-
Content Count
207,675 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta oo Sabti ah waxaa lagu wadaa inuu soo gaaro magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, iyadoo ammaanka magaaladana aad loo adkeeyey. Wararku waxay sheegayaan in sababta uu madaxweyne Geelle u imaanayo magaalada Muqdisho ay tahay ka qeybgalka furitaanka Kalfadhiga Shanaad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Sidoo kale madaxweyne Geelle oo booqashadiisa Labo cisho qaadan doonto ayaa waxa uu tagi doonaa magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidan ka socda dalkiisa oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM. Waxaa xiran inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo gaadiidka dadweynaha loo doodayo iney isticmaalaan waddooyinka qaar. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
London (Caasimada Online) – Qorshaha ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay ku iibiso xirmooyin ka mid ah shidaalka lagu tuhmayo badda Soomaaliya, kadib shirkii shidaalka Soomaaliya ee London, ayaa waxaa hareeyey mugdi cusub. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa Caasimada Online u sheegay in shirkadaha daneynaya shidaalka Soomaaliya ay ka laba-labaynayaan inay maal-gelin buuxda ku sameystaan shidaalka Soomaaliya laba sabab dartood:- 1 – Waxay wel-wel xooggan ka qabaan xasiloonnida siyaasadeed ee dalka ka jirta. [Madaxda Soomaalida oo markii mid la beddelaba kan xiga uu go’aan cusub qaadan karo]. 2 – Shirkadaha ayaa sidoo kale shaki ka qaba in heshiis kasta oo wax soo-saar wadaagis ah – Production-Sharing Agreements (PSAs), uu noqon karo mid sharciyan dhaqan-gala oo la isku halleyn karo. Dowladda Soomaaliya ayaa illaa 11-ka July u qabatay dhammaan shirkadaha daneynaya shidaalka Soomaaliya inay codsigooda kusoo gudbistaan. Hase yeeshee illaa iyo hadda ma muuqata in shirkdaha ay dhab ka tahay rabitaankooda. Si dowladda ay u dhiiri-geliso yabooha shirkadaha waxay hoos u dhigtay saamigeeda wax soo-saarka, oo ay ka dhigtay 54% illaa 66%. Pedro Van Meurs, oo la-taliye u ahaa shirkii London ayaa sheegay in saamiga dowladda Soomaaliya ee ah 54% illaa 66% uu aad uga hooseeyo kan dalalka kale eee Afrika, sida Mozambique, Tanzania iyo Kenya. Dhinaca kale, caqabadda kale ee taagan ayaa ah in baarlamanka Soomaaliya uusan weli ansixin sharciga shidaalka dalka, taasi oo ayada oo aan dhicin aysan dowladda saxiixin karin heshiis wax soo-saar wadaagis ah – Production-Sharing Agreements (PSAs). Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowlada Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele ayaa maanta lagu wadaa in uu soo gaaro Muqdisho. Madaxweyne Geelle ayaa lagu wadaa in uu daah furo xarùunta dhismaha cusub ee safaar ee safaarada Jabuuti. Amaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana la sii xiray wdooyinka ee Muqdisho subaxdii hore ee saaka. Sidoo kale madaxweyne Ismaaciil cumar Gelle ayaa lagu wadaa in uu isla maanta uu aado Baladweyne oo ciidamo ka socda wadankiisa ay joogaan. Puntland Post Muqdisho office The post Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle oo Muqdisho imaanayo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka duulista hawada xukumada faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Salaad Oomaar ayaa sheegay in ay wadaan qorsho dib logu soo celinayo duulimaadyadii shirkadda Somali Airlines. Wasiirka duulista hawada oo la hadlaayay warbaahinta dowlada, ayaa sheegay in aysan sahlanayn in dib loo soo nooleeyo diyaarad