Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,695
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-New Zealand) Dadkaan Maori aha ayaa tacsi kadib iyagoo kumanaan kor u dhaafaya ayay qadeen heesta ay kula dagaalameen gumeystihii Ingiriiska ee la yidhaahdo haka waa dhaar. Taas oo ay Muslimiintii la laayay ugu baroor diiqayeen. A Heeesta haka waa dhaar dagaal iyo heshiin sidaad rabtid baa ku wada noolaaleynaa hadaad dagaal dooneeysidna waa kula dagaalameynaa hadaad heshiis rabtona waa kula heshiineynaa. Tan iyo intii uu Weerarkii Masaajidka Nuur Dhacay ee Dadka badan Lagu laayay waxa siwayn qoomiyadaha kala duwani tageero ugu muujiyeen Muslimiinta. Source
  2. (SLT-Addis Ababa) 450 qof oo u dhashay dalka Itoobiya oo si aan sharci ahayn ku joogay dalka Sacuudiga ayaa rabitaankooda dib ugu soo noqday dalkooda. Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa sheegtay dadkan soo noqday iney jirin cid qasabtay balse ay iskood u dalbadeen in dib looga celiyo dalkooda. Wasaaraddu waxaa kale oo ay sheegtay iyada oo kaashaneysa qunsuliyadda Itoobiya ee sacuudiga iyo hay’ado kale in shanti bilood ee la soo dhaafay ay dalkooda dib ugu soo noqdeen dad ka badan 1,800 oo qof oo boqortooyada Sacuudiga sharci la’aan ku joogay. Dadkan dalkooda dib ugu soo laabtay waxaa garoonka caalamiga ee Bole ku soo dhaweeyey xubno sare oo ka socday wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya. Source
  3. Balcad (Caasimada Online) – Xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab oo isa soo abaabulay ayaa caawa weerar qorsheysan waxa ay ku qaadeen Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe, oo ay gacan ku haynteeda la wareegeen. Shabaab hubeysan oo dhulka ku socday, islamarkaana tiradooda lagu qiyaasay 100 Dagaalyahan ayaa dhawr jiho ka weeraray Degmada, waxaana is qabsatay rasaasta labada dhinac. Ciidamada Shabaab oo banaanka magaalada uga soo degtay ilaa Afar gaari oo Caasi ah ayaa si gaar ah u weeraray Koontaroolka laga soo galo Degmada Balcad, ciidan ku sugnaa meel ku dhaw xarunta Degmada iyo Warshadii hore ee Dharka. Dadka Deegaanka ayaa sheegay dagaalka inuu ahaa mid aad u culus oo ciidamada Millitariga markii hore iska caabiyeen dagaalka Shabaab ay soo qaadeen. Ku dhawaad Hal saac ayuu socday dagaalkaan oo lagu soo waramaayo inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay. Waxaa la soo warinayaa aagga uu weerarka ka dhacay inay ka maqan tahay korontada, taasi oo qasabtay in ilaa hadda aanan la ogeyn khasaaraha dhashay dagaalkan iyo cida sida saxda ah gacanta ugu heysa Degmada. Warar aan helnay ayaa sheegaya in Shabaab ay ku dhex roondeynayaan Degmada, islamarkaana la wareegeen qeybo ka mid ah Degmada Balcad, kadib markii ay kala firxadeen ciidankii Millatariga ee weerarka lagu soo qaaday, kuwaasi oo ku sugan Duleedka Magaalada. Ilo wareedyo ayaa waxa ay inoo sheegeen in Shabaab ay sii daayeen Maxaabiis ku xirneyn xabsi ku yaalla xarunta Degmada Balcad, kuwaasi oo u xirnaa dambiyo kala duwan. Ciidanka AMISOM ee ku sugan qeybo ka mid ah magaalada ayaa la sheegay inay madaafiic ku garaaceen banaanka Degmada, waxayna uga jawaabayeen weerarka caawa qabsaday Degmada Balcad. Saraakiisha ciidanka ammaanka ayaa waxa ay inoo sheegeen in weerarkan uu ahaa mid culus, sidaasi darteedna hada aysan bixin karin wax faah faahin ah. Masuuliyiinta sare ee Degmada Balcad