Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,689
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-17032019.mp3 View the full article
  2. (SLT-Hargaysa)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti ballaadhan oo uu hoggaaminaayo Mr. Steven Lauwerier oo ka socda hay’adda UNICEF oo uu wehelinaayo Yahaya Balima oo ah madaxa xafiiska Unicef ee Somaliland. Safarka uu Steven Lauwerier ku yimid Somaliland ayaa ah indho indhaynta hawlaha ay UNICEF ka wado gudaha Somaliland sida ay u socdaan iyo halka ay marayaan, madaama oo wakhtigii loo magacaabay xilkani uu yahay gabaabsi dhawaana laga bedeli doono xafiiska Unicef ee Somaliland iyo Soomaaliya uu ugu magacawnaa Mr Steven. Waxa kale oo kulankaasi lagaga wada hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa hawlaha samafal ee hay’adda UNICEF ka waddo gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, isaguna uu ugu sii wareejin lahaa cida ka bedeli doonta xafiiska. Madaxweyne ku xigeenka waxa kulankaasi ku wehelinaayey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Somaliland. Maxamed Cali Bile iyo Ergayga Gaarka ah ee u Qaabilsan Somaliland Qaramada Midoobay, Maxamed Warsame Ducaale. Source
  3. Andrew Graystone oo Reer Manchestar ah, waa Dalka Ingiriiskee ayaa wuxuu yiri ” Markaan maqlay weerarkii Axmaqnimada ahaa ee lagu qaadey laba Masjid oo ku yaal [...] Source
  4. Wasiirka wasaarada duulista iyo hawada ee dowladda Puntland Xuseen Cismaan Lugatoor ayaa sheegay in duulimaadyadii garoonka diyaaradaha ee Dubai iyo Bosaaso loo wareejiyay magaalada Garoowe [...] Source
  5. Haadka aynu marno oo gebi ahaanba ah mid khaldan Bacda madow oo darawalka cidhiidhi gelisa iyadoo hadda la marayo in xataa muraayadda hore lagu dhajisto. Waddooyinkeena oo aad u dhuudhuuban dhanka ballaca Waddooyinkeen oo aad u burbursan oo wada godad ah Masuuliyadda wadayaasha baabuurta oo aad innoogu yar Sharciyada nabadgelyada waddooyinka oo ah kuwo aad jilicsan Ku dhawaad 30 oo aynu dawlad nahay wax la taaban karo kamaynaan qaban arrimaha shilalka gaadiidka, sannad kastana kumanaan qof ayay galaaftaan shilalku, mana muuqato rajo wax ka qabasho, maadaama aanay ganaax iyo ciqaab culus ka baqaynin wadayaasha gaadiidku waa kuwo u socda si xilkasnimo darri ah gudaha magaalooyinka iyo dibaddaba, intaa waxa raacda wali baabuurteenu aad bay u koobanyihiin marka loo eego dalalka jaarka ah, haddii qorshexumidu sidan u sii socoto mushkiladduna way sii koraysaa uun, naf baxaysa lama joojin karo oo saacaddeeda ma dhaafayso , laakiin haddii aan arrimaha kor ku xusan wax la iska waydiin maalin kasta mayd ayaynu sii sidi doonnaa iyo tacsi is daba joog ah, Yuusuf Cabdi Maxamed Source
  6. Dadka siyaasadda DABA-GURA EE MASHQACEEYA wax walba wey u cad yihiin in oo wadanku WUU Ka baydhay Somaliland nimadii biyo geeddi socodkii laga soo bilaabo 2010kii. Xukuumaddii uu Siilaanyo Ka xanuunsaday in hantida guud Xukuumada laga wareejiyo oo hanti shakhsiyaad loo bedelo siyaasadda Xukuumadda Kulmiye ayey ahayd welina waa sidii. Madaxweyne Muse waxa qudha UU kaga duwanyey Xukuumadi Silaanyo Ka xanuunsaday waa qasnadaha uu Ka handraabtay Madaxa Xukuumadiisa waayo isaga waxaa Ka Goan inuu ciiidamada Kala duwan dhiso. Ayaan dhaw madaxda Police Ka Kala bedel baa KU Soo socda oo Kuwan KU raagay shacabkii lagu caddaadinaayey wey fahmeen. Saami qaybsigu intuu sidaa yahay a ha sugina Inay siyaasadda Gudaha IYO ta debeddu hagaagto iyo in Xukuumad la wada leeyahay la dhiso markaa reer SOMALILAND oo dhami waa Inay indha Kala furaan oo waxa soconaya xaalad xaalad ula socdaan. Shirkii Gacanlibaax wixii Ka soo baxay iyo heshiiskii beenbeenta ahaa ee Xukuumadii Siilaanyo Ka xanuunsaday iyo khaaatumo wada galeen wixii Ka soo baxay waa (identical) sinaba loo yeeli maayo markaa in Xukuumada labadan Askari ninkii isbedel Somalilanimo Ka sugaa waa qof riyoonaya baan anigu qabaa. Toos u jaleeca wadadaynu soo marray sideedii sano ee u dambeeyey. Heshiisyadii Dekedda iyo Saldhiga Carabta iyo Ethiopia la siinayo, doorashadii Baarlamaanka, Doorashadii Madaxweynaha, Doorashadii dawladaha hoose, wasiiradii Xukuumaddii Siilaanyo Ka xanuunsaday siday xeridii lagu khiyaamaynayey oodda uga Soo daateen ee mudada indha sarcaadka loo dhigayey , xisbigii ucid sidii Faysal looga iibsaday waxa soo socdaa waa waxaa iyo wax kasii daran ee waa Inay REER SOMALILAND maanta la xisaabtamaan xukuumadda joogta HADDII kale burburbaa soo socda. Somaliland sidan adduunka kaga mid noqonayaa a ma jirto waayo ummad meel u wada socota oo wax wada leh maaha maanta. Dhaqdhaqaaqa Sool iyo sanaag Ka socda codka bulshada Ka Soo baxayaa wuxuu leeyey Maamulka Hargeysa ee aan ummaddu u sinnayn doonimayno maaha cod Jabhadeed ee waa codka shacabka KU NOOL Sool IYO Sannaag boqolkiiba sideetan . Beesha dhexe waa ogyihiin dawladda iyo Xukuumadda labada midba kama dhexeeyo oo looma sinna, rajo midaynta ummadda oo muuqataana ma jirto MARKAA maanta ummaddu way qaybqaybsantay Kulmiye ayaa qayb qaybiyey. Xaalaadda indhaha ha lagu hayo. M Bashe qoranebashe@gmail.com Source
  7. Afrika waxa u horeeya xaga maamul daadajinta iyo hufnaanta shaqo waa dalka Ruwaanda. dalalka la barayo maamul daadajinta waxa aqoon korodhsi loo geeya Ruwaanda mararka qaarkood siminaarada hay’aduhu bixiyaan waxay shaqaalahooda iyo cida shaqo wanaaga barayaan waxa la geeya Ruwaanda. Marka ilaahay jidka fiican kugu ridayo wuxu ka soo saara hogaamiye wanaagsan oo tubta toosan kugu ridda. Faa’iidada maamul daadajinta: Faa’iidadda maamul daadajinta leedahay waxa ka mid ah madaxweynaha, ama wasiirka ama masuulka shirkadda haysta waxay ka yaraysaa culayskii isaga ku dhicii lahaa. Madaxweynaha ama wasiirka nidaamkaasi sameeyaa waxa u qabsoomay wax badan oo uu ku faanni karo. Dadka loo shaqaynayaa faa’iido badan bay ka helayaan oo marna waxqabadkaasi shacabkay gaadhaysa marna qof kasta oo adeeg u doonta isagoo faraxsan oo mabsuud ah ayuu ka soo baxaya. Qofka madaxda ah ee maamul daadajin u sameeyaa shaqadiisa, waxa uu ku raacaystaa shaqada, isla markaana wuxuu noqdaa hogaamiye dadkiisa hanta. Sidee buu qofku shaqada ama maamulka u daadajinayaa: Tusaale ahaan, Madaxweynuhu marka uu shaqada bilaabo wuxuu wasiirka ka dalbanayaa sanadka soo socda waxa u qorshaysan ee uu qabanayo, wasiirku wuxu amra agaasimihiisa inuu diyaariyo qorshihii sanadka la qabanayey, agaasimuhu wuxuu amraa agaasime waaxeedyadiisa, agaasime waaxeedkuna waxay amrayaan shaqaalihiisa inay diyaariyaan waxay qabanayaan sanadka soo socda. Ka dibna waxa soo baxaysa maalin walba waxa la qabanayo, sida u kala sareeyaan baa la isku maamulayaa oo mid waliba ka ka hooseeya ayuu shaqadiis ku ilaalinayaa. Shaqaale hoosaadku shaqadii uu maalintii qabanayo wuxu u gudbinaya kii ka sareeyey, illaa ay gaadho ka ugu dambeeya ee ugu sareeya meesha, waxaana shaqada loo kala jajabinayaa maalintii, todobaadkii, bishii iyo sanadkiiba. Marka uu masuul waliba qofkii ku haboonaa dirto waxa soo baxay shaqo wanaag iyo wax qabad muuqdo oo la qabtay. Madaxweynuhu marka uu sadex bilood ba mar yidhaahdo wixii idiin qabsoomay soo gudbiya, waxa soo baxaysa in shaqadii loo igmaday ka soo baxeen iyo in dayaceen shaqadoodii. isla xisaabtan kaasi ayey wax ku qabsoomayaan, dadkuna iskuma dhuumanayee qof walba waa la ogyahay waxay tahay shaqadiisu inuu qabtay iyo inuu caajisay labadaba waa lagula xisaabtamayaa. Aduunyada waa la casriyeeyey shaqadii uu agaasime waaxeedku ama agaasimaha guud wuxuu si toos ah computerkiisa uga arkaya shaqada