-
Content Count
207,689 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ciidanka Kenya Oo Faarujiyey Deegaan Ka Tirsan Gobolka Gedo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ciidamada Kenya ayaa maanta waxa ay isaga baxeen deegaanka Busaar ee gobolka Gedo. Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in ciidankan ay aadeen dhanka degmada Ceel-waaq, waxaana halkaasi durba la wareegay ciidamada Al-shabaab oo deegaankaasi ka dhowaa, Saraakiisha ciidamada Kenya weli kama aanay hadal sababta keentay in ay deegaankaasi isaga baxaan. Ciidanka Kenya ayaa deegaankaasi la wareegay sanadkii 2012-kii, sanad kadib markii ay gudaha usoo galeen Soomaaliya. 2-dii bishan ayeey ahayd markii ay ciidamada Kenya isaga baxeen deegaanka Fafax-dhuun ee gobolka Gedo. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah lagu joojiyo dagaallada ka socda deegaanka Xeraale, Galgaduud iyo sidoo kale deegaannada hoostaga degmada Cadalle ee gobolka Shabellaha Dhexe. Waxa uu sheegay Qeybdiid in dagaalladan yihiin kuwo aanay dan ugu jirin shacabka ku dhaqan deegaannadaasi, loona baahan yahay in wax walbo lagu dhammeeyo wadahadal. Sidoo kale, Qeybdiid ayaa sheegay in waxgaradka ku sugan gobolladan looga baahan yahay iney kaalin mug leh ka qaataan daminta colaadahan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/Qeybdiid.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in ciidanka Qaranka ee jiidaha Bari hawlgab ku noqday faramaha uu ku jiro, islamarkaana uu jeclaan lahaa in lagu soo celiyo Laasnaacood. Guddoomiyaha oo shalay mudaneyaasha la hadlayay ayaa u jawaabay xildhibaanno dhalliilay in xilligan ciidanka Qaranku isku fidiyo Bariga gobolka Sanaag waxaanu yidhi “Arrintan ciidamada, waar ciidamadu dalkoodii bay joogaan meel walbana way tagayaan. Maxaa looga cabanaya? Dee Badhan, Laascaanood, Saylac iyo Booramaba way tagayaan, Maxaa looga cabanayaa? Wax ay taraan mooye wax lugooyo ah oo ay soo kordhiyaanna ma hayno,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan. Guddoomiyaha oo ka sii hadlaya waxtarka ciidanka Qaranka ayaa intaasi raaciyay “Waxaan jeclahay in ay Laascaanood ku soo noqdaan ee waanan helayn, inaga iyo dadka joogayba waxtar bay lahaayeen oo bulshaday ka qayb galayeen, hadda halkaas bay maxaabiis ku yihiin Tukaraq iyo hareeraheeda marka ciidamadu lugooyo ma wadaan ee yaynaan balo abuurin,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan. Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa horraantii sanadkii hore tagay degmada Tukaraq waxaanu madaxweyne Biixi diiday qorsheyaal la doonayay in dib loogu soo celiyo fadhiisimadoodii agagaarka Laascaanood mana cadda in guddoomiye Saleebaan ka soo horjeedo joogitaanka Ciidanka Qaranka ee jiidaha hore iyo in kale. Source
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda arrimaha gudaha, dib u heshiisiinta iyo arrimaha Federaalka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa baaq ka soo saartay dagaallo ka dhacay deegaano ka kala tirsan gobollada Shabeelaha dhexe iyo Galgaduud, kuwaas oo u dhexeeya dad walaalo ah oo deegaan wada daga. Wasaaraddu waxay mas’uuliyiinta Hirshabelle, Galmudug iyo waxgaradka deegaanka ugu baaqday inay si dhab ah ugu istaagaan daminta colaaddaas, waxaana ay ka tacsiyeysay dadkii ku dhintay colaadaas. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay inay kaalin wayn ka qaadanayso dib u heshiisiinta bulshada oo ka mid ah hawlaha ay u xilsaarantahay. Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wadarta tirada dadkii ku dhintay dagaaladii ka dhacay degaanada Xeraale iyo Burdheere ee Gobalada Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe ayaa korartay kadib markii ay dhintayn qaar ka mid ah dadkii dhaawacyada qabay ee la dhigay Isbitaalo ku yaala magaalada Muqdisho iyo Galgaduud. Xog aruurin aan ka sameynay Isbitaalo ku yaala Caabudwaaq, Guricayl iyo Magaalada Muqdisho ayaa ku ogaanay in dhowr qof oo kamid ah dadkii ku dhaawacmay dagaaladii ka dhacay degaanka Xeraale iyo Degmada Cadalle ay korartay. Sidoo kale goobihii lagu dagaalamay xariiro aan la sameynay ayaa ku ogaanay in maydad badan oo hor leh laga helay aaggii lagu dagaalamay. Degaanka Xeraale ayaa la sheegay in tirada dadkii ku dhintay ay gaartay 48 qof, kadib markii ay geeriyoodayn dhowr qof oo la geeyay Isbitaalo ku yaala Caabudwaaq iyo Guricayl. Sidoo kale degaanka Burdheere ayaa la sheegay in tirada dadkii ku dhintay ay korartay waxayna gaartay in ka badan 40 qof, waxayna wadarta dhimashadu ay haaraysaa 88 qof oo isugu jira Shacab iyo dhinacyadii dagaalamay. Maanta xaaladda goobihii lagu dagaalamay waa dagan tahay waxaana la sheegayaa in wali ay is hor-fadhiyaan Ciidamadii dagaalamay waxaana laga cabsi qabaa in markale dagaalo dhacaan hadii aan xal la dhax dhigin dhinacyadii dagaalamay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa in ka badan 260 askari oo tababar ku soo qaatay dalka Jabuuti maanta tababar ugu soo xiray xarunta Kumaanda Buluusiya ee M/ Muqdisho. Taliye Ameeriko ayaa sheegay in dufcadan ay tahay tii 10-aad oo tababar ku soo qaadata Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Waxa uu tilmaamay in askartani ay isugu jiraan qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in ciidamada loo diro dalalka dariska ay ugu tayo fiican yihiin kuwo Jabuuti. Jabuuti oo ah dal daris la’ah Soomaaliya ayaa ka taageero dowladda federaalka dhinacyo dhowr ah oo ay ka mid tahay dhanka amniga, waxaana ciidamo ay ka joogaan dalka, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa AMISOM ee Soomaaliya. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Maxamed Jaamac Abgaal ooh ore xilal wasiirnimo uga soo qabtay xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa waxa uu wada-hadalo dhinaca talefoonka ah oo dhex-galay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, waxaanu tallooyin u soo jeediyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Dhoobley (SMN) – Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ayaa maanta howlgallo amniga lagu xaqiijinayay ka sameeyay duleedka magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose iyo sidoo kale xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya. Saraakiil ka tirsan Jubbaland ayaa sheegay in howlgalkan uu yimid, kadib markii rag ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Libooya oo dhaca xadka labada dal, islamarkaana la tuhunsan yahay in dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay ku dhuumaaleysanayaan keyn ku taalla halkaasi. Ma jirto illa iyo hadda cid lagu so qabtay howlgalladani oo ay shaaciyeen saraakiisha Jubbaland. Magaalada Dhoobley ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland iyo Ciidamo Kenyaan ah, waxaana maalmihii dambe ka socday qorshe labada dhinac ay isaga kaashanayEEn arrimaha amniga iyo dagaalanka ka dhanka ah Al Shabaab. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-19032019.mp3 View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dunida muslimka waxey u aheyd maalin murugo badan jimcadii lasoo dhaafay markii shaqsi islaam naceyb lagu sumadiyay uu boqolaal qof waxyeelo ugu geystay laba masaajid oo ku yaala wadanka New Zealand, gaar ahaan magaaldaa Christchurch. Salaadda jimcaha kadib ayeyna musiibo laga sheekeeyo dhacday, dunida muslimka iyo kuwa reer galbeedkaba siyaabo kala duwan ayey uga falceliyeen, waxeyna falkaas doqonimada ah ku tilmaameen mid aan wanaagsaneyn. Marka laga tago dunida inteeda kale, waxaa hadal heyn noqotay tacsi ay direen xarakada Al Shabaab oo ay dadka aan taageersaneyn mabda’ooda ku sheegaan kuwa si sharci darro ah u baneystay dhiigga umadda. Cali Dheere oo ah afhayeenka ururka ayaa tacsi u diray dadka muslimiinta ah ee ku waxyeeloobay labadii masaajid ee New Zealand xilli maalmo qura laga joogo weerarkii ay ururka ka geysteen Hotel Makka Al-Mukarama halkaas oo ay ku naf baxeen tiro dad shacab muslim ah. Qaar ka mid ah oraahyada afhayeenka waxaa ka mid ah: “Dhacdadaas foosha xun ee ka dhacday New Zealand waxay markale daaha ka rogeysaa colaadda gaamurtay ee ay gaaladu u qabaan Muslimiinta, waxay marag ma doonto u tahay xiqdiga saliibiga ah ee kuwaas falkaas geystay iyo kuwa kale ee gadaal ka taagan ay u hayaan dadka muslimiinta ah” Iyadoo taasi ay jirto ayaa hadana Shiikh Maxamed Shibili oo ah mid ka mid ah mashaa’iqda Somalida ayaa baraha buslahda fariin u mariyay Al Shabaab isagoo muujinaya in tacsida ay u direen New Zealand ay tahay wax aan macno weyn ku fadhin maadaama ay yahiin dad baneystay dhiigga shacabka Soomaalida ee Musliiminta ah. Shiikh Shibili fariintiisa waxey muujineysay mid uu kasoo horjeedid ugu muujinayo Cali Dheere iyo ururka Al Shabaab, wuxuuna is weydiiyay sida ay macquulka ku tahay iney muslimiinta New Zealand u tacsiyeeyaan iyagoo boqolaal Soomaali ah ku dila Soomaaliya, wuxuu carabka ku dhuftay weeraradii Shaamow, Makka Al Mukarama iyo Tiyaatarka. Shibili isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Al Shabaab u sheegay iney joojiyaan dhiigga shacabka ay leynayaan siduu hadalka u dhigay isla markaana ay muslimiinta si guud uga wada damqadaan. Weerarkii ka dhacay masaajidda wadanka New Zealand waxaa ku geeriyooday inta la xaqiijiyay ilaa 50 qofood halka in ka badan ay ku dhaawcmeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Addis Ababa)-Dawladda Itoobiya ayaa qorshaynaysa in ay dib u dhigto tirakoobkii qaran, iyadoo ay sababtana ku sheegtay dadka tirada badan ee guryahoodii uga qaxay colaaddaha, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisulwasaare Abiy Axmed. Dadka hadda barakaca ku maqan waa in ay guryahooda ku laabtaan ka hor inta uusan billaaban tirakoobkan la qorshaynayay in uu dhaco 7 bisha Abriil, ayuu intaas ku sii daray xafiiskaasi. Baarlamaanka ayaa go’aanka kama dambaysta ah leh, waxaana la waydiisan doonaa in ay aqbalaan in dib loo dhigo. Tirakoobka ayaa dib loo dhigay labo jeer oo kala ah sannadkii 2017 iyo 2018, sida ay ku warrantay warbaahinta dawladda lala xiriiriyo ee FANA. In kabadan hal milyan oo ruux ayaa ayaa ka barakacay guryahoodii, intooda badanna waxaa keenay isku dhacyo qowmiyado ku salaysan oo Itoobiya ku dhacay. Dadka barakacayaasha ah waxaa ka mid ah Soomaali. Tira koobka ayaa muhiim u ah ogaanshaha tirada bulshada, arrintaas oo saamayn ku leh cayimidda miisaaniyadda gobollada, arrintaas ayaana ah mid xasaasi ah oo dareen siyaasadeed dhalin karta. Markii u dambaysay ee ay Itoobiya tirakoob qabato wuxuu ahaa sannadkii 2007, bulshada ayaana lagu qiyaasay 102.5 milyan oo ruux, arrintaas oo ka dhigaysa dalka ugu dad badan Afrika marka Nigeria laga reebo. Source
-
Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa kulan bogaadin iyo hambalyo ku aadaneyd guushii Ciyaartooyda xulka qaranka ciyaaraha Fudud ku qabtay caasimada Muqdisho,iyagoo fariimo kala duwan u diray macalimiintii iyo xidigihii soo hooyay gushaas taariikhiga ah. Hadaba Halkan Ka Aqriso Sida Ay Kaalama U Ka Galeyn Ciyaartooyda Soomaaliya Cabdi Salaan Axmed Maxamed oo ku tartamay orodka 800mtr ayaa kaalinta koowaad ka galay kadib marki uu ku oraday 1:55 ilbiriqsi waxaaa lagu abaalmariyay Biladda dahabka. Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo orodka1500 mtr ee dhanka da’yarta u tartamayay ayaa kaalinta koowaad isna ku dhamaystay kadib markii ku orday 3:46 :78 waxuuna sidaaasi ku hantay Biladda dahabka. Cabdirashiid Yuusuf oo dhanka da’yrta orodka 800 ku tartamayay ayaa isna kasoo galay kaalinta 6-aad ee tartanka. Cabdicasiis Cabdullaahi Maxamed Orodka da’yarta 3,000mtr ka qayb galay ayaa bandhigiisa aad u wanaagsanaa waxuu soo galay kaalinta afaraard kadib markii uu ku orday 8:36. isgaoo ku dhawaad inuu biladda maarta hanto. Cali Iidow Xasan oo qaybta ciyaartoyda waa weynka ku jiray ayaa kua dhamaystay kaalinta 7-aad ee tartanka qaybtiisa 1500mtr waxuuna ku orday 3:49 taasoo ahayd Saacad wanaagsan. “Xiriirka Ciyaaraha fudud waxa uu waqti geliyay dhalinyarada sharafka iyo guulaha u soo hoyay qarankeena way naga go’an tahay in aan maal iyo maskax ku bixino xirfadlayaasha matalaya calankeena iminkana waxaa inago soo wajahan tartamo kale waa in aan si wadajir u taageernaa ciyaartooydeena” waxaa sidaas Goobjoog ugu warantay guddomiyaha xiriirka ciyaaraha fudud Khadiijo Aadan Daahir. “Dadkan inta badan waxa ay xiisanayaan kubbadda cagta iyo kubbadda kolayga waxa aan ku biiri lahaa wasaaradaha isboorrtiga dalka in xooga saaraan ciyaaraha fudud Soomaaliyana ay guul waaweyn ka gaari karto hadii si dhab loogu soo jeesto waxaa sidaas yiri guddomiyihii hore Gobolka Banaaadir Caddow Gabow horayne u soo noqday xoghayii guddiga Olomikada. “Aniga oo ku hadlaya magaca wasiirada ciyaaraha Maamul Goboleedyada waxaan idin cadaynaa in aan bogaadinayno dhalinyaradii guulaha kasoo hooyay tartankii ka dhacay Jabuuti waxaan garab taaganay xiriiida iyo wasaarada ciyaaraha dowladde dhexe si maqaaka aan iminka joogo ugu hormarino” waxaa sidaas yiri Cali Dhuux Maxamed oo bishii lasoo dhaafay loo magacaabay wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed. Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada dowladda Khadija Maxamed Diiriye ayaa bogaadisay xidigaha ciyaaraha fudud,iyadoo balan qaaday in ay dowladda garab taagan tahay ciyaartooyda kala gedisan ee caalamka ugu qeyb galaya tartamada heer qaran. Xulka qaranka cayaaraha Fudud ee guulaha keenay ayaa xero tababar oo gudaha dalka waxaa sanadki 2017 ugu diyaariyay Guddiga olombikada qaranka Soomaaliyeed halkaas oo ay tababar ku qaadanayeen muddo sanad ah , waxaana kadib loo wareejiyay dalalka Kenya iyo Ehtiopia si ay tababarro heerkoodu sareeyo u helaan taasoo sahashay guushan taariikhi ah Halkan Ka Daawo Hadaladii Dhiira Gelinta Ahaa AY Direyn Madaxda Isboortiga Dalka Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa qiil yaab leh u sameeyey sababta aysan ciidamada dowladda u qaadan mushahar muddo afar bilood ah. Kheyre oo ka qeyb galay Barnaamijka Dardargelinta isdhexgalka Bulshada iyo Hay’adaha Amniga ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ee la diiwaan galiyay ay si joogto ah u helaan xuquuqdooda, balse ciidamada aan diiwaan gashneyn ay yihiin kuwa uu ka maqan yahay mushaharka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in kuwa aanan wali marin tirakoobka Ciidanka lasiin doono xuquuqdooda marka diiwaan galintu soo dhamaanto. “Maalmahan waxaa la lahaa Ciidamo ayaan mushaar la siin, qof aan mushaarkiisa iyo xuquuqdiisa la siin ma jiro, inta ay ka maqan tahayna waa in aan la diiwaan galin, fadlan geeya goobaha loogu tala galay, ku diiwaan galiya, Taliyeyaasha Ciidamada waxaan ka rabaa askari walba oo diiwaan gashan oo dadka u adeegaya Mushaarkiisa, raashinkiisa iyo daryeelkiisa inay aniga igu yimaadaan”.ayuu yiri Ra’iisul wasaare Kheyre. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in Dowlada ay ka go’an tahay in askari kasta uu xuquuqdiisa ku helo, isla markaana lala xisaabtami doono hadii ay jiraan kuwa aan Dalka iyo Dadka u shaqeyn Mushaarna qaata. “Waxaa la rabaa kuligeen inaan aqbalno in Shilingii la inagu aaminay uu iyaga gaaro, waa inaan ku heshiinaa in ciidamada la diiwaan galiyo, xirooyinkooda ay joogaan, raashinkooda waa anagga bilownay in qeyb ka mid ah akoonkooda loogu soo shubo qofkii la diiwaan galiyay, waxaa rabaa Askari kasta oo la diiwaan galiyay oo shacabkiisa u adeegaya iyo kan aan shaqeyn inaan kala saarno” ayuu yiri. Si kastaba, ra’iisul wasaaraha ma sharxin sababta haddii ciidankan yihiin kuwa aan diiwana gashneyn ay ku qaadan jireen mushaharka iyo waxa hadda ka qeylisiiyey oo intii hore ay la aamusnaayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT- Hargaysa) Qoys Uu Xidhay Aabahood Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Caafimaadku Oo Cabasho ka Muujiyey Tacadiyo Uu Ku Hayo+Farinta ay udireen Madaxwaynaha Qoys degan MagaaladaHargeysa gaar ahaandegan agagaarka danbe ee dhakhtarka wayn a oo AabahoodMuj Cumar hore uu u xidhay Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Dr Maxamed Xergeeye ayaa cabasho xoogan ka muujiyey tacadiyo uu ku hayo iyagoo sheegay in wakhtigan halkii ay deganayeen uusoo dhigtay jiingado la doonayo in lagaga dhiso guri. Xubno kamida bulshada xaafadan degan iyo hooyada qoyskan ayaa fariin culus udiray madaxwaynaha Somaliland iyagoo ugu baaqay in uu talaabo ka qaado agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka oo shaadhkii dawlada awood ugu adeegsanaya qoyskan Source
-
Heavily armed fighters from Al-Shabaab were reported to have retaken full control of a small town in Gedo region, southwest of Somalia, residents said Tuesday. The militants in fighting vehicles rolled into Busar, located about 40 Km South of El-Wak town situated near Somalia’s porous border with Kenya. The takeover came following the withdrawal of Kenyan forces who have been in control of the town since 2012, according to a local resident, who spoke to Radio Shabelle over the phone. Al-Shabaab fighters retook the area in Gedo region without a battle and announced their come-back in a public square where militant commanders lectured the villagers. View the full article
-
Residents in Somalia’s southern Lower Shabelle region say unknown fighter jets have bombed an airstrike in a small village called Adow-Dibille. Reports indicated that the warplanes targeted a convoy reportedly carrying militants travelling in the volatile region, which has been a hotspot for attacks and warfare. There were no immediate reports of casualties from the airstrike. On the other hand, Al-Shabaab has refuted claims of an airstrike on their convoy, saying a passenger vehicle was hit by the missiles that inflicted losses on the civilians. It is unclear which country belongs to the fighter jets conducted the air raid, but, the U.S. military has been carrying out such attacks in the past few years. View the full article
-
