Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,689
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Christchurch)-ZeSheekooyin halyaynimo ah ayaa ka soo baxaya weerarkii Jimcihii lagu qaaday labada masaajid ee ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand, halkaas oo 50 ruux ay ku dhinteen dad kale oo badanna lagu dhaawacay. Qof ka mid ah Muslimiintii cibaadaysanayay ayaa sheegay in uu ninka qoriga watay ku tuuray mashiin yar oo gacanta lagu qaadi karo. Labo askari oo booliis ah oo midkood uu ku hubaysan yahay biskoolad kali ah ayaa eryaday oo xiray Brenton Tarrant oo 28 jir ah. Ninka laga shakisan yahay ayaa waxyaabo qarxa ku watay gaadhigiisa wuxuuna qorshaynayay weerarro dheeri ah sida ay sheegtay Ra’iisulwasaare Jacinda Ardern. Weerarkaas ayay ku tilmaantay “mid argagixisanimo”. Galinka dambe ee Isniintana golaheeda wasiirrada ayaa gorfayn doona wax ka badalidda shuruuxda qoryaha ee dalkaas. Baareyaasha ayaa baaritaan ku samaynaya maydadka oo loo celinayo qaraabada si loo aaso Arbacada. Dadka dhintay ayaa loo tacsiyeeyay walina waxaa isbitaalka ku jira 34 ruux oo ay ka mid tahay gabadh afar jir ah oo xaaladdeedu aad u liidato. Cabdulcasiis oo ah 48 jir reer Afhanistan ah ayaa sheegay in uu ku jiray gudaha masaajidka Linwood oo ahaa goobtii labaad ee la bartilmaameedsaday, isla markaasna uu maqlay in qof uu rasaas furay. Wuxuu sheegay in markii ay u caddaatay in masaajidka la soo weeraray uu qaatay mashiinka kaararka bangiyada lacagta lagaga jaro ka dibna uu ku orday dhanka ninkii weerarka soo qaaday kuna tuuray. Arrintaas ayuu sameeyay intii ninku uu ku sii socday gaargiisa si uu qorii kale ula soo baxo, balse wuu hakaday markii uu qoriga la soo baxay ee xabbad ku soo riday. Cabdulcasiis oo ay masaajidka kula sugnaayeen afar carruur ah oo uu dhalay ayaa qaatay qori uu ninkii weerarka soo qaaday tuuray ka dibna fargadda ayuu qabtay si uu xabbad uga rido balse rasaas kuma jirin, hase ahaatee sidaas kuma harin ee masaajidka ayuu ka dabo galay ninkii weerarka soo qaaday markale ayuuna qaabilay. “Markuu arkay in aan qori wato, qorigii uu watay ayuu tuuray dhanka gaarigiisii ayuuna u orday. Waana eryaday” ayuu yiri Cabdulcasiis oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters. Cabdulcasiis ayaa sheegay in uu mashiin yar ku tuuray ninkii weerarka soo qaaday Latef Alabi oo ah Imaamka ku meelgaarka ah ee masaajidka Linwood ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in geeridu ay intan aad uga sii badan lahayd haddii Cabdulcasiis oo aan ninka hubaysan ka cabsan uusan is xilqaamin. Labo nin oo booliis ah oo masaajidka ka ag dhawaa ayaa eryaday, gaarigiisii xannibay ka dibna qabtay ninkii weerarka soo qaaday, arrintaas waxaa duubay qof goobjooge ahaa ka dibna wuxuu soo dhigay baraha ay bulshadu ku xiriirto. Askartu waxay wax walba ka hor mariyeen New Zealand,” geesinimadoodana waan aqoonsan doonnaa ayay tiri Ra’iisulwasaare Arder, oo Sabtidii hadashay. Ninka hubaysan ayaa markii hore weeraray masaajidka Al Noor oo qiyaastii 5km u jiray iyadoo ay dadku sugayeen salaadda Jimcaha. Ninkan ayaa isagu isku tilmaamay in uu caddaannimada ku kalax tagay wuxuuna si toos ah u duubay qaabka uu dadka u laynayay isaga oo Facebook adeegsanaya. Muuqaalkaas ayaa laga arkay Naeem Rashid oo asal ahaan ka soo jeeda magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan oo isku dayaya in uu ka hortago ninka weerarka soo qaaday ka dibna la tooganayo, isbitaal ayaa loola cararay balse markii dambe wuu geeriyooday. “Waxaa jira tiro goobjoogeyaal ah oo sheegay in walaalkii uu dad badbaadiyay intii uu isku dayayay in uu ka hor tago ninkii weerarka soo qaaday” sida uu BBC u sheegay walaalkii Khurshid Alam. Talha oo ah wiil uu dhalay Rashid oo 21 jir ah oo la sheegay in uu mar dhaw shaqo helay isla markaasna qorshaynayay in uu guursado ayaa ka mid ahaa dadkii la laayay. Qoyskan ayaa New Zealand ku noolaa tan iyo sannadkii 2010. Ra’iisulwasaaraha Pakistan Imran Khan ayaana sheegay in la maamuusi doono Rashiid. Dhanka kalana Hosne Ara oo ah haweenay 42 jir ah ayaa la sheegay in ay ku sugnayd qaybta dumarka ee masaajidka Al Nuur marka ay rasaastu billaabatay. Waxaana la dilay iyadoo baadigoobaysa ninkeeda oo kursiga naafada ku yimid masaajidka balse badbaaday. Farid Uddin ayaa sheegay in xaaskii ay badbaadisay oo dhimsaha ka saartay dumar iyo