Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,672
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wefdi ka kooban xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowladda Puntland ayaa maanta gaaray magaalada Badhan ee gobolka Sanaag. Socdaalka wefdiga ayaa la xiriira u kuur-galka xaaladda gobolka waxaana ay kulan la qaateen maamulka gobolka Sanaag kan degmada Badhan iyo saraakiisha ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan degaanka xilli ay halkaasi ka jirto xiisad u dhexaysa Puntland iyo Somaliland. Cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland oo ka baxay magaalada Badhan ayaa sidoo kale u ruqaansaday dhinaca degmada Yubbe oo ay maalmo ka hor fariisimo ka sameysteen ciidamada Somaliland. Xiisad u dhexaysa Puntland iyo Somaliland ayaa maalmaham dambe ka aloosan gobolka Sanaag kadib markii Somaliland ay ciidamo soo dhoobtay degmada Yubbe iyo tuulooyin hoosyimaada. PUNTLAND POST The post Wefdi ka socda dowladda Puntland oo gaaray magaalada Badhan appeared first on Puntland Post.
  2. At least five people were killed and more than 50 others were wounded in 4 landmine blasts in Goof-Gaduud, 30-Km west of Baidoa, the interim capital of the southwest state. The regional state’s spokesman, Nuradin Yusuf told Radio Shabelle via phone that the explosions resulted from IEDs planted inside a busy livestock market in the small town. The blasts occurred as livestock traders gathered for the weekly transaction. The injured were rushed to nearby health centres in Baidoa for further treatment. The deadly attack comes as Southwest state president, Abdiasis Hassan Mohamed Lafta Gareen is paying his first visit to Diinsoor town in Bay region. The Al-Qaeda-linked Al-Shabaab which is fighting to topple internationally backed government still controls some areas mainly in the south despite losing large ground. View the full article
  3. The Somali government is seeking the services of a Kenyan-based currency expert seconded by the International Monetary Fund (IMF) to issue a new currency to replace the current old one. Officials told an IMF review team in a meeting last month in Nairobi that its central bank had endorsed the framework for the issuance of new currency and identified committee members who will support the process. The new currency is set to help the Central Bank of Somalia to build up a reserve buffer in its currency as it looks to set up a central payment system and strengthen regulation of the country’s banking sector. “As soon as the administrative framework for the project fund is set up, and the project funding is fully covered, we expect the IMF to assist us with a currency expert based in Nairobi to provide direct support to the Central Bank of Somalia and the currency reform project manager,” unnamed government official told the IMF. “We have stepped up efforts to reach out to donors to raise the needed funds ($41 million) for this project and also reached out the World Bank for assistance on the project fund’s administration,” he added. The first phase of the reform plan will see the Somalia government print 752.5 million new notes — starting with small denominations — which it will then exchange for the Somali shilling notes currently in circulation. In the second phase of the currency reforms, the horn of the African state will print larger denomination notes and development of independent monetary policy instruments and reserve management guidelines. The lack of secure currency and trusted payments system has made it difficult for Somalia to expand its growing business based economy. Somalia has not issued official currency notes since 1991, but Sh4.1 billion ($41 million) donor-funded currency reform plan is set to account for more than 90 percent of the money in circulation in the country. The country has been facing civil strife since the collapse of its central government in January 1991 but is now beginning to reform its governance under the federal government. View the full article
  4. Faahfaahin horleh ayaa ka soo baxay khasaaraha ka dhashay dagaal saaka ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Dagaalka ayaa malayshiyaad hubaysan oo hab-beeleed u abaabulan ku dhexmaray dhul-bannaan oo ku yaalla xaafadda Garsoor ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo dhulkaas oo labada dhinacba sheeganayan lahaanshihiisa. Saraakiisha amniga iyo mas’uuliyiinta caafimaadka Puntland ee magaalada Gaalkacyo ayaa xaqiijiyay in ilaa 6 ruux oo ka kala tirsan dhinacyadii dagaallamay ay ku dhinteen dagaalkii saaka halka in ka badan 7 ruux oo kalena ku dhaawacmeen. Maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo ee dowladda Puntland oo kaashanaya laamaha amniga iyo waxgaradka ayaa markii dambe ku guulaystay in la kala qaado malayshiyaadkii bogcadaha ku dagaallamay. PUNTLAND POST The post Khasaaraha dagaalkii Gaalkacyo oo kordhay appeared first on Puntland Post.
  5. The speaker of Somalia’s Lower House Chamber of Federal parliament, Mohamed Mursan on Wednesday returned home following a visit to Jordan and Turkey. During his stay in Jordan, the speaker has attended the 29th Arab parliament summit held in Amman and held bilateral talks with his counterparts. A number of MPs welcomed the Mursal and his delegation at Aden Adde Airport in Mogadishu, the Somali capital on Wednesday morning. The speaker’s return comes as the country’s president Mohamed Abdullahi Farmajo is in Uganda for Africa now summit 2019. View the full article