balse sanadka 2019 in lagu xisaabtamayo howl-galinta Somali Airlines. Oomaar oo sii hadlaya ayaa sheegay in ay ahmiyad gaar ah siinayaan soo celinta kaalintii diyaarada, ayna hada meel wanaagsan u marayso isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in ay sanabkaan shaqo billaabi doonto. Somali Airlines waxaa la aasaasay sanadkii 1964-kii. Waxa ay duulimaadyo ku samayn jirtay wadanka gudihiisa iyo dibaddiisa waxa ayna xarunteeda waayn ku taalay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Guud ahaan diyaaradaha Soomaaliya waxa ay u kala duuli jireen wadamo badan oo ku yaala Afrika, Bariga Dhexe, Aasiyada Fog iyo Yurub balse sanadii 1991 markii uu dalka qarxay dagaalkii sokeeye waxaa bur buray adeegyadii diyaaradaha ee Soomaaliya. Dib usoo nooleynta Somali Airlines ayaa waxaa muddo ballan-qaadayey dowladihii ugu dambeeyey ee dalka, hase yeeshee marnaba ballan-qaadkooda ma xigin ficil ka dhabeyn ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Waxaa mar kale fashilmay dadaallo muddo socday oo la doonayey in lagu siiyo daayo Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur oo in ka badan 3 bilood u afduuban dowladda Soomaaliya. Afhayeenka odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed, Suldaan Shariif Cali Xasan ayaa sheegay in qorshihii lagu sii daynayey Roobow uu diiday madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Suldaan Shariif ayaa sheegay in guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan uu doonayo in lasii daayo Roobow, hase yeeshee uusan lahayn awood uu kusii daayo, maadaama madaxweynaha uu diidan yahay. “Ninkaas Farmaajo ayuu u xiran yahay. Waan daalnay sida aan isku day u wadnay. Waan ka quusanay inaan dib u raadino, waxaan arkaynaa halka uu Farmaajo geeyo ninkaas, iyo goorta uu soo daayo” ayuu yiri yiri Suldaanka. “Farmaajo waa nin madax adag, oo aan cidna dhageysan. Waxaan ka cabsanaa inuu dalkan dib ugu celiyo 1991-kii” ayuu sii raaciyey hadalkiisa. Waxa uu dowladda ku eedeeyey in si ka duwan maamullada kale ee dalka ula dhaqantay dadka Koonfur Galbeed, wuxuuna kula taliyey madaxda dalka inay dhageystaan oo ay ixtiraamaan oday dhaqameedyada. Hoos ka dhageyso hadalka Suldaan Shariif Caasimada Online Xafiiska Baydhaba caasimada@live.com
-
Ankara (Caasimada Online) – Waxa baaqday kulan la doonayay in gogol xaar loogu sameeyo dib u bilaabista wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo la filayay inuu ka dhaco magaalada Ankara ee dalka Turkiga, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidaas u sheegay Caasimada Online. Sida aan xogta ku helnay, kulankan waxaa abaabulay ergayga Turkiga u qaabilsan wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland Dr. Oglan Baker, waxaana la qorsheeyay inuu magaalada Ankara ka furmo 18 March, iyadoo ay labada dhinac ogolaadeen inay soo dirtaan wufuud kulankaas gogol xaadhka ah ka qayb gasha. Hase yeeshee kulanka ayaa baaqday ka dib markii ay dawladaha Britain, Maraykanka iyo Sweden oo si weyn u danaynaya wada hadalladu ay ka cago jiideen inay goob-joog ka noqdaan kulankaas. Kulanka ayaa gogol-xaar u noqon lahaa kulanka la qorsheeyey inuu ka dhacyo magaalada Accra ee caasimadda dalka Ghana 19-ka March, sida uu horey u sheegay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, waxaana muuqata in kulankaasna uu baaqan doono. Somaliland ayuu warku sheegay inay qorshaysay inuu kulankaas uga qayb galo Wasiirka arrimaha dibadda Yaasiin Faratoon, hase yeeshee ma cadda cidda ay dowladda Soomaaliya u xulatay