Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,702
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN)- Shirkan oo mudo sadex maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya. Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka socday maamul goboleedyada,ururada bulshada rayidka,xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka iyo wakiilo matalayay qaar kamid ah wasaaradaha xukuumadda. Shirka ayaa lagu falanqeeyay astenyta awoodaha dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo saameynta uu leeyahay federaalka,waxaana halkaasi fikrado kala duwan soo jeediyay mas’uuliyiintii shirka ka soo qeyb gashay. Cabdi Maxamed Sabriye wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ayaa shaaciyay in la dhaqan galin doono go’aanadii ka soo baxay shirka,wuxuuna u mahad celiyay ka qeyb galayaashii shirka sadexda maalmood socday. View the full article
  2. (SLT-New Zealand)-Ku dhowaad toddobaad kadib markii 50 qof oo muslimiin ah lagu dilay magaalada Christchurch ee dalka New Zealand, ra’iisul wasaaraha dalkaas, Jacinda Ardern ayaa maanta sheegtay in dhammaan qoryaha kuwa milatariga oo kale iyo kuwa sida daran-dooriga u dhaca la mamnuucay. Mamnuucistan oo ay maanta raysal wasaare Ardern uga dhawaaqday magaalada Wellington, ayaa waxaa sidoo kale ku jira qasnadaha rasaasta badan qaada ee lagu kaydin karo laba wareeg oo rasaas ah, iyo aaladaha qoryaha caadiga u roga kuwa daran-dooriga u dhaca. Ardern ayaa sidoo kale ku dhowaaqday qorshe dib u iibsasho oo ballaaran, si loogu dhiiri-geliyo dadka haysta hubka inay kusoo wareejiyaan dowladda. Baarlamanka New Zealand ayaa la filayaa inuu ansixiyo mamnuucistan, marka kulankiisa xiga uu isugu yimaado bartamaha bisha April. Dhinaca kale, mas’uuliyiinta ayaa sheegay in la aqoonsaday dhammaan myedadka 50-ka qof ee lagu dilay weerarka, islamarkaana 20 ka mid ah lagu wareejiyo qoysaskooda, si loo aaso. Source
  3. An extremely sick Queensland mum who took her two daughters to Somalia for painful genital mutilation will go to prison as a deterrent to others. The woman, who cannot be named to protect the identities of her children, was found guilty of taking her daughters, then aged 10 and 13, to her birth country in April 2015 for the procedure. Brisbane District Court Justice Leanne Clare described the mutilation as child abuse, and said the mother, 45, had taken them to Africa for the purpose of having it done. “In this case, a woman of unknown ability used a sharp implement to excise the clitoral hood of each girl,” Justice Clare said during sentencing on Thursday. “The girls were not sedated, there was bleeding and a period of significant pain for perhaps a number of days, there was obvious risk of infection, even death.” She is the first person to be sentenced in Queensland for removing a child from the state for female genital mutilation. Cutting or removing some of a girl or young woman’s genitals is considered traditional in some cultures but illegal here. “To treat the adherence to tradition as mitigation would dilute the protection of the law for those children in most need of it,” Justice Clare said. No matter where a family may come from, whether it be Somalia, India or Ashgrove, it makes no difference, that children in this state have equal protection under the law.” The girls were playing outside their grandmother’s home days after arriving in Somalia when they were separately called inside. A woman they didn’t recognise carried out the procedure on the older girl first, followed by her younger sister. Their stepsister tipped off child safety services when they returned to their home south of Brisbane several months later. Crown prosecutor Dejana Kovac said the mother told a child safety officer in 2008 that she knew genital mutilation was illegal here, that sending children overseas to have it done was also against the law and she did not intend to subject her daughters to it. Ms Kovac said the woman had her daughters subjected to genital mutilation despite undergoing the procedure herself and experiencing complications because of it. The woman’s children were in court for the sentencing, and her eldest son at one point got on his feet in the public gallery to ask if he could speak. Judge Clare told him he could not. Defence barrister Patrick Wilson said the children stood by their mother, who is undergoing chemotherapy for breast cancer that has spread to her spine. He said his client was often in pain, that she found it difficult to walk and breathe, and suffered significant swelling in her arms. The children will be cared for by their father, and the woman’s sentence will be suspended after eight months. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Soomaaliya, Heritage Institute for Policy Studies ayaa soo saaray warbixin qiimeyn ah oo uu ku sameeyey waxyaabihii ay qabatay iyo wixii ay ku guul-darreystay dowladda madaxweyne Farmaajo, labadii sano eeay jirtay. Hoos ka aqriso warbixinta oo dhameystiran Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa Madaxweynaha Soomaaliya loo doortay, 8-dii Febraayo 2017-ka, isaga oo ballan-qaaday in uu horseedayo is-baddel weyn, sugayo amniga, xasilinayo siyaasadda, kobcinayo dhaqaalaha, la dagaalamayo musuq-maasuqa, uuna la imaanayo siyaasad arrimo dibadeed oo sarraysa. Laba sano kaddib, haddii la qiimeeyo waxqabadka Madaxweynaha, waxaa soo baxaya, in qorsha-yaashiisii qaar, ay u suurto galeen, kuwo kale oo badan – oo uu ballan qaaday xilligii doorashada iyo Shirkii London-na – aanay waxba ka hirgelin. Dhanka guulaha, Xukuumadda Farmaajo iyo Khayre (XFK) waxay guulo wax ku ool ah ka gaareen dadaalada in Soomaaliya deynta laga cafiyo, waxay xawaare geliyeen wada xaajoodka hay’adaha maaliyadda adduunka (sida Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF), waxay kordhiyeen dekhliga dowladda, waxay ku guuleysteen kasbashada kalsoonida shacabka, waxayna ku mintideen wada shaqaynta hay’adda fulinta (Madaxweynaha iyo Wasiirka 1-aad), sidaas oo ay tahayse, ma hirgelin in badan oo ahaa ballan-qaadyadii Madaxweynuhu doorashada ku galay. Waxaa isa soo tari waayey, ballan-qaadkii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa, in xukuumaddiisu ay Al Shabaab uga adkaanayso laba sano. Taa iska daaye, waxuu ku guuldaraystay in uu hirgeliyo ballan-qaadkiisii ahaa, in uu furayo jidadka Muqdisho, oo in badani ay si joogto ah, u xiran yihiin, kuwa kalena ay xirnaantoodu, soo noq-noqoto. Dhanka siyaasadda arrimaha gudaha, labadii sano ee la soo dhaafay, waxaa hareeyey, jaah-wareer iyo is-qab-qabsi, dhowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ah. Si awood sheegasho ah, shaqo ka eryiddii uu Madaxweynuhu ku sameeyey, guddoomiyayaashii baaarlamaanka iyo kii maxkamadda sare, waxay noqotay, talaabo ka yaabisay xitaa taageerayaasha madaxweynaha. Waxaan iyana suurto gelin, in go’aan siyaasadeed, oo loo dhan yahay, laga gaaro, qodobadaa dastuurka ee aan weli laga heshiin, kuwaas oo ahmiyad gaarka ah u leh, hirgelidda doorashada 2020. Sidoo kale, waxaan heshiis buuxa oo la isku raacsan yahay aan laga gaarin, hannaanka doorasho oo Soomaaliya qaadanayso 2020-ka, taas oo fogeyneysa suurtagal-nimada doorsho qof iyo cod ah, oo dhacda 2020-ka. Waxaa iyana aan suurto gelin, in la adkeeyo, dhidibadana loo aaso, hannaanka fadaraaleynta, iyaga oo maamul-goboleedyadu, aanay kana sii xoogaysan, kana sii maamul-wanaagsanaan, siday ahaayeen laba sano ka hor. Waxaa isaguna istaagey, wadahadaladii Somaliland, weliba, kala shakiga iyo kala aamin-baxa labada dhinac, hadda sida uu u xun yahay abid ma noqon. Xagga siyaasadda arrimaha dibadda, waa daciif ama waa xumaaday xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dowladiha iyo hay’adiha ay sanadahaan danbe sida aadka ah ugu tiirsanayd sida: Qaramada Midoobey, inta badan dalalka reer Yurub, Turkiga, Uganda iyo Sacuudiga iyo Imaaraadka oo Khaliij ahaan, ah, kuwa xiriirka ganacsi oo ugu baahsan, ay Soomaaliya la leedahay iyo Jabuuti oo ah waddan walaal ah dhow ah. Saaxiibada dhow ee Soomaaliya, waxaa noqdeen dalal faraha hal gacan lagu tirin karo. Dhanka musuq-maasuqa, aad ayaa loo hadal hayaa la dagaalankiisa, waxaana jira, daah-furnaan muuqata oo ku aaddan dekhliga ay dowladda soo uruursato iyo bixinta kharashyada. Dhanka kale, dhaqaalaha xukuumadda Qatar ka soo gala dowladda Madaxweyne Farmaajo iyo sida ay u isticmaasho waxay noqotay arrin aan wax badan laga ogeyn, aadse loo hadal hayo. Si kastaba ha noqotee, waxaa shaki badan ku jiraa in uu yaraaday ku takri falka xoolaha ummadda. Waxaaba la oran karaa, guud ahaan Soomaaliya, musuq-maasuqu ma xakamaysna, ee waa xarga-goostay, laaluushkuna wuxuu noqday furaha lagu kasbado xildhibaanada, doorashadana loo maro. Qiimayn maxaa loogu baahan yahay? Kaddib laba sano doorashadii Madaxweyne Farmaajo, taas oo ay weheliyeen ballan-qaadyo badan iyo rajo badan oo shacaku ka qabeen, waa loo baahan yahay, in shacabka Soomaaliyeed ay fahmaan – si ka mug-weyn wararka baraha bulshada lagu soo bandhigo – waxa u qabsoomay, waxa ay ka gaabisay iyo waxa qabyada ka ah, xukuumadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Qiimaynteenna labada sano ee hore ee hoggaanka Madaxweyne Farmaajo, waxay muujinaysaa, in kasta oo inta badan ballan-qaadyadii Farmaajo aanay fulin, haddana waxaa jira arrimo dowladdiisu guulo ka gaartey, in kasta oo ay hortaag-naayeen, culayso baahsan oo baddankoodu ahaayeen kuwa ay iyagu ku lug lahaayeen curintooda. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Khayre, waxa ay ku guuleysteen, in ay kasbadan in badan kalsoonida shacabka, si ka sarraysa sidii xukuumadihii hore ay u heli jireen, kalsoonida shacabka. In kastoona bururkii ‘Ar Farmaajo Iigeeya’ uu si cad u yaraaday, haddana, sidaas oo ay tahay, xukuumaddu weli taageero mug leh ayay shacabka ka haysataa, kuwaas oo aaminsan in Madaxweynuhu niyad-wanaagsan yahay, haba ka gaabiyo hirgelinta hadafkiisee. Kalsoonidaas shacabka, waa arrin Farmaajo u wanaagsan, aanse dani ugu jirin dalka, waayo Soomaaliya waxay u baahan tahay, hoggaamiye xaaladda adag ee ay ku jirto ka saari kara, gaar ahaan arrimaha xaasaasiga ah ee amniga, maamulka iyo hirgelinta doorasho xor iyo xalaal ah. Qaabkee ayaan u marnay qiimaynta? Go’aamadii iyo ballan-qaadyadii Xukuumadda Farmaajo iyo Khayre ay ka soo saartay shirkii Soomaaliya ee May 2017-kii, ka dhacay London, ayaan u isticmaalnay in aan ku qiimayno wax-qabadkeeda iyo gaabiskeedaba. Dhawr sababood, ayaanna taas u samaynay. Kow, xukuumaddu waxa ay halkaas ku soo bandhigtay barnaamij maamul oo baahsan, kaas oo ku saabsanaa qorshahooda amniga, siyaasadda lagu-dhan yahay, dhaqaalaha iyo adeegga bulshada. Laba, Shirka London, waxaa la qabtay saddex bilood kaddib doorashadii Madaxweyne Farmaajo, iyo laba bilood kaddib markii golihiisa wasiirada la dhisay. Waqti ku fulin ayayna xukuumaddu u haysatey in ay degsato qorshe, una dhaqaaqdo fulintiisa. Saddex, xukuumadda waxay deeq-bixiyayaasha la saxiixday Hannaan Isla-xisaabtan Loo-dhan-yahay ah, kaasoo nuxurkiisuna ahaa, in dowladdu qorshe la timid, deeq bixiyayaashuna ballan-qaadeen in ay maal geliyaan, intii dowladdu ku taagan tahay fulinta qorshaheedaas. Afar, Hannaanka Isla-xisaabtanka Loodhan-yahay ayaa ah, qorshaha istaraatajiyadeed, oo kaliya ee cad, oo la fahmi karo, oo ilaa hadda, ka soo baxay, xukuumadda Farmaajo, kaas oo fududaynaya, in la qiimeeyo in ay u fuleen qorshayaashii ay xukuumaddu ballan qaadday in ay hirgelinayaan. Annaga oo taa ka duulayna, ayaan waxaan dib-ueegis ku samaynay, go’aamadii ka soo baxay shirkii London, ee May 2017 iyo Hannaankii Isla-xisaabtanka Loo-dhan-yahay, waxaana ka diyaarinnay, hal-beegyo muujinaya, in la gaaray yoolalkii la qorshaystay si aan u qiimayno shaqada xukuumadda ee labadii sanno oo tagtay. Si weyn ayaanna u fahamsan nahay in ay jiraan, arrimo awoodda dowladda ka baxsan, oo caqabad ku noqon karey dadaaladda dowladda, taas darteed ayaanna, qiimayntaan dowladda uga dhignay mid aan ku tiigsaneyn ee u turaysa, turiddaas darteed ayaanna, hal-begyada qiimaynta uga soo qaaddannay, kuwa ugu hooseeya ama ugu ladifan. Siyaasad lagu dhan yahay oo xasilan Go’aanka koowaad ee ka soo baxay Shirkii London waxa uu ahaa ballan-qaad ay xukuumadda Farmaajo ballan-qaadday in ay hirgelinayso siyaasad lagu dhan yahay oo xasilooni keenta, ayna dastuurka dib-u-eegis ku samaynayso, dhidibadana u aasayso hannaanka federaalka, ayna hirgelinayso qaab doorasho oo ah hal-qof iyo hal-cod. Sabab weyn ayaa keentay, in shirkaas London looga dhawaaqo in siyaasad loo dhan yahay, laguna dhan yahay, lasiiyo ahmiyadda koowaad. Deeq bixiyayaashu waxay og yihiin, kol haddaan hal awood aysan gacanta ku hayn qaran, in sida ugu dhow ee dib loogu yagleeli karo dal dagaal ka soo kabanaya, sida Soomaaliya oo kale, ay tahay, in la abuuro xasilooni siyaasadeed, wadar-ogol, wadatashi, hadduu doono hannaankaas ha noqdo, mid shaqo badan u baahan, culaysna wata ama jiitamaya. Sida ku cad dhammaan hal-beegyada kale, qorshe-hawleed kasta oo dowladdu London ku soo bandhigtay, kuna ballan-qaadday, waxaa lagama maarmaan u ah, siyaasad lagu dhan yahay iyo wada-socod. Halbeeggan xasiloonida iyo wadasocodka siyaasadeed, si guud dowladdu waa ugu guul-darraysatay; halka tub oo horumar aan sidaas u weyneyn ay xukuumadda Farmaajo ka samaysay waa dib-u-eegista dastuurka. Waxaa la oran karaa, dowladdu way baahisay la tashiga daneeyayaasha arrimaha dastuurka iyo bulshada rayadka ahba, in kasta oo taageerayaasha dowladda ay u badnaayeen; sidoo kalena, la tashi – haba koobnaadee – way la yeelatay dowlad-goboleedyada, waana arrin lagu ammaani karo, mar haddii, xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadu, uu u badnaa mid is-qab-qabsi iyo khilaaf hareeyey. Sidiise, London carrabka loogu adkeeyey, hannaanka dib-ueegista iyo hirgelinta dastuurka, waa in uu ahaado mid dugsanaya daah-furnaan, ahmiyadda uu leeyahay awgeed. Waana in go’aamo wadar-oggol ah laga gaaro qodobada khilaafku ka taagnaa, sida khayraadwadaagga, awood-qaybsiga, hannaanka doorasho ee dalka iyo nooca iyo qaabka dowlad ee Soomaaliya loo samaynayo, sida in dalku uu yeelanyo dowlad baarlamaani ah oo ra’iisul wasaare hoggaamiyo iyo in uu dalku madaxweyne yeelanayo. Ballan-qaadkii ahaa in ay dowladdu, dhidibada u aasayso nidaamka faderaalka ah, iyana waa ay ku fashilantay. Dowladdu, waxay noqotay mid dhiillo ragiska-dhicin ah ku dharraysan, taas oo soo dedejisey in goboladu samaystaan Golaha Iskaashiga Maamulgoboleedyada oo ahaa isbahaysi u abaabulnaa iska caabinta wax ay ku tilmaameen damaca iyo amar-kutaaglaynta dowladda federaalka. Bilihii tagey, Golaha Iskaashigu waxay waayeen laba hormuud, uuna ka mid ahaa guddoomiyahoodii Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas, Madaxweynihii hore ee Puntland, iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynihii hore ee Koofur-Galbeed. Shariif Xasan waxa uu isla casiley cadaadis dowladda Federaalku saartay, taas oo ay xigtey, in hannaankii doorashada Koofur-Galbeed ay dowladdu maamulatay taasina waxay keentay, in qaabka loo maray Madaxweynihii badeli lahaa Shariif Xasan, in lagu tilmaamo, qaab marooqsi ah maamulwanaaggana ka fog. In ka badan 15 muwaaddin ayaa naftooda ku waayey iska-hor-imaadyo rabshado wata oo ka dhacay, Baydhabo, magaalo madaxda ku meel-gaarka ah ee Koofur-Galbeed, kaddib markii ay dowladdu dib u xirtay, Muqtaar Roobow oo ahaa hoggaamiye hore oo Al Shabaab. Roobow dowladda ayuu isku soo dhiibey, lana heshiiyey, kaddibna waxa uu isku sharaxay xilka madaxweynenimo ee maamulkaas, taas oo aad loo aaminsanaa in uu yahay mid ku guulaysan kara, isaga oo kasbaday kalsoonida shacabka, siyaasiyiinta iskuna asteeyey hoggaamiye shabaabka hor-istaagi kara. Dowladda, oo kaashanaysa ciidanka Itoobiya ee Baydhabo ku sugan, ayaa Roobow xirtay, sidaasna ku sugtay in ay soo saarto Cabdicasiis Lafta-Gareen, musharixii ay u xaglinaysay. Isku soo duuduub, is-aaminaad badan ma dhextaalo dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe, in dhawaalana xiriirkooduna waxa uu ahaa mid aan fiyoobeyn, gaar ahaan Galmudug iyo Jubaland. Waxaa wiiqmay kalsoonidii, shakiguna waa badnaa, taas oo keentay, in maamul-goboleedyadu ay isku qanciyaan, in aan faa’iido ugu jirin inay deegaanadooda dimuqraadiyeeyaan, awooddana ku baahiyeen, maaddaama ay u arkeen inay taasi sii wiiqi karto. Marka la eego diyaarinta hannaanka doorashada ee 2020-ka, ma jirto, guul ay xukuumaddu gaartey. Waxay ahayd Baydhabo, bartamihii 2018-ka, markii ugu danbaysay ee uu dhacay wadatashi rasmi ah oo arrimaha dhabta ah loo daadegey, markii madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul-goboleedyadu ay mabda’ ahaan isku afgarteen doorasho qof iyo cod ah. Kaddibse, waxayba labada dhinac isku khilaafeen qodobbo muhiim ah oo ka mid ah heshiiskaas, gaar ahaan nooca deegaan-doorasho ee dalka, sida in dalka oo dhami hal deegaan-doorasho loo arkayo iyo in maamul-goboleed kastaa, uu noqonayo deegaandoorasho gaar ah. Waxaa kalee oo muuqata, in ay jirto hannaanno doorasho oo Farmaajo iyo Khayre ay danaynayaan, iyaga kaliyana ay fahamsan yihiin. Waxaana muuqata in ay ka maagayaan, wada-hadal rasmi ah oo dimuqraadi ah, daahna furan in ay la galaan dhinacyada ay khusayso doorashadu ee Soomaalida kale, sida xisbiyada siyaasadeed, baarlamaanka iyo bulshada rayadka ah – si dalka ay uga dhacdo 2020- ka doorasho xalaal ah, oo qof iyo cod ah. Waxaana la tuhunsan yahay sababta ay uga war-wareegayaan madaxda dowladdu, in ay dadka ka talagaliyaan qaabka lagu hirgelin karo hannaan doorasho oo xor ah oo xalaal ah, in ay tahay, sida ay uga go’an tahay in ay awoodda sii haystaan, doorashada tan xigtana, ay iyagu madaxnimada ugu soo noqdaan. Sidoo kale, dagaalka qabow ee ka dhexeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa gobolada iyo guud ahaan, ishaaraanka bannaanka yaal, ayaa iyana loo sababayn karaa, horumar la’aanta ka jirta hannaan doorasho oo loo dhan yahay. Halbeegga ugu saamaynta badan bulshada, waa hirgelinta ama ka gaabinta doorasho xor ah oo xalaal ah; waayo, ku dhawaad labaatan sano, shacabka Soomaaliyeed, waxaa lagu go’doonshay in ay noqdaan daawadayaal, markii ay doorasho dhacayso, iyada oo oday-dhaqameedyo iyo wakiilo kooban, codkii shacabku bixin lahaa, gacanta loo geliyey, kuwaas oo nasiib darro, inta badan ka beeciyey codkaas, musharixii ugu falisaad sarreeya. Hadda, laguma gafayo, haddii la odoraso, mudada kooban oo ka hartay hoggaanka Madaxweyne Farmaajo, in ay yar tahay fursadda ay ku dhici karto doorasho qof iyo cod ah, oo dadka iyo dalka oo dhan ah. Sidoo kale, muddo kororsi – oo ay hadda hadal-haynteeda bilaabeen mudanayaal baarlamaan oo dhanka dowladda u xagliya – ma ahan, guud ahaan arrin u wanaagsan Soomaaliya, gaar ahaanna, ay mudan tahay dowladdan Farmaajo iyo Khayre oo natooxsiga iyo keli-socodka ku sifowdey. Sidoo kale, waxaad mooddaa, in dhinacyada siyaasadda oo dhammi, ay gadaal u dhigteen, ka hadalka qorshe cusub, loo qaateenna ah, oo baddiil u noqon kara, doorashadii dowladdaan laga filayey oo dalkoo dhan iyo dadkoo dhan ah. Haddiina aan talaabooyin dhiiranaan leh, laguna midaysan yahay oo nooca doorashada 2020-ka ah aan sida ugu dhaqsaha badan loo qaadin, waxay u badan tahay, hannaan doorasho-ku-sheeg ah, deg-deg lagu sameeyey, oo silloon, in la camal-dulleeyo, laguna khasbanaado. Qodabada kale ee ku dhex jirey ballan-qaadyadii dowladda ee siyaasad lagu dhan yahay, oo xasiloon, waxaa ka mid ahaa: in la xurmeeyo xuuuqda bini’aadamka, in uu xasaanad leeyahay muwaadinka, xorna u yahay hadalka, kulamada iyo in saxaafadda ay xor-noqoto aanna la xanibin. Ballan-qaadyadaas, dhammaan dowladdu waa ka soo bixiweydey. Ciidamada dowladda ayaa weeraray siyaasiyiin mucaarad ah, ilaalana ka laayey, dowladdu waxay si soo noq-noqotay xisbiyada siyaasadeed uga horis-taagtay, xuquuqdooda dastuuriga ah (ee ah inay kulamo qabsan karaan), waxaa kale oo ay xakamaysay saxaafadda madaxa-bannaan iyada oo caadeysatey in ay qaado ol-ole baahsan oo is-gadid iyo barabagaan ah, kaas oo ujeedkiisu ahaa in ay madaxa ka qabsato, shacab Alahood Alle yahay. Xukuumadda Farmaajo iyo Khayre waxay argagixiso ku sheegeen muwaadin, una gacan geliyeen Itoobiya. Madaxweynahaaba, dhawaan, ku dhiiraday, in saxaafadda madaxa bannaan oo dowladdiisa dhaliisha uu ku tilmaamo, kuwa baahiya colaadaha. Xoojinta Amniga Qaranka Qodabka labaad ee heshiiskii Soomaalidu London ku gaartey, deeq bixiyayaashana ballan lagula galay, waxa uu ahaa in la xoojiyo amniga qaranka, dibna loo soo nooleeyo Golaha Amniga Qaranka, in dib loo dhiso ciidan qaran oo Soomaali oo dhan ka kooban iyo in suggidda amniga iyo deegaanada la isku xiro, hoosna laga soo bilaabo dib-u-heshiisiinta iyo isku-xirka iyo hawl-gelinta shacabka ku nool degmooyinka iyo deegaanada, mashruucaas oo loo bixiyey Wadajir. Ilaa hadda, dowladdu kuma guulaysan inay hirgeliso Golaha Amniga Qaranka; waayo, qayb ahaan markii horeba kuma jacsanayn ama ma doonayn in ay fursad siiso ama xoojiso madaxda maamul-goboleedyada oo Golaha Amniga Qaranka xubno ka ahaa markii ay jirtey xukuumaddii tan ka horreysey, ee Madaxweyne Xasan Sheekh. Golahaan Amniga Qaranka, waxaa loo qaabeeyey in uu ahaado, madal go’aamada siyaasadeed oo amniga khuseeya lagu gorfeeyo, go’aanna looga qaato. Waxaana sidaas loogu qaabeeyey, iyada oo la isla ogolaa, in dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyadu ay dalka isla maamulaan, hannaanka federaalkana loo arkey, hawl socota oo aan weli caga-dhigan ah. Madaxweyne Farmaajo, Golaha Amniga Qaranka hal mar ayuu kulmiyey, ilaa intii uu shirkii London ka soo laabtay, is-qab-qabsi iyo is-qoonsi dhex yaalay isaga iyo madaxda gobolada ayaana qabsoomidda kulamo kale, caqabad ku noqday. Waase uu ku baaqay Madaxweynuhu, in uu qabsoomo kulanka Golaha Amniga Qaranka isaga oo magacaabay la taliyaha Amniga Qaranka, sameeyeyna xafiis, uu hormuud ka yahay hawl-wadeen sare, oo hawlaha amniga isku duwa. Heshiiskii ahaa in la dhiso ciidan qaran oo isku dhafan, dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyadu waxay ballan-qaadeen in ay dhisayaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka kooban 18 kun oo askari, shanta maamul-goboleedna laga keenayo midkiiba saddex kun oo askari. Ujeeddaduna waxay ahayd in dib-uhabayn lagu sameeyo ciidanka qaranka oo hadda u badan mid Muqdisho laga dhisay. Deeq-bixiyayaashu, iyana, waxay ballan-qaadeen, in ay qalabeeyaan, mushaarna siiyaan ciidankaas qaran ee lagu dhan yahay, ama isku dhafan, intii dowladdu ay awoodayso in ay iyado mashaarkooda bixiso. Ciidankaas cusub, waxaa lagu tala galayey, in ay si toos ah u hoos yimaadaan wasaaradda gaashaandhiga ee dowladda federaalka, iyada oo wada-tashi la samaynaysa dowlad-goboleedyada markii ay baahi timaaddo. Qorshahaas soo jeedin ma soo dhaafin, fulinna uma gudbin. Si guud marka loo eego, hirgelid la’aantiisa waxaa sabab u ahaa dib-u-heshiisiin la’aanta Soomaaliya ka jirta, iyo kalsooni-darada dagaalka sokeeye laga dhaxlay. Xildhibaanada qaar ayaa saluugay qorshihii lagu ballamay ee ahaa in dib-uhabayn lagu sameeyo ciidanka xoogga waxayna ku doodeen in tallaabadaas ay wiiqayso ciidanka hadda jira ee xoogga dalka iyo hawl-galada amni sugid ee ciidanka u socota. Dooddaas la galiyey isku dhafka iyo dib-u-habaynta ciidanka, waxayba qiil u noqotay (ay uga takhalusaan ballantaas) xukuumadda Farmaajo iyo Khayre oo aan awalba ku jacsanayn hannaanka federaalka, aaminsanaana in maamul-gobaleedyadu ay is barbar-yaac iyo doc-wareen ku ahaayeen dowladda Qaran ee ay iyagu gar-wadeenka ka yihiin. Dhanka kale, dowladdu, waxa ay abaabushay ciidamo ay u bixisay Xasilinta, kuwaas oo la mucaaraday, lana tilmaamay in aysan hoos imaan haykalka ciidan ee dalka, gaar ahaan booliska iyo milateriga, laguna eedeeyey in ay u eg yihiin maleeshiyo. Kaddib doodo adag oo siyaasadeed, ciidankii ‘xasilinta’ waxaa lagu daray ciidanka booliska Muqdishu. Shirkii London waxaa lagu soo bandhigay in shanta sano oo soo socota, Soomaaliya loo abuurayo ciidan boolis ah oo dhan 50 kun. Xaqiiqadiina, in badan oo amni darada Soomaaliya ah uma baahna ciidan milateri ah, wuxuuse dalku u baahan yahay sirdoon aqoon leh iyo ciidan boolis ah oo si fiican u tababaran, muwaadiniintana ku tiirsan, xiriirna la leh. Sida London lagu heshiiyey dowlad goboleedyadu iyaguna, booliskooda u gaarka ah ayay ahayd in ay samaystaan, maalna gashadaan. Qorshihii amni ee London lagu soo bandhigay lama hirgelin. Dowladdu waxa ayba sii kordhisay khalkhalkii hay’adaha amniga, kaddib markii ay marar badan, baddashey saraakiishii hoggaaminaysay laamaha amniga. Dhanka kalana, Al Shabaab waxa ay sii wadeen xasilooni daradii ay dalka ku hayeen, iyo falalkoodii argagixis, iyaga oo Muqdisho qaraxyo ku harqiyey. Waxaana ugu darnaa, qaraxyadii 14-kii October 2017-ka iyo kii 28 Febraayo 2019, oo boqolaal shacab ah lagu xasuuqay caasimadda, kaas oo astaan u noqday fashilka dowladda ee ballan-qaadkeedii ahaa in ay amniga sugayso, gaar ahaan caasimaddda. Ballan-qaadka ugu danbeeya ama saddexaad ee dhanka amniga waxa uu ahaa, in la hirgeliyo qorshaha Wadajir loo bixiyey ee nuxurkiisu ahaa in deegaanada, iyo degmooyinka, dib-u-heshiisiin laga hirgeliyo, dadka la isku xiro, maamulka la wanaajiyo si amniga dadku wax uga sugtaan. Qorshii Wadjir, marka laga reebo laba degmo oo ka hirgalay Koofur-galbeed iyo kulama badan, wax badan kama fulin isaga oo eersaday, is-afgaranwaaga iyo xafiiltanka, dowladda federaalka iyo maamulgoboeedyada. Dib-u-soo-Kabashada Dhaqaale Heshiiska kale ee London lagu gaarey, ee ballanqaadka dowladda Farmaajo ahaa, wuxuu ku saabsanaa soo kabashada dhaqaale, waxa uuna ka koobnaa afar tubood: b) dhaafidda deynta iyo xiriir la soo ceshiga hay’adaha dhaqaalaha adduunka, t) kor u qaadidda dekhliga gudaha, j) hirgelinta qorshaha horumarka qaran ee jiray iyo diyaarinta midka xiga, x) si masuuliyad wadata uga faa’iideysiga iyo u maamulidda khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya. Ballan-qaadkaan kobcinta dhaqaalaha ayaa ah ballanta ay dowladda Madaxweyne Farmaajo guulaha ugu badan ka gaartey. Kow, waxay dar-dar gelisay hannaanka Soomaaliya deynta looga dhaafayo. Labada sano gudahood, dowladda waxay ku guulaysatey in ay ka baramoosto heerkii saddexaad kormeer ay Hay’adda Lacagta Adduunku ku haysey hannaanka maamul-dhaqaale ee dowladda. Hannaankan oo loo soo gaabiyo SMP ee kormeerka iyo korjoogteynta Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, waa hannaan farsamo oo IMF ay tashiilka iyo isku-tashiga ku jarabarto dalalka saboolnimada la daalaadhacaya. Waxaa intaa weheliya in xukuumaddu kasbatay kalsoonida. Midowga Yurub, taas oo hadda markii ugu horreeyey muddo dheer kaddib, dowladda Soomaaliya, u bilowday kabid miisaaniyadeed. Taas waa guul weyn, oo xukuumadda ku gaartey muddo gaaban. Waxay kaloo dowladdu qarka u saran tahay in ay deyn ka hesho Bangiga Adduunka. Tubta dowladda oo ahaa in ay kordhiso dekhliga gudaha, labadii sano oo la soo dhaafay waxay ku guulaysatey in 15 ilaa 20 boqolkiiba kor u qaaddo dakhligeeda, guud ahaanna tobankii sano oo la soo dhaafay dekhliga dawladihii Soomaaliya oo dhan kor buu u socdey. Si kastaba ha ahaatee, dowladda Farmaajo iyo Khayre, gaar ahaan wasaaradda maaliyadda waxay ku guulaysatey in ay dadka si daah-furnaan leh ugu soo bandhigto, ilaha dekhliga, wayna ku ammaanan yihiin, inay miisaaniyaddii oo idil internetka soo dhigeen, oo qof kastaa daalacan karo. Xukuumaddu way ku dadaashay in ay hirgeliso barnaamijyada ku tibaaxan Qorshaha Horumainta Qaran ee 2017-2019, oo ah kii ugu horreeyey muddo 30 sano ah, waxayna si joogto ah, bil kasta, u qabanaysey, shir wadajir ah oo dowladda iyo deeqbixiyayaasha ay wada-joogaan, ee loo yaqaan SDRF, kaas oo mashaariicda Qorshaha Horumarka Qaran lagu maal-geliyo, lagana kormeero. Uma ayan suurto gelin dowladda, in ay hirgeliso dhammaan barnaamijta Qorshaha Horumarka Qaran, maaddaama ay is