  6. Adis Ababa (Caasimadda Online) – Waxaa cirka isku sii shareertay cabsida laga qabo ujeedka ay Dowladda Itoobiya ka leedahay ciidamada Badda ay sameysaneynso iyadoo aan qabin wax bad ah kadib is afgaradkii dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya. Dowladda Itoobiya ayaa waday bilihii ugu dambeeyey dadaal ay ku dooneyso inay ku tababarto ciidamado badda ah oo aan si rasmi ah loo ogeyn badda ay ku shaqeyn doonaan saldhigna ay ka dhigan doonaan maadaama aysan itoobiya laheyn bad. Iyadoo ay cabsidaas taagneyd ayaa waxaa safar olole ah Geeska Africa ku yimid madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron kaasoo safarkiisa markii hore kasoo bilaabay Jabuuti ka hor inta uusan booqasho ku tagin dalalka Itoobiya iyo Kenya. Itoobiya iyo Faransiiska ayaa kala saxiixday iskaashi milatari, heshiis uu ka qayb ka yahay in dalka aan lahayn badda laga caawiyo dhismaha ciidamo badeed, xili Paris ay raadineso in ay saameyn dhaqaale ay ku yeelato dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika maadama Geeska Africa ay lug weyn ku yeelatay Dowladda Shiinaha oo rajeeneyso inay dhaqaale fiican ka sameyso halkaas. “Iskaashiga dhinaca milatari ee aan la filayn waxa uu bixinayaan jadwal howleed iyo wadada ay France uga taageeri karto Itoobiya dhismaha ciidamo badeed,” ayuu Macron ka yiri shir jaraa’id iyada isaga oo uu garab taagan yahay Abiy Axmed. “Tan iyo markii aad ra’iisul wasaare noqotay [Abiy Axmed] aragtideena ku aadan Ethiopia si dhab ah ayuu isku badashay” ayuu Macron yiri Itoobiya ayaa heshiis dhanka badda ah kula jirta dalal ku yaalla gobolka, oo Soomaaliya oo mudo ku dhaw 30 sano aysan ka jirin dowlad xooggan, ay kamid tahay. Tallaabada uu Faransiiska u qaaday inuu Itoobiya ka caawinayo Tababarka Ciidamada Badda ayaa u muuqato mid suurtagelineyso cabsida ay Soomaaliya ka qabto inay Itoobiya usoo socoto Badaheeda isla markaasna ay halkaas ka dhigan doonto Saldhigyo gaar ahaan Magaalooyinka Boosaaso iyo Berbera. Marka ay Dowlad sameysaneyso Ciidamada Badda waxaa lagama maarmaan ah inay ciidamadaas helaan saldhigyo ay fariisimo ka dhigtaan, waxayna qubarada intooda badan qabaan inay Soomaaliya tahay meesha ugu dhow ay Itoobiya damci karto maadaama ay Soomaaliya tahay meel dayacan oo aan laheyn dowlad awood u leh inayi Ilaashato xuduudaheeda Dhulka, Cirka iyo Badda. Waxaa hadda tuhun weyn laga qabaa inuu Banaanka usoo baxo heshiiska la sheegay inay kala gaareyn Farmaajo iyo Abiy Ahmed kaasoo ah inay Itoobiya maalgashi ku sameysato Afar kamid ah Dekadaha Soomaaliya oo si rasmi ah loo shaacin kuwa ay yihiin. Heshiiska la doonayo in Itoobiya lagu siiyo Afar Dekadood oo Soomaaliya ku yaal oo ay maalgashi ku sameysato ayaa dood badan ka dhex dhalisay Shacabka Soomaaliyeed, Mucaaradka iyo Dowladda dhexdeeda, inkastoo Madaxweyne Farmaajo uu wax kama jiraan ku tilmaamay inuu Itoobiya siiyey Dekado balse ay arrinta aheyd wada hadal ku aadan inay Itoobiya maalgashi kaliya ku sameysato Dekadahaas. Tan iyo markii uu dalka Itoobiya Ra’isulwasaare ka noqday Abiy Ahmed, waxay Siyaasadda Itoobiya noqotay mid furfuran oo ay ku dooneyso inay kaalin weyn ku yeelato Mandiqadda Africa gaar ahaan Geeska Africa. Dowladda Shiinaha ayaa sanadihii ugu dambeeyey waday dadaalo ay ku dooneyso inay kula wareegto Dekadaha ku yaal Africa, waxayna hadda la kulmi doontaa cadaadis xooggan oo kaga imaanayo dowlado badan oo ay kamid tahay Faransiiska hadda soo baraarugay. Dowladda Soomaaliya ayaa markii hore dhibaato xoog leh ku qabtay dhaq-dhaqaaqyada ay Imaaraadka Carabta ka wado Dekadaha Soomaaliya maadaama ay Maamulada Somaliland iyo Puntland la gashay heshiisyo loogu wareejiyey maamulka Dekadaha Berbera iyo Boosaaso. Dowladda Itoobiya ayaa kaalin weyn ku laheyd heshiiskii ay Imaaraadka Carabta kula wareegtay Dekadda iyo Garoonka DIyaaradaha ee Berbera oo noqonayo saldhig military oo ay leedahay Imaaraadka waxayna Itoobiya ku leedahay Dekadda Berbera Saami dhan 19%. Ciidamadii Badda Itoobiya ayaa burburay 1991-dii markii gobolkii ka deganaa Eritrea oo ku yaalla Badda Cas, uu ka qarxay dagaal socday 30-sano oo xorriyad u dirirnimo ahaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Qorshaynta Somaliland Oo Ka Gaabsaday In Uu Ka Warbixiyo Kulan Albaabadu U Xidhnaa Oo Uu La Yeeshay Guddiga Dabagalka Iyo Ilaalinta Hantida Qaranka Ee Golaha Wakiillada, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Pretoria (SMN) – Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa maanta ganacsade Soomaaliyeed ku dilay magaalada Pretoria ee dalka Koonfura Afrika. Dilka ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay xaafadda Mamelodi oo ka tirsan magaaladaasi. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdifitaax Cali Xoosh, kaas oo ay kooxdii dishay goobta isaga baxsatay. Dhacdadan ayaa qeyb ka noqoneysa dilal siyaabo kala duwan todobaadyadii la soo dhaafay ganacsatada Soomaalida loogu geysanayay gudaha dalkaasi. Sanadkan 2019-ka ayaa waxa aad u sii kordhay dilalka iyo boobka loo geysanayo Soomaalida ku dhaqan K/ Afrika oo inta badan ganacsiyo ku leh dalkaasi. View the full article
  9. Diblomaasi Qatar u dhashay oo Darawalkiisa oo Soomaali ah ku mesaalay Ey & Daayeer Sida lagu baahiyay wargeyska The Telegraph ee kasoo baxaya dalka Ingiriiska Ruux u dhashay dalka Qatar ayaa aflagaadeeyay darawalkiisa oo Soomaali ah, kuna tilmaamay Ey, Daayeer iyo Addoon Madow. Wargeyska ayaa daabacay in Diblumaasiga oo ah madaxa Caafimaadka ee Safaaradda Qatar ku leedahay dalka UK ayaa darawalkiisa oo Soomaali ah u muujiyay naceyb iyo Midab Takoor, waxaana la sheegay inuu ku tilmaamay inuu yahay Addoon Madow. Darawalka oo ah Soomaali British laguna magacaabo Maxamuud Axmed ayaa dacweeyay diblomaasiga, waxaana la sheegay in kadib dacwadiisa Diblomaasiga uu ka codsaday in uu qaato £50,000 oo laaluush ah dacwaddana uu ka laabto. Diblomaasiga u dhashay Qatar ayaa lagu magacaabaa Abdullah Ali Al-Ansari, waxaana ay is qabteen Maxamuud oo ahaa darawalkiisa, taasi oo xiisad dhalisay, waxaana Muwaadinka Soomaaliga ah shaqada laga joojiyay sanadkii 2013. Maxamuud ayaa dhowr jeer isku dayay kiiskan in uu Maxkmadda geeyo, hayeeshee dhowr jeer ay ku celiyeen Maxkamadaha London ilaa maxkamadda racfaanka ay 2015kii amartay in kiiska la gali karo. Darawalka ayaa ku dooday in intii u dhaxeysay 2007dii ilaa 2013kii uu dhowr jeer waxyeello xagga jidhka ah u geystay diblomaasigan markii dambana cay iyo shaqo ka eryid isugu daray. Sheekada Axmed iyo Maxamuud ayaa hadda uun soo shaac baxday,waxaana Maxkamadaha Ingiriiska ay ku hawllanyihiin sidii Maxamuud xaqiisa loogu dhicin lahaa. Diblimaasiga u dhashay Qatar ayaa adeegsanaya qareenno sare, waxaana uu isku dayay in kiiskan uusan gaadhin maxkamadda si hoosana loo dhameeyo. Diblomaasiga ayaa darawal kale u soo dhiibay lacagta, Maxamuudna u oggolaaday in uu shaqada ku laabto, laakiin Maxamuud ayaa sheegay in uusan shaqada ku laabaneyn lacagtana qaadaneyn ilaa uu caddaalad ka helayo. Diblomaasiga iyo safaaradda Qadar ee London ayaa diiday dhamaan eedahaas,waxaana ay Maxkamadda amartay in kiiskan uu sii socdo. Qaran News
