Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,657
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbin doonaa warka Subax. Hoos riix si aad udhageysato https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-140319.mp3 View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Cabdi Xaasho Cabdullaahi ayaa ka hadlay halka uu ku dambeeyo khilaafka u dhaxeeya labada aqal ee baarlamaanka. Isaga oo saxaafadda la hadlayay ayuu sheegay in Khilaafkaasi aan wali xal rasmi ah laga gaarin balse ay filayaan in sida ugu dhaqsiyaha badan loo xaliyo, isaga oo rajo ka muujiyay in madaxweynaha dalka uu soo faragelin doono arintaan. Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaai ayaa sheegay in wali uu taagan yahay khilaafka u dhaxeeya labada aqal ee baarlamaanka, waxaana uu sheegay in marar badan la yeeshay kulam arimahaasi la doonayay in lagu xaliyo, balse aan la isku fahmin. Wuxuu sidoo kale sheegay in maadaama la isku hayo qodobo Dastuuri ah, dhankooda ay sameeyeen tanaasulaad badan, balse aysan dhicin in dhanka Golaha shacabka ay ka helaan tanaasulaad. “Wali waa sideesii Khilaafkii jiray, laakiin lagama rajo dhigin, marar badan ayaan kulanay, waxaana u malaynayaa in dhanka Golaha shacabka ay wada shaqeynta ka socon weysay, waana heynaa dhamaan cadeymaha, waxaanse rajeyneynaa in xal laga gaaro, waxaa la isku hayaa qodobo Dastuuri ah”. “Wax badan ayaan tanaasul sameyney, haddana waxaa wanaagsan in si dhab ah loo wada shaqeyn doono, waxaana arintaan fileynaa in hogaanka ugu sareeyo dalka uu go’aan qeyb ka qaadan doono”ayuu yiri Cabdi Xaashi. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khilaafka u dhaxeeya labada aqal ee baarlamaanka uu saameyn ku yeeshay furitaanka kalfadhiga baarlamaanka oo dhawaan la filayo inuu dib u furmo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimad@live.com
  3. Washington DC (Caasimada Online) – Howl-galka ciidamada Amisom ee Soomaaliya ayaa waxa uu wajihi doonaa halis dhaqaale oo xooggan, oo sababi karta in ciidamada badan ay ka baxaan Soomaaliya, kadib go’aan kasoo baxay maamulka madaxweyne Trump ee dalka Mareykanka. Trump oo ku dhowaaqay miisaaniyadda dowladdiisa ee sanadda 2020, ayaa waxaa ku jiri dhimis xooggan oo lagu sameynayo lacagta Mareykanka uu ku caawiyo howl-galka Amisom ee Soomaaliya. Qorshaha Trump ayaa ah inuu dhimso 65% lacagta Mareykanka uu ku bixiyo Amisom. Lacagtaas oo iminka ah sanadii 254 milyan oo dollar, ayaa waxaa laga soo reebi doonaa kaliya 90 milyan oo dollar. Qorshaha Trump ayaa waxaa ku jira in sanadaha xiga la joojiyo lacagtaas gebigeed. Go’aanka Trump ayaa xaaladda kusii xumeyn doonta Amisom, oo markii horeba wajahaysay dhimis 20% oo ka timid Midowga Yurub. Dhowaan ayaa waxaa taagnaa muran xooggan oo u dhaxeeyay dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya iyo ururka Midowga Afrika, oo ku saabsan in la yareeyo ciidamada. Burundi, oo ciidamo kun askari ah laga dhimay iyo sidoo kale Uganada oo wajahaysa ayaa aad uga hor yimid, kuna hanjabay inay ciidamadooda kala baxayaan Soomaaliya. Ururka Midowga Afrika oo inta badan ku tiirsan dhaqaalaha Yurub iyo Mareykanka ayaa waxaa qasab ku ah inuu ciidamada dhimo ama ka yareeyo mushaharka marka ay lacagta yaraato. Ciidamada Amisom oo markii ay imanayeen Soomaaliya qaadan jiray bishii 1500 oo dollar askarigiiba, ayaa hadda sidii lacagta looga jarayey qaata 825 dollar. Haddii sanadka xiga lacagta Mareykanka ay 65% hoos u dhacdo, waxaa qasab noqon doonto in kumanaan askari oo kale oo Amisom ah dalka laga saaro. Dalalka Yurub iyo Mareykanka ayaa toban sano kadib garwaaqsaday in Amisom aysan waxba kusoo kordhin Soomaaliya, waxayna ka fakarayaan qorshooyin kale oo ay Soomaaliya ku caawin karaan. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  4. Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa khudbad uu ka jeediyey shirkii Africa Now ee ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda waxa uu kaga hadlay arrimo dhowr ah. Khudbadda madaxweynaha hoos ka akhriso: Mudane Madaxweyne Yoweri Museveni Madaxweyne Ku Xigeenka Kenya Madaxweyne Ku Xigeenka Tanzania 
Wasiirka Ganacsiga ee Masar. Mudanayaal iyo Marwooyin, iyo martida sharafta leh, Waxa sharaf ii ah inaan Kampala joogo aniga oo Shirka “Africa Now” kala qayb-gelaya madaxda Afrika, ganacsatada waaweyn iyo aqoonyahanka ku takhasusay Horumarka. Waxaan Madaxweyne Yoweri Museveni iyo Dowladda Uganda uga mahadcelinayaa soo dhawaynta iyo martisoorka diirran ee aniga iyo waftigayga na loo fidiyey. Waxaan sidoo kale hambalyeynayaa qabanqaabiyayaasha shirkan—gaar ahaan Xarunta Istaraatijiyadeed ee Hoggaaminta oo shirkan suurtagelisey. Cinwaanka Shirka ee “Africa Now” waa mid gaar ah, maxaa yeelay badanka dadka falanqeeya arrimaha Afrika waxay xoogga saaraan taariikhda Afrika iyo waxa ay mustaqbalka noqon karto. Walow ay taas lafteedu muhiim tahay, haddana dadaalka iyo guulaha hadda la gaaro ayaa qaabeeya mustaqbalka iyada oo laga shidaal qaadanayo tagtadii. Waa inaan hore u soconnaa innaga oo keliya aan rajo fiican ka qabin mustaqbalka balse ku kalsoon dadaalladeenna hadda. Tani waa midda uu Madaxweyne Museveni uu tilmaamayey markii aan ka hadlaynay dib u habeynta Qaaradda. Runtii, aad baan ugu raacansanahay marka uu leeyahay aan ka gudubno xaddiga waxsoosaarka oo aan u gudubno tayada waxsoosaarka. Walaashay Saamiya Suluhu, Madaxweyne K/Xigeenka Tanzania iyaduna waxay soo hadal qaadday in horurmaku iyo hoggaamintuba ay noqdaan mid loo dhan yahay oo ay haweenka iyo dhallinyaraduba kaalin muuqato ka ciyaaraan horusocodnimada qaaradda. Sidoo kale, Mudane William Ruto ayaa cinwaankan ka hadlay. Hadda ayaynu u baahannahay hoggaan dardargeliya isbeddelka bulsho iyo dhaqaale ee Afrika; hadda ayaynu u baahannahay inaan yagleelno mustaqbal waxtar u leh dhallinyarada iyo haweenka Afrika, hadda ayaan u baahaannahay inaan fahanno isla markaana ka hortagno saamaynta Isbeddelka cimiladu ku yeelanayo koboca dhaqaalaha; hadda ayaan u baahannahay inaan xal heer degmo, heer qaran iyo heer caalami ah u helno caqabadaha aynu wadaagno sida kuwa ganacsiga iyo amniga. Ugu danbayntiina, hadda ayaynu u baahannahay inaynu isku xirno dhaqaaleheenna innaga oo adeegsanayna kaabayaal dhaqaale oo muuqda iyo kuwa casriga ah, si aan u helno Afrika isdhexgalkeedu sarreeyo, nabdoon isla markaana dhaqaaleheedu kobcayo. Mudanayaal iyo Marwooyin, Waxaan fursad u helay inaan ka qayb-galo kulamo kala duwan intii shirku socday aniga oo dhegaystay fikrado badan, siyaasado iyo tallaabooyin la soo jeediyay, waxaana qirayaa inaan ku rajo weynahay inaan ka qaarad ahaan gaari karno himilooyinkeenna haddii aan xoojinno iskaashigeenna. Ma jirto caqabad aan laga gudbi karin, buur aan la fanan karin iyo meel aan la gaari karin, haddii la helo ujeeddo guud iyo dadaal dhankeenna ka yimaadda. Waxaan aaminsanahay inaan haysanno hay’adihii, dadkii, aragtidii iyo hoggaamintii loo baahnaa si aan u gaarno Afrika isdhexgalkeedu sarreeyo, nabdoon isla markaana