carruur iyadoo weerarku socdo. “Waan ku faraxsannahay waxay samaysay. Wanaag iyadoo samaynaysa ayay dhimatay. Waxay dhimatay iyadoo gacanta ku haysta wixii ay jeclayd een anna jeclaa,” ayuu yiri Farid oo la hadlay BBC. “Xaaskaygii ayaan waayay laakiin ma necbi ninkii dilay. Shaqsiyan waan jeclay. “Waana cafiyay. Waana u ducaynayaa.” ayuu intaas ku sii daray. Booliiska ayaa masaajidka tagay 6 daqiiqo ka dib markii weerarka lagu soo wargaliyay waxayna arkeen 41 ruux la dilay, sida uu sheegay Mike Bush oo ah taliyaha booliiska. Talaadada ayuu baarlamaanku ka tacsiyayn doonaa dadka dhintay. Dadka kale oo geeridooda la xaqiijiyay waxaa ka mid ah: Atta Elayyan oo ah 33 jir reer Kuwayd ah oo gool haye ka ahaa New Zealand. Khaled Mustafa oo ahaa qaxooti ka yimid colaadda Suuriya Sayyad Milne oo ahaa 14 jir doonayay in uu ciyaartoy kubbadeed noqdo marka uu waynaado. Brenton Tarrant oo ah ninka weerarkan “argagixisada ah” gaystay ayaa Sabtidii maxkamad ka soo muuqday isaga oo gacmaha ka jeebaysan oo qaba dharka maxaabiista, kaameerada markii uu arkay ayuuna qoslay. Waxaa lagu soo oogay hal dacwad oo dil ah, waxaana la filayaa in ay dacwado dheeri ah lagu soo oogi doono. Kaligii ayaa lagu soo oogay toogashada waxaana la rumaysan yahay in aysan cidina wehelin, sida uu sheegay taliye Bush. Source
  2. Xudur (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar culus oo xalay saqdii dhexe Al Shabaab ay ku qaadeen fariisin Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool. Weerarka ah oo mid qorsheysan ayaa waxaa la sheegay in dagaalyahannada Al Shabaab dhowr jiho ay uga qaadeen xeradaasi. Al Shabaab oo ka hadlay weerarkan ayaa baahiyay in khasaare xoogan ay gaarsiiyeen ciidanka Itoobiya, inkasto aysan shaacin inta uu la’egyahay. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Xudur oo ku aadan weerarkaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ka fuliya gobollada Baay iyo Bakool ee Koonfurta Soomaaliya. View the full article
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Dhacdooyin Xanuun badan ayaa ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaana soo kordhaya dilalka loo geysanayo dhalinyarada Bajaajta ku shaqeysta ee ku sugan magaalada Muqdisho. Seddex Maalin ka hor ayuu guursaday Cabdi Waaxid Jabriil Afrax, balse mid kamid ah ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shalay ku dilay isgoyska Taleex degmada Hodon ee gobolka Banaadir. C/Waaxid ayaa kamid ahaa dhalinyarada ku qanacsan inay ka xamaashaan dalkooda, waxaana muddooyinkii ugu dambeeyay qoyskooda uu ka biilayay waxyaabaha uu ka shaqeeyo mootada, sida ehelkiisa qaar ay sheegeen. Askari Boolis ah ayaa dilay wiilka dhalinyarada ah, waxaana qoyskiisa wiilka ay xalay ku hoydeen murugo. Xaaskiisa Saamiya Suleebaan Jaamac saddexdii habeen ee la soo dhaafay farxad ayeey nolosha ku qaadatay, balse xalay murug iyo ooyin ayey ku seexatay kadib markii ay wayday qofkii ay calmatay, iyadoo aysan todobada ka bixin. Cabdi Waaxid oo wiil dhalinyaro ahaa wuxuu ku shaqeysanaayay Bajaaj, sidoo kalena wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo waxbarta, dadna ma uusan dulmin, ma dhicin cidna, Qofna muusan dilin, balse isaga gardaro lagu dilay. Dilalka loo gaysanaayo dhalinyarada Mooto Bajaajta ku shaqeysta waa ay sii kordheysaa Magaalada Muqdisho gudaheeda, waxaana aad u yar helida Cadaallada la marsiiyo dambiilayaasha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. (SLT-Muqdisho)-Askari ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa duhurnimadii shalay isgoyska Taleex ee degmada Hodan ku dilay Wiil dhalinyaro ah, kaasoo watay Mootada Saddexda lugood leh ee Bajaajta. Wiilka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdiwaaxid Jibriil Afrax waxaa toogtay askari ka mid ahaa ciidanka ammaanka ee xidhay qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho intii uu ku sugnaa Muqdihso madaxweynaha dalka Jabuuti, iyadoo askariga dilka geystay uu ka baxsaday gacanta laamaha amaanka. Ehelada marxuum C/Waaxid Jibriil Afrax ayaa sheegay in Wiilkooda uu Aroos ahaa Saddex cisho oo kaliya, isagoo shalay soo aaday banaanka si uu u raadsado biilka qoyskiisa cusub. Wararka ayaa sheegaya in wiilka la dilay iyo askariga uu gacan ka hadal dhex maray, kaddib markii ay murmeen. Waxaa uu Todobo kula jiray Xaaskiisa oo lagu magacaabo Saamiya Suleymaan Jaamac, waxaana dhacdadan aadka xanuunka badan ay murugo iyo uur ku taalo ku reebtay dadka Muqdisho. Saraakiisha Booliska ee Saldhiga Hodan iyo kuwo Gobolka Banaadir wali wax war ah kama soo saarin dilka loo geystay Wiilka dhalinyarada ah, iyadoo uu socdo howlgal lagu doonayo in lagu soo qabto gacan ku dhiiglaha oo si baxsad ahaan loo raaidnayo Source
