-
Content Count
207,702 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Balcad (Caasimada Online) – Xiisad horseedi karta khasaare nafaeed oo xooggan ayaa caawa ka dhacday degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ciidamo hareeyeen xubno ka mid ah wafdigii Muqdisho. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in qaar ka mid ah ciidamada milateriga Soomaaliya ee maanta ka soo baxay furimaha dagaalka ay caawa fiidkii isku hareereeyeen gaari uu saarnaa Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq John oo ka mid ahaa wafdigii Wssiirada iyo Saraakiisha maanta gaaray Balcad. Ciidamadan oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka ayaa sheegay inuusan Taliye Saadaq ka tagi doonin degmada Balcad, illaa la siiyo Qoryo lagala wareegay xilligii howlgalkii Xasilinta Muqdisho. Illaa iyo hadda wax faah-faahin ah lagama hayo qaabka iyo hubka uu Saadaq John kala wareegay ciidamadan, hase yeeshee ciidamadii hubka laga dhigay xilligii howl-galka xasilinta ayaa u badnaa kuwa ku beel ah ciidanka maanta gadooday. Xiisaddii caawa dhacday ayaa waxaa xaliyey wasiirka Amniga Islow Ducaale oo xaalada soo farageliyay, kana dalbaday Taliyaha Ciidamada inay xaalada dejiyaan, wixii qori ee ka maqan uu isaga bixinayo. Ducaale ayaa sidoo kale ku beel ah ciidankan. Ciidamada kasoo baxay gobollada Shabeellooyinka ayaa kasoo jeeda beelaha dega Muqdisho, waxaana sababta mushaharka loogu diiday qeyb ka ah qorshe la doonayo in gebi ahaan lagu baab’iyo, kaasi oo madaxda dowladda ay dejiyeen. Halkan ka aqriso xogtaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___Qubanaha-20032019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gadoodka la xiriira mushahar la’aanta ee ay sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee labada Shabeelle, ayaa lugaha la gashay arrimo siyaasadeed oo hoggaanka sare ee dowladda ay ka dambeeyaan, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Dad badan ayaa is weydinaya sababta Illaa iyo hadda ciidamada ka cabanaya mushahar la’aanta dowladda ay yihiin kaliya ciidamada ku sugan Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, oo ciidamada kale ee gobollada kale ee dalka ama xitaa kuwa Muqdisho aysan dhibkan u qaban. Sababta ayaa ah, hoggaanka kooxda Nabad iyo Nolol ayaa waxaa u qorsheysan inay kala diraan ciidamada fadhigoodu yahay Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose oo u badan beelaha dega magaalada Muqdisho, taasoo ay ugu wacan tahay inay u arkaan halis muuqata iyo inaan la xukumi karin. Ciidamadan inay ku tuhmeen qabiilo gaara, ka sokow waxay halis ku yihiin qorshaha dib u doorashada kooxda Nabad iyo Nolol oo dhowr jeer sanadihii 2017 iyo 2018 lagu cabsi geliyey ciidamadan si beelnimo ah u taageeraya ama u difaacaya siyaasiyiin ay isku beel yihiin oo loolan kula jiray Madaxweyne Farmaajo. Saraakiisha sare iyo kuwa dhexe ee hoggaamisa guutooyinka degan labada gobol ee Shabeellooyinka waa kuwo aan daacad u hayn madaxda hadda jirta ama lagu tuhunsan yahay inay muddo jeer xilalka iska heysteen ciidamada ay hoggaamiyaanna ay iyagu leeyihiin, taasoo xilligan loo arkay kan ugu haboon ee meesha looga saari karo. Qalalaasaha ka taagan ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Shabeellooyinka waa mid aan ka marneyn siyaasad iyo rabitaan dano gaara oo la isku hayo, waxaana qorshahan oo ah mid culus oo u muuqan kara dagaal qabiilo gaara lagu hayo, ka gaabsaday madaxweyne Farmaajo, iyadoo la soo hor mariyey Ra’iisal wasaare Kheyre oo beel ahaan loo xijinayo ciidamadan. Waxaa sidoo kale, caddeyn kale ay noqotay markii maanta uu madaxweyne Farmaajo, ciidamada gadooday ee Shabeellaha dhexe u diray Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka warfaafinta Daahir Geelle iyo Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Jen. Odawaa Raage, oo saddexduba ah Abgaal, inkasta oo ciidanka loo diray ay yihiin ciidan qaran. Dib u habeynta ciidamada ee la siyaasadeeyay iyo talisyada iyo ciidmadooda ku qaan gaaray khaladaadka soo jireenka ah, ayna adag tahay in loo bedelo ciidamo sax ah, waxay qolo waliba ka dhigeen mid xaq ku taagan, waxaana xalinta qalalaasahan uu noqon doonaa mid ku xiran mustaqbalka siyaasadeed ee kooxda Farmaajo 2021. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay siddii loo xoojin lahaa howlaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana labada aqal baarlamaanka ay ka hadleen howlaha horyaalla iyo siddii ay gacan u siin lahaayeen hay’adaha ka shaqeeya baarlamaanka iyo wadamada taageera. Guddoonada labada aqal iyo guddiga dib u eegista iyo la socodka iyo hirgelinta dastuurka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dheeraaday shuruucda , muhiimada baarlamaanka uu leeyahay iyo dib u eegista dastuurka KMG halka uu marayo ee gabogabada ah. Madaxda hay’adaha ka shaqeeya baarlamaanka iyo Safiirada wadamada Switzerland iyo Norway ayaa dhankooda sheegay in gacan ay ka siin doonaan baarlamaanka federaalka Soomaaliya siddii waajibaadkooda ay u gudan lahaayeen. Gabogabada kulan ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiye ku-xiggeenka Laad golaha aqalka sare BFS Sen. Mowliid Xuseen Guhaad, waxa uuna sheegay in kulankan aqalka sare uu muhiin u yahay, maadaama uu yahay aqal cusub. Guddoomiyaha golaha Shacabka BFS Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa u mahad celiyay hay’adaha ka shaqeeya baarlamaanka iyo Safiirada wadamada Switzerland iyo Norway sida ay ula shaqeeyaan baarlamaanka. Kulanka ayaa waxaa ku sugnaa guddoonada labada aqal baarlamaanka , guddiga dib u eegista, la socodka iyo hirgelinta dastuurka baarlamaanka Soomaaliya iyo Masuuliyiin ka socday UNSOM, UNDP, Switserland iyo Norwey. View the full article
-
Wejiga saddexaad ee mashruuca “Waxbarashadu waa iftiin” oo ay ku baxayso lacag dhan $7.2 malyan oo Euro, ayaa maanta laga daah-furay magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland. Mashruuca oo lagu horumarinayo Waxbarashada degaannada Puntland, ayaa waxaa doorkan Puntland ka taageeray hay’adaha Care International iyo Save the Children oo bah-wadaag la’ ah wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland. Daah-furka mashuurcani, waxaa ka soo qeyb galay madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahgi maxamed, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Mr. Pencho Garndo Ruiz, Wasiirka Wasaaradda Waxbarasha iyo Tacliinta sare Cabdullaahi Maxamed Xasan, mas’uuliyiinta Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare, xubno ka tirsan goleyaasha dowladda Puntland, hay’addaha shaqo wadaagta la’ ah wasaaradda, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo marti sharaf kale. Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Puntland, Maxamed Cali Faarax oo ugu horrayn munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in mashruucan uu soo bilowday sannadkii 2012, islamarkaana uu yahay mashruucii ugu faa’ida badnaa degaannada Puntland ee dhanka waxbarashada, maadaama sida uu sheegay laga dhisay ilaa 8 xarumood oo waxbarashada loogu adeego. Sidoo kale wuxuu sheegay in wejiga saddexaad ee mashruucan oo maanta la daah-furay looga faa’idayn doono degmooyinka Puntland ee uusan horay u gaarin mashruuca. Wasiirka Waxbarashada dowladda Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xassan, ayaa isna munaasabadda ka sheegay in wejiga saddexaad ee mashruucan “Waxbarashadu waa iftiin” ee maanta la daah-furay loo qorsheeyay in uu dhiso 84 fasal oo cusub, islamarkaana tababaro in ka badan 200 oo maccallin, halka deeq waxbarasho oo gudaha dalka ah la siin doono 670 arday. Dhammaan mas’uuliyiintii ka hadlay munaasabadda daah-furka mashruuca ayaa bogaadiyay, waxaana ay raja’wanaagsan ka muujiyeen in sida loo qorsheeyay looga faa’idaysto wejiga saddexaad ee mashruucan ballaaran ee lagu horumarinayo waxbarashada Puntland. Ugu Dambeyntii, madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo mashruuca daah-furay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay sare u qaadidda waxbarashada Puntland, gaar ahaan manhajka iyo tayaynta xarumaha waxbarasho ee dalka, waxaana uu si weyn u bogaadiyay mashruuca, isagoo u mahadceliyay hay’adaha sida hagar la’aanta ah u taageeray. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka waxbarashada ka shaqeeya, in ahmiyad gaar ah la siiyo sidii ardayda Puntland looga dhisi lahaa dhinaca xirfadaha gacanta iyo wacyi-gelinta la xiriirta shaqooyinka gacanta laga qabto,si ay dhinac walba uga dhisnaadan. PUNTLAND POST The post Wejiga saddexaad ee mashruuca Waxbarashadu waa Iftiin oo Garoowe laga daah-furay appeared first on Puntland Post.