kulankii. Dawladda Turkiga ayaa dedaal xoogan ugu jirta inay dalkeeda dib uga bilowdo wada hadallada oo dhawr goor oo kala duwan dalkeeda lagu qabtay, waxaanay doonaysaa inay doorkan qaadato kaalin dhexdhexaadiye oo ka culus kaalintii hore ee ay ciyaari jirtay oo ku koobnayd inay fududayso madasha uu kulanku ka dhacayo. Caasimada Online Xafiiska Istanbul caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa si adag ugu dhaliilay labada Gole ee Wakiilada iyo Guurtida Somaliland muddo korodhsiga ay sameystaan, halka Golayaasha deegaankana uu sheegay in la kala diri doono. Geesta kale Eng. Faysal Cali Waraabe Waraabe ayaa waxa uu ka hadlay heerka ay mareyso qabyaaladu, isagoo ka dhawaajiyey haddii wax laga sheego Madaxweyne Muuse Biixi in reerkiiso dhan ay qeylinayaan oo ay ku difaacayaan qabyaalad. “Muuse hadaanu hadda ka hadalno oo wax laga sheego waxa qeylinaya Sacad Muusaha oo dhan, ileen wuxu waa Madaxweyne oo waa la xisaabtameynaa oo qaladkiisa sheegaynaa, haddii aad dooneysan in aanu caayin Caaqil ka dhigta oo ha fadhiisto maqaaxiyaha” ayuu hadalkiisu kusoo gabagabeeyay guddoomiye Faysal. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Wasiiraddii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Khadra A. Ducaale, waxay soo dhigtay baraha bulshada qoraal aad u qiimo iyo qaayo badan. Qoraalkaas wuxuu muujiyey geesinimo, waxgaradnimo, iyo isxilqaan laga waayay ku dhawaadka 70ka xubnood ee Golaha Wasiirada marka laga reebo Wasiirad Drs. Maryan Qaasim iyo Wasiir Cabdifitaax Ibrahim Geesey oo iskood isku casilay, kagadaal markay u adkeysan waayeen xadgudubka iyo xushmo-darada joogtada ah ee Ra’iisul Wasaare Xassan C. Khayre kula dhaqmo Golihiisa Wasiirada, Saraakiisha Sare ee Dowladda iyo shaqaalaha xafiiskiisa. Wasiirad Drs. Maryan Qaasim markii ay iscasilaysay waxay sheegtay in Dowladda ay ka jirto isbarbaryaac iyo fawdo, iyada oo tiri “hadda waxaan uga tagey xilkii aan hayey waxaa igu adkaatay duruufta shaqo, anigu hay’ad sida looga shaqeeyo ayaan aqaanaa … laakiin shaqada markii ay is barbaryaac tahay wax walbo isku qasan yihiin, waxba kala baxsaneen madax wareer badan ayaa laga qaadayaa.” Wasiirad Khadra A. Ducaale waxay u hadashay dhammaan Madaxda iyo Saraakiisha Dowladda oo maalin kasta ku jira bahdil, cabbur, iyo handadaad isdaba-jooga oo ka imaaneysa Ra’iisul Wasaare Hassan A. Khayre. Wasiirad Khadra A. Ducaale waa qof laga filayay geesinimadaas maadaama ay ka soo jeeddo qoys Soomaaliya aad looga yaqaan taariikh fiican iyo sharafna ku leh. Wasiirad Khadra waxay qeexday xaqiiqada jirta si daacad ah dhabtana ku saleysan, sida ay ila wadaageen xubno ka tirsan Xukuumadda Khayre oo ay ku jiraan Wasiirro iyo Saraakiil Sare. Waxaan weydiiyey waxa ku kalifaya iney lasii shaqeeyaan shaqsi noocaas ah oo bahdil iyo xushmo-darro ku haya goor kasta iyo goob kasta. Waxaan xasuusiyay erayadii Madaxweyne Axmed Islaam Madoobe uu yiri oo ahaa waa dowlad doonaysa dad wada “NACAMLAYAAL” ah. Jawaabahoodu wey kala duwanaayeen balse waxay badidoodu yiraahdeen “waxaan sugaynaa isbadal darajada looga qaado Ra’iisul Wasaare Khayre inuu yimaado”. Balse, markaan hoos ugu sii kuur galay, sababta ay dulinimada u aqbaleen, waa dano gaar ah oo nolosha la xiriira maadaama dhaqaale la’aan iyo ilaalo-amni la’aan ay ku adag tahay in Muqdisho ay ku joogaan dadka Madaxda Sare soo noqday, kuwana waa kuwa ka xoogsada siyaasadda oo aan laheyn karti iyo aqoon ay camal kale ku qabtaan. Waxaan kaloo ka wareystay xubnaha Golaha Wasiirada iyo Saraakiisha Sare cabirka