-
Content Count
207,695 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN)- Faahfaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyo lala beegsaday ciidamo Kenyan ah iyo kuwa maamulka Jubbaland,kuwaas oo ka dhacay duleedka deegaan ka tirsan gobolka Gedo oo lagu magacaabo Buusaar. Ciidamada qaraxa lala beegsaday ayaa maalin ka hor isaga baxay deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo. Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxyadaasi,iyagoona sheegay in ay ku dhaawaceen afar askari oo Kenyati ah sidoo kalana ay dhaawaceen lix askari oo ciidamada Jubbaland ah. Al-shabaab ayaa sidoo kale waxay sheegeen in askarta ay ka dhaawaceen ciidamada Jubbaland uu ku jiro taliyihii ciidamada maamulkaasi ee deegaanka Buusaar. Ma jirto faahfaahin ka soo baxday saraakiisha ciidanka maamulka Jubbaland iyo kuwa Kenya oo ku aadan qaraxyada lala beegsaday ciidamadooda. View the full article
-
Faahfaahino Ka Soo Baxaya Dagaal Ka Dhacay Shabeelaha Hoose
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (SMN)- Gudoomiye ku xigeenka degmada kuntuwaareey ee gobolka Shabeelaha Hoose Maadeey Khaliif Cali oo haatan si ku meel gaar ah ugu shaqeeya deegaanka Buula Mareer ee goolkaas ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaal saacadihii la soo dhaafay Al-shabaab iyo ciidamada dowladda ku dhexmaray halkaasi. Mr Maadeey ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka dileen 2 ka tirsanaa dagaalyahanadooda,waxaana uu tilmaamay in dhankooda weerarkaasi qasaaro ka soo gaarin. Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka degmada Kuntuwaareey ayaa shaaca ka qaaday in ay ciidamadu wadaana howgalo lagu xaqiijinayo amniga deegaankaasi. Dagaalkan qasaaraha uu ka dhashay ee ka dhacay deegaanka Buulo Mareer ayaa yimid kadib markii fariisimo ciidamada dowladda halkaasi ay ku leeyihiin ay soo weerareen Al-shabaab,waxaana lagu waramayaa in ay dagantahay xaaladda deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article -
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-21032019.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Kal-fadhigii 31-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 21/03/2019, waxa lagu ansixiyey siyaasadda shaqaalaha rayidka ah oo ay golaha horkeentay Wasaaradda shaqo gelinta arrimaha bulshada iyo qoysku. Waxa kale oo goluhu warbiximo ka dhegeysteen wasaaradaha horumarinta maalgashiga iyo dhalinyarada iyo ciyaaraha, ugu horayntiina wasiirka maalgashiga ayaa golaha ka horjeediyey qorshe hawleedka wasaaraddaasi, isagoo ku dheeraaday muhiimada maalgashiga, horumar muuqdana ka sameeyeen iibgeynta maalgashiga dalka, isagoo xusay inuu si xawli ah u socdo maalgashiga gudaha ee muwaadiniintu. Isla markaana ay xidhiidho la sameeyeen maalgashadayaal caalamiya, si looga faa’iideeyo khayraadka dihin ee waddanka, korna loogu qaado kobaca dhaqaalaha iyo shaqo abuurka da’ yarta. Dhinaca kale Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa golaha u sharaxay dedaalada wasaaraddu ugu jirto jihaynta dhalinyarada iyo horumarinta ciyaaraha kala duwan ee dalka, waxaanu wasiirku tilmaamay inay ku hawlan yihiin dardargelinta ciyaaraha kala duwan iyo dhiirigelintooda. Ugu danbayntiina waxa uu goluhu dood dheer ka yeeshay wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerka shaqaalaha rayidka ah Xeer/No/31/2004, sidoo kale waxa goluhu soo jeediyey in la horkeeno xeerka maamulka dhulka ee wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta, si xal waara loogu helo khilaafaadka dhulka. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
-
Waraysi kooban oo aanu saaka la yeelanay gudoomiyaha xisbiga Wadadani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo ku sugan dalka Finland ayaa noo sheegay in aad iyo aad u fiicnayhay isla markaasina uu u sii jeedo dalkii oo ay hayayd in uu Jimcihiii ina dhaafay uu ku laabto hase ahaatee uu hada u xidh xidhanyahay sidii uu dalkii ugu laaban lahaa, waxana uu sheegay oo uu carabka ku adkeeyay in Boqolkiiba boqol caafimaad qabo oo uu hawlihiisa qabsado mar walba hadii uu gudaha joogo ama dibadaba. Gudoomiyaha oo aan wax ka waydiinay wararka sheegaaya in xaaladiisa caafimaad ay liidato, hadalkaasi oo ay suuqa aad ugalinayaan xukumadda Kulmiye ee ku fashilantay hagista iyo midayntii shicibka Somaliland ee ay masuulka ka ahaayeen. Dr Cirro oo aad ugu qoslay arintaasi ayaa yidhi horta anigu maan arag meel ay hadalkaasi ku baahiyeen lakiin iyaga iyo kuwo kaleba waxa aan leeyahay arimaha Habaarku kumuu jirin intaas ayaan ugu dhaafayaa. Qaran News
-
