Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,695
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Al-Shabaab fighters have last night attacked government military bases in Bal’ad town which lies 30 KM north of the Somali capital Mogadishu. The local residents said the ambush attack prompted hours of heavy fighting between the Somali army and heavily armed Al-Shabaab fighters. There are a variety of casualties on both sides, although it is unclear exactly what the official casualties are. Residents reported they heard loud explosions and gunshots as Al-Shabaab fighters attacked a military base in the town. Al-Shabaab has claimed it seized briefly parts of the town and burnt down several battle wagons. The group is carrying out hit and run attacks in major towns under government and deadly explosions in the capital Mogadishu. View the full article
  2. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo xalay ka qeyb galay Barnaamijka Dardargelinta isdhexgalka Bulshada iyo Hay’adaha Amniga ayaa si kulul uga hadlay arrimaha Mushaaraadka ciidamada xoogga Soomaaliyeed. R/wasaare Khayre ayaa marka hore shaaca ka qaaday in askari kasta oo diiwan gashay la siiyay Mushaarkiisa, balse kuwa aan la siin aan weli a diiwan galin. “Maalmahan waxaa la lahaa Ciidamo ayaan mushaar la siin, qof aan mushaarkiisa iyo xuquuqdiisa la siin ma jiro, inta ay ka maqan tahayna waa in aan la diiwaan galin, fadlan geeya goobaha loogu tala galay, ku diiwaan galiya, Taliyeyaasha Ciidamada waxaan ka rabaa askari walba oo diiwaan gashan oo dadka u adeegaya Mushaarkiisa, raashinkiisa iyo daryeelkiisa inay aniga igu yimaadaan”.ayuu yiri Ra’iisul wasaaruhu. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in Mushaaraadka ciidamada dowladda haatan lagu bixiyo canshuurta dalka, islamarkaana ay joogsatay lacago Mushaar ahaan ay u bixin jireen dalalka Mareykanka, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan ciidanka 12-ka April oo ka cabanayay Mushaar la’aan ay ka soo baxeen deegaanka Dhanaaane ee gobolka Sh/ Hoose. View the full article
  3. Berbera (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Berbera ayaa sheegaya in maalintii lixaad ay hakad ku jiraan dhaqdhaqaaqii ganacsi ee dekadda Berbera, kadib markii go’aan dhawaan uu kasoo baxay maamulka shirkadda DP World. Xiisad ayaa ka taagan dekadda Berbera, taasi oo ka dambeysay kadib markii shirkadda DP World ay 12 Bishaan Maarso ay soo saartay go’aan wax looga badalay lacagaha laga qaado ganacsatada adeegsata dekadda iyo markii la kordhiyay qiimaha Sarifka Doolar. Ganacsatada adeegsata dekadda magaalada Berbera oo ka carooday go’aanka dhaqan galay ayaa guddi iyaga matalaya iyo xubno ka socday rugta Ganacsiga Somaliland waxay la kulmeen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Waxaana kadib la sheegay inay ka heleen go’aan aysan ku farxin, kaasi oo ahaa in Shirkadda DP World ay maalgalisay dekadda islamarkaana go’aanadeeda ay iyada u madax banaan tahay. Arintaasi ayaa ka careysiisay ganacstada, waxaana la sheegay inay joojiyeen shaqadii ka socotay dekadda Berbera iyo adeegyadii ay kala so dagi jireen, waxaana joogsaday shaqadii dekadda maalintii lixaad. DP World ayaa shalay sheegtay in muddadii ay gacanta ku heysay Dekadda Berbera ay ku maalgelisay $12Milyan oo doollarka Mareykanka ah, lacagtaas oo qeyb badan oo ka mid ah dekadda dib u habeyn loogu sameeyay sababtayna in uu dakhliga dekadda sare u koco. Dhawaan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka careysan heshiiskii dekadda berbera ayaa tagay magaalada Dubai, isaga oo kulamo la qaatay madaxda Imaaraatka iyo shirkadda, waxaana muuqata inuu isbadalay go’aankiisii hore. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynayaashii hore ee dalka ayaa si adag kaga hadlay xiisadaha colaadeed ee ka taagan deegaanada maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug, kuwaasi oo u dhaxeeya maleeshiyaad wada daga Xeraale iyo degmada Cadale. Qoraal uu soo saaray madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayuu wuxuu kaga hadlay dagaalada ka dhacay deegaanada ka tirsan Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana uu dalbaday in si dhaqso ah loo joojiyo dagaal beeleedyada ka dhacaya goboladaasi. Sidoo kale Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya iyo maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle inay xil iska saaraan dagaaladaasi sidii loo joojin lahaa. “Waxaan ugu baaqayaa madaxda Galmudug, madaxda Hirshabeelle iyo Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iney gutaan waajibkooda ah badbaadada iyo ilaalinta badqabka shacabka meel kasta oo ay joogaanba” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa ka hadlay dagaalada ka dhacaya gobolada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana uu baaq u diray dadka dagaalamaya. “Waxaan ugu baaqayaa walaalaha Soomaaiyeed ee ku dagaalamaya deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud inay colaadda ka fogaadaan oo ay si shuruud la aan ah xabadda u joojiyaan, wadahadal iyo isqancinna lagu dhameeyo wixii tabasho ah ee u dhaxeeya”ayuu yiri Shariif Sheikh Axmed. Dagaalada labada maleeshiyaad u dhaxeeya ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyada dagaalamaya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Taliyaha ciidamada xooga dalka ayaa weerar ku qaaday ciidamada AMISOM ee dagaalka kula jira Al Shabaab, isaga oo sheegay inay yihiin kuwo mar walbaa ku daba gambada ciidamada xooga dalka. Wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM oo qaata dhaqaalo badan, islamarkaana heysta hub casri ah ay ku gambadaan dhabarka ciidamada xooga dalka, isaga oo kala jeeday inaysan galin dagaalka ka dhanka Al Shabaab. Wuxuu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay heystaa hub yaryar, balse ciidamada AMISOM ay maciin badaan inay gabaad ka dhigaan sida uu hadalka u dhigay taliya ciidamada xooga dalka Daahir Aadan Cilmi. Waxaa uu xusay in dhaqaale ahaan ay Ciidamada AMISOM aad uga mushaar badanyihiin kuwa Soomaalida laakiin marka ay dagaal gaarto Ciidamada Soomaalida ay ku horreeyaan goobaha dagaalka dhimashada iyaga ku dhacdo. Indha-qarshe ayaa yiri: “Ciidanka AMISOM ee kun kunka qaata,waxaa ay iyaga oo Taangiyo saaran daba socdaan Askarteenna oo ka hub iyo qalab yar”. Amniga ayuu sheegay in uu yahay wax uu Shacabka leeyahay oo ay Ciidamada kala Shaqeeyaan, waxaana uu Shacabka ka dalbaday inay sugidda amniga kala Shaqeeyaan si loo helo nabad waarta. Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeya Gaas Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe) ayaa hadalkaan ka sheegay kulan amniga looga hadlayay oo lagu qabtay Muqdisho,waxaana xilligaas uu dagaal ka socday degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Wrarka ka imaanaya deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa ku warammaya in xaalad deganaansho ah ay ka jirto halkaasi oo shalay dagaal xooggan uu ka dhacay. Sida ay inoo xaqiijiyeen dad deegaanka ah, dagaalkii socday ayaa si iskiis ah ku istaagay, iyadoo aanay jirin cid kala dhexgashay maleeshiyaadkii gacanta ku hayey Xeraale iyo kuwa Ahlu-sunna ee ku biiray Galmudug ee shalay weerarka ku qaaday deegaankaasi. Dagaalladii shalay dhacay waxaa ku dhintey in ka badan 40 qof iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay, waxaana dhanka kale la sheegay in shacabkii ugu badnaa ay isaga barakaceen deegaankaasi. Maadaama aanay jirin cid kala dhexgashay dhinacyadii ku dagaallamay Xeraale ayaa dadka qaar waxay ka baqayaan in mar kale la dagaallamo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay askar sheegtay in muddo Afar bil ah aanay qaadan wax mushaar ah. Wuxuu sheegay Kheyre in mushaarka iyo xuquuqda ay ciidanku leeyihiin ay bixiyeen, inta aan helinna ay tahay kuwa aan la diiwaangelin. “Maalmahaan waxaa la lahaa ciidamo ayaan mushaar la siin, qof aan mushaarkiisa iyo xuquuqdiisa la siin ma jirto, inta ay ka maqan tahayna waa inta aan la diiwaangelin” Sidoo kale, Kheyre ayaa sheegay iney rabaan in askarta bil walbo ay mushaarkooda qaataan oo aan dhexda laga bixin, sidaasi darteedna ay diiwaangelin ku bilaabeen askarta. Dhowaan ayeey ahayd markii ciidamo ka tirsan xoogga dalka kuna sugan gobolka Shabellaha Hoose isaga soo baxeen deegaanka Dhanaane kadib markii ay sheegeen in aanay Afar bil mushaar qaadan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/Cod-Kheyre.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Dagala xooggan oo u dhaxeeyey ciidanka DFS iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay waxa uu ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe. Al-shabaab ayaa la sheegay in Saddex jiho ay kasoo weerareen degmadaasi oo ay ugu dambeyn la wareegeen qeyb ka mid ah degmadaasi. Dagaalkan ayaa la sheegay in uu socday saacado badan, iyadoo aan lasoo sheegin khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay. Waxa ay Al-shabaab maxaabiis kasii daayeen saldhigga degmada Balcad, waxaana ugu dambeyn la sheegay in iskood ay halkaasi isaga baxeen, iyadoo ciidanka dowladdana ay dib ula wareegeen meelihii Al-shabaab isaga baxeen. Dhanka kale, ciidamada AMISOM oo fariisin ku leh warashaddii dharka ee degmada Balcad ayaa hoobiyeyaal kusoo garaacay meelaha ay Al-shabaab kaga sugnaayeen degmadaasi. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/WAREYSI-DAGAALKA-BALACAD.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Ceelwaaq (SMN) – Dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in saaka ay la wareegeen deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo. Deegaankan oo qiyaastii 40 KM koonfur ka xiga degmada Ceelwaaq ayaa la sheegay in ay isaga baxeen ciidamada Kenya oo muddo ku sugnaa halkaasi. Ilo deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay u ruqaansadeen dhanka xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Al Shabaab ayaa si nabdoon kula wareegay gacan ku heynta Buusaar, iyaga oo goob fargaare ah kula hadlay dadweynaha deegaankaasi. Ciidanka milatariga Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa horay uga baxay dhowr fariisimo oo ay ku lahaayeen gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland. View the full article
  10. Marka (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shaabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in xalay duqeyn khasaaro geysatay laga fuliyay gobolkaasi. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay gaari marayay deegaanka Cadow-Dibile oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Lama oga illaa iyo hadda cida wadatay gaarigaasi la duqeeyay oo waxyeelo ka soo gaartay dadkii la socday. Al Shabaab oo ka hadlay weerarkan waxa ay baahiyeen in gaariga uu ahaa rakaab, islamarkaana duqeyntani ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah. Weli ma jirto cid sheegatay masuuliyadda duqeyntaasi, balse inta badan Mareykanka ayaa duqeymo ka dhan ah Al Shabaab ka fuliya koonfurta Soomaaliya. View the full article
  11. Jowhar (SMN) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay dagaal beeleedyo ka soo cusboonay agagaarka degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Ugu horeyn Cali Guudlaawe ayaa beeniyay eedeymo loo jeediyay oo ahaa in maamulku uu ka qeyb qaadanyo hurinta colaadaasi. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in dad leh dano gaar ah ay sii kicinayaan xiisadaha dagaal ee ka taagan gobolka Shabeelaha Dhexe. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli dagaallo u dhexeeya maleeshiyo beeleed uu ka qarxay deegaano hoostaga degmada Cadale, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac . View the full article
  12. Balcad (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xoogan oo xalay Al Shabaab ay ku qaadeen, kuna qabsadeen degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe. Dagaalyahanno badan oo ka tirsan Al Shabaab ayaa la sheegay in dhowr jiho ay ka soo weerareen degmadaasi, kadibna ay dagaal uga saareen ciidamada dowladda. Dagaal toos ah oo muddo saacado ah qaatay ayaa labada dhinac ku dhexmaray halkaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo. Al Shabaab ayaa la sheegay in markii dambe ay u suura gashay in ay la wareegaan gacan ku heynta xarunta maamulka Balcad iyo Saldhigga degmadaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalyahannada Al Shabaab ay sii daayeen tiro maxaabiis ah oo ku xirnaa halkaasi. Inkastoo aan la cadeyn karin khasaaraha ayaa hadane mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle waxa uu sheegay in uu arkay 5 dhimasho ah iyo 2 dhaawac ah. Dhinaca kale ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo xero ku leh warshaddii hore ee dharka Balcad ayaa la sheegay in madaafiic xoogan ay ku gaareen degmada, intii uu socday dagaalka u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al Shabaab. War ka soo baxay Al Shabaab ayaa dhankooda lagu sheegay in weerarkani ay ku dileen askar ka tirsanaa ciidanka DFS, kuna gubeen 4 gaari, sida ay hadalka u dhigeen. Xaaladda ayaa saaka dagan, iyadoona ciidamada milatariga a ay dib ugu laabteen degmada Balcad ee gobolka Sh/ Dhexe, kadib markii ay isaga baxeen Al Shabaab. View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-19032019.mp3 View the full article
  14. Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay ciidamo ka cabanaya mushaar la’aan. Kheyre oo ka qeyb galayay munaasabad looga hadlayay iska dhexgalka bulshada iyo ciidamada oo xalay lagu qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay arimo ku aadan mushaarka ciidamada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in markii hore ay mushaarka ciidamada ay bixin jireen dowlado shisheeye, hayeeshee hadda dowlada ay bixiso mushaarka dowlada. Waxa uu sheegay in diiwaan galin lagu sameeyay ciidamada dowlada oo ay baarayaan sababaha ay mushaarka u qaadan waayeen. Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya ayaa ka cabanaya mushaar la’aan iyaga oo qaarkoodna ay ka soo baxeen furumihii ay kula dagaalamyeen Al-Shabaab. Hoos ka daawo muuqalka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post, Muqdisho The post Ra’iisul Wasaare Kheyre oo si kulul uga hadlay ciidamo ka cabanaya mushaar la’aan appeared first on Puntland Post.
