-
Content Count
207,697 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxaysa wada-hadalladii magaalada Kismaayo ay ku yeesheen ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, oo horey loo sheegay in la isku fahmay. Hase yeeshee, waxaa hadda soo baxaya, in heshiiska la galay uu ahaa mid si aad ah ugu daneynaya Axmed Madoobe, oo u muuqda bahdil dowladda lagu sameeyey. Axmed Madoobe ayaa diiday dhammaan qodobadii la hor-dhigay, marka laga reebo qodob ahaa inuu taageero nidaamka doorashada 2021 ee dowladda ay qorsheyneyso, oo si looga gado beesha caalamka loo baahan yahay taageerada maamul goboleedyada. Halkan ka aqri waxa uu yahay nidaamkaas. Ilo-wareedyo aad loogu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in saddexda qodob ee dowladda ay ka dalbatay Axmed Madoobe, ee uu ku gacan seeray, ay ahaayeen:- 1 – Inuu dowladda kusoo wareejiyo maamulka dekedda iyo garoonka diyaaradaha, sida ku cad heshiiskii uu dowladda kula galay dalka Ethiopia xilligii Xasan Sheekh oo dhigayey inuu lix bilood gudahood sidaas ku sameeyo. 2 – In ciidamada milatariga iyo nabad-sugidda Jubaland oo mushaharkooda ay bixiso dowladda ay noqdaan kuwa dowladda hoos yimaada, oo hoggaankooda ay soo magacowdo, islamarkaana ka amar qaataa. 3 – In doorashada madaxweynaha Jubaland ay noqoto mid furan oo dowladda iyo beesha caalamka ay goobjoog ka noqdaan. Axmed Madoobe ayaa la sheegay in saddexda qodoba uu ku gacan seeray, isaga oo dowladda u sheegay in haddii sidaas uu sameeyo uusanba madaxweyne ahayn, oo ay uga wanaagsan tahay inuu xilka isaga dego. Axmed Madoobe ayaa haddii ciidanka uu ku wareejiyo maamulka dowladda ka cabsi qaba ina lagu sameeyo wixii ka dhacay Baydhaba, halka garoonka iyo dekedda Kismaayo ay yihiin ilihiisa dhaqaale. Si kastaba, Kheyre ayaa la sheegay inuu sii aqbaly heshiiska Axmed Madoobe, ayada oo ujeedka ugu weyn ee dowladda uu yahay inay taageero u hesho nidaamka doorashada 2021. Waxaa xusid mudan, in doorashada Jubaland ay kasoo horeyso tan federaalka, sidaas darteed xitaa qodobka uu qablay Axmed Madoobe uu ka bixi karo marka dib loo doorto, taasi oo muujineysa sida Axmed Madoobe uga cayaar badiyey Kheyre. Dhinaca kale, heshiiska Kheyre iyo Fahad Yaasiin kasoo qaadeen ayaan la ogeyn inuu aqabli doono madaxweyne Farmaajo oo la hor-dhigay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Saaka Xukun Dil ku riday Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad) 23jir ah iyo Max’ed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) oo 25 jir ah, Kuwaas oo ka tirsanaa Argagaxisada Al shabaab sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamadda Qalabka Sida Xasan Cali Shuute. Eedaysanaha 1aad Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad), waxaa si gaar ah loogu eedeeyay in uu ka tirsan yahay kooxda Al-shabaab, kana soo shaqeyay xiliyo kala duwan Qeyba ay ka mid yihiin Jabhada, weerarada baabuurta lagu fuliyo iyo Qaraxyada ismiidaaminta oo uu sahmiye u ahaa, isagoo si gaar ah ugu eedaysan inuu fuliyay falalka soo socdo:- Taariikhdu markay ahayd 15/08/2017,waxay weerar ku qaadeen isaga iyo labo ruux oo kale gaari Hartob Land-garuuzal ah oo ay saarnaayeen hal Qoys oo ah reer Xasan Cabdi Cawad oo ka mid ah Maamulka Shirkada Dahabshiil, kuwaas oo ay ku fureen rasaas Tacshiirad ah uuna ku geeriyooday Marxuum Maxamed Xasan Cabdi Cawad kuna Dhaawacmeen 5-ruux oo ka mid ah qoyska maamulaha. Taariikhdu markay ahayd 27/09/2017 isgoyska Via Roma ee Degmada X/wayne, waxay mar kale ku weerareen gaari ay saarnaayeen 2da Marxuum ee kala ah. 1)Marxuumad Canab C/laahi Xaashi oo ahayd Xoghayihii Guud ee Ururka Haweenka Qaranka 2)Marxuum Axmed Jaamac Xirsi oo ay dhashay Guddoomiyaha Ururka Haweenka qaranka, gaarigaasoo ay rasaas tacshiirad ah ku fureen ayna ku geeriyoodeen 2da marxuum ee sare ku xusan. Taariikhdu markay ahayd 09/11/2018, wuxuu qayb ka ahaa eedaysanuhu qaraxyadii ka dhacay Hotel Sahafi, isagoo sahmiye iyo hage u ahaa 3-dii baabuur ee qaraxyada ismiidaaminta ahaa iyo weerarkii hubaysnaa oo ay ku naf waayeen dad gaaraya 32ruuxkuna dhaawacmeen69ruux oo kale, Sidoo kale Taariikhdu markay ahayd 22/12/2018 wuxuu ahaa abaabulihii qaraxyadii ka dhacay Tiyaatarka Qaranka, halkaasoo ay ku geeriyoodeen 27ruuxAyna ku dhaawacmeen 55ruux oo kale, Iyadoo Ciidamada amnigu ku soo qabteen kadib markii uu uga degtay gaarigii 2-aad ee Saarufka ahaa Taalada Daljirka Dahsoon, gaarigaasoo isagana qarxay ayna ku geeriyoodeen Marxuumiin ay ka mid ahaayeen 1)Marxuum Faysal Salaad Samow 2)Marxuum Axmed Maxamed Yuusuf oo labaduba macalimiin ka ahaa Iskoolka Yaasiin Cismaan. Eedaysanaha 2-aad Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin), waxaa lagu eedeeyay in uu ka tirsan yahay kooxda Al-shabaab gaar ahaan Qeybta qaraxyada,isla markaana uu qayb ka ahaa Sahmintii Qaraxii lagu weeraray Degmada H/wadaag 02/09/2018 oo sababay Dhimashada8ruux iyo Dhaawaca 27 ruux oo kale, sidoo kale wuxuu qeyb ka ahaa eedaysanuhu isaga iyo Eedaysanaha 1aad qaraxii ka dhacay Tiyaarka qaranka 22/12/2018 oo ay wadeen gaarigii 2-aad ee ku qarxay agagaarka Daljirka Dahsoon . DOOD DHEER KADIB. MAXKAMADDU: Markay Aragtay:- Qodabada 221,222,434,71 XCS . Markay Aragtay: – Maxkamaddu Qiraalka Eedaysane Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad), oo uu ka horcadeeyay garsoorka in uu ka tirsanaa kooxda Al-shabaab kana soo shaqeeyay qaybo kala duwan oo ay ka mid tahay weerarada lagu fuliyo baabuurta asigoo qayb ka ahaa weeraro ay ka mid ahaayeen weerarkii 15/08/2017 degmada hodan lagula beegsaday gaari hartoop langaruusal ah oo ay saarnaayeen hal qoys oo uu ku geeriyooday hal ruuxkuna dhaawacmeen 5 ka mid qosykii gaariga saarnaa. sidoo kale wuxuu eedaysanuhu sheegay in uu qayb ka ahaa weerarkii lagu qaaday gaari saruf ah oo marayayisgoyska via Roma ee degmmada xamar wayne 27/09/2017 oo ay ku geeriyoodeen labadii ruux ee saarnaa gaariga , sidoo kale eedaysanuhu wuxuu garsoorka u cadeeyay in uu ahaa sahmiyihii weerar iyo qaraxyo lala beegsaday09/11/2018, Hotel Sahafi weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen 32 ruux kuna dhaawacmeen 69 ruux oo kale, iyadoo ciidanka amniga ay soo qabteen kadib markii uu ka degay gaarigii labaad ee ku qarxay 22/12/2018 agagaarka