Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,672
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. 2 ruux ayaa ku dhaawacantay kadib markii qarax miino uu la kacay gaadhi nooca Iska’rogada loo yaqaan ah oo marayay dhanka bari ee degmada Galdogob sida ay sheegeen mas’uuliyiinta degaanka. Gaadhiga ayaa la sheegay in miinadu la kacday xilli uu marayay degaanka lagu magacaabo Taloole oo qiyaastii 6KM dhanka bariga kaga beegan magaalada Galdogob. Mas’uul ka tirsan maamulka degmada Galdogob oo la hadlay warbaahinta Puntland Post ayaa sheegay in gaadhiga miinadu ku qaraxday uu burbur xooggan soo gaadhay islamarkaana ay ku dhaawacmeen 2 ruux. Sidoo kale wuxuu sheegay in ay aaminsanyihiin in miinada meesha lagu aasay wakhtigii dagaallada sokeeye balse wuxuu sii raaciyay in ay baaritaan ku samaynayaan. PUNTLAND POST The post Gaadhi qarax kula kacay duleedka degmada Galdogob appeared first on Puntland Post.
  2. Kenya (SMN) – Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in Kenya uu ka taageerayo dhinaca la dagaalanka Al Shabaab. Mr Macron oo booqasho dhawaan ku tagay Nairobi ayaa la kulmay dhiggiisa Kenya oo ay ka wada hadleen xoojinta ammaanka gobolka. Madaxweynaha Faransiiska oo booqashadiisa Kenya soo maray Ethiopia iyo Jabuuti ayaa xusay in ahmiyadiisu ay tahay sidii dalalka gobolka ay ku heli lahaayeen xasilooni “Muhiimada ugu weyn ee safarkeyga Kenya waa dhinaca ammaanka iyo la dagaalanka kooxaha abuurayo xasilooni darada”ayuu yiri madaxweyne Macron. Sidoo kale madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa si weyn u soo dhawaayey ballan qaadka dhinaca ammaanka ee dhiggiisa Faransiiska,waxaana uu intaasi ku daray in Kenya ay sameyn doonto isbadal weyn . Kenya ayaa waxaa dhibaato xoogan ay ka heystaa weeraro khasaare geysta oo dagaalyahannada Al Shabaab ay ku qaadaan gudaha dalkaasi . Weerarkii ugu dambeeyay bishii January ee sannadkan ayey Al Shabaab ku qaadeen hotel ku yaalla galbeedka M/ Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. View the full article
  3. Shirkada Biyaha Mahiigaan ayaa maanta Gudiga dhismaha waddada dhexmarta bartamaha magaalada Burtinle waxa ay ku wareejiyeen lacag dhan cadadkeeda 5000 oo doolar. Kulanka ayaa [...] Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre oo maanta shir jaraa’iid ku qabtay xafiiskiisa ayaa jaamacaddaha dalka ku amray in aysan qaadan Karin ardey aan ka qeyb galin imtixaanka guud ee qaranka. “Maanta laga bilaabo wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya waxay go’aan ku gaartay islamarkana jaamacaddaha dalka ka mamnuucday inaysan qaadan Karin ardey aan soo marin imtixaanka qaran ee dalka, waana ku kormeeri doona dhammaan jaamacaddaha”ayuu yiri wasiirka waxbarashadda Mudane Cabdulahi Goodax Barre. Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in imtixaanka sannadkan uu dhici doono 11 ilaa 16-ka bisha May ee soo socota. “Sannadkan imtixaanka waxaa u fadhisan doona 45 kun oo ardey, dhammaan gobollada dalka 11-16-ka bisha May ee soo socota, wasaaradda waxay soo gaba gabeysay maalintii shalay dhammaan wax kasta oo ku saabsana imtixaanka, ardeyda sannadkan ka baxeysa dugsiga sare waxay korodhay boqolkiiba 20-tan taasna waxaa ugu wacan nabadda’ayuu yiri wasiir Goodax. “Dhamma an hay’addaha kale ee dowladda waxaan ka rabnaa inay nagala qeyb qaatan ilaalinta imtixaanka sidii markii horaba noogala qeyb qaadan jireen, dowladda goboleedyada, maamulada iskuullada iyo waalidiinta waxaan ku boorinaya inay kaalintooda ka qaatan qabsoomida imtixaanka qaran”ayuu yiri Mudane Cabdulahi Goodax Barre. Go’aanka Goodax ayaa waxaa ka dhallan doona xiisad weyn, ayada oo inta badan iskuullada dalka ay hoos-tagaan dallado, islamarkaana ay shahaadooyinkooda ay bixiyaan. Hoos ka daawo Goodax
