-
Content Count
207,689 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Adis Ababa (Caasimadda Online) – Waxey saxaafadda dalka Itoobiya hadal hayaan in shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ay dooneyso iney ku dhaqaaqdo tallaabo dib usoo celin karta kalsoonida macaamiisheed iyadoo lacago magdhaw ah siin doonta dadkii ku geeriyooday shilkii diyaaradeed ee 10-kii Maarso ka dhacay meel u dhaw Adis Ababa. Waxey warbaahinta caalamka isku raaceen in 157-qofood oo saarnaa mid ka mid ah diyaaradaha ay leedahay shirkadda Ethiopia Airlines oo u kala dhashay 35 wadan oo caalamka ah ay geeriyoodeen, sidoo kalana waxaa musiibadaas ku jiray lix qofood oo Soomaali ah balse qaarkood watay dhalashada waddamo kale. Diyaaradda waxey ku wajahneed magaalada Nairobi ee dalka Kenya, balse burburkeeda ayaa yimid markii ay lix daqiiqo kaliya ka duushay garoonka, waana mid ka mid ah dhacdooyinka la xasuusan doono ee geeska Africa ka dhacay sanadkaan. Qoysaska dadkii ku geeriyooday shilkaan ayaa heli kara lacag cadadkeeda lagu sheegay 17 ilaa 25 Milyan oo Doolar, waxaana si hoose loo helay in dhawr meelood lagu jaangooyn doono sida loo bixinayo lacagta – dhanka da’da, shaqada iyo booska ay kaga jireen nolosha reerkooda ayaana loo cuskan doonaa. Sarkaal sare oo ka tirsan shirkadda ay diyaaradda ka burburtay ayaa ka dhawaajiyay sidoo kale in hanaanka caalamiga ahna uusan meesha ka marneyn: “Xeerarka caalamiga ah ayaa lagu saleyn doonaa Magdhawga”. Sidoo kale sarkaalkaan oo aan magaciisa la sheegin ayaa xaqiijiyay in muddo 18 bilood gudaheed ah ay ku bixin doonaan lacagaha magdhawga ah. Baaritanno ayaa socda wali kuwaas oo la doonayo in lagu ogaado sababta ka dambeysay iney dhacdo diyaaraddaas, balse nasiib darro wali lama ogaan sababta rasmiga ah. Sidoo kale warar aan lagu kalsoonaan karin ayaa sheegaya in xogtii laga soo saaray sanduuqa madow ee ay diyaaraddu leedahay isla markaana lagu aruuriyo xogaha diyaaradda, waxaana la helay sanduuqaas maalintii xigtay maalinka musiibadu dhacday. Caqabad weyn ayaa soo food saartay shirkadda diyaaradaha Ethiopia Airlines taasoo loo tixgeliyo iney ka mid tahay diyaaradaha ugu tunka weyn adeeg ahaan ee geeska Africa, dadyowga ayaana mar walba weydiiya sida uu yahay bad qabka qofka isticmaala adeegooda, walow hakad la galiyay dhamaan wixii shaqo duulimaad ah oo ay shirkaddaan ka fulineysay daafaha caalamka. Caasimada Online Xafiisa Muqdisho Caasimada@live.com
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Fanaanka weyn Xasan Aadan Samatar oo ka qeyb galay xaflad Casho sharaf ah oo Muqdisho loogu qabtay wafdigii madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa jeediyey hadal abuuray hadal-hayn badan. Xasan Aadan Samatar, ayaa aad u ammaanay marwada koowaad ee Jabuuti Khadra Maxamuud Xayd, hase yeeshee maamuuskii ana lahayd siin marwada koowaad ee Soomaaliya Saynab Cabdi, markii uu magacaabayey. “Waxaan salaamayaa marwada koowaad ee Jabuuti iyo marwada Farmaajo” ayuu yiri Xasan oo marwada koowaad ee Soomaaliya aan siin maamuuskeeda, ku qeexay kaliya marwada Farmaajo. Hase yeeshee, Xasan oo sanooyinkii dambe ku noolaa Jabuuti, wuxuu sheegay in marwada koowaad ee Dalka Jabuuti ay wax badan garab taagan tahay Fanka iyo Fanaaniinta, Markuu in Cabaar ah waday ammaanta marwada koowaad ee Jabuuti, ayaa dhagta wax loogu sheegay oo la xasuusiyey marwada dalka, wuxuuna ugu yeeray magaceeda isaga oo raali gelin siiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Soomaalida