-
Content Count
207,695 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Burco)-Agaasimihii wasaaradda warfaafinta Somaliland Dr. Cismaan Xuseen Warsame, ayaa warqaddiisa shaqo ka tegista u gudbiyay madaxweynaha Somaliland, xaalad caafimaad oo soo waajahday awgeed. Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay in uu ka aqbalay shaqo ka tegista agaasimaha. Waxa hore uu waqdada is-casilaada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ugu gudbiyay wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf iyada oo la sheegay in uu Madaxweynuhu ka aqbalay. Wasiirka Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf ayaa waxa la sheegay in is-casilaadiisu ay la xidhiidho xaalad caafimaad oo la soo daristay. Source
-
Premier League, English Football League (EFL) iyo Football Association (FA) ayaa lagu dhaliilay todobaadkan inaysan xushmad iyo maamuus baroor diiq u sameynin dadkii Muslimiinta ahaa 50-qof gaarayeen ee lagu dilay masaajid ku yaalo New Zealand. Waxaa xusid mudan in gudaha Ingiriiska cayaarihii Rugby (Six Nations League) ka hor inta aan la bilaabin kubada daqiiqad loo aamusay dadkii weerarkii argagaxiso lagu dilay masaajidka New Zealand ku yaalo Jimcadii halka kulamadii kubada cagta soo agaasimeen Premier League, EFL & FA aan marnaba la isku soo hadal qaadin xasuuqii Muslimiinta loo geestay! Dhamaan kooxaha EPL cayaaraan ayaa soo xirteen maro maddow sidoo kalena daqiiqad u aamuseen dadkii weerarkii Paris ka dhacay November 2015 lagu dilay laakiin cidna isma weydiinin todobaadkan xasuuqii masaajidka New Zealand ku yaalo taasi oo loo fahmay Islaam naceyb iyo labo wajiilenimo ay lasoo baxeen gudiyada horyaalada heerka kowaad, labaad iyo FA Cup-ka qaban qaabiyaan! Cayaartooyda Watford & Man United oo hal daqiiqad u aamuseen weerarkii Paris Nov 2015Yunus Lunat oo horey FA-ga Ingiriiska kala shaqeen jiray arimaha sinaanta Jinsiga wuxuu ku tilmaamay todobaadkan waxay ay sameeyeen gudiyada tartamada kubada cagta Ingiriiska maamulaan kuwo labo wajiilayaal ah oo Muslimiinta dhibaatadooda ka dan qaneyn. Premier League waxaa ceeb ku ah inay bartooda Twitter-ka soo dhigeen tacsi iyo murugo ay la qeebsanayaan dadkii New Zealand masaajidka ku yaalo lagu xasuuqay laakiin aysan gudiga EPL wax amar ah ku bixinin in gudaha garoonka lagu soo xirto maro maddow sidoo kalena daqiiqad loo aamuso dhibanayaashii Muslimiinta ahaa! Sidoo kale weerarkii magaalada Nice ka dhacay July 2016 ee 86-qof lagu dilay siweyn ayay FA-ga Ingiriiska kaga hadleen weliba garoonka Wembley summada uu caanka ku yahay waxaa loo badalay midibka calanka France sidoo kalena baroor diiqyo waa weyn ayaa gudaha Ingiriiska ka dhaceen halka FA-ga todobaadkan wax tacsi iyo ficil midna kasoo saarin xasuuqa Muslimiinta loogu geestay New Zealand masaajid ku yaalo. Garoonka Wemlbey taalada uu caanka ku yahay midibka calanka France laga dhigay kadib weerarkii Nice July 2016.Waa Maxay Sababta Looga Hadli Waayay Xasuuqii Masaajidka Xaafada Chris Church Ka Dhacay Jimcadii? Culeeska ugu weyn wuxuu ka jiraa in maamulka tartamada kubada cagta Ingiriiska hogaankooda Muslimiin ku yar yihiin ama aysan ku laheyn door go’aan qaadasho waana sababta keentay todobaadkan in la waayay ka hadlida xasuuqii New Zealand ka dhacay ayadoo dalka Ingiriiska Muslimiin badan ku nool yihiin sidoo kalena cayaartooy badan Muslimiin ah joogaan oo xirfadlayaal kubada cagta heer sare ka gaareen ah. Qareen Yunus Lunat wuxuu yiri “Ceeb haku dhacdo gudiyada EPL, EFL & FA madaama ay lumiyeen todobaadkan fursad weyn oo ay ku muujin kareen sida shacabka reer Ingiriis uga xun yihiin weerarkii ka dhacay New Zealand masaajidka ku yaalo.” Janaayo 2015 Cayaartooyda QPR ayaa hal