-
Content Count
207,697 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Fanaanka wayn ee Salaad Maxamed Shardi oo loo yaqaano Salaad Darbi ayaa la sheegay in loo heesto lacag ay dowladda Soomaaliya ku dejisay hotel ku yaalla magaalada Muqdisho. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay fanaanka dejisay hotel, islamarkaana aysan ka bixin lacagta jiifka iyo cuntada tan iyo markii uu soo dagay hotelka. Salaad Darbi oo aan la xariirnay ayaa wali noo suurta gelin ,balse warkaan waxaa noo xaqiijiyay fanaaniin kale oo ka tirsan Hoballada Qaranka ee Waabari. Arintaan ayaa ah fadeexad iyo ceeb wayn oo ay wajahayso Dowladda Soomaaliya waxaana la filayaa in fanaanka uu iska bixiyo lacagta ay ku soo dalacayn maamulka Hotelka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Fasiraad naxdin abuurtay oo laga bixiyey qoraal lagu qoray masjid ay leeyihiin Soomaalida Minnesota Masaajid ku yaala magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayey kasoo shaac baxday xaalad kale oo islaamka lagu cabsi galinayo kadib markii masjid halkaas ku yaala lagu qoray hadalo isir naceyb ah xilli tobankii labaad ee bishaan gudaheeda wadanka New Zealand 50 ruux ay ku dhinteen weerar lagu qaaday masaajid iyadoo ay jimco aheyd. Masjidka Imaam Shaafici waa midkii ugu horreeyay oo ay jaaliyadda Soomaalida ka hirgaliyeen gobolka Minnesota, waxeyna hadda la kulmayaan hanjabaado kaga imaanaya kooxaha islaam naceybka uu ku fogaaday kuwaas oo argagax ku abuuray maamulka iyo bulshada masjidka ku cibaadeysata. Kooxahaan islaam naceybka ah ayaa ku qoray darbiga masaajidka erayo lasoo gaabiyay oo ay adag tahay iney fahmaan dadka, balse baadhitaanno lagu sameeyay ayaa la ogaaday ujeedka iyo macnaha rasmiga ah oo ay ka turjumayaan. Side wax u dhaceen waxaa idaacadda BBC-da qeybta afka Soomaaliga uga sheekeeyay Sheekh C/Qani Maxamerd Calu Qardhaawi oo ah imaamka masjidka darbigiisa qoraalka argagaxa iyo cabsi galinta leh lagu qoray. Sheek Qardhaawi ayaa faah-faahin yar ka bixiyay xog yar oo ku saabsan sidey wax u dhaceen: “Waxaan sameynay isku day ah sidii aan ku heli laheyn qofka darbiga wax ku qoray, waxaa sahal noqotay inaan ogaano waayo kaamirada masaajidka ayaa sawirtay shaqsiga oo ahaa (Lab), sida laga arkay muuqaalka, saacadda 1:03 saqda dhexe ayuu soo istaagay xilli baraf xun uu dhacayay, wuxuuna qoraalka waday afartan iyo dhawr daqiiqo, isagoo ka tagay meesha 1:45” Booliiska magaalada ayaa sameeyay ballan qaadyo ah iney baadhitaan dheer ku sameyn doonaan arrintaan, sidoo kalana imaamka wuxuu sheegay in sawirada iyo muuqaalkaba ay u gudbiyeen dadka ku shaqada leh, si kastaba fasiradda wuxuu imaamka ku sheegay in siyaabo kala duwan loo micneeyay. Laba qoraal ayaa lagu qoray darbiga kuwaas oo la fahamsan yahay iney macno weyn oo islaam naceyb ah xambaarsan yahiin. Inkastoo fasirkaan uusan baadhitaan sax ah ku imaan hadana Imaamka ayey dad kala duwan u sheegeen iney luqadaan tahay mid gaar ah oo la isku fahmo, sidoo kalana ay tahay mid argagax galin ah. Qoraalka dhanka midig lagu qoray wuxuu u qoran yahay sidan: “D2F” waxaana lagu fasiray sida la sheegay “Daacish to Finish” oo u fasirmeysa – “DAACISHA HALA DHAMEEYO” – sida laga soo xigtay imaamka qof wariye ah ayaa u sheegay iney arrintani tahay mid islaam naceyb ah. Sidoo kale qoraalka kale oo u qornaa sida “48 Hours” waxaa iyana loo fasiray wakhti qabasho lagu filinayo hawl argagax leh, waxaana la fahmay in labada qoraal isugu xiriirsan yahiin sidan: “48 saac halagu dhameeyo dadkaas (daacish)” waana sumad cusub oo la siinayo islaamka. Si kastaba inkastoo aan faah-faahin buuxda wali laga helin booliiska magaalada ee arrintaan faraha kula jira, hadana dhacdadaan waxey noqotay mid hadal heyn leh isla markaana cabsi xoog leh ku abuurtay dadka islaamka ah ee masaajidkaas mar walba ku cibaadeysta. Masaajidkaan wuxuu ku yaallaa xaafadda Cedar-Riverside oo ah mid ka mid ah xaafadaha ay dadka ugu badan ee Soomaalida ka dagan yahiin dalka Mareykanka, waxaana la ogyahay in masaajidka Imaam Shaafici la dhisay horaantii sagaashamaadkii. Qaran News
-
