-
Content Count
207,695 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dagaal xooggan oo u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa xalay ka dhacay deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabellaha Hoose. Wararku ayaa waxay sheegayaan in Al-shabaab ay weerar ku qaadee saldhigyo ay ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen deegaankaasi. Hal qof ayaa la xaqiijiyey in dagaalkaasi ku dhintey Labo kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray sida ay inoo xaqiijiyeen dad halkaasi ku dhow. Dhinacyadii dagaallamay wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkooda, maantana xaaladdu waxa ay tahay mid deggan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN)- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha DFS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa kahadlay Cabasho dhawaan ka soo yeertay qaar ka mid ah ganacsatada Somaliyeed ee dalka wax ka dhoofista. Wasiir Maareeye ayaa wasaarada maaliyadda ka dalbaday in canshuurta laga yareeyo ganacsatadaasi,ama loo sameeyo Canshuur dhaaf,maadama ay dadaal ugu jiraan in ay hormar ka sameeyaan dhoofinta dalagyada kala duwan ee dalka. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha DFS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa hadalkaaan ka sheegay kulan looga hadlayay waxqabadka wasaarada maaliyada dowlada Somalia. Shalay ayey aheyd markii Muqdisho lagu qabtay kulan diirada lagu saaray howlqabadka wasaaradaha maaliyadda iyo ganacsiga ee xukuumadda Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe taliyaha ciidanka xooga dalka ayaa ugu baaqay in ay ku dedaalaan sugidda amaanka guud ahaan dalka,isagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan horumar iyo nabad ku noolaasho. Taliyaha ciidanka xooga dalka ayaa sheegay in aan amni xumada laga bixi doonaan ilaa ciidamada xooga dalka ay wax ka bedalaan xaaladda amni ee hada uu dalka marayo. Sidoo kale Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe ayaa tilmaamay in loo baahanyahay isbadal dhab ah oo laga sameeyo dhanka nabadda iyo amaanka,si loo gaaro hormar iyo barwaaqo uu ku tilaabsado dalka. Hadalka taliyaha ciidanka xooga dalka ayaa ku soo beegmaya xili maalin ka hor boqolaal ciidanka dowladda ah oo ka gadoodsan mushaar la’aan ay baneeyeen saldhigyo ay ku lahaayeen gobolks Shabeelaha Hoose. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-General Yuusuf Maxamed Siyaad Indha cadde ayaa ka hadlay gadoodka ciidamada dowladda Soomaaliya ay sameynayeen maalmihii ugu dambeeyay, iyaga oo soo baneeyay saldhigyo dhowr ah. Gen Indha Cadde ayaa sheegay in ciidamadaasi ay yihiin kuwo sida ay sheegeen aanan qaadan wax mushaarad afartii bilood ee ugu dambeysay, waxaana uu sheegay inay taasi dhibaatadeeda leedahay. Wuxuu timaamay in loo baaban yahay in ciidamadaasi dib loo eegaa waxyaabaha ay ka gadoodeen, si marka saldhigyada ay baneeyaan aysan dib u qabsan Al Shabaab, maadaama waqti iyo dhaqaalo lagu bixiyay in Al Shabaab laga saaro deegaanada ay hadda kasoo baxayaan. Gadoodka ay sameeyeen Ciidamada dowladda ayuu sabab uga dhigay inay keentay hadaladii Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee ahaa in aysan jirin ciidamo aan mushaar qaadanin. Madaxda dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay wax ka badalaan hanaanka loola dhaqmayo ciidamada ku sugan farumaha dagaalka, maadaama ay waqti kale qaadan doonto in Al Shabaab lagula dagaalamo deegaano horey looga horeeyay. Ugu dambeyn Madaxda Dowladda ayuu ugu baaqay in Ciidamada, iyada oo la tirakoobayo la siiyo mushaarkooda iyo xaquuda kale ay leeyihiin, sidoo kalena dib loogu celiyo saldhigyadooda Ciidamadii gadooday. Hoos ka dhageyso wareysi uu bixiyay Gen Indha-Cadde. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/Wareysi-Yuusuf-Indha-Cadde.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