  5. (SLT-Indonesia)-Ugu yaraan 73 qof ayaa ku dhintay in ka badan 60 qofna waa la la`yahay kaddib daadad ku dhuftay gobolka bariga Indonesia ku yaalla ee Papua. Kooxaha badbaadada ayaa dadaal ugu jira sidii ay u gaari lahaayeen dhulalka miyiga ah ee gobolka ka tirsan, waxaana jira cabsi ah in tirade dhimashada ay sii kororto. Waddooyinka ayaa waxaa jaray daadad iyo dhul go` iyo geedo soo jabay, daadadka ayaa sidoo kale saameeyay buundooyin iyo in ka badan boqol guryo. In ka badan 4,000 oo qof ayaa ku qasbanaaday inay guryahooda isaga baxaan, qaarkood ayaana hoy ka dhigtay xafiisyada dowladda. Dadka deegaanka ayaa sheegay in roobab xoog leh oo bilowday fiidnimadii Sabtidii uu da`ayay habeenkii oo dhan, kuwaas oo sababay daadad. Dadka ku waxyeeloobay daadadkaas ayaa laga baadigoobayaa magaalada Sentani, oo ka mid ah meelaha ugu daran ee ay daadadku saameeyeen. Ugu yaraan 51 qof ayaa lagu dilay magaalada, sida uu sheegay Sutopo Purwo Nugroho oo ah afhayeen u hadlay hay`adda ka hortagga musiibooyinka ee dalkaas. Toddoba qof oo kale ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen magaalada Jayapura, sida uu sheegay Mr Nugroho. Digniinno Daadadka ayaa badanaa ku dhufta dalka Indonesia, gaar ahaan xilli-roobaadka inta u dhaxeysa October-April. Bishii January, daadad ayaa ugu yaraan 70 qof ku dilay jasiiradda Sulawesi, iyadoo roob xooggan oo ka da`ay West Java bishii March ay ku barakaceen boqollaal qof. Saraakiisha gargaarka degdegga ah ayaa sheegay in bilihii la soo dhaafay ay uga digeen maamulka Papua khatarta daadadka. Gobolka Papua ayaa dhanka bari xad kala leh gobolka madaxa bannaan ee Papua New Guinea. Source
  6. Dagaal u dhaxeeya beello walaalo ah ayaa shalay waxa uu dib uga bilowday deegaanka Buurdheere oo hoostaga degmada Cadalle ee gobolka Shabellaha Dhexe. Dagaalkan oo aad u xooganaa ayaa sababay dhimashada in ka badan 30 qof, iyadoo dhaawucuna intaasi badan yahay. Sida ay inoo sheegeen dad ku sugan degmada Cadalle, beelaha dagaallamay ayaa kala helay gurmad taasi oo dagaalka sii xoojisay. Xaaladda guud ee maanta waa ay deggan tahay, mana jirto wax rasaas ah oo la maqlayo, hase ahaatee Labada dhinac hub uruursi ayeey kala wadaan. Sidoo kale, waxgarad ku sugan degmada Cadalle ayaa bilaabay iney is abaabulaan si ay u kala dhexgalaan beelahan is haya. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Deegaanka Buurdheere Source: goobjoog.com
  7. Cadale (SMN) – Waxaa saaka dagan xaaladda deegaanadii lagu dagaalamay degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Waxgaradka deegaanka ayaa lagu soo warramayaa in dadaallo looga hortagayo xiisadani ay ka bilaabeen agagaarka degmadaasi. Dagaalladan oo u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed ayaa waxa ay saameyn ku yeesheen dadka rayidka ah ee ku dhaqan halkaasi. Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkii ugu dambeeyay ee shalay ku dhintay ku dhawaad 10 Qof, halka ay ku dhaawacmeen 15 kale. HirShabelle waxaa inta badan ku soo laa laabta dagaallo u dhxeeya maleeshiyo beeleed wada daga deegaanada maamulkaasi. View the full article
  8. Wararka ka imanaya deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhexeeya laba dhinac oo hubaysan sida laga soo xigtay dadka deegaanka. Suxufi ku sugan gobolka Galgaduud ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in dagaalka uu bilowday gelinkii dambe ee xalay kadib markii mid kamid ah dhinacyada dagaallamaya uu malayshiyaad hubaysan soo geliyay halkaasi. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dhinacyada dagaallamaya ay yihiin dad deegaanka u dhashay oo ku kala qeybsan dhanka siyaasadda inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin cidda dagaalku u dhexeeyo. Khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa la soo werinayaa in uu ka dhashay dagaalka, balse ilaa iyo hadda faahfaahin sii dheer lagama hayo. PUNTLAND POST The post Dagaal la sheegay in uu ka socdo degaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud appeared first on Puntland Post.
