Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,672
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Kornayl Caarre Oo Ku Dhawaaqay In Uu Somaliland Soo Weerarayo Maamulka Puntland Uu Garab Is-taagayo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Muqdisho (SMN) – Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in dowladda Soomaaliya ay ugu deeqi doonaan lacag gaareysa 94 Milyan, si loo hormariyo kobaca dhaqaalaha ee dalka. Garruso Ruiz oo Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha wadanka ayaa sheegay in uu jeedada yaboohasi lacageed ay tahay in sar u kac uu sameeyo dhaqaalo ka soo xarooda gudaha Soomaaliya. Ruiz ayaa xusay in lacagahaasi ay ku deeqeen dowladda Soomaaliya in ay ka caawin doonto dhinacyada siyaasadda amaanka iyo wax ka qabashada xaaladaha bin aadanimo ee dalka ka jira. Ugu danbeyn, wasiirka qorsheynta xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa u mahad celiyay Midowda Yurub, isagoo sheegay in ay xoojin doonaan xiriirka kala dhexeeya saaxiibada qaarada yurub. View the full article
  3. (SLT-Washington)-Labada Haweenka Muslimka ee ka tirsan Kongareeska Maraykanka ee Ilhaan Cumar oo asal ahaan Soomaali ah iyo Rashida Talayba ee asal ahaan Falastiiniyad ah, waxay si kulul u dhaliileen Hubka uu Maraykanku siiyo Sacuudiga ee loo adeegsanayo dagaalka ka socda dalka Yemen. Qoraal ay Ilhan Omar soo dhigtay barteeda Twitterka waxay ku sheegtay inay Sacuudiga had iyo jeer heerka ugu xun ku jiraan Tacadiyadda Xuquuqda Aadanaha ee Caalamka, isla markaana ay mas’uul ka yihiin macluusha iyo cuddurka Koleeraha ee dadka Reer Yemen. Waxay sii raacisay inay Sacuudiga weli yihiin kuwa ugu sarreeya ee iibsada hubka lagu farsameeyo Maraykanka, waxayna Ilhan Omar is-weydiisay sababaha uu Madaxweyne Donald Trump ula dhinac noqday kuwa hubka soo saara ee ka dhanka ah dadka u ololeeya Xuquuqda Aadanaha. Hadalkeeda waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay Mudanayaasha Aqalka Senedka Maraykanka caawa yeelan doonaan Kulan ay kaga doodayaan Tacadiyadda ay Isbahaysiga Sacuudiga ka geystaan dalka Yemen iyo sidii loo joojin lahaa hubka laga iibiyo. Bishii la soo dhaafay, Aqalka Senedka ee dalkaasi waxay u codeeyeen qaraar ku baaqay inay Maraykanka joojiyaan taageeradda dagaalka ee ay Isbahaysiga Sacuudiga ka siiyaan dagaalka Yemen. Si kastaba ha ahaatee, Sacuudiga waxay tan iyo sannadkii 2015-kii hoggaamiyeen Isbahaysi Carbeed oo ka dhan ah Maleeshiyadda Xuutiyiinta Yemen ee Iiraan taageerto. Source
  4. (SLT-Iran)-Iran waxay jawaab adag ka bixin doontaa ficil kasta oo ciidamada badda Israel ay qaadaan oo ka dhan ah maraakiibteeda shidaalka, waxaa sidaas maanta yiri wasiirka gaashaandhigga Iran. Hadalladiisa ayaa yimid toddobaad kadib markii ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu uu sheegay in ciidamada badda Israel ay joojin karaan maraakiibta shidaalka sidda ee Iran, si loo dhaqan-geliyo cunaqabateynta Mareykanka. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sanadii tagtay ka baxay heshiiska Nuclear-ka Iran, wuxuuna dalkaas saaray cunaqabateyn looga gol leeyahay in lagu joojiyo dhoofinta saliidda Iran. Wasiirka difaaca Iran, Amir Hatami ayaa wakaaladda wararka dalkaas ee IRNA ay kasoo xigatay isaga oo sheegaya in Iran ay leedahay awood milatari oo ay kaga hortagto faro-gelinta Israel, islamarkaana beesha caalamka aysan aqbali dooni ficil noocan ah. Hatami ayaa sheegay in iska hor-imaad noocan oo kale ah loo arki doono “burcad badeednimo”, wuxuuna ka digay “Haddi ay dhacdo, waxaan u jawaabi doonnaa si adag” “Ciidamada hubeysan ee Iran waxay leeyihiin awood ay qadka maraakiibta dalka habka ugu wanaagsan uga ilaaliyaan halis kasta oo suurta-gal ah” Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska ciidamada Mareykanka ayaa war kasoo saaray duqeyn lala eegtay ciidamo katirsan Al Shabaab oo ku sugnaa deegaano ka tirsan gobolka SHabeelaha Hoose. Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in duqeyntaasi ay aheyd mid ka dhacday deegaan ka tirsan Shabeelaha Hoose, islamarkaana lagu dilay labo ka mid ah saraakiisha Al Shabaab. Qoraal kasoo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta ay ka dhacday deegaanka Huleey oo Shabeelaha Hoose ka tirsan, waxaana lala eegtay xubno ka tirsan Al Shabaab, sida qoraalka lagu sheegay. Qoraalka Taliska ayaa lagu cadeeyay in duqeynta aysan waxyeelo kasoo gaarin dadka shacabka ah, balse kaliya ay khasaaraha uu gaaray Al Shabaab. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in weerarka uu ahaa mid Istaraatijiyad ahaa, islamarkaana lagu taageerayey Ciiddanka dowladda , si culays loogu saaro Alshabaab, waa sida ay sheegteen. Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay Duqeyntaas. Al Shabaab ayaa dhankooda maalin ka hor soo bandhigay agab ay sheegeen inay ka furteen ciidamada Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo weeraray saldhiga Al Shabaab ee deegaanka Daarusalaam. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. (SLT-Washington)-Barta Facebook ee ay bulshadu ku xidhiidho ayay soo wajahday ciladdii ugu waynayd taariikhda, iyadoo adeegyadii ugu mihiimsanaa ay cilado galeen, dadka dunida kala jooga ee isticmaalana ay adeegsan waayeen Arbacadii. Markii ugu dambaysay ee cilad baaxadan ku dhaw ay soo wajahdo waxay ahayd sannadkii 2008, markaas oo dadka isticmaala ee dunidu ay ahaayeen 150 milyan halka ay hadda bil kaste ka isticmaasho 2.3 bilyan oo ruux. Cilladan ayaa saamaysay adeegyada ugu waawayn Facebook sida labada App ee Messenger iyo WhatsApp oo fariimaha la isaga diro iyo Instagramka oo sawirrada lagu wadaago. Wali lama shaacin waxa sababay ciladdan. “Waxaan ka war qabnaa in dadka qaar ka mid ah aysan hadda isticmaali karin Facebook iyo App-ka ay isku bahda yihiin” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Facebook. “Waxaan ka shaqaynaynaa sidii ciladdan loo soo af jari lahaa sida ugu dhakhso badan”. Shirkadda oo ka jawaabaysa warar la isla dhex maray oo sheegaya in shirkaddu ay adeegga u joojisay si ay u baajiso weerar dhanka Internetka ah oo lagu soo qaaday, ayaa sheegtay in arrintu aysan sidaas ahayn. Ciladdu baaxad intee la eg ayay leedahay? Waxaa la qiyaasayaa in cilladani ay billaabatay 16:00 GMT ama 7:00 fiidnimo ee saacadda Bariga Afrika. Qaar ka mid ah dadka isticmaala Facebook ayaana billaabay in ay ka cawdaan in aysan waxba ku qori karin ama sawirro dadka la wadaagi karin. Dadka Instagram-ka isticmaala ayaa iyaguna awoodi waayay in ay bogga cusboonaysiistaan si ay sawirro cusub u arkaan. Source
  7. (SLT-Washington)-Dawladda Maraykanka ayaa ku biirtey dalalka ku dhowaaqay inay dhulka dhigayaan oo ay joojinayaan isticmaalka diyaarada nooceedu yahay Boeing 737 MAX. Dalal badan oo caalamka ayaa hore ugu dhowaaqay talaabada lagu joojinayo diyaaradan kadib markii dhowaan ay mid kamid ah diyaaradaha noocoodu yahay Boeing 737 MAX ay ku burburtay dalka Ethiopia ayna ku dhinteen dhammaan dadkii saarnaa. Wadamo ku yaalla qaarada Yurub, dalka Shiinaha iyo dalal kale ayaa hore ugu dhowaaqay inay joojnayaan isticmaalka diyaarada Boeing 737 MAX. Illaa iyo hadda ma jiro sabab dhab ah oo keentay burburka diyaaradan balse waxaa ka horeeyay diyaarad kale oo isla noocaas ah oo ku burburtay dalka Indonisia toddobo bil kahor waxaana ku dhintey 189 ruux,balse lama hayo wax cadeyn ah oo sheegaya in ay xiriir leeyihiin burburka labada diyaaradood. Shirkada soo saarta diyaarada Boeing 737 MAX oo fadhigeedu yahay dalka Maraykanka ayaa amarka uu Madaxweynaha Maraykanka ku bixiyay in la joojiyo duulimaadyadeed waxaa soo dhoweeyay shaqaalaha iyo madaxda hay’ada duulimaadyada dalka Maraykanka. Si kasta ha ahaatee shirkada Boeing ayaa ku dhowaaqday in ay dhulka dejineyso dhammaan diyaaradaha noocoodu yahay Boeing 737 MAX oo gaaraya 371 illaa amar dambe. Sanduuqii Madoobaa ee laga ogaan ahaa sababta keentay burburka diyaaradii ku dhacday duleedka magaalada Addis Ababa ayay dowlada Ethiopia ka codsatay dalka Jarmalka inuu baadho macluumaadka ku jira. Hase yeeshee dowlada Jarmalka ayaa diiday inay baadho sanduuqaas madow iyadoo sheegtay inuu yahay mid ku cusub caalamka isla markaana xogta ku jirta ayna heli karin. Source