Minneapolis (Caasimadda Online) – Masaajid ku yaala magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayey kasoo shaac baxday xaalad kale oo islaamka lagu cabsi galinayo kadib markii masjid halkaas ku yaala lagu qoray hadalo isir naceyb ah xilli tobankii labaad ee bishaan gudaheeda wadanka New Zealand 50 ruux ay ku dhinteen weerar lagu qaaday masaajid iyadoo ay jimco aheyd. Masjidka Imaam Shaafici waa midkii ugu horreeyay oo ay jaaliyadda Soomaalida ka hirgaliyeen gobolka Minnesota, waxeyna hadda la kulmayaan hanjabaado kaga imaanaya kooxaha islaam naceybka uu ku fogaaday kuwaas oo argagax ku abuuray maamulka iyo bulshada masjidka ku cibaadeysata. Kooxahaan islaam naceybka ah ayaa ku qoray darbiga masaajidka erayo lasoo gaabiyay oo ay adag tahay iney fahmaan dadka, balse baaritaanno lagu sameeyay ayaa la ogaaday ujeedka iyo macnaha rasmiga ah oo ay ka turjumayaan. Side wax u dhaceen waxaa idaacadda BBC-da qeybta afka Soomaaliga uga sheekeeyay Sheekh C/Qani Maxamerd Calu Qardhaawi oo ah imaamka masjidka darbigiisa qoraalka argagaxa iyo cabsi galinta leh lagu qoray. Sheek Qardhaawi ayaa faah-faahin yar ka bixiyay xog yar oo ku saabsan sidey wax u dhaceen: “Waxaan sameynay isku day ah sidii aan ku heli laheyn qofka darbiga wax ku qoray, waxaa sahal noqotay inaan ogaano waayo kaamirada masaajidka ayaa sawirtay shaqsiga oo ahaa (Lab), sida laga arkay muuqaalka, saacadda 1:03 saqda dhexe ayuu soo istaagay xilli baraf xun uu dhacayay, wuxuuna qoraalka waday afartan iyo dhawr daqiiqo, isagoo ka tagay meesha 1:45” Booliiska magaalada ayaa sameeyay ballan qaadyo ah iney baaritaan dheer ku sameyn doonaan arrintaan, sidoo kalana imaamka wuxuu sheegay in sawirada iyo muuqaalkaba ay u gudbiyeen dadka ku shaqada leh, si kastaba fasiradda wuxuu imaamka ku sheegay in siyaabo kala duwan loo micneeyay. Laba qoraal ayaa lagu qoray darbiga kuwaas oo la fahamsan yahay iney macno weyn oo islaam naceyb ah xambaarsan yahiin. Inkastoo fasirkaan uusan baaritaan sax ah ku imaan hadana Imaamka ayey dad kala duwan u sheegeen iney luqadaan tahay mid gaar ah oo la isku fahmo, sidoo kalana ay tahay mid argagax galin ah. Qoraalka dhanka midig lagu qoray wuxuu u qoran yahay sidan: “D2F” waxaana lagu fasiray sida la sheegay “Daacish to Finish” oo u fasirmeysa – “DAACISHA HALA DHAMEEYO” – sida laga soo xigtay imaamka qof wariye ah ayaa u sheegay iney arrintani tahay mid islaam naceyb ah. Sidoo kale qoraalka kale oo u qornaa sida “48 Hours” waxaa iyana loo fasiray wakhti qabasho lagu filinayo hawl argagax leh, waxaana la fahmay in labada qoraal isugu xiriirsan yahiin sidan: “48 saac halagu dhameeyo dadkaas (daacish)” waana sumad cusub oo la siinayo islaamka. Si kastaba inkastoo aan faah-faahin buuxda wali laga helin booliiska magaalada ee arrintaan faraha kula jira, hadana dhacdadaan waxey noqotay mid hadal heyn leh isla markaana cabsi xoog leh ku abuurtay dadka islaamka ah ee masaajidkaas mar walba ku cibaadeysta. Masaajidkaan wuxuu ku yaallaa xaafadda Cedar-Riverside oo ah mid ka mid ah xaafadaha ay dadka ugu badan ee Soomaalida ka dagan yahiin dalka Mareykanka, waxaana la ogyahay in masaajidka Imaam Shaafici la dhisay horaantii sagaashamaadkii. Caasimadda Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
Dunta isku xiraysa dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe iyo dowladda iyo xiriirrada ay la leedahay saaxiibada Beesha Caalamka hadda waxaa laga filan karaa sansaan aan wanaagsaneyn. Dowlad-goboleedka Hirshabelle oo inta badan magac ahaan u taagan, balse aan si toos uga talin gobollada ay ku magacaaban tahay – taas oo madaxdeedu ay caasimadda ka dhigteen xafiisyadoda ku meelgaarka ah, waxay runtii aheyd arrin loo tiirinayay maamulkaas oo kaliya. Hadda waxaa soo baxaysa in maamullada kale ay ku jiraan qatar amni marba haddii gobollada ku xeeran caasimadda ay ka baxayaan gacan-ku-heynta dowladda. Sidoo kale bixitaanka qaar kamid ah shaqaalaha QM ee ku sugan Muqdisho – kuwaas oo sababo amnigooda la xiriira uga huleelaya xarunta dalka – waxay iftiimin kartaa in qatartu ka baaxad weyn tahay sida la malaynayo. Khubaradooda dersa xaaladda amni ee caasimadda ayaa xaqiijiyay in al-Shabaab ay soo buux-dhaafinayaan magaalada; waxayna hadiyo jeer awoodi karaan inay fuliyaan weerarro ka-dhan-ah saaxiibada caalamka ee badigood ku jira xerada Xalane. Halistaas ay ka digayaan waxay marwalba musiibada ugu badan gaarsiin doontaa shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo si aan xisaab laheyn ugu wax-yeelooba weerarada ay Shabaabku kusoo qaadaan ama la beegsadaan madaxda dowladda. Xilligan oo xaaladdu taagan tahay bixin la’aanta mushaharka ciidamada, dayaca iyo debecsanaanta amniga waxay fursado badan u abuuri kartaa maleeshiyada al-Shabaab. Haddii laba sannadood ay dowladdu tilmaamay inay xuquuqaadkooda u dhammeystiri jirtay ciidamada ay dhaceen falalka argagaxisanimo ah oo galaaftay nolosha rayid badan oo si naxariis darro ah ugu dhintay weerarka al-Shabaab, maxaa laga filan karaa hadda oo