-
Content Count
207,702 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Gudoonka Gollaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa fariin u diray Xildhibaanada ka tirsan golahaasi ee dalka ka maqan. Xoghayaha Aqalka Hoose, C/kariin Xaaji Cabdi [Buux] ayaa sheegay in mudanayaasha looga baahan in ay wadanka kusoo laabtan kahor 27-da bishaan. 27-da bishaan ayaa lagu wadaa in uu furmo kal-fadhiga 5aad ee Gollaha Wakiilada rayidka, kaasi oo socon doona muddo afar bilood ah. “Waxaa na hortaala shaqooyinka badan, marka xildhibaanada ka tirsan gollaha ee wadanka ka maqan waa in ay dalka si deg deg ah ugu soo laabtaan,” ayuu yiri. Hadalkaan ayuu Mr Buux u sheegay kadib markii shalay ay ku kulmeen magaalada Muqdisho Guddiga joogada ah ee Gollahaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay mid kale wuu ku dhaawacmay markii xalay uu ka dhacay isgoyska KM4 qarax gaari. Shaqsiga geeriyooday oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdi Kaariye, kaasi oo saarnaa gaariga ayaa la tilmaamay in uu ahaa Injirneer guryaha ah. Ruuxa kale ee dhaawaca uu soo gaarey kaasi oo goobaha caafimaadka loola cararay ayaa isna la tibaaxay in uu ahaa dhakhtar. Illaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dhacdadaan oo imaaneysa xili amniga caasimada uu u muuqdo mid faraha kasii baxaya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Sheekh Xasan Daahir Aweys oo kasoo muuqday muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada ayaa ka hadlay kiisaska kufsiga. Mr Xasan ayaa ugu baaqay hay’addaha garsoorka in ay si qoto dheer u eegaan xukunada ay ku ridayaan kiisaska kufsiga. Waxa uu soo jeediyay in xukunka lagu ridayo ragga dambi kufsi ah lagu helo uu noqdo dil toogasho ah. Hadalka wadaadka ayaa kusoo aadaya iyada oo bishii hore magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug lagu kufsaday gabar yar. Kiiskaan gabadhaasi ayaa haatan horyaalla hay’addaha cadaalada maamul goboleedka Puntland, kuwaasi oo xukunka laga sugayo. Illaa iyo todoba qofood ayaa kiisaskii ugu dambeeyay ee kufsi la xiriira ee dhacay Puntland loosoo qabtay, kuwaasi oo la sheegay in qaarkood lasii daayay. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-22032019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino cusub ayaa kasoo baxaya dagaal xalay magaalada Muqdisho ku dhex-maray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo koox hubeysan oo loo malaynayo inay yihiin Shabaab. Dagaalka ayaa ka dhacay Isgoyska Siinaay, waxaana uu billowday markii ciidamada dowladda ay rasaaseeyeen gaariga ay saarnaayeen kooxda hubeysan. Ciidamada dowladda ayaa sida ay wararku sheegayaan billaabay rasaasta kadib markii gaarigan uu jiiray goobta ay ku hubiyaan baabuurta ee Isgoyska Siinaay, kadibna kooxda hubeysneyd ayaa rasaas ugu jawaabay, taasoo keentay in goobta oo mashquul ahayd lagu kala cararro. Rasaasta la is-weydaarsaday ayaa waxay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah oo ku caweynayay maxaaqiyo ku yaalla halkaasi, ayada oo dhowr qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen. Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada dowlada Soomaaliya ay gacanta ay ku dhigeen gaarigii ay wateen kooxdii hubeysneyd, balse lama xaqiijin karo. Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa diiday inay ka hadlaan arrintan. Maalmahan ayaa waxaa Muqdisho ka jiray cabsi ku saabsan in kooxda Al-Shabaab ay soo galeen magaalada, sida ay marar badan qortay Caasimada Online, waxaana dadka qaar yaab ku noqday in koox hubeysan oo aan ahayn ciidanka dowladda ay baabuur ku dhex-maraan magaalada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Fanaanka wayn ee Salaad Maxamed Shardi oo loo yaqaano Salaad Darbi ayaa la sheegay in loo heesto lacag ay dowladda Soomaaliya ku dejisay hotel ku yaalla magaalada Muqdisho. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay fanaanka dejisay hotel, islamarkaana aysan ka bixin lacagta jiifka iyo cuntada tan iyo markii uu soo dagay hotelka. Salaad Darbi oo aan la xariirnay ayaa wali noo suurta gelin ,balse warkaan waxaa noo xaqiijiyay fanaaniin kale oo ka tirsan Hoballada Qaranka ee Waabari. Arintaan ayaa ah fadeexad iyo ceeb wayn oo ay wajahayso Dowladda Soomaaliya waxaana la filayaa in fanaanka uu iska bixiyo lacagta ay ku soo dalacayn maamulka Hotelka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Fasiraad naxdin abuurtay oo laga bixiyey qoraal lagu qoray masjid ay leeyihiin Soomaalida Minnesota Masaajid ku yaala magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayey kasoo shaac baxday xaalad kale oo islaamka lagu cabsi galinayo kadib markii masjid halkaas ku yaala lagu qoray hadalo isir naceyb ah xilli tobankii labaad ee bishaan gudaheeda wadanka New Zealand 50 ruux ay ku dhinteen weerar lagu qaaday masaajid iyadoo ay jimco aheyd. Masjidka Imaam Shaafici waa midkii ugu horreeyay oo ay jaaliyadda Soomaalida ka hirgaliyeen gobolka Minnesota, waxeyna hadda la kulmayaan hanjabaado kaga imaanaya kooxaha islaam naceybka uu ku fogaaday kuwaas oo argagax ku abuuray maamulka iyo bulshada masjidka ku cibaadeysata. Kooxahaan islaam naceybka ah ayaa ku qoray darbiga masaajidka erayo lasoo gaabiyay oo ay adag tahay iney fahmaan dadka, balse baadhitaanno lagu sameeyay ayaa la ogaaday ujeedka iyo macnaha rasmiga ah oo ay ka turjumayaan. Side wax u dhaceen waxaa idaacadda BBC-da qeybta afka Soomaaliga uga sheekeeyay Sheekh C/Qani Maxamerd Calu Qardhaawi oo ah imaamka masjidka darbigiisa qoraalka argagaxa iyo cabsi galinta leh lagu qoray. Sheek Qardhaawi ayaa faah-faahin yar ka bixiyay xog yar oo ku saabsan sidey wax u dhaceen: “Waxaan sameynay isku day ah sidii aan ku heli laheyn qofka darbiga wax ku qoray, waxaa sahal noqotay inaan ogaano waayo kaamirada masaajidka ayaa sawirtay shaqsiga oo ahaa (Lab), sida laga arkay muuqaalka, saacadda 1:03 saqda dhexe ayuu soo istaagay xilli baraf xun uu dhacayay, wuxuuna qoraalka waday afartan iyo dhawr daqiiqo, isagoo ka tagay meesha 1:45” Booliiska magaalada ayaa sameeyay ballan qaadyo ah iney baadhitaan dheer ku sameyn doonaan arrintaan, sidoo kalana imaamka wuxuu sheegay in sawirada iyo muuqaalkaba ay u gudbiyeen dadka ku shaqada leh, si kastaba fasiradda wuxuu imaamka ku sheegay in siyaabo kala duwan loo micneeyay. Laba qoraal ayaa lagu qoray darbiga kuwaas oo la fahamsan yahay iney macno weyn oo islaam naceyb ah xambaarsan yahiin. Inkastoo fasirkaan uusan baadhitaan sax ah ku imaan hadana Imaamka ayey dad kala duwan u sheegeen iney luqadaan tahay mid gaar ah oo la isku fahmo, sidoo kalana ay tahay mid argagax galin ah. Qoraalka dhanka midig lagu qoray wuxuu u qoran yahay sidan: “D2F” waxaana lagu fasiray sida la sheegay “Daacish to Finish” oo u fasirmeysa – “DAACISHA HALA DHAMEEYO” – sida laga soo xigtay imaamka qof wariye ah ayaa u sheegay iney arrintani tahay mid islaam naceyb ah. Sidoo kale qoraalka kale oo u qornaa sida “48 Hours” waxaa iyana loo fasiray wakhti qabasho lagu filinayo hawl argagax leh, waxaana la fahmay in labada qoraal isugu xiriirsan yahiin sidan: “48 saac halagu dhameeyo dadkaas (daacish)” waana sumad cusub oo la siinayo islaamka. Si kastaba inkastoo aan faah-faahin buuxda wali laga helin booliiska magaalada ee arrintaan faraha kula jira, hadana dhacdadaan waxey noqotay mid hadal heyn leh isla markaana cabsi xoog leh ku abuurtay dadka islaamka ah ee masaajidkaas mar walba ku cibaadeysta. Masaajidkaan wuxuu ku yaallaa xaafadda Cedar-Riverside oo ah mid ka mid ah xaafadaha ay dadka ugu badan ee Soomaalida ka dagan yahiin dalka Mareykanka, waxaana la ogyahay in masaajidka Imaam Shaafici la dhisay horaantii sagaashamaadkii. Qaran News
