Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,672
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Boosaaso (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo ayaa sheegay in lahaansho aysan ka muuqan magaalada Boosaaso xili maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen dilal qorsheysan. Waxa uu sheegay in marka la eego magaalooyinka kale Puntland ay ka muuqdaan lahaansho la xiriirta u turid iyo ka shaqeyn amni balse Boosaaso aanay ka muuqan cid lahaanshaha awgeed uga shaqeeya horumarkeeda iyo sugidda amnigeeda. Sidoo kale Gudoomiye Dhedo ayaa sheegay in uu necbaystay magaca Boosaaso xili marar badan uu xumaaday amnigeeda taasoo uu sheegay in ay ku badatay weydiimo la xiriirta xaalada guud ee magaalada Boosaaso. Mar aan tagay magaalada Garoowe Waxaan necbeystay ereyga Boosaaso qofwalba wuxuu ileeyahay gudoomiye Boosaaso kawaran waa baryo xoogaa wax ka siyara noqdeen anna boog bay igu noqotay waan kasoo cararay hadeer oo aan amnigii hagaagijinay leyn kale baa soo baxay oo ah in masaajidadii aan lagu badbaadayn marka magaaladan waxaa ka maqan lahaanshihi Si kastaba hadalka gudoomiyaha gobolka Bari ayaa dad badani siyaabo kal duwan u fasirteen iyadoo hadalkanna uu kusoo beegmayo xili falal amni darro ay ka dhacayeen maalmihii lasoo dhaafay magaalada Boosaaso. Hoos ka dhageyso codka Dhedo https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/Gudoomiyaha-gobolka-Bari-2.mp3Caasimada Online Xafiiska Boosaaso caasimada@live.com
  2. DP World Berbera has achieved another milestone for Somaliland, commissioning the first Mobile Harbour Cranes,MHCs, at the Port of Berbera this month. The introduction of the MHCs is a landmark development by DP World Berbera, as the port will for the first time offer shoreside crane support, substantially improving vessel operations. The USD12 million investment on the three new cranes will double productivity at the port, significantly reducing vessel turn-around time and stabilising operations during monsoon season as well as providing safer and more secure conditions at the port. Suhail Al Banna Chief Executive Officer and Managing Director of DP World Middle East and Africa, said: “The three mobile harbour cranes currently being commissioned are strategically important for the development of the Port of Berbera. They will enable more ships to be served at and ultimately increase the flow of trade to both the country and the region. As construction work for the expansion of the port progresses, we are witnessing a transformation in the capacity of this major infrastructure asset, benefiting people both here and across the Horn of Africa. DP World Berbera provides an effective alternative gateway to international markets and is proving beneficial to the people of Somaliland.” The investment in the new cranes is the latest in a series of improvements to the Port of Berbera. Since 2017 DP World Berbera has introduced state-of-the-art container handling equipment, vehicles and systems as part of its push to modernise the historic port. In 2019, DP World also launched the Zodiac Terminal Operating System, Oracle Finance System, and Maximo Enterprise Asset Management System to deliver faster and better services for shipping lines. DP World Berbera staff are being trained to operate the cranes in Dubai as part of the local talent development program that provided training to more than 2,700 Somalilanders in 2018. Source WAM Qaran News
  3. Kooxaha u soo baxay Champions league-ga. Kooxaha reer Ingiriis ee Liverpool, Manchester United, Manchester City iyo Tottenham ayaa u soo baxay wareega siddeed dhamaadka tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions league-ga. Waxaa tartankan ku weheliya kooxaha reer Ingiriis afarta kooxood ee kala ah Barcelona oo Isbaanash ah, Juventus oo Talyaani ah, Ajax oo Holland ah iyo FC Porto oo Burtiqiis ah. Kooxda Liverpool ayaa caawa kulankii lugta labaad ee wareega 16-ka cashar u dhigtay Bayern Munch oo marti loogu ahaa garoonkeeda Allianz Arona, kadib markii ay 3-1 ugu awaad sheegatay. Sadio Mane ayaa labo kamid ah dhaliyay goolasha Liverpool, sidoo kale Virgil Van Dijk ayaa goolka kale ku muujiyay doorkiisii aan la ilaawin karin ee uu Liverpool ku yeeshay, halka Bayern heshay gool kaliya oo uu Matip iska dhaliyay. Liverpool 3 Bayern 1 Kooxda Liverpool oo kamid ah kooxaha aadka looga cabsado marka la joogo Champions League-ga ayaa sanadkii hore tagtay kama dambeys, inkastoo aysan ku guuleysan. Dhanka kale kooxda Barcelona ayaa lugta labaad wareega 16-ka ee tartanka caawa garoonkeeda Camp Nou ku xasuuqday kooxda reer Faransiis ee Lyon, kadib markii ay 5-1 ugu awood sheegatay. Lionel Messi ayaa labo kamid ah goolasha Barcelona dhaliyay, halka Coutinho, Ousmane Dembele iyo Gerard Pique ay min hal gool dhaliyeen. Weeraryahanada Barcelona Kooxda Barcelona ayaa sanadkii 12-aad oo xiriir ah soo gaartay wareega siddeed dhamaadka tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions league-ga. Siddeeda koox ee u soo baxay wareega siddeed dhamaadka tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions league-ga ayaa 15 bishan Maarso maalinta Jamcaha loo sameyn doonaa isku aad. PUNTLAND POST The post Ingiriiska oo wacdaro ka dhigay koobka kooxaha Yurub appeared first on Puntland Post.