Warar hoose oo ka soo baxaaya safarkii wasiirka arimaha dibada ee dalka Eriteriya Osman Salah Mohammed ee todobaadkani Somaliland socdaalka ku yimid , ayaa sheegaaya in uu socdaalkiisaasi uu ku lug lahaa isku dayo hore oo ay dawlada Itoobiya ku fashilantay oo khuseeyay sidii madaxweynaha Somaliya loo keeni lahaa magaalada Hargeysa. Socdaalkani oo ay si fiican dawlada Itoobiya ula socotay isla markaasina ay doonayso sidii dalab culus oo uga yimid Farmaajo loo fulin lahaa taasi oo uu hore ugu fashilmay Abi Axmed. Hadaba wasiirka dawlada Eriteriya mudane Osman Salah Mohammed, oo safarkiisa uu Adis Ababa kaga soo kicitimay uu ku weheliyay wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya Axmed Xasan Cigaal oo isagu waftiga wasiirka ka soo raacay magaalada Adis Ababa oo ay markii hore wasiirka Eriteriya uu ku sii sugnaa, ayaa u qorshaha uu hada ula yimid Muuse Biixi ahaa in arinta wada hadalada ee Somaliya iyo Somaliland laga saaro in ay beesha caalmaku soo dhex gasho taasi oo Farmaajo u diiday joog iyo jiif isla markaasina ay arintooda xaliyaan wadamada gobolku oo ayna wehelinin bulshada caalamku isla markaasina gogosha ugu horaysa ee Farmaajo iyo Muuse Biixi gogoshooda ugu horaysa la dhigo dalka Eriteriya ama Itoobiya. Lama oga in uu ilaa hada Muuse Biixi aqbalay in beesha caalmka laga dhex saaro wada hadalada Somaliland iyo Somaliya lakiin wararku waxa ay xaqiijinayaan in uu Muuse Biixi ogolaaday in ay Farmaajo kulan ku yeeshaan wadamada dariska Qaran News
-
Istanbul (Caasimadda Online) – Caasimadda Online ayaa heshay xog faahfaahsan oo ku saabsan musuq maasuqii uu Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ka sameeyey shirkii Arrimaha Ganacsiga ee dhawaan ka dhacay dalka Turkiga . Sida ay Caasimadda Online, wasiir Maareeye ayaa in ka badan 150 qof ka iibsaday si shaqsiyan ah Viisaha dalka Turkiga, isagoo dadkaas u diiwaan geliyey inay ka qeyb galayaan shir ganacsi oo dhawaan ka dhacay Dalka Turkiga. Dadkaas ayaa qofkiiba wuxuu wasiirka ka qaatay 5 Kun oo Dollar, sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen qaar kamid ah dadkaas oo Tahriib ugu sii gudbay dalka Gariiga. Dadka uu Wasiirka ka iibiyey Viisooyinka dalka Turkiga ayaa ahaa dhammaan dad aan shaqo ku laheyn arrimaha Ganacsiga iyo inay shir ku matalaan Soomaaliya, sababta uu wasiirka arrintaan u sameeyey ayaa aheyd inuu ka helo lacago aad u badan. Wasiirka ayaa celcelis ahaan mashruucaas ka helay lacag kor u dhaaftay Nus Malyan, waxaana la qeybsaday Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya oo qeyb ka ahaa fududeynta howshaan. Dowladda Turkiga ayaa Wasaaradda Ganacsiga ka joojisay inay hadda kadib wafdi usoo dirto shirarka ganacsi ee dalkaas ka dhaco maadaama 150-kii qof ee dhawaan halkaas la geeyey aysan ka qeybgelin shirka sababtana waxay aheyd dadkaas oo dhammaantood ahaa kuwa rabo inay Wadamada Yurub usii tahriibaan. Dowladda Turkiga ayaa fahamtay in dadkii loo keenay Turkiga inay ka qeybgalaan shirkii Arrimaha Ganacsiga laga waayey howlka shirka, waxayna baaritaan kadib ogaatay inay dadkaas intooda badan ka gudbeyn Xuduuda Turkiga sida uu Caasimadda Online u sheegay xubin kamid ah Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya. Wasaaradda Arrimaha Debadda ee Dalka Turkiga ayaa dacwad ka dhan ah kiiska Musuq maasuqa ka dhacay Shirkii Ganacsiga ee Turkiga usoo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya, inkastoo ay noo suurtageli weysay inaan helno jawaabtii ay wasaaradda ka bixisay Kiiskaan. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidan loo tababaray badbaadinta dadka ku hafta biyada badda oo loo sameeyay Garoonka Aadan Cadee tan iyo Bur burkii Dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay sameyeye dhoolo tus ay ku muujinayeen tababarkii ay qaateen ee la xiriira gudashada waajibaadkii loo igmaday. Ujeedda arrin tan ka dambeysa ayaa ah in la waafajiyo nidaamyada iyo adeegyada kajira garoonada caalamiga ah ee ka dhisan dunida inteedi kale, waxaana ciidanku ay bilaabeen in ay guda galaan shaqooyinkii loo igmaday. Maxamed Cabdiwahaab hogaaminayay kooxda loo diyaariyay badbaadinta dadka ku hafta biyaha bad ahadii ay dhacdo lama filaan ah qabsato ayaa sheegay in ay haystaan xirfad iyo tababara ku filan oo ay ku gudan karaan waajibaadka loo igmaday, wuxuuna xusay in ay diyaar u yihiin in ay bulshadoodi u adeegaan. S/Gaas Bashiir Cabdi Maxamed Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gob jog ahaa ayaa la wareegay dhul loogu talgalay in xarun looga dhisa Ciidanka Ilaalada xeebaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa ilaalada xeebta garoonka, wuxuuna taliyuhu muujiyay in ay diyaar u yihiin sidii ciidankaasi ay u qabsan lahaayeen waajibaadkooda. Wasiirka gadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomar ayaa sheegay in ciidanka ay qeyb ka yihiin Hormarinta Garoonk, islamarkaana amnigiisa uu noqon doono mid meeshi laga rabay gaara. Todobaadkaan gudihiisa ayay aheyd Markii dib loo dhagax dhigay xaruntii horey ee dam-demiska Garoonka Aadan Cade, waxaana tani ay muujinaysaa in garoonkaasi uu ku talaabsanayo horumar ku aadan in loo dhameystiro guud ahaan adeegyada ay bulshadu uga baahanyihiin.