daqiiqad u aamuseen xarunta wargeska Charlie Hebdo weerarkii ka dhacay ee 17-qof lagu dilay kana dambeeyay niman Muslimiin ah oo qoryo ku hubeesnaa.Gunaanad: Todobaadkan waji gabax xoogan ayay la kulmeen gudiyada maamulaan tartamada kubada cagta Ingiriiska laga cayaaro balse waxaa loo fahmi karaa arinka inuu yahay Islaam naceyb iyo labo wajiilenimo ay ku dhaqmeen Premier League, English Football League (EFL) iyo Football Association (FA) madaama horey uga hadleen ficilna ka bixiyeen weeraro kala duwan oo Yurub ka dhacay laakiin weerarkii Muslimiinta lagu bartilmaameed saday wey iska maah siiyeen inay ka hadlaan!! Caasimada Online XafiiskaMuqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Muqdisho la soo gaarsiiyay tobaneeyo qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalkii dhowaan ka dhacay degaanka Burdheere ee Gobalka Shabeelaha Dhexe kuwaas oo wax looga qaban waayay Isbitaalada Sh/Dhexe. Diyaarad si gaar ah loo kireeyay ayaa saakay ka baxday magaalada Muqdisho waxaana la sheegay in qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay Shabellaha dhexe ay ka soo qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar, waxayna goordhow soo caga dhigatay garoonka magaalada Muqdisho. Dadka qaba dhaawacyada ee maanta la soo gaarsiiyay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in laga soo saaray Isbitaalka magaalada Jowhar ee xarunta HirShabeelle, waxaana qaarkood la geeyay Isbitaalka Digfeer oo ay gacanta ku hayso dowladda Turkiga. Dhinaca kale qaar kale oo ka tirsan dadkii ku dhaawacmay Shabeelaha dhexe ayaa gawaari looga soo qaaday degmada Warsheekh ee Gobalka Shabeellaha Dhexe waxaana la soo gaarsiiyay magaalada Muqdisho. Waxaa isa soo taraya walaaca ay qayla dhaanta ka soo baxaysa odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beelaha ku dagaalamaya Shabeellaha Dhexe kuwaas oo ku baaqaya in colaadda la joojiyo. Siyaasiin iyo xubno Ganacsato ah ayaa dagaalkaan lagu eedeeyay in ay hurinayaan kuwaas oo la sheegay in dano gaar ah ay ka leeyihiin dagaalka Shabeellaha Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Utrecht)-Booliiska magaalada Utrecht ee dalka Netherlands ayaa sheegay in hal qof lagu dilay, dhowr qof oo kalena ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday meel laga raaco tareenada. Waxaa la xiray dhammaan jidadka soo gala goobta uu weerarka ka dhacay oo lagu magacaabo Fagaaraha 24-ka October. Afhayeen u hadlay booliiska ayaa sheegay in weerarka uu lahaan karo ujeedo kasta, oo ay ku jirto argagixisanimo. Dowladda Netherlands ayaa meeshii ugu sarreeyey gaysay heerka halista ee magaalada Utrecht. Waxaa si aad ah loo adkeeyey ammaanka iskuullada, masaajiddada, iyo goobaha laga raaco gaadiidka dadweynaha. Raysal wasaaraha Netherlands, Mark Rutte ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay xalaadda. Ninka toogashada fuliyey ayaan illaa iyo hadda gacanta lagu dhigin. Source
-
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xooggan oo xalay ka bilowday deegaanka Xeraalle ee gobolka Galgaduud, kaasi oo illaa iyo haatan socda. Dagaalkan ayaa la sheegayaa inuu u dhaxeeyo Maleeshiyaad isku haya gacan ku haynta deegaankaasi, waxaana dagaalkan ka dhashay khasaare kala duwan. In ka badan 10 qof ayaa la xaqiijiyey in dagaalkaasi ay ku dhinteen iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay, sida uu soo sheegayo wariyaheenne C/risaaq Al-cadaala. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/WAR-CADAADO.