-
Minneapolis (Caasimadda Online) – Masaajid ku yaala magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayey kasoo shaac baxday xaalad kale oo islaamka lagu cabsi galinayo kadib markii masjid halkaas ku yaala lagu qoray hadalo isir naceyb ah xilli tobankii labaad ee bishaan gudaheeda wadanka New Zealand 50 ruux ay ku dhinteen weerar lagu qaaday masaajid iyadoo ay jimco aheyd. Masjidka Imaam Shaafici waa midkii ugu horreeyay oo ay jaaliyadda Soomaalida ka hirgaliyeen gobolka Minnesota, waxeyna hadda la kulmayaan hanjabaado kaga imaanaya kooxaha islaam naceybka uu ku fogaaday kuwaas oo argagax ku abuuray maamulka iyo bulshada masjidka ku cibaadeysata. Kooxahaan islaam naceybka ah ayaa ku qoray darbiga masaajidka erayo lasoo gaabiyay oo ay adag tahay iney fahmaan dadka, balse baaritaanno lagu sameeyay ayaa la ogaaday ujeedka iyo macnaha rasmiga ah oo ay ka turjumayaan. Side wax u dhaceen waxaa idaacadda BBC-da qeybta afka Soomaaliga uga sheekeeyay Sheekh C/Qani Maxamerd Calu Qardhaawi oo ah imaamka masjidka darbigiisa qoraalka argagaxa iyo cabsi galinta leh lagu qoray. Sheek Qardhaawi ayaa faah-faahin yar ka bixiyay xog yar oo ku saabsan sidey wax u dhaceen: “Waxaan sameynay isku day ah sidii aan ku heli laheyn qofka darbiga wax ku qoray, waxaa sahal noqotay inaan ogaano waayo kaamirada masaajidka ayaa sawirtay shaqsiga oo ahaa (Lab), sida laga arkay muuqaalka, saacadda 1:03 saqda dhexe ayuu soo istaagay xilli baraf xun uu dhacayay, wuxuuna qoraalka waday afartan iyo dhawr daqiiqo, isagoo ka tagay meesha 1:45” Booliiska magaalada ayaa sameeyay ballan qaadyo ah iney baaritaan dheer ku sameyn doonaan arrintaan, sidoo kalana imaamka wuxuu sheegay in sawirada iyo muuqaalkaba ay u gudbiyeen dadka ku shaqada leh, si kastaba fasiradda wuxuu imaamka ku sheegay in siyaabo kala duwan loo micneeyay. Laba qoraal ayaa lagu qoray darbiga kuwaas oo la fahamsan yahay iney macno weyn oo islaam naceyb ah xambaarsan yahiin. Inkastoo fasirkaan uusan baaritaan sax ah ku imaan hadana Imaamka ayey dad kala duwan u sheegeen iney luqadaan tahay mid gaar ah oo la isku fahmo, sidoo kalana ay tahay mid argagax galin ah. Qoraalka dhanka midig lagu qoray wuxuu u qoran yahay sidan: “D2F” waxaana lagu fasiray sida la sheegay “Daacish to Finish” oo u fasirmeysa – “DAACISHA HALA DHAMEEYO” – sida laga soo xigtay imaamka qof wariye ah ayaa u sheegay iney arrintani tahay mid islaam naceyb ah. Sidoo kale qoraalka kale oo u qornaa sida “48 Hours” waxaa iyana loo fasiray wakhti qabasho lagu filinayo hawl argagax leh, waxaana la fahmay in labada qoraal isugu xiriirsan yahiin sidan: “48 saac halagu dhameeyo dadkaas (daacish)” waana sumad cusub oo la siinayo islaamka. Si kastaba inkastoo aan faah-faahin buuxda wali laga helin booliiska magaalada ee arrintaan faraha kula jira, hadana dhacdadaan waxey noqotay mid hadal heyn leh isla markaana cabsi xoog leh ku abuurtay dadka islaamka ah ee masaajidkaas mar walba ku cibaadeysta. Masaajidkaan wuxuu ku yaallaa xaafadda Cedar-Riverside oo ah mid ka mid ah xaafadaha ay dadka ugu badan ee Soomaalida ka dagan yahiin dalka Mareykanka, waxaana la ogyahay in masaajidka Imaam Shaafici la dhisay horaantii sagaashamaadkii. Caasimadda Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
