Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,657
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wefdiga Puntland ee tegay Xiingalool Wefdi isugu jira Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan dowladda Puntland oo shalay gaaray bariga gobolka sanaag ayaa saaka tegay magaalada Xingalool. Wefdiga oo u kuur-galaya xaaladda nololeed iyo tan amni ee degaannadaasi ayaa hadda kulamo la qaadanaya mas’uuliyiinta saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Xiingalool. Gobolka Sanaag ayaa maalmahan laga dareemayaa xiisad iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo u dhexeeya Puntland iyo Somaliland kadib markii ciidamada Somaliland ay fariisimo ka samaysteen degmada Yubbe iyo tuulooyinka hoosyimaada. Sidoo kale Puntland ayaa ciidamo dheeraad ah u dirtay degaannada ku yaalla bariga gobolka Sanaag halkaas oo la sheegay in ay ku soo wajahan yihiin ciidamada Somaliland. PUNTLAND POST The post Wefdi ka socda dowladda Puntland oo gaaray degmada Xiingalool appeared first on Puntland Post.
  2. (SLT-Hargeysa)-Maadaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hoggaaminayo oo maalmahan ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta dalka dib ugu soo laabanaya. Waftiga Madaxweynaha oo xalay kulan la qaatay jaaliyadda Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxa ay saaka ambabaxeen madaarka magaalada Abu Dhabi iyaga oo ku soo waajan saacadaha soo socda magaalada Hargeysa. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa madaarka ku soo sagootiyay wasiirka wasaaradda cadaaladda ee dalka Imaaraadka Carabta oo horena ugu soo dhaweeyay. Madaxweyne Muuse Biixi oo muddo shan maalmood ah ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta ayaan la sheegin cid uu la kulmay intii uu ku sugnaa dalkaasi markaga laga reebo jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan Imaaraadka Carabta. Source
  3. Madaxweynaha dowlad goboleedka K/galbeed C/casiis Laftagareen ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay wadaan qorsheyaal amni oo deegaannada maamulkaasi looga saarayo Al-shabaab. Wuxuu sheegay in Al-shabaab haddii aan la iska qaban ay maalin walbo waxyeello u geysan doonaan shacab aan waxbo galabsan. Waxa uu tilmaamay in maamulkooda isku diyaarinayo dagaallo ay la galaan Al-shabaab si loo badbaadiyo shacabka ku dhaqan deegaannada maamulkaasi. “Haddii aan loo diyaar garoobin oo aan la isku tashan oo aan meel looga soo wadajeedsan cadowgaasi maalin walba shacab aan waxbo galabsan ayaa ku dhammaanaya, annaga ka K/galbeed ahaan waan dedaali doonnaa, waxaan rabanaan inaan sameynno qorshe amni oo lagula dagaallamayo dhagar-qabayaalka, meel kasta oo ay joogaan looga xoreynayo shacabka” ayuu yiri madaxweynaha K/galbeed. Ugu dambeyn, madaxweynaha K/galbeed ayaa ka dalbaday shacabka ku dhaqan deegaannada maamulkaasi uu ka arrimiyo iney garabsiiyaan ciidamada ammaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo xalay kulan la qaatay jaaliyadda reer Somlailand eek u dhaqanka dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxa uu ka warramay arrimaha ay ka wada-hadleen Madaxda dalka Imaaraadka Carabta, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Ciidamada Kenya ayaa lagu soo waramayaa in dhibaato ay u geysteen dad shacab ah oo ku dhaqan degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo iyo deegaanno ku dhow degmadaasi. Diyaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa duqeyn ka fuliyey 72-kii saac ee lasoo dhaafay deegaanno dhowr ah oo ku dhow degmadaasi, halka sidoo kalena la sheegay in askar Kenyan ah ay qof shacab ah ku dileen degmada Ceel-waaq. Buulle Cabdi Cilmi oo ka mid ah waxgaradka degmadaasi ayaa sheegay in shacabka walwal xooggan uu soo gaaray, islamarkaana ay ka baqayaan in xaaladdu ay kasii darto. Wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan arrintan wax uga qabato, islamarkaana la joojiyo duqeynta ay wadaan diyaaradaha dagaalka ee Kenya. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/WAREYSI-ODAY-DHAQMEED-CEELWAAQ.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Nairobi (Caasimada Online)-Wasaaradda Gaashaandhiga ee dowladda Kenya ayaa war kasoo saartay dagaal ka dhacay deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Gedo, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Kenya iyo Al Shabaab. Wasaaradda Gaashaandhiga dowladda Kenya ayaa shaacisay in seddex kamid ah Al Shabaab ay ku dileen weerarka islamarkaana ay nolosha ku qabteen mid kamid ah ciidamada Al Shabaab. Sidoo kale wasaaradda ayaa soo bandhigtay hub iyo rasaas badan oo ay sheegeen inay ka furteen ciidamada Al Shabaab ee ay kula dagaalameen deegaanka Buula Xaaji ee gobolka Gedo. Afhayeenka Ciidanka difaaca Kenya Paul Njuguna ayaa sheegay in ciidamada Kenya oo ku jiro howlgal Roondo ah ay weerar kala kulmeen Al Shabaab, kadibna ay dileen xubnaha ka tirsan Al Shabaab. Wuxuu sheegay in qoryaha ay gacanta ku dhigeen ay ku jiraan labo qori oo nooca AK 47 ah iyo rasaas badan oo ay lahaayeen Al Shabaabka weerarka gaadmada ah ku qaaday ciidamada Kenya, sida uu hadalka u dhigay. Afhayeenka ayaa intaas ku daray in Ciidamooda ku jira AMISOM ay heegan sare ku jiraan marwalba una diyaar garoobeen in ay ka hortagaan weerarrada AL-shabaab. Ciidanka Kenya ayaa Bishii January ee la soo dhaafay sheegay in ay dileen 7 ka mid ahaa Al-shabaab kana qabsadeen hub farabadan. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  7. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee Geeska,kala duwanaashaha Somaliland iyo Somaliya iyo qodobo kale. Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa ugu horeyn yidhi “Heerkaynu maanta joogno, iskamaynu gaadhin, ee weynu u soo samirnay, xaalad kasta iyo duruuf kasta weynu kala soo dabaalanay, alxamdulilaah maantana meel wanaagsan baynu joognaa, heer fiicnaa weynu taagan nahay, inaga ayaa isku tashanay, oo qaranimadeena u tashanay, kadib markii aynu Somaliya dib ugula soo noqonay xoriyadeenii, inaga ayaa dawladnimadeena dhisanay, oo rukunada u aasanay, Dastuur baynu samaysanay, nidaamkii qabaliga ahaa ayeynu ka soo gudubnay, nidaamka Axsaabta ayeynu qaadanay, Doorashooyin kala duwan oo kala ah Doorashooyinka Madaxtooyada Wakiilada iyo Deegaanka ayeynu galnay, Caalamkuna wuu ka dharagsan yahay waanu ka war qabaa heerka aynu gaadhnay, marxaladaha aynu ka soo dabaalanay, iyo inaynu Somaliya laba dal aynu kala nahay, markaas Ictiraafka inaga dhiman goor ay noqotaba weynu heli doonaa insha allaah”. Mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa wuxuu yidhi “Marka hore Somaliya laba dal baynu kala nahay, Somaliya kumaynu biirin ee weynu isku biirnay, wakhtigii aynu isku biirnayna, inagu waxaynu raadinaynay shantii Somalida, markii ay suurtagal noqon weydayna, oo dulmi iyo cadaadis badan la inoo geystay, ayeynu dib ula soo noqonay xoriyadeenii, markaas waan soo dhawaynayaa mawqifka Xukuumaddu ay ka qaadatay qaabka Somaliya wada hadalkeeda loo waajahayo, waana muhiim in wada hadalada Somaliland iyo Somaliya loo indho badsadaa, oo Wadamo badan ay goob joog ka ahaadan mar kastana waxaa haboon inaynu Somaliya u wada hadalno sidii laba dal”. Mar uu ka hadlaayey abaaraha ayaa wuxuu yidhi “Dhacdo walba oo ina soo marta inaynu ku tusaale qaadano ayaa wanaagsan, iyada oo dadkeenu iskaashaado, oo xitaa ugu yaraan calaa qof uu bixiyo hal doolar, lacagtaasi wax badan bay noqonaysaa, wixii kale ee lagu dari lahaana waa lagu darayaa, Gobol kastana waxaa laga qodi lahaa dhaamam ama biyo xidheeno, si looga sii taxadiro abaaraha soo noq-noqda”. Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, wuxuu tacsi u diray dhammaan wadamadii kale duwanaa ee dadkoodu saarnayeen Diyaaradii burburtay ee Itoobiya. Source
  8. Siyaasiyiinta ku dhaqan deegaannada maamulka Hirshabelle ayaa walaac ka muujiyey ammaanka guud ee deegaannadaasi. C/raxmaan Xuseen oo ka mid ah siyaasiyiintan ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog wuxuu sheegay in aan la isku gudbi karin deegaannada maamulkaasi. Wuxuu tilmaamay in ammaanka laga gaabiyey in wax laga qabto, sidoo kalena ay meel adag mareyso xaaladda bini’aadannimo ee ka jirta Hirshabelle. Madaxa ugu sarreysa maamulka Hirshabelle ayuu ku eedeeyey ka warqabis la’aanta dadka ku nool deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/SIYAASI-ABDIRAXMAAN-XUSEEN-BELEDWAYNE.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Ciidammada Qaranka Ee Bariga Sanaag Oo La Xoojiyey, Puntland Oo Ka Cabatay Hawl-gallo Xooggan Oo Ciidammadu Halkaa Ka Wadaan + Wararkii U Dambeeyay (SLT-Yubbe) – Ciidammada Qaranka Somaliland ayaa Dhaqdhaqaaq Ciidan ka bilaabay degaannada bariga Gobolka Sanaag, ka dib markii Maleeshiyaadka uu hoggaamiyo Kornayl Caarre oo sannadkii hore ka goostay Ciidammada Somaliland ay rabshado amni-darro ka sameeyeen degaanno ka mid ah bariga Gobolka Sanaag. Ciidammada Qaranka Somaliland ee fadhiisimada ku leh bariga Gobolka Sanaag, gaar ahaan degaanka Yubbe isla-markaana isha ku haya dhaqdhaqaaqa ay wadaan Maleeshiyaadka Kornayl Caarre, ayaa Dawladdu ku samaysay xoojin, waxayna dhaqdhaqaaq ka bilaabeen degaannada bariga Gobolka Sanaag, si ay Tallaabo uga qaadaan Maleeshiyaadkaasi oo uu hoggaamiyo Kornayl Caarre, oo hawl-gallo ay amni-darro ku abuuraan ka soo qorsheeya degmada Qardho ee Maamul-gobolleedka Puntland oo ay fadhiisin ku leeyihiin. Dhaqdhaqaaqa Ciidammada Qaranku ka bilaabeen degaannada bariga Sanaag oo shaki-geliyey Maamul-gobolleedka Puntland oo sheegta Mulkiyadda dhuleed ee Bariga Sanaag, waxaanu Maamulkaasi uu Somaliland ku eedeeyay inay faro-gelinayso Puntland. Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni oo Shalay Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaan Maamulkiisu u dul-qaadan doonin faro-gelin uu sheegay in Somaliland ku hayso degaannada bariga Sanaag isla-markaana ay jawaab ka bixin doonaan. Balse, Dawladda Somaliland oo ka jawaabtay hadalka ka soo yeedhay Madaxweynaha Maamulka Puntland, ayaa sheegtay in Ciidammada Qaranku aanay dan ka lahayn Maamulka Puntland, laakiin ay qorshaysay inay soo afjarto dhibaatooyinka amno-darro ee Maleeshiyaadka Kornayl Caarre ka sameeyaan Gudaha Somaliland, waxayna Dawladda Somaliland ugu baaqday Puntland inay dhulkeeda ka soo saarto Maleeshiyaadka uu Hoggaamiyo Kornayl Caarre, haddii kale Ciidammada Qaranku ay Maleeshiyaadkaa ugu tagi doonaan degmada Qardho ee gudaha Puntland. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland, Ciise-Xawar oo ka jawaabayey hadalka Madaxweynaha Punland ku sheegay in Somailand faro-gein ku hayso dhulka Maamulkiisa ayaa yidhi “Ciidammo Somaliland xukunto oo fad-qalalo ka sameeyay xuduudaha Puntland ma jiraan, markaa Madaxweyne Deni (Madaxweynaha Puntland) isagaa caddaynaya halkuu warkaasi ka soo baxay, laakiin waxaan u malaynayaa inuu ka hadlayo Gobolka Badhan ee Somaliland iyo Gobolka Sanaag oo Ciidamo naga joogaan, xoojina aanu ku samaynay, taasna waxa keenay (inaanu xoojino Ciidammada Somaliland ee Sanaag jooga), maaha in Madaxweyne Deni uu noqdo ‘Hasha Geela cunta ee haddana Cabaadda’, waxaad ogtihiin Puntland inay Maleeshiyaad fidmo-wadeyaal ah oo isku urursanayey degaanka Qardho ee Gobolka Karkaar, kuwaasi oo dhib iyo rashad ka watay degaanka Sanaag ama Sanaag-bari muddadii la soo dhaafay, waxa xaqiiq ah in degaankaasi ahaa degaanka Somaliland ugu nabdoon, wax carqalad ah ama rabshad ah oo degaankaa ka dhacayna ma jirin intii Somaliland jirtay, laakiin fidmo waxa ugu horreeyay nimankaa ay Puntland Magangalyada ka siisay deegaannadooda, khaasatan Qardho ee Gobolka Karkaar, markaa Somaliland meel Alla meeshii degaankeeda laga soo hujuumo inay jawaab waafi ah ka bixiso oo ay dhibaatadaa soo afjarto, waajib Dastuuriya ayay ku tahay.” Wasiirka Gaashaandhigga oo la waydiiyey in la xoojiyey Ciidammadii Qaranka halkaa hore fadhiisinka ugu lahaa iyo inay faro-gelin ku sameeyeen Xuduudka Puntland, ayaa ku jawaabay “Yubbe waa degmo Gobolka Sanaag ka mid ah, waxaana ka sii shisheeya degmada badhan oo Somaliland ah, xuduudka Somaliland iyo Soomaaliyana meesha uu yahay waad garanaysaan, markaa taasi wax shaki ama muran ku jiro maaha..