iyo Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku kala maqan safaro la xiriira Muqdisho iyo Nairobi, oo aysanba ka war heyn xaalada Degmada iyo shacabka ay masuulka ka yihiin. Xaalad kacsanaan ah ayaa caawa ka taagan Degmada Balcad, waxaana aad u adag inaad isgaarsiint ku hesho dadka ku sugan Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Mintidiinta Al Shabaab ayaa u muuqda kuwa ka faa’ideysana gadoodka ciidanka xoogga dalka ee ku aadan mushaar la’aanta, bacdamaa Shabaab xalay la wareegeen Degaanka Dhanaane oo ay ka soo baxeen ciidanka dowladda, mushaar la’aan darteed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. (SLT-Nairobi)Iiraan ayaa u yeeratay safiirkeedi u fadhiyey Kenya iyada oo jawaab uga dhigeyso go’aanka maxkamada sare ee Kenya ay ku diidday in la sii daayo mawaaddiniinta Iiraan ee Kenya oo ugu xiran iney argagixiso yihiin. Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegay inuu dalkiisu “ku qanacsaneyn” go’aanka aan caddaaladda ahayn ee ay gaartay maxkamadda sare ee dalka Kenya. Maxkamadda sare ee Kenya ayaa Jimcihi beddeshay go’aankii maxkamadda hoose ay gaartay ee ahaa in la sii daayo Axmed Maxamed iyo Sayid Mousavi oo 15 sano ay horay maxkamad ugu xukuntay iney argagxiso yihiin. Labadan qof waxay dowladda Kenya qabatay 2012-ka iyaga oo lagu soo eedeeyey iney diyaarinayeen qarax gaaraya 15 kiilo oo ad u xooggan. Waxayna shaqsiyaadkasi diideen iney wax lug ah ku lahayn eedda loo soo jeediyey ee ah iney qorsheynayeen iney qaraxyo ka sameeyaan magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa. Source
  5. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___Qubanaha-180319.mp3 View the full article
  6. (SLT-Addis Ababa) Kadib baaritaan socday mudo toddobaad ah ayay mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya shaaciyeen in xogtii ugu horeysay laga helay Sanduuqyada Madow ee diyaaradii Ethiopian Airlines ee burburtay Axadii 10-ka Maarso. Sanduuqyada Madow ayaa loo qaaday magaalada Paris ee dalka Faransiiska si Daatada ku jirta looga soo saaro, loona daraaseeyo, waxaana la socda xubno ka tirsan dowladda Itoobiya iyo shirkadda diyaaradda sameysay ee Boeing, iyadoo Itoobiya ay ku adkeysatay in baaritaanka lagu sameeyo Faransiiska, halkii la geyn lahaa Mareykanka. Xogta laga helay sandaadiiqda madoow ee diyaaraddii Ethiopian Airlines oo nooceedu ahaa 737 Max 8 ayaa muujisaay inay isku mid yihiin ciladaha qabsaday diyaaradda Itoobiya iyo diyaaradii la midka ahayd ee ku dhacday dalka Indonosia, waxayna arrintan caddeyn u tahay nooca diyaaradda Boeing 737 Max 8 ay cilad wada qabto. Wasiirka Gaadiidka Itoobiya Dagmawit Moges ayaa u sheegay warbaahinta inay socdaan baaritaano dheeraad ah, wuxuuna intaasi ku daray in warbixinta ugu horeysa ee rasmiga ah ay soo bixi doonto muddo 30 cisho gudahood ah. Xogta hordhaca ah ee laga helay diyaaradda ayaa sheegeysa in llabada diyaaradood uu la wareegay nidaam sababay inay duuliyeyaasha xukumi waayeen, iyadoo marna sare u kaceysa marka soo hoobaneysa ilaa ay dhacdo. Source
