Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,702
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in xalay kulan dheer ay madaxtooyada k uwada qaateen Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre, kaas oo looga hadlay ciidamada dowladda ee ka gadooday mushaar la’aanta. Kulanka oo saacado badan qaatay waxaa diiradda lagu saaray qorshe lagu baddalayo Taliyeyasha ciidamada dowladda ee Shabeellaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose, kuwaa oo hormuud u ahaa gadoodka ay sameeyeen ciidamadooda oo mushahar la’aan ka cabanayay muddo ku dhow 5 bil ah. Ciidamada ayaa ka soo kala baxay furumaha dagaal ee dhaca inta u dhaxeysa Muqdisho iyo magaalada Marka oo gobolka Shabeellaha Hoose ah. Sidoo kale ciidamadii ugu dambeeyay ayaa iyagana ka soo haayaamay deegaano dhowr oo ka tirsan gobalka Shabeellaha Dhexe. Ciidamadan oo wafdi wasiiro iyo xildhibaano isugu jira loo diray si loogu qanciyo iney ku laabtaan saldhigyadii ay ka soo baxeen ayaa diiday, kuwaa oo raali gelin ka dalbanaya Ra’isul Wasaare Kheyre oo sheegay in ciidamada dhamaan ay mushaar qaateen waxaa kaloo ay dalbadeen in la siiyo dhamaan lacagaha Afartii bil ee mushaar la’aanta ahaayeen. Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay inay isla garteen in xilka laga qaado Taliyeyasha ciidamada dowladda ee gadooday kuwaa oo u badan ciidamada beelahoodu dagaan Gobalka Banaadir iyo Labada Shabelle. Xogo kale oo muhiim ah ayaa xaqiijinaya in xilalkaasi loo magacaabi doono shaqisyaad aad ugu dhaw Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha kuwaa oo eegaya kaliya danaha, amarada Villa Somalia waxaana la xaqiijiyay ineysan aheyn beelaha daga Labada Shabeelle iyo Gobalka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. HIIL HESHEY HIMILADII. Badhtamihii sanadkii 1991, waxa Geeska Afrika ka dhacey is-bedel siyaasadeed oo mugleh, markii ay mar qudha burbureen labadii xukuumadeed ee ugu awooda badnaa oo colaad qarniyo soo jiitameysey ka dhexeysay. Xukuumadahaa burburey oo muddo dheer ka talinayey waddamada Ethiopia iyo Soomaaliya waxa kale hogaaminaayey Colonel Mugiste Haile Maryam iyo General Maxamed Siyaad Barre, waxaana burburkooda sabab u ahaa jabhadiihii halganka hubeysnaa la galey ee kala ahaa EPLF(Eritrean People’s Liberation Front) iyo SNM(Somali National Movement). Halgankaas oo kala bilaabmey 01 sept 1961 iyo 6 april 1981. Maanta, 30 sanno kadib, juqraafiyada Geeska Afrika ee Beesha Caalamku aqoonsantahey waa 4 waddan (Ethiopia, Soomaaliya, Djibouti iyo Eritrea), halka 1991 ka hor ay aheyd 3 waddan (Ethiopia, Soomaaliya iyo Djibouti ). Jabhadii EPLF, markey dalkii Eritrea si buuxda gancanta ugu dhigtey waxey muddo gaaban gudaheed ku guuleysatay ka midha dhalinta hadafkeedi ahaa in ay Beesha Caalamku u aqoonsato Dal ka madax banana Ethiopia. Haddaba su’aalaha la isweydiin karo ayaa ah : maxaa keeney in jabhadii EPLF ku guuleysatay ka midha dhalinta hadafkeedi, halka Jamhuuriyada Somaliland oo ka dhalatey halgankii SNM ay wali baadigoob ugu jirto aqoonsi siyaasadeed oo ay Beesha Caalamka ka hesho?. Inta aynaan aqoonsiga siyaasadeed ee Somaliland u gelin, bal aynu dib u yara milicsano halgankii dheeraa, jidkii qodxa badnaa iyo waayihii ururka EPLF usoo marey Xoreynta Dalkiisa, maadama uu maanta xidhiidh la filaayo in uu sii xoogeysto ka dhex bilaabmey Somaliland iyo Eritrea. Sanadkii 1952 waddamadii ku guuleystey dagaalkii labaad ee Dunida waxey Ethiopia abaal marin u siiyey dalkii Talyaanigu gumeystey ee Eritrea. Toban sano kadib 1962, waxa bilaamey dhaq-dhaqaaqi xoriyad doonka Eritrea oo u hormood ka ahaa ururkii la baxey ELF(Eritrean Liberation Front). Haddaba sida caadada ah urur kasta oo xoriyad doon ah wuxuu soo maraa marxalado kala duwan, tiiyo mararka qaarna dhacdo in hadafkii ururka loo asaasaey lumo, halkaana dha-dhaqaaqi ku bas-beelo. Nasiib darro ELF kama uu badbaadin carqaladaha lasoo darsa ururada Xoriyad doonka, waxaana sanadkii 1970 ELF dhexdiisa ka qarxey khilaaf xoogan oo soo kala dhex galey madaxdii Ururka. Khilaafkaas oo salka ku hayey jidka xoreynta waddanka loo marayo, iyo waxa laga yeelayo codsi xukuumadii Ethiopia ee Boqor Haile Selasi ka yimi oo ku saabsanaa in wada-hadal dagaalka lagu soo afjaro. Khilaafaas ELF ka dhex dhashey waxaa kala hogaaminayey Godoomiyaha Ururka, Hamid Idris Awate iyo Isaias Afwerki. Khilaafkii siyaasadeed oo xal loo wayey ayaa ugu dambeyntii keeney in loo kala jabo laba garab, ELF garabkii hore u jirey iyo garab cusub oo la baxey EPLF, hogaamiyena loogu doortey Isaias Afwerki. Nasiib darro waxa labadii garab ee ELF iyo EPLF ka dhex qarxey dagaal aad loogu hoobtey, xoreyntii waddankana dib u dhac ku keeney. Dagaalkii labada garab oo in ka badan 10 sanno socday ayaa 1981 lasoo afjarey, kadib markii EPLF ee Isaias Afwerki hogaaminayey milateri iyo siyaasiyanba guuleystey. Guushi EPLF kadib waxa la dardar geliyey hadafkii guud ee ahaa xoreynta Waddanka, mar haddi garabkii wadahadalka rabey loo awood sheegtey, lana tirtirey dhamaantii. Khilaafkii siyaasadeed markii awood milateri lagu xaliyey, lana kala adkaadey waxa fududaatey in sanadkii 1991 bishii shanaad Waddankii la xoreyo, kadib markii Xukuumadii Mengeste Haile Maryam burburtey. Aqoonsigii siyaasadeed ee Eritrea heshey 1993, laba sanno kadib xoreyntii Dalka, waxa fududeeyey laba arrimood oo is biirsadey: waa mida koobaadee Ururkii EPLF wuxuu dalka gacanta ku dhigey tiiyo khilaad aanu dhexdisa ka jirin, Madaxdiisa oo mideysan, mucaarid ka daba qeylaya aanu jirin iyo shacab u hogaansan amaradda Dawlada cusub. Arrinta labaad ee Aqoonsigii siyaasadeed ee Eritrea saacidey waxa ay aheyd arrin “Geopilitics” ah, Waddamo awood ku leh saaxada siyaasada ee Dunida ayaa Eritrea taagero la garab taagnaa. Sannadkii 1993, Markii AHN, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Borama Madaxweynihii Labaad ee Somaliland loogu doortey waxa uu yidhi “SNM intii ay halganka ku jirtey marna lagama maqal waddanka waanu kala go’neynaa. Agoonsigu maa ahaa wax hadiyad loo bixiyo, dalkayaga markaanu dhisano, dawladayada