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu sharraxay sababta Ciidammada Qaranka geysay Xuduudka Puntland “Waxa geeyay Ciidammadu sabab-bay leedahay, Ninkaa Caarre la yidhaahdo wuxuu yimid degaannada Yubbe, wuxuu yimid degaanka Baraagaha-Qol iyo degaanno badan oo dhulkaa ka tirsan, markii dambana Ciidammada ayaa baacsaday oo wuu ka cararray, Ninkaasi wuxuu ka soo duulay Magaalada Qardho, markaa Madaxweynaha Puntland waxaan u sheegayaa Somaliland u dul-qaadan mayso, waxaan u sheegaynaa Madaxweynaha Puntland waxa ballan ah Somaliland meesha dhib kaga soo baxdo ama Qardho ha ahaato ama isku-shuban ha ahaato ama Xaafuun ha ahaatee, meeshii Cadow kaga soo duulo Somaliland ee xasilloonideeda iyo amnigeeda carqaladaynaya Somaliland jawaab waafi ayay ka bixinaysaa, Ciidammada Qarankuna heegan bay u yihiin oo waa u diyaar..” Wasiirka Gaashaandhiggu wuxuu Madaxweynaha Puntland u soo jeediyey inuu dhulkiisa ka saaro Maleeshiyaadka uu hoggaamiyo Kornayl Caarre oo sannadkii hore ka goostay Ciidammada Somaliland isla-markaana Maleeshiyaad ku urursaday degmada Qardho ee Puntland “Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni waxaanu u sheegaynaa inaanu diyaar ula nahay wada noolaansho, Nabadgalyo, Xuduudaha oo isku furma, Labada Shacab oo is dhex-gala, dhaqaalaha oo isku furma, laakiin Caqli-gal maaha in Maleeshiyaad ku soo duula Somaliland uu Qardho ku koriyo, isagoo og dhibaatada ay ka geysanayaan degaannada Xasiloon ee Somaliland, markaa Caawa ha iska soo saaro Maleeshiyaadkaas, waxaanu ugu beddelaynaa Walaalnimo, nabadgalyo, xidhiidh wanaagsan..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in dhaqdhaqaaqa Ciidammada Qaranku ka wadaan Bariga Gobolka Sanaag uu ku waajahan yahay Maleeshiyaadka Kornayl Caarre ee fadhiisinka ku leh gudaha Puntland “Waa Jabhadda Caarre Cidda uu hujuunkayaga ugu weyni ku waajahan yahay oo degaankaa Fidmo iyo carqalad ku haysa, inaanu soo afjarnana way naga go’an tahay. Meel kasta oo ay Fidmo nagaga soo abaabulayaan waanu ugu tagaynaa, hadday Qardho noqoto iyo hadday meel kale noqotaba, inta jabhaddaasi jirtana waa Waajib Qaran inaanu soo afjarno, wayna imanaysaa…”ayuu yidhi, Wasiirka oo Shalay u warramay Telefiishanka Bulsho, kaasi oo Wargeyska Himilo uu Warkan ka soo xigtay. Source
  10. Muqdisho (SMN) – Ha’yadda QM u qaabilsan arrimaha qaxootiga UNCHR ayaa ku baaqday taageero caalami ah oo la siiyo ku dhawaad 1.2 Milyan oo ah qaxooti ay ku jiraan Soomaali oo ku nool dalka Uganda. Ku xigeenka madaxa ha’yadda UNCHR, Kelly Clements ayaa sheegay in dowladda Uganda ay dadaal badan ku bixisay sidii loo caawin lahaa qaxootigaas ay Soomaalida ku jiraan ee dalkeeda ku sugan, balse ay u baahanyihiin kaalmo dheeraad ah. UNCHR ayaa xustay in qaxootiga Soomaalida ku jiraan oo ay martigalineyso dowladda Uganda ay ku jiraan caruur, waxaana intaasi ay ku dartay in caruurtaasi ay wajahayaan waxbarasho la’aan baahsan. Sidoo kale, ha’yadda ayaa ku dhawaaqday in dib u qorsheyn doonto lacag gaareysa 100,000 oo dollarka Mareykanka, oo loogu tala galay meelo kale, si ay caruurtaasi qaxootiga ah ay u helaan waxbarasho. Dowladda Uganda ayaa marti galisay kumanaan qaxooti ah oo ka kala yimid dalalka South Sudan, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo, Burundi, Rwanda iyo Somalia, kuwaas oo degaansaday duleedka magaalada Kampala ee caasimadda dalkaasi Uganda. View the full article
  11. (SLT-Hargeysa)-Kornayl Caarre Oo Ku Dhawaaqay In Uu Somaliland Soo Weerarayo Maamulka Puntland Uu Garab Is-taagayo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. Muqdisho (SMN) – Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in dowladda Soomaaliya ay ugu deeqi doonaan lacag gaareysa 94 Milyan, si loo hormariyo kobaca dhaqaalaha ee dalka. Garruso Ruiz oo Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha wadanka ayaa sheegay in uu jeedada yaboohasi lacageed ay tahay in sar u kac uu sameeyo dhaqaalo ka soo xarooda gudaha Soomaaliya. Ruiz ayaa xusay in lacagahaasi ay ku deeqeen dowladda Soomaaliya in ay ka caawin doonto dhinacyada siyaasadda amaanka iyo wax ka qabashada xaaladaha bin aadanimo ee dalka ka jira. Ugu danbeyn, wasiirka qorsheynta xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa u mahad celiyay Midowda Yurub, isagoo sheegay in ay xoojin doonaan xiriirka kala dhexeeya saaxiibada qaarada yurub. View the full article
  13. (SLT-Washington)-Labada Haweenka Muslimka ee ka tirsan Kongareeska Maraykanka ee Ilhaan Cumar oo asal ahaan Soomaali ah iyo Rashida Talayba ee asal ahaan Falastiiniyad ah, waxay si kulul u dhaliileen Hubka uu Maraykanku siiyo Sacuudiga ee loo adeegsanayo dagaalka ka socda dalka Yemen. Qoraal ay Ilhan Omar soo dhigtay barteeda Twitterka waxay ku sheegtay inay Sacuudiga had iyo jeer heerka ugu xun ku jiraan Tacadiyadda Xuquuqda Aadanaha ee Caalamka, isla markaana ay mas’uul ka yihiin macluusha iyo cuddurka Koleeraha ee dadka Reer Yemen. Waxay sii raacisay inay Sacuudiga weli yihiin kuwa ugu sarreeya ee iibsada hubka lagu farsameeyo Maraykanka, waxayna Ilhan Omar is-weydiisay sababaha uu Madaxweyne Donald Trump ula dhinac noqday kuwa hubka soo saara ee ka dhanka ah dadka u ololeeya Xuquuqda Aadanaha. Hadalkeeda waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay Mudanayaasha Aqalka Senedka Maraykanka caawa yeelan doonaan Kulan ay kaga doodayaan Tacadiyadda ay Isbahaysiga Sacuudiga ka geystaan dalka Yemen iyo sidii loo joojin lahaa hubka laga iibiyo. Bishii la soo dhaafay, Aqalka Senedka ee dalkaasi waxay u codeeyeen qaraar ku baaqay inay Maraykanka joojiyaan taageeradda dagaalka ee ay Isbahaysiga Sacuudiga ka siiyaan dagaalka Yemen. Si kastaba ha ahaatee, Sacuudiga waxay tan iyo sannadkii 2015-kii hoggaamiyeen Isbahaysi Carbeed oo ka dhan ah Maleeshiyadda Xuutiyiinta Yemen ee Iiraan taageerto. Source
