Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,695
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Saturday held an inter-denominational memorial service in honour of Ugandan police commissioner, Christine Alalo. The service to celebrate life of Alalo was held at AMISOM headquarters in Mogadishu, Somalia. Alalo was among the 157 passengers and crew who perished aboard the Ethiopian Airlines plane, which crashed shortly after takeoff in Addis Ababa on Sunday, a fortnight ago. At the time of her death, Alalo was working as AMISOM acting police commissioner and was travelling from Italy to Mogadishu when the accident occurred. According to a statement released by AMISOM, the service was attended by foreign diplomats, AMISOM and UN officials. Alalo was eulogized as a “champion of Somalia’s recovery and growth.” AU special representative for Somalia Francisco Caetano Madeira described Alalo as an officer who “understood that the police played a bigger role in bringing Somalis together.” Ambassador Madeira noted that Alalo had understood the policing needs of the Somali population, and had rooted for community policing in the grassroots. He said Alalo was; “persuading the population, the villages, that the police are not an enemy. Madeira said in his last telephone conversation with Alalo, she was enthusiastic about the implementation of the Concept of Operations (CONOPs) and enhanced training and capacity building for the Somalia local police. Lisa Filipetto, the head of the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS), which provides logistical support to AMISOM, underscored commissioner Alalo’s determination to fulfill and realize AMISOM’s mandate in Somalia. “She was not working really just for herself, she was working for the women and children of Somalia and to make sure that one day, they can all live in peace,” Filipetto told mourners. Rex Dundun, AMISOM police’s chief of staff, who worked closely with the Alalo said that her contribution in “attaining peace and stability in Somalia will forever be felt.” Raisedon Zenenga, the deputy special representative of the UN secretary-general for Somalia and the officer-in-charge of the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) said Alalo remarkable rise through ranks in Uganda Police and industrious work in Somalia showcased women leadership in peace and security operations. “Christine was a trailblazer in her own right, rising to the top of the profession in Uganda. And here in AMISOM, she set a strong example of female leadership in not only security services but also in multilateral peace operations,” Raisedon Zenenga said. Zenenga added; “she worked to build bridges and worked closely with all partners including UN police colleagues to support the Somali Police Force to rebuild Somalia’s security institutions for the benefit of all Somalis.” Other officials who paid a glowing tribute to Alalo according to the statement include; Fulgencio Garrido Ruiz, the EU charge d’Affaires to Somalia; Carlo Campanile, the Italian ambassador to Somalia; Qin Jinn, the Chinese ambassador to Somalia; AMISOM Force commander Lt. Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn, and the deputy AMISOM Force commander Lt. Gen. Nakibus Lakara in-charge of operations and plans. View the full article
  2. The Somali government has denied accusations that is has not provided salary and remuneration for its armed forces for the past months. The move came after some section of Somali media reported that contingents of the armed forces deployed along Mogadishu-Marka road vacated their bases due to lack payment on Sunday. A press statement from the ministry of the Defence has denied the claims saying each and every member of force receives a monthly stipend through a personal bank account. “Each and every registered armed forces member gets wage via bank account at the end of the month, “reads the statement. The Defence Ministry, however, acknowledged that there is verification process ongoing and any force member that might have been affected by the process can record at the nearest specified centre. “Any registered member who has not received monthly wages can register at the nearest station, ” the Defence Ministry assured. There is ongoing digital registration of Somali armed forces that was started by President Mohamed Abdullahi Farmajo’s government shortly after coming to power two years ago. The process is meant by the government to improve the welfare of the forces and come up with smooth procedures to do away with corruption and ghost staffs in the defence department that has affected the sector for years. The exercise that also involves the registration of all civil servants is scheduled to conclude before the end of the year. View the full article