  8. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay shirka Africa Now. Hoos ka akhriso khudbada Madaxweyne farmaajo Mudane Madaxweyne Yoweri Museveni Madaxweyne Ku Xigeenka Kenya Madaxweyne Ku Xigeenka Tanzania Wasiirka Ganacsiga ee Masar Mudanayaal iyo Marwooyin, iyo martida sharafta leh, Waxa sharaf ii ah inaan Kampala joogo aniga oo Shirka “Africa Now” kala qayb-gelaya madaxda Afrika, ganacsatada waaweyn iyo aqoonyahanka ku takhasusay Horumarka. Waxaan Madaxweyne Yoweri Museveni iyo Dowladda Uganda uga mahadcelinayaa soo dhawaynta iyo martisoorka diirran ee aniga iyo waftigayga na loo fidiyey. Waxaan sidoo kale hambalyeynayaa qabanqaabiyayaasha shirkan—gaar ahaan Xarunta Istaraatijiyadeed ee Hoggaaminta oo shirkan suurtagelisey. Cinwaanka Shirka ee “Africa Now” waa mid gaar ah, maxaa yeelay badanka dadka falanqeeya arrimaha Afrika waxay xoogga saaraan taariikhda Afrika iyo waxa ay mustaqbalka noqon karto. Walow ay taas lafteedu muhiim tahay, haddana dadaalka iyo guulaha hadda la gaaro ayaa qaabeeya mustaqbalka iyada oo laga shidaal qaadanayo tagtadii. Waa inaan hore u soconnaa innaga oo keliya aan rajo fiican ka qabin mustaqbalka balse ku kalsoon dadaalladeenna hadda. Tani waa midda uu Madaxweyne Museveni uu tilmaamayey markii aan ka hadlaynay dib u habeynta Qaaradda. Runtii, aad baan ugu raacansanahay marka uu leeyahay aan ka gudubno xaddiga waxsoosaarka oo aan u gudubno tayada waxsoosaarka. Walaashay Saamiya Suluhu, Madaxweyne K/Xigeenka Tanzania iyaduna waxay soo hadal qaadday in horurmaku iyo hoggaamintuba ay noqdaan mid loo dhan yahay oo ay haweenka iyo dhallinyaraduba kaalin muuqato ka ciyaaraan horusocodnimada qaaradda. Sidoo kale, Mudane William Ruto ayaa cinwaankan ka hadlay. Hadda ayaynu u baahannahay hoggaan dardargeliya isbeddelka bulsho iyo dhaqaale ee Afrika; hadda ayaynu u baahannahay inaan yagleelno mustaqbal waxtar u leh dhallinyarada iyo haweenka Afrika, hadda ayaan u baahaannahay inaan fahanno isla markaana ka hortagno saamaynta Isbeddelka cimiladu ku yeelanayo koboca dhaqaalaha; hadda ayaan u baahannahay inaan xal heer degmo, heer qaran iyo heer caalami ah u helno caqabadaha aynu wadaagno sida kuwa ganacsiga iyo amniga. Ugu danbayntiina, hadda ayaynu u baahannahay inaynu isku xirno dhaqaaleheenna innaga oo adeegsanayna kaabayaal dhaqaale oo muuqda iyo kuwa casriga ah, si aan u helno Afrika isdhexgalkeedu sarreeyo, nabdoon isla markaana dhaqaaleheedu kobcayo. Mudanayaal iyo Marwooyin, Waxaan fursad u helay inaan ka qayb-galo kulamo kala duwan intii shirku socday aniga oo dhegaystay fikrado badan, siyaasado iyo tallaabooyin la soo jeediyay, waxaana qirayaa inaan ku rajo weynahay inaan ka qaarad ahaan gaari karno himilooyinkeenna haddii aan xoojinno iskaashigeenna. Ma jirto caqabad aan laga gudbi karin, buur aan la fanan karin iyo meel aan la gaari karin, haddii la helo ujeeddo guud iyo dadaal dhankeenna ka yimaadda. Waxaan aaminsanahay inaan haysanno hay’adihii, dadkii, aragtidii iyo hoggaamintii loo baahnaa si aan u gaarno Afrika isdhexgalkeedu sarreeyo, nabdoon isla markaana dhaqaaleheedu kobcayo. Warqaddii martiqaadka ee uu ii soo diray Mudane Madaxweyne Museveni waxaa ku xusnayd inuu yahay qof rajo fiican ka qaba Afrika, waxaana rabaa inaan u sheego inaan dhammaantayo la wadaagno jacaylka iyo qabka uu u hayo qaaraddeenna qurxoon. Balse waa inaan si maangal ah u fekernaa oo aan ogolaannaa baahida loo qabo doodo wax ku ool ah iyo istaraatijiyad heer qaarad oo ku aaddan isbeddelka dhaqaale, maalgashiga, koboca dhaqaale iyo shaqo u abuuridda dhallinyarada si Afrika iyo dadkeeda kala jaadka ahi uga faa’idaystaan awooddooda, ugana badbaadaan dabinka saboolnimada iyo horumar la’aanta. Khibradeenna ayaa ina baraysa in hantideenna ugu qaalisan sida dhallinyarada iyo khayraadka dabiiciga ah ay noqon karaan caqabad haddii aynaan si fiican u malgaashan, una maarayn. Arrintan mar danbe uma adkaysan karno maadaama oo caalamku isu soo dhawaanayo, qaarad kastana ay innaga horumarayso, innaga oo isku dayayna inaan gaarno. Hoggaaminta iyo masuuliyad wadareedku waa tiirarka ugu muhiimsan ee isbeddelka, dib u habaynta iyo horumarka. Isdhexgalka, Amniga iyo Koboca Dhaqaale ee Afrika waa masuuliyad saaran qof kasta oo kamid ah hoggaamiyayaasha siyaasadda iyo ganacsiga iyo sidoo kale muwaadin kasta. Si kale haddaan u dhigo, waa inaan dhammaanteen ka qayb-qaadannaa horumarinta qaaraddan qaniga ah isla markaana qurxoon. Waqtigii wax kasta laga sugi jiray dowladda waa uu dhammaaday. Dowladaha, hoggaamiyayaasha ganacsiga iyo muwaadiniintu waa inay si dhaw uga wada shaqeeyaan sidii loo abuuri lahaa heshiis bulsho oo cusub oo ku salaysan yagleelidda mustaqbal dan u ah dhammaan dadka oo idil. Waa inaynu ganacsiga iyo siyaasadda casriyaynaa oo hal abuur cusub ku soo kordhinnaa, kana faa’idaysannaa iskaashiyada caalamiga ah iyo kuwa heer qaarad. Waa inaan si madaxbannaan u qiimaynaa saamaynta siyaasadeheenna isla markaana si wadajir ah u fekernaa, maxaa yeelay wadajirka ayaynu ku xooggannahay. Fursadaha horyaalla Afrika waa tiro badan yihiin. Waxaan leennahay dhalliyaro da’ ahaan aad u yar, dhul qiimo badan, khayraad badeed iyo dhaqan soojireen ah oo iskaashi iyo is-taageerid ku dhisan. Sidoo kale, teknaloojiyadda iyo isbeddelka ku yimi adeegyada dowladda ee asaasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka awgeed, Afrika waxay fursad u haysataa inay hormuud ka noqoto dhinacyo badan oo fure u ah horumarkeenna sida warshadaha, isu socodka alaabaha iyo dadka iyo dhaqaalaha casriga ah, iyada oo aynu weli ku xooggannahay beeraha iyo dhinacyada kale ee soojireenka ah. Ganacsiga Afrika dhexdeeda ah waa waajib haddii aynu doonayno inaynu qaarad ahaan barwaaqowno. Waa inaan marka hore dhexdeenna u suuq-geynaa isla markaana ku iibinnaa badeecadda iyo adeegyada Afrika lagu sameeyo. Xaqiiqadu waxay tahay Afrika ayaa ah suuqeenna ugu muhiimsan ee ay ganacsatadeennu faa’idada ugu badan ku haysato. Waxa intaasi dheer, abuuridda iyo hirgelinta hindisaha Ganacsiga Xorta ah ee Qaaraddu waxa uu wax ka beddelayaa mustaqbalka bulsho iyo dhaqaale ee Afrika iyo dadka ku nool, waxana abuurmaya fursado, shaqooyin iyo xirfado cusub, taasi oo xal u noqonaysa mushkiladda tahriibka dadka aqoonta leh. Waxaan ku faraxsanahay inaan halkan ka sheego in Soomaaliya ay kamid tahay dalalka ugu horreeyay ee saxiixay Heshiiska Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda. Balse si aan yoolkan ugu guulaysanno, Afrika waa inay si fiican isugu xiran tahay dhul ahaan, cir ahaan iyo bad ahaan. Waxaan u baahannahay inaan maalgashi badan ku samayno kaabayaasheenna dhaqaalaha si dadkeennu uga faa’idaystaan fursadaha caalamiga ah iyo kuwa qaaradeed ee mustaqbalka. Marka laga yimaaddo kaabayaasha dhaqaalaha, waa inaan maalgashannaa waxyaabaha muhiimka u ah koboca dhaqaalaha, sida siyaasadaha dhaqaale ee lagama maarmaanka ah iyo abuuridda jawi soo jiidanaya maalgashiga kaasi oo faa’ido u leh dhammaan dalalka iyo dadkooda. Su’aalaha loo baahanayahay inaan iswaydiinno ayaa ah: Badeecadda iyo adeegyada Afrika si xor u xuduudaha ma uga kala gooshi karaan? Waaxdeenna maaliyaddu ma tahay mid isku xiran? Ma leennahay siyaasadihii iyo dowlad-wanaaggii aynu kaga hortagi lahayn khatarta iman karta? Ma leennahay xirfaddii iyo tamartii aan waxsoosaar ballaaran ku samayn lahayn? Ma leennahay aqoontii iyo xirfaddii aan uga faa’idaysan lahayn