socota, isagoo xafiisba kormeerin buu computerkiisa ka arkayaa qof waliba shaqada uu hayo inuu maalintaasi dhameeyey iyo inaanu qaban, ka dibna qof walba adigoo u kicin baad waydiinaysa sababta shaqadaas u taalla u dhamaystiri waayey ama shaqo maalmeedkiisa u qorshaysnaa muxuu u qaban waayey. Hadii isla xisaabtankaasi dalka laga hirgaliyo muddo gaaban ayeynu dalalka horumaray ku gaadhi karnaa, inaga nasiib darada ina haysataa waxay tahay shaqaalaha dawladda qofna ma garanayo waxa uu qabto siduu baraha bulshada u isticmaalayo ayuu kaga rawaxaa, taasi waxay dhibaato ku tahay shacabkii adeega usoo doonto xafiisyada dawlada, waana ta keentay in qofku dhibsado hadii xafiis dawladeed hawlo ka gallaan. Ta labaad qof waliba xafiiska uu joogo ayuu dadka ku gumaystaa oo uu u haystaa inuu isagu leeyahay, waayo cid isaga la xisaabtamaysa ma jirto, isna cid uu u naxaya ma jirto. Wixii wanaagsan waa la iskaga daydaaye ma sidaas baynu ku shaqaynaya mise sideenii hore ee dib u socodkaynu iskaga wadanaa? Source
  8. Waxan halkii ka sii waydaynnaa qaybtii labaad ee mawduuca kor ku xusan: ZINE EL ABIDINE BEN ALI (TUNISIA: 1987-2011) Zine El Abidine Ben Ali wuxuu ahaa madaxweynaha Tunisia laga soo bilaabo 1987 ilaa 2011. Ben Ali, wuxuu qabsaday madaxweynenimada afduubka dhiigga, bil kadib markii loo magacaabay ra’iisul-wasaaraha. Waxa uu Tunisia hoggaamiyey 23 sano ka hor intii aanu ka degin January 2011 sababo la xidhiidha dibad-bax ballaadhan oo dalbaya inuu ka baxo. Wanna halkii ay ka bilaabantay dibadbaxyaddii carabta oo dhan hadheeyey ee la baxay gu’gii carabta (Arab spring). Horaantii Tunisia waxay ku naaloonaysay xasiloonida iyo barwaaqada dhaqaale oo ka dhigay dal isku filan balse hogaamintii Ben Ali ayaa noqotay mid dalkaasi u horseedday in uu noqdo gabi ahaaba gaabis dhalinyaraddii noqoto bilaa camal.Sanadkii 2012-ka, isaga oo ku jira xabsi ,waxaa lagu xukumay xabsi daa’im ah doorkii uu ku leeyahay dilalka mudaaharaadayaashii kacdoonka 2011-kii taasoo keentay inuu ka baxo awoodda. Dhibaataynta, si xun u isticmaalka dhaqaalaha dadweynaha, xakamaynta siyaasiyiinta ka soo horjeeda waa qaar ka mid ah ficiladdii galaaftay. YAHYA JAMMEH (GAMBIA: 1994-2017) Yaxya Jammeh ayaa awoodda ku qabsaday inqilaab aan dhiig ku daadan sannadkii 1994-tii. Jammeh intii uu xukunka hayey wuxuu qabtay dooorashooyin aan la odhan karo ciddi kulama taratamin. Wuxuna kasbaday mucaaridad dhinac walba ah ka dib doorashadii guud ee 2016-dii eek u dhawaaqadeedu muranka dhalisay wuxuu diiday in Adama Barrow, yahay madaxweynaha cusub waxana la yaab noqotay in uu ku qanci waayey guuldaraddii doorashada. Dhawr toddobaad oo uu diidanna natiijadda doorashada, wuxuu ugu dambeyntii ka tagey Gambia oo dibedda u dhoofisay wuxuu magangalyo ka helay Equatorial Guinea kadib markii cadaadis ay saareen Midowga Afrika, Ecowas, iyo Qaramada Midoobay. Muddadii 23kii sanadood xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee xoogan ayaa calaamad u ah nidaamka Yahya Jammeh, waxa kale oo sheegan jiray in uu daaweeyo cudurka AIDS-ka sidoo kale Yaxya Jammeh ma aanu jeclayn inuu arko kiniisadaha kiristanka marwalbana wuxuu ku hanjabi jiray in galbeedka afrika laga saari doonno heerka xoogaysanaya ee kiniisadaha. Charles Taylor Madaxweynihii laybeeriya wuxuu ahaa madaxweynihii 22 ee soo mara dalka laybeeriya ee galbeedka afrika dhaca. Charles taylor wuxuu xukumayey muddo gaaban marka loo eego madaxdii kale ee aanu soo xusnay 1997—2003.Taylor wuxuu hogaaminayey jabhaddii NPF( National Patriotic Front) waxanna lagu eedeeyey in uu gaysatay dambiyo ka dhan ah binu aadamka muddadii dagaalkii sokeeye ee dalkaas 1991 ilaa 2002 ka dibna waxa faldambiyeedyo ku heshay maxakamada dambiyada ee dagaalka ee Hague waxanay ku