  9. Xarakada Al-shabaab ayaa dib ula wareegay deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabellaha Hoose, halkaasi oo shalay isaga baxeen askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka. Wararku waxay sheegayaan in Al-shabaab ay degeen goobihii ay faarujiyeen ciidanka dowladda ee deegaankaasi ah. Dadka deegaanka waxay sheegeen in Al-shabaab halkaasi ay ka sameeyeen howlgallo dad shacab ah ay ku qabteen. Sababta ay ciidanka DFS uga baxeen Dhanaane ayaa lagu sheegay cabasho dhanka mushaarka ah, kadib markii aanay lacag qaadan muddo la eg Afar bil. Askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka kuna sugan gobolka Shabellaha Hoose ayaa dhowaan shaaciyey in aanay Afar bil qaadan mushaarkooda, iyaga oo ku baaqay in la siiyo xuquuqda ay leeyihiin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Wararka ka imaanaya deegaanka Xeraalle ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya maleeshiyo beeleed deegaankaasi kasoo wada jeeda. Xalay saq dhexe (02:00 AM) ayaa la sheegay in dagaalkan uu ka bilowday duleedka deegaanka Xeraalle, iyadoo saakayna la sheegay in dagaalka uu gudaha deegaanka kusoo fiday. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintey Afar qof, iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay, waxaana Labada dhinac ay kala helayaan gurmad xooggan. Dad ku sugan deegaanka Xeraalle ayaa ku eedeeyey ciidanka Ahlu-sunna in weerar kusoo qaadeen maleeshiyaad deegaanka ah oo halkaasi ku sugnaa. Xaaladda waa mid kacsan, waxaana weli socda dagaalka, iyadoo aanay jirin cid kala dhexgashay Labada dhinac. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Afgooye (SMN) – Xarakada Al Shabaab ayaa shaacisay in ay si rasmi ah ula wareegtay gacan ku heynta deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeelaha Hoose. War ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahanadooda xalay ay qabsadeen deegaankaasi oo ku yaalla waddada xeebta ee Muqdisho iyo Marka. Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa 12-ka April ayaa shalay gelinkii dambe soo baneenyay fariisimo ay ku lahaayeen halkaasi, iyaga oo ka cabanaya Mushaar la’aan. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan arrintaasi. Xaaladda ayaa saaka kacsan, iyadoona Al Shabaab dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka bilaabeen deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Wasaaradaha Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxay ku howlan yihiin diiwaan-gelinta Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed si loo loo tayeeyo howlaha ciidanka loona hubiyo xuquuqda ciidanka. Askari walba oo diiwaan-gelintiisa la xaqiijiyay waxa uu qaataa mushaarkiisa oo si toos ah loogu shubo koontadiisa bangiga. Sidoo kale waxaa loo billaabay in 30 doolar oo kamid ah qoondada raashinka askarta si toos ah loogu shubo koontada uu askarigu bangigiisa ku leeyahay marka la xaqiijiyo diiwaan-gelintiisa. Ciddii la diiwaangeliyay ee aan weli helin xaquuqdooda billaha ah waxaa ku socda xaqiijin rasmi ah,sidoo kale waxaa wali socda diiwaan-gelinta ciidanka,waxaana ciidamada la diiwaan-geliyay lagu amray inuu ku sugnaadaadaan goobtooda shaqada. Inta ay socoto diiwaan-gelintu waxaa laga codsan doonaa ciidamada qaarkood in ay yimaadaan goobo ku dhow goobtooda shaqo, sida kuwa dhanaane oo lagu diiwaan-gelin doono Jazeera, kadibna ay dib ugu laaban doonaan goobtooda shaqo. Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ciidanka ku wargeliyay inta ay diiwaan-gelinta socoto askari walba uu ku uu heli doono xuquuqdiisa oo buuxda marka ay soo dhammaata diiwaan-gelinta. Dowladda Soomaaliyeed waxa ay ku guulaysatay in ay si joogto ah u bixiso mushaaradka askarta labadii sano ee la soo dhaafay, laakiin labadii billood ee ugu dam View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-18032019.mp3 View the full article
