Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,675
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Boosaaso (SMN) – Hay’adda gargaarka ee Khalifa Bin Sayid Al Nahyan ayaa raashiin gargaar ah u qeybisay Qoysas ku nool magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari. Deeqdaasi gargaarka ah ayaa waxaa ka faa’iideystay kumanaan Qoys oo ku dhibaateysanaa gudaha iyo daafaha magaaladaasi. Maamulka Puntland ayaa dowladda Imaaraadka ku amaanay gargaarka bani’aadanimo ee ay gaarsiiyeen dadka taagta daran ee ku dhaqan M/Boosaaso Sarkaal ka tirsan hay’adda Khaliifa ayaa sheegay in raashiinkaasi gargaarka ah ay u qeybiyeen kumanaan ruux oo badankood ah barakacayaal. Sidoo kale waxaana uu intaasi ku daray in ay sii wadi doonaan qorshaha ay deeqaha gargaarka ku gaarsiiyaan dadka danta yar ee ku dhibaateysan halkaasi. Dowladda Isu Taga Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dalalka sida weyn howlaha samafalka uga fuliya gudaha Soomaaliya. View the full article
  2. Madaxweynayaasha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si wadajir ay xariga uga jaray dhismaha cusub ee Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya. Munaasabaddii xariga looga jarayay dhismaha cusub ee Safaaradda Jabuuti oo ay ka qeyb galeen Madaxweynayaasha labada dal, goleyaasha Dowladda iyo diblomaasiyiinta dalalka shisheeye ee Muqdisho ka hawl gala ayaa haatan lasoo gabagabeeyay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goor dhaw khudbad u jeedinaya kulan wadajir ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo ka dhacaya Dugsiga Tababarka Booliiska ee Janaraal Kaahiye. Xarig-jarka safaaradaan ayaa muujineysa horumarka laga sameynayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal, taasi oo labada Madaxweyne ay bogaadiyeen. Source: goobjoog.com
  3. Cadale (SMN) – Ismaaciil Macalin Muuse guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Qaranka oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle ayaa ka hadlay dagaal beeleedyo xoogan oo saacadiihii la soo dhaafay dib uga qarxay agagaarka degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Ugu horreyn guddoomiyaha ayaa ugu baaqay maleeshiyaadka labada dhinac ay si deg-deg ah ku joojiyaan dagaalladaasi. Sidoo kalena wax weliba ay ku dhameeyaan wadahadal iyo deganaan, si looga baaqsado in mar kale dhiig uu ku daato halkaasi. Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Qaranka oo hadalkiisa sii waata ayaa shaaca ka qaaday in colaada ka taagan nawaaxiga degmada Cadale ay soo jiitameysay muddo fog, loona baahan yahay in xiisadaasi laga gaaro xal waara. Ku dhawaad 10 Qof ayaa ku dhimatay, halka in badan 15 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Sh/ Dhexe. View the full article
  4. At least 7 dead and 17 injured after Clan clashes on Sunday morning reported in Middle Shabelle at locations that come under Adale district. Local radios report that the clashes were instigated by clan militias from both sides. Residents said the fighting caused casualties as both militias engaged each other using heavy artilleries. “The clashes have so far caused death and injuries,” a caller from the Buur-Dheere location told Radio Shabelle on the phone. Lower Shabelle authorities were not available for comment by the time of publishing this story. It was only last week when two clan militias disputed over land, causing the death of six people. The fighting was later resolved by local leaders and clan elder. View the full article