dhaqaaleheedu kobcayo. Warqaddii martiqaadka ee uu ii soo diray Mudane Madaxweyne Museveni waxaa ku xusnayd inuu yahay qof rajo fiican ka qaba Afrika, waxaana rabaa inaan u sheego inaan dhammaantayo la wadaagno jacaylka iyo qabka uu u hayo qaaraddeenna qurxoon. Balse waa inaan si maangal ah u fekernaa oo aan ogolaannaa baahida loo qabo doodo wax ku ool ah iyo istaraatijiyad heer qaarad oo ku aaddan isbeddelka dhaqaale, maalgashiga, koboca dhaqaale iyo shaqo u abuuridda dhallinyarada si Afrika iyo dadkeeda kala jaadka ahi uga faa’idaystaan awooddooda, ugana badbaadaan dabinka saboolnimada iyo horumar la’aanta. Khibradeenna ayaa ina baraysa in hantideenna ugu qaalisan sida dhallinyarada iyo khayraadka dabiiciga ah ay noqon karaan caqabad haddii aynaan si fiican u malgaashan, una maarayn. Arrintan mar danbe uma adkaysan karno maadaama oo caalamku isu soo dhawaanayo, qaarad kastana ay innaga horumarayso, innaga oo isku dayayna inaan gaarno. Hoggaaminta iyo masuuliyad wadareedku waa tiirarka ugu muhiimsan ee isbeddelka, dib u habaynta iyo horumarka. Isdhexgalka, Amniga iyo Koboca Dhaqaale ee Afrika waa masuuliyad saaran qof kasta oo kamid ah hoggaamiyayaasha siyaasadda iyo ganacsiga iyo sidoo kale muwaadin kasta. Si kale haddaan u dhigo, waa inaan dhammaanteen ka qayb-qaadannaa horumarinta qaaraddan qaniga ah isla markaana qurxoon. Waqtigii wax kasta laga sugi jiray dowladda waa uu dhammaaday. Dowladaha, hoggaamiyayaasha ganacsiga iyo muwaadiniintu waa inay si dhaw uga wada shaqeeyaan sidii loo abuuri lahaa heshiis bulsho oo cusub oo ku salaysan yagleelidda mustaqbal dan u ah dhammaan dadka oo idil. Waa inaynu ganacsiga iyo siyaasadda casriyaynaa oo hal abuur cusub ku soo kordhinnaa, kana faa’idaysannaa iskaashiyada caalamiga ah iyo kuwa heer qaarad. Waa inaan si madaxbannaan u qiimaynaa saamaynta siyaasadeheenna isla markaana si wadajir ah u fekernaa, maxaa yeelay wadajirka ayaynu ku xooggannahay, Fursadaha horyaalla Afrika waa tiro badan yihiin. Waxaan leennahay dhalliyaro da’ ahaan aad u yar, dhul qiimo badan, khayraad badeed iyo dhaqan soojireen ah oo iskaashi iyo is-taageerid ku dhisan. Sidoo kale, teknaloojiyadda iyo isbeddelka ku yimi adeegyada dowladda ee asaasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka awgeed, Afrika waxay fursad u haysataa inay hormuud ka noqoto dhinacyo badan oo fure u ah horumarkeenna sida warshadaha, isu socodka alaabaha iyo dadka iyo dhaqaalaha casriga ah, iyada oo aynu weli ku xooggannahay beeraha iyo dhinacyada kale ee soojireenka ah. Ganacsiga Afrika dhexdeeda ah waa waajib haddii aynu doonayno inaynu qaarad ahaan barwaaqowno. Waa inaan marka hore dhexdeenna u suuq-geynaa isla markaana ku iibinnaa badeecadda iyo adeegyada Afrika lagu sameeyo. Xaqiiqadu waxay tahay Afrika ayaa ah suuqeenna ugu muhiimsan ee ay ganacsatadeennu faa’idada ugu badan ku haysato. Waxa intaasi dheer, abuuridda iyo hirgelinta hindisaha Ganacsiga Xorta ah ee Qaaraddu waxa uu wax ka beddelayaa mustaqbalka bulsho iyo dhaqaale ee Afrika iyo dadka ku nool, waxana abuurmaya fursado, shaqooyin iyo xirfado cusub, taasi oo xal u noqonaysa mushkiladda tahriibka dadka aqoonta leh. Waxaan ku faraxsanahay inaan halkan ka sheego in Soomaaliya ay kamid tahay dalalka ugu horreeyay ee saxiixay Heshiiska Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda. Balse si aan yoolkan ugu guulaysanno, Afrika waa inay si fiican isugu xiran tahay dhul ahaan, cir ahaan iyo bad ahaan. Waxaan u baahannahay inaan maalgashi badan ku samayno kaabayaasheenna dhaqaalaha si dadkeennu uga faa’idaystaan fursadaha caalamiga ah iyo kuwa qaaradeed ee mustaqbalka. Marka laga yimaaddo kaabayaasha dhaqaalaha, waa inaan maalgashannaa waxyaabaha muhiimka u ah koboca dhaqaalaha, sida siyaasadaha dhaqaale ee lagama maarmaanka ah iyo abuuridda jawi soo jiidanaya maalgashiga kaasi oo faa’ido u leh dhammaan dalalka iyo dadkooda. Su’aalaha loo baahanayahay inaan iswaydiinno ayaa ah: Badeecadda iyo adeegyada Afrika si xor u xuduudaha ma uga kala gooshi karaan? Waaxdeenna maaliyaddu ma tahay mid isku xiran? Ma leennahay siyaasadihii iyo dowlad-wanaaggii aynu kaga hortagi lahayn khatarta iman karta? Ma leennahay xirfaddii iyo tamartii aan waxsoosaar ballaaran ku samayn lahayn? Ma leennahay aqoontii iyo xirfaddii aan uga faa’idaysan lahayn koboca dhaqaale? Ma leennahay iskaashi aynu ku xoojin karno wadashaqaynteenna heer qaarad ee dhinaca horumarka? Weyddiimahan muhiimka ah innaga oo adeegsanayna, waa inaan sidoo kale ka fekernaa inaan ka hortagno khataraha iman kara, isla markaana aan dardargelinnaa maalgashiga horumarkeenna oo aan adeegsannaa hay’adaha caalamiga ah ee maaliyadeed si ay innooga taageeraan mashaariicda xuduudaha hal dal ka baxsan. Dhinaca kale, horumarka waxa joogteeya maalgashiga iyo iskaashiga kala duwan iyo ilaalinta deegaankeenna qaaliga ah oo ina siiya nolosha iyo fursado tiro badan. Mudanayaal iyo Marwooyin, martida sharafta leh, Waxaan rabaa inaan hadalkayga ku soo gunaanado, Soomaaliya waxay kusoo jirtay xilli adag 30-kii sano ee u dambeeyay, taasina waxay sababtay in ay dad badan u qaxaan xeryo qaxooti oo dalal badan ah oo ay kamid tahay Uganda. Waxaan idiin sheegayaa inaad sabool ama hoy la’aan tahay in aysan kaa hor istaagi karin inaad isku filnaato. Kaasi waa cashar ay cid walba ka baran karto dadka Soomaaliyeed. Aan idin siiyo hal tusaale. Waxaa halkan Uganda ku nool ku dhawaad 50 kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah. In kasta oo in badan oo kamid ah ay halkan ku yimaaddeen qaxootinimo, haatan waa dad isku filan. Qaarkood waxay ka bilaabeen ganacsiyo, waxayna qaar kamid ah noqdeen hal abuurayaal ganacsi ayaga oo gacan ka helaya shacabka dalkan iyo Madaxweyne Yoweri Museveni oo ah qof ay Afrikaannimadu ku wayn tahay. Ma aha Uganda oo kaliya balse haddii aad tagto Koonfur Suudaan, Kenya ama Koonfur Afrika waxaad ku arkaysaa Soomaali guryahooda ka soo tagay ayaga oo qaxooti ah balse maanta hodan ah oo hanti badan leh. Waa waajib inaan dadkeenna u suurtagelinno Afrika nabdoon, isdhexgalkeedu sarreeyo isla markaana kobcaysa. Waa arrin ay xaq u leeyihiin. Balse waxa ii muuqata, aniga oo adeegsanaya khibraddeenna ka qaarad ahaan, inaan meesha ka saari karno xiisadaha iyo khilaafyada oo aan qoriga dhigi karno, isla markaana abuuri karno shaqooyin cusub innaga oo kobcinayna dhaqaaleheenna. Afrikaan ahaan, waa inaan awooddeenna xaqiiqsannaa oo aan wax ka beddelnaa mustaqbalka aan wadaagno. Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa taxliil kooban ka sameeyey socdaalka madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu ku marayo dalalka Bariga Afrika ee Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa arrin ugub ku ah in Faransiisku uu Itoobiya ka caawinayo dhismaha ciidanka badda. Qoraal uu soo dhigay facebook, hoos ka aqriso. Waxaan isha ku hayey booqashada Madaxweynaha Faransiiska ee Geeska Afrika. Emmanuel Macron wuxuu booqday Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya. Inkastoo Faransiisku saldhig Milateri ku leeyahay Jabuuti, haddana in muddo ah Madaxweyne Faransiis ah Jabuuti booqasho kuma imaan. Dhinaca kale waana markii koowaad ee uu Madaxweyne Faransiis ah Kenya booqan doono. Macron wuxuu Itoobiya la saxiixday heshiis “difaaca wadajirka ah ee labada dal”. Heshiisku wuxuu diirada saarayaa tababarka iyo qalabaynta Ciidamada Itoobiya iyo la dagalaanka argagixisada, laakiin waxaa ugub ku ah in Faransiisku uu Itoobiya ka caawinayo dhismaha Ciidanka Badda, labada dalna iska kaashadaan la dagalaanka burcad badeedka Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Ka sokow in Faransiisku uu doonayo in uu kaalintiisa Geeska Afrika xajisto, haddana kulamada Marcon iyo khudbooyinkiisaba kama marnayn xadaynta saamaynta sii kordhaysa ee ay Shiinuhu ku leeyihiin Geeska Afrika. Loolanka shiinuhu wuxuu macno u yeelay, islmarkaana sare uu qaaday ahmiyada istiraatiijiyadeed ee Geeska Afrika u leeyahay dunida gaar ahaan awoodaha tunka xooggan iyo xulafadooda Gobolka iyo Gacanka Khaliijka. Saxaafada Dunida way ka hadleen socodka Marcon ee Gobolka, laakiin saxaafada Soomaalidu waxba kama qorin booqashada Macron ee Geeska Afrika. Mana filaayo in badan oo siyaasiyiin ahna in ayba warba ka hayaan.
  6. BY MAREX 2019-03-13 19:48:35 Industry analyst Dynamar has released its East and Southern Africa (worldwide) Container Trades 2019 by Darron Wadey, noting South Africa struggled in 2017 but has now seen a return to growth. The East Africa, Southern Africa and Indian Ocean Islands trade, abbreviated as ESAf, has a coastline stretching some 21,000 kilometers, with fronts on the Atlantic and Indian Oceans. Only part of South Africa and all of Namibia possess South Atlantic coastlines. In 2017, the total value of the ESAf economies reached $737 billion, less than one percent of the global economy. Southern Africa is dominant in the region regularly accounting for around 60 percent of the total. East Africa is however growing quickly and has seen its share rise from 34 percent in 2013 to 40 percent in 2017. South Africa experienced a five percent drop in GDP from $367 billion in 2013 to $349 billion in 2017. This is as much an issue of a weak South African currency against the U.S. Dollar than anything else, says Wadey. However, in the five-year period to 2022, Dynamar expects the ESAf region’s economy to grow by $268 billion to $1,006 billion, with South Africa set to return to sustained growth but at a lower rate. 22 ports are called at by intercontinental liner services. Five are located along the East African coast, 10 in Southern Africa, with the rest being located on Indian Ocean Islands. The two largest ports continue to be Durban (2,700,000 TEU) in South Africa and Mombasa (1,190,000 TEU) in Kenya. This latter port took second spot from Cape Town in 2011 and broke the million TEU mark in 2014. Combined, Durban and Mombasa handled 48 percent of total throughput in 2017. There are few private terminal operators in the region, but the construction of the multipurpose facility DP World Berbera is underway. DP World (51 percent), Somaliland (30 percent) and Ethiopia (19 percent) own what could be a new gateway to landlocked Ethiopia. At the start of 2019, there were 18 different carriers offering container shipping services to and from the ESAf region. This is two fewer than in 2017 and is the lowest number noted by Dynamar in over a decade of review. Singapore headquartered ONE encompasses former participants “K” Line and MOL, Hamburg Süd and Simatech have exited altogether. ZIM via Gold Star Line has made a return to the trade. The Far East, Middle East/Indian Subcontinent and Europe/Mediterranean are the main trade areas connecting with ESAf. Over the five-year period to 2017, carryiers have struggled, experiencing declines between 2014 and 2016. Dynamar estimates carryings for the whole of ESAf to have reached over five million TEU in 2017 compared to 4.7 million TEU in 2016. The containerized trade is forecast to reach seven million TEU in 2022 as South Africa recovers from a difficult period. Figures from 20 ports in the region show that combined port throughput totalled 8.2 million TEU, representing four percent growth since 2013. The shares of containers handled reflect a slow drift away from Southern Africa towards East Africa and the Indian Ocean Islands. East Africa is growing and expanding its influence. In the period from 2013 to 2017, GDP rose by 25 percent at the expense of Southern Africa. It is the landlocked countries pushing GDP growth and not so much their coastal neighbors, says Wadey. “Indeed, Mombasa and Dar es Salaam compete for hinterland cargoes to Burundi, Rwanda, Democratic Republic of Congo and Uganda in particular. State-controlled ports are under increasing pressure to improve and develop their strained infrastructure. “Further north on the Kenyan coast stands Lamu port and associated corridor named the Lamu Port-Southern Sudan-Ethiopia Corridor (LAPSSET). In the kindest terms, this ambitious project is renowned for delays. However, the first three berths are nearing completion. “It would seem that the race is on to capture the largest share of growing gateway throughput,” says Wadey. The East African coastline provides a perfect example of the differences between export and import commodities. Exports are dominated by agricultural items and imports by materials used for development, equipment and machinery and vehicles. Southern Africa, especially South Africa and Mozambique, plus Zimbabwe to a degree, is known for mining including precious stones and metals, and related bulk exports. Djibouti has strategic significance being bordered by Eritrea, Ethiopia and Somalia, and offering access to the state of South Sudan. Prior to 1991, the vast majority of Ethiopian trade passed through the ports of Assab and Massawa. Both are located in Eritrea, and when it gained independence in 1991, Ethiopia lost its direct access to the sea. Next to transhipment, the vessels calling at Djibouti deliver domestic cargo for Djibouti and gateway cargoes for Ethiopia or South Sudan. Around 95 percent of Ethiopian seaborne trade is moving through Djibouti. This leaves Ethiopia quite vulnerable to the “Djibouti Dilemma,” says Wadey. But, since taking office in April 2018, the new Prime Minister has introduced reforms at home, improved relations with neighboring countries and signed the outstanding peace agreement between Ethiopia and Eritrea. Port and infrastructure projects are also being agreed and developed, but these require time, he says. “Djibouti has not stood idly by.” The government has invested heavily to improve the existing gateway to Ethiopia. At the start of 2017 the 750-kilometer (466-mile) long, $4 billion electric railway to Addis Ababa was opened and later this year, is due to start moving containers. Also, the Doraleh Multipurpose Port, an extension of the Port of Djibouti, hosts six berths totalling 1,200 meters (3,900 feet). It opened in mid-2017 and offers an extra 200,000 TEU in container handling capacity and other cargo throughput capability. “However, taking the shine off these moves, the government of Djibouti and DP World have been engaged in a contractual dispute involving the Doraleh Container Terminal. European Courts have sided with DP World, but the government of Djibouti simply nationalized the port’s stake in the venture instead. Come what may, what is certain is that DP World is no longer in Djibouti,” says Wadey. “And, for the time being, Djibouti is still key to Ethiopia’s overseas trade.” Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ben Fender oo ah safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa bixiyey wareysi xasaasi ah oo ku saabsan Xaaladihii ugu dambeeyey ee siyaasadda Soomaaliya. Wareysigaan oo idaacadda Goobjoog uusiiyey, ayaa wax badan lagu waydiiyey Safiirka Arrimo ku aadan taageerada UK ee Soomaaliya, Ammaanka, iyo Mashaariicda dib u dhiska. Sidoo kale, waxaan wax laga weydiiyey Mr. Ben Fender qorsheyaashooda soo socda ee garab istaagidda Soomaaliya iyo arrimo kale oo muhiim ah. Warbixintaan ayaa kusoo qaadan doonaa Safiirka Dowladda Ingiriiska oo wax laga waydiiyey ceyrintii Ergeygii Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Haysom iyo inay saameyn ku yeelan doonaan safiirka cusub ee lasoo magacaabi doono. Safiirka ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in la ceyriyo Safiirkii hore ee Qaramada Midoobay Heysom, isagoo qeexay inay Qaramada Midoobay ka wado Soomaaliya shaqo muhiim ah oo ay ugu horeyso Amniga iyo Doorashooyinka ayna arrintaas taageero weyn ka geysato Dowladda Ingiriiska. Wuxuu Dowladaha kale ugu baaqay inay sida Ingiriiska oo kale uga qeyb qaataan kaalmooyinka Soomaaliya loo mariyo hey’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay. Safiirka ayaa si cad u beeniyey inay dowladiisa saameyn ku yeelaneyso magacaabista ergayga cusub ee Qaramada Midoobay u fadhiisan doono Soomaaliya. Wuxuu sheegay inaysan Ingiriiska shaqo ku laheyn magacaabista Safiirka cusub balse ay tahay shaqo u taalo Xoghayaha Qaramada Midoobay António Guterres sida uu isaga fahamsan yahay. Bishii January ee Sanadkaan ayey aheyd markii ay Dowladda Soomaaliya ku amartay Heysom inuu si deg deg ah isaga baxo Soomaaliya kadib markii lagu soo oogay inuu faragelin qaawan ku hayo Arrimaha Gudaha iyo madax banaanida Soomaaliya. Inkastoo António Guterres uu isku dayey inuu Dowladda Soomaaliya ku qanciyo inay go’aankeeda ka laabato haddana wuu ku fashilmay wuxuuna ku dhawaaqay inuu aqbalay amarka Dowladda uuna dhawaan soo magacaabi doono xoghaye cusub. Hadalkii keenay in la ceyriyo Heysom ayaa ahaa markii uu qoraal kasoo saaray rabshado ka dhacay magaalada Baydhabo intii ay socotay doorashada maamul goboleedka Koonfur Galbeed, waxayna rabshadahaas dhaceyn markii ay Dowladda Soomaaliya si xoog ah usoo xirtay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo kamid ahaa musharixiinta Koonfur Galbeed kaasoo dhawaan kasoo goystay Kooxda Al-Shabaab. Safiirka ayaa sidoo kale sheegay inay dib u bilaabeyn kaalmadii ay siin jireen Ciidamada Booliska Soomaaliya ee joogo Magaalada Baydhabo, wuxuuna ciidamada ugu baaqay inay ilaaliyaan xasiloonida kana fogaadaan isticmaalka xogga iyo caburinta shacabka. Qaar ka mid ah Dowladaha Midowga Yurub iyo dowladda Ingiriiska ayaa horey ugu dhawaaqay inay joojiyeen mushaarka Ciidamada Booliska ee Baydhabo ka howlgalo kadib markii ay qeyb ka noqdeyn rabshadaha ka dhacay Magaalada oo ay ku dhinteen dad badan oo uu ku jiray Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Dowladda Federaalka ah ayaa qorshe ku aaddan doorashooyinka u gudbisay dabayaaqadii bishii February ee sanadkan Golaha Ammaanka. QM ayaa dowladda ku cadaadinaysa xal u helidda xaaladda kala guurka ah, hase yeeshee dowladda ayaa ka cudur daaratay in aysan qaban karin doorasho qof iyo cod ah balse ay keeni doonto qorshaha xiga. Qorshaha ay dowladda Federaalka ah u gudbisay Golaha ammaanka ee QM ayaa ah in Ergadii ansixisay Dastuurka ay xagga sharciyadda marjic u yihiin Hay’adaha dowliga ah Soomaaliya sida ay ku doodday dowladda FS, sanadkii 2012-ka ayay ergadu ansixisay Dastuurka ay xilligan ku shaqeyso dowladda Soomaaliya, kuwaas oo tiradoodu tahay 825 Ergo isla markaana laga soo xulay Beelaha Soomaaliyeed oo dhan. Dowladda Federaalka ah ayaa aaminsan in sharci diidayo aanu jirin in ergadu ay iyagu doortaan Madaxweynaha 2020-ka maadaama ay iyagu marjic u yihiin sharciyadda hay’adaha dowladda, doodda dowladda ayaa meesha ka saarraya kaalinta Golayaasha Baarlamaanka.hannaankan qaab-doorasho ayaa awood siinaya Madaxweyne KMG ah isla markaana laba sano xilka haynaya si dalka uu” u gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah, waa sida uu yahay qorshaha Dowladda Federaalka ah. Waxaa lasaadaalin karin hirgalinta qorshahan oo durbaba u muuqda mid caqabado ku gadaamman yihiin, isla markaana dhaawaci kara hammiga hoggaanka xilligan, ujeeddada hannaankan ayaa ah awood siinta Ergadii 825-ta aheyd si ay u doortaan Madaxweynaha 2021-ka. marka dib loo eego qaab-qeysiga Ergada waxaa adag in meesha laga saaro Golayaasha sharci dajinta. siiba Golaha Shacabka, oo halbeeg u ah habka loo qeysaday Ergada 2012-kii ansixisay Dastuurka KMG. Odayaasha dhaqanka ee saldhigga u ah dhismaha dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya muddo 19 sannadood ah, isla markaana xilligan ka kooban 135 ruux ayaa soo xulay Ergadii aheyd 825-ta xubnood, Kadib markii nambarka xubnaha Baarlamaanka dib loogu celiyay Baarlamaankii Carta ee sanaddii 2000, Maamulkii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo saxiixayaashii hannaanka ka gudbidda ku meel gaarnimada ayaa heshiis siyaasadeed ku gaaray in Nambarka Baarlamaanka lagu soo koobo 275 mudane. Haddaba habkee beelaha Soomaaliyeed loogu qeybiyay Ergadii ansixinta Dastuurka. Habka loo qeybsaday xubnaha Ergada waxaa saldhig u ahaa beelaha sida ay ugu kala xubno badan yihiin kuraasta Baarlamaanka, tusaale ahaan halkii kursi ee xubin Xildhibaan ah waxaa metelaysay seddex ergo, waxaa ay horay uga heshiiyeen Beelaha Soomaaliyeed qeysiga kuraasta Baarlamaanka. iyadoo beel walbaa ay dhexdeeda si hoose xal uga soo gaartay sida ay Jufooyinka u wadaagayaan xubnaha kuraasta Baarlamaanka,arrintaas oo meesha ka saartay in aanu dhicin khilaaf la xiriira hab-qeysiga xubnaha Ergada ee beelaha dhexdooda ah. Nambarka Ergada waxaa saldhig looga dhigay tirada Baarlamaanka, si xal loogu helo hannaan socodka xaaladdii kala guurka aheyd, isla markaana khilaaf la’aan loogu qeybsado Ergadii ansixinta Dastuurka.