  14. Dhanaane (Caasimada Online)-Al Shabaab ayaa shaaciyay inay la wareegay deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeelaha Hoose, deegaankaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya. Deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa qaatay muddo maalmo ah in ciidamada dowladda Soomaaiya ay la wareegaan, waxaana ay kula dagaalameen Al Shabaab, balse Al Shabaab ayaa si sahlan dib ula wareegay. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee shalay isaga baxay deegaankaasi, waxaana ay sheegeen inay ku dhacday mushaar la’aan sababtay inay isaga baxaan deegaanka Dhanaane. Dadka deegaanka qaarkood ayaa ku waramaya in Al-Shabaab ay deegaanka Dhanaane ku sugan yihiin, isla markaana ay fariisin ka dhigteen goobihii ay ka baxeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Ciidamada kasoo baxay deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa cabashada ay muujiyeen waxaa ka jawaabay wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya. War-Saxaafadeed siwadajir ah uga soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo taliska ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka uu ku socdo tirakoob, isla markaana ciidamada la tirakoobay ay mushaarkooda qaateen kuwa kalena lasiin doono markii la tirakoobo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa sii xoogeysanaya xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa madaxda maamulka Galmudug ee xarumo ka kala dhigtay magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusomareeb. Cali Gacal Casir Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Cadaado ayaa sheegay in doorashada ka dhaceyso Galmudug aysan u joogsaneyn madaxda ku sugan magaalada Dhuusomareeb. Wuxuu sheegay in Galmudug ay leedahay Dastuur iyo xildhibaano ilaalinaya islamarkaana doorashada ay ku dhaceyso waqtigeeda, wuxuuna sheegay in xiligii la dhisay maamulka Galmudug lagu saleynayo doorashada maamulkaasi. Waxaa muuqata inuu ka horjeedo hadalkii kasoo yeeray madaxa xukuumadda Galmudug oo ahaa in seddex sano kadib ay Galmudug ka dhaceyso doorashada madaxtinimada maamulkaasi. Madaxda Galmudug ee ku sugan dhuusamareeb ayuu u sheegay in Dastuurka Galmudug aan waxba laga bedelin, sidoo kalena Xildhibaanada Galmudug ay yihiin 89 Xubnood, Xarunta Baarlamaanka Galmudugna ay tahay Magalada Cadaado cid waxka bedeli kartana aysan jirin. Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Sare ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sii xoogeystay, kuwaas oo kala degan Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado,iyaga oo kala leh laba madaxweyne iyo laba guddoomiye Baarlamaan. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/cod1gudoomiyaha-barlamaana.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxaysay sababta uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqday kulankii uu shalay madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle kula hadlay xildhibaanada Soomaaliyeed. Munaasabadda uu Geelle kula hadlayay xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa shalay ka dhacday dugsiga Booliska Jeneral Kaahiye. Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in sababaha uu Madaxweyne Farmaajo ku diiday ka qeyb-galka kulankaas ay tahay khilaafka weli u dhaxeeya labada Aqal ee baarlamanka Soomaaliya oo aanu weli xal laga gaarin. Khilaafkan oo socda muddo bilooyin ah ayaa yimid kadib markii Aqalka Sare uu xiriirka u jaray Aqalka Hoose Waxaa socda qorshe la doonayo in kalfadhiga labada Aqal si wadajir ah loo furo, laakiin ma cadda sida ay ku suura geli doonto haddii aan la xalin khilaafka soo dhex galay labada Aqal. Xildhibaanada Aqalka Sare horay loogu wargeliyay in Kalfadhiga 5aad la furayo 16 bishan oo shalay ku beegneyd, balse loo baajiyay imaanshaha Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Aqalka Sare ayaa sanadkii hore hakiyay wada shaqeyntii kala dhaxeysay Golaha Shacabka, iyadoo lagu eedeeyay Guddoonka Golaha Shacabka ku tagri fal awoodda ka dhaxeysay labada Aqal. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Duruufaha iyo wakhtiga adag ee la soo maray aad bay u taxnaayeen, Waana kuwo aan marnaba la illaawayn marka la eego Soomaalida dhexdeeda iyo guud ahaan caalamka oo ahaa mid mar kasta ku hawllanaa nabadda Soomaaliya. Marnaba ma dafirayno in ay jireen waddamo Soomaaliya u diiddan horumarka dhinaca Amniga, dhaqaalaha iyo weliba xal ka gaadhista dhibaatooyinkii adkaa. Ugu horrayn waddamada caalamka iyo weliba midowga waddamada adduunku (UNITED NATION) markasta waxay ahayeen kuwo waddnaha farta ku haya marka la eego is bedbeddelka xaaladaha Soomaaliya, markasta waxay ku bixinj jireen dhaqaale lugu maarreeyo masiibooyinka iyo weliba jaan-goynta degganaanshaha