  3. Berbera (Caasimada Online)-Shirkadda Dubai Port World “DP WOrld” ayaa shaacisayay heerka uu gaarsiisan yahay dhaqaalaha ay ku maalgeliyeen dekadda magaalada Berbera tan iyo markii ay la wareegeen maamulka dekadda. Agaasimaha Guud ee Shirkada DP World u qaabilsan Bariga dhexe iyo Africa Suhail Al Banna ayaa sheegay in tan iyo markii ay la wareegeen dekadda magaalada Berbera ay ku maalgeliyeen 12 Milyan oo doolar. Agaasime Suhail Al Banna ayaa sheegay in lacagtaasi ay ku maalgeliyeen qeybo muhiim ah oo dekadda ka tirsan, taasi oo dhalisay in uu kordho wax soo saarta dekadda magaalada Berbera sida uu hadalka u dhigay. Shan maalin ka hor ayaa dekadda waxaa ka dhaqan galay amar ay DP World kusoo rogtay oo ah in la kordhiyo lacagaha laga qaado Kunteenarada laga soo dajiyo iyo sarifka lacagaha Dolarka iyo tan iyo Somaliland. Ganacsatada Somaliland oo arrintaas ka xumaaday ayaa ku dhawaaqay shaqo joojin,waxaana kulmay Guddi ay Ganacsatada iska xuleen, Rugta Ganacsiga Somaliland iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Muuse ayaa Guddiyada isla socday u sheegay in DPWorld shaqadeeda ay qabsatay islamarkaana go’aanka ay soo saartay uu yahay mid ah xaq u leedahay. Shirkadda DP World ayaa hadda sheegeysa in lacag badan ay ku maalgeliyeen Dekadda magaalada Berbera, taasi oo keentay inay kordhiyaan lacagaha laga qaado ganacsatada wax kala soo dega dekadda. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com
  4. (SLT-Hargeysa)-Wefti uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda dawladda Eriteriya Cismaan Saalax Maxamed, ayaa goordhow imanaya magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland – sida ay ii xaqiijiyeen ilo-diblomaasiyaddeed. Waa weftigii ugu horreeyay ee heerkiisa ah ee ka socda Eriteriya, kuwaasi oo yimaadda Somaliland. Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco halkan Source
  5. Hargeysa (Somalilandtoday) Mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa shalay kormeer ku tegay dhismeyaal sheegeen in si sharci-darro ah looga dhisay meelo ka mid ah magaaladda Hargeysa, dhismeyaashaas oo sheegeen in qaarkood laga dhexdhisay waddooyin, waxaanay eedeeyeen madaxda dawladda hoose oo ay sheegeen in dhulkaasi ay iibsadeen. Xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid, Yuusuf Keyse Cabdilaahi oo shalay warbaahinta kula hadlayay Hargeysa ayaa soo bandhigay boob uu sheegay in lagu hayo hantidii qaranku lahaa ummadda kawada dhaxaysay, waxaana uu yidhi; “Xisbiga Ucid waxa uu u kuurgalay dhismeyaal sharci-darro ah oo ka socda caasimada Hargeysa. Waxaanu saaka (shalay) socdaal ugu baxnay meelo ka mid ah caasimada oo ay ka mid yihiin, iskuulka Sheekh Bashiir iyo degmada Maxamed Mooge iyo wadada boqol iyo kontonka. Waxaannu cod dheer ku cambaaraynayaa wadadii weynayd ee boqol iyo kontonka oo sifo sharci-darro ah loo xidhay oo loo gooyay taasi oo ay dhismeyaal cusubi imika ka socdaan oo la dedejinayao. Markaanu soo waraysanaya dawladdii hoose iyo dadkii deegaankaba, waxa caddaatay inay agaasimeyaal cuneen. Waxaannu Ugu Baaqaynaa Maayarka caasimada, Cabdiraxmaan Soltelco , Maayor-ku-Xigeenka Iyo Xoghayaha Dawlada Hoose, Inay Wax ka Qabtaan Dhismayaasha dhiig baxa iyo Sharci Daradda ku ah Caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo masuuliyadi ka saaran tahay isla markaana ay shaqadoodii iyo waajib saaran ay tahay inay deg deg u gutaan 3-dan Masuul ee aan kor ku xusay. Arintan aan ka hadlayno maanta ee baaqa iyo Fariinta dhiilada leh uga sidna masuuliyinta dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa waa xaqiiqo aanan waxna ku darin waxna ka reebayn waa arin aanaan mucaaridnimo iyo hebel dhaliil uga dhig midna uga dan lahayn balse waa Dhawaaq iyo Cabasho mudooyinkii u Dambeeyey Shacabka Caasimada Hargeysa Gaar ahaan Dadweynaha ku dhaqan Degmada Maxamed Mooge ee Hargeysa ay soo gaadhsiinayeen Xisbiga Mucaaridka ah Ee UCID in Wadadii 150 ka ee Xaafadaasi Rag Dawladda hoose ka tirsani oo Waliba Agaasimayaal ka ahi Ay Sifo Xaaraan ah Ugu Sharciyeeyeen isla Markaana Dhismayaal ka Socdaan Taas ayaanu indhahayaga ku soo aragnay, Waxaanan ugu Baaqay Hogaanka Dawlada Hoose inay Wax ka Qabtaan, Hadii ay ka Qaban waayaan Waxaanu u Fahmaynaa in ay Kula Jiraan iyaguna.” Ayuu yidhi Yuusuf Keyse Cabdilaahi Xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid Source