  5. New York (SMN) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Ergayga gaarka ah ee dalalka Geeska Africa u soo magacaabay Onanga Anyanga oo ah diblomaasi ka tirsan Jimciyadda Qaruumaha ka dhexeysa, kana soo jeeda dalka Gabon. Mr Anyanga ayaa ah qabiir dhanka howlaha QM, kaas oo horay u soo noqday wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud u qaabilsanaa dalka Jamhuuridda Afrikada Dhexe iyo sidoo kale madaxa howlgalka Qaramada Midoobay ee dalkaasi. Wakiilka cusub ayaa haatan ka howlgali doona wadamada Ethiopia, Somalia, Eteriya iyo Jabuuti, waana Aqoonyahan dhashay 1960 kii, kaas oo haysta saddex caruur ah. Tallaabadani ayaa imaaneysa, xilli QM laga sugayay in ay Soomaaliya u soo dirto Ergay cusub, maadaama DFS ay bishii January sanadkani ceyrisay wakiilkeedii,Nicholas Haysom, oo lagu eedeyay in uu ku xadgudbay madaxbanaanida dalka. View the full article
  6. Garbahaarey (SMN) – Wararka ka imaanaya Gedo ayaa kuwaramaya in maanta dhaq dhaqaaqyo milatari laga dareemayo deegaanka Buusaar ee gobolkaasi. Arrintan ayaa la sheegay in ay timid, kadib markii Al Shabaab dhaq dhaqaaqyo ay ka bilaabeen qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in Al Shabaab warqado ay uga digayaan shacabka in ay ka agdhawaadaan fariisimaha ciidamada ay ku daadiyeen halkaasi. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in ay suuragal tahay in ciidamada Kenya ay ka baxaan xero ay ku leeyihiin deegaanka Buusaar ee gobolkaasi. Xaalada ayaa haatan ah mid kacsan, iyadoona laga cabsi qabo in dagaal culus uu ka qarxo halkaasi. View the full article
  7. Gaari nooca raaxada ah oo uu lahaa sargaal ka tirsan qeybta dembi barista CID-da ee gobolka Banaadir ayaa ku qarxay magaalada Muqdisho. Qaraxa gaarigan ayaa [...] Source
  8. Nairobi (SMN) – Milatariga dalka Kenya ayaa sheegay in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay dileen dagaalyahanno ka tirsanaa Al Shabaab, kadib iska hor imaad kooban oo ka dhacay deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhiga ee dalka Kenya ayaa lagu sheegay in ciidamadooda ay dileen saddex dagaalyahan oo ka tirsanaa Al Xarakada Shabaab, islamarkaana ay gacanta ku dhigeen xubin kale. Colonel Paul Njuguna,oo ah afhayeen u hadlay ciidamada milateriga Kenya ayaa sidoo kale xusay in weerarkaasi ay ciidamadooda Al Shabaab kaga soo furteen saddex Qori oo ah nuucyada fudud Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in labo askari oo ka tirsan ciidamadooda uu weerarkaasi ka soo gaaray dhaawac fudud, sida uu hadalka u dhigay. Dowladda Kenya ayaa sheegtay in bishii January ee sanadkan ciidankooda qeybta ka ah AMISOM koofurta Soomaaliya ay ku dileen 7 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al Shabaab. Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ku qaada ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya. View the full article