isla ciidamadaas aan la siinin wax mushaharaad ah? Su’aasha jawaabtan waxay u muuqan kartaa mid dahsoon. Balse marka laga qiimeeyo walaaca ay bixiyaan saaxiibada beesha caalamka ee ku sugan caasimadda – kuwaas oo hadda xaqiiqda kasoo diraya xeryo amnigooda aan loogu adkeeyey – waxaa habboon in dowladdu ku dhaqaaqdo tallaab walba oo lagu hubsan karo badqabka shacabka. Waddada kaliya ee taasi lagu gaari karo ayaana ah hubinta xuquuqda ciidamada inaysan meel cidlo ah ama aan loogu tala-gelin ku dhammaanin. Waana farriinta ay dadweynaha ku dhaqan Xamar u dirayaan xukuumadda Kheyre. Halkii ay aheyd in dowladdu ku dadaasho in xubnaha dowlad-goboleedyada ay si nabad ah ugu shaqeyn karaan gobollada ay ku magacaaban yihiin, in lagu gorgortamo sugidda amniga Muqdisho waxay rajada shacabka ku ridaysaa ceel-guntiisa. Waxayna liifadda u gaabinaysaa gaarista geeddi-socodnimada dowladnimada oo hadda taagan gebi qarkiisa. W/Q: Xuseen Axmed Gacal Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Diinta islaamka waxay aad uga hadashay dambiyada laga dhaxlo beenta, markii aad tahayna hogaamiyo kuma sii jirto ha yeeshee madaxda DF-ka Soomaaliya ee maanta talada haaya waxay si cad oo aan xishood laheyn maalin walba u sheegaan been iyo baahinta xog qaldan oo marin habaabin ah. Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa aad uga hadalaya hadaladii ugu dambeeyay ee ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ee ahaa in Dowladda ay markasta bixiso mushaarka Ciidamada waxaana shacabka muqdisho ay magacyo u bixiyeen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyrre . Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyrre, hada Muqdisho waxaa looga yaqaanaa, (Beenaale Kheyre), waxayna dadka Muqdisho kuu sheegayaan in aadnan marna rumaysan hadalka Raysal Wasaaraha Soomaaliya. Sidoo kale shacabka Magaalada Muqdisho ayaa wasiirada qaar u bixiyay Ilmaha Kheyre kadib markii ay ka been sheegayn ciidamadii Soomaaliyeed oo gaajaysan halkii ay is bar-bar taagi lahaayeen ciidamada wajahaya dhibaatada daran. Inkastoo ciidamada Soomaaliya ay u soo dhabar adeegayn waayo iyo daruufo xanuun badan hadane waxay kuu sheegayaan in ay uga sii dhib badan tahay beenta ay maalin kasta Dowladda Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ka sheegto ciidamada gaajaysan iyo dhibaatooyinka kalane wajahayaan. Madaxda sare ka sokow, waxaa ciidamada intaas u dheer aflgaadada wasiirada. Tusaale, wasiirka maaliyadda ayaa ciidamada mushaharka ka maqan yahay ku tilmaamay inay tuugo yihiin oo ay barteen laba mushahar. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Oniine) – Wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxaamed (Amar dambe) oo saxaafadda la hadlay ayaa sharaxaad dheeraad ah kabixiyay qaabka loo xalin karo xiisadda ka dhalatay gadoodka ay sameynayaan ciidamada xooga dalka. Wasiir Amar Dambe ayaa sheegay in ciidamada xooga dalka ay xaq u leeyihiin inay muujiyaan cabashadooda la xiriirta xuquuqda ay leeyihiin, isaga oo sheegay inay jiraan hanaan ciidamada ay ku muujin karaan tabashadooda. Wuxuu sheegay in arintaasi lagu xalin karo in taliyaasha kala duwan ee ciidamada sida taliyaha guutada, Hurinta iyo taliska guud ee ciidamada si dhab ah usoo gudbiyaan cabashooyinka ciidamada ay qabaan. “Marnaba raali kama noqonayo in la dulmo shaqsi ka tirsan ciidamada xooga dalka, ciidamadana waxaa laga doonayaa inay dhowraan nidaamka u degsan dowladda, qofka tabasho wuu muujin karaan, balse meeshiisa inuu ku muujiyo waaye” “Ciidanku Wuxuu leeyahay taliyaal xalin kara tabashadooda, waxaa wanaagsan isla meesha ay joogaan ku muujiyaan tabashada ay qabaan, waxaan u baahanahay in qoraal lagu soo gudbiyo tabashada ciidamada anagana waan ka shaqeyneynaa” “Ciidamadeena qaranka waxaan u sheegeynaa in wax walbaa oo aan awoodnaa inaan idinka hagran doonin, waxii cabasho ah hala soo marsiiyo dhamaan hanaanka saxda ah ee loogu talo galay, ciidamadeena dhiigooda ayay qaranka u hurayaan”ayuu yiri Wasiir amar dambe. Si kastaba, wali ma muuqato xal rasmi ah oo laga gaaray gadoodka ay sameeyeen Ciidamadii isaga soo baxay difaacyadoodii Mahadaay, Buurane, Qalimow iyo Garsaale ee duleedka magaalada Jowhar, Waxaana Muqdisho ku soo laabtay wafdigii madaxweyne Farmaajo uu u diray Sh.Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Dowlada Erateriya ayaa la sheegay inay door mihiim ah ka ciyaari doonto wada haddalada Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo lagu wado inay dib u furmi doonaan dhawaan, iyadoo todobaadkan Somaliland ay socdaal ku yimadeen wefti culus oo ka socda Dowlada Erateriya oo usoo diray Madaxqweynaha Dalkaa Isaias Afwerki. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa hore u sheegay inuu Madaxweynaha dalka Erateriya uu door mihiim ah ka ciyaarayo is badelka Geeska Afrika ka curtay, isagoo ku amaanay Mr Isaias Afwerki halgankii uu soo galay gobanimadoonkii dalkiisa Erateriya. Biixi ayaa yiri “Dabaysha ka socota ee la yidhi nabadayta geeska Afrika iyo waa laga midoobayaa ay Dowladaha qaarkood ku dhawaqeen , waxa u hormood ah Madaxweynaha erateriya Isaias Afwerki intii uu noolaa ilaa maalintuu isagoo injineer bilaabay sanadka uu horeeya uu ka tegay ilaa maanta wuxuu ku jiray Dagaal uu gobanimada ugu doonayo Erateriya 32 sano dagaal ayuu ku jiray markii dagaalkii uu dhammaday Itoobiya ayaa cod ka qaaday oo Xorriyad ayuu ku qaatay , haddan Itoobiya ayey is dileen oo ay dal isku qabsadeen dad badan oo malaayiin gaadha ayaa ku dhintay haddana 11 sano oo kale ayuu gadoon ahaa oo uu u adkaystay cadaasit kasta oo la saaray, inuu u hoggaansamo gudidii jimciyada quruumaha ka dhaxasa ee shirkii Algerias inuu aqbalo isagoo uga diiday afar mitir oo dadlkiisa oo Baadhama Tuullada ah xadka u jirta in laga qaado oo cid kale la siiyo ayuu tu wal-ba u maray tiisii ayey noqotay caalamka oo dhan ayaa halkiisii ugu yimi Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa la idhi ugu tag Asmara adigu oo dhulkii dhulkii aad ku muranteena sii isagana talada ka qaado , wuxuu muujiyey inuu muraadkii uu dalkiisu lahaa halgan uu uga hadhi waayey ilaa cidii ku haysatay uu ku xukuntay.” Waxaanu intaasi ku daray Madaxweyne Biixi in qadiyada Somaliland ay ka sii adagtahay taa uu kasoo waramay ee Dalka Erateriya “Somaliland kaa wey ka sii adag tahay.” Ayuu yidhi Madaxweyne Biixi Dhanka kalene Ismaaciil Xuseen Farjar, oo ka tirsan xarunta daraasaadka siyaasadda ee loo soo gaabiyo magaceeda CPA ayaa sheegay inay Erateriya ay door ku yaalan doonto wada haddalada Somaliland iyo Soomaaliya. “Door mihiim ah ayey ku yeelan kartaa laba arrimood-ba mar erateriya waxay haatan xubin fir-fircoon ka tahay urur goboleedka IGAD , markaa IGAD-na waa dadka gobolka ee ugu dhow arrinta Soomaalida in go’aan laga gaadho , qodobla labaadna waxa weeye Erateriya waxay saxiib dhow wakhti dheer la’ahayd Soomaaliya oo Madaxweyne Farmaajona aad ayey iskugu dhow yihiin marka aad iminka eegtid siyaasadda erateriya xiligii inoogu dambaysay, markaa saamayn badan ayey ku yeelan kartaa .” Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Click here Qaran News
-
Click here Qaran News
-
Sifooyinka Siyaasiga iyo Saameynta Siyaadda Wasiir Ahmed M. Seed? Qalinkii: Abdirashiid Yoonis Hagar. Qalinkii: Abdirashiid Yoonis Hagar. Qormaddii 3aad. Salamullahi Calaykum dhamaan Shacabweynaha reer Somaliland meel kasta oo aad kala joogtaan waxaan go’aansadey in aan idiin iftiimiyo siyaasada Wasiir Ahmed Moumin Seed iyo doorka uu ku leeyahay gobolka Awdal ee uu ka soo jeedo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Mudane Ahmed Moumin Seed. Ahmed Moumin Seed wuxuu xil ka qaadis ku sameeyey xilal dhowr ah oo uu ka mid ah Isuduwihii Wasaaradda Beeraha ee Gobolka Awdal oo uu ku badaley gabadh ay isku hayb yihiin ka dib markuu ogaadey in uu mar dambe soo noqon doonin oo ay la tagi doonto seefta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo la filiyo in uu isku shaandheyn balaadhan ku samayn doono dhamaan hayadda dawladda ee 1 sano jirsatey. Wasiir Seed wuxuu aar goosi iyo hiil cad uga tuurey xilka Isuduwihii hore ee Wasaaradda Beeraha oo ay isku hayb ahaayeen Musharaxii Madaxweyne K/X ee Xisbiga Waddani kaas oo wakhtigaas kaga adkaadey golaha dhexe oo wakhtigaas soo dooraneyey Musharaxiinta Madaxweyne iyo Madaxweyne K/Xigeen. Isla wakhtigaas oo uu Wasiir Seed ka baxay xisbigii uu mudada dheer ku soo jirey ee Waddani isaga iyo garab kale oo isaga la aragti ahaa ka dib ay heshiis hoose la galeen Xisbul Xaakimka Kulmiye sidaasna uu xubin buuxda uga noqdey xisbiga Kulmiye, ma la is odhan karaa mudane Wasiir Seed aar goosi ayuu uga qaadey xilkii isuduwihii wasaaradda beeraha ee gobolka Awdal oo ay hayb dhow ahaayeen musharaxaas Waddani ee ay is hayeen mudane Seed. Mudane Wasiir Seed ma aha shakhsi mug iyo miisaan culus ku leh goboladda Galbeedka iyo sidoo kale Beesha uu ka soo jeedo isaga oo aan xidhiidh dhow la lahayn beeshiisa oo dhamaan ay ka biyo diidan yihiin siyaasad xumida Seed taas oo ku dhisan eex iyo qaraabo hoose oo uu ku soo koobey dhamaan kuraastii ka dhaxeysey Beeshiisa. Wakhtigii dhaweyd ee