koboca dhaqaale? Ma leennahay iskaashi aynu ku xoojin karno wadashaqaynteenna heer qaarad ee dhinaca horumarka? Weyddiimahan muhiimka ah innaga oo adeegsanayna, waa inaan sidoo kale ka fekernaa inaan ka hortagno khataraha iman kara, isla markaana aan dardargelinnaa maalgashiga horumarkeenna oo aan adeegsannaa hay’adaha caalamiga ah ee maaliyadeed si ay innooga taageeraan mashaariicda xuduudaha hal dal ka baxsan. Dhinaca kale, horumarka waxa joogteeya maalgashiga iyo iskaashiga kala duwan iyo ilaalinta deegaankeenna qaaliga ah oo ina siiya nolosha iyo fursado tiro badan. Mudanayaal iyo Marwooyin, martida sharafta leh, Waxaan rabaa inaan hadalkayga ku soo gunaanado, Soomaaliya waxay kusoo jirtay xilli adag 30-kii sano ee u dambeeyay, taasina waxay sababtay in ay dad badan u qaxaan xeryo qaxooti oo dalal badan ah oo ay kamid tahay Uganda. Waxaan idiin sheegayaa inaad sabool ama hoy la’aan tahay in aysan kaa hor istaagi karin inaad isku filnaato. Kaasi waa cashar ay cid walba ka baran karto dadka Soomaaliyeed. Aan idin siiyo hal tusaale. Waxaa halkan Uganda ku nool ku dhawaad 50 kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah. In kasta oo in badan oo kamid ah ay halkan ku yimaaddeen qaxootinimo, haatan waa dad isku filan. Qaarkood waxay ka bilaabeen ganacsiyo, waxayna qaar kamid ah noqdeen hal abuurayaal ganacsi ayaga oo gacan ka helaya shacabka dalkan iyo Madaxweyne Yoweri Museveni oo ah qof ay Afrikaannimadu ku wayn tahay. Ma aha Uganda oo kaliya balse haddii aad tagto Koonfur Suudaan, Kenya ama Koonfur Afrika waxaad ku arkaysaa Soomaali guryahooda ka soo tagay ayaga oo qaxooti ah balse maanta hodan ah oo hanti badan leh. Waa waajib inaan dadkeenna u suurtagelinno Afrika nabdoon, isdhexgalkeedu sarreeyo isla markaana kobcaysa. Waa arrin ay xaq u leeyihiin. Balse waxa ii muuqata, aniga oo adeegsanaya khibraddeenna ka qaarad ahaan, inaan meesha ka saari karno xiisadaha iyo khilaafyada oo aan qoriga dhigi karno, isla markaana abuuri karno shaqooyin cusub innaga oo kobcinayna dhaqaaleheenna. Afrikaan ahaan, waa inaan awooddeenna xaqiiqsannaa oo aan wax ka beddelnaa mustaqbalka aan wadaagno. Mahadsaniidiin. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyay shirka Africa Now appeared first on Puntland Post.
  9. Baydhabo (SMN) – Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa cambaareeyay qaraxyadii shalay ka dhacay suuqa xoolaha ee degaanka Goofgaduud Buurey ee gobolka Baay. Ku dhowaad 50 ruux oo u badan dad shacab ah ayaa ku dhaawacantay weerarkaasi, halka shan kale ay ku geeriyoodeen, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta dowlad goboleedkaasi. Lafta Gareen ayaa ka dalbaday shacabka Koonfur Galbeed in ay ugurmadaan dadkii ku waxyeeloobay dhacdadaasi. Madaxwaynaha oo sii hadlaya ayaa ka dalbaday shacabka in ay meel uga soo wada jeesteen dadka aan nolasha u ogoleen, sida uu hadalka udhigay. Ugu dambeyntii, Lafta Gareen ayaa shaaciyay in dadka dhaawaca ah ee degaanada Koonfur Galbeed wax looga qaban waayo ay kala kaashan doonan xukuumada federaalka ah sidii ay u heli lahaayeen daaweyn. View the full article
  10. (SLT-Riyadh)-Tiro ka mid ah dumarka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa lagu maxkamadaynayaa Sacuudiga, dacwaddaas oo dhalisay su’aalo ku saabsan xaaladda xuquuqda aadamaha ee Boqrtooyada Sacuudiga. Bishii May ee sannadkii hore ayaa la xiray dumarkan xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa, wax yar uun ka hor markii uu dalkaasi qaaday xayiraaddii dumarka ka saarnayd gaari wadidda, qaar badan oo ka mid ah gabdhahan ayaana arrintaas aad ugu ol’oleeyay. Dacwadaha ay wajahayaan waxaa la sheegay in ay ka mid yihiin “taageeridda kooxo halis ah” waxaana laga yaabaa in xabsiyo dhaadheer lagu xukumo. Dalabaadka ku aadan in Sacuudigu uu siidaayo dumarkaas ayaa dunida oo dhan ka kala yimid. Toddobaadkii horana in kabadan 30 dal oo xubno ka ah Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa dhaliilay Sacuudiga, iyaga oo ku eedaynaya dumarka ay xirxireen. Soo hadal qaadka arrimaha xuquuqda aadanaha ee Sacuudiga ayaa sare u kacday tan iyo wixii ka dambeeyay dilkii saxafi Jamaal Khashoqji ee magaalada Istanbul ka dhacday Oktoobar. Ugu yaraan 10 dumar ah ayaa la filayaa in ay ka soo muuqdaan maxkamadda dambiyada ee Riyaadh, dumarkaas waxaa ka mid ah Loujain al-Hathloul, Aziza al-Yousef, Eman al-Nafjan iyo Hatoon al-Fassi oo dhammaantood ku caan baxay u doodidda xuquuqda aadanaha. Saxafiyiinta iyo dublamaasiyiinta looma ogola in ay ka qayb qaataan dhagaysiga dacwadda. Source
  11. Kismaayo (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo Madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa xalay magaalada Kismaayo ku yeeshay shir gaar ah. Kulankaasi oo kusoo dhamaaday qaab is afgarad ah ayaa waxaa looga hadlay dhamaan waxyaabihii keenay mad-madowga soo kala dhex-galay wadashaqeyntii ka dhaxeysay labada dhinac. Wararka ay idaacadda Shabelle ka helayso caasimad goboleedka Jubadda Hoose ayaa ku sheegaya in la isku raacay in laga wadashaqeeyo sidii loo xoojin lahaa xirirka labada dhinac. Wadahadalka u dhaxeeya dowlada dhexe iyo maamulka Jubbaland oo ku dhow gabagabo ayaa lagu waramayaa in laga sameeyay horumar wanaagsan, isla markaana ay jirto isu soo dhowaanshiyo fiican. View the full article
  12. The Achievement Governor Central Bank of Somailand Governor Ali Ibrahim Jama (Baqdadi) Somaliland Central Bank Governor Ali Ibrahim Jama is managing the bank through a clear cut development oriented management style. He has established the Central Bank policy, money laundering policy, Islamic bank policy. He has also refurbished the central bank’s main Hargeisa branch as well as the Berbera branch. The governor has also trained central bank staff to help improve their work. Under his watch, the Somaliland shilling has steadily gained its value with the US dollar and he has also helped reduce inflation rates in Somaliland. The governor has also improve working relationship between the central bank and the government and also improved and maintained working relationship with the world bank through high level strategic meetings with world bank senior representatives in Nairobi. Last but not the least he has also established relations between Somaliland Central Bank and the UK Central Bank which in turn has provided crucial monetary management training in London to some of our senior Somaliland central bank staff, such trainings are very valuable to our team and country in setting up proper fiscal management. Qaran News
  13. Muqdisho (SMN) – Mudane Madaxweyne Yoweri Museveni Madaxweyne Ku Xigeenka Kenya Madaxweyne Ku Xigeenka Tanzania 