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wefti ballaadhan oo ka socda dalka Ereteriya oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda dalka Ereteriya, Mudane Cismaan Saalax Maxamed, ayaa maanta soo gaadhay caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa. Ugu horrayn waxa weftiga gegida caalamiga ah ee Cigaal International Airport kusoo dhaweeyey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wasiirrada arrimaha dibadda iyo horumarinta maaliyadda Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Fara-toon) iyo Sacad Cali Shire, waxana ay usoo gelbiyeen dhinaca qasriga madaxtooyada, halkaas oo si diirran uu ugu qaabilay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi. Madaweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah la qaatay weftiga ka socda dalka Eriteriya ee uu horkacayo wasiirka arrimaha dibadda dalka Eriteriya, Mudane Cismaan Saalax Maxamed, waxana uu kulankaas oo is xogwaraysi ahaa uu qaatay muddo saacado ah. Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Somaliland iyo Eriteriya, ayaa markii kulankaasi dhammaaday warbaahinta la hadlay, waxana ay ka warrameen ujeeddada weftiga ka socda dalka Eriteriya u yimaadeen iyo waxyaabihii ay madaxweynaha iyo weftigu ka wada hadleen. Ugu horrayn wasiirka arrimaha dibadda dalka Eriteria, Mudane Cismaan Saalax Maxamed, ayaa sheegay in la gaadhay waqtigii qiimayn lagu samayn lahaa xaaladda dalka Somaliland, islamarkaana ay madaxweynahoodii ku celin doonaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Somaliland, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Weftigayaga ka socda dalka Eriteriya waxa nasoo diray madaxweynahayaga Mudane Isaias Afwerki, si aannu wax badan uga oggaanno xaaladda Somaliland. Imika waxa la gaadhay waqtigii aannu Somaliland iman lahayn ee aannu xaaladda qiimayn lahayn, madaxweynahana waannu la kulannay oo warbixin xiiso leh buu na siiyey, waxana uu noo sharraxay xaaladaha siyaasadeed, bulsheed iyo kuwa dhaqaale ee dalka, imikana waxannu noqonaynaa annaga oo madaxweynahayagii u sidna xaaladda ka jirta Somaliland, tanina ma noqon doonto booqashadii ugu dambaysaye waxa ay noqon doontaa mid furanta, waxana aannu rajaynaynaa inaanu Somaliland marar badan kusoo laaban doonno.” Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faro-toon), ayaa isaguna dhankiisa xusay in madaxweynaha iyo weftiga ay kulankooda diiradda ku saareen sidii ay dalalka geesku isu kaashan lahaayeen, islamarkaana loo wadaagi lahaa afkaarta, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Weftigu waxa ay u yimaaddeen inay is-kaashiga iyo xidhiidhka dalalka geeska Afrika, gaar ahaan labada dal ee Somaliland iyo Eriteriya ay ka shaqeeyaan oo ay xoojiyaan iyo sidii arrimahaas looga wada hadli lahaa ee ra’yi iyo afkaar la iskaga dhaafsan lahaa, si wanaagsanna waannu u wada hadalnay.” Weftiga ka socda dalka Eriteriya ee soo gaadhay Somaliland, ayaa daba socda wufuud caalami ah oo muddooyinkii ugu dambeeyey Somaliland imanayey, kuwaas oo markhaati u ah sida dalka Jamhuuriyadda Somaliland usoo jiitay indhaha beesha caalamka. Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Baladweyne (SMN) – Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Jabuuti Mudane Cali Xasan Bahdoon iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Wasiir Bahdoon iyo wafdigiisa waxaa Baladweyne ku soo dhaweeyay saraakiisha ciidamada Jabuuti ee ka howlga gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Inta uu jooga magaaladaasi waxa uu wasiirku kulamo la qaadan doonaa ciidamada Jabuuti ee Hiil Walaal oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Kulamadan ayaa diirada lagu saari doonaa howlgallada ciidamada Jabuuti ay ka wadaan halkaasi. Mudane Cali Xasan Bahdoon wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti ayaa qeyb ka ahaa wafdigii madaxweyne Geelle oo sabtidii booqasho ku yimid M/Muqdisho. View the full article