  5. (SLT-Muqdisho)-Guddoomiyaha Golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Mogadishu Clan, Maxamed Xasan Xaad ayaa beeniyey warar dhowaanahan aad looga hadal hayey magaalada Muqdisho, oo ku saabsanaa inuu ka hor-yimid dowladda. Wararkan ayaa waxa ay sheegayeen in Xaad uu diyaarinayey kulan weyn oo ay isugu yimaadeen beelaha Mogadishu Clan, loogana soo horjeedo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Wararkaas ayaa sii xoogeystay intii uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ku maqnaa magaalada Kismaayo, ayna jireen warar sheegaya khilaaf madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha u dhaxeeya. Xaad ayaa waxa ay isku beel yihiin ra’iisul wasaaraha. Si kastaba, Guddoomiyaha Golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Mogadishu Clan, Maxamed Xasan Xaad, ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin inuu ka hor-yimid dowladda, kana hor-iman doonin. Nabadoonka ayaa sheegay in wararkaasi ay baahiyeen dad dano gaar ah leh, kuwaasi oo uu ku tartarsiiyay in ay ka waan-toobaan, isla markaana ay ka qayb-qaataan dib u dhiska wadanka. Source
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Inkastoo ay dowladda falcelin ka sameysay arrintaan hadana ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaan wax mushaar ah qaadan afartii bil ee ugu dambeysay, sida ay ogaatay Caasimada Online. Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka iyo wasiirka Difaaca ayaa tagay wasaaradda gaashaandhigga todobaadkii lasoo dhaafay, waxaana jirta in labada mas’uul ay saraakiisha ay uga warbixiyeen sababta ka dambeysa ineysan ciidamadda xoogga dalka helin xuquuqdooda aas-aasiga ah. Haddaba aan falanqeyn ku sameyno sababta keentay, waxaana halkaan hoose idinku sharaxi doonaa saddex sabab oo ay nala tahay ineysan ciidamada ku helin xuquuqdooda. HABACSANAAN XUKUUMADDA AH Inta la xasuusto taariikhda yar ee madaxda hadda talada heysa, ma qaadaan wax tallaabo ah oo ku aadan xal u helidda mushaarka cidamadda, balse waxaan aragnaa iney mar walba ku cel-celiyaan iney mushaarkooda bixin doonaan. Waxaa la fahamsan yahay in xuquuqda ciidamadda aysan mar walba aheyn mid xil la iska saaro amaba loo arko muhiimadda koowaad, waayo waxaan aragnaa in mar walba ay yahiin kuwa ugu dambeeya ee la siiyo mushaarka iyagoo haya shaqada ugu adag. Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha dowladda ayaana kaga horreeya safka mushaar bixinta oo ay ka fakaraan mar walba madaxda hoggaamisa ciidanka iyo Wasaaradda Maaliyaddaba. Sarkaal hore oo aan magaciisa la sheegin ayaa laga hayaa inuu mar u sheegay dowladda iney xuquuqda ciidamada hormariso maadaama ay yahiin kuwa madaxooda lagu noolaado sida ugu badan. DIYAARSANAAN LA’AAN DHANKA CIIDAMADA AH Dhawaan waxaa la hirgaliyay nidaam la sheegay inuu sahlayo habka ay ciidamada ku helayaan mushaarka, waana hab casri ah oo ay ka fakartay wasaaradda maaliyadda dowladda Soomaaliya. Nidaamkaan wuxuu ku dhiiri-galiyay Ciidamada iney sameystaan akoono banki, kuwaas oo ay ku helaan lacagtooda, waxaana la fahamsan yahay ineysan waqtigaan ciidamada u nugleyn nidaamkaan, waxeyna ka jecel yahiin iney gacan qabsi ahaan u qaataan. MUSUQ MAASUQ MUSHAAR Waxaa la fahamsan yahay inuu jiro musuq dhanka mushaarka ah oo ka imaanaya gacan ka hooseysa wasaarada maaliyadda, waana hoggaanka ciidamadda kuwaas oo dowladda ka qaata lacdago ka badan tirada askarta ay maamulaan, sidaas ay tahayna kuwii xisaabnaa aysan xitaa lacagtooda. Arrintaan waxey keentay ineysan askarta qaar helin mushaarkooda maadaama ay gacan kale soo mareyso, sidoo kalana dowladdu maahan mid heysata dakhli ku filan. Sarkaal hore oo ka tirsan ciidamada ayaana kula taliyay dowladda inay tirakoob sax ah iyo hubis ku sameyso tirada ciidamada, sidoo kalana ay dabagal ku sameeyaan lacagaha ay bixiyaan ee lagu sheego in ciidamada lasiiyo. Dhammaan arrimahaan aan kor kusoo sheegnay waxey hoos imaanayaan musuq-maasuqaa ay xubnaha ugu sarreeya dowladda sheegeen iney la dagaalami