  7. Jamhuuriyada Somaliland iyo Qatar waxa dhexe maraya Collad Hawad dhexe mareysa mid waliba na wax uu toosh ku finayaa dantiisa gaar ah . Marka ay sidda tahay waa lagama-xanaaqan ,Been-sheega ,iyo Malo-awaalka ,waxa aan jirin oo labbad dhinac mid ba dhinacisa fidiya . Nin ba lagu yidhi Hebelow , hadda Hebel ayaa ku cayey? Wax uu ku jawaabay Hebel awilba Col,baanu ahayn . Haddii aynu Maqalno, Qatar ayaa Jamhuuriyada Somaliland wax ka sheegatay . Waxa aynu ka taagan nahay halka Ninkaa ee ah ee ah awilba Qatar, Colaad, Hawad dhexe ah ayaa ina dhex-maratay . Markaa meel aynu wanaag iyo Aaman-toonna ka sugeyno ma heyn Qatar iyo Wakallada Warark Beenta ah fidisa ay leedahay ee Aljazeera . Jamuuriyad Soomaliland ahaan hadda ayeynu ba ugu hadal iyo yabooh badan nahay . hasa yeeshe Arimaha Qatar waxaynu ka dhegaysanynaa Heestii uu tiriyey Abwaan Cabdi Aadan xayd (Cabdi Qays ) ee odhan jirtay ama ku bilaami jiratay ” Abidkay ba waan jiray “ ee AUH Mahamed mooge, Libaan ku Luuqeyey. Waxay na Heestu u dhigan tahay ayaado dhameystiran siddan: • Abidkay ba waa jiray jab intuu dhacaaye. • Waanba joogay dunidann,e wixii uu rag jiite. • Jilaalku ima karro,iyo jidiin cadaadkuye. • Ma Jilcamoo ma jifsaddo, mana jidhidhicoode. • Soo jiidh wanaagaa jeenigan ku soo qaad amba ooda soo jebi, Dhaxaan belo u joogee. • Jirid aan go,ayninoo, Xidida jidataanee, jar hadii aad isleedahay , jidiid ima karraye. •Jasha Eebe mooye cidi joogsin maysee. •Ha jidin cadaadnina ,Hadal ima jareeyee. •Soo jiidh wanaagaa jeenigan ku soo qaad amba ooda soo jebi, Dhaxaan belo u joogee. •Jeex bira ka hadhay iyo jab finiina baanee , Wadnahaygu Jalawdiyo ma yaqaano jugleyde. •Kolay jabaq ugaadh tahay jid aan raacay kama noqon. Kama joogsan waligay halkay laabtu jamatee. •Soo jiidh wanaagaa jeenigan ku soo qaad amba ooda soo jebi, Dhaxaan belo u joogee. waxa inta raacinaya Qatar Dagaalkeed iyo beenta ay la ordayso wax dhibaato u keeni karraya ma ah Jamhuuriyada Somaliland iyo Mawqufkeeda . Sidoo kale qatar waxay ka hadlaysa waxa weeye sidee ayaa Sacuudiag iyo Xulufadiisu isku kay raacan waxa inta u dheer waxay isku dayday wax kasta oo ay aduunka uga dacwooto cid ka hoos qaaday ma jirto . marka la yaabi mayno beenta iyo Xaasinimada ay ka sheekaynayso . Qorre Abokor I Mohamuud . Waa Bilaahi Towfiiq. Qaran News
  8. Wafdi heer qaran ah oo ka socda dalka Eritrea oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda dalkaas, Cusmaan Saalax Maxamed ayaa goor dhow ka degay caasimadda Hargeysa ee maamulka Somaliland. Booqashada wafdigan oo aan horay loo sii shaacin ayaa noqoneysa middii ugu horreysay, taariikhda casriga ah, oo wafdi heer wasiir ah kana socda Eritrea ay ku yimaadaan Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannnaanida ee Somaliland. Waddada dheer ee aadda madaxtooyada Hargeysa oo saaka laga mamnuucay inay adeegsadaan gaadiidka dadweynaha ayaa aheyd sida kaliya ee loogu baraarugay imaatinkooda. Waxaana qaabilaad u sameeyey madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi. Lama oga sababta ka danbeysa booqashada wafdigan ay ku tageen Somaliland. Taniyo markii la xaliyay muran-xudduudeedkii dhuleed ee Eritrea kala dhaxeeyey Itoobiya – kaas oo dhaliyay dagaal labada dal dhex mara dhowr jeer – waxaa baal cusub u furmay siyaasadda dibadda ee dalkan yar ee noqday Jamhuuriyad ka madax-bannaan dhulweynaha Itoobiya sannadkii 1993-kii. In ku dhow labaatan sanno, Eritrea waxaa saarnaa cuna-qabateyn aan suura-gelin inuu iska dhex arki karo siyaasadda Geeska Afrika. Waxaana u yiilay rikoor iyo taariikh aan wanaagsaneyn oo aan ka tarjumin biseyl siyaasadeed maadaama dalka deriska la ah ee Jabuuti ay mar iskula dhaceen muran xuduudeed dhex yiilay. Hadda way soo laabanayaan. Mahad waxaa