badallo badan lagu sameeyey wasaaradaha iyo hawlwadeenada sare. Waxaa kale oo gaabiska sabab u ahaa, hannaanka SDRF ee lagu maal geliyo qorshayaasha qaran oo ah mid aan si fudud wax uga dhammaan, isku aaddin badan looga baahan yahay, dhaqaalaha la qoondeeyeyiy iyo qorshayaasha qaran. Waxa kale oo xukuumaddu ay ku ammaanan tahay, in ay gudagashay diyaarinta wejiga lababaad ee mashruuca Qorshaha Horumarka Qaran, ayna waddo-tashiyo la waddo daneeyayaasha, sida maamul-goboleedyada iyo bulshada rayadka. Ballan-qaadka afraad uguna danbeeya tubtaan, wuxuu diiradda saarayey, si mas’uuliyad wadata uga faa’iideysiga iyo maaraynta khayraadka dabiiciga ah ee dalka. Dowladda Farmaajo iyo Khayre si degdeg wadata, khataro badan ku giddaaman yihiin, ayay ugu haliilaysaa, in ay suuq-geyso oo xaraashto, shidaalka badda iyo xeebaha Soomaaliya ku jira. In Ra’iisul Wasaaruhu madax ka ahaan jirey, waxna ku lahaa Soma Oil, oo ah shirkad taariikh dhow, tuhunno badan dusha laga saaray oo kaliya ayaa ku filan, in laga welwelo, heshiisyada dowladda iyo shirkadaha shidaalka. Dowladdu kuma guulaysan in ay dadka Soomaaliyeed ku qanciso sababta ay ugu fara-baxsanayso, in ay soo bandhigto xogta badda Soomaaliyeed ay ka soo uruurisay Soma Oil, ayna suuqgeyneyso shirkadda Spectrum SA, (oo qudheedu ah, shirkad lagu eedeeyey in ay bixinaysay meshaarada shaqaalaha Wasaaradda Batroolka), shirkaddaas oo weliba iyada sida la sheegay, qaar ka mid ah dhul-badeedka ay sahmisey loo ogolaaday in ay shidaal ka baarto – taas qudheeda oo ah arrin shaki kale dhalinaysa ayna ka muuqato irmaan-waraabsi. Xukuumaddu, in kasta oo ay hadal-hayn badan ka waddo la dagaalanka musuqa, kuna dooddo in ay daah-furnaan ku shaqaynayso, haddana, hannaanka dowladdu u gacmo-gacmaynayo shidaalka, waxaa hareeyey hulaab-naan badan, waxaana ka muuqda, waxna aan qalanno midiyahana aan qarsanno (conflict of interest). Mashruuca shidaalka waxa uu noqday bar-madow oo dul saran sumcadda xukuumadda Farmaajo, taas oo laga rabey in ay noqoto waardiyaha khayraadka dadka Soomaaliyeed, ‘wax kasta waa okay-da’ madaxweyne Faramaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayrana, waa mid dad badan, aanay ku qancin, ayna uga jawaabaan, aallatahay. Baaridda iyo suuqgeynta/xaraashka shidaalka oo deg-deg iyo ku-danaysi lagu galo, waddamo badan oo colaad ka soo doogey ayuu xasraddo hor leh u keenay. Haddaba, iyada oo laga duulayo mabda’ ah ‘ha uga darin’ doodaha hadda laga wado baaritaanka / suuqgeynta / xaraashka shidaalka Soomaaliya, waa kuwo loo bahan yahay, haddii rajo laga qabo in Soomaaliya ay si dan-guud ah, danaysina ka fog, masuuliyadna wadata ay u maarayso khayraadkeeda. Xataa qandaraaska la siiyey shirkadda Shiinaha ee kalluunka biyaha Soomaaliya kala baxaysa, ayaa iyana keenaysa wel-wel, su’aalna dulsaaraya beecaas, waayo halka milyan oo dollar ee la yiri, dowladda ayaa helaysa, wuxuu u eg yahay san-dareerto, marka loo barbardhigo, kaluunka ay gurayaan shirkadda Shiinayska ah. Gunaanad iyo soojeedin Dowladda Farmaajo iyo Khayre oo haysatey afarta sano, haddii la qiimeeyo labadii sano ee hore, iyada oo la kaashanayo wixii ay shirka London ku ballan-qaadday, waxaa muuqanaysa in ay aad uga gaabisay wixii laga sugayey. Xukuumaddu, waxa ay si xariifnimo ku jirto, u isticmaashay saxaafadda iyo baraha bulshada, si ay u baahiso aragti qurux badan oo waxqabadkeeda ah, laakiin, qiimayn-teennaan, waxa ay muujinaysaa, hadday u badato, yoolalkii ay degsatay xukuumaddu, in afar-meelood hal meel uun ay gaartey. Weliba, waxaan tix-geliney, in xukuumaddu ay daruufo adag ku shaqeyneysay, taas awgeed ayaana guulaha qaarkood sida kuwa dhaqaalaha dhibco dheeri ah ugu darnay. Haddii la doonayo in labada sano oo soo socota ay dhaanto labadii tagtey, Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre, waxa ay u baahan yihiin, in ay dib-u-eegaan, dul istaagaanna ballan-qaadyadoodii aasaasiga ahaa, gaar ahaan, kuwa ku saabsanaa, yagleelidda siyaasad lagu dhan yahay oo xasilan. Haddii xukuumaddu aysan ka shaqayn in ay abuurto, wadaroggol ballaaran oo ay ku dhan yihiin daneeyayaasha siyaasadda sida maamul-goboleedyada, xisbiyada mucaaradka ah, ganacsatada iyo bulshada rayadka ah, xukuumadda uma suurta galeyso in ay meel micna leh gaarto, gaar ahaan arrimaha ahmiyadda weyn leh welina qabyada ah: gaar ahaan, xal-u-helidda amni-darada, dhammays-tirka dastuurka iyo isku afgarashada hannaanka doorashada ee 2020-ka. Haddii ay dowladdu ku fashilanto in ay siyaasadda xasiliso, waxaa dabraya hagrashada iyo hoosaasinta xoogagga ka soo horjeeda, oo fashilkeeda guul ka dhex arka. Haddii Xukuumadda Farmaajo ay labada sano oo u hartay ku guulaysato in ay guul ka keento arrimaha ay ka gaabisay, waxaa u suurto geli karta, in ay dadka ku qanciso in dib loo doorto. Haddiise waqtigu ka dhammaado iyada oo aan hawlihii ay ballan-qaadday hirgelin, inay fursad kale heshaa waxay noqon kartaa mid aan fududayn. Sidaas darteed, waxaan kula talinaynaa: In Madaxweyne Farmaajo uu u isticmaalo shirka soo socda oo uu la leeyahay madaxda maamul-goboleedyada mid uu ku laba kacleeyo, xiriiradii xumaaday uu ku wanaajiyo, uuna abuuro wadashaqayn waddar-ogol ah oo dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyadu ay isku talo ku hawl-galaan; kuwa madaxweynaha kula talinaya in isku-tanasulku aanu isaga dan u ahayn ama ay wiiqayso, waxay u horseedayaan oo kaliya, in uu fashilo; Madaxweynuhu waa in uu si niyad ah ugu casuumo madaxda xisbiyada mucaaradka, madatasha qaran ee Garowe loogu ballansan yahay, si looga arrinsado hawlaha qabyada ah, ahmiyadda gaarka ahna leh: sida dhammaystirka dastuurka iyo ka heshiinta hannaanka doorasho ee uu dalku qaadanayo 2020-ka. In dowladdu sii waddo fara-ku-fiiqfiiqa mucaaradka iyo guul-guul-ka saxaafadda xorta ah iyo bulshada rayadka mahan oo kaliya mid faa’iido la’aan ah, waxayse ku dhammaanaysaa oo keliya wadda isa soo xiraysa; Madaxweyne Farmaajo waa in uu dib u abaabulaa Golaha Amniga Qaranka, una adeegsadaa madal lagu gorfeeyo, laguna dejiyo qorshihii Al Shabaab looga adkaan lahaa. Waayo, taas ayaa lagu gaari karaa, in xal loo helo, amni darada baahdey ee dalka iyo xasuuqa ku socda shacabka caasimadda, kuwaas oo canshuurta laga qaado ay xoolo u yihiin xukuumadda Farmaajo. Xoogga ay geliyeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre xayeysiinta xukuumadooda, waa in ay u jeheeyaan sidii looga takhalusi lahaa xubnaha Al Shabaab ee aan soonoqoshada lahayn, iyaga oo Al Shabaab-ka caymada leh, ugu baaqaya wadahadal. Ka gaabiska ay xukuumadda Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre ka gaabisay in ay diiradda saarto Al Shabaab, naf iyo maalna duldhigaan, ayaa sabab u ah in ay kooxdani weli si weyn Soomaaliya uga calan-wallaynayso. Khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya sida shidaalka oo ka dhexeeya jiilkaan hadda nool iyo jiilalka danbe, waxaa maarayn kara oo kaliya, dowlad ay ku soo doorteen dadka Soomaaliyeed doorasho xor iyo xalaal ah. Xitaa markaas, inta aan shirkado ajaanib ah dhaxalka dadka Soomaaliyeed gacanta loo gelin, waxaa daruuri ah inay diyaar yihiin aqoontii, sharcigii iyo hannaankii lagu maamuli lahaa khayraadka dalka, oo shidaalku ugu horreeyo. Madaxweyne-Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre waa in ay ka waantoobaan gacmamacmaynta shidaalka iyo khayraadka kale ee istaraatiijigga ah ee Soomaaliya, maaddaama aysan idan ka haysan dadka Soomaaliyeed. Madaxweynuhuna waa inuu ogaado, in aan marna laga rumaysanayn, musuq-maasuq ayaan la dagaalamayaa, inta xukuumadiisa (iyo ajaanib ku-daaban, ay dalaal iyo malaal ka yihiin shidaalka Soomaaliya, seyladaha adduunkana ay ka beecinayaan. Shacab weynaha Soomaaliyeed waa u jeedaan, kana shisheeyaan dhaqanka indha-sarcaadka u eg, ee dowladda. Dhinaca qaabka ay u dhacayso doorashada 2020-ka, xukuumaddu waa in ay runta u soo daadegto, shacabkana la wadaagto caqabadaha hortaagan in doorasho qof iyo cod ah ay Soomaaliya ka dhacdo 2020-ka. Waana in ay soo bandhigaan sida caqabadaas looga gudbi karo; waxay u badan tahay 2020-ka, in aan la gaarin doorasho qof iyo cod ah oo dalka oo dhan ah, waxaase daruuri ah in ay dhacdo doorasho aan dib uga dhicin waqtigeeda, ka xor ah ku-shubasho iyo musuq, nabad-gelyana ku dhacda. Si loo xoojiyo dib-u-heshiisiinta, Madaxweynuhu waa inuu u hawl-geliyaa Golaha Amniga Qaranka, sidii loola heshiin lahaa Somaliland, waana in Golaha Amniga Qaranku ku baaqaan wadahadal niyad ah; xukuumaddu waa inay bedesho siyaasadeeda ku liqdaarnaanta Somaliland, kana hor-leexato wixii mucaawino iyo kaalmo horumarineed ee adduunku Somaliland siinayo. Madaxweynuhu waa in uu raalli gelin buuxda dadka Somaliland ka siiyo gabood falkii ballaarnaa ee ay u geysteen dowladdii Soomaaliya ee milateriga ahayd. Dhanka xiriirka arrimaha dibadda, Madaxweyne Farmaajo waa in uu u istaago in uu wanaajiyo xiriirka Soomaaliya kala dhexeeya saaxiibadeeda soo jireenka ah gaar ahaan Qaramada Midoobey. Madaxweynuhu waa in uu maanka ku hayo in aan qaranka lagu dhisi karin, meel soke oo wax laga eego iyo fursado waqti kooban oo markaas surin looga baxayo, balse qaran, gaar ahaan dal, sida Soomaaliya oo kale u nugul, bur-burna ka soo kabanaya in ay lama maarmaan u yihiin dhisiddiisa: sumcad, furcaddaan iyo si caadifad la’aan ah oo loo qiimeeyo danaha qaranka.