xukuntay 50 sanno oo xadhig ah. Laurent Gbagbo Laurent Gbagbo wuxu xukunka wadanka Ivory Coast qabtay 26 October 2000ilaa laga soo gaadheyey 11 April 2011 ka dib doorashooyinkkii waddankaas ka dhacay dhamaadkii 2010kii waxa lagu tilaamaa hogaamiye kalitaliye ah oo soo maray dalkas. Muddooyin tobanaan sanadood ah wax waddankaas ka jiray dagaalo sokeeye ka dib mudadaas waxa ku dhintay dad tiradoodu ka badan tahay kumanaan. Laurent Gbagbo waxa soo xidhay maxakamada dambiyada dagaalka ee ICC dambiyada lagu soo oogay waxa ku jira xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda binu aadamka. Pierre Nkurunziza Madaxweynaha Burundi wuxuu xilka qabatay sanadkii 2005. waa hogaamiyaha (NCDD-FDD) National Council for the Defense of Democracy – Forces for the Defense of Democracy wuxu waddanka u maamulaa sida kalitaliyaha ilaa muddaddas in ka badan laba bilood oo mudaharaadyo lagu diidan yahay ka socdeen waxa bishii May 2015 isku day inqilaab fuliyey qaar ka mid ah saraakiil milatari xaladaas waxana ku dhintay in ka badan boqolaal qof. Pierre Nkurunziza wuxuu qabtay doorasho July 2015 kaas oo dib luugu doortay. Haddaba gabagabaddii Waxaa jira waddamo badan oo Afrikaan ah oo leh dimuqraadi firfircoon oo xor ah xitaa kali taliyayaashii hore sida oo kale Waxaa jira waddamo badan oo Afrika ah oo madaxweynayaashu ay ka tageen awood dhammaadka muddo xilleedkooda. Wadamada sida Nigeria, Tansaaniya, Ghana, Botswana, Namibia, Koonfur Afrika, Malawi, Zambia,Kenya dhamaan madaxweynuhu wuxuu ka tagay awood ka dib guuldaradii doorashadii ama dhamaadkii muddo xilleedka. Xisbiyada mucaaridka ayaa doorweyn ka qaata hanaanka isbedelada ee waddamadooda iyana waxa jira oo aanu soo qaadan karaa xisbiyo mucaarad ah oo ku guuleeystay doorashooyinkii dalalkaas ka dhacay Hogaamiyayaashii hore ee mucaaradka ee hadda awoodda ku leh Galbeedka Afrika waxa ka mid ah: 1.Patrice Talon, Benin Nano Akufo-Addo, Ghana Alassane Ouattara, Ivory Coast Muhammadu Buhari, Nigeria Macky Sall, Senegal Ernest Bai Koroma, Sierra Leone Ujeedada aan uga dan leeyahay qormadan waxa weeye in aan dadkayga la waddago in ay qaaradda afrika jooggan amase ay soo mareen hogaamiyayaal, madaxweynayaal, boqortooyooyin jecel xukunka iyo halka ay ku dambeeyaan. Dhamaad… W/Q:Saleban Mohamed Ismail ( Baxraawi) Telephone: 063-4509376 ama 063-424-328-3 Email. baxrawi@gmail.com Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta si Wadajir ah u furay safaaradda Jabuuti ee Muqdisho. Munaasabad kooban oo lagu qabtay Xarunta Safaarada oo ku taalla degmada Cabdul Casiis ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha labada dal, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda iyo sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Xasan Aadan Samatar, Axmed Cali Cigaal iyo Cawaale Aadan Daahiye ayaa goobta ka qaadayay Heeso Wadaniyad ku dheehan tahay, waxaana aad loo adkeeyay amaanka magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Jabuuti oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa shaaciyay ahmiyadda ay leedahay inay dib u furtaan Safaaradda Jabuuti ee dalka Soomaaliya. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa u mahadceliyay dowladda Jabuuti Taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Madaxweynayaasha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si wadajir ay xariga uga jaray dhismaha cusub ee Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya. Jabuuti ayaa safaarada ugu weeyn dunida marka laga soo tago dalka Turkiga ka sameeystay Muqdisho. Degmada Cabdi Casiis meel aan ka fogeyn xeebta liido ayeey Jabuuti ka sameeystay safaarad. Puntland Post The post Madaxweyne Geelle oo xariga ka jaray xarunta cusub Safaarada Jabuuti appeared first on Puntland Post.