looga celin karaa nidaamka is-beddel siyaasadeed ee ka curtay dalka Itoobiya kaas oo kaliya gudihiisa ka dhigin dal furfuran, balse sidoo kale kuwa jaarka la’ ah kusoo jiiday indhaha caalamka. Hayeeshe, qofna muusan fileyn in is-beddelkaas siyaasadeed ee Eritrea uu gaari karo inay booqato Somaliland oo hadda kahor aan xiriir dhow iyo mid shishe-ba la sameynin maamulka Afarwerki. Bilowgii sannadkan ayay ahayd markii madaxweynaha Eritrea uu booqasho rasmi ah ku yimid caasimadda Muqdisho. Waxaana taas ka horreysay mid madaxweyne Farmaajo uu ku bixiyay Asmara xilligii ay socotay kulamo is-daba-joog ah oo saddexda dal ay yeelanayeen. Kulamadii dhex marayay labada dal – waa Somalia iyo Eritrea – laguma soo hadal-qaadin aragtida siyaasadda Afawerqi ee ku aadan Somaliland. Dad badan waxay tani u arkaan dharbaaxo kulul oo ku dhacaysa wajiga qurxoon oo Farmaajo ku qaabilay Eritrea, islamarkaana xagal-daacinaysa haddii booqashadani aysan si hoose ula socon ama aysan ka war-heynin dowladda Soomaaliya. Waxaa xusid mudan in Farmaajo uu Eritrea darteed xitaa u colaadiyey Jabuuti oo walaal Soomaaliyeed ah, kadib markii uu dalbaday in xayiraadda hubka laga qaado, xilli ay haysatay dhul Jabuuti leedahay. Arrinta kale oo aan la ogeyn inay booqashadan la xiriirto ayaa ah haddii Eritrea doonayso inay qeyb ka ciyaarto isku soo dhaweynta labada maamul ee Hargeysa iyo Muqdisho. Waxaa kale oo jira tuhun ah in Imaaraadka Carabta uu door ku leeyahay bilowga xiriir hoose iyo mid muuqda oo dhex mara Eritrea iyo Somaliland, maadaama ay qeyb ka yihiin Mashruuca Imaaraadka ee Dekadaha Bariga Afrika. Booqashadanina waxaa la oran karaa waa tallaabta ugu horreysa. Si kastaba, halka aysan caddeyn cidda sida gaarka ah uga faa’iideysa booqashadan, haddana waxay si cad u iftiiminaysa in madaxweyne Farmaajo uusan waxba ka beddeli Karin fara-gelin lagu sameeyo qeyb kamid ah dalka uu hoggaamintiisa ku magacaaban yahay. Marka la joogo saameynta dalalka deriska ahna, kumaba sii jirto! W/Q: Cabdiraxman Gacal Muuse London, United Kingdom Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  9. Shalay oo sabti ah taariikhduna kubeegnayd 17 March waxaa kulan deg deg ah codsaday xubnaha gudiga tirakoobka qaranka ee dalka itoobiya kadib markii xubnuhu kuqanci waayeen hanaanka diyaar garawga ee tirakoobka 4aad iyo xaalada guud ee dalku kujiro. Raisul wasaare kuxigeenka dalka uu Demeke Mokennon oo ah gudoomiyaha gudiga tirakoobka qaranka ayaa saaka kulan deg deg ah isugu yeedhay xubnaha gudiga isagoo kajawaabaya codsigii shalay ee xubnaha gudigu usoo gudbiyeen. Kulankan saaka ayaa lagu soo bandhigay arimo dhawra oo muujinaya in dalka uusan kadhici karin tirakoobka 4aad wakhtigii loo qorsheeyay oo ahaa bilawga bisha April 2019 taasoo ay mudo gaabani kahadhay. Xubnaha gudiga ayaa soo bandhigay in ilaa iyo hada deegaanka Tigreega oo kaliya uu yahay deegaanka sibuuxda loo gaadhsiiyay qalabkii tirakoobka islamarkaana dhamaystiray tababarada xubnaha tirakoobayaasha halka deegaanada kale qaarkood aan ilaa hada wax qalab ah lagaynin islamarkaana aan wax tababar ah loo samaynin xubnihii tirakoobka fulinlahaa. Xubnaha gudiga ayaa sidoo kale soo bandhigay warqad dawlada deegaanka shucuubta koonfureed (Debub) ay sirasmi ah ugu soo gudbiyeen gudiga in xaalada hada lagu jiro uusan wax tirakooba kaqabsoomi karin deegaankaas, maadaa ay xaalada amaanku tahay mid aad