  14. (SLT-Iran)-Iran waxay jawaab adag ka bixin doontaa ficil kasta oo ciidamada badda Israel ay qaadaan oo ka dhan ah maraakiibteeda shidaalka, waxaa sidaas maanta yiri wasiirka gaashaandhigga Iran. Hadalladiisa ayaa yimid toddobaad kadib markii ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu uu sheegay in ciidamada badda Israel ay joojin karaan maraakiibta shidaalka sidda ee Iran, si loo dhaqan-geliyo cunaqabateynta Mareykanka. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sanadii tagtay ka baxay heshiiska Nuclear-ka Iran, wuxuuna dalkaas saaray cunaqabateyn looga gol leeyahay in lagu joojiyo dhoofinta saliidda Iran. Wasiirka difaaca Iran, Amir Hatami ayaa wakaaladda wararka dalkaas ee IRNA ay kasoo xigatay isaga oo sheegaya in Iran ay leedahay awood milatari oo ay kaga hortagto faro-gelinta Israel, islamarkaana beesha caalamka aysan aqbali dooni ficil noocan ah. Hatami ayaa sheegay in iska hor-imaad noocan oo kale ah loo arki doono “burcad badeednimo”, wuxuuna ka digay “Haddi ay dhacdo, waxaan u jawaabi doonnaa si adag” “Ciidamada hubeysan ee Iran waxay leeyihiin awood ay qadka maraakiibta dalka habka ugu wanaagsan uga ilaaliyaan halis kasta oo suurta-gal ah” Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska ciidamada Mareykanka ayaa war kasoo saaray duqeyn lala eegtay ciidamo katirsan Al Shabaab oo ku sugnaa deegaano ka tirsan gobolka SHabeelaha Hoose. Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in duqeyntaasi ay aheyd mid ka dhacday deegaan ka tirsan Shabeelaha Hoose, islamarkaana lagu dilay labo ka mid ah saraakiisha Al Shabaab. Qoraal kasoo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta ay ka dhacday deegaanka Huleey oo Shabeelaha Hoose ka tirsan, waxaana lala eegtay xubno ka tirsan Al Shabaab, sida qoraalka lagu sheegay. Qoraalka Taliska ayaa lagu cadeeyay in duqeynta aysan waxyeelo kasoo gaarin dadka shacabka ah, balse kaliya ay khasaaraha uu gaaray Al Shabaab. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in weerarka uu ahaa mid Istaraatijiyad ahaa, islamarkaana lagu taageerayey Ciiddanka dowladda , si culays loogu saaro Alshabaab, waa sida ay sheegteen. Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay Duqeyntaas. Al Shabaab ayaa dhankooda maalin ka hor soo bandhigay agab ay sheegeen inay ka furteen ciidamada Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo weeraray saldhiga Al Shabaab ee deegaanka Daarusalaam. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. (SLT-Washington)-Barta Facebook ee ay bulshadu ku xidhiidho ayay soo wajahday ciladdii ugu waynayd taariikhda, iyadoo adeegyadii ugu mihiimsanaa ay cilado galeen, dadka dunida kala jooga ee isticmaalana ay adeegsan waayeen Arbacadii. Markii ugu dambaysay ee cilad baaxadan ku dhaw ay soo wajahdo waxay ahayd sannadkii 2008, markaas oo dadka isticmaala ee dunidu ay ahaayeen 150 milyan halka ay hadda bil kaste ka isticmaasho 2.3 bilyan oo ruux. Cilladan ayaa saamaysay adeegyada ugu waawayn Facebook sida labada App ee Messenger iyo WhatsApp oo fariimaha la isaga diro iyo Instagramka oo sawirrada lagu wadaago. Wali lama shaacin waxa sababay ciladdan. “Waxaan ka war qabnaa in dadka qaar ka mid ah aysan hadda isticmaali karin Facebook iyo App-ka ay isku bahda yihiin” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Facebook. “Waxaan ka shaqaynaynaa sidii ciladdan loo soo af jari lahaa sida ugu dhakhso badan”. Shirkadda oo ka jawaabaysa warar la isla dhex maray oo sheegaya in shirkaddu ay adeegga u joojisay si ay u baajiso weerar dhanka Internetka ah oo lagu soo qaaday, ayaa sheegtay in arrintu aysan sidaas ahayn. Ciladdu baaxad intee la eg ayay leedahay? Waxaa la qiyaasayaa in cilladani ay billaabatay 16:00 GMT ama 7:00 fiidnimo ee saacadda Bariga Afrika. Qaar ka mid ah dadka isticmaala Facebook ayaana billaabay in ay ka cawdaan in aysan waxba ku qori karin ama sawirro dadka la wadaagi karin. Dadka Instagram-ka isticmaala ayaa iyaguna awoodi waayay in ay bogga cusboonaysiistaan si ay sawirro cusub u arkaan. Source
  17. (SLT-Washington)-Dawladda Maraykanka ayaa ku biirtey dalalka ku dhowaaqay inay dhulka dhigayaan oo ay joojinayaan isticmaalka diyaarada nooceedu yahay Boeing 737 MAX. Dalal badan oo caalamka ayaa hore ugu dhowaaqay talaabada lagu joojinayo diyaaradan kadib markii dhowaan ay mid kamid ah diyaaradaha noocoodu yahay Boeing 737 MAX ay ku burburtay dalka Ethiopia ayna ku dhinteen dhammaan dadkii saarnaa. Wadamo ku yaalla qaarada Yurub, dalka Shiinaha iyo dalal kale ayaa hore ugu dhowaaqay inay joojnayaan isticmaalka diyaarada Boeing 737 MAX. Illaa iyo hadda ma jiro sabab dhab ah oo keentay burburka diyaaradan balse waxaa ka horeeyay diyaarad kale oo isla noocaas ah oo ku burburtay dalka Indonisia toddobo bil kahor waxaana ku dhintey 189 ruux,balse lama hayo wax cadeyn ah oo sheegaya in ay xiriir leeyihiin burburka labada diyaaradood. Shirkada soo saarta diyaarada Boeing 737 MAX oo fadhigeedu yahay dalka Maraykanka ayaa amarka uu Madaxweynaha Maraykanka ku bixiyay in la joojiyo duulimaadyadeed waxaa soo dhoweeyay shaqaalaha iyo madaxda hay’ada duulimaadyada dalka Maraykanka. Si kasta ha ahaatee shirkada Boeing ayaa ku dhowaaqday in ay dhulka dejineyso dhammaan diyaaradaha noocoodu yahay Boeing 737 MAX oo gaaraya 371 illaa amar dambe. Sanduuqii Madoobaa ee laga ogaan ahaa sababta keentay burburka diyaaradii ku dhacday duleedka magaalada Addis Ababa ayay dowlada Ethiopia ka codsatay dalka Jarmalka inuu baadho macluumaadka ku jira. Hase yeeshee dowlada Jarmalka ayaa diiday inay baadho sanduuqaas madow iyadoo sheegtay inuu yahay mid ku cusub caalamka isla markaana xogta ku jirta ayna heli karin. Source
  18. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay shirka Africa Now. Hoos ka akhriso khudbada Madaxweyne farmaajo Mudane Madaxweyne Yoweri Museveni Madaxweyne Ku Xigeenka Kenya Madaxweyne Ku Xigeenka Tanzania Wasiirka Ganacsiga ee Masar Mudanayaal iyo Marwooyin, iyo martida sharafta leh, Waxa sharaf ii ah inaan Kampala joogo aniga oo Shirka “Africa Now” kala qayb-gelaya madaxda Afrika, ganacsatada waaweyn iyo aqoonyahanka ku takhasusay Horumarka. Waxaan Madaxweyne Yoweri Museveni iyo Dowladda Uganda uga mahadcelinayaa soo dhawaynta iyo martisoorka diirran ee aniga iyo waftigayga na loo fidiyey. Waxaan sidoo kale hambalyeynayaa qabanqaabiyayaasha shirkan—gaar ahaan Xarunta Istaraatijiyadeed ee Hoggaaminta oo shirkan suurtagelisey. Cinwaanka Shirka ee “Africa Now” waa mid gaar ah, maxaa yeelay badanka dadka falanqeeya arrimaha Afrika waxay xoogga saaraan taariikhda Afrika iyo waxa ay mustaqbalka noqon karto. Walow ay taas lafteedu muhiim tahay, haddana dadaalka iyo guulaha hadda la gaaro ayaa qaabeeya mustaqbalka iyada oo laga shidaal qaadanayo tagtadii. Waa inaan hore u soconnaa innaga oo keliya aan rajo fiican ka qabin mustaqbalka balse ku kalsoon dadaalladeenna hadda. Tani waa midda uu Madaxweyne Museveni uu tilmaamayey markii aan ka hadlaynay dib u habeynta Qaaradda. Runtii, aad baan ugu raacansanahay marka uu leeyahay aan ka gudubno xaddiga waxsoosaarka oo aan u gudubno tayada waxsoosaarka. Walaashay Saamiya Suluhu, Madaxweyne K/Xigeenka Tanzania iyaduna waxay soo hadal qaadday in horurmaku iyo hoggaamintuba ay noqdaan mid loo dhan yahay oo ay haweenka iyo dhallinyaraduba kaalin muuqato ka ciyaaraan horusocodnimada qaaradda. Sidoo kale, Mudane William Ruto ayaa cinwaankan ka hadlay. Hadda ayaynu u baahannahay hoggaan dardargeliya isbeddelka bulsho iyo dhaqaale ee Afrika; hadda ayaynu u baahannahay inaan yagleelno mustaqbal waxtar u leh dhallinyarada iyo haweenka Afrika, hadda ayaan u baahaannahay inaan fahanno isla markaana ka hortagno saamaynta Isbeddelka cimiladu ku yeelanayo koboca dhaqaalaha; hadda ayaan u baahannahay inaan xal heer degmo, heer qaran iyo heer caalami ah u helno caqabadaha aynu wadaagno sida kuwa ganacsiga iyo amniga. Ugu danbayntiina, hadda ayaynu u baahannahay inaynu isku xirno dhaqaaleheenna innaga oo adeegsanayna kaabayaal dhaqaale oo muuqda iyo kuwa casriga ah, si aan u helno Afrika isdhexgalkeedu sarreeyo, nabdoon isla markaana dhaqaaleheedu kobcayo. Mudanayaal iyo Marwooyin, Waxaan fursad u helay inaan ka qayb-galo kulamo kala duwan intii shirku socday aniga oo dhegaystay fikrado badan, siyaasado iyo tallaabooyin la soo jeediyay, waxaana qirayaa inaan ku rajo weynahay inaan ka qaarad ahaan gaari karno himilooyinkeenna haddii aan xoojinno iskaashigeenna. Ma jirto caqabad aan laga gudbi karin, buur aan la fanan karin iyo meel aan la gaari karin, haddii la helo ujeeddo guud iyo dadaal dhankeenna ka yimaadda. Waxaan aaminsanahay inaan haysanno hay’adihii, dadkii, aragtidii iyo hoggaamintii loo baahnaa si aan u gaarno Afrika isdhexgalkeedu sarreeyo, nabdoon isla markaana dhaqaaleheedu kobcayo. Warqaddii martiqaadka ee uu ii soo diray Mudane Madaxweyne Museveni waxaa ku xusnayd inuu yahay qof rajo fiican ka qaba Afrika, waxaana rabaa inaan u sheego inaan dhammaantayo la wadaagno jacaylka iyo qabka uu u hayo qaaraddeenna qurxoon. Balse waa inaan si maangal ah u fekernaa oo aan ogolaannaa baahida loo qabo doodo wax ku ool ah iyo istaraatijiyad heer qaarad oo ku aaddan isbeddelka dhaqaale, maalgashiga, koboca dhaqaale iyo shaqo u abuuridda dhallinyarada si Afrika iyo dadkeeda kala jaadka ahi uga faa’idaystaan awooddooda, ugana badbaadaan dabinka saboolnimada iyo horumar la’aanta. Khibradeenna ayaa ina baraysa in hantideenna ugu qaalisan sida dhallinyarada iyo khayraadka dabiiciga ah ay noqon karaan caqabad haddii aynaan si fiican u malgaashan, una maarayn. Arrintan mar danbe uma adkaysan karno maadaama oo caalamku isu soo dhawaanayo, qaarad kastana ay innaga horumarayso, innaga oo isku dayayna inaan gaarno. Hoggaaminta iyo masuuliyad wadareedku waa tiirarka ugu muhiimsan ee isbeddelka, dib u habaynta iyo horumarka. Isdhexgalka, Amniga iyo Koboca Dhaqaale ee Afrika waa masuuliyad saaran qof kasta oo kamid ah hoggaamiyayaasha siyaasadda iyo ganacsiga iyo sidoo kale muwaadin kasta. Si kale haddaan u dhigo, waa inaan dhammaanteen ka qayb-qaadannaa horumarinta qaaraddan qaniga ah isla markaana qurxoon. Waqtigii wax kasta laga sugi jiray dowladda waa uu dhammaaday. Dowladaha, hoggaamiyayaasha ganacsiga iyo muwaadiniintu waa inay si dhaw uga wada shaqeeyaan sidii loo abuuri lahaa heshiis bulsho oo cusub oo ku salaysan yagleelidda mustaqbal dan u ah dhammaan dadka oo idil. Waa inaynu ganacsiga iyo siyaasadda casriyaynaa oo hal abuur cusub ku soo kordhinnaa, kana faa’idaysannaa iskaashiyada caalamiga ah iyo kuwa heer qaarad. Waa inaan si madaxbannaan u qiimaynaa saamaynta siyaasadeheenna isla markaana si wadajir ah u fekernaa, maxaa yeelay wadajirka ayaynu ku xooggannahay. Fursadaha horyaalla Afrika waa tiro badan yihiin. Waxaan leennahay dhalliyaro da’ ahaan aad u yar, dhul qiimo badan, khayraad badeed iyo dhaqan soojireen ah oo iskaashi iyo is-taageerid ku dhisan. Sidoo kale, teknaloojiyadda iyo isbeddelka ku yimi adeegyada dowladda ee asaasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka awgeed, Afrika waxay fursad u haysataa inay hormuud ka noqoto dhinacyo badan oo fure u ah horumarkeenna sida warshadaha, isu socodka alaabaha iyo dadka iyo dhaqaalaha casriga ah, iyada oo aynu weli ku xooggannahay beeraha iyo dhinacyada kale ee soojireenka ah. Ganacsiga Afrika dhexdeeda ah waa waajib haddii aynu doonayno inaynu qaarad ahaan barwaaqowno. Waa inaan marka hore dhexdeenna u suuq-geynaa isla markaana ku iibinnaa badeecadda iyo adeegyada Afrika lagu sameeyo. Xaqiiqadu waxay tahay Afrika ayaa ah suuqeenna ugu muhiimsan ee ay ganacsatadeennu faa’idada ugu badan ku haysato. Waxa intaasi dheer, abuuridda iyo hirgelinta hindisaha Ganacsiga Xorta ah ee Qaaraddu waxa uu wax ka beddelayaa mustaqbalka bulsho iyo dhaqaale ee Afrika iyo dadka ku nool, waxana abuurmaya fursado, shaqooyin iyo xirfado cusub, taasi oo xal u noqonaysa mushkiladda tahriibka dadka aqoonta leh. Waxaan ku faraxsanahay inaan halkan ka sheego in Soomaaliya ay kamid tahay dalalka ugu horreeyay ee saxiixay Heshiiska Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda. Balse si aan yoolkan ugu guulaysanno, Afrika waa inay si fiican isugu xiran tahay dhul ahaan, cir ahaan iyo bad ahaan. Waxaan u baahannahay inaan maalgashi badan ku samayno kaabayaasheenna dhaqaalaha si dadkeennu uga faa’idaystaan fursadaha caalamiga ah iyo kuwa qaaradeed ee mustaqbalka. Marka laga yimaaddo kaabayaasha dhaqaalaha, waa inaan maalgashannaa waxyaabaha muhiimka u ah koboca dhaqaalaha, sida siyaasadaha dhaqaale ee lagama maarmaanka ah iyo abuuridda jawi soo jiidanaya maalgashiga kaasi oo faa’ido u leh dhammaan dalalka iyo dadkooda. Su’aalaha loo baahanayahay inaan iswaydiinno ayaa ah: Badeecadda iyo adeegyada Afrika si xor u xuduudaha ma uga kala gooshi karaan? Waaxdeenna maaliyaddu ma tahay mid isku xiran? Ma leennahay siyaasadihii iyo dowlad-wanaaggii aynu kaga hortagi lahayn khatarta iman karta? Ma leennahay xirfaddii iyo tamartii aan waxsoosaar ballaaran ku samayn lahayn? Ma leennahay aqoontii iyo xirfaddii aan uga faa’idaysan lahayn koboca dhaqaale? Ma leennahay iskaashi aynu ku xoojin karno wadashaqaynteenna heer qaarad ee dhinaca horumarka? Weyddiimahan muhiimka ah innaga oo adeegsanayna, waa inaan sidoo kale ka fekernaa inaan ka hortagno khataraha iman kara, isla markaana aan dardargelinnaa maalgashiga horumarkeenna oo aan adeegsannaa hay’adaha caalamiga ah ee maaliyadeed si ay innooga taageeraan mashaariicda xuduudaha hal dal ka baxsan. Dhinaca kale, horumarka waxa joogteeya maalgashiga iyo iskaashiga kala duwan iyo ilaalinta deegaankeenna qaaliga ah oo ina siiya nolosha iyo fursado tiro badan. Mudanayaal iyo Marwooyin, martida sharafta leh, Waxaan rabaa inaan hadalkayga ku soo gunaanado, Soomaaliya waxay kusoo jirtay xilli adag 30-kii sano ee u dambeeyay, taasina waxay sababtay in ay dad badan u qaxaan xeryo qaxooti oo dalal badan ah oo ay kamid tahay Uganda. Waxaan idiin sheegayaa inaad sabool ama hoy la’aan tahay in aysan kaa hor istaagi karin inaad isku filnaato. Kaasi waa cashar ay cid walba ka baran karto dadka Soomaaliyeed. Aan idin siiyo hal tusaale. Waxaa halkan Uganda ku nool ku dhawaad 50 kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah. In kasta oo in badan oo kamid ah ay halkan ku yimaaddeen qaxootinimo, haatan waa dad isku filan. Qaarkood waxay ka bilaabeen ganacsiyo, waxayna qaar kamid ah noqdeen hal abuurayaal ganacsi ayaga oo gacan ka helaya shacabka dalkan iyo Madaxweyne Yoweri Museveni oo ah qof ay Afrikaannimadu ku wayn tahay. Ma aha Uganda oo kaliya balse haddii aad tagto Koonfur Suudaan, Kenya ama Koonfur Afrika waxaad ku arkaysaa Soomaali guryahooda ka soo tagay ayaga oo qaxooti ah balse maanta hodan ah oo hanti badan leh. Waa waajib inaan dadkeenna u suurtagelinno Afrika nabdoon, isdhexgalkeedu sarreeyo isla markaana kobcaysa. Waa arrin ay xaq u leeyihiin. Balse waxa ii muuqata, aniga oo adeegsanaya khibraddeenna ka qaarad ahaan, inaan meesha ka saari karno xiisadaha iyo khilaafyada oo aan qoriga dhigi karno, isla markaana abuuri karno shaqooyin cusub innaga oo kobcinayna dhaqaaleheenna. Afrikaan ahaan, waa inaan awooddeenna xaqiiqsannaa oo aan wax ka beddelnaa mustaqbalka aan wadaagno. Mahadsaniidiin. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyay shirka Africa Now appeared first on Puntland Post.
  19. Baydhabo (SMN) – Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa cambaareeyay qaraxyadii shalay ka dhacay suuqa xoolaha ee degaanka Goofgaduud Buurey ee gobolka Baay. Ku dhowaad 50 ruux oo u badan dad shacab ah ayaa ku dhaawacantay weerarkaasi, halka shan kale ay ku geeriyoodeen, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta dowlad goboleedkaasi. Lafta Gareen ayaa ka dalbaday shacabka Koonfur Galbeed in ay ugurmadaan dadkii ku waxyeeloobay dhacdadaasi. Madaxwaynaha oo sii hadlaya ayaa ka dalbaday shacabka in ay meel uga soo wada jeesteen dadka aan nolasha u ogoleen, sida uu hadalka udhigay. Ugu dambeyntii, Lafta Gareen ayaa shaaciyay in dadka dhaawaca ah ee degaanada Koonfur Galbeed wax looga qaban waayo ay kala kaashan doonan xukuumada federaalka ah sidii ay u heli lahaayeen daaweyn. View the full article
  20. (SLT-Riyadh)-Tiro ka mid ah dumarka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa lagu maxkamadaynayaa Sacuudiga, dacwaddaas oo dhalisay su’aalo ku saabsan xaaladda xuquuqda aadamaha ee Boqrtooyada Sacuudiga. Bishii May ee sannadkii hore ayaa la xiray dumarkan xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa, wax yar uun ka hor markii uu dalkaasi qaaday xayiraaddii dumarka ka saarnayd gaari wadidda, qaar badan oo ka mid ah gabdhahan ayaana arrintaas aad ugu ol’oleeyay. Dacwadaha ay wajahayaan waxaa la sheegay in ay ka mid yihiin “taageeridda kooxo halis ah” waxaana laga yaabaa in xabsiyo dhaadheer lagu xukumo. Dalabaadka ku aadan in Sacuudigu uu siidaayo dumarkaas ayaa dunida oo dhan ka kala yimid. Toddobaadkii horana in kabadan 30 dal oo xubno ka ah Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa dhaliilay Sacuudiga, iyaga oo ku eedaynaya dumarka ay xirxireen. Soo hadal qaadka arrimaha xuquuqda aadanaha ee Sacuudiga ayaa sare u kacday tan iyo wixii ka dambeeyay dilkii saxafi Jamaal Khashoqji ee magaalada Istanbul ka dhacday Oktoobar. Ugu yaraan 10 dumar ah ayaa la filayaa in ay ka soo muuqdaan maxkamadda dambiyada ee Riyaadh, dumarkaas waxaa ka mid ah Loujain al-Hathloul, Aziza al-Yousef, Eman al-Nafjan iyo Hatoon al-Fassi oo dhammaantood ku caan baxay u doodidda xuquuqda aadanaha. Saxafiyiinta iyo dublamaasiyiinta looma ogola in ay ka qayb qaataan dhagaysiga dacwadda. Source
  21. Kismaayo (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo Madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa xalay magaalada Kismaayo ku yeeshay shir gaar ah. Kulankaasi oo kusoo dhamaaday qaab is afgarad ah ayaa waxaa looga hadlay dhamaan waxyaabihii keenay mad-madowga soo kala dhex-galay wadashaqeyntii ka dhaxeysay labada dhinac. Wararka ay idaacadda Shabelle ka helayso caasimad goboleedka Jubadda Hoose ayaa ku sheegaya in la isku raacay in laga wadashaqeeyo sidii loo xoojin lahaa xirirka labada dhinac. Wadahadalka u dhaxeeya dowlada dhexe iyo maamulka Jubbaland oo ku dhow gabagabo ayaa lagu waramayaa in laga sameeyay horumar wanaagsan, isla markaana ay jirto isu soo dhowaanshiyo fiican. View the full article
  22. The Achievement Governor Central Bank of Somailand Governor Ali Ibrahim Jama (Baqdadi) Somaliland Central Bank Governor Ali Ibrahim Jama is managing the bank through a clear cut development oriented management style. He has established the Central Bank policy, money laundering policy, Islamic bank policy. He has also refurbished the central bank’s main Hargeisa branch as well as the Berbera branch. The governor has also trained central bank staff to help improve their work. Under his watch, the Somaliland shilling has steadily gained its value with the US dollar and he has also helped reduce inflation rates in Somaliland. The governor has also improve working relationship between the central bank and the government and also improved and maintained working relationship with the world bank through high level strategic meetings with world bank senior representatives in Nairobi. Last but not the least he has also established relations between Somaliland Central Bank and the UK Central Bank which in turn has provided crucial monetary management training in London to some of our senior Somaliland central bank staff, such trainings are very valuable to our team and country in setting up proper fiscal management. Qaran News
  23. Muqdisho (SMN) – Mudane Madaxweyne Yoweri Museveni Madaxweyne Ku Xigeenka Kenya Madaxweyne Ku Xigeenka Tanzania 
Wasiirka Ganacsiga ee Masar Mudanayaal iyo Marwooyin, iyo martida sharafta leh, Waxa sharaf ii ah inaan Kampala joogo aniga oo Shirka “Africa Now” kala qayb-gelaya madaxda Afrika, ganacsatada waaweyn iyo aqoonyahanka ku takhasusay Horumarka. Waxaan Madaxweyne Yoweri Museveni iyo Dowladda Uganda uga mahadcelinayaa soo dhawaynta iyo martisoorka diirran ee aniga iyo waftigayga na loo fidiyey. Waxaan sidoo kale hambalyeynayaa qabanqaabiyayaasha shirkan—gaar ahaan Xarunta Istaraatijiyadeed ee Hoggaaminta oo shirkan suurtagelisey. Cinwaanka Shirka ee “Africa Now” waa mid gaar ah, maxaa yeelay badanka dadka falanqeeya arrimaha Afrika waxay xoogga saaraan taariikhda Afrika iyo waxa ay mustaqbalka noqon karto. Walow ay taas lafteedu muhiim tahay, haddana dadaalka iyo guulaha hadda la gaaro ayaa qaabeeya mustaqbalka iyada oo laga shidaal qaadanayo tagtadii. Waa inaan hore u soconnaa innaga oo keliya aan rajo fiican ka qabin mustaqbalka balse ku kalsoon dadaalladeenna hadda. Tani waa midda uu Madaxweyne Museveni uu tilmaamayey markii aan ka hadlaynay dib u habeynta Qaaradda. Runtii, aad baan ugu raacansanahay marka uu leeyahay aan ka gudubno xaddiga waxsoosaarka oo aan u gudubno tayada waxsoosaarka. Walaashay Saamiya Suluhu, Madaxweyne K/Xigeenka Tanzania iyaduna waxay soo hadal qaadday in horurmaku iyo hoggaamintuba ay noqdaan mid loo dhan yahay oo ay haweenka iyo dhallinyaraduba kaalin muuqato ka ciyaaraan horusocodnimada qaaradda. Sidoo kale, Mudane William Ruto ayaa cinwaankan ka hadlay. Hadda ayaynu u baahannahay hoggaan dardargeliya isbeddelka bulsho iyo dhaqaale ee Afrika; hadda ayaynu u baahannahay inaan yagleelno mustaqbal waxtar u leh dhallinyarada iyo haweenka Afrika, hadda ayaan u baahaannahay inaan fahanno isla markaana ka hortagno saamaynta Isbeddelka cimiladu ku yeelanayo koboca dhaqaalaha; hadda ayaan u baahannahay inaan xal heer degmo, heer qaran iyo heer caalami ah u helno caqabadaha aynu wadaagno sida kuwa ganacsiga iyo amniga. Ugu danbayntiina, hadda ayaynu u baahannahay inaynu isku xirno dhaqaaleheenna innaga oo adeegsanayna kaabayaal dhaqaale oo muuqda iyo kuwa casriga ah, si aan u helno Afrika isdhexgalkeedu sarreeyo, nabdoon isla markaana dhaqaaleheedu kobcayo. Mudanayaal iyo Marwooyin, Waxaan fursad u helay inaan ka qayb-galo kulamo kala duwan intii shirku socday aniga oo dhegaystay fikrado badan, siyaasado iyo tallaabooyin la soo jeediyay, waxaana qirayaa inaan ku rajo weynahay inaan ka qaarad ahaan gaari karno himilooyinkeenna haddii aan xoojinno iskaashigeenna. Ma jirto caqabad aan laga gudbi karin, buur aan la fanan karin iyo meel aan la gaari karin, haddii la helo ujeeddo guud iyo dadaal dhankeenna ka yimaadda. Waxaan aaminsanahay inaan haysanno hay’adihii, dadkii, aragtidii iyo hoggaamintii loo baahnaa si aan u gaarno Afrika isdhexgalkeedu sarreeyo, nabdoon isla markaana dhaqaaleheedu kobcayo. Warqaddii martiqaadka ee uu ii soo diray Mudane Madaxweyne Museveni waxaa ku xusnayd inuu yahay qof rajo fiican ka qaba Afrika, waxaana rabaa inaan u sheego inaan dhammaantayo la wadaagno jacaylka iyo qabka uu u hayo qaaraddeenna qurxoon. Balse waa inaan si maangal ah u fekernaa oo aan ogolaannaa baahida loo qabo doodo wax ku ool ah iyo istaraatijiyad heer qaarad oo ku aaddan isbeddelka dhaqaale, maalgashiga, koboca dhaqaale iyo shaqo u abuuridda dhallinyarada si Afrika iyo dadkeeda kala jaadka ahi uga faa’idaystaan awooddooda, ugana badbaadaan dabinka saboolnimada iyo horumar la’aanta. Khibradeenna ayaa ina baraysa in hantideenna ugu qaalisan sida dhallinyarada iyo khayraadka dabiiciga ah ay noqon karaan caqabad haddii aynaan si fiican u malgaashan, una maarayn. Arrintan mar danbe uma adkaysan karno maadaama oo caalamku isu soo dhawaanayo, qaarad kastana ay innaga horumarayso, innaga oo isku dayayna inaan gaarno. Hoggaaminta iyo masuuliyad wadareedku waa tiirarka ugu muhiimsan ee isbeddelka, dib u habaynta iyo horumarka. Isdhexgalka, Amniga iyo Koboca Dhaqaale ee Afrika waa masuuliyad saaran qof kasta oo kamid ah hoggaamiyayaasha siyaasadda iyo ganacsiga iyo sidoo kale muwaadin kasta. Si kale haddaan u dhigo, waa inaan dhammaanteen ka qayb-qaadannaa horumarinta qaaraddan qaniga ah isla markaana qurxoon. Waqtigii wax kasta laga sugi jiray dowladda waa uu dhammaaday. Dowladaha, hoggaamiyayaasha ganacsiga iyo muwaadiniintu waa inay si dhaw uga wada shaqeeyaan sidii loo abuuri lahaa heshiis bulsho oo cusub oo ku salaysan yagleelidda mustaqbal dan u ah dhammaan dadka oo idil. Waa inaynu ganacsiga iyo siyaasadda casriyaynaa oo hal abuur cusub ku soo kordhinnaa, kana faa’idaysannaa iskaashiyada caalamiga ah iyo kuwa heer qaarad. Waa inaan si madaxbannaan u qiimaynaa saamaynta siyaasadeheenna isla markaana si wadajir ah u fekernaa, maxaa yeelay wadajirka ayaynu ku xooggannahay, Fursadaha horyaalla Afrika waa tiro badan yihiin. Waxaan leennahay dhalliyaro da’ ahaan aad u yar, dhul qiimo badan, khayraad badeed iyo dhaqan soojireen ah oo iskaashi iyo is-taageerid ku dhisan. Sidoo kale, teknaloojiyadda iyo isbeddelka ku yimi adeegyada dowladda ee asaasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka awgeed, Afrika waxay fursad u haysataa inay hormuud ka noqoto dhinacyo badan oo fure u ah horumarkeenna sida warshadaha, isu socodka alaabaha iyo dadka iyo dhaqaalaha casriga ah, iyada oo aynu weli ku xooggannahay beeraha iyo dhinacyada kale ee soojireenka ah. Ganacsiga Afrika dhexdeeda ah waa waajib haddii aynu doonayno inaynu qaarad ahaan barwaaqowno. Waa inaan marka hore dhexdeenna u suuq-geynaa isla markaana ku iibinnaa badeecadda iyo adeegyada Afrika lagu sameeyo. Xaqiiqadu waxay tahay Afrika ayaa ah suuqeenna ugu muhiimsan ee ay ganacsatadeennu faa’idada ugu badan ku haysato. Waxa intaasi dheer, abuuridda iyo hirgelinta hindisaha Ganacsiga Xorta ah ee Qaaraddu waxa uu wax ka beddelayaa mustaqbalka bulsho iyo dhaqaale ee Afrika iyo dadka ku nool, waxana abuurmaya fursado, shaqooyin iyo xirfado cusub, taasi oo xal u noqonaysa mushkiladda tahriibka dadka aqoonta leh. Waxaan ku faraxsanahay inaan halkan ka sheego in Soomaaliya ay kamid tahay dalalka ugu horreeyay ee saxiixay Heshiiska Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda. Balse si aan yoolkan ugu guulaysanno, Afrika waa inay si fiican isugu xiran tahay dhul ahaan, cir ahaan iyo bad ahaan. Waxaan u baahannahay inaan maalgashi badan ku samayno kaabayaasheenna dhaqaalaha si dadkeennu uga faa’idaystaan fursadaha caalamiga ah iyo kuwa qaaradeed ee mustaqbalka. Marka laga yimaaddo kaabayaasha dhaqaalaha, waa inaan maalgashannaa waxyaabaha muhiimka u ah koboca dhaqaalaha, sida siyaasadaha dhaqaale ee lagama maarmaanka ah iyo abuuridda jawi soo jiidanaya maalgashiga kaasi oo faa’ido u leh dhammaan dalalka iyo dadkooda. Su’aalaha loo baahanayahay inaan iswaydiinno ayaa ah: Badeecadda iyo adeegyada Afrika si xor u xuduudaha ma uga kala gooshi karaan? Waaxdeenna maaliyaddu ma tahay mid isku xiran? Ma leennahay siyaasadihii iyo dowlad-wanaaggii aynu kaga hortagi lahayn khatarta iman karta? Ma leennahay xirfaddii iyo tamartii aan waxsoosaar ballaaran ku samayn lahayn? Ma leennahay aqoontii iyo xirfaddii aan uga faa’idaysan lahayn koboca dhaqaale? Ma leennahay iskaashi aynu ku xoojin karno wadashaqaynteenna heer qaarad ee dhinaca horumarka? Weyddiimahan muhiimka ah innaga oo adeegsanayna, waa inaan sidoo kale ka fekernaa inaan ka hortagno khataraha iman kara, isla markaana aan dardargelinnaa maalgashiga horumarkeenna oo aan adeegsannaa hay’adaha caalamiga ah ee maaliyadeed si ay innooga taageeraan mashaariicda xuduudaha hal dal ka baxsan. Dhinaca kale, horumarka waxa joogteeya maalgashiga iyo iskaashiga kala duwan iyo ilaalinta deegaankeenna qaaliga ah oo ina siiya nolosha iyo fursado tiro badan. Mudanayaal iyo Marwooyin, martida sharafta leh, Waxaan rabaa inaan hadalkayga ku soo gunaanado, Soomaaliya waxay kusoo jirtay xilli adag 30-kii sano ee u dambeeyay, taasina waxay sababtay in ay dad badan u qaxaan xeryo qaxooti oo dalal badan ah oo ay kamid tahay Uganda. Waxaan idiin sheegayaa inaad sabool ama hoy la’aan tahay in aysan kaa hor istaagi karin inaad isku filnaato. Kaasi waa cashar ay cid walba ka baran karto dadka Soomaaliyeed. Aan idin siiyo hal tusaale. Waxaa halkan Uganda ku nool ku dhawaad 50 kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah. In kasta oo in badan oo kamid ah ay halkan ku yimaaddeen qaxootinimo, haatan waa dad isku filan. Qaarkood waxay ka bilaabeen ganacsiyo, waxayna qaar kamid ah noqdeen hal abuurayaal ganacsi ayaga oo gacan ka helaya shacabka dalkan iyo Madaxweyne Yoweri Museveni oo ah qof ay Afrikaannimadu ku wayn tahay. Ma aha Uganda oo kaliya balse haddii aad tagto Koonfur Suudaan, Kenya ama Koonfur Afrika waxaad ku arkaysaa Soomaali guryahooda ka soo tagay ayaga oo qaxooti ah balse maanta hodan ah oo hanti badan leh. Waa waajib inaan dadkeenna u suurtagelinno Afrika nabdoon, isdhexgalkeedu sarreeyo isla markaana kobcaysa. Waa arrin ay xaq u leeyihiin. Balse waxa ii muuqata, aniga oo adeegsanaya khibraddeenna ka qaarad ahaan, inaan meesha ka saari karno xiisadaha iyo khilaafyada oo aan qoriga dhigi karno, isla markaana abuuri karno shaqooyin cusub innaga oo kobcinayna dhaqaaleheenna. Afrikaan ahaan, waa inaan awooddeenna xaqiiqsannaa oo aan wax ka beddelnaa mustaqbalka aan wadaagno. View the full article