  5. Senior Somali government officials have visited the national army military base outskirts of the capital, Mogadishu on Wednesday. The officials are on a fact-finding mission to establish grievances of a reported delayed payment in past months. Led by Internal Security Minister, Mohamed Abukar Islow, Information Minister, Dahir Mohamed Gelle and the commander of Somali national army, General Odowa Yusuf Rage, they met the troops at Balcad base. Sadik Warfa, the secretary of the parliamentary defense committee called upon soldiers who are to receive the wages to be patient and exercise restraint as the ongoing biometric registration process is concluded. He said the government will do all in its capacity to resolve the issue once and for all. President Mohamed Abdullahi Farmajo tasked a delegation led by the two cabinet members to examine the grievances of the soldiers after media reports emerged on the interruption of wages to some members of Somali armed forces due to ongoing biometric registration in past months. On his side, the prime minister, Hassan Ali Kheyre urged soldiers who have not received the monthly wages to go to the nearest ministry of defense to complete their biometric registration to speed up the disbursement process. View the full article
  6. Muqdisho (SMN)- Faahfaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyo lala beegsaday ciidamo Kenyan ah iyo kuwa maamulka Jubbaland,kuwaas oo ka dhacay duleedka deegaan ka tirsan gobolka Gedo oo lagu magacaabo Buusaar. Ciidamada qaraxa lala beegsaday ayaa maalin ka hor isaga baxay deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo. Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxyadaasi,iyagoona sheegay in ay ku dhaawaceen afar askari oo Kenyati ah sidoo kalana ay dhaawaceen lix askari oo ciidamada Jubbaland ah. Al-shabaab ayaa sidoo kale waxay sheegeen in askarta ay ka dhaawaceen ciidamada Jubbaland uu ku jiro taliyihii ciidamada maamulkaasi ee deegaanka Buusaar. Ma jirto faahfaahin ka soo baxday saraakiisha ciidanka maamulka Jubbaland iyo kuwa Kenya oo ku aadan qaraxyada lala beegsaday ciidamadooda. View the full article
  7. Muqdisho (SMN)- Gudoomiye ku xigeenka degmada kuntuwaareey ee gobolka Shabeelaha Hoose Maadeey Khaliif Cali oo haatan si ku meel gaar ah ugu shaqeeya deegaanka Buula Mareer ee goolkaas ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaal saacadihii la soo dhaafay Al-shabaab iyo ciidamada dowladda ku dhexmaray halkaasi. Mr Maadeey ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka dileen 2 ka tirsanaa dagaalyahanadooda,waxaana uu tilmaamay in dhankooda weerarkaasi qasaaro ka soo gaarin. Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka degmada Kuntuwaareey ayaa shaaca ka qaaday in ay ciidamadu wadaana howgalo lagu xaqiijinayo amniga deegaankaasi. Dagaalkan qasaaraha uu ka dhashay ee ka dhacay deegaanka Buulo Mareer ayaa yimid kadib markii fariisimo ciidamada dowladda halkaasi ay ku leeyihiin ay soo weerareen Al-shabaab,waxaana lagu waramayaa in ay dagantahay xaaladda deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-21032019.mp3 View the full article
  9. (SLT-Hargeysa)-Kal-fadhigii 31-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 21/03/2019, waxa lagu ansixiyey siyaasadda shaqaalaha rayidka ah oo ay golaha horkeentay Wasaaradda shaqo gelinta arrimaha bulshada iyo qoysku. Waxa kale oo goluhu warbiximo ka dhegeysteen wasaaradaha horumarinta maalgashiga iyo dhalinyarada iyo ciyaaraha, ugu horayntiina wasiirka maalgashiga ayaa golaha ka horjeediyey qorshe hawleedka wasaaraddaasi, isagoo ku dheeraaday muhiimada maalgashiga, horumar muuqdana ka sameeyeen iibgeynta maalgashiga dalka, isagoo xusay inuu si xawli ah u socdo maalgashiga gudaha ee muwaadiniintu. Isla markaana ay xidhiidho la sameeyeen maalgashadayaal caalamiya, si looga faa’iideeyo khayraadka dihin ee waddanka, korna loogu qaado kobaca dhaqaalaha iyo shaqo abuurka da’ yarta. Dhinaca kale Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa golaha u sharaxay dedaalada wasaaraddu ugu jirto jihaynta dhalinyarada iyo horumarinta ciyaaraha kala duwan ee dalka, waxaanu wasiirku tilmaamay inay ku hawlan yihiin dardargelinta ciyaaraha kala duwan iyo dhiirigelintooda. Ugu danbayntiina waxa uu goluhu dood dheer ka yeeshay wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerka shaqaalaha rayidka ah Xeer/No/31/2004, sidoo kale waxa goluhu soo jeediyey in la horkeeno xeerka maamulka dhulka ee wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta, si xal waara loogu helo khilaafaadka dhulka. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  10. Waraysi kooban oo aanu saaka la yeelanay gudoomiyaha xisbiga Wadadani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo ku sugan dalka Finland ayaa noo sheegay in aad iyo aad u fiicnayhay isla markaasina uu u sii jeedo dalkii oo ay hayayd in uu Jimcihiii ina dhaafay uu ku laabto hase ahaatee uu hada u xidh xidhanyahay sidii uu dalkii ugu laaban lahaa, waxana uu sheegay oo uu carabka ku adkeeyay in Boqolkiiba boqol caafimaad qabo oo uu hawlihiisa qabsado mar walba hadii uu gudaha joogo ama dibadaba. Gudoomiyaha oo aan wax ka waydiinay wararka sheegaaya in xaaladiisa caafimaad ay liidato, hadalkaasi oo ay suuqa aad ugalinayaan xukumadda Kulmiye ee ku fashilantay hagista iyo midayntii shicibka Somaliland ee ay masuulka ka ahaayeen. Dr Cirro oo aad ugu qoslay arintaasi ayaa yidhi horta anigu maan arag meel ay hadalkaasi ku baahiyeen lakiin iyaga iyo kuwo kaleba waxa aan leeyahay arimaha Habaarku kumuu jirin intaas ayaan ugu dhaafayaa. Qaran News
  11. Warar hoose oo ka soo baxaaya safarkii wasiirka arimaha dibada ee dalka Eriteriya Osman Salah Mohammed ee todobaadkani Somaliland socdaalka ku yimid , ayaa sheegaaya in uu socdaalkiisaasi uu ku lug lahaa isku dayo hore oo ay dawlada Itoobiya ku fashilantay oo khuseeyay sidii madaxweynaha Somaliya loo keeni lahaa magaalada Hargeysa. Socdaalkani oo ay si fiican dawlada Itoobiya ula socotay isla markaasina ay doonayso sidii dalab culus oo uga yimid Farmaajo loo fulin lahaa taasi oo uu hore ugu fashilmay Abi Axmed. Hadaba wasiirka dawlada Eriteriya mudane Osman Salah Mohammed, oo safarkiisa uu Adis Ababa kaga soo kicitimay uu ku weheliyay wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya Axmed Xasan Cigaal oo isagu waftiga wasiirka ka soo raacay magaalada Adis Ababa oo ay markii hore wasiirka Eriteriya uu ku sii sugnaa, ayaa u qorshaha uu hada ula yimid Muuse Biixi ahaa in arinta wada hadalada ee Somaliya iyo Somaliland laga saaro in ay beesha caalmaku soo dhex gasho taasi oo Farmaajo u diiday joog iyo jiif isla markaasina ay arintooda xaliyaan wadamada gobolku oo ayna wehelinin bulshada caalamku isla markaasina gogosha ugu horaysa ee Farmaajo iyo Muuse Biixi gogoshooda ugu horaysa la dhigo dalka Eriteriya ama Itoobiya. Lama oga in uu ilaa hada Muuse Biixi aqbalay in beesha caalmka laga dhex saaro wada hadalada Somaliland iyo Somaliya lakiin wararku waxa ay xaqiijinayaan in uu Muuse Biixi ogolaaday in ay Farmaajo kulan ku yeeshaan wadamada dariska Qaran News
  12. Istanbul (Caasimadda Online) – Caasimadda Online ayaa heshay xog faahfaahsan oo ku saabsan musuq maasuqii uu Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ka sameeyey shirkii Arrimaha Ganacsiga ee dhawaan ka dhacay dalka Turkiga . Sida ay Caasimadda Online, wasiir Maareeye ayaa in ka badan 150 qof ka iibsaday si shaqsiyan ah Viisaha dalka Turkiga, isagoo dadkaas u diiwaan geliyey inay ka qeyb galayaan shir ganacsi oo dhawaan ka dhacay Dalka Turkiga. Dadkaas ayaa qofkiiba wuxuu wasiirka ka qaatay 5 Kun oo Dollar, sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen qaar kamid ah dadkaas oo Tahriib ugu sii gudbay dalka Gariiga. Dadka uu Wasiirka ka iibiyey Viisooyinka dalka Turkiga ayaa ahaa dhammaan dad aan shaqo ku laheyn arrimaha Ganacsiga iyo inay shir ku matalaan Soomaaliya, sababta uu wasiirka arrintaan u sameeyey ayaa aheyd inuu ka helo lacago aad u badan. Wasiirka ayaa celcelis ahaan mashruucaas ka helay lacag kor u dhaaftay Nus Malyan, waxaana la qeybsaday Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya oo qeyb ka ahaa fududeynta howshaan. Dowladda Turkiga ayaa Wasaaradda Ganacsiga ka joojisay inay hadda kadib wafdi usoo dirto shirarka ganacsi ee dalkaas ka dhaco maadaama 150-kii qof ee dhawaan halkaas la geeyey aysan ka qeybgelin shirka sababtana waxay aheyd dadkaas oo dhammaantood ahaa kuwa rabo inay Wadamada Yurub usii tahriibaan. Dowladda Turkiga ayaa fahamtay in dadkii loo keenay Turkiga inay ka qeybgalaan shirkii Arrimaha Ganacsiga laga waayey howlka shirka, waxayna baaritaan kadib ogaatay inay dadkaas intooda badan ka gudbeyn Xuduuda Turkiga sida uu Caasimadda Online u sheegay xubin kamid ah Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya. Wasaaradda Arrimaha Debadda ee Dalka Turkiga ayaa dacwad ka dhan ah kiiska Musuq maasuqa ka dhacay Shirkii Ganacsiga ee Turkiga usoo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya, inkastoo ay noo suurtageli weysay inaan helno jawaabtii ay wasaaradda ka bixisay Kiiskaan. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidan loo tababaray badbaadinta dadka ku hafta biyada badda oo loo sameeyay Garoonka Aadan Cadee tan iyo Bur burkii Dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay sameyeye dhoolo tus ay ku muujinayeen tababarkii ay qaateen ee la xiriira gudashada waajibaadkii loo igmaday. Ujeedda arrin tan ka dambeysa ayaa ah in la waafajiyo nidaamyada iyo adeegyada kajira garoonada caalamiga ah ee ka dhisan dunida inteedi kale, waxaana ciidanku ay bilaabeen in ay guda galaan shaqooyinkii loo igmaday. Maxamed Cabdiwahaab hogaaminayay kooxda loo diyaariyay badbaadinta dadka ku hafta biyaha bad ahadii ay dhacdo lama filaan ah qabsato ayaa sheegay in ay haystaan xirfad iyo tababara ku filan oo ay ku gudan karaan waajibaadka loo igmaday, wuxuuna xusay in ay diyaar u yihiin in ay bulshadoodi u adeegaan. S/Gaas Bashiir Cabdi Maxamed Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gob jog ahaa ayaa la wareegay dhul loogu talgalay in xarun looga dhisa Ciidanka Ilaalada xeebaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa ilaalada xeebta garoonka, wuxuuna taliyuhu muujiyay in ay diyaar u yihiin sidii ciidankaasi ay u qabsan lahaayeen waajibaadkooda. Wasiirka gadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomar ayaa sheegay in ciidanka ay qeyb ka yihiin Hormarinta Garoonk, islamarkaana amnigiisa uu noqon doono mid meeshi laga rabay gaara. Todobaadkaan gudihiisa ayay aheyd Markii dib loo dhagax dhigay xaruntii horey ee dam-demiska Garoonka Aadan Cade, waxaana tani ay muujinaysaa in garoonkaasi uu ku talaabsanayo horumar ku aadan in loo dhameystiro guud ahaan adeegyada ay bulshadu uga baahanyihiin.
  14. Afar ka mid ah garsoorayaasha heerka caalami ee kubbadda cagta Soomaaliya ayaa dhex dhexaadiyay kulan ciyaareed ka tirsanaa is reeb reebka koobka is reeb reebka ciyaaraha African Cup of Nation 2019. Garsoorayaasha waxa ay kala ahaayeen Cumar Cabdiqaadir Cartan,Axmed Cabdullahi Faraax Baroodo,Mahad Maxamed Maxamuud iyo Maxamed Nuur Muxidiin (Maxamed Soomaali) Garsoorayaasha dalkeena ayaa dhex dhexaadiyay kulan magaalada Juba ee Koonfur Sudan ku dhaxmaray wadamada South Sudan iyo Tunisia waxayna ciyaartaas kusoo dhamaatay 0-0. Cumar Cabdiqaadir Cartan ayaa ahaa garsooraha Dhexda,Calanhayaha 1-aad waxa uu ahaa Axmed Cabdullahi Faarax (Baroodo),Calanhayaha 2-aad Mahad Maxamed Maxamuud,halka garsooraha keydka uu ahaa Maxamed Nuur Muxidiin (Maxamed Soomaali). Garsoorayaasha kala ah Cumar Cabdiqaadir Cartan iyo Maxamed Nuur Muxidiin (Maxamed Soomaali) ayaa liiska heerka FIFA iyo CAF usoo gudbay bishii Janaayo 2018,balse bilooyinkii lasoo dhaafay waxa ay ciyaaro kala duwan kusoo dhex dhexaadiyeen wadamada Bariga iyo Bartamaha Afrika. “Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta waxa uu waqti ku bixiyaa horomarinta iyo aqoonta waxaada garsoorka kuwa gudaha iyo heerka caalamiga yoolkeena waa in aan xoojinaa in Soomaaliya ay u soo hooyaan dhibco aad u sareeya”waxaa Goobjoog Sports ugu warmaya Guddomiyahay gudiga Garsoorka Soomaaliya Xasan Wiish Hagi Yabarow. Soomaaliya ayaa si weyn loogu amaanaa doorka garsoorka iyagoo markaste kullamada kusoo dhex dhexaadiya qaarada Afrika dhibco iyo guul muhiim ah kasoo hooya. Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  15. Christchurch (Caasimadda Online) – Xasuuqii loo geystay Muslimiinta ku cibaadaysanaysay laba Masjid oo ku yaalla New Zealand waxay dhabtii xanuun ba’an ku reebtay adduun-weynaha siiba Muslimiinta dhibanayaasha u ah falalka ay sameeyaan in yar oo xagjir ah. Taniyo Jimcihii markii gumaadka bahalnimada ah uu galaaftay nolosha 50 qof oo iskugu yimid salaadda Jimcaha, dunida oo dhan waxaa hareeyay qeyla-dhaan iyo canbaareyn. Dowladda New Zealand ayaa ilaa hadda ku dadaashay inay falkaan uga garaabto muslimiinta, waxayna ficiladeeda ugu badnaayeen inay qanciso Muslimiinta una muujiso inay ka xun tahay wixii dhacay. Haweeneyda Ra’isulwasaaraha ka ah dalkaas Jacinda Ardern ayaa Xijaab u xiratay si ay uga qeybgasho kulan tacsi ah oo ay sameeyeen Dowladda iyo dadka Muslimiinta ah ee halkaas ku sugan. Arrintaas ayaa noqotay mid aad looga hadlay saameyna ku yeelatay Muslimiinta tirada badan ee halkas ku sugan, waxayna dowladda New Zealand mar kale sameysay arrin kale oo la doonayo in lagu sii qanciyo Muslimiinta. Baarlamaanka New Zealand oo Shalay yeeshay kulan looga hadlayey Xasuuqa loo geystay Muslimiinta ayaa lagu daah furay Aayado kamid ah Kitaabka Qur’aanka Kariimka. Aaydaha Qur’aanka ee uu wadaadka ka akhriyey Kulanka Baarlamaanka dalkaas ayaa ka hadlayey Sabar iyo in Dadka Muslimiinta ah lagu imtixaani doono Musiibooyin ay ka mid ah tahay Cabsi, Gaajo, Geeri iyo Hanti La’aan. Sidoo kale Aayadaha halkaas laga akhriyey ayaa waxaa kamid ahaa Aayad ka hadleysay in dadka Shuhada ah ee Muslimiinta laga dilo aan lagu sheegin inay yihiin kuwa dhintay balse ay nool yihiin oo aysan Bini’aadamka dareemi karin, waxayna ahaayeen aadayahaan kuwa loogu talagalay in Muslimiinta lagu qanciyo iyadoo loo marayo Kitaabka Qur’aanka Kariimka. Xubnaha Baarlamaanka Dalka New Zealand ayaa hoos wada fiirinayey inta la akhrinayey Aayadaha Qur’aanka Kariimka oo markii dambe xataa lagu dul akhriyey iyadoo loo badalay Luuqadda Ingiriiska si ay u fahmaan. Halkaan hoose ka daawo waxa ka dhacay Kulanka Baarlamaanka New Zealand  Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Kismaayo (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa sheegay in qaraxyo xoogan ay la eegteen ciidamada dowladda Kenya ee ka baxay saldhigii ay ku lahaayeen deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo. Al Shabaab ayaa baahiyay in ciidamada Kenya ay ku weerareen meel u dhow degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kadib markii maalin ka hor ay isaga baxeen saldhigii ay ku lahaayeen deegaanka Buusaar. Weerar kooban ayaa ka dhacay deegaanka, kadib markii labo qarax lala eegtay ciidamada dowladda Kenya oo marayay meel ku dhow degmada Ceelwaaq, waxaana khasaaro la gaarsiiyay ciidamada Kenya. Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda ayaa laga soo xigtay in weerarka uu ku bilowday Miinooyin waddooyinka lagu aasay oo lala eegtay ciidamada Kenya ee marayay agagaarka degmada Ceelwaaq. Al Shabaab ayaa sheegay inay dileen taliyihii ciidamada Jubbaland ee deegaanka Buusaar iyo lix askari oo la socotay, sidoo kale waxay sheegeen inay gubeen gaadiid ay lahaayeen ciidamada Kenya. Sidoo kale warbaahinta AL Shabaab ayaa baahisay in diyaarado ay daad gureeyay dhaawacyada ciidamada Kenya ee qaraxyada lagula eegtay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka ciidamada Kenya oo ku aadan inay khasaaro kala kulmeen weerarka Al Shabaab ay sheegeen inay la eegteen ciidamadooda. Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
  17. Kooxda horyaalka Somalia Premier League difaacanaysa labadii sano lasoo dhaafay ee Dekedda ayaa kulan ciyaareed adag la leh dhigeeda Jazeera Sports Club. Dekeda Football Club Kulankii u danbeeyay horyaalka waxa ay guul daro 1-0 kasoo gaartay kooxda Horseed waxayna u aheyd guul daradii ugu horeesay kol ciyaareedkan soo gaarta tan iyo markii uu bilaawday horyaalka. “Guuldarada waa qeyb ka mid ah kubbadda cagta waxaana nahay kooxda horyaalka waan in aan aqbalnaa wax Walbo oo naga soo gaara kulamado horyaalka,yoolkeena waa in aan markii saddexaad hananaa horyaalka Somalia Prmier Legaue”waxaa kulanka ka hor Goobjoog Sports u sheegay Yusuf Ali Nuur oo ah Macalinka Dekeda Football Club . Xidigaha kooxda Jazeera Sports Club ciyaartooydii u danbeesay iyagana horyaalka waxa ay guul daro 3-2 kasoo gaartay dhigooda Elman-Sports Club. “Waxaana wajahaynaa kooxda horyaalka difaacanaysa waxa ay haystaa ciyaartooyda adag,balse anaga ahaan kama liidano waxaan diirada saaraynaa in aan soo bandhigo kubbadda aad u saraysa oo ay ku qancaan taageerayaasheena ”waxaa Goobjoog Sports ugu waramay Cabdi Bootaan oo layliyaha kooxda Jazeera Sports Club. Ogeysiiska Kulanka Tartanka-Horyaalka Somali Premier League Kooxaha-Dekedda VS Jazeera Sports Club Tariikhda-20-03-2019 Maalinta-Khamiis Saacada:-3:30pm Garoonka-Banaadir Stadium Source: goobjoog.com