Xisbiga Kulmiye shirka ku qabsaneyey Magaaladda Borama waxaa Wasiir walba uu xisbigu siinyey tiro ergooyin ah kuwaas oo lagu martiqaadey shirka golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye balse Mudane Seed wuxuu keeney kaliya 2 card oo uu ka soo qaadey Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga Kulmiye Ahmed Abdi Dheere. Wasiir Seed wuxuu been cad iyo khiyaano ku sameeyey dhamaan beeshiisii oo isaga ka dhur sigeysey in uu yahay shakhsiga maanta ku matala Dowlada Biixi balse aanu noqon sidii loo haystey iyo si u dhow. Wasiirku wuxuu wakhtigiisa inta u badan galiyaa in uu helo xogo ku saabtey shakhsiyadiisa si uu kursiga u sii joogana wuxuu iska laaluusha dhamaan cida uu u arkayo in ay dhib ku tahay joogitaankiisa Wasiirnimo. Gabogabadii iyo gunaanadkii waxaan madaxweynaha ka codsanaynaa in uu hoos u eego falalka iyo balan qaadyadda beenta ah ee uu Wasiir Seed markasta saxaafadda ka sheego isaga oo aan fulinteeda haynin, mudane madaxweyne qaranka iyo dhacabweynaha jamhuuriayadda Somaliland rag iyo haweenba way ka daleen beenta iyo buunbuuninta Wasiir Seed ee fadlan shaqada uu hayo dib u eegis ku samee waxaad arki doontaa mudo gaaban gudaheed in uuna u qalmin jagada Wasiirnimo ee uu ku tagri falo markasta isaga oo danihiisa gaarka ah ku fushada dayaceyna inta u badan beeshiisa Habar Cafaan xilkiina ku soo koobey jufada hoose ee uu ka soo jeedo taas waxaa loo arki karaa cunsirayad qayaxan oo uu ku talo galey Wasiir Seed balse uu dheefteeda arki doono dhawaan. Qalinkii: Abdirashiid Yoonis Hagar Abdirashiid1982@gmail.com Qormaddii 3aad La soco qeybaha kale Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo dheeraad ah ayaa la geeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, halka ciidanka ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya banaanka loo soo saaray iyagoo wata gaadiidka dagaalka kadib cabsi ka dhalatay ciidamada gadoodka ah ee wali ku sugan degmada Balcad. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho la geeyay ciidan dheeraad ah oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya si loo adkeeyo amaanka garoonka diyaaradaha. Sidoo kale ciidanka ilaalada Madaxtooyada ee keydka ahaa ayaa banaanka loo soo saaray iyadoo 4-ta Kontarool ee laga ilaaliyo Madaxtooyada la dhigay gaadiidka dagaalka oo dhowr xabo ah. Wararka kale ee aan helnay ayaa sheegaya in Madaxtooyda laga joojiyay in agagaarkeeda lala yimaado wax ka badan 4 Askari oo istaaf ah, iyadoo lagu wargeliyay wasiirada qaar ee lagu ilaaliyo dhowr gaari ee Cabdi bilaha ah. Arimahaan oo dhan ayaa waxaa sabab u ah Ciidamo katirsan Milateriga Soomaaliya oo sameeyay gadood kuwaas oo sheegay in aysan istaagi doonin ila magaalada Muqdisho ay kasoo galaan. Ka sokow ciidamadan, waxaa sidoo kale cabsida qeyb ka ah in haddii ciidanka soo galaan Muqdisho aysan jirin doonin cid Shabaabka gobollada Shabeellooyinka ka hor-istaagaysa inay Xamar soo galaan, maadaama ciidankii gadooday ay yihiin kuwi hortaagnaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-21032019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari oo caawa ka dhacay isgoyska KM 4 ee Muqdisho. Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhashay gaari lagu soo rakibay waxyaabo qarxa oo uu saarnaa ruux aan wali la aqoonsan waxa uu yahay. Hal qof oo ah shaqsiga watay baabuurka ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi, kaasi oo loola cararay goobaha caafimaadka si loo daaweeyo. Ciidamada amaanka ayaa meesha ay wax ka dhaceen tagay, wallow aanan lasoo warin hadii ay sameeyeen howlgal. Ma jirto koox illaa iyo haatan sheegatay mas’uuliyadda falkaan, oo kusoo aadaya xili amniga caasimada uu u muuqdo mid faraha kasoo baxaya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Kulanka golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ay Muqdisho ku yeesheen maanta ayaa lagu ansixyay Istaraatiijiyadda iyo Qorshaha Dhab-u-heshiinta Qaranka oo ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib-u-heshiista Soomaaliya isla markaana lagu soo go’aamiyey tubta siyaasadda loo dhanyahay. Golaha ayaa cod wadar ogol ah ku ansixiyay Istaraatiijiyadda iyo Qorshaha Dhab-u-heshiinta Qaranka oo muhiim u ah dalka maadaama laga soo kabanayo dagaallo, lana doonayo in dalka laga hirgeliyo nidaam dimuqaraadiya oo sax ah lana jaan-qaadi kara dunida, dadka Soomaaliyeedna ay aaminsan yihiin. Shirka maanta oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa sidoo kale lagu meel mariyay wax ka bedel lagu sameeyay sharciga canshuuraha iyo dib-u-eegsi lagu sameeyay sharciga dawladda Hoose. Golaha Wasiirrada oo kulankooda maanta ku oggolaaday soo jeedin ay golaha soo hor-dhigtay Wasaaradda arrimaha dibadda xukuummadda federaalka Soomaaliya, ayaa Cabdixakiim Cumar Cabdullaahi (Cameey) u dallacsiiyay darajada safiirnimo. Shirka golaha wasiirrada ayaa magacii hore looga bedelay hay’addii Saadaasha Hawada iyo Duulista Rayidka oo loo bedelay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wararka laga helayo isgoyska KM 4 ee Muqdisho ayaa sheegaya in qarax gaari uu ka dhacay halkaasi. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa laga cabsi qabaa in uu geystay, inkasta oo aananu wali caddeyn tiradda saxda ah. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in goobta ay soo gaareen ciidamada amaanka, kuwaasi oo isu socodka hakad geliyay. Wixii kusoo kordha kula soco wararkeena dambe View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dhawaqa qarax aad u xoogan ayaa laga maqlay magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qarax xoogan uu ka dhacay agagaarka KM4, waxaana dad ku sugan agagaarka goobta wax ka dhaceen ay sheegayaan in qaraxa uu aad u xooganaa. Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa mid gaariga loogu xiray ruuxii watay. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa lagu xiray mid kamid ah gaadiidka raaxada. Gaariga ayaa waxaa gaaray burbur xoogan, waxaana ilaa iyo hadda aan la sheegin khasaaraha ka dhashay qaraxa caawa dhacay. Warar dheeraad ah oo aan helnay ayaa sheegaya in ruuxii watay gaariga loo malaynayo inuu ku dhex gubtay, maadaama sida la sheegay gaari uu socday xiliga qaraxa uu dhacayay. Hoos ka daawo Sawirada iyo Muuqaalka qaraxa. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/Ruuxii-watay-ayaa-ku-geeriyooday-gaari-goor-dhaw-ku-qarxay-Isgoyska-Km4-ee-Mu.mp4 La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Waxaan dib u saxaynaa war Caasimada Online ku baxay 17-kii bishan oo lagu sheegay in ciidamada madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Cali Guudlaawe, ay ka qeyb-galeen dagaal beeleedyada degaanka Burdheere. Kadib baaritaan aan samaynay waxaan soo xaqiijinay in ciidanka meesha ku dagaalamay ay ahaayeen kaliya kuwo beeleed, oo ciidamada Guudlaawe aysan wax lug ah ku lahayn dagaalka. Waxaan arrintaas ka raali-gelinaynaa madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabelle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in xalay kulan dheer ay madaxtooyada k uwada qaateen Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre, kaas oo looga hadlay ciidamada dowladda ee ka gadooday mushaar la’aanta. Kulanka oo saacado badan qaatay waxaa diiradda lagu saaray qorshe lagu baddalayo Taliyeyasha ciidamada dowladda ee Shabeellaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose, kuwaa oo hormuud u ahaa gadoodka ay sameeyeen ciidamadooda oo mushahar la’aan ka cabanayay muddo ku dhow 5 bil ah. Ciidamada ayaa ka soo kala baxay furumaha dagaal ee dhaca inta u dhaxeysa Muqdisho iyo magaalada Marka oo gobolka Shabeellaha Hoose ah. Sidoo kale ciidamadii ugu dambeeyay ayaa iyagana ka soo haayaamay deegaano dhowr oo ka tirsan gobalka Shabeellaha Dhexe. Ciidamadan oo wafdi wasiiro iyo xildhibaano isugu jira loo diray si loogu qanciyo iney ku laabtaan saldhigyadii ay ka soo baxeen ayaa diiday, kuwaa oo raali gelin ka dalbanaya Ra’isul Wasaare Kheyre oo sheegay in ciidamada dhamaan ay mushaar qaateen waxaa kaloo ay dalbadeen in la siiyo dhamaan lacagaha Afartii bil ee mushaar la’aanta ahaayeen. Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay inay isla garteen in xilka laga qaado Taliyeyasha ciidamada dowladda ee gadooday kuwaa oo u badan ciidamada beelahoodu dagaan Gobalka Banaadir iyo Labada Shabelle. Xogo kale oo muhiim ah ayaa xaqiijinaya in xilalkaasi loo magacaabi doono shaqisyaad aad ugu dhaw Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha kuwaa oo eegaya kaliya danaha, amarada Villa Somalia waxaana la xaqiijiyay ineysan aheyn beelaha daga Labada Shabeelle iyo Gobalka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