Wasiirka Ganacsiga ee Masar Mudanayaal iyo Marwooyin, iyo martida sharafta leh, Waxa sharaf ii ah inaan Kampala joogo aniga oo Shirka “Africa Now” kala qayb-gelaya madaxda Afrika, ganacsatada waaweyn iyo aqoonyahanka ku takhasusay Horumarka. Waxaan Madaxweyne Yoweri Museveni iyo Dowladda Uganda uga mahadcelinayaa soo dhawaynta iyo martisoorka diirran ee aniga iyo waftigayga na loo fidiyey. Waxaan sidoo kale hambalyeynayaa qabanqaabiyayaasha shirkan—gaar ahaan Xarunta Istaraatijiyadeed ee Hoggaaminta oo shirkan suurtagelisey. Cinwaanka Shirka ee “Africa Now” waa mid gaar ah, maxaa yeelay badanka dadka falanqeeya arrimaha Afrika waxay xoogga saaraan taariikhda Afrika iyo waxa ay mustaqbalka noqon karto. Walow ay taas lafteedu muhiim tahay, haddana dadaalka iyo guulaha hadda la gaaro ayaa qaabeeya mustaqbalka iyada oo laga shidaal qaadanayo tagtadii. Waa inaan hore u soconnaa innaga oo keliya aan rajo fiican ka qabin mustaqbalka balse ku kalsoon dadaalladeenna hadda. Tani waa midda uu Madaxweyne Museveni uu tilmaamayey markii aan ka hadlaynay dib u habeynta Qaaradda. Runtii, aad baan ugu raacansanahay marka uu leeyahay aan ka gudubno xaddiga waxsoosaarka oo aan u gudubno tayada waxsoosaarka. Walaashay Saamiya Suluhu, Madaxweyne K/Xigeenka Tanzania iyaduna waxay soo hadal qaadday in horurmaku iyo hoggaamintuba ay noqdaan mid loo dhan yahay oo ay haweenka iyo dhallinyaraduba kaalin muuqato ka ciyaaraan horusocodnimada qaaradda. Sidoo kale, Mudane William Ruto ayaa cinwaankan ka hadlay. Hadda ayaynu u baahannahay hoggaan dardargeliya isbeddelka bulsho iyo dhaqaale ee Afrika; hadda ayaynu u baahannahay inaan yagleelno mustaqbal waxtar u leh dhallinyarada iyo haweenka Afrika, hadda ayaan u baahaannahay inaan fahanno isla markaana ka hortagno saamaynta Isbeddelka cimiladu ku yeelanayo koboca dhaqaalaha; hadda ayaan u baahannahay inaan xal heer degmo, heer qaran iyo heer caalami ah u helno caqabadaha aynu wadaagno sida kuwa ganacsiga iyo amniga. Ugu danbayntiina, hadda ayaynu u baahannahay inaynu isku xirno dhaqaaleheenna innaga oo adeegsanayna kaabayaal dhaqaale oo muuqda iyo kuwa casriga ah, si aan u helno Afrika isdhexgalkeedu sarreeyo, nabdoon isla markaana dhaqaaleheedu kobcayo. Mudanayaal iyo Marwooyin, Waxaan fursad u helay inaan ka qayb-galo kulamo kala duwan intii shirku socday aniga oo dhegaystay fikrado badan, siyaasado iyo tallaabooyin la soo jeediyay, waxaana qirayaa inaan ku rajo weynahay inaan ka qaarad ahaan gaari karno himilooyinkeenna haddii aan xoojinno iskaashigeenna. Ma jirto caqabad aan laga gudbi karin, buur aan la fanan karin iyo meel aan la gaari karin, haddii la helo ujeeddo guud iyo dadaal dhankeenna ka yimaadda. Waxaan aaminsanahay inaan haysanno hay’adihii, dadkii, aragtidii iyo hoggaamintii loo baahnaa si aan u gaarno Afrika isdhexgalkeedu sarreeyo, nabdoon isla markaana dhaqaaleheedu kobcayo. Warqaddii martiqaadka ee uu ii soo diray Mudane Madaxweyne Museveni waxaa ku xusnayd inuu yahay qof rajo fiican ka qaba Afrika, waxaana rabaa inaan u sheego inaan dhammaantayo la wadaagno jacaylka iyo qabka uu u hayo qaaraddeenna qurxoon. Balse waa inaan si maangal ah u fekernaa oo aan ogolaannaa baahida loo qabo doodo wax ku ool ah iyo istaraatijiyad heer qaarad oo ku aaddan isbeddelka dhaqaale, maalgashiga, koboca dhaqaale iyo shaqo u abuuridda dhallinyarada si Afrika iyo dadkeeda kala jaadka ahi uga faa’idaystaan awooddooda, ugana badbaadaan dabinka saboolnimada iyo horumar la’aanta. Khibradeenna ayaa ina baraysa in hantideenna ugu qaalisan sida dhallinyarada iyo khayraadka dabiiciga ah ay noqon karaan caqabad haddii aynaan si fiican u malgaashan, una maarayn. Arrintan mar danbe uma adkaysan karno maadaama oo caalamku isu soo dhawaanayo, qaarad kastana ay innaga horumarayso, innaga oo isku dayayna inaan gaarno. Hoggaaminta iyo masuuliyad wadareedku waa tiirarka ugu muhiimsan ee isbeddelka, dib u habaynta iyo horumarka. Isdhexgalka, Amniga iyo Koboca Dhaqaale ee Afrika waa masuuliyad saaran qof kasta oo kamid ah hoggaamiyayaasha siyaasadda iyo ganacsiga iyo sidoo kale muwaadin kasta. Si kale haddaan u dhigo, waa inaan dhammaanteen ka qayb-qaadannaa horumarinta qaaraddan qaniga ah isla markaana qurxoon. Waqtigii wax kasta laga sugi jiray dowladda waa uu dhammaaday. Dowladaha, hoggaamiyayaasha ganacsiga iyo muwaadiniintu waa inay si dhaw uga wada shaqeeyaan sidii loo abuuri lahaa heshiis bulsho oo cusub oo ku salaysan yagleelidda mustaqbal dan u ah dhammaan dadka oo idil. Waa inaynu ganacsiga iyo siyaasadda casriyaynaa oo hal abuur cusub ku soo kordhinnaa, kana faa’idaysannaa iskaashiyada caalamiga ah iyo kuwa heer qaarad. Waa inaan si madaxbannaan u qiimaynaa saamaynta siyaasadeheenna isla markaana si wadajir ah u fekernaa, maxaa yeelay wadajirka ayaynu ku xooggannahay, Fursadaha horyaalla Afrika waa tiro badan yihiin. Waxaan leennahay dhalliyaro da’ ahaan aad u yar, dhul qiimo badan, khayraad badeed iyo dhaqan soojireen ah oo iskaashi iyo is-taageerid ku dhisan. Sidoo kale, teknaloojiyadda iyo isbeddelka ku yimi adeegyada dowladda ee asaasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka awgeed, Afrika waxay fursad u haysataa inay hormuud ka noqoto dhinacyo badan oo fure u ah horumarkeenna sida warshadaha, isu socodka alaabaha iyo dadka iyo dhaqaalaha casriga ah, iyada oo aynu weli ku xooggannahay beeraha iyo dhinacyada kale ee soojireenka ah. Ganacsiga Afrika dhexdeeda ah waa waajib haddii aynu doonayno inaynu qaarad ahaan barwaaqowno. Waa inaan marka hore dhexdeenna u suuq-geynaa isla markaana ku iibinnaa badeecadda iyo adeegyada Afrika lagu sameeyo. Xaqiiqadu waxay tahay Afrika ayaa ah suuqeenna ugu muhiimsan ee ay ganacsatadeennu faa’idada ugu badan ku haysato. Waxa intaasi dheer, abuuridda iyo hirgelinta hindisaha Ganacsiga Xorta ah ee Qaaraddu waxa uu wax ka beddelayaa mustaqbalka bulsho iyo dhaqaale ee Afrika iyo dadka ku nool, waxana abuurmaya fursado, shaqooyin iyo xirfado cusub, taasi oo xal u noqonaysa mushkiladda tahriibka dadka aqoonta leh. Waxaan ku faraxsanahay inaan halkan ka sheego in Soomaaliya ay kamid tahay dalalka ugu horreeyay ee saxiixay Heshiiska Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda. Balse si aan yoolkan ugu guulaysanno, Afrika waa inay si fiican isugu xiran tahay dhul ahaan, cir ahaan iyo bad ahaan. Waxaan u baahannahay inaan maalgashi badan ku samayno kaabayaasheenna dhaqaalaha si dadkeennu uga faa’idaystaan fursadaha caalamiga ah iyo kuwa qaaradeed ee mustaqbalka. Marka laga yimaaddo kaabayaasha dhaqaalaha, waa inaan maalgashannaa waxyaabaha muhiimka u ah koboca dhaqaalaha, sida siyaasadaha dhaqaale ee lagama maarmaanka ah iyo abuuridda jawi soo jiidanaya maalgashiga kaasi oo faa’ido u leh dhammaan dalalka iyo dadkooda. Su’aalaha loo baahanayahay inaan iswaydiinno ayaa ah: Badeecadda iyo adeegyada Afrika si xor u xuduudaha ma uga kala gooshi karaan? Waaxdeenna maaliyaddu ma tahay mid isku xiran? Ma leennahay siyaasadihii iyo dowlad-wanaaggii aynu kaga hortagi lahayn khatarta iman karta? Ma leennahay xirfaddii iyo tamartii aan waxsoosaar ballaaran ku samayn lahayn? Ma leennahay aqoontii iyo xirfaddii aan uga faa’idaysan lahayn koboca dhaqaale? Ma leennahay iskaashi aynu ku xoojin karno wadashaqaynteenna heer qaarad ee dhinaca horumarka? Weyddiimahan muhiimka ah innaga oo adeegsanayna, waa inaan sidoo kale ka fekernaa inaan ka hortagno khataraha iman kara, isla markaana aan dardargelinnaa maalgashiga horumarkeenna oo aan adeegsannaa hay’adaha caalamiga ah ee maaliyadeed si ay innooga taageeraan mashaariicda xuduudaha hal dal ka baxsan. Dhinaca kale, horumarka waxa joogteeya maalgashiga iyo iskaashiga kala duwan iyo ilaalinta deegaankeenna qaaliga ah oo ina siiya nolosha iyo fursado tiro badan. Mudanayaal iyo Marwooyin, martida sharafta leh, Waxaan rabaa inaan hadalkayga ku soo gunaanado, Soomaaliya waxay kusoo jirtay xilli adag 30-kii sano ee u dambeeyay, taasina waxay sababtay in ay dad badan u qaxaan xeryo qaxooti oo dalal badan ah oo ay kamid tahay Uganda. Waxaan idiin sheegayaa inaad sabool ama hoy la’aan tahay in aysan kaa hor istaagi karin inaad isku filnaato. Kaasi waa cashar ay cid walba ka baran karto dadka Soomaaliyeed. Aan idin siiyo hal tusaale. Waxaa halkan Uganda ku nool ku dhawaad 50 kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah. In kasta oo in badan oo kamid ah ay halkan ku yimaaddeen qaxootinimo, haatan waa dad isku filan. Qaarkood waxay ka bilaabeen ganacsiyo, waxayna qaar kamid ah noqdeen hal abuurayaal ganacsi ayaga oo gacan ka helaya shacabka dalkan iyo Madaxweyne Yoweri Museveni oo ah qof ay Afrikaannimadu ku wayn tahay. Ma aha Uganda oo kaliya balse haddii aad tagto Koonfur Suudaan, Kenya ama Koonfur Afrika waxaad ku arkaysaa Soomaali guryahooda ka soo tagay ayaga oo qaxooti ah balse maanta hodan ah oo hanti badan leh. Waa waajib inaan dadkeenna u suurtagelinno Afrika nabdoon, isdhexgalkeedu sarreeyo isla markaana kobcaysa. Waa arrin ay xaq u leeyihiin. Balse waxa ii muuqata, aniga oo adeegsanaya khibraddeenna ka qaarad ahaan, inaan meesha ka saari karno xiisadaha iyo khilaafyada oo aan qoriga dhigi karno, isla markaana abuuri karno shaqooyin cusub innaga oo kobcinayna dhaqaaleheenna. Afrikaan ahaan, waa inaan awooddeenna xaqiiqsannaa oo aan wax ka beddelnaa mustaqbalka aan wadaagno. View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbin doonaa warka Subax. Hoos riix si aad udhageysato https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-140319.mp3 View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Cabdi Xaasho Cabdullaahi ayaa ka hadlay halka uu ku dambeeyo khilaafka u dhaxeeya labada aqal ee baarlamaanka. Isaga oo saxaafadda la hadlayay ayuu sheegay in Khilaafkaasi aan wali xal rasmi ah laga gaarin balse ay filayaan in sida ugu dhaqsiyaha badan loo xaliyo, isaga oo rajo ka muujiyay in madaxweynaha dalka uu soo faragelin doono arintaan. Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaai ayaa sheegay in wali uu taagan yahay khilaafka u dhaxeeya labada aqal ee baarlamaanka, waxaana uu sheegay in marar badan la yeeshay kulam arimahaasi la doonayay in lagu xaliyo, balse aan la isku fahmin. Wuxuu sidoo kale sheegay in maadaama la isku hayo qodobo Dastuuri ah, dhankooda ay sameeyeen tanaasulaad badan, balse aysan dhicin in dhanka Golaha shacabka ay ka helaan tanaasulaad. “Wali waa sideesii Khilaafkii jiray, laakiin lagama rajo dhigin, marar badan ayaan kulanay, waxaana u malaynayaa in dhanka Golaha shacabka ay wada shaqeynta ka socon weysay, waana heynaa dhamaan cadeymaha, waxaanse rajeyneynaa in xal laga gaaro, waxaa la isku hayaa qodobo Dastuuri ah”. “Wax badan ayaan tanaasul sameyney, haddana waxaa wanaagsan in si dhab ah loo wada shaqeyn doono, waxaana arintaan fileynaa in hogaanka ugu sareeyo dalka uu go’aan qeyb ka qaadan doono”ayuu yiri Cabdi Xaashi. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khilaafka u dhaxeeya labada aqal ee baarlamaanka uu saameyn ku yeeshay furitaanka kalfadhiga baarlamaanka oo dhawaan la filayo inuu dib u furmo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimad@live.com
  16. Washington DC (Caasimada Online) – Howl-galka ciidamada Amisom ee Soomaaliya ayaa waxa uu wajihi doonaa halis dhaqaale oo xooggan, oo sababi karta in ciidamada badan ay ka baxaan Soomaaliya, kadib go’aan kasoo baxay maamulka madaxweyne Trump ee dalka Mareykanka. Trump oo ku dhowaaqay miisaaniyadda dowladdiisa ee sanadda 2020, ayaa waxaa ku jiri dhimis xooggan oo lagu sameynayo lacagta Mareykanka uu ku caawiyo howl-galka Amisom ee Soomaaliya. Qorshaha Trump ayaa ah inuu dhimso 65% lacagta Mareykanka uu ku bixiyo Amisom. Lacagtaas oo iminka ah sanadii 254 milyan oo dollar, ayaa waxaa laga soo reebi doonaa kaliya 90 milyan oo dollar. Qorshaha Trump ayaa waxaa ku jira in sanadaha xiga la joojiyo lacagtaas gebigeed. Go’aanka Trump ayaa xaaladda kusii xumeyn doonta Amisom, oo markii horeba wajahaysay dhimis 20% oo ka timid Midowga Yurub. Dhowaan ayaa waxaa taagnaa muran xooggan oo u dhaxeeyay dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya iyo ururka Midowga Afrika, oo ku saabsan in la yareeyo ciidamada. Burundi, oo ciidamo kun askari ah laga dhimay iyo sidoo kale Uganada oo wajahaysa ayaa aad uga hor yimid, kuna hanjabay inay ciidamadooda kala baxayaan Soomaaliya. Ururka Midowga Afrika oo inta badan ku tiirsan dhaqaalaha Yurub iyo Mareykanka ayaa waxaa qasab ku ah inuu ciidamada dhimo ama ka yareeyo mushaharka marka ay lacagta yaraato. Ciidamada Amisom oo markii ay imanayeen Soomaaliya qaadan jiray bishii 1500 oo dollar askarigiiba, ayaa hadda sidii lacagta looga jarayey qaata 825 dollar. Haddii sanadka xiga lacagta Mareykanka ay 65% hoos u dhacdo, waxaa qasab noqon doonto in kumanaan askari oo kale oo Amisom ah dalka laga saaro. Dalalka Yurub iyo Mareykanka ayaa toban sano kadib garwaaqsaday in Amisom aysan waxba kusoo kordhin Soomaaliya, waxayna ka fakarayaan qorshooyin kale oo ay Soomaaliya ku caawin karaan. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  17. Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa khudbad uu ka jeediyey shirkii Africa Now ee ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda waxa uu kaga hadlay arrimo dhowr ah. Khudbadda madaxweynaha hoos ka akhriso: Mudane Madaxweyne Yoweri Museveni Madaxweyne Ku Xigeenka Kenya Madaxweyne Ku Xigeenka Tanzania 
Wasiirka Ganacsiga ee Masar. Mudanayaal iyo Marwooyin, iyo martida sharafta leh, Waxa sharaf ii ah inaan Kampala joogo aniga oo Shirka “Africa Now” kala qayb-gelaya madaxda Afrika, ganacsatada waaweyn iyo aqoonyahanka ku takhasusay Horumarka. Waxaan Madaxweyne Yoweri Museveni iyo Dowladda Uganda uga mahadcelinayaa soo dhawaynta iyo martisoorka diirran ee aniga iyo waftigayga na loo fidiyey. Waxaan sidoo kale hambalyeynayaa qabanqaabiyayaasha shirkan—gaar ahaan Xarunta Istaraatijiyadeed ee Hoggaaminta oo shirkan suurtagelisey. Cinwaanka Shirka ee “Africa Now” waa mid gaar ah, maxaa yeelay badanka dadka falanqeeya arrimaha Afrika waxay xoogga saaraan taariikhda Afrika iyo waxa ay mustaqbalka noqon karto. Walow ay taas lafteedu muhiim tahay, haddana dadaalka iyo guulaha hadda la gaaro ayaa qaabeeya mustaqbalka iyada oo laga shidaal qaadanayo tagtadii. Waa inaan hore u soconnaa innaga oo keliya aan rajo fiican ka qabin mustaqbalka balse ku kalsoon dadaalladeenna hadda. Tani waa midda uu Madaxweyne Museveni uu tilmaamayey markii aan ka hadlaynay dib u habeynta Qaaradda. Runtii, aad baan ugu raacansanahay marka uu leeyahay aan ka gudubno xaddiga waxsoosaarka oo aan u gudubno tayada waxsoosaarka. Walaashay Saamiya Suluhu, Madaxweyne K/Xigeenka Tanzania iyaduna waxay soo hadal qaadday in horurmaku iyo hoggaamintuba ay noqdaan mid loo dhan yahay oo ay haweenka iyo dhallinyaraduba kaalin muuqato ka ciyaaraan horusocodnimada qaaradda. Sidoo kale, Mudane William Ruto ayaa cinwaankan ka hadlay. Hadda ayaynu u baahannahay hoggaan dardargeliya isbeddelka bulsho iyo dhaqaale ee Afrika; hadda ayaynu u baahannahay inaan yagleelno mustaqbal waxtar u leh dhallinyarada iyo haweenka Afrika, hadda ayaan u baahaannahay inaan fahanno isla markaana ka hortagno saamaynta Isbeddelka cimiladu ku yeelanayo koboca dhaqaalaha; hadda ayaan u baahannahay inaan xal heer degmo, heer qaran iyo heer caalami ah u helno caqabadaha aynu wadaagno sida kuwa ganacsiga iyo amniga. Ugu danbayntiina, hadda ayaynu u baahannahay inaynu isku xirno dhaqaaleheenna innaga oo adeegsanayna kaabayaal dhaqaale oo muuqda iyo kuwa casriga ah, si aan u helno Afrika isdhexgalkeedu sarreeyo, nabdoon isla markaana dhaqaaleheedu kobcayo. Mudanayaal iyo Marwooyin, Waxaan fursad u helay inaan ka qayb-galo kulamo kala duwan intii shirku socday aniga oo dhegaystay fikrado badan, siyaasado iyo tallaabooyin la soo jeediyay, waxaana qirayaa inaan ku rajo weynahay inaan ka qaarad ahaan gaari karno himilooyinkeenna haddii aan xoojinno iskaashigeenna. Ma jirto caqabad aan laga gudbi karin, buur aan la fanan karin iyo meel aan la gaari karin, haddii la helo ujeeddo guud iyo dadaal dhankeenna ka yimaadda. Waxaan aaminsanahay inaan haysanno hay’adihii, dadkii, aragtidii iyo hoggaamintii loo baahnaa si aan u gaarno Afrika isdhexgalkeedu sarreeyo, nabdoon isla markaana dhaqaaleheedu kobcayo. Warqaddii martiqaadka ee uu ii soo diray Mudane Madaxweyne Museveni waxaa ku xusnayd inuu yahay qof rajo fiican ka qaba Afrika, waxaana rabaa inaan u sheego inaan dhammaantayo la wadaagno jacaylka iyo qabka uu u hayo qaaraddeenna qurxoon. Balse waa inaan si maangal ah u fekernaa oo aan ogolaannaa baahida loo qabo doodo wax ku ool ah iyo istaraatijiyad heer qaarad oo ku aaddan isbeddelka dhaqaale, maalgashiga, koboca