dejino, bil-qasab buu ku iman, dan baa keeni, dunidu way isku daneystaa, waxa wax walba ka horeeya in dalkayaga aanu dhisano. Haddi dunidu aragto in aanu anagu hawshayada ka soo baxney, oo dawladayadu dalka si buuxda gacantu ugu qabato, nina loga baryimaayo markaas agoonsi. Nimankii wadan xoreyay laba sano ayaa la dayacey. Qolada Eretrea markii ay Asmara galeen, nin walba intii qorigii laga qaadey ayaa mejerafad loo dhiibey, laguna yidhi wadankii waa xor ee shaqeeya, wakhtigii qorigu wuu dhamaadee.” Somaliland, oo muddo 25 sanno ka badan aheyd waddanka keli ah Geeska Afrika ku dhaqma dimuqraadiyada Reer Galbeedku ku faanaan ayey haddana dibomaasiyiinta Caalamku indhaha ka dul lalin jireen. Tan iyo gooni isu-taageenii, Xukuumadihii dalka hogaamiyey waxay raadinayeen sidii ay Dunida dereenkeeda u soo jiidan lahaayeen si loo helo maalgashi dhaqaalaheena kor u qaada, saboolnimadana inaga saara. Si kastaba ha ahaatee, tani iyo horaantii sannadkii 2015, markii Jabhada Shiicada xukunkii ka caydhisey Madaxaweynihii Yemen Mansour Xadi iyo bilowgii xulufada Sacuudigu hor kacaya ay soo faragelisey qalalaasaha ka aloosan Yemen, waxa isa soo tarayey isbedel stratejiyadeed oo Mandaqada Geeska Afrika iyo waddamada ku xeeran Bada Cas iyo Gacanka Cadmeed aad looga dareemey. Isbedelka Stratejiyadeed ee ka dhashey dagaalka qarsoon ee u dhexeeyey Sacuudi Carabiya iyo Iraan ayaa indhaha caalamka ku soo jeediyey Somaliland iyo Eritreya. Somaliland, walow ay tahey wadan Dawladnimadu u dhameystiran tahey, haddana waxey muddo rubuc qarni ah dedaal dheer ugu jirta sidii ay Beesha Caalamka xubin buuxda uga mid noqon laheyd. Faa’iidooyinka Dhaqaale iyo siyaasadeed ee Somaliland ka heshey Salidhiga Emaaraat iyo maalgashida DPW marka laga tago, waxa kale oo xidhiidhka Emaaratka aynu ka dhaxalney Tiir Diblomaasiyadeed oo aynu cuskano. Waana ta maanta keentey in Waddamada Geesku garowsadaan in Somaliland ayna marnaba ka maqnaan Karin isbedelka nabadeed ee Mandaqada uu ka curiyey Ra’isul Wasaaraha Ethiopia, Inskatoo Dawlada Soomaaliya ee taagta darran isku deydey in ay Somaliland go’doon siyaasadeed geliso iyadoo is laheyd ka faa’ideyso dabeysha nabadeed ee Ethioipia ka soo bilaabantey. Nasiib wanaag uma ay suurta gelin oo waxa aad inoo taagerey Isutaga Imaaratka Carabta oo maanta lexejeclo siyaasadeed inaga leh. Emiraatku wuxuu Waddamada Geeska, kuwooga ugu Awooda badan(Ethiopia, Kenya, Uganda iyo Eritrea) aaminsiiyey in Dadka iyo Dalka Somaliland muhiim u yahey heshiisyada iyo iskaashiga Geeska Afrika lagu nabadeynayo. Agoonsiga Siyaasadeed ee Somaliland marka Waddamada Reer Galbeedka la weydiiyo, waxay mar walba iskaga riixi jireen Dalalka deriska la ah Somaliland iyo Soomaaliya. Siyaasadii Arrimaha Debeda ee Somaliland waxey maanta soo hoysey Guul weyn mar haddi 5 waddan oo ka mid ah Urur Goboleedka IGAD(Ethiopia, Eritrea, Sout-Sudan, Kenya iy Uganda) qadiyadeeni gooni-isu taaga garawsadeed. Wafdigii Wasiirka Arrimaha Debbada Eritrea hoogaaminaayey ee Somaliland soo booqdey wuxuu horseed u yahey Waftiyada dhowaan la filayo in ay ka yimaadaan Dalalka Kenya, Uganda, South-Sudan iyo Ethiopia. Himliadii Shacabka xarrirta ee Somaliland waxey maanta heshey hiil iyo Garab lagu diirsado. Maxamuud-Yaasin Cabdillai Cali Brussels, Belgium Mederka1966@gmail.com Qaran News
  3. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium uga qayb galaya shir looga hadlayo ka hor-tagga iyo la dagaallanka rabshadaha salka ku haya Xag-jirnimada. Shirka oo maanta furmay qorshuhuna yahay in uu soo xirmo berri oo Jimce ah ayaa si gaar ah looga hadlayaa sidii casharro looga baran lahaa hababka guulaystay ee dalalka Afrika ay u adeegsadeen ka hor-tagga iyo la dagaallanka Xag-jirnimada, si loo wadaago hannaanka ugu habboon, loogana faa’iidaysto talooyinka khuburada. “Waxa aan ku faraxsanahay in maanta aan machadka nabadda ee Yurub, ka jeediyo khudbad aan uga hadlayo ka hor-tagga iyo la dagaallanka rabshadaha Xag-jirnimada ku salaysan,” ayuu yiri Mahdi, Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa hadalkiisa ku daray: “Nuuc kasta oo Xag-jirnimo ah waxa uu nagu hayaa dhibaato. Waa in aan kula dagaalnaa wadajir, run-sheegid, fursadaha aan haysanno iyo wada shaqayn xooggan. “Waxa aan ku jiraa xilli ay jirto caqabado dhanka amniga ah, jawaabteennu waaa in ay ahaataa mid isku xiran oo xooggan”, ayuu ra’iisul wasaare ku-xigeenku ka sheegay shirka Brussels,” ayuu kusoo xiray hadalkiisa. Kulanka oo uu marti geliyay Mahadka Nabadda Ee Yurub (EIP) ayaa waxaa kasoo qayb galay wakiillo ka soda Yurub, Afrika, Bariga, Dhexe, hay’ado calami ah iyo bulshada Rayidka. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulmay ayaa waxaa guddoominayay Afhayeenka Gollahaasi, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Hoose, Cabdi wali Sheekh Ibraahim Muudey, habdhowraha golaha shacabka iyo xoghayaha golaha ayaa ka qaybgalay fadhigaasi. Xubnaha Guddiga joogtada ah ayaa ka hadlay waqtiga uu furmayo kal-fadhiga 5ad ee golaha shacabka. 27-ka bishaan Maarso oo ku beegan maalinta Arbacada ah ee todobaadka soo aadan ayaa loo asteeyay in uu si rasmi ah u furmi doono kal-fadhiga 5aad ee Gollaha Shacabka. View the full article
  5. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-21032019-1.mp3 View the full article