-
Afar ka mid ah garsoorayaasha heerka caalami ee kubbadda cagta Soomaaliya ayaa dhex dhexaadiyay kulan ciyaareed ka tirsanaa is reeb reebka koobka is reeb reebka ciyaaraha African Cup of Nation 2019. Garsoorayaasha waxa ay kala ahaayeen Cumar Cabdiqaadir Cartan,Axmed Cabdullahi Faraax Baroodo,Mahad Maxamed Maxamuud iyo Maxamed Nuur Muxidiin (Maxamed Soomaali) Garsoorayaasha dalkeena ayaa dhex dhexaadiyay kulan magaalada Juba ee Koonfur Sudan ku dhaxmaray wadamada South Sudan iyo Tunisia waxayna ciyaartaas kusoo dhamaatay 0-0. Cumar Cabdiqaadir Cartan ayaa ahaa garsooraha Dhexda,Calanhayaha 1-aad waxa uu ahaa Axmed Cabdullahi Faarax (Baroodo),Calanhayaha 2-aad Mahad Maxamed Maxamuud,halka garsooraha keydka uu ahaa Maxamed Nuur Muxidiin (Maxamed Soomaali). Garsoorayaasha kala ah Cumar Cabdiqaadir Cartan iyo Maxamed Nuur Muxidiin (Maxamed Soomaali) ayaa liiska heerka FIFA iyo CAF usoo gudbay bishii Janaayo 2018,balse bilooyinkii lasoo dhaafay waxa ay ciyaaro kala duwan kusoo dhex dhexaadiyeen wadamada Bariga iyo Bartamaha Afrika. “Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta waxa uu waqti ku bixiyaa horomarinta iyo aqoonta waxaada garsoorka kuwa gudaha iyo heerka caalamiga yoolkeena waa in aan xoojinaa in Soomaaliya ay u soo hooyaan dhibco aad u sareeya”waxaa Goobjoog Sports ugu warmaya Guddomiyahay gudiga Garsoorka Soomaaliya Xasan Wiish Hagi Yabarow. Soomaaliya ayaa si weyn loogu amaanaa doorka garsoorka iyagoo markaste kullamada kusoo dhex dhexaadiya qaarada Afrika dhibco iyo guul muhiim ah kasoo hooya. Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Christchurch (Caasimadda Online) – Xasuuqii loo geystay Muslimiinta ku cibaadaysanaysay laba Masjid oo ku yaalla New Zealand waxay dhabtii xanuun ba’an ku reebtay adduun-weynaha siiba Muslimiinta dhibanayaasha u ah falalka ay sameeyaan in yar oo xagjir ah. Taniyo Jimcihii markii gumaadka bahalnimada ah uu galaaftay nolosha 50 qof oo iskugu yimid salaadda Jimcaha, dunida oo dhan waxaa hareeyay qeyla-dhaan iyo canbaareyn. Dowladda New Zealand ayaa ilaa hadda ku dadaashay inay falkaan uga garaabto muslimiinta, waxayna ficiladeeda ugu badnaayeen inay qanciso Muslimiinta una muujiso inay ka xun tahay wixii dhacay. Haweeneyda Ra’isulwasaaraha ka ah dalkaas Jacinda Ardern ayaa Xijaab u xiratay si ay uga qeybgasho kulan tacsi ah oo ay sameeyeen Dowladda iyo dadka Muslimiinta ah ee halkaas ku sugan. Arrintaas ayaa noqotay mid aad looga hadlay saameyna ku yeelatay Muslimiinta tirada badan ee halkas ku sugan, waxayna dowladda New Zealand mar kale sameysay arrin kale oo la doonayo in lagu sii qanciyo Muslimiinta. Baarlamaanka New Zealand oo Shalay yeeshay kulan looga hadlayey Xasuuqa loo geystay Muslimiinta ayaa lagu daah furay Aayado kamid ah Kitaabka Qur’aanka Kariimka. Aaydaha Qur’aanka ee uu wadaadka ka akhriyey Kulanka Baarlamaanka dalkaas ayaa ka hadlayey Sabar iyo in Dadka Muslimiinta ah lagu imtixaani doono Musiibooyin ay ka mid ah tahay Cabsi, Gaajo, Geeri iyo Hanti La’aan. Sidoo kale Aayadaha halkaas laga akhriyey ayaa waxaa kamid ahaa Aayad ka hadleysay in dadka Shuhada ah ee Muslimiinta laga dilo aan lagu sheegin inay yihiin kuwa dhintay balse ay nool yihiin oo aysan Bini’aadamka dareemi karin, waxayna ahaayeen aadayahaan kuwa loogu talagalay in Muslimiinta lagu qanciyo iyadoo loo marayo Kitaabka Qur’aanka Kariimka. Xubnaha Baarlamaanka Dalka New Zealand ayaa hoos wada fiirinayey inta la akhrinayey Aayadaha Qur’aanka Kariimka oo markii dambe xataa lagu dul akhriyey iyadoo loo badalay Luuqadda Ingiriiska si ay u fahmaan. Halkaan hoose ka daawo waxa ka dhacay Kulanka Baarlamaanka New Zealand Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa sheegay in qaraxyo xoogan ay la eegteen ciidamada dowladda Kenya ee ka baxay saldhigii ay ku lahaayeen deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo. Al Shabaab ayaa baahiyay in ciidamada Kenya ay ku weerareen meel u dhow degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kadib markii maalin ka hor ay isaga baxeen saldhigii ay ku lahaayeen deegaanka Buusaar. Weerar kooban ayaa ka dhacay deegaanka, kadib markii labo qarax lala eegtay ciidamada dowladda Kenya oo marayay meel ku dhow degmada Ceelwaaq, waxaana khasaaro la gaarsiiyay ciidamada Kenya. Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda ayaa laga soo xigtay in weerarka uu ku bilowday Miinooyin waddooyinka lagu aasay oo lala eegtay ciidamada Kenya ee marayay agagaarka degmada Ceelwaaq. Al Shabaab ayaa sheegay inay dileen taliyihii ciidamada Jubbaland ee deegaanka Buusaar iyo lix askari oo la socotay, sidoo kale waxay sheegeen inay gubeen gaadiid ay lahaayeen ciidamada Kenya. Sidoo kale warbaahinta AL Shabaab ayaa baahisay in diyaarado ay daad gureeyay dhaawacyada ciidamada Kenya ee qaraxyada lagula eegtay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka ciidamada Kenya oo ku aadan inay khasaaro kala kulmeen weerarka Al Shabaab ay sheegeen inay la eegteen ciidamadooda. Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