doonaan, waxaana muuqata inaan wali laga guul gaarin. LACAGTII MUSHAARKA OO MEEL KALE LOO ISTICMAALo Dowladaha soo maro dalka ayaa lacagaha mushaarka loogu talagalay Ciidamada iyo Shaqaalaha kale ee Dowladda u isticmaalo meelo kale, sida loolan dhanka Doorashada ah, Xallinta Khilaafaadka soo kala dhexgalo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda maamul Goboleedyada. Dowladda hadda jirta ee Farmaajo, waxaa qarash badan uga baxay dagaalkii siyaasadeed ee Koonfur Galbeed iyo dagaalladii kale ee ay la gashay maamul goboleedyada. Waxaa sidoo kale jirta in dowladda ay lacag badan ku bixiso siyaasiyiin, suxufiyiin iyo dadka caanka ka ahn baraha bulshada, kuwaas oo lacag lagu siiyo kaliya inay dowladda ammaanaan, kana ilaaliyaan dhaliisha. Xafiiska warfaafinta Villa Somalia ayaa miisaaniyad badan ku qaataa sidii uu u laaluushi lahaa warbaahinta iyo shaqsiyaadka caanka ka ah baraha bulshada. Waxaa xitaa jira warbaahin bishii kumanaan dollar qaadata, iyo dad facebook ka qeyliya oo bishii qeyladaas ku qaata lacag 500 illaa 1000 dollar ah, halkas askariga dagaalka ku jira loo la’yahay 100 dollar. Taas ayaa keentay inay Ciidamada Dowladda Mararka qaar waayaan mushaarkooda, waxaana tusaale kuugu filan inaysan Ciidamada hadda muddo 4 bil ah aysan wax mushaar ah ka helin Dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Tehran (SMN) – Dowladda Iran ayaa Markab nuuca dagaalka ah u soo dirtay gacanka cadmeed, si ay ugu hortagto weeraro kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ay ka geysan karaan halkaasi. Sarkaal ka tirsan ciidamada badda Iran ayaa sheegay in roondooyin joogto ah uu ku sameyn doono Babel Mandab oo ah marin isku xira gacanka cadmeed iyo badda cas. Gacanka cadmeed oo ah marin ay maraan Maraakiib badan ayaa waxaa ka jirta cabsi ku aadan in kooxaha Burcadbadeeda ay weerar ku qaadi karaan. Iran ayaa sheegtay in muddadii ay ku jireen howlaha la dagaalanka Burcadbadeeda somaliya ay ka hortageen weeraro dhowr ah oo ay soo qaadeen kooxahaasi Ciidanka badda Iran ayaa 2008 bilaabay howlaha ilaalinta biyaha Soomaaliya, xilligaas oo Burcadbadeeda ay qafaasheen markab laga lahaa dalkaasi. Golaha ammaanka ee QM ayaa hore u ansixiyay qorshe wadamada qaarkood ay howlaha ka dhanka ah Burcadbadeeda ka sameeyen karaan biyaha Soomaaliya. Inkastoo la wiiqay awoodii Burcad badeeda ayaa waxaa hadana qaar ka mid ururada la dagaalanka kooxahaasi ay ka digeen halistooda oo weli weeraro ku qaada Maraakiibta marta meelo ku dhow biyaha Soomaaliya. View the full article
  8. Dadkii ku geeriyooday Weerarkii lagu qaaday labada Masjid ee Dalka Newzealand ayaa wali eheladoodii ay sugayaan si ay u aastaan. Raysal wasaarada Newzealand Jacinda Ardern [...] Source
  9. Garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaaso oo ay dhismihiisu maal galisay Shirkada laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa waxa ay wasaarada duulista hawada Puntland sheegtay in duulimaadyadii [...] Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan) oo ka mid ah mudaneyaasha golaha guurtida ayaa si adag uga soo horjeestay tallaabo ay shirkadda DP World qaaday oo ka cadhaysiisay ganacsada wax kala soo degta Dekedda Berbera, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. Cadaale (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku warramayaa in saacadihii la soo dhaafay dagaal beeleedyo dib uga qarxay deegaano hoostaga degmada Cadale ee gobokaaasi. Dagaalka oo saaka ka bilowday deegaanada Koobaar iyo Burdheere oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay dagaalladaasi. Waxaana uu sheegay in ay ku dhinteen illaa 7 Qof, kuna dhaawacmeen 15 kale oo isugu jiray maleeshiyaadka labada dhinac iyo dad shacab ah. Illaa iyo hadda ma jirto cid kala dhexgashay maleeshiyaadka dagaalamaya, iyadooan a haatan xaaladdu ay tahay mid kacsan. View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-17032019.mp3 View the full article