Soomaaliya oo inta badan waxay markasta Soomaaliya u soo dirijireen dadyow ka socda beesha caalamka kuwaas oo dhaqaale iyo nafta u huraayay Soomaaliyada maarrada loo waayay xaal-keeda siyaasaddeed. In kastoo wakhtigu uu is beddelo xallad kastana ay ku xidhantahay is beddelka wakhtiga iyo waayaha, waxaad moodda in ay meesha ka bexeen inta badan arrimihii culayska ku hayay beesha caalamka, oo waxaa caddayn kuu ah Soomaaliyadii markasta ay Qarammada Midoobay u soo dirijireen shakhsi qiimo weeyn uugu fadhiya kaas oo weliba ay weheliyaan kaalliyaayaal kala duwan si ay Indho goonni ah uugu yeeshaan xaalladaha Soomaaliya. Maanta waxaad moodda in culayskii yaraaday oo aan loo baahanayn xubnihii tirada badnaa iyo weliba joogtayntii badnayd, waana tan oo Beesha caalamku inta ay dhowr waddan isku soo dhaftay si wada jir ah uugu soo magacawda hal ergey, oo ah ergeyga Geeska Afrika, Parfait Onanga-Anyanga oo u dhashay dalka Gabon. Waa tallaabo caddayn u aha in uu yaraaday hawlihii badnaa ee laga hayay gudaha Soomaaliya oo hadda Arrinku wuxuu marayaa in la dhimo juhdigii badnaa ee lugu bixinaayay nabad soo dabbaalidda Soomaaliya, waxaana moodda in wax badan maanta laga maarmay oo dawladda Soomaaliya ay isku fillantahay marka la eego dhinacayada jaan-goynta masiirka siyaasadda iyo weliba meelaynta deeqaha caalamka. Dhanka kale waa fa’iido u soo hoyatay Soomaaliya oo waxaa meesha ka baxday lacagihii ku bixijiray masuuliyiinta tirada badan, lacagtan oo ahayd mid Soomaaliya meel loogu kaydinaayay ahaydna dayn dusha ka saaran, ama la isticmaali-jiray deeqo ay waddamo iskood ugu deqeen Soomaaliya, Hadda arrinku wuxuu noqonayaa in si wada jir ah lacagta howlaha lugu fulinaayo looga qaado inta waddan ee ay Qaramada Midoobay u soo magacowday masuulkaas. W/Q: Cumar Rodol Cumarrodol@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  18. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo kamid ah xildhibaanada Golaha wakiilada ee Somaliland ayaa si adag uga jawaabay dalab kasoo baxay Maamulka Puntland, kaasi oo ay ku dalbanayeen inay kamid noqdaan wada-hadalada Somaliland & Somalia. “Farmaajo aan la shirno ama cid kale aan la shirno Puntland waa gobol kamid ah Soomaaliya, waxay nagu soo darsan karto majirto, anaga Somaliland baa nala yidhaahdaa, waxaas haddey joojin weydo Puntland baa ka shaleyn doonta, Garoowe baad ka qixi doontan ban leeyahay hadaad fara-gelinta aad nagu haysaan hadaad joojin weydaan, wlhi baad Garoowe ka qixi doontan” ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac. Muddooyinkii udambeeyay waxa isasoo taraya hadalo kulul oo masuuliyiinta labada Maamul ay hawada isku marinayaan iyaga oo xiisad dagaalna kaga dhex aloosantahay deegaano katirsan G/Sanaag. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  19. Furitaanka safaaradda Jabuuti ee Muqdisho waxay kusoo aadaysaa xilli muran xuduudeed iyo ismaan-dhaaf diblomaasiyadeed uu kala dhaxeeyey dalka ay deriska yihiin Eritrea lasoo gabagabeeyey. Madaxweyne Farmaajo ayaa markii Jabuuti ay afka labadii yeertay – iyada oo ka niyadxun qaabka ay Soomaaliya u fara-gelisay ama dhinaca ay ka istaagtay xaaladda – ayaa markaas kaddib safar ku bixiyay caasimadda Jabuuti. In kasta oo warbaahinta qaranka laga sheegay in safarkiisa Jabuuti uu kusoo dhammaaday guul iyo is-afgarad, haddana majirin ilo ka madax-bannaan oo sheegi karay nuuca is-afgarad ee labada hoggaamiye isla garteen. Farmaajo ayaa loo arkayaa mid si weyn iskugu haleynaya lana dhacsan jaalnimada ugubka ah ee kala dhaxeysa dalalka Itoobiya iyo Eritrea, balse dhugmadii loo baahnaa aanan siineynin dalka aan walaalaha nahay. Dowladihii ka horreeyey ayaan marnaba la gaarin Jabuuti heer ay ka cawdaan hannaanka siyaasadeed iyo diblomaasiyadda Soomaaliya taas oo dareenka dadweynaha kusoo jiidaya il-tuhun inay ku eegaan siyaasadda Farmaajo ee ka-dhanka-ah Jabuuti. Hadda oo Jabuuti ay safaarad ballaaran dhismo ahaan ka furatay caasimadda Muqdisho, waxay sidoo kale ka dhigan tahay farriin iftiiminaysa iska kaalmeynta iyo ka wada shaqeynta danaha labadooda sida gaarka isaga xiran ‘mutual interest’ oo aysan si guud ula wadaagin Itoobiya iyo Eritrea. Galaangalka siyaasadeed ee Jabuuti ku leedahay Soomaaliya wuxuu soo jiray taniyo 1992-kii. Waana dalka sida dhow ula soo fal-galay geeddi-socodka