  18. Hargeysa (Somalilandtoday) Xukuumadda Somaliland ayaa ku adkaysanaysa qaaddidda lacagta lixda boqol ee kun ah ee laga qaadayo dadka bedelanaya Taarikada kuwaas oo qaadanaya nashqada cusub ee xukuumadda madaxweyne Biixi samaysay. Baarlamaanka gaar ahaana Golaha Wakiillada oo miisaaniyadda ka reebay qaadista lacagtan ayaa si adag ugu sheegay xukuumadda in aanay lacagtaasi qaadin kadib markii ay dhawaan soo baxday in xukuumaddu qiimo dhimis u sameysay dadka qaadanaya inta u dhexeysa Maarij iyo Juun. Guddida Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha wakiillada, ayaa Salaasadii kulan la qaatay wasiirka gaadiidka iyo jidadka Mudane Cabdillaahi Abokor Cismaan waxaanay si adag guddidu si adag ugu sheegtay wasiirka in aan la sii wadin qaadista lacagtan sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga golaha oo laga soo saaray kulanka laakiin, wasiirka oo kulanka kadib saxaafadda la hadlay wuxuu sheegay in aanu goluhu xaq u lahayn laalidda shaqo socota. Kulankan ka dhacay xarunta Golaha Wakiillada Somaliland,oo uu guddoominayay Guddoomiye Ku-Xigeenka Guddiddaas Maxamuud Axmed Obsiiye, ayaa qoraal laga soo saaray oo lagu daabacay bogga Golaha Wakiillada lagu yidhi “Guddida ayaa si adag wasiirka ugala hadashay inay joojiyaan Lacagta 600 ee kun ah ee ay qaadayaan Taarikada cusub maaddaama Goluhu hore u laalay sharcinimadeeda markii miisaaniyadda la ansixinayay, isla markaana waxay guddidu wasiirka indhaha u saartay Go’aankii golaha iyo Lifaaqyadii Miisaaniyadda ku lamaanaa kuwii la laalay iyo kuwii la ansixiyey in la qaado.” Gudida dhaqaalaha oo Wasiirka Jidadka iyo Gaadiidka wax ka waydiiyey Cashuuro aan sharci ahayn oo ay qaadaan Qoraalka guddidu ka soo saartay kulanka ayaa lagu sheegay in wasiir Cabdillaahi Abokor arrinta isaga riixay wasaaradda maaliyadda “Wasiirka ayaa Guddida u sheegay inaanay wasaaraddiisu arrintan ka warhaynin isla markaana ay guddidu wasaaradda maaliyadda kala xidhiidho arintan,” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka guddida ka soo baxay. Hase ahaatee wasiirka oo wariyeyaashu markii uu kulanka ka baxay waydiiyeen sharcinimada lacagtan baarlamaanku hore u laalay ayaa sheegay in aanu Goluhu laali Karin shaqo socota :“Horta shaqo lama laalo, waa shaqo weeyaan , waxaana waajibinaya xeer 56, 2013 qodobkiisa 48-aad ,markaa shaqo la laalayaa ma jirto Awood uma laha Baarlamaanku inuu laalo shaqo socota , laakiin awood wuxuu u leeyahay inuu wax naga weydiiyo tacriifadda taana waanu ka wada hadalnay.”Ayuu yidhi Wasiir Abokor . Lacagtan ayaa ah Tacriifad wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadku abuurtay una gudbisay wasaaradda maaliyadda laakiin, Goluhu ku daray tacriifado aanu ogolaan oo laga reebay miisaaniyadda 2019. Muwaadiniinta ayay wasaaraddu u qorshaysay in ay muddo lix bilood ah si iskood ah u bedeshaan taarikada waxaanu wakhtigaasi kaga eeka bishan Maarij waxaanay wasaaraddu dhawaan shaacisay in ilaa bisha June qiimo dhimis loo sameeyay dadka aan wali bedelan mudddadaasna ay ku bedeshaan. Arrintan ayaa hadal hayn badan ka abuurtay in wasaaraddu tacriifado waajibiso marka ay doontana qiimo dhimis u sameyso taas ayayna u muuqata in ay keentay kulanka baarlamaanku la qaatay wasiir Cabdillaahi Abokor oo u muuqda in aanu ku qancin dalabka guddida. Qodobka sharci ee wasiirku cuskaday ayaa ku saabsan samaynta taarikada laakiin, kama hadlayo lacagta ama tacriifadda oo ah tan muranku ka taaggan yahay waxaana sida caadiga ah xalaaleeya tacriifadaha golaha wakiillada. Source
  19. Cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta dowladda Puntland oo xalay ka baxay degmada Badhan ayaa saaka gaaray tuulada Ceelcad oo dhanka bari ka xigta degmada Yubbe gobolkaas sida ay soo sheegayan dadka degaanka. Degmada Yubbe ee gobolka Sanaag ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan Somaliland oo laga keenay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka. Ciidamada Somaliland ayaa todobaadkii hore halkaasi gaaray iyagoo sheegay in ay ka hortagayan weerarro uga yimaada jabhadda Col. Caarre ee la’dagaallanta Somaliland oo saldhigyo ku leh magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Ha’yeeshee tallabada Somaliland waxaa ka abuurantay xiisad u dhexaysa labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland oo ku muransan degaanno ka tirsan gobolkaasi. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland gaaray tuulada Ceelcad ee gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
  20. (SLT-Hargeysa)-Dowlada Erateriya ayaa la sheegay inay door mihiim ah ka ciyaari doonto wada haddalada Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo lagu wado inay dib u furmi doonaan dhawaan, iyadoo todobaadkan dalka ay socdaal ku yimadeen wefti culus oo ka socda Dowlada Erateriya oo usoo diray Madaxqweynaha Dalkaa Isaias Afwerki ,kuwaas oo kullamo la yeeshay Madaxweynaha Somaliland, isla markaana socdaal ku tegay xarumaha siyaasadda dalka laga jaan-gooyo goobo kale. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa hore u sheegay inuu Madaxweynaha dalka Erateriya uu door mihiim ah ka ciyaarayo is badelka Geeska Afrika ka curtay , isagoo ku amaanay Mr Isaias Afwerki halgankii uu soo galay gobanimadoonkii dalkiisa Erateriya, waxaanu u dhignaa hadalka Madaxweyne Biixi sidan“Dabaysha ka socota ee la yidhi nabadayta geeska Afrika iyo waa laga midoobayaa ay Dowladaha qaarkood ku dhawaqeen , waxa u hormood ah Madaxweynaha erateriya Isaias Afwerki intii uu noolaa ilaa maalintuu isagoo injineer bilaabay sanadka uu horeeya uu ka tegay ilaa maanta wuxuu ku jiray Dagaal uu gobanimada ugu doonayo Erateriya 32 sano dagaal ayuu ku jiray markii dagaalkii uu dhammaday Itoobiya ayaa cod ka qaaday oo Xorriyad ayuu ku qaatay , haddan Itoobiya ayey is dileen oo ay dal isku qabsadeen dad badan oo malaayiin gaadha ayaa ku dhintay haddana 11 sano oo kale ayuu gadoon ahaa oo uu u adkaystay cadaasit kasta oo la saaray, inuu u hoggaansamo gudidii jimciyada quruumaha ka dhaxasa ee shirkii Algerias inuu aqbalo isagoo uga diiday afar mitir oo dadlkiisa oo Baadhama Tuullada ah xadka u jirta in laga qaado oo cid kale la siiyo ayuu tu wal-ba u maray tiisii ayey noqotay caalamka oo dhan ayaa halkiisii ugu yimi Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa la idhi ugu tag Asmara adigu oo dhulkii dhulkii aad ku muranteena sii isagana talada ka qaado , wuxuu muujiyey inuu muraadkii uu dalkiisu lahaa halgan uu uga hadhi waayey ilaa cidii ku haysatay uu ku xukuntay.” Waxaanu intaasi ku daray Madaxweyne Biixi in qadiyada Somaliland ay ka sii adagtahay taa uu kasoo waramay ee Dalka Erateriya “Somaliland kaa wey ka sii adag tahay .”Ayuu yidhi Madaxweyne Biixi. Dhanka kalene Ismaaciil Xuseen Farjar, oo ka tirsan xarunta daraasaadka siyaasadda ee loo soo gaabiyo magaceeda CPA oo la hadlay Tv-ga goobjoog, ayaa ka haddlay weftigii ka socda Ereteriya ee Somaliland socdaalka ku yimi “Weftigan Erateriya marka aad eegtid sida uu sheegay Wasiirkooda war-faafintu laba ujeeddo ayaa ugu waa weynaa wax-yaabaha ay u yimadeen mid waxa weeye inay arrinta Somaliland dib u eegaan oo xidhiidh cusub ay bilaabaan, qodobka labaadna wuxuu ahaa is dhex-galka nabada ee Geeska Afrika ka socda .” Waxaanu Ismaaciil Xuseen Farjar xusay inuu is badel weyni uu ku yimi arragtidii siyaasadda Erateriya eek u aadanay Somaliland “Markaa marka aad eegtid safarkoodan ay ku yimadeen oo laba nin oo aad u cul-culus , marka laga eego arrimaha diblamaasiyadda ee dalka erateriya ay ku yimadeen Somaliland gaar ahaan la taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha eratariya ee Madaxweyne Isaias Afwerki iyo wasiirka Arrimaha debada,waxay muujinaysaa in is badel weyni uu ku yimi siyaasaddii dalka erateriya ee ku aadanay Somaliland , waayo waxaynu naqaanay in erateriya in badan aanay la dhacsanay Somaliland oo ay aad aragtideedu u jan-jeedhay dhinaca Somaaliya iyo is raacsanaanta dhul ahaaneed , Ismaaciil Xuseen Farjar oo haddalkiisa siiwata ayaa sheegay “hase ahaatee waxa muuqata iminka arrintan oo weliba arrinta xiisaha lihi ay tahay in aanay safarkoodu ahayn mid siyaasadeed oo keliya hase ahaatee uu xidhiidh cusub in la abuuro uu yahay , wax aka marag kacay muddo saddex maal-mood ah ayey Somaliland joogeen, waxay bookhdeen Jaamacadihii waxay bookhdeen xarumihii siyaasadda, waxay bookhdeen goobihii makhaayadaha caadiga ah magaalada dhinac walba wey dhex-qadeen taasi waxay muujinaysaa oo marag u tahay in erateriya ay wakhtigan ka go’antahay inay wax badan ka Badesho siyaasadoodii ku aadanay Somaliland, waxaad moodaa inuu baal cusubi uu u furmaay Xidhiidhka Somaliland iyo erateriya .”Ayuu yidhi Ismaaciil Xuseen Farjar Dhanka kanela Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa sheegay inay Erateriya ay door ku yaalan doonto wada haddalada Somaliland iyo Soomaaliya,“Door mihiim ah ayey ku yeelan kartaa laba arrimood-ba mar erateriya waxay haatan xubin fir-fircoon ka tahay urur goboleedka IGAD , markaa IGAD-na waa dadka gobolka ee ugu dhow arrinta Soomaalida in go’aan laga gaadho , qodobla labaadna waxa weeye Erateriya waxay saxiib dhow wakhti dheer la’ahayd Soomaaliya oo Madaxweyne Farmaajona aad ayey iskugu dhow yihiin marka aad iminka eegtid siyaasadda erateriya xiligii inoogu dambaysay, markaa saamayn badan ayey ku yeelan kartaa .” Source
