-
Content Count
207,672 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wellington (Caasimada Online) – Dadkii ka bad-baaday weerarkii arxan darrada ahaa ee lagu qadaay laba masjid oo ku yaalla dalka New Zealand ayaa sharraxaad ka bixiyey sidii ay u dhacday dhacdadan foosha-xun. Sugid iyo duco Mid ka mid ah dadka ka bad-baaday weerarka oo dharkiisa dhiig uu ka buuxo ayaa sheegay inuu arkay ninka weerarka soo qaaday oo dadka xabadka ka tooganaya. Waxa uu sheegay in toogashada ay socotay qiyaastii 20 daqiiqo. Waxaa la rumeysan yahay in 49 qof ay ku dhinteen, ayada oo dhaawaca 20 qof uu ka badan yahay. “Waxaan ku fakarayey in rasaasta ay ka dhammaato” ayuu yiri. “Waxaan sameeyey waxay ahayd inaan sugo oo duceysto, Allahayow ninkan ay rasaasta ka dhammaataa” Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Waxa uu yimid halkan, dhinaca ragga oo dadkii ayuu toogtay, kadibna wuxuu u gudbay qeybta dumarka, waxaan maqlayey oohinta dumarka. “Walaalkey halkaas ayuu joogay, laakin weli ma aqaan inuu bad-qabo iyo in kale” Qfona kama uusan tagin Nin kale oo ka mid ah dadka ka bad-baaday weerarka ayaa sheegay in dadka ay daaqadaha jebiyeen si ay uga baxaan. “Wuxuu billaabay inuu toogto. Qof kasta oo uu u maleeyey inuu weli nool yahay waa uu sii tooganayey” ayuu yiir. “Ma uusan dooneyn in qofna uu nolol ku baxsado” Boqolaal xabbad ayaa daatay Farid Axmed oo isna ah nin naafo ah, balse ka bad-baaday weerarka ayaa sheegay in xaaskiiska ay ku jirtay qeybta dumarka, welina uusan ogeyn inay bad-baaday iyo in kale. “Waxaan ka arkay markii uu soo socday barxadda masjidka, ee uu qolkeena kusoo wajahnaa, wuxuu arkay qof kale oo isna masjidka usoo socday, dhabarka ayuu ka toogtay, wuuna dilay” “Waxaa dhulka daadsanaa rasaasta – boqolaal rasaas ah, xaqiiqdii” Goob xasuusq Carl Pomera oo isna dhacdan goobjoog u noqday ayaa marayey waddada masjidka hortiisa ah, markii weerarka uu billowday, ayada oo uu la socday qof kale. “Waxaan arkay dad noloshooda la baxsanaya” “Waxaa kadib xigay rasaas daran-doori ah. Dadkii ayuu dhulka ku simay, waxaan arkay ayada oo uu dhabarka ka tooganayo, waxayna daadanayeen dhulka” ayuu yiri Carl. Carl iyo saaxiibkiis ayaa dibedda masjidka ka sameeyey meel dadka lagu caawiyo. “Waxaan ahayn lix qof oo si lama filaan ah meesha u yimid, waxaana caawineynay dadka “Dadku waxay u oynayeen in la caawiyo. Waxaan qaadnay aabe iyo gabadhiisa oo dhaawac ah, balse ma naqaan inay bad-qabaan iyo in kale” “Nin uu saaxiibkey caawinayey wuxuu ku naf baxay gacmihiisa kadib 30 daqiiqo” Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
-
(SLT-Sedny) Dalka Australia ayaa la sheegay inay ka qayb qadanayaan weerarka lagu qaaday masaajidda ku yaalla dalka New Zealand. Ra’iisulwasaaraha Australia ayaa cambaareeyay weerarka ka dhacay dalka New Zealand. “Waxaan xaqiijin karaa in shaqsiga xabsiga ku jira la ii sheegay in uu Australi u dhashay, sidaas daraadeed Australia ayaa qayb ka ah baaritaanka la wado, dhammaan laamaha ku shuqul lehna baaritaanka wayna sii wadi doonaan” ayuu yidhi Source
-
