Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,695
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somali forces on Monday night killed two al-Shabab extremists during a confrontation in the southern region of Middle Shabelle, officials said on Tuesday. A police officer who declined to be named told Xinhua that the militants attacked Bal’ad town which was 30 km north of the Somali capital Mogadishu, but were overpowered. “They (al-Shabab) attacked our bases in the town but our forces have managed to foil their attempt and inflicted them heavy casualties killing two of them during the fighting,” the officer said. He added that Somali forces are in full control of Bal’ad denying the claims of al-Shabab that they took over the town. Residents reported sporadic fighting amid sustained gunfire. “We woke up with the sound of gunfire, we were in fear and panic the whole night,” Idman Aways, a local resident told Xinhua by phone. The incident comes a day after al-Shabab militants captured Dhanane town along the coast road in Lower Shabelle region after the government forces withdrew for the unpaid salary of two months. Al-Qaida allied group al-Shabab claimed that they had launched an overnight attack on Bal’ad, capturing the town for a while before setting combat vehicles on fire. View the full article
  2. Hargeysa (Somalilandtoday)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda Hay’adda Caalamiga ah Ee laanqayrta Cas ee (ICRC), oo ay hoggaaminayso agaasimaha Africa u qaabilsan ICRC, Patricia Danzi. Kulankaasi waxa lagaga wada hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee hay’adda caalamiga ah ee ICRC iyo Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa kale oo kulankaasi lagaga wada hadlay dardar-gelinta xafiiska ICRC ay dhawaan ka furatay gudaha Somaliland iyo sdii laysaga kaashan lahaa deegyada Aas-aasiga & gurmadka deg-dega ah, iyadoo Wasaaraddaha Horumarinta Caafimaadka iyo qorshaynta iyo horumarinta qaranka Somaliland iyo Hay’addu si gaara uga wada shaqayn doona arrimahaasi. Wa-bilaahi Tawfiiq Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Waxaa habeenkii koowaad ku hoyday magaalada Hargeysa wasiirka arrimaha dibedda dalka Eritrea Cusmaan Saalax Maxamed oo noqonaya mas’uulkii ugu heerka sareeyay ee ka tirsan urur goboleedka IGAD oo booqasha ku taga Somaliland. Booqashada wasiirka waxa ay soconaysaa muddo saddex maalmood ah sida ay sheegtay dowladda Eritrea. Balse su’aasha ugu badan ee taagan ayaa ah waxa ay tahay ujeedada safarkiisa iyo waliba waxa kusoo beegay xilligan. Dr Mustafa Kaydsane oo ah aqoonyahay ku sugan magaalada Hargeysa oo ay BBC-du la hadashay ayaa qaba in sidan “Waa talaabo horey loo qaaday oo ku saabsan wada noolaanshaha iyo nabadeynta Geeska Afrika ayay u muuqataa”. Inkasta oo booqashada wasiirka la sheegay in ay ku dhacday si kadis ah, haddane hab maamuuska loosoo dhoweeyay iyo heerka qaabilaada ayaa ka turjumayay sida Somaliland ay ugu riyaaqsantahay in fadhideeda loogu yimaado markan halkii ay iyadu gargaraaci lahayd albaabada dublamaasiyadda. Boorar waaweyn oo muujinaya sawirka wasiirka iyo madaxweynaha Somaliland oo lagu qorey afka Ingiriiska ayaa la surey dariiqyada muhiimka ah ee magaalada Hargeysa sida uu BBC-da la wadaagay warfidiyeenka lagu magacaabo Khaalid Foodhaadhi oo ku foogan arrimaha Somaliland. Dr Mustafa ayaa markale sharaxaya waxa ay Somaliland uga dhigantahay booqashadan “Somaliland waligeedba rajo ayay qabtay in ay maalinkan iman doonto, aad ayayna ugu sabirtay, arrinta arrin sahlan ma ahan, waa mid cusub, Somaliland wax weyn bay oga dhigantahay, in wasiir arrimo dibadeed oo IGAD ka tirsan in uu Somaliland yimaado, cid walbana haruubkeeda ayay tolanaysaa”. Isbadelka Geeska Afrika Markii ay kacday dabeysha isbadelka Geeska Afrika ee ka dhalatay Itoobiya, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo meel fagaaro ah kula