  9. Dalal iyo Ururo Ayaa Hab Is-barbar Yaac Ah Ugu Loolamaya Hirgelinta Wada Hadallada Somaliland & Soomaaliya Iyo Sidii Ay U Kulmi Lahaayeen Madaxweyne Biixi Iyo Farmaajo Dawladda Ingiriiska oo wax laga waydiiyay in ay kor u qaaday xidhiidhka ay Somaliland la leedahay maaddaama oo ay dhawaan Somaliland yimaaddeen masuuliyiin sare oo wasiirka Gaashaandhigga UK ka mid yahay ayaa sheegtay in aanay waxba iska bedelin halka ay Somaliland ka taagnayd, islamarkaana ay arrinta Somaliland u daynayso dalalka la deriska ah iyo wada hadallada Muqdisho iyo Hargeysa. Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland Amb Ben Fender ayaa sheegay in khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya yahay arrin u taalla Hargeysa iyo Muqdisho, islamarkaana ay ka dhur-sugayaan wada hadallada iyo waxa ay ka yeelaan waddamada derisku. Danjiraha cusub ee Ingiriiska oo telefishanka Goobjoog waraysi siinayay ayaa sheegay in aanay waxba iska bedelin mawqifka Ingiriiska ee ku aaddan Somaliland “Waxaan ogahay in aanay waxba iska bedellin mawqifkayaga Somaliland, Ingiriiskuna ma aqoonsana gooni isu taagga Somaliland ku dhawaaqday umana aragto dal madax bannaan,” Sidaas ayuu yidhi Danjire Fender. Danjiraha cusub ayaa intaasi raaciyay in ay arrinta Somaliland iyo Somalia u daba fadhiisanayaan dalalka deriska, islamarkaana soo dhaweynayaan wada hadallo dhexmara madaxweyne Biixi iyo Farmaajo “Arrinta Somaliland waxay u taalla in ay go’aan ka gaadhan Soomaaliya iyo Somaliland mana aha mid u taalla Ingiriiska oo kale, run ahaantiina waa in ay door ku yeeshaan waddamada gobolku, islamarkaana ay aqoonsadaan natiijada ka soo baxda anaguna waxaanu soo dhaweynayna horumar kasta oo arrintan laga gaadho iyo weliba xidhiidh kasta oo dhexmara Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi,” Sidaas ayuu yidhi Danjire Ben Fender. Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa dhawaan markii ay kulmeen madaxweyne Muuse Biixi waxa uu daneeyay in uu door ku yeesho wada hadallada labada dhinac waxaana hore arrintan u danaynayay dawladda Jabuuti oo door bidaysay in kulanka Madaxweyne Biixi iyo Farmaajo lagu qabto Jabuuti haddii laga midho dhalliyo dadaallada lagu doonayo in la kulan-siiyo. Geesta kale ururka ka shaqeeya xallinta khilaafaadka ee Center For Humantarian Dialogue ayaa ku hawlan dadaallo uu isugu soo dhaweynayo madaxweyne Biixi iyo Farmaajo waxaana la sheegay in uu kulan wada hadallada gogol xaadh u ah todobaadkan ku qabtay Nairobi kaas oo ay ka qayb galeen ururo bulsho oo Somaliland iyo Somalia ka kala socday kuwaas oo la doonayo in ay qayb ka qaataan gogol xaadhka iyo wacyigelinta bulshada ee suuro gelinta wada hadallada. Dawladda Turkiga ayaa sidoo kale u xusul duuban sidii ay mar kale u hagi lahayd wada hadallada Hargeysa iyo Muqdisho. Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo dhawaan warbaahinta iyo dawladda Turkiga uga xog warramay arrimaha ka socda Geeska ayaa sheegay in ay muhiim gobolka u tahay haddii Turkigu dhammeeyo khilaafka Somaliland iyo Soomaaliya. Qaran News
  10. Dhawr Dal Oo Somaliland Ka Mid Tahay Oo La Filaayo In Saldhigga Ciidanka Badda Ee Itoobiya Noqdo Madaxweyne Macron Iyo Dr Abiy Ayaa Kala Saxeexday Heshiis Faransiisku Ku Taageerayo Dhismaha Ciidanka Badda Ee Itoobiya Ku Hawlan Tahay Dawladda Faransiiska iyo Itoobiya ayaa wada gaadhay heshiis dhanka Militariga ah gaar ahaana taageeridda ciidamada Badda ee Itoobiya samaysanayso kadib bookhasho laba maalmood ah oo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ku joogay dalka Itoobiya. Safarka Madaxweynaha Faransiisku ku galaa-bixiyay dalalka Bariga Afrika ee Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya ayaa lagu macneeyay mid uu ku xoojinayo kaalintiisa Bariga Afrika iyo xidhiidhkiisa dhaqaale, islamarkaana kaga qayb qaadanayo dadaallada reer Galbeedku iskaga caabiyayaan waddanka Shiinaha oo saamayn badan ku yeeshay Afrika. Madaxweyne Macron ayaa Jabuuti ka sheegay in aanay doonayn in bahwadaagtooda xorriyadda lagaga qaado maalgashi hadalkaas oo uu ku durayay Shiinaha. Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay in uu si weyn u danaynayo Itoobiya tan iyo intii furfurnaanta siyaasadeed ka curatay waxaanu saxeexay heshiis uu Itoobiya kaga taageerayo abuurista ciidanka Badda oo ra’isal wasaare Abiy Axmed xoog saarayo sidii loo hirgelin lahaa. Madaxweyne Macron ayaa heshiis muhiim ah ku tilmaamay iskaashiga Militari ee Addis Ababa iyo Paris “Heshiiskan iskaashiga Militari oo aan hore noociisa loo gaadhin wuxuu abuuraya qaab wada shaqayneed, gaar ahaana wuxuu albaabada u furaya habka Faransiisku u caawinayo aasaasidda ciidanka Badda ee Itoobiya,” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Macron oo ay shir jaraa’id Addis Ababa ku wada qabteen Dr Abiy Axmed. Sida ay ku warrantay warbaahinta VOA waxa kale oo heshiiska ka mid ah iskaashi dhanka ciidamada cirka ah, hawlgallo wada jir ah, fursado dhanka tababarka iyo ka iibinta saanadda ciidamada. Idaacadda Dunida la hadasha ee Faransiiska(RFI) ayaa faallo ka qortay taageerada Faransiiska ee dhismaha ciidamada Itoobiya waxaanay sheegtay in ay Dr Abiy Axmed ka go’an tahay dhismaha ciidankan, islamarkaana guddi khubaro ah u saaray dhisamaha ciidanka Badda bishii January laakiin, ay lama huraan tahay in ciidankaasi ka hawlgalo dalalka deriska ah. Warbaahinta Faransiisku waxay sheegtay in dalka Ereteriya labada dekedood ee ay degi lahaayeen ciidanka Itoobiya ee Casab iyo Masawa mid tahay fadhiisinka ciidanka badda ee Ereteriya tan kalena ay tahay saldhigga Imaaraadku kala dagaallamo Xuutiyiinta Yemen. Waxa ay intaasi raacisay in dalalka la filayo in Saldhigga Militari ee Itoobiya noqon doona yihiin Jabuuti, Somaliland iyo Soomaaliya kuwaas oo hadal hayntooda ku aaddan ay Saldhig siiyaan Itoobiya xooggan tahay. Dawladda Itoobiya ayaa ciidamadeeda Badda kala dirtay sanadkii 1996 kadib markii dawladda Ereteriya xorriyadda qaadatay 1991, islamarkaana Itoobiya noqotay bilaa bad. Qaran News
  11. Muqdisho (SMN) – War ka soo baxay taliska Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in duqeyn cirka ah diyaaradahooda dagaalka ay ku dileen xubno ka tirsanaa Al Shabaab. AFRICOM ayaa shaacisay in duqeyntani oo Talaadadii ka dhacday deegaanka Huley ee gobolka Shabeelaha Hoose lagu dilay labo xubnood oo ka mid ahaa Al Shabaab. Sidoo kale warbixintan ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi ay ka qeyb qaateen Ciidamada DFS, islamnarkaana u jeedkoodu uu ahaa sidii loo wiiqii lahaa awooda Al Shabaab. Mareykanka ayaa muddooyinkii la soo dhaafay si xoogan howlgallo dhinaca cirka ah kaga fulinayay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  12. Wasiirka qorshaynta dowladda Puntland Cabdi Qafaar Xaange oo waraysi gaar ah siiyay warsidaha Puntlandi.com ayaa kawarbixiyay ajandaha shirka jihaynta siyaasada dowladda Puntland ee 5ta sano [...] Source