  4. Sifooyinka Siyaasiga iyo Saameynta Siyaadda Wasiir Ahmed M. Seed? Qalinkii: Abdirashiid Yoonis Hagar. Qalinkii: Abdirashiid Yoonis Hagar. Qormaddii 2aad. Salamullahi Calaykum dhamaan Shacabweynaha reer Somaliland meel kasta oo aad kala joogtaan waxaan go’aansadey in aan idiin iftiimiyo siyaasada Wasiir Ahmed Moumin Seed iyo doorka uu ku leeyahay gobolka Awdal ee uu ka soo jeedo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Mudane Ahmed Moumin Seed. Waxaan is dul taagayaa qof noocee ah ayay reer Somaliland ka aaminsan yihiin Wasiir Seed maxaase lagu xasuusan doonaa marka uu ka dago jagada Wasiirnimo ee uu haatan hayo. Waxan ku eegeynaa qodobadan soo socda: Wasiir Seed waa boog madow oo ku taala qaranka JSL Wasiirku wuxuu ku mashquulsan yahay khilaafka iyo iska horkeenka Beelaha walaalaha ah ee deegaanku mideeyey. Kicinta shacabka iyo Dawlada oo uu mar kasta isku dayo in uu fashiliyo xukuumada ugubka ah ee sanad jirsatey ee JSL. Fashilkii wax soo saarkii iyo balan qaadyadii madaxweyne Biixi wakhtigii ololaha lagu jirey oo ahayd in cuntada dalku iskaga filnaan doono sanadka ugu horeysa 30% balse taasi dhicisowdey iyada oo masuulayadeeda uu leeyahay Wasiir Seed. Qancinta iyo cadaalad u helida Beelaha Habar Cafaan oo uu sii kala kexeeyey maantana maraya heerkii ugu hooseysey abid, waxaana Beesha yimid kala shiki iyo kalsooni daro uu aabo u yahay Wasiir Seed. Hadaba akhriste qodobadaas aan kor ku xusney waxaa ku sifoobey Wasiirkii ugu tamarta daran xukuumada Muuse Biixi Cabdi. Wasiirku waxaa uu markasta ku mashquulsan yahay siduu saaxaafda u marin lahaa hadal iyo wax qabad been abuur ah oo lagu marin habaabinayo Shacab JSL. Mudane Madaxweyne waxaan ka codsanaynaa in aad u hiiliso Wasaraada Horumarinta Beeraha oo ku fashilantay shaqadii aad u igmatey Wasiirku wuxuu ku mashquulsan yahay Shir doceeedyo uu la galo beesha uu ka soo jeedo isaga oo gabi ahaanba dayacey shaqadii Wasaraada. Mudane Madaxweyne waa in aad u soo xushaa Wasaarada Beeraha Shakhsi samata bxin kara Wasaraadda Beeraha una soo celiya sumcadii ay ku lahayd qaranka JSL. Sidoo kale waxaan kula wadaagi doonaa xogaha dhabta ah ee Wasiir Seed qormooyinka kan ku xiga INSHA ALLAH. Qalinkii: Abdirashiid Yoonis Hagar Abdirashiid1982@gmail.com Qormaddii 2aad La soco qeybaha kale Qaran News
  5. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___Qubanaha-13032019.mp3 View the full article
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa taagan khilaaf xoog leh oo ka dhashay maagcaabistii Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Najax, oo maalmo ka hor lagu dhawaaqay kadib wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Odayaal dhaqan iyo siyaasiin ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay, waxayna halkaasi doonayaan in ay kula kulmaan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen), si ay cabashooda ugu gudbiyaan Madaxweynaha. Mid kamid ah odayaasha dhaqanka ee gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay islamarkaana cabashada ka ah Magacaabista Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa Caasimada Online u sheegay in aan lagala tashan magacaabista oo ay aheyd in laga tala geliyo arrimaha Gobalka sidii markii hore ahaan jirtay ama looga tala gelin jiray. Odayaashaan ayaa Caasimada Online u sheegay in ay xog ku heleen in dowladda Soomaaliya ay codsatay in Ibaahim Aadan Najax loo magacaabo Xilkaan kadib markii ay lacag ka qaadatay walaalkiisa Isaaq Aadan Najax oo ah Ganacsada maal-qabeen ah. “Waxaan