  10. Somali president, Mohamed Abdullahi Farmajo paid a visit to officials from Somali national army training in Kambamba military academy in central Uganda on Tuesday. More than 100 officers are undergoing training provided by Ugandan peoples defense forces (UPDF) as part of an effort to help the Somali government rebuild its armed forces. The Somali officers who are set to conclude their training mid this year thanked the president for the rare visit. Somali head of state said he is looking forward to the return of the officers to take part in the joint operation against the armed group al-Shabaab. The president reiterated his government’s commitment to security under his leadership. Mohamed Abdullahi Farmajo is scheduled to present his closing speech at the ongoing Africa peace, integration and economic development in Kampala on Wednesday. View the full article
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Soomaaliya ayaa cabasho ka muujiyay culeys ka heesta marista waddada hormarta Madaxtooyada Soomaaliya kaas oo soo taagnaa mudo ka badan 30 cesho, sida ay Caasimada Online ogaatay Shaqaalahaan ka tirsan Wasaaradaha Dowladda, Xafiisyada Baarlamaanka labada Gole, Dowladda Hoose, Maxkamadaha iyo Ciidamada ayaa sheegay in wixii maqribka ka dambeeyo loo sheegay in aysan mari karin wadadaasi laguna joojiyay amar ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya. Maqribka kadib ayaa marista wadadaasi waxaa loo ogol-yahay kaliya Wasiirada, Baarlamaanka iyo Saraakiisha Sare ee Ciidamada Soomaaliya. Lama oga sababta arrintaan dhalisay balse waxaa la arkayay habeennadii ugu dambeeyay. “Aniga ayaa layga celiyay habeeno badan, barta Control ee Sayidka, iyo Ceel-gaabta, Ciidamadu waxay igu wargeliyeen in habeenkii wasaaradaha laga joojiyay marista wadadaan maxaa yeelay shaqo habeen ma jirto mana la ogola in halkaan la maro”, ayuu yiri mid kamid ah Shaqaalaha Dowladda oo la hadlay Caasimada Online. Sidoo kale waxaa la joojiyay dhamaan marista wadooyinka soo gala Madaxtooyada ee kala ah Dhabarka dambe ee Madaxtooyada ee Fifteen May, Caga Dhiig ama Shimbiraale iyo Wadada horumarta Godka Jilacow ee ka soo dhacda Taalada Daljirka Daahsoon. Ciidamada koofiya casta ee ku sugan barahaas Control ayaa Caasimada Online u sheegay gaari soo galaya ama ka baxaya aysan jirin 2 ka mid ah rugahaasi ciidan, halka mida kale kaliya laga bixi karo. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa hadda kaliya waxaa laga soo galaa kontaroolka Sayidka iyo Ceel-gaabta tan iyo wixii ka dambeeyay Qaraxyadii Madaxtooyada lagu soo weeraray Wasaaradaha amniga iyo Arimaha Gudaha. Markasta oo la wareero Villa Somalia waxaa la sii xiraa wadooyin kale oo markii hore si caadi ah loo mari jiray. Ilaa hadda Madaxtooyada Soomaaliya kama hadlin arintaan, sidoo kale ma jirto wax faah faahin oo ay Dowladda Soomaaliya ka bixisay amarkaan lagu soo rogay wadada horumarta Madaxtooyada Soomaaliya. Shaqaalaha dowladda Soomaaliya waxay aaminsan yihiin in go’aankaan aysan ogayn Madaxda Soomaaliya, waxay ku baaqeen in dowladda Soomaaliya ay ka qaado amarka lagu soo rogay xiliyada habeenkii ah wadadaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Muqdisho (SMN) – Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa ku warramaya in maanta kolonyo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM qarax lagula eegtay halkaasi. Qaraxa oo ahaa nuuaca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa la sheegay in ciidamadaasi lala bartilmaameedsaday, xilli ay marayeen halka loo yaqaano Arbacow oo ka tirsan deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose. Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray ciidanka AMISOM, balse ilo deegaanka ah ayaa sheegay in mid ka mid gawaaridooda uu haleelay qaraxaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada qaraxa lala beegsaday ay ka soo baxeen xero ay ku leeyihiin Arbacow, kuna soo jeedeen M/Muqdisho. Illaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Ceelasha Biyaha oo ku aadan qaraxaasi. Al Shabaab ayaa had iyo jeed weeraro ka fuliya waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article
  13. Garowe (SMN) – Madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa markii labaad maanta guddoomiyay shirka jihaynta siyaasadda xukuumadda cusub, kaas oo ay ka qeyb galeen golaha wasiirada maamulkaasi. Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin nidaamka wadashaqaynta xukuumadda Puntland, habka xalinta khilaaf haddii uu yimaado, illaalinta sharafta , maamul wanaagga iyo tayeynta hay’adaha dowladda. Madaxweyne Deni ayaa muddooyinkan dambe kulamo la qaadanayay golihiisa wasiirada, si loo dardar galiyo howlaha shaqo ee xukuumadda cusub. Sidoo kale waxa uu tan iyo markii xilkan loo doortay Saciid C/laahi Deni maamulkiisu uu waday isbdallo xoogan oo wax looga qabto dhibaatooyinka ka jira deegaanada Puntland. View the full article
  14. Gaalkacyo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaaro geystay oo saaka ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen labo Maleeshiyo Beeleed oo isku heysta dhul ku yaalla waqooyiga magaaladaasi. Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkani ku dhintay illaa saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen lix kale. Taliye ku xigeenka Booliska Puntland Cismaan Xasan Cawke oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ku baxeen xiisadaasi, haatana xaaladu ay dagan tahay. Inta badan waxaa Gaalkacyo ka dhaca iska hor imaadyo u dhexeeya maleeshiyaad hubeyan oo ku wada sugan gudaha magaaladaasi. View the full article