daljirka daahsoon , qaraxaas oo ay ku geeriyoodeen labo macalin oo ka tirsanaa iskuulka Yaasiin Cusmaan. Markay Aragtay:- Maxkamadda Qiraalka Eedaysane Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin), oo uu ka hor bixiyay garsoorka Ciidamada Qalabka sida hortiisa kuna cadeeyay in uu ka tirsan yahay kooxda al-shabaab gaar ahaan qaybta qaraxyada isaguna sahmiye ka ahaa qaraxii lagu weeraray Degmada howl-wadaag 02/09/2018 ,sidoo kale eedaysanuhu wuxuu cadeeyay inuu qayb ka ahaa weerarkii 22/12/2018 lagu qaaday tiyaaterka qaranka, ciidamada amniguna ay qabteen kadib markii uu ka degay gaarigii labaad ee ku qarxay agagaarka daljirka dahsoon. Markay Dhagaysatay:- markhaatiyaasha la horkeenay maxkamaddda mid midna ay u waydiisay marag furkooda waxay maxkamada ka hor cadeeyeen in ay dad shacab ah u sheegeen in labada eedaysane ay ka degeen gaari ay dhigeen agagaarka daljirka dahsoon sidaasna ay ku qabteen inti ay waraysanayeena uu qarxay gaarigii ay ka degeen, qaraxaas oo sababay dhimashada 3 ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen macalimin iskuul. Markay Aragtay:- Dembi muujinta ah 1- dukumiintiyo ay ka mid yihiin- cadaymihii iyo qiraaladii laga qoray eedaysanayaasha. 2- liiska dadkii ku geeriyooda kuna dhaawacmay qaraxyadii iyo weeraradii lagu eedeeyay eedaysanayaasha. 3- sawirada muujinaaya bur-burkii ka dhacay qaraxyada iyo weerarada lagu soo eedeeyay. Markay Dhagaysatay:- Doodii Qareenada oo ahayd in eedaysanayaasha loo naxariisto loona eego sifaalaha dembiga fududeeya. Sidaas Darteed Maxkamadda waxaa u Caddaaty in:- Dambiile Shabaab Canshuur Cismaan Abuukar Cumar iyoDambiile ShabaabMax’ed Cali Boorow Aadanay wada yihiin dambiilayaal galay dembiga lagu soo oogay waxayna ku wada xukuntay Dil Toogasho. Cidii aan ku qanacsanayn xukunka maxkamada waxaa u furan rafcaan. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil kooxo hubeysan ay ka geysteen degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, waxaana dilka loo geystay macalin Dugsi Qur’aan. Kooxaha dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta dilka kadib, waxaana la sheegay in macalinka lagu hordilay dugsigiisa oo ku yaala degmada Waaberi ee gobolka Banaadir. Macalinka dugsi qur’aanka ayaa si weyn looga yaqaanay xaafada uu dugsiga ku hayay, waxaana la ogeyn sababta ka dambeeya dilkiisa. Markii uu dilka dhacay kadib waxaa Goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo sameeyey baaritaano ay ku doonayaan inay kusoo qabtaan dadkii ka dambeeyey dilkaas. Magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal loo geysto askar ka tirsan ciidamada Dowladda iyo dad kale,waxaaana inta badan mas’uuliyada dilalkaas sheegta Ururka Al-Shabaab. Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qarax lagu dhaawacay sarkaal ka tirsanaa hay’adda CID-da, waxaana ay sheegeen inay iyaga ka dambeeyeen qaraxaasi. Al Shabaab ayaa sheegay in sarkaalka ay dhaawaceen lagu magacaabo Xarbi dhageey, kaasi oo kamid ahaa saraakiisha sarsare ee xarunta dambi baarista dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Ciidamada booliska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabey, Agaasimihii shaqada ka tegay ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Dr. Cismaan Xuseen Warsame. Hanti-dhawrka Somaliland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay baadhis ka waday wasaaradda warfaafinta Somaliland. Illaa hadda lama oga sababta loo xidhay Cismaan Xuseen Warsame. Source
-
Fadeexad culus oo ku soo baxday Qoyska Siilaanyo & Baashe Morgan oo la baahiyey+Dacwad Qaramada Midoobay loo gudbiyey Telefishanka Aljazeera ayaa soo diyaariyey warbixin muddo badan laga soo shaqeenayey oo ku saabsan dagaalka Dekadaha ee ka socdo Geeska Africa. Warbixintaan oo ka baxday Telefishanka Aljazeera ayaa lagu soo bandhigay waxyaabo badan oo qarsoonaa kuna saabsan dagaalka dhanka Dekadaha Geeska Africa ee u dhaxeeyo dalalka Imaaraadka, Shiinaha, Turkiga iyo Dowlado kale oo waaweyn. Al-Jazeera ayaa Barnaamijkaan ugu magac dartay ”Almasaafa Sifir”, wuxuuna barnaamijkaan si gaar ah uga hadlay Loolanka DP Word iyo Dowladda Jabuuti kaasoo keenay in ugu dambeyn DP Word laga eryo dalkaas. Sidoo kale barnaamijkaan ayaa ka hadlay sida ay Imaaraadka Carabta ugu suurta gashay inay heshiis kula wareegto Dekadda Berbera oo lagu bixiyey lacago Malaayiin Dollar ah. Warbixinta Al-Jazeera ayaa qoyska Silaanyo ku eedeysay inay Musuq maasuqeen lacagihii laga qaaday Imaaraadka ee heshiiskii Debadda Berbera.Waxaa warbixinta lagu sheegay inay musuq maasuqaas qeyb ka ahaayeen Silaanyo, Xaaskiisa iyo Ninka uu sodogga u yahay . Xaaska Siilaanyo ayaa lagu magacaabaa Aamina Waris halka ninka uu Silaanyo Soddogga u yahay isna lagu magacaabo Baashe Moorgan . Waxaa lagu xusay warbixinta inuu Heshiiska Dekadda Berbera ahaa mid qarsoodi ah isla markaasna laga qariyey Baarlamaanka Somaliland. Baarlamaanka Somaliland ayaa loo qeybiyey qoraal Af-Soomaali ku turjuman iyadoo lagu heshiiyey inaan cidna la tusin heshiiska asalka ah, waxayna arrintaas keentay inay gacanta iskula tagaan guddoomiyihii golaha wakiilada iyo ku xigeenkiisii xilligii xukuumadii Siilaanyo. Al-Jazeera ayaa sheegtay in Baadhitaanka Musuq maasuqa lagu hayo Qoyska Siilaanyo loo gudbiyey guddiga dabagalka Soomaaliya iyo Eretariya ee Qaramada Midoobay. Heshiiska Dekadda Berbera ayaa muran weyn ka dhex abuuray Somaliland & Soomaalida dhexdeeda, wuxuuna keenay in Soomaaliya laga mamnuuco Shirkadda DP World kadib kulan xasaasi ahaa oo ay yeesheen Baarlamaanka Somalia inkastoo aysan arrintaas hirgelin maadaama shirkadaas ay weli dhaq dhaqaaq ka wado Gudaha Somaliland & Soomaaliyaba Qaran News
-