siyaasadda dalka – iyada oo aan adeegsaneyn ficil maaddi ah sida fara-gelin ciidan, marka lala barbardhigo dalalka deriska ah sida Itoobiya. Joogitaanka Hiil Walaal iyo qurxinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal waa shaqada ugu weyn oo sugaya inay safaaraddani xoogga saarto. Waxaa kale oo muhiimaddeeda leh oo safaaraddani ay dunida kale u diri kartaa dhanbaal ah inay geeskeeda ka ilaashanayso danaha muuqda iyo kuwa dahsoon oo ay Soomaaliya ka leeyihiin. In labada dal ay mustaqbalka dhow ay si fool-ka-fool ah midba gaarkiisa u gaaro go’aankiisa gaarka ah, waxaa shaki gelin doona dareenka shacbiga Soomaaliya – oo niyadsami iyo abaal hore oo Jabuuti ay ku laheyd dib-u-heshiisiinta Soomaalida – ayaa hadiyo jeer laf-dhuun gashay ku noqon doonta dowladnimada dalka, marka lagu qiimeeyo qeyla-dhaantii dhaweyd oo Jabuuti kaga cabatay maamulka Farmaajo oo ay ku sheegeen inuu dhan u xaglinayo ama uu cadawgeeda lasoo saftay. Si kastaba, cidna ma saadaalin karto nuuca diblomaasiyadeed oo labada dal ay ku dhaqmi doonaan kaddib furashada safaaradda labaad ee ugu weyn dalka. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, Minnesota Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  20. Waxaa jira 4 marin-biyood oo maraakiibta sida shidaalka ay maraan 80%. 4-tan Marin-biyood waxey lafdhabar u yihiin dhaqaalaha caalamka, sidaa darteed goobaha ay ku yaalaan marin biyoodyadani waxey noqdeen goobo ay ku hardamaan wadamada caalamka ugu awooda badan, waxeyna ku leeyihiin Saldhigyo ciidan si ay danahooda ugu ilaashadaan. Marinadaa midka ugu muhiimsan waa Marinka Xurmus ( Strait of Hormuz) waxaa maalintii marta maraakiib sita qiyaastii 19 malyan oo fuusto shidaal ah sida ay sheegeen hay’ada Mareykanka EIA (Energy Information Administration) wuxuuna ku yaal inta u dhaxeysa Gacanka Beersiya iyo Gacanka Cumaan (Persian Golf iyo Golf of Oman). Marinkan dhinaca waqooyi/galbeed wuxuu u dhacaa dalka Iraan dhinaca bari dalka Imaaraadka Carabta dhinaca Koonfurna dalka Cumaan ayaa maamusha waxaana marinkan ku sugan maraakiib dagaal oo uu wadanka Mareykanka leeyahay. Dowlada Iraan ayaa dhowr mar ku hanjabtey in ay xiri doonto marinkan gaar ahaan marka ay isqabtaan dowlada Mareykanka. Mareykanka ayaa iyaguna ka bixiya jawaab ah in talaabo milatari ka qaadi doonto haddii dowlada Iraan isku daydo in ay xirto marinkaas. Marinkan ayaa mara maraakiibta shidaalka ka soo qaada dalalka Sacuudiga, Kuweyt, Ciraaq, Qatar iyo Iraan. Marinka labaad ee caalamka ugu muhiimsan waa Marin biyoodka Malaka ( Strait of Malacca) wuxuuna dhacaa badda u dhaxeysa wadamada Maleysiya iyo Indonisiya (Badweynta Hindiya). Waxaa maalintii marta maraakiib sida qiyaastii 15.2 malyan oo fuusto shidaal ah waana marinka keliya ee maraakiibta shidaalka sida u maraan wadamada Shiinaha, Jabaan , Australia iyo wadamo badan oo bariga Aasiya ku yaal. Mareykanka ayaa saldhigyo milateri ku leh wadamada Thailand iyo Philippines si hadii ay isqabtaan dalka Shiinaha ugu xiro marinkan. Kan seddaxaad waa Baab Al Mandan ( Bab El Mandan) waxaana qiyaastii maalintii marta maraakiib sida 4 malyan fuusto oo shidaal ah. Dalalka Jabuuti iyo Yemen ayuu ku yaal halka ugu dhuuban marinkan oo (18 miles) keliya ah balaciisa. Baal Al Mandan waa marinka ugu qalalaasaha badan maxaa yeeley dhinaca Yemen waxaa gacanta ku haya falaagada Xuudiyiinta oo gacansaar la leh dalka Iraan waxeyna dhamaadkii bishii Juley 2018 gandaal ku rideen oo ku qasbeen in dib u laabtaan laba markab oo Sacuudiga lahaa oo sidey midkiiba shidaal gaarayey hal malyan oo fuusto. Waana sababta ay hadda dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka u doonayaan in ay saldhig milatari ka sameystaan magaalada Berbera. Dalka Jabuutina muhiimka ka dhigey oo ay saldhig ciidan ugu leeyihiin dalaka Mareykanka, Shiinaha, Faransiiska iyo Talyaaniga si marinkaa danahooda ugu ilaashadaan. Waxaa sidoo kale badda cas iyo badweynta hindiya ku sugan maraakiib tira badan oo dagaal oo kala leeyihiin Ruushka, Wadamada Reer Yurub, Shiinaha iyo Mareykanka kuwasoo qaarkood ku jooga in ay la dagaalayaan burcad badeedda Soomaalida. Kan Afaraad waa Kanaalka Suweys oo ay maraan gebi ahaan maraakiibta ka gudubta marinka Baab Al Mandan. Wadanka Soomaaliya oo ku yaal meel aan ka fogeyn Baab Al Mandab sababtaas ayey quwado badan oo caalamka ay ugu loolamayaan, marka laga tago dekadaheena iyo shidaalka. WD: Ilyaas Maxamuud Xuseen