  15. Marka (SMN) – Odayaashandhaqanka Beesha Dabruube Maxamed ayaa eedeyn kulul u jeediyay Xildhibaan Cabdalla Xuseen Cali oo Beeshooda ku matala baarlamaanka Soomaaliya, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/Hoose. Ugu horreyn Nabadoon Maxamed Cadaan Xasan oo ka mid ah waxgaradka ka hadlay madasha ayaa sheegay in ay cabasho ka yihiin Xildhibaanka Cabdalla, oo uu ku eedeeyay in uu kala qeybinayo Beesha. Dhankiisa Nabdoon Abuukar Maxamed Cismaan (Ceel Jaale ) ayaa sheegay in Xildhibaan Cabdalla Xuseen Cali uusan marnaba wax u qaban beesha uu ka soo jeedo ee Dabruube Maxamed, kuna matalo baarlamaanka, balse taasi badalkeeduu garab iyo gaashaan uu unoqday Nabadoon ay Beeshu bedashay, sida uu hadlka u dhigay. Ugu dambeyn Nabadoon Maxamed Cabdi Maxamed oo gabagabadii kulanka hadlay ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay u gudbin doonaan cabashooda, haddii uu xildhibaanku joojin waayo dhibaatada uu ku hayo Beesha gudaheeda. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/War-Dagane-Besha-Dabruule-Maxamed-.mp3 View the full article
  16. Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo kamid ahaa Musharixiintii isku soo taagay doorashadii bilo ka hor ka dhacday Magaalada Baydhabo isla markaasna xabsi ku jiray markii ay Doorashadad dhaceysay ayaa Maanta waxaa xarigiisa sharci darada ahaa kasoo wareegatay 90 Maalin. Haddaba waxaan warbixintaan kusoo koobeynaa Xaaladaha uu soo maray Kiiska Shiikh Mukhtaar Roobow oo hadda ah Maxbuus aan helin caddaaladii uu mudnaa. Is dhiibistii Roobow 13 August 2017 ayaa Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur laga soo dajiyey Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya markaas oo uu isku soo dhiibay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sheekh Mukhtaar ayaa waxaa la socday markii uu kasoo dagayey Garoonka Muqdisho Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed iyo Taliye kuxigeenka NISA Jaamac iyagoo diyaarad Qumaatiga u kacdo ee loo yaqaan Helicopter kasoo raacay Magaalada Xudur. Roobow ayaa lagu qanciyey inuu usoo safro Muqdisho si uu wadahadal ula yeesho dowladda Soomaaliya kadib markii uu ku qanci waayey siyaasadda qalafsan ee Al-Shabaab. Roobow Abuu Mansuur iyo mowqifkiisa Al-Shabaab laba Maalin kadib imaaashiyihiisii Muqdisho 15 August 2017 Roobow Abuu Mansuur ayaa si cad usoo bandhigay mowqifkiisa ku aadan Xarakada Al-Shabaab. Wadaadka ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha caalamka uu u sheegayo inuu ka baxay Al-shabaab. Wuxuu sheegay in 5 ilaa iyo 7-sano ka hor uu ka baxay Al-shabaab, islamarkaana intaasi uu ku sugnaa duurka halkaasi uu kaga dhuumanayay Al-shabaab oo baadi goob ugu jiray. Sheikh Mukhtaar Roobow ayaa u mahad Celiyay Dowladda Soomaaliya ka dib markii ay guulo ku soo dhamaadeen Wadada hadalo mudo u socday. “Anigoo ah Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, kana mid ahaa asaasayaashii Al-shabaab, soona noqday ku xigeenkii madaxa Alshabaab waxaan u cadeynaya dhamaan ummada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka oo dhan qodobada soo socda:- 1- In aan ka baxay xubina ka aheyn ururka Al-shabaab muddo 5 sano iyo 7 bilood ah, sababta aan uga baxayna ay tahay kala duwanaan fahan iyo khilaaf caqiido ku qotoma oo ku saabsan arrimo aanan diinta, dadka iyo dalka u adeegaynin. 2-Waxaan u mahadcelinaya Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda Caalamka kaalintii ay ku lahaayeen in heerkan wax so gaaraan. 3- Waxaan cadeynaya inuu wadahadal noo socdo Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo aan marti ugu ahay magaalada Muqdisho, wadahadal kaasna aan ka fileyno natiijo iyo isfahan wax gal noqda Inshallah. 4-Waxaan mar labaad u mahad celinaya Dowladda Soomaaliyeed , Shacabkeeda iyo Madaxdeeda sida diiran ee la iigu soo dhoweeyay Muqdisho, anaga oo rajo ka qabna inaan u gogol xaarno Nabad waarta Hadalkaan ayaa ahaa mid laga filayey Roobow oo ay horey ugu heshiiyeen isaga iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan. Fikirka Mareyknka kadib is dhiibistii Roobow August 16, 2017 Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Howlgalka Mareykanka ee Somalia ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Mareykanka ay soo dhaweyneyso go’aanka Abuu Mansuur uu ku cadeeyay fikirkiisa. Waxaa qoraalka lagu sheegay in adduunka ay ahmiyad gaara u leedahay isa soo dhiibida Roobow, waxaana sidoo kale mahad gaara loo jeediyay dowlada Federaalka Somalia. Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in dowlada Federaal ay guulo ka gaareyso habka ay kula dhaqmeyso Kooxaha nabadiidka maadaama ay siineyso fursad ay isku soo dhiibaan. Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay is garab taagi doonaan dhammaan shaqsiyaadka kasoo baxay maleeshiyaadka Al-shabaab ee iminka ku jira gacanta dowlada. Muxuu Kheyre ka yiri is dhiibista Roobow? August 31, 2017 , Ra’isul wsaaaraha xukuumada Somalia, Xasan Kheyre ayaa ka hadlay isa soo dhiibida Sheekh Mukhtaar Roobow iyo wadahadalka kala dhexeeya dowlada Federaalka. Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sheegay in Mukhtaar Roobow uu isku soo dhiibay dowlada Federaalka, isla markaana ay magaalada Muqdisho kasoo dajiyeen ciidamo ka tirsan dowladda. Waxa uu Kheyre beeniyay wararka sheegaya in Mukhtaar Roobow ay magaalada Muqdisho keeneen ciidamo cadaan ah, waxa uuna qiray in howsha Roobow ay tahay mid khuseysa keliya DFS. Sidoo kale Kheyre wuxuu carabka ku dhuftay inuu weli socdo wadahadalka Mukhtaar Roobow kala dhexeeya dowlada Federaalka, isla markaana uu aad ugu rajo weyn yahay in xal laga gaaro wadahadalka socda. Wuxuu sheegay Ra’isul wasaaraha dalka in markii uu soo idlaado wadahadalka ay kula jiraan Mukhtaar Roobow ay warbaahinta la wadaagi doonaan wixii natiijo ah ee kasoo baxa, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu intaa raaciyay in DFS ay ka faa’ideysan doonto Roobow khibarada uu u leeyahay arrimaha amniga iyo sidii looga qaadan lahaa fursada uu u leeyahay in dalka oo dhan amni laga dhigo. Sidoo kale, Kheyre ayaa cadeeyay in DFS ay ka dhabeyn doonto go’aankii ahaa inay cafin doonto Al-shabaabka isku soo dhiiba, maadaama uu khalad ka dhaco bani’aadamka. Dowladda Soomaaliya iyo Roobow oo heshiiyey Dowladda Soomaaliya iyo Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa heshiis wada gaaray, waxaana ugu dambeyn lagu heshiiyey in Roobow xuriyadiisa la siiyo isla markaasna uu dalka joogo isagoo xor ah. Inkastoo aan la helin waxyaabaha rasmiga ah ee