(275 x 3 = 825) in ergada qeysigeeda lagu saleeyo kuraasta xubnaha Baarlamaanka waxaa ay si dhib yar ugu sahashay Odayaasha dhaqanka ee 135-ta ah isla markaana dib ugusii qeybiyay beelaha ay matelayeen iyagoo aan la kulmin wax caqabado ah. Marka dib loo eego taariikhda dowladnimada Soomaaliya ee casriga ah,laga soo billaabo sanadkii 2000.illaa 2016 waxaa ay soo martay marxalado aad u adag, una badnaa caqabado kaga imaanayay hoggaamiyaal hubaysan iyo kooxo u abaabulnaa hab qabiil. Siyaasad ahaan kooxaha hubaysani geed-fadhi u ahaa, tallaabada kooxahaasi is kaabayay waxaa la rumeysan yahay in ay salka ku haysay kalsooni darrada bulshada u dhaxaysay isla markaana muujinaysay dhismaha dowladdooda in aan si dhammeystiran aaney haysan kalsoonidooda. Waxaa xaaladdaas adkeyd gaas kusii shubay Al-Shabaab oo ah koox argagaxisado ah,oo si aan kala sooc laheyn wax yeello joogta ah u gaysata bulshada Soomaaliyeed. Nasiib wanaag booga-dhayidda bulshada Soomaaliyeed, kalsooni dhiska, iyo dhismaha dowladnimadooda oo isku garab socda darraadeed, waxaa ay bulshada Soomaaliyeed kalsoonidooda siiyeen Dowladda, isla markaana aqoonsadeen cidda kaliya ee sharciyadda u haysata dalka in ay tahay dowladda Federaalka ah, inkastoo aaney iyagu si toos ah usoo doorran madaxdooda. Iyadoo ay caqabadahaasi iyo kuwa kale oo dibadda ah ay jireen, ayay dowladihii hore Xafiisyada isugu banneeyeen iyagoo marna aanan ka weecan cahdiga qori-isku dhiibka ah ee waqtiyaysan, waa muddo xilleedka dowladda e. isla markaana dowlad walbaa hannaanka ay ku dhalatay kor uga sii qaadaysay middii iyada ka dambeysay. si looga dhabeeyo hiigsiga doorashada qofka iyo codka ah. Hannaanka keeddi socodka ah ee marba meel soo harsanayay isla markaana xasaasiyado badan lahaa, wuxuu ahaa hannaan isugu jira booga-dhayidda bulshada Soomaaliyeed iyo dhismaha qarankooda, in ay dib mar kale dhidibada ugu taagaan. iyadoo la ilaalinayo xilliga ay ku egtahay sharciyadda dowladda ee qoray-isku dhiibka ah, si looga fogaado wax kasta oo keeni kara dib u dhac ku yimaada dhismaha dowladnimada umadda Soomaaliyeed. qorshaha doorasho 2020-ka ee Maamulka xilligan talada haya, waxaa ay dib u socod ku tahay dhismaha dowladnimada casriga Federaalka ah ee Soomaaliya, oo sida aan dhibka yareyn lagu soo gaarsiiyay meesha maanta ay joogto, isla markaana loo soo huray dhiig, dhaqaalle,iyo waqti 19 sannadood ah. Abdirahim Ahmed dhagey C.a.dhagey@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  9. Hargeysa (Caasimada Online) ― Taliska ciidamad Booliska ee Somaliland ayaa ka hadlay Shilal khasaaro dhimasho sababay geystay oo maanta ka dhacay Wadooyinka Magaalada Hargeysa qaarkood. Dadka shilkaasi ku dhintay waxa kamid aheyd Hibaaq Cabdiqadir Koosaar oo aheyd xaaska Wasiirkii hore Qorsheynta ee Somaliland Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe). Taliye kuxigeenka ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guute Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle iyo Taliyaha ciidanka Nabad-galyada Waddooyinka Gaashaanle sarre Faysal Xiis Cilmi ayaa tafaasiil ka bixiyey Shilalkaas. “Maanta halkan waxa ka dhacay Magaalada Hargeysa saddex shil oo waaweyn, midi wuxuu ka dhacay Xero-awr, midina wuxuu ka dhacay International Cusbitaalka, midka kalena Isha Borame” “Anigoo ku hadlaya magaca Taliyaha guud ee ciidamada booliska iyo keygaba, waxaan tacsi udireyna dadkii ku geeriyooday shilalkaasi oo ay kamid aheyd Xaaska Wasiirkii hore ee Qorsheynta iyo Muxumed Saxardiid Ismaaciil oo isagna ku dhintay shilalkaasi” ayuu yidhi Taliye kuxigeenka Ciidamada Booliska Somaliland. Geesta kale Taliye kuxigeenku waxa uu digniino culus udirey Wadayaasha gaadiidka kuwaasi oo uu sheegay inay dhamaatay wakhtigii naxariista la isku galayay oo himika sharciga la isla tiigsan doono, ganaax adagna laga qaadi doono cidii ay udhameystirneyn sharciga wada-maristu. Waddooyinka waaweyn ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka taagan saxmada gaadiidka ah, taaso mararka qaar kalifta in meeshii daqiiqado loo socon jiray saacad ama ka badan loo socdo. Arrintaasi oo inta badan loo aaneynayo darawalo aan si wanaagsan u aqoon wadida gawaarida iyo weliba tagaasi si aan sax aheyn u adeegsada waddooyinka. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  10. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wefdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maalmihii udambeysay ku sugnaa magaalada Abu Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa laga warhaynin meel ay ku dambeeyeen. Shacabka Somaliland ayaa is-weydiinaya su’aalo dhowr ah oo la xidhiidha wefdiga Biixi iyo howlaha mashquuliyey. Wefdigan ayaa waxa dadweynaha reer Somaliland ugu dambeysay 9-kii bishan oo Caasimada dalka Imaaraadka lagu soo dhaweeyay. Qoraal kooban oo uu bartiisa Facebook ku qoray Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Carabtu ayaa waxa uu ku sheegay in Madaxweyne Biixi uu la kulmay madax kamid ah Imaaraadka, inkasta oo uusan dadka la wadaagin Magacyada masuuliyiinta uu Biixi la kulmay. Sikastaba ha ahaate Warar ay heshay Caasimada Online ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynuhu uu Imaaraadka u tagay dano u gaar ah, taasi oo sababtay inay safarkiisa qeyb ka noqon waayeen Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Wasiirka Maaliyada oo iyagu ah xidhiidhiyaha Imaaraadka Carabta iyo Xukuumada Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  11. Boosaaso (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo ayaa sheegay in lahaansho aysan ka muuqan magaalada Boosaaso xili maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen dilal qorsheysan. Waxa uu sheegay in marka la eego magaalooyinka kale Puntland ay ka muuqdaan lahaansho la xiriirta u turid iyo ka shaqeyn amni balse Boosaaso aanay ka muuqan cid lahaanshaha awgeed uga shaqeeya horumarkeeda iyo sugidda amnigeeda. Sidoo kale Gudoomiye Dhedo ayaa sheegay in uu necbaystay magaca Boosaaso xili marar badan uu xumaaday amnigeeda taasoo uu sheegay in ay ku badatay weydiimo la xiriirta xaalada guud ee magaalada Boosaaso. Mar aan tagay magaalada Garoowe Waxaan necbeystay ereyga Boosaaso qofwalba wuxuu ileeyahay gudoomiye Boosaaso kawaran waa baryo xoogaa wax ka siyara noqdeen anna boog bay igu noqotay waan kasoo cararay hadeer oo aan amnigii hagaagijinay leyn kale baa soo baxay oo ah in masaajidadii aan lagu badbaadayn marka magaaladan waxaa ka maqan lahaanshihi Si kastaba hadalka gudoomiyaha gobolka Bari ayaa dad badani siyaabo kal duwan u fasirteen iyadoo hadalkanna uu kusoo beegmayo xili falal amni darro ay ka dhacayeen maalmihii lasoo dhaafay magaalada Boosaaso. Hoos ka dhageyso codka Dhedo https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/Gudoomiyaha-gobolka-Bari-2.mp3Caasimada Online Xafiiska Boosaaso caasimada@live.com
