Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,672
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya xuduuda ay wadaagaan dalalka Ethiopia iyo Sudan-ta Koofureed ayaa sheegaya in diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay ku burburtay deegaanka Pagak oo ku yaala xuduuda labada dal. Qaramada Midoobay ayaanan wali ka hadlin burburka diyaaradda, lamana sheegin khasaaro ka dhashay diyaaradda ku burburtay deegaanka Pagak ee dalka Koofurta SUdan kuna dhow xuduuda Ethiopia. Diyaaradda ayaa ka duushay deegaanka Pagak waxaana la sheegay inay kusii jeeday magaalada Malakal ee Koofurta Sudan, iyadoo burburtay waxyar kadib markii ay duushay. Diyaaradda ayaa qeyb ka aheyd howlgalka Qaramada Midoobay ee Sudan, mana jiro war kasoo baxay ilaa iyo hadda howlgalka UN-ka ee Suudaanta Koofureed. La soco waxii kusoo kordhaa Burburka diyaarada.
  2. (SLT-Hargeysa)-Ganacsatada Somaliland ayaa joojisay inay cashuurtaan alaabooyinka kala duwan ee uga soo degay dekedda Berbera, ka dib markii ay shirkadda DP world ee maamusha dekedda Berbera dhaqan gelisay wax ka bedel ay ku samaysay sarrifka lacagta. DP world ayaa 12 March waxay bilowday inay sarrifka halka dollar noqdo 8500 oo lacagta Somaliland, isagoo markii hore halka dollar ahaa 7000 oo lacagta Somaliland. Ganacstada ayaa wixii ka bilaabmay 12 March waxay joojiyeen inay la soo baxaan oo ay cashuurtaan alaabta u taala dekedda Berbera, waxaana shirar ay ganacsatadu yeesheen ku go’aamiyeen inay joojiyaan la soo bixista badeecadahooda, waxaana guuldaraystay wada hadalo dhex maray ganacsatada iyo wasiiro xukuumadda ka tirsan. Qaar ka mid ah guddiga ganacstada ee dalka, ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in ganacsatada iyo madaxda rugta ganacsigu ay maanta Madaxweyne Biixi la yeelan doonaan kulan ay ugu gudbin doonaan cabasho ay ka qabaan isbedelka ay DP world ku samaysay sarrifka lacagaha oo ay aaminsanyihiin inuu ku yahay culays aanay qaadi Karin. Go’aankan ganacsatada ayaa waxa kale oo uu saamayn ku yeeshay dakhiliga wasaaradda maaliyadda, iyadoo aanay wax lacag ahi u xaroonin kastamka Berbera. Waxa la wada sugayaa kulanka maanta dhex mari doona ganacstada iyo Madaxweyne Biixi, iyadoo ay dekedda Berbera la ciirciirayso badeecadaha ganacsatadu la soo degtay ee ay diideen inay la baxaan. Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa habeennimadii xalay oo ay taariikhdu ahayd 15-03-2019 waxa uu kormeer ku soo maray dhismaha waddooyinka degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge oo uu madaxweynuhu hore amar ugu bixiyey in dib-u-dhis iyo casriyeyn lagu sameeyo, wakhtiganna gacanta lagu hayo iyadoo qaybo badan oo kamid ahna la dhisay. Kormeerkaasi ka dib waxa uu madaxweynuhu la caweeyey qaarka mida shacbiga ku dhaqan caasimada, kuwaasoo isugu jiray madaxda dhaqanka, culimo, dhallinyaro iyo aqoonyahan ku sugnaa wakhtigaasi Hotel Golden oo ka mida Huteellada Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ku yaalla. Waxaana madaxweynaha Kormeerka ku wehelinaayey Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka, Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan, Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbi xaakimka Kulmiye, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere) iyo taliyaha ciidanka ilaaladda madaxtooyada, General Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf Afguduud. Wa-bilaahi Tawfiiq Source
  4. Kismaayo (SMN) – Ugaas Maxamed Weli Sheekh Nuur oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed oo u warramay Shabelle ayaa soo dhaweeyay safarkii uu dhawaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Ugaaska ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay isbedal dhab ah ku sameyso gabi ahaan hoggaanka Jubbaland. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in shacabka deegaanada maamulkaasi ay haatan baahi weyn u qabaan in isbedal uu ka dhaco Kismaayo, sida uu hadalka u dhigay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Cod-C.qani_.mp3 View the full article