baraha bulshada ayaa fasiraado kala duwan ka bixiyey hadalka Xasan Aadan. Qaar ayaa ku sheegay inay daacad ka ahayd oo ay ka tan badan tahay wixii ay u qabatay Khadra Xayd, halka qaar ay ku qeexeen farriin uu u dirayo Villa Somalia oo ah inay dayaceen fankii Soomaaliya. Hoos ka daawo Xasan Aadan Samatar Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-New Zealand)Ninka lagu tuhunsanyahay inuu gaystay weeraradii masaajidka ee ka dhacay dalka New Zealand ayaa warqad email ah u diray raysal wasaaraha dalka NZ , kahor daqiiqado markii uu weerar uu ku qaaday masaajidka , kaasi oo ay ku geeriyoodeen konton qof oo ahaa muslimiin cibaadaysanayay xiliga weerarka uu dhacayay. Inkaar Qabihii Muslimiinta ku laayay New Zealand Ninkan ayaa warqaddiisa kaga hadlay waxa uu ugu yeeray ajaaniibta soo duushay, sida ay sheegtay raysal wasaaraha New Zealand Ardern . Waxaa ay xustay xafiiskeeda iyo xafiisyo kalle inuu ninka weerarka lagu tuhunsanyahay uu email usoo qoray oo uu ugu yeeray Manifesto, sagaal daqiiqo kahor xiliga weerarka uu dhacay, iyadoona ay sheegtay inaanay u suurto gelin inay qaadaan ficil ay ku joojinayaan xasuuqaasi. “Ma’ uusan sheegin madasha uu joogo, mana bixin wax faahfaahin ah, haddii aan talaabo qaadi lahayn? ayay u sheegtay iyadoo saxaafadda la hadlaysay. “Waxaan helay ilaa dhowr email oo sodomeeyo ah, sagaal daqiiqo kahor xiiga weerarka uu dhacay, waxaana ku jirtay mid iiga timid guddiga amniga ee baarlamaanka” ayay tiri iyadoo intaasi ku dartay daqiiqado kadib inay sii xigtay weerar dhacay iyo nin xabsiga ay dhigeen booliska oo falka ku eedaysan. Raysal wasaaraha ayaa la kulantay goor sii horaysay ehelada bulshada Muslimiinta ee magaalada weerarka uu kadhacay ee Wellington. Weerarkan dhacay jimicihii ayay ku sheegtay mid argagaxiso, waxaana lagu tilmaamay inuu ahaa kii ugu ba’naa ee ka dhaca dalka NZ , iyadoo ammaanka dalkaasi aad sare loogu qaaday si looga hortago weeraro la mid ah inay dhacaan. Source
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-17032019.mp3 View the full article
-
(SLT-London)Liverpool ayaa guul kasoo gaadhay kooxda ree London ee Fulham kulan xiiso badan oo labada dhinac ku dhex maray Craven Cottage kaas oo ay goolasha Reds guusha u horseeday ay dhaliyeen Sadio Mane iyo James Milner halka goolka Fulham uu dhaliyay Ryan Babel. Guushan ayaa kooxda Jurgen Klopp ka caawinaysa inay si kumeel gaadh ah ugu laabtaan hoggaanka horyaalka oo ay haatan laba dhibcood kaga sii hayn doonaan Manchester City oo uu baaqi u yahay kulanka Manchester Derby ee ay booqanayso Man United. Shaxihii Labada Kooxood Ee Kulankan Fulham Liverpool Falanqaynta Guud Ee Kulanka Labada kooxood ayaan wax fursado ah oo xoogan muujin bilawga ciyaarta balse waxa isku dayo aan badnayn sameeyay xiddigaha kala ah Mohamed Salah, Joel Matip iyo Jean Michael Seri. GOOAL: fursadii ugu horreysay ee dhab ah ee kulankan ayaa noqotay mid shabaqa gaadhay, Sadio Mane ayaa kasoo xarooday garabka bidix isaga oo baas u dhiibtay Roberto Firmino kaas oo isna baas u furay Mane oo inta badan xiddigaha labada kooxood kula dhex jira xerada ganaaxa waxaana uu weeraryahanka ree Senegal kubad ku hubsaday goolka Fulham. Goolkan ayaa ah midkii 17-aad ee uu horyaalka ka dhaliyo Mane waxaana uu halkiisa kasii wada bandhiga duufaanta ah ee uu soo waday kulamadii ugu dambeeyay. Intaa kaddib Salah oo dhawaanahan isagu waayay burjigiisii gool dhalinta ayaa isku dayay inuu darbad la beegsado shabaqa goolhaye Rico