha Cas ee dalka Qatar ayaa saddex gobol oo ka mid ah Soomaaliya ka bilaabeysa wajiga sadexaad qorshe lagu hormarinayo goboladaasi. U jeedka qorshahan ayaa lagu sheegay in uu yahay sidii loo caawin lahaa dadka beeraleyda ah iyo kuwa ku soo laabanaya deegaanadooda,si loogu sameeyo dib u dajin rasmi ah. Hay’adda ayaa sheegtay in wajiga sadexaad ee qorshahaasi ay ka bilaabi doonto gobollada Banaadir iyo labada Shabelle oo ay sheegtay in ay ku barakaceen kumanaan ruux oo ka cararay abaaro iyo colaado is biirsaday. Bisha Cas oo kaashaneysa saaxiibadeyda iyo beesha caalamka ayaa dadka beeraleyda ah ugu deeqi doonta 3,000 (sadex kun) oo ah agaka beeraha. Sidoo kale hay’adda ayaa xustay in ay beeraleyda siin doonto tababar ku aadan sida dhulalka loogu diyaariyo beerashada. Hay’adda Bisha Cas ee Qatar ayaa waxaa la aasaasay sanadkii 1978, mana ahan markii ugu horeeysay oo qorshayaashan oo kale ay ka fulineyso Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa wali taagan xiisadda u dhaxeysa maamulada Somaliland iyo Puntland oo ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Sanaag oo labada dhinac ay isku heystaan. Xiisadda ayaa ka dambeysay kadib markii Somaliland ay ciidamo dheeraad ah geysay deegaano ka tirsan gobolka Sanaag oo labada maamul ay isku hayaan, waxaana ciidamada ugu badan ay geeyeen deegaanka Yubbe oo ka tirsan Sanaag. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Puntland dhankooda ay dhaqdhaaq ka bilaaben deegaano ka tirsan gobolka Sanaag, waxaana arintaasi ay abuurtay cabsi soo wajahday dhinacyada dagaalamaya. Labada maamul ayaa shalay warbaahinta isku mariyay jawaabo adag oo ku aadan xiisadda ka taagan deegaanada gobolka Sanaag, waxaana maamulka Puntland uu ku eedeeyay Somaliland Daandaansi inay ka wado gobolka Sanaag. Taliyaha Ciidamada Somaliland ee Bariga Gobolka Sanaag ayaa isagana waxaa uu sheegay in Ciidamada ay yihiin kuwo ilaalinaya xaduudka Somaliland oo uu sheegay inaysan aqbaleyn in lagu soo xadgudbo. Puntland ayaa Warsaxaafadeed ay shalay soo saartay waxaa ay sidoo kale ku sheegtay in Somaliland ay dooneyso inay wiiqdo howlgallada Puntland ay kula dagaalameyso waxa loogu yeero argaagxisada, hayeeshee ay dul qaad muujin doonaan. Ciidamada labada maamul kaga sugan gobolka ayaa wada dhaqdhaqaaq ciidan waxaana saacad kastaa laga baqayaa inay markale ku dagaalamaan gobolka Sanaag. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Abu Dubai (Somalilandtoday) Saldigga Militari ee Imaraadka Carabta ayaa la filaya in xadhiga laga jaro bisha June ee sanadkan waxaana la filaya in halkaasi lagu rakibo qalab taageeraya ilaalinta biyaha Somaliland. Sidaana waxa lagu sheegay war-bixin dheer oo lagu daabacay majadalada lagu magacaabo East African Business Week, taasi oo uu Wargeyska Waaberi kasoo xigtay qayb kamid ah,waxaana lagu sheegay war-bixintaasi in Saldhigga millatari ee Imaaraadka Carabtu ka dhisanayey Somaliland lagu wado inuu bilaabo shaqadiisa bisha Juun, kaasi oo uu wehelin doono nidaam lagu ilaalinayo xeebaha Somaliland . Dhanka kale war-bixinta ayaa lagu soo xigtay hadal uu hore u sheegay safiirkii hore ee Somaliland u joogay Imaaraadka Carabta Baashe Cawil, kaasi oo ahaa mid uu ku sheegay in aanay Somaliland haysan awood dhaqaale oo ay ku ilaaliso xeebaheeda. “ Saldhiga militariga Imaraadka Carabta ayaa ka caawin doona gobolka oo dhan – Budhcad-badeednimada, kalluumeysiga sharci-darrada ah, daadguraynta sunta, mana haysanno ilo dhaqaale oo lagu ilaaliyo xeebahayaga, “ayuu Amb Baashe Cawil ku sheegay wareysi hore oo lala yeeshay. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wafti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo maalmahan ku sugnaa magaalada Abu Dubia ee dalka Imaaraadka Carabta ayaan laga warhaynin meel ay jaan iyo cidhib dhigeen iyada oo shacabka reer Somaliland is weydiinayaan su’aalo la xidhiidha waftiga iyo hawlaha ay ku mashquulsan yihiin. Waftigan ayaa waxa dadka reer Somaliland ugu dambaysay 9 bishan March markii si meeqaam sare leh loogu soo dhaweeyay madaarka Albateen airport ee magaalada Abu dhabi ee caasimada wadanka UAE, waxaana weftiga Madaxweynaha halkaasi ku soo dhaweeyey Wasiirka Caddaaladda ee Imaaraadka, Sultan bin Saeed Al Badi Al Dhaheri iyo Masuliyiin ka tirsan dawladda Imaaraadka. Qoraal kooban oo uu wakiil Somaliland ee Imaaraadka Carabtu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxa uu ku sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu la kulmay madax ka mid ah Imaaraadka Carabta walow aanu dadka la wadaagin magacyadda madaxda uu la kulmay Madaxweynuhu iyo xataa wasirro muujinaya inay jiraan kulamadaasi. Dadka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in madaxweynuhu uu Imaaraadka Carabta u tagay hawlo gaar u ah isaga waxaana tuhunkaa sii xoojiyay markii safar ay qayb ka noqon waayeen wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo wasiirka wasaaradda Maaliyadda oo ah xidhiidhiyaha Imaaraadka Carabta iyo Somaliland. Guuguulaha wargeyska geeska afrika oo ka soo baxa magaalada Hargeysa ayaa waxa si taxader leh uga hadlay arrimahan ay dadku is weydiinayaan ee la xidhiidha safarka Madaxweynaha. Si kastaba ha ahaatee warar ay Somalilandtoday heshay ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu maanta oo arbaco ah la kulmayo jaaliyadda reer Somaliland ee ku sugan Imaaraadka Carabta. Somalilandtoday/Hargeysa/Office Xamse Maxamed Iiman Hamzeiiman123@gmail.com Source
-
Sawirkan waa mid hore Ugu yaraan 2 ruux ayaa ku dhimatay 5 kalena waa ku dhaawacantay dagaal saaka malayshiyaad hubaysan ku dhexmaray aga’gaarka xabsiga weyn ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Malayshiyaadka ayaa ku dagaallamay bogcado ku yaalla dhul-bannaan oo dhanka waqooyi galbeed kaga beegan xaafadda garsoor ee magaalada Gaalkacyo halkaas oo maalmahan uu ka taagnaa khilaaf-dhul sida uu warbaahinta Puntland post u sheegay weriye jooga Gaalkacyo. Dagaalka oo bilowday subaxnimadii hore ee saaka ayaa haatan istaagay inkastoo weli la maqlayo rasaas goos-goos ah sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka ku sugan nawaaxigaasi. Sidoo kale waxay sheegeen in malayshiyaadkii dagaallamay ay weli joogan meela isu’ muuqda islamarkaana aysan jirin cid kala dhexgashay. PUNTLAND POST The post Malayshiyaad ku dagaallamay magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Khilaaf saddex geesood ah oo curyaamiyey hab-sami u socodkii hawlaha shaqo ee wasaaradda Gaadiidka Somaliland, ayaa dib uga dhex curtay Wasiir Cabdilahi Abokor iyo Maareeyaha Hayadda Wadooyinka, iyo sidoo kale agaasimaha Wasaarada Jidadka. Ilo-wareedyo xog-ogaal u ah Wasaaradda, ayaa sheegay in khilaafkani salka ku hayo, kadib markii uu Wasiirka Wasaarada Jidadku ixtiraami waayey hanaanka shaqo ee Hayadda Wadooyinka, isla markaana uu ku sameeyey faro-gelin iyo xadgudub shaqo oo tiro beelay. Wararku waxay sheegeen in todobaadyadii u dambeeyey fiintu dhex-miranayso Wasiirka iyo Maareeyaha Wadooyinka, kaddib markii Wasiirku inqilaab ku sameyey hawlihii Hayadaasi u igmanayd. Wasiir Abokor, ayaa siffooyin Kala duwan qandaraasyo la xidhiidha Wadaada Berbera Corridor siiyey xubno qoyskiisa ah iyo sidoo kale kuwo ay isku hayb yihiin. Qandaraasyadaas oo aanay haba-yaraatee aanu Wasiirku waxba Kala socodsiin Maareeyaha Hayada Wadooyinka oo ahayd in ay si toosa oo Madaxbanaan u maamusho mashruuca dhismaha Wadaada Corridorka iyo kuwa lamidka ah. Khilaafka labadan masuul oo dhowr jeer oo hore soo noqnoqday, ayaa hadda waxa uu kusoo beegmay xilli Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi safar dalka dibadiisa ugu maqan yahay. Si kastaba ha ahaatee, Wasiir Cabdilahi Abokor oo dadka dhaliila ku tilmaaman shaqsi aan lahayn aqoon Maadi Iyo mid maamul, ayaa waxa uu dheer Macan-gagnimo ku salaysan ciil-qabnimo Iyo ku xadgudub farogelineed oo u caadeystay inuu ku sameeyo Hayadaha madaxabanan ee dalka, waxa kaloo u ku goodiyaa Wasiirkani in ay dalka maanta ka taliyaan, isagoo ujeedkiisu yahay Waxanu nahay Beesha Madaxweynaha, taasoo hadii aanu degdeg Madaxweynuhuu wax uga qaban keenaysa ceeb maaro loo waay Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xildhibaanada Baarlaaanka Soomaaliya ayaa si adag u weeraray madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe. Xildhibaan Jeesow ayaa ugu horeyn sheegay in shacabka Kismaayo ay ku jiraan wuxuu ugu yeeray Adoonsi, maadaama dadka lahaa talada deegaanada Jubbaland ay dhibaato kala kulmaan maamulka, sida u hadalka u dhigay. Ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre ayuu sheegay inuu la kulmay dad gaar ah oo loo soo xulay, maadaama sida uu sheegay addoonsi la geliyay dadkii lahaa talada maamulka Jubbaland. Xildhibaanka wuxuu sidoo kale sheegay in shacabkaasi ay doonayaan inay arkaan ra’iisul wasaarahooda balse laga hor taagan yahay, isaga oo ugu baaqay Kheyre inuu sameeyo talaabo kasta oo dadkaasi uu kula kulmi karo. “Dadka Reer Kismaayo adoonsi ayay ku jiraan, dadkii loo baahnaa Ra’iisul Wasaaraha lama kulmin dad gaar ah ayaa loo soo xulay, marka ra’iisul wasaaraha dhibka meesha ka jira wa uu ogyahay, waxaana laga rabaa in isaga oo ka taxadaraya ammaankooda uu dadkaasi qaabilo lana kulmo” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow. Siyaaiyiin farabadan oo kasoo jeeda deegaanada Jubbaland ayaa aad u dhaliilsan Siyaasada Madaxweynaha Maamulka Jubbaland uu ku maamulo maamulkaasi, kuwaasi oo aaminsan in aragtidiisa kaliya cida ku Shaqeyneysa uu doonayo. Hoos ka dhageyso codka xildhibaan Jeesow. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/cod-1-xildhibeen-jeesow-.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