Muqdisho (SMN)– Qoyskani oo ku nool xaafadda Black Sea ee magaalada Muqdisho oo la soo xariiray Shabelle ayaa ka cabanaya dhul boob lagu hayo. Dhulkan oo ah mid dhaxaltooyo ah ayaa waxa ay xubnaha Qoysku tilmaameen in ay sheeganeyo Haweeney ay qaraabo yihiin oo ka dacwootay maxkamadaha dalka. Cumar Deeq Maxamed Cismaan oo ka mid ah dadka wax ka leh dhulkaasi ayaa ugu baaqay madaxda sare ee dowladda in ay soo faragaliyaan arrintaasi. Sidoo kale Xaliimo Xalane Xabadow oo ka mid ah dadka ka cabanaya dhul boobkan ayaa xustay in haweeneyda sheeganeyso dhulkani aysan shaqo ku laheyn, islamarkaana ay adeegsaneyso awood dheeraad ah , sida ay hadalka u dhigtay. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/wARBIXIN.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Shirkadda Dahabshiil Group waxay si xooggan isaga fogaynaysaa eedaymaha been abuurka ah ee laanta Carabiga ee telefishanka Aljazeera naga baahisay. Waxay baahintani xambaarsanayd eedaymo been abuur ah, kuwaas oo gabi ahaanba ahaa sharaf dil iyo eedaymo ku saabsan ku lug lahaansho arrimo siyaasadeed, eedahan oo u muuqda kuwo ay dabada ka riixayso arrimo la xidhiidha siyaasad degaamaysan (geopolitical reasons). Dahabshiil waa shirkad gaar loo leeyahay, waana ganacsi caalami ah, una adeegta bulshada dunida sidaas awgeedna sinaba uguma lug laha siyaasaddo dawladeed, ama kooxaysi siyaasadeed. Ujeedadayada kaliya waa in aanu adeeg fiican u samayno macaamiisha waxna ku celino bahwadaagtayada. Dahabshiil lama siinin xuquuqda jawaabta iyo fadcelintayadii intii aanay Aljazeera baahin warbixinta. Haddii ay nala soo xidhiidhi lahaayeen iyada oo ay naga xigtay in ay telefoon noo soo diraan, waxaa laga fogaan lahaa khaladadaadka iyo been abuurka badan ee warbixinta ku jira oo ay heli lahaayeen xogtooda saxda ah. Dahabshiil waxay ugu baaqaysa telefishanka Aljazeera in uu ka noqdo eedaha aan sal iyo raad toona lahayn ee ay naga baahiyeen, islamarkaana macluumaadkan waa inay ka saaraan boggagga lagu baahiyay (public domains). Source
-
(SLT-Hargeysa)-Kadib socdaal saddex maalmood maraya ee wasiirka arimaha dibada dalka Eriteriya Cismaan Saalax iyo la taliyaha madaxweynaha Eriteriya Yamane Gebreab ay ku yimadeen magaalada Hargeysa , waxaa soo baxaya warar sheegaya in dhawaan ay kulan yeelan doonan labada madaxweyne ee Somaliland iyo Eriteriya Muuse Biixi Cabdi iyo Isaias Afwerki. Wasiirka arimaha dibada dalka Eriteriya Cismaan Saalax ayaa markii uu madaxweyne Biixi kulanka la yeeshay waxuu u sheegay in madaxweyne Eriteriya u soo diray Somaliland si ay wax badan uga ogaadaan xaalada Somaliland ay ku sugan tahay , maadama oo ay Eriteriya hawda ka maqneyd muddo 20 sanno ku siman oo ay cuno qabateyn ay saarneyd , waxaana uu sheegay in madaxweyne Eriteriya ay gaadhsiin doonan waxyaabaha ay Somaliland ku arkaan . Kadib socdaalka masuulyiintan Eriteriya ku yimaadeen magaalada Hargeysa waxaa la sugayaa inay kulmaan labada madaxweyne ee labada dal . Waxaa soo baxaya warar sheegaya suurto gal nimada in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu socdaal ku tago magaalada Asmara ee dalka Eriteriya , waxaana wararku intaas ku darayaan in madaxweyne Isaias Afwerki waftigiisa u soo dhiibay warqad marti qaad rasmi ah. Warar kale waxaa ay sheegayaan in laga yaabo in madaxweynaha Eriteriya Isaias Afwerki uu socdaal ku iman doono caasimada Somaliland ee Hargeysa kadib markii madaxweyne Muuse Biixi Martiqaad ugu dhiibay waftiga wasiirka arimaha dibada. Si kastaba ha ahatee waxaa ay wararku tilmaamayaan in ay u dhaw dahahay in madaxweyne Biixi uu dhawaan sodaal shaqo ku tago magalada Asmara ee dalka Eriteriya si uu ula kulmo dhigiisa. Labada Masuul ee Eriteriya ee Cismaan Saalax iyo la taliye Yemane Gebreab ayaa ah laba nin oo si aad ah ugu dhaw madaxweyne Isaias Afwerki , waana baalasha uu madaxweyne Isaias Afwerki ku duulo , waxaana wasiir Cismaan Hargeysa ka sheegay in madaxweyne Biixi siiyey war bixin Somaliland ku saabsan oo uu ku tilmaamay mid xiiso leh oo Mihiim Ah. Source
-
(SLT-Paris)-Faransiiska ayaa jaray warqad lagu soo xirayo labo ruux oo horay masuuliyiin uga soo noqday atleetikada Ruushka, arrintan ayaana qayb ka ah baaritaan lagu hayo macluumaad la qariyay oo la xiriira dawooyin mamnuuc ah oo awoodda jirka kordhiya oo la isticmaalay. Labada ruux ayaa kala ah ah Valentin Balakhnichev oo madax u ahaajiray atleetikada Ruushka iyo Alexei Melnikov oo tababare u ahaa kooxda qaranka ee Ruushka. Labadadan nin ayaa sannadkii 2016kii laga mamnuucay atleetikada inta ay nool yihiin, arrintaas ayaana ka dambaysay ka dib markii ay soo baxday in dawooyinka jirka kordhiya ee sharcidarrada ah la isticmaalay arrintaasina ay gacan ka gaysatay dawladda Ruushka. Balakhnichev ayaa warqadda lagu soo xirayo ku tilmaamay mid aan sal lahayn. Baaritaanka ayaa billawday bishii Nofembar ee sannadkii 2015kii ka dib markii dacwad lagu soo oogay Lamine Diack oo Senegal u dhashay oo isaga oo madax ka ah Hay’adda caalamiga ah ee ciyaaraha fudud ee magaceeda loo soo gaabiyo IAAF lagu eedeeyay in uu aqlabay malaayiin doolar oo laaluush ah si uu u qariyo in ciyaartoyda Ruushku ay isticmaaleen dawooyinka awoodda jirka kordhiya ee mamnuuca ah. Sannadkii 2017kii waxaa la jaray waraaqda lagu soo qabanayo wiilkiisa Papa Massata Diack, kaas oo lagu eedeeyay in uu qayb ka ahaa laaluush lagu bixiyay ciyaaro caalami ah. Senegal ayaa go’aansatay in aysan dhiibin muddo afar sano ah ayuuna ku jiray liiska dadka ay aad u baadigoobayaan booliiska caalamiga ah ee Interpol, inkastoo uu diiday eedaymaha loo soo jeediyay. Source
-
(SLT-Ankara)-Dowlada Australia ayaa ka codsatay Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan inuu raali-gelin ka bixiyo hadalo adag oo ka dhan ah shacabka Australia, sida uu sheegay Raysalwasaaraha Australia Scott Morrison maanta oo Arbaca ah. Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo xiligan ku jira ololaha doorashada ayaa maalmahan si adag uga hadlayey weerarkii Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay labo masjid oo ku yaal magaalada Christchurch ee dalka New Zealand. Khudbad uu dhawaan jeediyey Erdogan ayuu ku sheegay in “..Cunsuriyiinta Australia u dhashay lagu guri doono naxash (La dili doono) si lamid ah xasuuqii loo geystay ciidamadii Australia ee la dagaalamay Khilaafadii Cismaaniyiinta (dagaalkii 1aad ee Dunnida) ee ka dhacay Gallipoli. Xiligii uu socday dagaalkii kowaad ee dunnida ayey ciidamo gaaraya 8000 askari dowlada Australia uga dhinteen dagaal adag oo ay la galeen ciidamadii Turkida ee Cismaaniyiinta, dagaalkaasi oo ka dhacay deegaanka Gallipoli, taariikhdaasi oo ah mid si weyn looga xuso Australia. Erdogan ayaa si gaar ah cambaareynta ulla beegsaday Australia maadaama ninkii geystay xasuuqii ka dhacay masaajidada New Zealand uu ahaa cunsuri cadaan ah oo kasoo jeeda dalka Australia. Dowlada New Zealand ayaa sidoo kale cambaareysay in Erdogan uu filimkii laga duubay xasuuqii masaajidada uu kusoo bandhigay ololihiisa doorashada, wafdi uu hogaaminayo Raysalwasaare kuxigeenka New Zealand ayaa lagu wadaa inay arrintan darteed safar ugu baxaan dalkaasi Turkiga. Dadkii ku dhaawacmay weerarkii New Zealand ayey ku jireen sadex qof oo u dhashay dalka Turkiga. Macada Erdogan inuu raali gelin siin doono dowlada Australia oo sheegtay inay ka fiirsan doonto in ay shacabkeeda uga digto inay dalxiis u tagaan dalka Turkiga. Dhinaca kale Madaxweyne Erdogan ayaa maqaal uu ku daabacay jariirada Washington Post ee kasoo baxda dalka Maraykanka ugu baaqay hogaamiyayaasha dalalka reer Galbeedka inay ka hortagaan falalka muslim naceybka ah iyo Cunsuriyiinta ee kusii fidaya wadamadooda. Source