balse waxa uu ku fashilmay inuu kubadda dhaafiyo goolhayaha ree Spain. Robertson ayaa markiisa kubadda ku laagay goolka Fulham balse goolhayaha kooxda ree London ayaa si sahlan ku xakameeyay kubadda. Qaybta hore ee kulanka ayaa kusoo dhammaatay 0-1 ay hoggaanka ku haysatay kooxda Liverpool, Waxa xusid mudan in 45-kaas daqiiqo ay ahaayeen kuwo halista gool dhalintu ay ku yarayd. Wijnaldum ayaa fursad furan ku hor helay goolka Fulham daqiiqadii 53-aad kaddib karoos uga yimid dhinaca Robertson balse khadka dhexe ee ree Holland ayaa fursadaas iska khasaariyay oo dhinac mariyay goolka. Anguissa oo Fulham ka tirsan ayaa markiisa isku dayay inuu goolka bar-bardhac usoo celiyo kooxdiisa isaga oo meel xerada ganaaxa ka baxsan kubadda kasoo darbeeyay balse waxa badbaado sameeyay goolhaye Alisson Becker. Mane ayaa qarka u fuulay inuu hoggaanka u dheereeyo kooxdiisa daqiqadii 74-aad ee ciyaarta kaddib markii uu birta ku garaacay kubad uu madaxa ku hirdiyay oo uga timid dhinaca da’yarka Trent Arnold. GOOAL: Fulham ayaa la timid goolka bar-bardhaca ee kulankan kaddib markii uu Ryan Babel ka faa’idaystay baas uu Van Dijk u waday goolhaye Alisson balse si buuxda u gaadhi waayay waxaana uu daba maray goolhayaha ree Brazil isaga oo gool banaan dhex dhigay kubadda. Intaa kaddib Reds ayaa bilaabay dadaalo badan oo ay doonayaan inay soo ceshadaan hoggaanka kulanka iyaga oo sameeyay fursado is daba joog ah. Rigoore: Goolhayaha Fulham ee Sergio Rico ayaa gool kulaad ku galay Sadio Mane kaas oo kaga adkaaday kubadda. GOOAL: James Milner oo kulanka bedel kusoo galay ayaa rigoorahan u bedelay gool isla markaana kubad uu ku aadiyay badhtamaha goolka shabaqa dhex dhigay. Ugu dambayn, Kulanka ayaa kusoo dhammaaday guul ay 1-2 ku gaadhay kooxda martida ahayd ee Liverpool waxaana ay ciyaartani ka caawisay inay ku laabtaan hoggaanka horyaalka Premier League Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xilli ay maanta xirnaayeen inta badan Waddooyinka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhacay gacan ka hadal dhex maray Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya. Mid kamid ah askartii Booliska ee Maanta ku qornaa Isgoyska Taleex gaar ahaan agagaarka Maqaayadda Fatxi ayaa toogtay wiil dhallinyaro ah oo marayey jidka. Wiilka la toogtay ayaa waxay isku gacan qaadeyn mid kamid ah askartii ilaalada ka heysay jidka kadib markii uu Askariga baad la dhacay wiilkii dhallinyarada ahaa taasoo keentay in askarigii dhagax madax loogu dhufto isla markaasna Feer lala dhigo dhulka. Askariga la feeray oo dhulka yaalo qorigiisana uu dhinaca kale ku dhacay ayuu u qeyliyey mid kale oo ka tirsanaa askarta meesha kula qorneyd isagoo ka dalbaday inuu wiilka u qabto. Askarigii codsiga loo dirsaday ayaa xabad kor ugu riday wiilkii dhallinyarada ahaa si uu ugu yaraan u cabsado una istaago balse wiilkii ayaa ku adkeystay inuu sii cararo. Markaas kadib askari kale oo ku sugnaa isla goobta una dhowaa halka uu wiilka ku cararayey ayaa xabad kaga dhuftay dhabarka dambe taasoo sababtay inay banaanka usoo baxdo Caloosha wiilkii yaraa. Sida ay dadka goobjoogayaalka ahaa u xaqiijiyeen Caasimadda Online, dhaawaca wiilkii yaraa oo aad u liitay ayaa loola cararay mid kamid ah Isbitaalada Muqdisho ku yaalo. Xasan Axmed oo ahaa goobjooge ku sugnaa meesha ay wax ka dhaceyn ayaa yiri: ” Wiilkii yaraa isagoo dhaawac halis ah naftana kusii yartahay ayaa laga qaaday meesha, askartii falka geystay ee seddexda ahaana meesha way isaga