  6. (SLT-Yubbe)-Wasiirro, Xildhibaanno iyo Saraakiil Ciidan oo ka tirsan maamul gobolleedka Puntland ayaa booqday deegaanka Ceel-Cad oo u dhow Yubbe oo ay ku sugan yihiin ciidammada qaranka Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ka abaal-marisay dagaal siyaasadeedkii uu la galay xilligii ay u bahoobeen madaxda maamul goboleedyada. Sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, Camey ayaa maanta xil safiir loogu magacaabay kulankii ay golaha wasiirada Soomaaliya ku yeesheen magaalada Muqdisho. Sida horey ay u sameyn jirtay dowladda, lama shaacin waddanka safiirka loogu magacaabay Camey, waxaase loo gudbiyey madaxweynaha oo marka uu ansixiyo shaacin doono dalka uu fariisan doono Camey. Camey ayaa ka hor-yimid madaxweynehii hore ee Puntland Cabdi Weli Gaas, islamarkaana garab istaagay dowladda dhexe markii uu taagnaa Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda. Dadka siyaasadda darsa ayaa rumeysan in xilka loo magacaabay Camey uu yahay farriin ay direyso dowladda, kuna sheegeyso inay abaal-marin doonto cid kasta oo daacad u noqotaa lana safataa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Shirkaan oo sadaxdii maalin ee la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho waxaa soo qaban qaabisay wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Dowladda Soomaaliya waxa diirada lagu saaray nidaamka federaalka ah ee Soomaaliya iyo awoodaha heerarka dowladda. Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha bulshada ee degmooyinka gobolka Banaadir iyo maamulka Gobolkaani iyo Madax kale. Wasiirka Arrimaha Gudaha federaalka, iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mduane Cabdi Maxamed Sabriye oo soo xeray shirka ayaa sheegay inay wasaaradu balaarinayso wadatashiyada la xiriira awoodaha heerarka dowladda si loo helo hannaan dowladeed oo la isku raacsan yahay kuna dhisan rabitaanka bulshada Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa u mahad celiyay ka qeyb galayaasha shirka iyo sida ay uga doodeen waxyaabihii laga wada hadlayay inta uu socday. Sanator Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex oo ka tirsan Aqalka sare ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya oo ka hadlay shirka ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in laga wada hadlo nidaamka dowladeed ee maanta jira uuna noqdo mid xoojiyo midnimada dalka iyo wadajirka ummadda. Soomaaliya nidaamka dowladeed ee maanta ka jira waxaa uu ku dhisan federaal oo macnihiisu yahay qeybinta awoodaha dowladda iyo adeegyadda bulshada si loo gaaro horumar waara waxaase uu baahan yahay in laga wada hadlo nuuca ku haboon dalka iyada oo ay dadku go’aan ka gaarayaan. Source: goobjoog.com
  9. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta guddoomiyay Shirka Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka BFS waxaana Kulanka ka qeyb galay gudddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane Cabdi wali Sheekh Ibraahim Muudey ,habdhowraha golaha shacabka iyo xoghayaha golaha. Xubnaha Guddiga joogtada ah ayaa ka hadlay waqtiga uu furmayo kalfadhiga shanaad ee golaha shacabka iyo sidoo kale Ajendayaasha horutabinta u leh golaha shacabka kalfadhigan iyo shuruucda hortaala. Kulanka maanta ee Guddiga joogtada ah ayaa lagu go’aamiyay waqtiga uu furmaayo kalfadhiga shanaad ee golaha shacabka oo a asteeyay in 27-ka bisha maarso oo ku beegan maalinta arbacada ah uu si rasmi ah u furmi doono kalfadhiga shanaad ee golaha sida uu Warbaahinta qaranka u sheegay Xoghayaha guud ee golaha shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux. Source: goobjoog.com
  10. Former Turkish Ambassador to Somalia, Dr. Olgan Bekar, was named Turkey’s special envoy in the Somalia-Somaliland talks early this year. He is a well-known diplomat in Somalia and the larger East Africa region. He served as the Turkish Ambassador in Mogadishu – Turkey’s largest diplomatic mission in Africa – from 2014 to late 2018. He oversaw a diplomatic mission that played a crucial role in acting as a trusted mediator in Somali politics – often arbitrating between the Federal government and the mutinous and unruly Federal member states in Somalia – and channelling the global humanitarian attention and focus to Somalia in the event of menacing droughts and national disasters like Al-Shabaab terrorist attacks. Over the years Turkey has emerged as a solid, reliable, and benevolent diplomatic interlocutor in Africa since president Erdogan paid that maiden visit to Somalia in the hey-days of the 2011 detrimental famine that engulfed the whole of East Africa. The humanitarian programs were swift, precise and worthwhile. They saved vulnerable lives and communities in Somalia, Kenya, Ethiopia and Djabouti. In the days since then, Turkey’s image as a historical and genuine partner of African states was explicit and apparent to the political classes and the masses. The geopolitics of the Somali peninsula and the larger East Africa region are shifting swiftly and arbitrarily. Regional players, the Gulf nations, the EU and the U.S. are watching Turkey’s diplomatic and humanitarian initiatives closely. Turkey’s role in the Somalia-Somaliland talks will be consequential. The Somaliland issue is capricious, volatile and topsy-turvy: the stakes are high; violence and emotions are rampant; the political elites are armed with self-serving rhetoric and non-negotiable positions and principals. However, hope in renewed talks isn’t over: earlier this month Somalia’s president reaffirmed his commitment to the Somalia-Somaliland talks spearheaded by Turkey. Somaliland: Swinging between tribalism and a ‘statehood’? Since the collapse of the Somali Nation’s state in the ouster of Siad Barre in 1991, no strong or stable authority emerged to fill the political lacuna that emerged. Warlord zones, rebel territories, Islamist militias and tribal fiefdoms scattered the country. However, two rebel groups (predicated on tribal interests and sentimentalities) that played a central role in deposing the military regime of Siad Barre successfully formed autonomous administrative zones: Somaliland and Puntland. The rest of Somalia was under the mercy of brutalizing warlords and tribal militias that tried to over-run each other – elongating the civil war as the international community watched. Somaliland was formed right after the Somali civil war showed no signs of abating. Tribal elders from the respective tribes coalesced around the tribal militias, and penned down a consensus to establish a peaceful administration. This local grass-root effort brought stability and peace to the North-Western regions – that were named British Somaliland, a courtesy of Colonial heritage and legacy. Ironically, the tribal leaders and elders named the newly formed administration Somaliland, instead