Dunta isku xiraysa dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe iyo dowladda iyo xiriirrada ay la leedahay saaxiibada Beesha Caalamka hadda waxaa laga filan karaa sansaan aan wanaagsaneyn. Dowlad-goboleedka Hirshabelle oo inta badan magac ahaan u taagan, balse aan si toos uga talin gobollada ay ku magacaaban tahay – taas oo madaxdeedu ay caasimadda ka dhigteen xafiisyadoda ku meelgaarka ah, waxay runtii aheyd arrin loo tiirinayay maamulkaas oo kaliya. Hadda waxaa soo baxaysa in maamullada kale ay ku jiraan qatar amni marba haddii gobollada ku xeeran caasimadda ay ka baxayaan gacan-ku-heynta dowladda. Sidoo kale bixitaanka qaar kamid ah shaqaalaha QM ee ku sugan Muqdisho – kuwaas oo sababo amnigooda la xiriira uga huleelaya xarunta dalka – waxay iftiimin kartaa in qatartu ka baaxad weyn tahay sida la malaynayo. Khubaradooda dersa xaaladda amni ee caasimadda ayaa xaqiijiyay in al-Shabaab ay soo buux-dhaafinayaan magaalada; waxayna hadiyo jeer awoodi karaan inay fuliyaan weerarro ka-dhan-ah saaxiibada caalamka ee badigood ku jira xerada Xalane. Halistaas ay ka digayaan waxay marwalba musiibada ugu badan gaarsiin doontaa shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo si aan xisaab laheyn ugu wax-yeelooba weerarada ay Shabaabku kusoo qaadaan ama la beegsadaan madaxda dowladda. Xilligan oo xaaladdu taagan tahay bixin la’aanta mushaharka ciidamada, dayaca iyo debecsanaanta amniga waxay fursado badan u abuuri kartaa maleeshiyada al-Shabaab. Haddii laba sannadood ay dowladdu tilmaamay inay xuquuqaadkooda u dhammeystiri jirtay ciidamada ay dhaceen falalka argagaxisanimo ah oo galaaftay nolosha rayid badan oo si naxariis darro ah ugu dhintay weerarka al-Shabaab, maxaa laga filan karaa hadda oo isla ciidamadaas aan la siinin wax mushaharaad ah? Su’aasha jawaabtan waxay u muuqan kartaa mid dahsoon. Balse marka laga qiimeeyo walaaca ay bixiyaan saaxiibada beesha caalamka ee ku sugan caasimadda – kuwaas oo hadda xaqiiqda kasoo diraya xeryo amnigooda aan loogu adkeeyey – waxaa habboon in dowladdu ku dhaqaaqdo tallaab walba oo lagu hubsan karo badqabka shacabka. Waddada kaliya ee taasi lagu gaari karo ayaana ah hubinta xuquuqda ciidamada inaysan meel cidlo ah ama aan loogu tala-gelin ku dhammaanin. Waana farriinta ay dadweynaha ku dhaqan Xamar u dirayaan xukuumadda Kheyre. Halkii ay aheyd in dowladdu ku dadaasho in xubnaha dowlad-goboleedyada ay si nabad ah ugu shaqeyn karaan gobollada ay ku magacaaban yihiin, in lagu gorgortamo sugidda amniga Muqdisho waxay rajada shacabka ku ridaysaa ceel-guntiisa. Waxayna liifadda u gaabinaysaa gaarista geeddi-socodnimada dowladnimada oo hadda taagan gebi qarkiisa. W/Q: Xuseen Axmed Gacal Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Diinta islaamka waxay aad uga hadashay dambiyada laga dhaxlo beenta, markii aad tahayna hogaamiyo kuma sii jirto ha yeeshee madaxda DF-ka Soomaaliya ee maanta talada haaya waxay si cad oo aan xishood laheyn maalin walba u sheegaan been iyo baahinta xog qaldan oo marin habaabin ah. Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa aad uga hadalaya hadaladii ugu dambeeyay ee ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ee ahaa in Dowladda ay markasta bixiso mushaarka Ciidamada waxaana shacabka muqdisho ay magacyo u bixiyeen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyrre . Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyrre, hada Muqdisho waxaa looga yaqaanaa, (Beenaale Kheyre), waxayna dadka Muqdisho kuu sheegayaan in aadnan marna rumaysan hadalka Raysal Wasaaraha Soomaaliya. Sidoo kale shacabka Magaalada Muqdisho ayaa wasiirada qaar u bixiyay Ilmaha Kheyre kadib markii ay ka been sheegayn ciidamadii Soomaaliyeed oo gaajaysan halkii ay is bar-bar taagi lahaayeen ciidamada wajahaya dhibaatada daran. Inkastoo ciidamada Soomaaliya ay u soo dhabar adeegayn waayo iyo daruufo xanuun badan hadane waxay kuu sheegayaan in ay uga sii dhib badan tahay beenta ay maalin kasta Dowladda Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ka sheegto ciidamada gaajaysan iyo dhibaatooyinka kalane wajahayaan. Madaxda sare ka sokow, waxaa ciidamada intaas u dheer aflgaadada wasiirada. Tusaale, wasiirka maaliyadda ayaa ciidamada mushaharka ka maqan yahay ku tilmaamay inay tuugo yihiin oo ay barteen laba mushahar. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Oniine) – Wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxaamed (Amar dambe) oo saxaafadda la hadlay ayaa sharaxaad dheeraad ah kabixiyay qaabka loo xalin karo xiisadda ka dhalatay gadoodka ay sameynayaan ciidamada xooga dalka. Wasiir Amar Dambe ayaa sheegay in ciidamada xooga dalka ay xaq u leeyihiin inay muujiyaan cabashadooda la xiriirta xuquuqda ay leeyihiin, isaga oo sheegay inay jiraan hanaan ciidamada ay ku muujin karaan tabashadooda. Wuxuu sheegay in arintaasi lagu xalin karo in taliyaasha kala duwan ee ciidamada sida taliyaha guutada, Hurinta iyo taliska guud ee ciidamada si dhab ah usoo gudbiyaan cabashooyinka ciidamada ay qabaan. “Marnaba raali kama noqonayo in la dulmo shaqsi ka tirsan ciidamada xooga dalka, ciidamadana waxaa laga doonayaa inay dhowraan nidaamka u degsan dowladda, qofka tabasho wuu muujin karaan, balse meeshiisa inuu ku muujiyo waaye” “Ciidanku Wuxuu leeyahay taliyaal xalin kara tabashadooda, waxaa wanaagsan isla meesha ay joogaan ku muujiyaan tabashada ay qabaan, waxaan u baahanahay in qoraal lagu soo gudbiyo tabashada ciidamada anagana waan ka shaqeyneynaa” “Ciidamadeena qaranka waxaan u sheegeynaa in wax walbaa oo aan awoodnaa inaan idinka hagran doonin, waxii cabasho ah hala soo marsiiyo dhamaan hanaanka saxda ah ee loogu talo galay, ciidamadeena dhiigooda ayay qaranka u hurayaan”ayuu yiri Wasiir amar dambe. Si kastaba, wali ma muuqato xal rasmi ah oo laga gaaray gadoodka ay sameeyeen Ciidamadii isaga soo baxay difaacyadoodii Mahadaay, Buurane, Qalimow iyo Garsaale ee duleedka magaalada Jowhar, Waxaana Muqdisho ku soo laabtay wafdigii madaxweyne Farmaajo uu u diray Sh.Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Dowlada Erateriya ayaa la sheegay inay door mihiim ah ka ciyaari doonto wada haddalada Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo lagu wado inay dib u furmi doonaan dhawaan, iyadoo todobaadkan Somaliland ay socdaal ku yimadeen wefti culus oo ka socda Dowlada Erateriya oo usoo diray Madaxqweynaha Dalkaa Isaias Afwerki. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa hore u sheegay inuu Madaxweynaha dalka Erateriya uu door mihiim ah ka ciyaarayo is badelka Geeska Afrika ka curtay, isagoo ku amaanay Mr Isaias Afwerki halgankii uu soo galay gobanimadoonkii dalkiisa Erateriya. Biixi ayaa yiri “Dabaysha ka socota ee la yidhi nabadayta geeska Afrika iyo waa laga midoobayaa ay Dowladaha qaarkood ku dhawaqeen , waxa u hormood ah Madaxweynaha erateriya Isaias Afwerki intii uu noolaa ilaa maalintuu isagoo injineer bilaabay sanadka uu horeeya uu ka tegay ilaa maanta wuxuu ku jiray Dagaal uu gobanimada ugu doonayo Erateriya 32 sano dagaal ayuu ku jiray