(SLT-New Zealand) Qof hubaysan Ayaa weerara Kuqaaday masaajid ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand ayaan wali gacanta lagu dhigin, booliiska ayaana ka digay ninkaas. gudoomiyaha masaajidka maxamed jaamac oo loo yaqaan ((Afeeyey)) ayaa Radio lugo badan u sheegay in ay dad dhinteen. Booliiska ayaa dadka uga digay aagaas, waxaana la isku gadaamay oo ilaalo la geeyay iskuullada iyo isbitaallada. Dad goob joogeyaal ah ayaa sheegay in ay orad kaga baxsadeen rasaastii dhacaysay. Muuqaal aan la xaqiijinin saxnimadiisa ayaa soo baxay, muuqaalkaasina wuxuu tilmaamaya ninka weerarka gaystay oo isduubaya isaga oo rasaas furaya. saciid dheere oo ku sugnaa dhulka masjidka ayaa Radio lugo badan u sheegay “markii hore ay u qaateen in shanqartu ay koronto tahay, balse dadkii ayaa billaabay in ay kala yaacaan. “Saaxiibbaday ayaa wali masaajidka ku jira” “Saaxiibbaday ayaan wacayay balse waxaa jira kuwo aanaan wali is maqlin. Nolosha saaxiibbaday ayaan u baqayaa.” Herald ayaa ku warramaya in qofka weerarka gaystay loo malaynayo in uu Australia u dhashay, kaas oo qoray ujeedadiisa. Ninkaas ayaa sheegay in uu taageerayo afkaarta midigta fog iyo in uu ka soo horjeedo soo galootiga. Dhacdadan ayaa la sheegay in ay ka dhacday masaajidka Al Nuur oo ku yaalla bartamaha magaalada Christchurch. Askarta ayaa sidoo kale fagaaraha Cathedral ka kexeeyay kumannaan carruur ah oo dhigayay mudaaharaad ay ku dalbanayaan in wax laga qabto isbadalka cimilada adduunka. Waxaa jira warar kale oo sheegaya in dad laga daad gureeyay masaajid kale. Saxafi la socda kooxda kubbadda kiriketka ee dalka Bangladesh oo hadda ku sugan New Zealand ayaa twitterka ku soo qoray in uu ka baxsaday masaajid ku yaalla agagaarka Hagley Park halkaas oo rasaas ka dhacayso. Source
-
New York (SMN)- Qaar ka mid ah xildhibaannada golaha aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ka qayb galay Shir Caalami ah oo ka socda xarunta Qaramada Midoobay ee Magalada New York. Shirkan oo looga hadlayo arrimaha haweenka Adduunka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa doorka hogamineed ee haween weynaha Caalamka, ayaa waxaa uu socon doonaa muddo saddex cisho ah, waxaana Soomaliya u matalaya Senetor, Muno Cumar Xasan iyo Sen ,Hodan Muxamuud Cusmaan. Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa lagu gorfeyn doonaa sida ugu habboon ee loogu gaashaaman karo tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka caalamka iyo sidii wax loogu qaban lahaa kuwa loo geysta gabbood fallada kala duwan ee ay bulshada dhexdeeda kala kulmaan dumarka. Waa markii ugu horreysay oo shir noocan oo kale ah ay Soomaaliya ka qayb gasho, waxana lagu wadaa in ay xildhibaannada aqalka sare ee kulankan ku sugan ay soo bandhigaan tacaddiyada loo geysto haweenka Soomaaliyeed. Soomaaliya oo muddo ku dhow Soddon Sano ay ka jireen dagaallo sokeeye iyo Colaado ayaa ka mid meelaha ugu badan ee ay ka dhacaan tacaddiyada loo geysto Haweenka, sida Kufsig iyo dilalka. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa iyo ciidamada Milateriga ee Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay dagaal xoogan oo Al-shabaab ay kula galeen deegaanka Baar Sanguuni ee gobalka Jubada Hoose Sarkaal ka tirsan AMISOM ayaa sheegay in iska caabiyeen dagaal ay Al-shabaab ku soo qaadeen fariisin ay ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni oo ku dhaw magaalada Kismaayo. Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dileen 13 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab isla markaana ay ku dhaawaceen tiro kale oo intaasi ka badan. Sarkaalka ka tirsan AMISOM ayaa sidoo kale xusay in dagaalka ka dhacay Baar Sanguuni ay ku soo qabteen 9 dagaalyahano oo ka tirsan xarakada Al-shabaab Ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika ayaa hore u sheegay in ay xoojinayaan howl galada ay kula dagaalamayaan dagaalyahanada Al-shabaab. Deegaanka Baar Sanguuni ayaa waxaa horaantii sannadkan uu dagaal xoogan ku dhex maray ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab. View the full article
-
Kismaayo (SMN)- Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmad Maxamed Ilsaam Madoob ayaa faahfaahin ka bixiyay heshiis Magaalada Kismaayo ku dhexmaray isaga iyo ra’iisal wasaaraha xukuumdda Soomaaliya)Xasan Cali Kheyre. Axmed Madoobe ayaa Shaaca ka qaaday in safarkii ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ee Magaalada Kismaayo in lagu dhameeyay khilaafkii u dhexeeyey dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland,waxaana uu carabka ku adkeeyay in ay Muhiim tahay in labada dhinaca ay abuuraan kalsooni shacab iyo mid dowladeed. Khilaafkaan siyaasadeed ee haatan u muuqdo in xal laga gaaray ayaa waxaa uu ka dhashay kadib markii 6dii bishii, 2017 kulan ay Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirada ee dowlada Soomaaliya ay ku dhawaaqeen in muranka khaliijka ay dhexdhexaad ka yihiin,Maadaamada saddex dal oo ka mid ah dalalka ku bahoobay Khaliijka Carabta ay markaasi xiriirkii diblamaasiyadeed u jareen dalka Qadar, balse go’aankaas ma noqon mid ay ku qanceen maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka, kuwaas oo badankood si iskood ah u sheegay in ay la safteen Sucuudiga, xiriirkana u jareen dowladda Qadar. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumada Soomaaliya ayaa shaacisay waqtiga uu qabsoomayo imataxaanka qaran ee sanad dugsiyeedkan. Cabdulaahi Goodax Barre wasiirka waxbarshada xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in ardayda dugsiga sare ee fasalka 12-aad ay ay imtaxaanaadka qaranka u fariisan doonaan 11-ka ama 16-ka bisha 5aad ee May 11,islamarkaana uu ka qabsoomi doono guud ahaan dalka. Wasiirka ayaa tilmaamay in tirada ardaydan sanadkan ee imtaxaanka u fariisaneysa ay gaareyso 45 kun,isla markaana ay aad kaga badanyihiin marka loo barbar dhigo tirade u fariisatay imtaxaanaadka qaranka sanadkii tagay. Cabdulaahi Goodax Barre ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in tirada ardayda ee sanadkan ka qalin jabineysa dugsiga sare 100-kiiba 20 ay kor u kacday,sidaas darted imtaxaanaanka uu noqon doono mid ka duwan sanad dugsiyeedkii la soo dhaafay. View the full article
-
Wellington (SMN)- Faahfaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya qasaaraha ka dashay weerar toogasho ah oo galinkii hore ee maanta lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla dalka Newzealand. Raga weerarka fuliyay oo sadex ahaa ayaa la sheegay in ay ku hubeysnaayeen qoryaha fudud,waxayna durba rasaas ku fureen dad muslimiin ah oo Soomaali ay kamid ahaayeen oo ku jiray salaada jimcaha. Sadex ruux oo Soomaali ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerarkaasi toogashada ah ee lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla magaalada Christchurch oo ah tan sadexaad ee ugu dadka badan dalka Newzealand. Lama shaacin magacyada sadexda ruux ee Soomaalida ah,balse masjidka uu weerarka ka dhacay ayaa waxaa la sheegay in ay ku sugnaayeen dad badan oo ajaanib ah. Laamaha amaanka ee dalkaasi iyo saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in mid kamid in weerarka toogashada ah lagu dilay in ka badan 40 ruux,isla markaana intaasi ay ka badanyihiin dhaawacyada weerarkaasi ka dhashay. Sadex ruux oo mid kamid ah ay haweeney tahay ayaa loo soo qabtay weerarkaasi,waxaana booliiska ay sheegeen in ay sameyn doonaan baaritaan ku aadan weerarkan. Inta badan dalalka Islaamka ayaa cambaareeyay weerarkaasi lagu dilay tobanaanka ruux ee Soomaalida ay ku jiraan ee ka dhacay magaalada Christchurch ee dalkaasi Newzealand. View the full article
-
Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-150319.mp3 View the full article
-
Wellington (Caasimada Online) – Weerar argagixiso oo lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla dalka New Zealand, kuwaas oo lagu dilay ugu yaraan 49 qof, ayaa argagax, carro iyo lama filaan ka abuuray dunida. Mid ka mid ah kooxda weerarka fulisay – oo la rumeysan yahay inuu yahay xagjir Australian ah – ayaa si toos oo muuqaal ah u baahiyey weerarka. “waa ay caddahay in tani lagu qeexi karo oo kaliya weerar argagixiso” waxaa sidaas tiri ra’iisul wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern, oo ku qeeyxday “mid ka mid ah maalmihii ugu madoobaa New Zealand.” Muslimiinta waxay wajahayaan dil wadareed Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa yiri “Weerarkan ama cadaawadda ku wajahan muslimiinta ee dunida ay daawanaysay muddo ama mararka qaar ay dhiiri-gelineysay, waxay dhaaftay xuduuddii dhibaateynta shaqsi, waxayna gaartay heer dil wadareed” “Haddii aan la qaadi tallaabooyin deg deg ah, waxaa midda xiga doona musiibo kale” ayuu yiri Erdogan. Weerar xaasidnimo iyo wuxuushnimo Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa yiri “Weerar ka dhan ah dad si nabdoon isugu yimid inay tukadaan waa naxdin ay ku dheehan tahay xaasidnimo iyo wuxuushnimo:” “Waxaan rajaynayaa in kuwa ku lugta leh ay maraan ciqaab adag” ayuu yiri Putin. War naxdin leh Madaxweynaha golaha Midowga Yurub, Donald Tusk ayaa yiri “War naxdin leh ayaa caawa kasoo yeeray New Zealand, weerarkan arxan darrada ah marnaba ma tirtiri doono dulqaadka iyo akhlaaqda ay New Zealand ay caanka ku tahay” Ficil laga yaqsiyoodo Ra’iisul wasaaraha Britain, Theresa May ayaa tiri “Kadib weerar argagixiso oo argagax leh oo ka dhacay Christchurch, waxaa qalbigeygu la jiraa kuwa uu saameeyey ficilkan rabshadeed ee laga yaqsiyoodo” Dambi arxan darro Wasiirka arrimaha dibedda Jarmalka, Heiko Maas ayaa yiri “weerarkan arxan darrada ah wuxuu si qoto-dheer u saameeyey dalkayga”. Xagjiriinta waxay burburinayaan bulshadeena Ra’iisul wasaaraha Spain, Pedro Sanchez ayaa sheegay in qalbigiisu la jiro dhibanayaasha qoyska iyo dowladda New Zealand, wuxuuna yiri “Xagjiriinta iyo kuwa mayalka adag, waxay doonayaan inay burburiyaan bulshadeena” Isha: VOA