Gaalkacyo (SMN)- Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa magacaabay 10 degmo oo hoos tagi doona gobolada Galgaduud iyo Mudug. Warqad ka soo baxday madaxweyne Xaaf ayaa lagu xusay in soo jeedin ka timid dhinacyada kala duwan ee bulshada iyo horumarka dhaqaale ay ku tilaabsadeen,kadib loo magacaabay deegaanadaasi degmooyin. Deegaanada uu madaxweynaha Galmudug u magacaabay degmooyinka oo 10 ah ayaa 5 kamid ah waxay ka tirsanyihiin gobolka Mudug halka 5 kale ay hoos tagi doonaan gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug. Degmooyinka uu magacaabay madaxweyne Xaaf ee hoos imaan doona Galgaduud ayaa kala ah Guriceel,Godinlabe,baxdo,galnsoor iyo dhabad, dhanka gobolka Mudug degmooyinka cusub ee loo magacaabay ayaa kala ah Bandiiradleey,Bacaadweyne,Wisil Af barwaaqo iyo degmada Ceel Guula. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Dagaalkan oo soconayay mudo saacad ayaa ka dhacay deegaanka Buula Mareer oo hoostaga degmada Kuntuwaareey ee gobolka Shabeelaha Hoose,kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen fariisimo ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin gudaha deegaankaasi. Daryanka hubka culus iyo kuwa fudud oo ay is dhaafsanayeen dhinacyada dagaalamay ayaa laga maqlayay gudaha iyo hareeraha deegaanka Buulo Mareer . Inkastoo aan la ogeen qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi ayaa hadana la soo sheegayaa in ay jirto qasaaro dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyada,balse saakay ayaa guud ahaan waxaa dagan xaaladda deegaanka uu dagaalka ka dhacay. Al-shabaab ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen deegaanka Buula Mareer inta uu dagaalka socday,balse dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in ay dib isaga laabteen dagaalyahanada Al-shabaab,kadib dagaalka. Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan saakay ka wada gudaha deegaanka Buula Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose,howlgaladaasi ayaana lagu xaqiijinayaa amaanka deegaanka uu weerarka ka dhacay. Saraakiisha Milatariga Soomaaliya iyo maamulka degmada Kuntuwaareey ayaa ka gaabsaday in ay faahfaahin ka bixiyaan dagaalkii xalay ka dhacay deegaanka Buula Mareer ee degmadaasi. View the full article
-
Cyclone Idai: Rescuers race against time to reach survivors
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Click here Qaran News -
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa fahmi la’ shaqadii uu u dirsaday Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Wasiirka oo ay wasaaradiisa ku jirto xaalad u baahan badbaado iyo in laga joojiyo musuq maasuqa baahsan ee ka socdo ayaa ka hadlay Khilaafka ka taagan mushaaraadka Ciidamada Dowladda. Wasiir Maareeye ayaa ku eedeeyay inay gacmo qaran dumis ah sida uu yiri ku jiraan ciidamada oo diidan in la tiro koobo ciidamada, wuxuuna ku dooday inay jiraan ciidamo laba mushaar qaata oo ka hoteelada iyo Hay’addaha kale ee dowladda. Wasiirkan Ganacsiga oo aanay quseyn arrinta ciidamada ayaa difaacayey wasiirka Maaliyadda oo uu kasoo xigtay in ciidamada ay qaateen mushaarkooda. Wasiir Maareeye ayaa hanjabaad u diray Warbaahinta iyo Saraakiisha ciidamadad oo uu ku tilmaamay inay lacag ku qaateen sidii ay u buun buunin lahaayeen Ciidamada isaga soo baxay afaafka hore ee dagaalka kadib markii ay waayeen mushaaraadkooda. Hadalka Wasiir Maareeye ayaa kusoo aadayo xilli ganacsatada Soomaaliyeed ay dhibaato ku qabaan wasaaradda uu Wasiirka u yahay oo ay ka jirto musuq maasuq iyo Laaluush. Qofka u baahan inuu Wasaaradda ka helo waxyaabo la xiriiro ganacsigiisa ayaa Wasaaradda Ganacsiga kala kulmo dhibaato isugu jirto Laaluush iyo inaan loo qaban shaqadii uu wasaaradda uga baahnaa. Qaar ka tirsan Hey’adaha ka shaqeeyo Muqdisho iyo ganacsatada ayaa Caasimadda Online u sheegay inuu Wasiir Maareeye bil kasta ka qaato lacago baad ah si ay shaqadooda ugu sii socoto. Sidoo kale Wasiir Maareeye ayaa in ka badan 150 qof ka iibsaday si shaqsiyan ah Viisaha dalka Turkiga isagoo