Wasiirad Khadra ee Xasan Khayre? Waxay ii sheegeen inuu RW Khayre leeyahay dhammaan astaamaha Wasiirad Khadra ku sheegtay iyo kuwa ka sii xun, taasoo ay keeneyso kalsooni-darro naftiisa iyo cuqdad ragaaday oo uu qabo. Waxay yiraahdeen dadka wuxuu u bahdilaa si isagu ugu muuqdo qof ka sarreeya, ka caqli badan, kana karti badan. Waa astaan dadkii horay u yaqaanay ay yiraahdeen lama-filaan ma’ahan oo horaa Soomaali ku maahmaahday “Nin waliba wuxuu ahaa ayuu u dhurtaa”. Waxay ku dareen dadka uu ugu bahdilka badan yahay waa kuwa uu ku tuhmayo iney yihiin dad asaga ka karti iyo aqoon badan iyo dadka uu u maleeyo iney Madaxweynaha dhankiisa xiriir la leeyihiin. Xubnaha Golaha Wasiiradda iyo Saraakiisha Sare ayagoo hadalkoodi sii wata, waxay yiraahdeen marka uu bahdil iyo xushmo-darro ku sameeyo dadka wuu ku farxaa, kuna faanaa asagoo yiraahda bal arag saan u galay! Waxay kaloo ku dareen hadalkoodi, maadaama Khayre uu yahay qof aan laheyn xikmad, hal abuur, aqoon iyo khibrad shaqo oo dhab ah, uu ku qariyo daldalooladiisa handadaadda, bahdilka, faanka- waa markii ugu horeysay…, khudbadaha aan nuxurka iyo ujeedada laheyn- ma horaan u soconaa mise gadaal … iyo wax la mid ah. Sidoo kale waxay yiraahdeen aamusnaanteenna wuxuu u heystaa iney taageero tahay oo waa doqontii loogu maahmaahay “Doqoni hooska dadka ayey har moodaa.” Hadaba, waxaa isweydiin mudan, sidee ku dhacday shaqsi sifahaaa leh inuu dalka ka noqdo Ra’iisul Wasaare. Jawaabtu meel dheer ma jirto oo Madaxweynaha dalka oo magacaabay Haxan Cali Khayre, ayaa ku khudbeeyay “ waxaan keenay Ra’iisul Wasaare aniga iga wanaagsan (2:58).” Hadal kale oo laga daba oran karaa majiro wuxuu Madaxweyne Farmaajo caddeeyey inuu ka sii liito Xasan Cali. Khayre oo sifooyinka kor ku xusan leh sidoo kalena ninkii laga wanaagsan yahay ninka ka wanaagsan wax uma sheegi karo. Ugu dambeyn, waxay xubnaha Golaha Wasiirada iyo Saraakiisha Sare hadal-koodi ku soo gunaanadeen, Ra’iisul Wasaare Khayre wuxuu qabaa damac aan xad laheyn oo qar iska tuur ah oo keeni doona in asaga iyo Madaxweyne Farmaajo isku dhacaan, taasoo saansaan keedi muuqdo maadaama la isku hayo hadda: 1) Mas’uuliyadda fashilka Dowlada, amniga iyo musuq-maasuqa 2) Hoggaanka Bangiga Dhexe, 3) Qorshaha doorashooyinka, 4) Damaca musharaxnimo ee Khayre, 5) Fashilka siyaasadda arrimaha dibadda iyo arrimo kale. Gunaanad: Waxaa guubaabin iyo mahadcelin mudan Wasiirad Khadra A. Ducaale oo tustay shacabka Soomaaliyeed waxa uu yahay Xasan Khayre iyo khatarta wadanku ku sugan yahay inta uu hayo hogaanka Xukuumadda. Cabdi Dagal Faahiye Independent Researcher/Consultant wardheernews.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii muslimiinta ah ee ku dhintay weerarkii ka dhacay masaajidyo kuyaal dalka Newzealand, guud ahaan gaar ahaan dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey dadkii halkaasi ku dhintay,isagoo sidoo kale dowladda iyo shacabka Newzealand tacsi u diray,una rajeeyey dadka dhaawacmay caafimaad deg deg ah. Sidoo akle raiiusl wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii muslimiint ahaa ee weerarkaasi ku dhintay,wuxuuna raiisul wasaaraha dalka si gaar ah uga tacsiyadeeyey dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay weerarkaasi. Ilaa 49 qof ayaa la sheegay in ay ku geeriyootay tiro kalena ay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday masaajidyo kuyaala Christchurch ee dalkaasi. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeey dadkii lagu laayay Newzealand appeared first on Puntland Post.