HIIL HESHEY HIMILADII. Badhtamihii sanadkii 1991, waxa Geeska Afrika ka dhacey is-bedel siyaasadeed oo mugleh, markii ay mar qudha burbureen labadii xukuumadeed ee ugu awooda badnaa oo colaad qarniyo soo jiitameysey ka dhexeysay. Xukuumadahaa burburey oo muddo dheer ka talinayey waddamada Ethiopia iyo Soomaaliya waxa kale hogaaminaayey Colonel Mugiste Haile Maryam iyo General Maxamed Siyaad Barre, waxaana burburkooda sabab u ahaa jabhadiihii halganka hubeysnaa la galey ee kala ahaa EPLF(Eritrean People’s Liberation Front) iyo SNM(Somali National Movement). Halgankaas oo kala bilaabmey 01 sept 1961 iyo 6 april 1981. Maanta, 30 sanno kadib, juqraafiyada Geeska Afrika ee Beesha Caalamku aqoonsantahey waa 4 waddan (Ethiopia, Soomaaliya, Djibouti iyo Eritrea), halka 1991 ka hor ay aheyd 3 waddan (Ethiopia, Soomaaliya iyo Djibouti ). Jabhadii EPLF, markey dalkii Eritrea si buuxda gancanta ugu dhigtey waxey muddo gaaban gudaheed ku guuleysatay ka midha dhalinta hadafkeedi ahaa in ay Beesha Caalamku u aqoonsato Dal ka madax banana Ethiopia. Haddaba su’aalaha la isweydiin karo ayaa ah : maxaa keeney in jabhadii EPLF ku guuleysatay ka midha dhalinta hadafkeedi, halka Jamhuuriyada Somaliland oo ka dhalatey halgankii SNM ay wali baadigoob ugu jirto aqoonsi siyaasadeed oo ay Beesha Caalamka ka hesho?. Inta aynaan aqoonsiga siyaasadeed ee Somaliland u gelin, bal aynu dib u yara milicsano halgankii dheeraa, jidkii qodxa badnaa iyo waayihii ururka EPLF usoo marey Xoreynta Dalkiisa, maadama uu maanta xidhiidh la filaayo in uu sii xoogeysto ka dhex bilaabmey Somaliland iyo Eritrea. Sanadkii 1952 waddamadii ku guuleystey dagaalkii labaad ee Dunida waxey Ethiopia abaal marin u siiyey dalkii Talyaanigu gumeystey ee Eritrea. Toban sano kadib 1962, waxa bilaamey dhaq-dhaqaaqi xoriyad doonka Eritrea oo u hormood ka ahaa ururkii la baxey ELF(Eritrean Liberation Front). Haddaba sida caadada ah urur kasta oo xoriyad doon ah wuxuu soo maraa marxalado kala duwan, tiiyo mararka qaarna dhacdo in hadafkii ururka loo asaasaey lumo, halkaana dha-dhaqaaqi ku bas-beelo. Nasiib darro ELF kama uu badbaadin carqaladaha lasoo darsa ururada Xoriyad doonka, waxaana sanadkii 1970 ELF dhexdiisa ka qarxey khilaaf xoogan oo soo kala dhex galey madaxdii Ururka. Khilaafkaas oo salka ku hayey jidka xoreynta waddanka loo marayo, iyo waxa laga yeelayo codsi xukuumadii Ethiopia ee Boqor Haile Selasi ka yimi oo ku saabsanaa in wada-hadal dagaalka lagu soo afjaro. Khilaafaas ELF ka dhex dhashey waxaa kala hogaaminayey Godoomiyaha Ururka, Hamid Idris Awate iyo Isaias Afwerki. Khilaafkii siyaasadeed oo xal loo wayey ayaa ugu dambeyntii keeney in loo kala jabo laba garab, ELF garabkii hore u jirey iyo garab cusub oo la baxey EPLF, hogaamiyena loogu doortey Isaias Afwerki. Nasiib darro waxa labadii garab ee ELF iyo EPLF ka dhex qarxey dagaal aad loogu hoobtey, xoreyntii waddankana dib u dhac ku keeney. Dagaalkii labada garab oo in ka badan 10 sanno socday ayaa 1981 lasoo afjarey, kadib markii EPLF ee Isaias Afwerki hogaaminayey milateri iyo siyaasiyanba guuleystey. Guushi EPLF kadib waxa la dardar geliyey hadafkii guud ee ahaa xoreynta Waddanka, mar haddi garabkii wadahadalka rabey loo awood sheegtey, lana tirtirey dhamaantii. Khilaafkii siyaasadeed markii awood milateri lagu xaliyey, lana kala adkaadey waxa fududaatey in sanadkii 1991 bishii shanaad Waddankii la xoreyo, kadib markii Xukuumadii Mengeste Haile Maryam burburtey. Aqoonsigii siyaasadeed ee Eritrea heshey 1993, laba sanno kadib xoreyntii Dalka, waxa fududeeyey laba arrimood oo is biirsadey: waa mida koobaadee Ururkii EPLF wuxuu dalka gacanta ku dhigey tiiyo khilaad aanu dhexdisa ka jirin, Madaxdiisa oo mideysan, mucaarid ka daba qeylaya aanu jirin iyo shacab u hogaansan amaradda Dawlada cusub. Arrinta labaad ee Aqoonsigii siyaasadeed ee Eritrea saacidey waxa ay aheyd arrin “Geopilitics” ah, Waddamo awood ku leh saaxada siyaasada ee Dunida ayaa Eritrea taagero la garab taagnaa. Sannadkii 1993, Markii AHN, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Borama Madaxweynihii Labaad ee Somaliland loogu doortey waxa uu yidhi “SNM intii ay halganka ku jirtey marna lagama maqal waddanka waanu kala go’neynaa. Agoonsigu maa ahaa wax hadiyad loo bixiyo, dalkayaga markaanu dhisano, dawladayada dejino, bil-qasab buu ku iman, dan baa keeni, dunidu way isku daneystaa, waxa wax walba ka horeeya in dalkayaga aanu dhisano. Haddi dunidu aragto in aanu anagu hawshayada ka soo baxney, oo dawladayadu dalka si buuxda gacantu ugu qabato, nina loga baryimaayo markaas agoonsi. Nimankii wadan xoreyay laba sano ayaa la dayacey. Qolada Eretrea markii ay Asmara galeen, nin walba intii qorigii laga qaadey ayaa mejerafad loo dhiibey, laguna yidhi wadankii waa xor ee shaqeeya, wakhtigii qorigu wuu dhamaadee.” Somaliland, oo muddo 25 sanno ka badan aheyd waddanka keli ah Geeska Afrika ku dhaqma dimuqraadiyada Reer Galbeedku ku faanaan ayey haddana dibomaasiyiinta Caalamku indhaha ka dul lalin