  15. Balcad (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saacado kadib la wareegay gacan ku heynta degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo saacado kooban ay maamulayeen ciidamada Al Shabaab. Ciidamada Al Shabaab ayaa markii ay la wareegayeen degmada Balcad waxay ka weerareen seddex jiho oo kala ah dhanka waddooyinka ka yimaada degmooyinka Afgooye iyo Jowhar iyo waddo Jaay ah oo degmada Balcad gasha. Dagaal Khasaaro geystay ayaa ka dhacay degmada, Waxaana saaka magaalada laga hadal hayaa weerarka Al Shabaab ay kula wareegeen degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, muddo sanad kadib. Al Shabaab ayaa sii daayay maxaabiis ku xirnaa saldhiga degmada Balcad, Xarunta degmada iyo Xarunta Hay’adda Nabad sugidda degmada. waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in Al Shabaab ay doonayeen inay maxaabiista sii daayaan. Al Shabaab ayaa intii ay ku sugnaayeen degmada Balcad waxay ku gubeen gaari uu lahaa xildhibaan Xasan Xaaji oo ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle. gaari uu lahaa Agaasimaha Radio Balcad oo lagu Magacaabo Cabdi Xakiin Xuseen. Sidoo kale Al-Shabaab waxa ay gubeen Gaari iyo Dukaan uu lahaa Nin lagu Magacaabo Aw-Daahir oo ah Madaxa Shatiyada Gaadiidka degmada Balcad, sida masuuliyiinta degmada Balcad ay sheegeen. Abaara 12:00 Habeenimo ayaa Al-Shabaab ay guud ahaan isaga baxeen degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo mudo saacado ah ay heysteen waxaana dib ugu soo laabtay ciidamada dowladda oo markii hore isaga baxay. Caasimada Online Xafiiska Balcad Caasimada@live.com
  16. Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay Al-shabaab ay halkaasi weerar ku qaadeen. Dagaal ayaa in muddo ah dhexmaray ciidamada dowlada iyo kuwa Al-shabaab. Goobjoogayaal ayaa noo sheegay in Al-shabaab ay muddo kooban gacanta ku dhigeen xaafado ka tirsan degmadaasi Balcad. Al-shabaab ayaa xabsiga magaaladaasi ka sii daayay dad badan oo ku xirnaa xabsiga Balcad. Ciidamada AMISOM oo ku sugan qeyb kamid ah magaalada Balcad ayaa madaafiic ku garaacay xaafadaha ay Al-shabaab la wareegeen. Ugu dambeeyntii Al-shabaab ayaa isaga baxay degmada Balcad. Degmada Balcad oo ka tirsan gobolka Sh/Dhexe ayaa waxa ay Muqdisho u jirtaa 30 KM. Puntland Post The post Al-shabaab oo muddo kooban la wareegay Balcad appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la filayaa in dhawaan uu furmo Kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana durba jira hadal hayn iyo warar ka soo baxaya Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ku aadan xaalado hareyn kara fadhiyada Golaha Shacabka. Xildhibaanada ayaa kuu sheegaya in markaan uu kacsan yahay Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana ay dhamaatay dulqaadkii Xukuumadda. Sidoo kale waxaa dhaqan geli waayay heshiisyo hore oo u dhaxeeyay Xukuumadda iyo inta badan Xildhibaanada, kaas oo markii hore hoos u dhigayay Khilaafka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka. Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa Caasimada Online u sheegay in ay jirto Xildhibaano ku fakaraya mooshin ka dhan ah Raysal Wasaare Kheyre oo ku aadan arimaha Ammaanka, Siyaasadda, iyo Ciidamada ka cabanaya Mushaar la’aanta, halka Xildhibaano kalane ay abaabulayaan Mooshin ka dhan Madaxweynaha Soomaaliya kuwaas oo ku heesta Madaxweynaha arrinta Badda iyo heshiiskii lala galay Kenya. In Xildhibaanada ay ku kacaan Kheyre waxaa loo sababaynayaa laba arimood oo kala ah. 1 – In ay istaagtay lacagtii ay bixin jirtay madaxtooyada ee la siin jiray xildhibaanada iyo warbaahinta. 2 – In aysan dhicin balanqaadkii Xukuumadda ee ahaa in ay isku shaadhayn ku sameyn doonto Golaha wasiirada, islamarkaana ay ka soo dhax-muuqdaan Xildhibaano k atirsan Golaha Shacabka oo saaxiib la ah Xukuumadda Soomaaliya. Wali ma furmin Kalfadhiga Golaha Shacabka, balse waxaa soo xaadiray inta badan Xildhibaanada kuwaas oo sugaya in fadhiga uu furmo. Waxaa magaalada Muqdisho ka taagan hadal hayn xoog leh oo arintaan ku aadan waxayna dadka kuu sheegayaan in markaan ay halis ugu jirto Xukuumadda Baarlamaanka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Marba marka kasii danbeysa waxaa abuurmaya dal-daloollo hor leh oo ifinaya in dhammaan ballamihii uu madaxweyne Farmaajo ku soo galay doorashadii uu ku hantiyay hoggaanka dalka aysan u muuqan karin kuwo hir-galaya. Balse marka laga hadlayo bixinta mushaharka ciidanka xoogga, qofna lama aheyn inay kasoo yeeri doonto cabasho danbe. Labadii sannadood ee lasoo dhaafay, waxaa laga reystay maqalka mushahar la’aanta ciidanka, dowladduna waxay si lagu faani karo ugu guuleysatay inay bixiso mushaharaadka ciidamada. Dowladdu waxay labada sannadood ee lasoo dhaafay u muuqatay mid xil weyn iska saareysa bixinta xuquuqaadka ‘mushaharka’ ciidamada. Waxayna u laheyd mudnaanta labaad kaddib shaqaalaha rayidka dowladda. Hayeeshe, siinta mushahar aan awalba aheyn mid ku filan Daljirka ku jira Xoogga Dalka oo aan dhameyn 200$, in haddana aysan helin xuquuqaadkooda muddo ka badan afar bilood