  21. (SLT-Liibiya)-Dawladda Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay dhalinyaro tahriibeyaal ah, kuwaasi oo muddo ku xanibnaa dalka Liibiya. Dhalinyaradaan oo gaadhaya 20-qof ayaa ka kooban 19-Rag ah iyo hal dumar ah, waxayna muddo ku xanibnaayeen dalka Liibiya, halkaasi oo ay ku heysteen kooxaha dadka qafaasha ee Magafeyaasha loo yaqaano. Masuuliyiinta Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee xuquuqda carruurta iyo tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya, kuwa hay’adda Qaxootiga Qaranka iyo guddiga dib usoo celinta tahriibayaasha ee Dawladda Soomaaliya ayaa si weyn garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ugu soo dhaweeyey shalay dhalinyaradaan, iyadoo la geeyey xarunta hay’adda Qaxootiga Qaranka, si halkaasi howlahooda loogu dhammeeyo. Ergeyga gaarka ah ee xuquuqda carruurta iyo tahriibayaasha ee xafiiska Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Ambassador Maryan Yaasiin ayaa muddooyinkan dadaal weyn ugu jirtay siddii ay dib dalkooda ugu soo noqon lahaayeen tahriibayaasha Soomaaliyeed ee jooga dibadaha, iyadoo inta ay joogtay xafiiskan soo celisay dad badan oo isugu jiray maxaabiis iyo tahriibayaal Soomaaliyeed Source
  22. (SLT-Washington)-Dowladda Mareykanka ayaa amar ku bixisay in dib loo eego ruqsadda duullimaadka diaayaradaha Boeing 737 Max 8 sida ay ku heleen. Go’aanka Mareykanka ayaa imanaya xilli ay 5 bilood gudahood laba diyaaradood oo nooca 737 Max 8 ay burbureen, iyada oo ay khubarada ku xeel dheer arrimaha duullimaadyada diyaaradaha ay sheegayaan iney labada shil waxyaaba badan ay isaga egyihiin. Wasiiradda gaadiidka Mareykanka Elaine Chao ayaa dambi baaraha guud ee Mareykanka ka dalbatay iney baaritaan ku sameeyaan sida loo bixiyey ruqsadda duullimaadka diyaaradahan. “Baarayaashana loo baahan yahay iney aad u baaraan habka uu u shaqeeyo duulista diyaaradda iyaga oo ka duulaya hadalka shirkadda Boeing ka soo yeeray ee ahaa cusbooneysiin ayuu u baahan yahay nidaamka duulista diyaaradaha noocan ah. Farriin qoraal ah oo wasiiradda Ms Chao u dirtay dambi baaraha guud Calvin Scoval waxay ku sheegtay iney dooneyso in wakaaladda duulimaadyada Federaalka ay ruqsadda duullimaadka diyaaradahaasi waddadii saxda ah ay u mareen in loo soo xaqiijiyo. Marki ay toddobaadkii hore burburtay diyaarad ay lahayd shirkadda diyaaradaha Itoobiya, bishi October ee kal horana ay sida oo kale burburtay diyaarad ay lahayd shirkadda Lion Air, waxay su’aal ka dhalatay sababata ay wakhti dheer ugu qaadatay in diyaaradaha 737 Max duullimaadyada laga joojiyo. Wakaaladda wararka ee Reuters waxay sida oo kale sheegtay wasaaradda caddaaladda Mareykanka iney billaawday iney wakaaladda duullimaadyada Mareykana ay su’aala hordhac ah oo la xidhiidha diyaaraddaha 737 Max ay ka weydiiso. Sida oo kale Europe iyo Canada waxay sheegeen iney u baahan yihiin iney ogaadaan badqabka diyaaradahaasi iyo in la adeegsan karo, iyada oo caalamka oo dhan ay ka imanayaan su’aala noocaasi oo diyaaradda la xidhiidha. Wakaaladda Ammaanka Duullimaadyada diyaaradaha ee Yurub EASA waxay ballan qaadday iney dib u eegeyso wixi laga beddeli karo naqshadaha diyaaradaha. “Waxayna sheegeen iney diyaaradaha 737 MAx 8 duullimaad u oggolaan doonin ilaa ay su’aalahooda jawaab waafi ah uga helaan dhanka shirkadda Boeing” ayuu yiri madaxa EASA Patrick Ky oo la hadlayey guddiga baarlamaanka Yurub. Laba shil ee diyaaradeed oo dhacay waxaa ku dhimatay 346 qof, iyada oo aan ilaa iyo hadda caddeymo shilalkaasi waxa sababay muujinaya la helin, iyada oo ay khubarada Faransiiska ee baartay sanduuqa madoow ee xogta diyaaradda burbrutay ee Itoobiya laga helay ay muujineyso labada shil ee diyaaradaha ku dhacay iney wax badan isaga eg yihiin. Shirkadda Boeing waxay sheegtay iney si buuxda ugala shaqeyneyso baaritaannada ay sameeynayaan baarayaasha ka socda dambi baaraha guud ee qaranka. Source
  23. (SLT-Falastiin)-Wasaaradda Caafimaadka ee Maamulka Falastiin ayaa xaqiijiyey inay Ciiddanka Yuhuudda xalay toogteen Nin Flaastiin oo ku sugnaa meel ku dhow magaalladda Baytu-laxam ee Koonfurta Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin. Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jirey Axmed Jamaal Maxamuud oo 26-jir ayaa la sheegay inuu ku dhex jiray gaarigiisa, kadib, markii ay Askarta Yuhuudda ku toogteen Jid-gooyo ay dhigteen waddada laga galo magaalladda Baytu-laxam. Toogashadaasi waxaa kaloo si xun loogu dhaawacay Nin kale oo Falastiini oo gaariga la saarnaa Marxuumka la dilay. Marxuumka lagu dilay Toogashadaasi ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday Isbitaalka Bayt-jala, waana Marxuumkii 4-aad ee ay Askarta Yuhuudda dilaan labadi imaalmood ee la soo dhaafay. Habeenkii Talaadada waxay Askarta Yuhuudda siyaabo kala duwan toogasho ugu dileen 3 Dhallinyaro Falastiiniyiin ah. Source
  24. (SLT-Abu Dhabi)-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa gelinkii dambe ee shalay gaadhay magaalada Abu Dhabi ee Caasimadda Imaaraadka Carabta, maalin kaddib markii uu booqasho rasmi ah ku tagay dalka Qatar. Abiy Ahmed ayaa la kulmay Mohamed Bin Zayed oo ah Dhaxal Sugaha Imaaradda Abu Dhabi ahna Taliye kuxigeenka Ciidamada Qalabka sida ee Imaaraadka Intii uu socday wada hadalada labada hoggaamiye ayaa waxay dib u eegeen xiriirka saaxibtinimo iyo fursadaha dib loogu eegayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan, gaar ahaan horumarka, dhaqaalaha iyo maalgashiga. Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale iswaydaarsaday aragtiyada ku saabsan arrimaha gobolka Geeska Afrika, walaaca dhowr arrimood iyo danaha labada dal ay wadaagaan. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa hormuud ka ah is bedelada ka socda Gobolka Geeska Afrika, isagoo loo arko shaqsi isku heyn kara awoodaha iyo loolanka ka jira dalalka Khaliijka. Doraad ayay aheyd markii uu booqday magaalada Doxa ee dalka Qatar, halkaasoo uu kula kulmay Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Al-Thani. Bishii July ee sanadkii hore ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Eritrea ay booqasho wadajir ku tageen magaalada Abu Dhabi, waxaana si wadajir loo guddoonsiiyay biladda ugu sareysa dalkaas, kaddib markii labada dal ay heshiis ka gaareen colaado u dhaxeeyay muddo 20 sano. Source
  25. Jowhar (Caasimada Online)-Masuuliyiinta maamulka Hirshabeelle ayaa ka hadlay qalqalka dhanka amaanka ee kusoo kordhay deegaanada maamulkaasi oo ay ka baxeen ciidamada meletariga Soomaaliya. Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Guudlaawe oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Jowhar ayaa sheegay in ciidamada ay ka baxeen saldhigyo badan. Balse wuxuu cadeeyay in ciidamada deegaanada ay baneeyeen inay joogaan ciidamo ka tirsan Meletariga oo uu sheegay inay Mushaaraad qaateen iyo kuwo katirsan Howlgalka Nabad ilaalinta ee AMISOM. Cali Guudlaawe, ayaa beeniyay warar sheegaya in cabsi xoogan ay soo wajahday shacabka ku dhaqan degmada Jowhar, kadib markii ciidamada amaanka ay isaga baxeen saldhigyada hoostaga degmada Jowhar iyo Balcad. Balse waxaa jira qalqal amaan oo kusoo kordhay deegaanada ku yaala inta u dhaxeyso Balcad iyo Jowhar, maadaama saldhiyadii Qalimow iyo Garsaale ay kabaxeen ciidamada xooga dalka. Wuxuu sidoo kale wuxuu beeniyay in isaga uu qalqal amni darteed uu isaga baxay degmada Jowhar, waxaana uu sheegay in si qaldan loo farisay kormeer uu ku sameeyay xaafadaha magaalada Jowhar. Ciidamada dowladda Soomaaliya ee qaatay mushaaraadka ayuu sheegay inay wali xaqiijinayaan amaanka saldhigyada ciidamada ay baneeyeen islamarkaana aysan jirin qalqal amaan. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/Cod-Guudlaawe.mp3Caasimada online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com