  5. Muqdisho (SMN) – Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii muslimiinta ah ee ku dhintay weerarkii ka dhacay masaajidyo kuyaal dalka Newzealand, guud ahaan gaar ahaan dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey dadkii halkaasi ku dhintay,isagoo sidoo kale dowladda iyo shacabka Newzealand tacsi u diray,una rajeeyey dadka dhaawacmay caafimaad deg deg ah. Sidoo akle raiiusl wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii muslimiint ahaa ee weerarkaasi ku dhintay,wuxuuna raiisul wasaaraha dalka si gaar ah uga tacsiyadeeyey dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay weerarkaasi. Ilaa 49 qof ayaa la sheegay in ay ku geeriyootay tiro kalena ay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday masaajidyo kuyaala Christchurch ee dalkaasi. View the full article
  6. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Turkigu abaabulayo kulan la filayo inuu 19 bishan ka dhaco magaalada Accra ee dalka Gaana, oo lagu samayn doono guddi caalami ah oo kala dhex gasha Somaliland iyo Soomaaliya. Madaxweyne Biixi, ayaa hadalkan u sheegay jaaliyadda Somaliland ee Imaaraadka Carabta oo uu la kulmay habeenimadii Khamiistu soo galaysay. Madaxweynaha ayaa sheegay in Turkigu ka shaqaynayo sidii loo samayn lahaa bishan 19keeda guddi farsamo oo beesha caalamka ah Madaxweyne Biixi wuxuu yidhi “Cisho dhawayto Turkiga ayaa waanigii meelo horena ka sheegee waxaanu ku nidhi waar keligaa ku abqlali maynee caalamka kale hana soo dhex galo wuu aqbalay Warqad ayaanu soo celiyay Ingiriiska, Maraykanka, Midowga Yurub, Sweden wuxuu ka codaday in la isugu yimaado 19ka bishan meesha la yidhaahdo Gaana; Accra, si loo sameeyo guddi caalami ah oo Somaliland iyo soomaaliya kala dhex gala, waxa hubaal ah inay xamar iyo inta la joogtaaba ka dagaalamayaan.” Sidaas ayuu Madaxweyne Biixi yidhi. Hase yeeshee waxa hadalkaas Madaxweyne Biixi ka dib soo baxay su’aalo badan oo la iska weydiiyay dalka Gaana ee uu Madaxweyne Biixi sheegay inuu martigelinayo kulankaas. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Turkigu abaabulayo kulankaas, haddana wuxuu sheegay inuu kulanku ka dhici doono magaalada Accra ee dalka Gaana, halkaasna waxa la iska weydiin karaa su’aal ah Turkigu muxuu dedaalkiisa iyo tacabkiisa kala doonayaa dalka Gaana? Turkiga ayaa ergey gaar ah oo weliba khabiir ku ah arrimaha Soomaalida wuxuu u magacaabay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu Turkigu u muuqdaa inuu doonayo inuu xoogga saaro sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadalada Hargeysa iyo Muqdisho. Dad badan ayaa aaminsan inaanu jirin kulan qorshaysan inuu Somalialnd iyo Soomaaliya ku dhex maro dalka Gaana, laakiin ay u dhowdahay in la isku khalday labada magaalo ee Ankara oo Turkiga ah iyo Accra oo Gaana ah. Wargeyska Geeska Afrika ayaa cadadkiisii Khamiistii wuxuu shaaciyay inuu baaqday kulan la qorsheeyay inuu magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku qabsoomo, kulankaas oo gogal xaadh u noqon doona wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya,waxaanu wargeysku sheegay in kulankaasi baaqday ka db markii ay ka qayb galkiisa ka cajo jiideen dalalka uu Madaxweyne Biixi sheegay ee Ingiriiska, Maraykanka iyo Sweden. Rashiid Cabdi oo ka tirsan hay’adda caalamiga ah ee ICG ee xasaradaha dunida oo fadhigiisu yahay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa mawduucan ku soo hadal qaaday qoraal kooban oo uu ku qoray bartiisa twitterka, waxaanu sheegay inaanu jirin kulan qorshaysan oo ka dhacaya Gaana, taas bedelkeedna uu jiro kulan ka dhacaya Ankara, Turkiga. Waxaanu Mr. Rashiid yidhi “Waxa la ii sheegay inaanu jirin kulan Gaana ka dhacayaa. Taas bedelkeed, Turkiga ayuu ka dhacayaa.” Ayuu yidhi Rashiid waxaanu intas raaciyay inay u muuqato in qof uu isku khalday labada magac ee Ankara iyo accra. Wargeyska Geeska Afrika wuxuu isku dayay inuu wax ka weydiiyo jiritaanka kulanka magaalada Accra ee Gaana wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Faratoon oo dalka dibadiisa ku maqan, wasiirkuna kama soo jawaabin farriin cod iyo qoraal ah oo uu Geeska Afrika u mariyay telefoonkiisa gacanta. Si kastaba ha ahaate, waxa 19 March kala cadaan doona in Somaliland iyo Soomaaliya uu shir gogol xaadh ahi ku dhex mari doono magaalada Accra ee Gaana iyo in Madaxweynuhu u jeeday magaalada Ankara ee dalka Turkiga oo la qorsheeyay shirkaasi inuu ka furmo laakiin uu baaqday. Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa Somaliland ku tilmaamay mid aan ka soconayn nidaamka qabyaalada oo aad dawladnimada u dhex xulay iyo muddo kordhinaha baarlamaanka ee dalka. Guddoomiye Faysal ayaa xusay In masuuliyiinta dawlada iyo maayarada fashilma haddii la’la xisaabtamo ama warbaahinta laga dhaliilo ay beelahoodu difaacayaan, waxaanu ku tilmaamay nidaamka dawladnimo ee Somaliland inuu u muuqdo in been laysugu sheekaynaayo. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa hadalkan ka sheegay munaasibad casho ah oo ay xarunta daraasaadka siyaasadda ee CPA u qabatay dhallinyaro baratay hoggaaminta, waxaanu Faysal yidhi “Dadkan ina dul fadhiya yaa u kordhiyay, guurtidan isku sharaxaysa yaa u kordhiyay sidaynu u badbaadaynaa haddii aynaan sharciga ilaalinayn, been ayaynu ku noolnahay, been ayaynu ku noolnahay waa in runta loo yimaadaa, in umudda kale been loo sheego maaha sidan ku socon mayno in shanta sanoba aynu iska daba laadlaadno, doorashadu marbay dhacdaa marka olloluhu jiro ayaa la’la xisaabtamaa waxaas ayaad qaladay, waxaas ayaad qaladay,inagu markiiba waynu isla fuulaynaa waayo waxa lumay isu dheelitirkii oo baarlamaankii ayaan shaqaynayn, haddii uu baarlamaanka UCID shaqaynaayo oo uu ku shaqaynaayo siyaasadii xisbiga anagu maanu hadalneen,iyaga ayaa noo hadli lahaa haddii maayarka aan soo doortay uu aniga iga amar qaadanaayo oo siyaasadayda uu ku soconaayo aniga ayaa ilaalin lahaa,madaxtooyada ayuu iska xaadirinayaa, waxa uu doono ayuu samaynayaa, Somaliland haddii aanay qabyaalada iska dayn, hadaanay tuugada iska dayn, qof kastaaba meesha uu joogo waa uu xadayaa, waxa uu inoo hayaa xil waa maayarkii iyo maayar ku xigeenkii way ka soo bixi waayeen shaqadooda qabiil ayaa lagu daafacayaa, Sheekh Aadan Siiro oo wali ka hadlaaya miyaad maqasheen maayarka Hargeysa, ma jirto, waayo waa qabiil, qabyaalad ayaa ina baabi’isay, Muuse imika hadaanu hadalno Facebook-ga ma galabee Sacad Muuse oo dhan ayaa qalinaaya, waa madaxweyne waa guddoomiye, aniga waa lay caayaa tolkayna ma hadlo oo bahasha ( qabyaalada) ayaan iska tuuray, bahasha iska tuura qofka xil noo haya waanu la xisaabtamaynaa haddaad doonaysaan in aan la caayin caaqil ka dhigta oo ha fadhiisto maqaaxiyaha, laakiin xil ayuu noo hayaa waanu la xisaabtamaynaa.” Source
  8. (SLT-Hargeysa)-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, ayaa baaq u diray Xisbiyada Qaranka, waxaanu ugu baaqay inay soo af jaraan is marin-waagooda ku waajahan Doorashada iyo Komishanka, waxaanu u soo jeediyey inay ka heshiiyaan. Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo waeysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlay Xisbiyada “Ilaa hadda go’aan kama dambays ah iyo mawqif midaysan may qaadan Xisbiyada Qaranku, kala fogaanshaha iyo khilaafka Xisbiyadu dan maaha, ee mawqif qudha iyo go’aan kama dambays ha ku heshiiyaan, imikana inagu odhan mayno, waxaas iyo waxaas ayuu heshiiskoodu noqonayaa, ma garan karno siday wax u dhici doonaan, laakiin wada hadalka Xibiyada khayr inuu ku soo dhammaado, ayeynu ku rajo weynahay”. Suldaan Maxamed mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Inagu Somaliland haddii aynu nahay inaga ayaa calanka ula tagnay Somaliya, waxaynu rabnay iyo waxaa inagaga soo baxayna waa laba waxyaabood oo aad u kala durugsan, cadaadis joogta ah, cabudhin, iyo cagta oo ay ina saareen, ayeynu kala kulanay Somaliya, maantana Somaliland 30 sanno ku dhawaad ayey tahay dal jira oo xor ah,maanta dalka waxaa ugu badani waa Dhalinyarada, Dhalinyaada Somaliland maanta maba taagaqano Somaliya, markaas haddii aynu Somaliya maanta wada hadalayno, waa inaynu ku wada hadalnaa sidii aynu u kala ahaan lahayn mar kasta laba dal oo jaarnimo wanaagsani ka dhexeeyso, laakiin uma wada hadlayno isku soo laabasho iyo midaw dambe, waxaana Farmaajo leeyahay cadaadis dambe, cabudhin iyo cagta hoosteeda oo mar dambe nala galiyo diyaar uma nihin, ee jaarnimo wanaagsani ha inaga dhexeeyso, laba Wadan oo kala gaar ah ayeynu kala nahaye”. Source