lagu heshiiyey oo ahaa kuwa qarsoodi ah, haddana gadaal dambe markii Roobow Baydhabo laga soo xiray waxaana dib u kashifay Wasiirkii hore Gaashaandhigga Cabdirashiid oo la hadlay VOA. Al-Shabaab iyo mowqifkeeda Roobow Cali Dheere oo soo diray fariin la dhageysan karo muddo 38 daqiiqo iyo 56 ilbiriqsi ah, ayaa sheegay in mowqifkooda uu yahay mid cad. Cali Dheere ayaa sheegay in al-Shabaab iyo Wadaadka Muqtaar Rooboow uu ka dhaxeeyay khilaaf mudo soo jiray kaas oo ku saabsan xagga caqiiqada. Cali Dheere waxa uu sheegay in khilaafka markiisa hore uu ahaa mid ka bilowday taageero uu Roobow u muujiyay Hay’addaha Gargaarka ee howlaha Samafalka ka fuliya Soomaaliya balse ay Shabaab si weyn u diidan yihiin isaga oo sheegay in kulamo qarsoodi ah uu la qaadanayay Hay’adahaasi. Cali Dheere waxa uu sidoo kale sheegay in Roobow uu gacan midig u ahaa Dowladaha Shisheeye oo ay Al-Shabaab u arkaan cadawga kusoo duulay Somalia, hase yeeshee uu Roobow ahaa mid ku adkeysanaayay rabitaankiisa. Waxa uu tilmaamay in Roobow uu isku dayay in uu laba u kala qeybiyo Shabaab balse ay taasi kasoo horjeesteen sidaana uu ku bilaabay wadahadalka dowlada Somalia ee ugu danbeyntii sababay inuu u goosto. Waxa uu tilmaamay in Roobow uu ka shaqeyn jiray sida loogu hogaansami lahaa amarada qaar ee ka imaanaayay Beesha Caalamka kuwooda jooga Somalia. Wuxuu intaasi ku daray in Muqtaar uu marar badan isku dayay shirqoolo isagoo la jooga Al-shabaab sida isku daygii ugu dambeeyay ee uu ku baxay balse ay Shabaab ay uga hor tageen sidii loogu tala galay. Roobow oo Xaalad caadi ah galay Kadib heshiiska ay wada galeyn dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, waxaa suurta gashay inuu Roobow xor u noqdo inuu tago meel kasta oo ka tirsan Soomaaliya, wuxuuna booqday Baydhabo, Xudur, Kismaayo iyo Sacuudi Carabiya halkaas oo uu Cimro u aaday. Markaas kadib Roobow ayaa loo soo bandhigay qorshooyin ku aadan inuu isku sharaxo Doorashada Koonfur Galbeed oo ay markaas ka dhimaneyd bilooyin badan, wuxuuna go’aan ku gaaray inuu isku soo taago maadaama ay u muuqatay fursad weyn oo uu xilkaas ku heli karo. Dowladda Soomaaliya oo markii hore fasaxday Roobow ayaan wax hadal ah kasoo saarin booqashooyinka iyo Xaaladaha caadiga ah oo uu galay Roobow, sidoo kalana kama aysan hadlin Ololaha uu waday Roobow ee uu ku doonayey inuu isku sharaxo Doorashada Koonfur Galbeed waxaana muuqatay inay Dowladda Soomaaliya ku qanacsaneyd inuu Roobow xilkaas isku soo sharaxo. Roobow oo isku sharxay madaxweynaha K/Galbeed October 04, 2018: Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansoor, ayaa magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay kaga dhaawqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed. Roobow, ayaa mar soo noqday hogaamiyaha labaad ee ururka al-Shabaab, waxaana madaxiisa saarneyd lacag uu dul dhigay Mareykanka inkastoo markii dambe laga saaray Liiska Argagixisada. Roobow ayaa ka mid noqday murashixiin ilaa iyo 10 gaaraya oo ku baratamayey doorashada Koonfur Galbeed oo ka dhacday Baydhabo. Dowladda oo Roobow u diiday inuu is sharaxo October 5, 2018, War qoraal ah oo kasoo baxay wasaarada amniga xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur aanu ka qeyb gali Karin doorashada madaxweynenimo ee ka dhacday maamulka Koonfur Galbeed . Qoraalka ayaa loo cuskaday in Roobow aanu buuxin shuruudihii looga qaadi lahaa Cunaqabataynta Caalamiga ah ee saarnayd tan iyo markii uu isku soo dhiibay dowlada federaalka taasina ay ka reebayso in uu u tartamo doorashada Koonfur galbeed. Roobow oo qaatay shahaadada musharraxnimada KGS November 5, 2018 , Musharaxii ugu horreeyay ee isdiwaangaliya ayaa waxaa noqday Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo horay dowladda Soomaaliya ay ugu diiday in uu ka qeyb galo doorashadda Madaxtinimada Soomaaliya. Dowladda oo heshiiskii uga baxay Roobow iyo C/rashiid oo kashifay October 9, 2018 , Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga C/rashiid C/llaahi Maxamed, oo ahaa ninkii Muqdihso keenay Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, ayaa ka hadlay dooda dowladda ay gelisay musharaxnimada Rooboow. Dowladda, ayuu ku dhaliilay iney Rooboow uga baxday balamo ay wada galeen, taasoo qeyb ka eheyd inuu isu sharixi karo doorashada Baydhabo ka dhacday. C/rashiid Cabdullahi Maxamed oo ahaa shaqsigii bilaabay wada hadalka dhexmaray dowladda federaalka iyo Sheekh Muqtaar Roobow ayaa sheegay qaabkii loo balamay in badan oo ka mid ah in dowladda dhankeeda uusan ka fulin. Wuxuu sheegay qodobada la isku afgartay ee dhanka dowladda uu ka fuli waayay inay ka mid aheyd in si wadajir ah oo dalka iyo dadka dano ah lagu wada hawlgalo, balse arrintaasi iyo kuwa kaleba ay dowladda ka baxday. “Muqtaar Shabaab mar hore ayuu ka baxay, warkiisana wuu cadeeyay, dagaallo lala galay Shabaab wiilkiisa C/laahi ayaa kaga geeriyooday, marin habaabin ayaan u arkaa in Muqtaar markale lagu tiriyo Shabaab, dano siyaasadeed ayaa laga leeyahay arrintan”. ayuu yiri wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya oo la hadlay VOA-da. Sidoo kale wuxuu qiray intii uu wasiirka ka ahaa wasaaradda gaashaandhigga in lagu balamay Shabaab intooda ku haboon in wadahadal lala galo, inta kalena dagaal toos ah lagu qaado, balse dowladda ayuu ku tilmaamay inay arrimahaasi meel iska dhigtay oo ay ku mashquushay siyaasadda maamul goboleedyada iyo doorashooyinka 2020-ka. Guddiga doorashada KGS oo go’aan ka gaaray musharaxnimada Roobow November 1, 2018 Guddiga doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Baydhabo ee Xarunta maamulkaas ayaa ansixiyey illaa seddex qosob oo xasaasi ah. Guddiga ayaa si cad u sheegay in Mukhtaar Cabdiraxmaan Robow Abuu Mansuur uu u tartami karo doorashada Madaxweynenimo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin wax sharci ah oo u diidi kara. Roobow oo Baydhabo laga afduubtay Markii la arkay Saameynta uu leeyahay Roobow Abuu Mansuur, Dowladda Soomaaliya waxaa ku dhalatay go’aan ah in la xiro Roobow maadaama aan awood kale lagu celin karin waxayna dowladda Soomaaliya wadatay musharaxa hadda laga dhigay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Lafta Gareen. December 13, 2018, Roobow