waxay dib u cunaysaa sharaftii iyo sumcaddii ay abuuratay xukuumaddaa hadda jirta. Hadda hadba sidii loo tix-raacayay waxa ka hir-galaya ballamihii Farmaajo, waxay ugu danbeyn taagan tahay lunsiga xuquuqda ciidanka xoogga. Bixinta mushaharka ciidmada iyo sugidda amnigu ma ahan oo kaliya arrin la xiriirta gudasho waajibaad iyo oofin xuquuqaad. Waxay sidoo kale ka dhigan tahay rumeynta ballamaha u muuqda marin-habaabinta oo inta badan madaxda qaranka ay kusoo galaan doorashada, balse ay ka indha-duwdaan marka ay xilka ku fariistaan. Iyada oo ka jawaabaysa cabashadooda, xukuumaddu waxay sheegtay in gadoodka ay wadaan ciidamada uusan la xiriirin dhammaan ciidamada xoogga, balse ay yihiin tiro yar oo sabab farsamo awgeed u heli waayay mushaharkooda. Dabcan, waa Ayaan-darro in xukuumadda oo saddex sano jirsanaysa ay qiil ka dhigato diiwaan-gelin la’aan iyo cillad kale. Hadda oo ciidamada xoogga ay cabashadooda ku muujiyeen isku soo bax iyo banneynta xeryahooda sal-dhigyada u ah, waa muhiim inaan kaliya lagu sababin in yar oo hoo-ku-dhimo ah, balse loo hubiyaa inay heli doonaan xuquuqdooda. Taasina waa in loo maraa hab kasta oo lagu xaqiijin karo. Dad badan ayaa qaba in qeyb kamid ah qoondada mushaharka ciidamada loo weeciyay ku qabsashada howlo kale oo shaqsiyadeed sida diyaar-garowga ol’olaha doorashada soo aadan. Sansaanta muuqatana waxay u eg tahay inay xoojinayso tuhunkaas. Si kastaba, dowladda oo awalba la daala-dhacaysay musuq hareeyey waaxyaheeda iyo jiritaan la’aan halbeeg sugan oo lagu xaqiijiyo fulinta iyo hubinta in sidii la rabay ay shaqaaluhu u helaan xuquuqdooda, inaan wax laga qaban cabashada ciidamada waxay dowladda oo u muuqatay mid aad loogu hanweynaa bilowgeeda waxay qaadi doontaa isla tabtii ay ku baxeen dowladihii ka horeeyey. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  19. Warxbin xasaasiya:Liiska Magacyada Muslimiintii lagu xasuuqay masaajidka Al-nuur+Takhasusuusyadooda,Shaqooyinkay Hayeen,Da’da qof walba,Sawiradooda & Dalalkay u dhasheen Dad badan ayaa ka tacsiyeeyay weerarkii lagu qaaday labada masaajid Konton ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarkii Jimcihii lagu qaaday labada masaajid ee ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand. Dadkaas intooda badan waxay u tageen New Zealand in ay wax ka soo bartaan ama ka soo shaqaystaan si ay lafahooda ama kuwa qoyskooda nolol wanaagsan ugu helaan. Qaar ka mid ah dadkaas waxay ahaayeen qaxooti ay la noqotay in ay heleen ammaan. Waxay isugu jireen waaliddiin, lamaaneyaal iyo asxaab. midka ugu yar wuxuu jiray saddex sano. Waa kuwan magacyada qaar ka mid ha dadka dhintay sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta dawladda ama ehelka dadka dhintay. Mucad Ibraahim oo saddex jir ahaa Mucad ayaa ahaa qofkii ugu da’yaraa ee la aqoonsaday. Masaajidka ayuu u raacay walaalkii Cabdi iyo aabhood oo labaduba ka badbaaday weerarka. Wakaaladda wararka ee AP ayaa ku warrantay in booliisku ay qoyska ku wargaliyeen geerida wiilkooda. Cabdi oo mar hore la hadlay warbaahinta gudaha ee Stuff ayaa sheegay “in ay xaalad adag qabsatay, dad badanna ay soo waceen iyaga oo waydiinaya in ay caawimaad u baahan yihiin, waxan oo kalena waligay ma arag.” ayuu yiri Wuxuu yiri Mucad wuxuu ahaa “wiil firfircoon oo ciyaar badan, wuxuuna jeclaa in uu muusoodo qoslo qoslo. Atta Elayyan, 33 Atta Elayyan waxaa la dilay isaga oo ku tukanaya masaajidka Al Nuur Atta Elayyan oo gool haye u ahaa koox ciyaarta kubadda cagta ee shan shan ruux loo ciyaaro ee afka qalaad lagu dhaho futsal ayaa ka mid ahaa dadkii lagu dilay masaajidka, sida ay sheegtay kooxda kubadda cagta ee NZF. Ninkan oo Kuwayd ku dhashay ayaa kooxda Futsal Whites u saftay 19 kulan. Ciyaaraha marka laga soo tagana wuxuu madax ka ahaa shirkad dhanka tiknoolajiyadda dadka ka caawisa oo la dhoho LWA, taas oo uu aasaasay 2010. “Qayb ayaa bannaan wadnayaashanada, ayuu yiri Margetts oo masuul ka ah NZF. “Atta wuxuu ahaa nin wanaagsan, qof walbe oo u dheela kooxda Futsal Whites iyo dhammaan ciyaartoyduba way ka heli jireen. ma jiraan erayo aan ku cabbiri karno dareenkannaga, run ahaantiina waan u xiisi doonnaa. Ayuu intaas ku sii daray. Daoud Nadi wuxuu jiray 71 sano Daoud Nadi ayaa ahaa qofkii u horreeyay ee la aqoonsado, wuxuu ku dhashay Afghanistan, balse qoyskiisa ayuu ula soo wareegay New Zealanad 1980yadii, isaga oo ka baxsanayay qabsashadii Soviet-ka. Wuxuu ahaa injineer waxaana la sheegay in uu jeclaa gawaaridii hore, balse markii uu shaqada ka fariistay wuxuu hoggaamiye bulsho ka noqday New Zealand. Wuxuu madaxweyne u ahaa ururla bulshda reer Afghanistan, waxaana lagu yaqaannay taageerada uu u hayo kooxaha soo haajiray. Daoud Nadi waxaa la rumaysan yahay in uu xabbada isu dhigay si uu u badbaadiyo dadkii masaajidka ku sugnaa. Wiilkiisa Cumar ayaa NBC News ku yiri: Haddii aad ka timid Falastiin, Ciraaq iyo Suuriya – wuxuu ahaa qofka u horreeya ee ku gacan qaban.” Sayyad Milne wuxuu jiray 14 sano Sayyad Milne wuxuu rabay in uu ciyaartoy noqdo marka uu waynaado. Jimcihii wuxuu ku sugnaa