carareen”. Dhacdadaan ayaa keentay inay Isgoyska Taleex soo buux dhaafiyaan dadweyne farabadan oo ka careysnaa falka ay geysteen ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa Booliska oo loogu talagalay inay u gurmadaan shacabka balse hadda sameenaya taas caksigeeda. Ciidamada Dowladda ayaa shacabka u geysto dhibaato xooggan marka ay xiran yihiin jidadka Muqdisho, wuxuuna falkaan toogashada ahaa kusoo aadayaa xilli Maanta jidka Shaqaalaha muddo 30 daqiiqo loo diidanaa Gawaari waday meyd. Ciidamada Booliska ee joogay isgoyska Shaqaalaha ayaa xabado nool nool ku ridayey gawaarida meydka waday inkastoo markii dambe uu meesha soo gaaray taliye Booliska ka tirsan kaasoo fasaxay meydka. Hey’adaha Amniga weli ma aysan ka hadlin falkaan naxdinta leh ee ka dhacay Isgoyska Taleex ee Magaalada Muqdisho, waxaana u suurta gashay askartii falka geystay inay isaga baxsadaan goobta ay wax ka dhaceyn . Waddooyinka Muqdisho ayaa hadda kusoo laabatay sidii caadiga aheyd waxaana dib u furmay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha. Tan iyo markii uu Madaxweyne dalka ka noqday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa yaraaday askarta la geynayo tiirka ee dilalka u geysto dadka Shacabka ah, waxayna taas keentay inay soo bataan toogashada dadka shacabka ah. Inaan la toogan dadka sida kaska ah qof kale u dilo ayaa loo sababeeyaa inuu Madaxweyne Farmaajo saxiixin maadaama uu heysto dhalasho dalka Mareykanka ah taasna uu ku muteysan karo dacwad maxkamadeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradaha Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliska Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray mushahar la’aanta haysata ciidamada dowladda, xilli qaarkood ay kasoo baxeen furumaha dagaalka. Wasaaradaha Gaashaandhigga iyoo Taliska Xoogga waxay sheegeen inay ku howlan yihiin diiwaan-gelinta Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed si loo loo tayeeyo howlaha ciidanka loona hubiyo xuquuqda ciidanka. Waxay sidoo kale sheegeen in askari walba oo diiwaan-gelintiisa la xaqiijiyay uu mushaarkiisa u qaato si toos ah looguna shubo koontadiisa bangiga. Warka kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga ayaa laguyiri “Sidoo kale waxaa loo billaabay in 30 doolar oo kamid ah qoondada raashinka askarta si toos ah loogu shubo koontada uu askarigu bangigiisa ku leeyahay marka la xaqiijiyo diiwaan-gelintiisa” Wasaaradda waxay sheegtay in ciddii la diiwaangeliyay ee aan weli helin xaquuqdooda billaha ah ay ku socoto xaqiijin rasmi ah. “Sidoo kale waxaa wali socda diiwaan-gelinta ciidanka, waxaana ciidamada la diiwaan-geliyay lagu amray inuu ku sugnaadaadaan goobtooda shaqada” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Taliska Xoogga dalka Soomaaliya. “Inta ay socoto diiwaan-gelintu waxaa laga codsan doonaa ciidamada qaarkood in ay yimaadaan goobo ku dhow goobtooda shaqo, sida kuwa Dhanaane oo lagu diiwaan-gelin doono Jazeera, kadibna ay dib ugu laaban doonaan goobtooda shaqo.” Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ciidanka ku wargeliyay inta ay diiwaan-gelinta socoto askari walba uu ku uu heli doono xuquuqdiisa oo buuxda marka ay soo dhammaata diiwaan-gelinta. Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Taliska Xoogga dalka wax faah-faahin kama aysan bixin waxa ay ula jeedo ciidamada diiwaan-gelintooda ayaa socota, xilli ay ku sheegeyso inay ku laabtaan goobahooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The Khalifa bin Zayed Al Nahyan Foundation has distributed 60 tonnes of dates to needy families in the city of Bosaso, northeastern state of Puntland, Somalia. An orphanage and a refugee house along with thousands of people benefited from the gesture. The beneficiaries praised the UAE’s assistance and thanked the UAE government, its people, and the Khalifa Foundation for their efforts to alleviate the burden of underprivileged families. The distribution of dates is one of the humanitarian programmes that the Khalifa Foundation implements annually, in addition to its programme to distribute dates during the Holy Month of Ramadan. WAM
-
Jowhar (Caasimada Online) – Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay in ka badan 10 kalane dhaawacyo ayaa ka soo gaaray kadib dagaal ka dhacay degaanka Burdheere oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha Dhexe. Xiisada dagaalka ayaa maalmahan ka taagneed degmada Cadalle waxa uuna qarxay saakay aroortii hore xoogga dagaalka sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka. Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka HirShabeelle ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalka ay ka qayb qaateen ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo ka amar qaata Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Abaan duulaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya Jeneral Odawaa Yuusuf, kuwaas oo maalmahaan ku sugnaa degaano katirsan degmada Cadalle. Ciidamada Jeneral Odawaa ee dagaalka ka qayb qaatay ayaa degmada Cadalle u tagay ilaalinta amniga Jeneral Odawaa mar uu tiro koob ka sameynayay Shabeelaha Dhexe, wixii markaas ka dambeeyayna Ciidankaas lagama soo celin degaanadii la geeyay. Aagga lagu dagaalamay oo ah degaanka Burdheere ayaa habeeno ka hor waxaa fariisin ka sameestay ciidamo maleeshiyo beeleed ah kuwaas oo saakay weerar culus lagu soo qaaday. Wali waxaa taagan xiisada u dhaxeysa labada dhinac waxaana laga cabsi qabaa in halkaasi uu ka dhaco dagaal kale oo khasaara geesta. Odayaasha dhaqanka iyo Siyaasiinta ayaa ku baqaaya in dagaalka la joojiyo waxayna dhaqanka ka digeen in Ciidamada dowladda ay ku milmaan dagaal beeleedyada Shabeelaha Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa ka war bixiyay natiijada booqasho labo maalin qaadatay oo dalka uu ku yimid madaxwaynaha dalka aan walaalaha nahay ee Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo si qota dheer uga war bixiyay xariirka walaatinnimo ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab, ayaa sheegay intii lagu guda jiray Booqashada wafdiga oo guul ku dhamaaday in Madaxweynayayaasha JFS iyo Jabuuti ay yeesheen wadahadallo labo geesood ah oo diiradda lagu saaray danaha ay labada dal wadaagaan, xoojinta iskaashiga iyo wada shaqaynta labada dhinac, amniga iyo xasiloonida gobalka geesta Afrika iyo dardar-gelinta hawl-gallada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay soo dhawaynta ballaaran ee ay u sameeyeen wafdiga uu hogaaminayay madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxwayne Farmaajo iyo dhiggiisa Jabuuti ayaa maanta ay si wadajir ah waxa ay xarigga uga jareen dhismaha safaaradda cusub ee Jabuuti, iyada oo madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle uu hadal uu u jeediyay labada aqal ee baarlamaanka uu kula dardaarmay in la adkeeyo wadajirka, midnimada iyo wada shaqaynta. Madxwayne Maxamed Cabdullaahi maxamed (Farmaajo) ayaa galabta garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabulle Cusmaan ka sagootiyay Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdigiisa Ballaaran oo ay kamid ahaayeen wasiirro iyo xildhibaanno oo labadii maalin ee ugu dambaysay ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya. View the full article