-
Mudanayaal ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa baaq nabadee diray beello walaalo ah oo isku haya deegaanno hoostaga degmada Cadalle ee gobolka Shabellaha Dhexe. Waxaa mudanayaashan ka mid ah, Muuse Suudi Yalaxow iyo sidoo kale Dr Dufle oo deegaan doorashadoodu tahay Hirshabelle. Waxay dadkan walaalaha ah ee dagaallaya ka dalbadeen in nabadd ay ka shaqeeyaan islamarkaana wadahadal ku dhammeeyaan wax walbo oo dhankooda ah. Sidoo kale, mudanayaashan ayaa ka dalbaday dowladda dhexe in kaalinteeda ka qaadato kala qaboojinta dadkan, sidoo kalena ka dalbaday inta xal kama dambeys ah la gaarayo la kala dhex-dhigo beelahan ciidamo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/Aqalka-Sare-Baaq-Nabadeed-Hirshabeelle.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Cadale (SMN) – Xasan Qaadil Qeyley oo ka mid ah waxgarad ku howlan dhex dhexaadinta beelo ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhex ayaa faah faahin ka bixiyay dhaawacyo gaaraya 21 Qof oo loo soo qaaday magaalada Muqdisho, kadib markii wax looga qaban waayey magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle. Dadkan oo u badan dhinacyadii dagaalamayay ayaa waxa ay waxyeelo xoogan ka soo gaartay dagaalkii shalay ka dhacay agagaarka degmada Cadale ee gobolkaasi. Sidoo kale Nabdoonkan ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaallada mar kale ka soo susboonay deegaanka Koobaar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Xaaladda ayaa maanta dagan, waxaana socda waa-waan ay wadaan waxgaradka deegaanka iyo HirShabelle oo xal waara looga gaarayo colaadaasi. View the full article
-
Utrecht (Caasimada Online) – Faah-faahinada kasoo baxaya toogashada ka dhacday magaalada Utrecht ee dalka Netherlands ayaa sheegaya in illaa iyo hadda la xaqiijiyey dhimashada hal qof, iyo dhaawaca dhowr qof oo kale. Toogashada oo uu gaystay nin hubeysan ayaa ka dhacday goob tareenada laga raaco oo lagu magacaabo Fagaaraha 24 October. Booliiska ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in weerarkan uu yahay mid argagixiso, hase yeeshee illaa iyo hadda lama yaqaan cidda fulisay, welina gacanta laguma soo dhigin ninka weerarka fuliyey, oo waa baxsad. Ra’iisul wasaaraha dalka Netherlands¸ Mark Rutte ayaa baajiyey kulan uu la lahaa isbahaysiga talada haya, waxaana lagu war-geliyey dhacdadan. Booliska ayaa weli wada baaritaanka. Toogashada ayaa dhacday 10:45am xiliga magaalada Utrecht oo ku beegan 1:45pm xilliga magaalada Muqdisho. Ninka weerarka fulinaya ayaa la sheegay inuu aad u qeylinayey, sida laga soo xigtay dad goobjoogeyaal ah. Naga filo wixii kusoo kordha Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Amsterdam Caasimada@live.com
-
Hargeysa (SMN) – Wafdigani oo uu horkacayay wasiirka arrimaha dibada dalka Eritrea Cismaan Saalax ayaa maanta gaaray magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka S/land Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa wafuudani oo aan la shaacin u jeedkooda u diray Somalialnd, xilli Muqdisho uu booqasho 2 maalin qaadatay ku yimid madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo uu khilaaf dhulka ah kala dhaxeeyo dowladda Eritrea. Dowladaha Eritrea, Ethiopia iyo Soomaaliya ayaa sanadkii tagay wada gaaray heshiis iskaashi, kaas oo lagu nabadeynayo dalalka geeska Africa, waxaana horay booqasho rasmi ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ugu yimid madaxweynae Isaias Afwerki. Illaa iyo haatan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kama uusan hadlin waxa ay salka ku heyso booqashada wasiirka arrimaha dibada ee xukuumadda Asmara. Sidoo kale lama oga waxa uu socdaakani ka bedali doono xiriirka wanaagsan ee haatan u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Eritrea. View the full article