dhaqaale iyo shaqo u abuuridda dhallinyarada si Afrika iyo dadkeeda kala jaadka ahi uga faa’idaystaan awooddooda, ugana badbaadaan dabinka saboolnimada iyo horumar la’aanta. Khibradeenna ayaa ina baraysa in hantideenna ugu qaalisan sida dhallinyarada iyo khayraadka dabiiciga ah ay noqon karaan caqabad haddii aynaan si fiican u malgaashan, una maarayn. Arrintan mar danbe uma adkaysan karno maadaama oo caalamku isu soo dhawaanayo, qaarad kastana ay innaga horumarayso, innaga oo isku dayayna inaan gaarno. Hoggaaminta iyo masuuliyad wadareedku waa tiirarka ugu muhiimsan ee isbeddelka, dib u habaynta iyo horumarka. Isdhexgalka, Amniga iyo Koboca Dhaqaale ee Afrika waa masuuliyad saaran qof kasta oo kamid ah hoggaamiyayaasha siyaasadda iyo ganacsiga iyo sidoo kale muwaadin kasta. Si kale haddaan u dhigo, waa inaan dhammaanteen ka qayb-qaadannaa horumarinta qaaraddan qaniga ah isla markaana qurxoon. Waqtigii wax kasta laga sugi jiray dowladda waa uu dhammaaday. Dowladaha, hoggaamiyayaasha ganacsiga iyo muwaadiniintu waa inay si dhaw uga wada shaqeeyaan sidii loo abuuri lahaa heshiis bulsho oo cusub oo ku salaysan yagleelidda mustaqbal dan u ah dhammaan dadka oo idil. Waa inaynu ganacsiga iyo siyaasadda casriyaynaa oo hal abuur cusub ku soo kordhinnaa, kana faa’idaysannaa iskaashiyada caalamiga ah iyo kuwa heer qaarad. Waa inaan si madaxbannaan u qiimaynaa saamaynta siyaasadeheenna isla markaana si wadajir ah u fekernaa, maxaa yeelay wadajirka ayaynu ku xooggannahay, Fursadaha horyaalla Afrika waa tiro badan yihiin. Waxaan leennahay dhalliyaro da’ ahaan aad u yar, dhul qiimo badan, khayraad badeed iyo dhaqan soojireen ah oo iskaashi iyo is-taageerid ku dhisan. Sidoo kale, teknaloojiyadda iyo isbeddelka ku yimi adeegyada dowladda ee asaasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka awgeed, Afrika waxay fursad u haysataa inay hormuud ka noqoto dhinacyo badan oo fure u ah horumarkeenna sida warshadaha, isu socodka alaabaha iyo dadka iyo dhaqaalaha casriga ah, iyada oo aynu weli ku xooggannahay beeraha iyo dhinacyada kale ee soojireenka ah. Ganacsiga Afrika dhexdeeda ah waa waajib haddii aynu doonayno inaynu qaarad ahaan barwaaqowno. Waa inaan marka hore dhexdeenna u suuq-geynaa isla markaana ku iibinnaa badeecadda iyo adeegyada Afrika lagu sameeyo. Xaqiiqadu waxay tahay Afrika ayaa ah suuqeenna ugu muhiimsan ee ay ganacsatadeennu faa’idada ugu badan ku haysato. Waxa intaasi dheer, abuuridda iyo hirgelinta hindisaha Ganacsiga Xorta ah ee Qaaraddu waxa uu wax ka beddelayaa mustaqbalka bulsho iyo dhaqaale ee Afrika iyo dadka ku nool, waxana abuurmaya fursado, shaqooyin iyo xirfado cusub, taasi oo xal u noqonaysa mushkiladda tahriibka dadka aqoonta leh. Waxaan ku faraxsanahay inaan halkan ka sheego in Soomaaliya ay kamid tahay dalalka ugu horreeyay ee saxiixay Heshiiska Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda. Balse si aan yoolkan ugu guulaysanno, Afrika waa inay si fiican isugu xiran tahay dhul ahaan, cir ahaan iyo bad ahaan. Waxaan u baahannahay inaan maalgashi badan ku samayno kaabayaasheenna dhaqaalaha si dadkeennu uga faa’idaystaan fursadaha caalamiga ah iyo kuwa qaaradeed ee mustaqbalka. Marka laga yimaaddo kaabayaasha dhaqaalaha, waa inaan maalgashannaa waxyaabaha muhiimka u ah koboca dhaqaalaha, sida siyaasadaha dhaqaale ee lagama maarmaanka ah iyo abuuridda jawi soo jiidanaya maalgashiga kaasi oo faa’ido u leh dhammaan dalalka iyo dadkooda. Su’aalaha loo baahanayahay inaan iswaydiinno ayaa ah: Badeecadda iyo adeegyada Afrika si xor u xuduudaha ma uga kala gooshi karaan? Waaxdeenna maaliyaddu ma tahay mid isku xiran? Ma leennahay siyaasadihii iyo dowlad-wanaaggii aynu kaga hortagi lahayn khatarta iman karta? Ma leennahay xirfaddii iyo tamartii aan waxsoosaar ballaaran ku samayn lahayn? Ma leennahay aqoontii iyo xirfaddii aan uga faa’idaysan lahayn koboca dhaqaale? Ma leennahay iskaashi aynu ku xoojin karno wadashaqaynteenna heer qaarad ee dhinaca horumarka? Weyddiimahan muhiimka ah innaga oo adeegsanayna, waa inaan sidoo kale ka fekernaa inaan ka hortagno khataraha iman kara, isla markaana aan dardargelinnaa maalgashiga horumarkeenna oo aan adeegsannaa hay’adaha caalamiga ah ee maaliyadeed si ay innooga taageeraan mashaariicda xuduudaha hal dal ka baxsan. Dhinaca kale, horumarka waxa joogteeya maalgashiga iyo iskaashiga kala duwan iyo ilaalinta deegaankeenna qaaliga ah oo ina siiya nolosha iyo fursado tiro badan. Mudanayaal iyo Marwooyin, martida sharafta leh, Waxaan rabaa inaan hadalkayga ku soo gunaanado, Soomaaliya waxay kusoo jirtay xilli adag 30-kii sano ee u dambeeyay, taasina waxay sababtay in ay dad badan u qaxaan xeryo qaxooti oo dalal badan ah oo ay kamid tahay Uganda. Waxaan idiin sheegayaa inaad sabool ama hoy la’aan tahay in aysan kaa hor istaagi karin inaad isku filnaato. Kaasi waa cashar ay cid walba ka baran karto dadka Soomaaliyeed. Aan idin siiyo hal tusaale. Waxaa halkan Uganda ku nool ku dhawaad 50 kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah. In kasta oo in badan oo kamid ah ay halkan ku yimaaddeen qaxootinimo, haatan waa dad isku filan. Qaarkood waxay ka bilaabeen ganacsiyo, waxayna qaar kamid ah noqdeen hal abuurayaal ganacsi ayaga oo gacan ka helaya shacabka dalkan iyo Madaxweyne Yoweri Museveni oo ah qof ay Afrikaannimadu ku wayn tahay. Ma aha Uganda oo kaliya balse haddii aad tagto Koonfur Suudaan, Kenya ama Koonfur Afrika waxaad ku arkaysaa Soomaali guryahooda ka soo tagay ayaga oo qaxooti ah balse maanta hodan ah oo hanti badan leh. Waa waajib inaan dadkeenna u suurtagelinno Afrika nabdoon, isdhexgalkeedu sarreeyo isla markaana kobcaysa. Waa arrin ay xaq u leeyihiin. Balse waxa ii muuqata, aniga oo adeegsanaya khibraddeenna ka qaarad ahaan, inaan meesha ka saari karno xiisadaha iyo khilaafyada oo aan qoriga dhigi karno, isla markaana abuuri karno shaqooyin cusub innaga oo kobcinayna dhaqaaleheenna. Afrikaan ahaan, waa inaan awooddeenna xaqiiqsannaa oo aan wax ka beddelnaa mustaqbalka aan wadaagno. Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa taxliil kooban ka sameeyey socdaalka madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu ku marayo dalalka Bariga Afrika ee Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa arrin ugub ku ah in Faransiisku uu Itoobiya ka caawinayo dhismaha ciidanka badda. Qoraal uu soo dhigay facebook, hoos ka aqriso. Waxaan isha ku hayey booqashada Madaxweynaha Faransiiska ee Geeska Afrika. Emmanuel Macron wuxuu booqday Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya. Inkastoo Faransiisku saldhig Milateri ku leeyahay Jabuuti, haddana in muddo ah Madaxweyne Faransiis ah Jabuuti booqasho kuma imaan. Dhinaca kale waana markii koowaad ee uu Madaxweyne Faransiis ah Kenya booqan doono. Macron wuxuu Itoobiya la saxiixday heshiis “difaaca wadajirka ah ee labada dal”. Heshiisku wuxuu diirada saarayaa tababarka iyo qalabaynta Ciidamada Itoobiya iyo la dagalaanka argagixisada, laakiin waxaa ugub ku ah in Faransiisku uu Itoobiya ka caawinayo dhismaha Ciidanka Badda, labada dalna iska kaashadaan la dagalaanka burcad badeedka Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Ka sokow in Faransiisku uu doonayo in uu kaalintiisa Geeska Afrika xajisto, haddana kulamada Marcon iyo khudbooyinkiisaba kama marnayn xadaynta saamaynta sii kordhaysa ee ay Shiinuhu ku leeyihiin Geeska Afrika. Loolanka shiinuhu wuxuu macno u yeelay, islmarkaana sare uu qaaday ahmiyada istiraatiijiyadeed ee Geeska Afrika u leeyahay dunida gaar ahaan awoodaha tunka xooggan iyo xulafadooda Gobolka iyo Gacanka Khaliijka. Saxaafada Dunida way ka hadleen socodka Marcon ee Gobolka, laakiin saxaafada Soomaalidu waxba kama qorin booqashada Macron ee Geeska Afrika. Mana filaayo in badan oo siyaasiyiin ahna in ayba warba ka hayaan.