-
Qaran News
-
Dimuqraadiyadii dawladnimada JSL way fasaqantay oo way liinbaxady mar hadii 3-dii gole ee kala ahaa Golaha Baarlamaanka, Golaha Guurtida iyo Golaha Degaanku ay sadexdooduba waqtigii la doortay iyo maandheytkoodiiba uu dhamaaday oo ay mudo kordhin kuraasta ku fadhiyaan. Boowe ! Hadii goleyaasha xeerdejintu ay noqdaan Goleyaal ku fadhiya mudo kordhin go’aanada masiiriga ah ee ay gaadhaan muxuu noqonayaa ? Xeerarka iyo Xeegaanada ay curiyaan side loo aaminayaa ? Golihii Guurtidu iyana waxay noqdeen dhaxaltooyo markaa – kuraas dhaxaltooyo ah iyo Dimuqraadiyada aynu sheeganaynaa sidey isu qabanayaan ?? Cajiib !! Golaha Baarlamaanka Somalilaan waxaa la doortay 28/9/2005 si ay 5 sanadood oo keliya kuraasta ugu fadhiyaan waxaana ay mudo dhaafeen 8 sanadood iyo badh.Golaha Guurtida Soomalilaan waxaa la doortay 1997 si ay kuraasta ugu fadhiyaan 6 sandood oo keliya waxaana ay mudo dhaafeen 21 sanadood oo dhaxaltooyo ayey kuraastoodu noqotay. Golaha Degaanka Somalilaan waxaa la doortay Noofember 2012 in ay kuraasta ku fadhiyaan 5 sanadood oo keliya waxaana ay mudo dhaafeen 2 sandood oo wax yar dhiman. Somalilaan waxay soo jirtay 28 sanadood. Mudadaana waxaa ku qabsoomay in ka badan saddex doorasho madaxweyne, laba gole deegaan iyo mid baarlamaan oo dhamaantood ku qabsoomay si dimuqraadi ah marka la barbar dhigo dalalka jaarka aynu nahay sida Kenya. doorashooyinkaasi waxay Somalilaan u soo jiideen sumcad iyo maamuus uu caalamku ku tixgeliyo inay Somalilaan tahay dal dimuqraadi ah oo soo koraaya. Sideedaba Doorashooyinku ama doorashadu waa xuquuq aasaasi ah, caalamka oo dhana doorashooyinka mudooyinka loo cayimay ayaa lagu qabtaa, si xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadinka loo ilaaliyo waayo muwaadin kastaa wuxuu xaq u leeyahay in la doorto isna wax doorto markaa waa in la ilaaliyaa xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadinka wax dooranaaya ama la dooranaayo. Saadaasha tabani waxay u muuqataa in doorashooyinku mar kale dib u dhacayaan oo Goleyaasha mudo kale loo sii kordhinaayo taas oo dhiig bax ku noqonaysa Dimuqraadiyada curdinka ee Somalilaan. Hadii Doorashooyinka Somalilaan ay sanadkan 13/12/ 2019 dib uga dhacaan Sumacadii Somalilaan god madow ayey ku shalwan doontaa caalamkuma dhaqaalihii uu doorashooyinka iyo Diiwaan gelinta ku bixin jiray wuu la noqon doonaa. Maadaama Sababta ugu weyn ee Doorashooyinku dib ugu dhaceen ay tahay Xeerarka cakiran ee Saami qeybsiga kuraasta Baarlamaanka oo mudo dheer ay curin waayeen golaha baarlamaanku, waa in madaxweynuhu arintaa soo fara geliyaa oo go’aan adag ka qaataa si doorashadu u qabsoonto mudadii loo cayimay oo ah dhamaadka sanadkan 2019. Guntii iyo Gebagebo – Waxaa Caqliga Saliimka ahi ku siinayaa in aanay Doorasho ku dhacayn 13-ka maalmood ee u dhaxeeya mudada Komishinka Doorashooyinka xilkoodu ku dhamaanayo oo ah 29/11/2019 iyo mudada loo asteeyey in Doorashada lagu qabto oo ah 13/12/2019 Sidaa daraadeed waxaa Xukuumada laga rabaa in ay iswaafajiso Siyaasada casriga ah iyo dhaqanka Somalilaan oo doorashada waqtigeeda ku qabato. Waa in xukuumadu xalisaa xurgufta siyaasadeed ee maanta taagan, taana waxaa u fududeynaaya iyada oo Dastuurka furta si wixii xeerar iyo xeegaano qabyo ah kaabis iyo wax ka bedel loogu sameeyo oo loo kobciyo loona koolkooliyo qaangaadhnimada Dimuqraadiyada curdinka ah ee Jamhuuriyada Somalilaan. Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD PA United Kingdom London Qaran News
-