  12. DP World Berbera has achieved another milestone for Somaliland, commissioning the first Mobile Harbour Cranes,MHCs, at the Port of Berbera this month. The introduction of the MHCs is a landmark development by DP World Berbera, as the port will for the first time offer shoreside crane support, substantially improving vessel operations. The USD12 million investment on the three new cranes will double productivity at the port, significantly reducing vessel turn-around time and stabilising operations during monsoon season as well as providing safer and more secure conditions at the port. Suhail Al Banna Chief Executive Officer and Managing Director of DP World Middle East and Africa, said: “The three mobile harbour cranes currently being commissioned are strategically important for the development of the Port of Berbera. They will enable more ships to be served at and ultimately increase the flow of trade to both the country and the region. As construction work for the expansion of the port progresses, we are witnessing a transformation in the capacity of this major infrastructure asset, benefiting people both here and across the Horn of Africa. DP World Berbera provides an effective alternative gateway to international markets and is proving beneficial to the people of Somaliland.” The investment in the new cranes is the latest in a series of improvements to the Port of Berbera. Since 2017 DP World Berbera has introduced state-of-the-art container handling equipment, vehicles and systems as part of its push to modernise the historic port. In 2019, DP World also launched the Zodiac Terminal Operating System, Oracle Finance System, and Maximo Enterprise Asset Management System to deliver faster and better services for shipping lines. DP World Berbera staff are being trained to operate the cranes in Dubai as part of the local talent development program that provided training to more than 2,700 Somalilanders in 2018. Source WAM Qaran News
  13. Kooxaha u soo baxay Champions league-ga. Kooxaha reer Ingiriis ee Liverpool, Manchester United, Manchester City iyo Tottenham ayaa u soo baxay wareega siddeed dhamaadka tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions league-ga. Waxaa tartankan ku weheliya kooxaha reer Ingiriis afarta kooxood ee kala ah Barcelona oo Isbaanash ah, Juventus oo Talyaani ah, Ajax oo Holland ah iyo FC Porto oo Burtiqiis ah. Kooxda Liverpool ayaa caawa kulankii lugta labaad ee wareega 16-ka cashar u dhigtay Bayern Munch oo marti loogu ahaa garoonkeeda Allianz Arona, kadib markii ay 3-1 ugu awaad sheegatay. Sadio Mane ayaa labo kamid ah dhaliyay goolasha Liverpool, sidoo kale Virgil Van Dijk ayaa goolka kale ku muujiyay doorkiisii aan la ilaawin karin ee uu Liverpool ku yeeshay, halka Bayern heshay gool kaliya oo uu Matip iska dhaliyay. Liverpool 3 Bayern 1 Kooxda Liverpool oo kamid ah kooxaha aadka looga cabsado marka la joogo Champions League-ga ayaa sanadkii hore tagtay kama dambeys, inkastoo aysan ku guuleysan. Dhanka kale kooxda Barcelona ayaa lugta labaad wareega 16-ka ee tartanka caawa garoonkeeda Camp Nou ku xasuuqday kooxda reer Faransiis ee Lyon, kadib markii ay 5-1 ugu awood sheegatay. Lionel Messi ayaa labo kamid ah goolasha Barcelona dhaliyay, halka Coutinho, Ousmane Dembele iyo Gerard Pique ay min hal gool dhaliyeen. Weeraryahanada Barcelona Kooxda Barcelona ayaa sanadkii 12-aad oo xiriir ah soo gaartay wareega siddeed dhamaadka tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions league-ga. Siddeeda koox ee u soo baxay wareega siddeed dhamaadka tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions league-ga ayaa 15 bishan Maarso maalinta Jamcaha loo sameyn doonaa isku aad. PUNTLAND POST The post Ingiriiska oo wacdaro ka dhigay koobka kooxaha Yurub appeared first on Puntland Post.
  14. Sifooyinka Siyaasiga iyo Saameynta Siyaadda Wasiir Ahmed M. Seed? Qalinkii: Abdirashiid Yoonis Hagar. Qalinkii: Abdirashiid Yoonis Hagar. Qormaddii 2aad. Salamullahi Calaykum dhamaan Shacabweynaha reer Somaliland meel kasta oo aad kala joogtaan waxaan go’aansadey in aan idiin iftiimiyo siyaasada Wasiir Ahmed Moumin Seed iyo doorka uu ku leeyahay gobolka Awdal ee uu ka soo jeedo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Mudane Ahmed Moumin Seed. Waxaan is dul taagayaa qof noocee ah ayay reer Somaliland ka aaminsan yihiin Wasiir Seed maxaase lagu xasuusan doonaa marka uu ka dago jagada Wasiirnimo ee uu haatan hayo. Waxan ku eegeynaa qodobadan soo socda: Wasiir Seed waa boog madow oo ku taala qaranka JSL Wasiirku wuxuu ku mashquulsan yahay khilaafka iyo iska horkeenka Beelaha walaalaha ah ee deegaanku mideeyey. Kicinta shacabka iyo Dawlada oo uu mar kasta isku dayo in uu fashiliyo xukuumada ugubka ah ee sanad jirsatey ee JSL. Fashilkii wax soo saarkii iyo balan qaadyadii madaxweyne Biixi wakhtigii ololaha lagu jirey oo ahayd in cuntada dalku iskaga filnaan doono sanadka ugu horeysa 30% balse taasi dhicisowdey iyada oo masuulayadeeda uu leeyahay Wasiir Seed. Qancinta iyo cadaalad u helida Beelaha Habar Cafaan oo uu sii kala kexeeyey maantana maraya heerkii ugu hooseysey abid, waxaana Beesha yimid kala shiki iyo kalsooni daro uu aabo u yahay Wasiir Seed. Hadaba akhriste qodobadaas aan kor ku xusney waxaa ku sifoobey Wasiirkii ugu tamarta daran xukuumada Muuse Biixi Cabdi. Wasiirku waxaa uu markasta ku mashquulsan yahay siduu saaxaafda u marin lahaa hadal iyo wax qabad been abuur ah oo lagu marin habaabinayo Shacab JSL. Mudane Madaxweyne waxaan ka codsanaynaa in aad u hiiliso Wasaraada Horumarinta Beeraha oo ku fashilantay shaqadii aad u igmatey Wasiirku wuxuu ku mashquulsan yahay Shir doceeedyo uu la galo beesha uu ka soo jeedo isaga oo gabi ahaanba dayacey shaqadii Wasaraada. Mudane Madaxweyne waa in aad u soo xushaa Wasaarada Beeraha Shakhsi samata bxin kara Wasaraadda Beeraha una soo celiya sumcadii ay ku lahayd qaranka JSL. Sidoo kale waxaan kula wadaagi doonaa xogaha dhabta ah ee Wasiir Seed qormooyinka kan ku xiga INSHA ALLAH. Qalinkii: Abdirashiid Yoonis Hagar Abdirashiid1982@gmail.com Qormaddii 2aad La soco qeybaha kale Qaran News
  15. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___Qubanaha-13032019.mp3 View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa taagan khilaaf xoog leh oo ka dhashay maagcaabistii Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Najax, oo maalmo ka hor lagu dhawaaqay kadib wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Odayaal dhaqan iyo siyaasiin ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay, waxayna halkaasi doonayaan in ay kula kulmaan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen), si ay cabashooda ugu gudbiyaan Madaxweynaha. Mid kamid ah odayaasha dhaqanka ee gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay islamarkaana cabashada ka ah Magacaabista Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa Caasimada Online u sheegay in aan lagala tashan magacaabista oo ay aheyd in laga tala geliyo arrimaha Gobalka sidii markii hore ahaan jirtay ama looga tala gelin jiray. Odayaashaan ayaa Caasimada Online u sheegay in ay xog ku heleen in dowladda Soomaaliya ay codsatay in Ibaahim Aadan Najax loo magacaabo Xilkaan kadib markii ay lacag ka qaadatay walaalkiisa Isaaq Aadan Najax oo ah Ganacsada maal-qabeen ah. “Waxaan xog ku heynaa in lacag dhan Afar Boqol oo kun oo