  13. (SLT-Hargaysa)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti ballaadhan oo uu hoggaaminaayo Mr. Steven Lauwerier oo ka socda hay’adda UNICEF oo uu wehelinaayo Yahaya Balima oo ah madaxa xafiiska Unicef ee Somaliland. Safarka uu Steven Lauwerier ku yimid Somaliland ayaa ah indho indhaynta hawlaha ay UNICEF ka wado gudaha Somaliland sida ay u socdaan iyo halka ay marayaan, madaama oo wakhtigii loo magacaabay xilkani uu yahay gabaabsi dhawaana laga bedeli doono xafiiska Unicef ee Somaliland iyo Soomaaliya uu ugu magacawnaa Mr Steven. Waxa kale oo kulankaasi lagaga wada hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa hawlaha samafal ee hay’adda UNICEF ka waddo gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, isaguna uu ugu sii wareejin lahaa cida ka bedeli doonta xafiiska. Madaxweyne ku xigeenka waxa kulankaasi ku wehelinaayey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Somaliland. Maxamed Cali Bile iyo Ergayga Gaarka ah ee u Qaabilsan Somaliland Qaramada Midoobay, Maxamed Warsame Ducaale. Source
  14. Andrew Graystone oo Reer Manchestar ah, waa Dalka Ingiriiskee ayaa wuxuu yiri ” Markaan maqlay weerarkii Axmaqnimada ahaa ee lagu qaadey laba Masjid oo ku yaal [...] Source
  15. Wasiirka wasaarada duulista iyo hawada ee dowladda Puntland Xuseen Cismaan Lugatoor ayaa sheegay in duulimaadyadii garoonka diyaaradaha ee Dubai iyo Bosaaso loo wareejiyay magaalada Garoowe [...] Source
  16. Haadka aynu marno oo gebi ahaanba ah mid khaldan Bacda madow oo darawalka cidhiidhi gelisa iyadoo hadda la marayo in xataa muraayadda hore lagu dhajisto. Waddooyinkeena oo aad u dhuudhuuban dhanka ballaca Waddooyinkeen oo aad u burbursan oo wada godad ah Masuuliyadda wadayaasha baabuurta oo aad innoogu yar Sharciyada nabadgelyada waddooyinka oo ah kuwo aad jilicsan Ku dhawaad 30 oo aynu dawlad nahay wax la taaban karo kamaynaan qaban arrimaha shilalka gaadiidka, sannad kastana kumanaan qof ayay galaaftaan shilalku, mana muuqato rajo wax ka qabasho, maadaama aanay ganaax iyo ciqaab culus ka baqaynin wadayaasha gaadiidku waa kuwo u socda si xilkasnimo darri ah gudaha magaalooyinka iyo dibaddaba, intaa waxa raacda wali baabuurteenu aad bay u koobanyihiin marka loo eego dalalka jaarka ah, haddii qorshexumidu sidan u sii socoto mushkiladduna way sii koraysaa uun, naf baxaysa lama joojin karo oo saacaddeeda ma dhaafayso , laakiin haddii aan arrimaha kor ku xusan wax la iska waydiin maalin kasta mayd ayaynu sii sidi doonnaa iyo tacsi is daba joog ah, Yuusuf Cabdi Maxamed Source
  17. Dadka siyaasadda DABA-GURA EE MASHQACEEYA wax walba wey u cad yihiin in oo wadanku WUU Ka baydhay Somaliland nimadii biyo geeddi socodkii laga soo bilaabo 2010kii. Xukuumaddii uu Siilaanyo Ka xanuunsaday in hantida guud Xukuumada laga wareejiyo oo hanti shakhsiyaad loo bedelo siyaasadda Xukuumadda Kulmiye ayey ahayd welina waa sidii. Madaxweyne Muse waxa qudha UU kaga duwanyey Xukuumadi Silaanyo Ka xanuunsaday waa qasnadaha uu Ka handraabtay Madaxa Xukuumadiisa waayo isaga waxaa Ka Goan inuu ciiidamada Kala duwan dhiso. Ayaan dhaw madaxda Police Ka Kala bedel baa KU Soo socda oo Kuwan KU raagay shacabkii lagu caddaadinaayey wey fahmeen. Saami qaybsigu intuu sidaa yahay a ha sugina Inay siyaasadda Gudaha IYO ta debeddu hagaagto iyo in Xukuumad la wada leeyahay la dhiso markaa reer SOMALILAND oo dhami waa Inay indha Kala furaan oo waxa soconaya xaalad xaalad ula socdaan. Shirkii Gacanlibaax wixii Ka soo baxay iyo heshiiskii beenbeenta ahaa ee Xukuumadii Siilaanyo Ka xanuunsaday iyo khaaatumo wada galeen wixii