uhoosaysa islamarkaana ay jiraan dad boqolaal kun ah oo kabarakay goobihii ay daganaayeen. Waxaa kale oo kulankan lagu soo bandhigay guudahaanba xaalada amaanka iyo mida nololeed ee bulshada deegaanada dalka iyo waliba cabashooyinka laxidhiidha dhanka qorshaha Diyaarinta goobaha tirakoobka ,,Mapping’ka,, iyo tirada tirakoobayaasha ee ka,imanaya intabadan deegaanada dalka. Dood dheer kadib waxay inta badan xubnaha gudigu sibuuxda isugu raaceen in uusan dalka kadhici karin tirakoobka 4aad wakhtigii horay loogu qorsheeyay ee April 2019. Intaa kadib gudoomiyaha gudiga tirakoobka qaranka H.E Demeke Mokennon ahna raisul wasaare kuxigeenka JDFI ayaa ugudbiyay wakaalada tirakoobka qaranka in dib loodhigay tirakoobkii 4aad ee dalka, iyadoo markale la shaacin doono xiliga uu tirakoobku qabsoomayo. Waxaa xusid mudan in aysan ahayn markii 1aad ee dib loodhigo tirakoobka 4aad ee dalka, xaalado amaan iyo kuwo noleleed oo dalka kajira awgeed. SDM Abdirahman Mohamed Chief Editor Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee ku sugan baraha Kontarool ee ku yaala magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dilal dhowr ah ka geestay magaalada Muqdisho. Dilalka ugu badan ayey Ciidamadu u geestaan dhalinyarada ka xeeya Gaadiidka Mooto Bajaajta ee ka shaqaysa magaalada Muqdisho. Ciidamada ayaa ku dhowaad 60 qof ku dilay magaaladii Muqdisho dhowrkii bil ee la soo dhaafay ilaa hadana ma jirto xitaa hal askari oo dilkaasi Maxkamad loo soo taagay. Tiradaas ayaa aad uga badan tirada dadka ay Shabaab ku dileen magaalada Muqdisho. In Ciidamada Booliiska ay shacabka dilaan islamarkaana aysan jirin wax Maxkamad ah oo la soo taagay ayaa dhiiri gelisay in Ciidamada ay sii wadaan dilalka magaalada waxaana isa soo taraya qayla dhaanta Shacabka magaalada Muqdisho. Bishaan oo kaliya ayaa Ciidamada Booliiska ugu yaraan dhowr iyo toban qof waxay ku dileen magaalada Muqdisho, sidoo kale waxay ku dhaawacayn tiro intaasi ku dhow. Dilalkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay isgoysyada Sanca, iyo Taleex kuwaas oo loo geestay dad shacab ah iyo Askari katirsan Ciidamada ilaalada Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir. “Imisa qof ayay Ciidamada Booliisku dileen laga soo bilaabo sanadkaan ilaa hada, kama yara 60 qof, ma aragtay hal Askari oo Maxkamad la soo taagay, ma jiro”, sidaas waxaa Caasimadda Online u sheegay mid kamid ah ehalada dadkii ay Ciidamada ku dileen magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka tubta horumarinta dhaqaalaha oo looga hadlay qorshaha dawladda Soomaaliya ay ugu diyaar garoobayso ka qayb galka shirka sannadlaha ah ee ay wada qabanayaan Bangiga Adduunka iyo Hay’adda lacagta Aduunka (IMF). Wasiirka maaliyadda XFS, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo ka war bixiyay kulanka maanta ayaa sheegay in shirka looga dooday wixii Soomaaliya uga qabsoomay shuruudihii lagu xiray cafinta daymaha lagu leeyahay dalka oo gebegeba maraya, falanqayn kadibna Ra’iisul Wasaaruhu uu amray dhammaan wasaaradaha in maalmaha ka dhiman bishaan March ay ku gunaanadaan buuxinta shuruudaha si shirka Washington ee horraanta bisha April ee sannadkaan ay uga qayb gasho dawladdu iyada oo buuxisay dhammaan shuruudihii ku xirnaa cafinta daymaha. Shirka April ay Washington ku wada qabanayaan Bangiga Adduunka iyo Hay’adda lacagta Aduunka (IMF), ayaa waxaa kasoo qayb gelaya