Abuu Mansuur ayaa laga soo afduubtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed . Ilo ku dhow Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa sheegay in xariggiisa uu ahaa qaab shirqool ah oo laga soo shaqeeyey, waxeyna xaqiijiyeen in ciidamada Ethiopia ee ku sugan magaalada Baydhabo ay ka dambeeyeen falka lagu xiray Abuu Mansuur. Waxaa ay sheegeen in Mukhtaar uu ka mid ahaa musharrixiinta Koonfur Galbeed oo lagu ballamiyay Madaxtooyada maamulkaas. Inta badan Musharrixiinta madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaa ballamiyay C/Qaadir Shariif Sheekhunaa, oo ahaa ku simaha Madaxweynaha sidoo kalena ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed. Qof ka mid ah Xogheynta Abuu Mansuur ayaa sheegay in iridda madaxtooyada markii uu marayay lagala degay gaariga, kaddibna halkaas lagu jir dilay lana ka xeystay. Rabshado ka dhacay Magaalada Baydhabo iyo shacab la laayey: December 14, 2018: Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamul goboleedka Koonfur Galbeed iyo tobaneeyo dad shacab ah ayaa ku dhintay kaddib mudaharaadyo rabshado wata oo ka dhacay magaalada Baydhabo. Goobjoogayaal ayaa VOA-da u sheegay in geerida xildhibaan C/shakuur Yacquub Ibraahim ay timid kaddib markii ay ciidamada amniga maamulka Koonfur Galbeed isku dayeen in ay rasaas ku kala eryaan dadkii mudaaharaadayay. Wariyaha VOA-da ee magaalada Baydhabo ayaa sheegay in mudaaharaadyada ay soo abaabuleen shacabka Baydhabo oo kasoo horjeedo Xariga Shiikh Mukhtaar. Dadka ayaa dalbanayay in si dag dag ah xorriyadiisa dib loogu soo celiyo Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur oo ay magaalada Baydhabo ku xireen ciidamo Itoobiyaan ah, loona gudbiyay magaalada Muqdisho oo uu hadda ku xiranyahay. Dowlada Soomaaliya ayaa ku eedeysay inuu jebiyay qodobo lagula heshiiyay marki uu isu soo dhiibayay dowladda Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin inuu ka tanaasulo isla markaana cambaareeyo falalka xagjirnimada ah iyo inuusan ku dhaqaaqin falal liddi ku ah dowladnimada Soomaaliya. Roobow ayaa laga saaray liiska musharixiinta KGS December 16, 2018, Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ayaa shaaciyey in Mukhtaar Roobow laga saaray liiska musharixiinta, kadib markii ay xirtay dowladda Soomaaliya. Mukhtaar Roobow ayaa ka mid ahaa musharixiinta buuxiyey shuruudaha Guddiga Doorshada, isagoo laba jeer la guddoonsiiyey Shahaado musharxnimo, wuxuuna bixiyey lacagta is-diiwaangelinta oo dhammeyd 20,000 Doolar. Beesha caalamka oo soo saaray qoraal ka dhan ah xariga Roobow iyo dilkii Shacabka December 31, 2018, Wakiilkii hore ee xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa qoraal xasaasi oo ka dhan ah habkii loo fuliyey xariga Mukhtaar Roobow iyo dadkii lagu dilay Baydhaba u diray dowladda Soomaaliya, isaga oo ka wakiil ah beesha caalamka. Qoraalka oo ku socday wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay gaysteen xadgudubyo ka dhan xeerarka xuquuqda aadanaha QM, islamarkaana maadaama QM ay bixiso mushaarka ciidamada qeyb ka mid ah, ay qasab tahay inay arrintan jawaab u raadiso. Waxaa qoraalka lagu sheegay in xadgudubyada ay ciidama gaysteen ay ka mid tahay dilka 15 qof oo shacab ah kuwaas oo ayaga oo dibadbaxaya lagu dilay magaalada Baydhaba 13-kii iyo 14-kii December, ayna jiraan caddeymo muujinaya xadgudubyadan. Haysom ayaa qoraalka ku sheegay in dastuurka Soomaaliya uu dhigayo in ciidamada Soomaaliya ay xushmeeyaan xeerarka dalka iyo xuquuqda aas-aasiga ah ee bani’aadamka. Waxa uu dowladda ka dalbaday inay deg deg jawaab uga soo bixiso dhowr su’aalood oo ay ka mid yihiin 1 – Maxaa sharci ah oo loo adeegsaday xariga Roobow? 2 – Ciidankee ka tirsan kuwa Soomaaliya oo fuliyey xariga, kaalin intee la eg ayaysan ku lahaayeen ciidamada Itoobiya? 3 – Muxuu yahay sharciga loo adeegsaday in cafis loo fidiyo Roobow, maxayse ahaayeen shuruudaha lagula heshiiyey? 4- Maxaa tallaabo ah oo la qaaday si lo helo amar xabsiga lagu sii haayo Roobow, wax ka baxsan 48-ka saac ee xeerka dambiyada Soomaaliya? Roobow weli waa xiran yahay Maanta oo ay taariikhda tahay 13 March oo ay kasoo wareegatay Xarigii Roobow 90 maalmood, weli wuxuu ku jiraa Xabsi ku yaal Magaalada Muqdisho. Aaway Ballan qaadkii Mursal iyo Lafta Gareyn January 22, 2019, Afhayeenka Gollaha Shacabka Baarlamaanka Somalia oo magaalada Baydhabo kula kulmay Odayaasha dhaqanka ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa wacad ku maray in lasoo dayn doono Mukhtaar Roobow. “Waxaan adiin balan-qaadayaa in Mukhtaar Roobow lasoo deyn doono,” sidaasi ayuu Mursal u sheegay Odayaasha uu kula kulmay magaalada Baydhabo. Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa sheegay in rajada ay ka qabaan tani ay tahay mid meel fiican mareysa, inkasta oo uu xusay inay jiraan su’aalo badan oo horyaala oo ku saabsan mustaqbalka Roobow. “Waa lasoo dayn doonaa Mukhtaar…laakiin, miyuu qayb ka noqonayaa dowladda mise Bakaaro ayuu guri ka degayaa…waa arrimaha aan kawada hadleyno,” ayuu Mursal u sheegay wariyaasha kadib kulankaasi. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu daboolka ka qaaday in xariga Afhayeenkii hore ee kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ay dowladdu kala kulantay dhaleecay ka timid Beesha Caalamka, taasi oo ku noqotay waydiimo ku foorarta. “Wakiilkii Qaramada Midoobay [Haysom oo ay dowladu fiijisay] wuxuu xilkiisa ku waayay arrinta Roobow,” ayuu Afhayeenka hadalkiisa raaciyay, isaga oo muujinaya sida ay saaxibada caalamka uga soo horjeedaan. “Aniga iyo Laftagareen [Madaxwaynaha Koonfur Galbeed] waxaa nahay kuwa ay eegayaan dadka gobolkaan kasoo jeeda, hadii aan soo dayn wayno Mukhtaar kuraasta aan ku fadhino waa wax kale,” ayaa laga soo xigtay Mursal. Aaway Magdhowgii Shacabkii lagu laayey Baydhabo? Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mursal ayaa sheegay inay madaxda ugu sareyso dalka ballan qaadeyn inay magdhow ka bixinayaan dadkii lagu laayey magaalada Baydhabo intii lagu guda jiray olalaha doorashada oo ay gacma-gacmeysay xukuumada. Ma jiro illaa hadda magdhow laga bixiyey dadkii lagu laayey Magaaladaas inta laga warqabo sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka tirsan eheladii dadkii la laayey. 3 sabab dartood, Mukhtaar Roobow waa in la difaacaa Muwaadin kasta ee Soomaaliyeed oo aaminsan Sarreynta/Talinta Sharciga kana soo horjeeda Sarreynata/Talinta Qofka waxaa waajib ku ah inuu difaaco Mudane Sheikh Mukhtar Roobow sababaha hoos ku qoran: Warsaxaafadeedka Wasaaradda Amniga wuxuu caddeynaya in DF ay ku xadgudubtay Xuquuqda iyo Xuriyadda muwaadin Mukhtar Roobow (xitaa haddii uu yahay eedeysane) marka la fiiriyo qodobbada kala ah 15 (Xorriyadda iyo Nabadgelyada qofnimada), 33 (Go’aanno maamul oo cadaalad ah) , 34 (Xaqa Dacwada iyo Is difaaca) , 35 (Xuquuqda Eedeysanaha) ee Dastuurka KMG. Qodobbadaas ayaa ilaalinaya difaacayana xuquuqda iyo xorriyada Mukhtar Roobow iyo muwaadin kasta. Muwaadinku wuxuu xaq u leeyahay inuu diido xadgudubka DFS. Haddii Shacabku ka aamuso xadgudubyada DF, waxa galaya halis nabadgelyada, xasillonida, iyo horumarka dalka Soomaaliyeed. Wax garadka Soomaaliyeed waa inuu wax ka arkaa daaha gadaashiisa oo aan lagu khaldin sheekooyin dhalanteed ah, afminsharnimo, iyo been. Horumarka dalka wuxuu ku jiraa runta, kumana jiro beenta iyo musuqmaasuq. Waa fadeexo wax garad ku doodaya in musuqmaasuqa DF la qariyo si adduunka wax noo siiyo, kaddibna la musuqmaasuqo. Sheikh Mukhtar Roobow wuxuu ka mid ahaa Madaxda Ururka Maxaakiinta Islaamka, kaddibna wuxuu ku biiray Al Shabab oo uu ka soo goostay 2013. Dowladda Mareykanka ayaa 2012 madaxiisa saartay abaalmarin dhan 5 Milyan doolar si loo soo qabto ama loo soo sheego meesha uu joogo si loo khaarijiyo. Roobow wuxuu muddo 4 sano ku dhex noolaa deegaanka Koofur Galbeed, halkaaso ay ku difaacayeen ciidammo daacad u ah. Dhowr jeer ayaa Ciidammo ka tirsan Al Shabab soo weerareen, isla markaana ka badbaaday baadi goobkii Dowladda Mareykanka. 2017 ayaa Dowladda Mareykanka ka qaaday lacagtii abaal marinta aheyd, taaso albaabka u furtay in DGKG iyo DF soo dhoweeyaan Sheikh Roobow si heer sare ah, kana mid noqdo xubnihii ka soo goostay Al Shabab oo xilal xasaasi ah ka haya hay’adaha nabadsugidda iyo Garsoorka DF. Gebagabo Roobow Weli Cadaalad ma helin! Roobow Abuu Mansuur ayaa 90 cisho si sharci darro ah ugu xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya maadaama aan lagu soo xirin waraaq maxkamadeed isla markaasna aan weli la hor geyn Maxkamad iskaba daaye uu ku xiran yahay meel gaar ah. Dadka Koonfur Galbeed waxay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka uga fadhiyaan inuu Cadaalad helo Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ah Muwaadin Soomaaliyeed oo badalay kana soo laabtay fikirkii Al-Shabaabnimo. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, Minnesota Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  17. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib Safaro shaqo uu ku kala tagay dalalka Jordan iyo Turkiga. Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha shacabka, Mahad Cabdalla Cawad iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha ayaa soo dhaweeyay Guddoomiyaha iyo wafdigiisa. Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa Dalka Jordan kaga qeyb galay Shirka 29-aad ee Midowga Baarlamaanada Carabta, isagoo Khudbad uu ka jeediyay madaxda Baarlamaanada Carabta ugu sheegay in Soomaaliya horumaro dhinacyo badan leh ay sameysay, inta dhimanna Shacabka iyo Dowladoodda oo iskaashanaaya ay si wadajir ah u dhameystiri doonaan. Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in Dalalka Carabta iyo kuwa Gobolka looga baahan yahay in si wadajir ah ay u wajahaan ciribtirka Argagaxisada si looga hortago qataraha iyo xasuuqa ay ku hayaan shacabka. View the full article
  18. Baydhabo (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo afar gaaraya oo barqanimadii maanta ka dhacay deegaanka Koof-Gauud Buurey oo 30 KM galbeed ka xiga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaraxyada oo ahaa kuwa miinooyin ah ayaa waxaa la sheegay in lagu Aasay suuq Xoolaha Nool lagu iibiyo oo ku yaalla deegaankaasi. Wararkaqaar ayaa sheegaya in marka ay qaraxyadu dhacayeen suuqu uu ahaa mid mashquul badan, islamarkaana ay ku sugnaayeen dad badan oo shacab ah. Afhayeenka maamalka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Abuukar Gacma ayaa Shabelle u xaqiijiyay in qaraxyadani ay ku dhinteen illaa shan Qof, kuna dhaawacmeen 40 kale, kuwaas oo dhammaan ahaa dad rayid ah. Sidoo kale Afhayeenka ayaa xusay in dadka dhaawacmay loo soo qaaday magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka K/ Galbeed Soomaaliya. Dhinaca kale Nuuradiin Gacma ayaa ka warbixiyay socdaal uu madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta Gareen maanta ku tagay degmada Diinsoor ee gobolka Baay. Socdaalkan ayaa waxa uu sheegay in madaxweynuhu ay ku wehlinayaan Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan DFS, kuwaas oo u kuur galaya xaaladaha degmadaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/COd.mp3 View the full article
  19. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-13032019.mp3 View the full article
  20. (SLT-Ankara)-Ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa maanta madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ugu yeeray “Kaligii taliye” iyo “khiyaali” ayada oo mar kale labada hoggaamiyo ay aflgaado is-dhaafsadeen. Turkey ayaa talaadadii ku cambaareysay Netanyahu “Cunsurinimo cad” kadib markii Israel uu gu yeeray dal ay leeyihii “Dadka Yahuudda ah” oo kaliya, oo aysan muwaadiniinta kale waxba ku lahayn. “Sida ku cad xeerka muwaadinnimada dalka ee aan ansixinay Israel waa dal Yahuudeed oo kaliya” ayuu Netanyahu ku yidhi qoraal uu soo dhigay barta Instagram. Afhayeenka Erdogan, Ibrahim Kalin ayaa hadalkaas ka jawaabay, wuxuuna qoraal uu soo dhigay Twitter ku yiri “Waxaan cambaareynayaa cunsurinimadan cad iyo midab sooca” Netanyahu ayaa u jawaabay Kalin isaga oo yiri “Kaligii taliyaha Turkiga ee Erdogan, wuxuu weeraraa dimoqraadiyadda Israel, halka suxufiyiin iyo garsooreyaal ay ka buxaan maxaabiistiisa” ayuu yidhi Netanyahu. Labada hoogaamiye ayaa hore dhowr jeer sidan oo kale isku dhaafsaday hadallo kulul, ayada oo Erdogan uu yahay mid ka mid ah hoggaamiyayaasha fara ku tiriska ah ee dalalka Islaamka ee inta badan cambeereeya Israel. Source
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng: Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in lagala noqday dukumintiyo loo sameeystay dhul ay ciidamadii Badda ku lahaayeen degmada Cabdulcasiis ee magaalada Muqdisho. Xeer uu soo saaray guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in dhulkaasi hore u ahaa dan guud haatana la doonayo in caasimada laga dhigo mid la tartanto caalamka. Eng Yariisow ayaa hay’adaha dowlada Federaalka waxa uu ku wargeliyay in ay joojiyaan dhulalka ay bixiyaan,kadib markii ay dowlada u wakiilatay maamulka Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho in uu Mas’uul ka yahay dhul bixinta iyo fasaxyada. Waxaa Xarunta la amray in laga baxo dagan Taliyaal Ciidan, Senateero, Wasiiro hore, iyo Cali Maxamed Geedi oo soo noqday Ra’isulwasaare. Sidoo kale waxaa dagan Siyaasiyiin, Ganacsato, Diplomaasiyiin iyo Dad Mas’uuliyiin ah, waxaana la filayaa inay dhammaan isaga baxaan halkaas. Haddaba halkaan hoose ka akhriso Liiska Madaxda dagan Ex-Marino 1 – Taliyihii hore ee Ciiddanka Badda, Admiral Madey Sheekh Nuurey Ufurow 2 – Senator Muse Suudi Yalaxow 3 – Wasiirki hore ee Gaashaandhigga, Jenral C/qaadir Diini 4 – Ra’iisul wasaarihi hore, Prof. Cali Maxamed Geeddi 5 – Taliyihii hore ee Ciiddanka Badda, Admiral Faarax Axmed Cumar “Faraax Qare” 6 – Taliye xigeenkii hore ee Ciiddanka NISA, C/qaadir Maxamed Nuur “Jaamac” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Somalia is seeking the services of a Nairobi-based currency expert seconded by the International Monetary Fund (IMF) as it looks to issue a new currency to replace its widely counterfeited shilling. The Horn of Africa state has not issued official currency notes since 1991 and is banking on a Sh4.1 billion ($41 million) donor-funded currency reform plan to phase out the counterfeit notes that account for more than 90 percent of the money in circulation in the country. The lack of a genuine currency and payments system has made it difficult for Kenya’s eastern neighbour to do business. The country has been facing civil strife since the collapse of its central government in January 1991 but is now beginning to reform its governance under the federal government. Mogadishu told an IMF review team in a meeting last month in Nairobi that its central bank had endorsed the framework for the issuance of new currency and identified committee members who will support the process. “As soon as the administrative framework for the project fund is set up and the project funding is fully covered, we expect the IMF to assist us with a currency expert based in Nairobi to provide direct support to the Central Bank of Somalia and the currency reform project manager,” the government told the IMF. “We have stepped up efforts to reach out to donors to raise the needed funds ($41 million) for this project and also reached out the World Bank for assistance on the project fund’s administration.” The first phase of the reform plan will see the Somalia government print 752.5 million new notes — starting with small denominations — which it will then exchange for the counterfeit Somali shilling notes currently in circulation. The new currency will also allow the Central Bank of Somalia to build up a reserve buffer in its own currency as it looks to set up a central payment system and strengthen regulation of the country’s banking sector. In the second phase of the currency reforms, Somalia will print larger denomination notes and development of independent monetary policy instruments and reserve management guidelines. Source: Business Daily Africa
  23. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka ayaa waxa ay soo saartay Wareegto uu ku saxeexan yahay wasiirka wasaaradda Cabdillaahi Abokor Cismaan, taasi oo lagu sheegayo in qiimo dhimis lagu sameeyay sumada gaadiidka ee la bedelay. Haddaba aqoonyahan Yaasiin Calase oo ka mid dadka aqoonta durugsan u leh dhaqaalaha waxna ka dhiga Jaamacadaha dalka ayaa si cilmiyaysan u naqdiyay warqadaa uu soo saaray wasiirku, waxaanu si cad u baayaamiyay in aan wasiirku xaq u lahayn tallaabadaa uu qaaday. Aqoonyahan Yaasiin Calase ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka waxa uu ku yidhi “Lacagta khidmada ah ee ay dawladu qaada sida lacagta samaynta baasaboradda, liisamadda, sumada gadiidka iyo waxii lamidka ah miyaa qiimo dhimis lagu samayn karaa? (Discount) Hadiise cashuurta ama khidmada/fee wax laga daynaayo yay tahay in ay samayso ma Wasaaradda Maaliyadda? mise wasaaradda lacagta lagu qabanaayo? Sida lacagta sumadda gadiidka oo lagu qabanaayo wasaaradda gadiidka laakiin ay qaadayso oo uruursanay Wasaaradda Maaliyadu gaar ahaan waaxda cashuuraha barigu. Mise labadooda midna wax ka badal ah oo kor dhin iyo dhimis toona masamayn karaan ee intii golaha wakiiladu ansixiyeena ayaa la qaadaya ama golaha ayaa dib looga ansixinaya? Dawladii Tukaan nin leeyahay oo marna qiimaha uu kordhinaayo marna qiimo dhimis samaynaayo ayay inaga noqotay. “Ma macdaar nin qudhii leeyahay mandhow qarankeenu? Abees.” Halkan hoose ka akhriso warqada uu soo saaray wasiirku Source
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka Arbacoow oo ay Saldhig ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in jugta qaraxa lag maqlay deegaanka Ceelasha Biyaha iyo deegaanada ku dhow, isla markaana lala eegtay kolonyo ay la socdeeen Ciidamo ka tirsan AMISOM oo ka yimid dhinaca deegaanka Arbacow. Qaraxa kadib ayaa Ciidamadu waxa ay fureen, waxaana weli la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxa lala eegtay Ciidamada AMISOM iyo rasaasta ay fureen intaba. Waxaa hakad galay isku socodka dadka iyo Gaadiidka, iyada oo Ciidamada AMISOM ay xireen wadada soo gasha iyo tan ka baxda goobta uu qaraxa ka dhacay. Deegaanada lu yaalla Duleedka Magalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan qaraxyo lagula eegtaa Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM xilliyada ay ku socdaalayaan,waxaana khasaaro kasoo gaartaa Ciidamada iyo dadka Shacabka ah ee maraya halka ay qaraxyada ka dhacaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com