  9. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Gelle ayaa maanta ku soo wajahan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Qaban qaabada soo dhaweynta wafdigan ayaa saaka si aad ah looga dareemayaa guud ahaan gobolka Banaadir. Lama shaacin illaa iyo hadda waqtiga ay qaadabeysi booqashada uu Soomaaliya ku imaanayo madaxweyne Gelle. Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoona ciidamada dheeraad ah lagu soo daadiyay waddooyinka Muqdisho. Sidoo kale ciidanka amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saaka xiray inta badan jidadka caasimadda , si ay u xaqiijiyaan amniga. Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa ah wadamo daris ah, kuwaas oo uu ka dhaxeeyo xiriir fog oo ku dhisan isfaham, wada shaqeyn iyo walaalnimo. View the full article
  10. (SLT-Hargeysa)-Waxa baaqday kulan la doonayay in gogol xaadh loogu sameeyo dib u bilaabista wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo la filayay inuu ka dhaco magaalada Ankara ee dalka Turkiga. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo diblomaasiyadeed. Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilahan xogogaalka ahi, kulankan waxa abaabulay ergayga Turkiga u qaabilsan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya Dr. Oglan Baker, waxaana la qorsheeyay inuu magaalada Ankara ka furmo 18 March, iyadoo ay Somaliland iyo Soomaaliya ogolaadeen inay soo dirtaan wufuud kulankaas gogol xaadhka ah ka qayb gasha. Hase yeeshee kulanka ayaa baaqday ka dib markii ay sida uu warku sheegay ay dawladaha Ingiriiska, Maraykanka iyo Sweden oo si weyn u danaynaya wada hadaladu ay ka cago jiideen inay goob-joog ka noqdaan kulankaas. Waxyaabaha kale ee kulanka baajiyay waxa ka mid ah dawladda Soomaaliya oo u soo xulatay shirkaas inay uga qayb galaan niman dhallinyaro ah oo aan lahayn awood badan oo siyaasadeed oo ay go’aamo ku gaadhi karaan. Dawladda Somaliland ayuu warku sheegay inay qorshaysay inuu kulankaas uga qayb galo Wasiirka arrimaha dibadda Yaasiin Faratoon. Dawladda Turkiga ayaa dedaal xoogan ugu jirta inay dalkeeda dib uga bilowdo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo dhawr goor oo kala duwan dalkeeda lagu qabtay, waxaanay doonaysaa inay doorkan qaadato kaalin dhexdhexaadiye oo ka culus kaalintii hore ee ay ciyaari jirtay oo ku koobnayd inay fududayso madasha uu kulanku ka dhacayo. Waxa iyaguna jira dawlado kale sida Sweden, Ingiriiska iyo Maraykanka oo danaynaya inay lug ku yeeshaan wada hadaladan, waxaanay dawladda Sweden doonaysaa inuu dalkeeda ka dhaco wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya. Source
  11. (SLT-Madaxweyne Donald Trump ayaa codka diidmada qayaxan u adeegsaday tallaabo uu aqalka Congress-ka dalkaasi ku diiday xaaladda degdegga ah ee uu Trump ku dhawaaqay, sababo la xidhiidha murankii xadka Mareykanka iyo Mexico. Xildhibaannada dalkaas, oo ay ku jiraan 12 xisbiga Jamhuuriga ka tirsan, ayaa meel mariyay diidmada qaraarka. Congress-ka ayaa hadda u baahnaanaya saddex meelood labo meel oo codadka labada aqal ah, si ay meesha uga saaraan go`aanka Trump, taas oo aan la fileyn inay dhacdo. Waa markii ugu horreysay oo uu madaxweyne Trump adeegsado codka diidmada qayaxan tan iyo intii xilka madaxtinnimada Mareykanka loo doortay. Mr Trump ayaa ku celceliyay in muhaajiriin sharci darro ah oo ka imaanayay xadka koofureed ee dalkaasi ay badankood ahaayeen dembiilayaal Mareykanka soo gelinayay daroogo. Aqalka Wakiillada dalkaas