dadkaas u diiwaan geliyey inay ka qeyb galayaan shir ganacsi oo bilooyin ka hor ka dhacay Dalka Turkiga. Dadkaas ayaa qofkiiba wuxuu wasiirka ka qaatay 5 Kun oo Dollar sida uu Caasimadda Online u xaqiijiyey mid kamid ah dadkaas oo Tahriib ku galay dalka Gariiga. Dowladda Turkiga ayaa Wasaaradda Ganacsiga ka joojisay inay hadda kadib wafdi usoo dirto shirarka ganacsi ee dalkaas ka dhaco maadaama 150-kii qof ee dhawaan halkaas la geeyey aysan ka qeybgelin shirka sababtana waxay aheyd dadkaas oo dhammaantood ahaa kuwa rabo inay Wadamada Yurub usii tahriibaan. Qaar ka tirsan Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa dacwad ka dhan ah Wasiir Maareeye u gudbiyey Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre kadib markii ay xoogeysatay musuq maasuqa ka socdo Wasaaradda Ganacsiga. Waxaa wax lala yaabo ah inuu Wasiir Maareeye ka hadlo arrimo aan khuseyn oo dhanka Ciidamada iyo mushaaraadka ah iyadoo ay xaaladaan halista ah ku jirto Wasaaradda Ganacsiga ee Xukuumadda Soomaaliya. Caasimadda Online ayaa dhawaan idiin soo bandhigi doonto Documentiyo muujinayo musuq maasuqa baahsan ee ka jiro wasaaradda Ganacsiga. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-21032019.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa magacaabay degmooyin cusub oo ka kala tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Galmudug ayaa lagu magacaabay 10 degmo oo 5 kamid ah ka tirsanyihiin gobolka Mudug halka 5 kalena ka tirsan yihiin gobolka Galgaduud. Sida dikreetada ku cad degmooyinka la magacaabay ee gobolka Mudug waxay kala yihiin Bandiiradley Bacadweyne Wisil Afbarwaaqo iyo Ceel-guul. Dhinaca gobolka Galgaduud madaxweyne Xaaf wuxuu degmooyin u magacaabay Guriceel Baxdo Godinlabe Galinsoor iyo Dhabbad. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay degmooyin cusub appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliya iyo Shaqaalo ka tirsan Guddiga Shaqaalaha Rayidka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in la helay xog ku aadan in Al-shabaab ay qorshaynayaan in ay soo weeraraan dhismaha Guriga Hooyooyinka iyo maqaayadda The village oo hore dhowr jeer loo weeraray. Saraakiisha Booliiska Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in qof ka tirsan Shaqaalaha Wasaaradaha dowladda oo ku shaqeeya Guriga Hooyooyinka ay Al-Shabaab la soo xariirayn una sheegay in uu naftiisa uu ku badbaadin karo oo kaliya in uu bixiyo xog ku aadan sida loo weerari karo dhismaha Guriga Hooyooyinka. Dadka aan la hadalnay ayaa sidoo kale sheegay in qofkaan laga dalbaday in uu u fududeeyo rag katirsan Maleeshiyada Al-Shabaab in ay galaan guriga hooyooyinka si ay u soo fahmaan dhismaha oo guri aad u luuq-luuqyo badan oo hadii ay galaan aan laga saari karin ilaa Guriga la baabi’iyo. Qofkaan katirsan Shaqalaha Dowladda oo aad loo cabsi geliyay ayaa maalin kahor ka baxay magaalada Muqdisho waxa uuna si deg deg ah ugu safray Jabuuti, ayada oo la sheegay markii uu dalka ka baxay in uu xogtaan la wadaagay hey’adaha amaanka Soomaaliya, si uu dad kale u bad-baadiyo. Warar kale oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in aad loo adkeeyay amaanka Guriga Hooyooyinka, waxaana la xiray wadooyinka qaar ee soo gala iyo kuwa ka baxa, sidoo kale waxaa la xiray mid kamid ah albaabada maqaayada The Village, iyadoo dadka lagu war-geliyay in ay taxadaraan. Dadka ku sugan dhismaha Hooyooyinka iyo maqaayadda The village oo u badan shaqaale Dowladeed iyo Wariyaal ayaa loo sheegay in ay feejignaan galaan waxaana la kordhiyay Ciidamada ilaalada ah ee la dhigay agagaarka dhismahaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Khubarada Kenya ayaa rumeysan in ka bixitaanka ciidamada Kenya ee qeybo ka mid ah gobolka Gedo ay tahay tallaabo cadaadis lagu saarayo dowladda Soomaaliya, waxaa sidaas qoray wargeyska Daily Nation. Inkasta oo ciidamada Kenya ay ku andacoodeen in bixitaankan uu yahay xeelad, maadaama ay ku adkaatay in goobo badan oo kala fog sahay lagu gaarsiiyo ciidamada, haddana khubaro ayaa sheegay in tani aysan ka marneyn muranka diblomaasiyeed ee labada dal ee salka ku haya xiisadda badda. “Ayada oo Kenya ay ciidamadeeda kala baxeyso saldhigyo muhiim ah, Al-Shabaab ayaa saldhigyadaas buuxinaysa, taasina waxy aad uga careysiinaysaa dowladda Soomaaliya” ayuu yiri John Kariuki oo darsa siyaasadda gobolka. “Waa tallaabo ay Kenya uga aargudaneyso dowladda Soomaaliya” ayuu hadalkiisa kusii daray. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u diiday in kiiska badda Soomaaliya ee maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ay ka laabto, islamarkaana wada-hadal diblomaasiyeed ay la gasho Kenya. Dhammaan saldhigyadii ay ciidamada Kenya ka baxeen ayaa waxaa hadda qabsaday Al-Shabaab, oo sii ballaarinaysa dhulka ay haystaan ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Dowladda kenya, oo wargeyska Daily Nation uu arrintan wax ka weydiiyey waa ay diiday inay ka hadasho sababta ay ciidankeeda uga saareyso goobo muhiim ah oo ku yaalla gobolka Gedo. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Shaqaalaha QM,EU,AU & Kuwa Hayadaha Caalamiga ah oo ka baxay Muqdisho+Duruufaha soo wajahay Warar ay heshay Warbaahintu ayaa sheegaya in maanta iyo shalay magaalada Muqdisho ay ka baxeen qaar ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay, Midowga yurub, Midowga Africa iyo inta badan shaqaalaha kale ee ajaaniibta ah kuna sugnaa magaalada Muqdisho kadib xaalad cabsi ah oo ka jirta Muqdisho. Sirdoonka ajaaniibta ah ee ku sugan Xalane ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay soo galeen Al-Shabaab badan, sidoo kalane ay ku soo dhawaadeen Al-Shabaab kale oo hubeysan kuwaas oo duqayn ku garaaci kara xafiisyada Qaramada Midoobay ee Xalane. Bilihii la soo dhaafay Al-Shabaab ayaa sare u qaaday weerarada iyo qaraxyada Muqdisho, waxaana sirdoonka reer galbeedka la sheegay inay rumeysan yihiin in magaalada ay kusoo xoogeysanayaan. Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa marti gelisay boqolaal Shaqaalo ajaaniib ah kuwaas oo ka shaqaynayay Xafiiska UN-ka ee Xalane waxaana la filayaa in kuwa kale ay ka baxaan magaalada Muqdisho. Al-Shabaab ayaa la sheegay in degaano ku dhow dhow magaalada Muqdisho ay soo galeen kadib markii ay baneeyeen ciidamada difaaca Soomaaliya oo ka cabanaya Mushaar la’aan iyo Garaam la’aan. Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in Indhaha iyo Dhegaha ka oodatay cabashada ciidamada difaaca ayna khatar gelineyso amaanka Shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Walaac qayla dhaan iyo cabsi xoog leh ayaa laga qabaa xaaladda Soomaaliya waxaana sii xoogaysanaya degaanada ay Al-Shabaab sida fudud uga qabsanayaan Ciidamada difaaca Soomaaliya kadib markii ay ciidamada ka soo baxeen degaano iyo degmooyin katirsan Goballada Shabeelooyinka. Quburada dhinaca amniga ayaa sheegay in ay qatar ka dhalan karto gadoodka ciidamada difaaca Soomaaliya ee maalmahaan ka jira Shabeelooyinka. Saraakiishaan ka tirsan hey’adaha amaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Al-Shabaab si fudud loogu gacan geliyay degaano Istiraatiiji ah oo markii hore qabsashadooda dhiig badan ku daatay. “Muqdisho ayaa halis ku jirta hadii ay sidaan wax ku sii socdaan, waa in laga hortagaa gadoodka ciidamada” ayuu sarkaal Sare oo ka tirsan hey’adaha amaanka Soomaaliya oo la hadlay Caasimad Online Quburada amniga ayaa cadeeyay in ciidamada ay ka baxeen oo kaliya degaano muhiim u ah amniga Muqdisho, waxa kaliya ee ku xigana ay tahay in Al-Shabaab ay Muqdisho qabsadaan sida ugu dhaqsiyaha badan hadii aan laga hortagin. Dowladda Soomaaliya ayaa dhagaha ka furaysatay qayla dhaanta ciidamada waxaana jiray hadalo adag oo ka yimid Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyrre kuwaas oo sii kiciyay Ciidamada Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Booqashadii Madaxwayne Biixi ku tegay dalka Imaaraadka