of finding a more culturally relevant name. In its initial phases of establishment, secession was not in the agenda and in the consensus framework agreed upon by the elders; in-fact its first leadership cadre was filled with veteran Somali nationalists, freedom fighters and Siad Barre regime military and intelligence officers. The Eritrea independence referendum of 1993 bolstered the confidence and secession voices within Somaliland. The administrative framework that was established to maintain peace and harmony – unlike the southern parts of Somalia – morphed into a political administration seeking independence and self-determination. This agenda was propagated by tribal elites while other tribes and communities in the peripheries of the administration were indifferent or sceptical of the success of such a political dispensation. Since then, Somaliland was a success story. Carrying out every socio-political step the South of the country could not achieve. Somaliland had successfully held democratic local and presidential elections, the region prospered under the peaceful bliss economically and socially. Administrative organs are efficient and functioning and the region exudes an image of a state. However, rancid tribalism and violence are not out of the picture, freedom of the press and unionist voices and sentiments are brutally suppressed. Markus V. Hoehnea Somali studies scholars observe how, British Somaliland, once a vibrant epicentre of Somali nationalism and Somaliweeyn ideology has become the burial place of all these ideals that thrived in the 1920-50s. Precursory talks: Chevening house declaration to the Ankara Communique Relatively productive and substantial talks between the Somalia and Somaliland administration occurred during the transitional government periods. The first of such talks were held in June 2012 in the United Kingdom. The then UK government, along with the EU and Norway undertook efforts to bring the two sides to talk and open a national discourse on their respective political positions. The meeting took place in the famous Chevening house and a general framework was declared to maintain and enhance talks. The then UK foreign secretary, William Hague termed the Chevening declaration as a landmark, and congratulated ‘‘the Somali Transitional Federal Government and Somaliland representatives on agreeing the Chevening House Declaration yesterday.’’ This initial meeting was followed by a subsequent meeting in Dubai. The president of Somalia, Sheikh Sharif Sheikh Ahmed met the president of Somaliland administration, Ahmed Silanyo. This was the first time that the leaders of the two sides met. Somaliland maintained its position of secession, whereas Somalia reiterated that the talks be continued so as to ventilate the issues. Then a year later, the two leaders met in Ankara in the presence of former Foreign Minister Ahmed Davutoğlu. The Ankara communiqué was signed on 13 April, 2013. In the communiqué, the Chevening and Dubai declarations were to be upheld, commitment to dialogue was strengthened, inflammatory language was to be avoided by both parties and a meeting was proposed to be held in Istanbul. Turkey and the international community are incessantly putting effort for the Somali regime and the Somaliland administration to continue the talks despite the entrenched differences. Both sides are adamant about their positions: Somalia outright rejects any form of secession and Somaliland considers political independence its own right. Turkey’s role in the talks are crucial and paramount for the whole Somali nation and East Africa’s ever contested issues of secessions, sovereignty and political autonomy. Challenges are in abundant in the Somaliland issue. But Turkey is a trusted and reliable mediator. Since the 2013 Ankara communiqué the Somalia-Somaliland talks had stalled. Lack of political will and the intervention of a trusted third party contributed to this surcease. Turkey offered a life-line to the talks by appointing a special envoy. Both sides welcomed this diplomatic gesture by Ankara. Other regional powers are also manoeuvring their course of actions. The Saudi-UAE axis that is worried by Turkey’s influence in East-Africa and the red-sea and Somalia’s neutrality in the Qatar blockade are watching closely. Somaliland administration president Musa Bihi travelled to Dubai on 10 March for bilateral talks – and definitely Turkey’s role and the talks will be inevitably discussed by the Emiratis. Somaliland’s perspective in the talks are crystal clear. They anticipate full political recognition at all costs. They are aware of Turkey’s stand in the Iraqi Kurdistan referendum and the Catalan referendum of 2017. But they are aware that Turkey has so far dealt with Somaliland fairly: they have received humanitarian, capacity-building and scholarship opportunities just like any other Somali region. Turkey’s commitments are also apparent, being the only nation with a special envoy for the talks. The international community’s interests in the Somaliland issue is dwindling; Turkey is offering a life-line for the talks and an amicable solution in the long-run. The way forward: Turkey’s consecrated arbitration role in East-Africa The Somaliland issue has become complex over the years: it is enmeshed and entangle with both regional and international geopolitics and interests. Somalia and the Somaliland administration are aware of this and leveraging the situations against each other. Somaliland has depicted itself as a bastion of peace, stability and democracy in the global stage – and this is undeniable. Moreover, the administration offers itself as an alternative to the Somali government (often releasing counter-statements whenever Somalia does in geopolitical issues); this has interested the gulf and regional nations who view they lost Somalia and Djibouti geopolitically to Turkey and China. Gulf nations, the UAE in particular is undermining the Somali government in Mogadishu and the