-
Kooxda horyaalka Somalia Premier League difaacanaysa labadii sano lasoo dhaafay ee Dekedda ayaa kulan ciyaareed adag la leh dhigeeda Jazeera Sports Club. Dekeda Football Club Kulankii u danbeeyay horyaalka waxa ay guul daro 1-0 kasoo gaartay kooxda Horseed waxayna u aheyd guul daradii ugu horeesay kol ciyaareedkan soo gaarta tan iyo markii uu bilaawday horyaalka. “Guuldarada waa qeyb ka mid ah kubbadda cagta waxaana nahay kooxda horyaalka waan in aan aqbalnaa wax Walbo oo naga soo gaara kulamado horyaalka,yoolkeena waa in aan markii saddexaad hananaa horyaalka Somalia Prmier Legaue”waxaa kulanka ka hor Goobjoog Sports u sheegay Yusuf Ali Nuur oo ah Macalinka Dekeda Football Club . Xidigaha kooxda Jazeera Sports Club ciyaartooydii u danbeesay iyagana horyaalka waxa ay guul daro 3-2 kasoo gaartay dhigooda Elman-Sports Club. “Waxaana wajahaynaa kooxda horyaalka difaacanaysa waxa ay haystaa ciyaartooyda adag,balse anaga ahaan kama liidano waxaan diirada saaraynaa in aan soo bandhigo kubbadda aad u saraysa oo ay ku qancaan taageerayaasheena ”waxaa Goobjoog Sports ugu waramay Cabdi Bootaan oo layliyaha kooxda Jazeera Sports Club. Ogeysiiska Kulanka Tartanka-Horyaalka Somali Premier League Kooxaha-Dekedda VS Jazeera Sports Club Tariikhda-20-03-2019 Maalinta-Khamiis Saacada:-3:30pm Garoonka-Banaadir Stadium Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Somalilandtoday) Xukuumadda Somaliland ayaa ku adkaysanaysa qaaddidda lacagta lixda boqol ee kun ah ee laga qaadayo dadka bedelanaya Taarikada kuwaas oo qaadanaya nashqada cusub ee xukuumadda madaxweyne Biixi samaysay. Baarlamaanka gaar ahaana Golaha Wakiillada oo miisaaniyadda ka reebay qaadista lacagtan ayaa si adag ugu sheegay xukuumadda in aanay lacagtaasi qaadin kadib markii ay dhawaan soo baxday in xukuumaddu qiimo dhimis u sameysay dadka qaadanaya inta u dhexeysa Maarij iyo Juun. Guddida Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha wakiillada, ayaa Salaasadii kulan la qaatay wasiirka gaadiidka iyo jidadka Mudane Cabdillaahi Abokor Cismaan waxaanay si adag guddidu si adag ugu sheegtay wasiirka in aan la sii wadin qaadista lacagtan sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga golaha oo laga soo saaray kulanka laakiin, wasiirka oo kulanka kadib saxaafadda la hadlay wuxuu sheegay in aanu goluhu xaq u lahayn laalidda shaqo socota. Kulankan ka dhacay xarunta Golaha Wakiillada Somaliland,oo uu guddoominayay Guddoomiye Ku-Xigeenka Guddiddaas Maxamuud Axmed Obsiiye, ayaa qoraal laga soo saaray oo lagu daabacay bogga Golaha Wakiillada lagu yidhi “Guddida ayaa si adag wasiirka ugala hadashay inay joojiyaan Lacagta 600 ee kun ah ee ay qaadayaan Taarikada cusub maaddaama Goluhu hore u laalay sharcinimadeeda markii miisaaniyadda la ansixinayay, isla markaana waxay guddidu wasiirka indhaha u saartay Go’aankii golaha iyo Lifaaqyadii Miisaaniyadda ku lamaanaa kuwii la laalay iyo kuwii la ansixiyey in la qaado.” Gudida dhaqaalaha oo Wasiirka Jidadka iyo Gaadiidka wax ka waydiiyey Cashuuro aan sharci ahayn oo ay qaadaan Qoraalka guddidu ka soo saartay kulanka ayaa lagu sheegay in wasiir Cabdillaahi Abokor arrinta isaga riixay wasaaradda maaliyadda “Wasiirka ayaa Guddida u sheegay inaanay wasaaraddiisu arrintan ka warhaynin isla markaana ay guddidu wasaaradda maaliyadda kala xidhiidho arintan,” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka guddida ka soo baxay. Hase ahaatee wasiirka oo wariyeyaashu markii uu kulanka ka baxay waydiiyeen sharcinimada lacagtan baarlamaanku hore u laalay ayaa sheegay in aanu Goluhu laali Karin shaqo socota :“Horta shaqo lama laalo, waa shaqo weeyaan , waxaana waajibinaya xeer 56, 2013 qodobkiisa 48-aad ,markaa shaqo la laalayaa ma jirto Awood uma laha Baarlamaanku inuu laalo shaqo socota , laakiin awood wuxuu u leeyahay inuu wax naga weydiiyo tacriifadda taana waanu ka wada hadalnay.”Ayuu yidhi Wasiir Abokor . Lacagtan ayaa ah Tacriifad wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadku abuurtay una gudbisay wasaaradda maaliyadda laakiin, Goluhu ku daray tacriifado aanu ogolaan oo laga reebay miisaaniyadda 2019. Muwaadiniinta ayay wasaaraddu u qorshaysay in ay muddo lix bilood ah si iskood ah u bedeshaan taarikada waxaanu wakhtigaasi kaga eeka bishan Maarij waxaanay wasaaraddu dhawaan shaacisay in ilaa bisha June qiimo dhimis loo sameeyay dadka aan wali bedelan mudddadaasna ay ku bedeshaan. Arrintan ayaa hadal hayn badan ka abuurtay in wasaaraddu tacriifado waajibiso marka ay doontana qiimo dhimis u sameyso taas ayayna u muuqata in ay keentay kulanka baarlamaanku la qaatay wasiir Cabdillaahi Abokor oo u muuqda in aanu ku qancin dalabka guddida. Qodobka sharci ee wasiirku cuskaday ayaa ku saabsan samaynta taarikada laakiin, kama hadlayo lacagta ama tacriifadda oo ah tan muranku ka taaggan yahay waxaana sida caadiga ah xalaaleeya tacriifadaha golaha wakiillada. Source