  13. Muqdisho (SMN) -Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax lagu xiray gaari oo maanta ka dhacay waddada Maka Al- Mukarama ee M/Muqdisho. Gaariga qarxay oo ku baakinaa agagaarka isgoyska Shaqaalaha ayaa waxaa la sheegay in uu lahaa taliyaha qeybta baarista dambiyada ee CID-da. Ma jiro wax khasaare ah oo uu geystay qaraxan, marka laga reebo burbur xoogan oo soo gaaray gaariga oo ahaa Saruf . Ciidamo ka tirsan kuwa amniga ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Qaraxani ayaa qeyb ka noqonaya falal ammaan dari oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay magaalada Muqdisho. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  14. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo dalka dib ugu soo laabtay Maanta ka dib safar maalmo qaatay oo uu ku Joogay Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaana ka warbixiyay afhayeenka Madaxweynaha Maxamuud Warsame Jaamac, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. (SLT-Addis Ababa)-Dawladda Faransiiska iyo Itoobiya ayaa wada gaadhay heshiis dhanka Militariga ah gaar ahaana taageeridda ciidamada Badda ee Itoobiya samaysanayso kadib bookhasho laba maalmood ah oo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ku joogay dalka Itoobiya. Safarka Madaxweynaha Faransiisku ku galaa-bixiyay dalalka Bariga Afrika ee Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya ayaa lagu macneeyay mid uu ku xoojinayo kaalintiisa Bariga Afrika iyo xidhiidhkiisa dhaqaale, islamarkaana kaga qayb qaadanayo dadaallada reer Galbeedku iskaga caabiyayaan waddanka Shiinaha oo saamayn badan ku yeeshay Afrika. Madaxweyne Macron ayaa Jabuuti ka sheegay in aanay doonayn in bahwadaagtooda xorriyadda lagaga qaado maalgashi hadalkaas oo uu ku durayay Shiinaha. Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay in uu si weyn u danaynayo Itoobiya tan iyo intii furfurnaanta siyaasadeed ka curatay waxaanu saxeexay heshiis uu Itoobiya kaga taageerayo abuurista ciidanka Badda oo ra’isal wasaare Abiy Axmed xoog saarayo sidii loo hirgelin lahaa. Madaxweyne Macron ayaa heshiis muhiim ah ku tilmaamay iskaashiga Militari ee Addis Ababa iyo Paris “Heshiiskan iskaashiga Militari oo aan hore noociisa loo gaadhin wuxuu abuuraya qaab wada shaqayneed, gaar ahaana wuxuu albaabada u furaya habka Faransiisku u caawinayo aasaasidda ciidanka Badda ee Itoobiya,” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Macron oo ay shir jaraa’id Addis Ababa ku wada qabteen Dr Abiy Axmed. Sida ay ku warrantay warbaahinta VOA waxa kale oo heshiiska ka mid ah iskaashi dhanka ciidamada cirka ah, hawlgallo wada jir ah, fursado dhanka tababarka iyo ka iibinta saanadda ciidamada. Idaacadda Dunida la hadasha ee Faransiiska(RFI) ayaa faallo ka qortay taageerada Faransiiska ee dhismaha ciidamada Itoobiya waxaanay sheegtay in ay Dr Abiy Axmed ka go’an tahay dhismaha ciidankan, islamarkaana guddi khubaro ah u saaray dhisamaha ciidanka Badda bishii January laakiin, ay lama huraan tahay in ciidankaasi ka hawlgalo dalalka deriska ah. Warbaahinta Faransiisku waxay sheegtay in dalka Ereteriya labada dekedood ee ay degi lahaayeen ciidanka Itoobiya ee Casab iyo Masawa mid tahay fadhiisinka ciidanka badda ee Ereteriya tan kalena ay tahay saldhigga Imaaraadku kala dagaallamo Xuutiyiinta Yemen. Waxa ay intaasi raacisay in dalalka la filayo in Saldhigga Militari ee Itoobiya noqon doona yihiin Jabuuti, Somaliland iyo Soomaaliya kuwaas oo hadal hayntooda ku aaddan in ay Saldhig siiyaan Itoobiya xooggan tahay. Dawladda Itoobiya ayaa ciidamadeeda Badda kala dirtay sanadkii 1996 kadib markii dawladda Ereteriya xorriyadda qaadatay 1991, islamarkaana Itoobiya noqotay bilaa bad. Source