masaajidka Al Nuur isaga oo ay weheliso hooyadii. Sida uu aabihii u sheegay warbaahinta New Zealand. “Si rasmi ah la iiguma soo sheegin in uu dhintay, balse wuu geeriyooday, sababtoo ah waa la arkay.” “Waxaan ku xasuustaa in uu ahaa ilmahaygii qarka u fuulay in aan waayo markii uu dhashay. geesi yar ayuu ahaa, waa arrin aad u adag in aad aragto isaga oo u dhintay rasaas uu furay qof aan waxba dan kalahayn, cidnana u aaboyeelayn. “Waan ogahay meesha uu jooga, waan ogahay oo ammaan buu haystaa.” Mark Wilson oo maamule ka ah iskuulka Cashmere High School ayaa warbaahinta Newshub u sheegay in Sayyad “uu ahaa canug wanaagsan oo indhahiisu naxriis leeyihiin, isla markaasna qalbi fiican oo muusood qurux badan”. Naeem Rashid oo 50 jir ahaa Naeem Rashid wuxuu asal ahaan ka soo jeeda magaalda Abbottabad ee dalka Pakistan wuxuuna macallin ka ahaa Christchurch. Naeem Rashid oo sannado ka hor sawir lagaga qaaday New Zealand isaga oo la taagan wiilkiisa Talha Muuqaal laga duubay weerarka masaajidka Al Nuur ayaa lagu arki karaa Naeem Rashid oo mar isku dayaya in uu ka hortago ninka hubaysan. Rashid ayaa si xun u dhaawacmay, isbitaal ayaa markii dambe loola cararay balse wuu geeriyooday. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa xaqiijisay geeridiisa. Halyay ayay dad badan ku tilmaameen. Walaalkii Khurshid Alam ayaa sheegay in uu aad u farxay markuu arkay ficilka walaalkii. Wuxuu ahaa qof geesi ah, dad halkaas ku sugnaa oo goobjoogeyaal ahaana waxay sheegeen in uu dad badbaadiyay intii uu isku dayayay in uu joojiyo ninkaas. Sida uu Alam u sheegay BBC. “Wali waan argagaxsannahay, si kastabase ha ahaatee halyay ayuu noqday. Waan ku faanaynaa hadda. waase sidii adiga oo lugta lagaa jaray oo kale”. ayuu intaas ku sii daray. Ra’iisulwasaaraha Pakistan oo ayaa Twitter-ka ku soo qoray in dhiiranaantii Rashid darteed lagu abaal marin doono billad qaran”. Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @ImranKhanPTI Talha Rashid wuxuu jiray 21 sano Dalxa wuxuu ahaa wiilka u wayn carruurta Rashiid. Markii ay qoysku u wareegayeenna New Zealand wuxuu jiray 11. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa xaqiijisay geeridiisa. Saaxiibbadii waxay sheegeen in Dalxa uu hadda helay shaqo, uuna rajaynayay in uu guursado. “Maalmo ka hor markii aan la hadlay Naeem Rasheed wuxuu ii sheegay in uu qorshaynayo in uu aado Pakistan si uu wiilkiisa ugu soo guuriyo,” ayuu yiri Dalxa adeerkii oo ku sugan Lahore. Wiil kale oo Rashid dhalay ayaa laga dawaynayaa dhaawacyo soo gaaray. Zeeshan Raza, Ghulam Husain, Karam Bibi Zeeshan wuxuu jiray 38 sano wuxuuna ahaa wiilka kali ah ee ay dhaleen Ghulam Husain iyo Karam Bibi. MARYAM GUL Raza wuxuu dhigrii ka haystay makaaniknimo wuxuuna ku takhasusay mootooyinka. 2014 ayuu u wareegay Auckland isaga oo degenaansho rasmi ah ka helay New Zealand. Maalmihii ka horreeyay weerarka ayuu u wareegay Christchurch, isaga oo guri ka kiraystay meel u dhaw masaajidka Al Nuur. Waalidkii ayaa soo booqday toddobaadkii hore. Ghulam Husain wuxuu ku koray Karachi wuxuuna u shaqeeyay shirkadda diyaaradaha ee Pakistan tan iyo intii uu hawlgabka ka noqonayay. Karam Bibi waxay ku dhalatay Karachi balse waalidkeed ayaa ka soo jeeda gobolka Punjab. MARYAM GUL Wiilkooda ayay u raaceen masaajidkii uu sida joogtada ah u aadi jiray Jimcaha. Saddexdoodiiba waa la dilay waxaana lagu aasi doonaa New Zealand. Gabadhooda Maryam Gul ayaa ka badbaaday. BBC Urdu ayaa sheegtay in aysan awoodin in ay ka qayb gasho aaska. “Waxaan isku dayi doonaa in aan sida ugu dhakhso badan u aado, haddii ay suuragasho.” ayay tiri Dadka kale ee Pakistan u dhashay ee aan da’dooda la aqoon Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa xaqiijisay geerida: Sohail Shahid Syed Jahandad Ali, Syed Areeb Ahmed Mahboob Haroon Farhaj Ahsan oo 30 jir ahaa Farhaj Ahsan ayaa 10 sano ka hor ka soo wareegay magaalada Hyderabad ee dalka Hindiya wuxuuna ahaa injineer ka shaqaynaya dhanka korontada. Xaas iyo labo carruur ah ayuu lahaa, waxayna carruurta kala yihiin gabadh saddex jir ah iyo wiil lix bilood jira. Masuuliyiinta New Zealand ayaa qoyska la wadaagay geerida, sida uu BBC-da u sheegay walaalkii Kashif. “Qofna ma filayn waxa ka dhacay New Zealand oo ah dal nabadda jecel,” sida aabihii Sayeeduddin uu u sheegay laanta Telugu ee BBC. Hosne Ahmed waxay jirtay 44 sano Hosne Amhed waxay ku sugnayd qaybta dumarka ee masaajidka Al Nuur, markii ay rasaastu billaabatay ayay ku soo orodday dhanka ragga si ay u badbaadiso ninkeeda oo qayb ahaan jirkiisu uusan shaqaynayn kuna socda gawaarid naadafada. “Anigu xumaan uma qabo ninkii dadka toogtay, ayuu yiri Uddin oo la hadlay saxafiyiinta. “Waan cafiyay, waxaana Allaah uga baryayaa in uu hannuuniyo.” Ayuu intaas ku sii daray Lamaanahan ayaa asal ahaa ka soo jeeday Bangladesh. Zakaria Bhuiyan Guddi ay leeyihiin Hindida ayaa sheegay in Bhuiyan uu ahaa nin dhanka dhismaha ka shaqeeya. wuxuu gacan ka gaystay dib u dhiskii magaaladaChristchurch ka dib dhulgariirkii dhibaatada baaxadda leh u gaystay sannadkii 2011. Wuxuu ahaa