-
At least thirty people were killed at clans militia clash between two groups in Burdere location. Burdere is the location within Adale where the clash took the course. Clan clashes were reported yesterday in Middle Shabelle at locations that come under Adale district. Residents of Burdere location report that there is sanity after heavy military engagement by two clan militias. The two sides who are said to be close have a high number of casualties. The clan militias have conflicted over grazing land in that location. It is not the first time the two sides have confronted. Hundreds have died in Somalia over the past years as a result of grazing land conflicts. View the full article
-
Cadaado (SMN) – Madaxweynaha Galmudug ee lagu doortay Cadaado Axmed Maxamuud Xasan (Axmed Baasto) ayaa ka hadlay dagaal beeleed ka soo cusboonaaday deegaanka Xeraale ee waqooyiga gobolka Galgauud. Dagaalkan oo soo bilowday xalay saqdii dhexe, islamarkaana soo gaaraymaanta ayaa waxa uu dhexeeyaa labo maleeshiyo beeleed oo wada degan deegaankaasi. Madaxweyn e Axmed Baasto ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay dagaalkaasi, waxaana uu tacsi u diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen halkaasi. Waxa uu sidoo kale nasiib darro ku tilmaamay dagaalkan, isaga oo uu xusay in ka maamul ahaan ay kaalin qaadan doonaan daminta colaadaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/cod-turki-1.mp3 View the full article
-
Boosaaso (SMN) – Ciidamo isugu jira boolis iyo daraawiish oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa lagu wadaa in dib loogu celiyo deegaanno ay ka soo baxeen oo ku yaalla Buuraleyda Galgala ee gobolka Bari. Saraakiil ka tirsan kuwa Puntland ayaa sheegay in ciidamadani oo haatan ku sugan deegaanka Jimbac dib loogu celinayo fariisimihii ay soo baneeyeen. Sidoo kalena waxa ay intaasi ku dareen in la xaliyay tabasho dhinaca mushaarka ah oo ay qabeen. Dhankiisa Wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha. Puntland Siciid Cismaan Aadan oo kulan gaar ah la qaatay ciidankani ayaa xusay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo siin doono xuquuqdooda , islamarkaana la daryeeli doono. Sabtidii la soo dhaafay ayey ahey markii ay ciidankani dib uga soo baxeen deegaanada Buuraleyda Galgala ee G/ Bari, waxaana fariisimihii ay soo baneeyeen la geeyay ciidamada loo yaqaano PMP iyo PSF ee isla maamulka Puntland. View the full article
-
Berbera (SMN) – Shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in ay ballaarisay qeybo ka mid ah dekadda magaalada Berbera ee maamulka S/land. Sarkaal ka tirsan shirkaddaasi ayaa xusay in ay ku kordhisay Wiishash casri oo suura gelin kara in baddeecooyin laga soo dejiyo dekaddaasi. Qoraal ka soo baxay DP World ayaa lagu sheegay in saddex Wiish oo dheeraad ah lagu saa’iidyey dekadda Berbera, kuwaas oo qeyb weyn ka qaadanaya dakhliga dekadda. Suhail Al Banna,oo ah madaxa shirkadda DP World ee bariga dhexe iyo Afrika ayaa sheegay in meel wanaagsan ay mareyso qorshaha ballaarinta dekadda Berbera. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in ay ku bixiyeen ballaarinta dekaddani 12 milyan oo dollar. Qorshaha shirkada DP World ay ku maalgelinayso dekadda Berbera, si sare loogu qaado wax soo saarkeeda ayaa magaaladaasi ka bilaabatay sanadkii 2017-kii. Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa DP World la galay heshiis lagu ballaarinayo dhismaha dekaddaasi oo ka bixiyso malaayiin dollar. View the full article
-