Wadahadaladdu Waa Somaliland Iyo Soomaaliya, Puntland Xisaabta Kuma Jirto Sida la filayo, waxaa dhawaan, haddii ay aqbasho maamulka federaalka ee Muqdisho lagu ilaaliyo, ka bilaabmaya magaaladda Accra, ee dalka Ghana, gogoldhigii wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya. Wadahadalkaa oo haddii la qabto, quseeaya xidhiidhka mustaqbalka labadda dal ee Somaliland iyo Soomaaliya, kuma jiraan maamul goboleedka ka tirsan federaalka Soomaaliya. Wadahadalkani wuxuu dhexmarayaa labadii dal ee 1960kii isku biiray, Somaliland iyo Soomaaliya, wakhtigii Puntland may jirin, xisaabtana maanta kuma jirto. Waxkasta oo dastuurka aan loo coddeyn ee maamulka federaalka ee Muqdisho sameysatay ku qoran, Somaliland ma quseeyo. Somaliland kama mid aha federaalka Soomaaliya, waa dal madaxbanaan, oo ku xisaabtamaya xuduudkeedii 26 June, 1960. Markaa, haddii ay Puntland doonaso in ay Somaliland wadahadal la gasho, ha ka baxdo federaalka Soomaaliya, ha ku dhawaaqdo gooni isu taag, xuduud ha la jeexato Soomaaliya inteeda kale, markaa kadibna miiska ha is keento. Haddii kale sow ma aha, ha aqbasho waxay kula heshiisay maamulka federaalka ee Muqdisho. Qaran News
-
(SLT-Muqdisho) Madaxweynaha dawlada Dalkaasi soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa si adag u cambaareeyey weerarkii dadka lagu laayey ee ka dhacay wadanka New Zealand. Madaxweyne Farmaajo oo qoraal rasmi ah soo saaray ayaa ku biiraya madaxda caalamka ee si weyn u cambaaraysay weerarkaasi. Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa qoraalkiisa dhambaal tacsi ah ugu diray ehelada dadkii ku dhintay weerarkaas, waxaanu qoraalkiisa u dhignaa sidan:- “Waxaan si xooggan u cambaareynayaa weerarka argagixisada ee naxdinta leh ee ka dhacay Magalada Christchurch, ee dalka New Zealand, kaas oo loo geystay dadka muslimka ah ee cibaadeysanayey, waxaana ku garab istageeynaa dowladda New Zealand iyo bulshada Muslimiinta sidii ay uga gudbaan dhibaatadaas.Waa inaanu midownaa argagixisada dhammaan ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Source
-
Magaalada Nyon ee dalka Switzerland waxaa maanta oo Jamce ah ka dhacay qori tuurka isku aadka siddeed dhamaadka (Quarter-finals) tartanka kooxaha Yurub ee Champions League-ga. Isku aadka siddeed dhamaadka tartankan xiisaha iyo xamaasada badan waxaa ka soo baxay kulamo adag, waxaana isku aaday labo kamid ah afartii kooxood ee ka socday horyaalka Ingiriiska. Barcelona ayaa siddeed dhamaadka tartankan ku aaday Manchester United oo ay laba jeer ka qaaday koobkan 2009 iyo 2011, halka Juventus ay wajahday Ajax oo koobkan ay ka qaaday 1996, sidoo kale waxaa markii ugu horeysay taariikhda tartanka isku aaday labada kooxood ee reer Ingiriis Manchester City iyo Tottenham, halka Liverpool ay nasiib u yeelatay in ay ku aado FC Porto. Kulamadan ayaa lugta hore la ciyaari doonaa 9 iyo 10 bisha soo socota ee April, halka lugta labaadna la ciyaari doono 16 iyo 17 isla bishaas. Sidoo kale kooxahan ayaa afar dhamaadka (Semi-fenals) tartankan isugu aadi doona sidan. Barcelona iyo Manchester United tii soo baxda waxay ku aadi doona afar dhamaadka tii soo baxda Liverpool iyo Porto, halka Juventus iyo Ajax tii soo baxda ay ku aadi doonto tii soo baxda Manchester City iyo Tottenham. Kulamada afar dhamaadka ayaa lugta hore la ciyaari doonaa 30 April iyo 1 May, halka lugta labaadna la ciyaari doono 7 iyo 8 May 2019. Kama dambeysta tartankan ayaa sida qorshuhu yahay la ciyaari doonaa 1 June, wuxuuna ka dhici doonaa Estadio Metropolitano, Madrid. PUNTLAND POST The post Sidee u dhacay isku aadka Siddeeda koobka kooxaha Yurub? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-15032019.mp3 View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre,ayaa sheegay in Safarkiisi Kismaayo uu ku soo dhamaaday guul iyo Miro dhal ku salaysan isfaham iyo in si dhab ah Dowladda Federaalka iyo Jubbaland u xoojiyaan wada shaqaynta loogu adeegayo Bulshadda Soomaaliyeed. kadib Xaflad sagootin ah oo Xalay Kismaayo loogu sameeyey Ra’iisul wasaare Kheyre, ayuu ugu horreyn kaga mahad celiyay sidii ay maamulka iyo Shacabka reer Jubbaland ugu soo dhoweeyeen Magaalada Kismaayo. Wuxuu sheegay in uu kulammo kala duwan la qatay, Madaxda ugu sarreysa Jubbaland, Labada Gole ee maamulka, saraakiisha Ciidamada, Duubabka dhaqanka, Dhallinyarada, Haweenka iyo guud ahaan qeybaha kal duwan ee Bulshada. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, ayaa caddeeyay in la dhammeeyay kala aragti duwanaashihii ku kala dhex jiray Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland, is qabashaduna ay qeyb ka tahay Dowladnimada, taas oo u baahan in wax laysla saxo. Wuxuu sheegay in ay muuqato rajo ah in ay kor u socoto fahamka Soomaalinimada, isla xisaabtanka iyo in lays maqlona ay adkaynayso Dowladnimada, si ay taasi u xoogeysatana loo baahan yahay in la adkeeyo Xarigga isku haya Bulshada. Ra’iisul wasaare Kheyre, ayaa sheegay in dhammaan qeybihii kala duwanaa ee uu la kulmay ay dhammaantood qabaan dareen ah halka ay Soomaaliya ku socoto muddada dhow, wuxuuna ugu baaqay in ay Dowladda ka go’an tahay ilaalinta midnimada Soomaaliya oo ay taasi tahay muqaddas. Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaan, ayaa isna sheegay in la dhameeyey tabashooyinkii iyo madmadowgii ka dhex jiray Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Jubbaland Isla markaana uu guul ku dhamadeen wada hadaladii Ra’iisul Wasaare khayre uu la yeeshay Madaxda Jubbaland. Hoos ka daawo Kheyre Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
War saxaafadeed ( faafin degdeg ah) Muqdisho, Soomaaliya 15 Maarso, 2019 Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa weerarka argagaxiso ee bahalnimada leh ee lagu qaaday dad Muslimiin ah oo ku tukanayay Salaadda Jumcaha Masaajidda Al nuur iyo Lindwood ee Magaalada Christchurch ee dalka NewZealand, oo lagu dilay ugu yaraan 49 ruux, laguna dhaawacay dad badan 20 ruux, oo ay ku jireen caruur iyo dad da’ ah, fal dambiyeedkani naxdinta leh waxa uu ka qeyb yahay naceybka, mayal adeegga iyo islaam naceybka. Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa oo ay caddeyneysaa inay garab taagan tahay Xukuumadda iyo Shacabka New Zealand, ayna tacsi u direyso qoysaska dhibanayaasha muslimiinta, iyadoo u rajaysay kuwa dhaawaca ah bogsasho iyo caafimaad degdeg ah. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa Xukuumadda New Zealand inay samayso baaritaan guud oo ku qotoma falkani argagaxisada ee naxdinta leh, oo loo arko fal dambiyeed fuleynimo oo xun, una baahan mowqif islaami iyo mid dunida oo dhan oo mideysan oo looga hortago dhammaan howlaha argagaxiso iyo xagjirnimada halista leh. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Cali Gacal Casir guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay waxgradka, siyaasiyiinta iyo aqooyahannada ka soo jeeda deegaanada maamulkaasi. Kulankan oo ahaa mid xasaasi ahaa ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay dhibaatooyinka haatan ka jita dowlad goboleedka Galmudug. Sidoo kale waxaa shirkani looga arrinsaday arrimo la xariira doorashada soo socota ee maamulkaasi iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa. Dhanka kale intii uu socday shirkan ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday, sidii dib u heshiisiin dhab ah loogu saameyn lahaa beeaha wada daga gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Galmudug ayaa waxaa haatan ka jira colaado u dhexeeya beelo wada daga deegaanada maamulkaasi, kuwaas oo aan weli la gaarin xal rasmi ah. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