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay Muqdisho Safiirka cusub ee Boqortooyada Midowday u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Benjamin James Fender. Mudane Danjire Axmed Cawad waxa uu soo dhoweeyay Danjire Ben Fender, isagoo ugu hambalyeeyay kalsoonida boqortooyo ee qaaliga ah ee uu ku helay in xilkani loo magacaabo. Wasiirka waxa uu kala hadlay Safiirka dhowr arrimood, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hore loo sii wado, lana xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee labadda dal ee dhinacyo kale duwan leh, si gaar ah arrimaha amniga iyo dano wadaagga istiraatiijiyadeed. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre,ayaa sheegay in Safarkiisi Kismaayo uu ku soo dhamaaday guul iyo Miro dhal ku salaysan isfaham iyo in si dhab ah Dowladda Federaalka iyo Jubbaland u xoojiyaan wada shaqaynta loogu adeegayo Bulshadda Soomaaliyeed. kadib Xaflad sagootin ah oo Xalay Kismaayo loogu sameeyey Ra’iisul wasaare Kheyre, ayuu ugu horreyn kaga mahad celiyay sidii ay maamulka iyo Shacabka reer Jubbaland ugu soo dhoweeyeen Magaalada Kismaayo. Wuxuu sheegay in uu kulammo kala duwan la qatay, Madaxda ugu sarreysa Jubbaland, Labada Gole ee maamulka, saraakiisha Ciidamada, Duubabka dhaqanka, Dhallinyarada, Haweenka iyo guud ahaan qeybaha kal duwan ee Bulshada. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, ayaa caddeeyay in la dhammeeyay kala aragti duwanaashihii ku kala dhex jiray Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland, is qabashaduna ay qeyb ka tahay Dowladnimada, taas oo u baahan in wax laysla saxo. Wuxuu sheegay in ay muuqato rajo ah in ay kor u socoto fahamka Soomaalinimada, isla xisaabtanka iyo in lays maqlona ay adkaynayso Dowladnimada, si ay taasi u xoogeysatana loo baahan yahay in la adkeeyo Xarigga isku haya Bulshada. Ra’iisul wasaare Kheyre, ayaa sheegay in dhammaan qeybihii kala duwanaa ee uu la kulmay ay dhammaantood qabaan dareen ah halka ay Soomaaliya ku socoto muddada dhow, wuxuuna ugu baaqay in ay Dowladda ka go’an tahay ilaalinta midnimada Soomaaliya oo ay taasi tahay muqaddas. Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaan, ayaa isna sheegay in la dhameeyey tabashooyinkii iyo madmadowgii ka dhex jiray Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Jubbaland Isla markaana uu guul ku dhamadeen wada hadaladii Ra’iisul Wasaare khayre uu la yeeshay Madaxda Jubbaland. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uusoo dhigay Bartiisa Facebook wuxuu kaga hadlay dhismaha ciidamada Badda ee Ethiopia iyo amarkii dhawaan kasoo baxay guddoomiye Yariisow, kaasi oo ahaa in dhulkii ciidamada Badda laga dhigayo aag safaaradeed. Hoos ka akhriso qoraalka Axmed Fiqi. Waa isku kay qaban weyday! Itoobiya ciidamo bad ayey dhisanaysaa waxaana arrintaas ka kaalmaynaya Faransiiska, dhulkii ciidamada badda Soomaaliyana safaarado ayaa la siinayaa waa isku kay qaban weyday!? Dalka Soomaaliya amnigiisa ayaa laga hadlayaa iyo xoojinta AMISOM, Soomaaliyana qeyb kama ahan arrintaas sida ay ku heshiiyeen madaxweynaha Faransiiska iyo kan Kenya ayana waa isku kay qaban weyday!? Ciidamada AMISOM dhaqaale haloo raadiyo oo aan wax dagaal ah kula jirin Alshabaab mudadii labada sano aheyd ee la soo gudbey, kuwii Soomaaliyana mushaar la’aan ayey ka cabanayaan ayana waa isku kay qaban weyday!? Qorshaha muuqda waa in baddii Soomaaliya