-
Balcad (Caasimada Online) – Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada xooga ee tagay degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa kahadlay waxyaabaha qasbay inay kasoo baxaan saldhigyada ay ku lahaayeen Shabeelaha Dhexe. Saraakiisha oo warbaahinta kula hadlay degmada Balcad ayaa sheegay in gadoodkooda uu ka dambeeyay kadib markii warbaahinta ay ka maqleen in dowladda Soomaaliya ay si sax ay u bixisay dhamaan mushaaraadka ciidamada dowladda. Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada hogaamineyso ayaa degmada Balcad kula kulmay wafdi ka socdo dowladda Soomaaliya kuwaasi oo gaaray gelinkii dambe ee maanta. Afar arin ayay u bandhigeen waftiga gaaray degmada Balcad waxayna sheegeen inay kasoo baxeen saldhigyada ay ku sugnaayeen ee ku yaala Shabeelaha Dhexe, kadib markii ay waayeen lacagihii ay xaqa u lahaayeen. Sidoo kale ciidamada ayaa sheegay inaysan helin raashiinka ay xaqa u lahaayeen afartii bil ee laso dhaafay, waxaana qodobada ay soo bandhigeen saraakiisha ciidamada hogaaminaya kamid ah:- 1- Mushaar, raashin iyo Iidaan ayaa naga maaan 4 bil, walina ma dhicin In raashin ay waayaaan ciidanka. 2- Daryeel xumo iyo dalacsiin la’aan muddo sanado ah 3- Waa bixinay mushaar oo dowladdii ay leedahay 4- Markaan ka hadalno Waxaa nala leeyahay siyaasad ayaa idinka soo ureysa. Ciidamadan ayaa qeyb ka noqonaya ciidamo dhawaan kasoo baxay saldhiga deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaasi oo iyagana sheegay inaysan helin mushaaraadkoodii. Caasimada Online Xafiiska Balcad Caasimada@live.com
-
(SLT-Minnesota)-Maalintii Jimcada ahayd, oo nin hubeysan uu toogasho ay 50 ruux ku dhinteen ka geystay masaajid ku yaalla dalka New Zealand, ayaa qoraal ka turjimaya isir nacayb lagu arkay darbiyada masjid kale oo ku yaalla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, dalka Mareykanka. Dhacdadan ayaa si weyn u argagax galisay maamulka iyo bulshada ku cibaadeysata masjidka Imaam Shaafici, oo ah masaajidkii ugu horreeyay ee ay jaaliyadda Soomaalida ka fureen gobolka Minnesota. Qoraalkan oo ka koobnaa xarfo iyo tirooyin aan la fahmi karin micnahooda ayaa lagu sameeyay baaritaan, si loo ogaado ujeeddada laga leeyahay. Maxaa lagu fasiray qoraalka? Sheekh Cabdiqani Maxamed Cali Qardhaawi, oo ah imaamka masjidka darbigiisa qoraalka argagaxa dhaliyay lagu sameeyay ayaa BBC-da uga warramay sida ay ku ogaadeen cidda qoraalkaas sameysay. “Waan isku daynay inaan helno qofkii waxan ku qoray darbiga masaajidka, Kaamirada ku xiran masjidka ayaa na tustay qofka meesha wax ku qoray oo ahaa nin. Wuxuu soo istaagay meesha saacaddu markii ay ahayd 1:03 am, oo saqda dhexe ka dib ah, xilli uu baraf dhacayay, wuxuu wax qorayay ilaa 1:45 am, afartan iyo dhowr daqiiqo ayuu wax ku qorayay”, ayuu yidhi Imaamka. Qoraalkan ayaa micno kala duwan lagu fasiray Hase yeeshee, fasiraadda qoraalkan ayuu Imaamku sheegay in siyaabo kala duwan loogu micneeyay. “Runtii qolaba si ayey ku micneysay, haweeney wariye ah oo isoo wacday waxay ii sheegtay in qoraalkani uu ka turjumayo waxyaabo isir nacayb iyo islaam nacayb ah, dad Soomaali ahna wey jiraan oo nagu yidhi waan garaneynaa luqaddan. Tusaale ahaan dhinaca midigta ah ee darbiga masaajidka waxaa ku qoran “D2f”, waxaana lagu macneeyay in xarfahaas laga soo gaabiyay oraah luuqadda ingiriiska ah oo u dhiganta Daacish to fishin(Daacish oo lasoo afjarayo), dhinaca kalena waxaa ku qoran “4 Sher”, oo lagu micneeyay 48 hours(48 saacadood), marka micnaha la isku qabtana wuxuu noqonayaa 48 saacadood ku dhamee dadkaas iyaga ah”, ayuu yidhi Sheekh Qardhaawi. Wali ma jirto faahfaahin kasoo baxday booliska Mareykanka ee arrintan baaraya, hase ahaatee dhacdadan ayaa cabsi badan galisay dadka Soomaalida ah ee ku cibaadeysta masaajidkaas. Masjidka Imaam Shaafici oo la furay bartamihii 1990-meeyadii ayaa ku dhex yaalla xaafadda ay Soomaalida aad ugu badan tahay ee Cedar-Riverside, oo ka tirsan magaalada Minneapolis. Source
-
Muqdisho (SMN) – Dawlada Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay dhalinyaro tahriibeyaal ah, kuwaasi oo muddo ku xanibnaa dalka Liibiya. Dhalinyaradaan oo gaaraya 20-qof ayaa ka kooban 19-Rag ah iyo Hal Gabar, waxayna muddo ku xanibnaayeen dalka Liibiya, halkaasi oo ay ku heysteen kooxaha dadka qafaasha ee Magafeyaasha ah. Masuuliyiinta Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee xuquuqda carruurta iyo tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya, kuwa hay’adda Qaxootiga Qaranka iyo guddiga dib usoo celinta tahriibayaasha ee Dawladda Soomaaliya ayaa si weyn garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ugu soo dhaweeyey dhalinyaradaan, iyadoo la geeyey xarunta hay’adda Qaxootiga Qaranka, si halkaasi howlahooda loogu dhammeeyo. Ergeyga gaarka ah ee xuquuqda carruurta iyo tahriibayaasha ee xafiiska Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Ambassador Maryan Yaasiin ayaa muddooyinkan dadaal weyn ugu jirtay siddii ay dib dalkooda ugu soo noqon lahaayeen tahriibayaasha Soomaaliyeed ee jooga dibadaha, iyadoo inta ay joogtay xafiiskan soo celisay dad badan oo isugu jiray maxaabiis iyo tahriibayaal Soomaaliyeed. View the full article
-