-
DOODA MURANKA SHARCI EE WASAARADA WAXBARASHADA IYO SAYNISKA IYO WASAARADA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND EE MAAMULKA MALCAAMADAHA QURAANKA. =============================================================================== Waxa uu muran sharci oo warbaahinta dhex heehaabayaa ka dhexeeyaa wasaarada waxbarashada iyo sayniska somaliland iyo wasaarada diinta iyo awqaafta somaliland, murankaasi oo xuduntiisu tahay cida maamulaysa ama ay hoos tagayaan malcaamadaha iyo madarasadaha lagu barto quraanka kariimka ah. Haddaba hadii aynu ku horayno dooda ama xeerka awooda kormeer siinaya wasaarada diinta iyo awqaafta somaliland maamulka iyo gacan ku haynta madarasadaha quraanka lagu barto waxa uu ahaa Xeer Lr 71/2015 , xeerkaasi oo shaqada wasaaradaha waxbarashada iyo Diinta iyo awqaafta labadoodaba ku kala xusaya qodobkiisa 38aad iyo 51aad. Waxa isaguna jira xeerka waxbarashada Somaliland Xeer lr 77/2018 , xeerkani waxa uu awood buuxda u siinayaa maamulka iyo gacan ku haynta malcaamadaha quraanka wasaarada waxbarashada iyo sayniska somaliland. Marka ay halkaa marayso doodeena sharci waxa aan ku noqonayaa bal xeerarka iyo waxa ay kala yihiin iyo goorta ay soo baxeen iyo wakhtigii ay dhaqan galeen. Xeerka kala xadaynta hay’adaha iyo wasaaradaha dawlada Xeer lr 71/2015 waxa la sameeyay sida ka muuqata sanadkii 2015kii , waxa uu golaha wakiilada somaliland ansixiyey sida ku cad xeerka 21/01/2016 , waxa aanu dhaqan galay oo uu saxeexay madaxweynihii hore ee somaliland Ahmed Siilaanyo 08/02/2016. Xeerka waxbarashada Somaliland Xeer lr 77/2018 waxa la sameeyay sida ku cad taariikhdiisa 2018kii , waxa ay golaha wakiilada somaliland ansixiyeen 05/08/2018 , waxaana uu Madaxweynaha somaliland Muuse Biixi saxeexay 25/08/2018 . Marka ay sidaa tahay ee aan akhriyey labada Xeer iyo eegayna muranka sharci ee ka dhexeeya labada wasaaradood ee waxbarashada iyo sayniska iyo Wasarada diinta iyo awqaafta waxa yeelanaya oo ay hoos tagayaan malcaamaduhu wasaarada waxbarashada Somaliland sababahan awgood; 1- Sababta koowaad oo ah sharciga wasaarada waxbarashada awooda u siinaya maamulka malcaamadaha oo ah xeer gaar u ah waxbarashada dalka, isla markaana si cad u qeexaya oo awood u siinaya maamulka iyo gacan ku haynta dugsiyada quraanka lagu barto, halka xeerka wasaarada diinta iyo awqaafta kormeerka siinayaa uu ka yahay xeer guud . 2- sababta labaadna waxa ay tahay hadii laba xeer oo isku wax sheegayaa iska soo daba baxaan waxa la qaadanayaa ka dambe oo nasakhaya kii hore. Sidaasi ayaan ku doodayaa in wasaarada waxbarashada iyo sayniska ee somaliland ay shaqada malcaamadaha leedahay. Waxa aan raacinayaa talo ; waxa wanaagsan in archive ka golaha wakiilada somaliland iyo Archive ka xukuumada somaliland ee xeerarku ay hubiyaan xeerarka la sameynayaa in ay hore u jireen in ay keeni karaan murano sharci iyo iska horimaad hay’adaha iyo wasaaradaha qaranka ah, waxii loo badheedhayo ee la isla gartana marka hore la sii sheego si aan muran uga iman. Muhamed Dhimbiil Dooda iyo aragtida ardey wax ka barta kuliyada sharciga ee Jamacada Hargeisa Image Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-17032019.mp3 View the full article
-