Somaliland administration is propped-up as a more-friendly geopolitical partner – the UAE even courts and woos other Somali states in the Federal government. Moreover, Somaliland is even getting more complex internally. Unionist voices are clearly making their stand in rejecting any form of secession: the Maakhir region incorporated itself into the neighbouring arch-rival Puntland; the Khaatumo region and its populations turned out to be staunch Somali nationalists; whereas in Boorama and Zeila, secession sentiments are drying-up. A resurgent Somali state in Mogadishu (though with all its challenges and short-comings) has worried the Somaliland administration. Internationally recognized secession is absent, and if there is no solution to this dead-end, Mogadishu would ultimately come to impose its political and geographical sovereignty in Hargeisa. Furthermore, the Somaliland issue is quite ironical: its population flocks to Garowe to get Somali national passports and travel with it globally; they are represented in the Somali parliament and government (the deputy prime minister and speaker of the senate being from Somaliland); yet the political elites in Hargeisa beat the drums of secession. Tribal elite interest is at the nexus of the Somaliland issue: the secession argument is a top-down formulated political agenda; the presence of politicians, artists and intellectuals in Mogadishu underlines this; and within Somaliland, the secession issue is indexed to tribalism and regionalism – the Maakhir, Khaatumo and Awdal states issue confirms this. It is these ambiguities that made the international community to hesitate from recognizing Somaliland – the Eritrean dictatorial regime and the South-Sudan civil war made matters even worse for Somaliland’s prospective secession. The Somaliland issue is extremely delicate and complex. Numerous power centres have vested interests. Turkey, through its envoy Olgan Bekar, will have to tread a tight rope. The political elite’s interests are crucial in the Somaliland issue. Somalia has to guarantee constitutionally, a fair share of power-sharing scheme with the elites in Hargeisa and have them integrated into the national politics. Somaliland is economically huge and vast in population; it can even become the political engine of Somalia and shape the nation’s future body-politics. The possibilities for fruitful results are high and miscalculations can equally result in detrimental gridlocks. Turkey plays a significant and important role in Africa, now it can bring Somalia and the Somaliland administration to the table and arbitrate a long-lasting solution for all. Source The New Turkey Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in shalay iyo maanta ay hawada ka maqantahay Idaacadda Ciidamada Qalabka Side ee hoostagta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya kadib markii ay soo wajahday mushaar la’aan iyo garaam la’aan sida ay noo xaqiijiyeen xubno katirsan Radio SNA. Idaacadaan oo aan markii horaba laga maqlin xaafado badan kadib markii uu gubtay qayb kamid ah qalabkeeda ayaa maalmahaan waxaa isa soo tarayay cabashada ay qabaan wariyaasha ka shaqeeya kuwaas oo qiray in aysan mushaar iyo garaam midna helin 4tii bil ee la soo dhaafay. Maalmo ka hor markii aan baahinay in Idaacadda ay wajahayso dhibaatooyin daran kadibna ay naga sii qaatayn qoraalkayna Idaacadaha qaar ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa Wariyaasha Radio SNA la kulmay Taliyaha Ciidamada Milateriga Soomaaliya General Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe), Ammaan-duulaha CQS Gen Odawaa Yuusuf Raage, Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga dalka C/llaahi Colaad Rooble iyo Saraakiil katirsan Villa Somalia waxaana loo sheegay in maalmo kadib ay heli doonaan mushaarkooda iyo daryeelkii ay u baahnaayeen. “Balanqaadkii xubnahaas kadib waxba ma arkin laakiin wali waxbaa ka dhiman waqtigii ay qabsadeen, balse shalay ayaa Idaacadda daminay” ayuu Caasimada Online u sheegay Wariye katirsan Radio SNA ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. “Wariyaasha waxay isku raacayn in Idaacadda la damiyo waayo waxaa nagala saaray guryihii aan daganeen, sidoo kale waxaan weynay raashin aan cuno, hadii aan lacag lagu siinin, mushaarna lagu siinin, guriga waalidkaana aadnan aadi karin, maxaa lagu noolaanayaa” ayuu wariyahaas codsaday inaan la magacaabin u sheegay Caasimada Online. Dowladda Soomaaliya ayaa wajahaysa ceeb iyo fadeexad ka dhalatay mushaar la’aanta Ciidamada DF-ka Soomaaliya waxaana laga cabsi qabaa in dalka uu galo xaalad Qatar ah hadii aysan Xukuumadda sameynin isbadal deg deg ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Maqaayad ku taalla degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, ayaa lagu arkay qof meyd ah oo u muuqday in lagu dilay halkaas kadibna lagu aasay dharkeedii, si aan loo arag, waxaana dhacdadaan ay la yaab ku noqotay dadka deegaanka. Haweeney ku ganacsata maaqaayadda lagu arkay meydkaan, oo la hadashay idaacadda Dalsan, ayaa sheegtay in iyada oo xaaqaysa qeyb ka mid ah goobteeda ganacsi ay argtay xubno bani’aadam kadibna ay ku wargelisay maamulka iyo dadkii ka ag dhawaa. Sida laga dheehan karay meydkaan looma asturin sidii loogu talagalay waxaana lagu duugay dharkiisii, dhowr sano ka hor iyada oo aan loo qodin khabri, dadka deegaanka ayaana dib u karfanay una aasay. Cabdullaahi Maxamed Xuseen oo ka mid ah maamulka degmada Cabdicasiis ayaa sheegay in goobta ay gaareen markii lagu soo wargeliyay arrintaa kadibna ay la wadaageen hay’adaha amniga. Dhinaca kalana, waxa uu tilmaamay in meydkaan qiyastii la aasay xiligii ay dagaalada ka socdeen magaalada Muqdisho, 10-sano ka hor, isaga oo ugu dambayntii sheegay in shacabka iyo maamulka degmada oo iskaashanaya ay soo aruuriyeen lafaha qofkaan dibna loo karfanay lana aasay. Halkaan ka dhageyso codka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/Haraaga-Lafo-Bini-aadan-oo-laga-helay-Biibito-ama-Maqaaxi-lagu-shaaho-oo-kuta....mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. (SLT-Hargeysa)-Agaasimihii Guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wayci-galinta somaliland Cismaan Xuseen Warsame ee habeen hore ciidammada ammaanka Somaliland ay gurigiisa ugu daateen xabsiga u taxaabeen ayaa maanta xorriyadiisa dib u helay. Cismaan Xuseen Warsame ayaa Isagu war-qadiisa is casilaadda waxa uu u gudbiyay madaxwaynaha somaliland markii uu sheegay in sababo caafimaad dartood aanu u gudan Karin shaqadii loo igmaday madaama xaalad caafimaad darro soo wajahday, waxaana la sheegay in Madaxweynuhu uu ka aqbalay. Source