oo ay xukumaan Dimuqraaddiga, ayaa bishii hore meel mariyay qaraarka meesha looga saarayo xaaladda degdegga ah, 12 xildhibaan oo Jamhuuriga ka tirsan ayaana la saftay xisbiga Dimuqraaddiga, 59 xildhibaan ayaana Khamiistii u codeeyay. Isla markii uu Aqalka Sare codeeyay, Mr Trump ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray inuu adeegsaday codka diidmada qayaxan. Maxaa kaddib dhici doona? Kaddib codka diidmada qayaxan ee uu Trump adeegsaday, qaraarka ayaa mar kale lagu celinayaa Aqalka Sare. Maaddaama ay Dimuqraaddiyiintu xukumaan Aqalka Sare, waxay u baahnaan doonaa 67 cod si ay meesha uga saaraan codka diidmada qayaxan ee uu Trump adeegsaday. Sidaas daraaddeed, maaddaama keliya 12 ka mid ah xildhibaannada Jamhuuriga ee 53-da ka kooban ay la safteen Dimuqraaddiyiinta, waxaa yar suurto-galnimada ah inay ku guuleystaan inay tuuraan codka diidmada qayaxan ee Trump. Source
  12. Mandheera (Caasimada Online)-Dowladda Kenya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay hub iyo dadkii waxay oo ciidamada Kenya ay ku qabteen deegano ku yaala xuduuda Somalia iyo Kenya. Maxamed Biriq oo ah isku duwaha Amniga ee Mandheera oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay qabteen afar ruux oo la dagaalamay ciidamada Kenya xili ay roondo ku jireen. Maxamed Biriq, ayaa sheegay in afarta ruux oo Soomaali ah lagu qabtay iyaga oo wada qoryo aan sharci aheyn iyo rasaas badan, isagoo tilmaamay in hadda lagu hayo xabsi ku yaala Mandheera. Dadka shacabka ah ayuu sheegay in ragga hubeysan ay xogtooda soo gudbiyeen, sidaasna ay ku qabteen ciidamada Amaanka xili ay ku raad joogeen xubno ka tirsan Al Shabaab. “Ciidamada markii ay jidka u galeen ayey afarta qof rasaas billaaabeen Ciidamada ayaana gacanta ku dhigay,xabsi ayey hadda ku jiraan, maxkamad ayaana la soo taagayaa”. ayuu yiri Maxamed Biriq. Maxamed Biriq ayaa ugu dambeyn sheegay in hubkaan loo malaynayo in loo waday Al Shabaab ama dadka burcadda ah ee xoolaha ka dhaca dadka reer Miyiga ah ee ku sugan Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya. Wuxuu sidoo kale sheegay in mid ka mid ah afarta qof uu dhaawac soo gaaray laguna hayo Isbitaalka Deegaanka Ceelwaaq, waxaa uu sidoo kale intaas raaciyay in Ciidamada amaanka ee gobolka heegan sare ku jiraan. Caasimada Online Xafiiska Mandheera Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-16032019.mp3 View the full article
  14. (SLT-Muqdisho)-Waxaa saakay xidhan dhammaan waddooyinka magaalada Muqdisho iyada oo lagu soo waramayo in Muqdisho ay booqasho ku imaan doonaan wefdi heer sara ah oo ka socda dalka Jabuuti,iyada oo diyaar garowgaas si weyn looga dareemayo saaka. Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa saakay booqasho ku imaanaya magaalada Muqdisho,waxaana la xanibay isku socodka gaadiidka iyo dadka,waxaana la arkayay boqolaal shacab ah oo lugaynaya jidadka halbowlaha ah ee magaalada. Madaxweynaha dalka Jabuuti lama shaacin waqtiga ay qaadanayso booqashadiisa Muqdisho hase’ahaatee waxa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda ugu sareysa dowladda sida Madaxweynaha iyo Ra’isul-Wasaaraha Xukuumadda fedraalka Smalia. Source
  15. (SLT-New Zealand)-Ninka lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyay weerarkii lagu xasuuqay Muslimiin tukunaysay ayaa la soo taagay maxkamad ku taalla New Zealand. Brenton Tarrant oo ah 28 ayaa maxkamada degmada Christchurch ka soo muuqday isagoo indhaha ku gubaya saxafiyiintiiku sugneyd maxkamada. Tarrant oo gacmaha ka katiinadeysnaa xirnaana dhar cad,kabana aan xirneyn ayaa xaakimkii maxkmada u aqriyay dambiyada loo haysto oo ah dil, waxana uu ruxay madaxiisa isagoo ala amray in xabsiga lagu sii hayo illaa April 5 markaas oo maxkamada sare ay dhagaysan doonto dacwadiisa. Xaakimka Maxkamada Paul Kellar ayaa u oggolaaday weriyaasha inay sawiro ka qaadaan eedeysanaha balse aan la muujin wajigiisa. Brenton Tarrant ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa ninkii shalay salaadii Jimce rasaasta ku furay muslimiin ku tukanaysay labo masaajid oo ku yaal dalka New Zealand,waxaana ku dhintey 49 ruux halka 40 kalana ay ku dhinteen weerarkan. Source