dollar Xukuumada la siiyay, waxaana lacagtaasi bixiyay Isaaq Aadan Najax oo ah Ganacsade caan ka ah Sh/Hoose iyo Muqdisho, waxaana dalaal ka ahaa Wasiirkii hore ee Warfaafinta KGS”, ayuu yiri mid kamid ah odayaasha Gobalka Sh/Hoose oo ku sugan Baydhabo. “Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa laga amray in Ibaarhim loo magacaabo Guddoomiyaha Gobalka kadib markii la siiyay lacagtaasi, annaga talo kuma yeelan, musuq maasuq ayuu ku yimid”, ayuu hadalkiisa raaciyay Nabaddoonkaan la hadlay Caasimada Online. Xafiiska ra’iisul wasaaraha weli kama jawaabin eedeyntan. Dhowaan ayaa wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha KGS waxaa xilka Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose loogu magacaabay Ibraahim Aadan Najax oo hore xilkaan usoo qabtay. Najax markii ugu dambeysay waxa uu ahaa Wasiir u-dowladaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya xiligii Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Garoonka Kubadda Cagta Ee Degmadda Maxamed Mooge Oo Si Habsami Ah Uu Uga Socdo Koob Ay 12 Kooxood Ku Tartamayaan Oo Mudo 6 Bilooda Halka Wareegyadiisa Lagu Ciyaari Doono Garoonka Kubadda Cagta ee Degmadda Maxamed Mooge ee Foonfurta Caasimadda Hargeysa waxa si habsami ah uga socda Tartan Kubada Cagta oo 12 kooxood oo degmadaasi ka dhisan loo dhigay, tartankani oo socon doona mudo 6 Bilood ah ayaa hada mudo 2 bilooda garoonkaasi ka socda. Tartankan Kubadda Cagta ee loo dhigay 12-ka kooxood oo dhalinyarta Kubadda Cagta ee ka dhisan Degmadda Maxamed Mooge ee Hargeysa loo qabtay sannadkii 2aad oo xidhiidha dhalinyarta halkaasi ku dhaqan waxa Koobkani markii 2aad u dhigay Muwaadin Cabdi Maxamuud Ismaaciil (Cabdi-Shabeel) oo ka mida dadka xaafadda Maxamed Mooge ku dhaqan ganacsigana ku leh, waxaana Tartankani oo mudo 6 Bilooda socon doona uu hada socda Bishii 2aad iyada oo 4 bilood ka dib Kooxda ku guulaysata 12 kooxood ee tartanka ka qaybgalay la guddoonsiin doono. Kooxaha 12 Kooxood ka kooban ee Garoonka Maxamed Mooge ku tartamaaya horyaalka 6-da Bilood u socon doona oo todobaad kasta ay 6 kooxood fooda isku daraan maalamaha Arbacadda, Khamiista iyo Jimcaha, ayaa waxa Jimcahan inaa dhaafay kulankii u dambeeyey Fooda isku daray labada Kooxood ee kala ah Kooxda Cajaayib ee ku ciyaaraysay Maaliyada (Huruuda ah iyo Kooxda kale ee HIMILO oo ku ciyaaraysay (Garamaanta Barta Caddaanka) ah leh, iyada oo todobaadka dambena uu tartanku halka ka sii socon doono kulmina doonaan 6 Kooxood oo kale oo maalmaha , Arbacadda ,Khamiista iyo Jimcaha garoonka Maxamed Mooge ku wada ciyaari doona. Ugu dambeyntii Muwaadin Cabdi Maxamuud Ismaaciil (Cabdi-Shabeel) oo isagu ah muwaadin isku xil qaamay nabadaynta iyo is dhexgalka dhalinyarta ku dhaqan Xaafadda Maxamed Mooge isla markaana ah tartankii 2aad ee kubadda Cagta oo xidhiidha u dhigay bixiyeyna kharashka ku baxaaya Tartankan Kubadda Cagta ee hada Garoonka Maxamed Mooge uga socda 12-ka kooxood, waxa uu sido kale Cabdi Shabeel oo ah muwaadinkii hore ugu wareejiyey qalabkii FAASHASHKA iyo Hubka kale ee ay dhalinyarta ku wada nool Xaafadda Maxamed Mooge oo kooxo kooxaha iskugu dili jireen dhexdooda adeegsan jireen isla markaana ku baadhan jireen dadka degmadaasi ku dhaqan uu Qalabkaasi hore ugu wareejiyey ka dib markii u udhalinyaradda ka soo ururiyey kuna qanciyey inay Kubadda iyo horumarka ku tartamaan ee ay colaada iyo iskooxaysiga joojiyaan uu Ciidanka Bilayska Somaliland iyo Wasaaradda Ciyaaraha ee Somaliland oo dhawr bilood ka hor kala soo qaybgalay xidhitaanka xaflad lagu guddoonsiiyey Kooxdii ku guulaysatay 8 kooxood oo degmadaasi ku dhaqan oo uu Koob Tartan ciyaareeda u dhigay. Qaran News
  18. Anigoo ah Mohammed Ahmed Ali iyo caruurtaydu waxaan tacsi u diraynaa walaashay Asho Ahmed Ali iyo caruuteeda geeridii naxdinta layid ee kuti marxuum Ali Haji Jama Jubadaale ( Ali Arif) oo axadii ku geeriyoodey magaalada Sheffield. Waxaan ilaaheen uga baryaynaa inuu marxuumka ilaaheen janadii fardowsa ka waraabiyo. Aamiin aamiin… Medeshi Qaran News
  19. Somaliland: President Muse Bihi Holds Discussions With UAE Deputy-Prime Minister, Sheikh Mansour Bin Zayed Dubai,(Qaran news)-The Somaliland President Muse Bihi Abdi and his delegation held a productive discussion with the Deputy Prime Minister of the United Arab Emirates, Sheikh Mansour Bin Zayed Al-Nahyan. Sheikh Mansour is also the Minister for the Presidency. The meeting which took place in Abu Dhabi covered several areas of mutual interest between the two parties including, strengthening the ties between Somaliland and the UAE, the security in the region, trade and investment, support for infrastructure projects, such as the Berbera Corridor highway, and the easing of the travel process between the two countries. The Somaliland delegation led by President Muse Bihi thanked the United Arab Emirates for their continued support of the Somali peoples in the region and praised the historic and enduring ties between Somaliland and the people of the UAE. Somaliland has recently provided the United Arab Emirates land for a military base, including harbour facilities, as well as, access to the Berbera Airport which has the longest runway in the Horn of Africa. Work on the base is expected to be completed towards the end of this year. Qaran News
  20. Muqdisho (PP) ─ Dadaallo ay waddeen waxgaradka Baydhabo iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya, kuwaasoo la doonaayay in lagu sii daayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali [Abuu-Mansuur] oo ku xiran Muqdisho ayaa guul-darro kusoo dhammaaday. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta maamulka Koonfur-galbeed ayaa wabaahinta u heegay inuu fashilmay dadaalka kaddib markii dowladda dhexe ee Somalia ay waxgaradka Baydhabo ku xujeeyeen in miiska wadahadalka la keeno Sh. Roobow, balse ay diiday. Sidoo kale, Abuu-Masuur ayaa diiday inuu ku qanco shuruudo ay Dowladda Soalia hor-dhigtay si looga siidaayo xabsiga, waxaana qayb ka ah in uusan faragalin dhacadii Baydhabo ee ay dadka badan ku dhinteen, isla markaana dowladda Federaalka iyo odayaasha dhaqanka ay ka xaajoodaan. Dhanka kale, Wadaadkan ayaa hadda ku xiran Muqdisho, waxaana xiristiisii ka dhashay bannaanbayo ay ku dhinteen dad badan, kuwaasoo ka dhacay Baydhabo. Ma ahan markii ugu horreysay oo uu fashil ku yimaado dadaal la doonayo in Sheekh Roobow xabsiga looga sii daayo, waxaana wadaadkan lagu eedeeyay inuusan wax tanaasul ah ka sameyn ka mid ahaanshihii Al-shabaab oo uu ka soo baxsday. Ugu dambey, Ergaygii hore ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu Dowladda Somalia weydiiyay inay fasiraad ka bixiyaan shacbakii Baydhbao lagu dilay markii lasoo xiray Sheekh Roobow, balse DF ayaa hadalkaas uga jawaabtay inay eriday ergayga, illaa haddana ma jirto ergay ay QM u soo magacowday Somalia. PUNTLAND POST The post Qorshe la doonayay in lagu sii daayo Sheekh Mukhtaar Roobow oo la isku khilaafay appeared first on Puntland Post.