(SLT-Jigjiga)-Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa deeq lacageed oo dhan 10 milyan oo birr ($340,000 oo doolar)siiyey barakacayaasha deegaanka Amxaarada iyada oo barakacayaasha Soomaalida ee ku sugan xerada Qoloji ee deegaanka Soomaalida ay wax taageera ah weli ka helin dhanka xukumaddiisa iyo dowladda dhexe midna. Waxaa magaalada Addis Ababa xalay lagu qabtay bandhig lacago dib u dajin looga sameeyo barakacayaasha deegaanka Amxaarada. Waxaana bandhiggaasi soo qaban qaabiyey Ururka Horumarinta Amxaarada iyo Xukumadda Deegaanka Amxaarada oo kaashanayo dowladda dhexe. Haddaba madaxweyne Cagjar oo ka mid ahaa madaxdi bandhigga lacag uruurinta ka soo qayb gashay ayaa ku dhawaaqay “isaga oo matalayo shacabka iyo maamulka deegaanka Soomaalida ay walaalahooda Amxaarada ee barakacay ay ku deeqayaan 10 milyan oo Birr”. Su’aasha la isweydiin kara ee ka dhalatay deeqdaasi lacageed uu madaxweynaha bixiyey ayaa waxay tahay barkacayaasha Soomaalida ee ku sugan Qoloji, Siti iyo Tulli guuleed oo muddo ku sugan xerooyin barakacayaal oo ku meel gaar ah yaa u maqan? Inkasta oo in dad dhibban in la caawiyo ay wax dhib ah ku jrin oo ay bani aadaminimada ka mid tahay haddana waxaa ka mudnaan lahayd iney caawimaadka aad ka billaawdo dadka kula dhashay ee haddana dhibban oo ilaahey mooyee cid umaqan jirin. Baraha bulshadana waxay noqotay mid maanta si weyn looga hadal hayo tillaabbada madaxweynaha uu qaaday iyada oo tala bixinta ugu badan ay ahayd Oromo dadkeeda barakacay guriya ayey u dhistay weyna dajisay, Amxaarana hadda ay ku guda jirtaa Soomaalida yaa u maqan haddii ay xukumaddeeda iyo dowladda dhexe midna ka warhayn. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Fooziya Yuusuf Xaaji Aadan oo hadda ka mid ah Baarlamaanka Dawladda Federaalka ah ee Dalka Soomaaliya, marna noqotay Wasiirka Arrimaha dibedda ee Dalkaasi, ayaa ka hadashay Wada-hadallo la filayo inay mar kale wada yeesheen Dawladda Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaasi oo la sheegay inay suurto-gal tahay in lagu qabto Dalka Gaana. Fooziya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa sheegtay in maaddaama oo dhowr jeer oo hore ay wada-hadleen Somaliland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya in doorkan Wada-hadallada loo beddelo in Madax-dhaqameedyo laga soo xulo Somaliland iyo Soomaaliya, laguna wada-hadashiiyo meel ka mid ah Dalka gudihiisa, ka dibna Go’aanka ay soo saareen loo gudbiyo siyaasiyiinta labada dhinac. Fooziya ayaa sidaa ku sheegtay Qoraal ay Shalay ku baahisay Barta ku leedahay Shabakadda Twitter-ka, kaasi oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay. Fooziya ayaa qoraalkeeda ku tidhi “Waxaan la soconaa in mar kale la wado, wada-hadal Soomaaliya iyo Somaliland lagu wada-hadalsiinayo dal kale. Waxaa ka habboon in Odayaal-dhaqameed culus labada garab laga keeno oo gogol loo dhigo meel dalka ah oo nabad ah, muddo dheer la siiyo, kaddib siyaasiyiinta loo gudbiyo go’aanka..” Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ah siyaasad dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse aaminsan Mabda’a Soomaali-weyn. Source
-