-
(SLT-Denmar)-Xildhibaanad reer Denmark ah ayaa ka hadashay in loo sheegay in ay baarlamaanka ka saarto canug ay wadatay. Mette Abildgaard ayaa sheegtay in ay ahayd markii u horraysay ee ay xildhibaannada dhex gaysto gabadheeda shanta bilood jirta, maadaama oo aabeheed ay u suuragali wayday in uu ka sii hayo. Pia Kjaersgaard oo ah gudoomiyaha xildhibaannada iyo hoggaamiyihii hore ee xisbiga Danish People’s Party ayaa la sheegay in ay xildhibaanadda u sheegtay in aan “carruurta laga ogolayn” kulamada baarlamaanka. Kjaersgaard ayaa sheegtay in loo baahan yahay in xildhibaannada warcad laga siiyo arrimaha carruurta la xiriira. Abildgaard oo Facebook soo dhigtay in ay aragtay xildhibaanad hore oo ilmaheeda la gashay gudaha xarunta baarlamaanka taas oo aan wax dhibaato ah kala kulmin. Waxay sheegtay in ay xog haynta kula heshiisay “in haddii gabadheedu ay sawaxan yar samayso ay bixin doonto” maadaama oo gabadheedu ay jawi dagan ku jirtayna ay go’aansatay in ay gudaha la gasho. Kjaersgaard ayaa markaas fariin dirtay si xildhibaanadda loogu sheego in ay canuga saarto, intaas ka dibna Kjaersgaard ayaa warbaahinta Ritzau u sheegtay “in xarunta xildhibaannada loogu talo galay mudaneyaasha balse aan loogu talo galin carruurr”. Afhayeen u hadlay ayaa warbaahinta BT ee Denmark ka soo baxday u sheegay in gudoomiyuhu ay raacaysay xeerka, canuguna uu carqaladaynayay kulanka. Denmark ayaa ka mid ah dalalka ugu wanaagsan fasax yada la siiyo waalidka si ay carruurta wakhti ula qaataan dumarka dhalay ayaa loo ogol yahay 18 toddobaad oo fasax ah, labada waalidna waxaa loo sii ogol yahay 32 bilood oo labada waalid ay siday rabaan ay u qaybsan karaan. Abildgaard ayaa sheegtay in ay go’aansatay in ay shaqada ku laabato si ay dimuqraadiyadda ugu adeegto. Qof ayaa Facebook ku soo qoray haddii xildhibaannadu ay matalaan hooyooyinka, aabeyaasha iyo carruurta waa in loo fasaxaa hooyooyinka iyo carruurta. Ma aha markii koobaad ee ay ciwaannada qabsato war ku saabsan siyaasi canugiisa la yimaada. Ra’iisulwasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa canugeeda la tagtay markii ay ka qayb gashay shirkeedii u horreeyay ee Qaramada Midoobay, waxayna noqotay hoggaamiyihii u horreeyay ee canug la taga kulanka Golaha Loo dhan yahay Qaramada Midoobay. Source
-
Caabudwaaq (SMN) – Madaxda sare ee maamulka Galmudug ayaa maanta wafdi dhex dhexaadin ah u diray deegaanka Xeraale ee waqooyiga goboka Galgaduud oo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaalamayeen labo maleeshiyo beeleed oo wada daga halkaasi. Wafdigan oo isugu jira xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Galmudug ayaa waxa ay kulamo ka bilaabi doonaan deegaanka Xeraale six al looga gaaro colaadaasi. Sidoo kale waxaa la filayaa in xabad joojin rasmi ah ay kala dhex dhigaan beelaha haatan ku dagaalamaya deegaankaasi. Wasiirka dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Galmudug Saalax Maxamed oo wareysi siiyay Shabelle ayaa ka warbixiyay dadaallada nabadeed ee ay wadaan. Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/cod-mahad-.mp3 View the full article
-
Leaders in Somalia are questioning the recent abandonment of a military base in the country by Kenya Defence Forces (KDF) soldiers, saying the move will expose the country to Al-Shabaab threats. The leaders say Kenyan troops started withdrawing from Somalia after moving out of Busar, KDF’s command center in the northern sector of Jubaland, a town that was liberated in the first 100 days of their entry into Somalia. On Tuesday morning, a contingent of troops made the final withdrawal from Busar. “Our people spotted the troops heading towards the Somali border. They destroyed their military base before leaving,” a senior politician from Gedo, who requested not to be named for fear of reprisals by both KDF and Somali security forces, told the Nation. Busar is in Gedo region, where KDF recorded their greatest loss in history during the El Adde attack, in which about 200 soldiers died. Aw Hirsi, the Minister for Planning and International Cooperation in Jubaland, told the Nation that the withdrawal had left the people uncertain as to whether the departure of the Kenyans could secure the region lasting peace and tranquillity, or whether it could further land their weary souls into the hands of Al-Shabaab militants. The KDF operated bases in Bardera, Busar and El Adde, all of which it has since abandoned. It also had forward operating bases FOBs in Taraka and Fafadun, from which it also withdrew. The Kenyan troops withdrew from Bardera in September 2017, and it fell back into the hands of Al-Shabaab. The departure came just five days after it abandoned its base in Bardera. On Tuesday, Department of Defence Spokesperson Bogita Ongeri and KDF spokesperson Paul Njoroge declined to respond to the Nation’s queries on what necessitated the movement of KDF troops towards the border. A senior official in the Department of Defence, who cannot be named because he is not authorized to speak to the press, said that the move is classified and that they are awaiting a brief from the military intelligence before making any public statements. The withdrawal comes after top Amisom commanders met in Mogadishu on February 16 and agreed on how to execute the mission’s new Concept of Operations (Conops), a document that provides a framework