  11. The main streets of Somalia’s capital, Mogadishu remained closed for the second consecutive day after Djibouti president, Ismail Omar Guelleh arrived in the city on Saturday. Somali police and military personnel were deployed on the roads who halted the public transport since Saturday in an effort to avert Al-Shabaab attacks during Guelleh’s visit. The local residents in Mogadishu said they fed up with the frequent road closures by the government forces who show no mercy to the students and elderly people. The city has been hit by devastating car bomb blasts in the past few months as Al-Shabaab stepped up its attacks targeting government buildings and upscale hotels. View the full article
  12. Muqdisho (SMN) -Madaxweynayaasha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si wadajir ay xariga uga jaray dhismaha cusub ee Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya. Munaasabaddii xariga looga jarayay dhismaha cusub ee Safaaradda Jabuuti oo ay ka qeyb galeen Madaxweynayaasha labada dal, goleyaasha Dowladda iyo diblomaasiyiinta dalalka shisheeye ee Muqdisho ka hawl gala ayaa haatan lasoo gabagabeeyay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goor dhaw khudbad u jeedinaya kulan wadajir ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo ka dhacaya Dugsiga Tababarka Booliiska ee Janaraal Kaahiye. Xarig-jarka safaaradaan ayaa muujineysa horumarka laga sameynayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal, taasi oo labada Madaxweyne ay bogaadiyeen. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  13. Guddomiye ku Xigeynka 1-aad ee Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa shalay gelinkii danbe gaaray Magaalada Baydhabo ee Maamul Goboleedka KOONFUR GALBEED. Qorshaha safarka waxa uu qeyb ka yahay dadaalada ay madaxda xiriirka kubbadda cagta ku doonayaan in ay ku hormariyaan xiriirada Maamul Goboleedyada si wadajirna loogu wada shaqeeyo horomarinta kubbadda cagta Soomaaliya. “Safarkeenna waxa uu sahan u yahay in aan ku soo kormeerno qaabka ay u shaqeeyaan wasaarada ciyaaraha iyo xiriirka kubbadda cagta Koonfur Galbeed iyo in aan dhagaysano madaxda ciyaaraha deegaanka si wax lloogu qabta baahda jirrta iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin in laga taageero”waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo ah guddomiye ku xigeynka 1-aad ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta. Guudoomiye Cali Shiine waxaa safarka ku wehlinaya Abukar Islow Xasan oo ah guddomiye ku xigeenka horomarinta iyo kor u qaadida xiriirada kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo xiriirka Soomaaliyeed. “Bishii Janaayo 2019 waxaa socdaal shaqo ku tagay magaalada Kismaayo ee Maamulka Jubaland waxa aan soo kormeeray xafiisyada shaqada wasaarada ciyaaraha iyo xiriirka kubbadda cagta Jubaland,booqashadane waa mid aan ku doonayno in aan Maamul Goboleedyada gaarsiino adeegyadii lagu horomarin lahaa kubbadda cagta”waxaa sidaas Goobjoog Sports uga waramay Cali Shiine. Si kastaba 2019 Xiirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta waxa ay qorsheenayaan in Maamul Goboleedyada aan haysanin garoomada kubbadda cagta ayaa kala qeyb qaataan dib u dhiska iyo kor u qaadida aqoonta kooxaha iyo garsoorayaasha si ay u gaaraan meel wanaagsan. Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  14. Iyadoo uu socdo qorshaha dalkooda dib loogu celinayo Soogalootiga Ethiopian-ka ah ee ku sugan gudaha Puntland ayaa dhanka kale waxaa si xawli ah ku socda muhaajiriinta Oromada u badan ee ku soo qol-qolaya Puntland. Muhaajiriinta Ethiopian-ka oo socod dheer ku sii mara jidka laamiga ah ee u dhexeeya magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso ayaa la sheegayaa in saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ay mar kale buuxiyeen qeyba kamid ah magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Dad lagu qiyaasay 300 oo muhaajiriin u badan qowmiyadda Oromada ayaa sabtidii shalay iyo maanta oo Axad ah gaaray magaalada Boosaaso sida ay warbaahinta Puntland Post u sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga gobolka Bari. Muhaajiriin kale oo aan qiyaas sugan laga hayn ayaa iyagana la sheegaya in weli ay sii qol-qolayaan laamiga u dhexeeya Garoowe iyo Boosaaso. Qaar kamid ah dadkaasi ayaa u sii gudba dhinaca dalalka Carabta gaar ahaanna waddanka Yemen iyo boqortooyada Sacuudi Carabiya halka qaar kalena ku negaadan gudaha Boosaaso. Puntland ayaa todobaadyadii u dambeeyay dalkooda ku celisay soogalooti Ethiopian ah oo u badan qowmiyadda Oromada kuwaasoo qaarkood iskood u go’aansaday in ay laabtan sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland. The post Muhaajiriin horleh oo ku soo burqaday Puntland appeared first on Puntland Post.