  6. (SLT-New Zealand)-Wakhti warbaahinta dunidu si weyn u qaadaa dhigayso falkii layaabka lahaa ee ka dhacay waddanka New Zealand ee ninka cunsuriga ahi ku xaquusay 49-ka qof ee masaajidka ku cibaadaysanayay waxa dhinaca kale saacadihii la soo dhaafay warbaahinta adduunka gaar ahaan ta dalalka New Zeland iyo Australia qabsaday warka la xidhiidha hadalladii uu tiraabay xildhibaanka Australian ka ahi ee keentay in wiil yar oo 17-jir ah isna madaxa kaga feedho xabbad beed ah. Ra’iisal Wasaaraha waddanka Australia Scott Morrison ayaa wax laga xumaado oo argagax leh ku tilmaamay hadallada ka soo yeedhay Xildhibaan Fraser Anning oo ah xildhibaan laga soo doorto Woqooyi bari ee Australia waddanka Austrlia kaasi oo falkii xasuuqa ahaa ee New Zeland ka dhacay ku tilmaamay wax ay galabsadeen Muslimiintu gaar ahaan kuwo u soo hijrooday dalalka Austrlia iyo New Zeland oo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo calool xun sida uu hadalka u dhigay. Hadalka Xidlhibaankan ayaa cadho weyn ka dhaliyay guud ahaan caalamka Islaamka waana ta keentay in wakhtigan Ra’iisal Wasaaraha waddanka Australia Scott Morrison ka hadlo isaga oo sheegay in hadalkaasi xildhibaanka ka soo baxay uu ahaa mid laga naxo oo aan asal ku lahayn Australia isaga oo sheegay in Xildhibaanka sidan u hadlay aanu matalin shacabka Australia ee uu ahaa mid isaga ku kooban. Dhinaca kale waxa baraha bulshada iyo warbaahinta qabsaday wiilkii yaraa ee 17-ka jirka ahaa ee markii uu Xildhibaan Fraser Anning ka hadlay xaaladda dadkii lagu laayay Masaajidada ka caadhooday kaasi oo isaga oo xildhibaankan ag taagnaa si kedis ah madaxa ugaga feedhay xabbad beed ah taasi oo keentay in isna uu xildhibaankan cunsuriga ahi gacan qaad ula tago wiilka yar. Wiilkan yar oo la sheegay in uu u dhashay waddanka New Zeland ayaan la xaqiijin in uu Muslim yahay iyo in kale waxaana loo badinayaa in aanu ahayn Bulshada Muslimka ah ee dalkaasi balse uu ahaa wiil ka dhiidhiyey kaliya hadallada uu xildhibaankaasi ku hadlay. Source
  7. (SLT-Christchurch)-ZeSheekooyin halyaynimo ah ayaa ka soo baxaya weerarkii Jimcihii lagu qaaday labada masaajid ee ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand, halkaas oo 50 ruux ay ku dhinteen dad kale oo badanna lagu dhaawacay. Qof ka mid ah Muslimiintii cibaadaysanayay ayaa sheegay in uu ninka qoriga watay ku tuuray mashiin yar oo gacanta lagu qaadi karo. Labo askari oo booliis ah oo midkood uu ku hubaysan yahay biskoolad kali ah ayaa eryaday oo xiray Brenton Tarrant oo 28 jir ah. Ninka laga shakisan yahay ayaa waxyaabo qarxa ku watay gaadhigiisa wuxuuna qorshaynayay weerarro dheeri ah sida ay sheegtay Ra’iisulwasaare Jacinda Ardern. Weerarkaas ayay ku tilmaantay “mid argagixisanimo”. Galinka dambe ee Isniintana golaheeda wasiirrada ayaa gorfayn doona wax ka badalidda shuruuxda qoryaha ee dalkaas. Baareyaasha ayaa baaritaan ku samaynaya maydadka oo loo celinayo qaraabada si loo aaso Arbacada. Dadka dhintay ayaa loo tacsiyeeyay walina waxaa isbitaalka ku jira 34 ruux oo ay ka mid tahay gabadh afar jir ah oo xaaladdeedu aad u liidato. Cabdulcasiis oo ah 48 jir reer Afhanistan ah ayaa sheegay in uu ku jiray gudaha masaajidka Linwood oo ahaa goobtii labaad ee la bartilmaameedsaday, isla markaasna uu maqlay in qof uu rasaas furay. Wuxuu sheegay in markii ay u caddaatay in masaajidka la soo weeraray uu qaatay mashiinka kaararka bangiyada lacagta lagaga jaro ka dibna uu ku orday dhanka ninkii weerarka soo qaaday kuna tuuray. Arrintaas ayuu sameeyay intii ninku uu ku sii socday gaargiisa si uu qorii kale ula soo baxo, balse wuu hakaday markii uu qoriga la soo baxay ee xabbad ku soo riday. Cabdulcasiis oo ay masaajidka kula sugnaayeen afar carruur ah oo uu dhalay ayaa qaatay qori uu ninkii weerarka soo qaaday tuuray ka dibna fargadda ayuu qabtay si uu xabbad uga rido balse rasaas kuma jirin, hase ahaatee sidaas kuma harin ee masaajidka ayuu ka dabo galay ninkii weerarka soo qaaday markale ayuuna qaabilay. “Markuu arkay in aan qori wato, qorigii uu watay ayuu tuuray dhanka gaarigiisii ayuuna u orday. Waana eryaday” ayuu yiri Cabdulcasiis oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters. Cabdulcasiis