-
Ciidamada Puntland gaaray tuulada Ceelcad ee gobolka Sanaag
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta dowladda Puntland oo xalay ka baxay degmada Badhan ayaa saaka gaaray tuulada Ceelcad oo dhanka bari ka xigta degmada Yubbe gobolkaas sida ay soo sheegayan dadka degaanka. Degmada Yubbe ee gobolka Sanaag ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan Somaliland oo laga keenay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka. Ciidamada Somaliland ayaa todobaadkii hore halkaasi gaaray iyagoo sheegay in ay ka hortagayan weerarro uga yimaada jabhadda Col. Caarre ee la’dagaallanta Somaliland oo saldhigyo ku leh magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Ha’yeeshee tallabada Somaliland waxaa ka abuurantay xiisad u dhexaysa labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland oo ku muransan degaanno ka tirsan gobolkaasi. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland gaaray tuulada Ceelcad ee gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post. -
(SLT-Hargeysa)-Dowlada Erateriya ayaa la sheegay inay door mihiim ah ka ciyaari doonto wada haddalada Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo lagu wado inay dib u furmi doonaan dhawaan, iyadoo todobaadkan dalka ay socdaal ku yimadeen wefti culus oo ka socda Dowlada Erateriya oo usoo diray Madaxqweynaha Dalkaa Isaias Afwerki ,kuwaas oo kullamo la yeeshay Madaxweynaha Somaliland, isla markaana socdaal ku tegay xarumaha siyaasadda dalka laga jaan-gooyo goobo kale. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa hore u sheegay inuu Madaxweynaha dalka Erateriya uu door mihiim ah ka ciyaarayo is badelka Geeska Afrika ka curtay , isagoo ku amaanay Mr Isaias Afwerki halgankii uu soo galay gobanimadoonkii dalkiisa Erateriya, waxaanu u dhignaa hadalka Madaxweyne Biixi sidan“Dabaysha ka socota ee la yidhi nabadayta geeska Afrika iyo waa laga midoobayaa ay Dowladaha qaarkood ku dhawaqeen , waxa u hormood ah Madaxweynaha erateriya Isaias Afwerki intii uu noolaa ilaa maalintuu isagoo injineer bilaabay sanadka uu horeeya uu ka tegay ilaa maanta wuxuu ku jiray Dagaal uu gobanimada ugu doonayo Erateriya 32 sano dagaal ayuu ku jiray markii dagaalkii uu dhammaday Itoobiya ayaa cod ka qaaday oo Xorriyad ayuu ku qaatay , haddan Itoobiya ayey is dileen oo ay dal isku qabsadeen dad badan oo malaayiin gaadha ayaa ku dhintay haddana 11 sano oo kale ayuu gadoon ahaa oo uu u adkaystay cadaasit kasta oo la saaray, inuu u hoggaansamo gudidii jimciyada quruumaha ka dhaxasa ee shirkii Algerias inuu aqbalo isagoo uga diiday afar mitir oo dadlkiisa oo Baadhama Tuullada ah xadka u jirta in laga qaado oo cid kale la siiyo ayuu tu wal-ba u maray tiisii ayey noqotay caalamka oo dhan ayaa halkiisii ugu yimi Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa la idhi ugu tag Asmara adigu oo dhulkii dhulkii aad ku muranteena sii isagana talada ka qaado , wuxuu muujiyey inuu muraadkii uu dalkiisu lahaa halgan uu uga hadhi waayey ilaa cidii ku haysatay uu ku xukuntay.” Waxaanu intaasi ku daray Madaxweyne Biixi in qadiyada Somaliland ay ka sii adagtahay taa uu kasoo waramay ee Dalka Erateriya “Somaliland kaa wey ka sii adag tahay .”Ayuu yidhi Madaxweyne Biixi. Dhanka kalene Ismaaciil Xuseen Farjar, oo ka tirsan xarunta daraasaadka siyaasadda ee loo soo gaabiyo magaceeda CPA oo la hadlay Tv-ga goobjoog, ayaa ka haddlay weftigii ka socda Ereteriya ee Somaliland socdaalka ku yimi “Weftigan Erateriya marka aad eegtid sida uu sheegay Wasiirkooda war-faafintu laba ujeeddo ayaa ugu waa weynaa wax-yaabaha ay u yimadeen mid waxa weeye inay arrinta Somaliland dib u eegaan oo xidhiidh cusub ay bilaabaan, qodobka labaadna wuxuu ahaa is dhex-galka nabada ee Geeska Afrika ka socda .” Waxaanu Ismaaciil Xuseen Farjar xusay inuu is badel weyni uu ku yimi arragtidii siyaasadda Erateriya eek u aadanay Somaliland “Markaa marka aad eegtid safarkoodan ay ku yimadeen oo laba nin oo aad u cul-culus , marka laga eego arrimaha diblamaasiyadda ee dalka erateriya ay ku yimadeen Somaliland gaar ahaan la taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha eratariya ee Madaxweyne Isaias Afwerki iyo wasiirka Arrimaha debada,waxay muujinaysaa in is badel weyni uu ku yimi siyaasaddii dalka erateriya ee ku aadanay Somaliland , waayo waxaynu naqaanay in erateriya in badan aanay la dhacsanay Somaliland oo ay aad aragtideedu u jan-jeedhay dhinaca Somaaliya iyo is raacsanaanta dhul ahaaneed , Ismaaciil Xuseen Farjar oo haddalkiisa siiwata ayaa sheegay “hase ahaatee waxa muuqata iminka arrintan oo weliba arrinta xiisaha lihi ay tahay in aanay safarkoodu ahayn mid siyaasadeed oo keliya hase ahaatee uu xidhiidh cusub in la abuuro uu yahay , wax aka marag kacay muddo saddex maal-mood ah ayey Somaliland joogeen, waxay bookhdeen Jaamacadihii waxay bookhdeen xarumihii siyaasadda, waxay bookhdeen goobihii makhaayadaha caadiga ah magaalada dhinac walba wey dhex-qadeen taasi waxay muujinaysaa oo marag u tahay in erateriya ay wakhtigan ka go’antahay inay wax badan ka Badesho siyaasadoodii ku aadanay Somaliland, waxaad moodaa inuu baal cusubi uu u furmaay Xidhiidhka Somaliland iyo erateriya .”Ayuu yidhi Ismaaciil Xuseen Farjar Dhanka kanela Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa sheegay inay Erateriya ay door ku yaalan doonto wada haddalada Somaliland iyo Soomaaliya,“Door mihiim ah ayey ku yeelan kartaa laba arrimood-ba mar erateriya waxay haatan xubin fir-fircoon ka tahay urur goboleedka IGAD , markaa IGAD-na waa dadka gobolka ee ugu dhow arrinta Soomaalida in go’aan laga gaadho , qodobla labaadna waxa weeye Erateriya waxay saxiib dhow wakhti dheer la’ahayd Soomaaliya oo Madaxweyne Farmaajona aad ayey iskugu dhow yihiin marka aad iminka eegtid siyaasadda erateriya xiligii inoogu dambaysay, markaa saamayn badan ayey ku yeelan kartaa .” Source
-
(SLT-Liibiya)-Dawladda Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay dhalinyaro tahriibeyaal ah, kuwaasi oo muddo ku xanibnaa dalka Liibiya. Dhalinyaradaan oo gaadhaya 20-qof ayaa ka kooban 19-Rag ah iyo hal dumar ah, waxayna muddo ku xanibnaayeen dalka Liibiya, halkaasi oo ay ku heysteen kooxaha dadka qafaasha ee Magafeyaasha loo yaqaano. Masuuliyiinta Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee xuquuqda carruurta iyo tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya, kuwa hay’adda Qaxootiga Qaranka iyo guddiga dib usoo celinta tahriibayaasha ee Dawladda Soomaaliya ayaa si weyn garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ugu soo dhaweeyey shalay dhalinyaradaan, iyadoo la geeyey xarunta hay’adda Qaxootiga Qaranka, si halkaasi howlahooda loogu dhammeeyo. Ergeyga gaarka ah ee xuquuqda carruurta iyo tahriibayaasha ee xafiiska Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Ambassador Maryan Yaasiin ayaa muddooyinkan dadaal weyn ugu jirtay siddii ay dib dalkooda ugu soo noqon lahaayeen tahriibayaasha Soomaaliyeed ee jooga dibadaha, iyadoo inta ay joogtay xafiiskan soo celisay dad badan oo isugu jiray maxaabiis iyo tahriibayaal Soomaaliyeed Source
-
(SLT-Washington)-Dowladda Mareykanka ayaa amar ku bixisay in dib loo eego ruqsadda duullimaadka diaayaradaha Boeing 737 Max 8 sida ay ku heleen. Go’aanka Mareykanka ayaa imanaya xilli ay 5 bilood gudahood laba diyaaradood oo nooca 737 Max 8 ay burbureen, iyada oo ay khubarada ku xeel dheer arrimaha duullimaadyada diyaaradaha ay sheegayaan iney labada shil waxyaaba badan ay isaga egyihiin. Wasiiradda gaadiidka Mareykanka Elaine Chao ayaa dambi baaraha guud ee Mareykanka ka dalbatay iney baaritaan ku sameeyaan sida loo bixiyey ruqsadda duullimaadka diyaaradahan. “Baarayaashana loo baahan yahay iney aad u baaraan habka uu u shaqeeyo duulista diyaaradda iyaga oo ka duulaya hadalka shirkadda Boeing ka soo yeeray ee ahaa cusbooneysiin ayuu u baahan yahay nidaamka duulista diyaaradaha noocan ah. Farriin qoraal ah oo wasiiradda Ms Chao u dirtay dambi baaraha guud Calvin Scoval waxay ku sheegtay iney dooneyso in wakaaladda duulimaadyada Federaalka ay ruqsadda duullimaadka diyaaradahaasi waddadii saxda ah ay u mareen in loo soo xaqiijiyo. Marki ay toddobaadkii hore burburtay diyaarad ay lahayd shirkadda diyaaradaha Itoobiya, bishi October ee kal horana ay sida oo kale burburtay diyaarad ay lahayd shirkadda Lion Air, waxay su’aal ka dhalatay sababata ay wakhti dheer ugu qaadatay in diyaaradaha 737 Max duullimaadyada laga joojiyo. Wakaaladda wararka ee Reuters waxay sida oo kale sheegtay wasaaradda caddaaladda Mareykanka iney billaawday iney wakaaladda duullimaadyada Mareykana ay su’aala hordhac ah oo la xidhiidha diyaaraddaha 737 Max ay ka weydiiso. Sida oo kale Europe iyo Canada waxay sheegeen iney u baahan yihiin iney ogaadaan badqabka diyaaradahaasi iyo in la adeegsan karo, iyada oo caalamka oo dhan ay ka imanayaan su’aala noocaasi oo diyaaradda la xidhiidha. Wakaaladda Ammaanka Duullimaadyada diyaaradaha ee Yurub EASA waxay ballan qaadday iney dib u eegeyso wixi laga beddeli karo naqshadaha diyaaradaha. “Waxayna sheegeen iney diyaaradaha 737 MAx 8 duullimaad u oggolaan doonin ilaa ay su’aalahooda jawaab waafi ah uga helaan dhanka shirkadda Boeing” ayuu yiri madaxa EASA Patrick Ky oo la hadlayey guddiga baarlamaanka Yurub. Laba shil ee diyaaradeed oo dhacay waxaa ku dhimatay 346 qof, iyada oo aan ilaa iyo hadda caddeymo shilalkaasi waxa sababay muujinaya la helin, iyada oo ay khubarada Faransiiska ee baartay sanduuqa madoow ee xogta diyaaradda burbrutay ee Itoobiya laga helay ay muujineyso labada shil ee diyaaradaha ku dhacay iney wax badan isaga eg yihiin. Shirkadda Boeing waxay sheegtay iney si buuxda ugala shaqeyneyso baaritaannada ay sameeynayaan baarayaasha ka socda dambi baaraha guud ee qaranka. Source