ciidamo Itoobiya ay hogaaminayso oo hor leh in la dhigo, halka AMISOM oo ciidamo mileteri iyo Boolisba leh la doonayo in ay weli sii joogaan Soomaaliya, dhaqaalana loo raadinayo. Qorshaha dawladaha deriska ah ay wadaan wuxuu u muuqdaa mid Soomaaliya lagu qabsanayo laguna xalaalaysanayo dhulkeeda iyo baddeeda, ayadoo dawladaha qaarkood ay ka faa’idaysanayaan xiriirka Soomaaliya ay la leedahay caalamka oo sii xumaanaya oo ay sabab u tahay habdhaqanka siyaasadeed ee Villa Soomaaliya. Waxaa la joogaa xilligii la dhisi lahaa ciidamo qaran oo dalku yeesho, oo hanan kara amniga dalka, kana ilaalin kara khataraha dibadda, hadalka madaxweynaha Faransiisku wuxuu inkirayaa dal la yiraahdo Soomaaliya oo madax-banaan, oo ay tahay in arrimaha asaga khuseeya lagala tashado, Soomaaliya taladeeduna gacanta uguma jirto Kenya iyo Itoobiya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka howlaha guud iyo guryeynta Somaliland, Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa gaadhigiisi kula dhacay meel u dhow deegaanka Bali-mataan ee koonfurta magaalada Hargeysa. Wasiirka oo aan la xidhiidhnay ayaa Caasimada Online u sheegay in isaga iyo saddex qof oo kale oo la saarna gaadhigaasi ay bad qabaan balse gaadhigu aad u burburay. “Waxaanu ka nimid saaka Oodweyne waxaanan ku soconay Bali-gubadle, gaadhi Land-Cruiser oo aan saarneyn ayaa waxa uu nagula rogmaday Bali-kaliil iyo Bali-mataan dhexdooda, waxaanan aheyn aniga iyo laba Agaasime iyo dilawarka, afartayadii gaadhiga saarneyn wax sidaa u buuran nama soo gaadhin waxase burbur weyn soo gaadhay gaadhigeygii” ayuu yidhi Wasiir Qambi isagoo u waramayay Caasimada Online. Wasiirka ayaa waxa gaadhiga la saarna agaasimaha dhulka iyo guryaha ee wasaaradaasi Maxamuud Maal, agaasimaha xidhiidhka gobolada iyo saxaafada Cabdiraxmaan Wirdaani iyo Darawalkiisa Sakariye Mustafe. Wasiirka ayaa kayimid degmada Oodweyne waxana ay kusii jeeden markii uu haleelay shilkani Magaalada Bali-gubadle. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
London (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ruux hubeysan uu ka geystay Masjid ku yaala Xaafadda Christchurch ee dalka New Zealand kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Wararkii ugu dambeeyay ee soo baxaya ayaa sheegaya in tirada dhimashaa weerarka ay gaartay ku dhawaad 40 ruux oo ku sugnaa gudaha Masjidka weerarka uu ka dhacay, waxaana sidoo kale soo baxaya in masaajid kale uu weerar ka dhacay. Qaar kamid ah dadka dhintay ayaa la sheegay inay ku jiraan dad Soomaaliyeed oo ku dukanayay Masaajidka, waxaana la aqoonsaday ilaa iyo hadda Afar ruux oo Soomaaliya asal ahaan kasoo jeeda. Ciidamada amaanka ayaa bandow kusoo rogay xaafada weerarka uu ka dhacay, waxaana socda baxnaaninta dadka dhaawacyada ay gaareen, kuwaasi oo la dhigay xarumo caafimaad oo magaalada ku yaala. Ciidamada amaanka ayaa durba shaaciyay in ku dhawaad afar ruux oo mid ay haweeney tahay loo qabtay weerarka ka dhacay Masaajidka Al Nuur, waxaana mid kamid ah la xaqiijiyay inuu u dhashay dalka Australia. Wali faahfaahin dhab ah lagama bixin guud ahaan khasaaraha weerarka ka dhashay, waxaana socdo baaritaan laamaha amaanka ay sameynayaan. New Zealand Mosque Shooting Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com