ayaa sheegay in uu mashiin yar ku tuuray ninkii weerarka soo qaaday Latef Alabi oo ah Imaamka ku meelgaarka ah ee masaajidka Linwood ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in geeridu ay intan aad uga sii badan lahayd haddii Cabdulcasiis oo aan ninka hubaysan ka cabsan uusan is xilqaamin. Labo nin oo booliis ah oo masaajidka ka ag dhawaa ayaa eryaday, gaarigiisii xannibay ka dibna qabtay ninkii weerarka soo qaaday, arrintaas waxaa duubay qof goobjooge ahaa ka dibna wuxuu soo dhigay baraha ay bulshadu ku xiriirto. Askartu waxay wax walba ka hor mariyeen New Zealand,” geesinimadoodana waan aqoonsan doonnaa ayay tiri Ra’iisulwasaare Arder, oo Sabtidii hadashay. Ninka hubaysan ayaa markii hore weeraray masaajidka Al Noor oo qiyaastii 5km u jiray iyadoo ay dadku sugayeen salaadda Jimcaha. Ninkan ayaa isagu isku tilmaamay in uu caddaannimada ku kalax tagay wuxuuna si toos ah u duubay qaabka uu dadka u laynayay isaga oo Facebook adeegsanaya. Muuqaalkaas ayaa laga arkay Naeem Rashid oo asal ahaan ka soo jeeda magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan oo isku dayaya in uu ka hortago ninka weerarka soo qaaday ka dibna la tooganayo, isbitaal ayaa loola cararay balse markii dambe wuu geeriyooday. “Waxaa jira tiro goobjoogeyaal ah oo sheegay in walaalkii uu dad badbaadiyay intii uu isku dayayay in uu ka hor tago ninkii weerarka soo qaaday” sida uu BBC u sheegay walaalkii Khurshid Alam. Talha oo ah wiil uu dhalay Rashid oo 21 jir ah oo la sheegay in uu mar dhaw shaqo helay isla markaasna qorshaynayay in uu guursado ayaa ka mid ahaa dadkii la laayay. Qoyskan ayaa New Zealand ku noolaa tan iyo sannadkii 2010. Ra’iisulwasaaraha Pakistan Imran Khan ayaana sheegay in la maamuusi doono Rashiid. Dhanka kalana Hosne Ara oo ah haweenay 42 jir ah ayaa la sheegay in ay ku sugnayd qaybta dumarka ee masaajidka Al Nuur marka ay rasaastu billaabatay. Waxaana la dilay iyadoo baadigoobaysa ninkeeda oo kursiga naafada ku yimid masaajidka balse badbaaday. Farid Uddin ayaa sheegay in xaaskii ay badbaadisay oo dhimsaha ka saartay dumar iyo carruur iyadoo weerarku socdo. “Waan ku faraxsannahay waxay samaysay. Wanaag iyadoo samaynaysa ayay dhimatay. Waxay dhimatay iyadoo gacanta ku haysta wixii ay jeclayd een anna jeclaa,” ayuu yiri Farid oo la hadlay BBC. “Xaaskaygii ayaan waayay laakiin ma necbi ninkii dilay. Shaqsiyan waan jeclay. “Waana cafiyay. Waana u ducaynayaa.” ayuu intaas ku sii daray. Booliiska ayaa masaajidka tagay 6 daqiiqo ka dib markii weerarka lagu soo wargaliyay waxayna arkeen 41 ruux la dilay, sida uu sheegay Mike Bush oo ah taliyaha booliiska. Talaadada ayuu baarlamaanku ka tacsiyayn doonaa dadka dhintay. Dadka kale oo geeridooda la xaqiijiyay waxaa ka mid ah: Atta Elayyan oo ah 33 jir reer Kuwayd ah oo gool haye ka ahaa New Zealand. Khaled Mustafa oo ahaa qaxooti ka yimid colaadda Suuriya Sayyad Milne oo ahaa 14 jir doonayay in uu ciyaartoy kubbadeed noqdo marka uu waynaado. Brenton Tarrant oo ah ninka weerarkan “argagixisada ah” gaystay ayaa Sabtidii maxkamad ka soo muuqday isaga oo gacmaha ka jeebaysan oo qaba dharka maxaabiista, kaameerada markii uu arkay ayuuna qoslay. Waxaa lagu soo oogay hal dacwad oo dil ah, waxaana la filayaa in ay dacwado dheeri ah lagu soo oogi doono. Kaligii ayaa lagu soo oogay toogashada waxaana la rumaysan yahay in aysan cidina wehelin, sida uu sheegay taliye Bush. Source
  8. Xudur (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar culus oo xalay saqdii dhexe Al Shabaab ay ku qaadeen fariisin Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool. Weerarka ah oo mid qorsheysan ayaa waxaa la sheegay in dagaalyahannada Al Shabaab dhowr jiho ay uga qaadeen xeradaasi. Al Shabaab oo ka hadlay weerarkan ayaa baahiyay in khasaare xoogan ay gaarsiiyeen ciidanka Itoobiya, inkasto aysan shaacin inta uu la’egyahay. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Xudur oo ku aadan weerarkaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ka fuliya gobollada Baay iyo Bakool ee Koonfurta Soomaaliya. View the full article