mid ka mid ah dadkii ugu dambeeyay ee la aqoonsaday, waxaa la rumaysan yahay in booliiska oo baaritaan ku haya masaajidka Al Nuur in ay soo heleen maydka. Qaraabo dhaw uma joogaan New Zealand, balse saaxiibbadii ayaa Sabtidii iyo Axaddii mudaaharaad dhigay, iyaga oo dalbanaya sababta ay wakhtiga dheer u qaadatay in la aqoonsado. “Walaalkanno ayaa la la’yahay, ugu yaraan xog naga siiya” ayuu qof boor ku soo qortay. Mojammel Hoq Asal ahaan Bangladesh ayuu ka soo jeedaa Hoq, magaalada Christchurch wuxuu ku sugnaa muddo labo sano ah isaga oo baranayay caafimaadka ilkaha, wuxuuna ahaa ehlu masjid. Jahirul Islam oo ay saaxiib dhaw ahaayeen isku gurina daganaayeen Hoq ayaa Radio New Zealand u sheegay in qoyska marxuumka ay aad u danaynayaan in maydkiisa loo sii qaado. “Adduunkoodii ayay waayeen. aniguna sidoo kale,” ayuu yiri. Mohammed Omar Faruk oo 36 jir ahaa Muwaadin reer Bangladesh ah ayuu ahaa, Alxanle ayuuna ka ahaa New Zealand. Saaxiibbadii ayaa warbaahinta New Zealand u sheegay in xaas uurleh ay u joogtay Bangladesh. Muhammed Abdusi Samad, 66 Bangladesh ayuu u dhashay wuxuuna macallin ka ahaa jaamacadda Lincoln University, mararka qaarna masaajidka Al Nuur ayuu tujin jiray. Hafiz Musa Vali Patel 52 jir ayuu ahaa AYUB PATEL Hafiz ayaa aad ugu dhaawacmay qarax, isbitaal ayaa loola cararay halkaas oo uu ku geeriyooday. Waalidkii ayaa Laanta Gujarati ee BBC-da u sheegay in Jay Makwana uu dhintay balse aysan masuuliyiinta New Zealand si rasmi ah ugu dhawaaqin geeridiisa. “Qof aad u farxad badan ayuu ahaa,” sida uu sheegay walaalkii Ayub Patel Hafiz ayaa ku noolaa Fiji, dalka New Zealand wuxuu u soo wareegay 20 maalmood ka hor. Labo wiil oo uu dhalay ayaa ku nool Australia, labo gabdhood oo uu dhalayna waxay ku nool yihiin New Zealand. Wuxuu Hindiya ka soo wareegay 30 sano ka hor balse sannad walba wuu booqan jiray,” ayuu yiri Ayub “Aad baan u argagaxnay.” ayuu intaas ku sii daray. Khaled Mustafa Ururka dadka Suuriyaanka ah ay leeyihiin ee Syrian Solidarity New Zealand ayaa sheegay in Khaled Mustafa lagu dilay masaajidka Al Nuur. Mustafa wuxuu ahaa qaxooti ka soo firxaday Suuriya. Isaga iyo qoyskiisa ayaana New Zealand u soo wareegay sannadkii hore oo kalia ah, wuxuuna u arkayay meel lagu nabadgalayo, sida uu ururkaasi sheegay Mid ka mid ah wiilashiida oo aan la aqoonsan ayaa wali la la’yahay. wiil kale oo uu dhalay ayaa aad u dhaawacmay qalliin ayuuna galay. Hamza Mustafa Hamza waxaa dhalay Mustafa oo sidoo kale qaxooti ahaa. 16 sano ayuu jiray. Aabihii ayuuna ku ag tukanayay wuxuuna geeriyooday Sabtidii sida ay xaqiijiyeen New Zealand. Hamza wuxuu ka mid ahaa ardaydii dhiganaysay Cashmere High School ee la dilay, Mark Wilson oo ah maamulaha iskuulka ayaa ku tilmaamay “arday wanaagsan”. “Inkastoo uusan wakhti badan halkan ku noolayn haddana saaxiibbo badan ayuu samaystay, sida Wilson uu u sheegay warbaahinta Newshub. Zaid oo ka yar Hamza ayaa wali isbitaalka ku jira. Linda Armstrong waxay jirtay 65 sano. Linda waxay ku dhalatay New Zealand waxayna ku kortay Auckland. waxay u wareegtay Christchurch si ay uga ag dhawaato qoyskeeda. Diinta Islaamka ayay qaadatay iyadoo da’da 50yada ku jirta. Qof ay qaraabo yihiinna wuxuu sheegay in jameecada masaajidka Al Nuur ay aad u jeclaayeen una ixtiraami jireen Linda. Kyron Gosse ayaa warbaahinta New Zealand Herald u sheegay in ay “ahayd maskiin sida dhallaanka oo kale ah” ayna asxaab la noqotay dad badan oo safar ah, soo galooti iyo qaxooti, iyadoo u furtay gurigeeda qalbigeeda iyo jikadeedaba”. Amjad Hamid 57 Wuxuu ahaa Dhakhtar lama arkin tan iyo markii uu weerarku ka dhacay masaajidka uu Jimce walbe ku tukan jiray. Qoyskiisa ayaa warbaahinta New Zealand u sheegay in ay meel walba ka raadiyeen. ayna la tahay in uu dhintay “Waa arrin murugo badan waxaan rajaynaynay mustaqbal fiican oon helno anaga iyo carruurtanadaba,” ayay tiri xaaskiisa Hahan oo la hadashay warbaahinta New Zealand Herald. waxay ku tilmaantay in uu ahaa nin aad u naxariisbadan. Lamaanahan ayaa New Zealand u wareegay 23 sano labo wiil ayayna isu dhaleen. Matiullah Safi oo 55 jir ahaa Safaaradda Afghanistan ee dalka Austaralia ayaa xaqiijisay dhimashadiisa iyada oo Facebook qoraal soo dhigtay. Stuff.co.nz ayaa qoraytay in Matiullah (ama Mathullah) Safi uu ku noolaa New Zealand sagaal sano ku dhawaad, uuna shaqooyin kala duwan soo qabtay. Isaga iyo xaaskiisa waxaa ka beermay toddobo carruur ah oo kala ah lix gabdhood iyo hal wiil. Anzi Ali Bava oo 23 Jir ahayd Gabadhan oo 23 jir ahayd ayaa New Zealand u soo wareegtay sannadkii hore si ay waxbarashada Mastarka uga dhigato jaamacadda Lincoln University. Masaajidka ayay kula sugnayd ninkeed Ponnath Abdul Nazar Jimcihii, wuxuuna ka shaqaynayay suuq laga dukaamaysto. Afar ruux oo masaari ah Masar ayaa xaqiijisay in ay weerarkii Jimcihii kaga dhinteen afar ruux. Qoraal ay dawladdu soo dhigtay Facebook ayayna ku sheegtay magacyadan. Munir Suleiman Ahmad Gamaluddin Abdel Ghani Ashraf al-Morsi Ashraf al-Masri – oo ah aabo labo canug dhalay Cabdiqaadir Cilmi oo 70 jir ahaa Wuxuu ahaa Soomaali Afar ilmood dhalay Musa Nur Awale oo 77 jir ahaa Asal ahaan wuxuu ka soo jeedaa Soomaaliya Afar ruux oo urdun u dhalatay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Urdun ayaa xaqiijisay dhimashada afarteeda muwaadin balse midkoodna ma aysan magacaabin. Qaran News