  14. (SLT-Asmara)-Dawladda Ereteriya ayaa baahisay afar qodob oo xudun u ahaa wada hadalada ay weftiga Ereteriya la yeesheen Madaxweyne Biixi iyo masuuliyiinta kale ee dawladda Somaliland. Wasiirka warfaafinta Ereteriya Yemane G. Meskel, ayaa saddexdan qodob ku baahiyay barta uu ku leeyahay twitterka oo uu inta badan mariyo farriimaha dawladda Ereteriya. “Weftiga Ereteriya waxay soo gabagebeeyeen socdaal guul ahaa oo ay saddex maalmood ku joogeen Somaliland.” Ayuu yidhi Wasiirka oo ka hadlayay weftiga Ereteriya oo shalay dib ugu laabtay dalkooda, waxaanu intaas raaciyay, “Waxay kulamo balaadhan la yeesheen Madaxweynaha iyo tiro kale oo masuuliyiin ah.” Wasiir Yemane oo sharaxaya waxyaabaha ay ka wada hadleen Somaliland iyo Ereteriya, wuxuu yidhi, “Wada hadalada waxa diiradda lagu saaray nabadgelyada gobalka, dib u heshiisiinta, horumarka iyo is dhex galka. Weftigu waxay dawladda iyo shacabka uga mahadceliyeen sida diiran ee loo soo dhaweeyay.” Wasiirka Warfaafinta Ereteriya faahfaahin dheeraad ah kamuu bixin qodobadan iyo waxyaabaha ka hooseeya. Sidoo kalena dawladda Somaliland faahfaahin dheeraad ah kamay bixin qodobada ay weftiga Ereteriya ka wada hadleen marka laga reebo inay masuuliyiinta dawladda Somaliland si guud uga hadleen socdaalka weftiga. Weftiga Ereteriya ayaa saddex maalmood ka dib shalay waxay dib ugu noqdeen dalkoodii, waxaana madaarka ku sii sagootiyay masuuliyiin ka tirsan dawladda Somaliland. Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo shalay ka soo baxay furumaha dagaalka ee Gobalka Shabeelaha dhexe ayaa xalay su’aalo ka yaabiyay waydiiyay xubnihii wasiirada ahaa ee xalay kulanka kula qaatay degmada Balcad. Ciidankaan ayaa wasiirada marka hore uga mahad celiyay soo booqashadooda waxayna kadib ay cambaareeyeen wafdiga wasiirada iyo abaan-duulaha Ciidamada Milateriga Soomaaliya iyagoo ku tilmaamay mas’uuliyiin qabiil balse aan aheyn xubno qaran. Sida ay goobjoogeyaal noo sheegeen, Ciidamada ayaa waydiiyay wasiiradii u tagay su’aalahaan “hadii aad tihiin qaran maxaa naga soo doontayn idinkoo ah hal qabiil? Aaway Wasiirkii Gaashaandhigga, ku xigeenkiisa, iyo wasiir u-dowlaha Gaashaandhigga ee aan hoos tagno? Intaas hal qof oo kamid ah malaga waayay”, Wasiirada ayaa is eeg eegay waxayna ku noqotay la yaab su’aalaha la waydiiyay. “Muxuu naga soo doonay wasiirka warfaafinta, muxuu naga soo doonay wasiirka amniga, ma waxaan nahay Booliis, walaalkayn Odawaa hore ayaa isu aragnay waxna noo qaban waayay ee hada muxuu noo taraa” sidaasi waxaa yiri Saraakiil katirsan Ciidamada Milateriga Soomaaliya ee shalay ka soo baxay furumaha dagaalka. Hadallada Ciidamada ayaa aad uga yaabiyey Wasiiradii xalay ugu tagay Xerada Hiil-wayne ee degmada Balcad waxayna u sheegayn in loo soo diray qabiil oo aan loo dirin qaran Xubno ka socda. “Waxaa halkaan u timaadayn waa inaa qabiil ka socotaan annagana aad naga dhigtayn qabiil, sidaas darted u laabta Farmaajo ee u sheega inaa nahay qaran oo aan rabno qaran dad ka socda, hasa-yeeshaa ogaada inaa idin jecelnahay oo aan idin qiimaynayno”ayaa lagu yiri wafdigii wasiirada ahaa ee shalay gaaray degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha dhexe. Wararka ayaa sheegaya in markii dambe wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, uu u qabtay muddo saddex maalmood ah in lagu xalin doono kiiskooda, wuxuuna Muqdisho kusoo laabtay, ayada oo laga sugayo fulinta ballan-qaadkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. (SLT-Hargeysa)-Telefishanka Aljazeera ayaa ka laabtay eedo been abuur ahaa oo uu ka faafiyay shirkadda Dahabshiil Group kadib markii shirkaddu soo saartay warsaxaafadeed ay eedaha iskaga fogaysay. Laanta Afka Carabiga ee telefishanka Aljazeera ayaa barmaamij uu baahiyay March, 17, 2019 waxa ku jiray eedaymo ka dhan ah shirkadda Dahabshiil laakiin, telefishanka ayaa barmaamijkiisa ka saaray qaybaha ku saabsana shirkadda Dahabshiil. Warsaxaafadeed shirkadda Dahabshiil soo saartay 19 March ayaa lagu yidhi “Dahabshiil waxay ugu baaqaysa telefishanka Aljazeera in uu ka noqdo eedaha aan sal iyo raad toona lahayn, islamarkaana macluumaadkan ka saaro boggagga lagu baahiyay.” Kadib warsaxaafadeedka telefishanka Aljazeera waxa uu barmaamijka ku jiray boggaggiisa ka saaray qaybaha ku saabsana shirkadda Dahabshiil. Shirkadda Dahabshiil ayaa hore u sheegtay in aanu telefishanku siin xuquuqda jawaabta intii aanay barmaamijka baahin taas oo saamixi lahayd in laga fogaado eedo aan sal iyo raad toona lahayn oo barmaamijka ku jiray kana dhan ahaa shirkadda. Guddoomiyaha Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid ayaa sheegay in shirkaddu dhiiri gelinayso saxaafadda caalamka oo dhan ee xaqiiqda ku salaysan “Ciddii Dahabshiil doonta in ay la hadasho ma waydo, Dahabshiil wuxuu ka shaqeeya boqol iyo dhawr iyo labaatan Waddan oo caalamka ah, nasiib darro wax xidhiidh ah oo ay nala soo sameeyeen ma jirin haddii ay nala soo samayn lahaayeena si sax ah ayaanu uga jawaabi lahayn waxyaalaha ay doonayaan in ay na waydiiyaan. Anagu saxaafadda caalamka oo dhan xorriyaddooda iyo shaqadooda ixtiraam baanu u hayna, in saxaafaddu shaqadeeda qabsatana ixtiraam baanu u hayna laakiin, sida caalamka looga shaqaynayo waad ogtihiin BBC-da iyo kuwa la midka ahba caddaaladda in ay ilaaliyaan oo cidda ay magaceeda sheegayaan hubiyaan oo ay siiyaan in ay ka jawaabaan,” Sidaas ayuu yidhi Cabdirashiid Dahabshiil oo BBC-da u warramay. Ugu dambeyn Guddoomiyaha Shirkadda Dahabshiil wuxuu u mahadceliyay bulshada Soomaalida meel walba oo ay joogto sida ay taageerada ugu muujiyeen shirkadda markii ay arkeen eedaha, islamarkaana baraha bulshada ugu muujiyeen barbar istaagga shirkadda Dahabshiil. Source