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Dhacdooyin Xanuun badan ayaa ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaana soo kordhaya dilalka loo geysanayo dhalinyarada Bajaajta ku shaqeysta ee ku sugan magaalada Muqdisho. Seddex Maalin ka hor ayuu guursaday Cabdi Waaxid Jabriil Afrax, balse mid kamid ah ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shalay ku dilay isgoyska Taleex degmada Hodon ee gobolka Banaadir. C/Waaxid ayaa kamid ahaa dhalinyarada ku qanacsan inay ka xamaashaan dalkooda, waxaana muddooyinkii ugu dambeeyay qoyskooda uu ka biilayay waxyaabaha uu ka shaqeeyo mootada, sida ehelkiisa qaar ay sheegeen. Askari Boolis ah ayaa dilay wiilka dhalinyarada ah, waxaana qoyskiisa wiilka ay xalay ku hoydeen murugo. Xaaskiisa Saamiya Suleebaan Jaamac saddexdii habeen ee la soo dhaafay farxad ayeey nolosha ku qaadatay, balse xalay murug iyo ooyin ayey ku seexatay kadib markii ay wayday qofkii ay calmatay, iyadoo aysan todobada ka bixin. Cabdi Waaxid oo wiil dhalinyaro ahaa wuxuu ku shaqeysanaayay Bajaaj, sidoo kalena wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo waxbarta, dadna ma uusan dulmin, ma dhicin cidna, Qofna muusan dilin, balse isaga gardaro lagu dilay. Dilalka loo gaysanaayo dhalinyarada Mooto Bajaajta ku shaqeysta waa ay sii kordheysaa Magaalada Muqdisho gudaheeda, waxaana aad u yar helida Cadaallada la marsiiyo dambiilayaasha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. (SLT-Muqdisho)-Askari ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa duhurnimadii shalay isgoyska Taleex ee degmada Hodan ku dilay Wiil dhalinyaro ah, kaasoo watay Mootada Saddexda lugood leh ee Bajaajta. Wiilka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdiwaaxid Jibriil Afrax waxaa toogtay askari ka mid ahaa ciidanka ammaanka ee xidhay qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho intii uu ku sugnaa Muqdihso madaxweynaha dalka Jabuuti, iyadoo askariga dilka geystay uu ka baxsaday gacanta laamaha amaanka. Ehelada marxuum C/Waaxid Jibriil Afrax ayaa sheegay in Wiilkooda uu Aroos ahaa Saddex cisho oo kaliya, isagoo shalay soo aaday banaanka si uu u raadsado biilka qoyskiisa cusub. Wararka ayaa sheegaya in wiilka la dilay iyo askariga uu gacan ka hadal dhex maray, kaddib markii ay murmeen. Waxaa uu Todobo kula jiray Xaaskiisa oo lagu magacaabo Saamiya Suleymaan Jaamac, waxaana dhacdadan aadka xanuunka badan ay murugo iyo uur ku taalo ku reebtay dadka Muqdisho. Saraakiisha Booliska ee Saldhiga Hodan iyo kuwo Gobolka Banaadir wali wax war ah kama soo saarin dilka loo geystay Wiilka dhalinyarada ah, iyadoo uu socdo howlgal lagu doonayo in lagu soo qabto gacan ku dhiiglaha oo si baxsad ahaan loo raaidnayo Source
  11. (SLT-Indonesia)-Ugu yaraan 73 qof ayaa ku dhintay in ka badan 60 qofna waa la la`yahay kaddib daadad ku dhuftay gobolka bariga Indonesia ku yaalla ee Papua. Kooxaha badbaadada ayaa dadaal ugu jira sidii ay u gaari lahaayeen dhulalka miyiga ah ee gobolka ka tirsan, waxaana jira cabsi ah in tirade dhimashada ay sii kororto. Waddooyinka ayaa waxaa jaray daadad iyo dhul go` iyo geedo soo jabay, daadadka ayaa sidoo kale saameeyay buundooyin iyo in ka badan boqol guryo. In ka badan 4,000 oo qof ayaa ku qasbanaaday inay guryahooda isaga baxaan, qaarkood ayaana hoy ka dhigtay xafiisyada dowladda. Dadka deegaanka ayaa sheegay in roobab xoog leh oo bilowday fiidnimadii Sabtidii uu da`ayay habeenkii oo dhan, kuwaas oo sababay daadad. Dadka ku waxyeeloobay daadadkaas ayaa laga baadigoobayaa magaalada Sentani, oo ka mid ah meelaha ugu daran ee ay daadadku saameeyeen. Ugu yaraan 51 qof ayaa lagu dilay magaalada, sida uu sheegay Sutopo Purwo Nugroho oo ah afhayeen u hadlay hay`adda ka hortagga musiibooyinka ee dalkaas. Toddoba qof oo kale ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen magaalada Jayapura, sida uu sheegay Mr Nugroho. Digniinno Daadadka ayaa badanaa ku dhufta dalka Indonesia, gaar ahaan xilli-roobaadka inta u dhaxeysa October-April. Bishii January, daadad ayaa ugu yaraan 70 qof ku dilay jasiiradda Sulawesi, iyadoo roob xooggan oo ka da`ay West Java bishii March ay ku barakaceen boqollaal qof. Saraakiisha gargaarka degdegga ah ayaa sheegay in bilihii la soo dhaafay ay uga digeen maamulka Papua khatarta daadadka. Gobolka Papua ayaa dhanka bari xad kala leh gobolka madaxa bannaan ee Papua New Guinea. Source
  12. Dagaal u dhaxeeya beello walaalo ah ayaa shalay waxa uu dib uga bilowday deegaanka Buurdheere oo hoostaga degmada Cadalle ee gobolka Shabellaha Dhexe. Dagaalkan oo aad u xooganaa ayaa sababay dhimashada in ka badan 30 qof, iyadoo dhaawucuna intaasi badan yahay. Sida ay inoo sheegeen dad ku sugan degmada Cadalle, beelaha dagaallamay ayaa kala helay gurmad taasi oo dagaalka sii xoojisay. Xaaladda guud ee maanta waa ay deggan tahay, mana jirto wax rasaas ah oo la maqlayo, hase ahaatee Labada dhinac hub uruursi ayeey kala wadaan. Sidoo kale, waxgarad ku sugan degmada Cadalle ayaa bilaabay iney is abaabulaan si ay u kala dhexgalaan beelahan is haya. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Deegaanka Buurdheere Source: goobjoog.com