-
(SLT-Falastiin)-Wasaaradda Caafimaadka ee Maamulka Falastiin ayaa xaqiijiyey inay Ciiddanka Yuhuudda xalay toogteen Nin Flaastiin oo ku sugnaa meel ku dhow magaalladda Baytu-laxam ee Koonfurta Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin. Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jirey Axmed Jamaal Maxamuud oo 26-jir ayaa la sheegay inuu ku dhex jiray gaarigiisa, kadib, markii ay Askarta Yuhuudda ku toogteen Jid-gooyo ay dhigteen waddada laga galo magaalladda Baytu-laxam. Toogashadaasi waxaa kaloo si xun loogu dhaawacay Nin kale oo Falastiini oo gaariga la saarnaa Marxuumka la dilay. Marxuumka lagu dilay Toogashadaasi ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday Isbitaalka Bayt-jala, waana Marxuumkii 4-aad ee ay Askarta Yuhuudda dilaan labadi imaalmood ee la soo dhaafay. Habeenkii Talaadada waxay Askarta Yuhuudda siyaabo kala duwan toogasho ugu dileen 3 Dhallinyaro Falastiiniyiin ah. Source
-
(SLT-Abu Dhabi)-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa gelinkii dambe ee shalay gaadhay magaalada Abu Dhabi ee Caasimadda Imaaraadka Carabta, maalin kaddib markii uu booqasho rasmi ah ku tagay dalka Qatar. Abiy Ahmed ayaa la kulmay Mohamed Bin Zayed oo ah Dhaxal Sugaha Imaaradda Abu Dhabi ahna Taliye kuxigeenka Ciidamada Qalabka sida ee Imaaraadka Intii uu socday wada hadalada labada hoggaamiye ayaa waxay dib u eegeen xiriirka saaxibtinimo iyo fursadaha dib loogu eegayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan, gaar ahaan horumarka, dhaqaalaha iyo maalgashiga. Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale iswaydaarsaday aragtiyada ku saabsan arrimaha gobolka Geeska Afrika, walaaca dhowr arrimood iyo danaha labada dal ay wadaagaan. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa hormuud ka ah is bedelada ka socda Gobolka Geeska Afrika, isagoo loo arko shaqsi isku heyn kara awoodaha iyo loolanka ka jira dalalka Khaliijka. Doraad ayay aheyd markii uu booqday magaalada Doxa ee dalka Qatar, halkaasoo uu kula kulmay Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Al-Thani. Bishii July ee sanadkii hore ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Eritrea ay booqasho wadajir ku tageen magaalada Abu Dhabi, waxaana si wadajir loo guddoonsiiyay biladda ugu sareysa dalkaas, kaddib markii labada dal ay heshiis ka gaareen colaado u dhaxeeyay muddo 20 sano. Source
-
Jowhar (Caasimada Online)-Masuuliyiinta maamulka Hirshabeelle ayaa ka hadlay qalqalka dhanka amaanka ee kusoo kordhay deegaanada maamulkaasi oo ay ka baxeen ciidamada meletariga Soomaaliya. Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Guudlaawe oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Jowhar ayaa sheegay in ciidamada ay ka baxeen saldhigyo badan. Balse wuxuu cadeeyay in ciidamada deegaanada ay baneeyeen inay joogaan ciidamo ka tirsan Meletariga oo uu sheegay inay Mushaaraad qaateen iyo kuwo katirsan Howlgalka Nabad ilaalinta ee AMISOM. Cali Guudlaawe, ayaa beeniyay warar sheegaya in cabsi xoogan ay soo wajahday shacabka ku dhaqan degmada Jowhar, kadib markii ciidamada amaanka ay isaga baxeen saldhigyada hoostaga degmada Jowhar iyo Balcad. Balse waxaa jira qalqal amaan oo kusoo kordhay deegaanada ku yaala inta u dhaxeyso Balcad iyo Jowhar, maadaama saldhiyadii Qalimow iyo Garsaale ay kabaxeen ciidamada xooga dalka. Wuxuu sidoo kale wuxuu beeniyay in isaga uu qalqal amni darteed uu isaga baxay degmada Jowhar, waxaana uu sheegay in si qaldan loo farisay kormeer uu ku sameeyay xaafadaha magaalada Jowhar. Ciidamada dowladda Soomaaliya ee qaatay mushaaraadka ayuu sheegay inay wali xaqiijinayaan amaanka saldhigyada ciidamada ay baneeyeen islamarkaana aysan jirin qalqal amaan. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/Cod-Guudlaawe.mp3Caasimada online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
-
Kulan ka mid ah kulamada heerka labaad ee Sera (B) da horyaalka Kooxaha Jubbaland ayaa waxaa wada Ciyaaray kooxaha Koban Iyo Kaneva waxayna ciyaartaas ka dhacday garoonka Waamo. Ciyaar adag oo dhaxmartay labada kooxood ayan midna Shabaqeeda aan la soo taaban. waxayna ciyaarta kusoo dhamaatay Bar bardhac 0-0 ah Kulankaas waxaa usoo daawasho tagay qaar ka mid ah Xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka Ee Soomaaliya. Sanotar Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo Sanotar Iftiin Xasan Iiman. Oo marwaliba garab taagan horumarka ciyaaraha Jubbaland, Halkan Ka Daawo Sawiradda Ciyaarata Kooxaha Kn Xaquuqada- Abdiqaadir Jaamac Gaboobe Source: goobjoog.com