  15. Somali president, Mohamed Abdullahi Farmajo hosted a dinner banquet at Villa Somalia in honour of the President of Djibouti, Ismaïl Omar Guelleh and his accompanying delegation. President Guelleh is currently on an official two-day state visit to Somalia, where he is inaugurating a newly-built Djibouti embassy in the capital’s Abdiaziz district. Somali president held talks with the visiting Djibouti leader in the state house on Saturday and discussed the bilateral relations between the two brotherly countries. The security of the city has been extremely tightened with security forces deployed in the main streets, halting the movement of public transportation. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya deegaano hoos taga degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal beeleed xoogan uu ka bilowday deegano dhowr ah oo degmada Hoostaga. Dagaalka ayaa u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed wada dega degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaasi oo marar badan ku dagaalamay deegaanada gobolka Shabeelaha DHexe. Maleeshiyadka dagaalamaya ayaa isku-heysta dhul daaqsimeed halkaasi ku yaalla,waxaana lagu soo waramayaa in Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya oo horay loo kala dhex dhigay ay isaga soo baxeen, sidaasina uu markale dagaalka ku bilaawday. Labada maleeshiyaad ee ku dagaalamaya degmada Cadale ayaa la sheegay in horey shirar dib u heshiisiineed loogu qabtay magaalada Jowhar iyo degmada Cadale, waxaana horey ay u gaareen heshiisyo hordhac ah. Dagaalka Xoogiisa ayaa ka dhacaya deegaanka Burdheere oo hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana jirin cid kala dhex gashay dhinacyada dagaalamaya. Ciidamada Melatariga hore loo kala dhex dhigay ayaa isaga baxay deegaanada lagu dagaalamayo, lamana oga sababta ka dambeysa inay isaga soo baxaan deegaanka Burdheere. Xildhibaao ka soo jeeda Hirshabeelle ayaa baaq nabadeed kasoo saaray dagaalka ka dhacayo deegaanada Hoostaga degmada Cadale. Caasimada Online Xafiisa Muqdisho Caasimada@live.com
  17. (SLT-Laascaanood)-Wararka ka imaanayaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in malayshiyaad hubaysan ay isku horfadhiyaan nawaaxiga garoonka diyaaradaha oo ku yaalla dhanka waqooyi ee magaalada. Malayshiyaadkan hubaysan oo hab-beeleed u abaabulan ayaaa la sheegaya in ay isku’ haystaan dhul bogcado bannaan ah oo dhinac walba sheeganayo lahaanshihiisa halkaas oo ay maalmahan isu’ hub uruursanayeen. Qaar kamid ah bulshada ku dhaqan Laascaanood ayaa soo sheegaya in laga cabsi qabo dagaal dhex mara labada malayshiya-beeleed isku horfadhiya aga’gaarka garoonka diyaaradaha kadib markii ay fashilmeen dadaallo lagu doonayey in lagu kala qaado. Waxay sheegeen in haddii dagaal ka qarxo halkaas uu khatar gelin karo guud ahaan amniga garoonka iyo diyaaradaha ku soo degaya. Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa muddooyinkii u dambeeyay is weydaarsanayay dhalliilo dadban. Madaxweyne Biixi ayaa dhalliilo xooggan fagaareyaal badan uga jeediyay Golaha Guurtida ee guddoomiye Saleebaan hoggaamiyaha u yahay, taa bedelkeedana guddoomiye Saleebaan ayaa xukuumadda madaxweyne Biixi dhalliilo u jeediya. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa fagaareyaal dhawr ah oo uu ka soo hadal qaaday arrimaha doorashada waxa uu si weyn u dhalliilay Golaha Guurtida oo uu sheegay in ay noqdeen gole dhaxal ah “ Baarlamaanku(Wakiilladu) 15 sanno ayay fadhiyeen, Guurtidu waa dhaxal, dhaxal iyo dimuqraadiyadna isma qabtaan,” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Biixi oo khudbad u jeedinayay jaaliyadda Somaliland ee Imaaraadka. Isla maalinta guddoomiye Saleebaan oo mudaneyaasha guurtida hadal u jeedinayay ayaa sheegay in aanay dalka meel nooli jirin “Meel inoo nooli ma jirto meel walba dab ayaa inagaga qiiqaaya,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan oo intaasi raaciyay in colaad iyo qabyaalad wax laga qaban kari lahaa dalka dhib weyn ku hayaan. Ka sakow eedaha Madaxweyne Biixi iyo guddoomiye Saleebaan ee u muuqda in ay biyo hoostood iska hirdayayaan Xildhibaan Cawil Dawiil Cismaan oo ka tirsan golaha Guurtida ayaa shalay shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in madaxweyne Biixi soo kordhiyay arrin ugub ah oo aanay madaxdii Somaliland soo martay la iman taas oo ah eedaynta golaha Guurtida. Waxa uu sheegay in aanu madaxweyne Biixi waxba ka qaban arrimaha dalka marka laga reebo dhallinyarada shaqo Qaran oo uu ku tilmaamay carruur meel lagu xareeyay waxaanu tilmaamay in