Caabudwaaq (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud. Dagaalka oo soo bilowday xalay saqdii dhexe ayaa soo gaaray maanta, iyadoona haatan uu ku sii fiday tuulooyin hoos yimaada deegaankaasi. In ka badan 10 qof ayaa ku dhintay dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 40 kale, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa bilaabay barakac xoogan, si ay uga fogaadaan waxyeelo ka soo gaarta dagaalkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/war-cali-dagaal-xeraale-kadhacay.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-18032019.mp3 View the full article
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Eritrea iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Isniin ah ka degay magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland. Booqashada wasiirka arrimaha dibadda Eritrea, Cusmaan Saalax Maxamed oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaa saakay un ka war heshay warbaahinta maxaliga. Garoonka diyaaradaha Cigaal ee Magalada Hargeysa waxaa wafdiga kusoo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici ,waxaana intaasi kadib la geeyey Xarunta Madaxtooyada Soomaaliland ee Magalada Hargeysa. Wafdiga wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ayaa loo galbiyay Madaxtooyada, halkaasoo wada hadalo kula yeelan doono Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Safarka uu Maanta magalada Hargeysa uu ku tagay Wasiirka arrimaha Dibada Eritrea Cusmaan Saalax Maxamed oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaa waxaa uu kulan la qaadan doonaa Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi. Wasiirka warfafainta Eritrea, Yemani Meskel ayaa qoraal uu twitter soo dhigay ku sheegay in safarka wasiirka uu qeyb yahay dadaallada lagu xoojinayo nabadda gobolka. Tan iyo markii uu heshiis dhex maray dalalka Itoobiya iyo Eritrea, oo u dhaxeeyay colaado socday muddo labaatan sano ah, ayaa waxaa isa soo taraya dhaq-dhaqaaqyada Eritrea ka waday gobolka, iyadoo si tartiib tartiib uga soo baxeysay go’doonkii ay muddo labaatan sano ku jirtay. Is-bedelada ka socda Gobolka Geeska Afrika ee hormuud uu ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo loolanka Juquraafiga Siyaasadda ee Gobolka ayaa loo arkaa mid xilligan saameyn weyn yeelanaya, marka loo eego xaaladaha ka jira Gobolka, gaar ahaan dalalka kulaala Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com
-
Wararka ka imaanayaa gobolka Bari ayaa sheegaya in malayshiyaadka Al-shabaab ay shalay ka carareen saldhigyo ay ku lahaayeen buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari. Malayshiyaadka ayaa la sheegayaa in ay shalay isaga baxeen halka lagu magacaabo “Iliilaha daboolan” oo ka tirsan buuraleyda degmada Qandala halkaasi oo todobaad ka hor dagaal qaraar ku dhexmaray kooxaha Daacish iyo Al-shabaab. Inkastoo aysan jirin cid xog sugan ka heshay dagaalka todobaad ka hor dhexmaray Al-shabaab iyo Daacish haddana warar mar dambe soo baxay ayaa sheegaya in kooxda Shabaab lagu jebiyay dagaalka taasoo keentay in ay dib ugu laabtan halkii ay ka soo duuleen ee Cal-madow. Sidoo kale saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga Puntland ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in Al-shabaab looga adkaaday dagaalkii buuraleyda Qandala islamarkaana ay Daacish qabsatay dhulkii ay isku haysteen labada kooxood. Saraakiisha ayaa intaas ku daray in labada malayshiyaad uu khasaare ba’an kala gaaray dagaalkii todobaad ka hor dhacay waxaana ay sheegeen in sida ay xogta ku heleen Al-shabaab maxaabiis ahaan looga qabtay ilaa 15 dagaallame. Al-shabaab ayaan dhankooda weli wax war ah ka soo saarin sababta ay uga baxeen buuraleyda Qandala. PUNTLAND POST The post Al-shabaab isaga cararay buuralyeda Qandala appeared first on Puntland Post.