Ka soo baxay waa (identical) sinaba loo yeeli maayo markaa in Xukuumada labadan Askari ninkii isbedel Somalilanimo Ka sugaa waa qof riyoonaya baan anigu qabaa. Toos u jaleeca wadadaynu soo marray sideedii sano ee u dambeeyey. Heshiisyadii Dekedda iyo Saldhiga Carabta iyo Ethiopia la siinayo, doorashadii Baarlamaanka, Doorashadii Madaxweynaha, Doorashadii dawladaha hoose, wasiiradii Xukuumaddii Siilaanyo Ka xanuunsaday siday xeridii lagu khiyaamaynayey oodda uga Soo daateen ee mudada indha sarcaadka loo dhigayey , xisbigii ucid sidii Faysal looga iibsaday waxa soo socdaa waa waxaa iyo wax kasii daran ee waa Inay REER SOMALILAND maanta la xisaabtamaan xukuumadda joogta HADDII kale burburbaa soo socda. Somaliland sidan adduunka kaga mid noqonayaa a ma jirto waayo ummad meel u wada socota oo wax wada leh maaha maanta. Dhaqdhaqaaqa Sool iyo sanaag Ka socda codka bulshada Ka Soo baxayaa wuxuu leeyey Maamulka Hargeysa ee aan ummaddu u sinnayn doonimayno maaha cod Jabhadeed ee waa codka shacabka KU NOOL Sool IYO Sannaag boqolkiiba sideetan . Beesha dhexe waa ogyihiin dawladda iyo Xukuumadda labada midba kama dhexeeyo oo looma sinna, rajo midaynta ummadda oo muuqataana ma jirto MARKAA maanta ummaddu way qaybqaybsantay Kulmiye ayaa qayb qaybiyey. Xaalaadda indhaha ha lagu hayo. M Bashe qoranebashe@gmail.com Source
  18. Afrika waxa u horeeya xaga maamul daadajinta iyo hufnaanta shaqo waa dalka Ruwaanda. dalalka la barayo maamul daadajinta waxa aqoon korodhsi loo geeya Ruwaanda mararka qaarkood siminaarada hay’aduhu bixiyaan waxay shaqaalahooda iyo cida shaqo wanaaga barayaan waxa la geeya Ruwaanda. Marka ilaahay jidka fiican kugu ridayo wuxu ka soo saara hogaamiye wanaagsan oo tubta toosan kugu ridda. Faa’iidada maamul daadajinta: Faa’iidadda maamul daadajinta leedahay waxa ka mid ah madaxweynaha, ama wasiirka ama masuulka shirkadda haysta waxay ka yaraysaa culayskii isaga ku dhicii lahaa. Madaxweynaha ama wasiirka nidaamkaasi sameeyaa waxa u qabsoomay wax badan oo uu ku faanni karo. Dadka loo shaqaynayaa faa’iido badan bay ka helayaan oo marna waxqabadkaasi shacabkay gaadhaysa marna qof kasta oo adeeg u doonta isagoo faraxsan oo mabsuud ah ayuu ka soo baxaya. Qofka madaxda ah ee maamul daadajin u sameeyaa shaqadiisa, waxa uu ku raacaystaa shaqada, isla markaana wuxuu noqdaa hogaamiye dadkiisa hanta. Sidee buu qofku shaqada ama maamulka u daadajinayaa: Tusaale ahaan, Madaxweynuhu marka uu shaqada bilaabo wuxuu wasiirka ka dalbanayaa sanadka soo socda waxa u qorshaysan ee uu qabanayo, wasiirku wuxu amra agaasimihiisa inuu diyaariyo qorshihii sanadka la qabanayey, agaasimuhu wuxuu amraa agaasime waaxeedyadiisa, agaasime waaxeedkuna waxay amrayaan shaqaalihiisa inay diyaariyaan waxay qabanayaan sanadka soo socda. Ka dibna waxa soo baxaysa maalin walba waxa la qabanayo, sida u kala sareeyaan baa la isku maamulayaa oo mid waliba ka ka hooseeya ayuu shaqadiis ku ilaalinayaa. Shaqaale hoosaadku shaqadii uu maalintii qabanayo wuxu u gudbinaya kii ka sareeyey, illaa ay gaadho ka ugu dambeeya ee ugu sareeya meesha, waxaana shaqada loo kala jajabinayaa maalintii, todobaadkii, bishii iyo sanadkiiba. Marka uu masuul waliba qofkii ku haboonaa dirto waxa soo baxay shaqo wanaag iyo wax qabad muuqdo oo la qabtay. Madaxweynuhu marka uu sadex bilood ba mar yidhaahdo wixii idiin qabsoomay soo gudbiya, waxa soo baxaysa in shaqadii loo igmaday ka soo baxeen iyo in dayaceen shaqadoodii. isla xisaabtan kaasi ayey wax ku qabsoomayaan, dadkuna iskuma dhuumanayee qof walba waa la ogyahay waxay tahay shaqadiisu inuu qabtay iyo inuu caajisay labadaba waa lagula xisaabtamayaa. Aduunyada waa la casriyeeyey shaqadii uu agaasime waaxeedku ama agaasimaha guud wuxuu si toos ah computerkiisa uga arkaya