Dhanaane (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee qeybta 12-ka April, ayaa maanta isaga soo baxay deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose, oo ay muddo ku sugnaayeen, sida ay xubno ka tirsan u xaqiijiyeen Caasimada Online. Deegaanka Dhanaane, ayaa dhaca waddada xeebta ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Marka, waana deegaan muhiim u ah ciidanka dowladda ee dagaalka kula jira Shabaabka Shabeellaha Hoose. Sida warka uu nagu soo gaaray, ciidamada ayaa gebi ahaanba faarujiyey dhufaysyadii iyo difaacyadii ay halkaasu ku lahaayeen oo saldhig u ahaa, islamarkaana ay kala dagaalamayeen kooxda Al-Shabaab. Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamadan qeybta 12-ka April oo la hadlay Caasimada Online ayaa shaaca ka qaaday in sababta ay uga soo baxeyn deegaanka ay tahay ayada oo afar bil aan la siin wax mushahar ah. Ciidamadan ka tirsan qeybta 12-ka April, ee maanta mushahar la’aanta darteed uga soo dareeray deegaanka Dhanaane, ayaa muddo bilo ka hor howlgallo kula wareegay deegaanada xeebta ee isku xira Muqdisho iyo Marka. Ciidamadan maanta soo baxay oo kaliya maaha, hase yeeshee ciidamada xoogga dalka ayaan inta badan qaadan wax mushahar muddo afar bilood ah, waxaase maalmihii dhowaa ka dhammaaday dul-qaadkii. Dowladda Soomaaliya ayaa dhaqaale la’aan iyo musuq-maasuq ay isugu darsameen bilihii dhowaa, waxaana inta badan lacagta lagu bixinayey shaqaalaha rayidka ah, madaxda sare, dagaallada siyaasadeed, iyo warbaahinta iyo shaqsiyaadka dowladda ka ammaan baraha bulshada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo gabagabeeyay booqashadii labada maalmood ahayd ee uu ku yimid magaalada Muqdisho kaddib martiqaad uu ka helay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Geelle ayaa ka hor intii aanu ka duulin Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle, waxa ay xarigga ka jareen dhismaha cusub ee safaaradda Dowladda Jabuuti ku yeelanayso Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in soo dhawaynta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle loogu sameeyay Muqdisho ay ka tarjumayso wanaagga iyo jacaylka ay Soomaalidu u hayso reer Jabuuti, isaga oo adkeeyay muhiimadda xiriirka walaaltinimo iyo wadashaqaynta labada dal. “Sida diirran ee dadka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku nool kuu soo dhaweeyeen Madaxweyne adiga iyo wafdigaaga waxay muujinaysaa abaalka iyo wanaagga badan ee Soomaalidu u hayso reer Jabuuti. Horay abaal waan idiin galnay waadna guddeen, annagana waad noo gasheen waana gudi doonnaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Geelle ayaa isna dhankiisa xusay sida uu ugu faraxsan yahay booqashadiisa Muqdisho isaga oo sheegay inuu miradhalay dadaalkii ka bilawday Carta ee loo galay sidii Soomaaliya ula soo noqon lahayd dowladnimadeeda iyo sharafkii ay caalamka ku lahayd. “Waxaa qalbigaygu uu la damqanayaa waxa inaga dhexeeya. Socodkii labaatan sano ka soo bilawday shirkii Carte ee ahaa inaan ku adkeyno cisigeenna iyo sharafteenna inagoo isku duuban, dunidaan tartan kula geleynaa taas.” Ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sidoo kale sheegay inay waajib tahay in la ilaaliyo xornimada ummadeed isaga oo dadka Soomaaliyeed ku bogaadiyay dadaallada ay dhexdooda mar kasta ku xallistaan arrimaha ay isku khilaafsan yihiin, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in Dowladda Jabuuti ay ka go’an tahay in Soomaalidu wixii is-faham waa ah ay dhexdeeda dhammaysato. Ugu dambeyn, Xarig ka jarka dhismaha cusub ee safaaradda kaddib, waxa uu Madaxweynaha Jabuuti u gudbay Hoolka Shirarka ee Janaraal Kaahiye oo uu khudbad dardaaran ah ugu jeediyay Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in Somalia ay gudi doonto Abaalka ay u gashay Jabuuti appeared first on Puntland Post.
-
Qaran News