jireen. Tan iyo gooni isu-taageenii, Xukuumadihii dalka hogaamiyey waxay raadinayeen sidii ay Dunida dereenkeeda u soo jiidan lahaayeen si loo helo maalgashi dhaqaalaheena kor u qaada, saboolnimadana inaga saara. Si kastaba ha ahaatee, tani iyo horaantii sannadkii 2015, markii Jabhada Shiicada xukunkii ka caydhisey Madaxaweynihii Yemen Mansour Xadi iyo bilowgii xulufada Sacuudigu hor kacaya ay soo faragelisey qalalaasaha ka aloosan Yemen, waxa isa soo tarayey isbedel stratejiyadeed oo Mandaqada Geeska Afrika iyo waddamada ku xeeran Bada Cas iyo Gacanka Cadmeed aad looga dareemey. Isbedelka Stratejiyadeed ee ka dhashey dagaalka qarsoon ee u dhexeeyey Sacuudi Carabiya iyo Iraan ayaa indhaha caalamka ku soo jeediyey Somaliland iyo Eritreya. Somaliland, walow ay tahey wadan Dawladnimadu u dhameystiran tahey, haddana waxey muddo rubuc qarni ah dedaal dheer ugu jirta sidii ay Beesha Caalamka xubin buuxda uga mid noqon laheyd. Faa’iidooyinka Dhaqaale iyo siyaasadeed ee Somaliland ka heshey Salidhiga Emaaraat iyo maalgashida DPW marka laga tago, waxa kale oo xidhiidhka Emaaratka aynu ka dhaxalney Tiir Diblomaasiyadeed oo aynu cuskano. Waana ta maanta keentey in Waddamada Geesku garowsadaan in Somaliland ayna marnaba ka maqnaan Karin isbedelka nabadeed ee Mandaqada uu ka curiyey Ra’isul Wasaaraha Ethiopia, Inskatoo Dawlada Soomaaliya ee taagta darran isku deydey in ay Somaliland go’doon siyaasadeed geliso iyadoo is laheyd ka faa’ideyso dabeysha nabadeed ee Ethioipia ka soo bilaabantey. Nasiib wanaag uma ay suurta gelin oo waxa aad inoo taagerey Isutaga Imaaratka Carabta oo maanta lexejeclo siyaasadeed inaga leh. Emiraatku wuxuu Waddamada Geeska, kuwooga ugu Awooda badan(Ethiopia, Kenya, Uganda iyo Eritrea) aaminsiiyey in Dadka iyo Dalka Somaliland muhiim u yahey heshiisyada iyo iskaashiga Geeska Afrika lagu nabadeynayo. Agoonsiga Siyaasadeed ee Somaliland marka Waddamada Reer Galbeedka la weydiiyo, waxay mar walba iskaga riixi jireen Dalalka deriska la ah Somaliland iyo Soomaaliya. Siyaasadii Arrimaha Debeda ee Somaliland waxey maanta soo hoysey Guul weyn mar haddi 5 waddan oo ka mid ah Urur Goboleedka IGAD(Ethiopia, Eritrea, Sout-Sudan, Kenya iy Uganda) qadiyadeeni gooni-isu taaga garawsadeed. Wafdigii Wasiirka Arrimaha Debbada Eritrea hoogaaminaayey ee Somaliland soo booqdey wuxuu horseed u yahey Waftiyada dhowaan la filayo in ay ka yimaadaan Dalalka Kenya, Uganda, South-Sudan iyo Ethiopia. Himliadii Shacabka xarrirta ee Somaliland waxey maanta heshey hiil iyo Garab lagu diirsado. Maxamuud-Yaasin Cabdillai Cali Brussels, Belgium Mederka1966@gmail.com Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium uga qayb galaya shir looga hadlayo ka hor-tagga iyo la dagaallanka rabshadaha salka ku haya Xag-jirnimada. Shirka oo maanta furmay qorshuhuna yahay in uu soo xirmo berri oo Jimce ah ayaa si gaar ah looga hadlayaa sidii casharro looga baran lahaa hababka guulaystay ee dalalka Afrika ay u adeegsadeen ka hor-tagga iyo la dagaallanka Xag-jirnimada, si loo wadaago hannaanka ugu habboon, loogana faa’iidaysto talooyinka khuburada. “Waxa aan ku faraxsanahay in maanta aan machadka nabadda ee Yurub, ka jeediyo khudbad aan uga hadlayo ka hor-tagga iyo la dagaallanka rabshadaha Xag-jirnimada ku salaysan,” ayuu yiri Mahdi, Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa hadalkiisa ku daray: “Nuuc kasta oo Xag-jirnimo ah waxa uu nagu hayaa dhibaato. Waa in aan kula dagaalnaa wadajir, run-sheegid, fursadaha aan haysanno iyo wada shaqayn xooggan. “Waxa aan ku jiraa xilli ay jirto caqabado dhanka amniga ah, jawaabteennu waaa in ay ahaataa mid isku xiran oo xooggan”, ayuu ra’iisul wasaare ku-xigeenku ka sheegay shirka Brussels,” ayuu kusoo xiray hadalkiisa. Kulanka oo uu marti geliyay Mahadka Nabadda Ee Yurub (EIP) ayaa waxaa kasoo qayb galay wakiillo ka soda Yurub, Afrika, Bariga, Dhexe, hay’ado calami ah iyo bulshada Rayidka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulmay ayaa waxaa guddoominayay Afhayeenka Gollahaasi, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Hoose, Cabdi wali Sheekh Ibraahim Muudey, habdhowraha golaha shacabka iyo xoghayaha golaha ayaa ka qaybgalay fadhigaasi. Xubnaha Guddiga joogtada ah ayaa ka hadlay waqtiga uu furmayo kal-fadhiga 5ad ee golaha shacabka. 27-ka bishaan Maarso oo ku beegan maalinta Arbacada ah ee todobaadka soo aadan ayaa loo asteeyay in uu si rasmi ah u furmi doono kal-fadhiga 5aad ee Gollaha Shacabka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-21032019-1.mp3 View the full article