-
Waxaa soo badanaya askarta ka tirsan xoogga dalka ee ka cabanaya mushaar la’aan muddo Afar bil ah. Ciidanka ka howlagala gobollada Sh/hoose iyo Sh/dhexe ayaa waxay sheegeen ineysan mushaar iyo raashiinba helin 4-tii bil ee lasoo dhaafay. Qaarkood waxay isaga soo baxeen furumihii ay ka joogeen gobolladaasi, iyadoo meelaha qaar ee ciidanku kasoo baxay la wareegeen Al-shabaab. Dr Xasan Sheekh Cali oo ah falanqeeye dhanka siyaasadda ah ayaa falanqeyn kala sameennay sababaha keenay arrintan iyo cidda mas’uuliyadda leh. Halkaan hoose ka daawo: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Guddiga amniga iyo difaaca baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay mushaaraadka la’aanta maalmahaan cabashada ay ka muujinayaan ciidamada xooga dalka. Xildhibaan Sadiiq Xersi Warfaa oo kamid ah xubnaha guddiga difaaca ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya uu ku socdo dib u habeyn, taasi oo qasabtay in ciidamo badan oo qaabab kala duwan dhaqaalo ku qaadan jiray lasoo saaray. Wuxuu sheegay in ciidamada laga soo dhex saaray dad magacyo badan dhaqaalo ku qaadan jiray, kuwaasi oo uu sheegay inay yihiin kuwo ugu badan ee cabashada muujinaya, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu cadeeyay in ciidamada dowladda ay yihiin kuwo xukuumadda hadda jirta ay ahmiyadda koowaad ay siiso, isaga oo sheegay in ciidamada ay qaataan lacagaha ugu horeeya ee dowladda. “Ciidamada waxaa ku socda dib u habeyn iyo in Tayadooda kor loo qaado, waxaana lasoo afjarayaa in lacago la iska qaato, xeryahooda ayaana lagu celinayaa, sidaad og tahay ahmiyadda koowaad waxaa ah ciidamada qaranka, iyaga ayaana la siiyaa lacagta koowaad”. “Waxaan taageersanahay in dib u habeyn lagu sameynayo ciidamada qaranka, waxaa socda dib u habeyn ciidamada qalabka sida lagu hayo, waxaana kuu sheegayaa in dhaqaalahasi ay qaateen ciidamada diiwaan gashan”ayuu yiri Mr Warfaa. Sidoo kale shalay waxaa sidaan oo kale cadeeyay in ciidamada lacagahooda qaataan wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle, isaga oo sheegay in laga gudbayo waqtigii magacyada badan musharaadka lagu qaadan jiray. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Queensland (SMN)- Hooyo Soomaaliyeed oo kunool magaalada Queensland ee dalka Australia ayaa markale kasoo muqatay maxkamad ku taalla magaaladaasi. Haweenaydaan Soomaaliyed oo aan la shaacin magaceeda ayaa loo haystaa in ay ku xadugubtay caruur ay dhashay kadib markii labo gabdhoob oo ay dhashay ay u qaaday Soomaliya, si ay ugu soo samayso gudninka fircooniga oo dambi ka ah dalkaasi. Dacwad oogayaasha maxkamadda ayaa shegay in hooyadaasi Soomaliyeed ay jabisay mid kamida qawaaniinta u dagsan dalkaasi Australia sidoo kale ay ku guuldareyasatay waajibaadkii ay caruurteeda ku lahaayeen. Gabdhaha ay haweeneydan Soomaaliyeed ay keentay Soomaaliya ayaa da’dooda lagu sheegay in ay aheyd xiligaasi 10 iyo 13 jir,waxaana Soomaaliya la keenay bishii April ee sanadkii 2015-kii. qaliinka gudniinka fircooniga sida ay sheegeen xeer ilaalinta maxkamada. Ugu dambayntii maxkamada markale hooyadasi Soomaaliyed ku xukuntay 4 sano xabsi waxaa ayna ku guul dareystay racfaan ay horay uga qaadatay xukunka lagua riday. View the full article
-
Wararka ka imaanaya degaanka Balli-busle oo hoostaga degmada Jarriiban ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay 3 ruux oo xoola-dhaqataa lagu dilay nawaaxiga tuulada Xaafoodle oo u dhow Balli-busle. Xubno ka tirsan Ehelada dadka la laayay ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in malayshiyaad hubaysan oo ka soo gudbay dhinaca Galmudug ay saqdii dhexe mireen (hurdada ku dileen) 3-da ruux oo kamid qoysaska reer guuraaga ah ee halkaasi deggan. Dadka la dilay oo rag ahaa ayaa la xaqiijiyay in dhammaantood ay hal qoys ka soojeedeen islamarkaana midkood uu adeer u ahaa 2-da kale. Qoyska mashaqada loo geystay ayaa dhowaan ka soo hayaamay dhanka degmada Towfiiq ee isla gobolka Mudug oo ay degaan ahaan ka soo jeedeen. Dhinaca kale guddoomiyihii degmada Towfiiq ee dowladda Puntland Maxamed Cabdulqaadir Axmed uu gurmad ahaan u soo aaday goobta dhibaatadu ka dhacday ayaa dhaawac ka soo gaaray rasaas gaarigiisa haleeshay. Rasaasta ayaa la sheegay in ay rideen dad reer guuraya oo ka shakiyay gaariga guddoomiyaha xilli uu ku socday halka mashaqadu ka dhacday. Dhaawaca guddoomiyaha ayaa haatan lagu dabiibayaa isbitaal ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. PUNTLAND POST The post Puntland: 3 ruux oo lagu dilay gobolka Mudug iyo guddoomiye degmo oo la dhaawacay appeared first on Puntland Post.