  13. Cadale (SMN) – Waxaa saaka dagan xaaladda deegaanadii lagu dagaalamay degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Waxgaradka deegaanka ayaa lagu soo warramayaa in dadaallo looga hortagayo xiisadani ay ka bilaabeen agagaarka degmadaasi. Dagaalladan oo u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed ayaa waxa ay saameyn ku yeesheen dadka rayidka ah ee ku dhaqan halkaasi. Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkii ugu dambeeyay ee shalay ku dhintay ku dhawaad 10 Qof, halka ay ku dhaawacmeen 15 kale. HirShabelle waxaa inta badan ku soo laa laabta dagaallo u dhxeeya maleeshiyo beeleed wada daga deegaanada maamulkaasi. View the full article
  14. Wararka ka imanaya deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhexeeya laba dhinac oo hubaysan sida laga soo xigtay dadka deegaanka. Suxufi ku sugan gobolka Galgaduud ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in dagaalka uu bilowday gelinkii dambe ee xalay kadib markii mid kamid ah dhinacyada dagaallamaya uu malayshiyaad hubaysan soo geliyay halkaasi. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dhinacyada dagaallamaya ay yihiin dad deegaanka u dhashay oo ku kala qeybsan dhanka siyaasadda inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin cidda dagaalku u dhexeeyo. Khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa la soo werinayaa in uu ka dhashay dagaalka, balse ilaa iyo hadda faahfaahin sii dheer lagama hayo. PUNTLAND POST The post Dagaal la sheegay in uu ka socdo degaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud appeared first on Puntland Post.
  15. Xarakada Al-shabaab ayaa dib ula wareegay deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabellaha Hoose, halkaasi oo shalay isaga baxeen askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka. Wararku waxay sheegayaan in Al-shabaab ay degeen goobihii ay faarujiyeen ciidanka dowladda ee deegaankaasi ah. Dadka deegaanka waxay sheegeen in Al-shabaab halkaasi ay ka sameeyeen howlgallo dad shacab ah ay ku qabteen. Sababta ay ciidanka DFS uga baxeen Dhanaane ayaa lagu sheegay cabasho dhanka mushaarka ah, kadib markii aanay lacag qaadan muddo la eg Afar bil. Askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka kuna sugan gobolka Shabellaha Hoose ayaa dhowaan shaaciyey in aanay Afar bil qaadan mushaarkooda, iyaga oo ku baaqay in la siiyo xuquuqda ay leeyihiin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Wararka ka imaanaya deegaanka Xeraalle ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya maleeshiyo beeleed deegaankaasi kasoo wada jeeda. Xalay saq dhexe (02:00 AM) ayaa la sheegay in dagaalkan uu ka bilowday duleedka deegaanka Xeraalle, iyadoo saakayna la sheegay in dagaalka uu gudaha deegaanka kusoo fiday. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintey Afar qof, iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay, waxaana Labada dhinac ay kala helayaan gurmad xooggan. Dad ku sugan deegaanka Xeraalle ayaa ku eedeeyey ciidanka Ahlu-sunna in weerar kusoo qaadeen maleeshiyaad deegaanka ah oo halkaasi ku sugnaa. Xaaladda waa mid kacsan, waxaana weli socda dagaalka, iyadoo aanay jirin cid kala dhexgashay Labada dhinac. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Afgooye (SMN) – Xarakada Al Shabaab ayaa shaacisay in ay si rasmi ah ula wareegtay gacan ku heynta deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeelaha Hoose. War ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahanadooda xalay ay qabsadeen deegaankaasi oo ku yaalla waddada xeebta ee Muqdisho iyo Marka. Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa 12-ka April ayaa shalay gelinkii dambe soo baneenyay fariisimo ay ku lahaayeen halkaasi, iyaga oo ka cabanaya Mushaar la’aan. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan arrintaasi. Xaaladda ayaa saaka kacsan, iyadoona Al Shabaab dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka bilaabeen deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Wasaaradaha Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxay ku howlan yihiin diiwaan-gelinta Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed si loo loo tayeeyo howlaha ciidanka loona hubiyo xuquuqda ciidanka. Askari walba oo diiwaan-gelintiisa la xaqiijiyay waxa uu qaataa mushaarkiisa oo si toos ah loogu shubo koontadiisa bangiga. Sidoo kale waxaa loo billaabay in 30 doolar oo kamid ah qoondada raashinka askarta si toos ah loogu shubo koontada uu askarigu bangigiisa ku leeyahay marka la xaqiijiyo diiwaan-gelintiisa. Ciddii la diiwaangeliyay ee aan weli helin xaquuqdooda billaha ah waxaa ku socda xaqiijin rasmi ah,sidoo kale waxaa wali socda diiwaan-gelinta ciidanka,waxaana ciidamada la diiwaan-geliyay lagu amray inuu ku sugnaadaadaan goobtooda shaqada. Inta ay socoto diiwaan-gelintu waxaa laga codsan doonaa ciidamada qaarkood in ay yimaadaan goobo ku dhow goobtooda shaqo, sida kuwa dhanaane oo lagu diiwaan-gelin doono Jazeera, kadibna ay dib ugu laaban doonaan goobtooda shaqo. Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ciidanka ku wargeliyay inta ay diiwaan-gelinta socoto askari walba uu ku uu heli doono xuquuqdiisa oo buuxda marka ay soo dhammaata diiwaan-gelinta. Dowladda Soomaaliyeed waxa ay ku guulaysatay in ay si joogto ah u bixiso mushaaradka askarta labadii sano ee la soo dhaafay, laakiin labadii billood ee ugu dam View the full article
  19. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-18032019.mp3 View the full article
  20. Dhanaane (Caasimada Online)-Al Shabaab ayaa shaaciyay inay la wareegay deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeelaha Hoose, deegaankaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya. Deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa qaatay muddo maalmo ah in ciidamada dowladda Soomaaiya ay la wareegaan, waxaana ay kula dagaalameen Al Shabaab, balse Al Shabaab ayaa si sahlan dib ula wareegay. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee shalay isaga baxay deegaankaasi, waxaana ay sheegeen inay ku dhacday mushaar la’aan sababtay inay isaga baxaan deegaanka Dhanaane. Dadka deegaanka qaarkood ayaa ku waramaya in Al-Shabaab ay deegaanka Dhanaane ku sugan yihiin, isla markaana ay fariisin ka dhigteen goobihii ay ka baxeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Ciidamada kasoo baxay deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa cabashada ay muujiyeen waxaa ka jawaabay wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya. War-Saxaafadeed siwadajir ah uga soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo taliska ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka uu ku socdo tirakoob, isla markaana ciidamada la tirakoobay ay mushaarkooda qaateen kuwa kalena lasiin doono markii la tirakoobo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa sii xoogeysanaya xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa madaxda maamulka Galmudug ee xarumo ka kala dhigtay magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusomareeb. Cali Gacal Casir Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Cadaado ayaa sheegay in doorashada ka dhaceyso Galmudug aysan u joogsaneyn madaxda ku sugan magaalada Dhuusomareeb. Wuxuu sheegay in Galmudug ay leedahay Dastuur iyo xildhibaano ilaalinaya islamarkaana doorashada ay ku dhaceyso waqtigeeda, wuxuuna sheegay in xiligii la dhisay maamulka Galmudug lagu saleynayo doorashada maamulkaasi. Waxaa muuqata inuu ka horjeedo hadalkii kasoo yeeray madaxa xukuumadda Galmudug oo ahaa in seddex sano kadib ay Galmudug ka dhaceyso doorashada madaxtinimada maamulkaasi. Madaxda Galmudug ee ku sugan dhuusamareeb ayuu u sheegay in Dastuurka Galmudug aan waxba laga bedelin, sidoo kalena Xildhibaanada Galmudug ay yihiin 89 Xubnood, Xarunta Baarlamaanka Galmudugna ay tahay Magalada Cadaado cid waxka bedeli kartana aysan jirin. Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Sare ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sii xoogeystay, kuwaas oo kala degan Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado,iyaga oo kala leh laba madaxweyne iyo laba guddoomiye Baarlamaan. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/cod1gudoomiyaha-barlamaana.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxaysay sababta uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqday kulankii uu shalay madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle kula hadlay xildhibaanada Soomaaliyeed. Munaasabadda uu Geelle kula hadlayay xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa shalay ka dhacday dugsiga Booliska Jeneral Kaahiye. Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in sababaha uu Madaxweyne Farmaajo ku diiday ka qeyb-galka kulankaas ay tahay khilaafka weli u dhaxeeya labada Aqal ee baarlamanka Soomaaliya oo aanu weli xal laga gaarin. Khilaafkan oo socda muddo bilooyin ah ayaa yimid kadib markii Aqalka Sare uu xiriirka u jaray Aqalka Hoose Waxaa socda qorshe la doonayo in kalfadhiga labada Aqal si wadajir ah loo furo, laakiin ma cadda sida ay ku suura geli doonto haddii aan la xalin khilaafka soo dhex galay labada Aqal. Xildhibaanada Aqalka Sare horay loogu wargeliyay in Kalfadhiga 5aad la furayo 16 bishan oo shalay ku beegneyd, balse loo baajiyay imaanshaha Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Aqalka Sare ayaa sanadkii hore hakiyay wada shaqeyntii kala dhaxeysay Golaha Shacabka, iyadoo lagu eedeeyay Guddoonka Golaha Shacabka ku tagri fal awoodda ka dhaxeysay labada Aqal. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Duruufaha iyo wakhtiga adag ee la soo maray aad bay u taxnaayeen, Waana kuwo aan marnaba la illaawayn marka la eego Soomaalida dhexdeeda iyo guud ahaan caalamka oo ahaa mid mar kasta ku hawllanaa nabadda Soomaaliya. Marnaba ma dafirayno in ay jireen waddamo Soomaaliya u diiddan horumarka dhinaca Amniga, dhaqaalaha iyo weliba xal ka gaadhista dhibaatooyinkii adkaa. Ugu horrayn waddamada caalamka iyo weliba midowga waddamada adduunku (UNITED NATION) markasta waxay ahayeen kuwo waddnaha farta ku haya marka la eego is bedbeddelka xaaladaha Soomaaliya, markasta waxay ku bixinj jireen dhaqaale lugu maarreeyo masiibooyinka iyo weliba jaan-goynta degganaanshaha Soomaaliya oo inta badan waxay markasta Soomaaliya u soo dirijireen dadyow ka socda beesha caalamka kuwaas oo dhaqaale iyo nafta u huraayay Soomaaliyada maarrada loo waayay xaal-keeda siyaasaddeed. In kastoo wakhtigu uu is beddelo xallad kastana ay ku xidhantahay is beddelka wakhtiga iyo waayaha, waxaad moodda in ay meesha ka bexeen inta badan arrimihii culayska ku hayay beesha caalamka, oo waxaa caddayn kuu ah Soomaaliyadii markasta ay Qarammada Midoobay u soo dirijireen shakhsi qiimo weeyn uugu fadhiya kaas oo weliba ay weheliyaan kaalliyaayaal kala duwan si ay Indho goonni ah uugu yeeshaan xaalladaha Soomaaliya. Maanta waxaad moodda in culayskii yaraaday oo aan loo baahanayn xubnihii tirada badnaa iyo weliba joogtayntii badnayd, waana tan oo Beesha caalamku inta ay dhowr waddan isku soo dhaftay si wada jir ah uugu soo magacawda hal ergey, oo ah ergeyga Geeska Afrika, Parfait Onanga-Anyanga oo u dhashay dalka Gabon. Waa tallaabo caddayn u aha in uu yaraaday hawlihii badnaa ee laga hayay gudaha Soomaaliya oo hadda Arrinku wuxuu marayaa in la dhimo juhdigii badnaa ee lugu bixinaayay nabad soo dabbaalidda Soomaaliya, waxaana moodda in wax badan maanta laga maarmay oo dawladda Soomaaliya ay isku fillantahay marka la eego dhinacayada jaan-goynta masiirka siyaasadda iyo weliba meelaynta deeqaha caalamka. Dhanka kale waa fa’iido u soo hoyatay Soomaaliya oo waxaa meesha ka baxday lacagihii ku bixijiray masuuliyiinta tirada badan, lacagtan oo ahayd mid Soomaaliya meel loogu kaydinaayay ahaydna dayn dusha ka saaran, ama la isticmaali-jiray deeqo ay waddamo iskood ugu deqeen Soomaaliya, Hadda arrinku wuxuu noqonayaa in si wada jir ah lacagta howlaha lugu fulinaayo looga qaado inta waddan ee ay Qaramada Midoobay u soo magacowday masuulkaas. W/Q: Cumar Rodol Cumarrodol@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  24. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo kamid ah xildhibaanada Golaha wakiilada ee Somaliland ayaa si adag uga jawaabay dalab kasoo baxay Maamulka Puntland, kaasi oo ay ku dalbanayeen inay kamid noqdaan wada-hadalada Somaliland & Somalia. “Farmaajo aan la shirno ama cid kale aan la shirno Puntland waa gobol kamid ah Soomaaliya, waxay nagu soo darsan karto majirto, anaga Somaliland baa nala yidhaahdaa, waxaas haddey joojin weydo Puntland baa ka shaleyn doonta, Garoowe baad ka qixi doontan ban leeyahay hadaad fara-gelinta aad nagu haysaan hadaad joojin weydaan, wlhi baad Garoowe ka qixi doontan” ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac. Muddooyinkii udambeeyay waxa isasoo taraya hadalo kulul oo masuuliyiinta labada Maamul ay hawada isku marinayaan iyaga oo xiisad dagaalna kaga dhex aloosantahay deegaano katirsan G/Sanaag. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com