markii dagaalkii uu dhammaday Itoobiya ayaa cod ka qaaday oo Xorriyad ayuu ku qaatay , haddan Itoobiya ayey is dileen oo ay dal isku qabsadeen dad badan oo malaayiin gaadha ayaa ku dhintay haddana 11 sano oo kale ayuu gadoon ahaa oo uu u adkaystay cadaasit kasta oo la saaray, inuu u hoggaansamo gudidii jimciyada quruumaha ka dhaxasa ee shirkii Algerias inuu aqbalo isagoo uga diiday afar mitir oo dadlkiisa oo Baadhama Tuullada ah xadka u jirta in laga qaado oo cid kale la siiyo ayuu tu wal-ba u maray tiisii ayey noqotay caalamka oo dhan ayaa halkiisii ugu yimi Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa la idhi ugu tag Asmara adigu oo dhulkii dhulkii aad ku muranteena sii isagana talada ka qaado , wuxuu muujiyey inuu muraadkii uu dalkiisu lahaa halgan uu uga hadhi waayey ilaa cidii ku haysatay uu ku xukuntay.” Waxaanu intaasi ku daray Madaxweyne Biixi in qadiyada Somaliland ay ka sii adagtahay taa uu kasoo waramay ee Dalka Erateriya “Somaliland kaa wey ka sii adag tahay.” Ayuu yidhi Madaxweyne Biixi Dhanka kalene Ismaaciil Xuseen Farjar, oo ka tirsan xarunta daraasaadka siyaasadda ee loo soo gaabiyo magaceeda CPA ayaa sheegay inay Erateriya ay door ku yaalan doonto wada haddalada Somaliland iyo Soomaaliya. “Door mihiim ah ayey ku yeelan kartaa laba arrimood-ba mar erateriya waxay haatan xubin fir-fircoon ka tahay urur goboleedka IGAD , markaa IGAD-na waa dadka gobolka ee ugu dhow arrinta Soomaalida in go’aan laga gaadho , qodobla labaadna waxa weeye Erateriya waxay saxiib dhow wakhti dheer la’ahayd Soomaaliya oo Madaxweyne Farmaajona aad ayey iskugu dhow yihiin marka aad iminka eegtid siyaasadda erateriya xiligii inoogu dambaysay, markaa saamayn badan ayey ku yeelan kartaa .” Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Click here Qaran News
-
Click here Qaran News
-
Sifooyinka Siyaasiga iyo Saameynta Siyaadda Wasiir Ahmed M. Seed? Qalinkii: Abdirashiid Yoonis Hagar. Qalinkii: Abdirashiid Yoonis Hagar. Qormaddii 3aad. Salamullahi Calaykum dhamaan Shacabweynaha reer Somaliland meel kasta oo aad kala joogtaan waxaan go’aansadey in aan idiin iftiimiyo siyaasada Wasiir Ahmed Moumin Seed iyo doorka uu ku leeyahay gobolka Awdal ee uu ka soo jeedo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Mudane Ahmed Moumin Seed. Ahmed Moumin Seed wuxuu xil ka qaadis ku sameeyey xilal dhowr ah oo uu ka mid ah Isuduwihii Wasaaradda Beeraha ee Gobolka Awdal oo uu ku badaley gabadh ay isku hayb yihiin ka dib markuu ogaadey in uu mar dambe soo noqon doonin oo ay la tagi doonto seefta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo la filiyo in uu isku shaandheyn balaadhan ku samayn doono dhamaan hayadda dawladda ee 1 sano jirsatey. Wasiir Seed wuxuu aar goosi iyo hiil cad uga tuurey xilka Isuduwihii hore ee Wasaaradda Beeraha oo ay isku hayb ahaayeen Musharaxii Madaxweyne K/X ee Xisbiga Waddani kaas oo wakhtigaas kaga adkaadey golaha dhexe oo wakhtigaas soo dooraneyey Musharaxiinta Madaxweyne iyo Madaxweyne K/Xigeen. Isla wakhtigaas oo uu Wasiir Seed ka baxay xisbigii uu mudada dheer ku soo jirey ee Waddani isaga iyo garab kale oo isaga la aragti ahaa ka dib ay heshiis hoose la galeen Xisbul Xaakimka Kulmiye sidaasna uu xubin buuxda uga noqdey xisbiga Kulmiye, ma la is odhan karaa mudane Wasiir Seed aar goosi ayuu uga qaadey xilkii isuduwihii wasaaradda beeraha ee gobolka Awdal oo ay hayb dhow ahaayeen musharaxaas Waddani ee ay is hayeen mudane Seed. Mudane Wasiir Seed ma aha shakhsi mug iyo miisaan culus ku leh goboladda Galbeedka iyo sidoo kale Beesha uu ka soo jeedo isaga oo aan xidhiidh dhow la