for implementing the AU troops’ gradual transition and final exit from Somalia. The meeting was attended by Lieut-Gen Tigabu Yilma Wondimhunegn, the Amisom Force Commander, and his deputy Maj-Gen Charles Tai Gituai, a Kenyan in charge of Amisom’s operations and plans. According to Mr Simon Mulongo, the Deputy Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission, the Somalia Transition Plan will include the phased and conditions-based troops’ withdrawal and handing over of priority locations in Mogadishu to the Somali Security Forces, the degrading of Al-Shabaab, and supporting the Somali National Security Forces to take full charge of the country’s national security. Hirsi blamed the Somali government for not being keen on following the Conops strategy. Experts in military and diplomatic circles advanced various reasons for the withdrawal of the troops from Gedo. The first, they said, was logistical since it had become impossible to move troops and supplies in the vast area due to dwindling funding for Amisom operations. “The decision for the drawdown in terms of Amisom troop numbers was supposed to be in 2017, but the Somali government has been asking for extensions due to fears that it might not be able to hold back the militants. The funding for the operations has also been dwindling,” Mr Edward Wanyonyi, a graduate of war studies from King’s College, London, said. The second reason the experts advanced was political, and they cited the recent diplomatic spat between Kenya and Somalia over their maritime border and the oil blocks in the disputed area. “By Kenya withdrawing from their positions, Al Shabaab could fill up the void and in turn upset Somalia as a way of getting back at them,” said Mr John Kariuki, a geopolitics expert. View the full article
-
Kooxaha kubadda cagta Jeenyo iyo Gaadiidka wada dheelindoon kulan ka tirsan hoyaalka Somalia Premier League fasal ciyaareedka 2018-2019. L.L.P Jeenyo kulankii u danbeeyay horyaalka Somalia Premier League waxa ay guul daro 2-0 kasoo gaartay kooxda ciidan booliska Soomaaliyeed ee Heegan kulan labada dhinac aya wada dheeleyn 12/03/2019. Xidigaha Gaadiidka ciyaartii u danbeesay horyaalka iyagana waxa ay guul daro 2-1 kala kulmeyn kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club wuxuuna kulankaas dhacay 13/03/2019 Halkan Ka Aqriso Is Aragii U Danbeeyay Labada Koox 06/02/2018 Gaadiidka FC 0:1 Jeenyo FC 07/04/2018 Jeenyo FC 3:2 Gaadiidka FC 20/03/2017 Jeenyo FC 1:1 Gaadiidka FC 20/11/2016 Gaadiidka FC 2:2 Jeenyo FC 15/01/2016 Jeenyo FC 1:1 Gaadiidka FC 23/03/2016 Gaadiidka FC 1:2 Jeenyo FC 29/03/2015 Gaadiidka FC 4:2 Jeenyo FC 30/12/2014 Jeenyo FC 4:2 Gaadiidka FC Ogeysiiska Kulanka Tartanka-Horyaalka Somali Premier League Kooxaha-L.L.P Jeenyo VS Gaadiidka Tariikhda-20-03-2019 Maalinta-Arbaco Saacada:-3:30pm Garoonka-Banaadir Stadium Source: goobjoog.com
-
Maxkamad Hargeysa Ku Taala Oo Nin Ku Xukuntay In Dhagax Lagu Dilo, Haweenay Curyaan Ahna Boqol Jeedal Oo Garaacis Ah Iyo Sharciye Yaqaano Ka Falceliyay. Maxkamad Hargeysa kutaala ayaa xukun layaableh soo saartay kaasi oo nin ku xukuntay in dhagax lagu dilo, haweenay Curyaan ahna ku xukuntay Boqol jeedal oo Karbaashid ah, arintaasi oo aad uga yaqaabisay Garyaqaano caan ah oo aad u daadafeeyay Xukunkaasi, iyadoo aan baryahan looga baran Maxkamaddaha Dalka Somaliland Xukuno noocan oo kale ah. Garyaqaan Guuleed Dafac Oo ka mid ah Looyaradda aadka looga yaqaan Dalka Somaliland islamarkaana ah xubin firfircoon oo u ololeeya arimaha Xuquuqul Iinsaanka ayaa ka hadlay arintan. Qoraal uu arintani kaga hadlay oo uu soo dhigay Bartiisa Facebookga ayaa waxa uu ku yidhi sidan “Garsoore ka tirsan Maxkamadda Degmada oo aan dacwad ciqaabi hor ool, eed xeer-ilaalin soo gudbisay hayn, dhegaysi dacwad ciqaab ah qaadin ayaa magaalada Hargeysa ku xukumay nin in dhagax lagu dilo, gabadh kufsi ka cabanaysayna in 100 jeedal lagu dhufto. Garsooruhu isagaa isku xeer-ilaaliye iyo garsoore ba noqday. Mana uu eegin in maxkamadiisu awood u leedahay iyo in kale in qof dil lagu xukumo. Umana daynin hay’adaha sharci baadhista, iyo xeer-ilaalintu inay shaqadooda qabsadaan oo ogaadaan wixii dhacay iyo in gabadha curyaanta ah ee soo cabatay ay dulman tahay iyo in kale. Maragna muu qaadin”. Gabadh curyaan ah ayaa sheegtay in nin kufsaday. Baadhistii dacwadda ayaa adkaaatay. Ninkii wuxuu ku dooday inaanu arag oo aan waxba dhex marin noocay doontee ha noqotee. Inantii uur ayay qaaday. Qareenkeedii waxaay ka codsatay maxkamadda degmada inay qaado DNA da ilmaha si loo oogaado cidda dhashay. Waxaay rabtay inay caddaynta u gudbiso xeer-ilaalinta si ay u yeesho ama u diido (mar haday iyadu awoodda sharci ee caynkaas ah leedahay). Garsoorihi DNA qudha qaaday xukun ayuu ku xejiyay isaga oo aan dacwad ba qaadin, xeer ilaalina sugin, baadhisna aan arag. Awood sharcina u lahayn. Inantii curyaanta ahayd ee sugaysay in hay’adaha baadhistu go’aan gaadhaan, waxa lagu yidhi 100 jeedal ayaa ku sugaya. Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha dalka Kazakhstan Nursultan Nazarbayev, ninka keliya ee dalkaasi ka talinayay tan iyo intii uu ka baxay burburkii Midowgii Soviet horraantii 1990-meeyadii, ayaa iscasilay. Khudbad uu jeediyay, ayuu ku sheegay in go`aanku “uusan fududeyn” balse uu doonayo inuu caawiyo “Hoggaamiyeyaasha jiilka cusub”. Mr Nazarbayev, oo 78 jir ah, ayaan caqabado badan la kulmin tan iyo intii uu qabtay xukunka dalkaas saliidda qaniga ku ah, sanadkii 1989. Mr Nazarbayev ayaa sheegay in guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka dalkaas, Kassym-Jomart Tokayev, uu sii heyn doono xilka madxatinnimada inta muddadiisa uga hartay ilaa bisha April, sanadka 2020. Waxay dad badan ka filayeen inuu mar kale isku soo taago xilka madxatinnimada. Iscasilaaddiisa ayaa imaaneysa toddobaadyo uun kaddib markii uu riday dowladda, isagoo sheegay inay ku guul-darreysatay horumarinta dhaqaalaha. Mr Nazarbayev wuxuu ahaa madaxweynaha keliya ee ay Kazakhstan yeelatay. Dad badan ayaa u haystay inuu weligii xilka hayn doono. Waa kuma Nazarbayev? Wuxuu dhashay sanadkii 1940, Mr Nazarbayev wuxuu markii hore noqday xoghayaha Xisbigii Hantiwadaagga Kazakhstan sanadkii 1989 markii dalkaasi uu ka tirsanaa Midowgii Soviet. Kaddib markii uu Kazakhstan xornimada qaatay, wuxuu soo noqday madaxweynihii dalkaasi, sanadihii 1999, 2005, 2011 iyo – kii ugu dambeeyay – sanadkii 2015. Muddadii dheereyd ee uu xilka hayay Mr Nazarbayev wuxuu xoogga saaray isbeddelka dhaqaalaha. Dalal badan ayaa ku eedeeyay musuqmaasuq iyo tacaddiyo baahsan oo xuquuqda aadanaha ah. Hase yeeshee, taageerayaashiisa ayaa abaal uga haya xasiloonida iyo nabadda uu dalkaasi ku soo dabbaalay, iyo horumarka dhaqaale ee uu dalkiisa gaarsiyay. Kazakhstan waxay baaxad ahaan la ektahay Galbeedka Yurub, waxayna leedahay kheyraad macdan oo badan. Tan iyo intii uu dalkaasi xornimada qaatay burburkii midowgii Soviet, sanadkii 1991-dii, maalgashi badan oo dhanka saliidda ah ayaa sababay inuu dalkaasi koboc badan sameeyo. Waxaa Kazakhstan ku nool qowmiyado kala duwan. Qowmiyadda Kazakhs ayaa ugu badan qowmiyadaha dega dalkaas, waxaana soo raaca dad Ruushka ka soo jeeda, iyo qowmiyado kale oo laga tiro badan yahay. Diinta ay dadka ugu badan haystaanna waa Islaamka. Source
-
Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamadii ugu badnaa meletariga Soomaaliya ayaa isaga baxay saldhigyo ku yaala gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana ciidamada la sheegay inay iskugu yimaadeen degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa gaaray degmada Balcad, waxaana saaka dhaqdhaqaaqooda laga dareemayaa degmada iyo naxaaxigeeda, sida dadka deegaanka ay sheegeen. Ciidamada ugu badan ayaa isaga soo baxay saldhigyo ay ku lahaayeen deegaanada Qalimow iyo deegaanka Garsaale oo ku yaala inta u dhaxeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar. Deegaanada qaar oo ciidamada ay kasoo baxeen ayaa wararka aan ka heleyno waxay sheegayaan in ciidamo kale oo meletariga dowladda ka tirsan iyo ciidamada AMISOM ay ku sugan yihiin. Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamadii ugu badnaa ay isaga soo baxeen deegaano ka tirsan degmooyinka Mahadaay iyo Jowhar, waxaana ay ku sugan yihiin degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Saraakiisha qaar ee hogaaminaya ciidamada ayaa sheegay inay heysato mushaar la’aan islamarkaana ay ku wajahan yihiin magaalada Muqdisho, si ay u muujiyaan gadoodkooda, maadaama ciidamada ay yihiin kuwo diiwaan gashan. Ciidamada isaga baxay saldhigyo badan oo gobolada Shabeelooyinka ka tirsan ayaa horey kaga cabanayay inay heysato mushaar la’aan, waxaana dowladda ay horey u shaacisay inaysan jirin ciidamo diiwaan gashan oo waayay mushaaraadkooda. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa habeen hore sheegay in Ciidamada ka cabanaya mushaar la’aanta ee isaga baxaya saldhigyada aysan u diiwaangashaneyn dowladda Soomaaliya, waxaana uu amar ku bixiyay in la diiwaangeliyo. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
-
The United States military said Tuesday its special forces conducted an airstrike against al-Shabab terrorists in southern Somalia on Monday, killing three terrorists. The U.S. Africa Command (Africom) which oversees American troops on the African continent said the latest strike was conducted in cooperation with Somali government in the vicinity of Awdheegle, Lower Shabelle region. “This airstrike is one element of a larger strategy to support the Somali National Army as it increases pressure on the terrorist network and its recruiting efforts in the region,” Africom said in a statement. The U.S. army also said it was aware of reports alleging civilian casualties resulting from this airstrike, promising to investigate any information on civilian casualties. “As with any allegation of civilian casualties we receive, U.S. Africa Command will review any information it has about the incident, including any relevant information provided by third parties,” it said. The Monday airstrike is the latest in a series of similar missions by the U.S. forces in Somalia in collaboration with Somali and African Union forces in the Horn of Africa country. The strikes have largely targeted al-Shabab figureheads and based in southern Somalia where the group still maintains a strong grip in some regions. View the full article
-
Wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay mowqifkeeda ku aaddan doorashooyinka Galmudug. Cabdi Maxamed Sabriye, wasiirka wasaaraddan oo la hadlay Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in doorashadaasi ku dhici doonto waqtigii loogu talagalay ee ah bisha July ee sanadkan. Wuxuu wasiirka sheegay wixii intaa ka horreeya ay ku dedaalayaan sidii loo heshiin lahaa, islamarkaana iyadoo meel laga soo wadajeedo ay doorashada dhici doonto. Wasiir Sabriye ayaa dhanka kale sheegay in DFS aanay wax farogelin ah ku sameyn doonin arrimaha doorashooyinka, balse ku dedaali doonaan sidii ay doorashada waqtigeeda ugu dhici lahayd. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) iyo madax xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa dhowaan Dhuusamareeb ka sheegay in waqtigooda ku egyahay sanadka 2021. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hay’adda Amnesty International ayaa saaka Magaalooyinka Nairobi, London iyo New York ku soo bandhigeysa warbixin ay ka soo ururisay Gobolka Shabeelaha Hoose ee Soomaaliya. Warbixintan oo ururinteeda ay qaadatay ku dhowaad 8 bilood (April – December 2018) ayaa ka hadleysa duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo gobolkaasi, kuwaasoo qaarkood dadka rayidka lagu dilo, laguna dhaawaco. Warbixinta oo cinwaan looga dhigay Dagaalka Qarsoon ee uu Maraykanka ka wado Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixinaysa sida 14 qof oo rayid ah ay ugu dhinteen, siddeed kalena ay ugu dhaawacmeen shan duqeyn oo ka mid ah duqeymaha boqolka ka badan ee Soomaaliya ka dhacay labadii sano ee la soo dhaafay. Shantan duqeyn ayaa waxaa fuliyay diyaarada bilaa duuliyaha ah ee loo yaqaan Reaper iyo kuwa dagaalka, waxaana ay ka dhaceen gobolka Shabeellaha hoose ee uu inta badan ka taliyo ururka Al-Shabaab isla markaana ku dhaw caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Weerarrada ayaa u muuqda kuwa ku xadgudbay sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada, qaarkoodna ayba noqon karaan dembiyo dagaal. Markii ay Amnesty International u soo bandhigtay caddeymaha ay hayso, ayaa Taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) waxa uu ku celiyay inkiraadiisa ah in wax rayid ah aanay ku dhiman hawgalladiisa Soomaaliya. “Tirada dhimashada dadka rayidka ah ee aan ogaanay inay sababeen weerarro fara kutiris ah ayaa muujinaysa in sirta ku xeeran dowrka Maraykanka ee dagaalka Soomaaliya ay dhab ahaantii tahay boor isku qarin uu kaga gabanayo isla xisaabtan,” ayuu yiri Brian Castner oo ah lataliye sare oo Amnesty International u qaabilsan Hubka iyo Hawlgallada Milateri. “Waxyaabaha aan ogaanay ayaa si toos ah u khilaafsan sheegashada milateriga Maraykanka ee ah inaanay cid rayid ah ku dilin Soomaaliya. Sheegashadaasi ayaa u muuqata mid khiyaali ah marka aad eegto in Maraykanka uu saddex laab kordhiyay duqeymaha uu dalkaasi ka fuliyo tan iyo 2016, kuwaasoo ka batay wadarta duqeymaha uu ka fuliyo Liibiya iyo Yaman.” Cilmi-baarayaasha Amnesty International ee warbixintan diyaariyay ayaa u safray Soomaaliya, waxaana ay waraysi la yeesheen in ka badan 150 goobjoogayaal ah, qaraabada dadkii waxyeelloobay, dad ka barakacay dagaalka iyo khubaro ay ka mid yihiin kuwa milateriga Maraykanka, waxaana ay si weyn u darseen caddeymaha ay heleen oo ay ka mid yihiin muuqaallo dayax gacmeedka lagu qaaday, haraadiga rasaasta iyo sawirro laga qaaday goobaha ay duqeymaha ka dhaceen. Goob colaadi ka taagantahay! Tirada duqeymaha Maraykanka uu ka fuliyo Soomaaliya ayaa aad sare ugu kacday kadib 30-kii Maarso 2017, markaas oo uu madaxweyne Trump saxiixay amar madaxweyne oo u aqoonsaday qaybo ka tirsan Koonfurta Soomaaliya “goob colaaddi ka taagan tahay”. Ciidamada Maraykanka ayaa 34 duqeyn ka fuliyay Soomaaliya sagaalkii bilood ee ugu dambeeyay 2017, tiradaasi oo ka badan guud ahaan duqeymaha uu dalkaasi ka geystay shantii sano ee u dhexeysay 2012 ilaa 2016. Weerarrada ayaa sii kordhay 2018 waxaana ay gaareen 47 duqeyn, halka labadii bilood ee sanadkan 2019 ugu horreeyay ay dhaceen 24 duqeyn. Sida uu Amnesty International u sheegay Sarreeye Guuto hawlgab ka noqday ciidamada Maraykanka, waxaa yaraaday culayska ay milateriga Maraykanka ku xaqiijinayeen in dadka rayidka ah aanay ku dhiman duqeymaha cirka. Waxaa kale oo walaac leh in jananka uu rumaysan yahay in amarka madaxweynaha uu ballaariyay noocyada dadka lagu bartilmaameedsan karo duqeymaha oo uu ku daray dhammaan ragga qaangaarka ah ee ku nool deegaannada laga taageersan yahay Al-Shabaab isla markaana loo arko inay u dhaw yihiin dagaalyahannada. Awoodda beegsi ee noocaasi ah ayaa meel ka dhac ku noqon karta sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada, waxaana ay horseedi kartaa in si sharci darro ah lagu laayo dadka rayidka ah. Tuusaale ahaan, duqeyn ka dhacday tuuladda Faarax Wacays ayaa AFRICOM waxa ay ku sheegtay in “dhammaan dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay ay ahaayeen xubnaha ama dad taabacsan Al-Shabaab,” halka Amnesty International ay diiwaangelisay in laba nin oo rayid ah ay halkaa ku dhinteen, shan dumar iyo carruur ahna ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale waxaa jiray khasaaro soo gaaray Al-Shabaab. Caddeymo xooggan oo muujinaya khasaaraha soo gaara dadka rayidka ah Amnesty International ayaa ogaatay caddeymo xooggan oo muujinaya in shan duqeyn oo uu geystay Maraykanka ay dileen 14 qof oo rayid ah isla markaana ay dhaawaceen siddeed kale, waxaana weerarradaasi ay noqon karaan kuwo xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada, qaarkoodna ay suuragal tahay inay u dhigmaan dembiyo dagaal. Warar kale oo sheegaya in dad rayid ah ay ku waxyeeloobeen duqeymo kale ayaan si buuxda loo xaqiijin si loogu daro warbixintan. Mid ka mid ah duqeymaha milateriga Maraykanka uu fuliyay ayaa saddex nin oo ka mid ah beeraleyda maxalliga ah ku dishay beer u dhaw deegaanka Daarusalaam saacadihii hore ee 12-kii Noofeembar 2017. Waxa ay ku nasanayeen meel bannaan ah kadib markii ay saacado badan oo habeenkii ah qodayeen kanaal beereed. Abaare 3-dii saqda dhexe ayaa digniin la’aan waxaa goobta ka dhacay duqeyn. Qaraxa ayaa ku qasbay beeraleyda kale inay gabbaad raadsaday, halka uu hurdada ka kaciyay dadka ku nool laba tuulo oo goobta u dhawaa. Dadka deegaanka ee ugu hor arkay meydka raggaasi ayaa qeexay dhaawacyada argagaxa leh ee ka muuqday jirkooda. Amnesty International ayaa markii dambe daristay sawirro caddeyn ah oo laga soo qaaday meydadka, waxaana ka muuqday waxa ay sheegeen dadkii goobjooga ahaa. Laba ka mid ah raggaasi ayaa jirkoodu si xun u go go’ay. Ninka hore waxa uu firir weyn ka galay wejiga, waxaana uu burburiyay lafta wejiga. Gacmihiisa gadaal ayay u go’een, waxaana uu harag yar ku hayay jirkiisa. Wejiga, dhuunta iyo xabadka ninka labaad ayaa waxaa duleeliyay dhowr firir. Ninka saddexaadna waxa uu dhaawac weyn kaga yaallay dhinaca, duleel yarna waxa uu ka muuqday madaxiisa, meel ka yara sarraysa isha midig. Beeraley ka soo jeeda deegaanka Daarusalaam ayaa u sheegay Amnesty International in “Guuxa diyaaradda uu ka xoogganaa sidii hore habeenkaasi uu weerarka dhacayay. Todobaadyadii hore, way iman jirtay, kadibna laaban jirtay, habeenkaase ma aanay tegin. Meesha uun bay dul wareegaysay. Marka ay dhacday jugta qaraxa, waxkasta way joogsadeen….Aad ayaan u cabsaday. Ma waardiyeyn karin beerta. Waxaan galay oo isku qariyay geed hoostii…Ma aanay fileyn saddexda nin ee dhalinyarada ah inay dili doonto diyaarad, anaguna ma aanan fileyn in caalamka uu ka aamusi doono dhacdadaasi.” Kiisaska kale ee ay baartay Amnesty International ayaa qaar ka mid ah dadka deegaanka waxa ay u aqoonsadeen shakhsiyaadka ku waxyeeloobay weerarrada kuwo rayid ah oo aan ahayn dagaalyahannada Al-Shabaab. Sawirrada laga soo qaaday saddexda beeraley ee ku dhintay duqeynta iyo meesha ay meydadkooda yaaleen ayaa u fududeeyay Kooxda Xaqiijinta Dijitaalka ee Amnesty International inay helaan goobta ay ka dhacday duqeynta. Waxa ay sidoo kale bixiyeen tilmaamo muhiim ah, sida godka uu qoday qaraxa tanka weyn iyo weliba firirka gantaalka oo si aan muran ku jirin ahaa nooca GBU-69/B Small Glide Munition. Hubka noocaasi ah waxaa ridi kara oo keliya diyaaradaha AC-130 ee ciidamada cirka ee Maraykanka, waana mid inta badan hawada looga taageero ciidamada lugta ee aan ahayn mid u gaar ah duqeynta cirka. Diyaaradda noocaasi ah oo aan Soomaaliya lagu arag muddo toban sano ka badan, ayaa isticmaalkeeda waxa uu sii ballaarinayaa colaadda. Taliska AFRICOM ma aanu shaacin adeegsiga diyaaradaha AC-130, balse waxa uu xaqiijiyay in diyaaraddaasi ay duqeyn ka fulisay gobolka Shabeellaha hoose qiyaastii 3-dii saqda dhexe taariikhdu marka ay ahayd 12-kii Noofeembar 2017, waxaana uu taliska sheegay inay dishay mintidiin “dhowr” ah. Duqeyn kale ayaa waxaa ku dhintay shan qof oo rayid ah oo ay ka mid yihiin laba carruur ah, kadib markii gaari ay Al-Shabaab wateen uu qarxay xilli uu marayay tuulada Illimey 6-dii Disembar 2017. Muuqaallo lagu qaaday dayax gacmeedka ayaa muujinaya in ilaa 10 dhismo ay qeyb ahaan ku burbureen qaraxa iyo dabka uu dhaliyay. Qof saaxiib la ahaa mid ka mid ah dadka ku dhintay halkaasi ayaa jugta qaraxa ka maqlay tuulada Farsooley oo 14 kilo mitir u jirta Illimey: “Waxa uu ahaa qarax weyn…Shan daqiiqo gudahood waxaa ii muuqday qiiq madow oo meesha ka kacay. Waxaan isu sheegnay in wax xun ay meeshaasi ka dhaceen. Waxaan u orday goobta uu qaraxa ka dhacay …[gaarigana] waxa uu ahaa mid gebi ahaanba burburay. Tuulada oo dhan way gubatay. Dhammaan geedaha meesha ka agdhawaa iyaguna way gubteen. God weyn ayaa ka qodmay meesha uu gantaalka ku haleelay gaariga.” Inkastoo taliska AFRICOM uu si adag u beeniyay inuu weerar ka fuliyay Illimey, ayaa haddana waxaa jirta caddeyn xooggan uu muujinaysa in duqeyn ay halkaa ka dhacday, iyo in ay suuragal tahay in xooggaga ammaanka ee Maraykanka ay ku lug lahaayeen. Warbaahinta iyo dhowr goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa uu dhacay markii hawada rasaas looga soo riday gaariga. Goobjoogayaal ayaa xusuusta in ay arkeen ama maqleen diyaarad ka hor ama kadib marka uu weerarka dhacay, Amnesty International-na waxa ay dib u eegis ku samaysay muuqaallo uu duubay dayax gacmeedka oo tilmaamaya in duqeyn ay sababtay qaraxa. Suuragalnimada in tirada dhimashada ay intaa ka badantahay Waxaa la ogyahay in ciidamada Maraykanka ay Soomaaliya ka fuliyeen 76 duqeymo dheeraad ah mudada ay Amnesty International baaritaanka waday, iyo weliba 24 duqeyn labadii bilood ee ugu horreeyay sanadkan 2019, marka waxaa suuragal ah inay intaa aad uga badan tahay tirada dhimashada ee dadka rayidka ah. Soomaalida ay saameeyeen duqeymaha Maraykanka ayaan helin fursad cadaallad lagu siinayo. Waxaaba aad u adag in xitaa uu qof sheego in qaraabadiisa ama xubnaha beeshiisa ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen duqeymaha marka la eego goobaha ay ka dhacaan weerarradaasi iyo khatarta ammaan ee ku xeeran. “Dowladda Maraykanka waa inay xaqiijiso baaritaan ku aaddan dhammaan eedeymaha lagu kalsoonaan karo ee sheegaya in dad rayid ah ay ku dhinteen weerarradeeda, iyadoo lala xisaabtamayo kuwa masuulka ka ah tacaddiyadaasi, isla markaana magdhaw la siinayo dhibannayaasha,” ayay tiri Ella Knight oo ah cilmi-baare Amnesty International u qaabilsan Milateriga, Ammaanka iyo Booliska. “Dowladaha Maraykanka iyo Soomaaliya waxaa looga baahan yahay inay soo afjaraan hufnaan la’aanta, isla markaana ay waxbadan ka qabtaan si loogu fududeeyo bulshada ay duqeymaha saameeyeen inay ka warbixiyaan khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah, haddii ay taa dhici weydana waxaa adkaanaysa in la helo cadaalad.” ayay intaa ku dartay Ella. WQ: Cabdalle Axmed Mu’min The post Dagaalka Qarsoon ee Maraykanku ka wado Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Muqdisho)-Hey’adda xuquuqda aadanah u dooddo ee Amnesty International ayaa sheegtay in tirada duqeynmaha dhinaca cirka ah ee uu Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya ay aad u korortay. Warbixin ay maanta oo Arbaca ah soo saartay Amnesty oo aan kasoo xigannay wakaaladda wararka AFP ayaa lagu sheegay in weeraradani oo loo adeegsado madaafiic xoog leh ay ku dhinteen dad rayid ah. Amnesty waxay sheegtay in labadi sano ee lasoo dhaafay ay diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ay Soomaaliya ka geysteen in ka badan 100 weerar oo cirka ah. Tiradan ayaa ka badan bay tiri hey’addani duqeymaha uu Mareykanka ka fuliyay dalalka Yemen iyo Libya labadi sano ee lasoo dhaafay. Warbixinta ayaa sheegaysa in baariitaanno lagu sameeyay kaliyah shank a mid ah weeraradaasi lagu ogaaday in dadka lagu dilay ay ka mid ahaayeen 14 ruux oo rayid ah. Tani ayaa dhalisay cabsi laga qabo in ay dhici karto in tiro badan oo dad rayid ah ay ku dhintaan weerarada cirka ah ee diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ka fuliyaan Soomaaliya. Millatariga Mareykanka ayaa ku adkeystay in weerarada ay ka fuliyaan Soomaaliya aysan khasaaro kasoo gaarin rayidka. Duqeymaha dhinaca cirka ah ee uu Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya ayaa bartilmaameedkoodu yahay kooxda Al Shabab ee xiriirka la leh ururka Al Qacida. Source
-
Taliska ciidanka Maraykanka ee AFRICOM ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay warbixin dhowaan ay soo saartay hay’adda Amnesty International, taasi oo ay ku sheegtay in duqeymaha Maraykanka ka fuliyey Soomaaliya lagu laayay dad shacab ah. AFRICOM ayaa sheegay in ay sameeyaan qiimeyn gaar ah marka ay duqeynta fuliyaan, iyaga oo adeegsanaya hab sirdoon ah, kuna ogaanayaan haddii ay jirto waxyeello soo gaartay dadka shacabka ah. “Qiimeynteenna waxaan ku ogaannay in duqeymaha AFRICOM ka fuliso Soomaaliya aanay waxyeello kasoo gaarin dadka shacabka ah, qiimeynteennu waa baaris kadib aan sameynno markii ay duqeyn dhacdo, waa hab sirdoon oo aanay ogaan karin hay’adaha aan milatariga ahayn” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay AFRICOM. Amnesty ayaa sheegtay in 14 qof oo shacab ah ay ku dhinteen 5 duqeyn oo diyaaradaha Maraykanka ka geysteen Soomaaliya, taasi oo ka dhigan in ay intaasi ka badan tahay shacabka waxyeellada kasoo gaarto duqeymaha Maraykanka iney aad u badan yihiin. Dowladda Maraykanka ayaa Soomaaliya ka caawisa howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana dalka ay ka geystaan diyaaradahooda duqeymo la sheegay in Al-shabaab lala eeganayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com