xog ku heynaa in lacag dhan Afar Boqol oo kun oo dollar Xukuumada la siiyay, waxaana lacagtaasi bixiyay Isaaq Aadan Najax oo ah Ganacsade caan ka ah Sh/Hoose iyo Muqdisho, waxaana dalaal ka ahaa Wasiirkii hore ee Warfaafinta KGS”, ayuu yiri mid kamid ah odayaasha Gobalka Sh/Hoose oo ku sugan Baydhabo. “Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa laga amray in Ibaarhim loo magacaabo Guddoomiyaha Gobalka kadib markii la siiyay lacagtaasi, annaga talo kuma yeelan, musuq maasuq ayuu ku yimid”, ayuu hadalkiisa raaciyay Nabaddoonkaan la hadlay Caasimada Online. Xafiiska ra’iisul wasaaraha weli kama jawaabin eedeyntan. Dhowaan ayaa wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha KGS waxaa xilka Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose loogu magacaabay Ibraahim Aadan Najax oo hore xilkaan usoo qabtay. Najax markii ugu dambeysay waxa uu ahaa Wasiir u-dowladaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya xiligii Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. Garoonka Kubadda Cagta Ee Degmadda Maxamed Mooge Oo Si Habsami Ah Uu Uga Socdo Koob Ay 12 Kooxood Ku Tartamayaan Oo Mudo 6 Bilooda Halka Wareegyadiisa Lagu Ciyaari Doono Garoonka Kubadda Cagta ee Degmadda Maxamed Mooge ee Foonfurta Caasimadda Hargeysa waxa si habsami ah uga socda Tartan Kubada Cagta oo 12 kooxood oo degmadaasi ka dhisan loo dhigay, tartankani oo socon doona mudo 6 Bilood ah ayaa hada mudo 2 bilooda garoonkaasi ka socda. Tartankan Kubadda Cagta ee loo dhigay 12-ka kooxood oo dhalinyarta Kubadda Cagta ee ka dhisan Degmadda Maxamed Mooge ee Hargeysa loo qabtay sannadkii 2aad oo xidhiidha dhalinyarta halkaasi ku dhaqan waxa Koobkani markii 2aad u dhigay Muwaadin Cabdi Maxamuud Ismaaciil (Cabdi-Shabeel) oo ka mida dadka xaafadda Maxamed Mooge ku dhaqan ganacsigana ku leh, waxaana Tartankani oo mudo 6 Bilooda socon doona uu hada socda Bishii 2aad iyada oo 4 bilood ka dib Kooxda ku guulaysata 12 kooxood ee tartanka ka qaybgalay la guddoonsiin doono. Kooxaha 12 Kooxood ka kooban ee Garoonka Maxamed Mooge ku tartamaaya horyaalka 6-da Bilood u socon doona oo todobaad kasta ay 6 kooxood fooda isku daraan maalamaha Arbacadda, Khamiista iyo Jimcaha, ayaa waxa Jimcahan inaa dhaafay kulankii u dambeeyey Fooda isku daray labada Kooxood ee kala ah Kooxda Cajaayib ee ku ciyaaraysay Maaliyada (Huruuda ah iyo Kooxda kale ee HIMILO oo ku ciyaaraysay (Garamaanta Barta Caddaanka) ah leh, iyada oo todobaadka dambena uu tartanku halka ka sii socon doono kulmina doonaan 6 Kooxood oo kale oo maalmaha , Arbacadda ,Khamiista iyo Jimcaha garoonka Maxamed Mooge ku wada ciyaari doona. Ugu dambeyntii Muwaadin Cabdi Maxamuud Ismaaciil (Cabdi-Shabeel) oo isagu ah muwaadin isku xil qaamay nabadaynta iyo is dhexgalka dhalinyarta ku dhaqan Xaafadda Maxamed Mooge isla markaana ah tartankii 2aad ee kubadda Cagta oo xidhiidha u dhigay bixiyeyna kharashka ku baxaaya Tartankan Kubadda Cagta ee hada Garoonka Maxamed Mooge uga socda 12-ka kooxood, waxa uu sido kale Cabdi Shabeel oo ah muwaadinkii hore ugu wareejiyey qalabkii FAASHASHKA iyo Hubka kale ee ay dhalinyarta ku wada nool Xaafadda Maxamed Mooge oo kooxo kooxaha iskugu dili jireen dhexdooda adeegsan jireen isla markaana ku baadhan jireen dadka degmadaasi ku dhaqan uu Qalabkaasi hore ugu wareejiyey ka dib markii u udhalinyaradda ka soo ururiyey kuna qanciyey inay Kubadda iyo horumarka ku tartamaan ee ay colaada iyo iskooxaysiga joojiyaan uu Ciidanka Bilayska Somaliland iyo Wasaaradda Ciyaaraha ee Somaliland oo dhawr bilood ka hor kala soo qaybgalay xidhitaanka xaflad lagu guddoonsiiyey Kooxdii ku guulaysatay 8 kooxood oo degmadaasi ku dhaqan oo uu Koob Tartan ciyaareeda u dhigay. Qaran News
  8. Anigoo ah Mohammed Ahmed Ali iyo caruurtaydu waxaan tacsi u diraynaa walaashay Asho Ahmed Ali iyo caruuteeda geeridii naxdinta layid ee kuti marxuum Ali Haji Jama Jubadaale ( Ali Arif) oo axadii ku geeriyoodey magaalada Sheffield. Waxaan ilaaheen uga baryaynaa inuu marxuumka ilaaheen janadii fardowsa ka waraabiyo. Aamiin aamiin… Medeshi Qaran News
  9. Somaliland: President Muse Bihi Holds Discussions With UAE Deputy-Prime Minister, Sheikh Mansour Bin Zayed Dubai,(Qaran news)-The Somaliland President Muse Bihi Abdi and his delegation held a productive discussion with the Deputy Prime Minister of the United Arab Emirates, Sheikh Mansour Bin Zayed Al-Nahyan. Sheikh Mansour is also the Minister for the Presidency. The meeting which took place in Abu Dhabi covered several areas of mutual interest between the two parties including, strengthening the ties between Somaliland and the UAE, the security in the region, trade and investment, support for infrastructure projects, such as the Berbera Corridor highway, and the easing of the travel process between the two countries. The Somaliland delegation led by President Muse Bihi thanked the United Arab Emirates for their continued support of the Somali peoples in the region and praised the historic and enduring ties between Somaliland and the people of the UAE. Somaliland has recently provided the United Arab Emirates land for a military base, including harbour facilities, as well as, access to the Berbera Airport which has the longest runway in the Horn of Africa. Work on the base is expected to be completed towards the end of this year. Qaran News
  10. Muqdisho (PP) ─ Dadaallo ay waddeen waxgaradka Baydhabo iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya, kuwaasoo la doonaayay in lagu sii daayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali [Abuu-Mansuur] oo ku xiran Muqdisho ayaa guul-darro kusoo dhammaaday. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta maamulka Koonfur-galbeed ayaa wabaahinta u heegay inuu fashilmay dadaalka kaddib markii dowladda dhexe ee Somalia ay waxgaradka Baydhabo ku xujeeyeen in miiska wadahadalka la keeno Sh. Roobow, balse ay diiday. Sidoo kale, Abuu-Masuur ayaa diiday inuu ku qanco shuruudo ay Dowladda Soalia hor-dhigtay si looga siidaayo xabsiga, waxaana qayb ka ah in uusan faragalin dhacadii Baydhabo ee ay dadka badan ku dhinteen, isla markaana dowladda Federaalka iyo odayaasha dhaqanka ay ka xaajoodaan. Dhanka kale, Wadaadkan ayaa hadda ku xiran Muqdisho, waxaana xiristiisii ka dhashay bannaanbayo ay ku dhinteen dad badan, kuwaasoo ka dhacay Baydhabo. Ma ahan markii ugu horreysay oo uu fashil ku yimaado dadaal la doonayo in Sheekh Roobow xabsiga looga sii daayo, waxaana wadaadkan lagu eedeeyay inuusan wax tanaasul ah ka sameyn ka mid ahaanshihii Al-shabaab oo uu ka soo baxsday. Ugu dambey, Ergaygii hore ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu Dowladda Somalia weydiiyay inay fasiraad ka bixiyaan shacbakii Baydhbao lagu dilay markii lasoo xiray Sheekh Roobow, balse DF ayaa hadalkaas uga jawaabtay inay eriday ergayga, illaa haddana ma jirto ergay ay QM u soo magacowday Somalia. PUNTLAND POST The post Qorshe la doonayay in lagu sii daayo Sheekh Mukhtaar Roobow oo la isku khilaafay appeared first on Puntland Post.
  11. Col. Caarre oo shir jaraa’id ku qabtay Garowe Col. Siciid Cawil Jaamac (Caarre) oo hoggaamiya jabhadda la’dagaallanta Somaliland ee ku sugan magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah maamulka Somaliland. Wuxuu sheegay in isaga oo kaashanaya dowladda Puntland uu dagaal ku qaadi doono degaannada ay soo galeen ciidamada Somaliland ee gobolka Sanaag islamarkaana uu xabadda ka bilaabi doono gudaha magaalada Ceerigaabo sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu ka jawaabay hadal ka soo yeedhay wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo ku hanjabay in la soo qaban doono balse caarre ayaa sheegay in isaga laftiisu uu dhowaan qabtay wasiirka Gaashaandhiga Somaliland markii dambena uu reer ahaan u siidaayey. Halkaan ka daawo shirka jaraa’id PUNTLAND POST The post Col. Caarre oo sheegay in uu qabtay wasiirka Gaashaandhiga Somaliland appeared first on Puntland Post.
  12. Baydhabo (PP) ─ Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay 40 ruux oo kalena way ku dhaawcmeen qaraxyo ka dhacay suuq xoolaha lagu iibiyo oo ku yaalla deegaanka Goof-guduud oo qiyaasti 30-km u jirta Baydhabo oo ah xarunta mamulka Koonfur-galbeed. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur-galbeed Somalia ayaa warbaahinta u sheegay in weerarkaas ay fuliyeen Al-shabaab, isla markaana ay ahaayeen kuwo lagu aasay dhulka, iyadoo weerarkan uu dhacay xilli uu suuqaas ka jiray mashquul. Afhayeenka maamulka Koonfur-galbeed, Nuuradiin Gacmo ayaa u sheegay wabaahinta in weerarkaas uu ahaa mid qorsheysan oo dad shacab ah lagu diay, isagoo mas’uuliyadda weerarkan dusha uga tuuray Al-shabaab. “Shan qof oo shacba ah ayaa ku dhintay qaraxyada, waxaana dhaawacyo ay kasoo gaareen 40-qof oo kale, waxaana weerarkan loo adeegsaday miinooyin lagu aasay dhulka oo illaa fara miino ahaa,” ayuu yiri Afhayeenka oo intaas ku daray in dadka waxyeelladu ay soo gaartay ay dhammaantood ahaayeen shacab. Dhanka kale, Afhayeenka ayaa sheegay in suuqan uu yahay suuq ay maalin walba oo Arbaco ah isugu yimaadaan ganacsatada xoolaha ee gobolka Bay, isagoo xusay in dhibaateynta shacabka ay ku hayso Al-shabaab ay qayb ka tahay weerarkan lagu dilay dadka badan ee shacabka ah. Nabaddoon Cabdi Maxamed Isaaq oo isna la hadlay VOA-da ayaa sheegay in weerarkaan uu ka mid yahay weerarada ay kooxaha nabad-diidka ah ay sida bareerka ah ula beegsadaan shacabka, isagoo maamulka Koonfur-galbeed ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sugidda amniga shacabka deegaannada uu ka taliyo Koonfur-galbeed ku nool. Ugu dambeyn, Xilliyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa deegaannada Koonfur-galbeed ka jiray falal amni-darro ah, iyadoo maamulka cusub loogu baaqay inay ka shaqeeyaan ka hor-tagga weerarrada lagu dhibaateynayo shacabka ku nool deegaannadooda. PUNTLAND POST The post Qaraxyo khaaare geystay oo Maanta ka dhacay Deegaan ka tirsan Gobolka Bay appeared first on Puntland Post.
  13. Ceel-waaq (SMN) – Ciidamada Kenya ayaa lagu waramayaa in dad shacab ah ay dil iyo dhaawac ugu geysteen degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo. Dadka degaanka ayaa sheegaya in dhacdadaan ay timid markii labada qof oo watay Mooto Fekon ah si kusoo dhaceen goob ay ciidamadu ka sameysanyeen dhufeesyo. Ruuxa dhaawaca ah ayaa loola cararay isbitaal ku yaalla gudaha magaaladda si xaaladiisa caafimaad oo xiligaasi liitadatay wax looga qabto. Wali arrintaan kama aysan hadlin masuuliyiinta gobolka iyo degmada, kuwaasoo hoostaga maamul goboleedka Jubbaland. View the full article
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inay ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya xirteen qeybo kamid ah Jidadka Muqdisho. Ciidamadaan oo ka cabanayey mushaar la’aan ayaa saacado kooban xirtay Jidka Warshahadaha gaar ahaan dhinac hormaro Wasaaradda Gaashaandhigga oo u dhow kuliyadda Jaalle Siyaad. Ciidamadaan ayaa joojiyey isticmaalka jidkaas kadib markii ay ku jareyn dhagxaan iyo birar, waxayna sheegeyn inaan dhawr bil la siin wax mushaar ah. Mid kamid ah Ciidamaadaas oo saxaafadda ay su’aalo ku waydiisay meesha ay jarteen ayaa sheegay inaysan helin wax mushaar ah muddo 4 bil ah . Askariga Saxaafadda la hadlay ayaa waxaa laga dareemayey cabsi aad u weyn oo ku aadan in shaqada laga joojiyo haddi uu bulshada la wadaago inuusan mushaar qaadan afar bil, wuxuuna dhawr mar kala jaray hadalkiisa isagoo iska fiirinayey dhinacyada maadaama uu cabsi ka qabo in meesha uu xirtay loogu imaado lana xiro. Ciidamada jidka xirtay ayaa ku labisnaa Dareyska Ciidamada Militariga Soomaaliya, waxayna saacado kadib dib u fureyn jidkaas oo hadda kusoo laabtay sidii caadiga aheyd. Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli uu Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre Shalay sheegay inay xukuumadiisa ku guuleysatay inay mushaarka ciidamada si joogto ah u siiyaan tan iyo markii Farmaajo loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya. Illo wareedyo ku dhow dhow Taliyaasha Ciidamada Dowladda ayaa Shabakadda Caasimadda Online u xaqiijiyey inaan ciidamada Dowladda qeybaha kala duwan wax mushaar ah la siin muddo afar bil ah taasoo niyad jab ku ah ciidamada Dowladda oo rajo fiican ka qabay inaysan mushaar weyn maadaama Farmaajo madaxweyne laga dhigay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Kismaayo (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa guddoomiyay shir ay Kismaayo ku yeesheen wasiirrada ku wehliya socdaalkiisa iyo wasiirrada wada shaqayntu kala dhexeyso ee ka tirsan dawlad gobaleedka Jubaland. Shirka Wasiirrada dhex maray oo uu sidoo kale goob joog ka ahaa madaxwaynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa intiisa badan looga hadlay sidii looga gudbi lahaa madmadawga jiray ee hoos u dhigay isku xirnaanta ka dhexeysa labada dhinac iyo sidii loo abuuri lahaa jawi wada shaqeyn buuxda oo fududeeya gudashada waajibaadka madaxda ka saaran u adeegidda ummadda Soomaaliyeed. Kulanka intii uu socday ayaa lagu heshiiyay in dhammaan la xalliyo cabashadii jirtay iyo in labada dhinac ay yeeshaan wada shaqayn buuxda si hannaan wadajir ah loogu adeego bulshada Soomaaliyeed. Wasiirka qorshaynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaaal Maxamed Xasan, ayaa sheegay in wasiirrada federaalka iyo wasiirrada Jubaland laga doonayo in ay dardar-geliyaan fulinta qodobadii kasoo baxay shirkaan oo sidoo kale looga hadlay xoojinta Tababararada, iskaashiga iyo wadashaqaynta shaqaalaha Dawladda. Socdaalka Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu ku joogo magaalada Kismaayo ayaa qorshihiisa ugu wayn waxa uu ahaa in sare loo qaado midnimada, wadajirka, wada shaqaynta dawladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad gobaleedka Jubaland. View the full article
  16. Ceel-waaq (SMN) – Diyaarado oo aan wali la aqoonsan dalka laga leeyahay ayaa saacadihii lasoo dhaafay duqeymo ka geystay degaano hoostaga degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo. Illo wareedyo dadka degaanka ah ayaa u sheegay idaacada Shabelle in gantaaladda ay soo rideen diyaaradaha ay qaarkood ku dhaceen goobo ay ku sugnaayeen dad shacab ah. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ay jiraan khasaaro ka dhashay weeraradaasi cirka ah, inkasta oo aanan la ogayn tiradda saxda ah. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan duqeymahaan oo kasoo baxay masuuliyiinta gobolkaasi oo hoostaga maamulka Jubbaland. Inta badan diyaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa howlgalo dhinaca cirka ah oo ay ku beegsanayaan goobo ay ku tuhmayaan Al-Shabaab ka fuliya gobolada hoosta Jubbaland xili mararka qaar ay dad shacab ah wax ku noqdaan. View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-13032019.mp3 View the full article
  18. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda JSL, ayaa sheegtay in Hoggaamiyaha Maamulka Puntland ee Soomaaliya uu dusha u riddan doono cawaaqibka ka dhasha daandaansiga ay ka wadaan xuduudaha Bariga Somaliland. Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Agaasimaha Telefishanka Qaranka ahna Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta JSL, Maxamed Xasan Cali Weji, kaasi oo u qornaa sidan:- “Jamhuuriyadda Somaliland waxa dhaqan u ah oo ay Xeerisaa inay Nabad kula noolaato derisyadeeda, hase ahaatee Taako dhulkeeda ka mind ah uma ogolaanayso in Nacabka daandaansiga badan ee Soomaaliya soo haweysto soohdimaha Jamhuuriyadda Somaliland. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay caddeynaysaa in aanay ku duulin xudduuda Dawladda Soomaaliya, haseyeeshee ay sugayso Soohdimaheeda soo jireenka ah. Sidaas darteed, hadalka ka soo yeedhay shalay Hoggaamiyaha Puntland ee Soomaaliya, waxaanu u aragnaa inuu dhalanteed iyo hawaawi ku sheeganayo gobollo ka mid ah JSL. Waxaanan la socodsiinaynaa inuu daandaansiga uu ku hayo Somaliland uu ku fashilmi doono, sidii uu horeba ugu hungoobay Cabdiweli Gaas-kii ka horreeyey. Somaliland way taqaanaa Nabadda iyo Colaada labadaba ee ha ku abshiro in Maamul-goboleedka Garoowe jab aanay ka soo waaqsan kala kulmi doonaan gardarrada joogtada ah ee ay ka wadaan dhulka Somaliland. Ugu dambayn, waxaanu Siciid Cabdilaahi Deni xasuusinaynaa in xilka loo cumaamaday xilli uu Somaliland ka dhammaaday dulqaadkii ay u laheyd Soomaaliya, waxaanu dusha u ridan doonaa cidhib-xumada ka dhalata damacooda Beenta ku dhisan.” Source
  19. (SLT-Pretoria)-Waxaa Goor dhawayd kooxo budhcad Koonfur Afrikan ah gudaha wadankaas ay ku dileen Muwaadin Soomaali ah oo kamid ahaa dadka ganacsiga ku leh dalkaas. Dad ku sugan Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegeen in dilka uu ka dhacay Xafada Mamelodi oo hoos tegta Magaalada Pretoria, isla markaana kooxo hubeysan oo budhcad ah ay dhowr xabadood ay la dhaceen Muwaadinka Soomaaliga ah,waxaana xilliga falkan uu ka dhacaayay ku sugnaa halkaasi. Warar hoose aan heleyno ayaa sheegaya in Marxuumka lagu magacaabi jiray Cabdifitaax Cali Xoosh, kaasi oo kamid ahaa Ganacsatda Soomaalida ah ee kunool dalka Koonfur Afrika. Labda habeen kahor ayey aheyd markii wiil Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Allaha u Naxariistee Xuseen Muxumed Xasan sidaan oo kale loogu dilay Magaalada Cape Town ee Koonfur Afrika. Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa Sanadkan gudihiisa lagu dilay dhowr qof oo Soomaali ah kana kamid ahaa dadka ganacsiga ku leh dalkaasi,iyadoona weli ayna jirin cid ka hadashay dilalka arxan darada ah ee loo geysanaayo Soomaalida kunool Koonfur Afrika. Source
  20. Jamaame (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday inay howl-gal qorsheysan ku dishay horjoogeyaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, qaar kalena ay gacanta ku dhigtay. Dowladda ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta dawlad goboleedka Jubbaland ay howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoos yimaada degmada Jammaame ee gobolka Jubbada Hoose. Howl-galladaan oo ahaa kuwa Qorsheysan ayaa waxa ay ka dhaceen meel 10 KM u jirta degmada Jammaame, iyaggoona ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo is garabsanaya ay jiinka webiga ka galeen deegaanka Yiireey oo aan sidaa uga fogeyn degmada Jammaame, sida ay sheegtay dowladda. “Tiro ka mid ah maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab ayaa howl-galka lagu khaarajiyay, waxaana nolosha lagu hayaa tiro badan” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda. Sida ay sheegeen Saraakisha Ciidamada Jubbaland lix qof oo saddex ka mid ah ay ahaayeen horjoogeyaal sar-sare ah ayaa laga diley maleeshiyaadka, waxaana nolosha lagu qabtay sadddex Kale. Sida ay dowladda sheegtay, horjoogeyaasha la qabtay ayaa lagu kala magacaabaa Cali Waraabe, Tima Jilic iyo Galley, kuwaas oo Malleeshiyaadka u qaabilsanaa Cabsi gelinta dadweynaha. Diyaaradaha Mareykanka oo howlgalka qeyb ka ahaa ayaa duqeeyey seddex gaari oo ay Kooxda Al-Shabaab gurmad ahaan u soo direen, waxaana halkaas ku basbeelay saanad ciidan iyo raggii la socday. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  21. By: Harun Maruf, VOA The Somali government is banning four types of Antonov airplanes from flying in Somali airspace, citing safety reasons. The Somali Civil Aviation Authority (SCAA) says the AN-24, AN-26, AN-32 and AN-12 models will not be allowed to operate in Somali airspace after March 15. Officials say there have been no accidents involving the Soviet-era planes, but there have been “near misses.” A letter from the SCAA originally gave airline operators until February 28 to cease flights. That deadline has been extended until March 15, according to the deputy manager of SCAA, Jama Ahmed Muse. The letter says the Antonovs do not have approved maintenance centers in the East Africa region where they can be repaired. Instead, mechanics repair these planes in the airport. It also says these planes lack an air traffic collision avoidance system, and that their noise certification is “unacceptable.” “We have given [operators] until March 15, until we finish our investigation,” said Muse. “If they don’t meet the standard, we told them they will not have the permission.” A senior official with SCAA later told the Investigative Dossier, a program of VOA’s Somali Service, that the decision to revoke their permits is final. “Everybody is aware of the situation and they will have replacement planes in place. Some operators have already replaced their aircraft,” the official said. Muse says the order will affect a small number of planes that are charted by humanitarian organizations and the African Union mission in Somalia (AMISOM) to ferry cargo. Muse says one of the planes, an AN-12, already left the country and returned to Ukraine, its registered country. Somalia fully took over control of its airspace in December 2017 and transferred air traffic control from Nairobi. It had been run there by the United Nations International Civil Aviation Organization since the early 1990s Somali civil war. Officials say there are about 250 flights over Somali airspace each day, excluding arrivals and departures. The number of travelers to and from Somalia has increased in recent years. Mogadishu airport alone saw a half million travelers in 2017.
  22. Burco:(SL-T)Xukuumada Madaxweyne Biixi Oo Ku Guul Daraysatay Xal U Helida Sixir Bararka Iyo Bulshada Oo Dhaliilo Xoogan U Jeediyay Source
  23. (SLT-Hargeysa)-Ciidammo Ka Tirsan Booliska Iyo Socdaalka Somaliland Oo Tababaro Loogu Soo Xidhay Mandheera, Halkan hoose ka DAAWO Source
  24. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Waraafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-galinta Somaliland gaar ahaan Tv-ga Qaranka ayaa tan iyo intii loo magacaabay in uu Agaasime ka noqdo Ruug-cadaaga wayn ee Maxamed Xasan Cali Waji ayaa markiiba waxaa laga dareemayaa is-badal xoogan oo shacabka ku nool guud ahaan dal iyo dibad-ba ay ku diirsadee. Isbadaladan ayaa ah mid lagu tayaynayo Barnaamijyada iyo wararka ka baxa Tv-ga Qaranka siddii loo abuuri lahaa kuwo kala oo ka hadlaya dhamaanta baahiyaha aasaasiyga ah ee arrimaha bulshada. Mudane Maxamed Xasan Cali “Waji” ayaa isagoo fulinay waajibaadka Xilleed ee saaran uguna faa,idaynaya aqoontiisa Qaranka Jamhuuriyada Somaliland waxa uu markiiba sameeyay qorshe lagu howl galinayo dhamaanba shaqaalaha kala duwan ee Tv-ga waxaa uu dib u eegis ku sameeyay barnaamij –yadii hore u bixi jiray Tv-ga siddii loo tayayan lahaa, Soo-saare iyo Tabiye kastana loo-la xisaabtami lahaa, Dhinaca kale guud ahaan shaqalaha wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-galinta ayaa hal mar la jaan-qaaday Agaasimahan Cusub ee Maxamed Xasan Cali “Waji” oo intooda badan muddo dheer ay soo wadda shaqeeyeen. Talaabadan lagu dar-dargalinayo waajibaadka qaran ee wasaaradda ayaa wakhti xaadirka u muuqda mid lagu xoojiyo gudasha Xil-waajibeedka qaran ee ay haayaddani u igman tahay, Geesta kale Masuuliyiinta ugu saraysa Wasaaradda ayaa iyaguna dhankooda wadda in ay abaal-marino siiyaan qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda ee ugu shaqada wanaagsan si loo dhiiri-galin howl-wadeen walba. Source