lahayn beeshiisa oo dhamaan ay ka biyo diidan yihiin siyaasad xumida Seed taas oo ku dhisan eex iyo qaraabo hoose oo uu ku soo koobey dhamaan kuraastii ka dhaxeysey Beeshiisa. Wakhtigii dhaweyd ee Xisbiga Kulmiye shirka ku qabsaneyey Magaaladda Borama waxaa Wasiir walba uu xisbigu siinyey tiro ergooyin ah kuwaas oo lagu martiqaadey shirka golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye balse Mudane Seed wuxuu keeney kaliya 2 card oo uu ka soo qaadey Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga Kulmiye Ahmed Abdi Dheere. Wasiir Seed wuxuu been cad iyo khiyaano ku sameeyey dhamaan beeshiisii oo isaga ka dhur sigeysey in uu yahay shakhsiga maanta ku matala Dowlada Biixi balse aanu noqon sidii loo haystey iyo si u dhow. Wasiirku wuxuu wakhtigiisa inta u badan galiyaa in uu helo xogo ku saabtey shakhsiyadiisa si uu kursiga u sii joogana wuxuu iska laaluusha dhamaan cida uu u arkayo in ay dhib ku tahay joogitaankiisa Wasiirnimo. Gabogabadii iyo gunaanadkii waxaan madaxweynaha ka codsanaynaa in uu hoos u eego falalka iyo balan qaadyadda beenta ah ee uu Wasiir Seed markasta saxaafadda ka sheego isaga oo aan fulinteeda haynin, mudane madaxweyne qaranka iyo dhacabweynaha jamhuuriayadda Somaliland rag iyo haweenba way ka daleen beenta iyo buunbuuninta Wasiir Seed ee fadlan shaqada uu hayo dib u eegis ku samee waxaad arki doontaa mudo gaaban gudaheed in uuna u qalmin jagada Wasiirnimo ee uu ku tagri falo markasta isaga oo danihiisa gaarka ah ku fushada dayaceyna inta u badan beeshiisa Habar Cafaan xilkiina ku soo koobey jufada hoose ee uu ka soo jeedo taas waxaa loo arki karaa cunsirayad qayaxan oo uu ku talo galey Wasiir Seed balse uu dheefteeda arki doono dhawaan. Qalinkii: Abdirashiid Yoonis Hagar Abdirashiid1982@gmail.com Qormaddii 3aad La soco qeybaha kale Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo dheeraad ah ayaa la geeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, halka ciidanka ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya banaanka loo soo saaray iyagoo wata gaadiidka dagaalka kadib cabsi ka dhalatay ciidamada gadoodka ah ee wali ku sugan degmada Balcad. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho la geeyay ciidan dheeraad ah oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya si loo adkeeyo amaanka garoonka diyaaradaha. Sidoo kale ciidanka ilaalada Madaxtooyada ee keydka ahaa ayaa banaanka loo soo saaray iyadoo 4-ta Kontarool ee laga ilaaliyo Madaxtooyada la dhigay gaadiidka dagaalka oo dhowr xabo ah. Wararka kale ee aan helnay ayaa sheegaya in Madaxtooyda laga joojiyay in agagaarkeeda lala yimaado wax ka badan 4 Askari oo istaaf ah, iyadoo lagu wargeliyay wasiirada qaar ee lagu ilaaliyo dhowr gaari ee Cabdi bilaha ah. Arimahaan oo dhan ayaa waxaa sabab u ah Ciidamo katirsan Milateriga Soomaaliya oo sameeyay gadood kuwaas oo sheegay in aysan istaagi doonin ila magaalada Muqdisho ay kasoo galaan. Ka sokow ciidamadan, waxaa sidoo kale cabsida qeyb ka ah in haddii ciidanka soo galaan Muqdisho aysan jirin doonin cid Shabaabka gobollada Shabeellooyinka ka hor-istaagaysa inay Xamar soo galaan, maadaama ciidankii gadooday ay yihiin kuwi hortaagnaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-21032019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari oo caawa ka dhacay isgoyska KM 4 ee Muqdisho. Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhashay gaari lagu soo rakibay waxyaabo qarxa oo uu saarnaa ruux aan wali la aqoonsan waxa uu yahay. Hal qof oo ah shaqsiga watay baabuurka ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi, kaasi oo loola cararay goobaha caafimaadka si loo daaweeyo. Ciidamada amaanka ayaa meesha ay wax ka dhaceen tagay, wallow aanan lasoo warin hadii ay sameeyeen howlgal. Ma jirto koox illaa iyo haatan sheegatay mas’uuliyadda falkaan, oo kusoo aadaya xili amniga caasimada uu u muuqdo mid faraha kasoo baxaya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Kulanka golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ay Muqdisho ku yeesheen maanta ayaa lagu ansixyay Istaraatiijiyadda iyo Qorshaha Dhab-u-heshiinta Qaranka oo ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib-u-heshiista Soomaaliya isla markaana lagu soo go’aamiyey tubta siyaasadda loo dhanyahay. Golaha ayaa cod wadar ogol ah ku ansixiyay Istaraatiijiyadda iyo Qorshaha Dhab-u-heshiinta Qaranka oo muhiim u ah dalka maadaama laga soo kabanayo dagaallo, lana doonayo in dalka laga hirgeliyo nidaam dimuqaraadiya oo sax ah lana jaan-qaadi kara dunida, dadka Soomaaliyeedna ay aaminsan yihiin. Shirka maanta oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa sidoo kale lagu meel mariyay wax ka bedel lagu sameeyay sharciga canshuuraha iyo dib-u-eegsi lagu sameeyay sharciga dawladda Hoose. Golaha Wasiirrada oo kulankooda maanta ku oggolaaday soo jeedin ay golaha soo hor-dhigtay Wasaaradda arrimaha dibadda xukuummadda federaalka Soomaaliya, ayaa Cabdixakiim Cumar Cabdullaahi (Cameey) u dallacsiiyay darajada safiirnimo. Shirka golaha wasiirrada ayaa magacii hore looga bedelay hay’addii Saadaasha Hawada iyo Duulista Rayidka oo loo bedelay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wararka laga helayo isgoyska KM 4 ee Muqdisho ayaa sheegaya in qarax gaari uu ka dhacay halkaasi. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa laga cabsi qabaa in uu geystay, inkasta oo aananu wali caddeyn tiradda saxda ah. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in goobta ay soo gaareen ciidamada amaanka, kuwaasi oo isu socodka hakad geliyay. Wixii kusoo kordha kula soco wararkeena dambe View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dhawaqa qarax aad u xoogan ayaa laga maqlay magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qarax xoogan uu ka dhacay agagaarka KM4, waxaana dad ku sugan agagaarka goobta wax ka dhaceen ay sheegayaan in qaraxa uu aad u xooganaa. Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa mid gaariga loogu xiray ruuxii watay. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa lagu xiray mid kamid ah gaadiidka raaxada. Gaariga ayaa waxaa gaaray burbur xoogan, waxaana ilaa iyo hadda aan la sheegin khasaaraha ka dhashay qaraxa caawa dhacay. Warar dheeraad ah oo aan helnay ayaa sheegaya in ruuxii watay gaariga loo malaynayo inuu ku dhex gubtay, maadaama sida la sheegay gaari uu socday xiliga qaraxa uu dhacayay. Hoos ka daawo Sawirada iyo Muuqaalka qaraxa. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/Ruuxii-watay-ayaa-ku-geeriyooday-gaari-goor-dhaw-ku-qarxay-Isgoyska-Km4-ee-Mu.mp4 La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Waxaan dib u saxaynaa war Caasimada Online ku baxay 17-kii bishan oo lagu sheegay in ciidamada madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Cali Guudlaawe, ay ka qeyb-galeen dagaal beeleedyada degaanka Burdheere. Kadib baaritaan aan samaynay waxaan soo xaqiijinay in ciidanka meesha ku dagaalamay ay ahaayeen kaliya kuwo beeleed, oo ciidamada Guudlaawe aysan wax lug ah ku lahayn dagaalka. Waxaan arrintaas ka raali-gelinaynaa madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabelle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com