dhammaan dawladaha daynta ku leh Soomaaliya, waxa ayna dhagaysanayaan warbixinnada Bangiga adduunka, IMF, Midawga Yurub iyo deeq-bixiyayaashu ka gudbinayaan hannaanka ay Soomaaliya usoo buuxisay shuruudihii lagu xiray, ayna waddamadu ku qaadan doonaan go’aan la xariira qorsha ay dalka uga cafinayaan daymaha ay ku leeyihiin. Wasiirka maaliyadda XFS, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa rajeeyay in shirkaas kadib Soomaaliya laga cafin doono daymaha, loona furi doono dhaqaalaha adduunka arrintaas oo horseedaysa horumarka dalka Wasiirka Maaliyadda oo sheegay in horumarka dalku uu yahay hadaf guud oo ka dhexeeya shacabka, ganacsatada iyo dawladda, ayna wada ilaashanayaan, ayaa caddeeyay in uu sii socon doono dawlad wanaagga ay dawladdu waddo, waxa uuna dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay qaataan qaybta kaga aadan oo ay canshuurta bixiyaan dawladana kula xisaabtamaan waxa ay qabato iyo maamulka maaliyadda. View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Beeraha iyo waraabka Soomaaliya, Saciid Xuseen Ciid oo howlo shaqo u tagay Magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa halkaasi waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid ahaa Wasiirka dowladaha Hoose deeganka iyo beeraha ee dalka Qatar Cabdullahi bin Abdulaziz bin Turki. Labada wasiir ayaa ka wada hadlay Dhowr qodob oo ay ka mid ahaayeen xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada wax soosaarka beeraha, badbaadada iyo horumarinta Cuntada, dar dargelinta heshiisyadii dhexmaray labada doowladood iyo sidii dalka Qatar loogu Dhoofin laha qaar kamida dalagyada kasoo baxa dalkeena Soomaaliya. Kulanka dhexmaray Wasiirka Beeraha iyo waraabka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid iyo dhigiisa dalka Qatar ayaa kusoo dhamaaday is afgarad , iyadoo Wasiir Ciid iyo wafdiga lasocdana ay k qaybgali doona bandhiga Beeraha caalmiga ah ee todobaad oo lagu qaban doono magaalada Doha ee Dalka Qatar kaas oo ay ka qeyb geli doonaan in kabadan 51 dal. View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta guddoomiyay kulan ay yeesheen guddi hoosaadka Golaha Wasiirrada ee ku jira Tubta horumarinta arrimaha bulshada. Kulanka tubta horumarinta arrimaha bulshada ayaa maanta looga hadlay Qorshaha iyo siyaasadda arrimaha Xajka, horumarinta shaqaalaha dawladda iyo siyaasadda isbedelka cimilada Soomaaliya. Ugu horrayn wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ayaa shirka maanta ee tubta horumarinta arrimaha bulshada waxa ay kusoo bandhigtay siyaasadda iyo qorshaha arrimaha xajka oo qayb ka ah halbeegyada ay wasaaraddu ku leedahay tubta. Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee shaqaalaha rayidka ah, Hassan Abshirow Mohamed, oo shirka ka war bixiyay ayaa sheegay in guddigoodu ay kulanka kusoo bandhigeen kormeer ay labadii bilood ee lasoo dhaafay ku sameeyeen hannaanka ay shaqaalaha dawladdu u howl galaan, caqabadaha jira ee dhanka shaqada ah iyo talooyin ku aadan qaabkii loo xallin lahaa. Dood dheer kadib, ayaa Tubta horumarinta arrimaha bulshadu waxa ay ogolaatay in la dardar geliyo dib-u-habaynta shaqaalaha iyo in la sameeyo hab casri ah oo la gula socdo shaqooyinka shaqaalaha iyo hannaanka shaqa galkooda. Waaxda Deegaanka ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa iyana waxa ay tubta usoo bandhigtay siyaasadda Isbadalka Cimiladda Soomaaliya