  17. Dawladda Ereteriya Oo La Filayo In Ay Door Ka Qaadato Wada Hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Dib U Milicso Khudbad Madaxweyne Biixi Ku Ammaanay Madaxweyne Afawerki Iskuna Barbardhigay Marxaladaha Somaliland iyo Ereteriya Dowlada Erateriya ayaa la sheegay inay door mihiim ah ka ciyaari doonto wada haddalada Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo lagu wado inay dib u furmi doonaan dhawaan, iyadoo todobaadkan dalka ay socdaal ku yimadeen wefti culus oo ka socda Dowlada Erateriya oo usoo diray Madaxqweynaha Dalkaa Isaias Afwerki ,kuwaas oo kullamo la yeeshay Madaxweynaha Somaliland, isla markaana socdaal ku tegay xarumaha siyaasadda dalka laga jaan-gooyo goobo kale Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa hore u sheegay inuu Madaxweynaha dalka Erateriya uu door mihiim ah ka ciyaarayo is badelka Geeska Afrika ka curtay , isagoo ku amaanay Mr Isaias Afwerki halgankii uu soo galay gobanimadoonkii dalkiisa Erateriya, waxaanu u dhignaa hadalka Madaxweyne Biixi sidan“Dabaysha ka socota ee la yidhi nabadayta geeska Afrika iyo waa laga midoobayaa ay Dowladaha qaarkood ku dhawaqeen , waxa u hormood ah Madaxweynaha erateriya Isaias Afwerki intii uu noolaa ilaa maalintuu isagoo injineer bilaabay sanadka uu horeeya uu ka tegay ilaa maanta wuxuu ku jiray Dagaal uu gobanimada ugu doonayo Erateriya 32 sano dagaal ayuu ku jiray markii dagaalkii uu dhammaday Itoobiya ayaa cod ka qaaday oo Xorriyad ayuu ku qaatay , haddan Itoobiya ayey is dileen oo ay dal isku qabsadeen dad badan oo malaayiin gaadha ayaa ku dhintay haddana 11 sano oo kale ayuu gadoon ahaa oo uu u adkaystay cadaasit kasta oo la saaray, inuu u hoggaansamo gudidii jimciyada quruumaha ka dhaxasa ee shirkii Algerias inuu aqbalo isagoo uga diiday afar mitir oo dadlkiisa oo Baadhama Tuullada ah xadka u jirta in laga qaado oo cid kale la siiyo ayuu tu wal-ba u maray tiisii ayey noqotay caalamka oo dhan ayaa halkiisii ugu yimi Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa la idhi ugu tag Asmara adigu oo dhulkii dhulkii aad ku muranteena sii isagana talada ka qaado , wuxuu muujiyey inuu muraadkii uu dalkiisu lahaa halgan uu uga hadhi waayey ilaa cidii ku haysatay uu ku xukuntay.” Waxaanu intaasi ku daray Madaxweyne Biixi in qadiyada Somaliland ay ka sii adagtahay taa uu kasoo waramay ee Dalka Erateriya “Somaliland kaa wey ka sii adag tahay .”Ayuu yidhi Madaxweyne Biixi Dhanka kalene Ismaaciil Xuseen Farjar, oo ka tirsan xarunta daraasaadka siyaasadda ee loo soo gaabiyo magaceeda CPA oo la hadlay Tv-ga goobjoog, ayaa ka haddlay weftigii ka socda Ereteriya ee Somaliland socdaalka ku yimi “Weftigan Erateriya marka aad eegtid sida uu sheegay Wasiirkooda war-faafintu laba ujeeddo ayaa ugu waa weynaa wax-yaabaha ay u yimadeen mid waxa weeye inay arrinta Somaliland dib u eegaan oo xidhiidh cusub ay bilaabaan, qodobka labaadna wuxuu ahaa is dhex-galka nabada ee Geeska Afrika ka socda .” Waxaanu Ismaaciil Xuseen Farjar xusay inuu is badel weyni uu ku yimi arragtidii siyaasadda Erateriya eek u aadanay Somaliland “Markaa marka aad eegtid safarkoodan ay ku yimadeen oo laba nin oo aad u cul-culus , marka laga eego arrimaha diblamaasiyadda ee dalka erateriya ay ku yimadeen Somaliland gaar ahaan la taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha eratariya ee Madaxweyne Isaias Afwerki iyo wasiirka Arrimaha debada,waxay muujinaysaa in is badel weyni uu ku yimi siyaasaddii dalka erateriya ee ku aadanay Somaliland , waayo waxaynu naqaanay in erateriya in badan aanay la dhacsanay Somaliland oo ay aad aragtideedu u jan-jeedhay dhinaca Somaaliya iyo is raacsanaanta dhul ahaaneed , Ismaaciil Xuseen Farjar oo haddalkiisa siiwata ayaa sheegay “hase ahaatee waxa muuqata iminka arrintan oo weliba arrinta xiisaha lihi ay tahay in aanay safarkoodu ahayn mid siyaasadeed oo keliya hase ahaatee uu xidhiidh cusub in la abuuro uu yahay , wax aka marag kacay muddo saddex maal-mood ah ayey Somaliland joogeen, waxay bookhdeen Jaamacadihii waxay bookhdeen xarumihii siyaasadda, waxay bookhdeen goobihii makhaayadaha caadiga ah magaalada dhinac walba wey dhex-qadeen taasi waxay muujinaysaa oo marag u tahay in erateriya ay wakhtigan ka go’antahay inay wax badan ka Badesho siyaasadoodii ku aadanay Somaliland, waxaad moodaa inuu baal cusubi uu u furmaay Xidhiidhka Somaliland iyo erateriya .”Ayuu yidhi Ismaaciil Xuseen Farjar Dhanka kanela Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa sheegay inay Erateriya ay door ku yaalan doonto wada haddalada Somaliland iyo Soomaaliya,“Door mihiim ah ayey ku yeelan kartaa laba arrimood-ba mar erateriya waxay haatan xubin fir-fircoon ka tahay urur goboleedka IGAD , markaa IGAD-na waa dadka gobolka ee ugu dhow arrinta Soomaalida in go’aan laga gaadho , qodobla labaadna waxa weeye Erateriya waxay saxiib dhow wakhti dheer la’ahayd Soomaaliya oo Madaxweyne Farmaajona aad ayey iskugu dhow yihiin marka aad iminka eegtid siyaasadda erateriya xiligii inoogu dambaysay, markaa saamayn badan ayey ku yeelan kartaa Qaran News
  18. Wasiir Dhabancad Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland ayaa shaacisay, shuruudaha laga doonayo cid kasta oo u sharraxan, xubinnimada golayaasha degaanka degmooyinka Puntland. Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa lagu soo bandhigay, shuruudo ka kooban 15 qodob oo laga rabo, qofka u tartamaya xildhibaannada golayaasha degaanka Puntland. Shuruudaha waxa ku xusan; in qofka u tartamaya xubinnimada golaha degaanka, uu dhaqaale ahaan ka maarmi karo hantida dowladda iyo in beelaha 2 xubnood iyo ka badan leh, ay ilaaliyaan qoondada haweenka ee xulista xildhibaannada degaanka. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Dadka u tartamaya golayaasha degaanka Puntland oo lagu xiray in ay dhaqaale ku filan haystaan appeared first on Puntland Post.