  16. Kampala (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa raja wanaagsan ka muujiyay miro dhalka natiijo kasoo baxda shirka “Africa Now” ee lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Kampala. Mudane; Madaxweyne Farmaajo, oo qudbad ka jeediyay shalay Shirkaas ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda kulanka, wuxuuna ku tilmaamay mid daaha ka rogaya Taariikhda iyo barwaaqada Afrika. Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Wuxuu sheegay in hadda loo baahan yahay, hoggaan dar-dargeliya isbeddelka Bulsho iyo dhaqaale ee Afrika, sidoo kalen loo baahan yahay in la yeesho mustaqbal waxtar u leh Dhallinyarada iyo Haweenka Afrika, in la fahanno isla markaana laga hortago saamaynta is-beddelka cimilladu ku yeelanayo koboca dhaqaalaha iyo in xal heer degmo, heer Qaran iyo heer Caalami ah loo helo caqabadaha la wadaago , sida kuwa ganacsiga iyo amniga. Madaxweynaha ayaa yiri,“Hadda ayaynu u baahannahay inaynu isku xirno dhaqaaleheenna innaga oo adeegsanayna kaabayaal dhaqaale oo muuqda iyo kuwa casriga ah, si aan u helno Afrika is-dhexgalkeedu sarreeyo, nabdoon isla markaana dhaqaaleheedu kobcayo. Madaxweynaha JFS ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay in ka qaarad ahaan la gaari karo himmilooyinka qaaradda haddii la xoojiyo iskaashigeenna, wuxuuna caddeeyay in aysan jirin caqabad aan laga gudbi karin, buur aan la fanan karin iyo meel aan la gaari karin, haddii la helo ujeeddo guud iyo dedaal dhankeenna ka yimaadda. Madaxweynaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la huro Khibraddeenna si loogu faa’iideysto khayraadka dabiiciga , wuxuuna intaa raaciyay inaan arrinta saboolnimada aan mar danbe loo adkaysan Karin maadaama uu caalamku isu soo dhawaanayo, Qaarad kastana ay innaga horumarayso. Wuxuu sheegay in ay cid kasta mas’uuliyad ka saaran tahay dib u habaynta, horumarinta, is-dhex galka iyo kobaca dhaqaalaha Afrika,wuxuuna tilmaamay in lasoo dhaafay xilligii Dowladda wax walba laga sugi lahaa, loona baahan yahay in hoggaamiyeyaasha Ganacsiga iyo muwaaddiniintu ay si dhow u wada shaqeeyaan. “Fursadaha horyaalla Afrika waa tiro badan yihiin. Waxaan leennahay dhalliyaro da’ ahaan aad u yar, dhul qiimo badan, khayraad badeed iyo dhaqan soo jireen ah oo iskaashi iyo is-taageerid ku dhisan. Sidoo kale, teknaloojiyadda iyo isbeddelka ku yimi adeegyada dowladda ee asaasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka awgeed, ayuu yiri Madaxweynuhu. Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in Afrika ay fursad u haysato inay hormuud ka noqoto dhinacyo badan oo fure u ah horumarkeenna , sida warshadaha, isu socodka alaabada iyo dhaqaalaha casriga ah, iyada oo aynu weli ku xooggan nahay Beeraha iyo dhinacyada kale ee soo jireenka ah. View the full article
  17. Dowladda Puntland iyadoo ka jawaabaysa daan daanisaga malayshiyaadka Muuse Biixi ee laga maamulo magaalada Hargaisa ku soo duulay qaybo kamid ah gobolka Sanaag, ayaa waxa [...] Source
  18. Kismaayo (Caasimada Online) – Kulan xasaasi ah oo alabaabada u xirnaa ayaa Xalay wuxuu Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ku dhex maray Axmed Madoobe, Fahad Yaasiin iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Kulanka oo ahaa mid aad u kulul ayaa sida aan xogta ku helnay waxaa markii hore si gaar ah u bilaabay Axmed Madoobe iyo Fahad Yaasiin, inkastoo markii dambe lagama maarmaan ay noqotay in lagu soo daro Xasan Cali Kheyre Axmed Madoobe ayaa dowladda Soomaaliya ugu horeynba shuruud adag uga dhigay inaysan faragelin ku sameyn doorashada maamulka Jubbaland oo dhawaan dhici