shaqada socota, isagoo xafiisba kormeerin buu computerkiisa ka arkayaa qof waliba shaqada uu hayo inuu maalintaasi dhameeyey iyo inaanu qaban, ka dibna qof walba adigoo u kicin baad waydiinaysa sababta shaqadaas u taalla u dhamaystiri waayey ama shaqo maalmeedkiisa u qorshaysnaa muxuu u qaban waayey. Hadii isla xisaabtankaasi dalka laga hirgaliyo muddo gaaban ayeynu dalalka horumaray ku gaadhi karnaa, inaga nasiib darada ina haysataa waxay tahay shaqaalaha dawladda qofna ma garanayo waxa uu qabto siduu baraha bulshada u isticmaalayo ayuu kaga rawaxaa, taasi waxay dhibaato ku tahay shacabkii adeega usoo doonto xafiisyada dawlada, waana ta keentay in qofku dhibsado hadii xafiis dawladeed hawlo ka gallaan. Ta labaad qof waliba xafiiska uu joogo ayuu dadka ku gumaystaa oo uu u haystaa inuu isagu leeyahay, waayo cid isaga la xisaabtamaysa ma jirto, isna cid uu u naxaya ma jirto. Wixii wanaagsan waa la iskaga daydaaye ma sidaas baynu ku shaqaynaya mise sideenii hore ee dib u socodkaynu iskaga wadanaa? Source
  19. Waxan halkii ka sii waydaynnaa qaybtii labaad ee mawduuca kor ku xusan: ZINE EL ABIDINE BEN ALI (TUNISIA: 1987-2011) Zine El Abidine Ben Ali wuxuu ahaa madaxweynaha Tunisia laga soo bilaabo 1987 ilaa 2011. Ben Ali, wuxuu qabsaday madaxweynenimada afduubka dhiigga, bil kadib markii loo magacaabay ra’iisul-wasaaraha. Waxa uu Tunisia hoggaamiyey 23 sano ka hor intii aanu ka degin January 2011 sababo la xidhiidha dibad-bax ballaadhan oo dalbaya inuu ka baxo. Wanna halkii ay ka bilaabantay dibadbaxyaddii carabta oo dhan hadheeyey ee la baxay gu’gii carabta (Arab spring). Horaantii Tunisia waxay ku naaloonaysay xasiloonida iyo barwaaqada dhaqaale oo ka dhigay dal isku filan balse hogaamintii Ben Ali ayaa noqotay mid dalkaasi u horseedday in uu noqdo gabi ahaaba gaabis dhalinyaraddii noqoto bilaa camal.Sanadkii 2012-ka, isaga oo ku jira xabsi ,waxaa lagu xukumay xabsi daa’im ah doorkii uu ku leeyahay dilalka mudaaharaadayaashii kacdoonka 2011-kii taasoo keentay inuu ka baxo awoodda. Dhibaataynta, si xun u isticmaalka dhaqaalaha dadweynaha, xakamaynta siyaasiyiinta ka soo horjeeda waa qaar ka mid ah ficiladdii galaaftay. YAHYA JAMMEH (GAMBIA: 1994-2017) Yaxya Jammeh ayaa awoodda ku qabsaday inqilaab aan dhiig ku daadan sannadkii 1994-tii. Jammeh intii uu xukunka hayey wuxuu qabtay dooorashooyin aan la odhan karo ciddi kulama taratamin. Wuxuna kasbaday mucaaridad dhinac walba ah ka dib doorashadii guud ee 2016-dii eek u dhawaaqadeedu muranka dhalisay wuxuu diiday in Adama Barrow, yahay madaxweynaha cusub waxana la yaab noqotay in uu ku qanci waayey guuldaraddii doorashada. Dhawr toddobaad oo uu diidanna natiijadda doorashada, wuxuu ugu dambeyntii ka tagey Gambia oo dibedda u dhoofisay wuxuu magangalyo ka helay Equatorial Guinea kadib markii cadaadis ay saareen Midowga Afrika, Ecowas, iyo Qaramada Midoobay. Muddadii 23kii sanadood xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee xoogan ayaa calaamad u ah nidaamka Yahya Jammeh, waxa kale oo sheegan jiray in uu daaweeyo cudurka AIDS-ka sidoo kale Yaxya Jammeh ma aanu jeclayn inuu arko kiniisadaha kiristanka marwalbana wuxuu ku hanjabi jiray in galbeedka afrika laga saari doonno heerka xoogaysanaya ee kiniisadaha. Charles Taylor Madaxweynihii laybeeriya wuxuu ahaa madaxweynihii 22 ee soo mara dalka laybeeriya ee galbeedka afrika dhaca. Charles taylor wuxuu xukumayey muddo gaaban marka loo eego madaxdii kale ee aanu soo xusnay 1997—2003.Taylor wuxuu hogaaminayey jabhaddii NPF( National Patriotic Front) waxanna lagu eedeeyey in uu gaysatay dambiyo ka dhan ah binu aadamka muddadii dagaalkii sokeeye ee dalkaas 1991 ilaa 2002 ka dibna waxa faldambiyeedyo ku heshay maxakamada dambiyada ee dagaalka ee Hague waxanay ku