  20. Balcad (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in qabsashada kooxda Al-Shabaab ee degmada Balcad ay ahayd wax la filayey marka la eego xaaladda hadda ay ku sugan tahay dowladda Soomaaliya. Xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab oo isa soo abaabulay ayaa xalay weerar qorsheysan waxa ay ku qaadeen Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe, oo ay gacan ku haynteeda la wareegeen. Cabdirisaaq oo hadda ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa sheegay in marka la eego xaaladda ciidamada amniga Soomaaliya ay haatan ku sugan yihiin in qabsashadan la saadaalin karay. Waxa uu sheegay in xaaladda adag ee ciidamada ay wajahayaan ay ka mid tahay milatari badan oo goosanaya, qaar saldhigyadooda uga soo baxaya mushahar la’aan, musuq-maasuq iyo awoodooda howlgaleed oo xaddidan. Ciidamada dowladda ayaan muddo afar bil ah qaadan wax mushahar ah, xilli dowladda ay muhiimadeeda siisay inay lacag ku bixiso dagaal siyaasadeed iyo shaqsiyaad lacag lagu siiyo inay dowladda ammaanaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay isaga baxeen saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo. Kadib bixitaankooda waxaa deegaankaasi iyo saldhiga ay ku lahaayeen la wareegay ciidamo katirsan Al Shabaab, waxaana ciidamada Al Shabaab ay fariisin ka dhigteen deegaanka. Xalay fiidkii iyo waaberigii saaka ayay ciidamada Kenya wadeen dhaqdhaqaaqa ay kaga baxayaan saldhigooda deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo, waxaana ugu dambeyn saaka ay isaga baxeen deegaankaasi. Ciidamada dowladda Kenya ayaa waday maalmihii ugu dambeeyay qorshe ay kaga baxayaan saldhigyo ay ku lahaayeen deegaanada gobolka Gedo, iyadoo ilaa iyo hadda aan la ogeyn ujeedada ka dambeysa. Deegaano dhowr ah oo Gedo ka tirsan sida Faxfaxdhuun ayay ciidamada Kenya isaga baxeen, waxaana kadib la wareegay ciidamada AL Shabaab, iyadoo taasi loo farisan karo dib usoo nooleynta Al Shabaab. Qorshaha ka bixidda Saldhigyada Ciidamada AMISOM ayaa waxaa uu qeyb ka yahay qorshaha isbeddelka Istiraatiijiyadeed ee ay AMISOM ku wajaheyso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, sida saraakiil ciidan laga soo xigtay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Xasquuqii loo geystay Muslimiinta ku cibaadaysanaysay laba Masjid oo ku yaalla New Zealand waxay dhabtii xanuun ba’an ku reebtay adduun-weynaha siiba Muslimiinta dhibanayaasha u ah falalka ay sameeyaan in yar oo xagjir ah. Taniyo Jimcihii markii gumaadka bahalnimada ah uu galaaftay nolosha 50 qof oo iskugu yimid salaadda Jimcaha, dunida oo dhan waxaa hareeyay qeyla-dhaan iyo canbaareyn. Laakiin sida loo dhigay ficilkan wuxuushnimada leh laf ahaantiisa ayaa lagu kala duwanaaday. Saxaafadda reer Galbeedka waxay iska diiday in manaxaha toogashada ku dilay Muslimiin aan waxba u geysan ay ku tilmaamaan argagaxiso. Qaar ayaa ilaa xad isku dayay inay dhacdada u rogaan geesta kale – iyaga oo u raadinaya qiil ah in dilaaga xasuuqa ku kacay ay u badan tahay inuu dhimirka ka xanuunsanaa. Gumaadkani – in kasta oo tirada ku dhimatay ay badan tahay – ma ahan dhacdada kaliya ee wadajir loogu laayo dadka meel qura ku wada sugan. Sannadkii 2015-ka, dunida waxaa gilgilay weerar lagu qaaday xarun Wargeys la yiraahdo Charlie Hebdo kaas oo soo saaray kartuun lagu sheegay inuu yahay Suubanaha NNKH. Koox hubeysan oo sida ay sheegtay aad uga xumaaday falka naceybka ah ee lagula kacay Nabiga ayaa gudaha u galay iyaga oo toogtay dhammaan dadkii ku sugnaa goobta. Maadaama dadkii toogashada geystay ay ahaayeen Muslimiin, waxaa loo adeegsaday ereyga argagaxiso, waxaana lagu sifeeyey manaxayaal usoo jeestay daadinta dhiigga reer Galbeedka. Laba toddobaad oo baroordiiq ayaa loo sameeyey dadkii ku dhintay xasuuqa. Waxaa la adeegsaday hal-ku-dhag ah #WaxaanAhayCharlie” ‘I am Charlie’ si dhinac looga soo wada jeesto falkii argagaxisanimada lagu sheegay. Waxaana isla maalinkii uu dhacay weerarka habeenkeeda la damiyay Taallada Eiffel Tower ee caasimadda Paris si loo dareemo xanuunka murugada. Madaxda Galbeedku kuma ekaan oo kaliya canbaareyn. Marka laga reebo Madaxweyne Obama iyo Xog-hayaha Maraykanka, John Kerry, madaxda kale sida Angela Markel, David Cameron, Netanyahu iyo kuwa kale ayaa socodka ku maray isla waddadii uu ka dhacay xasuuqa. Waxaana jirtay in tacsi kale loogu qabtay dadkii ku dhintay weerarka, gudaha Israel. Marka lala barbardhigo wixii ka dhacay New Zealand xasuuqii 2015-ka ka dhacay Faransiiska, tiradu ma ahan waxa micnaha sameynaya; waa tayada dadka waxa lagu kala duwan yahay. 17 kii qofood ee ku dhintay weerarkii Charlie Hebdo waxay sida iska cad ka qiimo badan yihiin 50 qof ee sabab la’aan loogu gumaaday gudaha Masjid ay ku cibaadaysanayeen. Haddii maamuus qaaradeed iyo mid qaranba loo sameeyey dadkii ku dhintay Charlie Hebdo, waxaa taas cagsigeeda sugeysa Muslimiinta lagu laayay New Zealand. Waxaana loo sheegay inay meydadkooda aasan karaan maalinta Arbacada wixii ka danbeeya. Waloow dowladda New Zealand iyo shucuubta kale ee ku dhaqan Galbeedka ay muujiyeen garab-is-taag bani’aadnimo, haddana madaxda reer Yurub waxay caddeysteen laba wejiilanimadooda. Marka waa Muslimiinta oo qura kuwa ay sugeyso inay mootidooda xabaashaan. Qore: Zakariya Xasan Maxamed Kala xiriir: hiraal86@gmail.com