madaxweynuhu wali raadkii waxqabadka Siilaanyo hayo sida mashaariicda Imaaraadka. Xildhibaanka oo tixraacaya khudbadihii madaxweyne Biixi ku dhalliilay Guurtida ayaa yidhi “Madaxweynuhu maalin dhawayd wuu hadlay, markasta oo uu hadlayana Golaha Guurtida wuu dhalliila, maalintii ciidanka halkii laga filayay in uu ciidanka mushaharka iyo darajo u kordhiyo Guurtida ayuu ku soo af-go’ay madaxweynihii dhammaa, markii uu ka hadlayay Imaaraadka Guurtida ayuu ku soo af-go’ay.” Waxa uu intaasi ku daray “Madaxweynaha waxaan leeyahay golaha Guurtida xaal sii, goleyaasha faraha ka qaad; haddii aad doonayso in aad goleyaasha kala dirto siyaasad qabo baa loo baahan yahay ha isku dirin goleyaasha ee doorashadooda qabo iyaga iska tagiye, dawladaha hoose keen goluhu ha kuu sharci gareeyee qabo doorashadooda iyaga iska tagi doona kii soo noqonayana ha soo noqdee qabo doorashadooda gole la doortayna gole la doortay uun baa bedeli kara,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaanku. Xildhibaanku waxa kale oo uu si adag u dhalliilay madaxweyne xigeenka Mudane Cabdiraxmaan Saylici oo uu sheegay in uu isaga laftiisu dhalliilo golaha laakiin, ay ahayd in uu doorashadooda qabto maaddaama uu ilaa xukuumaddii hore la shaqaynayay. Ugu dambeyn madaxweyne Biixi ayaa u muuqda in uu ka maarmay doorkii firfircoona ee Guurtidu ku lahayd siyaasadda dalka, islamarkaana uu hal qabsiga dhalliisha dib u dhaca doorashooyinka ka dhigay golahan oo uu ku tilmaamo mid dhaxal tooyo noqday. Source
  19. (SLT-Arabsiyo)-Allaah ha u naxariistee laba Qof ayaa ku geeriyooday Shil baabuur oo Shalay ka dhacay degmada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley. Laba Qof oo Rag iyo Dumar ah ayaa Geeriyooday ka dib, markii gaadhigii ay la socdeen oo ahaa Suzuki ay isku dhaceen Booyad ka mid ah kuwa Magaalada Biyaha u dhaamiya. Guddoomiyaha Degmada Arabsiyo Xamse Xuseen oo ka hadlay Shilka ay labada Qof ku geeriyoodeen, ayaa sheegay in Gaadiidka booyaduhu dhibaato ku hayaan Magaalada Arabsiyo, maaddaama buu yidhi ay inta badan Shilalku dhacaan marka ay u kala dheeraynayaan Ceelasha ay Biyaha ka soo dhaamiyaan. Guddoomiye Xamse oo Arrintaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Runtii, Shil aad u naxdin badan baa ka dhacay, laba Qof oo reer Arabsiyo ah ayaa ku naf waayay oo Wiil iyo Gabadh ah, ka dib markii ay laba Gaadhi isku dhaceen, Gaadhi booyad ah iyo Gaadhi Suzuki ah, gaadiidka Booyaduhu khatar badan ayay ku hayaan degmada Arabsiyo, iyagoo aad mooddo inay Ceelasha biyaha u kala dheeraynayaan.” Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in dhibaatada ay Degmadu ku qabto Gaadiidka Booyadaha ay mar walba ku war-geliyaan Laamaha Ammaanka, si ay wax uga qabtaan “Laamaha Ammaanka ayaanu mar walba ku war-gelinaa inay hawshaa wax ka qabtaan, Taliyaha Ciidammada Nabadgalyada Waddooyinka ee Gobolka Gabileyna waanu u ballan-sannahay in Qorshe laga yeesho Shilalka sidan u foosha xun, taasi oo ay keenayso Xawaaraha aan Xadka lahayn ee Gaadiidku ku socdo..” Source
  20. (SLT-Addis Ababa)-Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa baco ay ka buuxaan ciid laga soo qaaday halkii ay ku burburtay diyaaraddii Boeing 737 Max siiyay qaraabada 157-dii qof ee ku dhintay shilkaasi. Kulan baroordiiq ah ayaana maanta lagu wadaa in lagu qabto magaalada Addis Ababa. Qoysaska ayaa sidoo kale loo sheegay inay qaadan karto muddo lix bilood ah in la kala garto meydadka dadkii ku dhintay shilkaasi. Wasiirka gaadiidka dalka Ethiopia ayaa sheegay inay baarayaashu ku qaadaneyso waqti ogaanshaha waxa sababay burburka diyaaradda. Magaalada Nairobi ayaa sidoo kale lagu wadaa in lagu qabto kulan loogu baroordiiqayo dadkii ku dhintay diyaaraddii toddobaad kahor maanta oo kale ku burburtay dalka Itoobiya. Kulankan oo ay si wada jir ah usoo qaban qaabiyeen safaaradda Itoobiya iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa waxaa ka soo qaybgali doona xubno ka socda dhammaan safaaradaha iyo qunsuliydaha Kenya ku yaalla. Diyaaraddan laga leeyahay dalka Itoobiya ayaa Axaddii la soo dhaafay ku burburtay magaalada Bishoftu oo 60km u jirta caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, waxaana ku dhintay dhammaan dadkii saarnaa. Diyaaradda oo ahayd nooca Boeing 737 ahna nooca rakaabka qaada ayaa burburtay xilli ay ku wajahneyd magaalada Nairobi. Sida ay sheegen mas`uuliyiinta shirkadda Ethiopian Airlines, diyaaraddan ayaa la rumaysan yahay in ay saarnaayeen 149 rakaab ah iyo sideed kamid ah shaqaalaha diyaaradda. Source