Carabta waxa ay ahayd booqasho rasmi ah waa siday madaxtooyadu inoo sheegtay, laakiin dawladda Imaaraadku waxa ay u beddeleen booqasho gaara [private visit] oo ka derajo hoosaysa ta rasmiga ah, waa maxay qaladka uu madaxwayne Biixi ama madatooyadu gashay? Maqaalkan kooban ayaan ku faahfaahin doonaa; Booqashooyinka uu Madaxwayne dal uu ku tago waxa ay u qeybsamaan saddex nooc oo kala ah; 1- BOOQASHO DAL 2- BOOQASHO RASMI AH iyo 3- BOOQASHO GAARA ah. 1. BOOQASHO DAL: waa ta ugu sarreysa ee Madaxwayne dal ku tago, inta uu madawaynehaasu xilka madaxwayne-nimo hayo waxa loo sameeyaa hal mar oo kaliya, sababta loogu bixiyey booqasho dal waa madaxwayne u marti ah dalka oo dhan maaha madaxwayne u marti ah madaxwayne kale ama madaxwayne u marti ah xukuumada ee waa madaxwayne u marti ah noocyada kala duwan ee dalka oo dhan. Waxa ayna ka bilaabantaa Madaxwayne ama Boqor casuuma Madaxwayne dal kale ama Boqor dal kale, warqadda casuumadda waxaa soo qaadaya wasiirka arimaha dibeda iyo wafti la socda oo madaxwaynaha dalka la casuumay gacanta ka galiya. Madaxwaynaha la casuumay waa in uu ku soo jawaabaa muddo isbuuc ah warqada jawaabta ee ogolaanshaha casuumadda, waxa uu u soo dhiibaayaa wasiirkiisa arimaha dibeda oo gacanta ka gelin doona madaxwaynihii casuumada fidiyay, hadii uu isbuuc ku soo jawaabiwaayo micna heedo waa diidmo booqasho. Intaa kadib booqashadaa waxaa la diyaarinayaa muddo bil ah waraaqaha lays-weydaar sanayaa waxaa kala qaadaya safiirada labada dal su’aalaha u badan ee lays weydiinayo waxa ay u badan yihiin. 1. Booqashadu wakhtigay bilaab maysaa iyo wakhtigay dhammaanayso ugu yaraan saddex cisho ugu badnaa shan iyo toban cisho. 2. Waftiga madaxwaynaha imisa qof ayaa la socda? ugu yaraan 25 qof ugu badnaan 250 qof. 3. Waftiga masuuliyiinta la socdaa maxay kala yihiin? a) FAKHAAMA oo ah madaxwayne ama madaxwayne hore ama murashax madaxwayne. b) MACAALII oo ah wasiir ama wasiir hore ama Muftiga dalka. t) SACAADA oo ah safiir ama safiir hore, la taliye madaxwayne, iyo Agaasime guud j) SAYID oo ah mas’uuliyiinta kale ee waftiga la socota. Mid walba waxa la siinayaa sooryo u qalanta xilkiisaa. 4. Cuntada uu madaxwaynuhu jecelyahay ama uu cuno waxa ay soo qorayaan liis ugu yaraan 20 nooc ugu badnaa 40 nooc. Maalinta uu madaxwaynuhu soo degayo waxaa la fasaxaa dhammaan shaqaalaha dawlada dugsiyada dhexe iyo sare ee caasimadda iyaga oo ka qeyb qaadanaya soo dhaweynta, Dugsiyada hoose iyo jaamacaduhu kuma jiraan fasaxa. Marka uu soo dego waa in loo dhigaa roog cas oo gaadhaya 50mitir, waa in madaxwaynuha wax casuumay diyaarada hoosteeda soo is taagaa waa in loo ridaa 21 madfac oo dabaal deg ah, ( haduu raysal wasaare yahayna waa 19 madfac), waa in lagu dejiyaa qasriga madaxtooyada ama qasri kale hotel waa mamnuuc, waa in lagu qaadaa gawaadhi madmadoow, midabka cadaankuna waa mamnuuc, laba dal ayaa xidhiidhka ku kala qaatay gaadhi cad oo laysku qaaday la soco dhaqanka dawliga ahi gaadhiga cad caruusadaha ayaa lagu qaadaa. Waa in la geeyaa goobo kala duwan ugu yaraan 7 ilaa 15 goobood oo Barlamaanka dalkuna ka mid yahay, waxaa khasab ah in uu madaxweynuha dalka soo booqday wato marwadiisa, lacala haduu madaxwaynuhu ka soo tago marwadiisa micneheedu waa in madaxwaynuhu guurdoon yahay doonayana inuu dalka la xidido, Madaxwaynahaa la soo booqday waa inuu marwadiisa faraa in ay dalka qalanjo uga soo xusho madawaynahan guur doonka ah, ama waa in madaxwaynuhu cudur daar hore loo sii sheegaa tusaale :- marwadi waa fool ama waa xaamilo safarku dhibayo iyo wax lamid ah. 2. BOOQASHO RASMI AH = Waa booqasho shaqo waxa ay in yar ka derajo hoosaysaa BOOQASHO DAL oo aynu kor ku soo xusnay waraqadaheeda waxa kala qaadaya safiiro, waa in ay jiraan heshiisyo ama isfahno laka saxeexanayaa. Rooga cas ee madaxwaynaha loo dhigayaa waa 25 mitir mudada uu joogayaa waa 3 cisho ilaa 5 cisho waftigu wuxuu ka koobnaan doonaa 10 ilaa 15 mas’uul sida oo kale qasriga madxtooyada ayaa