xukuntay 50 sanno oo xadhig ah. Laurent Gbagbo Laurent Gbagbo wuxu xukunka wadanka Ivory Coast qabtay 26 October 2000ilaa laga soo gaadheyey 11 April 2011 ka dib doorashooyinkkii waddankaas ka dhacay dhamaadkii 2010kii waxa lagu tilaamaa hogaamiye kalitaliye ah oo soo maray dalkas. Muddooyin tobanaan sanadood ah wax waddankaas ka jiray dagaalo sokeeye ka dib mudadaas waxa ku dhintay dad tiradoodu ka badan tahay kumanaan. Laurent Gbagbo waxa soo xidhay maxakamada dambiyada dagaalka ee ICC dambiyada lagu soo oogay waxa ku jira xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda binu aadamka. Pierre Nkurunziza Madaxweynaha Burundi wuxuu xilka qabatay sanadkii 2005. waa hogaamiyaha (NCDD-FDD) National Council for the Defense of Democracy – Forces for the Defense of Democracy wuxu waddanka u maamulaa sida kalitaliyaha ilaa muddaddas in ka badan laba bilood oo mudaharaadyo lagu diidan yahay ka socdeen waxa bishii May 2015 isku day inqilaab fuliyey qaar ka mid ah saraakiil milatari xaladaas waxana ku dhintay in ka badan boqolaal qof. Pierre Nkurunziza wuxuu qabtay doorasho July 2015 kaas oo dib luugu doortay. Haddaba gabagabaddii Waxaa jira waddamo badan oo Afrikaan ah oo leh dimuqraadi firfircoon oo xor ah xitaa kali taliyayaashii hore sida oo kale Waxaa jira waddamo badan oo Afrika ah oo madaxweynayaashu ay ka tageen awood dhammaadka muddo xilleedkooda. Wadamada sida Nigeria, Tansaaniya, Ghana, Botswana, Namibia, Koonfur Afrika, Malawi, Zambia,Kenya dhamaan madaxweynuhu wuxuu ka tagay awood ka dib guuldaradii doorashadii ama dhamaadkii muddo xilleedka. Xisbiyada mucaaridka ayaa doorweyn ka qaata hanaanka isbedelada ee waddamadooda iyana waxa jira oo aanu soo qaadan karaa xisbiyo mucaarad ah oo ku guuleeystay doorashooyinkii dalalkaas ka dhacay Hogaamiyayaashii hore ee mucaaradka ee hadda awoodda ku leh Galbeedka Afrika waxa ka mid ah: 1.Patrice Talon, Benin Nano Akufo-Addo, Ghana Alassane Ouattara, Ivory Coast Muhammadu Buhari, Nigeria Macky Sall, Senegal Ernest Bai Koroma, Sierra Leone Ujeedada aan uga dan leeyahay qormadan waxa weeye in aan dadkayga la waddago in ay qaaradda afrika jooggan amase ay soo mareen hogaamiyayaal, madaxweynayaal, boqortooyooyin jecel xukunka iyo halka ay ku dambeeyaan. Dhamaad… W/Q:Saleban Mohamed Ismail ( Baxraawi) Telephone: 063-4509376 ama 063-424-328-3 Email. baxrawi@gmail.com Source
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta si Wadajir ah u furay safaaradda Jabuuti ee Muqdisho. Munaasabad kooban oo lagu qabtay Xarunta Safaarada oo ku taalla degmada Cabdul Casiis ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha labada dal, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda iyo sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Xasan Aadan Samatar, Axmed Cali Cigaal iyo Cawaale Aadan Daahiye ayaa goobta ka qaadayay Heeso Wadaniyad ku dheehan tahay, waxaana aad loo adkeeyay amaanka magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Jabuuti oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa shaaciyay ahmiyadda ay leedahay inay dib u furtaan Safaaradda Jabuuti ee dalka Soomaaliya. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa u mahadceliyay dowladda Jabuuti Taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Madaxweynayaasha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si wadajir ay xariga uga jaray dhismaha cusub ee Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya. Jabuuti ayaa safaarada ugu weeyn dunida marka laga soo tago dalka Turkiga ka sameeystay Muqdisho. Degmada Cabdi Casiis meel aan ka fogeyn xeebta liido ayeey Jabuuti ka sameeystay safaarad. Puntland Post The post Madaxweyne Geelle oo xariga ka jaray xarunta cusub Safaarada Jabuuti appeared first on Puntland Post.
  22. The main streets of Somalia’s capital, Mogadishu remained closed for the second consecutive day after Djibouti president, Ismail Omar Guelleh arrived in the city on Saturday. Somali police and military personnel were deployed on the roads who halted the public transport since Saturday in an effort to avert Al-Shabaab attacks during Guelleh’s visit. The local residents in Mogadishu said they fed up with the frequent road closures by the government forces who show no mercy to the students and elderly people. The city has been hit by devastating car bomb blasts in the past few months as Al-Shabaab stepped up its attacks targeting government buildings and upscale hotels. View the full article
  23. Muqdisho (SMN) -Madaxweynayaasha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si wadajir ay xariga uga jaray dhismaha cusub ee Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya. Munaasabaddii xariga looga jarayay dhismaha cusub ee Safaaradda Jabuuti oo ay ka qeyb galeen Madaxweynayaasha labada dal, goleyaasha Dowladda iyo diblomaasiyiinta dalalka shisheeye ee Muqdisho ka hawl gala ayaa haatan lasoo gabagabeeyay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goor dhaw khudbad u jeedinaya kulan wadajir ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo ka dhacaya Dugsiga Tababarka Booliiska ee Janaraal Kaahiye. Xarig-jarka safaaradaan ayaa muujineysa horumarka laga sameynayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal, taasi oo labada Madaxweyne ay bogaadiyeen. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  24. Guddomiye ku Xigeynka 1-aad ee Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa shalay gelinkii danbe gaaray Magaalada Baydhabo ee Maamul Goboleedka KOONFUR GALBEED. Qorshaha safarka waxa uu qeyb ka yahay dadaalada ay madaxda xiriirka kubbadda cagta ku doonayaan in ay ku hormariyaan xiriirada Maamul Goboleedyada si wadajirna loogu wada shaqeeyo horomarinta kubbadda cagta Soomaaliya. “Safarkeenna waxa uu sahan u yahay in aan ku soo kormeerno qaabka ay u shaqeeyaan wasaarada ciyaaraha iyo xiriirka kubbadda cagta Koonfur Galbeed iyo in aan dhagaysano madaxda ciyaaraha deegaanka si wax lloogu qabta baahda jirrta iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin in laga taageero”waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo ah guddomiye ku xigeynka 1-aad ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta. Guudoomiye Cali Shiine waxaa safarka ku wehlinaya Abukar Islow Xasan oo ah guddomiye ku xigeenka horomarinta iyo kor u qaadida xiriirada kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo xiriirka Soomaaliyeed. “Bishii Janaayo 2019 waxaa socdaal shaqo ku tagay magaalada Kismaayo ee Maamulka Jubaland waxa aan soo kormeeray xafiisyada shaqada wasaarada ciyaaraha iyo xiriirka kubbadda cagta Jubaland,booqashadane waa mid aan ku doonayno in aan Maamul Goboleedyada gaarsiino adeegyadii lagu horomarin lahaa kubbadda cagta”waxaa sidaas Goobjoog Sports uga waramay Cali Shiine. Si kastaba 2019 Xiirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta waxa ay qorsheenayaan in Maamul Goboleedyada aan haysanin garoomada kubbadda cagta ayaa kala qeyb qaataan dib u dhiska iyo kor u qaadida aqoonta kooxaha iyo garsoorayaasha si ay u gaaraan meel wanaagsan. Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  25. Iyadoo uu socdo qorshaha dalkooda dib loogu celinayo Soogalootiga Ethiopian-ka ah ee ku sugan gudaha Puntland ayaa dhanka kale waxaa si xawli ah ku socda muhaajiriinta Oromada u badan ee ku soo qol-qolaya Puntland. Muhaajiriinta Ethiopian-ka oo socod dheer ku sii mara jidka laamiga ah ee u dhexeeya magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso ayaa la sheegayaa in saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ay mar kale buuxiyeen qeyba kamid ah magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Dad lagu qiyaasay 300 oo muhaajiriin u badan qowmiyadda Oromada ayaa sabtidii shalay iyo maanta oo Axad ah gaaray magaalada Boosaaso sida ay warbaahinta Puntland Post u sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga gobolka Bari. Muhaajiriin kale oo aan qiyaas sugan laga hayn ayaa iyagana la sheegaya in weli ay sii qol-qolayaan laamiga u dhexeeya Garoowe iyo Boosaaso. Qaar kamid ah dadkaasi ayaa u sii gudba dhinaca dalalka Carabta gaar ahaanna waddanka Yemen iyo boqortooyada Sacuudi Carabiya halka qaar kalena ku negaadan gudaha Boosaaso. Puntland ayaa todobaadyadii u dambeeyay dalkooda ku celisay soogalooti Ethiopian ah oo u badan qowmiyadda Oromada kuwaasoo qaarkood iskood u go’aansaday in ay laabtan sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland. The post Muhaajiriin horleh oo ku soo burqaday Puntland appeared first on Puntland Post.