Rebuilding “Somalia” Should Not Sabotage Somaliland The International Community supports “Somalia” with millions of dollars to enable the country recover from 28yrs of chaos and instability. The money goes in to the accounts of the Federal Republic of “Somalia” (FRS), while FRS is most corrupted administration in the world. Turkey and Qatar donate $4 million monthly delivered in cash, and still the armed forces did not get salaries for last four months. This led the army to protest in the streets of Mogadishu and withdraw from their bases. Al-Shabab overtook the evacuated military bases. The Mogadishu regime does not provide basic services to the public instead most of the residents of Mogadishu seek services provided by Al-Shabab including the justice system. All disagreements in Mogadishu are settled via the Sharia based courts under the Al-Shabab. Al-Shabab collects revenue from the business owners in the famous Mogadishu Bakara Market, and in return provides security. Somalia MP Mr. Abdikarim, on LIVE TV interview, explained how the Mogadishu regime led by Mohamed Farmajo spent millions of dollars to sabotage Somaliland election and peace through sponsoring anti-Somaliland members. During his latest visit to Puntland, semi-autonomous region of Somalia, Farmajo encouraged attacks against Somaliland by pro-Puntland militia, which resulted displacement of civilians. He, officially, requested the UAE to stop development projects at Berbera Port and attempted to block the international aid to Somaliland. The MP has evidence of such hostilities against Somaliland and vowed to present to any parties interested in investigating such aggressions. Farmajo is using the only remaining power – Somalia’s diplomatic recognition – as tool to pull down Somaliland instability, democracy and economic progress, unfortunately the international community particularly Turkey and Qatar are supporting him to achieve his evil plans in Somaliland. Farmajo, who believes in restoring regime like Siyad Barre, is misleading the international community just like Barre did during 1980’s genocide against the people of Somaliland. Many countries supported Barre with weapons and money during such period after Barre lied to them over military activities in the former North of Somali Republic (today’s Republic of Somaliland). More than 65,000 civilians died and three million displaced. Barre regime implanted large number Antipersonnel landmines across Somaliland, which was concealed in civilian areas including streets of Hargiesa, Berbera, Burco, Ceerigabo, Lasanod, Gabiley, Odweyne and Boorame. These landmines killed thousands of children who accidently step on the weapon while playing football. Siyad Barre reduced cities to rubble by air-bombing and artillery shelling. Without knowing his intentions, the US, EU, USSR and Arab World provided military support including lethal weapons, but such arms were used to kill unarmed civilians without the knowledge of the international community. Later, the US State Department described Barre as ‘Man Killing His Own People”. Farmajo was close tribesman and diplomat in Barre’s regime, and even disguised the realities on the ground during an interview in Washington in 1988, by describing that Northern Regions of Somali Republic (today’s Somaliland) are stable and life is normal. Today, he hired the military generals who participated in the abovementioned killing. The people of Somaliland overthrown Siyad Barre and declared independent and democratic Republic of Somaliland on 18th May 1991. The national budget of Somaliland grown from $20 million in 1991 and today over $550 million. Again, and after 30 years, Farmajo is trying to mislead the world over his evil agenda against Somaliland just like his mentor and former military leader Barre. He does not want to jeopardize the progress in Somaliland only but to take revenge from the residents of Mogadishu, as they were who completed the collapse of Barre regime. Today, Farmajo regime is organizing anti-Somaliland armed group led by a defected soldier from Somaliland Army. The group established military base at Qardho Town of Puntland, where they plan their attacks inside Somaliland. Also, Farmajo is sponsoring media campaign against Somaliland on the social media and Al-Jazeera Channel, using his Qatari supporters. He encourages the youth to reject the government of Somaliland by granting them jobs in Mogadishu. The Deputy Prime Minister of Somalia Mr. Mehdi is in-charge of such anti-Somaliland campaign, where he hires poets and youth leaders. The international community knows the democratic nature of governance in Somaliland, which many described as unique democracy in Africa. Somaliland democracy could be role model for the regional governments, and its experience could be implemented elsewhere. However, it is unfortunate that Farmajo is using the aid to risk Somaliland development while his regime is unable to stand on its feet. As per the latest statement Former UN General Secretary Representative to Somalia Nicholas Haysom said Somalia needs another two decades to complete recovery. Ugandan President Yoweri Museveni described Somalia as “Stateless” due to lack of control over its territories. Somalia exports terrorism to the neighboring countries because the people of Somalia are not ready yet to create stable country. It is illegal and against humanity to hold Somaliland hostage until Somalia recovers from the statelessness, due to its deep-cracked problems. The international community must know that Somaliland has strong legal case to reinstate the Republic of Somaliland according OAU 1964 Charter, which maintains the colonial borders in Africa. By\ Abdulaziz Al-Mutairi Email: az.almutairi@yahoo.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil kooxo hubeysan ay ka geysteen degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, waxaana dilka loo geystay macalin Dugsi Qur’aan. Macalinka oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Abuukar ayaa lagu dhex dilay dugsiga xilli uu cashirada dhageysanayey ardayda uu Qur’aanka barayey. Macalin Mukhtaar ayaa ahaa mid si weyn looga yaqaanay Xaafadda uu dugsiga ku yaalay, waxaana da’diisa lagu sheegay 20 jir. Sida ay Caasimadda Online xogta ku heshay Macalin Mukhtaar Abuukar ayaa ka tirsanaa Shaqaalaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta. Waxaa la sheegay inuu Macalinka maalmihii dambe la kulmayey hanjabaad uga imaaneysay Kooxda Al-Shabaab oo gaartay xitaa in hanjabaadaas lagu soo qoro Facebook. Macalinka ayaa qoyskiisa u sheegay inay jirto hanjabaad uga imaaneyso Kooxda Al-Shabaab, balse wuxuu iska sii watay Shaqadiisa Macalinimo iyo midda Wasaaradda. Markii uu dilka dhacay kadib waxaa Goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo sameeyey baaritaano ay ku doonayaan inay kusoo qabtaan dadkii ka dambeeyey dilkaas balse ilaa hadda lama qaban. Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta weli ma aysan ka hadlin dilka loo geystay Macalinkaan, sidoo kalana weli ma aysan sheegan Kooxda Al-Shabaab. Magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal loo geysto askar ka tirsan ciidamada Dowladda iyo dad kale,waxaaana inta badan mas’uuliyada dilalkaas sheegta Ururka Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Booqashadii Madaxwayne Biixi ku tegay dalka Imaaraadka Carabta waxa ay ahayd booqasho rasmi ah waa siday madaxtooyadu inoo sheegtay, laakiin dawladda Imaaraadku waxa ay u beddeleen booqasho gaara [private visit] oo ka derajo hoosaysa ta rasmiga ah, waa maxay qaladka uu madaxwayne Biixi ama madatooyadu gashay? Maqaalkan kooban ayaan ku faahfaahin doonaa; Booqashooyinka uu Madaxwayne dal uu ku tago waxa ay u qeybsamaan saddex nooc oo kala ah; 1- BOOQASHO DAL 2- BOOQASHO RASMI AH iyo 3- BOOQASHO GAARA ah. BOOQASHO DAL: waa ta ugu sarreysa ee Madaxwayne dal ku tago, inta uu madawaynehaasu xilka madaxwayne-nimo hayo waxa loo sameeyaa hal mar oo kaliya, sababta loogu bixiyey booqasho dal waa madaxwayne u marti ah dalka oo dhan maaha madaxwayne u marti ah madaxwayne kale ama madaxwayne u marti ah xukuumada ee waa madaxwayne u marti ah noocyada kala duwan ee dalka oo dhan. Waxa ayna ka bilaabantaa Madaxwayne ama Boqor casuuma Madaxwayne dal kale ama Boqor dal kale, warqadda casuumadda waxaa soo qaadaya wasiirka arimaha dibeda iyo wafti la socda oo madaxwaynaha dalka la casuumay gacanta ka galiya. Madaxwaynaha la casuumay waa in uu ku soo jawaabaa muddo isbuuc ah warqada jawaabta ee ogolaanshaha casuumadda, waxa uu u soo dhiibaayaa wasiirkiisa arimaha dibeda oo gacanta ka gelin doona madaxwaynihii casuumada fidiyay, hadii uu isbuuc ku soo jawaabiwaayo micna heedo waa diidmo booqasho. Intaa kadib booqashadaa waxaa la diyaarinayaa muddo bil ah waraaqaha lays-weydaar sanayaa waxaa kala qaadaya safiirada labada dal su’aalaha u badan ee lays weydiinayo waxa ay u badan yihiin. Booqashadu wakhtigay bilaab maysaa iyo wakhtigay dhammaanayso ugu yaraan saddex cisho ugu badnaa shan iyo toban cisho. Waftiga madaxwaynaha imisa qof ayaa la socda? ugu yaraan 25 qof ugu badnaan 250 qof. Waftiga masuuliyiinta la socdaa maxay kala yihiin? a) FAKHAAMA oo ah madaxwayne ama madaxwayne hore ama murashax madaxwayne. b) MACAALII oo ah wasiir ama wasiir hore ama Muftiga dalka. t) SACAADA oo ah safiir ama safiir hore, la taliye madaxwayne, iyo Agaasime guud j) SAYID oo ah mas’uuliyiinta kale ee waftiga la socota. Mid walba waxa la siinayaa sooryo u qalanta xilkiisaa. Cuntada uu madaxwaynuhu jecelyahay ama uu cuno waxa ay soo qorayaan liis ugu yaraan 20 nooc ugu badnaa 40 nooc. Maalinta uu madaxwaynuhu soo degayo waxaa la fasaxaa dhammaan shaqaalaha dawlada dugsiyada dhexe iyo sare ee caasimadda iyaga oo ka qeyb qaadanaya soo dhaweynta, Dugsiyada hoose iyo jaamacaduhu kuma jiraan fasaxa. Marka uu soo dego waa in loo dhigaa roog cas oo gaadhaya 50mitir, waa in madaxwaynuha wax casuumay diyaarada hoosteeda soo is taagaa waa in loo ridaa 21 madfac oo dabaal deg ah, ( haduu raysal wasaare yahayna waa 19 madfac), waa in lagu dejiyaa qasriga madaxtooyada ama qasri kale hotel waa mamnuuc, waa in lagu qaadaa gawaadhi madmadoow, midabka cadaankuna waa mamnuuc, laba dal ayaa xidhiidhka ku kala qaatay gaadhi cad oo laysku qaaday la soco dhaqanka dawliga ahi gaadhiga cad caruusadaha ayaa lagu qaadaa. Waa in la geeyaa goobo kala duwan ugu yaraan 7 ilaa 15 goobood oo Barlamaanka dalkuna ka mid yahay, waxaa khasab ah in uu madaxweynuha dalka soo booqday wato marwadiisa, lacala haduu madaxwaynuhu ka soo tago marwadiisa micneheedu waa in madaxwaynuhu guurdoon yahay doonayana inuu dalka la xidido, Madaxwaynahaa la soo booqday waa inuu marwadiisa faraa in ay dalka qalanjo uga soo xusho madawaynahan guur doonka ah, ama waa in madaxwaynuhu cudur daar hore loo sii sheegaa tusaale :- marwadi waa fool ama waa xaamilo safarku dhibayo iyo wax lamid ah. BOOQASHO RASMI AH = Waa booqasho shaqo waxa ay in yar ka derajo hoosaysaa BOOQASHO DAL oo aynu kor ku soo xusnay waraqadaheeda waxa kala qaadaya safiiro, waa in ay jiraan heshiisyo ama isfahno laka saxeexanayaa. Rooga cas ee madaxwaynaha loo dhigayaa waa 25 mitir mudada uu joogayaa waa 3 cisho ilaa 5 cisho waftigu wuxuu ka koobnaan doonaa 10 ilaa 15 mas’uul sida oo kale qasriga madxtooyada ayaa lagu dejinayaa ama qasri kale hotel waa mamnuuc. Waa inuu la socdaa WASIIRKA ARIMAHA DIBEDA, WASIIRKA QORSHAYNTA, WASIIRKA MAALIYADA, haddii wasiiradaa la waayo waa in ku xigeena doodu la socdaan, waa inay jiraan heshiisyo isfahan ah ama heshiisyo rasmi ah oo la kala saxeexanayo. Haddii intaa laga tego booqashadu maaha BOOQASHO RASMI AH ee waa booqasho gaar ah, waana tii Madaxwayne Biixi ku dhacday ee booqashadiisii hoos loogu dhigay, dhammaan saddexdaa wasaaradood cidi kala may socon wax la kala saxeexanayayna may jirin, warar ka rasmiga ah ee isoo gaadhay ayaa ah in madaxwaynaha uu la kulmay Agaasime ku xigeenka xafiiska samafalka sheekh Zaaid ee joogay Hargeysa maalintii la dhagax dhigayay wadada Berbera waxaana la geeyay xarumo milatari iyo daawasho agab ciidan oo uu madaxwayne Muuse dalbaday. Sidoo kale waxa dhici karta in aanay madaxtooyadu kala garanayn booqashooyinka iyo booqashada uu madaxwaynuhu u socdo iyadoo ah BOOQASHO GAARA ay ina yidhaah deen waa BOOQASHO RASMI AH. BOOQASHO GAAR AH = waa ta u hoosaysa waana Madaxwaynaha oo ka qayb galay TACSI, AROOS, FARXAD DAL, ama utaga dal , LAKULAN SHIRKAD, ama NASASHO, DALXIIS, CAAFIMAAD, FASAX U GAAR AH, iyo kuwo kale oo la mid ah. Roogga cas ee loo dhigayaa waxa uu noqonayaa 10mitir. Booqashadan waxaa la dejin karaa Hotel ama qasri kolba kii ay u doorto safaaradiisu iyo waftigii hordhaca ee qaban qaabada safarka madaxwaynaha. Maqaalkan waxa aan diyaariyay 14/3/2019 waa maalintii uu madaxwaynhu ka soo noqday Imaaraadka waxa aan dib ugu dhigay anoo kala duwaya sixitaanka iyo dhalinyaradii jibaysnayd waxaan filayaa in hada ay jibadi dagtay oo laysa sixi karo. Barta Hab maamuuska la isu qaabilo. Alaa mahad leh. Amb Ahmed Safiina Source
-
Muqdisho (SMN) – Taliyaha ciidanka xooga Soomaaliya, Daahir Aadan Cilmi [Indhaqarshe] ayaa faray askarta in aysan kasoo tagi fariisimahooda, isaga oo amray saraakiisha in ay dhaqan-geliyaan amarkaasi. Sareeye Guuto, Daahir Aadan Cilmi, ayaa sheegay in askarigii kasoo taga goobta lagu diiwaan-geliyay oo ay ugu talagashay dowladda uusan kamid noqon doonin ciidamada, isla markaana uusana heli doonin wax mushaar ah. Hadalka taliyaha ayaa kusoo aadaya iyada oo todobaadyadii u dambeeyay ay jireen ciidamo ka tirsan kuwa xooga dalka oo soo faarujiyay saldhigyadooda, iyada oo ka cabanaya mushahar la’aan. Ra’iisul wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre, oo ka jawaabay arrintaasi ayaa shaaciyay in uusan jirin askari aan la siinin xuquuqdiisa, isla markaana inta harsan ay yihiin kuwa aan la diiwaan-gelin ayna heli doonan xuquuqdooda. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-21032019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa si adag kaga hadlay bixitaanka ciidamada dowladda maalmihii ugu dambeeyay ka baxayeen saldhigyadooda. Wasiir Maareeye ayaa ugu horeyn sheegay in ciidamada ay yihiin kuwo qaata mushaaraadka ay xaqa u leeyihiin, islamarkaana aysan jirin ciidan sharciyeysan oo aan mushaar qaadan Wuxuu sidoo kale sheegay inay jiraan siyaasiyiin dhaqaalo ku bixinaya ciidamada dowladda inay ka baxaan saldhiyada ay ku sugan yihiin, islamarkaana ay socdaan baaritaano adag oo arintaasi la xiriirta. Wasiirka Ganacsiga ayaa cadeeyay in xiligii dowladii Xasan Sheikh marar badan loo diiday inay diiwaan geliyaan ciidamada qaranka, balse hadda xukuumadda Soomaaliya ay arintaasi dhabarka saaratay, sida uu hadalka u dhigay. “Maanta Dowladda NABAD iyo NOLOL Dib dambe uma laabaneyso, baaris xoog leh ayaa ku socota dadka dowlad dumiska ah ee ka dambeeya in ciidamada kasoo baxaan farumaha dagaalka”.ayuu yiri wasiir Maareeye. Wasiirka ganacsiga Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad ka dhacday Muqdisho oo looga hadlayay waxqabadka wasaaradda Maaliyadda. Hadalkiisa ayaa kusoo aaday iyadoo labadii maalin ee lasoo dhaafay ciidamada meletariga ay isaga baxeen deegaano ka tirsan labada Shabeelle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Maxamuud Xuseen Faarax Oo Sharraxay Sababta Ka Dambaysa Xidhiidhka Cusub Ee Eriteria & Somaliland, Tafsiirna Ka Bixiyey Safarkii Madaxweyne Geelle Ku tegay Muqdisho “Weftiga Eriteria Ee Somaliland Yimid, Waxa Uu Ka Mid Yahay Isbeddelka Siyaasadeed Ee Ka Socda Geeska Afrika Oo Dalka Maraykanku Xudun U Yahay Iyo Waddamada Reer Galbeedka Oo Doonaya Ama Dano Gaara Ka Leh Mandaqadan Aynu Ku Nool Nahay” Hargeysa (Somalilandtoday) Hormuudka kuuliyadda sharciga ee jaamacadda Hargeysa, Maxamuud Xuseen Faarax ayaa sharaxaad ka bixiyey waxyaabaha keenay in waqtigan ay dawladda Eriteria wefti u soo dirto dalka Somaliland iyo doorka siyaasadeed ee ay leedahay. “Weftiga Eriteria ee Somaliland yimid, waxa uu ka mid yahay Isbeddelka siyaasadeed ee ka socda geeska afrika oo dalka Maraykanku xudun u yahay iyo waddamada reer Galbeedka oo doonaya ama dano gaara ka leh mandaqadan aynu ku nool nahay. Mar haddii isbeddelkaasi uu yimid, waxa bilaabmaya dawladaha laftoodu inay saaxiibtinimo iyo dublamaasiyadii xidhiidhkoodii ay sameeyaan, xag dhaqaaleed, isu gudubkii dadka iyo wada socodkii. Taas baana keentay in Eriteria lafteedu ay maanta soo booqato Somaliland. Eriteria oo runtii ah dal muddo go’doon ka ahaa geeska afrika iyo siyaasadiisa oo collaadaha geeska afrika ragaadiyay ay ku sababtay inay go’doomaan, oo mararka qaarkood la odhan karo waxay la duruuf ahaayeen innaga (Somaliland) oo kale.” Ayuu yidhi Maxamuud Waxa uu ka hadlay xidhiidhka ka dhaxeeya safarka madaxweynaha Jabuuti ku tegay Muqdisho iyo weftiga dawladda Eriteria eek u sugan Hargeysa, waxaana uu yidhi; “Jabuuti waa dalka aynu isugu dhawayn, xaaladeena ogaa, xornimadoodii aynu ka qaybqaadanay, anigu waxaan u arkay nasiib-darro inay nagga boodaan, haddana hinaase iyo dhib aannu ku qabnaa ma jirto, Somaliland marwalba dalalka waa la saaxiib, jaarnimada, walaaltinimada ayaa waxwalba ka wayn waayo dhaqan baa innaga dhexeeya Jabuuti, tegitaankaa madaxweyne Geelle Muqdisho ku tegay, hadaad eegto xaga siyaasadda, wuxuu miisaamayaa siyaasadda maadaama ay kala dhex jirto xagooga waxoogaa xagtin Eriteria, inuu xurguftii isaga iyo Farmaajo meesha ka saaro oo xulafaysi iyo soo celiyo xidhiidhkii, waxan iyada meesha ka maqnayn inuu riyaddii ahayd Soomaali-weyn soo celiyo, oo waa kii madaxweyne Geelle kaba hadlay oo miiska soo dhigay. Kolkaa Jabuuti haday diyaar u tahay inay Soomaaliya la midowdo, kolay malaha Somaliland bey ka boodeene, iyagay u taal.” Ayuu yidhi Hormuudka kuuliyadda sharciga ee jaamacadda Hargeysa, Maxamuud Xuseen Faarax oo u waramay HCTV Source
-
We support DAHABSHIIL group against the malice of Al Jazeera news website who are using a proxy propaganda to counter and destroy the flourishing relationship between Somaliland and the UAE. A recently aired Al Jazeera program accused DAHABSHIIL of collusion with Silanyo government in corruption allegations. DAHABSHIIL is a business entity and not a political organisation. DAHABSHIIL has earned a name of honesty and trust among its customers since the early 1970s. The name of DAHABSHIIL stands in our hearts as a symbol of trust and services delivered promptly. The people of horn of Africa will never allow DAHABSHIIL company to be destroyed by a propaganda news site such as Al Jazeera. Mohamed O.Deria Oskajam@gmail.com Qaran News
-
Kooxaha kubbadda cagta Gaadiidka iyo L.L.P Jeenyo ayaa wada ciyaaray kulamadoodii 7-aad horyaalka Somalia Premier League kol ciyaareedka 2018-2019. Labada koox kulanka waxa uu ahaa mid muhiim u ah waxaana qeybta 1-aad lagu kala nastay 2-1 oo ay hogaanka ku hayaan xidigaha L.L.P Jeenyo waxaana goolasha u dhaliyay xidigaha kala ah Deeq Cabdiraxmaan Macalin Taree iyo Ismaaciil Suleymaan oo ka mid ahaa xidigii wacdaraha ka dhigay koobkii Bariga iyo Bartamaha Afrika 2018 ee ka dhacay dalka Burundi. Inta aan la aadan nasiinada Gaadiidka waxaa gool xirfadaysan u dhaliyay Amiin Axmed Saalax oo laacib kasoo jeeda wadanka Yeman,isagoo goolkiisii ugu horeeyay u dhaliyay kooxdiisa Gaadiidka tan iyo markii uu kusoo biiray 19-Febraayo 2019. “Waxaan ciyaaray kulan aan aniga wanaagsaneyn,balse tani waxa ay ka mid tahay kubbadda cagta waxaan waqti ku bixinaynaa in aan kasoo kabano guul darooyinka ina soo gaaray waxaa Goobjoog Sports ugu waramay tababaraha kooxda Jeenyo Xasan Cali Rooble (Ba’baay). Qeybta labaad dheesha kooxda Gaadiid ayaa soo bar bareesay goolka lagu lahaa waxaana ciyaarta 2-2 ka dhaliyay laacib Rooraaye daqiiqado ka dib kubbadd uu si wanaagsan ugu shaqeeyay xidiga reer Yeman Amiin Axmed waxaa gool u badalay Maxamed Nuur Cabdi (Shaarkey) uu horay ugu ciyaaray kooxaha Dekedda,Elman,Saxafi,Horseed iyo L.L.P Jeenyo. Dhamaadka kulanka gool ku laad loo dhigay Gaadiidka waxaa u ansixiyay Daadir Salaad Cawaale (Daadir Cama) waxayna ciyaarta kusoo dhamaatay 4-2 oo ay guusha ku qaateyn xidigaha Otebaarka ee Gaadiidka. “Waan ku faraxsanahay guushan muhiimka ah waxa ay nagu dhiiri gelinaysaa kulamado ee kale ee inagu soo wajahan todobaadyada soo aadan horyaalka oo iminka maray meel Xasaasi waxaan diiradda saaraynaa in aan ku xisaabtano ciyaaraha kale ee inagu soo food leh”waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Maxamed Nuur Shaarkey Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa baahiyey sawirada Saldhig ay qabsadeen oo ay ka baxeyn Ciidamada Kenya kaasoo ku yaal Gobolka Gedo. Saldhigga ay isaga baxeyn Ciidamada Kenya kadibna ay gacanta ku dhigeen Kooxda Al-Shabaab ayaa ku yaal degaanka Buusaar ee gobolka Gedo. Ururka Al-Shabaab ayaa baaritaan ka sameeyey Saldhigaas ay isaga baxeyn Ciidamada Kenya, waxayna markaas kadib u fasaxeen dadka Deegaanka oo halkaas ka qaatay waxyaabihii haraadiga ahaa ee yaalay. Sawirada ay baahiyeen Al-Shabaab ayaa laga arkayey Baabuurta Gaashaaman oo lagu gubay saldhigg iyo difaacyo adag oo ay halkaas ka sameysteen ciidamada Kenya, waxaana difaacyada kamid ahaa kuwa dhulka hoostiisa ah. Sida ay Sheegtay Al-Shabaab Degaanka Buusaar ayaa noqday meeshii ugu dambeysay oo ay isaga baxeyn ciidamada Kenya marka laga hadlayo Gobolka Gedo. Al-Shabaab ayaa sheegay in Gobolka Gedo ay hadda kaliya ku hareen ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo ka tirsan Howlgalka loogu magac daray AMISOM. Haddaba halkaan hoose ka daawo sawirada Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Somaliland F.G. “Qoraalkan koobani waa mid iska guud mar ah, marka laba waddan la is bar bar dhigayo. waxay u baahantahay baadhis qoto dheer, waqti iyo dhaqaale” Somaliland waxa ay Somalia ka go’day 1991, kuma ay guulaysan in loo aqoonsado dal madax bannan maadama ujeedada halkankii ay soo galeen dadka reer Somaliland aanay saldhig u ahayn inay Somalia ka go’aan, muddo yar kadib waxa ay lugaha la gashay dagaallo sokeeye, ugu dambayntii waxa ay ku guulaysatay inay dhidibka u taagto nidaam dawladnimo iyo kala damabyn nabad galyadu sal u tahay, waxay hirgalisay nidaam doorasho oo toos ah, waxa talada haya madaxweynihii shanaad islamarkaana ah madaxweynihii sadexaad ee cod dadweyne lagu soo doorto, waa waddan ay ka jirto xorriyad dhinaca hadalka iyo ra;yi cabirka ahi, ganacsi xor ah tartan doorasho oo xor ahi , Somaliland tirada dadka waxa lagu qiyaasaa ilaa 4.5 milyan waana dad hibo u leh hal abuurka ganacsiga xorta ah, Somaliland waa dal aan aqoonsi dhinaca diblomaasidda ah haysanin taasoo wax badani kaga xidhanyihiin, Somaliland waxa ay leedahay xeeb aad u dheer, khayraad kala duwan sida xoolaha iyo beeraha, laakiin maha kuwo aad looga faa’iideeyay, waxa ay afrika inteeda kale la wadaagtaa musuqmaasuqa iyo wax is dabamarinta gaar ahaan xafiisyada dawladda, ilaa hadda laguma guulaysan in waddaniyadda la xoojiyo ama la horumariyo waxyaabaha waddaniyadd xoojiya, inta badan kaabayaasha dhaqaaluhu waa kuwo hooseeya, baahida ugu badani waxa ay ka jirtaa iskaashiga shacabka iyo dawladda ee dib u dhiska adeegyada bulshada oo aad u hooseeya, caasimadda ama magaalooyinka waawayn intooda badan waa ku is dhex daadsan oo aan lahayn qorshayn magaalo oo dhamaystiran, ma jiraan waddooyin hagaagsan, traffic light, waddada qaybta lugta dadwaynaha loogu talo galay, malaha goobo loogu talo galay in dadku ku nasto oo dawladdu leedahay, dayaca ka muuqda adeegyada bulshadu waxa uu su’aal gelinayaa fahamka ay dadka reer Somaliland ka haystaan dawladnimada, in ictraaf caalami ah la helo waxa igala muhiimsan in Somaliland dalka dhiso oo uu dal u ekaado.waana in laga faa’iideeyo xoogga dadka. Eretria Waxa ay ka go’day waddanka itoobiya 1991kii waxa ayna ku guulaysatay inay hesho aqoonsi caalami ah, maadaama dagaalkii dheeraa ee ay la galeen itoobiya ujeedadiisu caddayd oo ay ahayd inay noqdaan dal madax bannaan, muddo ka dib waxa ay dagaal dhiig badani ku daatay la gashay waddankii ay ka go’day, waa dal ay saarnayd cunaqabatayn caalami ahi muddo dheer, tiradada dadka Eritrea waxa lagu qiyaasaa 5 million ,kama dhacaan wax doorasho la yidhaahdo gebi ahaanba 30 sano ku dhawaad waxa xoog ku haysta hal madaxweyne, kama jirto wax xorriyad ahi dhinaca hadalka iyo ra’yi cabirka, sidoo kale kama jiro ganacsi xor ahi, hase yeeshee shacabka reer eritarea waa dad aad u jecel waddankooda, dawladda waddanka eritarea waxa ay xoogga saartay inay dhisto waddankeeda iyadoo adeegsanaysa xoogga shacabkeeda, waa waddan ku soo jiidanaya dhinaca bilicda iyo adeegyada bulshada, waxa ay kala simantahay inta badan waddamada qaaradda afrika musuqa gaar ahaan dhinaca awoodda, mar kali ah ayay is beddeshay siyaasaddii geeska afrika, waxaana la saadaalinayaa in waddanka eritarea uu yahay dalka sida wayn uga faa’iidaysanaya isbedelka geeska , maadaama ay isu diyaariyeen. Yuusuf Cabdi Maxamed Source
-
Waxaan badi arkaysaa Xukuumaddii Muse Biixi oo KU MASHQUUSHAY oo KU mirQaantay Ajaanib lala kulmay oo dadka indhsarcaad looga dhigayo dadkaasina waa dad iska wareegaya oon dawlado soo diran oo baashaal isaga wareegaya. Waxaa markhaati ma doona Haddaad dib U jaleecdid tobankii todobaad ama usbuuc ee u dambeeyey inta Dad Ajaanib Madaxweyne Muse qaabilay ee caddaan iyo madaw iyo carab IYO Turkiba leh oon midna maanta Wax micno leh oo wadanka u dana oo ay u socdeen ee meel inoogu guntani aanay jirin. XUkuumaddaa inoo sheegi hadduu jiro wax kulanadaa calaa faashuushka ah wax Ka jira maanta. Waxaa Madaxweynaha IYO Xukuumaddiisa uga fiican inuu qabaailkiisa inba dhinac u jeeddo ee xaalkoodu marayo halkay marayeen 1991kii IYO 19993 weli taagan even taagan ee Maleesiyaad iyo Jeegaan isku horfadhiya ayuu ISU baadi dooni lahaa oo Heshiiskii beenta Xukuumadda Kulmiye Ka dhigtay ee Khaatumo ayuu fulin lahaa oo (fruits)kii kasoo baxay shirkii Gacanlibaax ayuu fulin lahaa oo Ajanebigan UU Madaxtooyada ugu yeedhyeedhayo ayuu Ka waantoobi lahaa. YEMENTAA WAXAY KU MAAHMAAHAAN NINKA MARAQA QAYBINAYAW TOLKAA UGU HORAYSII. MADAXWEYNE tolkaa laba reer iyo dhuxdhux hoose maaha ee dhawr iyo toban qabiil OO Somaliland wada dega oo wada saboola weeye . WAXAY nu meesha KU haynaana waa MARAQ IYO BARIIS GACANTA LA GELIYO EE INTAA SI WACAN UGU QAYBI. DAWLADNIMADO BEEN BEEN KUMA HANA QAADO EE WAA DAD MEEL WADA DEGA OO ARIN KU MIDAySAN IYO MAAMUL. WAXAAN SAAN KUGU LA TALIN LAHAA TV YADA ADDUUNKA IYO SHAASHADAA HA DAAWAN WAA LAGU ASQOOBAA EE WAX AKHRIGA BADI IYO MADAXDII IYO MAAMULADII SOO MARAY DUNIDA SHANTII BOQOL EE SANO EE I DAMBAYSAY markaasaad wax fahmi ood wadanka dhinaca khayr KU KU jiro u dhaqaajin. Madaxweyne waxaad akhridaa (the most influential leaders of the world) oo ummadda reer SOMALILAND WAXAY KU dhex jirtaa dhiidhi ay gelisay Xukuumaddii uu Siilaanyo Ka xanuunsaday ee Cid aan naxayni taladii dadka qacantooda KU dhacday dabadeed adigana GIRGIRAA DABKA AH LAGUU DHIIBAY . MARKAA HAWLAHA ILAAH BAA KUU FUDUDAYNE UMMADDA DHIIDDHIGAN AY KU JIRTO KA SAAR OO DOORASHOOYINKA QABO OO BAARLAMAANADA FADHIYAA WAA DHIIDHI EE MEESHA IS DHAAFI YEY KUU FADHIYEY. TALOOYINKA UMMADDAADA AKHRI, HADAAD AKHRIYI WEYDID UMMADDAA AKHRIYI. M BASHE qoranebashe@gmail.com Source
-
(SLT-New Zealand) Raysal wasaaraha dalka New Zealand Jacinda Ardern, ayaa caalamka u dirtay baaq ku aaddan cunsurinimada, iyada oo soo jeedisay in lala dagaalammo fikirka cunsuriyadnimada ka dib weerarkii loo gaystay laba masaajid oo ku yaala Christchurch. weriyaha Radio lugo ee caasimada newzaland magaalada Wellington Farxaan Faarax (geedo fuulle) waraysiyadi siisay ayaa waxay ku sheegtay inay ka soo hor jeeddo fikirka ah in cunsuriyadnimada ay horseeday dadka soo galootiga ah ee dalka ku soo badanaya. 50 qof ayaa naftooda ku waayay tobonnaan kalana waa ay ku dhaawcmeen weerar Jimcihii lagu qaaday laba masaajid oo ku yaalla dalkaas. Maxay tiri Ardern ? Mar wax laga weydiiyey arrinka xagjirnimada ayaa waxay ku jawaabtay: “Ruuxa weerarka gaystay waa muwaadin u dhashay dalka Australia balse taasi micnaheeda ma’aha in dalka New Zealand aysan joogin dad haysta fikirka cunsurinimada”. iyadoo hadalkeeda sii wadata ayey tiri: “Waxay mas’uuliyad naga saarantahay inan dalka ka sifeyno dadka qaba fikradaha noocan ah si aan u helno deegaan ka dhan ah xagjirnimada iyo cunsurinimada nacaybka ku dheehan.” “Balse waxaan caalamka ugu baaqaya inaan si wada jir ah hal dhinac uga soo wada jeesanno fikirkaas.” Ayey ku tiri Ardern. Dhanka kale, waxay gaashaanka u daruurtay eedeymaha ku saabsan in New Zealand ay aqbashay qaxooti badan ayna taasi sababta noqon karto. “Waxaan nahay dal jecel inay soo dhaweeyaan dadka dhibaataysan, taasna dhaliil kuma yeelan karno”, ayey tiri Jacinda. Ms Ardern ayaa sidoo kale difaacday hadalkeedii ahaa in ninka weerarka geystay aan loogu yeerin magaciisa. Maxay ahaayeen warbixinnadii ugu dambeeyey ee wararkii lagu qaaday masaajiddada? Booliska ayaa maalintii Arbacada ahayd waxay shaaciyeen lix qof oo ka mid ah dhibanayaashii lagu weeraray masaajidka Al Nur. Hase yeeshe, qaar ka mid ah qoysaska ayaa muujiyey cabasho ku aaddan aaska oo la daahiyey. Maxamed Safi, oo uu aabahiis ku dhintay weerarka ayaa cabsho ka muujiyey inuusan wax akhbaar wali helin. Waxay noo sheegeen inaan sugno oo kaliya … maxay tahay sababta aysan u doonaynin inaan ogaanno sida ay howsha u wadaan?.” Taliyaha booliska Mike Bush ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay inay caddeyso sababta dhimashada si ay maxkamadda go’aan uga qaadato. Isku dayo hore oo lagu doonayay in lagu adkeeyo sharciyada hubka wadanka New Zealand ayaa waxaa ka hor yimid ol’ole xoogan iyo dhaqanka ugaarsatada. Sharciga cusub ee oggolaanshaha hub-qaadashada New Zealand -Ugu yaraan waxaa dalban kara sharciga hubka qof ay da’diisu tahay inta u dhaxeeysa 16 ilaa 18 sano. -Qof walba oo hub haysta waxaa laga doonayaa warqada oggolaanshaha. -Qofka dalbanaya dabridista waxaa la marsiinayaa baaritaan la xariira danbiyo iyo cafimaadkiisa oo lahubinayo. Sharcigan qofka hela waxaa loo oggol yahay iibsashada hub farobadan balse waxaa dib loo soo cusbooneysiiyay isku day lagu doonayo in la xakameeyo adeegsiga hubka ee wadanka New-Zealand, ka dib weerarkii khasaaraha dhaliyay ee uu nin hubeysan ku qaaday masaajid lagu tukanayay. Qaar ka mid ah dadkii ku dhintay weerarkii Christchurch Source
-
(SLT-Rio De Janeiro)Rag hubaysan ayaa weeraray kolonyo baabuur ah oo shidaal nukliyeer ah u waday warshad korontada dhalisa oo ku taalla meel u dhaw magaalda Rio de Janeiro ee dalka Brazil, sida ay booliisku sheegeen. Kolanyadan ayaa la weeraray iyaga oo dhex maraya bulsho ay maamulaan kooxaha daroogada ka ganacsada ee magaalada Angra dos Reis oo ah goob loo dalxiis tago oo magaalada Rio u jirta 145km. Booliiskii ilaalinayay ayaa jawaab bixiyay intaas ka dibna waxaa is qabsatay dhawaqa rasaasta, ma jiro qof ku dhaawacmay ama cid loo xiray dhacdadaas. Kolanyadii oo bad qabta ayaana gaartay warshadda quwadda korontada ee Angra 2. Weerarkan ka dhacay waddada wayn ee Rio-Santos ayaa ah rabshaddii u dambaysay ee ka dhacda deegaankaas oo caan ku ah dalxiiseyaasha. Sannadkii 2017 haweenay Britain u dhalatay ayaa toogasho lagu dilay ka dib markii gaarigii uu qoyskeedu watay uu si aan ku talo gal ahayn u dhex maray bulsho ay u taliyaan kooxaha daroogada ka ganacsada. Kolonyada ayaa wadday shidaal Yuuraaniyaam ah oo lagu soo farsameeyay gobolka Rio de Janeiro si loo geeyo warshadda Angra 2 oo ah mid ka mid ah labada warshadood ee ku yaalla Angra dos Reis oo shaqada billaabay 2001. Source
-
U.S. AIR STRIKES are killing civilians in Somalia, a new Amnesty International report says, refuting the Pentagon’s repeated statements that no civilians have died, even as U.S. attacks have at least tripled under the Trump administration. Amnesty’s report, released today, details five air strikes that resulted in the deaths of 14 people. The group’s forensic investigation found substantial evidence that suggests American airstrikes are responsible for deaths in four of those cases, and likely the fifth. “This is a detailed, credible, and deeply disturbing report,” Hina Shamsi, the Director of the ACLU National Security Project said in an email to The Intercept. “Despite very challenging investigative conditions, Amnesty provides strong evidence that the Trump administration’s claim of zero civilian casualties simply cannot be believed.” Africa Command, which oversees U.S. military activity in Africa, disavows all Amnesty’s findings. Loosened rules of engagement have allowed for mistakes and misidentification that end in fatal attacks, the report concludes. Amnesty says indiscriminate aspects of the military’s tactics may mean that some attacks could constitute war crimes, even though the U.S. has technically not declared war on Somalia. Indeed, when asked if the U.S. is at war in Somalia, Gen. Thomas D. Waldhauser, the commander of AFRICOM, said during a Congressional hearing earlier this month, “I wouldn’t characterize that we’re at war. It’s specifically designed for us not to own that.” Amnesty contends the U.S.’s behavior makes it a clear party to non-international armed conflict, and as such the laws of war would apply. Months after Donald Trump’s inauguration in 2017, sections of Somalia were declared “an area of active hostilities,” allowing AFRICOM to carry out more offensive strikes in the country on anyone deemed to be a member of the militant group al Shabaab, with less interagency vetting than was previously required. Retired Gen. Donald Bolduc, the commander of U.S. Special Operations Forces in Africa from April 2015 to June 2017, told Amnesty that his understanding was that with the new designation, individuals in these areas can be considered lawful targets based on four criteria: age, gender, location (being in specific parts of Somalia where the population is considered supportive of al Shabaab), and proximity to al Shabaab. “The reason President Trump changed the rules is because now these guys can be hit,” Gen. Bolduc told Amnesty. “They are in close proximity, they are part of the al Shabaab network.” “If General Bolduc’s description of the targeting standards is correct, then the U.S. is intentionally killing men solely because they are of military age and might know al Shabaab members, or are in areas where the population is deemed sympathetic to the group,” Shamsi explained. AFRICOM said General Bolduc did not accurately summarize the targeting standards, but would not provide additional information due to “operational security reasons.” It says that increased operations have been effective. “AFRICOM remains dedicated to providing assistance to the Federal Government of Somalia and is encouraged by the incremental progress that has been achieved thus far, especially in applying pressure to the al Shabaab network,” a spokesperson said in an email to The Intercept. The Amnesty report says the broadened mandate created the conditions for incidents like one in which three civilian men, one, a father of 13, were killed on November 12, 2017. The men had travelled southeast of their village to work in the fields, irrigating the farm land so it could grow crops in the dry season. This is community work, and the men labored into the night. One called his family back in the village and said it was too late to go home, so they would sleep under a tree near the field and return in the morning. They were killed about an hour after laying down. Villagers found their bodies in the morning. Amnesty collected consistent testimonies from 18 people who said none of the men were members of al Shabaab. Amnesty could find no information that suggested the men had ever engaged in hostilities. AFRICOM acknowledged it conducted a strike at that place and time but said a follow-up investigation found that the men were not sleeping and were members of al Shabaab. In another incident investigated by Amnesty, three men were in a moving vehicle with one suspected member of al Shabaab. One of the other men in the car worked for the country’s biggest telecoms company, Hormouud Telecom. A senior regional official told Amnesty that most of the men in the car were civilians. “I don’t know why they were hit, but maybe it was a mistake,” he said. “The U.S. are making a lot of mistakes in this region.” Amnesty brought the allegations to AFRICOM and was told an assessment determined that the people killed were militants. Brian Castner, Amnesty International’s Senior Crisis Advisor on Arms and Military Operation, told The Intercept, “As far as we can tell, AFRICOM doesn’t do any on the ground investigations, and none of the 150 people we interviewed had ever spoken to a government official, Somali or American, about these attacks.” At least 76 other strikes were carried out over the period Amnesty researched, indicating the civilian death toll could be much higher, the group says. A spokesperson for AFRICOM told The Intercept that 27 strikes have been conducted so far this year. The office of the president of Somalia did not respond to a request for comment on the Amnesty report. Source: The Intercept