  21. Nairobi (Caasimadda Online) – Waxaa soo shaac baxday oo baraha bulshada lagu hadal qaaday mid ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Kenya oo si cunsuriyanimo ah ula hadleysa askari ka tirsan Booliska Kenya balse asal Soomaali ah. Waxaa baraha bulshada lasoo dhigay muuqaal muujinaya hanaan hadalkeeda, taasna waxey keentay iney dowladda Kenya ku abaalmariso xabsi aan la shaacin sida uu usii dheer yahay. Waruguru ayaa mar kale la arkay iyadoo xaalad kale ku jirta maadaama lagu sawiray iyadoo saaran gaariga Booliska si loogu fuliyo xukunka xabsiga ah ee lagu soo rogay. Haweeneyda waxey muujisay bahdilaad weyn iyo cunsuriyanimo, aad ayey ugu qeylisay Sarkaalka Booliska ah kaas oo isna u muujiyay adeecid. “Meeshaan maahan magaalada Kismaayo, bax oo soo xir-xir Al-Shabaab iyo tuugada, kana fogow dadka ganacsanaya” ayey ahaayeen hadaladii laga soo qabtay gabadha keenyaatiga ah ee qabsatay baraha bulshada. iyada oo la hadleysa sarkaalka Booliska ah oo lagu magacaabo Cabdi Cali.Sheekadu waxey gaartay meel sare maadaama Martha Karua oo ah hogaamiyaha xisbiga ay ka tirsan tahay haweeneydaan ee lagu magacaabo [Narc Kenya party] uu aad u cambaareeyay falka ay sameysay xildhibaanadda. Sida gadaal laga soo wariyay, xildhibaanadda waa laga sii daayay xabsiga kadib markii la damiintay, balse dib ayey booliska ugu yeeri karaan hadii loo baahdo si wax looga weydiiyo kiiska. Caasimada Online Xafiisa Nairobi Caasimada@live.com
  22. In ka yar 24-saac kadib imaatinkii Wafdigii Jabuuti oo ay qeyb ka ahaayeen fannaaniinta hobollada Waaberi ee Xasan Adan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal, baraha bulshada waxaa hareeray qoraallo aan kaliya ku saleysneyn soo dhaweyn iyo hadal-heyn. Waxaa soo shaac-baxayaa sheeko u muuqatay in la iska hilmaamay oo ku saabsan dhibaatada nololeed ee heysata fannaanka qaran ee Abdi Tahliil Warsame. Dhowrkii sannadood ee lasoo dhaafay waxaa xaalad bukaan-jiifnimo socodka uga go’ay al-fanaan Abdi Tahliil oo tiro dhowr jeer ah daweyn iyo daryeelba loogu fidiyay meel ka baxsan dalka gaar ahaan Turkiga. Daryeel furnaanta iyo noloshii farxadda laheyd ee Abdi Tahliil oo mar ahaa fannaan waddaniyadda iyo jaceylkaba kaalin firfircoon ku lahaa ayaa luntay. Hadda wali wuxuu ku sugan yahay caasimadda Muqdisho. Dowladdii hore ee madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud ayaa sameysay dadaallo muuqda oo gaaray in ilaa heer dibadeed caafimaad ahaan xaaladdiisa lagu soo tacaalo. Balse dowladda hadda jirta uma muuqato mid kaalinteeda ka qaadanaysa daryeelka halgamaha nool iyo hobolka qarannimada Soomaaliya usoo qaaday heeso dhaxal-gal ah oo ay kamid yihiin Soomaaliya Soomaali baa leh iyo Xubnayahow guntadaye Xilka guudka saartow. Si kastaba, baraha bulshada ayaa la isla dhex marayaa labada fannaan ee Samatar iyo Cigaal oo marti Sharaf iyo soo dhaweynba loogu sameeyey fannaan sidoo kale door muuqda kasoo ciyaaray geeddi-socodka nololeed ee dalnimada iyo dowladnimada Soomaaliya. RW Kheyre ayaa bartiisa soo dhigay sawir uu dhexda uga jiro labadan fannaan, waxaana baraha bulshada la isla dhex wareegaya sababta ilaa hadda uusan usoo booqan ama uusan xafiiskiisa ugu marti-qaadin ehellada iyo dadka sida dhow ula socda xaaladda Abdi Tahliil Warsame. Hobollada qaranka Waaberi ayaa badigood dalka isaga tagay xilligii ay jireen dagaallada sokeeye, waxaana jirta in fara-ku-tiris ah sida Abdi Tahliil, Seynab Xaaji Cali Baxsan, Nuurto Jeelow iyo kuwa kale. Balse la-yaabka sunniyaha lala taago wuxuu yahay sababta madaxda qaranka ay hadiyo jeer qaabilaad heer sare ugu sameeyaan fannaaniinta ka yimaada dibadaha – iyaga oo aan deymada ugu roonaaneyn kuwa gudaha dalka ku qaadanaya xaalado adag. Haddaba, yeelkeede in fannaaniinteennu ay iskugu gurmadaan tab walba oo ay isku kaalmeyn karaane, malaga yaaba in RW Kheyre uu sida Samatar iyo Cigaal xafiiskiisa ugu marti-qaado ama uu hoygiisa ku booqdo si uu ula qeybsado xaaladda adag oo uu ku sugan yahay?! Waa su’aalaha ay baraha bulshada isku weydiinayaan shacabka Soomaaliyeed oo u muuqda inay la damqanayaan xanuunka asiibay fannaanka. W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid