-
Content Count
207,697 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Sida lagu baahiyey warbaahinta dowladda, ciidamada ammaanka ayaa howlgal ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho waxa ay kusoo qabteen sarkaal la sheegay inuu ka mid ahaa Al-shabaab. Waxaa la sheegay in sarkaalkan uu ahaa madaxii maxkamadda Al-shabaab ee deegaanka Bariire, gobolka Shabellaha Hoose. Inkastoo aan magaciisa la shaacin ayaa hadana waxaa sidoo kale la sheegay in shaqsigaan uu Al-shabaab howlo kalena u qaabilsanaa. Ciidanka DFS ayaa maalmahan dambe waxa ay magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka ka wadeen howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Saraakiisha ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo ayaa faah faahin ka bixiyey sababta ay ciidanka Kenya uga baxeen deegaanka Busaar ee gobolkaasi. Korneel Warfaa Sheekh Aadan Faroole oo ah taliyaha ciidanka DFS ee aagga degmada Ceel-waaq ayaa sheegay in sababo ciidan ay u baxeen ciidanka Kenya, sidoo kalena ay halkaasi isaga baxeen ciidanka DFS. Wuxuu sheegay in halkaasi ay ciidankan gabi ahaanba isaga guureen, ayna yimaadeen ciidanka dhanka degmada Ceel-waaq. Ciidanka Kenya ayaa deegaankaasi la wareegay sanadkii 2012-kii, sanad kadib markii ay gudaha usoo galeen Soomaaliya. 2-dii bishan ayeey ahayd markii ay ciidamada Kenya isaga baxeen deegaanka Fafax-dhuun ee gobolka Gedo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/warfaa-shekh-aadan-taliyaha-ciidanka-dawlada-ee-aaga-ceel-waaq-sax-sax.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kuwait (SMN) – Soomaaliya iyo Kuwait ayaa ka arrinsaday Ajandayaasha Shiweyne Caalami ah oo ku saabsan Taageerada Waxbarashada Soomaaliya. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuwait Khalid Al Jaru Allah ayaa qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada , Hidaha iyo Tacliinta sare Somalia Mudane Cabdullaahi Goodax Barre. Kulanka Masuuliyiintaan ayaa hourudhac u ah u diyaar garowga shir weyne Caalami ah oo looga hadlayo Taageerada Waxbarashada Somalia. Kuwait ayaa dhexda u xiratay Marti Galinta shirkaan oo Muhiimad gaar ah ugu fadhiyo Somalia. Wasiirka Waxbarashada , Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kuwait. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan wasiirrada arrimaha dibadda iyo qorshaynta maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, Axmed Ciise Cawad iyo Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta kulan la qaatay safiirrada Muqdisho u fadhiya dalka xubnaha ka ah midowga Yurub. Ra’iisul Wasaaraha iyo safiirrada ayaa ka wada hadlay joogtaynta taageerada midowga Yurub ee Soomaaliya , waxaana kulanka sidoo kale safiirradu ku boggaadiyeen horumarrada ay ku tallaabsatay dawladda Soomaaliya. Kulanka dhex maray ra’iisul Wasaare Khayre iyo safiirrada dalalka Midawga Yurub ee Soomaaliya ayaa waxaa kamid ahaa safiirradii goob joogga ka ahaa danjirayaasha Austria, Belgium, Denmark, France, Finland, Germany, Ireland, Italy, Spain, Sweden, Netherlands iyo boqortooyada Ingiriiska. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Waxa jirey dad BEERELEY ah oo tuulo yar kunoolaa , iyaga iyo beerahooda waxa u dhexeysey KAYN jiq ah , oo habar dugaag badani kunoolaa, kuwaas oo hilibka dadka ka khashaafi jirey , dadka dhexmaraayana waxba yeeli jirin , iyo shimbiro badan oo heesaaya . Hadaba waxa dhacdey maalin maalmaha ka mid ah , in shabeel gaboobey ay ku adkaatey inuu wax ugaadhsan karo , isagoo gaboobey awgeed , xanuunna u weheliyo , markaasaa wuxuu go aansadey inuu dadkii beeraleyda ahaa ee kaynta sii dhex mari jirey , markey beerahooda ku socdaan iyo markey ka soo caraabaanba inuu ugaadhsado . Waxa tuuladii beeraleyda aheyd lasoo deristey dhibaato wayn , oo joogto ah , maalin kasta iyo habeen kastaba dhiilo ayaa u taalla , guri aan laga ooyey ama barooranayni ma jiro. Beeralwydii waxay u ashtako tageen , ninkii magaalada u madaxda ahaa , in uu dhibaatadan wax kala qabto , laakiin umay suurto gelin in ay wax ka qaban karaan , waxaana u sabab ahaa , jileecooda iyo karti daradooda iyo isku duubno la aantooda . Waxay go aansadeen in boqorkii (madaxweynihii) jirey ay u gudbiyaan , wafdi ayey u direen xaggaa iyo caasimaddii dalka . Wafdigii boqorkii (madaxweynihii) ayey u sharxeen dhibaatada heysata , waxaanay doonayaan in boqorku wax uga qabto , mar haddii uu yahey sharcigii dalka ugu sareeyey . Boqorkii intuu aad iyo aad u cadhoodey oo isa sara taagan ayuu yidhi : maaniga oo nool ayaa waxaas oo kale dhulkeyga ka dhacayaan ? sidey suurto gal ku tahay in waxan oo kale dhacaan? wuxuu u yeedhey wasiirkiisii boqortooyada (madaxtooyada) wuxuu ku yidhi : qor : waxqadani waxay ka timi boqorkii waynaa ee dalkan maamulaayey waxaanay ku socotaa shabeelkan dad cunka noqdey , ee amaanka laga waayey ee raciyadeydii soo weerarey , waxan ku leeyahey aniga oo ah boqorkii sharciga gacanta ku hayey , : shabeel yahaw joojin weerarka aad beeraleyda ku hayso , iyo dad cun nimada aad sameynayso , haddii kale talaabo adag baanu kaa qaadi doonaa , waanan ku ciqaaabi doonaa . Boqorkii warqadii buu saxeexay , kabacdina wasiirkiisii boqortooyada ayuu u dhiibey , wuxuu ku yidhi : u gee shabeelkaa , oo gacanta ka saar , dadkii beeraleyda ahaa arinkii aad iyo aad bay ugu riyaaqeen . Wasiirkii shabeelkii meeshii loogu sheegey buu tegey , kayntii markuu dhexmaraayo , ayaa shabeelkii mudh soo yidhi oo hortiisa isasoo taagey , wasiirkii gacanta ayuu u taagey oo warqadii u dhiibey boqorku soo saxeexay shabeelkii warqadii iyo wasiiskiiba wuu cunay . Boqorkii wuxuu dhibaatadii beeraleyda ku xaliyey hadal iyo weedho aan ficil la socon . Hadaba weedhaha iyo hadalka aduunkoo dhan iyo qawaaniintoo dhami , waxba ma taraan , waxna kaama celiyaan , Haddii aanu jirin ficil ama awood wax fulisaa . Sidaa awgeed ma jiro hadal ama weedho kaa celinaya ( shabeel dadcuna ) , waxa kaa celin karaa waa awood iyo ficil . CALI MAXAMED BIIXI caliwwelli@hotmail.co.uk Qaran News
-
Hay’adda Amnesty International ayaa saaka Magaalooyinka Nairobi, London iyo New York ku soo bandhigeysa warbixin ay ka soo ururisay Gobolka Shabeelaha Hoose ee Soomaaliya. Warbixintan oo ururinteeda ay qaadatay ku dhowaad 8 bilood ayaa ka hadleysa duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo gobolkaasi oo qaarkood dadka rayidka lagu dilo, laguna dhaawaco. Warbixinta oo cinwaan looga dhigay Dagaalka Qarsoon ee uu Maraykanka ka wado Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixinaysa khasaaraha dadka rayidka ah ee gobolka Shabeellaha Hoose ka soo gaara duqeymaha Maraykanku ka fuliyo halkaas ee lagu beegsado Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Hay’adda Amnesty International oo warbixin ka diyaarisay duqeymaha Maraykanka ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-20032019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay Khilaafka xoogan ee ka dhex taagan madaxda maamulka Galmudug iyo doorashada la filayo inay ka dhacdo deegaanada maamulka Galmudug. Wasiirka Arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa iclaamiyay in doorashada madaxtinimada Galmudug ay dhaceyso Bisha July ee sanadkaan 2019. Wasiirka ayaa sheegay in Galmudug ay soo martay marxalado kala duwan oo khilaafaad ah, islamarkaana wuxuu sheegay in doorasada ay ku rajo weyn yihiin inay ku dhacdo waqtiga rasmiga ah ee loo qorsheeyay. Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in Galmudug dhismaheedii hore dhibaato farabadan laga soo maray, isla markaana horay u jirtay khilaaf ka dhaxeeyey Maamulkii Galmudug ee ku sugnaa Cadaado iyo Ahlusuna oo gacanta ku heysay Dhuusamareeb, hayeeshee xal laga gaaray. Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa sheegay in Khilaafka Galmudug xalinteeda ay tahay mid u wada yaala madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug, isaga oo sheegay inay dadaal badan sameyn doonaan ka hor doorashada Galmudug. Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli la wada sugayay mowqifka dowladda ee doorashada Galmudug, isla markaana Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya uu cadeeyey mowqifka dowladda iyo waqtiga ay dhaceyso doorashada Galmudug. Hoos ka dhageyso Codka Wasiirka arrimaha gudaha. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/Wasiir-Sabriye-2.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa ka jawaabay damaca kooxaha xagjirka caddaanka ah uga jira in magaalada Istanbul ay dib ugu noqoto gacanta Kirishtanka. Erdogan ayaa sheegay in weerarkii dhimashada lahaa ee lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla dalka New Zealand uu qeyb ka ahaa howl-gal ballaaran oo lagu bartilmaameedsanayey Turkey. Erdogan, oo u ololeynayey doorashada dowladaha hoose ee Turkey ee dhacaysa bishan, ayaa sheegay, in weerarka uu qeyb ka ahaa weerar ballaaran oo lagu soo qaaday Islaamka. Weerarkaas oo lagu dilay 50 qof oo muslimiin ah, ayaa waxaa fuliyey nin Australian ah oo aaminsan in dadka caddaanku sarreeyaan, kaasi oo muslimiinta ugu yeeray “duullaan” “Tani ma ahan hal dhacdo oo kaliya, waa wax abaabulan” ayuu yiri Erdogan oo ka hadlayey magaalada Canakkale ee galbeedka Turkiga, isaga oo aan bixin wax faah-faahin ah. “Waxa ay nagu tijaabinayaan farriin ay kasoo dirayaan dalka New Zealand, meel 16,500km u jirta halkan” ayuu yiri. Erdogan iyo saraakiisha Turkiga ayaa cambaareeyey weerarka oo ay ku sheegeen inuu astaan u yahay Islaam naceybka ay Reer Galbeedka iska indho-tireen. Ninka weerarka fuliyey ayaa baahiyey qoraal uu ku muujiyey damaciisa ah inuu arko in magaalada Istanbul ay dib u noqoto gacantii Kirishtanka iyo magacii Constantinople ee loo yaqiin ka hor inta aysan qabsan Cusmaaniyiinta. Fikradda uu qabo waa sidoo kale tan ay aaminsan yihiin caddaanka xagjirka ah ee aamnisan in caddaanka ka sarreeyaan dadka kale, islamarkaana doonaya in Istanbul ay dib ugu soo laabato gacanta Kirishtanka. “Waxaan halkan joognay sanado badan, Insha Allah, waxaan halkan sii joogi doonnaa illaa qiyaamaha, marnaba Istanbul kama dhigi doontid Constantinople” ayuu yiri. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wefdigii uu hogaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibeda dalka Eritrea ee booqashada ku joogey Somaliland ayaa shalay waxay kulamo la qaateen Shir gudoonka labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland, Guurtida iyo Wakiilada, kulamadaas oo ahaa kuwa gooni-gooniya. Markay soo idlaaden kulamadaasi ayaa waxa ugu horeyn ka warbixiyey oo la hadlay warbaahinta Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax. Baashe ayaa yidhi: “Waxa aanu ka wada hadalnay waxa weeyi dhibaatooyinka aanu soo wada marnay, iyagu wey kala baxeen oo Itoobiya iyo Eritrea ilaahay baa kala saaray oo wey kala baxeen, labo dowladood ayey noqdeen, waxaynu soo wada marnay dagaal oo inagu Soomaaliya ayaa la dagaalanay iyaguna Itoobiya ayey dagaalameen, hadana markii ay xorooben ee iyagu kala baxeen, balse inagu aan weli iska laad-laadno, khibradaa wey leeyihiin waxa aana ka codsanay inay nagala shaqeeyan sidii aynu walaalahen ukala bixi lahayn oo aynu unoqon laheyn labo dowladood oo walaala oo derisa oo is caawiya waxna is tara, Geeska afrikana kamid beynu nahay ee isbadalkaa ka jirana qeyb beynu ku leenahay, hadaan qeybteena nagala siina wax ka hagaagaya majiraan, cidina indhaha inagama lalin karto”. Guddoomiye Baashe waxa uu intaas kusii darey: “Codsigayaga markii aan u gudbinay waxa ay yidhaahden waanu idin kala shaqeynaynaa, waana markii inoogu horeysay waan indho-indheynaynaa, taariikhdena iyo waxeenana wey yaqaanin, markaa waxkasta oo idinla qaban karno waan idinla qabaneyna, waxay qaateen wixii dukumutis ah ee aanu hayney ee ku saabsanaa gooni isku taaga Somaliland, wey qaaten oo wey soo darsayaan.” Geesta kale Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa isagna waxa uu ka warbixiyey waxyaabaha ay ka wada-hadleen wefdigan waxa uuna sheegay inay u xog warameen, waxkasta oo ay u sheegena inay darsi doonan, waxa kale oo uu rajo weyn ka muujiyey in marka ay si fiican u darsaan inay ka soo bixi doonaan wax anfaca Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Telefishanka Aljazeera ayaa soo diyaariyey warbixin muddo badan laga soo shaqeenayey oo ku saabsan dagaalka Dekadaha ee ka socdo Geeska Africa. Warbixintaan oo ka baxday Telefishanka Aljazeera ayaa lagu soo bandhigay waxyaabo badan oo qarsoonaa kuna saabsan dagaalka dhanka Dekadaha Geeska Africa ee u dhaxeeyo dalalka Imaaraadka, Shiinaha, Turkiga iyo Dowlado kale oo waaweyn. Al-Jazeera ayaa Barnaamijkaan ugu magac dartay ”Almasaafa Sifir”, wuxuuna barnaamijkaan si gaar ah uga hadlay Loolanka DP Word iyo Dowladda Jabuuti kaasoo keenay in ugu dambeyn DP Word laga eryo dalkaas. Sidoo kale barnaamijkaan ayaa ka hadlay sida ay Imaaraadka Carabta ugu suurta gashay inay heshiis kula wareegto Dekadda Berbera oo lagu bixiyey lacago Malaayiin Dollar ah. Warbixinta Al-Jazeera ayaa qoyska Silaanyo ku eedeysay inay Musuq maasuqeyn lacagihii laga qaaday Imaaraadka ee heshiiskii Debadda Berbera. Waxaa warbixinta lagu sheegay inay musuq maasuqaas qeyb ka ahaayeen Silaanyo, Xaaskiisa iyo Ninka uu sodogga u yahay. Xaaska Siilaanyo ayaa lagu magacaabaa Aamina Waris halka ninka uu Silaanyo Soddogga u yahay isna lagu magacaabo Baashe Moorgan . Waxaa lagu xusay warbixinta inuu Heshiiska Dekadda Berbera ahaa mid qarsoodi ah isla markaasna laga qariyey Baarlamaanka Maamulkaas. Baarlamaanka Somaliland ayaa loo qeybiyey qoraal Af-Soomaali ku turjuman iyadoo lagu heshiiyey inaan cidna la tusin heshiiska asalka ah, waxayna arrintaas keentay inay gacanta iskula tagaan guddoomiyihii golaha wakiilada ee xilligaasi iyo ku xigeenkiisii xilligii xukuumadii Siilaanyo. Al-Jazeera ayaa sheegtay in Baaritaanka Musuq maasuqa lagu hayo Qoyska Siilaanyo loo gudbiyey guddiga dabagalka Soomaaliya iyo Eretariya ee Qaramada Midoobay. Heshiiska Dekadda Berbera ayaa muran badan ka dhex dhaliyey Soomaalida dhexdeeda, wuxuuna keenay in Soomaaliya laga mamnuuco Shirkadd DP World kadib kulan xasaasi ahaa oo ay yeesheen Baarlamaanka Golaha Shacabka inkastoo aysan arrintaas hergelin maadaama shirkadaas ay weli dhaq dhaqaaq ka wado Gudaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun ku riday rag lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Al Shabaab oo loo heystay dambiyo kala duwan. Ragga ka tirsanaa Al Shabaab ayaa ku eedeysnaa inay qeyb ku lahaayeen weerarkii ka dhacay Hotel Saxafi Bishii November ee sanadkii hore 2018 iyo qaraxii ka dhacay Taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho. Maxamed Cali Barrow iyo Canshuur Cismaan Abuukar ayaa Maanta Maxkamada Ciidamada waxa ay ku ridday Xukun dil toogasho ah, iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyay ay socotay dhageysiga dacwadooda. Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada xooga dalka, ayaa sheegtay in labaduba ay saarnaayeen markii la qabanayay Gaarigii ku qarxay agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon Maalintii uu dhacay qarixii Tiyaatarka. Labada ruux ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay lahaayeen abaabulka qaraxii ka dhacay Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dad shacab ah. Maxkamadda ayaa ugu dambeyn sheegtay inay sidoo kale socdaan dhageysiga dacwadaha loo heysto dad ku eedeysan inay ka tirsan yihiin Al Shabaab, islamarkaana dhawaan go’aano laga soo saari doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Eritrea Cusmaan Saalax Maxamed ahna masuul sare oo ka tirsan urur goboleedka IGAD ayaa booqasho ku tagay Somaliland, wuxuuna habeenkii xalay aheyd ku hoyday magaalada hargeysa markii ugu horreysay. Maamulka Somaliland ayaa qaabilay masuulkii ugu heerka sarreeyay ee ka tirsan ururka IGAD, waxeyna tani ifineysaa waji cusub oo siyaasadda gobolka ah. Inkastoo dhawr su’aalood la iska weydiiyay booqashada wasiirka hadana dowladda Eritrea waxey xaqiijisay in booqashadaan ay socon doonto muddo saddex maalmood ah, waxaana qof walba maankiisa ka guuxeysa sababta ka dambeysa booqashada xilligaan. “Waa tallaabo horay u socod leh oo la xiriirta nabadeynta iyo wada noolaashaha Geeska Afrika” ayuu yiri Dr. Mustafa Kaydsane oo la hadlayay idaacadda BBC-da qeybteeda afka Soomaaliga. Arrintani waxey farxad weyn galisay maamulka Somaliland kuwaas oo sameeyay hab maamuus qurux badan oo muujinaya heerka qanacsanaantooda, sidoo kalana waxey tani cadeyneysaa sida ay Somaliland muhiim ugu tahay gobolka. Dr. Mustafa oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay iney Somaliland hantisay fursad qaali ah oo ay muddo u sabartay isla markaana ay mar walba rajo qabtay, sidoo kale wuxuu banaanka soo dhigay in maamulka ay farxad weyn ku dareemeen in wasiir arrimo dibad hadana xil weyn ka haya IGAD uu soo booqdo. Sidoo kale waxaa xusid mudan in Somaliland ay muujiyeen sida ay ugu diyaarsan yahiin soo dhaweynta shaqsiyaadka miisaanka leh ee gobolka, waxaana magaalada lagu dhajiyay boorar waaweyn oo lagu xardhay sawirada wasiirka iyo madaxweynaha maamulka mudane Muuse Biixi. Somaliland & Geeska Afrika Dadka falanqeeya siyaasadda Geeska Afrika waxey fahmayaan wakhtigaan in Somaliland ay gaartay dabeyshii isbadalka Geeska ee ka dhalatay wadanka Itoobiya. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa si diblomaasiyad leh uga hadlay dabeylahaan ka hor inta aysan soo food saarin, wuxuuna carabka ku adkeeyay in nabadda gobolka ay tahay mid mar walba muhiim wada ah inkastoo dadweynahii uu ka hor hadlay uu sidoo kale u muujiyay inuu calaamad su’aal saarayo arrinka. Madaxtooyada Hargeysa ayaa martigalineysa xubin ka tirsan IGAD wakhtigaan, waxaana arrintu ay noqotay mid muhiim ah, wasiirka wuxuu aaminsan yahay in maamulka uu markaan ka baxay go’doonkii ay ku jirtay. Dadka lafa-gura siyaasadda layaab fog kuma sii noqoneyso arrintaan, sababtoo ah waxey arintani daba socotaa booqashadii uu Addis Ababa ku tagay Muuse Biixi dhawaan, wuxuuna ammintaas kulan la qaatay Dr. Abiy Axmed. Somalilanad waa dhul dhaca meel muhiim u ah, waxaana looga maarmi karin heshiisyada la wada gaaray ee iskaashiga Geeska Afrika, marka dib loo milicsado waxyaabaha ku qornaa waxaa ka mid ah in la sameeyo maalgashi wadajir ah oo kaabayaasha dhanka dhaqaalaha ah, waxaana ugu waaweyn Wadooyinka, qadadka tareenada iyo sidoo kale dekadaha, arrinta muhiimka ahna waxey tahay in Berbera ay ka mid tahay dhulka maamulka taasoo hadda ah goobaha ugu waaweyn ee laga wado howlaha bilowga ah ee isbadalka looga dhalinayo geeska Afrika. Booqashada & wadahalada Somaliland iyo Somalia Arrinta ugu muhiimsan ee qurxineysa booqashada wasiirka waxey tahay hadal heynta dib u bilaabidda wadahadalka Somaliland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, sidoo kalana Muuse Biixi ayaa wakhti aan fogeyn hadal bilow ah ku sheegay iney diyaar u yahiin wax walba balse aaney dowladda Turkiga markaan noqon doonin martigalinta. Dr. Mustafa oo ah qof wax badan la socda ayaa sheegay in booqashada wasiirka ee Somaliland iyo midda Ismaaciil Cumar Geelle ee Muqdisho ay yahiin sheekooyin hoos ka xiriira, wuxuu kaloo aragti fog ka qabaa in labadaan booqasho ay hoos imaanayaan wadahadalada la filayo iney mira-dhalaan ee Somaliland iyo Somalia. Marka geeska kale laga eego, hadal heynta ah in booqashadaan ay xiriir la leedahay wadahadalada labada dhinac waxaa sababay in labada dowladood ee Soomaaliya iyo Eritrea ay haatan leeyahiin xiriir diblomaasiyadeed oo la isku halleyn karo. Dr. Mustafa wuxuu fahamsan yahay in wadahadalada labada dhinac ay qeyb ka noqon doonaan IGAD, sidoo kalana ay tahay wax weyn in Somaliland loo arko xubin muhiim u ah Geeska Afrika marka dhan walba laga eego, xagga dhaqaalaha, nabadeynta, wuxuu kaloo dareensan yahay iney tahay wax wanaagsan in la isku soo dhaweeyo. Wasiirka arrimaha dibedda wuxuu qirayaa in Somaliland iyo dowladiisa ay soo mareen duruufo isku mid ah, sidoo kalana uu ku socdo amarka dowladiisa, taasna waxey muujineysaa sida uu kaga gambaday inuu arrinta booqashadiisa lugta u galiyo iney xiriir la leedahay wadahadalada la filayo iney yeeshaan Somalia iyo Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Shirkadda Dahabshiil ayaa beenisay warbixin uu baahiyey taleefishinka Al-Jazeera oo la xiriirisay kooxaha argagixisada iyo heshiiskii ay DP World kula wareegtay dekedda Berbera. War-saxaafadeed kasoo baxay Dahabshiil, hoos ka aqriso Shirkadda Dahabshiil Group waxay si xooggan isaga fogaynaysaa eedaymaha been abuurka ah ee laanta Carabiga ee telefishanka Aljazeera naga baahisay. Waxay baahintani xambaarsanayd eedaymo been abuur ah, kuwaas oo gabi ahaanba ahaa sharaf dil iyo eedaymo ku saabsan ku lug lahaansho arrimo siyaasadeed, eedahan oo u muuqda kuwo ay dabada ka riixayso arrimo la xidhiidha siyaasad degaamaysan (geopolitical reasons). Dahabshiil waa shirkad gaar loo leeyahay, waana ganacsi caalami ah, una adeegta bulshada dunida sidaas awgeedna sinaba uguma lug laha siyaasaddo dawladeed, ama kooxaysi siyaasadeed. Ujeedadayada kaliya waa in aanu adeeg fiican u samayno macaamiisha waxna ku celino bahwadaagtayada. Dahabshiil lama siinin xuquuqda jawaabta iyo fadcelintayadii intii aanay Aljazeera baahin warbixinta. Haddii ay nala soo xidhiidhi lahaayeen iyada oo ay naga xigtay in ay telefoon noo soo diraan, waxaa laga fogaan lahaa khaladadaadka iyo been abuurka badan ee warbixinta ku jira oo ay heli lahaayeen xogtooda saxda ah. Dahabshiil waxay ugu baaqaysa telefishanka Aljazeera in uu ka noqdo eedaha aan sal iyo raad toona lahayn ee ay naga baahiyeen, islamarkaana macluumaadkan waa inay ka saaraan boggagga lagu baahiyay (public domains).
-
Garaad, Muqdisho Axmed Maxamuud Maxamed oo loo yaqaanay ‘Garaad’ kana mid ahaa ragii ugu caan sanaa burcad-badeedii Soomaalida ayaa lagu dilay koonfurta gobolka Mudug. Garaad ayaa 18-kii bishan Maarso 2019, xili habeen ah kooxo hubaysan oo jid gooyo u dhigtay ku dileen deegaan lagu magacaabo Colfuula, xilli uu ku wajahnaa magaalada Gaalkacyo, uuna ka yimid magaalo xeebeedka Hobyo. Sida ay PUNTLAND POST ka soo xigatay dad xog ogaal ah oo ku sugan koonfurta gobolka Mudug dilka Garaad wuxuu ahaa mid qorshaysan, oo isaguba uusan ka war la’ayn, intii aan la dilin ka hor waxay isaga iyo nin ilaalo u ahaa ka hareen gaarigii ay ka soo raaceen Hobyo, waxayna ka shakisnaayeen in jidka loogu jiro. Gaari labaad oo ay soo raaceen oo ahaa mid rakaaba ayaa sida la sheegay kooxda hubaysan oo watay labo gaari u dhigteen jid gooyo, iyagoo kala dagay gaariga, waxaana muddo yar oo ay heysteen kadib soo daayeen ninkii ilaalada ahaa, halka ay dileen Garaad. Maalmo ka hor intaan la dilin Garaad waxaa la sheegay in deegaanka Hobyo uu ka jiray muran u dhexeeyay qaar kamid ah dadka deegaanka iyo Garaad iyo koox taabacsan oo la sheegay in ay wadeen falal burcad-badeed, dad u ogolaynayay dhismaha dekedda Hobyo ayaa diidanayaa in falal burcad-badeed laga bilaabo halkaas, halka Garaad iyo kooxiisu ay ku adkeysteen tooda. Axmed Maxamuud Maxamed (Garaad) ayaa Isniintii galinkii dambe lagu aasay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Garaad oo la sheegay in uu jiray 51 sano ayaa ku dhashay oo ku soo koray deegaanka Xara-dheero ee gobolka Mudug, balse wuxuu heyb ahaan ka soo jeeday deegaanada Puntland, gaar ahaan gobolka Nugaal. Garaad ayaa kamid ahaa ragii asaasay burcad-badeeda Soomaalida oo mar ka qeylisiisay adduunka, wuxuuna kamid ahaa hoggaamiyaashii kooxdaas ee caanka noqotay, aadna loo raadin jiray. Garaad wuxuu malaayiin lacag ah oo madax furasho ah ka qaaday gaadiid badeed, wuxuuna ahaa Aktarkii burcad-badeeda ee gobolka Mudug, wuxuuna difaaci jiray mabda’a burcad-badeednimada. Garaad ayaa bartamihii sanadkii 2010, la qabtay, markii Markab laga leeyahay dalka Iran ay ku qabsadeen badweynta Hindiya, waxaana dagaal muddo Toban saacadood qaatay oo dhexmaray ciidamada badda Iran iyo kooxdii burcad-badeeda ahayd, uu markii dambe sababay in gacanta lagu dhigo Garaad iyo kooxdiisii, waxaana sida la sheegay howlgalkaas ku dhintay nin Irani ah oo saarnaa markabka la qabsatay. Muddo Sagaal sano ah ayaa Garaad iyo kooxdii lala qabtay ku xirnaayeen dalka Iran, mana jirin maxkamad xakuntay. Balse Garaad iyo ragii kale ee kula xirnaa Iran ayaa Muqdisho ka soo dagay 14-kii bishii la soo dhaafay ee Febaraayo 2019, waxaaana soo deyntaas dadaal dheer ku bixiyay Danjire Maxamed Xuseen Owliyo. Garaad oo markii garoonka diyaaradaha Muqdisho laga soo dajiyay ahaa ninkii ugu horeeyay oo hadlay ayaa u mahadceliyay Danjire Maxamed Xuseen Owliyo. Garaad iyo ragii la socday Muqdisho Kadib Garaad oo muddo yar joogay Muqdisho, wuxuu uu soo aaday gobolka Mudug, gaar ahaan Xara-dheero iyo Hobyo, waxaana ugu dambeyn lagu dilay inta u dhaxaysa Gaalkacyo iyo Hobyo. Maamulka Galmudug ayaa ilaa iyo hadda ka hadlin dilka Garaad oo kamid ahaa hoggaamiyaashii burcad-badeeda Soomaalida. PUNTLAND POST The post Mid kamid ah hoggaamiyaashii burcad-badeeda oo la dilay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal aad loo qorsheeyay oo ciidamada amnigu Soomaaliya ay fuliyeen 19-kii Bishan ayay ku soo qabteen madaxii maxkamadda Al-Shabaab ee deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose. Sida ay sheegtay wasaaradda amniga Soomaaliya, hawlgalkaan lagu qabtay horjoogahaan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho. Ninkan wuxuu Al-Shabaab u qaabilsanaa inuu u rido xukunada dilka ah. Wasaaradda amniga Soomaaliya ma sheegin magaca ninkan la qabtay iyo faah-faahin ku saabsan qaabka loo qabtay. Sidoo kael, Howlgal qorsheysan oo Ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen magaaladda Muqdisho 18-ka Bishaan ayaa waxay kusoo qabteen labo sarkaal oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda. Qoraal lagu baahiyey warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in mid kamid ah labada sarkaal ee la qabtay uu kooxda Al-Shabaab u qaabilsana dilalka qorsheysan ee Muqdisho. Sarkaalka labaad oo laga soo qabtay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaaladda Muqdisho, ayaa isna sidoo kale abaabulayey waxyaabo halis ku ah nolosha shacabka Soomaaliyeed iyo nabad gelyada guud ee dalka, sida ay dowladda ay sheegtay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-19032019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhaawacantay markii qarax culus uu caawa ka dhacay Muqdisho. Qaraxa oo ah nooca baabuurka lagu xiro ayaa ka dhacay nawaaxiga xarunta dambi baarista ee magaalada Muqdisho. Labada ruux ee ku dhaawacntay weerarka ayaa lagu kala sheegay in ay ka kala tirsan yihiin ciidamada Booliska iyo hay’adda dambi baarista ee CID-da. Sarkaalka ka tirsan CID-da ayaa magaciisa lagu sheegay Daahir Xasan Xuseen, kaasi oo horey u soo noqday wasiirka howlaha guud ee Galmudug iyo gudoomiyaha Dayniile. Labada qof ayaa la sheegayaa in xaalada caafimaad lagula tacaalayo goobaha caafimaadka, inkasta oo aan la ogayn inta uu gaarsiisan yahay dhaawacooda. Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyada falkaan oo imaanaya xili amniga caasimada uu maalmihii dambeeyay ahaa mid soo hagaagayey. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal qorsheysan oo Ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen magaaladda Muqdisho 18-ka Bishaan ayaa waxay kusoo qabteen labo sarkaal oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda. Qoraal lagu baahiyey warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in mid kamid ah labada sarkaal ee la qabtay uu kooxda Al-Shabaab u qaabilsana dilalka qorsheysan ee Muqdisho. Sarkaalkan oo aan la magacaabin ayaa la sheegay inuu ka qeyb qaatay, islamarkaana uu fududeeyey seddex qarax oo ka dhacay magaaladda Muqdisho, kuwaasi oo lagu waxyeeleeyey dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Sarkaalka labaad oo laga soo qabtay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaaladda Muqdisho, ayaa isna sidoo kale abaabulayey waxyaabo halis ku ah nolosha shacabka Soomaaliyeed iyo nabad gelyada guud ee dalka, sida ay dowladda ay sheegtay. Sida dowladda ay sheegtay, ma jirto waxyeelo ka dhalatay Howlgalka lagu qabtay raggaan ka tirsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-New Zealand)Ninka lagu eedeeyay inuu fuliyay weerarkii toogashada ahaa ee ka dhacay masjidka magaalada Christchurch ee dalka New Zealand ayaa markii maxkamadda lasoo taagay abuuray muran ku saabsan dhaqanka internet-ka iyo fikrad xagjirnimo ah. Brenton Tarrant, oo 28 jir ah ayaa lagu eedeeyay inuu Jimcadii weerarro ka fuliyay 2 masaajid oo ku yaalla magaalada Christchurch, halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 50 ruux, oo ay ku jireen carruur. Waxaa maalintii xigtay ee Sabtida ahayd la hor geeyay maxkamad, isagoo lagu soo oogay dacwad ku saabsan dil. Markii ugu horreysay ee uu kasoo muuqday maxkamadda, Tarrant ayaa la arkayay isagoo gacantiisa ka muujinaya astaanta “SAX”, taasoo ah marka uu qofka isa saaro suulkiisa iyo farta xigta isagoo faraha kalena fidinaya. Astaantan ayaa markii siyaabo kala duwan loo eegay lagu qeexay calaamad ay isticmaalaan dadka caddaanka ah ee jinsiyadaha kale neceb, balse waxaa kale oo suurta gal ah inuu dadka dareenkooda kusoo jiidanayay. Dhanka kale, calaamaddaas waxaa adeegsada kooxaha xagjirka ah iyo sidoo kale xisbiyada muxaafidka, siyaasiyiinta midigta-fog iyo hay’adaha aruuriya farriimaha xagjirnimada ah. Waligey kuma dhawaaqi doono magaciisa Dhacdadaii toogashada ee lagu bartilmaameedsaday dad muslimiin ah oo tukanaya ayaa noqotay mid si weyn looga falceliyay guud ahaan dunida. Ra’iisul wasaaraha dalka New Zealand Jacinda Ardern ayaa wacad ku martay inaan afkeeda laga maqli doonin magaca ninka falkaas geystay oo la xaqiijiyay inuu u dhashay waddanka Australia. “Waxyaabo badan ayuu ku raadinayay falkiisa argagixisanimada ah, balse mid ka mid ah waxay ahayd inuu caan noqdo, waana taas sababta aydaan waligiin iiga maqleynin anigoo sheegaya magaciisa, waa argagixiso, waa dambiile, waa xagjir. Ku dhawaaqa magacyada dadkii halkaas naftooda ku waayay intii aad xusi lahaydeen magaca ninkii laayay”, ayey tidhi Ms Ardern oo khudbad qiiro leh ka jeedineysay baarlamaanka New Zealand. Waxay sheegtay in isagu laga yaabo inuu caanimo raadinayay, laakiin dowladda New Zealand aysan waxba siineynin, oo xitaa magaciisa aysan u aqoonsaneynin marnaba. Source
-
Jamhuuriyada Somaliland iyo Qatar waxa dhexe maraya Collad Hawad dhexe mareysa mid waliba na wax uu toosh ku finayaa dantiisa gaar ah . Marka ay sidda tahay waa lagama-xanaaqan ,Been-sheega ,iyo Malo-awaalka ,waxa aan jirin oo labbad dhinac mid ba dhinacisa fidiya . Nin ba lagu yidhi Hebelow , hadda Hebel ayaa ku cayey? Wax uu ku jawaabay Hebel awilba Col,baanu ahayn . Haddii aynu Maqalno, Qatar ayaa Jamhuuriyada Somaliland wax ka sheegatay . Waxa aynu ka taagan nahay halka Ninkaa ee ah ee ah awilba Qatar, Colaad, Hawad dhexe ah ayaa ina dhex-maratay . Markaa meel aynu wanaag iyo Aaman-toonna ka sugeyno ma heyn Qatar iyo Wakallada Warark Beenta ah fidisa ay leedahay ee Aljazeera . Jamuuriyad Soomaliland ahaan hadda ayeynu ba ugu hadal iyo yabooh badan nahay . hasa yeeshe Arimaha Qatar waxaynu ka dhegaysanynaa Heestii uu tiriyey Abwaan Cabdi Aadan xayd (Cabdi Qays ) ee odhan jirtay ama ku bilaami jiratay ” Abidkay ba waan jiray ” ee AUH Mahamed mooge, Libaan ku Luuqeyey. Waxay na Heestu u dhigan tahay ayaado dhameystiran siddan: • Abidkay ba waa jiray jab intuu dhacaaye. • Waanba joogay dunidann,e wixii uu rag jiite. • Jilaalku ima karro,iyo jidiin cadaadkuye. • Ma Jilcamoo ma jifsaddo, mana jidhidhicoode. • Soo jiidh wanaagaa jeenigan ku soo qaad amba ooda soo jebi, Dhaxaan belo u joogee. • Jirid aan go,ayninoo, Xidida jidataanee, jar hadii aad isleedahay , jidiid ima karraye. •Jasha Eebe mooye cidi joogsin maysee. •Ha jidin cadaadnina ,Hadal ima jareeyee. •Soo jiidh wanaagaa jeenigan ku soo qaad amba ooda soo jebi, Dhaxaan belo u joogee. •Jeex bira ka hadhay iyo jab finiina baanee , Wadnahaygu Jalawdiyo ma yaqaano jugleyde. •Kolay jabaq ugaadh tahay jid aan raacay kama noqon. Kama joogsan waligay halkay laabtu jamatee. •Soo jiidh wanaagaa jeenigan ku soo qaad amba ooda soo jebi, Dhaxaan belo u joogee. waxa inta raacinaya Qatar Dagaalkeed iyo beenta ay la ordayso wax dhibaato u keeni karraya maah Jamhuuriyada Somaliland iyo Mawqufkeeda . Sidoo kale qatar waxay ka hadlaysa waxa weeye sidee ayaa Sacuudiag iyo Xulufadiisu isku kay raacan waxa inta u dheer waxay isku dayday wax kasta oo ay aduunka uga dacwooto cid ka hoos qaaday ma jirto . marka la yaabi mayno beenta iyo Xaasinimada ay ka sheekaynayso . Qorre Abokor I Mohamuud . Waa Bilaahi Towfiiq. abokorm@hotmail.co.uk Source
-
Ka dib markii Madaxeyne Geelaha Djibouti booqasho ku tegay Muqdisho dhawaan, si uu isaga jabiyo go’doonkii la geliyay ee geeska Afrika. waxay taa kaga jawaabeen dhinacii kale oo UAE hoggaaminayso in ay soo diraan wasiirka arrimaha dibadda Eriteria, oo uu yimaaddo Somaliland; waxa tan looga jeedaa in lagu edbiyo Farmajaha Muqdisho, maadaama uu ka hinaasi doono booqashada ugubk ah ee waftiga Eriteria. Marka uu Farmaajaha Muqdisho goor dhaw ku furtuuro madaxda Geeska iyo UAE, waxa loo sheegi doonaa in aanu odayga Djibouti xabsiga ka jabin; ma xasuusataa intaanu Geelle u duulin Muqdisho, Farmajo ayaa Djibouti tegay; taas macnaheedu waxa weeye jooji dhaq-dhaqaaqa, haddii kale Somaliland ayaanu kugu dhaq-dhaqaajin; haddii aan kuu soo koobo, waa siyaasaddii Kenya isticmaashay markii khilaafka baddu soo baxay; ma xasuusataa!!!! Haddaba, booqashadan wasiirka arrimaha dibadda Eriteria ka dib, waxaynu eegi in UAE iyo Eriteria ay ku guulaystaan in uu Farmaajo edebsado, oo uu joojiyo handaraabka uu ka furayo Madaxweyne Geele iyo dekadiisa!!!! Si kastaba ha ahaatee, Somaliland waxa loo isticmaali doonaa warqad ay Ethiopia, Eriteia iyo UAE ay ku xakameeyaan, kuna jareeyaan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee Farmajo, haddii uu isku dayo in uu baxo siyaasaddii uu hore ula qaatey ee lagu go’doominayay Djibouti. Haddaba, waxan odhan lahaa Somaliland ha u diyaar garawdo in ay si qoto dheer u fahanto ciyaarta meesha ka socota, xukuumadduna ha la timaaddo qorshe dhaafsiisan sawirada quruxda badan, oo lagaga faa’iidaysan karo fursadaha ka dhashay isbeddelka ka socda Geeska Afrika ee Alle keen ka ah. Cabdo; Maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga. Source
-
Muqdisho (SMN) – Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa fahfaahin ka bixiyay duqeyn cirka ah oo ay ka fuliyeen koonfurta Soomaaliya. AFRICOM ayaa shaaciyay in weerarka cirka ah oo uu 18-kii bishaan Maaj ay ka geystay degaanka Awdheegle ee Shabeellaha Hoose ay ku dishay 3 kamid ahaa Al-Shabaab. Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay taliska, ma jirto waxyeelo howlgalkaasi kasoo gaaray dad shacab ah. Dhinaca kale, xarakada Al-Shabaab illaa iyo haatan wax war ah kama aysan jawaabin sheegashada Mareykanka. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka View the full article
-
(SLT-London) Shimbirtan oo taariikhda gashay ayaa lagu iibsaday lacag gaaraysa 1.42 milyan oo doolar. Ol’ole xaraash ah oo tartan loo galay ayey dad badan oo maalqabeenno ah ku doonayeen iney ku iibsadaan shimbirtan. Qiimihii ugu horreeyay ee lagu soo beec geeyay ayaa ahaa 321 kun oo doolar, hase yeeshe tirada ayaa isbadashay ka dib markii uu yimid qof diyaar u ah inuu bixiyo qarashkan. Shimbirtan ayaa sannadkan waxay da’deeda noqoneysaa 5 sano. “Waa dareen cajiib ah, waa wax adduunka ka baxsan,” Ayuu yidhi Nikolaas Gyselbrecht, oo ah madaxa shirkadda PIPA oo ka ganacsata shimbiraha. “Kuma aanan riyoonin abid in qiimaha noocan ah ay gaari doonto . Waxaan rajaynayay oo kaliya ku dhawaad 400 kun oo doolar.” Mr Gyselbrecht ayaa sheegay in laba qof oo doonayay inay iibsadaan ay ka soo jeedaan dalka Shiinaha. Balse shimbirtan maha mid nooceedu uu yahay mid la helo. Source