London (Somalilandtoday) Xeerka Caruurta oo Baarlamaanka Ingiriiska ansixiyey ayaa si weyn loogu amaanay kaalinta ay ka qaadatay u ololayntii wax-ka-bedelkiisa gabadh asalkeedu ka soo jeedo Jamhuuriyada Somaliland. Sida lagu baahiyey mareegta Baarlamaanka Ingiriiska shalay, wax-ka-bedelka Xeerka Caruurta Ingiriiska oo hore loo ansixiyey sannadkii 1989-kii, oo u ka hadlay Xildhibaan Zac Goldsmith ayaa u sheegay Baarlamaanka Ingiriiska inay sharaf u tahay inuu hadal-qoraalka fadhiga ku daro u mahadcelinaya Nimco Cali, oo si weyn ugu ololaysa joojinta gudniinka gabdhaha, inbadan oo xildhibaanada Ingiriisku aqoon u leeyahiin. “Waa dadka ugu caansan u ololaynta cidhibtirka Gudniinka Hablaha (FGM) ee Ingiriiska, maalmo horteedna waxay madal dhinac fadhiday Raysal-wasaaraha Ingiriiska, xaqiiqdii waxay qadiyadan gaadhsiisay wadnaha xukuumada.” Xildhibaan Goldsmith, oo ka tirsan xisbiga Muxaafidka Ingiriiska ayaa hadalkiisa sii raaciyey, “Shaqada Nimco & guulaha ay ka gaadhay qadiyadan ayaa dhaafsiisan dalkan. Waxay ku dhiirigelisay saddexdii musharax ee doorashadii madaxtinimada Somaliland 2017 inay ballanqaadaan hirgelinta xeer lagu joojiyo gudniinka hablaha, inbadana waa u xog-ogaal inay ku dhowdahay ku guulaysigiisa.” Ayuu yidhi, isagoo raaciyey, “Madaxweyne Md Muuse Biixi markii la doortay, wuu ka dhabeeyey ballanqaadkiisii, waxaana xukuumadiisu diyaarisay xeerkii xakamaynta gudniinka gabdhaha. Xildhibaan Simon Hoare, ayaa sidoo kale amaanay awoodeeda qancinta & u doodisteeda, isagoo yidhi, “Waan amaanayaa awoodeeda qancinta & u doodista, lagana yaaba in fursad laga siiyo xil siyaasadeed ee baarlamaanka (Whip office), masuul xisbi oo xildhibaanada ku kantaroola u raacitaanka siysaadaha xisbiga ansixinta xeerarka Baarlamaanka. Nimco Cali ayaa la filayaa in 26 bisha ay ka hadasho munaasibad shirweynaha Xuquuqal-insaanka & Dimoqraadiyada oo lagu qaban doono dalka Switzerland, isla markaana lagu gudoonsiiyo abaalmarin caalami ah. Xusitaanka kaalinta Nimco Cali, oo dhalashada Ingiriiska haysata, balse asal ahaan ka soo jeeda Jamhuuriyada Somaliland ka qaadatay u ololeyntii xeerka caruurta oo dalka Ingiriisku ku dhaqmi doono, ayaa sidoo kale noqonaya talaabo magaca dalkeeda Somaliland ku gaadhsay dhegaha muwaadiniinta Ingiriiska iyo guud ahaan dadka Soomaalida ee ku nool Ingiriiska. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa ka warbixiyey kulan uu la qaatay wefti ka socda Midawga Yurub, kuwaasoo booqasho ku yimid dalka Somaliland. Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed oo si kooban ula hadlay saxaafadda xalay, waxa uu sheegay inay weftiga Midawga Yurub ka wadahadleen arrimo kala duwan oo khuseeya shaqada garsoorka, hannaanka caddaaladda Somaliland. “Waxa aannu kulan muhiim wada qaadanay wefti ka socda Midawga Yurub (EU-da) oo maalmihii u dambeeyey safar ku joogay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanan ka wadahadalnay arrimo ay ka mid yihiin; hawlaha garsoorka, horumarinta caddaaladda iyo ku dhaqanka sharciga (rule of low), waxayna weftiga ka socday Midawga Yurub ay ballanqaadeen inay garsoorka Somaliland kala shaqayn doonaan sidii loo sii horumarin lahaa adeegyada garsoorka iyo caddaaladda dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana halka maanta la joogo hore looga sii socon lahaa, shaqada garsoorkana looga dhigi lahaa mid bulshadu ku wada qanacsan tahay dhinac walba,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare. Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Waxa kaloo aannu kooxda ka socotay Midawga Yurub ka wadahadalnay isbeddelka aannu ku samaynay, welina socda ee la xidhiidha nidaamka dib-u-habaynta garsoorka Somaliland (Somaliland Judicial Reform), anaga oo u faahfaahinay guulaha kala duwan ee ilaa hadda laga gaadhay nidaamkaas dib-u-habaynta ah iyo faa’iidooyinka ka dhashayba, waxayna weftigu noo ballanqaadeen inay ka go’an tahay sidii ay taageeradooda uga gaysan lahaayeen hannaankaas dib-u-habaynta loogu samaynayo garsoorka iyo caddaaladda Somaliland, arrintaas oo ay si xooggan u bogaadiyeen.” Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa uga mahadnaqay Midawga Yurub sida fiican ee ay ula shaqeeyaan, una caawiyaan dalka Somaliland oo uu xusay inuu yahay dal dimuqraaddi ah oo ku dhaqma sharciga iyo kala-dambaynta dowladnimo, isagoo ku dhiirigeliyey inay sii kordhiyaan kaalmada ay siiyaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Weftiga ka socda Midawga Yurub oo toddobaadkii u dambeeyey safar shaqo ku joogay dalka Somaliland, waxay shirar iyo kulamo kala duwan la qaateen xisbiyada qaranka, hay’adaha dowliga ah ee Somaliland, bulshada rayidka ah iyo hay’adaha la shaqeeya EU-da ee xafiisyada ku leh Caasimadda Hargeysa. Source
-
(SLT-Kampala)-Maanta oo Arbaca ah ayaa la filayaa In magaalada Kampala Lagu Soo gabagabeeyo shir madaxeedka madaxda Afrika Shirkan oo shalay ka furmay magaaladaasi ayaa waxaa ka qeybgalaya qaar ka mid ah madaxda wadamada Africa, wakiillo ka socda hay’adaha iyo Bangiyada caalamiga ah, ganacsato iyo xubno kale. Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa la filayaa in maanta shirkaasi uu Khudbad ka jeediyo. Ulajeedka shirkan ayaa ah sidii loo xoojin lahaa xiriirka dalalka Africa ee dhanka dhaqaalaha, amniga iyo sidoo kale horumarka. Source
-
(SLT-Washington)-Dowladda MNareykanka sheegay in aysan shaqada ka joojinayn diyaaradda nooca Boeing 737 Max 8 inkastoo xildhibaanada aqalka sare iyo ururada shaqaalaha ee dalkaasi oo dowladda cadaadis ku saarayo in diyaaraddaasi laga mamnuuco duulimaadyada ilaa iyo inta laga xaqiijinayo badqabkeeda. Maamulka Duulimaadyada ee Maraykanka ee magaciisa loo soo gaabiyo FAA ayaa sheegay in ilaa iyo haatan aysan muuqan cillad lagu mamnuuci karo diyaaraddaasi. Diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya oo ka soo duushay garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa ayaa axaddii la soo dhaafay burburtay lix daqiiqo oo kaliya markii ay hawada ku jirtay, waxaana shilkaasi ku dhintay 157 qof oo saarnayd. Shilkaasi waxaa ka sii horreeyay shil kale oo ay ku dhinteen 