  19. BY MAREX 2019-03-13 19:48:35 Industry analyst Dynamar has released its East and Southern Africa (worldwide) Container Trades 2019 by Darron Wadey, noting South Africa struggled in 2017 but has now seen a return to growth. The East Africa, Southern Africa and Indian Ocean Islands trade, abbreviated as ESAf, has a coastline stretching some 21,000 kilometers, with fronts on the Atlantic and Indian Oceans. Only part of South Africa and all of Namibia possess South Atlantic coastlines. In 2017, the total value of the ESAf economies reached $737 billion, less than one percent of the global economy. Southern Africa is dominant in the region regularly accounting for around 60 percent of the total. East Africa is however growing quickly and has seen its share rise from 34 percent in 2013 to 40 percent in 2017. South Africa experienced a five percent drop in GDP from $367 billion in 2013 to $349 billion in 2017. This is as much an issue of a weak South African currency against the U.S. Dollar than anything else, says Wadey. However, in the five-year period to 2022, Dynamar expects the ESAf region’s economy to grow by $268 billion to $1,006 billion, with South Africa set to return to sustained growth but at a lower rate. 22 ports are called at by intercontinental liner services. Five are located along the East African coast, 10 in Southern Africa, with the rest being located on Indian Ocean Islands. The two largest ports continue to be Durban (2,700,000 TEU) in South Africa and Mombasa (1,190,000 TEU) in Kenya. This latter port took second spot from Cape Town in 2011 and broke the million TEU mark in 2014. Combined, Durban and Mombasa handled 48 percent of total throughput in 2017. There are few private terminal operators in the region, but the construction of the multipurpose facility DP World Berbera is underway. DP World (51 percent), Somaliland (30 percent) and Ethiopia (19 percent) own what could be a new gateway to landlocked Ethiopia. At the start of 2019, there were 18 different carriers offering container shipping services to and from the ESAf region. This is two fewer than in 2017 and is the lowest number noted by Dynamar in over a decade of review. Singapore headquartered ONE encompasses former participants “K” Line and MOL, Hamburg Süd and Simatech have exited altogether. ZIM via Gold Star Line has made a return to the trade. The Far East, Middle East/Indian Subcontinent and Europe/Mediterranean are the main trade areas connecting with ESAf. Over the five-year period to 2017, carryiers have struggled, experiencing declines between 2014 and 2016. Dynamar estimates carryings for the whole of ESAf to have reached over five million TEU in 2017 compared to 4.7 million TEU in 2016. The containerized trade is forecast to reach seven million TEU in 2022 as South Africa recovers from a difficult period. Figures from 20 ports in the region show that combined port throughput totalled 8.2 million TEU, representing four percent growth since 2013. The shares of containers handled reflect a slow drift away from Southern Africa towards East Africa and the Indian Ocean Islands. East Africa is growing and expanding its influence. In the period from 2013 to 2017, GDP rose by 25 percent at the expense of Southern Africa. It is the landlocked countries pushing GDP growth and not so much their coastal neighbors, says Wadey. “Indeed, Mombasa and Dar es Salaam compete for hinterland cargoes to Burundi, Rwanda, Democratic Republic of Congo and Uganda in particular. State-controlled ports are under increasing pressure to improve and develop their strained infrastructure. “Further north on the Kenyan coast stands Lamu port and associated corridor named the Lamu Port-Southern Sudan-Ethiopia Corridor (LAPSSET). In the kindest terms, this ambitious project is renowned for delays. However, the first three berths are nearing completion. “It would seem that the race is on to capture the largest share of growing gateway throughput,” says Wadey. The East African coastline provides a perfect example of the differences between export and import commodities. Exports are dominated by agricultural items and imports by materials used for development, equipment and machinery and vehicles. Southern Africa, especially South Africa and Mozambique, plus Zimbabwe to a degree, is known for mining including precious stones and metals, and related bulk exports. Djibouti has strategic significance being bordered by Eritrea, Ethiopia and Somalia, and offering access to the state of South Sudan. Prior to 1991, the vast majority of Ethiopian trade passed through the ports of Assab and Massawa. Both are located in Eritrea, and when it gained independence in 1991, Ethiopia lost its direct access to the sea. Next to transhipment, the vessels calling at Djibouti deliver domestic cargo for Djibouti and gateway cargoes for Ethiopia or South Sudan. Around 95 percent of Ethiopian seaborne trade is moving through Djibouti. This leaves Ethiopia quite vulnerable to the “Djibouti Dilemma,” says Wadey. But, since taking office in April 2018, the new Prime Minister has introduced reforms at home, improved relations with neighboring countries and signed the outstanding peace agreement between Ethiopia and Eritrea. Port and infrastructure projects are also being agreed and developed, but these require time, he says. “Djibouti has not stood idly by.” The government has invested heavily to improve the existing gateway to Ethiopia. At the start of 2017 the 750-kilometer (466-mile) long, $4 billion electric railway to Addis Ababa was opened and later this year, is due to start moving containers. Also, the Doraleh Multipurpose Port, an extension of the Port of Djibouti, hosts six berths totalling 1,200 meters (3,900 feet). It opened in mid-2017 and offers an extra 200,000 TEU in container handling capacity and other cargo throughput capability. “However, taking the shine off these moves, the government of Djibouti and DP World have been engaged in a contractual dispute involving the Doraleh Container Terminal. European Courts have sided with DP World, but the government of Djibouti simply nationalized the port’s stake in the venture instead. Come what may, what is certain is that DP World is no longer in Djibouti,” says Wadey. “And, for the time being, Djibouti is still key to Ethiopia’s overseas trade.” Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ben Fender oo ah safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa bixiyey wareysi xasaasi ah oo ku saabsan Xaaladihii ugu dambeeyey ee siyaasadda Soomaaliya. Wareysigaan oo idaacadda Goobjoog uusiiyey, ayaa wax badan lagu waydiiyey Safiirka Arrimo ku aadan taageerada UK ee Soomaaliya, Ammaanka, iyo Mashaariicda dib u dhiska. Sidoo kale, waxaan wax laga weydiiyey Mr. Ben Fender qorsheyaashooda soo socda ee garab istaagidda Soomaaliya iyo arrimo kale oo muhiim ah. Warbixintaan ayaa kusoo qaadan doonaa Safiirka Dowladda Ingiriiska oo wax laga waydiiyey ceyrintii Ergeygii Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Haysom iyo inay saameyn ku yeelan doonaan safiirka cusub ee lasoo magacaabi doono. Safiirka ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in la ceyriyo Safiirkii hore ee Qaramada Midoobay Heysom, isagoo qeexay inay Qaramada Midoobay ka wado Soomaaliya shaqo muhiim ah oo ay ugu horeyso Amniga iyo Doorashooyinka ayna arrintaas taageero weyn ka geysato Dowladda Ingiriiska. Wuxuu Dowladaha kale ugu baaqay inay sida Ingiriiska oo kale uga qeyb qaataan kaalmooyinka Soomaaliya loo mariyo hey’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay. Safiirka ayaa si cad u beeniyey inay dowladiisa saameyn ku yeelaneyso magacaabista ergayga cusub ee Qaramada Midoobay u fadhiisan doono Soomaaliya. Wuxuu sheegay inaysan Ingiriiska shaqo ku laheyn magacaabista Safiirka cusub balse ay tahay shaqo u taalo Xoghayaha Qaramada Midoobay António Guterres sida uu isaga fahamsan yahay. Bishii January ee Sanadkaan ayey aheyd markii ay Dowladda Soomaaliya ku amartay Heysom inuu si deg deg ah isaga baxo Soomaaliya kadib markii lagu soo oogay inuu faragelin qaawan ku hayo Arrimaha Gudaha iyo madax banaanida Soomaaliya. Inkastoo António Guterres uu isku dayey inuu Dowladda Soomaaliya ku qanciyo inay go’aankeeda ka laabato haddana wuu ku fashilmay wuxuuna ku dhawaaqay inuu aqbalay amarka Dowladda uuna dhawaan soo magacaabi doono xoghaye cusub. Hadalkii keenay in la ceyriyo Heysom ayaa ahaa markii uu qoraal kasoo saaray rabshado ka dhacay magaalada Baydhabo intii ay socotay doorashada maamul goboleedka Koonfur Galbeed, waxayna rabshadahaas dhaceyn markii ay Dowladda Soomaaliya si xoog ah usoo xirtay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo kamid ahaa musharixiinta Koonfur Galbeed kaasoo dhawaan kasoo goystay Kooxda Al-Shabaab. Safiirka ayaa sidoo kale sheegay inay dib u bilaabeyn kaalmadii ay siin jireen