doonto. Fahad iyo Kheyre ayaa dhawr jeer ka dalbaday Axmed Madoobe inuu doorashada ka dhigo mid fur furan oo madax banaan isla markaasna ay goob joog ka ahaato Dowladda Federaalka Soomaaliya balse Axmed oo ah nin aad u adag ayaa ku adkeystay inuusan marnaba ka tanaasuli doonin damaciisa ku aadan inuu difaacdo kursiga uu ku fadhiyo ee Jubbaland. labada dhinac ayaa isku raacay in Axmed Madoobe loo madax banaaneyno doorashada ka dhici doonto Jubbaland inkastoo ay mar kasta wax is badali karaan. Tan iyo markii ay dhacday Doorashadii Maamulka Koonfur Galbeed oo ay hareereysay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayey taas keentay inuu Axmed Madoobe xirto difaac adag oo uu ku doonayo inaysan doorashada Jubbaland noqon sida middii Koonfur Galbeed. Axmed Madoobe ayaa ah hoggaamiyaha ugu adag madaxda Maamul Goboleedyada, wuxuuna isticmaalaa awood ciidan isagoo dhawr jeer garoonka Diyaaradaha kasoo celiyey qaarna ku xiray shakhsiyaad ay dowladda u magacowday xilal Ciidan. Dowladda Soomaaliya ayaa olole xooggan u gashay doorashooyinka Koonfur Galbeed iyo Puntland, waxayna ku guuleysatay mid kamid ah oo ah Koonfur Galbeed halka midda kale looga adkaaday, waxayna hadda loolan adag ugu jirtaa sidii ay gacanta ugu soo dhigi laheyd Jubbaland. Madaxda hadda hayo talada Soomaaliya ayaa doonayo inay mar labaad u tartamaan Doorashada Koonfur Galbeed waxayna fursad fiican u arkaan inay Maamulada Dalka madax uga dhigaan shakhsiyaad ku shaqeynayo fikradooda. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-14032019.mp3 View the full article
  20. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Hawlaha guud iyo Guriyeynta Somaliland Cabdirashiid Du’caale Qanbi, ayaa gaadhigiisi kula dhacay meel u dhow deegaanka Balli-mataan ee Koonfurta magaalada Hargeysa. Wariye Xasan Galaydh oo Wasiirka la xidhiidhay ayaa uu u sheegay in isaga iyo saddex qof oo kale oo gaadhiga la saarnaa ay badqabaan balse gaadhigii aad u burburay. Wasiirka ayaa ka yimi degmada Ood-weyne waxana uu ku sii jeeday Balli-gubadle. Halkan hoose ka DAAWO wasiirka ka hadlaya shilkaasi Source
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee aan ku qanacsaneyn siyaasadda ay dalka ku maamusho ayaa ka hadlay hadal kasoo yeeray Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi. Cabdiraxmaan oo Bartiisa Facebook qoraal soo dhigay ayaa sheegay inuu Muuse Biixi walaac ka muujiyey inaysan dowladda Federaalka Soomaaliya diyaar u aheyn inay soo fadhiisato miiska wadahadalka. Wuxuu sheegay inay Somaliland wado dadaal ay ku dooneyso inay wadahadal kula yeelato dowladda Federaalka Soomaaliya si looga heshiiyo Khilaafka mudada dheer u dhaxeeyey Maamulka Somaliland ee doonayo inuu ka go’o Soomaaliya inteeda kale iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Cabdiraxmaan ayaa Dowladda Federaalka ka dalbaday inay shacabka Soomaaliya u sheegto xaqiiqda wadahadalka Soomaaliya iyo cidda ay wax ka socon la’yihiin. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu soo dhigay Facebook Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in isku day kasta ee wadahadal uu dhinaca dawlada Federaalka ah ka socon waayey, haatana wadanka Ghana kulan loogu balansanyahay 19 ka bishan. Wuxuu shaki ka muujiyey in madaxda dawlada Federaalka ah ay kulankaa aqbali doonaan. Waxaan ka dalbanaynaa madaxda dawlada Federaalka ah in ay shacabka Soomaaliyeed si daahfurnaan leh ula wadaagaan halka uu marayo wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland. Waxaana