  19. Baarlamaanka Iyo Xukuumadda Oo Isku Maandhaafsan Lacagta Laga Qaado Dadka Qaadanaya Taarikada Cusub Ee Gaadiidka “Awood Uma Laha Baarlamaanku In Uu Laalo Shaqo Socota Laakiin, Wuxuu Awood U Leeyahay In Uu Wax Naga Waydiiyo Tacriifadda,” Wasiir Cabdillaahi Abokor Xukuumadda Somaliland ayaa ku adkaysanaysa qaaddidda lacagta lixda boqol ee kun ah ee laga qaadayo dadka bedelanaya Taarikada kuwaas oo qaadanaya nashqada cusub ee xukuumadda madaxweyne Biixi samaysay. Baarlamaanka gaar ahaana Golaha Wakiillada oo miisaaniyadda ka reebay qaadista lacagtan ayaa si adag ugu sheegay xukuumadda in aanay lacagtaasi qaadin kadib markii ay dhawaan soo baxday in xukuumaddu qiimo dhimis u sameysay dadka qaadanaya inta u dhexeysa Maarij iyo Juun. Guddida Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha wakiillada, ayaa Salaasadii kulan la qaatay wasiirka gaadiidka iyo jidadka Mudane Cabdillaahi Abokor Cismaan waxaanay si adag guddidu si adag ugu sheegtay wasiirka in aan la sii wadin qaadista lacagtan sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga golaha oo laga soo saaray kulanka laakiin, wasiirka oo kulanka kadib saxaafadda la hadlay wuxuu sheegay in aanu goluhu xaq u lahayn laalidda shaqo socota. Kulankan ka dhacay xarunta Golaha Wakiillada Somaliland,oo uu guddoominayay Guddoomiye Ku-Xigeenka Guddiddaas Maxamuud Axmed Obsiiye, ayaa qoraal laga soo saaray oo lagu daabacay bogga Golaha Wakiillada lagu yidhi “Guddida ayaa si adag wasiirka ugala hadashay inay joojiyaan Lacagta 600 ee kun ah ee ay qaadayaan Taarikada cusub maaddaama Goluhu hore u laalay sharcinimadeeda markii miisaaniyadda la ansixinayay, isla markaana waxay guddidu wasiirka indhaha u saartay Go’aankii golaha iyo Lifaaqyadii Miisaaniyadda ku lamaanaa kuwii la laalay iyo kuwii la ansixiyey in la qaado.” Qoraalka guddidu ka soo saartay kulanka ayaa lagu sheegay in wasiir Cabdillaahi Abokor arrinta isaga riixay wasaaradda maaliyadda “Wasiirka ayaa Guddida u sheegay inaanay wasaaraddiisu arrintan ka warhaynin isla markaana ay guddidu wasaaradda maaliyadda kala xidhiidho arintan,” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka guddida ka soo baxay. Hase ahaatee wasiirka oo wariyeyaashu markii uu kulanka ka baxay waydiiyeen sharcinimada lacagtan baarlamaanku hore u laalay ayaa sheegay in aanu Goluhu laali Karin shaqo socota :“Horta shaqo lama laalo, waa shaqo weeyaan , waxaana waajibinaya xeer 56, 2013 qodobkiisa 48-aad ,markaa shaqo la laalayaa ma jirto Awood uma laha Baarlamaanku inuu laalo shaqo socota , laakiin awood wuxuu u leeyahay inuu wax naga weydiiyo tacriifadda taana waanu ka wada hadalnay.”Ayuu yidhi Wasiir Abokor . Lacagtan ayaa ah Tacriifad wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadku abuurtay una gudbisay wasaaradda maaliyadda laakiin, Goluhu ku daray tacriifado aanu ogolaan oo laga reebay miisaaniyadda 2019. Muwaadiniinta ayay wasaaraddu u qorshaysay in ay muddo lix bilood ah si iskood ah u bedeshaan taarikada waxaanu wakhtigaasi kaga eeka bishan Maarij waxaanay wasaaraddu dhawaan shaacisay in ilaa bisha June qiimo dhimis loo sameeyay dadka aan wali bedelan mudddadaasna ay ku bedeshaan. Arrintan ayaa hadal hayn badan ka abuurtay in wasaaraddu tacriifado waajibiso marka ay doontana qiimo dhimis u sameyso taas ayayna u muuqata in ay keentay kulanka baarlamaanku la qaatay wasiir Cabdillaahi Abokor oo u muuqda in aanu ku qancin dalabka guddida. Qodobka sharci ee wasiirku cuskaday ayaa ku saabsan samaynta taarikada laakiin, kama hadlayo lacagta ama tacriifadda oo ah tan muranku ka taaggan yahay waxaana sida caadiga ah xalaaleeya tacriifadaha golaha wakiillada. Qaran News
  20. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa waxa uu ka hadlay xaalada gobolka Sanaag, ciidammada qaranka ee ku ruqaansaday deegaanka Yubbe iyo safarkii uu kornayl Caarre ku maray deegaano ka mid gobolkaasi Sanaag, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Muqdisho (SMN)- Ismaaciil Macalin Muuse gudoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta qaran idaacadda Shabelle ee Muqdisho ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka in ay ka qeyb qaataan dib u heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanka xeraale ee g/ galgadud. Gudoomiyaha ayaa sheegay in faa’ido uusan laheyn dagaalka qabaailka,sidaas darteedna loo baahanyahay in laga gaaro xak waara,kaalintaasina looga baahanyahay odayaasha dhaqanka. Sidoo kale Ismaaciil Macalin Muuse gudoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta qaran ayaa ka hadlay xiisada u dhexeysa beelo wada daga deegaanka Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe,wuxuuna ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan xiisadaasi loo joojiyo Dowladda Soomaaliya ayaa wada dedaalo lagu doonayo in lagu joojiyo dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday qeybo kamid ah gobolada dalka. View the full article
  22. Garoowe (SMN)- Wafdi ka socda ururka Midowga Yurub iyo ururka cuntada iyo beeraha Qaramada Midoobay ee FAO ayaa deegaan ka tirsan maamulka Puntland ka bilaabay mashruuca dhinaca waraabka ah. Mushruucaasi ayaa ujeedkisa lagu sheegay sidii loo heli lahaa waraab looga faa,iideysto dhulalka la beeri karo ee ku yaalla deegaanadaasi. Saraakiisha ka soctay Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dhinaca biyaha uu wax badan ka qaban karo dhibaatooyin dhinaca biya yarida ee ay keeneen abaaraha soo noqnoqday ee Soomaaliya. Mr Fulgencio Garrido oo ka socday Midowga Yurub ayaa xusay in helitaanka warbixinada la xiriira dhinaca biyaha ay muhiim u tahay dhul miyiga ah ee ku yaala Soomaaliya Waxaana uu intaasi ku daray in dad badan oo isagu jiro xoolo dhaqato iyo beeraley ay ka faa’iideysan doonaan mushruucaasi oo ay ku bixi doonta lacag gaareysa 3.2 milyan oo Euro. Maamulka puntland ayaa si weyn u soo dhaaweyey qorshaha Midowga Yurub ee lagu balaarinayo dhinaca helitaanka biyaha ee deeganada maamulkaasi. Sannadihii la soo dhaafay waxaa Soomaaliya saameyn xoogan ku yeeshay abaaro oo ay keeneen roobab la filayay oo aan da’in. View the full article
  23. The EU Delegation to the Federal Republic of Somalia jointly with the Government of Puntland and the Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO) today launched in Garowe the Integrated Land and Water Resources Management (ILWRM) Project. The event was attended by representatives of the Ministries of Planning, Agriculture and Environment, Livestock, Water and the Agency for Disaster Management as well as other Somali and International partners and stakeholders. The ILWRM Project will strengthen the capacity of all responsible Government institutions creating an Information Management Centre (IMC) able to provide all the information and services required to design strategies, plans and infrastructures to improve access to water and sustainable use of land resources, especially for rural communities. Water and land are critical resources for the economy and livelihoods of Somali people. These resources are particularly vulnerable to natural disasters and climate change. While access to water needs to increase, required infrastructures are to be designed and managed in a sustainable way on the basis of adequate plans and information. “This project was designed with this purpose” said The EU Chargé d’Affaires, Mr. Fulgencio Garrido Ruiz The projects builds on the expertise and information accumulated during over 15 years by FAO Somalia Water And Land Information Management (SWALIM) programme and will create the conditions for a progressive transfer of capacity and responsibility to the Government. “ILWRM project work as a pilot for further expansion to the whole Country” expressed Mr. Etienne Peterschmitt, Head of Programme of FAO Somalia. The Minister of Planning, Economic Development & International Cooperation for Puntland, Hon. Abdiqafar Hange, appreciated the support from EU and the partnership with FAO, highlighting the importance of the project to improve access to water for local communities in a context like Puntland constantly affected by drought and where natural resources are scarce and progressively deteriorating. ILWRM, with an overall EU contribution of 3.2 millions Euro, is shared with Somaliland, where the same activities are to be implemented in Puntland are foreseen, including a pilot project to be designed and implemented by the Information Management Centre in collaboration with local communities in a selected water catchment areas. View the full article