Al-Shabaab fighters have last night attacked government military bases in Bal’ad town which lies 30 KM north of the Somali capital Mogadishu. The local residents said the ambush attack prompted hours of heavy fighting between the Somali army and heavily armed Al-Shabaab fighters. There are a variety of casualties on both sides, although it is unclear exactly what the official casualties are. Residents reported they heard loud explosions and gunshots as Al-Shabaab fighters attacked a military base in the town. Al-Shabaab has claimed it seized briefly parts of the town and burnt down several battle wagons. The group is carrying out hit and run attacks in major towns under government and deadly explosions in the capital Mogadishu. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo xalay ka qeyb galay Barnaamijka Dardargelinta isdhexgalka Bulshada iyo Hay’adaha Amniga ayaa si kulul uga hadlay arrimaha Mushaaraadka ciidamada xoogga Soomaaliyeed. R/wasaare Khayre ayaa marka hore shaaca ka qaaday in askari kasta oo diiwan gashay la siiyay Mushaarkiisa, balse kuwa aan la siin aan weli a diiwan galin. “Maalmahan waxaa la lahaa Ciidamo ayaan mushaar la siin, qof aan mushaarkiisa iyo xuquuqdiisa la siin ma jiro, inta ay ka maqan tahayna waa in aan la diiwaan galin, fadlan geeya goobaha loogu tala galay, ku diiwaan galiya, Taliyeyaasha Ciidamada waxaan ka rabaa askari walba oo diiwaan gashan oo dadka u adeegaya Mushaarkiisa, raashinkiisa iyo daryeelkiisa inay aniga igu yimaadaan”.ayuu yiri Ra’iisul wasaaruhu. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in Mushaaraadka ciidamada dowladda haatan lagu bixiyo canshuurta dalka, islamarkaana ay joogsatay lacago Mushaar ahaan ay u bixin jireen dalalka Mareykanka, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan ciidanka 12-ka April oo ka cabanayay Mushaar la’aan ay ka soo baxeen deegaanka Dhanaaane ee gobolka Sh/ Hoose. View the full article
-
Berbera (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Berbera ayaa sheegaya in maalintii lixaad ay hakad ku jiraan dhaqdhaqaaqii ganacsi ee dekadda Berbera, kadib markii go’aan dhawaan uu kasoo baxay maamulka shirkadda DP World. Xiisad ayaa ka taagan dekadda Berbera, taasi oo ka dambeysay kadib markii shirkadda DP World ay 12 Bishaan Maarso ay soo saartay go’aan wax looga badalay lacagaha laga qaado ganacsatada adeegsata dekadda iyo markii la kordhiyay qiimaha Sarifka Doolar. Ganacsatada adeegsata dekadda magaalada Berbera oo ka carooday go’aanka dhaqan galay ayaa guddi iyaga matalaya iyo xubno ka socday rugta Ganacsiga Somaliland waxay la kulmeen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Waxaana kadib la sheegay inay ka heleen go’aan aysan ku farxin, kaasi oo ahaa in Shirkadda DP World ay maalgalisay dekadda islamarkaana go’aanadeeda ay iyada u madax banaan tahay. Arintaasi ayaa ka careysiisay ganacstada, waxaana la sheegay inay joojiyeen shaqadii ka socotay dekadda Berbera iyo adeegyadii ay kala so dagi jireen, waxaana joogsaday shaqadii dekadda maalintii lixaad. DP World ayaa shalay sheegtay in muddadii ay gacanta ku heysay Dekadda Berbera ay ku maalgelisay $12Milyan oo doollarka Mareykanka ah, lacagtaas oo qeyb badan oo ka mid ah dekadda dib u habeyn loogu sameeyay sababtayna in uu dakhliga dekadda sare u koco. Dhawaan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka careysan heshiiskii dekadda berbera ayaa tagay magaalada Dubai, isaga oo kulamo la qaatay madaxda Imaaraatka iyo shirkadda, waxaana muuqata inuu isbadalay go’aankiisii hore. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynayaashii hore ee dalka ayaa si adag kaga hadlay xiisadaha colaadeed ee ka taagan deegaanada maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug, kuwaasi oo u dhaxeeya maleeshiyaad wada daga Xeraale iyo degmada Cadale. Qoraal uu soo saaray madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayuu wuxuu kaga hadlay dagaalada ka dhacay deegaanada ka tirsan Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana uu dalbaday in si dhaqso ah loo joojiyo dagaal beeleedyada ka dhacaya goboladaasi. Sidoo kale Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya iyo maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle inay xil iska saaraan dagaaladaasi sidii loo joojin lahaa. “Waxaan ugu baaqayaa madaxda Galmudug, madaxda Hirshabeelle iyo Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iney gutaan waajibkooda ah badbaadada iyo ilaalinta badqabka shacabka meel kasta oo ay joogaanba” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa ka hadlay dagaalada ka dhacaya gobolada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana uu baaq u diray dadka dagaalamaya. “Waxaan ugu baaqayaa walaalaha Soomaaiyeed ee ku dagaalamaya deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud inay colaadda ka fogaadaan oo ay si shuruud la aan ah xabadda u joojiyaan, wadahadal iyo isqancinna lagu dhameeyo wixii tabasho ah ee u dhaxeeya”ayuu yiri Shariif Sheikh Axmed. Dagaalada labada maleeshiyaad u dhaxeeya ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyada dagaalamaya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Taliyaha ciidamada xooga dalka ayaa weerar ku qaaday ciidamada AMISOM ee dagaalka kula jira Al Shabaab, isaga oo sheegay inay yihiin kuwo mar walbaa ku daba gambada ciidamada xooga dalka. Wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM oo qaata dhaqaalo badan, islamarkaana heysta hub casri ah ay ku gambadaan dhabarka ciidamada xooga dalka, isaga oo kala jeeday inaysan galin dagaalka ka dhanka Al Shabaab. Wuxuu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay heystaa hub yaryar, balse ciidamada AMISOM ay maciin badaan inay gabaad ka dhigaan sida uu hadalka u dhigay taliya ciidamada xooga dalka Daahir Aadan Cilmi. Waxaa uu xusay in dhaqaale ahaan ay Ciidamada AMISOM aad uga mushaar badanyihiin kuwa Soomaalida laakiin marka ay dagaal gaarto Ciidamada Soomaalida ay ku horreeyaan goobaha dagaalka dhimashada iyaga ku dhacdo. Indha-qarshe ayaa yiri: “Ciidanka AMISOM ee kun kunka qaata,waxaa ay iyaga oo Taangiyo saaran daba socdaan Askarteenna oo ka hub iyo qalab yar”. Amniga ayuu sheegay in uu yahay wax uu Shacabka leeyahay oo ay Ciidamada kala Shaqeeyaan, waxaana uu Shacabka ka dalbaday inay sugidda amniga kala Shaqeeyaan si loo helo nabad waarta. Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeya Gaas Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe) ayaa hadalkaan ka sheegay kulan amniga looga hadlayay oo lagu qabtay Muqdisho,waxaana xilligaas uu dagaal ka socday degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wrarka ka imaanaya deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa ku warammaya in xaalad deganaansho ah ay ka jirto halkaasi oo shalay dagaal xooggan uu ka dhacay. Sida ay inoo xaqiijiyeen dad deegaanka ah, dagaalkii socday ayaa si iskiis ah ku istaagay, iyadoo aanay jirin cid kala dhexgashay maleeshiyaadkii gacanta ku hayey Xeraale iyo kuwa Ahlu-sunna ee ku biiray Galmudug ee shalay weerarka ku qaaday deegaankaasi. Dagaalladii shalay dhacay waxaa ku dhintey in ka badan 40 qof iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay, waxaana dhanka kale la sheegay in shacabkii ugu badnaa ay isaga barakaceen deegaankaasi. Maadaama aanay jirin cid kala dhexgashay dhinacyadii ku dagaallamay Xeraale ayaa dadka qaar waxay ka baqayaan in mar kale la dagaallamo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com