  21. Col. Caarre oo shir jaraa’id ku qabtay Garowe Col. Siciid Cawil Jaamac (Caarre) oo hoggaamiya jabhadda la’dagaallanta Somaliland ee ku sugan magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah maamulka Somaliland. Wuxuu sheegay in isaga oo kaashanaya dowladda Puntland uu dagaal ku qaadi doono degaannada ay soo galeen ciidamada Somaliland ee gobolka Sanaag islamarkaana uu xabadda ka bilaabi doono gudaha magaalada Ceerigaabo sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu ka jawaabay hadal ka soo yeedhay wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo ku hanjabay in la soo qaban doono balse caarre ayaa sheegay in isaga laftiisu uu dhowaan qabtay wasiirka Gaashaandhiga Somaliland markii dambena uu reer ahaan u siidaayey. Halkaan ka daawo shirka jaraa’id PUNTLAND POST The post Col. Caarre oo sheegay in uu qabtay wasiirka Gaashaandhiga Somaliland appeared first on Puntland Post.
  22. Baydhabo (PP) ─ Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay 40 ruux oo kalena way ku dhaawcmeen qaraxyo ka dhacay suuq xoolaha lagu iibiyo oo ku yaalla deegaanka Goof-guduud oo qiyaasti 30-km u jirta Baydhabo oo ah xarunta mamulka Koonfur-galbeed. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur-galbeed Somalia ayaa warbaahinta u sheegay in weerarkaas ay fuliyeen Al-shabaab, isla markaana ay ahaayeen kuwo lagu aasay dhulka, iyadoo weerarkan uu dhacay xilli uu suuqaas ka jiray mashquul. Afhayeenka maamulka Koonfur-galbeed, Nuuradiin Gacmo ayaa u sheegay wabaahinta in weerarkaas uu ahaa mid qorsheysan oo dad shacab ah lagu diay, isagoo mas’uuliyadda weerarkan dusha uga tuuray Al-shabaab. “Shan qof oo shacba ah ayaa ku dhintay qaraxyada, waxaana dhaawacyo ay kasoo gaareen 40-qof oo kale, waxaana weerarkan loo adeegsaday miinooyin lagu aasay dhulka oo illaa fara miino ahaa,” ayuu yiri Afhayeenka oo intaas ku daray in dadka waxyeelladu ay soo gaartay ay dhammaantood ahaayeen shacab. Dhanka kale, Afhayeenka ayaa sheegay in suuqan uu yahay suuq ay maalin walba oo Arbaco ah isugu yimaadaan ganacsatada xoolaha ee gobolka Bay, isagoo xusay in dhibaateynta shacabka ay ku hayso Al-shabaab ay qayb ka tahay weerarkan lagu dilay dadka badan ee shacabka ah. Nabaddoon Cabdi Maxamed Isaaq oo isna la hadlay VOA-da ayaa sheegay in weerarkaan uu ka mid yahay weerarada ay kooxaha nabad-diidka ah ay sida bareerka ah ula beegsadaan shacabka, isagoo maamulka Koonfur-galbeed ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sugidda amniga shacabka deegaannada uu ka taliyo Koonfur-galbeed ku nool. Ugu dambeyn, Xilliyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa deegaannada Koonfur-galbeed ka jiray falal amni-darro ah, iyadoo maamulka cusub loogu baaqay inay ka shaqeeyaan ka hor-tagga weerarrada lagu dhibaateynayo shacabka ku nool deegaannadooda. PUNTLAND POST The post Qaraxyo khaaare geystay oo Maanta ka dhacay Deegaan ka tirsan Gobolka Bay appeared first on Puntland Post.
  23. Ceel-waaq (SMN) – Ciidamada Kenya ayaa lagu waramayaa in dad shacab ah ay dil iyo dhaawac ugu geysteen degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo. Dadka degaanka ayaa sheegaya in dhacdadaan ay timid markii labada qof oo watay Mooto Fekon ah si kusoo dhaceen goob ay ciidamadu ka sameysanyeen dhufeesyo. Ruuxa dhaawaca ah ayaa loola cararay isbitaal ku yaalla gudaha magaaladda si xaaladiisa caafimaad oo xiligaasi liitadatay wax looga qabto. Wali arrintaan kama aysan hadlin masuuliyiinta gobolka iyo degmada, kuwaasoo hoostaga maamul goboleedka Jubbaland. View the full article
  24. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inay ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya xirteen qeybo kamid ah Jidadka Muqdisho. Ciidamadaan oo ka cabanayey mushaar la’aan ayaa saacado kooban xirtay Jidka Warshahadaha gaar ahaan dhinac hormaro Wasaaradda Gaashaandhigga oo u dhow kuliyadda Jaalle Siyaad. Ciidamadaan ayaa joojiyey isticmaalka jidkaas kadib markii ay ku jareyn dhagxaan iyo birar, waxayna sheegeyn inaan dhawr bil la siin wax mushaar ah. Mid kamid ah Ciidamaadaas oo saxaafadda ay su’aalo ku waydiisay meesha ay jarteen ayaa sheegay inaysan helin wax mushaar ah muddo 4 bil ah . Askariga Saxaafadda la hadlay ayaa waxaa laga dareemayey cabsi aad u weyn oo ku aadan in shaqada laga joojiyo haddi uu bulshada la wadaago inuusan mushaar qaadan afar bil, wuxuuna dhawr mar kala jaray hadalkiisa isagoo iska fiirinayey dhinacyada maadaama uu cabsi ka qabo in meesha uu xirtay loogu imaado lana xiro. Ciidamada jidka xirtay ayaa ku labisnaa Dareyska Ciidamada Militariga Soomaaliya, waxayna saacado kadib dib u fureyn jidkaas oo hadda kusoo laabtay sidii caadiga aheyd. Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli uu Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre Shalay sheegay inay xukuumadiisa ku guuleysatay inay mushaarka ciidamada si joogto ah u siiyaan tan iyo markii Farmaajo loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya. Illo wareedyo ku dhow dhow Taliyaasha Ciidamada Dowladda ayaa Shabakadda Caasimadda Online u xaqiijiyey inaan ciidamada Dowladda qeybaha kala duwan wax mushaar ah la siin muddo afar bil ah taasoo niyad jab ku ah ciidamada Dowladda oo rajo fiican ka qabay inaysan mushaar weyn maadaama Farmaajo madaxweyne laga dhigay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com