Ciidamada Booliska Soomaaliya ee joogo Magaalada Baydhabo, wuxuuna ciidamada ugu baaqay inay ilaaliyaan xasiloonida kana fogaadaan isticmaalka xogga iyo caburinta shacabka. Qaar ka mid ah Dowladaha Midowga Yurub iyo dowladda Ingiriiska ayaa horey ugu dhawaaqay inay joojiyeen mushaarka Ciidamada Booliska ee Baydhabo ka howlgalo kadib markii ay qeyb ka noqdeyn rabshadaha ka dhacay Magaalada oo ay ku dhinteen dad badan oo uu ku jiray Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Dowladda Federaalka ah ayaa qorshe ku aaddan doorashooyinka u gudbisay dabayaaqadii bishii February ee sanadkan Golaha Ammaanka. QM ayaa dowladda ku cadaadinaysa xal u helidda xaaladda kala guurka ah, hase yeeshee dowladda ayaa ka cudur daaratay in aysan qaban karin doorasho qof iyo cod ah balse ay keeni doonto qorshaha xiga. Qorshaha ay dowladda Federaalka ah u gudbisay Golaha ammaanka ee QM ayaa ah in Ergadii ansixisay Dastuurka ay xagga sharciyadda marjic u yihiin Hay’adaha dowliga ah Soomaaliya sida ay ku doodday dowladda FS, sanadkii 2012-ka ayay ergadu ansixisay Dastuurka ay xilligan ku shaqeyso dowladda Soomaaliya, kuwaas oo tiradoodu tahay 825 Ergo isla markaana laga soo xulay Beelaha Soomaaliyeed oo dhan. Dowladda Federaalka ah ayaa aaminsan in sharci diidayo aanu jirin in ergadu ay iyagu doortaan Madaxweynaha 2020-ka maadaama ay iyagu marjic u yihiin sharciyadda hay’adaha dowladda, doodda dowladda ayaa meesha ka saarraya kaalinta Golayaasha Baarlamaanka.hannaankan qaab-doorasho ayaa awood siinaya Madaxweyne KMG ah isla markaana laba sano xilka haynaya si dalka uu” u gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah, waa sida uu yahay qorshaha Dowladda Federaalka ah. Waxaa lasaadaalin karin hirgalinta qorshahan oo durbaba u muuqda mid caqabado ku gadaamman yihiin, isla markaana dhaawaci kara hammiga hoggaanka xilligan, ujeeddada hannaankan ayaa ah awood siinta Ergadii 825-ta aheyd si ay u doortaan Madaxweynaha 2021-ka. marka dib loo eego qaab-qeysiga Ergada waxaa adag in meesha laga saaro Golayaasha sharci dajinta. siiba Golaha Shacabka, oo halbeeg u ah habka loo qeysaday Ergada 2012-kii ansixisay Dastuurka KMG. Odayaasha dhaqanka ee saldhigga u ah dhismaha dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya muddo 19 sannadood ah, isla markaana xilligan ka kooban 135 ruux ayaa soo xulay Ergadii aheyd 825-ta xubnood, Kadib markii nambarka xubnaha Baarlamaanka dib loogu celiyay Baarlamaankii Carta ee sanaddii 2000, Maamulkii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo saxiixayaashii hannaanka ka gudbidda ku meel gaarnimada ayaa heshiis siyaasadeed ku gaaray in Nambarka Baarlamaanka lagu soo koobo 275 mudane. Haddaba habkee beelaha Soomaaliyeed loogu qeybiyay Ergadii ansixinta Dastuurka. Habka loo qeybsaday xubnaha Ergada waxaa saldhig u ahaa beelaha sida ay ugu kala xubno badan yihiin kuraasta Baarlamaanka, tusaale ahaan halkii kursi ee xubin Xildhibaan ah waxaa metelaysay seddex ergo, waxaa ay horay uga heshiiyeen Beelaha Soomaaliyeed qeysiga kuraasta Baarlamaanka. iyadoo beel walbaa ay dhexdeeda si hoose xal uga soo gaartay sida ay Jufooyinka u wadaagayaan xubnaha kuraasta Baarlamaanka,arrintaas oo meesha ka saartay in aanu dhicin khilaaf la xiriira hab-qeysiga xubnaha Ergada ee beelaha dhexdooda ah. Nambarka Ergada waxaa saldhig looga dhigay tirada Baarlamaanka, si xal loogu helo hannaan socodka xaaladdii kala guurka aheyd, isla markaana khilaaf la’aan loogu qeybsado Ergadii ansixinta Dastuurka.(275 x 3 = 825) in ergada qeysigeeda lagu saleeyo kuraasta xubnaha Baarlamaanka waxaa ay si dhib yar ugu sahashay Odayaasha dhaqanka ee 135-ta ah isla markaana dib ugusii qeybiyay beelaha ay matelayeen iyagoo aan la kulmin wax caqabado ah. Marka dib loo eego taariikhda dowladnimada Soomaaliya ee casriga ah,laga soo billaabo sanadkii 2000.illaa 2016 waxaa ay soo martay marxalado aad u adag, una badnaa caqabado kaga imaanayay hoggaamiyaal hubaysan iyo kooxo u abaabulnaa hab qabiil. Siyaasad ahaan kooxaha hubaysani geed-fadhi u ahaa, tallaabada kooxahaasi is kaabayay waxaa la rumeysan yahay in ay salka ku haysay kalsooni darrada bulshada u dhaxaysay isla markaana muujinaysay dhismaha dowladdooda in aan si dhammeystiran aaney haysan kalsoonidooda. Waxaa xaaladdaas adkeyd gaas kusii shubay Al-Shabaab oo ah koox argagaxisado ah,oo si aan kala sooc laheyn wax yeello joogta ah u gaysata bulshada Soomaaliyeed. Nasiib wanaag booga-dhayidda bulshada Soomaaliyeed, kalsooni dhiska, iyo dhismaha dowladnimadooda oo isku garab socda darraadeed, waxaa ay bulshada Soomaaliyeed kalsoonidooda siiyeen Dowladda, isla markaana aqoonsadeen cidda kaliya ee sharciyadda u haysata dalka in ay tahay dowladda Federaalka ah, inkastoo aaney iyagu si toos ah usoo doorran madaxdooda. Iyadoo ay caqabadahaasi iyo kuwa kale oo dibadda ah ay jireen, ayay dowladihii hore Xafiisyada isugu banneeyeen iyagoo marna aanan ka weecan cahdiga qori-isku dhiibka ah ee waqtiyaysan, waa muddo xilleedka dowladda e. isla markaana dowlad walbaa hannaanka ay ku dhalatay kor uga sii qaadaysay middii iyada ka dambeysay. si looga dhabeeyo hiigsiga doorashada qofka iyo codka ah. Hannaanka keeddi socodka ah ee marba meel soo harsanayay isla markaana xasaasiyado badan lahaa, wuxuu ahaa hannaan isugu jira booga-dhayidda bulshada Soomaaliyeed iyo dhismaha qarankooda, in ay dib mar kale dhidibada ugu taagaan. iyadoo la ilaalinayo xilliga ay ku egtahay sharciyadda dowladda ee qoray-isku dhiibka ah, si looga fogaado wax kasta oo keeni kara dib u dhac ku yimaada dhismaha dowladnimada umadda Soomaaliyeed. qorshaha doorasho 2020-ka ee Maamulka xilligan talada haya, waxaa ay dib u socod ku tahay dhismaha dowladnimada casriga Federaalka ah ee Soomaaliya, oo sida aan dhibka yareyn lagu soo gaarsiiyay meesha maanta ay joogto, isla markaana loo soo huray dhiig, dhaqaalle,iyo waqti 19 sannadood ah. Abdirahim Ahmed dhagey C.a.dhagey@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  22. Hargeysa (Caasimada Online) ― Taliska ciidamad Booliska ee Somaliland ayaa ka hadlay Shilal khasaaro dhimasho sababay geystay oo maanta ka dhacay Wadooyinka Magaalada Hargeysa qaarkood. Dadka shilkaasi ku dhintay waxa kamid aheyd Hibaaq Cabdiqadir Koosaar oo aheyd xaaska Wasiirkii hore Qorsheynta ee Somaliland Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe). Taliye kuxigeenka ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guute Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle iyo Taliyaha ciidanka Nabad-galyada Waddooyinka Gaashaanle sarre Faysal Xiis Cilmi ayaa tafaasiil ka bixiyey Shilalkaas. “Maanta halkan waxa ka dhacay Magaalada Hargeysa saddex shil oo waaweyn, midi wuxuu ka dhacay Xero-awr, midina wuxuu ka dhacay International Cusbitaalka, midka kalena Isha Borame” “Anigoo ku hadlaya magaca Taliyaha guud ee ciidamada booliska iyo keygaba, waxaan tacsi udireyna dadkii ku geeriyooday shilalkaasi oo ay kamid aheyd Xaaska Wasiirkii hore ee Qorsheynta iyo Muxumed Saxardiid Ismaaciil oo isagna ku dhintay shilalkaasi” ayuu yidhi Taliye kuxigeenka Ciidamada Booliska Somaliland. Geesta kale Taliye kuxigeenku waxa uu digniino culus udirey Wadayaasha gaadiidka kuwaasi oo uu sheegay inay dhamaatay wakhtigii naxariista la isku galayay oo himika sharciga la isla tiigsan doono, ganaax adagna laga qaadi doono cidii ay udhameystirneyn sharciga wada-maristu. Waddooyinka waaweyn ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka taagan saxmada gaadiidka ah, taaso mararka qaar kalifta in meeshii daqiiqado loo socon jiray saacad ama ka badan loo socdo. Arrintaasi oo inta badan loo aaneynayo darawalo aan si wanaagsan u aqoon wadida gawaarida iyo weliba tagaasi si aan sax aheyn u adeegsada waddooyinka. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  23. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wefdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maalmihii udambeysay ku sugnaa magaalada Abu Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa laga warhaynin meel ay ku dambeeyeen. Shacabka Somaliland ayaa is-weydiinaya su’aalo dhowr ah oo la xidhiidha wefdiga Biixi iyo howlaha mashquuliyey. Wefdigan ayaa waxa dadweynaha reer Somaliland ugu dambeysay 9-kii bishan oo Caasimada dalka Imaaraadka lagu soo dhaweeyay. Qoraal kooban oo uu bartiisa Facebook ku qoray Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Carabtu ayaa waxa uu ku sheegay in Madaxweyne Biixi uu la kulmay madax kamid ah Imaaraadka, inkasta oo uusan dadka la wadaagin Magacyada masuuliyiinta uu Biixi la kulmay. Sikastaba ha ahaate Warar ay heshay Caasimada Online ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynuhu uu Imaaraadka u tagay dano u gaar ah, taasi oo sababtay inay safarkiisa qeyb ka noqon waayeen Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Wasiirka Maaliyada oo iyagu ah xidhiidhiyaha Imaaraadka Carabta iyo Xukuumada Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com