  23. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), iyo Madaxda Xukuumaddda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa si-wadajir ah u shir Guddoomiyay kulankii ugu dambeeyay ee Golaha Wasiirada waxaana laga soo saaray qodobo ay kamid yihiin cambaareynta diyaar-garowga doorasho oo ay DF-ka ka wado degaanada Galmudug. Waxay ahayd xaalad aan maalmahan la filayn in Sheekh Shaakir iyo Xaaf isku aragti ka noqdaan doorashada Galmudug in la qabto dhamaadka 2021-ka. Dad badan ayaa aaminsanaa in Ahlusunnadii ku biirtay Galmudug ay heshiis hoose la galeen Madaxda Dowladda Soomaaliya, Xaaf-na uu ku jiro xaalad go’doon oo gaar ah. Magaalada Muqdisho waxaa ku sugnaa wafdi ka socda Saraakiishii hore ee Ahlusunna iyo Macalim Maxamuud oo ah hogaamiyaha ugu sarreeya Ahlusunna kuwaas oo dhowaanahaan wadahadal kula jiray DF-ka ah ee Soomaaliya. Xildhibaano iyo Siyaasiin ayaa sheegay in uu jiray is faham dhaxmaray Dowladda iyo Macalim Maxamuud taasina ay aheyd dhabar jab soo wajahay Madaxweyne Xaaf balse waxay u muuqataa in aysan sidaasi u dhicin. “In Xaaf iyo Sheekh Shaakir isku raacaan in doorashada Galmudug la qabto 6/12/2021, waxay muujineysaa in uu fashil ku soo dhamaaday wadahadalka Farmaajo iyo Macalim Maxamuud hogaamiyaha Ahlusunna”, sidaas waxaa Caasimadda Online u sheegay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Galmudug. “Xaqiiqada jirta ayaa ah, in doorashada Galmudug ay dhacayso bartamaha sanadkaan, balse waxaa ii muuqato caqabado ku hor gudban”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan-kaan katirsan Baarlamaanka Galmudug oo la hadlay Caasimada Online. Macalim Maxamuud oo ah ninka ugu sarreeyo Ahlusunna iyo DFS ayaa kawada hadlay Arimaha Galmudug waxaana Macalimka ku doodayay in Wasiir looga dhigo Wiilkiisa si markaas DF-ka ay Ahlusunnadii ku biirtay Galmudug uga taageerto doorasho bartamaha sanadkaan laga qabto degaanada maamulkaasi. DF-ka ayaa mar isku day’day in ay sameyso isku shaadhayna Golaha Wasiirada ah islmarkaana uu ka soo dhax-muuqdo Cabdisamad Macali Maxamuud sidii ballanta aheyd walina ma dhicin isku shaadhayntaasi. Lama oga in Dowladda Soomaaliya ay oofin doonto sharuudaha Macalim Maxamuud si ay garab uga hesho Ahlusunnadii ku biirtay Galmudug, hadii ay sidaasi dhacdo Dowladda Soomaaliya waxaa u fududaan doonto in ay meesha ka saarto Madaxweyne Xaaf oo dagaal culus kala dhaxeeyo. Tani waxay u muuqaata in Xaaf iyo Sheekh Shaakir iyo Macalim Maxamuud oo dhabarka dambe jooga ay heshiis ka yihiin in sidaan ay wax ku sii socdaan hadii aysan Dowladda Soomaaliya la imaanin isbadal kale oo ay ku wajahayso Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Hargeysa (Caasimada Online) ― Warar ay helayso Caasimada Online ayaa sheegaya in Masuuliyiin ka tirsan Somaliland, oo isugu jira Wasiiro, Agaasimayaal guud iyo agaasime waaxeedyo wasaarado kala duwan ah loo gudbiyey Xafiiska Xeer ilaalinta guud ee qaranka kuwaas oo lagu helay falal musuq maasuq oo ay ku kaceen. Masuuliyiintan ayey tiradoodu tahay 8-masuul, kuwaasi oo Madaxweynaha Somaliland ku amray xafiiska hanti-dhawraha inuu waajibkiisa ka guto taas oo keentay in loo gudbiyo xeer ilaalinta guud oo iyagu u xilsaaran sifaha sharci ee loo marayo masuuliyiintaasi. Inkasta oo aysan jirin ilaa hadda war rasmi ah oo ilaa hadda kasoo baxay Hay’ada Hanti-dhawrka Qaranka iyo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland midna, haddana waxa jira ilo xog-ogaal ah oo u dhuun daloola arrintan oo Caasimada Online u cadeeyey in Tirada masuuliyiintaasi tahay ilaa 8 qof oo ay hadda magacyadooda iyo cadaymaha falalka musuq-maasuq ee loo haystaaba hor-yaalaan Xafiiska xeer ilaaliyaha guud. Xafiiska ayaa laga war-sugayaa maalmaha soo socda, maadaama uu Madaxweyne Biixi safar kaga maqnaa markii hore in uu ugudbiyo warqada xasaanad ka qaadista masuuliyiintaasi, talaabada kale ee taas ku xigtaana ay noqon doonto in xabsiga loo taxaabo. Xukuumada Muuse Biixi ayaa dagaal xoogan kula jirta falalka Musuq-maasuq ee noocan ah kaasi oo labaatankii sano ee u danbeeyey ragaadiyey Somaliland, haddii laga midho dhaliyo qorshahan noocana waxa ay aaminsanyihiin dadka aqoonta u leh siyaasada ee falanqeeya arrimaha dawladuhu in ay tahay Talaabooyin dhiirigalinaya dhismaha dawladanimada oo horseedi kara horumar dowladnimo. Isku soo wada duubo Dadweynaha Somaliland ayaa aad ugu dheg-taagaya talaabada tan xigta ee Xafiiska xeer ilaalintu ka qaadayo magacyada masuuliyiintaasi loo gudbiyey. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com