-
Wellington (Caasimada Online) – Brenton Tarrant, oo ah Nin u dhashay dalka Australia, 50 qofna Jimcihii ku dilay Dalka New Zealand ayaa ceyriyay qareenkii u doodayay. Warbaahinta Dalka New Zealand ayaa sheegay in Ninkii Muslimiinta ku laayay New Zealand oo ceyriyay qareenkii u doodayay Brenton Tarrant, uu go’aansaday in uu isaga is matalo si uu aragtidiisa xagjirnimada ah ugu baahiyo ka qeybgalayaasha Dacwaddiisa. Xeer Ilaaliyaha guud ee New Zealand ayaa sheegay in Ninkan caddaannimada la weyn tahay ay Maxkamadda u qabatay Qareen lagu magacaabo Richard Peters, laakiin uu iska eryay. Waxaa uu ku dooday in uu isaga is matalayo islamarkaana iska difaacayo eedaha loo heysto isaga oo aragtidiisa ku baahinaya Maxkamadda horteeda. Golaha Wasiirrada New Zealand ayaa waxa ay meel mariyeen xeer lagu xakameynayo Hubka laga iibsado Online-ka iyo kan sida caadiga ah loo iibsadaba. Brenton Tarrant, ayaa Jimcihii 50 Qof oo Muslimiin ah oo ay ku jiraan 3 Soomaali ahayd ku dilay weerar uu ku qaaday labo Masaajid oo ku yaalla dalkaas. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
-
DP World invests $12m to improve operations at Berbera port
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
DP World Berbera has announced it has invested $12 million to improve operations at the Port of Berbera in Somaliland. The Dubai-based port operator said it has commissioned the first mobile harbour cranes (MHCs) so the port will be able to offer shoreside crane support, substantially improving vessel operations. The investment on the three new cranes will double productivity at the port, significantly reducing vessel turn-around time and stabilising operations during monsoon season, DP World said in a statement. Suhail Al Banna, CEO and managing director of DP World Middle East and Africa, said: “The three mobile harbour cranes currently being commissioned are strategically important for the development of the Port of Berbera. “They will enable more ships to be served at and ultimately increase the flow of trade to both the country and the region. As construction work for the expansion of the port progresses, we are witnessing a transformation in the capacity of this major infrastructure asset, benefiting people both here and across the Horn of Africa.” The investment in the new cranes is the latest in a series of improvements to the Port of Berbera. Since 2017 DP World Berbera has introduced container handling equipment, vehicles and systems as part of its push to modernise the historic port. View the full article -
Cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland oo maalintii Sabtida ka soo baxay fariisimo ay ku lahaayeen degaanka Galgala ee gobolka Bari ayaa hadda lagu qanciyay in ay ku laabtan saldhigyadooda sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan. Ciidamada oo ka kooban Booliis iyo Daraawiish ayaa la sheegayaa in ay ka gadoodeen daryeel-xumo iyo mushahar la’aan is-biirsaday oo in mudda ah haysatay sida ay warbaahinta Puntland Post u sheegeen saraakiil diiday in magacyadooda la xigto. Wasiirka Xannaanada Xoolaha dowladda Puntland Siciid Cismaan Aadan oo shalay gaaray degaanka Jimbac ee ay ku sugan yihiin ciidamadii gadooday ayaa ku qanciyay in ay ku laabtan fariisimahooda buuraleyda Galgala wuxuuna u ballan qaaday in ay heli doonaan dhammaan xuquuqda ka maqan sida ay xaqiijiyeen ilo’ xog-ogaal ah. Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada ayaa dhankooda wasiirka u sheegay in ay ku laaban doonan fariisimahoodii inkastoo hadda ay weli joogan degaanka Jimbac oo dhanka bari ka xiga tuulada Afurur ee isla gobolka Bari. Fariisimo ay Sabtidii soo banneeyeen ciidankan oo ku yaalla buuraleyda Galgala ayaa waxa markiiba la wareegay cutubyo ka tirsan ciidamada PMPF iyo PSF ee Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland: Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo loo diray ciidamo gadooday appeared first on Puntland Post.