ku baaqaynaa in aan wadahadalka mar kale dib loo dhigin oo kulanka Ghana ka dhacaya laga qaybgalo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. (SLT-Argentina)Laacibkii hore ee kubadda cagta ee reer Argentina, Diego Maradona, ayaa qirtay in uu dhalay saddex carruur ah oo haysta dhalashada dalka Kuuba, sida uu sheegay qareenkiisa. Qirashadaasi ayaa ka dhigan in Maradona oo 58 sano jir ah oo haatan ka hor Koobka Adduunka u qaaday dalka Argentina, oo mar hore inkiray in uu dhalay caruur kale oo aan ahayn kuwa ay u dhashay xaaskiisii hore, uu haatan noqonayo aabbaha rasmiga ah ee siddeed carruur ah oo ku abtirsan doono magaciisa. Matias Morla oo ah qareenka Maradona ayaa sheegay in Maradona dhawaan uu u safri doono magaalada Havana ee dalka Kuuba, si baaritaan loogu sameeyo in carruurtaasi uu isaga dhalay iyo in kale, waxa uuna dhamaadka sanadkan shaacin doonaa in isagau uu yahay aabaha rasmiga ah ee carruurtaasi ku nool dalka Kuuba. Caruurtan oo sida la sheegay uu ka dhalay laba haween ah ayaa wixii haatan ka dambeeya waxa qaadan doonaan oo ay ku abtirsan doonaan magaciisa. Maradona ayaa dalkaasi Kuuba ku noolaa intii u dhaxaysay sanaddadii 2000 iyo 2005, halkaasi oo looga daweynayay maandooriyaha Kookeynta oo uu qabatimay. Muddadii uu halkaasi joogay waxa uu saaxiib la noqday madaxweyne Fidel Castro, waxaana uu lugta ku sawirtay muuqaalka madaxweyne Castro. Maradona Cayaaryahankani hore ee kubadda cagta ayaa haatan ah tababaraha kooxda Dorados de Sinaloa ee ka dhisan dalka Mexico. Maradona ayaa haatan ka hor beeniyay in uu dhalay carruur kale oo aan ka ahayn laba gabdhood oo lagu kala magacaabo Giannina iyo Dalma, kuwaasi oo ay u dhashay xaaskiisii hore oo lagu magacaabi jiray Claudia Villafañe, taa oo uu furay saandkii 2003 ka dib ku dhawaad 20 oo ay siqabeen. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu haatan qirtay in uu isaga dhalay Diego Junior oo 32 jir ah iyo Jana oo 22 jir ah, ka dib dacwad dhex martay isaga iyo carruurtaasi hooyadood. Maradona ayaa sidoo kale ah aabaha Diego Fernando oo lix sano jir ah oo ay u dhashay haweeney lagu magacaabo Veronica Ojeda. Source
  23. (SLT-Falastiin)-Afhayeen u hadlay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas, ayaa cambaareeyey go’aanka Mareykanka ee ah in hadda kadib uusan Daanta Galbeed, Marinka Gaza, iyo Buuraha Golan Heights ugu yeeri doonin “Dhul la haysto” Nabil Abu Rudeineh ayaa tallabadan ugu yeeray “sii wadidda siyaasadda cadaawadda ku dhisan ee maamulka Trump uu ku wajahayo dadka Falastiiniyiinta, si aan waafaqsaneyn qaraarada QM” Bayaan ay baahisay wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA ayuu ku sheegay in isbeddelkan uu qeyb ka yahay qorshaha madaxweyne Donald Trump uu ku “baabi’inayo” qadiyadda Falastiiniyiinta. Trump ayaa la filayaa in bilaha soo socda uu shaaca ka qaado qorshihiisa nabadda ee Israel iyo Falastiin, inkasta oo hoggaanka Falastiiniyiinta ay joojiyeen xiriirkii ay la lahaayeen Washington, kadib markii Trump uu 2017-kii magaalada Qudus u aqoonsaday caasimadda Israel. Falasiiniyiinta ayaa rumeysan in qorshaha Trump ee soo socda uu u xaglin doono Israel. Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa arrintan ugu yeertay isbeddel xagga erey bixinta oo kaliya, balse aysan ahayn isbeddel siyaasadeed. Israel ayaa Golan Heights, Daanta Galbeed, Bariga Jerusalem iyo Marinka Gaza ku qabsatay Dagaalkii Lixda Malamood ee sanaddii 1967-kii. Source