By Thomas Gibbons-Neff Where is the United States at war? It’s a hard question to answer. Inevitably though, at least in the last four years, this sentence has changed little: American troops are fighting in Iraq, Afghanistan and Syria. But with a steady stream of airstrikes, militant deaths, alleged civilian casualties and two American troops killed in Eastern Africa since 2017, another country has since crept onto the list: Somalia. On Sunday, my colleagues Eric Schmitt and Charlie Savage published a story about the escalating war there against the Al Qaeda-affiliated group Shabab, and how the number of American airstrikes in the country have steadily increased under the Trump administration. In 2018 alone, there were 47 strikes that killed 326 people. And 2019 is already on pace to exceed last year’s tallies. And despite documentation that quantifies the Pentagon’s efforts in Somalia, there is no public record of the C.I.A.’s activities in the country, including if it has its own drone program to search for and to kill Shabab militants. But the agency is undoubtedly intertwined with the military’s efforts in the region, according to defense officials, often piggybacking off American outposts and American-backed militias to support their own clandestine activities. How did we get here? Like most chapters of the United States’ counterterrorism campaign that began in the aftermath of the Sept. 11 attacks, the new war in Somalia started with a small influx of 50 American troops in 2016 and has ballooned to 500, now spread across the country in small outposts and aided by thousands of forces from neighboring African countries including Kenya and Uganda. The last time the United States had an enduring military presence in Somalia was in 1993, but that ended after 18 Americans troops were killed in the capital, Mogadishu, in a violent gun battle, known as the Black Hawk Down incident. Two helicopters were shot down, and their pilots’ bodies were dragged through the streets. Since then, the Shabab has grown and spread across the country. After pledging allegiance to Al Qaeda in 2012 and threatening Somalia’s fragile government, the Pentagon ramped up American drone strikes and Special Operations raids. Now as President Trump seeks to withdraw some of the roughly 7,000 American troops on the African continent to ready for great power conflict with Russia and China, the war in Somalia has turned into a small version of Afghanistan. Special Operations troops patrol in mine-resistant vehicles, heavily armed gunships patrol the night sky and, despite a torrent of attacks and militant body counts often championed in Pentagon news releases, the Shabab remains firmly entrenched in the countryside, with no indication that they’re leaving. Source: The New York Times
-
(SLT-London)Duqa magaalada London Sadiq Khan ayaa sheegay “in booliis muuqda” maanta la gayn doono agagaarka masaajidda iyadoo dadku ay aadayaan salaadda Jimcaha. Wuxuu intaas ku daray in askarta la gaynayo ay ka mid noqon doonaan ciidammada loo tababaray in ay ka jawaabaan weerarrada hubaysan. “London waxay garab taagan tahay dadka magaalada Christchurch , xiligan ay wajahayaan weerarkan argagisada ee qaabka daran” ayuu soo qoray duqa magaalada London Sadiiq Khan. Source
-
(SLT-New Zealand)Dadka ku dhintay masaajidda Australia ayaa hadda noqday 49. Taliyaha booliiska dalka New Zealand ayaa qabtay shir jara’id oo uu dadka kula wadaagayo wararkii ugu dambeeyay ee weerarka lagu qaaday dadka cibaadaysanaya. Mid ka mid ah dadkii dhaawaca ahaa ee la dabiibayay ayay hadda naftu ka baxday ayuu yiri isaga oo shirka jaraa’id sii wada. Source