  21. Dagaal xooggan oo u dhaxeeya maleeshiyaad la sheegay in ay qaab beeleed u abaabulan yihiin ayaa ka socda deegaanno hoostaga degmada Cadalle ee gobolka Shabellaha Dhexe. Wararku waxay sheegayaan in Labada dhinac ay isku adeegsanayaan hub culus, iyadoo uu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha inta uu la egyahay, ayaa wararku waxay sheegayaan in Maleeshiyadan isku hayaan arrimo dhul ku saabsan. Goob joogayaal ayaa sheegay in Maleeshiyaad gurmad ah ay u kala tageen Labadan dhinac, dagaalkana weli uu yahay mid xooggan. Ma jirto dedaallo socda oo ku aaddan in lagu kala dhexgalo maleeshiyadan ku dagaallameysa deegaannada ku dhow degmada Cadalle ee Sh/dhexe. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Kismaayo (SMN) – Ciidamada milatariga Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa saaka dhaq dhaqaaqyo ka wada deegaanada maamulka Jubbaland. Howlgalladan oo ah kuwa xoogan ayaa waxa ay si gaar ah ciidanku ay uga wadaan gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dhaq dhaqaaqyadan ay saameyn ku yeesheen dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanadaasi. Ciidamada Kenya ayaa la sheegay in jirdil iyo dhibaatooyin kale ay u geysteen dad reer Miyi ah oo ku suganaa xadka labadaasi Gobol. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dadka deegaanku ay barakac ka bilaabeen halkaasi. View the full article
  23. (SLT-Zimbabwe)-Tan iyo markii ay ku dhufatay xeebta Mozambique khamiistii, duufaantaasi ayaa ku qasabtay kumannaan qof in ay guryahooda ka baxaan. Dalka Zimbabwe, magaalada Chimanimani, oo ku taalla buuralleyda dhanka bari ee xuduudda ayay duufaantu si daran u saameysay. Ciidammada ayaa loo diray in ay caawiyaan arday boqollaal gaareysa, kuwaasoo iskuulladooda ay waxyeello gaadhay. Labo ka mid ah carruurta iskuullada ayaa dhintay, kaddib markii uu derbi ku soo dumay dhismihii ay degganaayeen. Ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhintay dalka Zimbabwe, kolkii ay duufaantu ku dhufatay koonfurta bari ee dalkaas. Wasaaradda isgaadhsiinta ee dalka ayaa sheegtay in la la’ yahay 40 qof. Duufaantan oo lagu magacaabo Idai, daadadna wadatay ayaa ka dhacday sidoo kale bariga Mozambique, habeennimadii khamiistii waxayna korontada iyo isgaadhsiinta ka jartay dhulalka ku xeeran Zimbabwe. Duufaantu waxay daba socotaa, abaar ku dhufatay qaybo badan oo Zimbabwe ka tirsan, taas oo sababtay in dalagyadii la filayay aysan soo go`in, waxayna taas horseedday in Qaramada Midoobay ay codsi degdeg ah dirto. Source
  24. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu wadaa in goordhow uu qudbad u jeediyo labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan degdeg ah ku leh maanta dugsiga Kaahiye. Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Senatorada Aqalka Sare ayaa lagu wargeliyay xalay inay soo xaadiraan kulanka deg-degga ah ee Baarlamaanka Soomaaliya oo uu hortagayo Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Wadooyinka ku dhow Dugsiga tababarka General Kaahiye ayaa la xidhey iyadoo sidoo kale lagu wado in Madaxweynaha Jabuuti uu xadhiga ka jaro dhismaha safaarada dowladda Jabuuti ay ku leedahay magaalada Muqdisho. . Xildhibaanada ay haatan fasax ku jiraan oo uu xidhan yahay kal-fadhiga 4aad ee Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare. Source
  25. (SLT-Paris)-Dibad baxayaal ayaa boob iyo dhac u geystay dukaamo ku yaalla magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska, dibadbaxyo noocan oo kale ah ayaa dalkaasi ka dhacay afar bilood kahor. Booliiska ayaa dadkaasi u adeegsaday biyo iyo suntan dadka ka ilmeysiisa si ay u kala cayriyaan. In ka badan 120 qof ayayna booliiska xirxireen. Dibadbaxayaasha ayaa ka cabanaya sharci dhanka shaqada iyo shaqaalaha ku saabsan. Waxay booliisku sheegeen in ilaa 10,000 oo qof ay ka qayb qaateen dibadbaxyada ka dhacay Paris, tiradan oo ka badan tirada dadkii ka qayb qaatay dibadbaxyadii dhowaan ka dhacay. Ilaa 32,300 ayaa guud ahaan ka qayb qaatay dibadbaxyada ka dhacay waddooyinka Faransiiska, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha dalkaas. Si kastaba, booliiska ayaa sheegay in 36,000 oo qof ay si nabafd ah uga qayb qaateen mudaaharaadyo kale oo looga oso horjeeday isbeddelka cimilada oo ka dhacay Paris. Wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi Faransiiska Christophe Castaner ayaa sheegay in in ka badan 1,400 oo saraakiil booliis ah la geeyay meelaha ay dibadbaxyadu ka socdaan. Mr Castaner ayaa sheegay inuu booliiska ku amray inay wax ka qabtaan weerarrada aanan la aqbali karin ee ay dibadbaxayaashu geysanayaan. Source