  16. (SLT-North Carolina)-Haweeney ku nool gobolka North Carolina ee dalka Mareykanka ayaa dhowaan killideeda ugu deeqi doonta ninkii soo korsaday 27 sano kahor, si ay nolosheeda u badbaadiso. DeLauren McKnight ayaa aad ula yaabay in gabadhaasi ay noqotay qofka keliya ee killideeda lagu tallaali karo aabbaheed, Billy Houze, iyagoo aanan dhiig iyo dhalashaba wadaagin. Houze oo 64-sano-jir ah, xaaladda caafimaad ee kilyihiisa ayaa sii xumaanayay sanadkii 2016. Dhaqaatiirta ayaa u sheegay inuusan sii noolaan karin ilaa killi kale lagu beero. Waxaa cajiib ahayd in dhammaan xubnaha kale ee qoyska aabbahan laga waayay qof killi u bixin kara. Mr Houze, oo ah aabbe shan carruur ah leh, ayaa sheegay inuu aad ugu faanyao gabadhiisa. “Waxay igu tidhi, ‘Aabbe, waxaad u maleyneysay inaad nolosheyda badbaadineyso markii aad isoo kaxeysay, balse waxaad nolosheyda u badbaadineysay si aan taada u badbaadiyo.'” Dhaqaatiirta oo xubnaha kale ee qoyska aabbahan baaray ayaa ogaaday inaysan suurto-gal ahayn inay killidooda ugu deeqaan, kaddibna bishii February, ayay baareen Ms McKnight, oo Mr Houze iyo xaaskiisa ay soo kaxaysteen sanadkii 1992 – waxayna noqotay qofka ku habboon ee killi u saari kara. Markii Ms McKnight ay u sheegtay warkaas farxadda leh aan la fileyn, waxay sheegtay inuu aabbaheed farxad la ooyay. Mr Houze iyo Ms McKnight ayaa geli doona qalliin toddobaadyada soo socda. Source
  17. Waxaa maanta xiran inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo waddooyinkaasi lagu arkayo ciidamo badan oo dowladda federaalka Soomaaliya ah. Waddooyinka wadnaha iyo Makka Al-mukarrama ayaa ah meelaha ay ciidamo xireen, waxaana loo diidayaa iney halkaasi isticmaalaan gaadiidka dadweynaha. Waxaa la arkayaa shacab u badan shaqaale iyo arday oo ku lugeynaya waddooyinka waaweyn ee magaalada. Sababta loo xiray waddooyinkan ayaa ah madaxweynaha Jabuuti oo kusoo wajahan magaalada Muqdisho si uu uga qeybgalo furitaanka Kalfadhiga Shanaad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom waxa ay daah-furtay maanta adeegga Internetka 4G (Faca Afaraad – Fourth Generation) kaas oo aad uga waxtar iyo faa’iido badan 3G & 2G oo ay Hormuud horay u soo bandhigtay, adeeggan Internet-ka 4G waxa uu kuu sahlayaa in aad ku xiranto Kumbuyuutaradaaga gacanta adiga oo Isticmaalaya Data-da Mobaylkaaga, haddii loo baahdana waxaa kula wadaagi kara Saaxiibadaada shaqada iyo guriga. Hormuud Telecom waxa ay u adeegsatay horumarinta 4G hannaanka Mobile broadband oo ah fududeeya in qalabka guurguura sida Kumbuyuutarada gacanta iyo Mobile-lada caaqilka ah (Smart Phone) lagu xiro internetka wireless ama xarigga lahayn, waxaa kale oo lagu xiri karaa 4G qalabka madaxyada USB-ga qaata. Waxa dheeri ku ah oo la socda adeegga Internetka 4G (Faca Afaraad-Fourth Generation) adeegga kale ee LTE (Long Term Evolution) oo ah adeeg heer sare ah kaas oo kordhiya awoodda xiriirka (Network Capacity) islamarkaana badiya xawaaraha Mobaylka ee Internet-ka, taas oo u fududeyneysa in adeegsadayaashu (Users) ay si sahlan iyo waqti yar ku dhammeystaan wixii howl ah ee ay uga baahan yihiin adeegga Internetka 4G ee Hormuud Telecom Ujeeddada Hormuud Telecom ka leedahay Internetka 4G Shirkado badan oo isgaarsiineed ayaa dalka ka bixiya adeegga Internet-ka Mobaylka balse Hormuud waxa ay daah-furka 4G uga dan leedahay buuxinta baahida Internetka ee macaamiisheeda, baahidaas ayaa aad u badatay kaddib adeegyada 2G & 3G oo dalabka adeeggan ee rukunka awgiis laga sii gudbayo, sidaas daraadeed waxa ay Hormuud Telecom keentay Mobile broadband waxa ayna markan daahfureysaa adeegga 4G+ LTE (Long Term Evolution) Ineternet-ku Mobile-ku si guud waxa uu maanta kumilmay nolosha iyo shaqooyinka, waxaana jira howlo aan maanta suurtagal ahayn in ay qabsoomaan la’aantiis, howlahaas qaarkood waxa ay xiriir adag la leeyihiin