hadlayay dadweyne ayaa u muuqday in uu calaamad su’aal galinayo arrinkan, balse waxa uu ku afeeftay in ay soo dhoweyn doonaan wixii nabad iyo wanaag lagu raadinayo. Hadda waxa ay u egtahay in dabeyshii isbaddelka ay soo gaartay Somaliland, qodobadii ugu muhiimsanaa ee heshiiska iskaashigan Geeska Afrikana maanta lagu lafo gurayo madaxtooyada Hargeysa. Markale Dr Mustafa ayaa sidan qaba “Go’doonkii Somaliland saarnaa in uu hadda jabay ayaad mooddaa, sidaas ayaan u akhrinayaa aniga”. Mar aan sii fogeyn, madaxweynaha Somaliland waxa uu joogay magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Ra’isulwasaare Dr Abiy Axmed, mana ahan wax aad loo qariibsado suurtogalnimada in arrimo badan la’isla soo hadal qaaday. Qodobka ugu weyn ee heshiiska Iskaashiga Geeska Afrika ayaa loo arkaa in uu yahay isdhexgal dhaqaale oo ay sameeyaan dalalka, si wadajir ahna loo maalgashado kaabayaasha dhaqaalaha sida dekadaha, waddooyinka iyo qadadka tareenada. Waa halkan meesha aanan malaha looga maarmin Somaliland marka laga hadlayo muhiimadda halka ay dhacdo dhul ahaan iyo dekada weyn ee Berbera oo haddaba ay hawlo ka socdaan. Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya Booqashada wasiirka Eritrea waxa ay kusoo hagaagtay xili ay jirto hadal hayn ku saabsan dib u bilaabashada wadahadaladii hakadka ku jiray ee Somaliland iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Dhowaan madaxweyne Muuse Biixi ayaa soo hadal qaaday in ay bilaaban doonaan 19-ka bishan, balse sheegay in ay doonayaan dal kale oo aanan Turkiga ahayn. Dr Mustafa waxa uu qabaa in booqashada wasiirka laga yaabo in ay xiriir la leedahay arrimaha wadahadalada “Xitaa safarka madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ee Muqdisho waxa ay u badantahay in ay wadahalada la xiriirto, hoostana la’iska wada ogyahay” ayuu yiri. Xaqiiqda ah in Eritrea ay xubin muhiim ah ka tahay urur goboleedka IGAD ayuu Dr Mustafa Kaydsane oo hadalkiisa sii wata yiri “Wadahadalada soo socda Igad qeyb ayay ka tahay , dhanka guud markaan ka eegnana waxaan qiyaasanaynaa in wax uun la isu soo dhoweeyo , in Somaliland-na loo arko in aanan laga maarmaynin in ay qeyb ka noqoto geeska Afrika haddii ay dhaqaale noqoto iyo haddii ay nabad noqotaba”. Xiriirka dublamaasiyadeed ee ka dhaxeeya Eritrea iyo dowladda Soomaaliya ayaa maraya heerkii ugu sareeyay, waana sababta ugu weyn ee meesha keentay mala awaalka in arrinta wadahalada ay booqashada ku saabsantahay. Markii ay warbaahinta la hadleen wasiiradda arrimaha dibedda ee Eritrea iyo Somaliland, ma aysan sheegin faahfaahin badan oo aan ka ahayn afgobaadsi. Wasiirka Eritrea ayaa yiri “Madaxweynahayga ayaa halkan iisoo direy bal si aan usoo eego wax aka socda Somaliland, waxaan ogahay in duruuf badan oo adag aan soo marnay oo isku mid aan ka nahay”. Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga war dhawrayaa hadalka kama dambeysta ah ee soo bixi doona marka ay booqashada soo idlaato. Xigasho: BBC Somali Source
  4. (SLT-Doha)-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo wafdi ballaadhan uu hoggaaminayay ayaa maanta gaadhay magaalada Doxa ee dalka Qatar, kaddib markii uu martiqaad ka helay Amiirka Qatar. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Doxa ku soo dhaweeyay Jassim bin Saif Al Sulaiti oo ah Wasiirka Isgaarsiinta Qatar. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Hamad al-Thani ayaa lagu wadaa in wada hadalo ku yeeshaan qasriga Madaxtooyada. Wada hadalada labada dhinac ayaa diiradda lagu saari doonaa xidhiidhka labada dal, iskaashiga iyo xaaladaha ka jira Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan is bedelka uu hormuudka ka yahay Abiy Ahmed. Tartanka Juquraafiga Siyaasadda ee Gobolka Geeska Afrika ayaa u muuqda mid sii xoogeysanaya, marka loo eego loolanka dalalka Khaliijka ka dhaxeeya, sida Sacuudiga, Imaaraadka oo dhinac ah iyo Qatar. Qatar ayaa xilligan galaan-gal xooggan ku leh arrimaha Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan dowladda Soomaaliya oo ay xulufo la tahay, isla markaana siiso taageero dhaqaale. Safarka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku tagay Qatar ayaa ku soo aadaya, iyadoo 28-kii bishii February uu booqasho ku tagay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo. Source