189 qof oo rakaab ahayd oo saarnaa diyaaradda Lion Air 737 Max 8 oo burburtay bishii Oktoobar ee sanadkii hore. Qaar ka mid ah dalalka reer Galbeedka ayaa soo saaray amar ay hawada dalalkooda uga mamnuucayaan inay ku duusho diyaaradda ay soo saarto shirkadda Boeing ee nooceedu yahay 737 MAX 8. Waddamada Shiinaha, Faransiiska, Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay in aysan hawadooda soo galin karin diyaaraddan. Ted Cruz, oo ah xildhibaan ka tirsan aqalka Senedka ee Mareykanka ayaa sheegay in uu rumeysan yahay in ay muhiim tahay in Mareykanka uu hakiyo duulimaadyada diyaaraddani ilaa iyo inta laga xaqiijinayo in ay tahay badqab oo la isticmali karayo. Edward Markey iyo Richard Blumenthal oo iyaguna ka tirsan xisbiga Dimuquraadiga ayaa maamulka duulimaadyada ee Mareykanka ka codsaday in la hakiyo duulimaadyada diyaaraddan Boeing 737 Max ilaa iyo amar dambe. Shirkadda Boeing ayaa ku adkeysanaysa in diyaaraddani tahay mid badqab ah oo aan la hayn wax cillad ah. Shaqaalaha shirkadaha diyaaradaha ee Mareykanka ayaa doonaya in diyaaraddani laga mamnuuco duulimaadyada ilaa ammaankeeda laga xaqiijinayo. Waxyaabaha shakiga keenay waxaa ka mid ah in labada diyaadoodba ay ahaayeen kuwa cusub, waxaana jiray isku mid ahaansho sida uu shilka u dhacay, labaduba waxa ay soo dhaceen daqiiqado kadib markii ay haadeen, taas oo muujin karta cilad ay diyaaradu leedahay. Boeing oo kaliya ma ahan waxa saameynta uu shilka ku yeeshay, ee sidoo kale shirkadda Safran ee Faransiiska ee iyadu samaysa matoorka diyaaradan ayuu hoos u dhacay saamiyadeeda Dowladda Hindiya ayaa iyadu sheegtay in wada hadal kula jirto laamaha qaabilsan badqabka duulista hawada sare, go’aana ka gaari doonto sida laga yeelayo diyaaradan. Shirkadda duulimaadka ee dalka Koonfur Afrika ayaa dhankeeda shaacisay in ay joojin doonto isticmaalka diyaaradda Boeing 737 illaa intii muddo ah. Illaa 16 shirkadood oo kuwa duulimaadka ah ayaa isticmaala diyaaradda Boeing 737 Max 8. Tusaale shirkadda TUI waxa ay leedahay 15 ka mid ah noocan , waxayna sheegtay in ay xiriir dhow la waddo shirkadda Boeing , balse waxa ay intaas ku dartay in aysan jirin wax qorshe dhow oo ay ku joojineyso isticmaalka diyaaradan. Shirkadda Duulimaadka Norway oo haysata 18 ka mid ah diyaaradahan ayaa iyaduna sii wadda isticmaalka 737. Shirkadda Southwest Airline waxa ay leedahay 34 noocan ah, halka Maraykanka iyo Canada ay isticmaalaan 24 xabbo oo kuwan ah midkiiba. Source
-
Jowhar (SMN) – Ciidamada ammaanka HirShabelle ayaa saaka howlgallo qorsheysan ka sameeyay xaafado ka tirsan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/ Dhexe. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa saraakiisha hoggaamineysay waxa ay sheegeen in lagu xaqiijinayay amniga magaaladaasi. Inta ay socdeen baaritaanadan ayaa la sheegay in lagu soo qab qabtay mootooyinka nuuca loo yaqaano Fekon-ta, kuwaas oo aan sharciyeysneyn. Illaa iyo hadda ma jiro warar faah faahan oo ay saraakiisha dhanka amnigu ka bixiyeen howlgalladaani. Muddooyinkii dambe xaaladda Jowhar ayaa aheyd mid dagan, iyadoona aad loo adkeeyay amniga magaaladaasi. View the full article