oo qorshuhu yahay in aasaas looga dhigo hannaanka dawladdu u wajahayso isbedelka cilmada. Himilooyinka Tubta Horumarinta arrimaha bulshada ayaa waxaa qayb ka ah horumarinta hab-racyada, Istaraatiijiyadda iyo sharciyada lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo in sare loo qaado aqoonta iyo xirfadaha bulshada. View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Fahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax gaari oo ka dhacay degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ka dhashay gaari walxaha qarxa lagu soo rakibay ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee Hotelka Wehliye. Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in qaraxaan uusan geysan wax khasaaro marka laga reebo waxyeelo soo gaartay gaariga. Illo wareedyo ayaa ku waramaya in gaariga uu lahaa mid kamid ah shaqaalaha rayidka ee dowladda Soomaaliya. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdadaan oo kasoo baxay laamaha amaanka ee dowladda federaalka ah. View the full article
  15. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-18032019.mp3 View the full article
  16. Eritrean Foreign Minister Visits Somaliland Hargeisa,(Qaran news)-A delegation from Eritrea led by the Foreign minister, Osman Salah Mohammed, has arrived in Somaliland on a diplomatic visit. The delegation was received by the Somaliland President Muse Bihi Abdi and held discussions on areas of mutual interest between the two countries. The Eritrean delegation gave a brief press conference at the presidency to highlight their fact finding mission to Somaliland at the bequest of the Eritrean President, Isaias Afwerki. Foreign minister Osman Salah stated that due to the recent conflicts in the Horn of Africa, Eritrea had been away from the diplomatic arena for some time, but after the recent peace agreement between Eritrea and Ethiopia, is now back to fully engage in the region. The Eritrean delegation which also included the adviser to President Afwerki, was welcomed at Egal International by the Somaliland Vice-President, Abdirahman Abdillahi Ismail “Saylici” and the Somaliland Foreign Minister, Prof. Yasin Mohammud Haji Hiir, “Faratoon”. Qaran News
  17. Christchurch (Caasimada Online) – Mucaad Ibraahim wuxuu xirnaa kabo cad waxayna waalidkiisa geeyeen masaajidka lagu magacaabo Al Noor. Kabihiisa banaanka masaajidka ayuu ku siibtay waxaana la socday aabihiis iyo walaalkiis ka weyn si ay salaada Jimco ugu tukudaan. Laakiin nasiib daro indhihiisa cadaa ee yara, weynaa wey isku qabsoomeen waana markii ugu miir dambeesay xiligii gaariga gurmadka deg deg ah lagu qaadayay waana markii ugu dambeesay waalidkiisa arkeen isaga! Mucad Ibrahim waalidkiisa waxay rajeeneyeen inay meedkiisa dhaqaan sidoo kalena aasaan maalinta Isniinta waana arin dhaqanka Islaam-ka garab maarsan madaama diinta Islaamka fareyso in meedka si deg deg ah loo duugo 24-saac gudaheeda. Mucad Ibrahim waa 3-jir kaasi oo New Zealand ku dhashay waalidkiisana waa Soomaali kuwaas oo 20-sano ka hor dagaal dalkooda ka socday kasoo baxsadeen. Mucad Ibrahim wuxuu ahaa wiil tamar badan aad u jecel cayaarta marwalbo dhoola cadeeyo qosolkiisana badan yahay. Walaalkiis ka weyn Abdi wuxuu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray “Walaalkeyga qaaliga ah waan ku tabi doonaa!” Mucad Ibrahim wuxuu ahaa qofka ugu yaraa 50-ka qof ee masaajidka