  5. Cadale (SMN) – Taliyaha guutada afaraad ee ciidanka xoogga dalka ee ka howlgala gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdi Xaashi ayaa si kulul uga hadlay dagaallada ka soo cusboonaaday agagaarka degmada Cadale ee gobolkaasi. Taliyaha ayaa sheegay in muddo ay ku dhex jireen maleeshiyaadkan, balse markii ciidanka ku mashquuleen howlahooda gaarka ah ay dib u bilaabeen dagaalka. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in colaadani ay soo jiitameysay muddo fog, islamarkaana ay ku dhinteen dad badan oo rayid ahaa. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/cod-turki-2.mp3 View the full article
  6. Wefti uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda dalka Eriteriya Cismaan Saalax Maxamed, ayaa isniintii shalay soo gaadhey magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Weftiga ayaa ku sugnaan doona Somaliland muddo saddex maalmood ah, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Eriteriya Yemane Meskel. Wasiir Saalax ayaa markii uu kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa waxa kusoo dhaweeyay dhiggiisa Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), iyadoo markii dambena uu kulan kula qaatey madaxtooyada madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. “Weftigayaga Eriteriya waxaa na soo diray madaxweynahayaga Isaias Afwerki, si aan u ogaanno waxaa ka soconaya Somaliland” sidaas waxaa yidhi wasiirka arrimaha dibadda Eriteriya Cismaan Saalax, oo shir jaraa’id ku qabtay madaxtooyada Somaliland. Cismaan Saalax waxaa kale oo uu sheegay in muddo 20 sano ah ka dib oo ay ku jireen dagaal iyo cunaqabateyn ka dhan ah ay go’aansadeen in ay yimaaddaan Somaliland, iyadoo Geeska Afrika wakhti xaadirkan loo diyaariyay Nabad, sida uu yidhi. Sidoo kale, weftiga Eriteriya waxay kulamo kala duwan la qaateen madaxda baarlamaanka Somaliland. Imaanshaha weftiga Eriteriya ayaa si wayn looga dareemay magaalada Hargeysa, iyadoo waddooyinka waawayn ee magaalada lagu dhejiyay boodhadh waawayn oo lagu soo dhaweynayo weftiga martida u ah Somaliland. Isbaddalka Geeska iyo Weftiga Eriteriya Weftigan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee yimaadda Somaliland gaar ahaan wadamada Geeska Afrika. Wasiirka Warfaafinta Eriteriya Yemane Meskel, ayaa qoraal uu bartiisa Twitterka soo dhigay waxaa uu ku sheegay in ujeedka booqashada Weftiga Eriteriya ay tahay sidii ay ula shaqeyn lahaayeen Somaliland si loo dhiirrigaliyo Nabadda Geeska Afrika. Dadka fahansan siyaasadda Geeska Afrika ayaa sheegaya in booqashada wasiirka arrimaha dibadda Eriteriya ay qayb ka tahay isbaddalka ka socda Geeska Afrika. “Sababta ugu weyn ee Eritrea keentay Somaliland waxay tahay isbeddelka ka socda gobolka Geeska Afrika, taas oo markii hore laga reebay Somaliland, haatanse ay u muuqanayso in lagu soo darayo, waxaanse weli caddayn doorka Somaliland ka ciyaari karto isbeddelka ka socda gobolka, maadaama aan la aqoonsanayn dal ahaanteeda, hase ahaatee waxaa muuqanaysa in la qiray jiritaankeeda iyo muhiimadda ay leedahay in laga qayb geliyo” Sidaas waxaa yidhi Ismaaciil Xuseen Farjar, oo ka tirsan xarunta daraasaadka siyaasadda CPA, ee fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa. Hadalkii Madaxweynaha Somaliland ee sannadkii hore Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa hadal uu bishii November ee sannadkii 2018kii uu ka jeediyay magaalada Burco ee gobolka Togdheer, wuxuu ku ammaaney madaxweynaha Eriteriya, isagoo tusaale ugu soo qaatey xaaladda ay maanta ku sugan tahay Somaliland. Hadalka Biixi ayaa u dhignaa sidan; “Somaliland wixii nabad ah way soo dhaweynaysaa, wiixi iskaashanayana way soo dhaweynaysaa, in lays ixtiraamana way soo dhaweynaysaa, maanta dabeysha ka socota Geeska Afrika ee la yidhi nabadeynta Geeska Afrika ee dawladdaha qaar ku dhawaaqeen, waxaa u hormood ah madaxweynaha Eriteriya Isaias Afwerki. Isaias Afwerki intii uu noolaa illaa maalintii uu isagoo Injineerin bilaabay uu sannadkii ugu horreeyay kaga tagey illaa maanta wuxuu ku jiray dagaal uu gobonnimada ugu dooneyo Eriteriya. 32 sano ayuu dagaal ku jiray markii uu dagaalkii ka yimidna Itoobiya cod ayay ka qaadey codkiina xorriyad ayuu ku qaatey, haddana Itoobiya ayay is dileen oo dal isku qabsadeen, haddana 11 sano oo kale ayuu go’doon ahaa oo u adkaystay cadaadiskii la saarey isagoo diidey in afar mitir oo dalkiisa ah laga qaado ayuu tu walba u marey, tiisii ayay noqotay caalamka oo dhan baa halkiisii ugu yimid, Prime ministerkii Itoobiya ayaa la yidhi u tag adigu Asmara oo dhulkii aad ku muranteenna sii, isagana talada ka qaado, wuxuu muujiyay in muraadkii dalkiisu lahaa halgan uu uga hadhi waayay illaa ciddii ku haysatay ay ku xukuntay, Somalilandna kaa way kasii adagtahay” Goobjoog News Hargeysa, Somaliland Source: goobjoog.com
  7. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdiraxmaan Cadami ayaa waxa uu ka hadlay safarkii wasiirka arrimaha dibadda Eretariya ku yimid Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Ciidamada Kenya ayaa maanta waxa ay isaga baxeen deegaanka Busaar ee gobolka Gedo. Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in ciidankan ay aadeen dhanka degmada Ceel-waaq, waxaana halkaasi durba la wareegay ciidamada Al-shabaab oo deegaankaasi ka dhowaa, Saraakiisha ciidamada Kenya weli kama aanay hadal sababta keentay in ay deegaankaasi isaga baxaan. Ciidanka Kenya ayaa deegaankaasi la wareegay sanadkii 2012-kii, sanad kadib markii ay gudaha usoo galeen Soomaaliya. 2-dii bishan ayeey ahayd markii ay ciidamada Kenya isaga baxeen deegaanka Fafax-dhuun ee gobolka Gedo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah lagu joojiyo dagaallada ka socda deegaanka Xeraale, Galgaduud iyo sidoo kale deegaannada hoostaga degmada Cadalle ee gobolka Shabellaha Dhexe. Waxa uu sheegay Qeybdiid in dagaalladan yihiin kuwo aanay dan ugu jirin shacabka ku dhaqan deegaannadaasi, loona baahan yahay in wax walbo lagu dhammeeyo wadahadal. Sidoo kale, Qeybdiid ayaa sheegay in waxgaradka ku sugan gobolladan looga baahan yahay iney kaalin mug leh ka qaataan daminta colaadahan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/Qeybdiid.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in ciidanka Qaranka ee jiidaha Bari hawlgab ku noqday faramaha uu ku jiro, islamarkaana uu jeclaan lahaa in lagu soo celiyo Laasnaacood. Guddoomiyaha oo shalay mudaneyaasha la hadlayay ayaa u jawaabay xildhibaanno dhalliilay in xilligan ciidanka Qaranku isku fidiyo Bariga gobolka Sanaag waxaanu yidhi “Arrintan ciidamada, waar ciidamadu dalkoodii bay joogaan meel walbana way tagayaan. Maxaa looga cabanaya? Dee Badhan, Laascaanood, Saylac iyo Booramaba way tagayaan, Maxaa looga cabanayaa? Wax ay taraan mooye wax lugooyo ah oo ay soo kordhiyaanna ma hayno,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan. Guddoomiyaha oo ka sii hadlaya waxtarka ciidanka Qaranka ayaa intaasi raaciyay “Waxaan jeclahay in ay Laascaanood ku soo noqdaan ee waanan helayn, inaga iyo dadka joogayba waxtar bay lahaayeen oo bulshaday ka qayb galayeen, hadda halkaas bay maxaabiis ku yihiin Tukaraq iyo hareeraheeda marka ciidamadu lugooyo ma wadaan ee yaynaan balo abuurin,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan. Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa horraantii sanadkii hore tagay degmada Tukaraq waxaanu madaxweyne Biixi diiday qorsheyaal la doonayay in dib loogu soo celiyo fadhiisimadoodii agagaarka Laascaanood mana cadda in guddoomiye Saleebaan ka soo horjeedo joogitaanka Ciidanka Qaranka ee jiidaha hore iyo in kale. Source
  11. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda arrimaha gudaha, dib u heshiisiinta iyo arrimaha Federaalka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa baaq ka soo saartay dagaallo ka dhacay deegaano ka kala tirsan gobollada Shabeelaha dhexe iyo Galgaduud, kuwaas oo u dhexeeya dad walaalo ah oo deegaan wada daga. Wasaaraddu waxay mas’uuliyiinta Hirshabelle, Galmudug iyo waxgaradka deegaanka ugu baaqday inay si dhab ah ugu istaagaan daminta colaaddaas, waxaana ay ka tacsiyeysay dadkii ku dhintay colaadaas. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay inay kaalin wayn ka qaadanayso dib u heshiisiinta bulshada oo ka mid ah hawlaha ay u xilsaarantahay. Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wadarta tirada dadkii ku dhintay dagaaladii ka dhacay degaanada Xeraale iyo Burdheere ee Gobalada Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe ayaa korartay kadib markii ay dhintayn qaar ka mid ah dadkii dhaawacyada qabay ee la dhigay Isbitaalo ku yaala magaalada Muqdisho iyo Galgaduud. Xog aruurin aan ka sameynay Isbitaalo ku yaala Caabudwaaq, Guricayl iyo Magaalada Muqdisho ayaa ku ogaanay in dhowr qof oo kamid ah dadkii ku dhaawacmay dagaaladii ka dhacay degaanka Xeraale iyo Degmada Cadalle ay korartay. Sidoo kale goobihii lagu dagaalamay xariiro aan la sameynay ayaa ku ogaanay in maydad badan oo hor leh laga helay aaggii lagu dagaalamay. Degaanka Xeraale ayaa la sheegay in tirada dadkii ku dhintay ay gaartay 48 qof, kadib markii ay geeriyoodayn dhowr qof oo la geeyay Isbitaalo ku yaala Caabudwaaq iyo Guricayl. Sidoo kale degaanka Burdheere ayaa la sheegay in tirada dadkii ku dhintay ay korartay waxayna gaartay in ka badan 40 qof, waxayna wadarta dhimashadu ay haaraysaa 88 qof oo isugu jira Shacab iyo dhinacyadii dagaalamay. Maanta xaaladda goobihii lagu dagaalamay waa dagan tahay waxaana la sheegayaa in wali ay is hor-fadhiyaan Ciidamadii dagaalamay waxaana laga cabsi qabaa in markale dagaalo dhacaan hadii aan xal la dhax dhigin dhinacyadii dagaalamay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Muqdisho (SMN) – Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa in ka badan 260 askari oo tababar ku soo qaatay dalka Jabuuti maanta tababar ugu soo xiray xarunta Kumaanda Buluusiya ee M/ Muqdisho. Taliye Ameeriko ayaa sheegay in dufcadan ay tahay tii 10-aad oo tababar ku soo qaadata Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Waxa uu tilmaamay in askartani ay isugu jiraan qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in ciidamada loo diro dalalka dariska ay ugu tayo fiican yihiin kuwo Jabuuti. Jabuuti oo ah dal daris la’ah Soomaaliya ayaa ka taageero dowladda federaalka dhinacyo dhowr ah oo ay ka mid tahay dhanka amniga, waxaana ciidamo ay ka joogaan dalka, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa AMISOM ee Soomaaliya. View the full article
  14. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Maxamed Jaamac Abgaal ooh ore xilal wasiirnimo uga soo qabtay xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa waxa uu wada-hadalo dhinaca talefoonka ah oo dhex-galay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, waxaanu tallooyin u soo jeediyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. Dhoobley (SMN) – Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ayaa maanta howlgallo amniga lagu xaqiijinayay ka sameeyay duleedka magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose iyo sidoo kale xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya. Saraakiil ka tirsan Jubbaland ayaa sheegay in howlgalkan uu yimid, kadib markii rag ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Libooya oo dhaca xadka labada dal, islamarkaana la tuhunsan yahay in dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay ku dhuumaaleysanayaan keyn ku taalla halkaasi. Ma jirto illa iyo hadda cid lagu so qabtay howlgalladani oo ay shaaciyeen saraakiisha Jubbaland. Magaalada Dhoobley ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland iyo Ciidamo Kenyaan ah, waxaana maalmihii dambe ka socday qorshe labada dhinac ay isaga kaashanayEEn arrimaha amniga iyo dagaalanka ka dhanka ah Al Shabaab. View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-19032019.mp3 View the full article
  17. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax Oo Ka Hadlay Kulan Ay La Yeesheen Wafti Ka Socda Dalka Eritrea, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. Nairobi (Caasimada Online) – Dunida muslimka waxey u aheyd maalin murugo badan jimcadii lasoo dhaafay markii shaqsi islaam naceyb lagu sumadiyay uu boqolaal qof waxyeelo ugu geystay laba masaajid oo ku yaala wadanka New Zealand, gaar ahaan magaaldaa Christchurch. Salaadda jimcaha kadib ayeyna musiibo laga sheekeeyo dhacday, dunida muslimka iyo kuwa reer galbeedkaba siyaabo kala duwan ayey uga falceliyeen, waxeyna falkaas doqonimada ah ku tilmaameen mid aan wanaagsaneyn. Marka laga tago dunida inteeda kale, waxaa hadal heyn noqotay tacsi ay direen xarakada Al Shabaab oo ay dadka aan taageersaneyn mabda’ooda ku sheegaan kuwa si sharci darro ah u baneystay dhiigga umadda. Cali Dheere oo ah afhayeenka ururka ayaa tacsi u diray dadka muslimiinta ah ee ku waxyeeloobay labadii masaajid ee New Zealand xilli maalmo qura laga joogo weerarkii ay ururka ka geysteen Hotel Makka Al-Mukarama halkaas oo ay ku naf baxeen tiro dad shacab muslim ah. Qaar ka mid ah oraahyada afhayeenka waxaa ka mid ah: “Dhacdadaas foosha xun ee ka dhacday New Zealand waxay markale daaha ka rogeysaa colaadda gaamurtay ee ay gaaladu u qabaan Muslimiinta, waxay marag ma doonto u tahay xiqdiga saliibiga ah ee kuwaas falkaas geystay iyo kuwa kale ee gadaal ka taagan ay u hayaan dadka muslimiinta ah” Iyadoo taasi ay jirto ayaa hadana Shiikh Maxamed Shibili oo ah mid ka mid ah mashaa’iqda Somalida ayaa baraha buslahda fariin u mariyay Al Shabaab isagoo muujinaya in tacsida ay u direen New Zealand ay tahay wax aan macno weyn ku fadhin maadaama ay yahiin dad baneystay dhiigga shacabka Soomaalida ee Musliiminta ah. Shiikh Shibili fariintiisa waxey muujineysay mid uu kasoo horjeedid ugu muujinayo Cali Dheere iyo ururka Al Shabaab, wuxuuna is weydiiyay sida ay macquulka ku tahay iney muslimiinta New Zealand u tacsiyeeyaan iyagoo boqolaal Soomaali ah ku dila Soomaaliya, wuxuu carabka ku dhuftay weeraradii Shaamow, Makka Al Mukarama iyo Tiyaatarka. Shibili isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Al Shabaab u sheegay iney joojiyaan dhiigga shacabka ay leynayaan siduu hadalka u dhigay isla markaana ay muslimiinta si guud uga wada damqadaan. Weerarkii ka dhacay masaajidda wadanka New Zealand waxaa ku geeriyooday inta la xaqiijiyay ilaa 50 qofood halka in ka badan ay ku dhaawcmeen.  Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. (SLT-Addis Ababa)-Dawladda Itoobiya ayaa qorshaynaysa in ay dib u dhigto tirakoobkii qaran, iyadoo ay sababtana ku sheegtay dadka tirada badan ee guryahoodii uga qaxay colaaddaha, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisulwasaare Abiy Axmed. Dadka hadda barakaca ku maqan waa in ay guryahooda ku laabtaan ka hor inta uusan billaaban tirakoobkan la qorshaynayay in uu dhaco 7 bisha Abriil, ayuu intaas ku sii daray xafiiskaasi. Baarlamaanka ayaa go’aanka kama dambaysta ah leh, waxaana la waydiisan doonaa in ay aqbalaan in dib loo dhigo. Tirakoobka ayaa dib loo dhigay labo jeer oo kala ah sannadkii 2017 iyo 2018, sida ay ku warrantay warbaahinta dawladda lala xiriiriyo ee FANA. In kabadan hal milyan oo ruux ayaa ayaa ka barakacay guryahoodii, intooda badanna waxaa keenay isku dhacyo qowmiyado ku salaysan oo Itoobiya ku dhacay. Dadka barakacayaasha ah waxaa ka mid ah Soomaali. Tira koobka ayaa muhiim u ah ogaanshaha tirada bulshada, arrintaas oo saamayn ku leh cayimidda miisaaniyadda gobollada, arrintaas ayaana ah mid xasaasi ah oo dareen siyaasadeed dhalin karta. Markii u dambaysay ee ay Itoobiya tirakoob qabato wuxuu ahaa sannadkii 2007, bulshada ayaana lagu qiyaasay 102.5 milyan oo ruux, arrintaas oo ka dhigaysa dalka ugu dad badan Afrika marka Nigeria laga reebo. Source
  20. Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa kulan bogaadin iyo hambalyo ku aadaneyd guushii Ciyaartooyda xulka qaranka ciyaaraha Fudud ku qabtay caasimada Muqdisho,iyagoo fariimo kala duwan u diray macalimiintii iyo xidigihii soo hooyay gushaas taariikhiga ah. Hadaba Halkan Ka Aqriso Sida Ay Kaalama U Ka Galeyn Ciyaartooyda Soomaaliya Cabdi Salaan Axmed Maxamed oo ku tartamay orodka 800mtr ayaa kaalinta koowaad ka galay kadib marki uu ku oraday 1:55 ilbiriqsi waxaaa lagu abaalmariyay Biladda dahabka. Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo orodka1500 mtr ee dhanka da’yarta u tartamayay ayaa kaalinta koowaad isna ku dhamaystay kadib markii ku orday 3:46 :78 waxuuna sidaaasi ku hantay Biladda dahabka. Cabdirashiid Yuusuf oo dhanka da’yrta orodka 800 ku tartamayay ayaa isna kasoo galay kaalinta 6-aad ee tartanka. Cabdicasiis Cabdullaahi Maxamed Orodka da’yarta 3,000mtr ka qayb galay ayaa bandhigiisa aad u wanaagsanaa waxuu soo galay kaalinta afaraard kadib markii uu ku orday 8:36. isgaoo ku dhawaad inuu biladda maarta hanto. Cali Iidow Xasan oo qaybta ciyaartoyda waa weynka ku jiray ayaa kua dhamaystay kaalinta 7-aad ee tartanka qaybtiisa 1500mtr waxuuna ku orday 3:49 taasoo ahayd Saacad wanaagsan. “Xiriirka Ciyaaraha fudud waxa uu waqti geliyay dhalinyarada sharafka iyo guulaha u soo hoyay qarankeena way naga go’an tahay in aan maal iyo maskax ku bixino xirfadlayaasha matalaya calankeena iminkana waxaa inago soo wajahan tartamo kale waa in aan si wadajir u taageernaa ciyaartooydeena” waxaa sidaas Goobjoog ugu warantay guddomiyaha xiriirka ciyaaraha fudud Khadiijo Aadan Daahir. “Dadkan inta badan waxa ay xiisanayaan kubbadda cagta iyo kubbadda kolayga waxa aan ku biiri lahaa wasaaradaha isboorrtiga dalka in xooga saaraan ciyaaraha fudud Soomaaliyana ay guul waaweyn ka gaari karto hadii si dhab loogu soo jeesto waxaa sidaas yiri guddomiyihii hore Gobolka Banaaadir Caddow Gabow horayne u soo noqday xoghayii guddiga Olomikada. “Aniga oo ku hadlaya magaca wasiirada ciyaaraha Maamul Goboleedyada waxaan idin cadaynaa in aan bogaadinayno dhalinyaradii guulaha kasoo hooyay tartankii ka dhacay Jabuuti waxaan garab taaganay xiriiida iyo wasaarada ciyaaraha dowladde dhexe si maqaaka aan iminka joogo ugu hormarino” waxaa sidaas yiri Cali Dhuux Maxamed oo bishii lasoo dhaafay loo magacaabay wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed. Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada dowladda Khadija Maxamed Diiriye ayaa bogaadisay xidigaha ciyaaraha fudud,iyadoo balan qaaday in ay dowladda garab taagan tahay ciyaartooyda kala gedisan ee caalamka ugu qeyb galaya tartamada heer qaran. Xulka qaranka cayaaraha Fudud ee guulaha keenay ayaa xero tababar oo gudaha dalka waxaa sanadki 2017 ugu diyaariyay Guddiga olombikada qaranka Soomaaliyeed halkaas oo ay tababar ku qaadanayeen muddo sanad ah , waxaana kadib loo wareejiyay dalalka Kenya iyo Ehtiopia si ay tababarro heerkoodu sareeyo u helaan taasoo sahashay guushan taariikhi ah Halkan Ka Daawo Hadaladii Dhiira Gelinta Ahaa AY Direyn Madaxda Isboortiga Dalka Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa qiil yaab leh u sameeyey sababta aysan ciidamada dowladda u qaadan mushahar muddo afar bilood ah. Kheyre oo ka qeyb galay Barnaamijka Dardargelinta isdhexgalka Bulshada iyo Hay’adaha Amniga ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ee la diiwaan galiyay ay si joogto ah u helaan xuquuqdooda, balse ciidamada aan diiwaan gashneyn ay yihiin kuwa uu ka maqan yahay mushaharka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in kuwa aanan wali marin tirakoobka Ciidanka lasiin doono xuquuqdooda marka diiwaan galintu soo dhamaanto. “Maalmahan waxaa la lahaa Ciidamo ayaan mushaar la siin, qof aan mushaarkiisa iyo xuquuqdiisa la siin ma jiro, inta ay ka maqan tahayna waa in aan la diiwaan galin, fadlan geeya goobaha loogu tala galay, ku diiwaan galiya, Taliyeyaasha Ciidamada waxaan ka rabaa askari walba oo diiwaan gashan oo dadka u adeegaya Mushaarkiisa, raashinkiisa iyo daryeelkiisa inay aniga igu yimaadaan”.ayuu yiri Ra’iisul wasaare Kheyre. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in Dowlada ay ka go’an tahay in askari kasta uu xuquuqdiisa ku helo, isla markaana lala xisaabtami doono hadii ay jiraan kuwa aan Dalka iyo Dadka u shaqeyn Mushaarna qaata. “Waxaa la rabaa kuligeen inaan aqbalno in Shilingii la inagu aaminay uu iyaga gaaro, waa inaan ku heshiinaa in ciidamada la diiwaan galiyo, xirooyinkooda ay joogaan, raashinkooda waa anagga bilownay in qeyb ka mid ah akoonkooda loogu soo shubo qofkii la diiwaan galiyay, waxaa rabaa Askari kasta oo la diiwaan galiyay oo shacabkiisa u adeegaya iyo kan aan shaqeyn inaan kala saarno” ayuu yiri. Si kastaba, ra’iisul wasaaraha ma sharxin sababta haddii ciidankan yihiin kuwa aan diiwana gashneyn ay ku qaadan jireen mushaharka iyo waxa hadda ka qeylisiiyey oo intii hore ay la aamusnaayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. (SLT- Hargaysa) Qoys Uu Xidhay Aabahood Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Caafimaadku Oo Cabasho ka Muujiyey Tacadiyo Uu Ku Hayo+Farinta ay udireen Madaxwaynaha Qoys degan MagaaladaHargeysa gaar ahaandegan agagaarka danbe ee dhakhtarka wayn a oo AabahoodMuj Cumar hore uu u xidhay Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Dr Maxamed Xergeeye ayaa cabasho xoogan ka muujiyey tacadiyo uu ku hayo iyagoo sheegay in wakhtigan halkii ay deganayeen uusoo dhigtay jiingado la doonayo in lagaga dhiso guri. Xubno kamida bulshada xaafadan degan iyo hooyada qoyskan ayaa fariin culus udiray madaxwaynaha Somaliland iyagoo ugu baaqay in uu talaabo ka qaado agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka oo shaadhkii dawlada awood ugu adeegsanaya qoyskan Source
  23. (SLT- Hargaysa) Madaxweynaha Somaliland OO Hadimo Sharafeed Ku Maamuusay Wasiirka Arimaha Debeda Ereteria Source
  24. Heavily armed fighters from Al-Shabaab were reported to have retaken full control of a small town in Gedo region, southwest of Somalia, residents said Tuesday. The militants in fighting vehicles rolled into Busar, located about 40 Km South of El-Wak town situated near Somalia’s porous border with Kenya. The takeover came following the withdrawal of Kenyan forces who have been in control of the town since 2012, according to a local resident, who spoke to Radio Shabelle over the phone. Al-Shabaab fighters retook the area in Gedo region without a battle and announced their come-back in a public square where militant commanders lectured the villagers. View the full article
  25. Residents in Somalia’s southern Lower Shabelle region say unknown fighter jets have bombed an airstrike in a small village called Adow-Dibille. Reports indicated that the warplanes targeted a convoy reportedly carrying militants travelling in the volatile region, which has been a hotspot for attacks and warfare. There were no immediate reports of casualties from the airstrike. On the other hand, Al-Shabaab has refuted claims of an airstrike on their convoy, saying a passenger vehicle was hit by the missiles that inflicted losses on the civilians. It is unclear which country belongs to the fighter jets conducted the air raid, but, the U.S. military has been carrying out such attacks in the past few years. View the full article