lagu dejinayaa ama qasri kale hotel waa mamnuuc. Waa inuu la socdaa WASIIRKA ARIMAHA DIBEDA, WASIIRKA QORSHAYNTA, WASIIRKA MAALIYADA, haddii wasiiradaa la waayo waa in ku xigeena doodu la socdaan, waa inay jiraan heshiisyo isfahan ah ama heshiisyo rasmi ah oo la kala saxeexanayo. Haddii intaa laga tego booqashadu maaha BOOQASHO RASMI AH ee waa booqasho gaar ah, waana tii Madaxwayne Biixi ku dhacday ee booqashadiisii hoos loogu dhigay, dhammaan saddexdaa wasaaradood cidi kala may socon wax la kala saxeexanayayna may jirin, warar ka rasmiga ah ee isoo gaadhay ayaa ah in madaxwaynaha uu la kulmay Agaasime ku xigeenka xafiiska samafalka sheekh Zaaid ee joogay Hargeysa maalintii la dhagax dhigayay wadada Berbera waxaana la geeyay xarumo milatari iyo daawasho agab ciidan oo uu madaxwayne Muuse dalbaday. Sidoo kale waxa dhici karta in aanay madaxtooyadu kala garanayn booqashooyinka iyo booqashada uu madaxwaynuhu u socdo iyadoo ah BOOQASHO GAARA ay ina yidhaah deen waa BOOQASHO RASMI AH. 3. BOOQASHO GAAR AH = waa ta u hoosaysa waana Madaxwaynaha oo ka qayb galay TACSI, AROOS, FARXAD DAL, ama utaga dal , LAKULAN SHIRKAD, ama NASASHO, DALXIIS, CAAFIMAAD, FASAX U GAAR AH, iyo kuwo kale oo la mid ah. Roogga cas ee loo dhigayaa waxa uu noqonayaa 10mitir. Booqashadan waxaa la dejin karaa Hotel ama qasri kolba kii ay u doorto safaaradiisu iyo waftigii hordhaca ee qaban qaabada safarka madaxwaynaha. Maqaalkan waxa aan diyaariyay 14/3/2019 waa maalintii uu madaxwaynhu ka soo noqday Imaaraadka waxa aan dib ugu dhigay anoo kala duwaya sixitaanka iyo dhalinyaradii jibaysnayd waxaan filayaa in hada ay jibadi dagtay oo laysa sixi karo. Barta Hab maamuuska la isu qaabilo. Alaa mahad leh. Amb Ahmed Safiina Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Bulshada Soomaaliyeed kuwooda ku xiriira baraha bulshada sida facebook ayaa u muuqda kuwa aad uga carrooda hadalalda ra’iisul wasaare Kheyre uu ka yiri mushahar la’aanta ciidamada dowladda. Caasimadda ayaa ogaatay inay jirto kalsoonida darri shacabku ka qaadeen ereyada R/W Kheyre uga fal-celiyay xaaladda ay ku jiraan ciidamada dowladda, kuwaas oo muddo ku dhow shan bilood aan qaadan mushahar– halkii looga fadhiyay inuu ka bixiyo jawaabtii ku habbooneyd. Hadalladiisa waxaa ku jiray inaysan jirin ciidamo dowladda u xisaabsan oo aan helin wax mushahar ah, haddii ay jiraanna uu yiri ay yihiin kuwo aan u diiwaan-gashaneyn dowladda dhexe. Iyaga oo haddaba is barbar-dhigaya waxa ka runta ah hadallada Kheyre iyo gadoodka muuqda oo ciidamada qaranku kaga soo baxayaan furumaha dagaalka, waxay qaarkood dhawaaqiisa ku tilmaameen mid aan la qaadan Karin. Haddaba waa kuwan qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed oo aragtidooda ku cabbirayay sida ay u arkaan jawaabta R/W Kheyre. Qaar kale ayaa ku hakaday maahmaahdii aheyd – Wadar iyo waaxid kumaa waalan?! In kale ayaa si xusuusin le hula dardaarmay madaxda qaranka – iyaga oo amaanada shacabka ay u dhaarteen ugu baaqay inay Alle ugu dhawaadaan. Balse, in kale ayaa aragtidooda ku cabbiray jiritaanka musuqa kusii xididaysanaya laamaha kale ee dowladda kaas oo si aan laga fursan Karin ugu baahay xittaa xuquuqdii ay lahaayeen ciidamada qaranka. Si kastaba, ma cadda haddii si dhab ah hadda kaddib ay dowladdu kaga fal-celin doonto xuquuqda ciidamada ka maqan ama ay kusii adkeysan doonto kusii dhaqanka caadada u noqday dowladihii hore oo ahayd – in yar hoo, in badan ku aamus. Taas oo laftigeeda aad mooddo in ciidamada dowladdu ay qadyaan ka joogaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Buulomareer (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysan oo Al Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada AMISOM iyo dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Shabeelaha Hoose. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dagaal saacado qaatay uu ka dhacay saldhiga deegaanka Buulo Mareer ee ciidamada dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ku leeyihiin, kaasi oo sababay qasaaro kala duwan. Masuuliyiinta maamulka degmada Buulomareer ayaa sheegay in ciidamada AL Shabaab xalay saqdhexe ay weerarka soo qaadeen, islamarkaana ciidamada ay iska difaaceen weerarka kaga yimid Al Shabaab. Guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada degmada Buulomareer Muxidiin Khaliif Cali oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in weerarka uu socday ku dhawaad 30 daqiiqo, isaga oo sheegay in khasaaraha aan la ogaan wali. Wuxuu sidoo kale sheegay in Al Shabaab ay meydadkooda ka jiitaan goobta dagaalka uu ka dhacay, sida uu hadalka u dhigay, islamarkaana ciidamada dowladda iyo AMISOM aysan soo gaarin khasaaro badan. “Buulo Mareer Xalay waxaa ka dhacay, qolyihii nabad diidka ayaa soo weeraray saldhiga AMISOM, wax khasaaro ah oo xageena naso gaaray ma jirto, iyaga ayaa horey u qaatay labo meydadkooda ah, Labaatan daqiiqo ayuu dagaalka socday”ayuu yiri Muxudiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland waxa booqasho ku yimid Wefdi ka socda dalka Eritrea oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibeda dalkaasi, Cismaan Saalax. Wefdigan ayaa intii uu joogey magaalada Hargeysa waxa uu la kulmay Madaxweyne Muuse Biixi, isagoo kulamo kala duwana la qaatay Masuuliyiinta ugu sareeysa Xukuumada. Geesta kale, waxa soo baxaya Warar sheegay in suurta-gal tahay in dhowaan ay kulan yeelan doonaan labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Eritrea. Kulankan Labadan Madaxweyne Muuse Biixi iyo İsaias Afwerki ayaa la filayaa in uu dhowaan ka dhaco midkood magaalooyinka Hargeysa iyo Asmara, iyagoo labada Madaxweyne isku direy warqado martiqaad rasmiya, oo midkastaba midka kale ugu yeedhayo inuu booqasho ugu yimaado. Wararka ay Caasimada Online helayso ayaa intaa ku daray in suurto-gal tahay in Madaxweyne Biixi uu socdaal ku tago magaalada Asmara ee dalka Eritrea, kaasi oo wefdigii Eritrea marti qaad rasmiya uga sideen Madaxweyne İsaias Afwerki, waxaana xigi doona booqasho Afwerki ku yimaado Hargeysa. Dhinaca kale, Masuuliyiin katirsan Xukuumada Muuse Biixi ayaa iyaguna Caasimada Online usheegay in Madaxweyne Biixi uu dhowaan booqasho ku tagayo magaalada Asmara ee dalka Eritrea, si uu ula kulmo dhigiisa dalkaas. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Waxaa wax lala yaabo ah in masiir ka dhaxeeyo beelo soomaaliyeed ay hal beel ku soo noq noqoto madaxnimada. Waxaan is weydiiyey ma dastuurka Galmudug buu ku xusan yahay beeshaas beel aan ahayn in aysan qaban Karin madaxnimada Galmudug oo beelo fara badan ay ka dhaxeyso ! Waan ka waayey dastuurka qodobkaas. Waxaan kaloo is weydiiyey “Haddii aan beeshaas laga dhigin Madaxweyne, ma wax aan dhici jirin ayaa dhacayo!. Qodobkaasna jawaab waan u waayey. Waxaan kaloo is weydiiyey beelaha dego Galmudug ma waxaa laga waayey qof lagu aamini karo masiirka Galmudug. Qodobkaasna jawaab waan u waayey. Waxaan kaloo is weydiiyey intii xilka ay isku bed bedelayeen, mexey u qabteen Galmudug ? Qodobkaasna jawaab waan u waayey oo waxaa ii soo baxdey eber. Isku soo xoori “Sanado naga qasaarey dheh”. Bal ila eega Mas’uuliyiintii soo qabatey xilka Madaxweynaha Galmudug dhamaantood heshiis ma ahan, midba midka kale ayuu colaad u hayaa, waana hal qoys. Yaab anagaa aragney. Maamulada ka jiro dalka waxaa ugu liito waa Galmudug oo is jiid jiid ay ragaadisey. Guntii iyo Gabagabadii dhamaantood waa adeeradey hadana caddaalad darro ma ogoli, waxaanse ku talin lahaa in laga hor leexdo bulshada Galmudug, yaan waqti kale laga qasaarin, si ay masiirkeeda uga tashato. Waxaa Qorey: Abdulahi Siciid Cilmi Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Balcad (Caasimada Online) – Xiisad horseedi karta khasaare nafaeed oo xooggan ayaa caawa ka dhacday degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ciidamo hareeyeen xubno ka mid ah wafdigii Muqdisho. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in qaar ka mid ah ciidamada milateriga Soomaaliya ee maanta ka soo baxay furimaha dagaalka ay caawa fiidkii isku hareereeyeen gaari uu saarnaa Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq John oo ka mid ahaa wafdigii Wssiirada iyo Saraakiisha maanta gaaray Balcad. Ciidamadan oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka ayaa sheegay inuusan Taliye Saadaq ka tagi doonin degmada Balcad, illaa la siiyo Qoryo lagala wareegay xilligii howlgalkii Xasilinta Muqdisho. Illaa iyo hadda wax faah-faahin ah lagama hayo qaabka iyo hubka uu Saadaq John kala wareegay ciidamadan, hase yeeshee ciidamadii hubka laga dhigay xilligii howl-galka xasilinta ayaa u badnaa kuwa ku beel ah ciidanka maanta gadooday. Xiisaddii caawa dhacday ayaa waxaa xaliyey wasiirka Amniga Islow Ducaale oo xaalada soo farageliyay, kana dalbaday Taliyaha Ciidamada inay xaalada dejiyaan, wixii qori ee ka maqan uu isaga bixinayo. Ducaale ayaa sidoo kale ku beel ah ciidankan. Ciidamada kasoo baxay gobollada Shabeellooyinka ayaa kasoo jeeda beelaha dega Muqdisho, waxaana sababta mushaharka loogu diiday qeyb ka ah qorshe la doonayo in gebi ahaan lagu baab’iyo, kaasi oo madaxda dowladda ay dejiyeen. Halkan ka aqriso xogtaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___Qubanaha-20032019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gadoodka la xiriira mushahar la’aanta ee ay sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee labada Shabeelle, ayaa lugaha la gashay arrimo siyaasadeed oo hoggaanka sare ee dowladda ay ka dambeeyaan, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Dad badan ayaa is weydinaya sababta Illaa iyo hadda ciidamada ka cabanaya mushahar la’aanta dowladda ay yihiin kaliya ciidamada ku sugan Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, oo ciidamada kale ee gobollada kale ee dalka ama xitaa kuwa Muqdisho aysan dhibkan u qaban. Sababta ayaa ah, hoggaanka kooxda Nabad iyo Nolol ayaa waxaa u qorsheysan inay kala diraan ciidamada fadhigoodu yahay Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose oo u badan beelaha dega magaalada Muqdisho, taasoo ay ugu wacan tahay inay u arkaan halis muuqata iyo inaan la xukumi karin. Ciidamadan inay ku tuhmeen qabiilo gaara, ka sokow waxay halis ku yihiin qorshaha dib u doorashada kooxda Nabad iyo Nolol oo dhowr jeer sanadihii 2017 iyo 2018 lagu cabsi geliyey ciidamadan si beelnimo ah u taageeraya ama u difaacaya siyaasiyiin ay isku beel yihiin oo loolan kula jiray Madaxweyne Farmaajo. Saraakiisha sare iyo kuwa dhexe ee hoggaamisa guutooyinka degan labada gobol ee Shabeellooyinka waa kuwo aan daacad u hayn madaxda hadda jirta ama lagu tuhunsan yahay inay muddo jeer xilalka iska heysteen ciidamada ay hoggaamiyaanna ay iyagu leeyihiin, taasoo xilligan loo arkay kan ugu haboon ee meesha looga saari karo. Qalalaasaha ka taagan ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Shabeellooyinka waa mid aan ka marneyn siyaasad iyo rabitaan dano gaara oo la isku hayo, waxaana qorshahan oo ah mid culus oo u muuqan kara dagaal qabiilo gaara lagu hayo, ka gaabsaday madaxweyne Farmaajo, iyadoo la soo hor mariyey Ra’iisal wasaare Kheyre oo beel ahaan loo xijinayo ciidamadan. Waxaa sidoo kale, caddeyn kale ay noqotay markii maanta uu madaxweyne Farmaajo, ciidamada gadooday ee Shabeellaha dhexe u diray Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka warfaafinta Daahir Geelle iyo Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Jen. Odawaa Raage, oo saddexduba ah Abgaal, inkasta oo ciidanka loo diray ay yihiin ciidan qaran. Dib u habeynta ciidamada ee la siyaasadeeyay iyo talisyada iyo ciidmadooda ku qaan gaaray khaladaadka soo jireenka ah, ayna adag tahay in loo bedelo ciidamo sax ah, waxay qolo waliba ka dhigeen mid xaq ku taagan, waxaana xalinta qalalaasahan uu noqon doonaa mid ku xiran mustaqbalka siyaasadeed ee kooxda Farmaajo 2021. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com