lagu dilay magaalada Christchurch mana ahan magaalo musiibada ku cusub tahay madaama sanadii 2011 dhul gariir ka dhacay ay ku dhinteen 185-qof. Laakiin geerida Mucad waa mid dad badan qalbiyadooda taabatay sidoo kalena reebtay xanuun badan oo aan dhamaad laheyn oo dhibaato loogu geestay dad aan waxba galabsanin. “Wuxuu noqon lahaa dhaqtar wanaagsan ama Ra’iisul Wasaare” sidaas waxaa dhahay Mohamud Hassan oo 21-jir ah kana mid ah bulshada Soomaaliyeed ee New Zealand ku nool kuwaas oo 60-qoys ka kooban. Mucaad aabihiis Aadan Ahmad wuxuu qorsheenayay wiilkiisa salaada Jimcada inay isla tukadaan kadibna sidii caadada u ahay kubad uu kusoo cayaarao Hagley Park inta badana Mucad aabihiis ayuu raaci jiray si uu kubada usoo daawado laakiin nasiib daro Mucaad iyo kuwo kale oo badan oo aan waxba galabsanin waxay ku baxeen gacanta argagaxiso aan naxariis laheyn. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
  18. Falkaan ayaa saaka wuxuu ka dhacay Magaalada Ultich ee Dalka Holland, dhimashadu waa 3 dhaawucuna waa 7 qof. Nin Turki ah ayaa Rasaas ku furay [...] Source
  19. Muuse Biixi iyo Cismaan Saalax Wasiirka arrimaha dibada dalka Ereteriya Cismaan Saalax Maxamed, iyo wafdi la socday oo la taliyayaal Madaxwene ah yaa maanta soo gaaray Hargeysa. Wasiirka arrimaha dibada Ereteriya ayaa kulan albaadu u xirnaayeen la yeeshay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaana markii kulankaasi soo dhamaaday warbaahinta la hadlay Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Yaasiin Farotoon iyo Wasiirka arrimaha dibada Ereteriya. Yaasiin Farotoon ayaa sheegay in kulanka diirada lagu saaray sidii ay isu kaashan la haayeen dalalka geeska. Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibada Ereteriya ayaa sheegay in wafdigan uu soo diray Madaxweyne Isaias Afwerk si aan ugu yaraan u ogaano waxa ka socda Somaliland. Wafdiga ka socda Ereteriya ayaa maalmaha soo socda ku sugnaan doona deegaanada Somaliland. PUNTLAND POST The post Wasiirka arrimaha dibada Ereteriya oo yimid Somaliland appeared first on Puntland Post.
  20. Utrecht (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhay khasaaraha dadka ku dhintay toogashada ka dhacday magaalada Utrecht ee dalka Netherlands, oo hadda mareysa saddex qof. Toogashada oo uu gaystay nin hubeysan ayaa ka dhacday goob tareenada laga raaco oo lagu magacaabo Fagaaraha 24 October, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay sagaal qof. Booliska ayaa sidoo kale baahiyey muuqaalka nin u dhashay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Gokman Tanis, oo 37 jir ah, kaasi oo la sheegay inuu weerarka fuliyey, waxaana weli socda baadi-goobkiisa. “Waxaan xaqiijin karnaa dhimashada saddex qof, iyo dhaawaca sagaal kale, oo saddex ka mid ah xaaladooda ay halis tahay” waxaa sidaas yiri duqa magaalada Utrecht Jan van Zanen. Ra’iisul wasaaraha dalka Netherlands¸ Mark Rutte ayaa baajiyey kulan uu la lahaa isbahaysiga talada haya, waxaana lagu war-geliyey dhacdadan. Booliska ayaa weli wada baaritaanka. Toogashada ayaa dhacday 10:45am xiliga magaalada Utrecht oo ku beegan 1:45pm xilliga magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Amsterdam Caasimada@live.com
  21. (SLT-Hargeysa)-Ganacsatada Somaliland Iyo Shirkadda DP World Oo Heshiis Ka Gaadhay Khilaaf Soo Kala Dhex-galay Oo Hakad Galiyay Shaqadii Dekedda Berbera, Halkan hoose ka DAAWO Source