nolosha iyo horumarinteeda, iyada oo haddaba halkaas laga shidaal qaadanayo Hormuud Telecom oo horumarin iyo kobcin kuwadda fududeynta adeegga Internet Mobaylka waxa ay ugu talagashay Macaamiisheeda in ay helaan adeeg Internet oo ah 4G+ LTE kaas kaqaybqaadanaya horumarinta Waxbarashada, Cilmibaarista, Ganacsiga, Isgaarsiinta iyo wacyiga dadweynaha guud. Waddamada ugu horreeya Adeegga Internetka Mobaylka 4G South Korea – 95.71% Japan – 92.03% Lithuania – 84.73% Hong Kong – 84.52% Netherlands – 84.1% Singapore – 82.61% Norway – 82.42% Kuwait – 81.77% Sweden – 81.37% United States – 81.3% Qatar – 81.29% Hungary – 79.77% Australia – 79.34% Taiwan – 78.05% Finland – 76.36% UAE – 75.92% Canada – 75.42% Estonia – 75.11% China – 73.83% Bahrain – 73.82% (Source: OpenSignal) Gunnaanad Hormuud Telecom oo tixgelineysa baahida ay macaamiisheedu u qabaan adeegga Internet-ka Mobile-ka waxa ay dhammaan Macaamiisheeda u soo bandhigeysaa 4G+ LTE oo markii ugu horreysay lagu adeegsanayo kuna shaqeynaya dhammaan Dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada Kumaandooska ee dowladda Soomaaliya ayaa weerar qorsheysan oo lagu bartilmaameydsaday Al Shabaab ka fuliyay deegaanka Jilib Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka ayaa waxaa geystay ciidamada DANAB oo taageera ka helaya kuwa Mareykanka waxaana saraakiisha ciidamada ay sheegeen in xubno badan oo ka tirsan Al Shabaab lagu dilay weerarka oo ahaa mid qorsheysan. Diyaaradaha duuliye la’aanta ee loo yaqaan Drone oo ay adeegsadaan Ciidamada Mareykanka ayaa qayb ka ahaa Howlgalka, kuwaasi oo duqeeyay Deegaanka Jilib Marko sida lagu sheegay war kasoo baxay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sida ay baahisay Idaacadda ku hadasha afka ciidamada Qalabka sida, weerarka waxaa lagu dilay 22 dagaal yahan oo ka tirsan Al Shabaab, waxaana ku jiray labo sarkaal oo Al Shabaab ka tirsanaa. Abuu Yaasiin Sheikh Maxamed oo la sheegay in Al Shabaab u qaabilsanaa amniyaatka Shabeelaha Hoose iyo Maxamed Abuu Xamsa oo dhawaan la sheegay inuu kasoo laabtay Syria ayaa la shaaciyay in weerarka lagu dilay. Sidoo kale saraakiisha ciidamada DANAB ayaa intaasi raaciyay in ciidamada ay qabteen afar gaari oo Al Shabaab ay ku diyaarinayeen waxyaabaha qarxa oo la doonayay in shacab lagu dhibaateeyo. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan weerarka ka dhacay deegaanka Jilib Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay kordheen weerarada ciidamada isbaheysanaya ayla eeganayaan xarumaha Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Maxkamad ku taalla New Zealand ayaa waxaa kasoo muuqday Brenton Tarrant, oo 28 jir ah una dhashay Australia kaasi oo Jimcihii toogasho ku dilay 49 qof oo muslim ah kadib markii uu ugu galay masjid ku yaalla dalkaasi. Tarrant oo gacmaha ka xiran islamarkaana xiran dharka cad ee maxaabiista ayaa shabaqa maxkamadda kasoo muuqday, waxaana weli aanu qiran falkii uu geystay. 5-ta bisha soo socota ee April ayaa la sheegay in mar kale maxkamadda la keeni doono si loo soo guda galo kiiskiisa. Ra’iisul wasaaraha New Zealand, Jacinda Ardern waxay sheegtay in shaqsigan laayay dadka muslimiinta ah uu haystay ruqsad dhanka hubka ah islamarkaana dilkaasi ku fuliyay Afar qori, sidoo kalena wax laga bedali doono sharciyadda hubka. Dadkii ku dhintey weerarkaasi waxaa ku jiray Afar qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Diyaaradaha dagaalka Maraykanka, gaar ahaan kuwa aan duuliyaha lahayn ayaa duqeyn ka fuliyey deegaanka Jilib Marka ee gobolka Shabellaha Hoose. Wararku waxay sheegayaan in duqeyntan lala eegtay gaadiid la sheegay in halkaasi ay marayeen kuwaasi oo ku rarnaa qaraxyo, kuna soo wajahnaa magaalada Muqdisho. Dhanka kale, ciidanka DANAB ee xoogga dalka ayaa la sheegay iney toogasho ku dileen xubno Al-shabaab ah oo iyaguna halkaasi ku sugnaa. Ciidanka xoogga dalka iyo sidoo kale Maraykanka ayaa xoojiyey howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay ka wadaan gobollada dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Taliska ciidanka xoogga dalka ee gobolka Bakool ayaa ka warbixiyey dagaal iyaga iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Ceel-laahelay ee gobolkaasi. G/sare Warsame Maxamed oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dagaalkaasi uu ahaa mid xooggan, islamarkaana ay khasaare soo gaarsiiyeen Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye. Sidoo kale, Gaashaanlahan ayaa sheegay in ay Al-shabaab ka qabsadeen hub badan iyo saanad kale oo ciidan. Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ciidanka Al-shabaab weerar kusoo qaadeen deegaankan oo ku dhow degmada Xudur ee gobolka Bakool. Al-shabaab dhankooda kama aanay hadal weerarkan iyo waxa ka jira in dhankooda khasaare lasoo gaarsiiyay. Goobjooog News Source: goobjoog.com
  23. Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta oo Sabti ah waxaa lagu wadaa inuu soo gaaro magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, iyadoo ammaanka magaaladana aad loo adkeeyey. Wararku waxay sheegayaan in sababta uu madaxweyne Geelle u imaanayo magaalada Muqdisho ay tahay ka qeybgalka furitaanka Kalfadhiga Shanaad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Sidoo kale madaxweyne Geelle oo booqashadiisa Labo cisho qaadan doonto ayaa waxa uu tagi doonaa magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidan ka socda dalkiisa oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM. Waxaa xiran inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo gaadiidka dadweynaha loo doodayo iney isticmaalaan waddooyinka qaar. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. London (Caasimada Online) – Qorshaha ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay ku iibiso xirmooyin ka mid ah shidaalka lagu tuhmayo badda Soomaaliya, kadib shirkii shidaalka Soomaaliya ee London, ayaa waxaa hareeyey mugdi cusub. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa Caasimada Online u sheegay in shirkadaha daneynaya shidaalka Soomaaliya ay ka laba-labaynayaan inay maal-gelin buuxda ku sameystaan shidaalka Soomaaliya laba sabab dartood:- 1 – Waxay wel-wel xooggan ka qabaan xasiloonnida siyaasadeed ee dalka ka jirta. [Madaxda Soomaalida oo markii mid la beddelaba kan xiga uu go’aan cusub qaadan karo]. 2 – Shirkadaha ayaa sidoo kale shaki ka qaba in heshiis kasta oo wax soo-saar wadaagis ah – Production-Sharing Agreements (PSAs), uu noqon karo mid sharciyan dhaqan-gala oo la isku halleyn karo. Dowladda Soomaaliya ayaa illaa 11-ka July u qabatay dhammaan shirkadaha daneynaya shidaalka Soomaaliya inay codsigooda kusoo gudbistaan. Hase yeeshee illaa iyo hadda ma muuqata in shirkdaha ay dhab ka tahay rabitaankooda. Si dowladda ay u dhiiri-geliso yabooha shirkadaha waxay hoos u dhigtay saamigeeda wax soo-saarka, oo ay ka dhigtay 54% illaa 66%. Pedro Van Meurs, oo la-taliye u ahaa shirkii London ayaa sheegay in saamiga dowladda Soomaaliya ee ah 54% illaa 66% uu aad uga hooseeyo kan dalalka kale eee Afrika, sida Mozambique, Tanzania iyo Kenya. Dhinaca kale, caqabadda kale ee taagan ayaa ah in baarlamanka Soomaaliya uusan weli ansixin sharciga shidaalka dalka, taasi oo ayada oo aan dhicin aysan dowladda saxiixin karin heshiis wax soo-saar wadaagis ah – Production-Sharing Agreements (PSAs). Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
  25. Madaxweynaha dowlada Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele ayaa maanta lagu wadaa in uu soo gaaro Muqdisho. Madaxweyne Geelle ayaa lagu wadaa in uu daah furo xarùunta dhismaha cusub ee safaar ee safaarada Jabuuti. Amaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana la sii xiray wdooyinka ee Muqdisho subaxdii hore ee saaka. Sidoo kale madaxweyne Ismaaciil cumar Gelle ayaa lagu wadaa in uu isla maanta uu aado Baladweyne oo ciidamo ka socda wadankiisa ay joogaan. Puntland Post Muqdisho office The post Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle oo Muqdisho imaanayo appeared first on Puntland Post.